-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xildhibaannada Baarlamanka Puntland oo fasax kooban ka soo laabtay ayaa lagu wadaa in ay maanta yeeshaan fadhiga 17-aad kal-fadhigooda 49-aad. Fadhiga maanta ayaa sida qorshaysan looga doodayaa Xeerka dalxiiska Puntland oo ay soo gudbisay wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta iyo dalxiiska. Xeerkan waxa akhriska labaad ku sameeyay guddiga Arrimaha bulshada, dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Baarlamanka. PUNTLAND POST The post Maxaa looga hadlayaa kulanka maanta ee Baarlamanka Puntland? appeared first on Puntland Post.
-
Somaliland: Halbowlaha Dunida ugu Muhiimsan “Somaliland oo ku taalla juquraafiyan goob istiraatiiji ah waxay ka dhigtay marinka ugu muhiimsan ee ganacsiga caalamiga” Hargeysa (Dawan)- Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu sifeeyay Juquraafi ahaan bogcadda ugu istiraatiijisan dunida, sidoo kalena ah Is-goys halbowle u ah isu socodka ganacsiga caalamiga, siyaaasadda, tamarta iyo Amniga Adduunka. Taasina ay tahay muhiimadda sii kordhaysa ee loolanka sii xoogaysanayo ee dunida. Warbixin lagu daabacay mareegta caalamiga ah ee English.lokmat ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay goob istaraatiiji ah oo ku talla Is-goyska Galbeedka Aasiya, Geeska Afrika iyo Badweynta Hindiya. Iyada oo taariikh ahaan goobtan oo u dhow marin-biyoodka Babel-Mandeb, ay tahay mid halbowle ah Warbixintaas oo lagu daabacay luuqada Ingiriisiga oo Dhammaystiran waxay u qornayd sidan:- “Dekedda Berbera iyo halka ay Somaliland ku taal juquraafi-siyaasadeed oo ah isgoysyada Galbeedka Aasiya, Geeska Afrika iyo Badweynta Hindiya, waxay u badan tahay inay qaadan doonto muhiimadda istiraatijiyadeed ee sii kordhaysa, marka loo eego loollanka sii xoogaysanayo ee adduunka. Taariikh ahaan, goobta istiraatiijiga ah ee dekedda Berbera ay ku taallo oo u dhow marin-biyoodka Babel-Mandeb, oo ah halbowlaha ugu muhiimsan ee ganacsiga caalamiga ah iyo amniga tamarta adduunka, ayaa soo jiidatay quwado shisheeye. Dhawrkii sanno ee u dambeeyay, Imaaraadku wuxuu saldhig adag ka samaystay Berbera. Dhanka kale Imaaraadka, Itoobiya iyo Somaliland ayaa wada-gaadhay is-bahaysi lagu horumarinayo aagga dhaqaalaha ee Berbera. Waxa kale oo bishii June ee sannadkan lagu daah-furay xarun cusub oo konteenarada laga hirgeliyey dekedda magaalada Berbera ee Somaliland. Dalkan Jamhuuriyadda Somaliland waa dal ka go’ay Soomaaliya, mana jirto dawlad kale oo aqoonsan. Dekadda Berbera waxa ay ku taal xeebta koonfureed ee gacanka cadmeed. Imaaraatka, horumarinta dekedda Berbera iyo dhismaha iskaashiga istiraatijiyadeed ee Somaliland waxay u adeegaysaa laba ujeedo oo xidhiidh ah: inay ka hor yimaaddaan hor-u-marintii agabka dekedda Jabuuti ee maraakiibta ku sii jeeday Kanaalka Suweys iyo ballaadhinta saamaynta ay ku leeyihiin Geeska Afrika. Imaaraadku wuxuu ku sugan yahay Somaliland iyo Yementa Koonfureed, waxaanu ku sugan yahay mawqif juqraafiyeed oo laga masayri karo: wuxuu si dhow ula socon karaa gacanka cadmeed ee istiraatiijiga ah, wuxuuna qaabayn karaa arrimaha istaraatiijiyadeed ee gobolka. Danaha Hindiya Gacanka Cadmeed waa qayb muhiim ah oo ka mid ah deriska badeed ee Hindiya iyo xafiiltan xooggan oo u dhexeeya quwadaha waaweyn, waxay hoosta ka xariiqayaan baahida loo qabo kordhinta joogitaanka istiraatiijiga ah ee Hindiya ee gobolka. Hindiya ayaa dhawaan safaaradeeda ka furatay dalka Jabuuti, waxaana ay si joogto ah u ballaadhineysaa xidhiidhka ay la leedahay Geeska Afrika. Si rasmi ah ma jiro wax xidhiidh ah oo dhex maray Hindiya iyo Somaliland. In Somaliland la fadhiisto waxay balaadhin doontaa joogitaanka Hindiya waxayna noqonaysaa mid waxtar u leh la socodka dhaqdhaqaaqyada Shiinaha ee gobolka. Hindiya waxay u adeegsan kartaa xidhiidhka ay la leedahay Imaaraadka si ay xidhiidh cusub ula samayso Somaliland. Marka la barbar dhigo siyaasadda aan xasilloonayn iyo nabad-gelyo la’aanta ka jirta Soomaaliya. Somaliland waa dal dimuqraadi ah oo xasilloon oo ammaan ah. Tani waxay sidoo kale u adeegi doontaa ujeeddadeeda ah in isha lagu hayo dhaq-dhaqaaqyada Shiinaha ee gobolka iyo inay noqoto awood ay kula xisaabtanto Gacanka Cadmeed. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shaaciyey inay diyaariyeen in ka badan 20 hay’adood oo loogu talo-galay in ay ka hortaagan dembiyada la xiriir socdaalka iyo waxyaabaha keeni kara amni darada. Wasiirka ayaa sheegay inay si adag uga hortagi doonaan hay’adahaas Maandooriyaha khamriga, badeecooyinka aan sharciga aheyn iyo waxyaabaha kale ee qeybta ka ah amni darada ee lasoo geliyo caasimada dalka ee Muqdisho. Waxa uu intaas kusii daray inay sare u qaadi doonaan adkeynta amniga iridaha laga soo galo caasimadda, ayada oo kulamo looga arrinsanayo arrimahaas lagu ballaarin doono guud ahaan dalka, si loo sugo amaanka iridaha laga soo galo dalka oo dhan. Wasiir Cabdullaahi Nuur ayaa ugu dambeyntiina xusay inay jiraan fal dambiyeed ay ka hortageen hay’adahaas intii ay shaqeynayeen, kuwaasi oo dalka ka dhici lahaa, sida uu sheegay. Arrintan ayaa wax badan ka bedeli karta amni darada caasimada Soomaaliya ee Muqdisho oo inta badan lasoo geliyo qaraxyo lagu soo farsameeyay deegaanada ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Cabdullaahi Maxamed Nuur oo shaaciyey qorshe cusub oo la xiriira amniga Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Diblomaasi Maraykana oo shaaciyey inay fiicnaan lahayed in somaliland lagu daro Shir-madaxeed uu M/weynaha Maraykanku qabanayo Safiirkii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Dalalka Itoobiya iyo Biniin Amb. Timbor Nagy, Ayaa ka hadlay Shir lagaga hadlayo Dimuqraadiyadda oo Madaxweynaha Maraykanku uu bishan sagaalkeeda qabanayo. Shir-madaxeedkan, ayuu sheegay inay ka qayb-galayaan illaa 111 Waddan, kuwaasi oo ay ku jiraan 17 Waddan oo ka mid ah Afrika, laakiin wuxuu uu jeclaan lahaa in Somaliland lagu daro Dalalka lagu marti-qaaday ee Taiwan ka mid tahay. Delighted that Taiwan is invited to Prez Biden's Dec 9 Democracy Summit along with 111 nations, including 17 from Africa. In a just world Somaliland – the little nation that can – would also be included. Given "democracy's" awful year – it needs a booster shot. — Tibor Nagy (@TiborPNagyJr) December 3, 2021 Qoraal uu Ambassador Timbor Nagy ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka, ayuu ku yidhi “Waxaan ku faraxsanahay in Madaxweyne Biden uu Taiwan ku martiqaado Shir Madaxeedka Dimuqraadiyadda ee dhacaya 9-ka December, iyada oo ay weheliyaan 111 waddan, oo ay ku jiraan 17 ka socda Afrika…” Timbor Nagy, wuxuu sheegay in Somaliland lagu daro Dalalka Shirkan lagu marti-qaaday, maaddaama oo ay tahay Qaran wax qaban kara “Qarankan yar ee Somaliland waa lagu dari lahaa (Dalalka lagu marti-qaaday Shirka), marka la eego sanadkan ku xun dimuqraadiyadda awgeed…” Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga maamulka doorashada xildhibaanada labada Aqal ee Somaliland (SEIT) ayaa asteeyey qoondada Haweenka ee kuraasta Golaha Shacabka ee beelaha kasoo jeeda gobollada Waqooyi (Somaliland). Warqada kasoo baxday Guddiga doorashooyinka Somaliland oo uu ku saxiixnaa Madaxa Qoondada Haweenka, Maxamed Shaafici ayaa waxa lagu soo saaray 13 kursi oo si gaar ah loogu xiray Haweenka. “Si waafaqsan heshiisyadii 17-ka Sep 2020, 27 May 2021 iyo 22 August 2021 ee doorashada, Guddiga hirgalinta doorashooyinka kuraasta gobolada Waqooyi (Somaliland) ee SEIT waxaa ay soo gudbinayaa shaxda kuraasta haweenka laga doonayo beelaha iyo jufooyina,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mahdi Guuleed ayaa wada qorshe meesha looga saarayo matalaada dhabta ah ee dumarka ee beeshiisa, si dhamaan kuraasta Ciida-gale u noqdaan kuwo ka yimaada un rag. Mahdi Guuleed oo inta badan awoodda beeshiisa gacanta ku haya ayaa aaminsan in Kursiga gabar uu yeelan doono seygeeda ama ninka guursan doono, taasi oo ka dhigan in hadii gabar xildhibaan laga dhigo Ninka guursada uu leeyahay kursigaas, taasi oo meesha ka saareysa mataalada uu soo saaray Guddiga doorashooyinka Somaliland. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo asagu ah madaxda u sareysay ee gobolada Waqooyi ayaa galaan-gal weyn ku leh doorashada kuraasta Somaliland. Hoos ka aqriso shaxda reeraha iyo qoondada haweenka: The post Guddiga doorashada oo soo saaray qoondada haweenka ee beelaha Somaliland iyo Mahdi Guuleed oo diidan appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha midowga musharaxiinta ayaa cadeeyey mowqifkooda iyo tallaabooyinka u qorsheysan inay qaadaan, xilli shirar xasaasi ah ay uga socdaan magaalada Muqdisho. Shirka golaha oo maanta galay wajigiisa labaad ayaa waxaa ku biiray siyaasiyiin ay ka mid yihiin Cumar Cabdirashiid, Cabdullahi Sanbaloolshe iyo Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo shir jaraa’id qabtay kulankii maanta kadib, ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshaha golaha, wuxuuna sheegay in tallaabada koowaad ee ay qaadayaan ay tahay inay wada-hadallada fursad siiyaan. Go’aankan ayaa yimid ayadoo ay jirtay cabsi la qabay iyo hadal-heynta in midowga musharaxiinta ay dib u soo celiyaan ciidankii bishii April Muqdisho ka dhex dagaalamay ee badbaado qaran, Cabdiraxmaan waxa uu cadeeyey in Golaha uusan ku jirin deg deg gacan ka hadal ah oo looga jawaab celinayo xaalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka. Cabdiraxmaan ayaa sheegay in hadafka golaha midowga musharaxiinta uu yahay inay dalka ka dhacdo doorasho daahfuran oo lagu wada qanco, balse haatan uu socdo boob doorasho oo bareer ah, balse si ka fiirsi leh ay uga baaraan-degayaan sidii ay kaga jawaab celin la haayeen sida ay wax u socdaan. “Waxaan darseynay maalmahaan in aan eegno fursadaha na hor yaalla ee wax lagu toosi karo, in boobkaan sii socdana lagu istaajin karo, mar kastana waxaan qaadan doonaa go’aanka danta dalka iyo dadka ay ku jirto, sida ugu fiyoobida badan, uguna dhibka yar ee qaranka iyo dowladnimada u fiican aan ka fikirno, deg deg naguma jiro,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay u cadeynayaan, inay mudnaanta siin doonaan in wax la hagaajiyo, la isku yimaado, lagana wadahadlo caqabadaha jira. “Soomaalidu hadii ay isku timaado waa heshiisaa, anaguna taas ayaan mudnaanta sii doonaa, taas macneheeduna maaha in fursadaha kalena aysan miiska saareyn, waan derseynaa fursadaha aan heysano, waxaana ku dhaqaaqi doonaa wixii danta dalka, dadka iyo dowladnimadu ay ku jirto, waana taas inta golahaan uu ku wada joogo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waxuu intaas ku sii daray, “Waxaa laga yaaba in qaar ay deg-degsan yihiin oo qaarna ay daahsan yihiin, laakiin anaga dhex ayaa socona wax kasta oo dadka iyo dalka dantiisa ku jirto ayaa ku dhaqmaynaa, ayada ayaa noo balan ah.” Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa kal hore si adag uga hor-yimid hanaanka ay ku bilowdeen doorashooyinka dalka, gaar ahaan midda Golaha Shacabka, golaha ayaa hanaanka loo maamulayo doorashadaan ku tilmaameen mid ku dhisan boob. Waxaana haatan u socda kulamo ay soo bilaabeen markii ay qaadaceen doorashada. Hoos ka daawo Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Daawo: Midowga Musharaxiinta oo shaaciyey tallaabada koowaad oo ay qaadayaan appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay go’aanka ka soo baxay Guddiga Doorashada ee Heer Federaal, kaas oo dib u celiyay qaar ka mid ah kuraastii Golaha Shacabka ee doorashadooda aan loo marin habraacii saxda ahaa. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku booriyay Guddiga Xallinta Khilaafaadka in iyaguna ay waajibaadkooda u gutaan si cadaalad ah oo waafaqsan heshiisyada iyo habraacyada doorashada ee laga soo gudbiyay cabashooyinka. “Si loo saxo arrimaha laga cawday oo ay ka mid yihiin hoggaaminta doorashooyinka, madax-banaanida guddiyada doorashooyinka iyo ku dhaqanka habraacyada doorashada, ra’iisul wasaaruhu waxuu cadeynayaa in hoggaaminta mas’uuliyadda doorashooyinka ay leeyihiin golaha wadatashiga qaranka ee isagu uu hoggaamiyo, sidaas darteed goluhu waxa uu balan qaadayaa madax-banaanida guddiyada doorashooyinka oo masuul ka ah hir-gelinta heshiisyadii siyaasadeed oo hagaya doorashooyinka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Rooble. Sidoo kale war-saxaafadeedkan waxaa lagu sheegay in ra’iisul wasaaruhu uu magacaabi dooni wakiillo u qaabilsanaa doona in si joogto ah ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqyada doorashada, kuwaas oo si joogto ah geedi socodka doorashada warbixino uga siin doona ra’iisul wasaaraha. War-saxaafadeedka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha waxaa lagu soo bandhigay sagaal qodob oo fariin loogu diray guddiyada doorashada iyo guddiga xalinta khilaafaadka, waxayna kala yihiin: 1– Ka hor inta aan la qaban doorashada kursi kasta oo golaha shacabka ka tirsan waa in la cadeeyo, la diiwaan geliyo oo la shaaciyo magacyada xubnaha guddiga xulista ergooyinka ee ka kooban doobabka, caaqillada, bulshada rayidka ah iyo jufooyinka beelaha ee kursigaas iska leh. 2– Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee SEIT waa in ay la wadaagaan guddiyada doorashooyinka heer federaal, xalinta khilaafaadka iyo wakiillada ka socda xafiiska ra’iisul wasaaraha arrimaha xulista guddiga ergada ka hor inta aan la diiwaan gelin, lana shaacin. 3– Soo xulidda ergada waxaa si buuxda ugu madax-banaan duubabka, caaqillada, bulshada rayidka ah ee jufada iska leh kursiga, lagumana fara-geli karo. 4– Ka hor inta aan la gelin doorashada waa in la tababaraa guddiyada xulista ergooyinka, si howsha doorashada ay ugu fusho si waafaqsan shuruudihii iyo habraacyada doorashooyinka. 5– Waa in doorashada kursi kasta ay goobjoogayaal ka ahaadaan guddiga soo xulay ergada doorashada geleysa, warbaahinta madax-banaan iyo goobjoogayaal madax-banaan, si marqaati loogu noqdo hufnaanta iyo madax-bananida doorasho kasta. 6– Guddiyada doorashooyinka waa inay si buuxda u hubiyaan in musharaxiinta u tartameysa kuraasta baarlamaanka, guddiyada xulista ergooyinka iyo ergooyinka lasoo xulayo inay buuxiyeen shuruudaha loo dejiyey iyo habraacyadii lagu heshiiyey. 7– Ra’iisul wasaaruhu waxa uu ku adkeynayaa dhammaan guddiyada doorashooyinka iyo guddiga xalinta khilaafaadka in si buuxda ay ugu dhaqmaan heshiisyada iyo habraacyada hagaya doorashooyinka cid kasta oo isku dayda inay baalmartana waa lala xisaabtamayaa. 8– Si loo ilaaliyo wadashaqeynta guddiyada doorashooyinka Ra’iisul wasaaruhu waxa uu ku wargelinayaa dhamaan guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan in ay ilaaliyaan nidaamka iyo kala dambeynta, isla markaana ay ilaaliyaan heshiisyada doorashada ee horay loo dejiyey. 9– Guddiyada maamulka doorashooyinka iyo madaxda dowlad goboleedyada waxaa lagu adkeynayaa inay ilaaliyaan qoondada haweenka ee doorashada golaha shacabka ee deegaan doorashooyinkooda. Hoos ka daawo afhayeenka xukuumadda Macalimuu oo akhriyey warmurtiyeedka R/Wasaaraha The post R/W Rooble oo ka jawaabay go’aankii lagu laalay labada kursi, soona saaray 9 qodob appeared first on Caasimada Online.
-
Muuqaal: Hadal uu jeediyay Madaxweyne Deni Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Garowe ka daah-furay Machad-ka Tababarka Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda. Machad-ka ayaa sida la sheegay loo qorsheeyay sanadka u horreeya in uu tababaro 1000 shaqaale ah, kuwaasi oo macalimiintii tababari lahayd bishan gudaheeda waxbarasho loogu dirayo dalka Kenya. Waxaa mashruucan iska kaashanaya dowladda Puntland ee Soomaaliyeed iyo dowladda Kenya, iyadoo wada shaqeyn toos ah ay dhexmari doorto Machad-ka Tababarka Shaqaalaha dowladda Kenya iyo Machad-ka Tababarka Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland. Madaxweyne Deni oo hadalka dheer ka jeediyay munaasabada daahfurka ayaa yiri “…..qofka shaqaalaha ah haddii uusan tababar helin, waxaa dhacaysa in qofku uu u maleeyo in hay’adda reerkiisa geeyeen in uu ka tagona ay adkaanayso, sida meelaha qaarkood ka taagan. Sidaasi darteed muhiimad gaar ah ayuu inoo leeyahay Machadka Tababarka Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Puntland.” PUNTLAND POST The post Puntland oo daahfurtay machad lagu tababarayo shaqaalaha dowladda appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashada ee heer federaal ayaa maanta shaaciyey in gebi ahaanba aan lagu dhaqmi doonin habraacii ay kal hore si wada-jir ah u soo diyaariyeen Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mahdi Guuleed. Guddiga ayaa sheegay in habraaca keliya ee Guddiga doorashada Somaliland ku shaqeyn karaan xiligaan uu yahay midkii kasoo baxay Golaha Shacabka oo keliya. “Waxaa kale oo cadaynaynaa in habraac ay soo diyaariyeen masuuliyiin ka tirsan gollaha baarlamaanka oo ka soo jeeda Soomaliland aan lagu dhaqmi karin, guddiga doorashada Soomaaliland wuxuu ku shaqaynayaa habraaca Golaha Wadatashiga Qaran, waxa keliya oo gaar u ah in ay yihiin ergo wadaag,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada ee heer federaal. Habraaca ay si wada-jir ah hore ugu soo saareen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa waxa lagu shaqeeyay doorashadii Aqalka Sare, hase yeeshe waxaa la laalay in lagu dhaqmo doorashada Golaha Shacabka ee gobolada Waqooyi (Somaliland). “Waxa aanu la socodsiinaynaa cid kasta oo danaynaysa doorashada in aan guddigu aqbali doonin doorasho kasta oo baal-marsan hanaanka habraaca doorashada ee lagu heshiiyay.” Golaha Shacabka Somaliland ayaa lagu maamulaya sida uu sheegay Guddiga doorashooyinka ee heer federaal mid lamid ah maamulada kale ee dalka. “Guddiyada doorashada ee heer federal, maamul goboleed iyo xallinta khilaafaadku waa guddiyo madax banaan, hawshoodana waxay u gdanayaan si ka madax banana fara gelin siyasadeed,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka kasoo baxay Guddiga doorashooyinka ee heer federaal. The post Guddiga doorashada oo dharbaaxo culus ku dhuftay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa go’aamiyay in dib loogu noqdo doorashada labo kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka oo dhawaan lagu doortay magaalada Baydhabo. War-saxaafadeed uu soo saaray guddigu oo warbaahinta u akhriyay afhayeenka guud ee doorashooyinka Amb. Axmed Safiina ayaa lagu sheegay in baaritaan uu sameeyay guddigu ay ka soo baxday in doorashada kuraastaas aysan waafaqsaneyn habraaca doorashada loo dajiyeyn. Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in ay jiraan kuraas ay muranno ka soo noqdeen oo ka soo baxay Galmudug oo hadda ay gacanta ku hayaan Guddiga Khilaafaadka, iyaga go’aankooda la sugayo. Kuraasta la go’aamiyay in doorashadooda dib loogu noqdo waxaa ka mid ah kursiga sumadiisu tahay Hop154 oo horey ugu fadhiyay Maxamed Cismaan Jawaari. Dhanka kale Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxay sheegeen in aan lagu dhaqmi karin habraacii doorashada Somaliland ee ay ku heshiyeen Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa soo dhaweeyay go’aanka ka soo baxay Guddiga Doorashada ee ay ku go’aamiyeen in dib loogu noqdo doorashada labo kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka oo dhawaan lagu doortay Baydhabo. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu baaqay Guddiga Xallinta Khilaafaadka in ay iyagana waajibaadkooda u gutaan si caddaalad ah oo waafaqsan heshiisyada iyo habraacyada doorashada ee laga soo gudbiyay cabashooyinka. PUNTLAND POST The post Doorashada Golaha Shacabka: Kuraas doorashadooda dib loogu noqonayo iyo habraacii siyaasiyiinta Somaliland oo la laalay appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT ayaa ku dhaawaqy in dib loogu celinayo doorashada kuraasta HOP#154 iyo HOP#103, oo ay sheegen in aan loo marin habraacii loo jideeyay doorashada golaha shacabka. Qoraal ka soo baxay guddiga doorashooyinka ayaa lagu xusay in kuraastaan oo lagu doortay maalmihi la soo dhaafay magaalada Baydhabo lagu celinayo doorashadooda kadib cabasho ka timid xubna ka mid ah musharixiintii u tartamayay Kursiga HOP#154 ayaa 29 bishii hore ee November loogu doortay Sareedo Maxamed Cabdalla, halka kursiga HOP#103 oo horay ugu fadhiyay guddomiyihii golaha shacabka baarlamaankii 9-aad Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari 28 November beydhabo loogu doortay Mohamed Ali Hassan oo ah wasiirka howlaha guud ee dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Soomaaliya . Hoos ka akhriso War-qadda dib loogu celiyay doorashada labadaas Kursi Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa laalay doorashada laba kursi oo ka mid ah golaha shacabka, oo ay sheegeen in habkii loo maray aysan waafaqsaneyn habraaca doorashada loo dajiyey. Labada kursi ayaa kala ah HOP#103 oo ah kursigii uu horey ugu fadhiyey guddoomiyihii hore ee baarlamanka Maxamed Cusmaan Jawaari iyo kursiga HOP154, oo ay ku fadhisay Sareeda Maxamed Cabdalla oo ayadu markale difaacatay kursigan. Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay guddiga TXR/GHD/0062/21 Taariikh: Dec- 5, 2021 Ku: Guddiga Maamulka Doorashooyinka Koonfur Galbeed Ku: Guddiga Maamulka Doorashooyinka Gobolada Waqooyi Ku: Guddiga Maamulka Doorashooyinka Galmudug Og: Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Og: Raysalwasaaraha DFS – Ujeeddo: Celin kuraas aan marin habraacyada doorashada Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo tix gelinaya duruufaha iyo cabashooyinka ka yimid doorashada, kadib markii guddigu baaritaan ku sameeyey doorashada golaha shacabka ee lagu qabtay Muqdisho, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, ayna baaritaanadii ka soo baxeen kuraas aan waafaqsaneyn habraaca doorashada loo dajiyey, guddigu wuxuu go’aamiyey qodobadaan: 1. In kursiga sumadiisu tahay Hop154, habkii loo maray doorashadiisa aysan waafaqsanayn habraacyada doorashada, iyadoo murashax ka mid ah kuwii u tartamayey uusan buuxin shuruudihii murashaxnimada qodobkiisa 3aad ee heshiiskii 1 Oktoobar 2020. Sidaa daraadeed natiijada kursigaas oo ka dhacday Baydhabo 29 Nofeembar 2021 waa waxba kama jiraan, doorashadiisuna dib ayaa loogu noqonayaa. 2. Kursiga uu tirsigiisu yahay Hop103, iyadoo la tix raacayo go’aanka guddiga ee ku xusan warqadda sumadeedu tahay (TXR/GHD/0056/21) soona baxday 27 Noofeembar 2021, go’aankaas oo lagu hakiyey in la qabto dorashadiisa, sidaasdarteed, marka habraaca la dhamaystiro ayaa la qabanayaa doorashadiisa. 3. Waxaa jira kuraas ay muranno ka soo noqdeen oo ka soo baxay Galmudug oo hadda ay gacanta ku hayaan guddiga xalinta khilaafaadka, iyaga ayaana go’aankooda laga sugayaa. 4. Waxaa kale oo cadaynaynaa in habraac ay soo diyaariyeen masuuliyiin ka tirsan gollaha baarlamaanka oo ka soo jeeda Soomaliland aan lagu dhaqmi karin, guddiga doorashada Soomaaliland wuxuu ku shaqaynayaa habraaca Golaha Wadatashiga Qaran, waxa keliya oo gaar u ah in ay yihiin ergo wadaag. Haddaba waxa aanu la socodsiinaynaa cid kasta oo danaynaysa doorashada in aan guddigu aqbali doonin doorasho kasta oo baal marsan hanaanka habraaca doorashada ee lagu heshiiyay. Guddiyada doorashada ee heer federal, maamul goboleed iyo xallinta khilaafaadku waa guddiyo madax banaan, hawshoodana waxay u gdanayaan si ka madax banana fara gelin siyasadeed. The post Guddiga doorashada heer federaal oo laalay natiijada doorashada laba kursi appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirarka xubnaha Golaha Midoga Musharaxiinta ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa maanta galay wajigiisi labaad, kaasi oo looga soo horjeedo hanaanka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka. Musharaxiinta oo dhaliilsan hanaanka doorashada ayaa wajiga labaad shirkooda waxaa maanta ku biiray sida ay wararka sheegayaan Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Taliyihii hore ee hay’adda NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe. Shirarka Midowga Musharaxiinta ayaa diirada lagu saaraya sidii looga tashan lahaa qaab dhismeedka Gole cusub oo ay yeelan doonaan, kaasi oo looga hortagayo waxa ay ugu yeereen “doorasho boobka socda”. Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale la filayaa inay bilaabi doonan kacdoon lamid ah midkii Badbaado Qaran, ee looga takhalusay muddo kororsigii sharci darada ahaa ee loo sameeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday. Si kastaba, arrimahan oo dhan ayaa imanaya xili ay Midowga Musharrixiinta si adag u qaadaceen doorashooyinka ka socda dalka, kuwaasi oo sida ay sheegen u dhacay hanaan baalmarsan midkii lagu heshiiyay. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Wararkii ugu dambeeyey shirka Midowga Musharaxiinta iyo siyaasiyiin cusub oo ku biiray appeared first on Caasimada Online.
-
Dal ay Dadkiisa ku codeeyaan Kuul+Sababta Codbixintii ugu horreysay ee doorashada madaxtinimo ee dalka Gambia ayaa dadku codkooda ka dhibteen shaley tan iyo markii hoggaamiyihii hore, Yahya Jammeh, uu dalka ka cararay afar sano ka hor. waxaana hadda socotaa tirinta codadka doorashada. Guddiga doorashada waxay sheegeen in haatan codadka la tiriyay uu ku horreeyo madaxweyne Adama Barrow oo helay in ka badan boqolkiiba 50 codadka la dhiibtay ninka sida uu weyn uu loolanka kala kulmayay Ousainu Darboe uu heysto boqolkiiba wax ka yar 45 natiijada horudhaca ah. Mr Jammeh waxa uu haystaa xoogaa taageero ah, dad badan oo Gambian ah ayaa aaminsan in doorashadu ay u gogol xaarayso in uu ka soo laabto musaafuris uu isagu iskiis ugu aaday Equatorial Guinea. Kuusha oo lagu codeynayo Dadka reer Gambia waxay intooda doorbidaan inay kuusha ku codeeyaan, waana qaab soo jireen ah. Dadka dalkan codkooda kama dhiibtaan sanaadiiqda codbixinta, marka ay dadweynaha Gambia gaaraan goobaha codeynta, waxay saraakiisha hubiyaan aqoonsiga codbixiyeha, waxaa qofka la tusaya fuustooyin kala duwan oo midabada musharraxiinta ah ku xardhan yihiin. Saraakiisha doorashada ayaa qofka u dhiibaya kuusha, fuusto kasta korkeeda waxaa lagu sameeyay duleyl taas oo qofka codbixiyaha uu ku ridayo kuusha Marka ay kuusha ku dhacdo fuustada waxaa la maqlayaa shanqarta, sidaas ayay saraakiisha doorashada ku ogaanayaan in qofka uu hal mar ka badan codeeyay ama in kale. Marka lasoo xiro goobaha codbixinta, waxaa kuulaha laga soo saaraa dhammaan fuustooyinkii lagu riday si loo tiriyo. Kuusha lagu codeeyo ee lagu rido fustooyinka ay ku kala xardhan yihiin magacyada musharraxiinta Habkan codbixinta ah ayaa la hirgeliyay ka dib markii uu dalkan qaatay xornimada sanadkii 1965-tii, taas oo ay ugu wacnayd heerka sare ee akhris-la’aanta Gambia, ayuu yiri saxafiga Adi Darami, oo haysta dhalashooyinka Sierra Leone iyo Gambia. Dhowr isbedel ayaa lagu sameeyay qaabkan tan iyo markii Yahya Jammeh uu si cagajiid ah uga tagay xukunka ka dib markii uu ku guuldareystay doorashadii madaxtinimo ee 2016-kii. Lixda musharrax ee isku haya doorashadan Adama Barrow ,waa madaxweynaha haaatan haya talada Gambia kana tirsan xisbiga NPP. Ousainou Darboe, wuxuu ka socdaa xisbiga, oo ah qareen muddo kooban soo noqday madaxweyne ku xigeenka Mr Barrow. Waxa uu ka mid ahaa isbahaysigii riday Mr Jammeh, waxaana uu u tartamayaa markii shanaad xilka madaxtinimada. Essa Mbye Faal– waa musharrax madaxbanaan- qareen iyo madaxii horkacayay guddiga TRRC, waa markii ugu horreysay uu xilkan u tartamayo. Mama Kandeh– wuxuu ka tirsan yahay xisbiga (Gambia Democratic Congress), wuxuu kaalinta saddexaad ka galay doorashadii 2016-kii, wuxuu taageero ka helayay mr Jammeh. Abdoulie Ebrima Jammeh wuxuu ka socdaa (National Unity Party)- waa macalin hore oo mar madax ka ahaa hay’adda duulista rayidka ee dalka, waa markii ugu horreysay uu xilka madaxtinimada u tartamayo Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa maanta shaaciyey in muddo kordhin lagu sameeyay baarista ay ku wadeen dacwada kursiga tirsigiisa uu yahay HOP#067. Kursigan ayaa waxaa hore ugu soo baxay sida uu shaaciyey Guddiga doorashooyinka maamulka Galmudug agaasimaha KMG ah ee NISA Yaasiin Farey, kadib doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug. Warqad ka soo baxday guddiga xallinta khilaafaadka, isla-markaana lagu socod-siiyey guddiga doorashooyinka ee heer federaal iyo dacwoodayaasha kursigaas ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha dacwada baarayay ay u baadheeli-tiran oo lagu go’aan qaadan karo. “Guddigu wuxuu xaq u leeyahay in uu baaritaan ku sameeyo Dacwad kasta, dhageysto dhinacyada ay dacwadu taabanayso iyo inuu hubiyo cadaymaha la aruuriyay si loo helo xog dhameystiran oo lagu go’aan qaadan karo,” ayaa lagu yiri qoraalka. Guddiga ayaa sheegay muddo kordhinta waqtiga ay keentay maadamada ay Dacwada kursiga tirsigiisu yahay HOP#067 ay leedahay laba dhinac oo u baahan in si kala duwan loogu sameeyo baaritaan, dhagaysi iyo hubinta cadeymaha muhiimka ah si loo helo xog dhameystiran. Soo dhameystirka dacwada laga keenaya kursiga uu Guddiga doorashada ee Galmudug shaaciyey inuu ku guuleystay Yaasiin Farey ayaa waxay soo dhameystirmi doontaa muddo aan ka badneyn 10 maalmood oo ka bilaabanaysa 05/12/2021-ka. “Guddiga wuxuu ku wargelinayaa in guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal iyo guddiga maamulka doorashooyinka ee Galmudug inay tixgaliyaan duruufaha adag ee xog aruurinta, ayna si dhaw ula shaqeeyaan xubnaha GXKHDD ee ku foogan dacwadda kursi lamber HOP#067 si loo helo xog dhamaystiran oo dhalin karta go’aan cadaalad ah, hufan, kuna qotanta dhaqanka Soomaaliyeed iyo Halbeegyada caalamiga ah ee doorashooyinka,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka. The post Guddiga Xalinta khilaafaadka oo war cusub kasoo saaray dacwadda kursigii uu ku guuleystay Yaasin Farey appeared first on Caasimada Online.
-
Impact on Somalia in the event of Balkanization of Ethiopia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
No one could have predicted that the war will drag on this long and with no end in sight at the moment, it’s even harder to predict the outcome. Ethiopia’s prime minister, Abiy Ahmed, promised a swift military action to bring the leaders of TPLF to justice for their attack on a military base housing the federal troops. The months that followed, the federal troops alongside paramilitaries from Amhara region and troops from Eritrea had captured almost all of Tigray forcing the Tigray people’s liberation front (TPLF) leaders disappearing into the mountains with which Abiy Ahmed declared victory. Soon after, it became apparent that the conflict wasn’t a one that could be extinguished that easily. Source: Hiiraan Online -
Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Ciro) ayaa socdaal todobaad ah ku tagaaya maanta dalka Sweden halkaasi oo uu kula kulmi doono madax ka tirsan dawlada dalkaasi iyo jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan dalkaasi. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Ciro) ayaa socdaal ku mari doona dalal kale oo ka tirsan qaarada Yurub ka hor inta aanu dalkii ku laaban, socdaalkani uu hada u soo baxay waa kii u horeeyay ee uu ku yimaado qaarada Yurub tan iyo intii uu wareejiyay gudoomiyanimada xisbiga Waddani taasi oo caalmka oo dhan laga soo dhaweeyay taageero xoogana uu kaga kasbaday shicib weynaha reer Somaliland ee degan dhamaan gobolada Jamhuuriyada Somaliland Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa mar kale ku celisay inay dib u eegis dhan walba ah ku waddo taageerada ay siiyaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ee ka howlgala qaar ka tirsan gobolada dalka iyo Magaalada Muqdisho. Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya Colleen Crenwelge oo wareysi gaar ah siisay Idaacadda Goobjoog ee Muqdisho ayaa sheegtay in aan Danab laga yeeli doonin iney taageerada Mareykanka u isticmaalaan falal ka dhan ah siyaasadda Mareykanka. “Dib u eegista la xiriirta taageerada aan siinno Danab waa mid socota, waxaan tababar iyo taageero kale siinnaa Danab si loo xaqiijiyo ujeedkeena aan wada wadaagno ee ah in la jabiyo Al-Shabaab,” ayey tiri Colleen Crenwelge. Waxay sii raacisay “waxaa xaqiijin doonnaa in taageerada aan bixinno loo isticmaalo meeshii loogu talo-galay, oo islamarkaana la jaanqaadi karta siyaasadda Mareykanka.” Hadalka kasoo yeeray safiirka ayaa kusoo aadeysa xilli dhawaan ciidamada Danab ay ka qeybgaleyn dagaalkii ka dhacay magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee u dhaxeeyey ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlu-Sunna. Dagaalkaas ayaa waxaa lagu dilay taliyihii ciidamada Danab ee qeybta Galmudug Cabbdilatiif Fayfle iyo ciidamo ka tirsan kuwa Danab, waxayna xilligaas dowladda Mareykanka sheegtay inay ka fiirsaneyso taageerada ay siiso ciidamadaas maadaama ay ka qeybgaleen dagaal aan loo ogoleyn. Danab waa kumaandooskii ugu horraysay ee Soomaaliya ay yeelato tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe ee dalka, sannadkii 1991. Dowladda Mareykanka ayaa bishii October ee sannadkii 2013-kii bilowday tababarka ciidamada Danab, waxaana xilligaas lagu bilaabay hurin 105 askari ahayd. Sida saraakiil ka tirsan dowladda ay sheegeen, ujeeddada loo sameeyay ciidanka ee xilligaas waxay ahayd in la hirgeliyo ciidan isku dhafan oo kumaandoos ah, waxaana lagu asaasay saldhigga ciidamada cirka ee Belidogle ee degmada Wanlwaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidamadii ugu horreeyay ee Danab waxay tababarka dhameysteen sannadkii 2014-kii. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click si The post Safaaradda Mareykanka oo shaacisay tallaabo ka dhan ah ciidanka Danab oo ay waddo appeared first on Caasimada Online.
-
Gudoomiye-xigeenka Golaha Wakiilada oo ka hadlay Arrinta Xeer No.14 Guddoomiye kuxigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Cali Xaamud Jibriil, ayaa sheegay in Xeerkii furista Ururrada Siyaasadda ee Xeer 14 ee Golahaasi uu ku soo celiyey Madaxweynuhu in loo gudbiyey Garyaqaannada Golaha Wakiillada, si ay tallo sharci uga soo bixiyaan, dibna ugu soo celiyaan Gole weynaha. Fadhiga Maanta ee Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ayaa loo qaybiyey ajandaha Kal-fadhiga Labaad ee Golahaasi Qaran News
-
Ankara (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Turkey ayaa fashiliyey weerar qarax ah oo lala damacsanaa isu-soobax uu ka qeyb galay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo ka dhacay magaalada bari ee Siirt. Warbaahinta Turkiga ayaa werisay in aalad qaraxda oo lagu hago remote lagu dhejiyey baabuurka sarkaal booliis oo qeyb ka ahaa askarta sugeysay amniga isu-soobaxa. Sarkaalka boolis ayaa loo diray inuu gurigiisa kasoo kaxeeyo saaxiibkiis oo sidoo kale qeyb ka ahaa askarta sugeysa amniga kuna nool magaalada Mardin oo 125 mile u jirta magaalada Siirt ee isu-soobaxa uu ka dhacay, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Markii uu tegay guriga kadibna uu saaxiibkiisa soo baxay si uu usoo raaco baabuurka ayaa wuxuu arkay wax hoos kaga dheggan baabuurka, sidaas ayaan lagu ogaaday qaraxa, ayey intaas ku dartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Kooxaha kala furfura bambooyinka ayaa kadib loo yareeyo, kuwaas oo baabuurka ka saara walxihiii qarxay ayada oo aanay cidna wax ku noqon. Warbaahinta gudaha Turkey ayaa werineysa in shirqoolkan uu ahaa mid lagu dili rabay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayada oo qorshuha ahaa in gaariga la qarxiyo marka uu Erdogan yimaado isu-soobaxa. Illaa iyo hadda lama yaqaan cidda ka dambeysay shirqoolkan, mana jiraan tuhmaneyaal loo soo qabtay. Waxaa hadda socda baaritaan ay wadaan hay’adaha amniga. Turkey ayaa sanado badan dagaal ku jirtay kooxda Kurdish-ka ee PKK. Waxaa sidoo kale sanadihii dhowaa dalkaas ka dhacay dhowr qarax oo ay sheegatay kooxda Daacish. Dhinaca kale, dalka Turkey ayaa waxaa maalmihii tegay ka taagneyd xasarad dhaqaale oo ay sababtay qiimo dhaca ku yimid lacagta lira ee dalkaas, taasi oo lumisay 44% qiimaheeda marka loo eego dollar-ka. Arrintan ayaa horseeday sicir-barar xooggan, waxaana madaxweyne Erdogan uu ku adkeystay inaan sare loo qaadi doonin heerka dul-saarka oo dhaqaalyahannada ay rumeysan yihiin in lagu dhimi karo heerka sicir-bararka. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post SHIRQOOL lagu ‘dili lahaa’ madaxweyne ERDOGAN oo si cajiib ah u fashilmay appeared first on Caasimada Online.
-
Two new ablution facilities comprising of eight flush toilets have been handed over by the African Union Mission in Somalia (AMISOM) to the business community at Marine market within Aden Adde International airport in Mogadishu to boost hygiene standards at the busy market. Source: Hiiraan Online
-
Waxa hadda gaadhay, magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, wefti ballaadhan uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed, oo saaka u ambaxay Gobol Sool, gaar ahaana magalaada Yagoori halkaas uu ka furmayo shir nabadeed oo lagu heshiisiinayo beelo walaalo ah oo shaqaaqooyin iyo utino hore uga dhacday kala tirsanayey. Shirkan nabadeed waxaa gadh-wadeen ka ah xukuumadda somaliland, iyada oo tacab iyo dedaal badan ku bixisay xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, hirgelinta shirkan nabadeed, kaa soo gobolka u horseedi doona nabad iyo barwaaqo. Weftigan uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha somaliland waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta somaliland Saleban Yusuf Cali Koore, Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Dalxiiska Maxamuud Sacad Saajin, Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Horuumarinta Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed iyo Wasiirka Horuumarinta Jidadka Cabdirisaaq Cataash. Sidoo kale waxa saakadii hore ka jarmaaday magaalada Hargeysa, wefti ka kooban abwaano iyo shaqaalaha haaydda maxaliga ah ee SONSAF, waxaanay qayb la yihiin shirka dib u heshiisiinta beelaha colaadu dhex martay. Qaran News
