Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,387
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Sawirka: Codeyn tijaabo ah oo ay horey u qabatay TPEC Puntland ayaa markii ugu horreysay berri oo Isniin ah qaban doonta doorasho qof iyo cod ah oo lagu dooranayo goleyaasha deegaanka degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn. 52 sano kadib ayaa dadweynaha degmooyinkaasi u dareeri doonaan in ay codkooda dhiibtaan. Doorashadii Wood Khasaaray ee 1969 ayaa ugu dambaysay doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda deegaannada Qardho, Eyl iyo Ufeyn. Ururada Tartamaya iyo Tirada Musharaxiinta Doorashada waxaa ku tartamaya goleyaasha deegaanka 8 urur siyaaaadeed oo kala ah, Kaah, Mideeye, Horseed, Caddaalad iyo Sinnaan, Runcad, Mustaqbal, Ifiye iyo Shaqaalaha. Sidoo kale ilaa 449 musharrax ayaa ku tartamaya 87 kursi oo ah goleyaasha deegaanka saddexda degmo. Qardho waxaa ka soo baxaya 33 kursi, Eyl 27 kursi, halka sidoo kale Ufeyn ay ka soo baxayaan 27 kursi. Tirada dadka codeynaya Tirada guud ee dadka lagu wado in ay codkooda ka dhiibtaan doorashada berri ayaa ah 37,578 qof (Soddon iyo todoba kun, shan boqol todobaatan iyo sideed). Degmada Qardho waxaa codkooda ka dhiiban doona 20,620 qof (Labaatan kun, lix boqol iyo labaatan), degmada Eyl-na waxaa codkooda ka dhiiban doona 8,671 qof (Sideed kun, lix boqol todobaatan iyo kow), halka Ufeyn ay codkooda ka dhiiban doonaan 8,287 qof (Sideed kun, labo boqol sideetan iyo todoba). Tirada koobka guud ee dadka degmada Qardho ayaa Wasaarada Qorsheynta Punttland ku sheegtay 181,039 qof, halka degmada Eyl lagu qiyaasay 148,611 qof, sidoo kale Ufeyn waxaa lagu sheegay 57,095 qof. Guud ahaan saddexda degmo waxaa laga codeyn doonaa 54 goobood (Seejo). Degmada Qardho waxaa laga codeyn doonaa 25 goobood, degmada Eyl 18 goobood, halka Ufeyn laga codeyn doono 11 goobood. Digaar-garowga doorashada Amaanka Puntland ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la hakiyay isu socodka gaadiidka qaar ka mid ah gobolada Puntland, sidoo kale waxaa la fasaxay qaar kamid ah goobaha waxbarashada Puntland. 54 goobood ee laga codeyn doono ayaa lagu diyaariyay qalabkii doorashada, waxaana gaaray shaqaalaha Guddiga Doorashada, goobjoogayaal iyo ciidamo gaar ah oo amaanka sugi doona. Ururka siyaasadda Puntland ayaa iyaguna aad ugu diyaar-garoobay doorashada, waxayna maalmihii la soo dhaafay soo gabagabeeyay ololahooda doorashada oo mid walba uu soo bandhigay wixii uu ku kasban lahaa codka dadweynaha. Maxkamad la’aan Puntland kama jirto Maxkamad Dastuuri ah, sidaas darteed waxaa dad badani isweydiinayaan sida loo xalinayo hadii khilaaf ama cabashooyin ka yimaaadaan doorashan oo ku cusub Puntland. Xukuumadda Madaxweyne Deni oo ku dhiiratay in ay Puntland ka hirgeliso doorasho qof iyo cod ah ayaa hadana ka warwareegta dhisitaanka Maxkamad Dastuuri ah. Madaxweyne Deni ayaa aaminsan in Maxkamadda Sare ay qaban karto shaqada Maxkamadda Dastuuriga ah, sida uu ku yiri hadal uu horey u jeediyay, balse fikirkaas mid ka duwan waxaa qaba Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Guuleed Saalax Barre oo isagu aaminsan in aysan jirin cid qaban karta shaqada Maxkamadda Dastuuriga ah. PUNTLAND POST The post Wax ka ogow doorashada taariikhiga ah ee berri ka dhacaysa Puntland appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa shaki geliyay in Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ay taageersan yihiin dagaalka lagu qaaday ururka Ahlu-Sunna ee ka socda Guriceel. Fiqi ayaa sidoo kale su’aal geliyay cidda hortaagan in war-murtiyeed laga mideysan yahay laga soo saaro xiisada dagaal iyo howl-galka ciidamada dowladda ee ka dhanka ah Ahlu-Sunna. “Midowga Musharixiinta ee wax kasta ka hadli jirey ma hawlgalka Odowaa iyo Qaroole ayay taageersan yihiin!. Yaa hortaagan in warmurtiyeed arrinta Guriceel laga soo saaro!?!?! Faataxada haloo maro midowga!,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo kamid ah Golaha ayaa maanta si shaqsi ah qoraal uga soo saaray dagaalka Guriceel, waana midda tooshka kusii shiday aamusnaanta Midowga Musharaxiinta ay ku wajahayaan xiisadaas. Xasan Sheekh Maxamuud oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa labada dhinac is-haya ka dalbaday inay si shuruud la’aan u joojiyaan dagaalka haatan ka socda Guriceel. “Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelada iyo qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday dagaalka Guraceel, dhaawacyadana waxaan u rajeynayaa bogsasho degdeg ah,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. “Dagaalku ma xalliyo khilaafaadka siyaasadda ee waxa uu abuura kala fogaansho hor leh. Kala aragti duwanaanshaha siyaasadda waa in lagu xalliyaa miiska wadahadalka, iyadoo la dhowrayo jiritaanka, sharciyadda iyo midnimada dowlad goboleedka Galamudug.” Xog ay Caasimada Online baahisay 8-dii bishaan ayaa waxay daboolka ka qaaday in Midowga Murashaxiinta ay ku kala qeybsameen xiisadda ka taagan Galmudug, midaasi oo hor istaagtay in la soo saaro war-saxaafadeed lagu mideysan yahay. Ilo-wareedyo ka tirsan Midowga Murashaxiinta ayaa Caasimada Online u sheegay inay kala noqdeen dhinacyo taageersan Ahlu-Sunna, dhinacyo taageersan maamulka Qoor Qoor iyo kuwa dhex-dhexaad ah oo aan meelna jirin. Ma cadda sida uu khilaafkan ku dhammaan doono, waxayse u badan tahay inaanu marnaba golaha soo saari doonin war-saxaafadeed wadajir ah oo la xiriira xiisadda dagaal ee Ahlu-Sunna iyo Galmudug. The post Fiqi: “Faataxada haloo maro Midowga Musharaxiinta” appeared first on Caasimada Online.
  3. MOGADISHU, Somalia — The C.I.A. convoy rolled out of Mogadishu in the dead of night, headed south along a crumbling ocean road that led deep into territory controlled by Al Shabab, one of Africa’s deadliest militant groups. Source: Hiiraan Online
  4. Guriceel (Caasimada Online) – Geerida Taliyihii ciidanka Danab ee Galmudug Cabdiladiif Axmed Fayfle oo shalay lagu dilay dagaalkii Guriceel ayaa la filayaa inay xiisad ka dhex abuurto dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka. Ciidanka Danab ayaa waxaa tababara oo mushahaarkooda bixiya dowladda Mareykanka, waxaana loogu tal-galay oo kaliya inay la dagaalamaan maleeshiyada Al-Shabaab. Dowladda Mareykanka ayaa horey u diiday isku dayo dhowr ah oo dowladda federaalka ay dooneysay inay ciidankaas ugu adeegsato dagaallo aan aheyn kuwa Al-Shabaab, waxaana ka mid ah dagaalkii Muqdisho ku dhex-maray ciidan Farmaajo taageersanaa iyo ciidamadii Badbaado Qaran ee kasoo horjeestay muddo kororsiga. Geerida Taliye Fayle ayaa hadda dhalineysa su’aalo la xiriira cidda amartay inay isaga iyo ciidankii Danab ee la dilay ay aadaan Guriceel oo ay ka qeyb-galaan dagaal aan aheyn midka Al-Shabaab, kadibna halkaas lagu dilo. Mareykanka ayaa Ahlu-Sunna u arka koox awood leh oo loo adeegsan karo in Soomaaliya laga cirib-tiro Al-Shabaab, waxaana inay dagaalamaan kooxdaas iyo ciidankii ay tababareen ee Danab ay guul u tahay Al-Shabaab. Inkasta oo dowladda Soomaaliya ay u madax-banaan tahay inay ciidankeeda u adeegsato sida ay doonto, haddana Mareykanka maadaama uu bixiyo tababarka iyo mushaharkan Danab, wuxuu awood u leeyahay inuu joojiyo. Mareykanka wuxuu sanadii 2019 joojiyey kalamadii lacageed ee uu siin jiray ciidanka dowladda kadib eedeymo la xiriiray musuq-maasuq inkasta oo sanad kadib dib loo fasaxay kaalmada. Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa shalay sheegay in taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneral Odawaa Yuusuf Raage uu Taliye Fayfle ugu hanjabay in gabi ahaanba ciidanka laga saarayo, hadii uusan hoggaamin dagaalka. “Waa ka xumahay warka la ii sheegay ee ah in Taliye Odowaa uu amar dul dhigay Taliye Fayfle ah in uu kala doorto in ciidamada laga saaro ama uu dagaalka galo, waa ayaan darro weyn dagaalka hadda socda oo lagu laynayo saraakiishii waxgalka ahayd,” ayuu yiri Fiqi. “Taliye Fayfle waxaan ku wada jirnay dagaalkii labada bilood qaatay ee koofurta Mudug lagula jiray kooxda argagixisada ah, wuxuuna ahaa nin geesi ah, dulqaad badan isla markaana mabda’ ay ka ahayd la dagaalanka argagixisada,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Fiqi. The post Geerida Taliye Fayfle oo la filayo inay xiisad ka dhex-abuurto DF iyo Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
  5. Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu ku baaqay in la dajiyo xaaladda magaalada guriceel. Xasan ayaa sheegay in loo baahan yahay in si degdeg ah loogu baahan yahay in la joojiyo dagaalka maalintii labaad ka socdo magaalada Guriceel. BAAQ NABADEED: Xaaladda Galmudug Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelada iyo qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday dagaalka Guraceel, dhaawacyadana waxaan u rajeynayaa bogsasho degdeg ah. Waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn loo joojiyo dhiillada colaadeed ee taagan. Dagaalku ma xalliyo khilaafaadka siyaasadda ee waxa uu abuuraa kala fogaansho hor leh. Odayaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta, Ganacsatada, Haweenka dhallinyarada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada waa in ay qaataan kaalintooda ku aaddan deminta colaadda. Lama aqbali karo in dhiigga dhallinyaro Soomaaliyeed uu daadanayo, bulshada inteeda kalena daawato. Kala aragti duwanaanshaha siyaasadda waa in lagu xalliyaa miiska wadahadalka, iyadoo la dhowrayo jiritaanka, sharciyadda iyo midnimada dowlad goboleedka Galamudug. DHAMMAAD Source: goobjoog.com
  6. Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somaliland booqasho ku tagay Xarumaha Dawlada ee ku yaala Magaalada Laascaanood Qaarkood Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somaliland ayaa maanta booqasho ku tagay qaar ka mid ah Xarumaha Dawlada ee ku yaala Magaalada Laascaanood gaar ahaana Xarumaha Wasaaradaha Waxbarashada iyo Cadaalada, waxaanay halkaasi warbixino kaga dhagaysteen Isuduwayaasha Wasaaradahaasi iyo sida ay ugu adeegaan shacabka. Wasiiradan ayaa hore u booqday Xarumaha kale ee dawlada iyaga oo u kuurgalayay sida hawlwadeenadaasi Dawladu ugu adeegaan shacabka ku dhaqan Gobolka Sool. Wasiiradan oo ka koobnaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka C/risaaq Ibraahim Maxamed (Ataash), Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa waxa booqashadani ku wehelinayay Maamulka Gobolka Sool. Qaran News
  7. Guriceel (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno magaalada Guriceel ayaa sheegaya inuu socda dagaalka u dhaxeeya ciidamada maamulka oo kaashanaya kuwa dowladda iyo Ahlu-Sunna oo dhinac ah, inkasta oo aanu sidii shalay u xooganeyn. Dagaalka ayaa maanta xoogiisa ka socda halka loo yaqaan Jaamacadda ee ku taalla Waqooyi Beri ee degmadda Guriceel, waxaana la maqlayaa rasaas iyo madaafiic ay dhinacyada is-weydaarsanayaan. Sida ay dad goobjoog ah u sheegen Caasimada Online, Madaafiic qeyb ka ah kuwa labada dhinac isku adeegsanayeen ayaa ku dhacay Isbitaalka Istarliin ee degmada, kaasi oo sababay burbur xoogan iyo in shaqaalaha Isbitaalka ay naftooda uga baxsadaan. Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in Saraakiisha hogaamineysay ciidamada Ahlu-Sunna Waljamaaca oo dhaawac ah ay ciidamada dowladda kala baxeen Isbitaal ku yaala magaalada Gaalkacyo. Saraakiisha oo magacyadooda lagu kala sheegay; Cali Faarax, Cali Xade iyo Maxamuud Tashade ayaa waxay kamid ahaayeen Saraakiishii la qarameeyay xilligii Ahlu-Sunna la heshiisay maamulka Qoor-Qoor. Saddexda Sarkaal ayaa ka bar-bar dagaalamayey Ahlu-Sunna, waxaana Gaalkacyo loo geeyay si loogu dabiibo xaaladooda caafimaad. Dagaalka oo illaa hadda socda ayaa waxa ka dhashay khasaaro badan oo kala duwan, illaa haddana si rasmi ah loo xaqiijin karo, maadama ay adag tahay xaalada oo kacsan awgeed. Guriceel oo ah magaallo ganacsi ayaa xudun u noqotay xiisadda ka taagan gobolka Galgaduud ee u dhexeyso Ahlu Sunna Waljamaaca iyo dowlad goboleedka Galmudug, waxaana ka barakacay kumanaan shacab ah. The post SARAAKIIL dhaawac ah oo Isbitaal lagala baxay iyo wararkii ugu dambeeyey dagaalka ka socda Guriceel appeared first on Caasimada Online.
  8. Laacibka ugu wanaagsan kubbadda cagta Soomaaliya Xasan Cabdi Nuur “Xasaasi” ayuu ku biiray kooxda Kubbadda cagta Gadiidka, waxaana heshiiska laacibkan lagu soo bandhigay garoonka Stadium Muqdisho, waxaana laacib Xasaasi si weyn u soo dhaweeyay taageerayaasha iyo maamulka sare ee kooxda Gaadiidka. “Ciyaaryahan Xasaasi waa laacib aad u wanaagsan ku soo biiritaankiisa kooxda Gadiidka waxay nooga dhigantahy guul weyn” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Bile oo ka mid ah Maamulka kooxda Kubbadda Cagta Gaadiidka. Laacib Xasan Cabdi Nuur (Xasaasi) waxa uu sheegay ku biiritaankiisa kooxda Gaadiidka uu kaalin weyn ku lahaa Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya mudane Duraan Faarax oo horay u so noqday Xoghayihii Guddiga Olombikada Soomaaliya. “Wasiir Duraan Faarax kalin weyn ayuu kulahaa in aan ku biiro kooxda kubbadda cagta Gadiidka, sidoo kale waxaan u mahadcelinaynaa madaxda, ciyaartooyda iyo taageerayaasha kooxda Gadiidka sida wanaagsan ay ii soo dhaweeyeen” ayuu isna Goobjoog Sports u sheegay ciyaaryahanka kooxda Gaadiidka Xasan Cabdi Nuur (Xasaasi). Saxiixa laacib Xasaasi waxaa isku haystay kooxaha waaweyn ee dalka, balse Maamulka Gadiidka ayaa dhaqaalo weyn ku soo iibsaday laacibka ugu wanaagsan kubbadda cagta Soomaaliya mudane Xasan Xasaasi. “Helitaanka Xasaasi waxay nooga dhigantahay in aan guul weyn ka samaynay suuqa kala iibsiga, waxaana arintan ku mahadsan maamulka sare iyo Wasaaradda Gaadiidka ” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay Sakariye Cabdi Abshir oo ka tirsan Maamulka kooxda Kubbadda Cagta Gaadiidka. Ugu danbeyntii laaacib Xasaasi wuxuu guul iyo horomar u rajeeyay kooxdiisa cusub, isagoo taageerayaasha Otobaarka u balan-qaaday in uu kula guulaysan doono koobabka waaweyn ee kubbadda cagta. “Jaceylka aan ugu soo biiray kooxda Gadiidka ayaa tusaal wanaagsan u ah guulaha iyo horomarka ay kooxda tiigsanayso” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay laacib Xasan Cabdi Nuur (Xasaasi). Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Xasaasi Ciyaaryahan Xasan Xasaasi “ Horomarka Iyo Guulaha Aan Ka Gaaray Kubbadda Cagta Waxaa Sabab U Ahaa Dhiirigelinta Xaaskayga” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  9. (SLT-Palermo)-Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Talyaaniga ahna hoggaamiyaha midigta-fog Matteo Salvini ayaa shalay maxkamad lasoo taagay sababo la xidhiidha tuhun ku saabsan inuu xanibaad sharci-darroo ah ku sameeyey in 147 qof oo muhaajiriin ah laga soo djeiyo markab soo bad-baadiyey, islamarkaana uu xaalad liidata ku hayey. Salvini ayaa ka qeyb-galay dhageysiga furitaanka makxamadda ee magaalada Palermo ee gobolka Sicily. Salvini oo hoggaamiya xisbiga midigta-fog ee League, islamarkaana caan ku ah siyaasaddiisa “Marka hore Talyaaniga” ayaa lagu soo oogay dacwado ay ka mid yihiin afduub iyo ku xadgudub awood xafiis, isaga oo u adeegsaday xilkiisa wasiirka arrimaha gudaha inuu 147 muhaajiriin ah ku xabisay badda, bishii August 2019. Salvini oo 48 jir ah ayaa sheegay in go’aankaas uusan aheyn mid uu kaligiisa gaaray balse ay isku raacday dowladda oo dhan, oo uu ku jiro ra’iisul wasaarihii xilligaas Giuseppe Conte. Dacwad-oogayaasha ayaa dalbaday marqaatiyaal ay ku jiraan Conte, wasiirka arrimaha gudaha iminka Luciana Lamorgese iyo wasiirka arrimaha dibadda Luigi Di Maio. Salvini ayaa soo tweet gareeyey sawirkiisa isaga oo dhex jooga maxkamadda. “Halkani waa maxkamadda xabsiga Palermo. Maxkamadeynta ay doonayaan kooxaha bidixda iyo taageerayaasha muhaajiriinta sharci-carrada ah ayaa billaabatay. Imisa lacag ayaa uga bixi doonta shacabka Talyaaniga,” ayuu yidhi. Dibadda maxkamadda, ayaa aas-aasaha iyo agaasimaga hay’adda Spanish-ka ah ee Open Arms oo maamuleysay markabka wuxuu sheegay in maxkamadda aysan dhiiri-gelin siyaasad. “Badbaadinta dadka ma ahan dambi, balse waa waajib aan saarneyn kaliya kabtanada maraakiibta balse sidoo kale dal oo dhan,” ayuu yidhi Oscar Camps. AFP Source
  10. Guriceel (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalka ka socdo magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, isaga oo baaq deg deg ah u diray madaxda Galmudug iyo hoggaanka sare ee Ahlu Sunna. Xasan Sheekh Maxamuud oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa labada dhinac ka dalbaday inay si shuruud la’aan u joojiyaan dagaalka haatan ka socda Guriceel. ‘Waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn loo joojiyo dhiillada colaadeed ee taagan. Dagaalku ma xalliyo khilaafaadka siyaasadda ee waxa uu abuuraa kala fogaansho hor leh,” ayuu yiri musharrax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale wuxuu ku taliyey in xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa labada dhinac lagu dhammeeyo miiska wada-hadalka, si la qaboojiyo colaadda kasoo cusboonaatay Galmudug. “Kala aragti duwanaanshaha siyaasadda waa in lagu xalliyaa miiska wadahadalka, iyadoo la dhowrayo jiritaanka, sharciyadda iyo midnimada dowlad goboleedka Galamudug,” ayuu raaciyey. Hadalka Xasan Sheekh ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan dagaal u dhexeeya labada dhinac uu ka socdo waqooyiga Guriceel, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Halkan hoose ka aqriso:- BAAQ NABADEED Xaaladda Galmudug Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelada iyo qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday dagaalka Guraceel, dhaawacyadana waxaan u rajeynayaa bogsasho degdeg ah. Waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn loo joojiyo dhiillada colaadeed ee taagan. Dagaalku ma xalliyo khilaafaadka siyaasadda ee waxa uu abuuraa kala fogaansho hor leh. Odayaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta, Ganacsatada, Haweenka dhallinyarada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada waa in ay qaataan kaalintooda ku aaddan deminta colaadda. Lama aqbali karo in dhiigga dhallinyaro Soomaaliyeed uu daadanayo, bulshada inteeda kalena daawato. Kala aragti duwanaanshaha siyaasadda waa in lagu xalliyaa miiska wadahadalka, iyadoo la dhowrayo jiritaanka, sharciyadda iyo midnimada dowlad goboleedka Galamudug. The post Xasan Sheekh oo war kasoo saaray dagaalka GURICEEL appeared first on Caasimada Online.
  11. Wasiir lagu eedeeyay inuu Muhaajiriin u diiday dalkiisa oo Maxkamad la soo taagay Matteo Salvini Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ee Talyaaniga, Matteo Salvini, ayaa la soo taagay maxkamad ku taalla Sicily, isaga oo lagu eedeeyay inuu ka hor istaagay dooni muhaajiriin sidday in ay soo xirto bishii August 2019. Mr Salvini, oo ah hoggaamiyaha xisbiga garabka midig ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta afduub iyo in uu ka gaabiyay waajibaadkiisa. Tiro kale o hore wasiir uga ahaa Taliyaaniga ayaa loo yeeray si ay ugu marqaati furaan. Haddii Mr Matteo Salvini lagu helo dacwadaha lagu so oogay waxaa uu wajahi karaa 15 sano oo xabsi ah. Qaran News
  12. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee hay’adda UNHCR u qaabilsan Geeska Afrika Danjire Maxamed Cabdi Afey. Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu sheegay in Ra’iisul wasaaruhu qaabilay ergayga gaarka ah ee hay’adda UNHCR u qaabilsan Geeska Afrika Danjire Maxamed Cabdi Afey. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in labada mas’uul ka wada hadleen xaaladaha bani’aadnimo ee dalka iyo sidii loo gargaari lahaa dadka ku nool deegaannada ay abaaruhu saameeyeen. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo qaabilay ergayga gaarka ah ee hay’adda UNHCR u qaabilsan Geeska Afrika appeared first on Puntland Post.
  13. Ex-wasiir Xaglatoosiye oo beeniyey Warar Baraha Bulshada dhex wareegaya Saleebaan Xagla Toosiye wasiirkii hore ee Caafimaadka Somaliland oo ku sugan magaalada Buuhoodle ayaa goordhweyd xaqiijiyay inaanu kamid aheyn garabka ka xisbiga Kulmiye ee wadahadalka kula jira Xisbiga Waddani. wuxuu sidoo kale xaqiijiyay i aanu sinaba uga mid noqon Karin Xisbiga Waddani. Ex Wasiir Xaglo Toosiye ayaa markii hore lagu tirinayay siyaasiyiinta Kulmiye ee Waddani wadahadalku u socdo, ee uu hoggaamiyo Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi. Qaran News
  14. Dadka deggan Galmudug ayaa berri oo isniin ah u dareeraya doorasho qof iyo cod, iyada oo ay ku tartamayaan xibiyo siyaasi ah codadka saddexda degmo ee Qardho, Ufeyn iyo Eyl. Ilaa 46,839 waa tirade guud ee dadka la diiwaangeliyey, halka kaararka la bixiyey ay gaareen 37,578, magaalooyinkana waxaa ugu dad badan Qardho oo la diiwaangeliyey 25,405 iyo kaararka la qeybiyey 20,620, Ufeyn sidoo kale dadka la diiwaangeliyey waa 9,964 kaararka la qeybiyana 8,287 halka Eyl la diiwaangeliyey 11,470 kaararka la qeybiyana waa 8,671. Xogaha kale ee ku saabsan doorashada waxaa ka mid ah in ay tartamayaan sideed urur siyaasadee, 499 musharax oo u tarmaya kuraas gaaraya 87 kursi oo golaha deegaanka ah oo kala yaalla 33 kursi oo Qardho ah, Eyl 27 iyo Ufaweyn 27 kale. Guddoomiyaha ururada bulshada ee PUNSA Faysal Axmed Warsame ayey Goobjoog News wax ka weydiisay kalsoonida lagu qabo doorashadan iney tahay mid hufan ayaa waxaa uu yiri “Bulshada rayidka, ururada siyaasadda iyo guud ahaan shacabka waxaa ka muuqato qanaaco, aad ayaan ugu faraxsanahay sida dowladda ay daacad uga tahay doorashada, kalsooni abuurka waxaa ka mid ah ganaaxa lagu riday ururka dowladda ee Kaah”. Puntland waa maamulka keliya ee ku jira dowladda federaalka ah ee leh guddi doorasho, dadkiisa diiwaangeliyey isla markaana qabanaya doorasho qof iyo cod. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Guriceel (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa weli laga heyalayaa khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo markale saaka dib uga qarxay gudaha magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka. Dagaalka oo u dhexeeyo ciidamada Galmudug oo kaashanaya, kuwa dowladda iyo Ahlu Sunna oo dhinac ah ayaa geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Dagaalka saaka ayaa dadka ku dhintay waxaa ka mid ah taliyihii garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ee ciidanka nabad sugida, Cabdiqani Maxamed Diiriye. Marxuumka ayaa qeyb ka ahaa saraakiisha hoggaamineysa dagaalka ay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ku qaadeen magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Cabdiqani ayaa daqiiqado ka hor geeridiisa Facebook-ga ku soo qoray ‘ama geeri ama gurigeyga’, wuxuuna ugu dambeyn ku dhintay dagaalkii qaraaraa ee ka dhacay halkaasi.Dagaalka ka socda Guriceel ee lagu qaaday Ahlu Sunna ayaa noqday mid lagu hoobtay waxaana illaa iyo haddda ku dhintay dad kor u dhaafaya 20 qof oo ay ku jiraan saraakiil. Xaaladda ayaa haatan degan, waxaase weli is horfadhiya ciidamada labada dhinac, kuwaas oo wada is uruursi yo sidoo kale dhaq-dhaqaaqyo milatari iska soo horjeedo. The post Geeridiisa ka hor: “Ama geeri ama gurigeyga” appeared first on Caasimada Online.
  16. Galmudug government has given Alhu Sunna Waljamaa fighters two hours to vacate Guriel Town, state run media said Sunday morning. Source: Hiiraan Online
  17. Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari Xuseen Cali Maxamuud ayaa war ka soo saaray hannaanka sugidda Amniga Gobolka Bari xilli degmada Ufayn oo ka tirsan Gobolkaas ay doorashadu ka dhacayso. G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa ugu baaqay ciidamada Booliska ee Gobolka Bari in ay ku sugnaadan goobahooda shaqada islamarkaana ay gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo igmaday. Taliye Xuseen ayaa sida oo kale sheegay in la xiri doona isku socodka Gaadiidka 24 saac laga bilaabo lixda Makhribnimo ee maanta dhamaan Degmooyinka Gobolka Bari waxaana uu bulshada faray in ay qaataan Awaamiirta. PUNTLAND POST The post Booliiska Gobolka Bari oo sheegay in muda 24-saac ah la xiray Isu-socodka Gobolkaas appeared first on Puntland Post.
  18. Guriceel (Caasimada Online) – Xaaladda magaalada Guriceel ayaa weli kacsan, waxaana saaka dib uga qarxay dagaal culus oo u dhexeeyo ciidanka Galmudug oo kaashanaya, kuwa dowladda iyo xoogaga Ahlu Sunna Waljamaaca oo dhinac ah, kaas oo hadda yara qaboobay. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu saaka ka dhacay dhanka Jaamacadda, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada daacadda u ah hoggaanka sare ee Ahlu Sunna. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in dagaalkan ay barbar socotay duqeyn xoogan oo lala beegsaday xaafadaha ay ku sugan yihiin xoogaga Ahlu Sunna Waljamaaca. Dhinaca kale warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda ay aqbaleen in fursad la siiyo hoggaanka Ahlu Sunna iyo ciidamadooda, si ay uga baxaan gudaha Guriceel, isla-markaana loo furo waddo ay uga baxaan magaaladaasi. Ujeedka ayaa lagu sheegay inay tahay in la siiyo Ahlu Sunna fursad ay dhaawacyada illaa shalay yaalay iyo meydadka ku qaataan, sida ay warisay warbaahinta qaranka. Sidoo kale warkan ayaa lagu sheegay in muddo laba saacadood oo kaliya loo qabtay Sheekh Maxamed Shaakir inuu uga baxo magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud. “Labo saacadood ayaa la siiyey Sheikh Shaakir in uu Guriceel uga baxo, kadib dalabkiisa taasi oo ku eg lixda Duhurnimo,” ayaa lagu yiri qoraalkan. Guriceel ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay dagaallo culus oo lagu hoobtay, kuwaas oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba. The post Sheekh Maxamed Shaakir oo ‘loo qabtay inuu saacado uga baxo’ degmada Guriceel appeared first on Caasimada Online.
  19. Dowladda Soomaaliya iyo maamulka galmudug ayaa laba saacadood u qabtay in ururka ahlu-sunna ay isaga baxaan magaalada guriceel. Qoraal ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in wadaadka hogaamiya kooxda iyo ciidamadiisa loo qabtay in magaalada ay ka qaatan dhaawacyada iyo maydadka kooxda magaaladana ay isaga baxaan sida dowladda ay sheegtay. “Madaxda Galmudug iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa ugu dambeyn aqbalay in maleeshiyaadka Ahlu-Sunna ee lagu go’doomiyay qaybo ka mid Guriceel loo furo wado ay ku baxaan, isla markaana la siiyo fursad ay dhaawacyada ilaa shalay yaalay iyo meydka ku qaataan.” ayaa lagu yiri war lagu daabacay warbaahinta dowladda. :Labo saacadood ayaa la siiyay Sheekh Shaakir in uu Guriceel uga baxo, kadib dalabkiisa taasi oo ku eg lixda duhurnimo ee maanta.” ayaa la sii raaciyay hadalka dowladda ka soo baxay. Source: goobjoog.com
  20. Wararka naga soo gaarayo magaalada Gurciceel ayaa sheegaya in goordhaw tira madaafiic ah ay ku dhaceen Isbitaalka weyn ee magaalada. Qaar ka mid ah dadka ku sugan Isbitaalka oo Goobjoog News ay xiriir la sameysay ayaa u suura gali weysay in aan la hadalno xilli ay sheegen in ay naftooda kala baxsadeen Isbitaalka. Xaaladda magaalada ayaa sidoo kale lagu soo waramaya in ay aad u kacsan tahay lagana cabsi qabo in markale uu dagaal magaalada ka dhex qarxo. Wararka naga soo gaarayo magaalada ayaa sidoo kale sheegaya in goordhaw uu dhintay taliyihii nabad sugidda ee garoonka dhuusamareeb Cabdiqani Maxamed Diiriye. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ahlusunna ku go’doonsan yihiin magaalada Guriceel, islamarkaana la siiyay fursad ay kaga baxaan magaalada laba saacadood gudahood. Warbaahinta dowladdu waxay sheegtay in Hoggaanka Ahlusunna dalbaday in la siiyo fursad ay kaga baxaan Guriceel, kadibna Madaxda Galmudug aqbashay dalabka ka yimid dhinaca Ahlusunna. Dhinaca kale, Taliyihii Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb ee Ciidanka Nabad-sugidda, Cabdiqani Maxamed Diiriye ayaa la xaqiijiyay in uu saaka ku dhintay dagaalka Guriceel. Ma jirto wali cid si madax bannaan uga hadashay xaaladda Guriceel, iyadoo ay soo baxayaan baaqyo lagu dalbanayo in dagaalka la joojiyo. PUNTLAND POST The post Taliyihii Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb oo ku dhintay dagaalka Guriceel appeared first on Puntland Post.
  22. Guriceel (Caasimada Online) – Maamulka magaalada Guriceel ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa si adag kaga hadlay dagaalka ka socda gudaha magaaladaasi ee u dhexeeya ciidamada maamulka oo kaashanaya kuwa dowladda iyo Ahlu Sunna oo dhinac ah. Maamulka ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah ee weli ku sugan gudaha Guriceel in aysan ka soo bixin guryahooda inta uu socdo howl-galka ka dhanka ah Ahlu Sunna Waljamaaca “Waxaan rabaa inaan baaq u diro reer Guriceel ee ku sugan magaalada dhexdeeda magaalada waxaa ka socda howl-gal Emergency ah howl-galkaas oo ciidamada dowladda ay ku raad joogaan amaba ay ku baacsanayaan qolooyinka ay nabaddu dhibtay waxaan u sheegeynaa markaa dadka reer Guriceel inay guryahooda ku nagaadaan ayna soo bixin inta uu socdo howl-galka, si loo kala saaro nabad diidka iyo dadka shacabka ah ee jooga magaalada dhexdeeda ,” ayuu yiri mas’uul u hadlay maamulka magaalada Guriceel. Sidoo kale wuxuu shaaciyey in ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay si buuxda ula wareegeen magaalada, ayna gacanta ku dhigeen maxaabiis, sida uu hadalka u dhigay. “Ciidamada dowladda waxay gacanta ku hayaan dhamaan degmada Guriceel, waxaa u suurta gashay inay gacanta ku soo dhigaan maxaabiis fara badan oo ah dadkii ka dagaalamayay qayba ka mid ah degmada Guriceel,” ayuu markale ku yiri khudbadiisa. Ugu dambeyn wuxuu baaq kale u diray dhalinyarada ka barbar dagaalameysa Ahlu Sunna, isaga oo ugu yeeray inay isku soo dhiibaan ciidamada dowladda Soomaaliya. “Waxaan rabaa inaan baaq labaad u diro qolooyinka weli ku harsan meelaha yarka ah fara ku tiriska xabadaha kasoo ridayo inay si nabad ah isku soo dhiibaan.” ayuu sii raaciyey. Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana haatan dagaalka oo ah mid goos goos ah uu ka socda dhinaca waqooyi ee magaaladaasi. Guriceel oo ah magaallo ganacsi ayaa xudun u noqotay xiisadda ka taagan gobolka Galgaduud ee u dhexeyso Ahlu Sunna Waljamaaca iyo dowlad goboleedka Galmudug. The post Maamulka Guriceel oo war xasaasi ah kasoo saaray DAGAALKA magaaladaas appeared first on Caasimada Online.