Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Labo carruura oo walaalo ah ayaa maanta meydkooda laga helay xaafadda jaamacadda Shabeelle oo ka tirsan deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho. Carruurta la dilay oo kala ah wiil iyo gabar da’dooda lagu sheegay 7 jir iyo 5 jir ayaa dilka loo geystay xalay, waxaana dilkaas lagu eedeynayaa in uu ka dambeeyay adeerkood hooyadooda qabay. Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in ay soo xireen carruurta hooyadood iyo ninka qaba, kuwaas oo hadda lagu hayo xarunta hay’adda dambi-baarista ee CID-da. Afhayeenka ayaa tilmaamay in carruurta la daldalay kadibna afka carro looga shubay, wuxuuna intaas ku daray in ay weli wadaan baaritaano la xiriira falkaas. PUNTLAND POST The post Carruur si arxan-darro ah loogu dilay Muqdisho iyo Booliska Soomaaliya oo ka hadlay appeared first on Puntland Post.
  2. MOGADISHU (HOL) - The EU and UN Food and Agriculture Organisation (FAO) today handed over the new Information Management Centre to Somali government to enable it manage its water and land information. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay Guddoonka sare ee doorashada Somaliland oo uu ku saxiixna Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa lagu hakiyay kuraasta 16-ka ah ee ay shaaciyeen Guddiga doorashada gobolada Waqooyi (Somaliland). Waxaa lagu sheegay ujeedka loo hakinayo kuraastaas inay tahay hubinta habsami u socodka doorashada iyo sugnaanta doorasho ku dhacda si xor iyo xalaal ah oo daah-furan, waafaqsana habraacyada doorashada ee lagu heshiiyey. “Waxaa lagu wargelinayaa Guddiga hir-gelinta doorashooyinka dadban ee goboladda waqooyi (SEIT) iyo guddiga hir-gelinta doorashooyinka ee heer federaal (FEIT) in la joojiyo gebi ahaanba faafinta kuraasta 16-ka ah,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka uu ku saxiixan yahay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi in la xaqiijinayo cuqaasha, qoondada haweenka iyo hufnaanta doorashada. Hakinta ayaa socon doonta illaa inta laga hubinayo hanaanka doorashada iyo habsami u socodkeeda, sida lagu sheegay qoraalka. Warkan ayaa imanaya xili uu dhawaan guddiga doorashooyinka ee heer federaal uu shaaciyey in la laalay habraacii ay kal hore ku heshiiyeen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ee lagu hagayey doorashooyinka kuraasta Somaliland. Guddiga ayaa sheegay in habraaca keliya ee Guddiga doorashada Somaliland ku shaqeyn karaan xiligaan uu yahay midkii kasoo baxay Golaha Shacabka oo keliya. “Waxaa kale oo cadaynaynaa in habraac ay soo diyaariyeen masuuliyiin ka tirsan gollaha baarlamaanka oo ka soo jeeda Soomaliland aan lagu dhaqmi karin, guddiga doorashada Soomaaliland wuxuu ku shaqaynayaa habraaca Golaha Wadatashiga Qaran, waxa keliya oo gaar u ah in ay yihiin ergo wadaag,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada ee heer federaal. Hoos ka aqriso warqadda Cabdi Xaashi kasoo baxday Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Doorashada 16 kursi oo ka mid ah golaha shacabka oo la hakiyey + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  4. Baghpat, Jnn. Abdirahman Abiyallah Ismail Siyalisi, Vice President of the Republic of Somaliland, said that there is a sense of belonging in India, so we want to increase cultural exchange and trade with India. Ismail Sialisi, who is on a four-day visit to India accompanied by his senior advisors Hussein Al Isaqi and D. Zakaria Dahir, arrived at the Gateway International School on Monday. Here he took stock of the cultural and Indian education system. He was welcomed with a bandwagon. He was overwhelmed by the Indian culture seeing the children reciting Hanuman Chalisa. The Vice President said that we have come here to explore the possibility of investment in order to increase business with India. Somaliland has other natural resources including rice, electronic equipment, copper, aluminum and gold. Our country’s gold is 99 percent pure. People of India come to Somaliland and do business. We will give them security and convenience. India’s annual trade with Somaliland is $442 million. Our intention is to increase agricultural import-export further. He said, there is a brother-sister relationship between us and India. In 1960, the Indian rupee was used in Somaliland. The Vice President said, there is freedom of speech and opinion in India. He described Prime Minister Narendra Modi as a good leader. Spoke on Somalia’s bandits.. On the question asked on the pirates of Somalia, Vice President Ismail Sialisi said that they do incidents within their own country’s borders. Such incidents do not happen in Somaliland. Somaliland’s Vice President knows the mind of children Abdirahman Abiyallah Ismail, Vice President of the Republic of Somaliland Sialise was welcomed by showering flowers by the children at Gateway International School. After talking to the children through Principal Amit Chauhan and his senior advisor Hussain Al Isaqi, he said that very good.. Bandhi turban. School Manager Krishna Pal Singh tied a turban and Principal Amit Chauhan welcomed the Vice President with bouquets. Representatives of MP Dr. Satyapal Singh and BJP leaders Thakur Pradeep Singh, Sunil Chauhan, Chairman of Agarwal Mandi Tatiri Vinod Kumar, Ram Niwas Baghu have also welcomed the Vice President. India gave great scientists On seeing the teaching methodology at Gateway School, the Vice President said that where education is imparted to the children in such an excellent manner, the children of that place make their mark in every field. India has given many great leaders, scientists and artists whose interpretation of excellence is commendable. And Sunil was made ambassador Amit Chauhan, Principal of Gateway School, told that the Vice President of the Republic of Somaliland The President of Gateway School, Sunil Chauhan, resident of village Sisana, was also announced as the ambassador of Somaliland. —- There is a lot of sugarcane here. The Vice President of Somaliland expressed his desire to visit the sugar mill from the manager of Gateway School College, Krishnapal Singh, but could not go to see the mill due to lack of time. Said that sugarcane is enough here. Sugarcane sugarcane appeared on the way. The college management informed him about the history of Baghpat. Edited By: Jagran Qaran News
  5. South Portland (Caasimada Online) – Deeqa Dhalac oo ah gabar Soomaali ah ayaa noqotay qofkii ugu horreeyey ee Soomaali ah ee loo doorta duqa magaalo ka mid ah Mareykanka. Deeqa oo 31 sano kahor ayada oo 21 jir ka qaxday Muqdisho ayaa shalay galab si rasmi ah loogu dhaariyey xafiiska duqa magaalada afaraad ee ugu weyn gobolka Maine ee South Portland. Deeqa oo oo muddo saddex sano ah ka tirsaneyd golaha deegaanka magaalada ayaa waxaa shalay u codeeyey lix ka mid ah xubnaha golaha deegaanka si ay magaalada u hogaamiso 2022. Cabdullaahi Axmed oo ah maamul dugsiga sare ee Deering High School ee magaalada Portland, islamarkaana hoggaamiya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Maine ayaa aqriyey ducada xafladda furitaanka dhaarinta Deeqa. Waxa uu Deeqa ugu hambalyeeyey inay muujisay waxay dhiiranaanta bani’aadamka ku guuleysan karto inkasta oo ay wajaheysay iska necbaansho, ayada oo taageero ka heleysa magaalo soo dhoweysay. “Waxaad halkan u joogtaa inaad sii waddo shaqadii socotay, aad ayaan kuugu faraxasannahay,” ayuu yiri Cabdullaahi. Ururka CAIR oo ah kan ugu weyn ee u dooda xuquuqda madaniga ah ee Muslimiinta Mareykanka ayaa ammaanay guusha Deeqa, kuna sheegay “inay astaan u tahay kororka ku lug lahaanshaha Muslimiinta ee Mareykanka ee hay’adaha dowladda.” Deeqa Dhalac oo 53 jir ah ayaa u shaqeysa Waaxda Waxbarashada ee gobolka Maine, waxayna sidoo kale u ololeysaa arrimaha xuquuqda aadanaha iyo cadaaladda. Deeqa Dhalac ayaa Soomaaliya kasoo carartay 1989-kii waxyar kahor inta aanu qarixin dagaalka sokeeye, ayada soo qaadatay duulimaad usoo socday Libya ugana sii gudubtay magaalada Roma, halkaasi oo ay ka codsatay magan-galyo. Waxay kadib usii gudubtay dalka UK, kahor inta aanay tegin Toronto 1991-kii. Waxay kadib guursatay ganacsade Soomaali Mareykan ah oo kasoo jeeday magaalada Atlanta, waxayna sidaas ku timid Mareykanka 1992-kii. Deeqa iyo seygeeda ayaa leh saddex caruur ah oo ay da’doodu u dhaxeyso 20 illaa 28. Ayada iyo caruurteeda waxay magaalada Lewiston ee gobolka Maine usoo guureen 2004. Waxay magaalada South Portland oo hadda loogu doortay duq magaalo soo degtay 2008. Deeqa ayaa shahaadada Master-ka ku haysata siyaasadda horumarinta bulshada, taasi oo ay ka qaadatay Jaamacadda University of New Hampshire 2014-kii. Waxay sidoo kale Master labaad 2017 ka qaadatay Jaamacadda University of New England, ayada oo ku takhasustay adeegga bulshada. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Gabar Soomaali ah oo loo doortay duqa magaalo weyn oo ka tirsan Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
  6. Nairobi (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsan booliska Kenya ayaa maanta toogasho ku dilay lix qof, oo ay ku jirto xaaskiisa, wuxuuna dhaawacay laba kale, kahor inta aanu isagu is-dilin, sida ay sheegeen booliska. Weerarkan, oo ka dhacay xaafadda Kabate ee ay degan yihiin dadka saboolka ah oo ka tirsan Nairobi, ayaa dhaliyey dibad-bax xooggan oo ay dhigeen dadka xaafadda kuwaas oo taayaro ay gubeen ku xayiray waddooyinka. Booliska ayaa sheegay in sarkaalka oo watay qoray AK-47 ah uu marka hore qoorta ka toogtay xaaskiisa kahor inta aanu si aan kala sooc laheyn u rasaaseyn deriskiisa. “Waxaan weynay lix qof oo dhammaantood uu toogtay sarkaal boolis ah kahor inta aanu naftiisa qaadin,” waxaa sidaas yiri Francis Wahome oo ah madaxa booliska deegaanka. Labada qof ee dhaawaca ah ayaa la geeyey isbitaalka. Wahome wuxuu sheegay in weli aysan caddeyn sababta dhiiri-gelisay toogashada, wuxuuna intaas ku daray “Waxaa naloo sheegay in lamaanaha uu ka dhaxeeyey buuq oo ay horey u murmeen.” Kiiska ay saraakiisha booliska ku dilaan xaasaskooda ayaa si joogto ah uga dhaca dalkan ku yaalla Bariga Afrika, oo ay dilalka ka baxsan cadaaladda caadi ka yihiin Booliska, oo aan qaadan mushahar fiican, si wanaagsanna aan loo tababarin, ayaa sumcad xun ku leh dalka Kenya, ayada oo loo arko ururuka ugu musuq-maasuqa badan dalka, sid aay sheegtay hay’adda Transparency International. Bishii tagtay, sarkaal kale ayaa rasaas ku faray saaxiibadiis, magaalo ku taalla bartamaha Kenya, isaga oo dilay mid ka mid ah kahor inta aanu baxsan. Bishii March, sarkaal sida militariga u tababarn oo ku sugan galbeedka Kenya ayaa dilay mid ka mid ah madaxdiisa kadib muran ka dhashay beddelaad, kahor inta aanu isagu is-dilin. Sarkaal kale oo boolis oo masayrsan ayaa toogasho ku dilay 10 qof kadib weerar uu ku qaaday laba maqaaxi oo ku yaalla bartamaha Kenya bishii November 2010, kahor inta aanu isku dhiibin booliska. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Toogasho lagu dilay lix qof oo maanta ka dhacday Nairobi appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wada-hadallo naadir ah Muqdisho kula yeeshay safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Alcuthman, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa. Wada-hadallada ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal oo aad xumaa sanadihii dhowaa, tan iyo markii uu dalka madaxweyne ka noqday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay xafiiska Rooble, ra’iisul wasaaraha ayaa dowladda Imaaraadka kala hadlay sidii ay qeyb uga qaadan lahayd gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ku saameeyeen gobollo badan oo dal ka mid ah. Xafiiska Rooble ma bixin faah-faahin intaas dheer oo ku saabsan kulanka. Sidoo kale safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho weli wax war ah kama soo saarin kulankan. Codsiga Soomaaliya ayaa imanaya xilli xiriirka labada dal aad u xun yahay, kadib markii Muqdisho ay go’aansatay inay xiriirka u goyso Imaaraadka Carabta, kana doorbiday xiriirka Qatar oo ay xifaaltamaan dalkan. Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka waxaa uu si aan horay loo arkin hoos ugu dhacay sanadkii 2017-kii markii ay bilaabatay xasaradii gacanka Khaliijka, xilligaas oo Soomaaliya ay diiday in ay la safato Imaaraadka iyo Sucuudiga oo ka soo horjeeday dowladda Qatar, isla markaana ay qaadatay go’aan dhex-dhexaadnimo ah. Bishii May 2018-kii, Imaaraadka ayaa iskiis uga baxay kaalmadii naf badbaadinta iyo iskaashigii military ee uu la lahaa Soomaaliya kadib markii uu aad u xumaaday xiriirka labada dhinac. Tani waxay timid kaddib markii ciidanka ammaanka ee Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen ku dhowaad $10 milyan oo Iimaaraadku diyaarad ku keenay si loo siiyo askarta, waxaana muddo gaaban la xayiray dayaaraddii lacagtaas keentay. Iimaaraadku wuxuu kaloo xiray isbitaal bixin jiray adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah oo ku yaallay Muqdisho laguna magacaabo Sheikh Zayed Hospital. Intaas kadib Imaaraadku waxaa uu xiriirro adag la sameystay ismaamullada Soomaaliyeed ee Puntland iyo Somaliland, iyadoo sidoo kalena taageero u fidisay siyaasiyiinta mucaaradka ah ee jooga Muqdisho. Shirkadeeda DP World, waxay $442 million ku maalgelisay horumarinta dekadda magaaladda Berbera tan iyo bishii October sanadkii 2018-kii. The post DF ioo codsi lama filaan ah u gudbisay Imaaraadka xilli xiriirkoodu xunyahay + Sawiro appeared first on Caasimada Online.
  8. Qaxoonti tirro baddan oo ka soo bara kacay dagaalka ka socda dalka Itoobiya ee u dhexeeya Dawladda uu hoggaamiyo Abiy Ahmed iyo Jabhada TPLF ayaa soo gaadhay dalka Somaliland gaar ahaana Gobolka Awdal,kuwaas oo aan weli la dejin meel,haseyeeshee suuqayadda iyo gidaarada Magaalada Boorama daad-san. Qaar kamid ah madax-dhaqameedka Gobolka Awdal oo shir saxaafadeed ku qabtay Magaalada Boorama ayaa ka hadlay arrintaas, waxaanay sheegaan inay teegeero buuxda siinayaan,isla markaana ay taageersan yihiin Dawladda Itoobiya ee dagaalka kula jirta jabhada TPLF “taageero buuxda ayaan siinaynaa Abiy Ahmed alle haku guulleeyo ayaanu leenahay dagaalka ,cid waliba wey ka baqaysay inay malyuumaadka reer Itoobiya inay qaxoonti noqdaan,waxaanu leenahay taageero buuxda ayaanu ku siinaynaa”ayuu yidhi Suldaan Xasan Xaddi Baade oo kamid ah madax-dhaqameedka Somaliland Waxa uu intaas ku daray “Nabada Itoobiya waa nabadeena beelaayadda Itoobiya ka dhacdaana cidda u horeysa ee ay afka ku qaadanaysaa waa innaga .” Suldaan Baade ayaa sheegay in qaxoonti ka soo qaxay dagaalkaas ay soo gaadheen Magaalada Boorama “Qaxoontigii ayaa na soo gaadhay durba Magaalo yar oo Boorama la yidhaah ayaan joognaa durba ay ardaa walba hor fadhiyaan Geesta kakela mid kamid madax-dhaqameedka oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay sidan:-“Aad iyo aad ayaan ugu hambalyeynaynaa in uu ku guullaystay Abiy Ahmed dagaalka waanu ku guullaysanayaa waa nin dhallinyaro ah oo nin door ah wakaas u baxay ee alle haku guulleeyo dagaalka,annagu itoobiyadda weyn ayaanu la danahay,maddaama oo aanu nahay Gobolka ugu xiga Somaliland,aad iyo aad ayaan ugu faraxnay inuu ku guullaysto Abiy Ahmed oo uu masiibadii dib inooga celiyo,isaga iyo Madaxweynaha killalka waan teegarsanay waa isku mawqif “ayuu yidhi Dhanka kalene Suldaan Dhawal oo isna halkaas ayaa yidhi sidan:-‘Arrinka dagaalka Itoobiya ka socda waan ka xumay marka hore,mid haboon muu ahayn ,lakiin waxa aanu caddaynaynaa in aanu taageersanay Itoobiyada weyn oo aanu rejaynayno in ay arrintaas dagaalka ay ku guullaysato.” Suldaan Dhawal oo haddalkiisa sii wata ayaa sheegay in qaxoontigii ka soo qaxay dagaalka Itoobiya ay soo gaadheen Boorama “Halkan maanta waxa na haysta qoxoontigii shawa iyo dhulkaa ka soo qaxay sida ay u joogaan iyo dhibaatada haysa waad arkaysaan ,anniga culays baddan ayaa na saaray wuxuu saaran yahay Somaliland dhulka aan ka degno, wuxuu saaran yahay killalka dhulka aan ka degno” Waxaa uu sheegay Suldaan Dhawal inuu taageersan yahay oo ku faraxsan yahay in dib loo riixo ciidanka jabhada TPLF “Waxaan leeyahay noqodkaa la celiyey nimankaa burburka dalka u horseedayey waa kii ku hoboonaa waan ku boggaadinaynaa Dawladda itoobiya iyo Raysal Wasaare Abiy Ahmed.” Source
  9. Liiska,Sawirrada & magacyada 100 dumar ah ee BBC u Xulatey 2021,Imisaa Soomaaliya ka soo jeeda? Lima Aafshid AfghanistanGabyaa Gabayaa iyo qoraa abaal-marin ku guuleysatey, taas oo gabayadeeda iyo maqaalladeedu ay ka hor yimaaddeen caadooyinka iyo dhaqamada Afgaanistaan. Xaliima Aadan KenyaHowl wadeen arrimaha bani’aadannimada ah horayna u ahayd qof dharka xayeysiiya Gabadhii ugu horreysay ee iyadoo xijaaban noqotay dadka ugu sarreeya xayeysiinta dharka, Xaliima Aadan waxay kasoo jeeddaa Soomaaliya balse waxay ku dhalatay xero qaxooti oo ku taalla Kenya. 2017-kii, waxay heshiis u saxiixday mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn adduunka ee dharka xayeysiiya, IMG Models, iyadoo qandaraaskeeda ku dartay shuruud ah inaysan siibi doonin xijaabka marka ay wax xayeysiineyso. Oluyemi Adetiba-Orija NigeriaAasaase – Headfort Foundation Waa qareenka dambiyada iyo aasaasaha shirkadda haweenka keliya ka howl galaan ee qareennada ee Headfort Foundation, oo bixisa adeegyo sharci oo pro-bono ah. Muqadasa Ahmadzai AfghanistanQof u dhaqdhaqaaqa arimaha bulshada iyo siyaasada Waxay abaabushay shabakad ka kooban in ka badan 400 oo haween firfircoon ah oo ka socda gobolka Nangarhar, ee bariga Afgaanistaan, si ay ugu safraan degmooyinka u dhow oo ay u caawiyaan kuwa ka badbaaday rabshadaha qoyska. Rada Akbar AfghanistanFarshaxaniiste Naceybka iyo dulmiga lagu dumarka ayaa udub dhexaad u ah shaqada farshaxanimada ee haweeneydan u dhalatay Afqaanistaan. Rada Akbar had iyo jeer waxay u isticmaali jirtay fanka sidii dhexdhexaadiye ahaan si ay u hadasho oo ay haweenka u siiso muuqaal weyn oo bulshada dhexdeeda ah. Abia Akram PakistanHoggaamiye dhanka naafada ah Waa haweeney u doodda xuquuqda dadka naafada ah tan iyo 1997-kii, waxayna markii iyadoo ardayad ah ay u suuragashay inay maareyso naafanimadeeda billowday Barnaamijka Khaaska ah ee kala baddalashada xirfadda (Step). Leena Alam AfghanistanJAtariisho Atariishada ku guulaysatay TV-ga, filimada iyo masraxa sidoo kalena u doodda xuquuqul insaanka, Leena Alam, ayaa caan ku ah sida ay uga soo muuqatay barnaamijyadeeda talefishinada dumarka ee Afgaanistaan, oo ay ku jiraan Shereen iyo Dilkii Farkhunda, kuwaas oo ka sheekaynayay sheekada haweenay Afgaanistaan ah oo si been abuur ah loogu eedeeyay inay gubtay Qur’aanka oo meel fagaare ah ay ku dileen dad cadhaysan. Dr Alema AfghanistanQof bartay aasaaska cilmiga iyo oleleeye Aqoonyahanadda caanka ah ee falsafada iyo cilmiga bulshada, Dr Alema waxay ahayd wasiir ku xigeenka xuquuqul insaanka iyo bulshada rayidka ah ee Wasaaradda Nabadda ee Gobolka. Waxay sidoo kale tahay aasaasaha guddiga ka qayb qaadashada siyaasadda haweenka ee madaxa banaan iyo u doodaha xuquuqda haweenka. Sevda Altunoluk TurkiCiyaaryahan heer sare ah ee ciyaarta camoolaha Iyadoo tan iyo markii ay dhalatay aragga naafo ka ahayd, Sevda Altunoluk waa ciyaaryahan kubbadda cagta ee goalball (ciyaar ay kooxo saddex oo aragga naafo ka ah ama indho-xiran kubbad ku tuuraan dhawaaqa galmaleel oo ay ku toogtaan shabaqa kooxda ka soo horjeeda). Wahida Amiri AfghanistanShaqaale maktabad iyo mudaaharaade Iyadoo ah Maktabadle buug-jecel, Wahida Amiri waxay ka qalin-jabisay cilmiga sharciga waxayna sameysaa mudaharaadyo joogto ah. Markii Taalibaan ay xukunka Afgaanistaan la wareegtay oo ay ka sii shaqayn kari wayday maktabadeeda, waxay u soo baxday waddooyinka magaalada Kabul. Waxay ku biirtay haween kale oo tiro badan oo socod wadareed sameynayay si ay beesha caalamka uga codsato inay taageeraan xuquuqda shaqada iyo waxbarashada haweenka Afgaanistaan. Mónica Araya Costa RicaOo u doodda helitaanka gaadiid aan ku shaqeynin gaaska Iyadoo ah khabiir ka shaqeysa dardargelinta sidii loogu guuri lahaa gaadiid xor ka ah gaaska, Mónica Araya waxay horseedday ololeyaal joogto ah oo ka dhacay qaaradaha Ameerika iyo Europe – oo uu ku jiro mashruuca muwaadinka, Costa Rica Limpia, oo waddankeeda ka caawiyay inuu sii xajisto booskiisa uu kaalinta koowaad uga jiro waddamada adduunka ee dib u cusbooneysiiya tamarta. Natasha Asghar Boqortooyada ingiriiskaXildhibaan baarlamaanka Welsh Waxay sanadkan gashay taariikhda markii ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee midab leh oo loo doorto baarlamaanka Senedd ama Welsh tan iyo markii la aasaasay, 1999-kii. Zuhal Atmar AfghanistanGanacsade – Gul-e-Mursal recycling Warshaddii ugu horreysay Afghanistan ee dib u warshadaynta warqadaha qashinka ah, Gul-e-Mursal, waxaa asaasay haweenay ganacsato ah oo lagu magacaabo Zuhal Atmar. Iyada oo aqoon u leh dhaqaalaha iyo ganacsiga, waxay Kabul ka hirgelisay warshad ay haweenku hoggaamiyaan 2016. Waxay abuurtay 100 shaqo, 30% ka mid ah waxay aadeen haweenka, laga soo billaabo dabaqa warshadda ilaa suuqgeynta. Marcelina Bautista MeksikoHogaamiye urur Iyadoo lafteeda horay u ahaan jirtay shaqaale guri, Marcelina Bautista waa agaasimaha xarunta taageerada iyo tababarka Mexico ee shaqaalaha guryaha (CACEH), oo ay aasaastay 21 sano ka hor. Waxay u ololaysaa sidii ay u sugi lahayd xuquuqaha, sida mushaharka xaqa ah iyo fasaxa xanuunka, ee ay ku naalloodaan shaqaalaha kale, iyo in ay horumariyaan xaaladdooda bulsho. Crystal Bayat AfghanistanXuquuq raadiye Iyadoo u dhaqdhaqaaqda arrimaha bulshada islamarkaana u doodda xuquuqda aadanaha, Crystal Bayat ayaa si weyn uga dhex muuqatay mudaaharaadyadii looga soo horjeeday la wareegida Taliban ee 2021, iyada oo gacan ka gaysatay abaabulka mid Kabul ka dhacay 19kii Ogosto – maalinta xorriyadda Afgaanistaan. Razia Barakzai AfghanistanMudaaharaade Razia Barakzai oo muddo sanado ah dowladda uga shaqaynaysay madaxtooyada, iyadoo xilal kala duwan soo qabatay, waxay isku aragtay shaqo la’aan markii ay Talibanka la wareegeen awoodda Afgaanistaan. Nilofar Bayat AfghanistanCiyaaryahanada kubbadda kolayga ee ku ciyaarta kursiga curyaanka Kabtanka kooxda qaranka ee kursiga curyaamiinta ee kubbadda koleyga ahna u doodaha haweenka naafada ah, Nilofar Bayat ayaa ka soo carartay Afgaanistaan si ay uga baxsato Taliban. Iyada iyo ninkeeda, Ramish – oo isagana sidoo kale ciyaaryahan kursiga curyaanka ah – labaduba waxay u shaqeynayeen Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah. Jos Boys IngiriiskaNaqshadeeye dhisme Xil-wadaagga agaasimaha mashruuca Naqshadeynta dhismaha ee dadka aan caadiga ahayn, oo dhiirrigeliya hal-abuurka ay sameeyaan farshaxamiisteyaasha naafada ah ee la xiriira sida ay ku heli lahaayeen looguna dari lahaa shaqooyinka naqshadeynta ee nagu hareereysan. Catherine Corless IrelandTaariikhyahan waddanka ama deegaanka Taariikhyahanadda rug caddaaga ah waxay baartay dhimashada 796 carruur ah oo ku nool guriga hooyada iyo dhallaanka ee Bon Secours ee Galway, iyadoo sameeyay cilmi-baadhis aad u dheer oo sannado badan ka caawisay in daaha laga qaado xabaal-wadareed ku yaalla goobtii hore ee hay’adda Ireland ee hooyooyinka aan guursan, halkaas oo boqollaal carruur ah lagu waayey. iyada oo aan wax caddayn ah loo hayn aaskooda, intii u dhaxaysay 1920-kii ilaa 1950-kii. Faiza Darkhani AfghanistanOleleeye deegaan wanaagga Iyadoo ah m ka mid ah dadka tirada yar ee ka shaqeeya arrimaha isbeddelka cimilada ee Afgaanistaan, Faiza Darkhani waa kaaliye barfasoor iyo agaasimihii hore ee Wakaaladda Ilaalinta Deegaanka Qaranka ee gobolka Badakhshan. Waxay kaloo u dooddaa xuquuqda haweenka. Azima Dhrodia CanadaHoggaamiye siyaasadda badbaadada ah – Bumble Khabiir ku takhasusay jinsiga, tignoolajiyada iyo xuquuqul insaanka, Azmina Dhrodia waxay hadda ka shaqeysaa hogaanka siyaasadda badbaadada ee app-ka shukaansiga ah ee Bumble. Waxay abaabushay warqad furan bishii Luulyo 2021, oo ay saxiixeen in ka badan 200 oo haween magac leh, taasoo ku baaqaysa tallaabo la taaban karo oo wax lagaga qabanayo xad-gudubyada baraha bulshada. Pashtana Durrani AfghanistanMacalimad – Learn Afghanistan Aasaasaha iyo agaasimaha fulinta ee baro Afgaanistaan, Pashtana Durrani waa macalimad u heellan hal-abuurnimada waxbarashada iyadoo diiradda la saarayo xuquuqda gabdhaha. Learn waxa ay Kandahar ka hirgalisay dugsiyo waxayna bixisay tababar macalinimo iyo hagitaan arday. Najla Elmangoush IngiriiskaWasiirka arimaha dibada ee Liibiya Haweenaydii ugu horeysay ee wasiirka arrimaha dibadda ee Liibiya oo la magacaabay sanadkan, sidoo kale waa diblomaasi iyo qareen. Intii lagu jiray Kacdoonkii Liibiya ee 2011, Najla Elmangoush waxay ka mid ahayd Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Qaranka, waxayna ka shaqeysay dhisidda xiriirka ururada bulshada rayidka ah. Shila Ensandost AfghanistanMacalimad Kor u qaadista wacyiga xuquuqda haweenka iyo gabdhaha ee waxbarashada waa mudnaanta macalinka Afgaanistaan, Shila Ensandost. Saeeda Etebari AfghanistanNaqshadeeye dahab Ganacsade iyo naqshadeeye iyo sameeye dahab ah oo caan ka ah caalamka. Sahar Fetrat AfghanistanQof u dooda dumarka Awooddi ka dambeeyay mudaaharaadyo badan oo ujeedadoodu ahayd inay wax ka qabtaan fikradaha qaldan ee jinsiga, Sahar Fetrat oo u doodda arrimaha dumarka waxay ahayd qaxooti da’yar oo ku sugan Iran iyo Pakistan xilligii taliskii ugu horreeyay ee Taliban. Waxa ay ku soo laabatay Kabul 2006-dii oo ay muujisay dhaq-dhaqaaqa difaacista dheddigga iyada oo dhallinyaro ah. Melinda French Gates MaraykankaDeeq-bixiye, haweeeney ganacsato ah Deeq-bixiye, haweeney ganacsato ah iyo u doode caalami ah oo haweenka iyo gabdhaha ah. Melinda French Gates ayaa dejisa jihada iyo mudnaanta mid ka mid ah hay’adaha samafalka ee ugu weyn adduunka doorkeeda la-guddoomiyaha Bill & Melinda Gates Foundation. Fatima Gailani AfghanistanNabadoon Waxay ka mid ahayd afar haween nabad doonno ah oo la fariistay Taliban 2020, iyadoo la isku dayayay in la helo “xal siyaasadeed oo caddaalad ah”. iFatima Gailani waa hoggaamiye siyaasadeed iyo ololeeye caan ah, oo ku hawlanayd arrimaha bani’aadamnimada 43-kii sano ee la soo dhaafay. Carolina Garcia ArgentinaAgaasime – Netflix Agaasimaha taxanaha asalka ah ee shirkadda filimada weyn ee Netflix, Carolina García waxay ku dhalatay Argentina waxayna ku kortay California. Haweeneydan u tababaran Qoob-ka-cayaarka iyo heesaha ayaa heer sare ka gaartay waaxda madadaalada kaddib markii ay ka bilowday tababar ay wax uga baratay shirkadda 20th Century Fox. Saghi Ghahraman IranGabyaa Waa qoraa Iranian-Canadian ah, iyo aasaasaha iyo madaxweynaha Ururka Queer Organization ee Iran (IRQO). Ghawgha AfghanistanFannaanad Iyadoo ah fannaanad hibo leh, abwaanad iyo laxamiiste, Ghawgha waxa ay ka shaqeyneysay mihnadda muusiga in ka badan shan sano. Heesaheeda – inta badan waxay ku saabsan yihiin gabdhaha iyo haweenka Afgaanistaan – waxay leeyihiin taageere daacad ah, erayadeeduna waxay ka soo horjeedaan xaaladda hadda dalka ka jirta. Angela Ghayour AfghanistanMacalimad iyo aasaase – Herat Online School Ku dhawaad 1,000 arday iyo in ka badan 400 oo macalimiin tabarucayaal ah ayaa hadda qayb ka ah Dugsiga Herat Online, oo ay aasaastay macallimad Angela Ghayour. Ghayour waxa ay go’aansatay in ay ficil sameyso markii Taliban ay ku amreen dumarka Afgaanistaan ​​iyo gabdhaha da’da yar inay guriga joogaan, dugsigeeda internetka ayaana hadda bixiya in ka badan 170 fasal oo kala duwan iyada oo loo marayo barnaamijyada internetka ee Telegram iyo Skype, laga billaabo xisaab iyo muusig ilaa cunto karinta iyo rinjiyeynta. Jamila Gordon SoomaaliyaMadaxa fulinta – Lumachain Iaydoo ah qof hormuud ka ahdunida qalabka macmalka ah ee casriga ah (AI), Jamila Gordon waa aasaasaha Lumachain, oo ah madal horseed ah oo u adeegsata AI si ay isugu xirto silsiladaha kala jaban ee kala gudbinta raashinka adduunka. Najlla Habibyar AfghanistanGanacsade Si ay uga caawiso haweenka Afgaanistaan ​​nidaaminta ganacsiga dharka gacan ku sameyska ah iyo in ay alaabtooda dibadda u iib geeyaan iyaga oo aan marin dillaaliinta qaaliga ah, Najlla Habibyar waxay aasaastay Blue Treasure Inc iyo Ark Group. Waxay sidoo kale u hogaamisay mashaariic USAID iyo Bangiga Adduunka, iyadoo diiradda saaraysa xoojinta haweenka iyo isbeddelka cimilada ee la xidhiidha ganacsiga. Laila Haidari PakistanAasaase – Mother Camp Iyadoo adeegsaneysa xarunta dhaqan celinta maandooriyaha ee Kabul, Mother Camp, Laila Haidari waxay caawisay ku dhawaad 6,400 oo reer Afgaanistaan ah tan iyo 2010, iyadoo ay ceeb tahay in dadka daroogada isticmaala ay bannaanka usoo baxaan. Waxay dhistay xerada iyada oo adeegsanaysa lacagta ay aruursatay waxayna ku maalgelisay iyada oo furtay makhaayad, oo ay maamulaan dadka balwadda kasoo kabanaya, taas la xiray kaddib markii la qabsaday Kabul. Zarlasht Halaimzai AfghanistanMadaxa fulinta – Refugee Trauma Initiative Qaxooti hore oo iyada lafteeda ka soo qaxday Afgaanistaan, Zarlasht Halaimzai waa aasaasaha iyo madaxa fulinta hindisaha dhaawacyada qaxootiga (RTI), oo ah hay’ad bixisa taageerada nafsiga ah ee qaxootiga oo ka caawisa inay wax ka qabato saameynta niyadeed ee rabshadaha iyo barakaca. Shamsia Hassani IranFarshaxaniistaha waddooyinka Iyadoo keentay midabka magaalada ay burburiyeen iskahorimaadyada, Shamsia Hassani waa haweeneydii ugu horreysay ee Afgaanistaan ah ee wax ku qorta qoraallada iyo farshaxanka waddooyinka. Waxay u adeegsataa dhismayaal la dayacay ama burburay ee Kabul iyadoo sawirkeeda dumarka ku tusaysa kalsooni, awood iyo hammi. Nasrin Husseini AfghanistanDhakhtarka xoolaha Koorsadii dawooyinka xoolaha ee ay ku qaadatay Jaamacadda Kabul, Nasrin Husseini waxay ku noqotay mid ka mid ah labada dumarka ah ee kaliya ee ku jiray fasal ay fadhiyeen 75 arday. Iyadoo qaxooti ah ayay ku kortay Iiraan balse waxay Afghanistan ugu noqotay waxbarasho markii dambena waxay u guurtay Canada oo ay ka heshay deeq waxbarasho oo ku saabsan caafimaadka xoolaha oo ay ka baraneyso Jaamacadda Guelph. Momena Ibrahimi AfghanistanAskariyad Saddex sano ka dib markii ay ku biirtay booliiska, Momena Ibrahimi, oo loo yaqaan Momena Karbalayee, waxaa xadgudub galmo ah kula kacay nin ka sarreeyay. Waxay go’aansatey inay ka hadasho wakhtigaas waxa ay la kulantay, iyo sidoo kale eedeymaha kale ee xadgudubka ee lagu hayo ciidamada booliiska Afgaanistaan. Mugdha Kalra HindiyaLa – aasaase – Not That Different Haweeneyda u doodda xuquuqda dadka qaba autism-ka ahna hooyada cunug hooyada 12-sano jir ah oo qaba autism, Mugdha Kalra waxay qayb ka aasaastay Barnaamijka Not Thar Different, oo ah dhaqdhaqaaq uu ilmuhu hogaamiyo oo diiradda saaraya ka mid noqoshada iyo fahamka “kala-duwanaanta neerfayaasha”. Waxay sameysay sheeko majaajillo ah oo nooceeda uusan jirin oo loogu talagalay inay ka caawiso dhammaan carruurta inay si fiican u fahmaan autismka iyo ka dhigista xulafada saaxiibadooda kala duwan ee neerfayaasha. Freshta Karima AfghanistanAasaase – Charmaghz mobile library Basaska loo baddalayo maktabadaha guurguura, NGO-ga fadhigiisu yahay Kabul ee Charmaghz wuxuu soo wareegay xaafadaha magaalada si uu buugaag iyo waxqabadyo farshaxan ugu geeyo boqolaal carruur ah. Amena Karimyan AfghanistanCirbixiyeen Iyadoo ah Injineer rayid ah iyo macallimad wax ka dhigta Machadka Farsamada ee Herat, Amena Karimyan waxay ahayd mid ka mid ah haweenkii ugu horreeyay ee Afgaanistaan ah ee u istaagay si ay diiradda u saaraan horumarinta xiddigiska ee waddanka. Aliya Kazimy AfghanistanWax bare Aliya Kazimy waxay ku lug lahayd waxbarashada iyo xuquuqul insaanka ka hor inta aysan Taliban qabsan Kabul. Waxa ay Laanqayrta Cas si mutadawacnimo ah ula shaqaynaysay muddo saddex sano ah, waxa ay bilawday howsha macmacaanka iyo rootiga ee haweenka waxaanay ka qalin jabisay shahaadada mastarka ee maamulka ganacsiga sanadkii 2020. Waxa ay wax ka dhigatay jaamacada oo ay rabtay in ay noqoto macalin. Baroness Helena Kennedy QC IngiriiskaAgaasime – International Bar Association’s Human Rights Institute Iyadoo ah Garyaqaan Scottish ah oo caan ku ah difaaca xuquuqda haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay, Baroness Helena Kennedy QC waxay ku dhaqmaysay sharciga dembiyada 40 sano. Waxay madax ka tahay Machadka Xuquuqda Aadanaha ee Ururka Qareennada Caalamiga ah, kaas oo dhowaan caawinayey haweenka khatarta ku jira ee Afgaanistaan. Hoda Khamosh IranOleleeye caadada dumarka “Caadadu ma aha wax laga xishoodo” waxa uu ahaa barnaamijkii wacyi gelinta ee ay Hoda Khamosh oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda haweenka ka wadday dugsiyada Afgaanistaan si kor loogu qaado wada sheekaysiga furan ee ku saabsan caadada. Mia Krisna Pratiwi IndonesiaU ololeeye deegaan wanaagga Haweeneydan u dhaqdhaqaaqda deegaanka ayaa ka shaqeysa sidii ay u xallin lahayd dhibaatada qashinka caagga ah ee jasiiradda Bali, iyada oo loo marayo Griya Luhu oo aan faa’iido doon ahayn. Iyagoo kaashanaya bulshada deegaanka, ururkeedu waxa uu sameeyay “bangi qashinka dhijitaalka ah”, oo nidaam ku salaysan in si wanagsan loo ururiyo loogana shaqeeyo qashinka, iyo in loo ururiyo xog si ay u taageerto isbeddel dheeraad ah oo lagu maareeyo qashinka. Heidi J Larson United StatesAgaasime – Mashruuca Golaha Tallaalka Waa aqoonyahan ku xeel dheer cilmiga bani’aadanka ahna agaasimaha Mashruuca Golaha Tallaalka ee Dugsiga Nadaafadda iyo Dawooyinka Cudurrada Waaweyn ee London. Professor Heidi J Larson waxay hoggaamisaa cilmi-baaris diiradda saareysa arrimaha bulshada iyo siyaasadda ee saameeya faragelinta caafimaadka. Hadda ujeeddadeeda wax baridda waxay saldhig uga dhigtay maareynta khatarta iyo xanta iyo sida loo dhiso kalsoonida dadweynaha ee tallaallada. Iman Le Caire MasarAasaase – Trans Asylias Qoob-ka-cayaaraha Casriga ah ee Cairo Opera House iyo tababaraha qoob ka ciyaarka, Iman Le Caire ayaa ku qasbanaatay inay Masar ka cararo sababtoo ah booliisku dacwad ugu soo oogayay inay tahay LGBTQ+. Waxay u soo guurtay Mareykanka 2008-dii, waxaa la siiyay magangalyo waxayna hadda ku nooshahay New York iyada oo ah fanaanad, qoob ka ciyaarto, jilaa iyo qof u dhaqdhaqaaqa LGBTQ+. Sevidzem Ernestine Leikeki CameroonOleleeye dhanka cimilada ah Iyadoo dhaqashada shinnida u adeegsata istiraatiijiyad ay ku xakameyso dabka keymaha, hay’adda ay aasaastay Sevidzem Ernestine Leikeki waxay tababartay in ka badan 2,000 oo dadka shinnida dhaqda ah kuwaasoo la baray soo saarista malabka, dhowridda tayada iyo qashin saaridda shinnida waxayna abuurtay in ka badan 86,00 oo ah geedaha “ay shinnidu jeceshahay” si ay ula dagaallanto nabaad guurka keymaha. Elisa Loncon Antileo ChileMadaxweyne – Constitutional Convention Iyadoo loo doortay 2021 mid ka mid ah 17ka wakiil ee dadka muwaadiniinta asalka ah si ay u qoraan dastuurka cusub ee Chile, Elisa Loncón Antileo waa luuqad yaqaan, macallimad iyo aqoonyahanad. Waxay hogaamisaa Axdiga Dastuuriga ah, waana markii ugu horeysay ee dadka asaliga ah ee Chile ay ka qayb qaataan xafiis dadweyne iyagoo wakiilo ka ah dalalkooda. Chloe Lopes Gomes FaransiisSameysa Qoob ka ciyaarka Ballet Chloé Lopes Gomes waxay ku biirtay tartankii Staatsballett Berlin ee sanadkii 2018, iyadoo noqotay qofkii ugu horreeyay ee madow ah oo ka qayb galaya ballerina. Laakiin haweeneydan qoob ka ciyaarka sameysa, horayna ardayad uga ahayd dugsiga Bolshoi ee Moscow, ayaa la kulantay midab-takoor, waxayna dhalleeceysay dhaqamada takoorka ah ee ciyaaraha ballet, oo ay ku tilmaantay “mid xiran oo la taageero”. Mahera AfghanistanDhakhtar caafimaad Dr Mahera ayaa wali ku mashquulsan in ay aragto bukaanada ku jira isbitaalka haweenka ee ay ka shaqeyso. Maral AfghanistanOleleeye Qoyska Maral ma aysan rabin inay ku lug yeelato dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka ama ay ka mid noqoto kooxaha bulshada rayidka ah. Waxay dareemeen, in dumar ahaan, aysan ahayn inay shaqeyso. Laakiin si kastaba way samaysay. Masouma AfghanistanXeer ilaaliye guud Dacwad-ooge dumar ah oo ku sugan Afgaanistaan, Masouma waxay ka shaqaynaysay garsoorka, aruurinta caddaynta iyo dhisidda kiisaska sharciga ah. Gabadhan ka qalin jabisay sharciga ayaa ka mid ahayd haween badan oo wax bartay 20-kii sano ee u dambeeyay, waxayna ku hanweyneyd inay dadkeeda u adeegto, iyadoo in ka badan shan sano ka shaqaynaysay xafiiska xeer ilaaliyaha guud. Fiame Naomi Mata’afa SamoaRa’iisul wasaare Haweeneydii ugu horeysay ee ra’iisul wasaare ka noqotay Samoa iyo hogaamiyaha xisbiga Fa’atuatua i le Atua Samoa ua Tasi (Fast). Fiamē Naomi Mataʻafa waxa ay siyaasadda gashay iyada oo 27 jir ah waxayna sidoo kale soo noqotay ra’iisal wasaare ku xigeen, wasiirka haweenka, horumarinta bulshada iyo wasiirka caddaaladda. Salima Mazari IranSiyaasiyad horeyna u ahaan jirta gudoomiya degmo Salima Mazari, oo ka mid ah saddexda haween ee guddoomiyeyaasha degmooyinka ee Afgaanistaan, ayaa sanadkan qabsatay cinwaannada warbaahinta iyada oo ah hoggaamiyaha aan cabsida lahayn ee malleeshiyada dawladda taageersan, ee dagaalka kula jirta Talibanka. Depelsha Thomas McGruder United StatesAasaase – Moms of Black Boys Utd. Isbahaysigeedu wuxuu isu keenaa “hooyooyinka walaacsan ee wiilasha madow” ee ka kala yimid Maraykanka oo dhan. Depelsha Thomas McGruder waa aasaasaha iyo madaxa midowga qaran ee Hooyooyinka Wiilashada Madow iyo kan la xiriira ee Midowga MOBB ee Isbeddelka Bulshada, kaasoo diiradda saara beddelka siyaasadaha iyo fikradaha saameeya sida wiilasha iyo ragga madow loola dhaqmo, gaar ahaan hay’adaha fulinta sharciga. Mulu Mefsin ItoobiyaKalkaaliso Iyadoo ah kalkaaliso caafimaad oo shaqeyneysay in ka badan 10 sano, Mulu Mefsin waxay hadda ka shaqeysaa xarunta One Stop Center ee ku taalla Mekelle, oo ah caasimadda gobolka Tigreega ee Itoobiya. Xaruntu waxay bixisaa adeegyo caafimaad, cilmi nafsi iyo sharci ah oo ay siiso dhibanayaasha xadgudubka galmada iyo rabshadaha. Mohadese Mirzaee Duuliye Mohadese Mirzaee, oo ah haweeneydii ugu horreysay ee duuliye diyaaradaha rakaabka ah ka noqotay Afgaanistaan, ayaa la wareegtay maamulka diyaaradda Kam Air Boeing 737 duulimaadkeedii ugu horreeyay ee taariikhiga ah ee waddankeeda iyada oo ay wehliyaan dhammaan shaqaale dumar ah horaantii sanadkan. Waxay noqotay duuliye ganacsi Sebtembar 2020. Fahima Mirzaie AfghanistanQoob ka ciyaarka – Whirling – dervish. Gabadhii ugu horreysay iyo tan keliya ee Afqaanistaan ah ee sameysa qoob-ka-ciyaarka-wirling-ka ah – oo ku shaqaysata qoob ka ciyaar qayb ka ah xafladda Suufiga Islaamka ee Sama. Fahima Mirzaie waxay aasaastay koox faneed oo isku dhafan oo Suufi ah oo soo bandhiga qoob-ka-cayaar iyo bandhig faneed lagu magacaabo Shohood Cultural and Mystical Organization, oo macneheedu yahay dareenka suufiyada. Tlaleng Mofokeng Koonfur AfrikaWakiilka qaramada midoobay u qaabilsan xuquuqda caafimaadka Magaca lala jecel yahay ee loo yaqano waa Doctor T, waana dhaqtar caafimaad iyo qof u dhaqdhaqaaqa xuquuqda caafimaadka haweenka ee dhinaca galmada iyo taranka iyo caafimaadka taranka, oo u doodda in dunida si fudud looga helo caafimaad, daryeelka HIV iyo adeegyada kala korinta ubadka. Tanya Muzinda ZimbabweCiyaaryahanad ciyaarta tartamada mootooyinka buuraha Iyadoo ka qaadata tartanka ay ragga u badan yihiin ee motocross, ama tartanka mootada ee wadada ka baxsan, Tanya Muzinda waxay noqotay horyaalnimada waddankeeda ee wareegyada waddooyinka. Waa haweeneydii ugu horeysay ee reer Zimbabwe ah ee ku guuleysata tartanka mootocross-ka tan iyo markii tartanka uu bilowday 1957-dii. Chimamanda Ngozi Adichie NigeriaQoraa Qoraaga Nayjeeriya ee caanka ah iyo astaanta dumarka oo shaqadiisa lagu turjumay in ka badan 30 luqadood. Chimamanda Ngozi Adichie waxay u guurtay Maraykanka iyadoo 19 jir ah si ay u sii qaadato shahaadada isgaadhsiinta iyo sayniska siyaasadda. Lynn Ngugi KenyaWeriye Saxafiyadda ku guulaystay abaal marinta Lynn Ngugi waxa ay caan ku tahay shaqadeeda madasha wararka dhijitaalka ah ee Tuko, halkaas oo ay kaga hadashay sheekooyin badan oo dhiirrigalinaya dadka. Amanda Nguyen MaraykankaGanacsade bulshadana wax tara Gabadhan waa madaxa fulinta ee Rise, oo ah urur ilaaliya xuquuqda dadka la kufsaday ama la faraxumeeyey. Basira Paigham AfghanistanU doode xuquuqda dadka laga tirada badan yahay Ka shaqaynta xuquuqda LGBTQ+ ee Afgaanistaan waa mid aad u adag laakiin inkasta oo caqabadaha jiraan, Basira Paigham waxay ahayd u dhaqdhaqaaqe sinnaanta jinsiga iyo dad laga tirada badan yahay siddeedii sano ee la soo dhaafay. Natalia Pasternak Taschner BaraasiilCilmigia noolaha aan isha arki karin Waxay malaayiin dad ah oo Brazil ku nool u keentay macluumaad cilmiyaysan oo naf-badbaadin ah oo muhiim ah intii lagu jiray masiibada Covid-19, iyadoo u adeegsaneysa maqaalladeeda ka baxa wargeysyada, raadiyaha iyo muuqaallada TV-ga. Monica Paulus Papua New GuineaOloleeye kasoo horjeeda sixirka iyo dhibaatooyinka gacan ka hadalka Si loo caawiyo dhibanayaasha eedeymaha sixirka iyo rabshadaha la xiriira, Monica Paulus oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha waxay iskaashi la sameysay Shabakadda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha Haweenka ee Highlands. Ururku waxa uu hoy iyo la-talin sharci siiya haweenka lagu eedeeyo sixirka, waxaana ay u gudbiyaan kiisaskooda Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah. Rehana Popal AfghanistanGaryaqaanad Khabiir ku takhasusay socdaalka iyo sharciga madaniga, Rehana Popal ayaa hadda ka shaqaynaysa sidii ay u taageeri lahayd turjumaannada Afgaanistaan, tarjumaannada iyo kuwa kale ee ka hadhay ka bixitaankii Nato ee Afgaanistaan. Manjula Pradeep HindiyaU doode xuquuqda aadanaha Qareenka iyo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda bulshooyinka ugu badan ee lagu yaso Hindiya. Iyadoo soo jeeda qoys Dalit ah oo reer Gujarat ah, Manjula Pradeep waxay caan ku tahay shaqadeeda ka dhanka ah jinsiga iyo takoorka jinsiyadeed. Waxay soo noqotay agaasimaha fulinta ee Navsarjan Trust, oo ah hay’adda ugu weyn Hindiya ee xuquuqda Dalits (oo hore loogu yaqaannay lama taabtaan). Razma AfghanistanMuusikiiste Muusikiiste karti badan, Razma waxa ay ciyaartaa qalab inta badan loo qoondeeyay ragga. Waxay ka qalin jabisay fanka iyo muusiga qoys fannaaniin ah, waxay la ciyaartay fanaaniin caan ah oo ku baahsan Afgaanistaan iyo caalamkaba. Rohila AfghanistanArdayad Gabadha iskuulleyda ah ee Rohila ayaa waxaa saameeyay ka saarista gabdhaha Afgaanistaan ee dugsiyada sare tan iyo markii ay soo laabteen Taliban. Maaddooyinka ay ugu jeceshahay waa saynis iyo Ingiriis, waxayna aad u xiisaysaa inay ku biirto walaalaheed u orda dugsiga subax kasta. Alba Rueda ArgentinaUdoode dadka jinsiyada bedesha Iyadoo noqotay qofkii ugu horreeya ee jinsiyadda isbaddalay ah oo dalkeeda ka qabta jago dowladeed oo sare, Alba Rueda waa xog-hayaha hoose ee Argentina ee siyaasadaha kala duwanaanta ee wasaaradda haweenka, jinsiga iyo isdhexgalka. Ruksana AfghanistanDhaqtarka qaliinka Dr Ruksana waa dhakhtar qalliin iyo kaaliye barfasoor. Waa aasaasaha hay’ad bixisa daryeel caafimaad oo aasaasi ah oo siisa bukaannada uga soo barakacay gobollada kale ee Afgaanistaan colaadda awgeed. Xalima Sadaf Karimi AfghanistanSiyaasiyad ahna xildhibaanad hore Xaliimo Sadaf Karimi oo ah qareen horeyna uga soo noqotay baarlamaanka Afgaanistaan kana soo jeeda waqooyiga gobolka Jowzjan ayaa ah siyaasi khibrad sanado badan leh. Roya Sadat AfghanistanMuuqaal sameeye Haweeneydii ugu horreysay ee agaasime filim ah oo soo ifbaxda xilligii Taliban ee Afgaanistaan. Labaatan sano aflaanteedu waxay ka soo muuqanayeen codadka dumarka Afqaanistaan, noloshooda iyo xannibaadaha lagu soo rogay. Shogufa Safi AfghanistanHogaamiye Muusiga Orkestara Iyadoo ah maareeyaha Zohra, oo ah kooxdii ugu horeysay ee dhammaan dumarka ah ee Afgaanistaan, Shogufa Safi waxay hoggaamisaa koox fannaaniin ah oo 13-ilaa 20 jir ah, kuwaas oo qaarkood ay ka yimaadeen guryo sabool ah ama agoon ah. Sahar AfghanistanCiyaaryahan kubbadda cagta ah Mid ka mid ah gabdhaha da’da yar ee doonaya inay kubbadda cagta ka ciyaaraan Afgaanistaan, laakiin aan hadda awoodin inay hoos yimaadaan xukunka Taliban. Saxar waxa ay u ciyaari jirtay dhawrkii sano ee u dambeeyay koox kubbadda cagta deegaanka ah oo ay saaxiibo badan kula kulmeen ciyaarista ciyaaraha. Soma Sara Boqortooyada ingiriiskaAasaase – Everyone’s Invited Ciwaanka caanka ah ee instagram-ka iyo website-ka Everone’s Invited, oo ah madal loogu talogalay dadka soo maray tacaddiyada galmada, ayay aasaastay Soma Sara bishii Juun 2020. Waxay siisaa dhibbanayaasha meel ay kusoo bandhigaan markhaatifurka xadgudubka galmada iyagoo aan la aqoonsaneynin, si ay u cambaareeyaan tacaddiga galmada iyo inay gacan ka geystaan ciribtirka “dhaqanka kufsiga” ee UK ee dugsiyada iyo jaamacadaha. Mahbouba Seraj AfghanistanU doode xuquuqda haweenka Ka dib 26 sano oo musaafuris ah oo ay ku joogtay Maraykanka, Mahbouba Seraj waxay ku laabatay dalkeeda Afgaanistaan 2003dii. Tan iyo markaas, waxay wax ka aasaastay oo ay hogaamisay tiro ururo ah oo u halgama xuquuqda haweenka iyo carruurta – oo ay ku jiraan Shabakadda Haweenka Afgaanistaan, oo ah aasaaska dhaqdhaqaaqa haweenka soo koraya ah ee dalka. Elif Shafak FaransiisQoraa sheekooyinka Qoraaga ku guulaystay abaalmarinta dhalashadeedu tahay Turkish-British iyo qof u doodaha haweenka iyo xuquuqda LGBTQ+. Anisa Shaheed AfghanistanWeriye Iyadoo ka mid ah wariyeyaasha ugu caansan Afgaanistaan, in ka badan toban sano Anisa Shaheed waxay soo tebisey sheekooyin ku saabsan xadgudubyada-xuquuqda aadanaha, siyaasadda iyo musuqmaasuqa. Waxay u shaqaynaysay Tolo News oo ah mid ka mid ah kanaalada ugu saamaynta badan taleefishinada dalka, waxayna ka warbixisay wararkii ugu dambeeyay ee goobta. Mina Smallman IngiriiskaBaadariyad iyo macallimad Waxay 2013 noqotay haweeneydii ugu horreysay ee Kaniisadda England ka soo jeedda oo madow ama qowmiyad laga tiro badan yahay. Hadda waa baadariyad Anglican ah oo howlgab ah iyo macalimad dugsi, Mina Smallman waxay u ololeyneysay inay waddooyinka UK noqdaan kuwo ammaan ah iyo in dib u habeyn lagu sameeyo booliiska. Barbara Smolinska PolandAasaase – Reborn Sugar Babies Boombaleyaasha runta loo ekeysiiyay ee “dib u dhashay” waxay caawiyaan qaar ka mid ah dumarka ay ilmaha kasoo dilmaan ama carruurta ka dhintaan, qaarna waxay ka caawiyaan inay la tacaalaan cabsida, welwelka iyo arrimaha taranka. Polish Barbara Smolińska oo ah farshaxamiiste u dhashay Poland waa naqshadeeye iyo sameeye, soo saarta boombalaha ilmaha nool oo kale ah oo loo isticmaali karo kaalmooyin daweyn ah. Ein Soe May Myanmar/BuurmaU dooda dimuqraadiyadda Kaddib markii ay xireen militeriga Myanmar ee Junta, Ein Soe May (oo uusan magaceeda dhabta ah sidaas ahayn) waxay xabsiga ku sii jirtay lix bilood ilaa markii dambe lagu sii daayay cafis dhawaan la fidiyay. Waxaa lagu hayay mid ka mid ah xarumaha badan ee militerigu ay dadka su’aalaha ku weydiiyaan iyo xabsiga caanka ah ee Insein, waxayna waqtigii ay xirneyd ku tilmaantay mid aad u adag iyadoo sheegtay in maskax ahaan iyo jir ahaanba loo waxyeelleeyay. Piper Stege Nelson MaraykankaSarkaalka xeeladaha dadweynaha – The Safe Alliance Iyadoo ah msarkaalka madaxda ka ah istiraatiijiyadda dadweynaha ee Isbahaysiga Badbaadada ee Austin, Texas, Piper Stege Nelson waxay kala shaqeysaa bulshada si loo joojiyo xadgudubka carruurta, faraxumaynta galmada, rabshadaha qoyska iyo ka ganacsiga galmada. Fatima Sultani AfghanistanBuuralay – dadka buuraha fuula Ka dib markii ay bilowday fuulista buurta oo u ahayd hiwaayad sanadkii 2019, Fatima Sultani waxay ka dhigtay hawsheeda inay ku dhiirigeliso xiisaha gabdhaha Afgaanistaan ​​ee buuraha fuula. Adelaide Lala Tam ShiinahaNaqshadeeye Farshaxaniiste iyo naqshadeeye cunto oo shaqadoodu ay mid wax badan ka ogaaneysa doorashada qaab nololeedkeena, gaar ahaan marka la eego xiriirka casriga ah ee nagala dhexeeya cuntada. Sister Ann Rose Nu Tawng Myanmar/BuurmaWadaad madhabta katooliga Wadaadda madhabta Katooliga waxay calaamad u noqotay mudaaharaadyada Myanmar ee ka dhanka ahaa milatariga la wareegay xukunka kaddib markii ay jilba dhigatay booliiska hortiisa si ay u badbaadiso mudaaharaadayaasha gabbaadka ka dhiganayay kaniisaddeeda. Emma Theofelus NamibiaSiyaasi Waxay noqotay mid ka mid ah golaha wasiirada ugu da’da yar Afrika – iyada oo 23 jir ah markii la magacaabay – sannadkii hore. Emma Inamutila Theofelus waa xubin baarlamaanka ka tirsan iyo wasiir ku xigeenka warfaafinta iyo tignoolajiyada isgaarsiinta, iyada oo hawsheedu tahay hogaaminta dadaallada isgaarsiinta rasmiga ah ee dalka ee Covid-19. Sara Wahedi AfghanistanMadaxa fulinta – Ehtesab Waa aasaasaha shirkadda billowga tignoolajiyada Afgaanistaan ee Ehtesab, oo wax soo saarkeedii ugu horreeyay uu yahay app fuliya adeegga amniga, awoodda iyo digniinta taraafikada ee dadka deggan Kabul. App-ku waxa uu cadeeyay inuu muhiim u yahay siinta Afgaanistaan ​​macluumaad ku saabsan dabeecadda iyo heerka ay le’eg tahay khatarta ku xeeran, isagoo la wadaagaya macluumaad lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan weerarrada walxaha qarxa (IED), garaaca dadweynaha iyo weerarrada guryaha. Vera Wang MaraykankaNaqshadeeye dharka ah Naqshadeeye caan ah oo sameysa dharka arooska oo safka hore kaga jirtay sameynta dharka ilaa 1970-meeyadii, Vera Ellen Wang waxa ay balaadhisay ganacsigeeda oo ay kudartay udgoonka, daabacaadda, naqshadaynta guriga iyo waxyaabo kale. Nanfu Wang ShiinahaMuuqaal sameeye Iyadoo asal ahaan ka timid tuulo fog oo Shiinaha ku taalla, filim sameeyaha abaalmarinta ku guulaystay Nanfu Wang ayaa hadda ku nool oo ka shaqeeya Maraykanka. Roshanak Wardak AfghanistanDhakhtarka haweenka Dr Roshanak Wardak oo horay u ahaan jirtay xubin baarlamaanka ka tirsan iyo khabiir ku takhasusay cudurrada haweenka, ayaa adeegyo caafimaad u fidinaysay haweenka in ka badan 25 sano, iyada oo xitaa ka shaqaynaysay xilligii ugu horreeyay ee Taliban xukunka haysteen iyadoo ah haweeneyda keliya ee dhakhtar ah ee gobolka ay ku dhalatay ee Maidan Wardak. Ming-Na Wen MacauAtariisho Codka la saaray jilaaga Fa Mulan ee ku jira filimka kartoonka ah ee Mulan (1998) iyo Mulan II (2004), Ming-Na Wen waxa ay sidoo kale jishay riwaayadda caafimaadka ee caanka ka ah Mareykanka ee ER iyo muuqaalka Inconceivable, oo ah mid ka mid ah filimada faro ku tiriska ah ee Mareykanka oo jilayaasha reer Aasiya ay hormuudka ka yihiin. Rebel Wilson AustraliaAtariisho, qoraa iyo soo saare Atariishada filimka Hollywood Megastar: ahna qoraa, soo saare iyo agaasime – sidoo kale waxay ka qalin jabisay kulliyadda sharciga. Xirfadeeda jilitaanku waxay ka bilaabatay masraxyada Sydney, halkaas oo ay inta badan ku qori jirtay buugaagteeda, waxayna magac ku yeelatay majaajilada Australia ka hor intaysan u wareegin Mareykanka 2010. Benafsha Yaqoobi AfghanistanU doode curyaamiinta Yaqoobi iyo seygeeda oo labadooduba indhoolayaal ah ayaa aasaasay ururka Rahyab Organisation si ay waxbarasho iyo dhaqan celin u siiyaan indhoolayaasha Afgaanistaan. Benafsha Yaqoobi oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqul insaanka ayaa sidoo kale guddoomiye ka soo noqotay guddiga madaxa banaan ee xuquuqul insaanka ee dalka, iyadoo diiradda saari jirtay waxbaridda carruurta indhoolayaasha ah. Malala Yousafzai PakistanLa -aasaase, Malala Fund Malala Yousafzai, oo ah qofka ugu da’da yar ee ku guulaystay abaalmarinta nabadda ee Nobel, ayaa ah u dhaqdhaqaaqaha waxbarashada gabdhaha Pakistan iyo sidoo kale ergayga nabadda ee Qaramada Midoobay. Waxay ka hadlaysay xaqa ay haweenka da’da yar u leeyihiin waxbarashada tan iyo markii ay ahayd 11 jir. Yuma TurkmenistanDaaweeye cudurada maskaxda Waxaa lagu khasbay inay ka tagto Ruushka kaddib markii ay ka soo qayb gashay xayaysiis dukaan suuq ah oo qoyskeeda ka soo muuqdeen xaflad loogu dabaaldagayay dadka jinsiyadaha isku midka ah ee is calmada bishii Ogosto ee la soo dhaafay. Iyadoo ah Daaweeye cilmi-nafsi iyo u dhaqdhaqaaqe LGBTQ+, Yuma waxay hadda ku nooshahay Spain. Zala Zazai AfghanistanAskariyad Ku-xigeenka haweeneydii ugu horreysay ee madaxa waaxda dambi-baarista ee booliiska ee gobolka Khost ee Afgaanistaan, gobolkaas oo noqday mid si isa soo taraysa uga xasiloonaaday dhaqdhaqaaqa kooxaha fallaagada. Lieutenant labaad Zala Zazai waxay ka mid ahayd ilaa 4,000 oo haween ah oo ka tirsan booliiska dalkaas, waxayna tababar xirfadeed ka heshay dugsiga booliiska ee Turkiga. Kor ku laabo Sidee lagu doortay 100-ka Haween? kooxda 100-ka Haween ee BBC ayaa magacyo kooban ku soo reebay liis ay soo gudbiyeeb iyaga ayna soo jeediyeen laamaha BBC-da. Waxaan dooneynay haween 12-kii bilood ee lasoo dhaafay qabsaday warbaahinta amaba saameyn reebay, iyo sidoo kale kuwa haya sheekooyin dhiirrigelin leh, gaaray guulo la taaban karo amaba saameyn ku yeeshay bulshooyinkooda. Magacyada faraha badan ee la soo gudbiyay ayaa haddana lagu qiimeeyaa hal ku dhigga sanadkan ee – haweenka isbeddellada sameynaya’, ee qaadanaya doorkooda ku saabsan isbeddelka caalamka, kaddib xanuunka safmarka ah ee dunida saameeyay qaar badan oo naga mid ah ayaa ku qasbanaaday inay dib u eegis ku saameeyaan qaabka ay u nool yihiin. Waxaa sidoo kale lagu qiimeeyay wkaiilnimada goboleed iyadoo la iska ilaalinayo dhinac u janjeerid, kahor inta aan la dooran magacyada kama dambeysta ah. Sanadkan 100-ka Haween ee BBC ayaa waxaa go’aan lagu gaaray in kala bar liiska ay ka soo muuqdaan haween ka soo jeeda hal dal – Afghanistan. Dhacdooyinkii dhowaan ka dhacay dalkaas ayaa caalamka qabsaday iyadoo malaayiin qof oo reer Afghanistan ahna ay su’aal geliyeen mustaqbalkooda, iyadoo kooxaha u dooda xuuquqda aadanaha ay cabsi ka muujiyeen in haweenka xorriyadda laga qaado marka la eego mustaqbalka iyo Taliban oo xukunka heysa. Innaga oo kala bar liiska u qoondeynay haweenka ka soo jeeda amaba ka shaqeeya dalkaas, ayaa waxaan dooneynay inaan iftiiminno inta haween ee lagu qasbay inay ka tanaasulaan waxyaabo badan oo noloshooda quseeya, iyo inaan sidoo kale soo bandhigno codadka kuwa la aamusiyay amaba qeybta ka ah qurbajoogta cusub ee Afghanistan. Taariikhdu markay ahayd 3-dii bishan December, Taliban ayaa soo saartay digreeto uu ku xusan yahay magaca hoggaamiyahooda sare oo wasaaradaha ku amraya “inuu tallaabo adag” ka qaado xuquuqda haweenka. Digreetada ayaa waxaa ku xusan shuruucda lagu maamulayo guurka iyo hantida haweenka, waxaa lagu xusay inaysan ahayn in haweenka lagu qasbo guur isla markaana aanan loo arkin inay yihiin “hanti”. Balse digreetadan ayaa la cambaareeyay maaddaama aan lagu xusin waxbarashada dugsiga sare ee gabdhaha iyo xuquuqda shaqo ee haweenka. Qaar ka mid ah haweenka Afghanistan ee liiska ku jira lama xusin magacyadooda si loo dhowro iyaga iyo qoysaskoodaba, iyadoo oggolaansho laga hayo ayaa waxaa sidoo kale la dhowrayaa dhammaan shuruucda BBC-da ee Siyaasadda Tifaftir iyo bedqab. Qaran News
  10. Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray ) ayaa ka hadlay faragelinta uu Madaxweyne Biixi ku sameeyey dhawaan sandalada faca weyn ee Beesha Subeer Awal ,kaddib markii uu dhawaan soo istaadhay Madaxweyne Biixi Suldaankii waraabe u taagga ahaa ee uu samaystay,kaas oo ah mid la garab eryayo oo laggu garaacayo Suldaanka Guud ee Beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Khilaafka Madaxweyne Biixi iyo Suldaan Xasan u dhaxeeya ayaa waxa uu soo shaac-baxay bishii October ee sannadka 2021-ka ,kaddib markii Lagu soo dhaweeyay Magaalada Hargeysa Ugaaska Guud ee Beesha Ciise Ugaas Mustafe Ibraahim, islmarkaana lagu Maamuusey Qado Sharaf loogu Sameeyay Huteelka Garand Haddi ee isla Magaalada Hargeysa, Waxaa Mikrafoonka lagu Soo dhaweeyay, Maxamed Case, oo ay Ilmaadeer yihiin Suldaanka Guud ee Beesha Gabiley Clan Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye, Kaas oo Sannado imika Mudo Kasoo Wareegtay, Si aan Sax aheyn Loogu Cumaamaday ee Magaalada Hargeysa. Odey Xasan Cabdilaahi oo kasoo jeeda Beesha Awal Bari, islmarakaana kamid ah Dadka Sida gaarka ah uga Xanaaqay Tallaabadii dhawaan ka dhacdey Huteelka Garand Haddi ee Magaalada Hargeysa ayaa yidhi sidan:-“Haddii uu Xataa Suldaan Xasan Maqan Yahey, Ma aha Ka Kursigiisa Ku Fadhiisanaya, Waxaa Sameeyay Muuse Biixi Laakiin Taariikh Xumo Ayey u Noqonaysaa Isaga iyo Ubadkiisaba” Sidaa Waxa Yidhi Haddaba Mujaahid Cali Guray ayaa qoraal uu soo dhigay shalay barta Facebuuga uu ku leeyahay arrintaas kaga hadlay waxaanu sheegay in Suldaan Guud ee Beesha Subeer Awal uu arrintaas ku dalacay,isla markaana loo hiiliyey oo noqday Suldaanka Beelaha Isaaq “Aaar Nin Ganay Iyo Nin Galaday Kala Og” Baa La Yidhiye Suldaanka Ha Isku Taataaban Lahaydee. Waabu Ku Sii Dalacay Oo Suldaanka Isaaq Baa La Yidhi. Allaylehe Waa Loo Hiiliyay. Nin Kuu Hiiliyay In Markiisa Aad U Hiiliso Waa Gobonimo Waanu Kugu Leeyahay Taana Suldaanka Iyo Beeshiisuba Way Og Yihiin Waana Lagu Yaqaan Dad Abaal Gala Oo Guda In Ay Yihiin. Source
  11. MOGADISHU (HOL) - Police in Mogadishu Tuesday morning recovered the bodies of two children who had gone missing fromt their home Monday night. Source: Hiiraan Online
  12. Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddiisa inay joojiyaan xadhiga aan loo aabbo yeellayn,kaas oo u sheegey in ciddii juuq tidhaah-ba la xidhayo,waxaanu sheegay in dalku aanu ahayn Bakhaar uu leeyahay Muuse Biixi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in haddii cid la xidhayo ay haboonayd in la xidho madax-dhaqameedka kuwooda qabyaaladda u ban-baxay”Haddii la doonnayo in qaar la xidho waxa fiicnayd in la xidho kuwa qabyaaladda ku hadlaya ee Salaadiinta sheeganaya ee meeshii Dawlad-nimadii ka saaray ee axsaab ka saaray ee innaga dhigay qabaa’il tartama oo isku qaylinaya in kuwaa la xidhaa ayey ahayd,lakiin inama yar yar oo dhallinyaro ah oo riwaayad qosol ah sameeyey marka la yidhaah waa la xidhay xorriyatul qawlkii ayey meel kaga dhacday oo distoorkeenu wuu ka soo horjeedaa.”ayuu yidhi Isagoo intaas ku sii darray “Waxaan leeyahay Madaxweynaha waxaan ka codsanayaa in dhallinyarta la soo daayo xadhiga aan loo aabbo yeellayna in la joojiyo ayaan leenahay Madaxweynaha.”ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddiisa inay joojiso xadhiga sharci darrada ah”Madaxweynuhu ha joojiyo xadhigan aan loo aabbo yeellayn ee ciddii juuq tidhaah la xidhayo,waxay Somaliland u soo dagaalantay maaha,wax dastuurkeenu qorayo maaha.”ayuu yidhi Dhanka kalene Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland lagu eedeeyo inay yihiin mucaarad jilicsan,isla markaana la haystayaal u ah nabad “Annaga waxa na lagu cannaantaa Somaliland ma laha mucaarad xoog leh ayaa na lagu caayaa buug aan akhriyayey oo Somaliland ka hadlaya oo soo baxay,waxa lagu qoray nabad-gelyadda ayey illaaliyaanoo waxay yihii qaar la haystayaal u yihiin nabada (hostage of peace) .”ayuu yidhi Gunaannadkii Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aanu dalku ahayn Bakhaar uu leeyahay Madaxweyne Biixi,isla markaana u sida uu doonno ka yeelli doonno “Dalkan waa la wadda leeyahay tallada maanta addiga ayaa loogu doortay,lakiin dalku Bakhaar aad leedahay maaha oo sida aad doonto ka yeellaysid ,ha iska daadin ayaan leeyahay Madaxweynoow sharrafta lagu saarray ee lagugu doortay ha iska saarin,haddii aad sharraftaada iyo karraamada xafiiska aadillaalin weyday yaa kale ee illaalinaya,addigii meesha fadhiyey ee lagu ixtiraamay haddii aad u qaadatid in aad addigu leedahay wax soconaya maaha runta ayaa ku sheegayaaye .” Source
  13. Iyadoo inta baddan ay xubnaha siyaasadda danneeya iyo guud ahaa-ba Bulshada reer Somaliland ay si gaar ah u dhawrayaan oo ay uga dhur-sugayaan Golaha Wakiillada Somaliland waxa uu ka yeelli doonno hadda xeerka xasaasiga ah ee horyaal,kaas oo ah xeerka furista ururada iyo axsaabta Qaranka Xeer Lr. 14/2011,kaddib markii uu Madaxweyne Biixi salluugay kaabis iyo wax-beddel ay ku sameeyeen Golihii hore ee Wakiillada Somaliland iyo Golaha Guurtidu ,isla markaana uu Golaha cusub ee Wakiillada dib ugu soo celiyey si ay uga gutaan waajibkooda sharci,kaas oo hadda miiska saaran,isla markaana loo gudbiyey sharci-yaqaanada Golaha Wakiillada si ay uga soo bixiyaan tafsiir sharci. Guddoomiye –ku-xigeenka Golaha Wakiillada Somaliland Cali Xaamud Jibriil ayaa ka hadlay xeerkaas, waxaanu sheegay in Madaxweyne Biixi uu xeerkaas ku soo celiyey oo ku soo diiday muddadii sharcigu uu siinayey,kaas oo uu sheegay in hadda loo dhiibay sharci yaqaanada Golaha Wakiillada si ay tafsiir sharci ugu sameeyaan “Xeerkaas wuxuu ku maqan yahay tafsiir sharci markaa tafsiir sharcigaasi uu soo dhammaado,ayaa golaha la horkeeni doonnaa haddii illaahay yidhaah-do .” Guddoomiye Cali Xaamud Jibriil ayaa intaas ku sii darray”Madaxweynuhu Xeerkaas wuxuu ku soo diiday wakhtigii sharcigu uu siiyey oo Golaha ayuu ku soo celiyey,markaas tafsiir sharcigu waxa uu ka qabo Xildhibaannada waa lala wadaagayaa.”ayuu yidhi Wallow aanu ku jirin xeerkani ajandaha kal-fadhiga haddana Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Somaliland Cali Xaamud ayaa muujiyey rajo ah in dhawaan xeerkaas la horkeenayo Golaha gaar ahaana inta lagu gudda jirro kal-fadhigan,waxaanu xusay in xeerkaas Xildhibaannada loo qaybin doonna,isla markaana Golaha la horkeeni doonno wakhtiga ugu haboon Xeerkan furista ururada oo ah mid xasaasi ah oo wax ka beddel iyo kaabis ay ku sii sameeyeen Golihii hore ee Wakiillada ayaa ah mid Madaxweyne Biixi markii loo gudbiyey uu soo diiday,kaddib markii uu arkay in uu sharciga khilaafsan yahay,kaas oo uu dib ugu soo celiyey Golaha Wakiillada si ay waajibkooda uga gutaan. Dhanka kalene xeerkan ayaa la sheegay in Madaxweyne Biixi uu ku sababeeyey diid-madiisa afar qoddob,kuwaas oo kale ah sidan . 1. Waxa uu sheegay in xeerkani uu caqabad ku noqonayo doorashada toos ah ee Madaxtooyadda ee qorshaysan 13 bishan November ee sannadka 2022-ka ,taas oo ah mid dastuuri ah,halka muddadii liisanka Xisbiyadda uu jideeyey xeer Barlamaan. 2. Doorshada tooska ah ee ururada ayaa ku beegmaysa doorashada dastuuriga ah ee Golaha Guurtida,taas oo qorshaysan inay dhacdo bisha may ee sannadka 2022-ka . 3. Xeerkan oo ah mid aan waafaqsanayn xeerka guud ee doorashooyinka Somaliland Xeer Lr.91 4. Madaxweyna ayaa sheegay in doorashada ururadu ay tahay heer Qaran ah, halka xeerkani uu dhigayo heer Gobol. Si kastaba ah-ahaatee xeerka furista ururadda ayaa Madaxweyne Biixi diid-madiisa uu ku sabeebeyey in uu yahay mid sharciga khilaafsan yahay,waxaana la sugayaa hadda in Golaha Wakiilladu ay ku raacaan Madaxweyne Biixi diid-mada xeerkaas iyo inay qoddobad sharciga khilaafsan ay waafajin doonnaa,waxaynu dhawrnaa waa halka ay saldhigo xaajadu iyo waxa uu ku dambeeyo xeerkaasi Source
  14. Hargeysa,(Qarannews)-Shaxdani xaga hoose taalaa waa qiimaha raashinka daruuriga ahi inta uu qiimahiisu ahaa kal hore ta ka sii hoosaysaana waa inta uu maraayo hada waxa kuu soo baxaysa sida qiimaha raashinku uu sare ugu kacay waxana aad dareemaysaa sida ay dadka danyarta ahi ay dhib xoogani uga soo gaadhayso iyada oo uu guud ahaan dunida sicir bararku uu saameeyay hadana waxa aad dareemaysaa in uu inaga si xoogan uu inoo saameeyay waxana haboon in xukumaddu ay jabiso cashuurta raashinka soo degaaya sida bariiska iyo daqiiqda baastada iyo shiidaalka oo iyagu mihiim ah, tan iyo xiliga lagu jiro xanuunka safmarka ee Karoonaha ( Coronavirus ) Kal hore 2020/2021. Kalhore Suuqa Hargeysa 2020 1. Sonkor 50kg ………….$24/206,400 2. Daqiiq 50kg …………..$20/172,000 3. Bariis 50kg……………$26/223,600 4. Baasto 10kg …………..$7/60,200 5. Saliid 20Ltr ………….$17/146,200 6. Shiidaal Petrol 1Ltr…$0.56/4,800 7. Shiidaal Desiel 1Ltr…$0.52/4,500 TOTAL/ISUGAYN……$95.08/817,700 Slsh. Sanadkani waliba bishani aynu ku jirno bisha ku xigta oo la galaayo sanadkii cusbaa waxa uu qiimaha meceeshadu u kacay si waali ah oo aan marnba la filanaynin waxana aad uga qayliyay guud ahaan bulshada reer Somaliland gaar ahaan dadka danyarta ah, waxana haboon in dadka loo dalbo gargaar caalami ah gaar ahaan raashin ama dalalka saxiibka dhow la ah Somaliland ee hodanka ah laga dalbado gurmad saxiibtinimo si loo baajiyo baahiyo badan oo la soo dersa dadka saboolka ah ee ku dhaqan dhamaan gobolada kala gadisan ee dalka Kor u kaca December 2021 1. Sonkor 50kg ………….$32.5/280,150Slsh 2. Daqiiq 50kg …………..$27/241,360 Slsh 3. Bariis 50kg……………$28/232750 Slsh 4. Baasto 10kg …………..$9/77,580 5. Saliid 20Ltr ………….$32/275,840 6. Shiidaal Petrol 1Ltr….$0.87/7,500Slsh 7. Shiidaal Desiel 1Ltr….$0.70/6000Slsh TOTAL/ISUGAYN…$130.07/1,121,200Slsh. Qaran News
  15. Haweenay shaacisey inay u sharaxan tahay Xilka Musharaxa Gudoomiye-Xigeenka 1aad Ee Xisbiga Kulmiye Hankayga Siyaasadda iyo habsami socodka doorashooyinka Somaliland ee 2022..! Markaan arkay aqoonta iyo kartida haweenka Somaliland sida ay lafa dhabar ogu yihiin hanaan socodka xisbiyada qaranka Somaliland. Markaan arkay kartidii iyo dadaalkii ay muujiyeen iyo sida ay qayeb wayen oga qaateen doorashooyinkii ka qabsoomay Somaliland. Waxaan go’aansaday inaan isku sharaxo Gudomiyaha kuwaad ee xisbiga Kulmiye, aniga oo leh aqoonti, kartidii, waayo aragnimadii aan ku gudan lahaa xilkaas. Iyada oo ay aqoontaydu ay gaadhsiisan tahay heer jaamacadeed. Waayo aragnimona u leh siyaasada kana mida xisbi xaakimka Finland ee Social Democratic Party, khibradana u leh siyaasada arimaha dibedda ee Somaliland kana mida ururu badan oo Caalamiya kana shaqeeya ictiraaf raadinta Somaliland. Waxaan u sharaxantahay gudomiye ku xigeenka kuwaad ee xisbiga Kulmiye shirweynaha soo socda ee xisbiga Kulmiye.. Samia Muse Qaran News
  16. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in ‘dhawaan cagta la marinayo cadowga’ xilli uu shaaciyay in ciidamada militeriga ay TPLF dib uga qabsadeen magaalooyin muhiim ah. Abiy oo ka hadlayay jiidda hore ee dagaalka wuxuu sheegay in dagaalyahanada fallaagada TPLF ay la kulmeen khasaare xilli ciidamada dowladda ay kala wareegeen magaalooyin dhaca gobollada Amxaarada iyo Canfarta. Ra’iisul Wasaaraha oo ku labisan tuutaha militeriga wuxuu sidoo kale sheegay in dagaalyahanada TPLF ay isa soo dhaween xilli ay ciidamadiisa si wadaan howlgalka lagu qabsanayo dhul badan. Balse TPLF waxay dhankeeda sheegtay in istaraatiijiyad dagaal darteed ay uga baxeen magaalooyinkaas. Shaley ayay aheyd markii hogaamiyaha fallaagada TPLF Debresion Gabre Mikael, uu sheegay in halgankooda ay sii wadayaan ilaa ay afka ciidda u daraan waxa uu ku sheegay cadowga ku qasbaya wadahadalka nabadeed. Telefishiinka Tigraay oo afka fallaagada TPLF ku hadla ayaa baahiyey wareysi ay la yeesheen hoggaamiyaha TPLF Dabresion Gabre-Mikael. Hoggaamiyaha wuxuu sheegay ciidamada fallagada iney ciidamada cadowga uu ku tilmaamay ay iska caabbin doonan ayna gulo wax ku ool ah ka soo hoyin doonaan Source
  17. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Alcuthman. Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dal iyo sidii dowladda Imaaraadku qeyb uga qaadan lahayd gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen. “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Alcuthman” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Qoraalka ayaa lagu sheegay “in ay ka wada hadleen xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii dowladda Imaaraadku qeyb uga qaadan lahayd gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.” PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo qaabilay Safiirka Imaaraadka Carabta appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho, taas oo lagu dilay caruur walaalo ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Caruurta oo ahaa wiil iyo gabar ayaa waxa da’dooda ay kala aheyd shan sano jir iyo todobo sano jir, waxaana saaka meydadkooda laga helay xaafadda Jaamacadda Shabeelle oo ka tirsan deegaan weynaha Garasbaaleey ee duleedka magaalada Muqdisho. Qaar ka mid ah ehellada caruurta la dilay ayaa innoo sheegay in wiilka iyo gabadha yar xalay adeeg loo diray, balse la waayey, iyadoo saaka dib loo helay meydadkooda. Sidoo kale dadka soo arkay meydadka labadaasi caruur ayaa sheegay in si arxan darro ah loo dilay, isla-markaana mid ka mid ah caruurta xarig lagu sirqiyey, halka midka kale ilkaha ay ka daad-sanaayeen, taas oo ay ka argagaxeen dadka deegaanka iyo ehelladoodaba. Caruurtan ayaa la sheegay in dilkoodu uu ka dambeyay adeerkood qabay hooyadood. Wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda Soomaaliya, waxaana ay xireen Seyga qabay hooyada dhashay caruurtaas, kaas oo lagu tuhmayo inuu geystay falkan, waxaana haatan ku socdo baariraano dheeraad ah. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah ama faahin faahin ah oo hay’adaha ammaanku ka bixiyeen dhacdadaasi xanuunka badan. Habeen hore ayey aheyd markii dhacdo argagax leh ay ka dhacday degmada Xamarjajab, kadib markii nin mindi ku hubeysnaa uu dilay xaaskiisa oo aheyd hooyada 12 caruur ah. Halkan hoose ka daawo muuqaalka Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Daawo: Caruur walaalo ahaa oo si arxan-darro ah loogu dilay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  19. Waxaa xaafadda Jamacadda Shabeelle ee deegaanka garasbaaleey duleedka Muqdisho ayaa maanta laga helay meydka laba carruur ah kuwaas oo la weysanaa. Carruurtan oo walaalo ah ayaa la sheegay in mid ka mid ah uu jiray 5 sano halka kan kale uu ahaa mid ku jira da’da 7 jirka waxa ayna kala ahaayeen wiil iyo gabar. In muddo ah oo la weysanaa carruurtan meydkooda la helay ayaa la sheegay in dilkoodu uu ka dambeyay adeer kood qabay hooyadood kaas oo hadda laamaha ammaanka ay gacanta ku dhigeen. Qaar ka mid ah ehelada carruurta ayaa sheegay in carruurtan la waayay xalay markaas oo dukaan xaafadda ku yaallo adeeg looga diray carruurtaan. Dilalka iyo falalka arxanka daran ayaa maalmihii la soo dhaafay ku soo badanaya magaalada muqdisho, iyadoo ay xusid mudan tahay in todobaadkaan bilawgiisa uu nin dagan degmada xamar jajab uu dil u geeystay xaaskiisa oo uu ka waayey lacag uu weydistay . Hoos ka daawo warbixinta ay Goobjoog ka diyaarisay dhacdadaan. Source: goobjoog.com