-
Content Count
211,387 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Click here to read more about this article Qaran News
-
Ciidamada milatariga ee Suudaan ayaa xiray dhowr xubnood oo ka tirsan hoggaanka rayidka ah ee dalkaasi.iyagoo sidoo kale xabsi guri galiyay ra’iisul wasaare Abdallah Hamdok, sida uu baahiyay TV-ga Al-Hadath. Qabqabashada xubnahaan ayaa timid kahor waaberigii saaka,ayaa warku imtaa ku daray in dadka la xiray ay ku jiraan wasiirka warshadaha Ibrahim al-Sheikh, wasiirka warfaafinta Xamza Baloul, iyo la taliyaha ra’iisul wasaaraha, Faysal Maxamed Saalax. Af-hayeenka golaha madaxbannaanida ee Suudaan, Mohammed al-Fiky Suliman, iyo barasaabka caasimadda Suudaan, Ayman Khalid, ayaa sidoo kale la xiray. Militariga ayaa xiray dhammaan waddooyinka soo gala magaalada Khartoum,iyadoo sidoo kale la xadiday isgaarsiinta dalka Suudaan. Suudaan ayaa ku jirtay xaalad deganaan la’aan ah tan iyo markii uu dhacay afgambigii dhicisoobay ee bishii hore waxaana muuqata khilaaf u dhexeeyay milatariga iyo kooxaha rayidka ah,kaas oo la xiriiray hab qaybsiga awoodda dalka,kaddib markii uu meesha ka baxay Cumar Al-Bashiir oo ahaa hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa. PUNTLAND POST The post Milatariga Suudaan oo xiray Ra’iisul wasaarihii dalka iyo mas’uuliyiin kale appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin dheer oo wargeyska New York Times uu ka qoray howgallada hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ee Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday sida ay hay’addan ugu dhex milantay siyaasadda Soomaaliya. New York Times ayaa shaacisay in CIA-da ay is-hortaagtay isku day la doonayey in hadda kahor cunaqabateyn lagu saaro taliyihii hore ee haya’dda NISA Fahad Yaasiin, ooh adda ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo. Warbixinta New York Times ayaa sheegtay in sababta Fahad loo saari lahaa cunaqabteynta ay tahay inuu taageeray isku daygii uu madaxweyne bishii Febraayo ku sameeyey muddo kororsiga, kaasi oo horseeday dagaal ka dhacay Muqdisho. “Saraakiil Mareykan ah ayaa soo jeediyey in Fahad la saaro cunaqabateyn si loogu qabso inuu ka laabto, sida ay sheegeen laba sarkaal oo reer galbeed ah. Hase yeeshee CIA-da ayaa si daacadnimo leh uga soo horjeesatay fikraddaas, ayada oo muuqata inay ilaalineyo danaheeda ka hortagga argagixisanimada,” ayey tiri warbixinta New York Times. CIA-da ayaa saldhig ku leh garoonka Muqdisho, waxayna si dhow ugala shaqeysaa hay’adda NISA dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Tallaabada CIA ayaa farriin qaldan u dirtay saraakiisha Soomaaliya oo ku saabsan ahmiyadadaha Mreykanka, sida uu sheegay mid ka mid ah saraakiisha reer galbeedka. “Waxay arkeen in afka iyo jirka ay kala sameynayaan laba wax oo kala duwan. Waa jahwareer.” Dhinaca kale, warbixinta ayaa sheegtay in CIA-da ay howlgallo qorsheysan xilliyada habeenkii ka fuliso magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lagu ugaarsado xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Mid ka mid ah howlgalladaas ayaa waxaa bishii November ee sanadkii tegay ku dhintay sarkaal CIA ah oo lagu magacaabay Michael Goodboe oo 54 jir ahaa. Goodboe ayaa ku dhaawacmay qarax gaari oo uu sameeyey sarkaal Al-Shabaab ah oo la erynayey xilli habeen, waxaana loo qaaday isbitaal militariga Mareykanka ay ku leeyihiin Jarmalka, oo u uku dhintay 17 maalmood kadib. The post New York Times: CIA ayaa is-hortaagtay cunaqabateyn la saari lahaa Fahad Yaasiin appeared first on Caasimada Online.
-
LEWISTON — The City Council on Tuesday appointed Jama Mohamed to serve as the Ward 5 representative until the end of year. Source: Hiiraan Online
-
THE HAGUE, the Netherlands (Xinhua) -- Somali-born Belgian athlete Bashir Abdi claimed the victory in the 40th edition of the Rotterdam Marathon in a new European record of two hours three minutes and 35 seconds on Sunday. Source: Hiiraan Online
-
Islamic State has claimed responsibility for a bomb attack that killed at least one person in Uganda's capital Kampala, the militant group says. Source: Hiiraan Online
-
Maxkamada Gobolka Saaxil oo xukun ku riday laba markab oo Ajaanib ah Maxkamada Gobolka Saaxiil ee Somaliland, ayaa xukun $20,000 oo ganaaxa ku riday laba markab oo nooca Taaga loo yaqaano ee maraakiibta soo xidha ah, oo laga leeyahay dalka Toogo, kadib markii lagu helay danbi ah in ay biyaha Somaliland si sharci daro ah kusoo galeen. “Markii maxkamada danbigaasi ka hor caddaaday, maxkamadu waxay ku xukuntay $20,000 oo ganaax ah, sida uu dhigayo xeerka badaha Somaliland ee sharci number 1989” waxa sidaa warbaahinta u sheegay Cabdisalaan Xaashi Cabdi oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamada Gobolka Saaxil. Garsoore Xaashi ayaa sheegay in labada taag ay biyaha Somaliland kusoo galeen si sharci daro ah, isla markaana ay qirteen in ay kusoo xad gudbeen biyaha Somaliland. “Labada markab biyaha Somaliland waxay kusoo galeen ogolaansho la’aan, sidookale waxay dhigteen baroosinka, wax wakiil ah oo Somaliland ay ku lahaayeena xiligaa may jirin, waxay qiraal ku yihiin labada eedaysaneba in ay biyaha Somaliland kusoo galeen ogolaansho la aan, balse ay doonayeen in ay wakiil samaystaan” ayuu yidhi Xaashi. Xaashi ayaa sheegay in qolada taagaga iska lihii ay maxkamada u sheegen in ay doonayen in ay saldhig ka dhigtaan Berbera, in ay sahay kasoo qaataan iyo in ay shaqaalahooda badalaan. “Sababta ay biyaha Somaliland ugu soo xadgudbeen waxay ku sheegeen 3 sababood oo kala ah, 1: waxaanu doonaynay in aanu biyaha Berbera saldhig ka samaysano, 2: in aanu sahay kasoo qaadano, 3: sidookale, aanu samayno shaqaale badalis” ayuu yidhi Xaashi. Ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ayaa 9,October, 2021 labadan taag kasoo qabtay iyaga oo gudaha ugu jira biyaha Somaliland waxaana lagu xidhay saldhiga ciidanka badda ee magaalada Berbera. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin dheer oo wargeyska New York Times uu ka qoray howgallada hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ee Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday xogta dowladda Mareykanka ee ku aadan dhaqaalihii sanadkii hore soo galay kooxda Al-Shabaab. Warbixinta ayaa lagu sheegay in qiyaastii dowladda Mareykanka ay muujineyso in dakhliga Al-Shabaab usoo xarooday sanadkii 2020 uu yahay 120 milyan oo dollar. Sida ay warbixinta tiri, Al-Shabaab ayaa Soomaaliya ka sameysay dowlad dadban oo dhinac socota tan federaalka, taasi oo soo xareysay lacagtan oo badankeed ka timaada canshuurta iyo lacagta kale ee baadda ah ee laga qaado shacabka. Canshuurta xooggeeda ayaa Al-Shabaab uga soo xaroota dekedda Muqdisho iyo ganacsiyada shacabka. Sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa New York Times u sheegay in Al-Shabaab ay konteenar kasta oo kasoo dega dekedda Muqdisho ka qaado 90-dollar midka caadiga ah iyo $150 midka weyn. Sarkaalka ayaa sidoo kale la wadaagay New York Times rasiit ay ku qoran tahay 250-dollar oo Al-Shabaab ay siisay muwaadin degan Muqdisho oo iibiiyey dhul uu lahaa, kaasi oo canshuur ay ka qaaday kooxda. Dakhligan ayaa ka dhigan awoodda Al-Shabaab ay maanta taagan tahay halkii ugu xooganeyd, sida warbixinta New York Times ay tiri. Dakhliga ay Al-Shabaab kasoo xareyso lacagta ay ka qaado dekedda Muqdisho iyo ganacsiyada kale ee gaaraya $120 milyan ayaa ka dhigan inay aad ugu dhowdahay midka dowladda federaalka. Miisaaniyadda 2021 ee dowladda federaalka, oo ay Caasimada Online ku noqotay kadib warbixintan, ayaa waxaa ku qoran in dakhliga gudaha ee dowladda federaalka ee 2020 uu ahaa $269 milyan, oo $182 milyan oo ka mid ah ay aheyd canshuurta gudaha. Tani waxa uu macnaheedu yahay in Al-Shabaab ay soo xareyso dakhli ku dhow laba meelood meel guud ahaan dakhliga dowladda federaalka Soomaaliya, iyo 65% dakhliga canshuurta ee dowladda federaalka. The post Mareykanka oo shaaciyey dakhli maanku diidayo oo Al-Shabaab usoo xarooday 2020 appeared first on Caasimada Online.
-
Faahfaahin dheerada oo ka soo baxaysa Duqaymo ay Itoobiya ka fulisay gobolka Tigray Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in labo duqaymood oo dhanka cirka ah ay ku qaadday fadhiisimo ay fallaagadu ku leeyihiin Galbeedka iyo Waqooyiga gobolka Tigray – taas oo sii ballaadhinaysa duqaymaha ay dowladdu waddo. Xukuumadda ayaa sheegtay in bartilmaameedku uu ahaa warshado , ay adeegsana yeen jabhadda TPLF, kuwaas oo ay u adeegsanayeen tababarka iyo in ay ku farsamaystaan aagab militari Afhayeen u hadlay TPLF ayaa beeniyey in xarumo ciidamo lagu tababaro ay goobaha la duqeeyey ay ku yaalleen. Saddex duqaymood oo hore ayaa lala beegsaday magalaada Mekelle.Xukuumadda ayaana sheegtay in ay bartilmaameedsatay fadhiisimo ay fallaagadu ku sugnaayeen hase ahaatee waxaa jira warar sheegaya in dad rayid ah ay halkaa ku dhinteen. Qaran News
-
Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta qaar ka mid ah gobollada dalka, gaar ahaan Jubbooyinka, Gedo, Mudug iyo Galgaduud. Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa shir guddoomisay kulankaas, waxaana laga soo saaray war-saxaafadeedkaan. PUNTLAND POST The post Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo kulan deg deg ah ka yeeshay xaalada banii’aadani ee dalka appeared first on Puntland Post.
-
Shil Gaadhi Ka Dhacay Xeebta Dalxiiska Batalaale Ee Magaaladda Berbera+Khasaaraha Wararka Aanu Ka Helnay Berbera, Ayaa Sheegaya Inaanu shilkani Sababin Wax Khasaare Dhimmasho Nafeed ah. Marka Laga taggo Dhaawacayo fudud Oo Soo Gaadhay Dhawr Qof Oo La Kala Socday Labadda Gaadhi, Kuwaasoo Dhaawacoodda Lagu Baxnaaninayo Cisbitaalka Guud Ee Magaaladda Berbera. Iyadoo Ay Ciidanka Nabad-galiyadda Waddooyinka Ee Berbera ay Gacanta Ku Hayaan Baadhista Sababta Keentay Shilkan. Shilkan Oo Galabta Dhacay, Ayaa Ahaa mid Ka Dhashay Isku Dhaca Laba Gaadhi Oo Noocyaddoodu Kala Yihiin Land-cruiser & MarkII ” Indha-Cadde”. Qaran News
-
Nin ka mid ah dadka loogu raadinta badan yahay Caalamka oo Gacanta lagu dhigay. Ninka daroogada ka ganacsada ee aadka looga raadinayey dalka Colombia isla markaana ah ninka dambiyada ugu badan ee daroogada la xiriira gaystay ayaa la qabtay. Dairo Antonio Úsuga, oo loo yaqaan Otoniel, ayaa Sabtidii lagu qabtay hawgal wada jir ah oo ay fuliyeen ciidamada militariga, kuwa cirka iyo booliiska. Xukuumadda ayaa ballan qaadday in lacag dhan $800,000 ay siinayso qofkii soo sheega halka ninkaasi uu ku sugan yaha, halka Maraykanku uu madaxiisa uu saaray $5 milyan oo dollar. Madaxweynaha Colombia, Iván Duque, ayaa sheegay in qabashada Otoniel ay tahay dharbaar weyn oo ku dhacday dadka darooga ka ganacsada ee ku sugan dalkiisa. “Dharbaaxadaan waxay la mid tahay oo kaliya geeridii Pablo Escobar ee sannadkii 1993-dii” ayuu yiri. Qaran News
-
Shacabka Puntland ayaa xilligan aroorta ah galay safaf dheer, isuna diyaarinaya in ay Goordhaw codkooda dhiibtaan degmada Eyl. Wararka ayaa sheegaya in doorashadan oo 8 urur xisbi ku tartamayaan ay noqon doono mid adag. Waa makii ugu horeysay oo la qabto doorashada noocaan ah tan iyo markii ay dhacday dowladdii rayidka 1969 Source: goobjoog.com
-
Gantaal cusub oo Shiinuhu tijaabiyay oo Maraykanka Joog & Jiifba u diiday Gawaarida xambaara hubka xawaarihiisu dheereeyo ee Shiinaha Warka ah in Shiinuhu tijaabiyay gantaal cusub oo xawaarihiisu dheereeyo oo awood u leh inuu xambaaro nukliyeer ayay dadka qaar ku tilmaameen inuu yahay mid wax ka beddelaya tartanka hubka kaas oo ka yaabiyay saraakiisha Mareykanka. Haddaba intee ayuu le’eg yahay baaxadda hubkan, ayaa la weydiiyay Jonathan Marcus oo ka tirsan Machadka Istiraatiijiyadda iyo Amniga, ee Jaamacadda Exeter. Sannadkan guduihii laba jeer ayuu milatariga Shiinaha gantaal u diray hawada sare kaas oo ku wareegay dunida ka hor inta uusan si xowli ah ugu dhicin bartilmaameedkiisa. Tibaajintan Shiinaha ayaa imanaysa iyadoo dabayaaqadii bishii aynu soo dhafnay ay Pentagon -ka Mareykanka sheegeen in Mareykanka uu ku guuleystay tijaabinta gantaal aad xawaarihiisu u sarreeya oo shan jeer ka dheereeyo xawaaraha codka. Gantaalka ayaa laga sii daayay diyaarad ilbiriqsiyo uun ka hor inta uusan matoorkeedu bilaaban. Waa tijaabadii ugu horraysay ee noocan ah ee uu Mareykanku ku guuleystay tan iyo sannadkii 2013-kii. Tijaabadan waxay dhacday iyada oo Mareykanka iyo xulafadiisa caalamiga ahi ay sii dardar gelinayaan sidii ay u sameysan lahaayeen hub isku -dheelitiran. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo falanqeeyayaasha Mareykanka ayaa ka naxay horumarka muuqda ee Shiinaha, inkastoo xukuumadda Beijing ay durbaba beenisay warbixinta ku saabsan inay si xawli ah u hormarinayso hubkeeda xambaara nukliyeerka. Hubka xawaarihiisa sarreeya ayaa in ka badan shan jeer waxa uu ka xawaare sarreeyaa dhawaaqa, haddii aan si kale u dhigno waxa uu saacaddii jarayaa xaawaare gaaraya 6,200 oo kilomitir saacaddiiba. Maxay yihiin hubka ICBMs iyo FOBS? ICBM waa gantaal riddo dheer oo ka baxa jawiga dhulka ka hor inta uusan dib ugu soo laaban, isagoo raacaya dariiqa bar-tilmaameedkii loogu talagalay. Nidaamka Bambaanada ee Orbital ama FOBS waxa uu gantaalada u soo mariyaa dhulka si ay u garaacaan bartilmaameedyada iyagoo isticmaalaya dhinac aan laga filayn. Runtii bilihii la soo dhaafay tiro saraakiil sarsare oo Mareykan ah ayaa tibaaxay in horumarka noocan ah ee Shiinaha uu yahay khatar culus. Nidaamyada FOB ma aha kuwo ku cusub. Fikradan waxaa sii waday Midowgii Soofiyeeti intii lagu jiray Dagaalkii Qaboobaa waxaana hadda ay u muuqataa in Shiinaha uu soo nooleeyay. Waxa uu Shiinuhu u muuqdo inuu sameeyay ayaa ah in la isku daro farsamada FOBS iyo tan hypersonic – waxay maraan cirifka sare iyagoo ka fogaanaya radaarka iyo difaaca gantaalaha . Laakiin sababtu maxay tahay? “Beijing waxay ka cabsi qabtaa in Mareykanku uu adeegsan doono aaladaha casriga ah ee isku -darka awoodda nukliyeerka ee la casriyeeyay iyo difaaca gantaalada ,” ayuu yiri Mr Lewis. “Haddii Mareykanka uu marka hore garaaco Beijing, nidaamka difaaca gantaallada ee Alaska waxaa laga yaabaa inuu awoodo inuu xakameeyo tirada yar ee hubka Nukliyeerka Shiinaha waana sababta ay uu Shiinaha u sameysanayo gantaallada ay adagtahay inay qabtaan difaaca hawada.” Dhammaan quwadahii waawaynaa ee nukliyeerka waxay horumarinayaan nidaamyadooda laakiin wuxuu midba midka kale u arkaa si ka duwan kuwa kale, ayuu yidhi Aaron Stein. Beijing iyo Moscow labaduba waxay u arkaan in hubka xawaarihiisu sarreeya ee hypersonics ay yihiin hab lagu hubinayo jabka difaaca gantaalaha, ayuu aaminsan yahay. Laakiin taa bedelkeeda, Mareykanku wuxuu qorsheynayaa inuu u adeegsado inay ku garaacaan waxa loogu yeero bartilmaameedyada adag sida waxyaabaha taageera xakameynta nukliyeerka, iyagoo adeegsanaya madaxyada caadiga ah ama kuwa aan nukliyeerka ahayn. Gantaalka xawaarihiisu sarreeyo ee Ruushka Qaar ka mid ah dadka u ololeeya casriyeynta nukliyeerka Mareykanka ee degdegga ah ayaa u arkay tijaabooyinkii Shiinaha ee ugu dambeeyay inay yihiin kuwa la yaab ku noqday Mareykanka. Laakiin khubarada qaar ayaan ku raaci doonin in tijaabadan uu Shiinuhu sameynayo ay tahay halis cusub. James Acton oo ka tirsan Carnegie Endowment for Peace International ayaa sheegay in Mareykanka uu u nugul yahay weerarka nukliyeerka ee Shiinaha tan iyo ugu yaraan 1980 -meeyadii. Laakiin wuxuu u malaynayaa in barnaamijyada Shiinaha, Ruushka iyo Kuuriyada Woqooyi ay si xoog leh uga adkaadaan difaaca gantaalaha ee Mareykanka ay tahay arrin Mareykanka ku khasabeyso inuu dib uga fiirsado haddii jiraan heshiisyo xaddidaya difaacan oo kale. Mr Lewis wuxuu ku nuuxnuuxsaday in waxa ugu muhiimsan hadda ay tahay in Mareykanka uu gaaro gabagabada saxda ah. Caqabadaha ka imaan kara Ameerika dhammaantood waxay rabaan inay casriyeeyaan oo kor u qaadaan hubkooda nukliyeerka. Dhammaan dadka Mareykanka la talinaya ayaa doonaya inuu casriiyeyo oo kor u qaado hubkiisa nukliyeerka. Hubka Shiinaha, si kastaba ha ahaatee, wali waa uu ka hoseeya kan Mareykanka. Laakiin walaacyada ku saabsan difaaca gantaalaha Mareykanka iyo nidaamyada nukliyeeka ayaa waxay ku khasbeysaa in dhammaan ay casriyeeyaan. Kuuriyada Woqooyi sidoo kale waxay ku dadaaleysaa inay casriyeyso awooddeeda nukliyeerka,. Sida uu qoray Ankit Panda oo ka tirsan Carnegie Endowment, Waxay sidaasi u sameeynayaan in mustaqbalka ay helaan awood dheeri ah. Putin iyo saraakiisha difaaca Qaran News
-
Guriceel (Caasimada Online) – Tiro Hoobiyeyaal ah oo shalay ku dhacay Isbitaalka Istarliin ee Magaalada Guriceel ayaa hakad ku keenay adeeggii caafimaad ee isbitaalkaasi uu u fidinayay dadka deegaanka. Dr. Kaahiye Cismaan Cumar oo ka mid ah Howlwadeenada Isbitaalka Istartiin ayaa sheegay in hoobiyeyaashu ay burburiyeen qalabkii loogu shaqeynayay bukaanada. Waxa uu sheegay in hoobiyeyaashu ay isbitaalka ku soo dhaceen, xilli isbitaalkaasi la keenay dhaawacyo fara-badan, afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay. Isagoo la hadlayay VOA ayuu yiri “Xaaladdu way inoo rooneed wixii ka horeeyay saakay, wixii ka dambeeyay barqadii maanta anagoo shaqadii ku jirno oo dhaawacyadii la tacaalayno, isbitaalkayna waxaa ku soo dhacay hoobiyeyaal illaa saddex xabo ah, halmar qaybihii aan ku shaqeynaynay dab baa qabsaday, gaar ahaan qaybtii bukaan jiifka, qaybtii xaaladaha deg-degga, qaybtii raajada & computer-ka noo yaalay iyo qaybtii ugu muhiimsaneyd ee saalada qaliinka, intoodba hoobiyeyaalaa ku soo dhacay. Anaga naftaynaa la soo cararnay, bukaanada intii aan soo bixin karno waa soo bixinay, intii kalena dadkooda ayaa watay.” Waxa kaloo uu yiri “Cid wax dhiba gaaray ma jirin, laakiin maatidii tirada badneyd ee la keenay illaa iyo shalay xaaladooda khatar bay gashay.” Mar uu ka hadlayay xaaladda shaqaalahooda ayuu yiri “Shaqaalaha isbitaalka way fiican yihiin oo way nabad qabaan, si nabad ahaana ku soo baxnay, xoogaa illaa meel dhexe ah inaan soo lugeyno ayay noqotay, oo baabuurta meel la marsiiyo ayaan weynay.” Waxaa uu sheegay in shaqaalahooda ay halis kala kulmeen dhinac ka mida dhinacyada isku horfadhiya magaalada. “Maraan meel dhexe soo marayno oo lugeynayno, niman difaac ku jiraa na soo xabadeeyay, waan kala cararnay, waana fiicanahay,” ayuu yiri Dr. Kaahiye Cismaan Cumar. Dr. Kaahiye Cismaan ayaa yiri “Shaqaalihii intii ugu badneyd deegaanada u dhow dhow ayay taggeen, qaarkood Matabaan ayay aadeen, qaarkoodna Dhuusamareeb.” Isaga oo ka waramayay sida howshii isbitaalka u istaagtay iyo daruufihii ay ku shaqeynayay tan iyo shalay ayuu yiri “Isbitaalkii weynaa ee degmada albaabadaa isugu soo xirnay, maadaama isbitaalkii meel lagu shaqayn karo aysan jirin, meeshiina ay furin dagaal noqotay. Anaga intii awoodayno ahayd shalay illaa iyo xalay waan dadaalaynay, sidii shalayaa u soo jeednaa, xabaddu markii ay bilaabaneysay illaa iyo hadda sidii ayaan u soo jeednaa, qof naga mida oo shaqaalaha ka mida muusan seexan. Anagoo dadaalkii iyo daalkii ku shaqeynaynay baa waxaa gubtay meelihii aan ku shaqeynaynay.” Dr. Kaahiye Cismaan ayaa xusay in Axaddii uu xirmay goob kaloo caafimaad ay magaalada ku lahaayeen, ka dib markii ay madaafiic ku dhaceen. “Laba ka mida goobihii ugu waaweynaa ee aan lahayn, sida isbitaalkii weynaa ee degmada iyo mid kaloo ku yaalo deegaanka, midna shalay ayuu gubtay, midna maanta ayuu gubtay, waxaad mooddaa in bartilmaameedyo ay noqonayaan goobihii caafimaadka,” ayuu yiri Dr. Kaahiye Cismaan. Xaaladda Magaalada Guriceel ayaa ah mid hubinti la’aan ah, iyadoo dhinacyada isku haya ay weli isku horfadhiyaan magaaladaasi. The post Isbitaalkii weynaa ee Istartiin ee Guriceel oo xirmay kadib madaafiic lagu gaaracay appeared first on Caasimada Online.
-
Garissa family seeks justice over relative slain by grenade
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Jirow was killed after KDF officers launched a rocket propelled grenade at him Source: Hiiraan Online -
PRESS RELEASE Africa Investment Forum: Projects worth $140 million on the table to boost vaccines and healthcare in West and East Africa After the presentations, a panel of investors provided their insight on investing in Africa’s healthcare sector ABIDJAN, Ivory Coast, October 24, 2021/ — Members of the Africa Investment Forum team showcased two projects during a virtual investor roundtable as the continent looks to boost its healthcare sector and attract much-needed investment in the wake of the Covid-19 pandemic. The projects, jointly worth around $140 million and located in East and West Africa, were previewed for potential investors. The roundtable, held 21 October, is part of a series of events organized by the Africa Investment Forum and hosted by the Atlantic Council to drum up interest in the Forum’s upcoming Market Days, where a range of investment opportunities will be unveiled. The invited participants represented the pharmaceutical and healthcare sectors. The first opportunity, with a project cost of $96 million, is for the development of a 250-bed specialist hospital offering world-class healthcare services in a West African country. Feasibility studies have been undertaken and the land has been secured. The second, entails the construction of a $45 million WHO-prequalified vaccine production plant in East Africa that will be capable of routine production of three vaccines, including for Covid-19. After the presentations, a panel of investors provided their insight on investing in Africa’s healthcare sector. The panelists were Rhulani Nhlaniki, sub-Saharan Africa Cluster Lead at Pfizer; Jean-Philippe Syed, Principal with private equity firm Development Partners International; Afsane Jetha, Managing Partner & CEO at private equity firm Alta Semper Capital; Stavros Nicolaou, Senior Executive – Strategic Trade at Aspen Pharmacare; and Dr. Dumani Kula, Chief Operating Officer for Africa with Evercare Group, a healthcare company. Aubrey Hruby, a Senior Fellow with the Atlantic Council’s Africa Center, moderated. Syed said the African hospital sector, and in particular health tourism, had suffered as a result of pandemic-related travel restrictions. Nicolaou said Africa’s disease burden—the highest of any continent—made preventive care, including vaccines, all the more important for Africans. The need for pharmaceuticals will increase the requirements for partnerships that can overcome constraints such as research & development. Other challenges mentioned by the participants include overcoming cold chain and last-mile-delivery issues, and ways to scale up pilot technologies, such as the use of drones to facilitate vaccine delivery. Health is one of five priority investment sectors under the Africa Investment Forum’s Unified Response to Covid-19 (https://bit.ly/3nnig7l) pillars. The others are agribusiness, energy and climate change, ICT/Telecoms, and industrialization and trade. At a panel discussion organized by the University of Edinburgh last week, Africa Investment Forum Senior Director Chinelo Anohu referenced the East Africa vaccine plant project in the context of Africa’s current limited access to Covid-19 vaccines. Through trade and investment, particularly in its pharmaceutical sector, the continent can avoid vaccine inequity, Anohu said. “What we’re looking to provide with the Africa Investment Forum is a co-investment platform where you mobilize domestic investors, mobilize project sponsors for the continent, and then mobilize international investors, those who are looking to make an investment and get a profit,” Anohu said. The Africa Investment Forum aims to channel investment into Africa. Its 2021 Market Days, to be held on 1-3 December, will showcase transformative investment opportunities from across the African continent, many with the potential to drive Africa’s recovery from the Covid-19 pandemic. The Africa Investment Forum was launched in 2018 by eight founding partners: The African Development Bank, Africa 50; the Africa Finance Corporation; the African Export-Import Bank; the Development Bank of Southern Africa; the Trade and Development Bank; the European Investment Bank; and the Islamic Development Bank. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka Soomaaliya ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan heshiiskii ay Muqdisho ku gaareen Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Labada nin ayaa si weyn isugu fogaaday labadii bilood ee uu khilaafkooda bannaanka yaalay, waxaana ugu dambeyntii lagu guuleystay in lasoo afjaro xiisadaas. Heshiish 6-qodob ah ayey kala saxiixdeen, waxayna labada nin isla garteen in la dadajiyo doorashada Soomaaliya oo si weyn dib ugu dhacday. Mucaaradka intii uu socday dagaalka Farmaajo iyo Rooble dhextaal ayey u ahaayeen xiisadda, waxaana qaarkood loo arkayey inay xiisadda sii hurinayaan. Ra’isul wasaare Rooble oo maalmihii dambe ku dhawaa mucaaradka ayaa qaatay heshiis u muuqday in isaga iyo Farmaajo isku garab dhaceen, laakiin wax soo dhaweyn ah kama helin mucaaradka ama dhinaca midowga Mushariiinta oo si weyn uga hadlayey xaaladda intii uu dagaalka jiray. Madaxda maamul Goboleedyada oo iyagana ka hadlay khilaafkii ka dhex jiray madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaan ka hadlin heshiiskii labada nin la kala dhex dhigay. Waxay dadka intooda badan is waydiinayaan sababta ay heshiiskaan uga gaabsadeen inay ka hadlaan Mucaaradka oo ay ku diideyn inay booggadiyaan, waxaana la rumeysan yahay inay sabab u tahay qodobada soo socda: 1- Tuhun dib u dhac ah Qaar ka tirsan xubnaha mucaaradka ayaa laga soo xigtay in madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Rooble ay ku heshiiyeen in la daahiyo doorashada oo xaawaraha la dhimo si ay maalmo dheeri ah isaga sii joogaan xafiiska, taas oo aysan faa’ido ugu jirin mucaaradka. Mucaaradka waxay badankood aaminsanaayeen inuu Rooble si weyn uga fogaaday Farmaajo uuna dadajin doono doorashada si meesha looga saaro kooxda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Laakiin hadda waxaa u sawiran aragti taas ka duwan oo ah in Rooble lagu qanciyey inaysan wax dan ah ugu jirin dadajinta doorashada . Inkastoo qodobadii heshiiska Rooble iyo Farmaajo ay ku jirtay in si deg deg ah loo qabto doorashada, haddana xubnaha mucaaradka qaarkood waxay arrintaas u arkaan inay tahay jiliin. 2- Rajo laga qabay Rooble Xubno kamid ah midowga musharixiinta ee mucaaradka ayaa filayey inuu Rooble la noqon doono shirkad siyaasadeed ama inuu dhisi doono, maadaama isaga iyo Farmaajo kala fogaadeen, laakiin dib isku soo laabashada labada nin ee dalka ugu sareysa xilligaan ayaa hoos u dhigtay rajada musharixiin badan oo naf ka raadinayey Ra’isuwasaare Rooble. 3- Kiiska Ikraan Tahliil Xubno kamid ah midowga musharixiinta mucaaradka ayaa laga soo xigtay in heshiiska Farmaajo iyo Rooble uu inkiray xaqqa Ikraan Tahliil Faarax oo ahaa sababtii ay markii horeba u garab istaageen Ra’isul wasaaraha, maadaama uu heshiiskaasna daciifiyey kiiska waxay sheegeen in aysan jirin sabab ay u taageeraan. 4- Dib usoo laabashada Farmaajo Mid kamid ah qodobada loo maleenayo inay mucaaradka uga dhuunteen inay taageeraan heshiiska Farmaajo iyo Rooble waa inay dareemayaan in heshiiskaan uu dib usoo nooleenayo Farmaajo oo hadda heli kara garabka Ra’isulwasaare Rooble ama ugu yaraan ka hortagi kara inuu Rooble ka hor istaago faragelinta uu waqtiga dheer la damacsanaa doorashada dalka. The post Afar arrin oo sabab u ah inay mucaaradka ka aamusaan heshiiska Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
Guriceel (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno magaalada Guriceel waxay tilmaamayaan in khasaare badan uu dhashay dagaalkii maanta, isla markaana aan weli aan dhinac looga adkaan dagaalka, oo caawa xaafadaha qaar ee magaalada ay difaac uga jiraan ciidamada Ahlu-Sunna. Dagaalkii maanta ayaa galaaftay ciidamo iyo saraakiil labada dhinacba ah, waxaana la xaqiijiyey in galabta uu dhaawac soo gaaray u geeriyooday Taliyihii ciidanka booliska gaarka ah ee Haramcad Faarax Muumin. Sarkaalkaan ayaa xalay loo magacaabay hoggaanka ciidanka Haramcad ee Galmudug ku sugan, kadib markii dagaalkii shalay uu dhaawac culus ka soo gaaray Taliyihii Haramcad ee Galmudug. Sidoo kale Cabdulqaadir Maxamed Diiriye oo ahaa taliyihii Nabad sugidda garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb iyo askar kale ayaa lagu dilay dagaalkii maanta. Waxaa caawa fiidkii soo gaaray dagaal culus oo dhanka waqooyi ee magaalada ka qarxay maanta duhurkii, kaas oo bilaawday wax yar kadib markii uu soo baxay war sheegayey in Ahlu-Sunna ay dalbatay xabad joojin si magaalada ay uga baxaan. Guddoomiyaha degmada Guriceel Aanas Cabdi Macalin oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa qiray in Ahlu-Sunna ay maanta dalbatay xabad joojin, balse waxuu ku eedeeyey in ayagu ay jebiyeen xabad joojinta oo qiyaano ay ka wateen dalabkaas. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in go’doon ay geliyeen ciidamada u dagaalamaya Ahlu-Sunna, isla markaana ay ku raja weyn yihiin in dhawaan ay soo afjaraan iska caabintooda, isagoo balan qaaday inay ka aqbali doonaan baxad joojin ama xal aan xabad aheyn hadii ay la yimaadaan. Ciidamada labada dhinac ayaa aad ugu jabay dagaalkaas labada maalmood ka socda magaalada Guriceel, waxaana dhaawacyada ciidamada dowladda loo kala daabulay Muqdisho iyo Dhuusamareeb. Hase yeeshee Ahlu-Sunna waxaa weli ku adag inay goobo caafimaad u hesho dhaawacyada ciidankeeda kasoo gaaraya dagaalka, dhaawacyo iyo meydad badan ayaana la soo sheegayaa inay dhex yaalaan goobaha ay dhufeysyada uga jiraan. Maanta waxaa lasoo bandhigay sawirrada seddax ka mid ah saraakiishii ugu sareysay ciidanka Ahlu-Sunna oo dhaawac ah, iyagoo ku jira isbitaal ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kuwaas oo ciidanka Danad oo fadhigoodu yahay duleedka ay kala baxeen isbitaalka. Wararkii u dambeeyey waxay sheegayaan in ciidanka Ahlu-Sunna ay caawa ku sugan xarumo badan oo ay kamid yihiin xarunta Beder 2, Jaamacadda, Iskuulka Al-Maamuun, koontoroolka Guriceel ee xiga dhinaca Dhuusamareeb iyo guud ahaan jihada waqooyi ee magaalada. Ciidamada dowladda ayaa caawa ku sugan goobo ay kamid yihiin saldhiga booliska dhismaha Beder 1, xarunta Hormuud iyo guud ahaan xaafadaha koonfureed ee magaalada, waxaana caawa la kala joogaa goobihii la kala joogay xalay, taas oo muujineysa in dhinacyadu aysan wax horumar ah ka sameyn dagaalka. The post Saraakiil sare oo lagu dilay dagaalka Guriceel ee maanta iyo wararkii ugu dambeeyey xaaladda appeared first on Caasimada Online.