Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. A five-year-old girl from Somalia who was suffering from Wilms tumour, a very rare type of kidney cancer, was treated successfully by a team of Oncologists at Yashoda Hospitals here in Hyderabad. Source: Hiiraan Online
  2. Deqa Dhalac saw it in their faces when she started campaigning. Some people, she says, seemed scared to open their doors when she knocked. Others saw her hijab and assumed she didn't speak English. But Dhalac kept knocking and telling her story. Source: Hiiraan Online
  3. The Government of Finland has today announced a grant of 7.65 million Euros in support of strengthening educational services for Somali children. The grant will be administered through UNICEF Somalia’s education programme. Source: Hiiraan Online
  4. Micheal Horton, a fellow at the Jamestown Institute, who publishes occasionally at the Quincy Institute’s Responsible Statecraft, has written a piece entitled “How Somaliland is playing its geostrategic cards better than most” including advocacy for international recognition: . . . . The pressures that Somaliland faces will only increase in the months and years ahead. The ramifications of the possible dissolution of Ethiopia as a cohesive state will reverberate across the Horn of Africa. Somaliland, like other Horn of Africa nations, will be hard pressed to insulate itself from the fallout from the fragmentation of Africa’s second most populous country. Ethiopia’s civil war is also occurring at a time when developing and developed nations alike face rising energy costs and food inflation, as well as ongoing economic disruptions resulting from responses to COVID-19. Such challenges will test every country in the Horn of Africa and beyond. More than ever, Somaliland deserves and needs international recognition for the great strides it has made to establish a democratic and durable government. The United States has an opportunity to solidify its relationship with a nation that has a proven record of adhering to the values and forms of governance that it supports. However, the window on this opportunity is likely to close. At some point in the near future, circumstances and necessity will force Somalilanders to choose a side. Aid from China may prove more convincing than empty rhetoric from Washington. Following the paper “The U.S. Should Recognize Somaliland” by Joshua Meservey, the Heritage Foundation’s lead Africa analyst published in October, it is clear that there is real movement on the conservative side of the Washington foreign policy establishment for some U.S. initiative on the recognition issue, in spite of the reduced public engagement with Somaliland during the Trump Administration when the D.C. right had some real direct power in the various bureaucracies as well as the White House and top levels at State and Defense. Personally, I do not disagree with Meservey’s or Horton’s basic arguments (not to say I agree with every detail of what they write or that they address all issues where I see challenges and risks) now that Somaliland has delivered on the long delayed parliamentary election. I thought the previous “dual track” approach from the early Obama years made sense then and I was surprised not to see more progress since. (See “U.S.-Somaliland relationship continues to mature as U.S. leads donor delegation on preparation for municipal elections” from 2012.) Given that I poked a bit at now-Secretary Buttigieg’s 2008 advocacy (“Quick thoughts on Mayor Pete’s Somaliland vacation and related op-ed” and “Please note that in mid-2008 Hargeisa, Somaliland was safer and less repressive than Addis or Khartoum” ) I thought I should take note of both the progress in Somaliland and the risks of letting more years drift by as other changes take place in the region Qaran News
  5. Marka (Caasimada Online) – Faah faahin dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa qarax nooca bambada gacanta laga tuuro ah oo maanta ka dhacay suuq ku yaalla magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac. Weerarka ayaa dhacay, xilli ay suuqa ku sugnaayeen dad fara badan oo shacaba, waxaana dadka ay waxyeelada gaartay u badan rag xoogsato ah oo ku sugnaa halkaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhaawacmay ugu yaraan laba qof shacab ah, kuwaas oo loola caray goobaha caafimaada ee magaallo xeebeedka ee Marka. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howl-gal sameeyey, kadib weerarkaasi, waxaana ay soo qab qabteen tiro dad ah oo lagu tuhmayo qaraxaas. Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo saraakiisha dhammaanka ay kasoo saareen qaraxaas iyo sidoo kale howl-galka xigay ee ay sameeyeen ciidamada dowladda. Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaan si caadi ah usoo laabtay dhaq-dhaqaaqa suuqa oo maalinta Arbacada ka mashquul badan maalmaha kale, sida ay sheegeen dadka degaanka. Marka ayaa waxaa inta badan ka dhaca weerar sababay dhimasho iyo dhaawac, kuwaas oo ay fuliyaan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Wararkii ugu dambeeyey ee QARAX ka dhacay MARKA appeared first on Caasimada Online.
  6. Inan Yar oo Khabiir ku ah Cillad-bixinta Mootooyinka “Dhugdhugleyda” Susanna Adjakie Apekor Carrur badan oo da’deeda ah ayaa u ooya in loo iibiyo jallaato, qaarkood ayaa waqtigooda ku qaata daawashada kaartuunnada halka kuwo kalena ay bannaanka ku cayaaraan balse Susanna Adjakie Apekor way ka duwan tahay carruurtaas. Susanna ayaa waxay ku takhasustay dayactirka mootooyinka, mar ay la hadleysay BBC Pidgin waxay sheegtay in haatan carruurta da’deeda ah ay bari karto sida loo farsameeyo motooyinka. Maxaa ku dhaliyay howshan? Sasanna ayaa sheegtay in markii ay saddex jir ahayd, uu aabbaheed arki jiray iyada oo mashquulsan. Gabadhan ayaa dayactirta mootooyinka Maalin ayaa aabbaheed wuxuu u sheegay inuu dayactiro mootooyinka. Sidaas darteedna iyada uu bari karo sida loo dayactiro mootooyinka. Hooyadeed ayaa aad u soo dhoweysay fekerkaas waxayna kaddib u guureen halkii uu aabbaheed ka shaqeyn jiray si uu gabadhiisa u baro shaqadaas. Aabbaheed Awudu ayaa BBC Pidgin u sheegay in inkastoo aysan gabadhiisa gaarin heerkii uu rabay, haddana dardarta ay wax ku baraneyso uu aad ula yaabay. Durba waxay kala baratay qalabka ku jira bakhaarrada, taas oo ah wax aan laga fileyn qof da’deeda ah. Maaddaama ay si fiican wax u baraneysay hooyadeed ayaa u oggolaatay inay sii wadato barashada dayactirka mootooyinka. Sida uu sheegay Awudu, ma jirto cillad mootooyinka ah oo aysan Susanna farsameyn karin. Sidee ayay isugu waddaa waxbarashada iskuulka iyo shaqadan ? Maalintii Susanna waxay aaddaa iskuulka si la mid ah carruurta kale. Haatan waxay dhigataa fasalka saddexaad. Sussana waxay dhigataa iskuulka Christ Victory School, Dodowa. Mar ay la hadleysay BBC Pidgin ayaa Susanna waxay sheegtay in marka ay iskuulka ka soo baxdo ay dharka iska beddesho kaddibna aaddo goobteeda shaqada. “Halkaas ayuu aabbahay ka sii wadaa inuu i baro sida loo dayactiro mootooyinka,” ayuu yiri. Sanado kaddib waxay baratay sida loo rakibo matoorka, bareegga iyo waxyaabo kale oo badan. Carruurta aan fasalka isla dhiganno ayaa ii sheega in howshan ay mar uun i caawin doonto Si ka duwan inta badan carruurta kale ee iskuullada dhigta, iyada waxay haatan khabiir ku tahay dayactirka mootooyinka. Waxay sheegtay inay ku tilmaamaan inaysan qof caadi ah ahayn isla markaana ay kula taliyaan inay sii barato dayactirka. “Saaxiibbadeyda fasalka waxay igu yiraahdaan hore u soco … isla markaana ay howshan mar i caawin doonto” ayay tiri. Waxaan doonayaa inaan barto sida loo dayactiro diyaaradaha Susanna ayaa mustaqbalka qorsheyneysa inay yeelato dukaan ay ku qabato shaqada dayactirka. Waxay dooneysaa inay dayactirto diyaaradaha Balse waxay sheegtay in mid ka mid ah qorshooyinkeeda uu yahay inay dayactirto diyaaradaha. “Marka aan weynaado waxaan doonayaa inaan barto dayactirka diyaaradaha, gawaarida iyo doomaha,” ayay tiri. Qaran News
  7. Dawlada Itoobiya oo soo bandhigtay khasaarahay Geysteen Falaagada TPLF Afhayeenka rai’sul wasaaraha Itobiya Bilalne Seyoum Afhayeenka Ra’isal wasaaraha Itoobiya Bilene Seyoum ayaa sheegtay in jabhada TPLF ay khasaare naf iyo maalba ah ka gaysteen gobolada Canfarta iyo Axmaarada. “Waxay geysateen khasaare weyn oo soo gaaray hanti gaar ah iyo mid guud, dad badan ayaa ku naf waayey,” ayuu Bilene ku tiri war-saxaafadeed ay soo saartay maanta Tusaale ahaan, afhayeenka rai’sul wasaaraha ayaa weriyayaasha tustay sawiro muujinaya burburinta hanti ee ciidamada TPLF ay ka geysteen gagida dayuuradaha ee, Kasagita, Debre Sina, Shoa Robit, Gashena iyo Lalibela. Sawiradan ayaa muujinaya burbur loo gaystay guriyaha sida gaarka ah loo leeyahay, bangiyo, ganacsiyo iyo xarumo caafimaad. Burburka hantiyeed ka sokow, waxaa jira calaamado muujinaya xad-gudubyo ba’an oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo meelo badan ka dhacay, ayuu tiri afhayeenka. “Waxaa jira warar sheegaya in kooxda TPLF ay xasuuq u gaysteen shacabka ku dhaqan Gashena iyo Waqooyiga Shoa” ayuu tiri afhayeenka rai’sul wasaaraha Itoobiya . Waxay intaa ku dartay in marka laga soo tago dilalka loo geysto dadka aan waxba galabsan ay koox baaritaan ku sameyneyso tacadiyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ay xog uruurin ka wadaan deegaanadaasi. Sidoo kale, wasiiru dowlaha wasaarada isgaarsiinta dowlada Selamwit Kassa ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay shalay ku sheegtay in dambiyo gaysteen kooxda TPLF. Wasiiru dowlaha ayaa sheegtay in ay jiraan warar sheegaya in boqolaal qof oo aan waxba galabsan lagu xasuuqay Gashena iyo Waqooyiga Shoa Antioch. Ilaa iyo ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka falaagada TPLF oo ku saabsan burbur lagu eedeeyay inay gesyteen. Barakaca ka dhashay dagaalka Bilene oo soo xiganaysa guddiga heer federaal ee khatarta iyo ka hortagga masiibooyinka ayaa sheegtay in tirada dadka ku barakacay gobolka Axmaarada ay gaartay 1.4 milyan ka dib markii uu dagaal xooggan halkaasi ka dhacay. Afhayeenka rai’sul wasaaraha ayaa bayaan ay soo saartay todobaadkii hore ku sheegtay in tirada dadka gudaha ku barakacay ay dhan tahay 1.1 milyan “Waxaa jira warar sheegaya in kooxda TPLF ay xasuuq u gaysteen shacabka ku dhaqan Gashena iyo Waqooyiga Shoa” ayuu tiri afhayeenka rai’sul wasaaraha Itoobiya . Waxay intaa ku dartay in marka laga soo tago dilalka loo geysto dadka aan waxba galabsan ay koox baaritaan ku sameyneyso tacadiyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ay xog uruurin ka wadaan deegaanadaasi. Sidoo kale, wasiiru dowlaha wasaarada isgaarsiinta dowlada Selamwit Kassa ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay shalay ku sheegtay in dambiyo gaysteen kooxda TPLF. Wasiiru dowlaha ayaa sheegtay in ay jiraan warar sheegaya in boqolaal qof oo aan waxba galabsan lagu xasuuqay Gashena iyo Waqooyiga Shoa Antioch. Waxay intaa ku dartay in dowladda federaalka ay 28,000 metric ton oo cunto ah u qoondeysay 2 milyan oo qof oo ku nool Waqooyiga Wollo, Koonfurta Wollo iyo Waqooyiga Shoa. Qaran News
  8. Khabiir Maraykaana oo si adag u duray Adeegyada Shirkada Fly Dubai & Khiyaamooyinkay kula kacdo Dadka Tigidhadeeda goostay Michael Rubin Oo Ah khabiir ku Takhasusay Arrimaha Siyaasada Islamarkaana Hore Uga Soo shaqeeyey Aqalka Cad Ee Dalka Maraynkanka looga Arrrimiyo, sidoo Kalena faallooyin ka qora Geeska Africa Gaar Ahaan Somaliland Oo Uu Qadiyadeeda Marar badan u bandhigay bulshada Caalamka Kuna Daabacay warbaahinta ugu afka dheer dalka Maraykanka ayaa caawa qoraal uu kusoo baahiyey bartiisa Twitterka waxaa uu si kulul u dhaleeceeyey Adeegyada Shirkada Diyaaradaha Ee Fly Dubai, Waxaanu Qoraalkiisa ku sheegay khabiir Michael Rubin in shirkada diyaaradaha ee Fly Dubai Aanu Arag shirkad ka sumcad xun fly dubai oo kale,Wuxuna Yidhi; “Iyaga Oo Joojiyey Duulimaadyo ay ugu Kicitimi Jireen Meelo kala duwan ayay haddana Tigidhada lagu raaco diyaarada ku iibinayaan xafiisyadooda iyagoo og in aaney u dhoofaynin meelaha ay dadka u jarayaan tigidhkooda”. waxaanu ku sheegay in ay tahay khiyaano cad oo ay shirkada Fly Dubai ku sameynayso bulshada, iyagoo foojaro aan macno lahayn u jaraya bulshada oo khiyaano ah. I have never experienced as disreputable airline as @flydubai, @askflydubai. They cancel entire destinations but knowingly sell tickets to places they do not fly. How is this not fraud? Vouchers meaningless when destinations not served. — Michael Rubin (@mrubin1971) December 7, 2021 Dhaleecaynta uu Ujeediyey khabiir Michael Rubin shirkada Fly Dubai ayaa kusoo beegmaysa Xili Ay Dhawaan Fly Dubai sheegtay in joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Somaliland ee bulshadu u raaci jireen wadamo kala duwan, Iyadoo aaney jirin sabab rasmiya oo loo sheegay dadkii wakhtiga ay go’aankaa soo saartay shirkadu ka goostay tigidhada diyaaradeeda ee udiyaarka ahaa duulimaadyadooda in Ay raacaan taasi oo iyana khasaare dhaqaale ku keenay kumanaan kamid ah dadka raacayay. Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Nabadda iyo Amniga ee Uruka Midowga Africa ayaa shir gaar ah ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan qorshaha kala guurka ee ay ciidamada dowladda federaalku kuwa AMISOM ugula wareegayaan amniga waddanka. Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ku qabsoomay aaladda fogaan aragga ee Zoomka, waxaana Soomaaliya uga qeyb-galay Wasiirfa Difaaca Sanator Xasan Xuseen Xaaji oo khudbad ka jeediyey shirka, taas oo uu ugu hadlay mowqifka dowladda ee kala guurka. Inta uu socday shirka waxaa diiradda lagu saaray qorshaha bixitaanka ciidamada AMISOM iyo sida ay kuwa Soomaaliya ugu diyaar garoobeen la wareegitaanka amniga dalka, Sidoo kale waxaa kulanka Midowga Afrika lagu soo qaaday sidii ciidamada Soomaaliya ay u hoggaamin lahaayeen howl-gallada ka socda dalka ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Wasiir Xasan Xuseen Xaaji ayaa khudbaddiisa ku sheegay in dowladda federaalka ah ay soo dhoweyneyso in toos loo wajaho qorshaha kala guurka ah ee AMISOM iyo bixitaankeeda, isaga oo shaaca ka qaaday inay dadaal geliyeen tababarada iyo tayeynta ciidanka qaranka. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladdu ay haatan ka go’aan tahay xaqiijinta iyo xasilidda amniga dalka oo dhan, ayna laba jibaari doonto dagaalka Al-Shabaab. Kulanka Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Africa ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan dowladda Soomaaliya ay dood ka keentay qaabka uu Ururku u wajahayo howl-galkiisa Soomaaliya, maadaama la gaaray, xilligii lasoo gaba-gabeyn lahaa, walow aan weli go’aan dhab ah la gaarin, waxaana soconaya kulamo looga hadlayo bixitaanka AMISOM. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Midowga Afrika oo ka shiray xaaladda SOOMAALIYA iyo qorshaha socda (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xubnaha guddiga maamulaya doorashada kuraasta gobollada waqooyi ayaa taageeray go’aankii kasoo baxay guddoonka sare ee doorashada Somaliland, isla-markaana uu ku saxiixnaa guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi kaas oo lagu hakiyey doorashada illaa 16 kursi oo la qaban lahaa. Xubnahan oo markii hore kasoo galay guddiga dhanka Cabdi Xaashi ayaa shaaca ka qaaday inay ayidsan yihiin go’aanka lagu hakiyey kuraastaas, si loo hubiyo habsami socodkooda. Sidoo kale xubnahan ayaa soo jeediyey in guddiga doorashada uusan soo saarin jadwalka kuraastaasi, sidoo kalena la hakiyo diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta ah. Waxa kale oo ay soo jeediyeen xubnahan in marka hore la dhammeeyo khilaafka ka taagan guddiyada soo xulaya ergada dooraneyso 16 kursi ee horay loo shaaciyey doorashadooda. Arintan ayaa muujineyo in markale ay labo garab u kala qeybsameen gudiga doorashada SEIT ee Somdaaliland, kuwaas oo ay horay usoo saareen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed. Si kastaba, sababta ugu weyn ee loo haliyey doorashada kuraastan ayaa waxaa lagu sheegay in la xaqiijinayo cuqaasha, qoondada haweenka iyo hufnaanta doorashada. Go’aankan xasaasiga ah ayaa imaanaya, xili uu dhawaan guddiga doorashooyinka ee heer federaal uu shaaciyey in la laalay habraacii ay kal hore ku heshiiyeen guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ee lagu hagayey doorashooyinka kuraasta gobollada waqooyi. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Xubno ka mid ah guddiga doorashada Somaliland oo u jawaaabay Cabdi Xaashi appeared first on Caasimada Online.
  11. Dowladda Puntland ayaa si adag uga hortimid go’aan ka soo baxay qaar kamid ah Isimada Gobolka Bari oo lagu sheegay in guryaha, hubka iyo gaadiidka PSF uu leeyahay Agaasime, Maxamuud Cismaan Diyaano. War ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in guryaha, hubka iyo gaadiidka PSF ay yihiin hanti dowladeed, islamarkaana waxaana dowladdu nasiib-darro ku tilmaantay go’aanka Isimadu ku siiyeen, Maxamuud Cismaan Diyaano. Puntland ayaa caddaysay in arrintaas ay meel ka dhac ku tahay sharafta dowladnimada, sidoo kale dhiirri-gelinayso musuq maasuq iyo boob lagu sameeyo hantida dowladda. Sidoo kale, dowladdu waxay amar ku siisay Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano in uu sida ugu dhakhsaha badan u wareejiyo dhammaan hantida hay’adda PSF. Halkaan ka akhriso Qoraalka PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo si adag uga hortimid in hantida PSF la siiyo Maxamuud Cismaan Diyaano appeared first on Puntland Post.
  12. Mudanayaasha Baarlamanka Puntland ayaa lagu wadaa in ay maanta oo Arbaco ah bilaabaan La-xisaabtanka Xukuumadda. Fadhiga 18-aad ee kal-fadhiga Baarlamanka oo goor dhow furmaya ayaa Ajandihiisa lagu sheegay La-xisaabtanka Wasaaradaha dowladda. Golaha ayaa sida qorshaysan maanta la xisaabtamaya Wasaaradda Duulista Hawada iyo Wasaaradda Hawlaha Guud oo ay weheliso hay’adda Waddooyinka Puntland ee PHA. Kal-fadhiga 49-aad ee Golaha Wakiilada Puntland oo furmay 30 October 2021 waxa hadda ka harsan maalmo kooban. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo maanta bilaabaya La-xisaabtanka Xukuumadda appeared first on Puntland Post.
  13. Taliyaha Ciidanka booliska DPL Maxamed Cali Xaashi oo Xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socday UNODC ee AFRIKA iyo Soomaaliya Kahortaga Human Trafficking Mr. Paul Beck. Taliyaha Ciidanka booliska Puntland Sareeye Guuto Mohamed Ali Xaashi waxaa ku weheliyay kulanka Taliyaha hogaanka CID Puntland Gen. Omar Bille iyo Taliya kuxigeenka labaad ee Hogaanka CID Puntland G/Sare Abshir Hussein Said Dabaylaha. Taliyaha ayaa saraakiisha marka hore kusoo dhoweeyay Taliska Ciidanka Booliska Puntland iyagoo ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa Waaxaha Crime prevention, iyo Unitka Human trafficking, iyadoo laysku afgartay in lakordhiyo Ciidanka CID ee kahawlgala xuduudaha iyo meelaha tahriibtu kahawlgasho,iyadoo kor looqaadayo tayada iyo tababarida ciidanka CID gaar ahaan Unityada Human traffickingka, Crime preventionka, Iyo intelligenceka. Shirka ayaa kusoo dhamaaday is afgarad, iyadoo laysku raacay dardargelinta qorshayaasha hawlaha amniga ee uu Taliyaha ciidanka Boolisku uu leadgaraynayo. PUNTLAND POST The post Taliyaha Booliiska Puntland oo qaabilay saraakiil ka socday hay’adda UNODC appeared first on Puntland Post.
  14. Xubno ka tirsan Guddiga Maamulka Doorashada Gobollada Waqooyi oo ahaa xubnihii ka yimid dhanka Cabdi Xaashi ayaa sheegay in ay taageersan yihiin Go’aanka uu soo saaray Cabdi Xaashi ee lagu hakiyay 16 kursi. Qoraal ka soo baxay xubnahaas ka tirsan Guddiga Maamulka Doorashada Gobollada Waqooyi ee Somaliland ayay ku sheegeen in aan la bilaabin diiwaan gelinta ergooyinka kuraasta la hakiyay ee hadda muranka ka dhashay. PUNTLAND POST The post Xubno ka tirsan Guddiga Doorashada Gobollada Waqooyi oo taageeray Go’aankii Cabdi Xaashi appeared first on Puntland Post.
  15. Taliye Ku Xigeenka Booliska Puntland Gudomiyaha Gobalka Nugaal Iyo Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal oo xalay Kormeer Ku Marayay Goobaha Ay ku Caweyaan Bulshada Ayaa Kulamo Xogwareysi ah la qaatay bulshada Garoowe. Intay Kormeerka Ku Jireen Sarakiisha Iyo Maamulka Gobalku Waxay La Kulmeen Waxgaradka,Ganacsatadda,Aqoonyahanka Iyo Dhalinyarada Iyagoona Ka Dhagaysanyay Baahiyaha Ay Qabaan Si Lays kugu Xiro Bulshada Iyo Boolisku. Odayaasha Ay La Kulmeen Masuliyiintan Ayaa Sheegay Inaysan Horay U Arki Jirin Madax Bulshada Soo Dhexgasho Talo Iyo Warbixinba Ka Dhagaysata Iyagoona Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Nugaal G/sare Xussen Cali Maxamuud Aad Ugu Aamanay Dadaalka Amni Uu Caasimada Ka Bilaabay. Dhalinyarada Oo Dhankooda Masulinta U Waramay Ayaa Codsaday Inay Laama Amniga Cabsi Ka Qabeyn Balse Caawa Laga Bibaabo Ay La Shaqayn Doonan. Gashaanle Sare Xussen Cali Maxamuud Taliyaha Qeybta G/Nugaal Ayaa Odayaasha Iyo Dhalinyaradii Uga Mahadceliyay Siday Warbixinada U Siyeen Isagoona Shegay Inay Sameyn Donaan Nambaro Gaaban Oo Booliska Laga Heli Karo Mar Walba. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Nugaal iyo Saraakiisha Booliiska oo kormeeray Goobaha lagu caweeyo ee Garoowe appeared first on Puntland Post.
  16. PRESS RELEASE Study of the U.S. Institutes for Scholars and Secondary Educators: Call for Applications The ultimate goal of SUSI is to strengthen curricula and to enhance the quality of teaching about the United States at academic institutions abroad YAOUNDE, Cameroon, December 7, 2021/ — The U.S. Embassy is pleased to announce its call for applications for the 2022 Study of the U.S. Institutes (SUSI) for Scholars and Secondary Educators. Funded by the U.S. government, SUSI exchanges are intensive five-to-six-week post-graduate level academic programs at various academic institutions in the United States to provide foreign university faculty, scholars, and secondary educators the opportunity to deepen their understanding of U.S. society, culture, values, and institutions. The deadline for application is January 9, 2022. The ultimate goal of SUSI is to strengthen curricula and to enhance the quality of teaching about the United States at academic institutions abroad. SUSI for Scholars comprise the following themes in U.S. Studies: American Culture and Values; Journalism and Media; Religious Pluralism in the United States; U.S. Economics and Business; U.S. Foreign Policy; and Workforce Development. The Embassy invites experienced and highly motivated university faculty, scholars, researchers, practitioners, specialists, and other professionals from institutions of higher education or research focused organizations to apply for the program. SUSI for Secondary Educators provide multinational groups of secondary educators with a deeper understanding of U.S. society, education, and culture – past and present. The institutes focus on providing content and materials for participants to develop high school level curricula about the United States. Through a combination of traditional, multi-disciplinary, and interdisciplinary approaches, program content will examine the history and evolution of U.S. institutions and values, broadly defined. Two of the Institutes are tailored for secondary school teachers. The third Institute is tailored for experienced administrators including teacher trainers, curriculum developers, textbook writers, Ministry of Education officials, and others. SOURCE U.S. Embassy in Cameroon Qaran News
  17. Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa go’aan ka soo saartay cabasho ay u soo gudbiyeen wakiilka shirkadaha Oomaar, Saba-wanaag, Cali Burco, Samaale, Horseed, Barako, Qoormadoobe iyo Nuux oo uu wakiil u yahay Maxamed Cismaan Cabdi iyo Markabka MV Jabal Cali 3 oo ay leedahay shirkada Kenz oo uu wakiil u yahay Liibaan Axmed Maxamed Cashuur. Markabka Jabal Cali 3 ayaa xayirnaa tan iyo 02/11/2021, kadib markii Maxkamadda Gobolka Saaxil ay xayiraad saartay, taasi oo salka ku haysay dacwad ay u soo gudbiyeen shirkadaha sare ku xusan oo uu ka maqnaa Markabka Jabal Cali 5 oo u siday hanti gaadhaysa ilaa 7 milyaan oo doolar. Dhinacyada ay dacwaddu ka dhaxaysay ee isku maan-dhaafsanaa arrinta Markabka Jabal Cali 3 xayiraadiisa ayaa Maxkamadda Sare u soo gudbiyay cabasho ku qotonta arrintooda, taasi oo ay Maxkamadda Sare ku soo af-jartay dhex-dhexaadin (mediation and arbitration) ay labada dhinacba heshiis ku yihiin, si loo soo furdaamiyo hantida ka maqan shirkadaha waddaniga ah, isla markaana uu Markabka Jabal Cali u sii wato shaqadiisa. Maxkamadda Sare waxay go’aamisay in Maxkmadda Gobolka Saaxil ay xayiraada ka qaado Markabka Jabal Ali 3, marka ay fuliyaan dhinacyadu heshiiska ka soo baxay, wada-hadalka (negotiation) iyo dhex-dhexaadinta (mediation & arbitration) ay Maxkamadda Sare ku soo gunaanaday murankii u dhexeeyay labada dhinac, sidoo kale dhex-dhexaadinta lagu so af-jaray muranka waxa ka qayb qaatay badhasaabka gobolka Saaxil Axmed Maxamed Xaashi iyo maareeyaha dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi. Arrintan wada-hadalka iyo dhex-dhexaadinta ee lagu furdaamiyay Markabka ayay Maxkamadda Sare ku xalisay dacwaddo muddo dheer taagnaa oo wakhti qaatay isla markaana xal iyo maarre loo waayay. Wa bilaahi tawfiiq. Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Rooble uu ku fashilmay hoggaaminta doorashada dalka, isla markaana uu is bedelay moqifkiisii siyaasadeed. Senator Muuse oo wareysigaan siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu galay damac siyaasadeed, isla markaana aysan saxneyn sida uu wax u wado. “Ra’iisul Wasaarahaan wixii loo igmaday ma qaban, waxaan is laheyn howsha hadii lala qaban qaabiyey waa ka soo bixi karaa, laakiin ma saxna waxa uu sameynayo damac darajo iyo damac hunguriyaa galay,” ayuu yiri Senator Muuse Suudi Yalaxow. Xaaji Muuse ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu ka dareemay inuu doonayo in xafiiska uu iska sii joogo, balse meesha uu wax ka raadinaa aysan darajo ka jirin. “Meesha inuu joogo inuu rabaan ka dareenay, taasina furcadi maaha, Rooble darajo hadii uu rabo Madaxweyne ayuu noqon karaa, hada waa isisoo sharaxi karaa hadhowna waa isisoo sharixi karaa,” ayuu yiri. Senator Muuse Suudi ayaa sheegay in Rooble looga baahnaa in umadaan uu cariiriga ka saaro, maadaama ay isugu darsoontay dowlad-xumo iyo abaaro baahsan oo dalka ku dhuftay. “Umaadaan cariiriga ku jirta in laga saaro ayaa muhiim ah, wixii waa kala daadsan yihiin ee waa in la helo dad amar kala qaata, dadku waa kala coloobay, ciidanka xataa iskuma fiicna, si wax kasta u hagaagaan waa in hadda doorashada la dhameystiro,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Senator Xaaji Muuse Suudi Yalaxow. Mar la weydiiyey sida uu u arko in midowga musharaxiintu ay dhisaan gole badbado qaran ayuu yiri, “Arrintaas go’aankeeda madasha ayey jirtaa, laakiin ra’iisul wasaaraha hadii laga arko in uusan wax qabaneyn wixii yimaada isagaa mas’uuliyadooda,hadii guddi la dhisana waa wax isaga laga arkay, marka wixii qaldan hala saxo wixii wanaagsana hala dhaho waa saxan yihiin.” Senator Muuse ayaa aad u dhaliilay qaabka ay u soocoto doorashada dalka, “Qof kasta liis ayuu heystaa, madaxda dowlad goboleedyada waxay wadaan xulayo oo hebel soo saar ayaa lagu hayaa, waxaas doorasho maaha, doorashada waa in intii is sharaxda ay tartanto.” Ugu dambeyntii Senator Muuse ayaa sheegay in weligiis uusan la xariirin Ra’iisul wasaare Rooble, hadda kadibna aysan u qorsheysneyn inuu raadiyo, balse uu aad u daneynayo in doorashada uu u hoggaamiyo habka ugu haboon. Hoos ka dhageyso wareysiga The post MUUSE SUUDI oo shaaca ka qaaday sababta ugu wacan isbeddelka ku yimid Rooble appeared first on Caasimada Online.
  19. Boosaaso (Caasimada Online) – Isimada Puntland ayaa soo saaray qoraal ay ku soo bandhigeen xalka xiisadii ka taagneyd magaalada Boosaaso ee u dhaxaysay sarkaalka hoggaamiya ciidanka PSF-ta Puntland ee Jeneraal Maxamuud Cusmaan Diyaano iyo xukuumadda Madaxweyne Saciid Deni. Qoraalka ka soo baxay Isimada Puntland oo gaaraya ilaa lix xubnood ayaa lagu socodsiiyey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulahi Deni iyo Agaasimihii hore ee ciidanka PSF Jeneraal Maxamuud Cusmaan Diyaano, waxaana lagu soo bandhigay shan qodob oo Isimadu ay doonayaan in lagu xaliyo xiisadda. Qoraalka ka soo baxay Isimada Puntland waxaa lagu yiri, “Kulamo badan oo aan la yeelanay Golaha xukuumada, taliyayaasha ciidamada qalabka sida iyo Agaasime Jeneraal Maxamuud Cismaan Cabdullaahi, kulamadaas kadib waxay Isimadu gudoomiyeen qodobadaan hoos ku qoran:” 1– Waa in ay dhaqan gashaa Degreetadii madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Siciid Cabdulaahi Deni, kuna taariikhaysnayd 24 November 2021, ujeedadenu ahayd xilka qaadista lagu sameeyey Agaasime General Maxamud Cismaan Cabdulaahi oo ahaa Agaasimaha PSF, laguna magacaabay Sareeye Guuto Maxamed Amin Cabdulaaht Xaaji Kheyr. 2– Waxay kaloo gudoomiyeen guryaha, Hubka iyo Gaadiidka waxaa iska leh mulkiyadooda Agaasime General Maxamud Cismaan Cabdullaahi. 3– Waxay gudoomiyeen xuquuqdii ka maqnayd ciidamada PSF mudo 13 bilood ah in ay bixiso Dowlada Puntland. 4– Waxay gudoomiyeen maadaama General Maxamud Cismaan Cabdullahi uu u soo halgamay difaaca Puntland in ay dowladu bixiso kharashka agaasimihii hore ilaaladiisa gaarka ah. 5– Waxaan faraynaa shacabka reer Puntland, gaar ahaan shacabka Boosaaso inay kawada shaqeeyaan ammaanka iyo xasiloonida magaalada, sidoo kale waxaan umadsa Soomaliyeed u rajaynaynaa Nabad waarta. Shantaas qodob ayey soo saareen Isimada Puntland oo gartaan ku jiray intii u dhaxeysay 27-kii bishii hore ilaa 7-da bishaan ee Talaadadii maanta, waxaana la ogeyn sida ay dhinacyada uga dhaqan geli doonaan qodobadaan. Isimada lixda ah ee warqadaan ku saxiixan ayaa kala ah: 1– Boqor Burhaan Boqor Muuse 2– Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin 3– Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax 4– Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin 5– Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil 6– Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad The post Isimada PUNTLAND oo 5 qodob ku kala saaray Saciid Deni iyo Jeneraal Diyaano appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Saxiixaha iyo Musharaxiinta kursiga HOP#067 ayaa si adag uga horyimid muddo kordhinta uu guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ku sameeyay baaristii ay ku wadeen dacwadii ay u gudbiyeen. Soo dhameystirka dacwada laga keenaya kursiga uu Guddiga doorashada ee Galmudug shaaciyey inuu ku guuleystay Yaasiin Farey ayaa waxay soo dhameystirmi doontaa muddo aan ka badneyn 10 maalmood oo ka bilaabanaysa 05/12/2021-ka, sida uu sheegay guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka. Saxiixaha iyo Musharaxiinta hore u gudbiyay dacwada ayaa sheegay inay u gudbiyeen guddiga cadeymo dhameystiran oo lagu go’aan qaadan karo, islamarkaana aysan aqbali doonin cadaalad. Nabaddoon Cali Jeesto oo ah saxiixaha rasmiga ah ee kursiga HOP#067 oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa wacad ku maray in sharci darro aan looga qaadi doonin kursigaas, oo laga leexday habraaciisa. “Waxa la diidan yahay waa sharci daro, ma aha in la diidan yahay nin mas’uuliyad soo qabtay ee waxa la diidan yahay waa sharci darro, habraaca qoran xildhibaankuna habraaca ayuu ku imaan kara, waxaana habraaca laga bilaaba Nabaddoonka uu kursiga ku astaysan yahay,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ay ka sugayaan in dib loogu soo celiyo kursiga laga dhacay, sida uu hadalka u dhigay. Musharaxiinta iyo Xildhibaanka kursigaas ayaa ku baaqay in lagu soo laabto xeyndaabka cadaalada iyo doorasho hufan oo lagu kalsoonaan karo, si loogu kalsoonaan karo doorashada socota. “Umadda Soomaaliyeed waa ka dharagsan tahay cadeymaha soo gudbinay. Mas’uuliyada guud ee doorashada waxay saaran tahay Ra’iisul Wasaaraha oo aan ka sugayno cadaalada.” Waxay intaas kusii dareen in dhanka kale ee ku haysta kursiga aysan hayn cadeymo uu guddiga sii sugo, islamarkaana ay u wada gudbiyeen cadeymihii iyo Nabaddoonka saxda ah ee kursigaas saxiixaheeda leh. Kursiga HOP#067 ayaa waxaa hore ugu soo baxay sida uu shaaciyey Guddiga doorashooyinka maamulka Galmudug agaasimaha KMG ah ee NISA Yaasiin Farey, kadib doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Siyaasiyiinta iyo saxiixaha KURSIGA HOP#67 oo war cusub soo saaray (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa faah-faahin ka bixiyay dilka argagax leh oo loo geystay labo caruur walaalo, kaasi oo ka dhacday xaafadda Jaamacadda Shabeelle oo ka tirsan deegaanka Garasbaaleey ee duleedka magaalada Muqdisho Afhayeenka ayaa shaaciyey inay soo xireen Ninka qabay hooyada dhashay caruurta la dilay iyo iyadaba, kuwaasi oo hadda lagu hayo xarunta dembi baarista ee CID-da. Waxa uu sheegay in caruurta markii hore la daldalay kadibna afka caro looga shubay, ayada oo meydka labadaasi caruur laga dheehan karayey in si arxan daro ah loo dilay. Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyntiina sheegay inay socdaan baaritaano la xiriira sida uu falkaasi ku dhacay, ayada oo eedeysanaha koowaad uu yahay Ninka qabay hooyada dhashay ciyaalkaas. Labada caruurta ah midkood ayaa waxaa ka muuqday in xarig lagu sirqiyey, halka midka kale ilkaha ay ka daad-sanaayeen, taas oo ay ka argagaxeen dadka deegaanka iyo ehelladoodaba. Habeen hore ayey aheyd markii dhacdo argagax leh ay ka dhacday degmada Xamarjajab, kadib markii nin mindi ku hubeysnaa uu dilay xaaskiisa oo aheyd hooyada 12 caruur ah. Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Booliska Soomaaliya oo shaaciyey xogta dilkii arxan-darada ahaa ee labada caruur appeared first on Caasimada Online.
  22. Qaar ka mid ah isimada Puntland oo ku jiray xiisadda u dhaxaysa dowladda iyo hay’adda PSF ayaa soo saaray go’aamo lagu xalinayo xiisadda Boosaaso. Isimada ayaa go’aamiyay in ay dhaqan-gashay xilka qaadistii Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni uu xilka kaga qaaday Agaasimihii PSF Maxamuud Cismaan Cabdullaahi Dyaano, looguna magacaabay Aamiin Cabdillaahi Xaaji Kheyr. Isimadu waxay go’aamiyeen in guryaha, hubka iyo gaadiidka PSF uu mulkiyadooda leeyahay Gen. Maxamuud Cismaan Cabdullaahi Diyaano. Sidoo kale isimadu waxay go’aamiyeen in ay dowladda bixiso xuquuq 13 bilood ka maqnayd ciidamada PSF iyo kharashka ilaalada gaarka ah ee Agaasimihii hore Maxamuud Cismaan Cabdillaahi Diyaano. Isimada go’aamada soo saaray ayaa kala ah; Boqor Burhaan Boqor Muuse, Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin, Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin, Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil iyo Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad. PUNTLAND POST The post Isimada Puntland oo go’aamo ka soo saaray xiisadda PSF appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Gargaarka iyo Masiibooyinka Soomaaliya ayaa wasiirka Wasaaradaas Khadiija Maxamed Diiriye ku eedeeyey inay boosaskoodii ku bedeshay dad ay ku sheegeen “ergadii u dooran lahayd in ay mar kale ka mid noqoto Golaha Shacabka.” Shaqaalaha ayaa dacwad ka dhan ah wasiir Khadiija u gudbiyey xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Maaliyadda, Guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka, Hanti Dhowrka guud iyo xafiiska xeer ilaalinta Qaran, waxaana sidoo kale la ogeysiiyey wasiir ku xigeenka Wasaradda Gargaarka. “Waxaan si xushmad leh halkaan idinkugu soo gudbineynaa annaga oo ah shaqaale ka tirsan Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka kana shaqeenayey muddo afar sano ah islamarkaana naftooda iyo waqtigooda u huray u adeegidda dalka iyo dadka Soomaaliyeed, in badana ugu soo dulqaadanayey duruufo amni iyo mid dhaqaale anagoo gudaneyna waajibaadkeena shaqo ayaa waxaa xadgudub nagula kacay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka,” ayaa lagu yiri warqadda dacwadda ah ee loo gudbiyey xafiiska aan kor kusoo sheegnay. Sidoo kale, dacwadda laga gudbiyey wasiir Khadiija ayaa lagu yiri “Shaqaalaha Wasaaradda iyo shaqaaleysiintooda waxaa markii hore loo maray si waafaqsan sharciga shaqaalaha iyo dastuurka dalka iyagoo kusoo baxay imtixaan hab daah-furnaan ah kaasoo muuqaaladiisa laga heli karo baraa bulshada.” Shaqaalaha dacwadda ka gudbiyey Wasiir Khadiija ayaa waxay kasoo jeedaan deegaanada maamulka Puntland Wasiir Khadiija weli kama jawaabin eedeynta loo jeediyey oo kusoo aadeysa xilli ay isku diyaarineyso tartanka kursiga Golaha Shacabka oo ay ku fadhisay muddo 20 sano ah. Halkaan hoose ka akhriso dacwadda laga gudbiyey The post Dacwad ka dhan ah wasiir Khadiija oo loo gudbiyey Rooble kadib ‘arrin yaab leh oo ay ka sameysay’ wasaarada appeared first on Caasimada Online.
  24. Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa go’aan ka soo saartay cabasho ay u soo gudbiyeen wakiilka shirkadaha Oomaar, Saba-wanaag, Cali Burco, Samaale, Horseed, Barako, Qoormadoobe iyo Nuux oo uu wakiil u yahay Maxamed Cismaan Cabdi iyo Markabka MV Jabal Cali 3 oo ay leedahay shirkada Kenz oo uu wakiil u yahay Liibaan Axmed Maxamed Cashuur. Markabka Jabal Cali 3 ayaa xayirnaa tan iyo 02/11/2021, kadib markii Maxkamadda Gobolka Saaxil ay xayiraad saartay, taasi oo salka ku haysay dacwad ay u soo gudbiyeen shirkadaha sare ku xusan oo uu ka maqnaa Markabka Jabal Cali 5 oo u siday hanti gaadhaysa ilaa 7 milyaan oo doolar. Dhinacyada ay dacwaddu ka dhaxaysay ee isku maan-dhaafsanaa arrinta Markabka Jabal Cali 3 xayiraadiisa ayaa Maxkamadda Sare u soo gudbiyay cabasho ku qotonta arrintooda, taasi oo ay Maxkamadda Sare ku soo af-jartay dhex-dhexaadin (mediation and arbitration) ay labada dhinacba heshiis ku yihiin, si loo soo furdaamiyo hantida ka maqan shirkadaha waddaniga ah, isla markaana uu Markabka Jabal Cali u sii wato shaqadiisa. Maxkamadda Sare waxay go’aamisay in Maxkmadda Gobolka Saaxil ay xayiraada ka qaado Markabka Jabal Ali 3, marka ay fuliyaan dhinacyadu heshiiska ka soo baxay, wada-hadalka (negotiation) iyo dhex-dhexaadinta (mediation & arbitration) ay Maxkamadda Sare ku soo gunaanaday murankii u dhexeeyay labada dhinac, sidoo kale dhex-dhexaadinta lagu so af-jaray muranka waxa ka qayb qaatay badhasaabka gobolka Saaxil Axmed Maxamed Xaashi iyo maareeyaha dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi. Arrintan wada-hadalka iyo dhex-dhexaadinta ee lagu furdaamiyay Markabka ayay Maxkamadda Sare ku xalisay dacwaddo muddo dheer taagnaa oo wakhti qaatay isla markaana xal iyo maarre loo waayay. Wa bilaahi tawfiiq. Source