Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,387
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka ee Puntland ayaa maanta shaaciyey natiijada hordhaca ah ee doorashadii shalay ka dhacday degmooyinka Qardho, Eyl iyo Afeyn oo ay dadweynuhu codkooda dhiibteen, si ay u doortaan golayaasha degaanka degmooyinkaasi. Natiijada hordhaca ah ee la shaaciyey ayaa ah illaa 11 goobood oo ka mid ah xarumihii ay shalay ka dhacday doorashada ee saddexdaas degmo. Sida ay muujinayo natiijada la shaaciyey waxaa hoggaanka haya Ururka Kaah ee uu hoggaamiyo madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni. Ururada tartamaya oo gaaray illaa sideed ayaa waxa ay kala heleen:- Ururka Kaah 1687 cod, Ururka Mideeye 1300 cod, Ururka Sincad 1248 cod, Ururka Mustaqbal 192 cod, Ururka Horseed 180 cod, Ururka Runcad 47 cod, Ururka shaqaalaha xoogsatada 13 cod iyo Ururka Ifiye 8 Cod. Dhanka kale guddiga ayaa weli sugaya qaar ka mid ah sanaadiiqda doorashada ee goobaha kale ee ay ka dhacday doorashada, taas oo ay ku xiran tahay natiijada rasmiga ah. Doorashadan oo aheyd mid tijaabo ah ayaa waxaa codadkooda dhiibtay illaa 37,578 qof oo isku diiwaan-geliyey codeynta doorashada, kuwaas oo ka codeeyey illaa 54-goobood. Si kastaba, Puntland oo la aasaasay kowdii August 1998-dii ayaa dhowr jeer isku dayday qabashada doorasho qof cod ah, walow aysan u suura-gelin, waxaana hadda loo gartay in lagu tijaabiyo degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn oo dhammaan hoostaga maamulkaasi. The post Natiijada doorashooyinka Puntland – Yaa ku horeeya? appeared first on Caasimada Online.
  2. Wararka naga soo gaaraya magaalada Afgooye ee gobalka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay xubna ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ciidamada dowladda ay ku lahaayeen degmada. Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa shaaciyay in ay iska caabiyeen al-shabaabki weerarka ku soo qaaday fariisimaha ciidamada dowladda ay ku lahaayeen degmada Afgooye. Illa iyo hadda macadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay magaalada, wararka qaar ayaana sheegaya in seddax qof ay ku dhinteen dagaalka oo xalay saqdii dhexe dhacay. Al-shabaab ayaa tiro dhowr jeer oo horay fariisimaha ciidamada dowladda ee shabeellooyinka weeraro noocaan oo kale ah ku qaaday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Waxaa la shaaciyay goordhaw natiijada doorashada degmada Ufayn ee Puntland, sida ay ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinka Puntland. Sagaalka xisbi siyaasadeed ee doorashada galay ayaa degmada ka helay codod kala duwan, iyadoo xisbiga uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, ee KAAH uu ku hor kacayo Ufayn natiijada ay shaaciyeen guddiga doorashooyinka. Xisbiyada ayaa kala helay:- ︎Kaah 1687 ︎Mideeye 1300 ︎Caddalad &Sinaan 1248 ︎Horseed 180 ︎Mustaqbal 192 ︎Runcad 47 ︎Shaqaalaha 13 ︎Ifiye 8 ︎Dhalinyarada 11 •Wadarta 5366 •Codadka Xumaaday 598 •Codadka lagu muransanyahay 29. Source: goobjoog.com
  4. Hoggaanka Ahlusunna Waljamaaca ayaa ka hadlay dagaalka degmada Guriceel ay kula galeen Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah, kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac tiro badan ah. Qoraal ka soo baxay hoggaanka Ahlusunna ayaa waxaa lagu sheegay in ay soo dhaweeynayaan baaqii nabadda ahaa ee kasoo baxay qaar kamid ah Midowga Musharixiinta iyo baaqyaa nabadeed oo ay soo saarayaan waxgaradka, Siyaasiyiinta & Culimadda. Sidoo kale Ahlusunna Waljamaaca ayaa waxaa ay sheegeen in ay aqoonsan yihiin jiritaanka Maamulka Galmudug iyo in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhan yahay, balse ay ka xun yihiin wixii ka dhacay Guriceel. PUNTLAND POST The post Ahlusunna oo war ka soo saartay dagaalka Guriceel appeared first on Puntland Post.
  5. Waxaa heer gaba gaba ah saaka oo Talaada ah maraya tirinta codadka doorashada qof iyo codka ah ee sida horudhaca ah looga qabtay degmooyinka Ufeyn, Qardho iyo Eyl. Natiijada doorashada ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay si rasmi ah ugu dhawaaqan guddiga doorashooyinka dowlad gobaleedka Puntland. Guddiga oo saaka ku dhawaaqay natiijada degmada Ufeyn ayaa shaaciyay in saacado kadib si rasmi ah loogu dhawaaqi doono natiijada doorashada Qardho iyo Eyl. Doorashada golayaasha deegaanka Puntland ee degmooyinka seddaxda ah ayaa noqonaya nooci ugu horeyay ee tan iyo 1968 lagu qabto dalka marka laga reebo Somaliland oo iyado mudde dheer qabaneysay doorasho dadweynaha ay codkooda dhiibtaan. Waxaa isdiiwaan geliyay 46,839 codbixiyayaal ah , halka kaararka la bixiyey ay gaareen 37,578, magaalooyinkana waxaa ugu dad badan Qardho oo la diiwaangeliyey 25,405 iyo kaararka la qeybiyey 20,620, Ufeyn sidoo kale dadka la diiwaangeliyey waa 9,964 kaararka la qeybiyana 8,287 halka Eyl la diiwaangeliyey 11,470 kaararka la qeybiyana waa 8,671. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. (SLT-Riyadh)-Sacad Al-Jabri oo hore u ahaan jiray sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Sacuudiga ayaa ku eedeeyay dhaxal-sugaha boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan, inuu qorsheeynayo dilkiisa. Al-Jabri wuxuu hore ugu tirsanaa saraakiisha sare ee laanta sirdoonka Sacuudiga. Sacad Al-Jabri waxay aad isugu dhowaayeen dhaxal sugahii hore, Maxammed bin Nayef, wuxuuna masaafuris ahaan uu ku joogaa dalka dibaddiisa, in ka badan seddax sanno, si wayn ayaana loo ilaaliyaa amnigiisa. Wuxuu ku nool yahay Canada. Sarkaalkan horey uga tirsanaa sirdoonka Sacuudiga ayaa sheegay in dhaxal-sugaha uu kireystay koox calooshood u shaqeystayaal ah si ay isaga u dilaan. Jabri ayaa mar uu wareysi siinayey barnaamijka ’60 Minutes’ ee telefishinka CBS News, wuxuu sheegay in qorshaha ah in la dilo uu bilowday markii uu dalka cararay, ka dib markii xilka dhaxal-sugaha uu la wareegay Maxamed Binu Salmaan, sannadkii 2017. Wuxuu intaa ku daray in mid ka mid ah saaxiibbadiis uu uga digay in uu waajihi doono mid la mid ciqaabtii uu maray wariyihii ka soo horjeeday boqortooyada, Jamal Khashoggi,. Khashoggi waxaa lagu dhex dilay qunsuliyadda uu sacuudiga ku leeyahay magaalada Istanbuul, sida baadhitaanno hore lagu ogaaday. Markii la baahiyay hordhaca wareysiga inta uusan telefishinka ka bixin, waxay safaaradda Sacuudiga ee Washington bayaan ay soo saartay ku tilmaantay in Sacad Al-Jabri uu ahaa sarkaal hore oo dowladda ka tirsanaa “loona haysto dambiyo la xidhiidha dhaqaalaha”. Al-Jabri ayaa barnaamijka u sheegay: “Digniinta aan helay waxay ahayd in aanan u dhowaanin hawlgal kasta oo Sacuudigu ka fuliyo Canada. In aanad tagin qunsuliyadda, in aanan aadin safaaradda … Waxaad ku jirtaa liiska ugu sarreeya.” Wuxuu xusay in xubno ka tirsan sirdoonka Sacuudiga ay yimaadeen Canada bishii Oktoobar 2018. Mas’uuliyiinta Canada-na ay u diideen in ay dalka soo galaan markii ay ka been sheegeen hadafkooda, lagana helay waxyaabo laga shakiyay. Ma jiro jawaab rasmi ah oo ilaa iyo imika ka soo baxday xukuumadda boqortooyada Sacuudiga. Balse saraakiisha Canada ayaa barnaamijka ’60 Minutes’ u sheegay inay “ka warhayaan dhacdooyin ay dhinacyo ajnabi ah isku dayeen in ay u hanjabaan dad ku nool Canada,” islamarkana hanjabaadahaas ay yihiin kuwo gebi ahaanba aan la aqbali karin. Al-Jabri wuxuu sheegay in kooxdan ay ka kooban yihiin urur loogu magac daray “Kooxda Shabeelka” islamarkana ay yihiin kuwo uu Maxamed Bin Salmaan, u soo kareysto “dilalka aan sharciga waafaqsanayn, kufsiga iyo jirdilka”. Ninkan sirdoonka ahaan jiray ayaa sidoo kale sheegay in mas’uuliyiinta Sacuudiga ay xidheen laba ka mid ah 8 wiil oo uu dhalay, taas oo uu ku tilmaamay ‘aargoosi’ ​​ka dib markii uu ka cararay boqortooyada. “Halkan waxaan ka dirayaa qaylo-dhaan ku saabsan, gacan ku dhiiglaha Bariga Dhexe, kaas oo haysta kheyraad badan, waxaa uuna qatar ku yahay dadkiisa, Mareykanka iyo guud ahaan caalamka,” ayuu yidhi Al-Jabri. Waa kumaa Al-Jabri Al-Jabri wuxuu sannado badan ahaa gacanta midig ee Amiir Muxammad bin Nayef, dhaxal-sugihii hore ee boqortooyada sacuudiga. Sacad Al-Jabri reer Galbeedka aad ayay u qaddarin jireen, ka dib kaalintii uu ka qaatay xakamaynta al-Qaacida ee boqortooyada, gaar ahaan 10-kii sano ee ugu dambeysay qarnigii tagay. Wuxuu ahaa tiirka u dhaxeeya sirdoonka Sacuudiga iyo sirdoonnada Mareykanka, Britain, Canada, Australia iyo New Zealand. Al-Jabri waa nin aad u deggan oo aamusnaan badan, waxaa uuna haystaa shahaadada PhD, wuxuuna ka qallinjabiyay jaamacadda Edinburgh. Wuxuu xilal badan ka soo qabtay dowladda Sacuudiga, ilaa uu ka gaaray xubin ka mid ah Golaha Wasiirrada, wuxuuna dhanka ciidamada ka gaaray darajada Janaraal. Laakiin sannadkii 2015-kii ayay wax walba is badaleen ka dib geeridii boqor Cabdalla, oo ay walaalo ahaayeen boqor Salmaan, oo kursiga la wareegay ka dibna wiilkiisii ​​Muxammad na ku riixay jagada wasiirka gaashaandhigga. Labo sano ka dib waxaa Maxamed Binu salmaan loo magacaabay dhaxal-sugaha Sacuudiga, waxaana meesha ka baxay Amiirkii Dhaxalka lahaa Maxamed bin Nayef. Bin Nayef ayaa ilaa iyo hadda ku jira xabsiga waxaana lagala wareegay hantidiisii. Waxaa sidoo kale xilalka laga qaaday saraakiishii la soo shaqeeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Markii uu xaalka halkaasi marayay ayuu Sacad Al-Jabri u baxsaday dalka Canada. Source
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdo murugo leh ayaa xalay fiidkii hore ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan xafadda Obasiibka ee degmada Wadajir, kadib markii wiil dhalinyaro ah uu Aabihiis ku dilay Mindi ama Toorey uu kaga dhuftay dhanka wadnaha. Marxuumka oo qiyaastii 60 jir ahaa ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cismaan Garboojo, wuxuuna caan ka ahaa suuqa weyn ee degmada Wadajir oo uu ka shaqeysan jiray. Wararka ayaa sheegaya in wiilka dilka geystay oo isna 20 jir ah uu goobta isaga baxsaday, kadib falkaasi, waxaana magaciisa lagu sheegay Cabduqaadir Cismaan Garboojo. Mid ka mid ah raggii ay isla shaqeyn jiray Aabaha la dilay ayaa ka warbixiyey, sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in isbitaalka loo qaaday, kadibna uu geeriyooday Aabaha. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu baxsaday wiilka dilka geystay, isaga oo ugu baaqay saraakiisha laamaha ammaanka in gacanta lagu soo dhigo eedeysanaha baxsadka ah. “Innaa lilaahi waa innaa ileyhi raajicuun mid aan suuqley isla nahay oo Garboojo la dhahaayo oo suuqaas weyn aan wax iskala dhacsaneynay aa wiilkiisa mindi ku dhuftay wiilkiisana waayey,” ayuu yiri mid ka mid ah ragga ay isla shaqeynayeen marxuumka. Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Annaga suuqa ayaan joognay taleefoon ayaa naloo soo diray isaga oo isbitaalka loo qaaday marka laga soo celiyeyna meyd ayuu ahaa wiilkiina waa baxsaday,”. Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in muddooyinkii lasoo dhaafay uu miran ka dhex jiray qoyska iyo wiilka dilka geystay oo la sheegay inuu lahaa balwad, isla-markaana uu isticmaalayey daraagis, sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah ehellada marxuumka. Dhacdadan ayaa si weyn la yaab ugu noqotay dadka deegaanka, waxaana guriga marxuumka buux dhaafiyey dadweyne isaga kala yimid xaafadaha Muqdisho. The post Wiil dhallinyaro ah oo si arxan darro ah xalay aabihiis ugu dilay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  8. Nairobi (HOL)- There is disquiet amongst traders and business people who operate in Eastleigh due to a garbage menace affecting local business. Source: Hiiraan Online
  9. Somalis were never confident that their interests could be protected by “their” government. The primary reasons for that are due to the apparent weakness of the Somali state compared to Kenya. Somalis reasonably believe that their government can be bullied or corrupted into an unfair agreement or is not sufficiently competent to negotiate a fair diplomatic deal. That is why they overwhelmingly supported the case going to the ICJ. Source: Hiiraan Online
  10. Mogadishu (HOL) - Demonstrators in Mogadishu protested against the ongoing clashes between government security forces and Ahlu Sunna Waljama'a forces in the Guriel district of Galgadud. Source: Hiiraan Online
  11. Basra (Caasimada Online) – Howlgal militari oo ay sameeyeen ciidamada dowladda federaalka iyo Amisom ayaa kooxda Al-Shabaab loogala wareegay gacan ku haynta magaalada muhiimka ah ee Basra ee gobolka Shabeellaha Hoose. Basra ayaa waxaa muddo haystay kooxda Al-Shabaab, halkaasi oo ay kasoo qaadeen weeraro badan oo dhimasho leh oo lala beegsaday Amisom, ciidamada dowladda iyo dad shacab ah. War-saxaafadeed kasoo baxay Amisom ayaa lagu sheegay in howlgal socday 16-kii illaa 22-kii October oo fuliyeen ciidamada Gorgor, oo taageero ka helaya Amisom, uu horseeday in Al-Shabaab. Howlgalkan toddobaadka socday ayaa ku billowday ayada oo ciidamada Gorgor iyo Amisom ay eryadeen Al-Shabaab ku sugnaa tuullada Baghdad ee gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidamada ayaa kadib dhexda u galay Al-Shabaab baxsad ahaa, tuulada Nadar Salaam, oo qiyaastii 1.5km Koonfur ka xigta magaalada Basra. Taliyaha qeybta koowaad ee ciidamada Jeneraal Don Nabasa ayaa sheegay in qabsashada Basra ay muhiim tahay, sababtoo ah waxay aheyd saldhig ay weeraro dhimasho leh marar badan kasoo qaadaan Al-Shabaab. “Basra waxaa sidoo kale loo adeegsan jiray in lagu soo diyaariyo baabuurta qaraxyada laga soo buuxiyo iyo in lacagta canshuurta looga qaado beeraleyda iyo ganacsatada gudaha,” ayuu yiri Jeneraal Don Nabasa. Dowladda Soomaaliya ayaan weli dhankeeda war kasoo saarin qabsashada Basra. The post Ciidamada DF oo gacanta ku dhigay magaalada Basra appeared first on Caasimada Online.
  12. Libya-based fugitive Kidane Zekarias Habtemariam is sought by Europol after escaping prison in Ethiopia, where he was convicted of extortion, kidnapping, and torturing migrants to death Source: Hiiraan Online
  13. The sheep died first, then the goats. When her only camel perished, Yurub Abdi Jama knew that her life as a herder was over, and joined the exodus from her village to the city. Source: Hiiraan Online
  14. Sudanese people protest in the streets as international outcry raised over military move Source: Hiiraan Online
  15. Puntland (HOL)- The United Nations (UN) praised Puntland for holding its first-ever 'one person, one vote electoral process in three regional districts. Source: Hiiraan Online
  16. MOGADISHU (Reuters) - Fighting in Somalia's Galmudug state between the Somali army and its former ally, the Ahlu Sunnah Wal Jama'a militia, has killed 120 people over the past three days, a senior ASWJ official said on Monday. Source: Hiiraan Online
  17. Hordhac Qatar, waa wadan bulsho ahaan iyo balac ahaanba aad u yar balse galaan-gal dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo aad loola fajacay kuyeeshay aduunka 20-kii sanno ee ugu danbeeyay. Wadankaan yar waxuu waayahan danbe tiir dhexaad u noqday iskusoo-dumida ama dhex-dhexaadinta qilaafaadka, dajinta iyo jaangoynta siyaasadaha iyo hab maamulka dowlado badan. Doorka xalinta qilaafaadka ee Qatar ayaa xilliyadaan danbe gaaray ama kahormaray kuwa dowladaha ugu awooda badan caalamka waana sababta keentay inay dowladahaas xal bidaan inay Qatar uga danbeeyaan xal u helida mushkilado farabadan oo ay ugu horeyso arrinta siideynta maxaabiista kujirtay gacan Jabhat Al-Nasr, shabakada Xaqqani, ISIS iyo Taalibaan. Qatar waxay aduunka ka iibisay in wadahadal lala-galo Taalibaan, waana dalkii koowaad ee ugurmaday Taalibaan oo sabab u noqday howl-galinta gagida diyaaradaha dalka iyo xafiisyada kale ee dowlada ayadoo dhowaanahan kuguuleysatay inay shir balaaran iskugu keento Midowga Yurub, Mareykanka, wakiilada Qaramada Midoobay iyo Ingiriiska kuna qanciso balanqaadka yabooh dhaqaale oo ay Afghanistan iyo Taalibaan baahi badan u qabaan xiligan. Qatar waxay ka libin keentay go,doomintii ay xulufada Sucuudiga saareen ayadoo gurmad ka helaysa dalal ay kasbatay. Juquraafi ahaan Qatar waa wadan yar oo kuyaala galbeedka qaaradda Aasiya, marka Soomaaliya lala barbar-dhigana balac ahaan kanoqonnaysa wax-kayar 2% dhulka Soomaaliya ama 15 jeer balac ahaan kayar magaalada Washington ee dal Mareykanka, waana dal ay dadka soo galootiga ah ee usoo shaqo tagay ay siddeed jibbaar ka badan yihiin muwaadiniinta dalka u dhalatay oo lagu qiyaaso wax-kayar 400,000. Qatar waa dal cimilo ahaan kulul, dhulkiisa inta ugu badanna uu saxaro yahay oo ay kuyar yihiin biyaha dabiiciga ah iyo dhul beereedka wax-soosaarka leh. Xukunka Qatar, waxaa xukunkeeda gacanta kuhaya Amiir Tamim Bin Hamad oo sannadkii 2013-kii uu xukunka ku wareejiyay aabihiis Hamad Bin Khalifa oo qudhiisa xukunka af-gambi uusan dhiig ku daadan ugala wareegay aabihiis Khalifa Bin Hamad sannadkii 1995-kii mar uu dalka safar uga maqnaa. Qatar, waa dal aysan kajirin fur-furnaan siyaasadeed oo dhanka xisbiyada ah, Amiirka oo gacanta kuhaya hay’adaha sharci dajinta, fulinta iyo garsoorka, ayaa soo magaacaba raysal-wasaaraha iyo xukuumada dalka asagoo la tashanaaya golaha wadatashiga dalka oo u badan qoyska boqortooyada ah. Hadana, wuxuu dalkan ku najaxay xasilooni sidaasadeed iyo horumar baahsan oo dhanka bulshada ah. Dhaqaalaha Qatar waxay hodon kutahay kheyraadka dabiiciga ah sida saliidda iyo gaaska oo wax-soosaarka dhaqaalaha dalka 90% ka ah. Qiyaastii 30% gaaska aduunka laga isticmaalo waxuu ka imaadaa Qatar ayadoo keydkeeda saliidda lagu qiyaaso (25 bilyan oo fuusto). Qatar waa dalka ugu horeeya dhanka soo saarista iyo dhoofinta gaaska waana dalka saddexaad ee keydka gaaska ugu badan leh marka laga tago Russia iyo Iran. Dhaqaale aad u balaaran oo ay garab-socdaan maamul iyo maareyn aragti fog leh ayaa u horseeday inuu dalkaas kamid-noqdo kuwa ugu dhaqaalaha, horumarka bulshada, kaabayaasha dhaqaalaha, dhismayaasha iyo xasiloonida fiican Bariga-dhexe iyo aduunka, muwaadiniinta u dhashay Qatar oo tiro ahaan aad u kooban ayaa qiyaas ahaan noqonaya dadka ugu dhaqaalaha badan aduunka marka loo –eegaayo qoondada shaqsi kasta kusoo aadaysa (GDP Per capita). Qatar oo dhaqaalaheedu ku tiirsanaa wax-soosaarka tamarka saliida iyo gaaska, waxay goorhore dareentay in caalamku doonayo inuu yareeyo isticmaalka tamarta gaaska iyo batroolka si loo dhimo waxyeeladiisa deegaanka iyo noolaha. Hadaba, si ay u yareyso kutiir-sanaanteeda shidaalka, waxay daaha karogtay mashruuca loo yaqaano ‘kala duwista dhaqaalaha’ ama (Economic diversification), kaasoo lacag gaareysa 400 oo bilyan oo dollar uu Sanduuqa Hantida Madaxa-banaan (sovereign wealth fund) ee Qatar ku maalgaliyey kudhowaad 40 dal oo ay ugu horeeyaan Mareykanka, Ingiriiska, Rushka, Jarmalka, Faransiiska iyo Turkiga. Meelaha miisanka leh ee ay Qatar maalgashiga ku sameysay saamigana ku leedahay waxaa laga xusi karaa airport-ka London ee Heathrow, shirkada diyaaradaha British airways, Bangiga Barclays, shirkada baabuurta Jarmalka ee Volkswagen iyo bangiga Deutsche Bank, Rwand-air iyo Kigali airport, airport-ka caalamiga ah ee Moscow Vnukovo iyo shirkadda tamarta Rosneft, kooxda k/cagta ee Paris saint Germain iyo suuqa sarifka saamiyada ee Turkey-ga. Siyaasadda Qatar, 20-kii sanno ee ugu danbeysay waxay lasoo baxday dar-dar xoogan oo dhanka siyaasadda arrimaha dibeda ah, gaar ahaan naq-shadaynta siyaasadda Bariga-dhexe oo ay ciyaarayso door lala fajacay. Quburada falanqeysa siyaasadda iyo awooda dowladaha waxay awooda dal uu leeyahay ka fiiriyaan baaxadda dhulka iyo muhiimada goobta uu aduunka kaga-yaalo dalkaas, tirada bulshada iyo aqoontooda, tirada iyo cududa ciidanka dalkaas, hufnaanka iyo taageerada ay dowlada dalkaas ka haysato shacabkeeda iyo kheyraadka dabiiciga ah iyo wax-soosaarka uu wadanku leeyahay. Qatar marka lagu cabiro halbeeg-yadaas, malahan bulsho tiro badan, ciidan cudud leh, mana lahan dhul baaxad weyn laakiin waxay leedahay kheyraad dabiici ah oo u horseeday koror dhaqaale iyo hanaan dowladeed oo xasiloon wallow aysan kajirin furfurnaan baahsan oo dhanka siyaasada ah, waxayna kutaalaa gobol 30-kii sanno ee ugu danbeysay hareeyay siyaasadda iyo aminga aduunka. Hadaba, sidee dal sida Qatar oo kale u yar ugu suuragashay inuu hindiso siyaasada lagu maamulayo dalal badan oo aduunka kuyaala? sidee kunoqotay dalka waqtigaan ugu firfircoon dhanka dhex-dhexaadinta khilaafaadka dalalka iyo kooxaha is-haya? Maxay ku kasbatay inay Sacuudiga, Masar iyo Imaaraadka kaga hormarto siyaasadda gobolka? Side ayey uga bad-baaday go,doomintii xulufada Sacuudiga? Sidee iskaga leexisay eedahii lagu xiriiriyay ururada arga-gixisada? Go,aannada lidka isku ah ee Qatar qaadatay Qatar oo adeegsanaysa diblomaasiyadda awoodda dabacsan ‘Soft Power diplomacy’ ayaa masraxa siyaasadda aduunka kusoo kordhisay in iskaashi iyo xiriir mar-qudha ah lala wada sameyn karo wadamo ama dhinacyo is-diidan oo dab iyo baaziin isku ah ayadoon dhinac gaar ah u xaglinayn ama aanan la safan. Go,aanada iyo xiriirada qar iskatuurka ah ee Qatar qaadatay waxaa laga xusi karaa: Saldhiga ciidamadda cirka Mareykanka Al-Udeyd iyo iskaashiga Iran: Qatar waxaa kuyaala saldhiga ugu weyn ee ciidanka cirka Mareykanka ee Bariga-dhexe, misna waxuu xuduud dhuleed, xiriir ganacsi, mariin hawada ah iyo mid siyaasadeed la leedahay dalka Iran oo aysan cidna ka daahsoonayn heerka cadaawad soojireen ee kala dhaxaysa Mareykanka. Hadaba, sidee Qatar ugu hirgashay inay labadaas dal weel waxkula wada cunto ayadoon midkoodna sigaar ah ula safan ama u goyn? Kamid ahaanshaha Golaha Iskaashiga Khaliijka & xiriirka Aq-waanul Muslimiin: Sida la og-yahay, Qatar waa dal kamid ah Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), oo ah wadamo ay ka arrimiyaan boqoro qaab dhiig-wadaag ah iskugu gudbiya xukunka, kuwaasoo fal-celin adag kula kaca cid-walba oo soo haweysata kuraastooda ama kasoo horjeesata. Ururka Aq-waanul Muslimiin oo faracyo iyo taageero badan kuleh wadamo badan oo dhulka Carabta ah ayaa mudodheer aad ugasoo horjeeday xukunka boqoradan asagoo rumeysan in xukunkoodu baalmarsan yahay danaha iyo rabitaanka ummada Islaamka taasoo ugu danbeyn horseeday in dalalka Sacuudiga, Masar iyo Imaaraadku 2014-kii u aqoonsadaan urur arga-gixiso ah. Qatar oo ayaduba dal boqortooyo ah ayaa sida lahayo soodhaweyn iyo taageero weyn u fidisa ururka Aq-waanul Muslimiin gaar ahaan dhaq-dhaqaaqyadii dhicisoobay ee Masar, Libya iyo Syria. Yaanan iloobin in xubnaha ugu waaweyn ee ururkan oo uu kamid yahay sheikh Yusuf Al-qardaawi ay kunool yihiin dalka Qatar. Hadaba Soo wax lala yaabo maahan inay Qatar kamid tahay Golaha Iskaashiga Khaliijka misna naas nuujiso Aq-waanul Muslimiin oo lid ku ah xukunka boqoradaan?. Siyaasad kale oo cajiib ah iskadheh! Qaddiyada Falastiin iyo xiriirka Israail:Waxaa la sheegaa in Qatar lagasoo bilaabo 1996-kii ay xiriir hoose oo iskaashi dhanka ganacsiga iyo ciyaaraha ah la laheyd Israel wallow uu xiriirkaas heerar kaladuwan soomaray, ayadoo aanan ka tanaasulin qadiyada dadka reer Falastiin. Qatar sida la ogyahay waxay si furan oo aan gabasho laheyn u taageerta dadka kunool Gaza ee hoostaga ururka Xamaas ayadoo bixisa yabooha ugu badan ee dhaqaale, halka uu waliba in mudo ah dalkeeda kunool-yahay hogaamiyihii Xamaas Khalid Mishcal oo hada xilkaas ku wareejiyay Ismaaciil Haniya. waliba ku darso in dowladaha reer Gabeedku Xamaas ugu jirto liiska arga-gixisada. Hadaba, soo layaab kale maahan in Israel iyo Xamaas midba dantiisa gaarka ah lagula macaamilo? Xiriirka dalalka reer Galbeedka iyo ururada Taliban, Jabhat Al-Nusra, iyo Shabakadda Xaqaani: Qatar waxay xiriir xoogan oo dhinacyada ganacsiga, dhaqaalaha, difaaca, dhaqanka iyo siyaasadaba mudo dheer la laheyd wadamada reer Galbeedka oo qarnigan awooda aduunka gacanta ugu jirto. Gulufkii loogu magac daray ‘dagaalka argagixisada’ ee Mareykanku iclaamiyay waxaa dowladaha lahordhigay laba doorasho oo aheyd waxaad la jiraysaan Mareykanka iyo xulufadiisa ama wadamadii iyo kooxihii uu duulaanku ku wajahnaa oo uu ku shabadeeyay argagixiso iyo taageerayaal argagixiso. Waxii markaas ka danbeeyay waxaa wadamada aad ugu adkaa in lagu tuhmo ama ay cilaaqaad la sameeyaan kooxahaas. Laakiin Qatar oo kucaana-maalaysa siyaasadeeda dabacsan oo iskugujirta howlgalka furan iyo midka daahsoon (overt & covert operations) ayaa xiriir iyo wadaxaajood kaladuwan la sameysay kooxaha Jabhad Al-Nusra, Haqqani,Talibaan iyo maamulka Bashar Al-asad ayadoo ku guulaysatay inay soo dayso laheystayaal farabadan oo iskugujira suxufiyiin, askar, samafalayaal iyo qeybo kale. Inkastoo ay Qatar la kulantay eedayn ah inay gacansaar la leedahay ururadaas hadana wey kuguulaysatay inay wadamada reer Galbeedka ku qanciso inuusan xiriirku dhaafsiis-nayn mid u kala dab-qaadis iyo isku soodhaweyn ah taasoo dalalka reer Galbeedka tusisay in Qatar tahay balaayo loo baahan yahay. Tusaale waxaa arrintan u noqon kara sidii ay Qatar ugu kala dab-qaaday Mareykanka iyo ururka Talibaan markii ay suuragalisay in lasii daayo askarigii Mareykanka ahaa Bowe Bergdahl oo ay Taalibaan ku badalatay 6 xubnood oo ku xirnaa xabsiga Guantanamo Bay oo maanta qeyb ka ah xukuumada KMG ah ee Taalibaan oo ay xigtay yag-leelida Xafiiska Taalibaan ee Doha oo ugu danbeyn suuragaliyay inay Qatar, Mareykanka iyo Talibaan wada dajiyaan qorshahii bixitaan ee Mareykanka. Doorka iddaacada Al-jazeera iyo dhaqanka siyaasadda Qatar: Waxaa adag in laga hadlo awooda iyo saameynta Qatar ayadoon lasoo hadal qaadin idaacadda Al-Jazeera. Qatar ayaa sannadkii 1996-kii ku guuleystay inay dhidibada u taagto iddaacada Al-jazeera Carabiya kadib markii ay iskusoo aruurisay shaqaalihii Carbeed ee laga ruqseeya iddaacada BBC-da laanteedii Bariga dhexe. Al-Jazeera ayaa durba soo jiidatay dareenka shacabka Carabta ayadoo xog-aruurin la sameeyay waqtiyar kadib lagu ogaaday inay idaacaddan ku xiran yihiin dad lagu qiyaasay boqolaal milyan ah oo ku nool dalalka Carabta kuwaasoo markii ugu horeysay fursad u helay idaacad leh warar, barnaamijyo kaladuwan iyo doodo kulul oo aan faaf-reeb laheyn ama ka madax-banaan gacmaha dowladahooda. Qatar oo doonaysa inay aduunka gaarsiiso aragtideeda siyaasadeed, dhaqan dhaqaale iyo horumarka ay ku talaabsatay ayaa markale sannadkii 2006-dii daaha ka rogtay laan kubaxda luuqadda English-ka oo aduunka ku leh wax kabadan 70 xarumood. Tv-ga Al-jazeera waxaa Loolan xoogan oo dhinacyo badan ah lagalay Tv-yada Al-Carabiya, Skynews Arabiya, Arabnews iyo kuwakale oo ay taageerayaan Sacuudiga iyo Imaaraatka laakiin sida muuqata kama libin keenin. Al-Jazeera waxay noqotay meel ay codkooda kusoo gudbiyaan dad badan oo aduunka daafaheeda kunool kuwaasoo caburin iyo xad-gudubyo kala kulmayey dowladahooda ayadoo doorweyn ku laheyd kicinta iyo dhiiragalinta dadkii Carbeed ee ka qeyb-qaatay banaanbax-yadii iyo dagaaladii ka dhacay Masar, Libya, Tunusia, Yemen iyo Syria taasoo ay ku mutaysatay dareen taageero iyo cadaawad leh. Sannadkii 2017-kii, waxaa Qatar xiriirka u jaray Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar oo mudo ka cabanayey doorka Al-Jazeera ee gobolka gaar ahaan habka qayaxan ee ay ururka Aq-waanul Muslimiin iyo Shiicada Carabta kasoo jeeda u adeegsadaan Al-Jazeera, sharuudahoodana kusoo daray in albaabada la iskugu dhufto idaacaddan, wallow uu iskudaygaas dhicisoobay maadaama uu xiriirka dowladahaas iyo Qatar dib usoo laabtay ayadoo aan la dhaqangalin sharuudahaas iyo kuwa kaleba. Hadaba, layaab kale ayaa ah in iddaacada Al-jazeera u ololeyso hirgalinta maamul dimuquraadiyadeed oo ay asal u tahay doorasho xor iyo xalaal ah, tartan xisbiyo iyo fur-furnaanta afkaarta dadweynaha taasoo aan ka jirin Qatar qudheeda loona turjuman karo oraahdii aheyd ‘Cilmigeyga qaado oo camalkeyga ka tag’. Gunaanad Qatar oo adeegsanaysa xeelado ay gadaal kataagan yihiin maalgashi uu horbood kayahay sanduuqa hantida madaxa banaan (Soveriegn wealth fund), iskaashi iyo fur-furnaan dhaqanka iyo waxbarashada ah, awooda saxaafada, hal abuurida madal sharafeedyo lagu dhiiragalinayo shaqsiyaadka u ololeeya nabadda, ladagaalanka musuqa iyo wada-noolaanshaha diimaha ayaa Qatar ka dhigay dal wax laqeybsada wadamada ugu cududa weyn aduunka. Sida muuqata Qatar waa dal yar oo sawir iyo fahan buuxa ka haysta sida loogu noolaan karo caalamka ayadoon cadow iyo saaxiib dhab ah midna la sameysan waana mida uu ku muteystay inuusan albaab-na ka xirmin. Qatar waxay sannadka soo socda marti galin doontaa koobka aduunka ee k/cagta kaasoo qiyaas ahaan ay kasoo qeyb-gali doonaan taageerayaal kor u dhaafaya 3 milyan oo qof waxaana arrintaan hirgalkeeda suuragal ka dhigay dabacsanaan, shaah u shubid iyo xod-xodasho xeeladeysan oo lagu qanciyey dowladihii iyo shaqsiyaadkii ay talladu ka go,day. Hadaba, waxaa dalkaan yar laga baran karaa inaysan awoodu ku xirnayn weynida, dhaqaalaha iyo cududa ciidan ee dal uu leeyahay kaliya balse loo baahan yahay firfircooni, rabitaan iyo ka go,naansho inaad raad iyo saameyn ku yeelato dhacdooyinka aduunka ah. Qatar maanta waxay udub dhexaad u tahay jaangoynta xasiloonida, siyaasada, dhaqaalaha iyo cilaaqaadka aduunka ka dhacaya. W/Q: Xamdi Wardheere Maxamed zudeys9@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post QATAR: DAL aad u yar oo adduunka ka yaabiyey appeared first on Caasimada Online.
  18. Waa kumaa ninka la wareegay talada dalka Suudaan? Sareeya gaas Abdel Fattah Abdelrahman Burhan oo la dhaarinayo Sarkaalka ugu sarreeya ciidamada militariga Sudan, Cabdul fataax Cabdelraxman Burhan, ayaa ku dhawaaqay in dowladda iyo golaha Wasiirada la kala diray, ka dib afgembigii saaka dhacay. Wuxuu hadal ka jeediyay telefishinka qaranka. Sareeya gaas Cabdil fataax Al-Burhan ayaa sidoo kale ka mid ahaa saraakiihii hoggaaminayay afgembigii xilka looga tuuray madaxweynihii hore ee dalkaas, Cumar Xasan al-Bashiir. Waa kumaa Abdel Fattah Abdelrahman Burhan? Cabdil Fataax Al-Burhaan wuxuu noqday madaxweynaha golihii ku meelgaarka ahaa ee militariga ay sameeyeen ka dib markii Al-Bashiir xilka laga tuuray. Wuxuu shaqadaas kala wareegay wasiirkii difaaca Janaraal Cawad Ibn Cawf, kaas oo xilka ka degay ka dib hal-maalin oo uu hayay. Wuxuuna hoggaaminayay saraakiishii xilka ka tuuray Al-Bashiir, madaxweynihii hore ee Sudan. Ibnu Cawf, ayaa bishii April ee 2019-kii shaaciyay in uu Cabdil fataax Al-Burhan, u xushay in xilka uu ku wareejiyo, waxayna ahayd tallaabo ay dadka oo dhan soo dhoweeyeen. Wuxuu markaas noqday Taliyaha Militariga. Sida ay qortay wakaladda wararka ee Anadolu Agency, Sareeya Gaas Cabdi Fataax Burhan wuxuu dhashay sannadka 1960-kii wuxuuna ku dhashay tuulada Kundato oo ku taallo wabiga Niil. Burhaan oo ah sargaal militari isla-markaana in badan siyaasadda ku soo jiray wuxuu hadda si ku meel gaar ah u hayaa guddoomiyaha golaha militariga Suudaan oo talada kala wareegay madaxweynihi hore Cumar Xasan al-Bashiir. Ninkan oo dhashay sannadkii 1960, wuxuu ka mid ahaa ciidamada ilaalada xuddudaha Suudaan kaddibna waxaa loo magacaabay madaxa arrimaha militariga ee Safaaradda Suudaan ay ku leedahay dalka Shiinaha. Intaa ka gadal wuxuu Burhaan noqday taliyaha ciidamada ilaalada xudduudaha Suudaan, wuxuuna markiba u sii dallacy taliyaha ciidamada dhulka Suudaan. Sareeya gaas Abdel Fattah Abdelrahman Burhan Wuxuuna tababara militari uu ka soo noqday dugsiga tababarka ciidamada oo ku yaalla bariga dalka Suudaan, wuxuuna taliya u soo noqday ciidamada Suudaan ee dagaalka kula jiray jabhadda SPLA ee ka dagaallameysay Suudaanta Koonfureed 2011-kii xorriyadda intii aysan qaadan ka hor. Madaxweynihi hore ee Suudaan Cumar Xasan al-Bashiir ayaa la kulmay mudaharaadyo xooggan oo xukunkiisa looga soo horjeeda, wuxuuna al-Bashiir uu isku shaandheyn uu ku sameeyey ciidamadiisa. Bisha Fabraayo 26-keedi ayaa Burhaan markale loo magacaabay taliyaha guud ee ciidamada dhulka ee dalka Suudaan. Waxaana xusid mudan, Burhaan inuu ka mid ahaa seddexda sargaal ee iclaamisay in al-Bashiir xilka laga tuuray. Sareeya gaas Abdel Fattah Abdelrahman Burhan Burhaan xilli uu hoggaaminayey ciidamada Suudaan ee ku sugan Yemen wuxuu dhawr jeer booqasho uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta. Dad aad ugu dhaw Burhaan waxay sheegayaan inuu wax xiriir ah uu la lahayn ururrada diimaha iyo kuwa siyaasadeed midna. Waxaa kale oo ay sheegeen inuu yahay sargaalka keli ah ee ay maxkamadda dambiyda dagaalka calaamiga ay wax dacwad ah u haysanin. Wasiirka Gaashaandhigga Cawad Ibn Cawf, oo khudabad soo jeediyey 11-ka April xilliga ay ciidamda talda Suudaan la wareegeen wuxuu sheegay iney ciidamada talada dalka Suudan la wareegay ay u billaabatay 2 sano oo dowlad ku meel gaar ah oo ay xilka soo hayn doonaan. Hase yeeshee, Ibnu Cawf ayaa saacado kaddib xilka iska casilay isaga oo sheegay inuu xilka ku wareejinayo Burhaan kaddibna xilka la wareegay loona dhaariyey. Burhaan waxaa uu beddelay Cawad Maxamed Axmed Bin Cawf oo ahaa wasiirka gaashaandhigga dalka Suudaan. Sareeya gaas Abdel Fattah Abdelrahman Burhan oo mudahradyaasha la hadlaya Qaran News
  19. Madaxweyne Muuse Biixi oo Qasriga Madaxtooyada Kulan isku soo horfadhiisiyey Garabyo isku khilaafsan Shirweynaha Ciise Muuse+Qodob ka soo baxay! Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa xaqiijiyey in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Muuse Biixi Madaxtooyada isaggu keenay garabyada guddiyadda Beelweynta Ciise Muuse oo isku khilaafsanaa qabaashada Shirweynaha Beelaha Ciise Muuse. Madaxweynaha ayaa la qaatay in Beeshu xaq u leedahay inay shir danahooda ku saabsan qabsadaan, balse waxa uu labada garab ka codsaday in midow Lagu qabto, isla Markaana intaa ka horaysa mudada shirka ka hadhsan la dhameeyo guddiyada Beelaha Ciise Muuse, gaar ahaan Guddida qaban-qaabada Shirweynaha Beelaha Ciise Muuse ee Kulan Global iyo Guddida Dan iyo Duco. kulanka labada guddi ee Beelaha Ciise Muuse ayaa waxa si weyn uga dhex shaqeeyey isu-soo dhoweyntooda masuuliyiin xilal haya iyo Madaxweynaha. kulankan ayaa u Madaxweynuhu ku heshiisiiyey labada Dhinac ee guddiyada kala ah Guddida qaban-qaabada Shirweynaha Beelaha Ciise Muuse iyo xubno kamid ah guddiyada Dan iyo Duco, waxana halkaa guddi uu dhammaynta khilaafka u Saaray saddex xubnood oo isku soo dhoweyn iyo heshiiska sii wadi doonta, waxana kamid ah xubna haldoorka iyo Madax-dhameedka isaggu jira ee Madaxweynuhuu u gartay in Shirkana Beeshu qabsato, wixii khilaaf ah si sulux ah Lagu dhameeyo Mujaahid Ibraahim Cabdilahi Dhego-weyne iyo Cheif Caaqil Axmed Caaqil Yare iyo Caaqil Cumar Jaamac Cilmi. Shirweynaha Beelaha Ciise Muuse, ayaa la filayaa inuu qabsoomo Badhtamaha bisha fooda inagu soo haysa ee November. Qaran News
  20. FURNAANTA IYO LA XISAABTANKU DAWLAD WANAAGGA AYAY QAYB KA TAHAY Gartay ee 7 milyan oo loogu deeqay Horumarinta Magaalada Berbera meel ay marayaan mashariicdii loogu talo galay in lagu maalgeliyo halkee ayuu xaalkoodu marayaa? In Golaha Degaanka Berbera ay is waydiiyaan sax baan u arkaa waana loo baahan yahay in dadka reer Berbera iyo guud ahaan Somalilandba wax kala socdaan waana muhiim. Balse sida xaalku yahay hadda cid wax ka sheegtay maan maqlin. Waa imisa mashruuc? maxay kala yihiin? imisa ayaa loo qoondeeyay mashruuc kasta? imisa ayaa dhamaaday? imisa ayaa socda? imisa ayaa qorshaysan oo aan fulintoodu weli bilaabmin? (completed, on going, planned). Hadii furnaan iyo la xisaabtan (transparency and accountability) ay jirto waa muhiim in Mayorka Berbera uu soo bandhigo si faahfaahsanna uga warbixiyo Weliba warbixin qoraal ah u gudbiyo Golaha Degaanka. Hadiise ay tahay Maayarku isaga ayaa keligii ku shaqo leh oo xataa Golaha uu Gudoomiyaha u yahay xaq uma laha in ay wax ka waydiiyaan yaa xaq ugu leh in uu u warbixiyo ee kale? Ma Madaxtooyada oo keliya? Taasi waa sheeko kale nidaamka dawladnimadana way ku xun tahay ee kuma fiicna Qaran News
  21. Guddiga doorashooyinka KMG ah ee Puntland ayaa shaaciyay Natiijada hordhaca ah ee doorashadii ka qabsoontay degmada Ufayn Haddaba hoose ka daawo muuqaalka. PUNTLAND POST The post Puntland: Natiijada hordhaca ah doorashada degmada Ufayn oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
  22. Guddoomiyaha Midowga Africa, ayaa walaac ka muujiyay waddanka Suudaan kadib markii ciidamada Milaterigu la wareegeen xukunka dalka. Guddoomiyaha Africa Muuse Faki ayaa ku baaqay in la sii daayo ra’iisal wasaare Cabdullaahi Xamduuk iyo dhammaan mas’uuliyiintii la xiray. Bayaan kasoo baxay Midowga Africa ayaa looga baaqay Milateriga in ay ixtiraamo u muujiyaan heshiisyadii hore loo galay iyo xuquuqda siyaasiyiinta. Bayaanka ayaa intaas ku daray, in wada hadal lagu dhammeeyo dhammaan waxa la isku khilaafsanyahay si loo ilaaliyo dimuquraadiyada xilliga kala guurka ah ee dalka Suudaan. PUNTLAND POST The post Midowga Afrika oo ku baaqay in la sii daayo ra’iisal wasaarihii dalka Suudaan appeared first on Puntland Post.
  23. Daacish Ururka Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax ay dad ku dhinteen oo Sabtidii ka dhacay maqaayad ku taalla dalka Uganda. Baarayaasha ayaa sheegaya in haweeney 20 jir ah lagu dilay saddex qof oo kalena lagu dhaawacay qarax fiidnimadii Sabtidii ka dhacay maqaayad ku taalla waqooyiga caasimadda Kampala. Booliiska ayaa sheegay in walxa qarxa looga tagay miis hoostiis, taasi oo muujinaysa in howshan ay fuliyeen kooxo aan aqoon durugsan u laheyn, waxayna hoos u dhigeen in ay wax xiriir ah la lahayd shabakad shisheeye. Hase yeeshee, farriin ay Daacish soo dhigatay boggeeda isgaarsiinta ayay ku sheegtay in ay weerarka fulisay, waxayna sheegatay in ay dishay laba qof shanna dhaawacday. PUNTLAND POST The post Daacish oo sheegatay mas’uuliyadda qarax ka dhacay dalka Uganda appeared first on Puntland Post.