-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka Waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Magaalada Qaahiro kaga qeybgalay shirka 14-aad ee ururka Waxbarashada hiddaha iyo Cilmiga u qaabilsan waddamada Islaamka ee loo-soo gaabiyo (ICESCO), kaasi oo Magaalada Qaahira ka furay Madaxwaynaha Dalka Masar mudane Cabdifitaax Alsiis. Wasiirka Waxbarashada Eng Cabdullahi Carab oo warbixin ka siiyay ururka (ICESCO), horumarada Waxbarashada, Hiddaha, Cilmi baarista dalka, ayaa u sheegay in Waxbarashada Soomaaliya ay sameyneysay xaalad soo kabasho ah sidoo kalana dowladda ay hiigsaneyso in ay horumariso Waxbarashada iyo Cilmi-baarista. Wasiirka Waxbarashada iyo wafdigiisa ayaa inta ay joogaan magaalada Qaahira ee dalka Masar waxaa ay la kulmi doonaan dhigagooda Wasaaradda Waxbarashada Dalka Masar iyo madax kala duwan oo ka socda Wadamada Islaamka. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo ka qayb-gashay Shirka Ururka Dowladdaha Islaamka appeared first on Puntland Post.
-
Warbixin Xiiso leh:-Turkiga iyo Drones kooda. Labadii sanno ee inna dhaafay, Turkigu waxa ay farsameeyeen diyaarado ah nooca is wada oo aad warkoodu caalamka u gu faafay. Diyaaradahaas oo awoodo milatari leh waxa u gu caansan Bayraktar TB2 iyo Akinci, tan dambe ayaana si walba u ga awood badan midda hore. Drones ka Turkigu waxa ay soo jiiteen indhaha caalamka, ka dib wacdarihii ay ka muujiyeen Suuriya, Liibiya iyo Asarbajaan, dhawaan na waxa lagu muquuniyay jabhadda dadcunka ah ee TPLF, iyada oo laba maalmood oo keliya laga burburiyay todobaatan dabaabadood. Jabhaddii Janaral Xaftar ee loo daacad waayay, ee xal oo dhan diiday, hal usbuuc gudahiis baa edeb loogu yeelay. Xaftar waxa ay dani yeelsiisay in uu la heshiiyo dawladda Tiriibuli fadhida ee caalamku aqoonsanyahay. Keligii ma aha ee Imaaraadkii Xaftar dabada ka waday ayaa Ordogan gacmihiisa dhunkaday, oo Ankara u gu tegay. Labadaba waxa ka sii horeeyay Dugaag Bashaar-al-asad iyo eydiisii dadcunka ahayd wixii ku dhacay Febraayo 2020, kolkii ay dooneen in ay Idlib cagta mariyaan. Idlib oo Suuriyaan kii wadanka qaybihiisa kale ka soo cararay ay ka dhigteen xero-qaxoonti weyn, ayuu Bashaar doonay in uu dadkii ku noolaa hilbahooda karsado, baaqyadii caalamka oo dhan na dheg buu jalaq u siin waayay. Wixii uu dabaabad iyo daasad hayay buu isku soo duway, waanu soo dhaqaajiyay. Ciidanka Turkiga oo adeegsanaaya drones kaas oo raadaaradii Ruushku qaban waayeen, ayaa Dadcun Bashaar saacado kooban gudahood ka dilay in ka badan 2500 oo askari, isla markaana ka burburiyay 130 dababaadood, tobanaan diyaaradood oo noocyo kala duwan ah iyo raadaaradii difaacca circa. Hadaba Turkiga iyo Drones kaan halkee sheekadoodu ka bilaabatay? Sanadkii 1996, ayay ahayd markii u horaysay ee Turkigu ay soo iibsadeen diyaaradaha is wada oo Maraykan sanceeyay. Diyaaradaahaasu ma ahayn kuwo weerar geli kara – keliya waxa ay ahaayeen kuwo xog ururin iyo basaasnimo loo adeegsado. Turkigu waxa ay la diriraayeen kooxda Kurdiyiinta gooni-u-goosadka ah ee PKK, kuwaas oo ku dhuumaalaysan jiray Koonfur-bari buuralayda ah ee Ciraaq iyo Eeraan raacsan. Kolka ay diyaaradahaasu xogta soo qadaan, ee loo baahdo in talaabo laga qaado PKK, inta ay diyaaradaha F16 soo socdaan ayay ciddii la soo ilaaleeyay ee hadafku ahaa Meesha iskaga carari jirtay. Turkiga oo taas ka xun, ayaa Maraykan ka codsaday in laga gado drones xogta ururiya, isla markaana weerar qaadi kara, waa se laga diiday. Sanadkii 2010 iyo 2012 laba goor ayaa Baarlamaanka Marykan is hor taageen isku day looga gol lahaa in Turki lagaga iibiyo diyaaradahaas. Maraykan cidda soo racday ee sancadaas haysay waxa ay ahayd Israaiil, iyaku na sanaddii 2006 ayay Turki ka iibiyeen toban drone, shan sanno ayayna qaadatay in ay Talaabiib ka soo jawaabto dalabkii Turkiga. Intaas waxa dheeraa, diyaaradaha Israaiiliyiintu xoog ayay u cilad badnaayeen, isla markaana Israaiil ma ogolayn in Turkigu ay far saaraan qalabkaas. Heshiiska iibka ayay ku dareen in farsamo-yaqaanno Israaiil ka socdaa ay diyaradahaas ka shaqaysiiyaan, Turkigu na waa yeeleen, waxayna aaminsanaayeen in wixii xog ah ee diyaaradahaasi ay ururiyaan oo dhan in sirdoonka Israail loo gudbiyo. Cadho is biirsatay oo waxaas ka dhalatay, ayaa sababtay in Turkigu ay ka fikiraan in ay sancada tan ah gacantooda kaga ciil baxaan, waanay u suurowday. Nin yar oo lagu magacaabo Selçuk Bayraktar ayaa lafdhabar u ah hawshan, isaga ayaana loogu magac daray diyaaradaha midkkood. Jaamacadda MIT (Massachusetts Institute of Technology) ayuu ka baxay, isaga oo 26 jir ah buuna 2015 kii Turkiya ku soo laabtay. Shirkad qoyskoodu lahaa oo sancada tan ah hore u gu shuqlanayd buu xoojiyay, waana ka midho dhaliyay. Shan sanno gudahood, Turkigii drones ka dawarsan jiray isaga ayaa maanta la dawarsanayaa oo albaabkiisa la garaacayaa. Drones ka Turkigu waxa ay awoodaan in ay ku duulaan joog xoog u sareeya (40,000FT), in ay saacado badan hawada ku jiraan, iyo in ay beegsan karaan hadafyo circa, dhulka iyo badda hoosteda/guudkeeda intaba ah, raadaarku na aanu qabanin. Isku soo wada duub, sancada casriga ahi cidna gooni ma ula dhalan. Waa la kala dadaal badanyahay, sida dadaalka loo kala badsado, ayaa guusha na loogu kala horeeyaa uun. Besba. Maxamed Haaruun Qaran News
-
Wakhtiga Rasmiga Ah ee M/weynaha S/land Saxeexay Xeerka Ururada Siyaasada+Waqtigu ku celiyay Golaha wakiilada oo la helay Wakhtiga Rasmiga Ah ee uu Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Ku Sexeexay Xeerka Ururada Siyaasada Xeer No; 14 Uuna soo celiyay golaha wakiilada ayaa helay, Kaasi oo ku Taariikhaysan 20/07/2021 Halka Ay Madaxwaynaha soo gaadhay Qoraalka Ansixinta Golaha Wakiiladu ay usoo gudbiyeen shir gudoonka golihii hore Ay ku taariikhaysnayd 29/06/2021 Iyadoo Qoraalka golaha Wakiilada Madaxwaynaha usoo gudbiyeen Iyo mudada uu kusoo celiyay ay udhaxaysay 21cisho gudahood, ismarkaana ah maalintii sharcigu uu siinayay in madaxwaynuhu ku dhaqan galiyo xeerkan amaba ku diido sharci ahaan sax ah ay tahay wakhtiga uu madaxwaynuhu kusoo celiyay golaha wakiilada Somaliland ee cusub. Sidoo kale qoraalka uu madaxaynaha Somaliland kusoo celiyay xeerka ururada siyaasada Xeer No;14 ayaa waxaa uu kusoo lifaaqay qodoba uu ucuskaday soo celinta xeerkan iyo Qawaaniinta Dastuurka Somaliland ee uu khilaafsan yahay xeerkani iyo qodobada loo baahan yahay in lays waafajiyo wakhtiga uu ururada siyaasada amaba asxaabta qaranka ee jira uu ka dhacaya liisanku iyo doorashada golaha guurtida wakhtiga la qabanayo iyo qabsoomida doorashada madaxtooyada oo uu khilaafsan yahay xeerkani. Qoraalka warqada uu madaxwaynaha jsl kusoo celiyay xeerka ururada ayaa waxaa helay Tvga Horyaal24tv. HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN; Qaran News
-
Abu Dubai (Caasimada Online) – Waaxyaha dawladda faderaalka ee Imaaraadka Carabta ayaa lagu wadaa in ay wax ka badalaan toddobaadka shaqada laga billaabo 1-da Bisha Janaayo ee sanadka 2022, iyadoo inta badan dalka la filayo in ay ku daydaan. Shaqaalaha dawladda ee heer wasiir ayaa qaadan doona afar maalmood iyo Maalin haafkeed oo shaqo ah todobaadkii, waxayna shaqeyn doonaan Isniinta ilaa Khamiista, halka maalinta Jimcaha ah la shaqeyn doono maalin barkii. Sidoo kale, maalmaha Sabtida iyo Axadda ayaa shaqaalaha dowladda u noqon doono maalmaha fasaxa cusub taasoo ka dhigan in Dowladda Imaaraadka ay gebi ahaanba ka guurtay dhaqankii ay isticmaali jireen dowladaha Islaamka ah oo ah in Maalinta Jimcaha ah oo ah maalin barakeysan la nasto, islamarkaana laga faa’ideysto fursadaha cibaado ee ay wadato. Xukuumadaha Dubai iyo Abu Dhabi waxay sheegeen in shaqaalahooda ay qaadan doonaan saacado isku mid ah iyadoo la filayo in dhawaan lasoo saaro saacadaha cusub ee shaqada. Wargeyska The National ayaa sheegay in sidoo kale jadwalkaan cusub ay ku dhaqmi doonaan dhammaan iskuullada ku yaalla dalkaas marka laga soo laabto fasaxa ay ardayda ugu maqan yihiin imtixaanka koowaad ee sanad dugsiyeedkaa. “Go’aankaan wuxuu si wanaagsan isugu xiri doonaa Imaaraadka Carabta iyo Suuqyada Caalamiga ah, taasoo ka tarjumaysa heerka istaraatiijiyadeed ee uu gaaray dalkaan muhiimka u ah dhaqaalaha caalamka, wuxuuna sidoo kale kor u qaadi doonaa wax soo saarka, wuxuu hagaajin doonaa dheelitirka shaqada iyo nolosha,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Warbaahinta Dowladda Imaaraadka Carabta . Illaa hadda go’aanka dowladda kuma caddo in go’aankan uu yahay mid saameenaya dhammaan shirkadaha iyo hay’adaha sida gaarka ah loo leeyahay, balse shirkaduhu uma baahna ogolaanshaha dawladda si ay u dejiyaan usbuuca shaqada. Wasiirka khayraadka ee Imaaraadka Carabta Abdulrahman Al Awar oo la waydiiyey haddii uu go’aankaan saameenayo ganacsiyada sida gaarka ah loo leeyahay ayaa sheegay inaan shirkadahaas loo sheegi doonin sida ay u maamulanayaan shaqadooda. “Shirkadaha ganacsiga gaarka loo leeyahay waa kuwo caqli badan, waxayna ku shaaqeeyaan suuq tartan badan leh… waxay go’aankooda ku gaari doonaan waxa ay u arkaan inay u roon tahay ganacsigooda,” ayuu yiri isagoo la hadlayey The National. Nidaamka cusub waxa uu ka dhigan yahay in shaqaalaha Dowladda dhexe iyo qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha dowladda hoose ay shaqayn doonaan 7:30 subaxnimo ilaa 3:30 galabnimo laga bilaabo Isniin iyo Khamiis taasoo ka dhigan in saacadaha shaqada ee hadda lagu shaqeeyo lagu kordhin doono 90 Daqiiqo. Sidoo kale, Maalinta Jimcaha ah ayey shaqaalaha shaqeyn doonaan laga bilaabo 7:30 subaxnimo illaa duhurkii, waxaana jirta suurta-galnimada in shaqaalaha lagu khasbo inay waqtiga dhiman kasoo shaqeeyaan guryaha sida laga soo xigtay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda. Maalmaha shaqada ee Imaaraadka Carabta ayaa waxaa u dambeysay in isbadal lagu sameeyo sanadkii 2006 markaas oo laga soo guuray maalmaha fasaxa ahaan jiray ee Khamiista iyo Jimcaha, islamarkaana loosoo guuray in fasaxa asbuuca uu noqdo Jimco iyo Sabti, waxayna midaas keentay in Imaaraadka ay la jaanqaadaan suuqyada caalamka xilli dhaqaaluhu si xawli ah u korayay. Intii u dhaxaysay 1971 iyo 1999 dalka Imaaraadka Carabta waxaa laga shaqeyn jiray lix maalmood Todobaadkii iyadoo dowladda xilligaas u aqoonsaneyd Maalinta Jimcaha ah inay tahay maalin fasax ah. Sanadkii 1999 ayey dowladda ku dhawaaqday in Maalinta Khamiista ah laga dhigay maalin fasax ah sida Maalinta Jimca ah oo kale. The post Imaaraadka oo go’aan yaab leh uga guuray dhaqankii Islaamka ee maalinta Jimcaha appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa qorsheynaysa in xilliga kama dambeysta ah ee ay xireyso xeryaha qaxootiga ee Kakuma iyo Dhadhaab ay noqon doonto June 2022-ka, xilli ay Qaramada Midoobay ay waddo dadaalo ay ku dooneyso inay weli sii furnaadan xeryahaasi. Wada-hadalo ku aadan xirista xeryahaas ayaa u socda Dowladda Kenya iyo Qaramada Midoobay waxay yeelanayaan kulan looga heshiinayo waqtiga kama dambeysta ah ee qorsheynayso Kenya. Walaaca xirista xeryahaas ayaa kasii daraya kadiba markii ay hay’adda dhakhaatiirta aan Xuduudka lahayn ee MSF ay ka digtay in dadkaas lagu riixin inay ku laabtaan Soomaaliya oo uga sii dari karto arrinta, aysan ahayna mid keeni karta xal waara. Warbixinta MSF ayaa sheegaysa in xiritaanka xeryaha qaxootiga ay horseedi karto dhibaato cusub oo barakac ah, maadaama ay gabi ahaanba ku qasbi doonto hay’adaha samafalka in ay ka baxaan gobolka, taasina ay keenayso in dhaqaalaha xerada uu burburo. “Xiritaanka xeryaha qaxootiga ee la qorsheeyay bisha Juun 2022 waa inay noqotaa fursad lagu dardargelinayo geeddi-socodka xal-u-helidda qaxootiga,” ayay tiri Dana Krause oo ah madaxa MSF ee Kenya. Wasiirka arrimaha gudaha Fred Matiang’i ayaa bishii Juunyo ee sannadkii hore ayaa ku dhawaaqay in la xirayo xeryaha Kakuma iyo Dhadhaab, oo ay qeyb ka yihiin Soomaali badan. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Dowladda Kenya iyo QM oo isku haya go’aan saameyn kara kumanaan Soomaali ah appeared first on Caasimada Online.
-
Somali fishermen in coastal villages in Mudug’s Hobyo district are facing attacks from armed foreign trawlers, cutting their fishing nets and using live ammunition to drive them out of the sea. Said Yasin Elmi and his six employees stopped fishing in October after their nets and other equipment were destroyed by foreign vessels during attacks twice in one week. He says they were shot at by the attackers although none of his crew was injured. “Life is unpredictable because we all live on what we catch from the sea. My employees have left to search for other jobs. People who used to work here are now sitting idle on the beach. Those foreign vessels are out fishing at sea. They cut our fishing nets!” he said angrily. He is buying food for his family of 10 with five dollars he gets a week from relatives in Galkayo and Mogadishu. The local food stores where he lives in Labad, 30 km from Hobyo. will not give him credit. He used to make $30 to $40 a day from fishing activities after paying his six employees a daily wage of $10 each. Now he says his children are sometimes sleeping hungry. “I tell myself that things will get better. My nets and equipment that were destroyed by the foreign ships are still in the sea. I don’t know anything else I can do now, I have no other skills to earn a living,” he said. Said owns his own fishing boat. He said he lost three fishing nets, each worth $80. The disruption is affecting around 150 fishermen based in Labad, Iidaan, and Af-wayns villages. The chairman of 50 fishermen in Iidaan, Nur Khalif Adan, said he and his team are still fishing despite the attacks. He told Radio Ergo that every 24 hours, they fish for about two hours towards sunset when the foreign vessels are not around. They only manage to cast their nets a mile offshore, catching little more than enough for the family food. “If we cast our nets at night or early in the morning they get cut. This is what the invading vessels are doing to us. There are a lot of them at sea and they fire at us if we try to go out there,” he said. Nur was clearing $75 a day selling the fish he caught with three employees, each paid $10 a day. On 14 November, a Chinese-owned vessel was caught by the Galmudug authorities off the coast of Hobyo but was freed two days later, when it emerged that it had a fishing license issued by the federal government. The local fishermen are accusing the federal government of allowing foreign trawlers to disrupt their livelihoods. The director of Galmudug fishing ministry, Abdirashid Mohamed Abdi, confirmed that licensed foreign fishing vessels are obstructing the local fishermen, but they cannot stop their “ugly behaviour.” The trawlers are supposed to keep 50 miles off the Somali coastline but constantly breach the limit. The ministry has received many complaints from local fishermen and has asked the federal government to intervene, with no response yet. The Galmudug administration says it will seek assistance from the European Union naval forces in Hobyo to equip and train a coastguard team to restore order. Source: Radio Ergo The post Somali fishermen forced out of the sea by foreign boats off Mudug coast appeared first on Puntland Post.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Cumar Cabdi Axmed oo ka mid ahaa musharaxiinta kursiga Hop103 ee laga boobay guddoomihiyii hore ee golaha shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka sheekeeyey qaabkii loogu diiday tartanka isaga iyo Guddoomiye Jawaari. Cumar ayaa sheegay inuu ahaa musharaxii ugu horeeyey ee shaaciyey inuu u tartamayo kursigaas, isla markaana mudo shan jeer ah uu la kulmay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen. “Markii doorashadu bilaabatay Baydhabo ayaan tagnay, Madaxweyne Cabdicasiis waxaan is aragnay ugu yaraan shan jeer, fursad uma aana yeelan in aan la shiro oo habeen kasta balan hor leh ayuu ii qabanayey, laa ay dhacday doorashadii kursiga lagu boobay,” ayuu yiri. Waxa uu sheegay in habeenkii ugu dambeeyey ee fursada uu u helay inuu la shiro madaxweynaha uu ugu bishaareeyey in kursiga uu ka diray Prof. Jawaari, taas oo sida uu sheegay ay ku murmeen isaga iyo Lafta Gareen. “Habeenkii ugu dambeysay oo ay ii suurta gashay in aan kulano Lafta Gareen, markii aan u galay xafiiska ayuu igu yiri bishaaro Prof. Jawaari waan ka diray kursiga, waxaan ku iri Madaxweyne soo muwaadin maaha, oo xaq uma laha inuu tartamo, sidee uga dirtay kursiga? Kadibna waxuu igu yiri arrintaas odayaasha cida ayaan kala hadlaa ee habeen dambe ii soo laabo,” ayuu yiri Cumar Cabdi. Waxa uu sheegay in habeenkii xigay uu ku soo laabtay madaxtooyada si uu ula kulmo Lafta Gareen, “Habeenkaas waxuu igu yiri odayaashii waxay i dhaheen kursi in qof loo diido qofna loo ogolaado inuu u tartamo wax aan ogolaa karno maaha, waana iga tageen,” ayuu yiri Musharax Cumar Cabdi. Intaas kadib waxa uu sheegay in habeenkii dambe ay ka war heleen in la diiwaan geliyey musharaxa kursiga loo boobay oo ahaa wasiir ka tirsanaa xukuumaddaLafta Gareen, sidaasna ay maalinkii ku dhacday doorashadu. “Waxaan u tegay guddiga doorashada, guddoomiyaha ayaa igu yiri wax lacag ah ha iska bixin, anaga madaxweyne Lafta Gareen waxuu nagu yiri qofkii aan idiin soo diro siiya kursiga oo diiwaan geliya, Cabdicasiis waxa uu noo soo diray qofkaas ee lacag ha iska bixin,” ayuu yiri. Waxa uu sheegay in xilli habeen ah la diiwaan geliyey musharaxii loo boobay kursiga, kadibna uu malxiis ka dhigtay askari ilaalo u ahaa, sidaasna lagu boobay kursigii uu afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Hoos ka daawo The post “Sheekadii na dhex-martay aniga iyo Lafta-gareen habeenkii tartanka laga reebay Jawaari” appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE Uganda tops African Development Bank’s Electricity Regulatory Index for fourth consecutive year Other strong performers include East African neighbours, Kenya and Tanzania, as well as Namibia and Egypt ABIDJAN, Ivory Coast, December 8, 2021/ — For the fourth consecutive year, Uganda’s electricity sector is Africa’s best regulated across a number of key metrics, according to the African Development Bank’s (www.AfDB.org) 2021 Electricity Regulatory Index. Other strong performers include East African neighbours, Kenya and Tanzania, as well as Namibia and Egypt. The 2021 Electricity Regulatory Index, an annual report, covered 43 countries, up from 36 in the previous edition, and assessed their impact on the performance of their electricity sectors. The index covered 3 countries in the North Africa region; 14 in West Africa; 6 in Central Africa; 7 in East Africa; and 13 in the Southern Africa region. “The unprecedented participation of so many countries shows the commitment to strengthen the countries’ regulatory environment with a view to improving the performance of the respective electricity sectors,” said Dr. Kevin Kariuki, the African Development Bank’s Vice President for Power, Energy, Climate and Green Growth. Among the 2021 report’s key highlights are that regulatory independence is one sub-indicator where African countries have room to improve: in 93% of sampled countries, governments, and stakeholders exercise influence over regulatory authorities. In terms of regulatory substance, participating countries scored lowest on adequacy of their tariff setting and frameworks, as well as licensing frameworks when compared with best practice. According to the report, the average performance on economic regulation has continued to decline since 2018. A third of countries surveyed indicated they lack methodologies to determine tariffs; another 40% rely on tariff methodologies that do not include key attributes such as automatic tariff adjustment and tariff indexation mechanisms and schedule for major tariff reviews. Wale Shonibare, African Development Bank Director for Energy Financial Solutions, Policy and Regulation, commended the top-performing country. “Uganda topping the rankings consecutively for four years comes as no surprise to many, as the regulator spends significant time on consultation and analysis, including regulatory impact assessments of key interventions and follow-through to ensure full implementation,” he said. Outside stakeholders also viewed the report’s results positively. Eng. Abel Didier Tella, Director General of the Association of Power Utilities of Africa, said, “It is interesting that the utilities in most of the top-performing countries in the Electricity Regulatory Index are listed on their national stock exchanges, which requires compliance with transparency in information sharing and good governance practice.” Since its launch in 2018, the Electricity Regulatory Index has highlighted aspects of electricity regulation that need reform, identified appropriate areas for intervention, and encouraged stakeholders to be proactive in addressing challenges. Since then, the index has been widely adopted by regulators and other stakeholders across the continent as a benchmark for the regulatory environment as well as for ongoing reforms. SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir lagu howlgelinayey guddiga hoggaaminaya qorshaha ay ciidanka xoogga Soomaaliya ammaanka dalka ay ugala wareegayaan ciidamada AMISOM. Taliyeyaasha ciidamada xoogga, booliska iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay furitaankii shirkaas, iyagoo halkaas hadallo koo-kooban ka jeediyey. Wakiillo ka socda hey’adaha ammaanka ee dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo xubno ka socda xafiisyada sare ee hey’adaha dowladda federaalka ayaa qeyb ka ah guddigaan oo ka shaqeyn doona dejinta istaraatiijiyad ay Soomaaliya ku hana karto ammaanka guud ee dalka waqti dhow. Wasiirka gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji oo ka hadlay furitaankii shirkaas ayaa yiri, “14-sano ciidamo ajanabi ah ayaa dalkeena joogay, intaas ciidamo qaran ayaa noo dhismaayey, hada waxaan leenahay ciidamo aad u firfircoon, xubnaha guddiga waxaa laga rabaa labadaan maalmood inay dejiyaan qorshe culus oo caalamka aan la hor tagno oo aan dhahno Soomaaliya qorshahaan ayey qaadatay.” Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa kulankaas ka yiri, “Waxaan laga hadlayaa amniga dalka, waxaana la rabaa in dhammaan hey’adaha ammaanka ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay hal aragti ka wada yeeshaan, kulankaan waxuu sal u noqon doonaa mideynta iyo jiheynta awoodaha aan heysano, taasina waxay fursad noo sii doontaa in hal dhinac loo jiheeyo ammaanka Soomaaliya.” Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Cabdisaciid Muuse Cali ayaa kulankaas ka yiri, “Hawl-gelinta Guddigai waxay caddayn u tahay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay la wareegidda amnigeeda qaran. Guddigaan waa goobta looga doodaayo, lagana jihaynayo qorshaha la wareegidda mas’uuliyadda amnigeenna qaran. Waxaa la idiinka fadhiyaa inaad qiimayn ku samaysaan wax-yaabaha ka hirgalay qaybihii hore ee qorshaha, caqabadaha iyo waayo-aragnimada laga bartay, si aad u soo gudbisaan tubta dhammaystirka qaybaha danbe ee qorshahan.” Dhankiisa wasiirka amniga XFS Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa yiri, “14-sano ka hor waxaa laga hadlaayey sidii dalkaan ciidamo shisheeye loo keeni lahaa, maanta waa qaangaar ah caruurtii dhalatay markii lasoo bilaabay ka hadalka ammaanka Soomaaliya, waxaan ka rajeynayaa saraakiishaan aadka u dhisan inay howshaan loo xil-saaray si taxadar leh u gutaan.” Mas’uuliyiintii ka hadashay furitaanka shirkaas oo Muqdisho ka socon doona labada maalmood ee soo socota ayaa waxay cadeeyeen in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin in loo meeriyo go’aan aan aheyn kan ay soo gaaraan guddiga maanta fariistay ee ka socda dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada dalka. Muran culus oo caalami ah ayaa ka dhashay qorshaha ay dowladda Soomaaliya dooneyso in AMISOM ay ugala wareegto ammaanka dalka, Midowga Afrika oo ciidamo ay ka joogaan dalka ayaa u ololeynaya in waqtiga joogitaanka AMISOM ee Soomaaliya la kordhiyo, sidoo kalena dalka la keeno ciidamo hor leh oo ka socda Qaramada Midoobey, balse dowladda Soomaaliya ayaa si adag ugu gacan seyrtay soo jeedintaas, waxaana weli ka taagan khilaaf culus. The post Muxuu yahay ujeedka shirka xasaasiga ah ee maanta ka furmay Muqdisho? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Buuq weyn ayaa ka dhex bilowday Labada garab ee maamuleysa doorashada Gobollada Waqooyi ee Somaliland. Guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay sii daayey warqad uu ku joojinayo 16 Kursi oo kamid ah kuwa reer Waqooyiga oo dhawaan la filayey in lagu doorto magaalada Muqdisho. Waxa uu sababta ku sheegay in la hubinaayo cuqaasha iyo hufnaanta doorashada, balse garabka Mahdi Guuleed waxa ay sii daayeen isla shalay magacyada odayaasha xuli doona illaa 4 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee reer Waqooyiga. Kooxdaan horay uma faafin jirin odayaasha dhaqanka ee xulaya ergada, laakiin waxaa lagu tilmaamay ujeedka ay shalay u faafiyeen in lagu daboolayo xaaladda cusub ee soo korortay. Xalay guddiga doorashada Somaliland, gaar ahaan garabka ka yimid dhinaca guddoomiye Cabdi Xaashi oo 4 xubnood ahaa faafiyey warqad ay ku ayideen hadalkii shalay kasoo baxay Cabdi Xaashi, waxayna sheegeen in sidaas lagu hakiyey 16-kaas kursi ee kamid ah kuraasta reer Waqooyiga. Haddaba waxaan warbixintaan ku eegeenaa xudunta khilaafka cusub ee u dhaxeeya Mahdi Khadar Guuleed iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Labada nin waxay in muddo ah isku hayeen awoodda maamulka doorashada reer waqooyiga, Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa kal hore xaliyey khilaafkooda, doorashada ayaana socotay waayadaan. Si isku dhow ayey xubno ugu yeesheen Aqalka Sare ee baarlamaanka dalka, laakiin markii la yimid doorashada Aqalka Hoose waxaa Ra’isul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed lagu eedeeyey sad-bursi iyo inuu rabo in kursi walba isagu qorto odayaasha iyo ergada, si uu u soo saaro xildhibaanada uu rabo madaxweyne Farmaajo. Xubno kamid ah kuwa reer Waqooyiga ayaan la hadalnay si aan wax badan uga ogaano khilaafka cusub, waxayna noo sheegeen in Mahdi rabo inuu kaligiis maamusho doorashada Golaha Shacabka ee reer Waqooyiga. “Markii la qorayo odayaasha soo xulaya ergada kursi walba, wuxuu rabaa Mahdi Guuleed in loo qoro cuqaasha taageersan musharaxa uu wato, si ay u soo qoraan ergo la hubo inay dooran doonaan xubinta uu wato,” ayuu yiri kamid ah xubnaha aan la hadalnay. Cabdi Xaashi ayaa la sheegay inuu kula dhagay markaan, wuxuu miiska la yimid dood la sheegay inay maangal tahay. Dooda Cabdi Xaashi waxay tahay noo qeebi cuqaasha xuleysa ergada kursi walba, haddii aadan ogoleyn noo qeebi kuraasta oo nin walba kuraasta xagiisa ka imaaneysa isaga ha maamusho cuqaasha iyo ergada. Mahdi waxaa la sheegay inuu taas ka biyo diiday. Cabdi Xaashi markii uu waayey qeybtiisii oo loo diiday in dhexda la dhigo kuraasta iyo maamulka doorashada reer Waqooyiga wuxuu ku qasbanaaday inuu doorashada hakiyo. Ra’isul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed oo isagu u shaqeynaya madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in uusan rabin in la qeybsado kuraasta golaha shacabka. Villa Somalia ayaa xubno badan oo ay kuraas u rabtay waxay u soo dhiibtay Mahdi. Haddii la isla fahmo in awoodda dhexda la dhigto oo cuqaasha iyo ergada la qeebsado masoo bixi karaan xubno badan oo uu wado Mahdi Guuleed, kuwaas oo la sheegay in aysan wax saameyn iyo sumcad ah ku dhex laheyn bulshada reer Waqooyiga ee joogta magaalada Muqdisho. Khilaafkaan cusub ayaa si weyn u saameyn kara geediga doorashada dalka, cabsida ugu badan waa in uusan Mahdi Guuleed kusoo qancin karin Fahad iyo Farmaajo inuu Cabdi Xaashi la qeybsado maamulka kuraasta Golaha Shacabka ee reer Waqooyiga. Dhawaan waxaa Cabdi Xaashi lagu eedeeyey inuu indhaha ka dabooshay kuraas la sheegay in si cad loo boobay oo kamid ah kuwa Golaha Shacabka ee reer Waqooyiga. Xiisadaan cusub ee Mahdi iyo Cabdi Xaashi waxay durba kala qeybisay guddigii maamulayey doorashada reer Waqooyiga, wuxuuna buuqaan kusoo aadayaa iyadoo masuug badan laga keenay guud ahaan sida ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka reer baarlamaanka federaalka oo socota. Xubnaha u sharaxan kuraasta reer Waqooyiga qaarkood waxay sheegeen inay arrintaan tahay baraarug fiican oo sahli doonta in si furan loogu tartamo kuraasta dhiman. The post Xog: Muxuu salka ku hayaa khilaafka cusub ee Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa taageeray hadalkii Boqor Cusmaan Buurmadow ee dadka ku nool koonfurta Soomaaliya ay dhibsadeen, kaas oo ahaa in Soomaaliya ay ka jirto laba dowladood oo kala ah, Al-Shabaab iyo dowladda federaalka. Xasan Daahir ayaa sheegay dadka Soomaaliyeed ay wada qirsan yihiin in Al-Shabaab ay yihiin dowlad loo raadsado cadaaladda, sidaas darteed hadalka Boqor Buurmadow uusan aheyn mid qaldan. Sidoo kale Xasan Daahir ayaa sheegay in cudur-daarka Boqorka uu yahay mid macquul ah oo ay ku qanci karto cidii horay uga carootay, maadaama meesha uu hadalkaas ka yiri ay aheyd goob qabaa’il ku kaftamaayey. “Boqorku nimankaas mabda’ ayaan ku taageersanahay ma dhihin ee waaqic jira ayuu sheegay, kaftankana waa laga gashan karaa, oo warkaas waa mid ku imaan kara kaftan,” ayuu yiri Xasan Daahir. Sheekh Xasan ayaa siyaasiyiinta Mogadishu Clan ku dhaliilay in kaftanka iyo siyaasadda aysan kala aqoon, “Waaqic jira ayuu ninkaasi ka hadlay, si waaqici ah ayuuna uga hadlay, waana runtiis intii uu sheegay,”ayuu yiri Wadaadkaan xabsi ku guriga ah Muqdisho. Waxa uu sheegay in dadka ku nool koonfurta Soomaaliya ay safaf dhaadheer u galaan cadaaladda Al-Shabaab, taas oo cadeyneysa in Al-Shabaab ay dowlad yihiin, sida hadalkiisa uu u dhigay. “Nimanku inay dowlad yihiin idinkaa marqaati ka ah, dadkii ayaaba u safan oo cadaaladii ay dowladda ka waayeen ayey u doontaan, wax kasta ayey u kala xukumaan dadka, waana raganimo iyo dowladnimo in cadaalad la idinka waayey Al-Shabaab loo doonto,” ayuu yiri Xasan Daahir. Waxa uu sheegay in mar kasta ay u yeeraan odayaasha dhaqanka qabaa’ilka is qabta, isla markaana ay u kala gar-qaadaan oo diinta fahamsiiyaan, “Odayaasha qabaa’ilka inta kala xaliyaan oo hadey rabaan lacag soo siiyaan ayey soo diraan,” ayuu yiri. Xasan Daahir ayaa raganimo ku tilmaamay cudur daarkii uu bixiyey Boqor Buurmadow, maadaama dadkii ay fahmi waayeen u jeedka hadalkiisa. “Warkii uu sheegay Boqorku waxuu ahaa mid isaga umunaasab ah, meeshii uu ka yirina munaasab ku ahaa, hadii uu ka tacsiyeeyey geeridii Axmed Godane waa raganimo waa wiilkiisii,” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys. Dhanka kale Xasan Daahir ayaa Siyaasiga Axmed Macalin Fiqi waxa uu ku macneeyey nin aan garaneyn hadafkiisa, “Fiqiyow hadda ka hor waxaan ku iri dowladna ma taqaanid, diina ma taqaanid, hadana waxaa cadaatay in aadan dhaqanka aqoonin,” ayuu yiri Xasan Daahir. Waxa uu sheegay in Axmed Fiqi uu taageeray dad diintii haleeyey oo dowladnimadii haleeyey oo dhaqankii haleeyey, kuwaas oo uu kala jeedo Ahlu-Sunna oo Axmed Macalin Fiqi uu dartood isaga casilay xilkii wasiirka amniga Galmudug, kadib markii Qoor Qoor ku adkeystay in Guriceel uu ku weerarayo. “Fiqiyow adigoo ninkaas ah ayaad hadana nin Boqor ah hadal uu yiri waxaas oo war xumo ah kasoo saartay, waxaa iigu dareed markii uu yiri ‘dadkii uu Godane laayey waa in Boqorku bixiyo’ aan xisaabtano marka, inta Godane laayey iyo inta UNC iyo Caydiid laayeen yaa badan? Si qaab daran ayaad waliba dadkaas u leyseen, aniga ayaa is dul-taagay oo arkay 17 qof oo biri-mageydo ah oo guryahooda aad kala soo baxdeen oo aad xasuuqdeen, kadibana qaab loo aaso la garan waayey,” ayuu hadalkiisa ku soo daray Xasan Daahir. Hoos ka daawo The post Daawo: Xasan Daahir Aweys oo mowqif lama filaan ah ka qaatay hadalkii Buurmadow appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Addis Ababa)-Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dib ugu laabtay xafiiskiisa kadib markii dhawaan uu ku sugnaa jiidda hore ee dagaalka ka dhanka ah fallaagada TPLF, sida uu baahiyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. “Waxaan dib ugu laabanaya xafiiska xilli aan si guul ah ugu soo afjaray wajiga koowaad ee dagaalka” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaraha. Arrintani ayaa imaaneysaa xilli ciidamada Itoobiya ay magaalooyin muhiim ah ay ka qabsadeen TPLF.Halka fallaagada ay sheegtay in xeelad dagaal darteed ay uga baxeen magaalooyinka ay di u qabsatay dowladda. Source
-
Kisumu (Caasimada Online) – Nin la sheegay inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab ayaa qarax is-miidaamin ah ku dilay labadiisa waalid iyo naftiisa, deegaanka Katito oo ka tirsan magaalada Kisumu ee dalka Kenya, sida uu qoray wargeyska The Star oo soo xiganaya booliiska. Is-miidaamiyaha oo magaciisa lagu sheegay Joseph Odhiambo Ondiek, loona yaqiin Pope, ayaa tegay guriga Petro Onyango iyo xaaskiisa Mary Atieno oo ay wehliso gabadhooda Nancy Aoko, wuxuuna kadib weydiiyey su’aalo. Waxyar kadib waxaa qarxay walxo qarxo oo uu xirnaa, halkaasi oo ay ku dhinteen isaga iyo labadiisa waalid oo ahaa 55 jir. Dhacdadan ayaa dhacday habeenkii Talaadada ee xalay. Gabadha lamaanaha ayaa la sheegay inay ku dhaawacantay qaraxa, lana geeyey isbitaalka. Ilo-wareedyo ka tirsan booliska ayaa The Star u sheegay in is-miidaamiyaha uu dhowaan kasoo laabtay kooxda Al-Shabaab, uuna adeegsaday walxo qarxa oo uu farsameeyey kadibna ku xirtay dhexda si uu isugu miidaamiyo waalidkiis. Pope ayaa lagu warramay in sidoo kale uu 17-kii December 2020 isku dayey inuu gabar ay saaxiibo ahaayeen oo aheyd 16 jir ku dilo guriga ay kireysteen oo ku yaalla xaafadda Katito, sababo la xiriira inay sameysay galmo ka baxsan guurka. Sida ay sheegeen booliska, wuxuu bam uga dhex-tagay guriga taasi oo qaraxday kadibna dhaawacday gabadha, wuxuuna kadib ka cararay magaalada ayada oo aan dib loo arkay kahor qaraxii xalay. Is-miidaamiyaha ayaa la sheegay inuu shan sano kahor ka tagay magaalo xeebeedka Mombasa kuna biiray kooxda Al-Shabaab. Karanja Muiruri oo ah madaxa booliska Nyanza ayaa sheegay inay falkii xalay ula macaamilayaan inuu ahaa mid argagixiso. “Waxaan isku dayeynaa inaan ogaano halka uu jiray bilihii tegay. Tani waa arrin halis ah, waana ku raad joognaa,” ayuu yiri Karanja Muiruri. The post Dagaalyahan Al-Shabaab ‘ka tirsan oo qarax is-miidaamin ah ku dilay labadiisa waalid’ appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa kulan la yeeshay Madaxa Hawl-galada Safaarada Norway Mr Haakon Svane, oo booqasho ugu yimid. Kulanka oo ahaa kii u horeeyay ee labada masuul ay yeeshaan, ayaa ku qotomay xoojinta is-kaashiga wanaagsan ee u ka dhexeeya labada dal, waxaana diirada lagu saaray sidii mustaqbalka loo sii ambaqaadi lahaa, wadashaqaynta wanaagsan ee ay waddaagaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo waddanka Norway. Madaxa hawl-galada Safaaradda Norway ayaa guddoomiyaha uga mahad-naqay kulanka uu la yeeshay, waxaanu hoosta ka xariiqay in ay xoojinayaan is-kaashiga ay la leeyihiin Somaliland. Source
-
Deqa Dhalac saw it in their faces when she started campaigning. Some people, she says, seemed scared to open their doors when she knocked. Others saw her hijab and assumed she didn’t speak English. But Dhalac kept knocking and telling her story. And she says a lot has changed since those days back in 2018, when she first ran for City Council in South Portland, Maine — and won. On Monday she became the first Black mayor of the small city on the state’s Southern Coast. And she’s believed to be the first Somali American mayor in the United States. South Portland’s other city councilors, who are all White, elected her in a unanimous vote, heaping praise on Dhalac for her dedication to the community and thoughtful consideration of issues. Dhalac, 53, says her election shows what can be accomplished when people find ways to connect with each other instead of putting up walls. “People will always have some kind of reservation…but will get to know you, listen to you and see who you are through that,” she says. Given that Maine is the whitest state in the country, and that South Portland is 90% White, Dhalac knows her election sounds surprising to some. But she says that it shouldn’t be. And that’s one reason she ran for office in the first place. She hopes her election as mayor will inspire others to follow in her footsteps. “I’m…really proud of the fact that I’m going to be opening a lot of paths for other folks who look like me, especially our young community members, to say, ‘If this woman can do this, actually I can do that,'” Dhalac told the City Council last month after her nomination. “And also not only for immigrant, first-generation or Black people, but also young, White individuals who may have been afraid or don’t want to be a part of the civic duties that we all have. … I say, ‘Yes, if I can do this, yes, you can do it. We really, really need you, each and every one of you in this beautiful city of ours, to step up.'” Her election marks multiple milestones Dhalac’s inauguration is a milestone for Somali immigrant communities that have grown in size and become more established in states like Maine, Minnesota, Ohio and Washington. As that’s happened, more Somali Americans are taking on roles on local school boards and city councils — and also serving as lawmakers, like Rep. Ilhan Omar, D-Minnesota. Dhalac is the first Somali American mayor in the United States, according to New American Leaders, an organization that trains and encourages immigrants to run for office. But the organization says they hope she won’t be the last. “Her leadership will certainly make a big difference not only in South Portland, but around the country,” said Ghida Dagher, the organization’s president. “She’s going to serve an example for Somali Americans across the country to step up and step into their own leadership journey. … It’s about owning their own power and potential in our democracy.” Dhalac’s election is also a historic first for South Portland, which has never had a Black mayor before, says Seth Goldstein, vice president of the South Portland Historical Society. Goldstein, who teaches history and leads historical tours in the area, says he’s happy to watch this new chapter in his city’s history unfold. “It’s very exciting, I think that it is reflective of the way that the community here is gradually changing,” Goldstein says. About 6,000 Somalis live in Maine, Goldstein said, thanks to a wave of migration that began in the early 2000s. Their arrival hasn’t always been met with open arms. In 2002, the mayor of Lewiston, Maine, drew national media attention when he wrote an open letter telling Somali immigrants not to come to his city. But Dhalac says the people she’s met in Maine have been welcoming, and in recent years she’s seen more Somalis and other immigrants taking on leadership positions in the state. In the past, she says, immigrants were more hesitant to run because they were focused on making ends meet and supporting their families. “I think we were always kind of afraid to get involved. … We were waiting on somebody (else) to do something,” she said. In 2018, Dhalac got tired of waiting. Trump’s presidency helped convinced her to run Dhalac fled Somalia in 1990, just before the country descended into civil war. After she immigrated to the United States in 1992, she says it wasn’t long before she started organizing fellow immigrants to become citizens and vote. But she’d never thought of running for office herself, until she came to a troubling realization. “No matter how important my work was, we were missing out at the decision-making tables,” Dhalac said Monday in her inaugural address. After former US President Donald Trump took office, Dhalac told CNN she felt even more determined to make her voice heard. She joined protesters at a 2016 rally after Trump made comments denigrating Somali immigrants. The next year, she participated in a protest against White supremacy and drew cheers from the crowd when she declared, “I am a Muslim, Black immigrant woman, and I’m not going anywhere.” When an opening came up on the South Portland City Council, Dhalac says many people were pushing her to run. Once she got her family’s blessing, she started knocking on doors, doing what she could to connect with voters and win them over. In 2018, she ran against a local business owner and won, making history as the first African American and first Muslim elected to the council. In 2020, she ran unopposed for a second term. The city council selects from among its members who will be mayor, and in November, her colleagues unanimously supported her nomination. And on Monday, they voted to make it official. She’ll serve a one-year term. South Portland is home to about 25,000 people, making it Maine’s fourth largest city. It neighbors the larger city of Portland and is also home to the state’s largest mall and half of the Portland International Jetport. Dhalac’s major priorities for the city include improving its climate change response, increasing the availability of affordable housing and promoting diversity, equity and inclusion. Being on South Portland’s City Council isn’t a full-time job. Dhalac has a background in social work, and by day she’s the family engagement and cultural responsiveness specialist for Maine’s Department of Education. She also serves on numerous boards and is the mother of three adult children. But no matter how much else she has on her plate, Dhalac says she always wants members of the community to feel comfortable coming to her with questions. And they do, Dhalac says. “Why is the construction taking too long? … Why does this person have a rooster next door? You name it.” There’s a Somali saying behind her leadership philosophy On Monday, so many people wanted to attend Dhalac’s inauguration that organizers had to move it to a larger auditorium. Dhalac says she’s grateful to community members who could have seen her as a stranger, but welcomed her instead. And that connection should go both ways, she says. She encourages fellow immigrants to leave their bubbles, too. “We’re living in the same space, so we should build relationships together,” she says. Dhalac points to a Somali saying: “What I am missing is within my brother or within my sister.” That, she says, means that in order to make the best decisions, leaders must consult with the community. In her inaugural address Monday, Dhalac pledged to keep an open mind as mayor “and listen with empathy, compassion, grace and understanding, so we can serve South Portland together.” The crowd gave her a standing ovation. CNN’s Hayley Wilson contributed to this story. The post A Maine city that’s 90% White now has a Somali mayor appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali oo ay wehelinayeen Wasiirrada Gaashaandhigga Mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo Amniga Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur, Taliyeyaasha Ciidammada Xoogga Dalka iyo Booliiska, ayaa furay shir lagu hawl-gelinayey Guddiga Hoggaaminaya Qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso Amniga Dalka (STP SSC). Shirkan lagu hawl-gelinayey Guddiga, oo ay ka soo qayb galeen xubno ka kala socday hay’adaha qaabbilsan amniga dalka ee Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Xafiisyada Sarsare ee Dalka, ayaa labada maalmood ee uu socdo waxaa looga hadli doonaa sidii Soomaaliya ay si buuxda saaxiibbadeeda dhanka amniga uga la wareegi lahayd mas’uuliyadda sugidda Amniga Dalka, iyada oo sidoo kale Shirkan lagu lafa-gurayo qiimaynta waayo aragnimadii laga bartay iyo horumarradii laga gaarey qaybihii hore Qorshihii Amniga Soomaaliya (STP), lagu na dhisayo qorshe midaysan oo Soomaaliya dhakhso ugu jihaynaya tubta dhammays-tirka la wareegidda Amnigeeda. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali oo khudbad ka jeediyey furitaanka Manaasabadda ayaa Guddiga kula dardaarmay mas’uuliyaddooda Qaran, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay shaqada Guddiga laga sugayo iyo qorsheyaasha horyaalla. “Hawl-gelinta Guddigani waxa ay caddayn u tahay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay la wareegidda amnigeeda qaran. Guddigani waa goobta looga doodaayo, laga na jihaynayo qorshaha la wareegidda mas’uuliyadda Amnigeenna qaran. Waxaa la idiinka fadhiyaa inaad qiimayn ku samaysaan waxyaabaha ka hirgalay qaybihii hore ee qorshaha, caqabaha iyo waayo-aragnimada laga bartay, sidoo kale na aad soo gudbisaan tubta dhammaystirka qaybaha danbe ee qorshahan.” Intii ay munaasabaddu socotay mas’uuliyiintii kale ee kalmedaha ka jeediyey Shirka ayaa sidoo kale hoosta ka wada xarriiqay muhiimadda ay leedahay fulinta qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso sugidda amnigeeda qaran, iyada oo aan marna la aqbalayn qorsheyaal kale oo aan ku dhisnayn rabitaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Shir looga hadlayo amniga Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay appeared first on Puntland Post.
-
Fariin loo diray Ex-Mayor Muraad Ina Muraad Burco maayarkeedii ……………..Ex Sheekh……………….. ……………..Ex Macalin……………….. …………..Ex maayar…………………… Intaad muusanoow iyo colaad Magac ku doonayso Madal laysu soo baxay intaad Ceeb ka marinayso Inta aad colaadaad mulkiday Wiqiyad miisayso Inta aad mataanaha togdheer Kala mirdhaynayso Intaad hooyadaadii macan Ceeb marmarinayso Abtigaa intaad muunadiyo Sharaf ka maydhayso Wallee ina muraadoow Macaash badan masoo hoysid Waxa Qoray :Salah Abdirahman Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Sheekh Yuusuf Cali Caynte oo dhawaan isku sharaxay kursi kamid ah Aqalka Sare gaar ahaan kuwa Galmudug, islamarkaana loo diiday inuu tartamo ayaa ka hadlay sababtii keentay in laga hor-istaago tartanka. Sheekh Caynte oo wareysi siiyey taleefishinka Goobjoog ayaa sheegay in la xiray kursigii uu u tartami lahaa, isagoo xusay in si cad loogu sheegay inuusan ka qeyb gelin karin tartanka. Kursigaas ayaa waxaa ku guuleystay Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer. “Ilaa hadda ma jirto cid fasiraad ka bixin karta sababta la iigu diiday inaan tartamo, kaliya waxaa ogahay in la i dhahay ma tartami kartid kursigaas waa la xiray, waxaana ii muuqatay markaas inay jiraan shakhsiyaad loo xirayey,” ayuu Sheekh Yuusuf. Sheekha ayaa sheegay in dadkii arrintaan sameeyey ay taariikhda u geli doonto, wuxuuna falkaas ku tilmaamay mid ka mid ah dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya. “Anaga waxaa leenahay diin iyo qiyam, ma rabo inaan si aan habooneyn uga falcelino, dadkii sameeyey ayey taariikhda u geli doontaa waxayna qeyb ka tahay dhibaatada dalka ka jirto,” ayuu yiri. Yuusuf Ceynte ayaa tilmaamay in waxa lagu sameeyey ay aheyd wax la isla ogaa, islamarkaana uusan hadda diyaar u aheyn inuu sheego magacyada dadkii ka dambeeyey isagoo si cad u sheegay inay mas’uuliyadda qaadi doonaan dadkii dhahay anagaa hor kaceyno doorashada. Ugu dambeyntii Sheekha ayaa ku baaqay in dastuurka laga saaro qodobka xusayo in qof kasta uu xaq u leeyahay inuu tartamo maadaama uu sheegay ay taas dhici weysay. “Waa in Dastuurka laga reebo qodobka 11-aad ee dhahaya (qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu wax doorto ama la doorto) sababtoo ah waa shaqeyn waayey, waa in lala sugaa inta ay dadka ka fahmayaan in qodobkaas shaqeyn karo,” ayuu yiri. The post Sheekh Yuusuf Cali Caynte oo dalbaday in dastuurka laga saaro qodobka 11-aad kadib arrintii lagu sameeyey appeared first on Caasimada Online.
-
Abiy Axmed oo ka soo laabtay jiidda hore ee dagaalka+War Cusub oo uu shaaciyey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dib ugu laabtay xafiiskiisa kadib markii dhawaan uu ku sugnaa jiidda hore ee dagaalka ka dhanka ah fallaagada TPLF, sida uu baahiyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. “Waxaan dib ugu laabanaya xafiiska xilli aan si guul ah ugu soo afjaray wajigga koowaad ee dagaalka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha. Arrintani ayaa imaaneysaa xilli ciidamada Itoobiya ay magaalooyin muhiim ah ay ka qabsadeen TPLF.Halka fallaagada ay sheegtay in xeelad dagaal darteed ay uga baxeen magaalooyinka ay di u qabsatay dowladda. PM @AbiyAhmedAli momentarily back to the office following successful completion of the first phase of ‘Operation for National Unity in Diversity’.#PMOEthiopia https://t.co/mH6mg1D8dW — Office of the Prime Minister – Ethiopia (@PMEthiopia) December 8, 2021 Qaran News
