-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Dr Maxamed Jeelle oo kamid ahaa musharaxiinta kursiga tirsigiisu yahay HOP#104, kaasi oo uu ku guuleystay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka Mahad Cawad, ayaa shaaciyey tacadiyo loo geystay. Musharaxa ayaa shaaciyey in loo hanjabay si looga horistaago in uu isku sharaxo kursigaas, islamarkaana loo diiday in uu qaato warqada dembi la’aanta ee CID-da. “Faraha iska soo qaada oo dembi la’aanta soo qaata ayaa nala yiri, marka meeshii tagnay waxa nala yiri guddiga doorashada waa in uu warqad noo soo dira oo uu dhah hebel ka qaada faraha,” ayuu yiri. “Guddiga ayaa raadinay meel ayey ku xareysan yihiin telefoonadoodiina waa xiran yahay, marka meesha ugu tagno askartii waxay leeyihiin xiriir la sameeya, yaa xiriir la sameyna? telefoonadii waa xiran yihiine.” Sidoo kale waxa uu sheegay in maalintii ay dhaceysay doorashada huteelkii ay daganaayeen lagu soo wareejiyay ciidamo, tallaabadaasi oo uu ku sheegay inay qeyb ka tahay in laga hor istaago doorashada. “Huteelka aan daganahay ciidan ayaa lagu soo wareejiyay, waxaa noo yimid Taliyaha Saldhiga Dhuusamareeb Gaashaanle Maxamed, ma hadli kartaan oo halkaa joogtan hadda kasoo baxdan waxa idinku dhaca idinka ka mas’uul ah ayuu nagu yiri.” Kursiga laga hor istaagay musharax Jeelle ayaa waxaa ku guuleystay Mahad Cabdalla Cawad, oo asagu hore ugu fadhiyay, sida uu shaaciyey Guddiga doorashooyinka Galmudug. Doorashada Golaha Shacabka ayaa inta badan waxaa ka dhashay cabashooyin la xiriir is hortaag lagu sameeyay musharaxiinta iyo Nabaddoonada rasmiga ahaa, taasi oo mugdi gelisay hufnaanta doorashada socota. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Musharax loo diiday kursigii loo xiray Mahad Cawad oo shaaciyey arrimo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ah Senatorrada dooran ee Aqalka Sare ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku socoto wado xaaraan ah, markii la fiiriyo hanaanka loo maamulayo doorashada dalka, waxuuna ku taliyey in dalka laga badbaadiyo wadadaan qaldan. Waxa uu sheegay in ra’iisul wasaare Rooble uusan doorashada ku wadin wadadii saxda aheyd ee loo baahnaa, isla markaana taladu ay ka wareersan tahay, “Waliba far-weyn ayaa ra’iisul wasaaraha ku godan,” ayuu yiri. Sidoo kale Prof. Samatar ayaa sheegay in Rooble bilihii ugu horeeyey markii xilka loo dhiibay uu daacad u ahaa Farmaajo, balse markii laga badbaaday mudo kororsiga uu ka baxay gacabtiisa, laakiin hadda halkii hore uu ku laabtay. Waxa uu ku tilmaamay nin markii hore aan faham badan ka heysan siyaasadda Soomaaliya, haatana aan heysan la-taliyaal fiican, isagoo kula taliyey in afar ilaa shan qof oo aqoon u leh xaaladaan uu xeyndaab ka dhigto, si ay uga joojiyaan wixii xaaraan ah, wixii xalaal ahna ay ugu hagaan. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu ka laabtay go’aankiisii ahaa in baaritaan dhab ah uu maro kiiska dilkii Ikraan Tahliil Faarax oo aheyd sarkaal ka tirsan NISA oo nolol iyo geeri lagu waayey. “Waxaa cad oo uusan shaki ku jirin in Ra’iisul Wasaare Rooble uu ka laabtay in la baaro kiiska gabadhaas la dilay, taasina waxay muujineysaa heshiiska u dhaxeeya isaga iyo wadaadka buurta saaran, inuu si weyn u saameeyey kiiskaan oo weliba inta banaanka la soo istaagay la yiri waxaba waa lagu waayey ragii laga shakisnaa,wax la filanaayey maaha,” ayuu yiri Prof. Cabdi Samatar. Cabdi Samatar ayaa sheegay in markii la fiiriyo dhab-dhaqanka R/Wasaare Rooble iyo sida uu meeshiisii hore ugu laabtay ay muujineyso in markii horaba uusan qaranka daacad u aheyn, balse ninkii keensaday oo kaliya uu daacad u ahaa. Sidoo kale Prof. Cabdi Ismaaciil ayaa sheegay in doorashadii golaha shacabka ee gobollada waqooyi ee Muqdisho ka dhacday aysan aheyn mid xalaal ah, isagoo tusaale u soo qaatay qofkii Mahdi Guuleed la tartamayey oo ilaa hadda la garan la’yahay qof uu ahaa. “Hadda sida ay wax u socdaan walwal weyn ayey leedahay, waxaan ilaahey ka baryaan in Soomaaliya qiblada toosan uu u jeediyo afartaan sano, hadda siyaasadda Soomaaliya qiblo qaloocan oo xaaraan ah ayey ku sii jeedaa,” ayuu yiri Prof. Samatar. Sidoo kale waxa uu sheegay in hadda kadib ay xoogga saarayaan in aan la boobin oo si xalaal ah loo soo doorto kuraasta reer waqooyiga ee hartay. “Waa xaaraan in Ra’iisul wasaaruhu yiraahdo anigaa xukuma doorashada reer waqooyiga, gumeysi kuma jirno, dad is xukuma ayaan nahay, mas’uuliyadda dalka oo dhan ayaa saaran Rooble, laakiin anaga hanoo daayo saamigeena anagaa maamulaneyna,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar. Hoos ka daawo wareysi uu siiyey Goobjoog TV The post Daawo: Prof. SAMATAR oo shaaciyey mowqif uu R/W Rooble ka qaatay kiiska Ikraan appeared first on Caasimada Online.
-
M/weyne Muuse Biixi oo soo saaray Xeer-Madaxweyne Xasaasiya oo mamnuucaya… Xeer Madaxweyne: 08/12/2021 Wuxu u dhigan yahay Xeerka Madaxweynuhu Sidan:- Xeer Madaxweyne Lr. 16/122021 Mamnuucidda Ka-Qayb-Qaadashada Siyaasada Soomaaliya Markaan Arkay: Go’aanka Labada Gole (Guurtida iyo Wakiillada) ee summaddiisu tahay JSL/GB/O1/10/2003, kuna taariikhaysan 11/10/2003, ujeeddadiisuna tahay mamnuucidda ka-qayb-qaadashada siyaasadda Soomaaliya; Markaan Arkay: Degreeto Madaxweyne No: 213/2003 ee ku taariikhaysan 29/10/2003 ee lagu baahinayey go’aanka ay wada-jirka ku soo saareen labada Gole Qaran ee Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada); Markaan Arkay: Waajibaadka uu Dastuurku saaray muwaadin kasta oo ah adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka Qarannimada iyo difaaca dalka iyo diinta si waafaqsan Xeerka, sida ku cad Qodobka 34aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan ku Qancay: In ay tahay Dambi Khiyaamo Qaran oo lid ku ah Qarannimada iyo Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ka-qayb-qaadashada hawlaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland; Waxaan Soo Saaray; 1) Qof kasta oo u dhashay Dalkan Jamhuuriyadda Somaliland, ha noqdo Masuul Dawladeed, Shicib, Urur, Axsaab, Aqoon-yahan, Madax-dhaqameed, Suugaan-yahan iyo dhammaanba qaybaha Bulshada oo ka qayb-gala siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland waxa lagu qaadi doonaa Dambi Khiyaamo Qaran, si waafaqsan Qodobka 1aad iyo 2aad ee Go’aanka Labada Gole. 2) Xukuumadda oo kaliya ayaa ka qayb gali karta shirarka ay ku kulmayaan Somaliland iyo Soomaaliya, ee loo arko in ay dani ku jirto ee aan ka hor imanaynin jiritaanka Qarannimada iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, si waafaqsan Go’aanka labada Gole ee summaddiisu tahay GB/G/01/02/2012, kuna taariikhaysan 05/02/2012. 3) Qof kasta oo ka qayb-gala arrimaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, lagama aqbali doono cafis ka hor inta aan la horgaynin Maxkamadda awoodda u leh oo aanu Xukun Maxkamadeed ku dhicin. 4) Dhammaan hay’adaha nabad-gelyada ee ku shaqada leh waxa waajib ku ah in ay fuliyaan Go’aanka Labada Gole, isla markaana horgeeyaan Maxkamadda awoodda u leh qof kasta oo gala dambigaasi, si loo adkeeyo Jiritaanka Qarannimada iyo Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Qaran News
-
Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta saxiixay xeer dhammaan dadka kasoo jeeda gobollada waqooyi looga mamnuucay ka qeyb-galka arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, kaas oo ka kooban illaa afar qodob. Xeerkan ayaa lagu sheegay in dambi iyo khiyaamo qaran ay tahay in qof Somaliland ah uu ka qeyb-qaato siyaasadda Soomaaliya, waxaana go’aamiyey labada Gole ee Somaliland. “Mas’uul, shacab, urur, Axsaab, aqoon-yahan, madax-dhaqameed, suugaan-yahan iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee ka qaybgala siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay go’aanka labada ee Gole waxaa lagu qaadi doonnaa dambi ah “Khimaamo Qaran,” ayaa lagu yiri xeerka uu maanta saxiixay madaxweynaha maamulka Somaliland. Sidoo kale waxaa go’aankan lagu caddeeyey in haatan wixii ka dambeeya aan la cafin doonin qof kasta oo ka qeyb-gala maamulka siyaasadeed ee Soomaaliya. “In wixii hadda ka dambeeya aanay cafis lahayn qofkii ka qaybgala siyaasadda Soomaaliya, balse loo gudbin doono Maxkamadda Awoodda u leh in ay xukun ku riddo,” ayuu lagu yiri. Halkan hoose ka aqriso:- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer Madaxweyne oo summaddiisu ay tahay Lr. 16/122021 kasoo saaray mamnuucidda ka qeyb-Qaadashada siyaasadda Soomaaliya. Markuu Arkay: Waajibaadka uu Dastuurku saaray muwaadin kasta oo ah adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka Qarannimada iyo difaaca dalka iyo diinta si waafaqsan Xeerka, sida ku cad Qodobka 34aad ee Dastuurka Somaliland; Markuu ku qancay: In ay tahay dambi khiyaamo qaran oo lid ku ah Qarannimada iyo Madax-bannaanida Somaliland ka-qayb-qaadashada hawlaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka Baarlamaanka Somaliland ayuu soo saaray. 1) Qof kasta oo u dhashay Somaliland, ha noqdo Masuul Dawladeed, Shicib, Urur, Axsaab, Aqoon-yahan, Madax-dhaqameed, Suugaan-yahan iyo dhammaanba qaybaha Bulshada oo ka qayb-gala siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland waxa lagu qaadi doonaa Dambi Khiyaamo Qaran, si waafaqsan Qodobka 1aad iyo 2aad ee Go’aanka Labada Gole. 2) Xukuumadda oo kaliya ayaa ka qayb gali karta shirarka ay ku kulmayaan Somaliland iyo Soomaaliya, ee loo arko in ay dani ku jirto ee aan ka hor imanaynin jiritaanka Qarannimada iyo Dastuurka Somaliland, si waafaqsan Go’aanka labada Gole ee ku taariikhaysan 05/02/2012. 3) Qof kasta oo ka qayb-gala arrimaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland, lagama aqbali doono cafis ka hor inta aan la horgaynin Maxkamadda awoodda u leh oo aanu xukun Maxkamadeed ku dhicin. 4) Dhammaan hay’adaha nabad-gelyada ee ku shaqada leh waxa waajib ku ah in ay fuliyaan Go’aanka labada Gole, isla markaana horgeeyaan Maxkamadda awoodda u leh qof kasta oo gala dambigaasi, si loo adkeeyo Jiritaanka Qarannimada iyo Madax-bannaanida Somaliland. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Somaliland oo go’aan afar qodob ah kasoo saartay ka qeyb-galka siyaasada Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Xeer Madaxweyne: 08/12/2021 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer Madaxweyne oo summaddiisu tahay Lr. 16/122021 uu ka soo saaray Mamnuucidda Ka-Qayb-Qaadashada Siyaasada Soomaaliya. Waxaanu u dhignaa Xeerka Madaxweynuhu Sidan:- Xeer Madaxweyne Lr. 16/122021 Mamnuucidda Ka-Qayb-Qaadashada Siyaasada Soomaaliya Markaan Arkay: Go’aanka Labada Gole (Guurtida iyo Wakiillada) ee summaddiisu tahay JSL/GB/O1/10/2003, kuna taariikhaysan 11/10/2003, ujeeddadiisuna tahay mamnuucidda ka-qayb-qaadashada siyaasadda Soomaaliya; Markaan Arkay: Degreeto Madaxweyne No: 213/2003 ee ku taariikhaysan 29/10/2003 ee lagu baahinayey go’aanka ay wada-jirka ku soo saareen labada Gole Qaran ee Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada); Markaan Arkay: Waajibaadka uu Dastuurku saaray muwaadin kasta oo ah adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka Qarannimada iyo difaaca dalka iyo diinta si waafaqsan Xeerka, sida ku cad Qodobka 34aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan ku Qancay: In ay tahay Dambi Khiyaamo Qaran oo lid ku ah Qarannimada iyo Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ka-qayb-qaadashada hawlaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland; Waxaan Soo Saaray; 1) Qof kasta oo u dhashay Dalkan Jamhuuriyadda Somaliland, ha noqdo Masuul Dawladeed, Shicib, Urur, Axsaab, Aqoon-yahan, Madax-dhaqameed, Suugaan-yahan iyo dhammaanba qaybaha Bulshada oo ka qayb-gala siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland waxa lagu qaadi doonaa Dambi Khiyaamo Qaran, si waafaqsan Qodobka 1aad iyo 2aad ee Go’aanka Labada Gole. 2) Xukuumadda oo kaliya ayaa ka qayb gali karta shirarka ay ku kulmayaan Somaliland iyo Soomaaliya, ee loo arko in ay dani ku jirto ee aan ka hor imanaynin jiritaanka Qarannimada iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, si waafaqsan Go’aanka labada Gole ee summaddiisu tahay GB/G/01/02/2012, kuna taariikhaysan 05/02/2012. 3) Qof kasta oo ka qayb-gala arrimaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, lagama aqbali doono cafis ka hor inta aan la horgaynin Maxkamadda awoodda u leh oo aanu Xukun Maxkamadeed ku dhicin. 4) Dhammaan hay’adaha nabad-gelyada ee ku shaqada leh waxa waajib ku ah in ay fuliyaan Go’aanka Labada Gole, isla markaana horgeeyaan Maxkamadda awoodda u leh qof kasta oo gala dambigaasi, si loo adkeeyo Jiritaanka Qarannimada iyo Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Source
-
Xubno ka tirsan Golaha Degaanka Caasimadda Garoowe ayaa ka horyimid in la iibiyo Xarunta Degmada Garoowe. Qoraal ay ku saxiixan yihiin 14 Xubnood oo ka tirsan Golaha Degaanka ayaa lagu caddeeyay in aysan cid gaar ah iibin karin Xarunta Degmada Garoowe. Qoraalka ayaa sidoo kale tallaabo Sharciga baal-marsan ku tilmaamay dhismaha Shirkadda NECSOM ka waddo Gurigii Xoogga Korontada Degmada Garoowe oo hanti dowladeed ah. Xubnaha Golaha Degaanka ayaa ka codsaday Guddoonka Baarlamanka Puntland in si Sharciga waafaqsan wax looga qabto Arrintaas. Halkaan ka akhriso Qoraalka PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise The post Garoowe: Xubno ka tirsan Golaha Degaanka oo ka horyimid in la iibiyo Xarunta Degmada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashada SEIT ee Somaliland ayaa markale laba u kala qeyb-samay, kadib markii khilaaf horleh ka dhashay habka loo marayo maareynta doorashada kuraasta harsan xubnaha Golaha Shacabka ee gobollada waqooyi. Xiisadda ayaa soo shaac baxday, kadib markii uu guddoomiyaha Aqalka Sare uu soo saaray qoraal xasaasi ah oo uu ku dalbanayo in la hakiyo doorashada kuraasta 16-ka ah ee uu horay u shaaciyey guddiga maamulaya doorashada gobollada waqooyi (Somalililand). Sidoo kale xubnaha qaar ee guddiga, gaar ahaan garabka gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa soo dhoweeyey go’aankan, halka xubnaha garabka Mahdi Guuleed aydiideen arrintaas, waxayna dhalisay in markale guddigu u kala qeybsamo laba dhinac oo iska soo horjeeda. Dhinaca kale guddoomiyahaa Golaha Aqalka Sare ayaa waxaa garabkiisa ka baxay guddoomiye ku xigeenka guddiga SEIT ee Somaliland, kaas oo markii hore guddiga kasoo galay dhanka Cabdi Xaashi, kadibna heshiis la gaaray ku helay ku xigeenka guddiga. Cabdishakuur Abiib Hayir oo soo saaray qoraal u gooni ah ayaa marka hore tilmaamay in uusan aheyn guddoomiye ku xigeen koox gaar ah, wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay in laga been abuurtay qoraalka xubno ka tirsan Guddiga SEIT ee gobollada waqooyi. “Inaan shaqsiyan ah guddoomiye ku xigeenka guddiga ee aan aheyn guddoomiye koox gaar ah, guddiguna uu ka kooban yahay 11 xubnood oo u shaqeeya danaha iyo hannaanka hufan ee danaha doorashada kuraasta gobollada waqooyi,” ayuu yiri Cabdishakuur. Sidoo kale wuxuu ku baaqay in guddiga laga daayo jahwareerka siyaasadeed, isla-markaana loo madax banneeyo waajibaadka shaqo ee loo igmaday. Ugu dambeyn wuxuu caddeeyey in ka guddi ahaan ay ka go’an tahay in howsha loo igmaday ay u qabtaan si waafaqsan heshiisyadii horay looga gaaray doorashooyinka. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Gudiga doorashada gobolada waqooyi oo laba u kala jabay iyo xiisad cusub oo qaraxday appeared first on Caasimada Online.
-
More than 300,000 people in Somalia’s Galgaduud region have been affected by a severe drought that has gripped most of the country and forced the federal government last month to declare a state of emergency. Source: Hiiraan Online
-
Qiimaha kala iibsiga hubka ayaa sare u kac xoog leh laga dareemay gudaha magaalada Muqdisho, waxaa kale oo kordhay dhaqdhaqaaqa dalaallada hubka, iibka, kala wareejinta iyo arrimaha la xiriira. Xog uruurin ay Goobjoog News ka sameysay suuqyada hubka ee Muqdisho waxaa ku cad in qoryaha qaar uu qiimahoodu kordhay 100% sideeddii bil ee ugu dambeysay, taasi oo muujineysa sida dhaqdhaqaaqu yahay. Mid ka mid ah kuwa hubka iibiya oo magaciisa C. M. aan kusoo koobeyno sababo amni waxaa uu leeyahay “Waxaa batay qoryaha la iibsanayo, siyaasiyiin iyo dad caadiya waa naga iibsadaan, diyaar-garow ayaa jira, ma ogin”. Mar aan weydiinay goorta ay qiimaha kordheen “April markii dagaalka dhacay kadib waaye” ayuu kusoo gabagabeeyey. Ganacsatada hubka ayaa sheegaya in uu jiro hub uruursi xooggan, uuna kala badan yahay dalabka iyo hubka suuqa yaalla iyaga oo intii raaciyey in aaney tan oo kale dhicin wixii ka dambeeyey 2009-kii. Isbadalka Qiimaha: AK47 nooca Kuuriyanka halkii uu ka ahaa $800 hadda suuqa waxaa uu ka joogaa $1,100 AK47 nooca Qarshoole halkii uu ahaa $1,000 hadda waxaa qiimahiisa gaaray ilaa $1,700 Qoriga BKM waxaa uu qiimahiisu ahaa $9, 000 hadda waxaa uu suuqa ka joogaa $13,000 Qoriga Dhashiike Dabamalaay halkii uu ka ahaa $8,000 waxaa uu hadda marayaa qiimahiisu ilaa $17,000 Qoriga Dhashiike Dabool yare oo qiimahiisu ahaa $8,000 hadda waxaa uu gaaray ilaa $15,000 Qoriga Sabanka halkii uu qiimahiisu ahaa $1,000, waxaa uu hadda gaaray ilaa $1,600 Bastoolada Dhabancas halkii qiimaheedu ka ahaa $1,800 hadda waxaa ay gaartay ilaa $2,500 Bastoolada Biljim-ta oo qiima ahaan horay u joogtay $1,800 hadda waxaa ay joogtaa $2,500 Basoolada Tetega oo markii hore lagu iibin jiray $700 iminka waxaa uu qiimaheedu gaaray ilaa $1,200 Dhanka rasaasta: Rasaasta AK47 xabaddii aheyd $1.2$ waxay gaartay $1.5, Rasaasta BKM oo la iibin jiray $1 waxay hadda joogtaa $1.5, Rasaasta Shashike oo halkii Sanduuq ahaa $150 hadda waa $250, Rasaata Suugga oo halki xabo horay u ahaa $10 iminka waxaa uu gaaray $20 halka Raasta RBJ ama Sabanka oo $90 ahaa uu marayo ilaa $180. Dalka waxaa ka socota doorasho guud, oo ah tii ugu musuqa badneyd tan iyo 1969-kii, iyada oo kuraasta loo xerayo dad gaar ah, la badalayo odeyaashii saxiixayaasha ahaa, la qortay qaar cusub, beelaha qaar la dhacay, lana diiday tartan hufan oo musharaxiinta beelaha ah, taasi oo horseedi karta cabsi laga qabo qalalaaso iyo in dagaallo sokeeye ay dib u qarxaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Golaha Deegaanka magaalada South Portland ee dalka Maraykanka ayaa Deeqa Cabdi Dhalac u doortay inay noqoto Duqa magaalada South Portland Gobolka Maine ee dalka Maraykanka. Deqa Cabdi Dhalac oo ka tirsanayd Golaha deegaanka magaalada South Portland, gaar ahaan xaafadda 5-aad waxay dalka Maraykanka gashay sannadkii 1992, waxayna wax ku baratay dalka maraykanka, iyadoo in muddo u adeegaysay dadka ku nool Magaalada South Portland ee Gobolka Maine, gaar ahaa dadka soo galootiga ah. Deeqa ayaa sannadkii 2018 loo doortay Golaha deegaanka Magaalada South Portland, gaar’ahaan Xaafada 5-aad. Marwo Deqa Dhalac ayaa waxay noqnaysaa gabadhii ugu horraysay ee soo galooti Africaan Soomaali ah Muslim ah oo loo doorto Duqa magaalo ka mid ah magaalooyinka Maraykanka. Source
-
MOGADISHU (HOL) - Technology experts, policymakers and Somalis from all walks of life gathered for the second day of the Mogadishu Tech Summit which started in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Paris)-Nin Sacuudiyaan ah oo looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa dilka weriye Jamal Khashoggi ayaa lagu xidhay dalka Faransiiska, sida ay booliisku sheegeen. Khaled Aedh Alotaibi ayaa lagu xidhay garoonka diyaaradaha ee Charles-de-Gaulle ee magaalada Paris maanta, sida ilo booliis ah ay u sheegeen. Waxa uu ka mid yahay 26 qof oo Sucuudiyaan ah oo Turkigu uu u doondoonayo dilka wariyaha. Ninkan oo 33-jir ah ayaa hore uga mid ahaa ilaalada boqortooyada Sacuudiga ayaa ku socdaalayay magaciisa, waxaana la dhigay xabsi maxkamadeed sida idaacada RTL ay sheegtay. Khashoggi, oo ah nin si weyn u dhaleeceeya dowladda Riyadh, ayaa lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul bishii Oktoobar sannadkii 2018. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan habeen hore ka dhacay hoyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu kala kacay, kadib markii la isku fahmi waayey waxyaabihii looga wada-hadlayey, sida ay ogaatay Caasimada Online. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in kulankaas uu ku saabsana cabashada ka tagaan kuraasta tirsigoodu yahay HOP141 iyo HOP146, kuwaasi oo doorashadooda ay taallo magaalada Jowhar ee maamulka HirShabelle. Xiisaddan ayaa salka ku haysa cabasho ay qabaan Beelaha Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone oo ay kuraas kala dhaxeyso beesha Maxamed Caroone, oo laba jufo oo ka tirsan oo kala ah Agoonyar-Gaabane iyo Obakar-Gaabane ay haystaan laba kursi oo xildhibaan. Waxay ku doodayaan inaysan cadaalad aheyn iyo Maxamed Caroone ay qaataan laba kursi, halka labada beel ee kale aanay xitaa helin hal kursi. Labadaan beel ee Cabdalla iyo Nugaale ayaa wax ku leh kuraasta ay ku fadhiyaan Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale. Kulankii ka dhacay guriga Shariif ayaa lagu kala kacay kadib markii ay ka biyo diideen qaar kamid ah beelaha cabashada qaba soo jeedin uu sameeyay Sheekh Shariif, taasi oo aheyd in Kursiga HOP146 oo kamid ah beelaha qaba cabashada laga siiyo tiro ergo aan la shaacin, halka beesha cabashada ka qabta HOP141 uu xilal wasiiro ah uga raadin doono maamulka HirShabelle. Xubno ka qeyb-galay kulankaas ayaa Caasimada Online u sheegay in beelaha qaar ay sheegten in la duudsiiyay xaqoodii Siddeedii sano ee la soo dhaafay, ayna qaadi doonaan tallaabo kasta oo ay ku heli karaan xaqa ka maqan. Qaar kamid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda beelaha tabashada qaba ayaa wacad ku maray in kuraastaas aan lagu qaban doonin doorashadooda Jowhar oo uu dagaal ka go’an yahay, haddii uu madaxweyne Guudlaawe wax ka qaban tabashadooda, taasi oo ay ku guul dareysteen inay wax ka qabtaan dadkii ku howlanaa oo ay kamid ahaayeen madaxdii hore ee dalka. Kulanka ayaa daba socday wada-hadalo soo bilowday bishii July ee sanadkaan, markii ay socdaal ku tageen degmada Cadale madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo weliba wafdi ay hogaaminayeen. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxay arrintaan dhaawac weyn ku tahay sumcadiisa, haddii uu si dhab ah ugu guul-dareysto in uu xaliyo cabashada ay beelahaas ka qabaan labada kursi, maadama ay yihiin xigtadiisa u dhow. Madaxweynihii hore ee dalka oo lagu tiriyo mid kamid ah shaqsiyaadka ugu rejada wanaagsan doorashada Soomaaliya ayaa maraya imtixaan adag oo ugu imanaya xubno kamid ah dadka uu kasoo jeedo, waxaana dhici karta in uu kaga mashquulo halgankiisa kale ee siyaasadda, sida ay qabaan dadka falan-qeeya arrimaha siyaasada dalka. Si kastaba, cabashada iyo dooda ka taagan labada kursi ayaa horseedi karta gacan ka hadal ka qarxa maamulka HirShabelle, haddii aan xal deg deg ah laga gaarin doodaas oo mowjado kale oo deganaansho la’aan ah ku furi doonta maamulka. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Xog: Shir lagu kala tagay oo ka dhacay guriga Sheekh Shariif iyo Harti-Abgaal oo dagaal qarka u saaran appeared first on Caasimada Online.
-
Waxa ay dhalinyaradaan muddo sanada ah ka soo muuqanayeen baraha bulshada si gaar ah barta muuqaalada gaagaban lagu duubo ee TIK TOK, waxaana deegaan u ahaa magaalada Muqdisho. Dhalinyaradaan oo uu horboodayo Madaxweynaha TikTok Bilaal Bulshaawi ayaa looga bartay soo gudbinta muuqaalada gaagaban ee xaraabada iyo kaftan leh kuwaas oo ay ku soo caan baxeen xilliyadii dhexe. Balse maalmihi la soo dhaafay oo ay aad u qabsadeen baraha bulshada ee Soomaalida, ayaa sababtay kadib markii ay muuqaaladoodii ay u weeciyeen dhanka howlaha bini aadanimada. Bilaal Bulshaawi, Looseey, Guuxaye, Shafinho, Cali Khadaab iyo kuwa kale ayaa ka soo muuqday furimaha hore ee gurmadka loo sameynayo dadki ay saameeyen aabaaraha dalka. Dhalinyaradaan oo si iskood ah isku xilqaamay ayaa tagay qeybo ka mid ah gobalka gedo halkaas oo ay gaarsiyeen markii hore deeq raashiin iyo biyo ah, iyadoo markii dambe muuqaallo ay baraha bulshada ay ku baahiyeen ku dalbaday in garab lagu siiyo gurmadka dadka ay keentay in dad badan ay garab istaagan dhalinyaradaan. Muuqalada dareenka leh ee ay baraha bulshada ku baahiyeen ayaa sabab u noqday in gurmad baaxad leh ay dal iyo dibad qaar ka mid ah shacabka ka sameeyaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garowe (PP News Desk) — A group of Puntland traditional leaders has recommended solutions to the current stand-off between Puntland Security Forces and Puntland State troops in Boosaaso. Headed by Boqor Burhan, the traditional leaders have backed the decree from Puntland presidency to replace the Commander of PSF, but have laid out conditions for the reorganisation of the ‘extrajudicial organisation’. Controversial: Puntland traditional leaders view PSF weapons and properties as personal belongings of the outgoing Commander. “Weapons and properties of PSF belong to the outgoing PSF Commander Brigadier General Mohamud Osman Abdullahi. Puntland State government should pay outstanding salaries of PSF soldiers and allocate regular security expenses for the personnel of the Commander” traditional leaders have proposed. Puntland State government rejected the proposal that renders PSF weapons and properties personal belongings of the outgoing PSF Commander. PSF operates outside Puntland constitutional arrangements. Founded by the founding President of Puntland Abdullahi Yusuf Ahmed without clarifying its role, PSF (formerly Puntland Intelligence Service) developed into an externally funded parallel security apparatus unaccountable to Puntland State government. © Puntland Post, 2021 The post Puntland Traditional Leaders Back Conditional PSF Reorganisation appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga hirgelinta doorashooyinka gobalada Waqooyi garabka Cabdi Xaashi ayaa ku dhawaaqay in ay hakiyeen doorashada 16 kursi oo dhawaan doorashadooda ay shaaciyeen gudda SEIT ee Somaliland. Xubnahaan guddiga oo ka kooban afar xubnood ayaa sheegay in ay joojiyeen doorashada 16 ka kursi ee 30 bishii hore ee November ayaa shaaciyeen guddiga la hakiyay, lana bilaabi doono la tashiyo iyo fadhiyo xal looga gaarayo tabashooyinka ka taagan kuraastaas. Garabka Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale sheegay in aan la bilaabo doonin xareynta ergooyinka kuraastaan dooran laheyd illa xal laga gaaro. Hoos ka akhriso qoraalka hakinta doorashada 16-ka kursi ee garabka Cabdi Xaashi ay hakiyeen. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ee Puntland ayaa jawaab ka bixiyey go’aanadii xalay kasoo baxay Isimada Puntland ee ay sheegeen inuu xalka u yahay xiisadda ka dhalatay ciidamada PSF ee gadoodka sameeyey. Saciid Deni ayaa si gaar ah uga soo horjeestay qodob ka mid ah go’aanka Isimada Puntland oo ku baaqayey in Jeneraal Maxamuud Cismaan Diyaano uu qaato hubka iyo hantida Ciidanka ee uu hadda gacanta ku hayo. Hoos ka aqriso qoraalka maamulka Puntland. Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay uga mahad celinaysaa dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Reer Puntland, gaar ahaan Waxgaradka, Isimada, Culimada, Ganacsatada, Nabadoonada iyo Haweenka dadaalka ay ka muujiyeen sidii uu Agaasimihii hore ee Ciidanka Ammaanka Puntland (PSF) Gen Maxamuud Cismaan Diyaano uu si hufan oo nabad ah xilka ugu wareejin lahaa Agaasimaha cusub Sareeye Guuto Maxamed Aamiin Cabdullaahi Xaaji Kheyr oo Madaxweynaha Dowladda Puntland u magacaabay Agaasimaha Hay’adda PSF, 24 November 2021. Ciidanka PSF (Puntland Security Forces) waxay ka mid yihiin laf dhabarta hay’daha amniga Dowladda Puntland, iyagoo ka qayb qaata sugista amniga guud ee Puntland, gaar ahaan la dagaalanka Ururada Argagixisada ah, Dowladda Mareykanka ayaana si gaar ah uga taageerta PSF dhinacyada tababarada iyo qalabka ciidanka. Ciidanka PSF iyo hantidooda oo leh hub, gaadiid, guryo iyo agab kaleba waa hanti Dowladda Puntland iyo Shacabkoodu leeyihiin, ayna u soo dhinteen, una soo dhaawacmeen tiro fara badan oo naftood hurayaal ah iyagoo difaacaya amniga iyo dowladnimacia Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Reer Puntland. Sidaa darteed, waa nasiib darro in qayb ka mid ah lsimada Puntland ay Maantay (7 December 2021) baraha bulshada ku faafiyeen qoraal dhaawacaya maslaxadda iyo mustaqbalka Puntland, ayna ku sheegeen in hubka iyo hantida Ciidanka Amniga Puntland uu si gaar ah u qaato Agaasimihii hore. Arrintaas oo meel ka dhac ku ah sharafta dowladnimo, khatarna gelinaysa amniga iyo xasiloonida Puntland, dhiirigelina u sameynaysa musuq maasuq iyo boob hantida ay Dowladdu uga masuulka tahay Shacabka Puntland. Haddaba, Dowladda Puntland waxay faraysaa Agaasimihii hore ee PSF Mudane Maxamuud Cismaan Diyaano inuu sida ugu dhaqsaha badan u wareejiyo dhamrnaan hantida hay’adda PSF, kung wareejiyo Ciidanka PSF iyo Agaasimaha Cusub. Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay, iyadoo dhawraysa Dastuurka iyo sooyaalka dowladnimo ee Puntland, ka go’an illaalinta amniga, xasiloonida iyo xoojinta dowladnimada iyo sareynta sharciga. The post SACIID DENI oo jawaab ka bixiyey go’aankii Isimada PUNTLAND ee xiisadda PSF appeared first on Caasimada Online.
-
Kal-fadhiga 49-aad ee Baarlamanka Puntland ayaa gebi ahaanba la xiray sida uu goor dhowayd shaaciyay Guddoonka Baarlamanka. Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa soo jeediyay in gebi ahaanba la xiro Kal-fadhiga 49-aad iyadoo Go’aankaas uu Goluhu u codeeyay. Kal-fadhiga xiga ee 50-aad ayaa ku beegan bisha June ee sannadkan 2022. PUNTLAND POST The post Kal-fadhiga 49-aad ee Baarlamanka Puntland oo gebi ahaanba la xiray appeared first on Puntland Post.
-
Maamulka Puntland ayaa ka horyimi baaq ka soo yeeray Isimada Puntland kuwaas oo shalay madaxweynaha ugu baaqay in qaar ka mid ah awoodda ciidamada PSF uu weli sii haayo agaasimihii PSF ee dhawaan xilka uu ka qaaday madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni. Deni ayaa ka horyimid baaqa Isimada kaas oo u ku sheegay in loo baahan yahay in Maxamuud Cismaan Diyaano uu si degdeg ah xilka ku wareejiyo. Muranka hogaanka PSF oo soo bilawday dhamaadkii bishii hore ayaa cirka isku shareeray kadib markii ciidamada PSF-ta Puntland ay diideen in xilka laga qaado agaasimahooda Diyaano. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Queen Elizabeth II appears on a screen via video link from Windsor Castle during a virtual audience with the Ambassador of Somalia, Abdulkadir Ahmed Kheyr Abdi The Queen has held a virtual audience at Windsor Castle receiving the Ambassador of Somalia. Abdulkadir Ahmed Kheyr Abdi spoke to the 95-year-old monarch via video link from Buckingham Palace on Tuesday. The Queen wore an orange dress, pearl necklace and one of Queen Victoria’s diamond bow brooches. She has been resting on doctors’ orders and only carrying out light duties since she spent a night in hospital for preliminary tests on 20 October. Source: SKY News The post Queen holds virtual audience as she takes on light duties at Windsor Castle appeared first on Puntland Post.
-
French police on Tuesday arrested a suspected member of the hit squad that murdered Saudi journalist Jamal Khashoggi in 2018 at the kingdom's consulate in Istanbul and who is wanted by Turkey to face justice over the killing. Saudi Arabia's embassy in Paris said it was a case of mistaken identity, and that the arrested person has "nothing to do with the case". Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Machadka Daraasaadka Amniga ee Hiraal Xuseen Macalin Maxamuud, sidoo kalena horay usoo noqday Taliyaha dhanka Amniga ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay doorashada sii jiitameysa ee Soomaaliya, isagoo eedeyn culus u jeediyey Madaxweyne Farmaajo. Agaasime Xuseen Macalin ayaa madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ku eedeeyey in uusan wax dan ah ka laheyn dalka, isla makaana uu kaliya fiirsanayo dantiisa, isagoo ku tilmaamay magafe. “Siyaasadaan soo caga jiitantay iyo doorashada oo dhici weysay ayaa waxay na gelisay xaalad la yiraah firaaq dastuuri ah, dadka wax garadka ah way ogaayeen in Farmaajo uusan dalkaan dan ka laheyn, dadka shacabka ahna hadda ayey kusoo baraarugeen inuu yahay nin magafe ah oo dantiisa bis ka shaqeysta, dalkana aan u shaqeyn,” ayuu yiri. Xuseen Macalin ayaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku tilmaamay inuu yahay qof “ay isugu darsoontay doqonimo iyo kibir.” “Hooyooyin damiirkooda gubanaya oo maalin kasta waddooyinka taagan oo dhahaya ilmaheena naga maqan oo uusan hal maalin la hadlin waa dhaqan lagu yaqaan marka ay qofka isugu darsoonto doqonimo iyo kibir, haddii uu yahay qof caqli leh dadka wax ka sheeganaya oo maamulkiisa ku hoos nool ayuu la hadli lahaa,” ayuu yiri Xuseen Macalin. Sidoo kale wuxuu sheegay in dalka uusan weli si buuxda uga bixin arrimihii qabiilka, loona gudbin Qaranimo buuxda, sidaas darteedna wuxuu tilmaamay in looga baahan yahay qofka haya mas’uuliyadda dalka inuu ilaaliyo dastuurka dadku heshiiyeen, si aysan u dhicin wixii dhacay Bishii April, markii la fashiliyey mudo kororsigii Farmaajo. Hoos ka daawo wareysiga Xuseen Macallin The post Xuseen Macalin: “Farmaajo laba wax ayuu isku darsaday” appeared first on Caasimada Online.
