Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,387
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Istanbul (Caasimada Online) – Casho sharaf lagu qabtay Maqaaxida Dalsan ee ku taal Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa lagu soo gabagabeeyay aqoon is-weydaarsi 10 cisho soconayay, loogana hadlayay walbahaarka ka dhasha isticmaalka xad-dhaafka ah ee aaladaha Internet-ka ku shaqeeya Aqoon isweydaarsigan, ayaa loo qabtay soddomeeyo dhalinyaro ah, kana kala yimid dalalka Netherlands, Sweden, Finland, France, Italy & Turki, waxaanna casharo ka bixinayay Joequin Martin & Ekaterine oo u kala dhashay dalalka Spain & Georgia. Cabdifataax Jaamac [Janna-gale] oo ah khabiir in muddo ah ka soo shaqeynayay howlaha ijticmaaciga ah ee kor loogu qaadayo wacyiga bulshada, ayaa ugu horreeyn munaasabada casho sharafta ka hadlay, isaga oo tilmaamay in 10 cisho kaddib ay hayaan guul la taaban karo. “10-kii cisho ee aan ku sugnayn Talen Hoteel oo ku yaal xaafada [Kaynarca] mowduucyada aan ka doodeynay oo aan si cilmiyeysan dhinac waliba isaga tusnay haddeey tahay wanaaga uu leeyahay isticmaalka digital-ka & haddii lagu talax-tago isticmaalkiisa dhibaatooyinka ka dhasha oo aan si fiican isula lafa-gurnay, haddana faa’iidada kale ee aan dhaxalnay waxay tahay in dhalinyaro dalal kala duwan ka yimid ay isku barteen iskuna dhaafsadeen khibrad & aqoon”Ayuu yiri C/fitaax Janna-gale, wuxuuna kula dardaarmay dhalinyaradii dhammeystay aqoon isweydaarsiga ee la guddoonsiiyay shahaadada in aqoontii & khibradii ay ka kororsadeen muddadii uu socday aqoon isweydaarsiga in ay la wadaagaan dhalinyarada kale ee aan fursada u helin. “Waxaa suurtagal ah in ay jiraan dhalinyaro adinka oo kale ah oo jeclaan lahaa in ay helaan fursadan adinku aad hesheen, haddana aysan u suurtagelin waxaan idinka codsaneynaa inaad la wadaagtaan wixii aad halkan ka barateen cid kasta oo kale”Ayuu yiri Janna.Gale, wuxuuna ugu dambeyntii u mahadceliyay hay’adda Erasmus+ oo suurtagelisay in aqoon kororsigani uu qabsoomo. C/shakuur Cilmi Xassan oo ka socday Hay’adda Jamaal Foundation, ayaa ka hadlayay casha sharaftaasi, wuxuuna u mahadceliyay fursada ay u heshay Jamaal Foundation qabanqaabada munaasabadan. “Mowduucan [Digital distress] wuxuu ka mid yahay kuwa ugu muhiimsan maanta ee u baahan in si cilmi ah loola fal-galo, waayo dhalinyaro & waayeel intuba taleefanku wuxuu la mid noqday wax ku shaqeeya DNA-deena, tallooyinkii la is weydaarsaday waxay ahaayeen kuwa dhaxalgal ah”Ayuu yiri C/shakuur, wuxuuna intaasi ku daray inuu ku faraxsan yahay in 10-kii cisho ee ay ku sugnaayeen goobtii aqoon isweydaarsigu ka dhacay in wax waliba ay ugu dhammaadeen sidii loogu talogalay. Shaqsiyaadka gacanta weyn ka geystay abaabulka & qabsoomida aqoon isweydaarsigan waxaa ka mid ahaa; Wasiir ku xigeenkii hore ee warfaafinta dowlad goboleedka Puntland C/risaaq Shiikh Adduun. “Dhalinyaradu waxay fursad u heleen in ay dood caafimaad leh doodaan, is dhageystaan, mid waliba uu na la wadaago khibradiisa, aqoontaas la kala kororsanayo haddii lagu kabo [motivation] oo la la yimaado isbeddel ku dhisan aqoon iyo ilbaxnimo waxaa la gaarayaa halka loo socdo” Ayuu yiri Wasiir C/risaaq Shiikh Adduun. Qoraa C/casiis Cali Ibraahim [Xildhibaan] oo ka mid ahaa aqoonyahanadii lagu casuumay aqoon isweydaarsiga ayaa ku baraarujiyay dhalinyaradii madasha ku sugneyd sheekooyin ka tarjumaya sida la isku qabadsiin karo in iyada oo laga faa’ideysanayo aaladaha ku shaqeeya internet-ka, haddana ay tahay inaan [addicted] lagu noqon. Gabagabadii siminaarka waxaa la guddoonsiiyay dhalinyaradii ka soo qeybgashay shahaado, waxaanna lagu soo afjaray xaflad casha sharaf ah. The post Sawirro: Aqoon-isweydaarsi 10 cisho ka soconayay Turkey, oo lasoo gaba-gabeeyey appeared first on Caasimada Online.
  2. Guriceel (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga Galmuudg ayaa soo saartay amar culus oo la xiriira amniga magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay shalay ciidamada maamulkaas iyo kuwa dowladda ay kala wareegeen xoogaga Ahlu Sunna. Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug oo la hadlay wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday in haatan wixii ka dambeeya qof aan ciidan aheyn aysan hub ku dhex qaadan karin Guriceel, isagoo sheegay in la xaqiijiyey amniga degmada. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in amniga magaalada ay u xil-saareen laba koox oo baaris dheeraad ah ku sameynaya goobihii lagu dagaalamay, si ay xaaladda u qiimeeyaan. Waxa kale oo uu xusay in ka wasaarad ahaan ay soo saari doonaan xeer deegaanada Galmudug looga mamnuucayo hubka, si dadka hubeysan looga dhigo hubka. Ugu dambeyn ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta Galmudug ayaa iyana ugu baaqay inay ku sugnaadaan xeryahooda, marka laga reebo inay howl-gallo ku jiraan. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada dagaallo qaraar oo u dhexeeyey Ahlu Sunna iyo Galmudug ay ka dhaceen Guriceel, kaas oo geystay dhimasho, dhaawac burbur & barakac. Si kastaba, Galmudug ayaa haatan dooneysa inay gacan bir ah ku qabato amniga gobollada Galgaduud iyo Mudug, si ay uga hortagto dagaallo markale ka dhaca halkaasi. The post GALMUDUG oo amar culus soo saartay, kadib dagaalkii Guriceel appeared first on Caasimada Online.
  3. The office of U.S. Rep. Ilhan Omar, D-Minn., received a package with a “suspicious substance” on Tuesday, but law enforcement confirmed the substance is not hazardous. Source: Hiiraan Online
  4. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa Xafiiskiisa Garowe ku qaabilay wefti ka socday hay’adda IFES oo ka shaqaysa arrimaha doorashooyinka. Wasiirka Dhabancad iyo xubnaha ka socday hay’adda IFES ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya gaar ahaan Puntland iyo sidii hay,adda IFES gacan uga geysan lahayd wajiga labaad ee doorashooyinka Degmooyinka Puntland ee hal qof iyo hal cod. PUNTLAND POST The post Puntland iyo hay’adda IFES oo ka wada-hadlay arrimaha doorashooyinka appeared first on Puntland Post.
  5. Bangiga Adduunka, ayaa hakiyey kaalmadii uu u fidin jirey Sudan, kadib markii ciidamada military-ga ee dalkani, ay afgambi kagala wareegeen dowladdii rayidka aheyd talada dalkaasi. Hoggaamiyeyaal siyaasadeed ayaa la xirey isniintii, taasoo dhalisay mudaaharaadyo dalka oo idil ah, iyo cambaareyn caalami ah. Midowga Africa, ayaa sidoo kale ka joojiyey xubinnimadii ururka ee dalka Sudan, sababo la xiriira qabsashada aan sharciga aheyn ee xukunka ee ciidana military-ga. Mareykanka ayaa xayirey 700 oo milyan oo Doolar, oo gargaar ah. Hoggaamiyeyaasha ciidanka iyo kuwa rayidka ah, ayaa galey awood qeybsi aad u nugul, labadii sano ee lasoo dhaafay. PUNTLAND POST The post Bangiga Aduunka oo hakiyay gargaarkii uu siin jirey Sudan appeared first on Puntland Post.
  6. MOGADISHU (HOL) - A former UN monitoring coordinator Matthew Bryden was sentenced to five years in absentia by a court in Mogadishu on Tuesday for what the court called 'leaking state secrets.' Source: Hiiraan Online
  7. Among the once-taboo professions emerging from Somalia’s decades of conflict and Islamic extremism is the world of arts, and a 21-year-old female painter has faced more opposition than most. Source: Hiiraan Online
  8. Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamad Nor ayaa kormeeray Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, halkaasi oo uu kula kulmay saraakiisha booliska. Wasiirka ayaa warbixin ka dhegeystay Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliya Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiisha kale ee Booliska, kuwaasi oo ka hadlay xaaladda guud ee amniga iyo qorsheyaasha Booliska uga degsam xoojinta iyo sugidda Nabadgelyada. Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa kula dardaarmay Saraakiisha Booliska adkeynta amniga gaar ahaan goobaha doorashooyinka, maadaama dhawaan la guda geli doono doorashada kuraasta Golaha Shacabka, waxaana uu kormeeray qeybaha xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo warbixin la wadaagay Wasiirka Amniga appeared first on Puntland Post.
  9. Kooxda Ahlu suna ee Gobollada Dhexe ayaan caan ku ahayd 10 sano ka badan inay hadba la falgasho dowladihii isaga danbeeyay ee dalka oo xilal iyo kharash badan ay ka heshay. Macalin Maxamuud iyo xertiisa waxay kasoo hareen dhaqdhaqaaqa Suufiyada ee ka kacay Guud ahaan Koonfurta Soomaaliya, waxayna noqdeen awoodda ugu weyn ee ka jirta Koonfurta dalka, iyadoo ugu danbeyn qeyb ka noqday Maamulkii Galmudug ee kala qeybsanaanta ragaadisay 2019. Dowladii ay hoggaaminayeen Farmaajo iyo Xasan Kheyre waxay isku dayday inay Ahlu Sunna waanwaan iyo heshiisyo hoose la gasho, balse si kasta oo arrintooda loo xaliyey, waxay markii dambe xaaladu tagtay in awood lagu maquuniyo oo Dhuusamareeb xoog looga saaro, waxaan sidaasi lagu doortay Madaxweynaha ay Villa Somaliya wadatay ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor). Maamulkii awoodda lagu dhisay ee loo dhiibay Qoorqoor wuxuu xoogga saaray inuu la heshiiyo siyaasiyiintii ka horjeeday ee Beeeshiisa, wuxuuse iska iloobay halista ugu weyn ee Galmudug oo ahayd Ahlu suna. Khaladaadka Madaxweyne Qoorqoor ku dhacay ee keenay in Ahlu suna dib u soo noolaato, halisna geliso maamulkiisa waxay kala yihiin: 1- Qooqoor marna iskuma dayin inuu dhiso ciidamo adag oo Galmudug leedahay, wuxuuna mar kasta ku tiirsanaa Ciidamada Federaaka iyo Madaxweyne Farmaajo, taasina waxay keentay in Galmudug ay iska celin weydo duullaanada Alshabaab iyo laba kacleynta Ahlu suna iyadoo aan taageero ka helin Dowladda Federaalka. 2- Madaxweyne Qoorqoor wuxuu waqtigiisa badan ku qaatay magaalada Muqdisho, isagoo xooggiisa ku bixiyey arrimaha khilaafka Doorashooyinak Federaalka iyo taageerada Farmaajo, isagoo aan horumar la taaban karo ka sameyn maamulkii uu madaxda ka ahaa dhinac kasta. 3- Qoorqoor wuxuu ku fashilmay inuu xoojiyo maamulka Galmudug, isla markaana kalsooni ka dhex abuuro beelaha cabashada qaba, iyo kooxaha halista gelin kara, mana jirin qorshe ay Galmudugta Qoorqoor u dejisay in maamul karti leh lagu sameeyo. 4- Madaxweyne Qoorqoor wuxuu gebi ahaan iska iloobay awoodda Ahlu suna iyo taageerada ay ku leedahay Gobollada Dhexe, wuxuuna yareystay inay xilli kasta is abaabuli karaan, sidoo kale ma jirin xal uu ka raadiyey madaxdii Ahlu suna ee la maquuniyey. 5- Sida Qoorqoor u maamulay dagaalkii Guriceel ee qasaaraha badan dhaliyey waxay ahayd farsamo xumo weyn oo ka dhalatay khibrad la’aanta iyo qorshe la’aanta Galmudug, waxaana sal u ahaa Doorashada la filayo inay Galmudug ka dhacdo oo Axmed Qoorqoor u muuqday inuu dhinac u janjeero, Galmudugta cusub ee kadib dagaalkii Guriceel ma noqon doonto mid la mida Galmudugtii hore, waxaana Qoorqoor uu hadda wajahayaa xaalad cakiran oo aanu Galmudug isku sii heyn karin, haddii uu doonayo inuu ku tiirsanaado milatariga dowladda Federaalka. Isha: Goobjooge.net The post Khaladaadkii uu ku kacay Qoor Qoor ee keenay inay Ahlu-Suna dib usoo noolaato appeared first on Caasimada Online.
  10. Dhakhtarad Ajaaniba oo iska soo tuurtay Fooq ku yaalla Garoowe Dr. Nadia Omar oo ah dhakhtar ku takhakhusay xanuunada Haweenka una dhalatay dalka Ethiopia ayaa xalay iska tuurtay qaybta ugu saraysa ee dhismaha CITY VIEW Hotel oo kamid ah dabaqyada dhaadheer ee Garoowe Dr. Nadia ayaa lagu warramay inuu gaadhay dhaawac culus, islamarkaana ay xaaladeeda halis tahay. Dhakhtaradan, oo ah gabadh dhalinyara oo kasoo jeeda gobolka Amxaarada ee dalka Ethiopia, ayaa la sheegay inay Muslim tahay, ayna u dhaxdo dhakhtar asal ahaan kasoo Jeeda dalka Syria balse haysta dhalashada Turkiga, kaasi oo lagu magacaabo Maxamed Cabdixamiid. Dr. Maxamed ayaa ku takhasusay xanuunada gaaska iyo uur ku-jirta. Dr. Nadia ayaa bilowgii sanadkan ka tagtay shaqadii ay ka haysey Garoowe gaar ahaan Qaran Hospital oo ay ka ahayd dhakhtar xanuunada Haweenka ah. Intii ay ka hawlgelaysey Qaran Garoowe waxay fulisey hawlgalo caafimaad oo aad u culus oo ay ku jireen qaliimo adag, kuwaasi oo dhamaan ay ku guulaysatey. Illaa iyo hadda ma cadda sababta ay Dr. Nadia dabaqa isaga soo tuurtay oo ay nafteeda halis u gelisay. Laamaha ammaanka Garoowe ayaa wada baadhitaano ku aadan sababta keentay shilka. Qaran News
  11. Siddeed Cunto oo sababa Gaaska Caloosha Socodka waa shey dabiici ah. Qofka caadiga ah wuxuu socdaa 5 ilaa 15 jeer maalintii. Balse haddii caloosha aad ka qabto gaas kuuma suuragaleyso in aad caafimaad ku sameyso lugeys ama jimicsi kale. Dabcan waxaa intaas sii dheer xanuun iyo dhibaato shakhsi ahaaneed. Khubarada waxay ku doodaan in waxyaabaha laab-jeexa keena ay yihiin kuwo u wanaagsan caafimaadkaaga guud, sida caleenta maaddada fiber-ka laga helo iyo cuntooyinka carbohydrates-ka. Jirkaaga awood uma laha inuu burburiyo raashinkan balse bakteeriyada ku jirta dheef shiidkaaga ayaa shaqadaas qabaneysa. Sidaas darteed, maxay yihiin noocyada cuntooyinka aad u baahan tahay marka aad soconeysid, raashinka noocee ah ayaa sababa shiirka badan ee jirka, waase goormee marka aad u baahan tahay inaad dhakhtar la tashato? 1. Raashinka dufanka leh Cuntooyinka dufanka leh waxay gaabis ka dhigaan shaqada dheef shiidka, sidaas darteed raashinkaas wuxuu ku daahayaa uur ku jirtaada, wuu ku dhex qurmayaa wuxuuna sababi karaa inay neeftaada soo shiirto. Hilibka baruurta leh waxaa ku badan maaddooyinka aashitada wata ee amino-acids, methionine iyo sulfur. Bakteeriyada jirkaaga ayaa burburineysa sulfur-kii kaddibna waxay ka dhigeysaa nooc kale oo ah “hydrogen sulfide”. Markaas wuxuu usoo urayaa sida ukun quruntay oo kale. Arrintaas waxay kordhineysaa xaddiga gaaska ee calooshaada ay sii deyso marka aad cunto hilibka iyo raashinka kale, sidaas ayuuna laab jeex ku imaanayaa marka gaaskii tirada badnaa uu usoo gudbo meelo ka baxsan caloosha. 2. Caleenta cagaaran Khudaarta caleenta ah waxaa ku badan maaddada fiber-ka oo uu jirkeenna u baahan yahay, balse waxay sidoo kale wadataa sokor ay seynisyahannada u yaqaannaan “raffinose”. Skortaas jirkaaga lama falgali karo, sidaas darteedna waxaa ka imaan kara jahwareer caafimaad oo dhanka dheef shiidka ah. Toos waxay u aadeysaa mindhicirrada oo u isticmaalaya tamar ahaan. Hannaankaas waxaa ka dhalanaya “hydrogen, methane” waxaana ka abuurmaya neef ur badan. 3. Ukunta Fikrado kala duwan ayay dadka ka qabaan ukunta, balse inteenna badan gaas kama dhaxalno cunista ukunta. Laakiin waxaa xaqiiqo ah inay ku jirto maaddada methionine oo ka kooban Sulfur. Marka haddii aad dooneyso in aadan si xun u shiirin ukunta haku cunin raahinka kale ee dufanka leh. Haddii ay calooshaada aariyo ku dibirto ama aad shubanto marka aad ukun cunto, waxaa suuragal ah in uusan dheef shiidkaaga si fiican ula shaqeyneynin ukunta ama aad xasaasiyad ku qabto. 4. Basasha Basasha, toonta iyo cuntooyinka la midka ah waxay sababi karaan aariyo caloosha ka buuxsanta oo sababa dibiro ama gaas. 5. Cuntooyinka ka sameysan caanaha Caanaha lo’da iyo kuwa ariga waxay ka sameysan yihiin maaddo la yiraahdo “lactose” oo kordhisa gaaska sokorta. Taas waxaa kasii muhiimsan in 65% ka mid ah dadka waaweyn ee ku nool caalamka aysan awood u lahayn inuu dheef shiidkooda burburiyo lactose, waxayna u badan tahay inay ka cawdaan gaas iyo laab jeex haddii ay cunaan raashinka ka sameysan caanaha. 6. Qamadiga iyo haruurka oo dhan Maaddooyin gaaska badan soo saara iyo fiber ayaa ku jira qamadiga iyo badarka kale ee qolofta leh, sida galleyda iyo masagada. Marka uu raashinka noocan ah dheef shiidka ku adkaado waxay caloosha soo saartaa aashito gaas ah oo ka tiro badan xaddigii loo baahnaa. 7. Kabashka iyo khudaarta la midka ah Si la mid ah khudaarta kale ee cagaaran, kabashka, broccoli iyo caleenta kale ee noocaas ah waxay dhammaantood dhibaan dheef shiidka, kaddibna caloosha waxay ka dhigataa tamar si ay u soo saarto gaas xad dhaaf ah oo shiida ama burburiya. In badan oo ka mid ah khudaartan waxay abuuraan sulfur, sidaas darteed waad qiyaasi kartaa sida uu urkooda u xoog badan yahay. 8. Mirahan Qaar badan oo ka mid ah miraha khudaarta ah, sida tufaaxa, cambaha iyo kuwa la midka ah waxay ku jiraan raashinka ay adag tahay in si dhakhso ah uu caloosha ugu burburo. Mararka qaar tufaaxa iyo khudaarta isagoo kale ah waxay leeyihiin fiber waxtar weyn u leh caloosha inkastoo dhanka kalena ay kordhinayaan gaaska. Dad badan way ku adag tahay inay dheef shiidka ku baabi’iyaan haddana kama maarmi karaan. Gabagabadii, dhakhtar la tasho haddii raashinka noocyadan ah ay kuu horseedayaan dhibaato ka badan sida caadiga ah. Qaran News
  12. Garowe (Caasimada Online) – Dr. Nadia Omar oo ah dhakhtar ku takhakhusay xanuunada Haweenka una dhalatay dalka Ethiopia ayaa xalay iska tuurtay qaybta ugu saraysa ee dhismaha CITY VIEW Hotel oo kamid ah dabaqyada dhaadheer ee Garoowe Dr. Nadia ayaa lagu warramay inuu gaaray dhaawac culus, islamarkaana ay xaaladeeda halis tahay. Dhakhtaradan, oo ah gabar dhalinyar oo kasoo jeeda gobolka Amxaarada ee dalka Ethiopia, ayaa la sheegay inay Muslim tahay, ayna u dhaxdo dhakhtar asal ahaan kasoo Jeeda dalka Syria balse haysta dhalashada Turkiga, kaasi oo lagu magacaabo Maxamed Cabdixamiid. Dr. Maxamed ayaa ku takhasusay xanuunada gaaska iyo uur ku-jirta. Dr. Nadia ayaa bilowgii sanadkan ka tagtay shaqadii ay ka haysey Garoowe gaar ahaan Qaran Hospital oo ay ka ahayd dhakhtar xanuunada Haweenka ah. Intii ay ka hawlgelaysey Qaran Garoowe waxay fulisey hawlgalo caafimaad oo aad u culus oo ay ku jireen qaliimo adag, kuwaasi oo dhamaan ay ku guulaysatey. Illaa iyo hadda ma cadda sababta ay Dr. Nadia dabaqa isaga soo tuurtay oo ay nafteeda halis u gelisay. Laamaha ammaanka Garoowe ayaa wada baaritaano ku aadan sababta keentay shilka. The post Gabar dhakhtar oo ajnabi ah oo iska soo tuurtay dabaq ku yaalla magaalada Garoowe appeared first on Caasimada Online.
  13. The Ministry of Foreign Affairs (MOFA) has announced that a Somaliland-Taiwan trade expo will begin Nov. 4 to promote trade between Taiwan and East African countries and assist industry players to enter emerging markets. At a press conference on Tuesday (Oct. 26), Deputy Director of MOFA’s International Cooperation and Economic Affairs Chiu Chen-yu (邱陳煜) said in addition to the expo’s opening ceremony, an East African business matchmaking event will also be launched, CNA reported. Additionally, the Importers & Exporters Association of Taipei (IEAT) and the Somaliland Chamber of Commerce will sign a memorandum of understanding (MOU). Chiu said the trade fair is made possible by the efforts of MOFA, Taiwan External Trade Development Council, IEAT, and Taiwan’s Somaliland representative office. The virtual and in-person components of the fair as well as the business matchmaking project help promote trade exchanges between Taiwan and East African countries such as Somaliland, Ethiopia, and Kenya, Chiu said. He added they also allow businesses to enter emerging markets in the region, help them gain familiarity with the layout of the market, and find business opportunities post-pandemic, per CNA. The deputy director pointed out that Somaliland is an important trade hub along an international shipping route. He added its Port of Berbera is where the majority of East African nations barter for global goods and energy resources. EU and Middle Eastern countries have been actively investing in the region in recent years, he added. Chiu said the African Continental Free Trade Area was established on Jan. 1, which will help create a single market for trade in goods and services in Africa, adding that future business prospects look promising. He said MOFA encourages Taiwanese businessmen to make good use of Somaliland’s advantageous location to strengthen exports and sales to the East African market and use this event to develop business opportunities in the continent. The two countries organized the 2020 Taiwan Trade Fair last October, at which 160 local business and political VIPs attended the opening of the two-day event. Taiwan News Qaran News
  14. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xeer Madaxweyne ku joojiyey kala wareejinta, iibka, kireynta iyo qaab kasta oo la xiriira ka macaashka dhulka danta-guud, inta laga soo dhammeystirayo xeerarka iyo shuruucda Baarlamaanka ee hageysa. Xeerka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in dukumiinti iyo saxiix kasta oo ka dambeeyay wareegtadii kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha 18kii Jannaayo 2018 ay ka dhigan yihiin sharci darro lagu muteysan karo ciqaab. Sidoo kale xeerka ayaa lagu sheegay in xilliga doorashada mas’uulkii isku daya in uu bixiya ama la wareego dhulalka danta guud uu qaadayo mas’uuliyadda ka dhalata iyo cawaaqibta sharci ee la xiriirta ku takri-falka awoodda, dayacaadda danaha Qaranka iyo musuqmaasuqa amaanada shacabka. Hoos ka akhriso Xeerka Madaxweynaha Muqdisho, Oktoobar 27, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hortagaya in lagu takri-falo hantida dadweynaha, si musuq maasuq ahna loola wareego; Madaxweynaha oo tixraacaya dikreetada uu soo saaray 18-kii Jan, 2018-kii ee la xiriirtay ilaalinta dhulka dan-guud; Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka duulaya xogta ku saabsan in dhulalka dan guud ah sida dhulka Ciidanka Asluubta ee Ex Kontorool Afgooye, goobaha waxbarashada iyo dhul kale oo ku yaalla Suuqa Siinaay iyo u sameynta dukumiinti sharci darro ah. Hay’adaha sharciga ee ay khuseyso ayaa bilaabay baaritaan shakhsiyaadka ku lugta leh; Madaxweynaha oo garowsan in Hantida Danta-guud uu dhowray Dastuurka Kumeel-gaarka ah iyo Qaanuunka dalka, sida ku cad qodobka 43-aad ee Dastuurka, ayna waajib ku tahay Dowladda in ay u ilaaliso hantidaas si ka caaggan damac shakhsi iyo maamul xumo; Madaxweynaha oo xaqiijinaya in Dhulka Danta Guud uu ka mid yahay dhaxalka ay wadajirka u leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, aysanna jirin cid gaar ah oo xaq u leh in ay la wareegaan, iibsadaan ama kireystaan si hareer marsan dastuurka iyo qawaaniinta dalka; Waxa uu mar kale soo saaray Xeerkan; 1. Waxaa Xeer Madaxweyne lagu joojiyey heshiis kasta oo ku saabsan kala wareejinta, iibka, kireynta iyo qaab kasta oo la xiriira ka macaashka dhulka danta-guud, inta laga soo dhammeystirayo xeerarka iyo shuruucda Baarlamaan ee hageysa. 2. Maadaama Sharci Baarlamaanka Federaalku uu soo saaro ay xaddidi doonto baaxadda, muddada iyo shuruudaha rukhsadaha istcimaalka dhulka Danta-guud, lama bixin karo ruqsad ku saabsan isticmaalka si kumeel gaar ah ama abadiga ah ee berriga, badda iyo hawada sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 3. Iyadoo la tixgelinayo xilligan dalku uu u jiheystay doorashada, Masuulkii isku daya in uu bixiya ama la wareego dhulalka danta guud, waxa uu qaadayaa masuuliyadda ka dhalata iyo cawaaqibta sharci ee la xiriirta ku takri-falka awoodda, dayacaadda danaha Qaranka iyo musuqmaasuqa amaanada shacabka Soomaaliyeed. 4. Ma jiro muwaadin ama maalgashade sifo sharci ah looga iibin karo, looga kirayn karo, ama loogu hibeeyn karo dhulalka danta guud wixii ka danbeeyey 8-dii Febraayo, 2017, sida lagu caddeeyay wareegtadii kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha 18kii Jannaayo 2018. Sidaas darteed dukumiinti iyo saxiix kasta oo arrinka la xiriira waxay ka dhigan yihiin sharci darro lagu muteysan karo ciqaab. 5. Xeerkan wuxuu adkaynayaa wareegtadii dhaqangalka ahayd ee soo baxday 18kii Jannaayo 2018 ee la xiriirtay ku takri-falka iyo musuqmaasuqa dhulalka danta guud. DHAMMAAD PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo xeer soo saaray appeared first on Puntland Post.
  15. Taipei’s exclusion from agencies such as WHO draws global condemnation The Chinese delegation to the United Nations takes its place in the General Assembly in New York, Nov. 15, 1971, after being accepted into the global body the previous month. © AP TAIPEI — For two decades in its early years, the United Nations had a credibility problem. It claimed to represent the nations of the world, yet the People’s Republic of China, which was home to roughly one-fifth of humanity, was not a member. That changed on October 25, 1971, with the admission of the People’s Republic to the global body, where it took one of the five permanent veto-wielding seats on the Security Council. The government it displaced, the Republic of China, had ruled China before being toppled by Mao’s revolution and fleeing to Taiwan in 1949, where it imposed brutal martial law on the island for 38 years before democratizing in the 1990s. Today, on the 50th anniversary of the PRC’s accession, the UN once again faces a credibility problem. It denies Taiwan and its 23 million citizens membership or even observer status, in an echo of its exclusion of Beijing in the previous century. The Chinese government’s claim on Taiwan, which it has never ruled, combined with its veto power, effectively block Taiwan from any meaningful UN participation, barring a change of heart in Beijing. That does not appear to be coming anytime soon. Chinese diplomats hold more positions of influence within the UN system than any other country, and the UN and its specialized agencies treat Taiwan as part of the PRC. In January, President Tsai Ing-wen said Taiwan “will keep pushing for our participation in the United Nations, and UN-affiliated meetings and events,” thanking the U.S. for voicing support for greater inclusion for Taiwan. In a statement late Saturday, the U.S. State Department said American and Taiwanese officials had met virtually on Friday for a “discussion focused on supporting Taiwan’s ability to participate meaningfully at the UN.” Leaders of the 14 remaining countries that officially recognize Taiwan’s government also frequently speak up on an excluded Taipei’s behalf. Last month at the 76th session of the UN General Assembly, Marshall Islands president David Kabua derided the “shameful silence” regarding Taiwan in the UN. “The democratic government of Taiwan should be allowed to participate in an equal and dignified manner within the UN system,” Kabua said. Earlier this month when a Taiwanese politician criticized Taiwan’s exclusion from the UN as unfair, Zhao Lijian, a spokesman for China’s foreign ministry lashed out at the suggestion, citing General Assembly Resolution 2758 as proof that Taiwan was ineligible to participate in any capacity on its own within the body. “Resolution 2758 embodies the legal facts recognized by the international community,” Zhao said. “We firmly reject such Taiwan independence rhetoric, which will garner no support in the world.” China’s view is not shared by the U.S., which officially views Taiwan’s status as undetermined. Last Thursday a State Department official accused Beijing of twisting the intent of the resolution that gave it UN membership. “The People’s Republic of China has misused Resolution 2758,” said Rick Waters, the U.S. State Department’s deputy assistant secretary for China, Taiwan and Mongolia. “Taiwan being blocked for participation in nearly all of the UN activities creates an immense cost, not just for Taiwan, but I think to UN members as well,” Waters said Thursday at a German Marshall Fund event on the resolution in Washington. Activists set up a campaign on Times Square in New York on Sept. 14 to demand Taiwan be admitted into United Nations. © AP Taiwan’s exclusion from UN specialized agencies such as the World Health Organization and International Civil Aviation Organization has been criticized internationally, given its successful handling of the COVID-19 pandemic and its status as a major aviation hub. Resolution 2758 does not specifically mention Taiwan, it merely ejected “the representatives of Chiang Kai-shek.” The Chinese generalissimo, who ruled the island with an iron fist from 1949 to his death in 1975, always maintained that the Republic of China was the rightful claimant to the UN China seat. “The representatives of Chiang Kai-shek were expelled in 1971 because they insisted that the ROC government was the only legitimate representative of China,” said Yu-Jie Chen, an assistant research professor at Academia Sinica in Taipei. “The stance of today’s Taiwan could not be further from that position.” Taiwan President Tsai Ing-wen is technically the head of state of the Republic of China government that administers Taiwan, but she makes no claim on China’s territory. Beijing has threatened Taiwan with war if it were to remove the ROC government in favor of a nominally Taiwanese state. Despite its exclusion from the UN, Taiwan has attempted to follow the organization’s norms from the sidelines. It has adopted three UN instruments as its own law, including the Convention on the Elimination of All Forms of Discrimination Against Women, the International Covenant on Economic, Social and Cultural Rights, and the International Covenant on Civil and Political Rights. The adoption of the ICCPR in 2009 has led to a dramatic reduction in use of the death penalty in Taiwan — the number of inmates on death row dropped from 64 in 2011 to 38 this year. Julian Ku, a law professor at Hofstra University in New York, notes that Resolution 2758 deals only with which state has the credentials for the China seat at the UN, which has existed since the organization’s inception in the 1940s. The Republic of China was a founding signatory to the UN Charter. “The resolution did not address the status of Taiwan or whether Taiwan should be a member state of the UN,” Ku said. “So the UN’s later interpretation of that resolution to resolve the question of Taiwan’s status is unsupported, in my view.” One of the officials who has been on the front lines of Taiwan’s struggle for greater UN engagement is Joanne Ou, who now serves as spokesperson for the foreign ministry in Taipei. Prior to her current position, Ou worked in New York at Taiwan’s UN Task Force, and has dealt with UN-related issues for Taiwan for 13 years. “The UN chose to ignore Taiwan and help the PRC block the Taiwanese people from participating in UN activities,” Ou said. “That is contrary to the spirit of the UN Charter — I am surprised by the incredible hypocrisy that reigns in the UN.” While there may not be any clear path at the moment for Taiwan to participate in the UN as an observer or member state, officials and activists will continue to keep working toward that goal. “We are seeing more countries speaking out for Taiwan,” said Borcheng Hsu, a member of the New York-based Keep Taiwan Free campaign. “It took the People’s Republic of China 20 years to join the UN — there must be a way for Taiwan to gain entry.” Source: Nikkei Asia The post 50 years after China’s admission, Taiwan remains shut out of UN appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online – Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu mamnuucay ku takri-falka iyo musuq maasuqa dhulalka danta guud ee xilligaan uu dalku doorashada aaday. Qoraalka Farmaajo oo ka kooban shan qodob ayaa daba socda dikreeto uu soo saaray 18-kii bishii Jannaayo ee sanadkii 2018-kii, waxaana lagu mamnuucay dhamaan heshiisyadii dhulalka danta guud ee la galay wixii ka dambeeyey 8-dii Febraayo 2017 oo ah markii la doortay. Sidoo kale dikreetadani waxay ku soo aadeysaa, iyadoo degmooyinka qaar ee magaalada Muqdisho ay ka taagan yihiin muran dhuleedyo xoog leh, sida dhulka Ciidanka Asluubta ee Ex Kontorool Afgooye, goobaha waxbarashada iyo dhul kale oo ku yaalla Suuqa Siinaay. Hoos ka akhriso dikreetada Madaxweyne Farmaajo Muqdisho, Oktoobar 27, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hortagaya in lagu takri-falo hantida dadweynaha, si musuq maasuq ahna loola wareego; Madaxweynaha oo tixraacaya dikreetada uu soo saaray 18-kii Jan, 2018-kii ee la xiriirtay ilaalinta dhulka dan-guud; Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka duulaya xogta ku saabsan in dhulalka dan guud ah sida dhulka Ciidanka Asluubta ee Ex Kontorool Afgooye, goobaha waxbarashada iyo dhul kale oo ku yaalla Suuqa Siinaay iyo u sameynta dukumiinti sharci darro ah. Hay’adaha sharciga ee ay khuseyso ayaa bilaabay baaritaan shakhsiyaadka ku lugta leh; Madaxweynaha oo garowsan in Hantida Danta-guud uu dhowray Dastuurka Kumeel-gaarka ah iyo Qaanuunka dalka, sida ku cad qodobka 43-aad ee Dastuurka, ayna waajib ku tahay Dowladda in ay u ilaaliso hantidaas si ka caaggan damac shakhsi iyo maamul xumo; Madaxweynaha oo xaqiijinaya in Dhulka Danta Guud uu ka mid yahay dhaxalka ay wadajirka u leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, aysana jirin cid gaar ah oo xaq u leh in ay la wareegaan, iibsadaan ama kireystaan si hareer marsan dastuurka iyo qawaaniinta dalka; Waxa uu mar kale soo saaray Xeerkan; 1- Waxaa Xeer Madaxweyne lagu joojiyey heshiis kasta oo ku saabsan kala wareejinta, iibka, kireynta iyo qaab kasta oo la xiriira ka macaashka dhulka danta-guud, inta laga soo dhammeystirayo xeerarka iyo shuruucda Baarlamaan ee hageysa. 2- Maadaama Sharci Baarlamaanka Federaalku uu soo saaro ay xaddidi doonto baaxadda, muddada iyo shuruudaha rukhsadaha istcimaalka dhulka Danta-guud, lama bixin karo ruqsad ku saabsan isticmaalka si kumeel gaar ah ama abadiga ah ee berriga, badda iyo hawada sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 3- Iyadoo la tixgelinayo xilligan dalku uu u jiheystay doorashada, Masuulkii isku daya in uu bixiya ama la wareego dhulalka danta guud, waxa uu qaadayaa masuuliyadda ka dhalata iyo cawaaqibta sharci ee la xiriirta ku takri-falka awoodda, dayacaadda danaha Qaranka iyo musuqmaasuqa amaanada shacabka Soomaaliyeed. 4- Ma jiro muwaadin ama maalgashade sifo sharci ah looga iibin karo, looga kirayn karo, ama loogu hibeeyn karo dhulalka danta guud wixii ka danbeeyey 8-dii Febraayo, 2017, sida lagu caddeeyay wareegtadii kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha 18kii Jannaayo 2018. Sidaas darteed dukumiinti iyo saxiix kasta oo arrinka la xiriira waxay ka dhigan yihiin sharci darro lagu muteysan karo ciqaab. 5- Xeerkan wuxuu adkaynayaa wareegtadii dhaqangalka ahayd ee soo baxday 18kii Jannaayo 2018 ee la xiriirtay ku takri-falka iyo musuqmaasuqa dhulalka danta guud. DHAMMAAD The post Farmaajo oo soo saaray xeer madaxweyne oo shan qodob ka kooban (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.
  17. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa ka jawaabay eedeymo si hoose loogu jeedinayey todobaadyadii u dambeeyey, kuwaas oo la xariira xiisadda ka aloosan Galmudug, waxayna dad badan oo reer Galmudug ah qabaan in Puntland ay Ahlu-Sunna ku gacan siineyso dagaalka ay kula jirto dowlad goboleedka Galmudug. Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Puntland aysan wax taageero ah siin ururka Ahlu-Sunna ee dagaalka kula jira dowlad goboleedka Galmudug. Guddoomiye Sanyare ayaa sheegay in Puntland ay jeceshahay wanaagga deeriskeeda Galmudug, isla markaana aysan suurta gal aheyn inay taageerto kooxo liddi ku ah jiritaankeeda. Guddoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyey in jiritaanka Galmudug uu muhiim u yahay ammaanka iyo iskaashiga labada maamul, “Jiritaanka Galmudug waxuu noo yahay wanaag, waxaan nahay dad walaalo ah oo wada degan oo dowlad dhiska Soomaaliya qeybtooda ka qaadanaya, waa been abuur in aan taageero siinay cid aan dowladda Galmudug aheyn,” ayuu yiri guddoomiye Sanyare. Waxa uu sheegay in Galmudug ay ka kaashadaan la dagaalka cadawga Soomaaliya ee Al-Shabaab, “Dadweynaha Soomaaliyeed waxaan u sheegeynaa in eedeynta noocaas ah aysan aheyn mid Galmudug ka timid, laakiin waa macquul in dad reer Galmudug ah lasoo dhex-marsiiyey, waa eedeymo meelo kale laga soo maleegay, balse waxaan cadeyneynaa inaan aad uga xunahay dagaalka ka dhacay Guriceel,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Sanyare. Sidoo kale waxa uu sheegay in reer Galmudug looga baahan yahay in khilaafka dhexdooda ka jira ay xalistaan, “Waxaan jecelnahay reer Galmudug gudahooda wixii ka jira inay xalistaan, dowladbaa u dhisan, inta is kaalmeystaan xalista-baan leenahay arrimihiina, wixii kalena waan iska kaalmeysan karnaa, sida la dagaalanka cadawga, sidiibaan walaalo idinkugu nahay, waxaan idinku garab taaganahay inaad cadawga la dagaalantaan,” ayuu yiri. Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland isagoo sii hadlayey waxuu yiri, “Ma ogolin in been abuur nagala sameeyo oo cid aanaa cadaw u aheyn cadaw nalooga dhigo, hal cadaw ayaan leenahay halkaas cadawna waa argagixisada, waa inay sii jirtaa walaaltinimadeena oo tuhun meelo qaldan laga soo tuuray uusan nasoo dhex-gelin.” Dad badan oo reer Galmudug ah ayaa maalmihii u dambeeyey hadal hayey in Puntland ay garab siineyso culumada dib isusoo abaabushay ee Ahlu-Sunna. Dhankiisa madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa shalay sheegay inay jiraan dhinacyo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib garab siinaya Ahlu-Sunna, inkastoo uusan carabka ku dhufan qolo gaar ah, hadana waxa uu balan qaaday inay dib ka soo shaaci doonaan cidda Ahlu-Sunna ku taageereysa inay ku soo duusho Galmudug. Hoos ka daawo Guddoomiye Sanyare The post Daawo: Maxaa ka jira in Puntland ay Ahlu-Sunna ku garab siisay dagaalka? appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Siyaasiyiinta Habargidir ayaa si deg deg ah uga hadlay tallaabada ay Ahlu-Sunna Waljamaaca uga baxday magaalada Guriceel, oo maalmihii u dambeeyay ay kula dagaalamayeen ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa dowladda oo dhinac ah. Siyaasiyiinta Cabdiraxmaan Cabdishakuur, C/xakiim Maalin iyo Maxamed Abtidoon ayaa ku bogaadiyay hogaanka Ahlu-Sunna inay aqbaleen dadaaladii nabadda ee odaayasha dhaqanka si loo joojiyo dagaalka. Mahad Salaad ayaa qaab ka duwan siyaasiyiinta kale uga hadlay tallaabadaas, isagoona sheegay in Ahlu-Sunna looga adkaaday dagaalka, sidaasina looga xoreeyay magaalada Guriceel oo toddobaadyadii u dambeeyay ay gacanta ku hayeen. Hoos ka aqriso qoraaladooda; Xildhibaan Mahad Salaad: Kooxdii Burcad Diimeedka ahayd ee degmada Guriceel ku soo duushay waa laga xoreeyay. Alle ayaa mahad dhamaanteed u sugnaatay. Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa maamulka iyo shacabka degmada Guriceel, Ciidamada geesiyada ah ee Galmudug iyo kuwa dowlada Federaalka. Waxaan uga tacsiyeynayaa shacabka reer Guriceel, saraakiisha iyo ciidamada Galmudug iyo kuwa dowlada Federaalka ee waxyeeladu ka soo gaartay Xasilintii degmada Guriceel. Intii dhimatay Allaha u naxariisto. Inta dhaawada ahna Allaha u boogadhayo. Aamiin. Hada waxaan ka shaqeynaynaa in shacabka si degdeg ah magaalada ugu soo laabtaan, loona fidiyo adeegyada caafimaad iyo kuwa nololeed ee lagama maarmaanka u ah shacabka reer Guriceel. Midnimada Galmudug waa muqaddas, lama aqbali karo koox burcad diimeed ah in deegaan nabad ah inta xoog ku qabsadaan hadana ku gorgortamaan dhiiga dadkeena iyo jiritaanka dowladnimada Galmudug! Xildhibaan Cabdixakiim Maalin: Waxaa soo idlaaday dagaalkii gardarrada ahaa ee ay deegaanno xasillan ku soo qaadeen kuwa doonaya in ay dano siyaasadeed ku gaaraan dhiigga dhallinyarada ay marin habaabiyeen. Hayeeshee, waxa inoo taalla masuuliyad wayn oo ah inaan ka shaqeynno sidii aan dadkeenna mar kale colaad loogu adeegsan, looguna burburin mustaqbalkooda iyo kan deegaankooda. Waxaan ka shaqeyneynaa in dhallimyarada dagaallada la geliyay ay sidaan si ka wanaagsan ugu adeegaan dadkooda ayna ka qeybqaataan la dagaallanka cadwga iyo horumarinta dowladnimada. Cid kasta oo dooneysa in ay qori caaraddi xukun ku gaaraan lagama aqbali doono mana loo dulqaadanayo kuwa doonaya in ay dhiiga Saraakiisha, Ciidamada qaranka iyo Dhallinyaradeena ku xaqiijiyaan ahdaaf iyo dano Siyaasadeed. Rabbi ha u naxariisto dadkii dagaalka inooga dhintay, dhaawacana allaha bogsiiyo. Galmudug waxa ay leedahay Hay’ado sharci ah oo lagu heshiiyay kuwaas ayaana looga danbaynayaa talada lagu maamulayo, reer Galmudug waxaa looga fadhiyaa in ay ilaashadaan dowladnimada ayna ka shaqeeyaan horumarka deegaankooda. Xildhibana Maxamed Abtidoon: Maadaama ay ciidankii Ahlusunna iskaga baxeen Guriceel iyadoon cidna awood ku muuquuninin ayna aqbaleen soo jeedintii ka timid dadka samodoonka ah ee reer Galmudug ayna dageen iyagoo sidoodii u uruursan meel aan ka fogeyn Guriceel. Guuritaankooda waxay muujineysaa biseyl, karti iyo awood markii ay ka tageen hubkii ay ka qabsadeen DF iyo Galmudug kuwii ay wateena ay la guureen. Hadaba Qoorqoor waxaa la gudboon in uu sida ugu dhaqsiyha badan u furo wadahadal kana shaqeenin magaalooyin hada nabad ah in aysan u burburin sida Guriceel. Waxaan u soo jeedinayaa samadoonada iyo waxgaradka Galmudug in ay u istaagaan colaad dambe in aysan Galmudug ka dhicin. Waxaan qabaa in maalmihii adkaa gaboodfaladii dhacay lagula xisaabto ciddii masuuliyadda deegaanka lagu ogaa ee loo doortay si loo ogaado dhiiga dadka in uu muhiimad noo leeyahay. Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Waxaan bogaadinayaa dadaalka ay ganacsatada iyo siyaasiyiinta Galmudug ku joojiyeen dagaalkii ka socday Guriceel. Way habboonayd in dadaalladii la waday dagaalka ka hor ay mira dhalaan oo ay Ahlusunna banneeyaan Guriceel, si looga baaqsado dhimashada, dhaawaca, barakaca iyo burburka haatan dhacay. Dagaalkii joogsaday kama dhigna colaaddii oo dhammaatay. Colaaddu waxay dhammaanaysaa markii heshiis iyo isfaham laga gaaro wixii dagaalka keenay, taasina go’aan geesinnimo leh ayey u baahan tahay. Hoggaanka Ahlusunna waa in ay waaqiciyiin noqdaan oo ay aqbalaan dawladnimada Galmudug, damacooda siyaasadeedna nabad iyo wadajirka Galmudug ku raadiyaan, muujiyaanna in aysan caqabad ku ahayn dawladnimada. Way arkaan in shacabka Galmudug ay dawladnimada ka doorbidayaan kooxaysiga. Hoggaanka dawladda Galmudug waa in uu la yimaadaa karti iyo dulqaad uu dadka ku deeqsiiyo dawladnimada. Waa in uu guddi dib u heshiisiin magacaabo, reer Galmudugna ay gacan ku siiyaan sidii xal loogu heli lahaa mushkiladdan dhowrka iyo tobanka sano soo taagan, si loo helo xasillooni siyaasadeed, salkana mudaca looga saaro. Waa in uusan aargoosi dhicin, lagana shaqeeyaa in meesha laga saaro isku dhac noocan oo kale ah inuu yimaaddo mustaqbalka. Nabaddu qiimo badan ayey ku kacaysaa, laakiin caaqibo wanaagsan ayey leedahay The post Siyaasiyiinta Habargidir oo si kala duwan uga falceliyey ka bixitaanka Ahlu-Sunna ee magaalada GURICEEL appeared first on Caasimada Online.
  19. Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa beeniyay in Puntland taageero siino Ahlusunna. Wuxuu sheegay in ay waxba kama jiraan yihiin warar suuqa la geliyay todobaadyadii la soo dhaafay oo sheegayay in Puntland ay saameyn ku leedahay dagaalkii Guriceel ee u dhaxeeyay Alhusunna iyo Galmudug. Guddoomiye Sanyare ayaa tilmaamay in eedeyntaas aysan ahayn mid ay qaabaan siyaaasiyiinta iyo waxgaradka Galmudug, hase ahaatee ay tahay mid meel kale ka soo maaxanaysa. Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in ay Galmudug u aqoonsan yihiin maamul dhisan oo deris wanaag iyo walaalnimo kala dhaxeeyo. PUNTAND POST The post Puntland oo beenisay in ay taageerto Ahlusunna appeared first on Puntland Post.
  20. (SLT-Ottawa)-Raysal wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa ku dhawaaqay golahiisa wasiirada oo ka kooban 38 wasiir oo kala badh ay dumar yihiin. Golaha wasiirada ee uu magacaabay raysal wasaaraha dalka Canada waxaa markii saddexaad kasoo dhex muuqday Axmed Xuseen Axmed oo Soomaali Canadain ah, kaasoo loo magacaabay wasiirka Guryenta kala duwanaanshaha iyo kawada qeyb galinta Canada. Axmed Xuseen ayaa hore xilal kala duwan uga soo qabtay dalka Canada, waxa uuna dalka Canada ku yimid qaxooti ahaan isaga oo 16 jir ah ka hor inta aanu qareen iyo lataliye u noqon Raysal wasaarihii hore ee dalkaasi Canada Ontario Dalton McGuinty. Dad badan ayaa rumeysan in wasiiradaan cusub ay horyaalaan waxyaabo badan oo uu ugu horreeyo la tacaalidda xanuunka saameyay dalka Canada iyo guud ahaan Caalamka oo dhan ee COVID-19. Source
  21. Guriceel (Caasimada Online) – Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Guriceel, Dhamme Cusmaan Cali Hudeey ayaa markii u horeysay ka hadlay ka bixitaanka Ahlu-Sunna ee degmada, kadib dagaal maalmo qaatay oo dhexmaray labada dhinac. Taliye Dhamme Hudeey ayaa wacad ku maray inaysan ka hari doonin cidkasta oo gacan siisay Ahlu-Suna, aysan ogaalan doonin inay si nabad ah ku joogan gudaha degmada Guriceel, sida uu sheegay. “Degmada Guriceel amaankeeda guud ahaan waa la xaqiijiyey, ciidamada dowlada federaalka qeybaheeda kala duwan iyo kuwa Galmudug ayaa xaqiijiyey, waxaa leeyahay shacabka guryihiina kusoo laabta,” ayuu yiri Taliye Hudeey. “Nidaamka dowliga ah waa midka keliya ee umadda deeqa, waa midka cid walba ay rabto in nidaam dowli ah hesho, umaddaana iyada oo degan oo nabada iyo nimco haysata ayaa waxa soo gaaray dad dowlad diid ah oo dhibaato u geystay.” Sidoo kale waxa uu sheegay in marnaba ay ka tanaasuli doonin nidaamka dowliga, isaga oo bulshada kala duwan ee degmada Guriceel ugu baaqay difaaca nidaamkaas iyo ka shaqeynta amaanka. “Waxaa rabaa in aan halkan ka cadeeyo cid walba oo dhibaatadii bulshada degmada Guriceel loo geystay ka garab shaqeyneysay kama hareyno, haddii ay af ku taageertay iyo haddey cod ku taageertay iyo hadday awood ku taageertay gacanta. Tallaabo adag ayaa ka qaadi doona mana aqbali doono middaas.” Ugu dambeyntiina waxa uu dalbaday in dadkii boobey saldhiga degmada Guriceel ay si dhaqso ah usoo celiyaan agabka ku maqan, kaasi oo la bilileqaystay markii ay Ahlu-Suna iskaga baxday degmada. The post Daawo: Taliye Cusmaan Hudeey oo wacad ku maray aargoosi iyo cafis la’aan appeared first on Caasimada Online.
  22. Guriceel (Caasimada Online) – Ciidamada Ahlu-Suna ayaa saaka ka baxay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo afartii maalmood ee lasoo dhaafay ay kula dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo isku dhinac ah. Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidanka Ahlu-Suna ayaa waxay hadda ku sugan yihiin deegaanka Bohol oo dhanka waqooyi galbeed 35-KM uga beegan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. Ahlu-Suna ayaa deegaankaas fariisin uga dhigtay si ay u bilowdaan wada-hadalo dhexmara hogaanka ururka iyo maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo Qoor-Qoor, oo kal hore natiijo la’aan kusoo dhamaaday, sida laga helayo ilo xogagaal ah oo ka agdhow hogaanka Ahlu-Suna. Sidoo kale xiriir aan la sameeynay mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dhanka maamulka ayaa iyaguna sheegay in uusan jirrin wax wadahadal ah, balse ay jiraan ganacsato qaab qabiil magaalada uga saartay ciidankii u dagaalamayey Ahlu-Suna. Ganacsade Xaashi Carabeey ayey dad deegaanka Balicad ku sugan xaqiijiyeen in uu la socday ciidanka Ahlu-Suna, waxaana lagu soo waramaya in uu garwadeen ka yahay wada-hadalada iyo dadaalada lagu xalinayo xiisada uu ka dhashay dagaalka Guriceel. The post Halkee fariisin ka dhigteen ciidamada Ahlu-Sunna kadib ka bixitaankoodii Guriceel? appeared first on Caasimada Online.