Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni oo wareysi siiyay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa bixiyey macluumaad dheeri ah oo ku saabsan qaraxyadii khasaaraha geystay ee dhowaan ka dhacay magaalada Kampala ee caasimada dalkaasi. Yoweri Museveni ayaa shaaca ka qaaday in qaraxyadaas oo labo ahaa laga soo abaabulay gudaha wadamada Soomaaliya iyo Kenya, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynaha Uganda ayaa shaaca ka qaaday inay heleen caddeymo ku aadan weeraradaas iyo inay soo diyaariyeen kooxo iska soo abaabulay Soomaaliya Kenya. “Qaraxyadii Kampala ka dhacay dhawaan, waxaan haynaa xoogaa calaamado ah oo ah inay isku dubarideen kooxaha ku sugan Kenya iyo Soomaaliya,” ayuu yiri Yoweri Museveni. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in weli laamaha ammaanka ay daba-gal iyo baaris ku hayaan ragga soo qorsheeyey weeraradaasi oo geystay dhimasho iyo dhaawac. Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan oo ay ku dhinteen ugu yaraan illaa lix ruux, halka ay ku dhaawacmeen 30 kale oo u badan dad rayid ah. Kampala ayaa waxaa horay uga dhacay weeraro qaraxyo ah oo khasaare dhaliyey, waxaana Uganda ay ka mid tahay wadamada ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Museveni oo shaaciyey in Somalia iyo Kenya laga soo abaabulay qaraxyadii Kampala appeared first on Caasimada Online.
  2. Waxaa dalka weli ka socda doorashooyinka goleyaasha dowladda oo aan la aqoon qorshaha iyo jadwalka u dagsan ee ay ku qabsoomayaan. 11-kii Bishii hore ee November guddiga FEIT ee doorashooyinka dadban ee heer federaalka waxa ay sheegeen in ay soo gabgabeynayaan dhamaan doorashooyinka golaha shacabka iyo aqalka sare 24 bisha December oo ay hadda ka harsan tahay wax ka yar 16 maalin. Illa iyo hadda waxaa la doortay 53 Senator oo ka tirsan baarlamaanka aqalka sare ee dalka halka kursiga ka haray senatorada aqalka sare oo uu iska casilay xildhibaan Dhegeey aan weli dib loo qaban doorashadiisa. Dhanka golaha shacabka, waxaa la doortay 11 kursi oo gobalada waqooyi ah, laba kursi mid ka mid ah uu dood ku jiro oo lagu doortay Galmudug iyo 11 kursi oo ay laba ka mid ah doorashadooda ay laaleen guddiga doorashooyinka heer federaal lagu doortay Koonfur galbeed. taas oo wadarta guud ee kuraasta rasmiga ah ee aan muranka ka taagneyn ay noqonayaan 21 kursi oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee laga rabo 275 kursi. Ma jirto wax saansaan doorasho ah labadi maalin ee la soo dhaafay oo dalka ka jirta, xilli 30-kii bishii hore ee November guddiga hirgelinta doorashooyinka gobalada waqooyi ay shaaciyeen 16 ka mid ah kuraasta gobalada waqooyi ee golaha shacabka in la qabanayo doorashadooda balse aan la aqoon xilliga, goobta iyo goorta la qabanayo doorashadooda. Midawga musharixiinta, aqoonyahanada iyo dhamaan waxgaradka ayaa walaac ka muujinaya hanaanka ay Rooble iyo kooxdiisa doorashada ay wax ku wadaan. Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Hirshabeelle ayaa dhankooda aysan haba yaraate ka muuqan wax diyaar garoow doorasho ah. Xukuumadda Rooble oo wajaheysa cadaadiska daneeyayaasha iyo musharixiinta ayaa todobaad waliba qabato kulamo doorashooyinka xal loogu helayo kuwaas oo aan waxbo ka soo naasa cadaanin. Guddiga doorashooyinka Heer federaal, heer dowlad gobaleed iyo guddiga xalinta ayaa siyaasiyiinta qaar weli ay ku eedeynayaan in aysan aheyn kuwa u madax banaan qabashada doorashooyinka dalka. Rajada shacabka ee doorashada ayaa maalmihi la soo dhaafay god dheer ku sii dhaceysay xilli aysan aqoon doorashada xilliga la qabanayo. Amniga goobaha doorashada oo horay loo sheegay in ay sugan yihiin ayaan la aqoon ciladda illa hadda heysata doorashada. Ergooyinka iyo nabadoona qaar ee ay guddiyada doorashooyinka ay xareeyeen ayaa dhankooda shaki laga muujinaya, kuwaas oo lagu eedeyay in aysan aheyn ergo raali ay ku yihiin dhamaan jufooyinka leh kursiga. Xubna ka tirsan mushaarixiinta kuraas ka tirsan golaha shacabka ee gobalada waqooyi ayaa warbaahinta u sheegay in beelo aan laheyn kuraasta qaar ay u cod dhiibteen. WQ/ Abdirahman Sabriye Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliya oo ka soo jeeda Puntland ayaa cabasho ka muujiyay Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye. Shaqaalahaas oo ka kooban 16 qof ayaa Wasiir Khadiijo ku eedeeyay in ay ku samaysay xad-gudub baalmarsan Sharciga Shaqaalaha dowladda Federaalka Soomaaliya. Shaqaalaha oo Qoraal Cabasho ah u diray Madaxda Sare ee dalka ayaa sheegay in Wasiir Khadiijo boosaskoodi ku beddeshay dad ka soo jeeda Hirshabeelle islamarkaana ah Ergadii dooran lahayd kursigeeda Baarlamanka. Halkaan ka akhriso Qoraalka PUNTLAND POST The post Shaqaale ka soo jeeda Puntland oo cabasho ka gudbiyay Wasiir Khadiijo Diiriye appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhawaan guddiga doorashada ee heer federaal ayaa laalay natiijada doorashada labada kursi ee Hop103 iyo Hop154, Sareeda Maxamed Cabdalla oo horay ugu fadhisay ayaa soo qaadatay mid ka mid ah kuraastaan, halka kan labaad laga xoogay guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Labadaan kursi waxaa laga soo doortaa Koonfur Galbeed, go’aanka guddigu uu ku diiday doorashada labadaas kursi ayaa si weyn loo soo dhaweeyey, waxaana lagu tilmaamay albaab cusub oo u furmay xalka doorashada Soomaaliya. Go’aankaan waxaa loo arkay mid hor istaagi kara kuraas hor leh oo la qorsheynayey in la boobo, laakiin waxaa hadiiba soo ifbaxday in madaxda dowlad goboleedyada ay si weyn uga biya diidan yihiin in guddiga doorashada uu awood u yeesho in natiijada kursigii uu doono uu diidi karo iyo in uu amri karo in lagu celiyo doorashadiisa. Xogta aan helnay waxay sheegeysaa in doodaas aysan ku ekeyn hoggaamiyeyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo hadda lagu dhegan yahay kuraas ay soo xuleen, balse waxaa ka mideysan dhamaan hoggaamiyaasha dowlad goboleedyada dalka . Si gaar ah Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay hoggaaminayaan olole ka dhan ah awooda guddiga doorashada heer federaal. Dhowr siyaasi oo ay rabaan inay kuraasta u boobaan ayaa la sheegay in labadaas hoggaamiye ay miiska u saaran yihiin, taas oo waxaba kama jiraan ka dhigi doonta hadii guddiga doorashadu uu sii heysto awoodaan. Saciid Deni oo musharax ah waxaa la sheegay inuu qorsheynayo inuu meesha ka saaro dhamaan xubnaha aysan isku siyaasadda aheyn. Madaxda maamullada oo diidan in guddiga doorashada uu yeesho awood uu ku buri karo natiijada doorashada kurigii uu doono, ayaa hadda u dagaalamaya dantooda shakhsiga ah iyo in dad hor leh doorashada lagu dulmiyo oo kuraastooda la xoogo. Sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay madaxda maamullada ayaa soo jeediyey in awooda kuraasta la diidaayo loo dhaafo madaxda golaha wadatashiga qaran, si ayagu ay go’aan uga gaaraan kuraasta uu muranku ka taagan yahay. Saciid Deni iyo Axmed Madoobe waxay qabaan dood ah in guddiga doorashada ay ku xoogan yihiin xubno ka yimid dhinaca Villa Somalia, sidaas darteed waxaa u sawiran in kuraas badan lagu soo celi doono. Dhankiisa Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa la sheegay in wax dhib ah uusan ku qabin in guddiga doorashadu uu xaqiijiyo, islamarkaana uu qabo in guddiga loo madax-baneeyo howshiisa xaqiijinta hufnaanta doorashada. Xubin ka mid ah guddiga doorshada heer federaal ayaa sheegay in cidda ka walaacsan howshooda ay tahay madax goboleedyada, balse Ra’iisul wasaaruhu uu ku qanacsan yahay sida haatan ay wax u socdaan. Hadii madaxda maamul goboleedyadu ay ku guuleystaan loolanka ay ugu jiraan in la daciifiyo awooda guddiga doorashada, waxaa iska cad in kuraas badan la boobi doono. Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha waxaa ku adkaan doonta inuu xakameeyo boobka kuraasta, xalka ugu dhowna waa in Rooble difaaco guddigaan oo iyaga loo dhaafo go’aanka muranka ka dhasha kuraasta. Haatan guddiga doorashada heer federaal ayaa wajahaya tijaabo la xariirta awoodiisa, hadii labadaan kursi oo ay diideen go’aanka ay ka gaareen aan loo hogaansamin, waxay ka dhigan tahay in guddigaan uusan sii shaqeyn karin. Awooda kaliya ee u hartay guddiga doorashada heer federaal waa go’aan ka gaaridda iyo xaqiijinta hanaanka loo maray xubnaha la doortay, balse hadda waxaa muuqata in kaalintaasna lagu heysto. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post XOG: Madax goboleedyada oo MOWQIF isku mid ah ka qaatay guddiga doorashada appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin dheer oo kasoo baxday hay’adda Transparency International ayaa waxaa lagu sheegay in markale Soomaaliya ay kaalinta ugu hooseesa ka gashay wadamada ugu musuq-maasuqa badan, marka la eego caalamka oo dhan. Hay’adda Transparency ayaa shaaca ka qaaday qiimeyn cusub oo ay sameysay, waxaana Soomaaliya ay gashay kaalinta koowaad ee dalka ugu musuq-maasuqa badan adduunka. Soomaaliya ayaa ka hoos martay qiimeyntii la sameeyey 2019-kii xilligaas oo ay ku jirtay 9-aad, hadase waxa ay noqotay kow, sida ay shaacisay Transparency International. Sidoo kale warbixintan ayaa lagu shaaciyey wadamada kale ee galay safka hore liiska ugu hooseeya, waxaana ka mid ah South Sudan, Sudan, Equatorial Guinea & Guinea-Bissau. Warbixinta ayaa sidoo kale muujineysa in aysan wax horumar ah oo ballaaran ka sameynin la dagaalanka musuq-maasuqa inta badan 180-ka waddan ee la falanqeeyay. Dhanka kale New Zealand ayaa noqotay wadanka ugu musuq-maasuqa yar adduunka, waxaana sidoo kale ku xiga Denmark iyo sidoo kale Finland. Horay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa uga hortimid warbixinada hay’addan oo ay shaacisay in aan la isku halleyn karin warbixinadeedana, ayna yihiin kuwa been abuura. Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka jira daruufo adag oo is-biirsaday, sida abaaro, fatahaado iyo xaalad kala guur ah oo ka dhalatay daaha doorashooyinka dalka. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Halkee ayey Soomaaliya ka gashay liiska dalalka ugu musuq-maasuqa badan? appeared first on Caasimada Online.
  6. Ciidamada dowladda itoobiya ayaa sheegay in ay kooxda TPLF ay kala wareegeen magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha oo ay horay kooxda u qabsatay. Bil ka hor ayeey aheyd markii TPLF iyo xoogagooda taabacsan ay la wareegeen gacan ku haynta magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha ee gobalka Amxaarada. “Magaalada taariikhiga ah ee Dessie iyo magaalada Kombolcha ee ganacsiga waxaa la wareegay oo gacanta cadawga ka bixiyay ciidamada ammaanka ee wadajirka ah,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay dowladda Itoobiya. Wakaaladda wararka ee Itoobiya oo soo xiganaysa Abiy ayaa sheegtay in fallaagada ay soo gaartay khasaare xooggan oo ay u adkeysan waayeen weerarrada ciidamada huwanta ah. “Cadawga waa la garaaci doonaa, guushuna way sii socon doontaa,” ayuu yidhi afhayeen u hadlay ciidamada uu horkacayo Abiy. TPLF oo aan dhankooda fariimaha kooxda Abiy ka jawaabin ayaa sheegtay in ay dagaalka ku sii jirayaan lana wado qorshe ay deegano cusub ku qabsanayaan. Ciidamada Itoobiya ayaa dhankooda sheegay in maalmo ka hor ay la wareegeen xarunta UNESCO oo ay muddo maamulayeen kooxda TPLF iyo xulafadeeda. Hogaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ayaa sheegay in kooxda ay sii wadeyso dejinta isteraatijadeeda dagaal aysana jirin wax guul ah oo laga gaaray. Waxaa weli soconaya Dadaallo dhexdhexaadin ah oo ay wadaan Maraykanka iyo Midowga Afrika oo lagu raadinayo xabbad joojin iyo wadahadal ayaa soo baxaya in labada dhinac ay xalka u soo dhawaanayaan. Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa labada dhinac horay ugu eedeyay in ay geeysteen falal ka dhan ah bini’aadanimada oo ay ku jiraan Kufsi, jirdil iyo dilal aan loo meel dayin. Tan iyo markii bishii November sanadkii hore dalka Itoobiya uu ka bilaabmay dagaalka u dhaxeeya TPLF iyo xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxaa soo baxayay baaqyo loo dirayo dowladda Itoobiya oo ku aaddan in dagaalka wadahadal lagu dhameeyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa Isniinta maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddida Garsoorka, Cadaaladda, Shuruucda iyo Xuquuqda Aadamaha ee Golaha Wakiillada JSL, oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha guddidaasi Xildhibaan Yaxye Cabdilaahi Aamin oo ay wehelinayeen guddoomiye ku xigeenka guddida Xildhibaan Fu’aad Axmed Diiriye, Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, Xildhibaan Khadar Cali Xakiim iyo xoghayaha guddida Cabdiraxmaan Jaamac Nuur. Kulanka dhex maray guddoomiyaha iyo guddida oo ahaa kii koowaad ee ay yeeshaan, ayaa diirada lagu saaray xoojinta iyo dardar-galinta wada shaqaynta ka dhaxaysa, hay’adda Garsoorka iyo golaha Wakiillada JSL, waxaana si qoto dheer loogu lafa guray geedi socodka togan ee hay’adda Garsoorka dalka iyo doorka toolmoon ee ay kaga jirto u adeegida bulshada. Guddoomiyaha ayaa guddida uga waramay dib-u-habaynta lagu sameeyay hannaanka guud ee Garsoorka iyo kor-u-qaadida aqooneed lagu sameeyay bahda garsoorka, waxaanu hoosta ka xariiqay in ahmiyad weyn la siiyay dedejinta dacwadaha iyo maaraynta cabashooyinka dadweynaha, oo loo asteeyay maalmo sugan oo iyaga u gaar ah. Geestooda guddida ayaa uga mahadceliyay guddoomiyaha Maxkamadda Sare kulanka ay la yeesheen, waxaanay soo dhaweeyeen waxqabadada taabagalka ah ee u suurtagalay hay’adda Garsoorka dalka sannadihii u danbeeyay, waxaanay bogaadiyeen dedaalada lagu fidinayo adeega garsoorka ee guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka. Ugu danbayn waxay balan qaadeen in ay xoojinayaan geestooda wadashaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa hay’adda Garsoorka iyo Golaha Wakiiladda JSL. Wa bilaahi tawfiiq Ibraahin Maxamed Cali Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare. Source
  8. Waxaa muhiim ah inaan mucaaradka iyo shacabka Soomaaliyeed ku kahdoomin, ku qaldamin, ku jaahwareerin warsaxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska R/W Rooble kuna saabsan dib u soo nooleynta doorashada boobka ah ee la qaadacay, lana soo dhaafay ka qayb galkeeda dambe, ayadoo kuwii ka dambeeyay boobka, musuqmaasuqa doorashada ay awood buuxda haystaan, Qatar, Eritrea, iyo Ethiopia hiil iyo hoo la garab taagan yihiin, adeegsanayaan ciidammo malishiyaad ah iyo madaxweynayaal dowlad goboleedyo iyo guddiyo doorasho ay madaxdooda keensadeen, baraha bulshadana ka wadaan marin habaabin ah iyo aflagaado. R/W Rooble wuxuu maalin cad ka tagay mas’uuliyaddii hoggaaminta doorashada loo xilsaaray iyo ka ilaalinta Farmaajo doorashada uu doonayo inuu boobo ama carqaladeeyo. Nasiib darro, wuxuu doortay inuu la safto Farmaajo, Fahad, Qoorqoor iyo Laftagareen si loo boobo doorashada, wuxuuna karamaada iyo kalsoonida ka qaaday shacabkii iyo mucaaradkii aaminay. Sida Rasulkeenna laga soo weriyay, qof muslim, mu’min ah labo goor god lagama wada qaniino, waana mas’uuliyad saaran qofka muslimka inuu ka feejignaanto, ka digtoonaado dhagarta kuwa khaa’imiinta ah. Xadgudubyada iyo ballan ka baxyada R/W Rooble waa bateen. Yaan mar kale la siin ahmiyad warsaxaafadeedka marin habaabinta iyo waqti lumiska ah. Kuraasta golaha shacabka ee la boobay ama la baalmaray habraaca doorashada waa ka badan yihiin 20 kursi, haseyeeshe ma jiro Musharrax la boobay ama lagu xadgudbay oo doonaya inuu $ 3,000 kale ku karfano boobka loo geystay, lacagtaaso la siinayo guddiga xallinta khilaafaadka doorashada oo diyaar u ah xalaaleynta 99.9 % kuraasta la boobay. Midowga Badbaadada Qaranka Soomaaliya waxaa laga sugaya mowqif xilka looga qaadayo dowladda federaalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed isku dirtay, kala qaybisay, haddana ku wada waddada burburka iyo colaadda sokeeye. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid. The post War-saxaafadeedka Rooble ku fashilinayo dadaalka lagu badbaadinayo dowladnimada appeared first on Caasimada Online.
  9. At least two minors were killed and three wounded after they encountered unexploded ordinance in southern Somalia on Monday, authorities said. Source: Hiiraan Online
  10. Wararka ka imaanaya magaaalada Laascaanood ayaa sheegaya in xalay halkaas uu ka dhacay muddaharaad rabshado wata. Dadweyne kala duwan ayaa xaafadaha magaalada ka sameeyay muddaharaadkaas oo looga horjeedo maamulka Somaliland. Laamaha Amniga Somaliland ayaa sida wararku sheegayaan rasaas ku kala eryay dadkii muddaharaadka waday oo jidadka qaar xiray. Mas’uuliyiinta Somaliland weli kama hadlin muddaharaadka ka dhacay magaalada Laascaanood. PUNTLAND POST The post Muddaharaad rabshado wata oo xalay ka dhacay Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  11. Somali Prime Minister Hussein Roble has welcomed a decision taken by the Federal Electoral Implementation Team (FEIT) to suspend confirmation of election to two seats of House of the People (Lower House of the Parliament) that were the subject of a dispute. Source: Hiiraan Online
  12. Chinese embassy in Somalia on Monday inked a Memorandum of Understanding (MoU) with the Ministry of Information to modernize media institutions in the country. Source: Hiiraan Online
  13. A Turkish NGO said Monday that it has provided food assistance to 1,000 families in Somalia as a deadly drought continues in the Horn of African country. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa meydka askari ka tirsanaa ciidamada dowladda oo saaka lagu arkay qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir kaas oo la sheegay in jirkiisa ay ka muuqatay rasaas loo adeegsada dilkiisa. Wararka ayaa sheegaya in meydka lasoo dhigay xaafadda Kurdamac ee degmada Dayniile, wuxuuna xirnaa nin la dilay dareeska ciidamada milatariga Soomaaliya. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale isugu soo baxay goobta lasoo dhigay meydka, kuwaas oo aad uga argagaxay dhacdadaasi, waxayna kay wargeliyeen laamaha ammaanka. Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa innoo sheegay in askarigan la dilay xalay, isla-markaana kooxdii dishay ay horay uga sii qaateen qoraygii uu watay. Sidoo kale waxaa goobta tegay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo meydka kasoo qaaday halkaasi, waxaana socda baaritaano dheeri ah. Weli ma jiro wax faah faahin ah oo uu maamulka degmada Dayniile iyo saraakiisha ammaanka Soomaaliya ay ka bixiyeen falkaasi aragagaxa leh. Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey gudaha magaalada Muqdisho oo laga dareemayo xaalad doorasho & mashquul xoogan. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Meydka askari ka tirsanaa ciidanka DF oo lagu arkay xaafad ka tirsan Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  15. Somalia was on the verge of civil war when Deqa Dhalac fled the capital city of Mogadishu 31 years ago and began her journey to become the first Somali-American mayor in the United States. Source: Hiiraan Online
  16. Ugu yaraan labo carruur ah ayaa ku geeriyootay, saddex kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray qarax ka dhashay aalad loo maleynayo in tahay haraadiga gantaal ay leeyihiin diyaaradaha dagaalka ee Kenya. Falkan oo ka dhacay meel qiyaastii 18km u jirta degmada Ceel Cadde ee gobolka Gedo ayaa ururka Alshabab oo ka howlgala waxay sheegeen, in uu ahaa qarax ka dhashay gantaal ay lahaayeen diyaaradaha Kenya oo horey halkaas duqayn uga geystay. Boggaga Alshabab ayaa lagu faafiyay sawirradda dhacdadan, iyadoo wareysi laga qaaday qoysaska carruurta ka geeriyoodeen ay sheegeen in Kenya ay dhowr jeer deegaankooda madaafiic ku garaacday. Carruurta geeriyootay oo ahaa wiil iyo gabadh walaalo ah oo ku jiray da’da 9-12 sano jir, ayaa xilliga qaraxu dhacayay waxay ku sugnaayeen goob miyi ah oo ay xoolo ari ah ku raacayeen. PUNTLAND POST The post Gedo: Carruur dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray walax ku qaraxday appeared first on Puntland Post.
  17. To all intent and purposes, 4.5 formula gives equal quota to the four “major” clans, and a half-point to a cluster of “minority” clans in Somalia. However, according to a spokesperson for Arta Peace Conference in Djibouti in 2000, stated that in this formula “clan groups are supposed to give a sense of shared identity and ancestry to members, without discriminating others. Source: Hiiraan Online
  18. To all intent and purposes, 4.5 formula gives equal quota to the four “major” clans, and a half-point to a cluster of “minority” clans in Somalia. However, according to a spokesperson for Arta Peace Conference in Djibouti in 2000, stated that in this formula “clan groups are supposed to give a sense of shared identity and ancestry to members, without discriminating others. Source: Hiiraan Online
  19. Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda S/land Oo Jawaab ka jawaabtay hadal ka soo yeedhay Xisbiga Waddani Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ayaa Jawaab ka bixisay hadal ka soo yeedhay Hoggaanka Xisbiga Waddani oo sheegay in Xukuumadu cunaha hayso Shirkadaha Isgaadhsiinta. War Saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ayaa u Dhignaa sidatan:- Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyaddu waxa ay kormeertaa isla markaana ay dhex u tahay shirkadaha bixiya adeegyada Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee dalka iyada oo ku ilaalinaysa xeerarka iyo shuruucda dalka u yaalla. Bulshada reer Somaliland waxa ay ogsoon yihiin sida qiimaha adeegyada kala duwan ee Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyaddu uu hoos ugu dhaceen, iyada oo tayada adeegyadaasina kor ugu kacday muddada afarta sanno ahayd ee ay xilka haysay xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, taasi oo ku timid dhiirigalinta iyo jihaynta suuqa isgaadhsiinta ee Madaxwaynuhu ku hogaaminayo dalka. Maanta waxa ay xubno ka mid ah hoggaanka Xisbiga Waddani ka hadleen arrimo la xidhiidha isgaadhsiinta, iyaga oo aan ka hayn xog dhamaystiran una kuurgalin xaaladda dhabta ah ee jirta. Haddaba, waxa aan u sheegaynaa bulshada in Wasaaradda iyo shirkadaha Isgaadhsiintu si dhow uga wada shaqaynayaan meel fiicanna ay marayaan hawlahaa la soo hadal qaaday iyo kuwa la mid ah oo qaranka u dan ah. Sidaas daraadeed, waxa aan u sheegaynaa hoggaanka Xisbiga Waddani in aanay siyaasadayn ganacsiga dalka, iskuna dayin in ay iska hor keenaan xukuumadda iyo ganacsatada, joojiyaanna danaha siyaasadeed ee gaarka ee ay ka raadinayaan meel aan laga dayin. Allaa Mahad Leh Qaran News
  20. U.S. Representative Ilhan Omar said on Sunday that she is confident House Speaker Nancy Pelosi will take “decisive action” in coming days against Republican congresswoman Lauren Boebert, for remarks about Omar that have been decried as Islamophobic. Boebert described Omar, a Muslim who was born in Somalia, as a member of a “jihad squad” at an event in her home state of Colorado last month and said it was safe to ride with her in a Capitol elevator if she was not wearing a backpack. A first-term lawmaker who has vowed to defy Washington’s gun laws, Boebert apologized for the comments. But a phone call between the two women ended in rancor with Boebert showing no sign of remorse. Democrats later called for the House to strip Boebert of her committee assignments for what they called anti-Muslim bigotry. “I have had a conversation with the speaker, and I’m very confident that she will take decisive action next week,” Omar told CNN’s “State of the Union” program. “When I first got to Congress, I was worried that I wasn’t going to be allowed to be sworn in because there was a ban on the hijab. She promised me that she would take care of it. She fulfilled that promise. She’s made another promise to me that she will take care of this. And I believe her.” There was no immediate comment from Pelosi or Boebert. 1:22 1:29 Perdue to challenge Kemp in Georgia governor’s race House Republican leader Kevin McCarthy defended Boebert last week, saying she had apologized publicly and personally to Omar. Omar did not say what action Pelosi might take. The Democratic-controlled House censured Republican Representative Paul Gosar last month for an anime video that depicted him killing progressive congresswoman Alexandra Ocasio-Cortez and swinging a pair of swords at President Joe Biden. It also stripped Republican Marjorie Taylor Greene of her committee assignments earlier this year for past remarks supporting violence against Democrats. Boebert, Gosar and Greene are all hard-line conservatives and outspoken allies of former President Donald Trump. Source Reuters Qaran News
  21. PRESS RELEASE U.S. Support for Human Rights Defenders The Department’s objective is to enable human rights defenders to promote and defend human rights without hindrance or undue restriction LUSAKA, Zambia, December 6, 2021/ — Protecting and supporting human rights defenders is a key priority of U.S. foreign policy. Because human rights defenders seek to hold their governments accountable to protect universally recognized human rights, defenders are often harassed, detained, interrogated, imprisoned, tortured, and even killed for doing their work. The Department’s objective is to enable human rights defenders to promote and defend human rights without hindrance or undue restriction and free from fear of retribution against them or their families. The work of these brave individuals and groups is an integral part of a vibrant civil society, and our investment in and support of them is likewise an investment in and support of the rule of law and democracy. Every day, around the world, many in civil society turn to us for assistance in emergency situations and to help them achieve longer-term goals that will make their countries more just and democratic. Human Rights Defenders Guidance The Biden-Harris Administration is committed to putting human rights and democratic principles at the center of our foreign policy. These Guidelines for U.S. Diplomatic Mission Support to Civil Society and Human Rights Defenders outline and amplify the U.S.’s commitment to supporting this vital work as part of the President’s strategic vision and U.S. foreign policy. It is addressed primarily to both U.S. Department of State Human Rights Officers and members of civil society around the world, including human rights defenders. SOURCE U.S. Embassy in Zambia Qaran News
  22. PRESS RELEASE WHO welcomes historic decision by Gavi to fund the first malaria vaccine WHO and partners are committed to finding approaches and taking actions to accelerate vaccine availability to increase vaccine access and reduce child illness and deaths GENEVA, Switzerland, December 6, 2021/ — WHO welcomes the historic decision by the Gavi Alliance Board to invest in the first malaria vaccine programme. The decision secures investment in the long-awaited malaria vaccine and assures that many more children at risk will benefit from this life-saving vaccine and additional malaria prevention. The Gavi Board approved an investment to support the malaria vaccine introduction, procurement and delivery for Gavi-eligible countries in sub-Saharan Africa in 2022-2025. An initial investment of US$ 155.7 million for 2022-2025 will initiate the implementation of this additional tool to “help drive down child mortality in Africa,” according to Gavi. In response to the decision, Minister of Health of Ghana and Gavi Board member Hon. Kwaku Agyeman-Manu said in the announcement: “Ghana, together with several countries on the continent, is proud to have been involved in the pilot program and the development of the first approved malaria vaccine, and today we welcome the decision made by the Gavi board to invest in the malaria vaccine programme. We must now work together to ensure children across the continent can benefit from this additional malaria intervention.” “This global investment is another milestone for the first malaria vaccine, which will boost child survival and extend the reach of malaria prevention through the existing platform of childhood vaccination,” said Dr Kate O’Brien, Director of the Department of Immunization, Vaccines and Biologicals. “This international financing of malaria vaccine doses for country implementation is a concrete step forward to increase access to the RTS,S malaria vaccine.” The WHO recommendation for the RTS,S malaria vaccine and this follow-on decision was achieved through the support and contributions of WHO across many departments and all levels of the Organization, the Ministries of Health in the pilot countries of Ghana, Kenya and Malawi, African-based evaluation partners, UNICEF, PATH, GSK, the Malaria Vaccine Implementation Programme (MVIP) funders (Gavi, the Global Fund and Unitaid) and other international and country-level public and private partners. Interest in the malaria vaccine in endemic countries is high and demand for the vaccine is expected to outpace the currently limited supply. Current vaccine production estimates are for up to 15 million doses per year; however, demand is estimated at more than 80 million doses annually. “The significance of these two announcements – first, the WHO recommendation, and second, Gavi’s decision to open a funding window for the vaccine – is truly historic,” said Dr Pedro Alonso, Director of the Global Malaria Programme. “We need new tools to reach our global malaria targets. And now, for the first time, we have a malaria vaccine that we estimate can save an additional 40 000 to 80 000 lives of African children each year. This represents a scientific and public health breakthrough.” WHO and partners are committed to finding approaches and taking actions to accelerate vaccine availability to increase vaccine access and reduce child illness and deaths. SOURCE World Health Organization (WHO) Qaran News
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Maxamed Xasan Cirro oo ka jawaabay dalabkii golaha midowga musharaxiinta ayaa sheegay in aan loo baahneyn dooda ah in la hakiyo doorashada ka socota dalka, isagoo ku dooday in xaalad loo hakiyo doorashada aysan hadda jirin. Waxa uu sheegay in ka guddi ahaan ay yihiin fulin oo kaliya, balse howsha socota ay tahay mid ay ku heshiiyeen golaha wadatashiga qaran ee ra’iisl wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada. “Hadii ay wax qabsoomeen oo ay dhaliilo ka yimaadeen waa in la saxo, oo hufnaanta doorashada la saxo waa wax la qaban karo, in doorashada lagu soo dhameystiro waqtigii loogu tala galay waa jidka kaliya ee maslaxada wadanku ay ku jirto, laakiin hala joojiyo doorashada socota dood saxan maaha,” ayuu yiri Guddoomiye Cirro. Guddoomiye Cirro ayaa dhanka kale faahfaahin ka bixiyey go’aankii ay ku laaleen doorashadii kuraas ka mid ah golaha shacabka oo ka dhacday magaalada Baydhaba ee gobolka Bay. Guddoomiyaha ayaa sheegay in go’aankaas uu gaaray guddiga doorashooyinka kadib baaritaan ay ku sameeyeen hanaankii loo maray doorashada kuraastaas. Guddoomiye Cirro oo u waramay TV-ga Universal ayaa la weydiiyey tallaabada ay qaadayaan hadii guddiga doorashada Koonfur Galbeed uu ka diido in dib loogu noqdo doorashada kuraasta muranku ka yimid ayaa waxa uu ku jawaabay; “Guddiyada heer dowlad goboleed waa kuwa ugu badan ee shaqada xoogeeda haya, guddiga heer federaalka waa kormeeraha in lagu dhaqmayo shuruucda doorashada, cidda marka awooda iska leh hadii ay wax qaldamaan waa guddiga heer federaal, sidaas ayaa awooda loogu kala sareeyaa, sharciyaduna waa in wixii qaldama dib loo saxo, go’aanka guddiga heer federaalna waa waajib in la fuliyo,” ayuu yiri Cirro. Hoos ka daawo wareysiga The post Daawo: Guddiga doorashada oo jawaab rasmi ah ka bixiyey dalabkii Midowga Musharaxiinta appeared first on Caasimada Online.