-
Content Count
211,387 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xoghayaha Fulinta Urur Goboleedka IGAD ayaa walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan waddanka Suudan. Xoghayaha ayaa si kulul u cambaareeyay isku day kasta oo lagu carqaladeynayo dowladda KMG ah ee Suudaan, waxa uuna ku booriyay dhamaan dhinacyada inay dulqaad muujiyaan. Wuxuu ku baaqay in si dhaqsi ah loo sii daayo Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamduuk, iyo dhamaan hogaamiyeyaasha siyaasadda u xiran. PUNTLAND POST The post Urur Goboleedka IGAD oo war ka soo saaray xaaladda Suudaan appeared first on Puntland Post.
-
Guriceel (Caasimada Online) – Waxaa fiidkii hore ee caawa si iskiis ah u istaagay dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlu-Sunna ee ka socda magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kaas oo socday seddaxdii maalmood ee lasoo dhaafay, isla markaana sababay khasaare aad u badan. Dagaalka xoogiisa ayaa galabta ka dhacay inta u dhaxeysa Dabaqa Erkolle, dhismaha Sheekh Salaad Xeydar, Xero Birmad, ilaa xarunta loo yaqaano Jaamacadda, halkaas oo ciidanka Ahlu-Sunna ay aad uga dagaalamayaan. Dhinacyada dagaalamay ayaa mid walba dhankiisa waxuu dagaalkii galabta ka sheegtay inuu horumar ka sameeyey oo ay qabsadeen meelo aysan markii hore joogin ciidamadooda. Hase yeeshee xogta rasmiga ah ee ka madaxa banaan labada dhinac oo Caasimada Online ay ka heshay Guriceel waxay tilmaameysaa in dhinacyadu ay kala joogaan dhufeysyadii xalay, waxayna isku hor-fadhiyaan Isbitaalka Cubeyd illa Dabaqa Erkolle. Si kale hadii loo dhigo aagga ay ciidamadu isku hor-fadhiyaan waa inta u dhaxeysa laamiga iyo xarunta Jaamacaadda oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidanka Ahlu-Sunna. Ciidamada dowladda ayaa galabta isku deyey inay gudaha u galaan xarunta Jaamacadda oo Ahlu-Sunna ay difaac uga jirto, waxayna isugu dareen duqeyn iyo weerar toos ah, balse iska cabin adag ayey kala kulmeen ciidanka Ahlu-Sunna. Haatan ciidamada dowladda waxay si buuxda gacanta ugu hayaan aagga saldhigga dhexe ee booliska, xarunta degmada, dhismayaasha Beder 1 iyo Beder 2, ilaa Ceelka Shimbara-Oonshe. Waxaan ilaa hadda si rasmi ah loo tira koobin khasaaraha ciidamada labada dhinac ka soo gaaray dagaalkaan oo noqday mid lagu hoobtay, waxaana ciidamada dowladda dhaawacooda loo kala daabulay Muqdisho iyo Dhuusamareeb. Dhanka Ahlu-Sunna ma jirto xarun caafimaad oo si rasmi ah ay u geysan karaan dhaawacyadooda, balse askar aad u yar oo dagaalka uga jirtay dhankooda ayaa maalmihii hore ee dagaalkaan la kala gaarsiiyey isbitaallada Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo, inkastoo dhaawacyadii Ahlu-Sunna ee Gaalkacyo la geeyey ay isbitaalka kala baxeen ciidanka dowladda. Wararka ay Caasimada Online ka heleyso dagaalka Guriceel waxay intaas ku darayaan in dowladda Soomaaliya waxay weli Muqdisho ka soo daabuleyso ciidan hor leh oo ka tirsan Gorgor, waxaana maanta Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho diyaarado looga qaaday cutubyo hor leh oo ka tirsan Gor Gor. Ciidanka Ahlu-Sunna ayaan heleynin gurmad ku filan, lamana saadaali karo inta ay iska sii caabi karaan weerarka adag ee uga imaanaya ciidamada nooc kasta leh ee dowladdu isugu geysay Guriceel, si loo soo afjaro Ahlu-Sunnada 1-dii bishaan qabsatay magaaladaas. The post Warbixin: Waa sidee caawa xaaladda Guriceel, halkeesa la kala joogaa? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde oo ka hadlay dagaalka ka socda magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa taageero u muujiyey dowlad goboleedka Galmudug, isagoo tilmaamay in Ahlu-Sunna aysan mudneyn in wadahadal lala galo. Indhacadde waxuu Ahlu-Sunna ku macneeyey Kaankare aan xal laheyn in la gooyo maahane, isagoo ku taliyey in dagaalka lagu wado illaa inta laga guuleysanayo oo la soo afjarayo ciidanka Ahlu-Sunna ee Guriceel ka dagaalamaya. “Nimanka Ahlu-Sunna la leeyahay waa Kaankaro fidni waaye, Kaankaro in la gooyo maahee xal kale maleh, wixii dhimanaya ha dhinteen waa in ay adkaato Galmudug ama waa in laga adkaado Galmudug, xal kale iyo wadahal majiro,” ayuu yiri Jeneraal Indhacadde. Sidoo kale waxuu sheegay in Ahlu-Sunna ay dhowr dowladood gorgortan la gashay, oo horay loo siiyey xilal, dalacsiin ciidan iyo lacago badan, balse haatan aan laga ogolaan karin inay gorgortan sii wadaa. “Dhibaatada Guriceel waxay Aabe ledahay nimankaas Ahlu-Sunna, waxaan qabaa waa in laga taqaluso ama Galmudug ay burburto, waxaan leeyahay madaxweynaha Galmudug ha gelin wax gorgortan ah, meel adag ka istaag arrintaan, qaladaad dhanka dagaalka ah ayaa jira oo Galmudug ay geleyso, nimanka waxaa u furan wadadii caabuswaaq oo dhaawaca ay ku qaadanayaan, gurmadkuna uga imaanayo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Yuusuf Indhacadde. Hoos ka daawo wareysi uu siiyey TV-ga Somali Cable The post Daawo: Indha-Cadde oo Qoor Qoor u jeediyey tallo yaab leh oo la xiriirta Ahlu-Sunna appeared first on Caasimada Online.
-
Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay doorashada qof iyo cod ee maanta ka dhacday saddexda degmo Qardho, Eyl iyo Ufeyn ee Puntland. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in doorashooyinka ‘hal qof iyo hal cod’ ee ka dhacay Qardho, Eyl iyo Ufeyn ay muujineyso suurtogalnimada doorashooyin codbixin heer deegaan, heer dowlad goboleed iyo heer qaran oo dalka ka dhaca. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska siyaasadda Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNSOM ayaa lagu yiri “Wakiillo ka socda Qaramada Midoobay ayaa maanta booqday Qardho si ay u muujiyaan sida ay u garab taagan yihiin dadka reer Puntland iyadoo muwaadiniintu ka qaybgaleen geeddi socodka doorashada ‘hal qof iyo hal cod’ ee saddex degmo oo ka tirsan Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka”. “Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay rumeysan tahay in doorashooyinka ‘hal qof iyo hal cod’ ee ka dhacay Qardho, Eyl iyo Ufeyn oo guul lagu soo gabagabeeyay ay noqon doonto tallaabo muhiim ah oo muujineysa suurtogalnimada doorashooyin guud ee codbixinta heer deegaan, heer dowlad goboleed iyo heer qaran ee guud ahaan dalka” ayaa la raaciyay war-saxaafadeedka. War-saxaafadeedka ayaa lagu soo gabagabeeyay “Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ku bogaadinaysaa Guddiga Ku -meelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), dowladda iyo shacabka Puntland sida ay uga go’an tahay qabashada doorasho toos ah, sida ku cad Dastuurka Puntland”. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo ka hadashay doorashada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Guriceel maalintii saddexaad ku dhexmaraya Ahlusunna iyo Galmudug. Midowga Musharaxiinta ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in si degdeg ah xabad joojin loo sameeyo, wixii khilaaf ahna lagu dhameeyo wadahadal, iyadoo la tixraacayo heshiiskii ay horey u wadagaleen dowladda iyo Ahlusunna. Dowladda Federaalka ayay ugu baaqeen in ay joojiso ciidamada ay u daabuleyso Galmudug, isla-markaana ay qaadato kaalinta ugu aadan xallinta khilaafka. Midowga Musharaxiinta waxay soo jeediyeen in la dhowro xasiloonida iyo jiritaanka Galmudug, laga fogaado wax kasta oo hurin kara colaad. PUNTLAND POST The post Midowga Musharaxiinta oo war ka soo saaray dagaalka Guriceel appeared first on Puntland Post.
-
Goobihii cod-bixinta doorashada degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayaa goordhaweyd soo xirmay, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre. Guddoomiye Guuleed ayaa sheegay in labo goobood oo Qardho ka tirsan weli lagu jiro safka codeynta, hase ahaatee 52 goobood ee kale la soo gabagabeeyay. Sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa sheegay in ay bilaabayaan tirinta codadka laga dhiibtay saddexda degmo. Natiijada doorashada saddexda degmo ee Pumtland ayaa soo bixi karta ilaa berri, sida la saadaalinayo. PUNTLAND POST The post Puntland: Goobihii cod-bixinta doorashada oo soo xirmay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa isbar-bar dhig cajiib ah ku sameeyay tallaabooyinkii u dambeeyay ee ay qaadeen madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland. Fiqi ayaa waxa uu madaxweyne Qoor-Qoor ku sifeeyay inuu yahay hogaami dagaalka iyo dilka dadkiisa raba inuu guul ka raadiyo, halka taasi badalkeed uu ku sifeeyay Deni hogaamiye gudanaya mas’uuliyadii loo igmaday. Sidoo kale waxa uu si weyn ugu amaanay madaxweynaha Puntland, Siciid Deni doorashada qof iyo codka ah ee saaka deegaano kamid ah maamulkaas looga dareeray. Hoos ka aqriso qoraalka Xildhibaan Fiqi Farqiga u dhexeeya caqliga labada hogaamiye. Meel waa nabad iyo mustaqbal dimuqraadiyad, meelna waa abaabul colaad iyo mahadhooyin murugo leh!. Meel waa hogaamiye caqli fayow oo dadkiisa iyo deeganadiisa mas’uuliyadii Iagu aaminay sidii ay aheyd u gudanaya, meel kalena waa hogaamiye dagaalka iyo dilka dadkiisa raba inuu guul ka raadiyo!. Meel hogaqmiyaheedu saakay wuxuu beeray rajo iyo raad loo aayi doono, halka meesha kale uu beeray uur-ku-taallo iyo rajo xumo. Muddo saddex maalin tacsi, agoonnino iyo asay ayaa la deris ahayd qoysas Soomaaliyeed oo ay sabab u tahay go’aan qaldan oo arrin nabad lagu xallin karo laga qaatay, Lana kala dooranayey noocyada hubka ee loo adeegsanyo gumaadka shacabka, halka dhanka kale saddex maalmood ay u ahayd olole doorasho, soo bandhigid barnaamij iyo aragtiyo siyaasadeed oo la kala doorto! Galmudug Allaha u gargaaro, saddex maalmood warka u weyn wuxuu ahaa Guriceel gacanta ayaa lagu dhigay!. Baaqiga hala caymiyo! The post FIQI oo is-barbar ku sameeyay tallaabooyin ay qaadeen Qoor Qoor iyo Deni appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Ceerigaabo)-Ciidamada Booliiska Somaliland ee gobolka Sanaag, ayaa bilaabay howlgallo ay ku qab qabanayaan dadka aan Somaliland u dhalan ee gobolka ku dhaqan, khaasatan dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, iyadoo ay shalay ku ekayd mudadii ay xukuumada Somaliland u qabatay in dadkaasi gobolka kaga baxaan. “Umada aan Somaliland u dhalan ee gobolka joogta ee aan sharciga haysan siday dadkii hore u baxeen ee ay nabadgalyada ugu baxeen ha u baxeen baanu leenahay, qofka ka bixi waayana sharciga ayaa qabanaya” waxaa sidaa yidhi taliyaha laanta socdaalka ee gobolka Sanaag gashaanle Siciid Cige. Badhasaabku xigeenka ahna ku simaha badhasaabka gobolka Sanaag Maxamed Khaliif Nuur, ayaa sheegay in mudadii xukuumada Somaliland ay u qabatay bulshooyinka gobolka la saarayo ay dhamaatay, isla markaana ay amar ku qabaan in ay qabtaan cidii wali gobolka baaqi ku ah. “14 kii cisho shalay ayay ku ekayd, maanta waajibkeenu waxa weeyi in aynu qabano cid alaaliyo cidii aan Somaliland u dhalan, cid alaaliyo cidii aan sharci ku joogin dalkan waxaad waajib u haysataan in aad qabataan, maanta laga bilaabo cidii aan u dhalan Somaliland in aad qabataan ayaad waajib qaran u haysataan” ayuu yidhi Khaliif. Dhamaan meheradihii ay dadka reer Koonfur-galbeed ku lahaayeen magaalada Ceerigaabo, ayaa maanta oo Isniin ah albaabadu u wada xidhanyihiin, dadkii lahaa ayaa qaar koodna horayba u qaxeen iyadoo la rumaysan yahay in dadka qaar kood ay wali gobolka ku dhuumaalaysanayaan, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Gaashaanle Cabdiladiif Axmed Culusow {Feyfle} Taliyihii ururka 6-aad, guutada 16-aad ee ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab, waxuu ka mid noqday tobanaankii qof ee naftooda ku waayey dagaalka maalmahaan ka socda magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Waayihiisii nolosha Korneyl Feyfle Waxaa uu ahaa halgamaa ay cadawtinimada iyo arxan darrada Al-Shabaab ay ku kaliftay inuu ka haajiro dadkii iyo deegaankiisii. Sanadkii 1981-kii ayuu ku dhashay degmada Xarardheere, waxuuna barbaarintiisii ugu badneyd ku qaatay deegaan lagu magacaabo Dumaaye oo hoos taga Xarardheere, halkaas oo dugsiga sare uu uga baxay sanadkii 1998-kii. Waxuu ahaa xerow aad u bartay culuumta diinta Islaamka iyo maadiga intaba waxuu noloshiisa inta ugu badan ku soo qaatay degmada Xaradheere ee Koofurta gobolka Mudug iyo deegaanada hoos taga. Bilowgii Sanadkii 2008-dii xilli ay argagixisadu tabar heysay ayuu Feyfle ka hor yimid xukunkooda guracan, weliba isagoo degganaa magaalada Xarardheere oo ay argagixisadu maamuleysay. Xarardheere ayuu ka abaabulay dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo xiligaas maamuleysay inta badan koonfurta iyo bartamaha dalka,dagaal ka dib Isaga iyo dhowr wadaad ayaa u baxsaday magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaas oo dhowr bilood ay ku noolaayeen. Isla sanadkii 2008-dii Allaha u naxariistee Feyfle waxuu safka hore ka galay dagaalkii Culumada Ahlu-Sunna Waljamaaca ay gobollada dhexe uga xoreysay arxan laawayaasha ,dhowr jeer ayuu ku dhaawacmay dagaaladii adkaa ee kooxda looga saaray Gurceel iyo Dhuusamareeb. Wixii ka dambeeyey sanadkii 2010-kii waxuu u soo wareegay oo uu ku biiray ciidanka xoogga dalka waxaana uu ku haminayay in mar un lagu dhaqaaqo xoreynta magaaladiisii cadawgu ka soo hayaamiyay ee Xaradheere. Sanadihii 2012-kii ilaa 2013-kii waxuu ka mid noqday ciidankii ugu horeeyey ee lagu xareeyay saldhigga Balidoogle ee Shabeellada Hoose kuwaa oo Mareykanku tababaray, sidaas ayuuna qeyb uga noqday aas-aaskii ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab. Gudaha Danab waxaa looga xushay sarkaal qaabilsan wacyi-gelinta ciidanka, maadaama uu ahaa nin aad u yaqaanna diinta islaamka kuna xeeldheeraa naqdinta fikirrada guracan ee argagixisada. Bilowgii sanadkaan 2021 ayaa loo magacaabay Taliyaha ururka 6-aad ee kumaandooska Danab oo ka howlgala gobollada Mudug iyo Galgaduud, kadib markii bishii December ee sanadkii hore qarax lagu dilay saraakiil uu ku jiray taliyihii ururka 6-aad ee Danab Allaha u naxariistee Korneyl Mukhtaar Cabdi Aadan. Markii uu tegay Mudug oo hoggaanka Danab uu la wareegay, isagoo kaashanaya madaxda dowlad goboleedka Galmudug, waxaa uu juhdi badan galiyay in gacanta lagu dhigo magaaladii uu ku dhashay ee Xaradheere oo cadawgu uu la haray umase suura galin in magaaladii la qabto. 23-kii bishaan October oo ah maalinkii koowaad ee dagaalku ka qarxay magaalada Guriceel ayuu ku dhaawacmay dagaal si kadis ah uga bilaawday goob ay ku sugnaayeen isaga iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka Qaranka. Dhaawaciisa ayaa loo qaaday Dhuusamareeb, balse waxaa uu geeriyooday intii loo sii waday isbitaalka,Axadii shalay ayaana meydkiisa lagu aasay qabuuro ku yaalla Dhuusamareeb. Allaha u naxariistee Gaashaanle Cabdiladiif Axmed Culusow {Feyfle} waxaa uu ku geeriyooday da’aada 40 sano jir, waxaana uu ifka uga tagay 3-xaas iyo dhowr iyo toban caruur ah. SNTV The post Kumaa ahaa korneyl Cabdiladiif Axmed Culusow (Feyfle) appeared first on Caasimada Online.
-
Ceerigaabo (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Sanaag ayaa shaaciyey inay soo dhamaatay waqtigii loo qabtay inay ku diyaar-garooban dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya ee ku sugan magaalada Ceerigaabo. Badhasaab ku-xigeenka gobolka Sanaag Maxamed Khaliif Nuur iyo ciidamo badan oo wata gaadiiid kala duwan ee booliska ayaa saaka waddooyinka iyo suuqyada muhiimka ah ee magaalada Ceerigaabo ka bilaabay qab-qabashada dadka kasoo jeeda Koonfurta. “14-kii cisho Shalay ayey ku eekeyd maanta waajibkayagu waxa uu yahay in aan qabano cid walba oo sharci ku joogin dalkan, waxaa waajib u haysataan in aad qabataan ama guri hoostii ha lagu haysto ama beer ha la dhex seexiye anaga waajibka haysana waa in 25-ka bishan 10-aad in aad qabataan dadka aan u dhalan Somaliland,” ayuu yiri badhasaab ku-xigeenka gobolka Sanaag. “Kuwa tuulooyinka tagay ee aaminsan in tuulooyinka ay xukuumada xukumin ee aan qabano isaga oo magaalo ku ganacsiyaynaya wuxuu mudanaya waxa uu sharcigu ka qabo. Ninka diida amarka kasoo baxay xukuumadda waxa marinayna laamaha sharciga oo waa ka waajib qaadaneyna.” Sidoo kale waxa uu digniin u diray dadka isku dayaya inay ka dhuuntan booliska, islamarkaana qorsheynaya inay kusii dhex ganacsadaan gobolka Sanaag. “Tuulo ayaa ugu tageyna, degmo ayaa ugu tagayna, gobolka Sanaag oo dhan cidii ku sugan ee aan u dhalan Somaliland waajib waxa u haysana in aan qabano.” ayuu ugu dambeyntiina yiri Maxamed Khaliif Nuur. Ciidamo tiro badan oo wata gaadiidka booliska ayaa lagu arkayey waddooyinka iyo suuqyada muhiimka ah ee magaalada Ceerigaabo, halkaasi oo si qasab ah u qab-qabanayeen dadka aan dhalasho ahaan kasoo jeedin Somaliland. Si kastaba, maamulka gobolka Sanaag ayaa hore u iclaamiyey muddo labo toddobaad ah oo ay u qabteen dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya inay kaga baxaan magaalada Ceerigaabo, taasi oo ku eekeyd maalintii shalay aheyd. The post DEG DEG: Somaliland oo magaalo kale maanta ka billowday masaafurinta dadka Koonfurta appeared first on Caasimada Online.
-
Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobay Kiki Gbeho ayaa faafhaahin ka bixisay Nuxurka kulan Dhexmaray & Madaxweyne Muuse Biixi Ku-xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Kiki Gbeho, ayaa faafhaahin ka bixisay nuxurka kulankii maanta magaalada Hargeysa ku dhexmaray iyada iyo madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi.. Waxaanay tidhi.“Waxaanu ka wada hadalnay shaqada Qaramada Midoobay, doorashooyinkii dhawaan dhacay iyo horumarka siyaasadeed, amni iyo dhaqaale, iyo sidoo kale arrimaha haweenka iyo dhallinyarada ee dhanka hoggaanka,” UNSOM. Qaran News
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweyay doorashooyinka qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka ee ka socda Puntland. Qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble, ayaa lagu sheegay in ay tahay mid ku dayasho leh doorashada Puntland laga bilaabay maanta. “Waa tallaabo taariikhi ah, ku dayasho mudan, muhiimna u ah hannaanka dimoqraadiyadda iyo maamul daadejinta dalkeenna. Waxaan rajeynayaa in doorashadu ku soo dhammaato si nabdoon oo hufan” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble. Sikasta 46,839 codbixiyayaal ah ayaa diiwaangeliyey, halka kaararka la bixiyey ay gaareen 37,578, magaalooyinkana waxaa ugu dad badan Qardho oo la diiwaangeliyey 25,405 iyo kaararka la qeybiyey 20,620, Ufeyn sidoo kale dadka la diiwaangeliyey waa 9,964 kaararka la qeybiyana 8,287 halka Eyl la diiwaangeliyey 11,470 kaararka la qeybiyana waa 8,671. Xogaha kale ee ku saabsan doorashada waxaa ka mid ah in ay tartamayaan sideed urur siyaasadee, 499 musharax oo u tarmaya kuraas gaaraya 87 kursi oo golaha deegaanka ah oo kala yaalla 33 kursi oo Qardho ah, Eyl 27 iyo Ufaweyn 27 kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay doorashooyinka qof iyo cod ah ee saaka ka bilowday qaar kamid ah deegaanada maamulkaas, taasi oo lagu dooranayo golayaasha deegaanka. Rooble ayaa ugu horeyntii bulshada iyo hogaanka maamulka Puntland ku bogaadiyey doorashadaas oo ka bilaabatay degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, isagoona ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah. “Waxaan bulshada, hoggaanka dowlad-goboleedka Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa doorashada golaha deegaanka ee ka bilaabatay Qardho, Eyl iyo Ufeyn, halkaas oo ay shacabku saaka u dareereen in ay codkooda dhiibtaan si ay u soo doortaan wakiilladooda,” ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. “Waa tallaabo taariikhi ah, ku dayasho mudan, muhiimna u ah hannaanka dimoqraadiyadda iyo maamul daadejinta dalkeenna. Waxaan rajeynayaa in doorashadu ku soo dhammaato si nabdoon oo hufan.” Doorashada saaka oo ah mid tijaabo, ayaa waxa codadkooda dhiibanaya dad gaaraya 37,578 qof oo isku diiwaan-geliyey codeynta doorashadan, kuwaas oo ka codeynaya 54-goob oo loo diyaariyey. Illaa sideed urur siyaasadeed oo ka dhisan deegaanada Puntland ayaa ku tartamaya doorashada, si ay uga mid noqdaan xubnaha golayaasha deegaanka ee degmooyinkaas. Qardho waxaa lagu tartamayaa illaa 33 kursi, sidoo kale degmada Eyl waxaa lagu tartamayaa illlaa 27 kursi, halka degmada Ufeyn si la mid ah lagu tartamayo 27 kursi. Puntland oo la aasaasay 1-dii August 1998-dii ayaa dhowr jeer isku dayday qabashada doorasho qof iyo cod ah, walow aysan u suura-gelin, waxaana hadda loo gartay in lagu tijaabiyo degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ee maamulkaas. The post Rooble oo sheegay waxa ay uga dhigan tahay doorashada Puntland appeared first on Caasimada Online.
-
CIA-da Maraykanka oo is-hortaagtay cunaqabateyn la saari lahaa Fahad Yaasiin Warbixin dheer oo wargeyska New York Times uu ka qoray howgallada hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ee Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday sida ay hay’addan ugu dhex milantay siyaasadda Soomaaliya. New York Times ayaa shaacisay in CIA-da ay is-hortaagtay isku day la doonayey in hadda kahor cunaqabateyn lagu saaro taliyihii hore ee haya’dda NISA Fahad Yaasiin, ooh adda ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo. Warbixinta New York Times ayaa sheegtay in sababta Fahad loo saari lahaa cunaqabteynta ay tahay inuu taageeray isku daygii uu madaxweyne bishii Febraayo ku sameeyey muddo kororsiga, kaasi oo horseeday dagaal ka dhacay Muqdisho. “Saraakiil Mareykan ah ayaa soo jeediyey in Fahad la saaro cunaqabateyn si loogu qabso inuu ka laabto, sida ay sheegeen laba sarkaal oo reer galbeed ah. Hase yeeshee CIA-da ayaa si daacadnimo leh uga soo horjeesatay fikraddaas, ayada oo muuqata inay ilaalineyo danaheeda ka hortagga argagixisanimada,” ayey tiri warbixinta New York Times. CIA-da ayaa saldhig ku leh garoonka Muqdisho, waxayna si dhow ugala shaqeysaa hay’adda NISA dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Tallaabada CIA ayaa farriin qaldan u dirtay saraakiisha Soomaaliya oo ku saabsan ahmiyadadaha Mreykanka, sida uu sheegay mid ka mid ah saraakiisha reer galbeedka. “Waxay arkeen in afka iyo jirka ay kala sameynayaan laba wax oo kala duwan. Waa jahwareer.” Dhinaca kale, warbixinta ayaa sheegtay in CIA-da ay howlgallo qorsheysan xilliyada habeenkii ka fuliso magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lagu ugaarsado xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Mid ka mid ah howlgalladaas ayaa waxaa bishii November ee sanadkii tegay ku dhintay sarkaal CIA ah oo lagu magacaabay Michael Goodboe oo 54 jir ahaa. Goodboe ayaa ku dhaawacmay qarax gaari oo uu sameeyey sarkaal Al-Shabaab ah oo la erynayey xilli habeen, waxaana loo qaaday isbitaal militariga Mareykanka ay ku leeyihiin Jarmalka, oo u uku dhintay 17 maalmood kadib. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo dagaalka magaalada Guriceel ee u dhaxeeya ciidamada maamulka oo kaashanaya kuwa dowladda iyo Ahlu-Sunna oo dhinac ah. Dadka dhigayay banaanbaxa ayaa isugu soo baxay Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan, waxayna taayiro iyo qashin ku gubeen wadada, taasi oo keentay isku socodka gaadiidka uu istaago. Banaanbaxayaasha oo u badnaa Haween ayaa waxay ku dhawaaqayeen erayo ay uga soo horjeedan dagaalka khasaaraha badan ka dhashay ee ka socda Guriceel, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen “Qoor iyo Farmaajo doonimeyno”, “Dhiig sokeeye doonimeyno” iyo ereyo kale oo ka dhan ah maamulkaas. Waxay sheegen qaar kamid ah banaanbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta inaysan ogolaan doonin in lagu sii dagaalmo Guriceel, iyaga oo ku eedeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo madaxweynaha Galmudug inay colaada sii hurinayaan. Sidoo kale qaarkood ayaa sheegay inay taageersan yihiin hogaanka Ahlu-Sunna ee xooga ku qabsaday Guriceel, islamarkaana ay maalmahan dagaalka kula jiraan ciidamada maamulka oo kaashanaya dowladda. Dagaalka ka socda Guriceel ayaa galay maalintiisi saddexaad, waxaana weli qeybo ka mid ah magaalada laga maqlayaa rasaas teel-teel ah oo u dhaxeysa labada dhinac. Inta uu socday dagaalka Ahlu-Sunna iyo maamulka Galmudug ayaa waxa uu galaaftay askar iyo saraakiil labada dhinacba ah iyo sidoo kale dad shacab ah oo aan waxba galabsan. The post Banaanbax xooggan oo maanta ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Militariga Sudan oo xidhay Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamduuk, kalana diray Xukumadiisii Jeneraalka ugu sarreeya Sudan ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, wuxuuna kala diray mas’uuliyiintii hoggaaminayey dowladdii rayidka ee ku-meel gaarka aheyd, isaga oo ku dhowaaqay dhismaha dowlad cusub. Hadalka Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan oo laga baahiyey taleefishinka ayaa yimid saacado kadib markii ciidamada ay xireen ra’iisul wasaare Cabdalla Xamduuk iyo wasiiro kale. “Si aan u saxno waddada kacaanka, waxaan ku dhowaaqnay xaalad deg deg ah, waxaan kala dirnay golihii ku-meel gaarka ee qarannimada, waxaan kala dirnay golihii wasiirada,” ayuu yiri. Xiisado siyaasadeed ayaa ka dhex jiray militariga iyo xukuumadda rayidka ah ee talada dalkaasi sida wadajirka u hayay tan iyo markii talada laga eryay madaxweynihii hore ee dalkaasi Omar al-Bashir. Wasaaradda warfaafinta ayaa goor sii horeysay sheegtay in adeegyada internet-ka laga jaray dalka oo dhan, waxaana la xiray waddooyinka waaweyn iyo buundooyinka isku xira Khartoum. Askarta ayaa xoog ku galay xarunta idaacadda dowladda Sudan oo ku taal magaalada Omdurman ee mataanaha la ah caasimadda, sida ay sheegtay wasaaraddu, iyadoo heeso waddani ah uu TV-gu baahinayay. Dadku waxay isugu soo baxeen waddooyinka, iyagoo taayirrada taagaya oo dhisaya leyliyo jidadka si ay u xiraan iyagoo ka soo horjeeda tallaabada milateri, sida uu sheegay weriye ka tirsan AFP. Ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan geeska Africa Jeffrey Feltman ayaa sheegay in “Mareykanku uu si weyn uga walaacsan yahay wararka sheegaya in militarigu ay taladii kala wareegeen xukuumaddii KMG ahayd.” Waxa uu sheegay in isbadal kasta oo qasab ah oo ka dhan ah xukuumadda KMG ah ay caqabad ku tahay taageerada Mareykanka. QM ayaa iyana ku tilmaamtay xariga mid aan la aqbali karin. Qaran News
-
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo hadal kooban shacabka uga jeediyay Telefishinka dowladda, ayaa ka hadlay sida ay u socoto doorashada qof iyo cod ee saddexda degmo. Madaxweyne Siciid Deni, ayaa sheegay in ay si habsami leh u socoto doorashada, islamarkaana saacado kooban ka harsan yihiin wakhtiga ay ku egtahay codaynta. Madaxweynaha ayaa ku boorriyay dadka ka codaynaya saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufayn in ay dulqaad muujiyaan wakhtiga kooban ee harsan, ayna si dhammaystiran uga qayb-qaataan doorashada. Halkaan ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Madaxweyne Siciid Deni oo hadal kooban u jeediyay shacabka codaynaya appeared first on Puntland Post.
-
Suudaan oo looga dhawaaqay xaalad deg deg ah Jeneral Abdel Fattah Abdelrahman Burhan – oo ahaa madaxa Golaha Sare ee Suudaan – ayaa qudbad uu jeediyay ku dhawaaqay xaalad degdeg ah. Waxa kale oo uu kala diray Golihii Sare ee kormeerayay geedi socodka xukunka loogu wareejinayo rayidka, wuxuu sidoo kale kala diray golaha wasiirrada. Waxaa hawada laga saaray khadkii internetka ee magaalada caasimadda ah ee Khartoum. Warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in xabsi guri la geliyay Ra’iisul Wasaaraha Suudaan. Qoraal lagu baahiyay wasaaradda warfaafinta Suudaan ayaa lagu sheegay in ciidamada milatariga ee isku dhafka ah ee hore ugu xiray gurigiisa ay ku cadaadinayeen inuu ku dhawaaqo bayaan taageeraya afgambiga. Ka dib markii ay diideen inay taageeraan afgambiga, ciidanka ayaa hadda ra’iisul wasaaraha u wareejiyay meel aan la garanayn. Qaran News