Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,387
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Delhi)-Wararka laga helayo dalka Hindiya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay wiil Soomaali ah, isla-markaana ahaa Arday lagu dilay magaalada New Delhi ee caasimada wadankaasi, kaas oo ay dilkiisu ka dambeeyeen Soomaali kale. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Fiin, waxaana la sheegay inay dileen dhalinyaro kale oo Soomaali ah oo ku sugan Delhi. Wararka ayaa sheegaya in dilka uu yimid, kadib markii uu muran soo kala dhex-galay marxuumka iyo dhalinyada oo dagaalamay, sida ay sheegeen qaar ka mid ah Soomaalida. Maxamed Fiin ayaa ahaa wiil dhalinyaro ah, isla-markaana waxbarasho u joogay dalka Hindiyada, isaga oo dhowaan dhammeystay waxbarashadiisa Jaamacadda. Ciidammada Booliska oo howl-gal sameeyey, kadib dhacdadaasi ayaa gacanta ku soo dhigay illaa 7 qof oo Soomaali ah oo loo heysto dilka, waxaana haatan ku socda baadhitaano dheeraad ah. Sidoo kale waxa ay ciidamadu weli ku raadjoogaan shaqsiyaad kale oo la sheegay inay iyaguna ku lug lahaayeen dilka loo geystay wiilkaasi dhalinyarada ah. Gudaha dalka Hindiya ayaa waxaa haatan ku sugan Soomaali badan oo waxbarasho Jaamacadeed iyo arrimo caafimaad u aaday waddankaasi, waxaana dhacdadan oo Soomaali kale ay ka dambeysay ay noqotay mid aad looga hadalyo hayo guud ahaan waddankaasi. Source
  2. NAIROBI (HOL) - Senior Biden administration officials visited Somalia this week in what the White House said was aimed at bolstering the war against Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
  3. Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa war saxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay in xalinta cabashooyinka doorashada ay tahay mas’uuliyadda gudiga, sidoo kale gudiga ayaa ka hor yimid Habracii ay soo sareen guddiga doorashada Somaliland qodobkiisa 3aad. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
  4. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Axmed Mire Faafaale oo ah wasiiru dowladaha wasaaradda Caafimaadka dowlad goboleedka Galmudug ayaa faah faahin guud ka bixiyey xaaladda dadkii ku dhaawacmay dagaalkii Guriceel ee la geeyey Gaalkacyo, kadib booqasho oo uu wasiirku ku tegay isbitaallada lagula tacaalayo xaaladda dadaasi oo askar u badan. Faafaale ayaa sheegay in Ahlu Sunna ay dhaawacyadeeda geysatay deegaanada Puntland, gaar ahaan magaalada Garoowe iyo waqooyiga Gaalkacyo, sida uu hadalka u dhigay. “Inta badan dhaawacyada kooxdaasi runtii waxaa la geeyay sida aan ka warhayno waqooyiga magaaladda Gaalkacyo ee Puntland iyo magaalooyinka kale ee Puntland sida Garoowe,’ ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka maamulka Galmudug. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhaawacyada la geeyey dhinaca isbitaallada Galmudug, si isku mid ah loo daaweynayo, iyada oo aan loo eegeyn aragtida ay aaminsan-yihiin. “Dhaawacyadii soo gaaray isbitaaladda Galmudug si sax ah oo siman oo cadaalad ah ayaa loogu adeegay lamana takoorin, lama dhibaatayn waana waajib wasaaradda saaran oo uu bixiyay madaxweynaha Galmudug” ayuu yiri wasiir Axmed Mire Faafaale. Guddoomiyaheeda gobolka Mudug ee Puntland ayaa horey u beeniyay inay garab siiyeen Ahlu Sunna, kadib dagaallo ka dhacay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Si kastaba, muddooyinkii lasoo dhaafay mas’uuliyiinta labada maamul ee Galmudug iyo Puntland ayaa eedeyno isku marinayey warbaahinta, kuwaas oo la xiriira dagaalkii Guriceel. The post GALMUDUG oo shaacisay in dhaawacyadii Ahlu Sunna la geeyey magaalada Garowe appeared first on Caasimada Online.
  5. Capetown (HOL) - A South African gunman shot dead a Somali businessman in South Africa on Saturday night. Source: Hiiraan Online
  6. Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa saaka soo jeediyay in Puntland liiska argagixisada ku darto xukuumadda Somaliland. Xildhibaannadaas oo laga soo doorto Gobolka Cayn ayaa Somaliland ku eedeeyay in ay taageerto Al-shabaab islamarkaana bara-kicisay shacab Soomaaliyeed. Mudanayaasha ayaa ka codsaday Baarlamanka Puntland in uu soo saaro qaraar ku saabsan in Somaliland si rasmiya loogu aqoonsado maamul Argagixiso ah. Xildhibaannada ayaa si adag u cambaareeyay bara-kicintii iyo raafkii Somaliland ku samaysay shacabka u dhashay koofur Galbeed oo laga saaray magaalada Laascaanood. PUNTLAND POST The post Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Puntland oo soo jeediyay in Somaliland lagu daro liiska Argagixisada appeared first on Puntland Post.
  7. Testing doesn’t replace vaccines. According to official statistics, only about 8.5 million cases of covid-19 have been developed in African countries since the beginning of the outbreak. For a continent home to nearly 1.4 billion people, that seems too good to be true—and as it turns out, it is.World Health Organization (WHO) data found that fewer than 15% of covid-19 cases in African countries are correctly reported. Overall, nearly 60 million people contracted the virus in the continent, though even that number might not be accurate, given the small reach of testing in the region. The WHO estimates about 70 million covid-19 tests have been administered on the continent, or fewer than 6 per 100 people, since the beginning of the pandemic. The most tested African country, Gabon, administered 50 tests per 100 people, and South Africa about 30 tests per 100 people. By way of comparison, Austria administered up to 1,038 tests per 100 people, the UK 412 tests per 100 people, and the US 170 tests per 100. The reason for the underreporting and lack of testing is the same: Limited healthcare resources. Most African countries lack basic healthcare infrastructures, such as hospitals or even clinics outside cities, making covid-19 tests and diagnoses harder to come by. An indicator of just how undercounted covid-19 cases might be in the continent comes from South Africa. Even the country with the best healthcare infrastructure in sub-Saharan Africa severely underestimated the number of covid-19 infections and deaths. According to official data, 90,000 people died from covid-19 since the beginning of the pandemic, though an analysis of excess deaths conducted by researchers at the University of Cape Town found a total of nearly 240,000 deaths could be linked to the virus. Although not as negligible as the official data shows, the incidence of covid-19 has likely been lower in Africa than in other countries. This could be explained by the younger population: Compared to Europe’s median age of 43 and the US’s of 38, the median age in African countries is 19.7, which likely helped avoid larger outbreaks. But as the delta variant spreads in the continent, posing higher risks for younger people, it raises concerns, particularly considering the incidence of HIV, which presents a risk factor when it comes to developing severe cases of covid-19.With vaccination campaigns lagging all over the continent, the risk of a large covid-19 outbreak is real. The misconception that African countries might be out of peril risks replicating what happened in India, where underestimating the danger of outbreaks, leading to massive loss of lives, as well as the development of the delta variant. The need for more vaccines In order to improve the situation, the WHO has announced an initiative to reach 7 million people with diagnostic tests in the next year in 20 African countries where there is currently little to no testing capacity. Although limited, the program aims to apply the so-called “ring strategy” which identifies and isolates new cases based on proximity—people living within a 100 meter radius of each case—to known ones. This strategy worked to eradicate smallpox, and is used during Ebola outbreaks, too.Even increased testing capacity doesn’t make up for the lack of vaccines. Currently, while nearly 7 billion doses of Covid-19 vaccines have been administered globally, and nearly half the global population has received at least one dose, the disparity between rich and low-income countries remains huge. Rich countries are now delivering booster shots and letting vaccine doses go to waste as hesitant groups forgo their shots, while poor ones have to wait for leftovers and aren’t likely to reach meaningful immunization before 2023. In African countries overall, only 5% of the population has received at least one dose of vaccine, although vaccinations rate vary dramatically across the continent. In South Africa, nearly 9% of the population received both doses of vaccine, while in Nigeria fewer than 1% did. Source: Quartz Africa The post Why you’re not hearing about Covid-19 outbreaks in Africa appeared first on Puntland Post.
  8. Waxaa socda diyaargarowgii ugu dambeeyey ee gobollada waqooyi kahor inta aaney berri ku dooran Muqdisho xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah. Ergada ayaa loo bilaabay tababar la xiriira doorashada, waxaa kale oo socda wacyigelin la xiriirta xeerar doorashaada iyo habraacyada kala duwn ee hubinta u baahan. Ra’isul wasaare Maxamed Rooble ayaa sheegay inuu bilaabayo doorashada Somaliland si ay maamullada kale ugu deydaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. (SLT-Hargeysa)-Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ugu baaqay reer Awdal in ay qayb weyn ka qaataan isbeddel ka dhaca dalka oo lagu beddelo Xisbiga KULMIYE, ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Biixi. Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani, ahna murrashax u taagan jagada Guddoomiyaha Waddani, oo ka hadlayey Magaalada Boorama ayaa sheegay in ay xisbi ahaan soo dhawaynayaa beesha Maxamed Case ee ku biirtay iyo weliba murrashaxnimada Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad Xisbiga Waddani ee uu doonayo Abubakar Good, waxaanu yidhi “Waxaanu idin soo dhawaynaynaa Xisbi ahaan, waxa aanu idin leenahay guusha nagala shaqeeya. Anigu oo u sharaxan Guddoomiyaha Xisbiga Waddani iyo Abubakar oo guddoomiye kuxigeenka u sharaxan, labadayda deegaana isku mid ayaanu ahayn oo shalay Siillaanyo iyo Saylici, ayaa wada sharaxnaa, waxaanan rajaynayaa in aanu labadayduba wada guuleysan doono. Labada murrashaxna guul gaadhsiin doono insha allaah.” “Deegaankan waxa lagu yaqaanaa isku duubni, ficil iyo karti, waxa aan rajaynayaa in ay hormuud ka noqdaan ololihiisa iyo geeddiga uu ugu jiro inuu talada dalka ku hanto. Guud ahaana reer awdal waxa aan leeyahay reer Awdalow waad aragteen Xukuumaddii Kulmiye ee Muuse hoggaaminayey, maanta waxa aynu doonaynaa isbeddel khayr qaba”, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in maanta golaha wasiirada Soomaaliya ay leeyihiin kulan aan caadi aheyn, iyada oo la ballamiyey xubnaha golaha labada duhurnimo maanta oo Axad ah, kuna beegan 31-10-2021-ka. Golaha wasiirada ayaa xalay saq-dhexe loo diray farriin, iyada oo lagu wargeliyey inay si buuxda uga soo qeyb galaan kulanka la filayo inay maanta yeeshaan. Kulankan ayaa daba socda shirkoo Khamiistii dib loo dhigay oo todobaad kastaa ay yeeshaan xubnaha golaha wasiirada, kaas oo lagu gorfeeyo xaaladda guud ee dalka. Wararka qaara ayaa sheegaya in kulanka maanta laga yaabo in golaha lagu horgeeyo taliyaha iyo taliye ku xigeenka cusub ee hay’adda NISA, si ay u meel-mariyaan. Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday iyo ra’iisul wasaare Rooble ayaa dhowaan ku heshiiyey in madaxweynuhu soo magacaabo hoggaanka cusub ee nabad sugida, kadibna la marsiiyo xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya, si ay u ansixiyaan. Villa Soomaaliya ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka socday dadaallo xoogan oo lagu soo afjarayo khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo saameyn xoogleh ku yeeshay doorashooyinka. Si kastaba, waxaa laga war sugayaa tallaabada golaha wasiirada iyo waxa kasoo baxa kulankooda oo ah mid aad isha loogu hayo, kuna soo aaday, xilli xasaasi. Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo kala guur ah iyo doorashooyin, waxaana la filayaa in todobaadkan ay bilaabato mida xildhibaanada golaha shacaba Soomaaliya. The post Golaha wasiirada Somalia oo maanta yeelanaya kulan aan caadi aheyn + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  11. (SLT-Dessie)-Mareykanka ayaa ugu baaqay mucaaradka Tigray inay ka baxaan gobollada Amhara iyo Afar ee waqooyiga Ethiopia, halkaasi oo dagaalka uu sii xoogeystay. Bayaan kasoo baxay waaxda arrimaha diebdda ayaa ku booriyey TPLF “inay hakiyaan ku siqitaankooda magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha.” Mucaaradka Tigary-ga ayaa Sabtidii sheegay inay xaqiijiyeen “gacan ku haynta buuxda” ee magaalada muhiimka ah ee Dessie, taasi oo keentay in dowladda ay si xooggan u beeniso, inkasta oo xitaa dadka deegaanka ay soo weriyeen in ciidamada federaalka ay ka gurteen. Qabsashada Tigray-ga ee Dessie ayaa ka dhigan weji cusub oo uu yeeshay dagaalka sannadka ku dhow ka socda Ethiopia, kadib markii ay inta badan gobolka Tigray ka saareen ciidamada federaalka bishii June, islamarkaana isku ballaadhiyeen gobollada deriska la ah. “Waxaan ku boorineysaa TPLF inaysan madaafiic u adegesan magaalooyinka, waxaana ku celineynaa diidmadeena ku aadan duqeymaha ciidamada federaalka Ethiopia ee magaalada Mekelle iyo qeybaha kale ee Tigray kuwaas oo dhaliyey khasaare nololeed oo badan,” waxaa sidaas yidhi afhayeenka waaxda arrimaha dibedda Mareykanka Ned Price oo soo saaray war-saxaafadeed. “Dagaalkan ma lahan xal millatari, waana in dhammaan dhinacyada ay billaabaan wada-xaajoodyo xabad-joojin ah ayada oo aan lagu xidhin shuruud.” Dessie ayaa 400 KM waxay waqooyi kaga beegan tahay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia. Goor sii horreysay shacabka deegaan magaalada ayaa soo weriyey in ciidanka federalka ay ka baxeen, islamarkaana Tigray-ga ay soo galeen. “Qiyaastii 2:00 am, ciidamada federaalka ayaa billaabay inay dib uga gurtaan aagga,” waxaa sidaas AFP u sheegay Amir oo degan Dessie, kaasi oo diiday inuu shaaciyo magaciisa oo buuxa. Dagaal-yahanada TPLF “ayaa soo galay magaalada, mana aragno wax ciidamada federaalka Ethiopia ah,” waxaa sidas yidhi qof kale oo degan magaalada oo magaciisa kusoo koobay Mohammed. TPLF ayaa sheegtay inay hadda si buuxda gacanta ugu hayso magaalada Dessie. Dagaal-yahanada waxay ciidamada federaalka dib uga riixeen Dessie, waxayna ku wajahan yihiin magaalada Kombolcha, waxaa sidaas Reuters u sheegay Getachew Reda oo ah afhayeenka TPLF. Getachew ayaa intaas ku daray inay qabtay askar badan oo ka tirsan ciidanka federaalka Ethiopia. Qabsashada Dessie ayaa ah guul istaraatiiji ah oo ay Tigray-ga ka gaareen ciidamada federaalka oo isku dayayey inay gobolka Amxaarada ka xorreeyeen. Source
  12. Baldemar Hinojoza Jr., 44, is charged with capital murder in the death of Aadam Ugaas Xirsi Source: Hiiraan Online
  13. (SLT-Cape Town)-Nin Soomaali ah ayaa lagu dilay dalka Koofur Afrika, xilli faah-faahinno dheeraad ah ay kasoo baxayaan dilka ninkaasi. Nin ayaa waxaa dilka u gaystay dableeyd hubaysan ay ku toogteen Degmada Mitchells Plain oo kamid ah degmooyin ugu dadka badan ee Magaalada Cape Town. Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Maxamuud Cabdi, waxaana la sheegay in kooxdii dilka gaysatay ay goobta iskaga baxsadeen. Dilka kadib waxaa goobta gaadhay Ciidamo ka tirsan Booliska Koofur Afrika, kuwaasi oo baadhitaanno sameeyay, ilaa iyo haddana lama shaacin cid loos oo qabtay dilkaasi. Dalka Koofur Afrika waxaa ganacsiyo waa weyn ku leh Soomaali badan, kuwaasi oo dilal iyo dhac joogta ah kala kulma budhcadda Koofur Afrikaanka ah. Source
  14. Cape Town (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay wiil Soomaali ah dil loogu geystay gudaha wadankaas, waxaa falkaas ka dambeeyeyn kooxo burcad Afrikaan ah oo weerar ku qaaday ganasadaha la dilay. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray jiray Cabdinaasir Maxamuud Cabdi, waxaana lagu dilay degmada Mitchells Plain oo kamid ah degmooyin hoostaga magaalada Cape Town Wararka ayaa sheegaya in sida caadada aheyd ay goobta ka baxsatay kooxdii ka dambeysay dilka marxuumka. Sidoo kale Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa meesha tegay, kadib dilka loo geystay ganacsadahaasi Soomaaliyeed, waxayna sameeyeen baaritaano kooban. Qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan Koonfur Afrika oo ka hadlay dilka loo geystay marxuumka ayaa walaac ka muujiyey, waxayna ugu baaqeen dowladda inay wax ka qabato dilalka, dhaawaca iyo boobka joogtada ah ee lagu hayo ganacsatada ku dhaqan dalkaasi. Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa sii kordhayey weerarada ka dhanka ah Soomaalida, waxaana aad u sii badanayey dilalka lagu hayo ganasatada dalkaas. Si kastaba, Koonfur Afrika ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ku sii kordhayey dilalka, dhaawaca iyo dhaca loo geyto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi. The post Wiil Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika appeared first on Caasimada Online.
  15. According to police, a group of eight friends were having a party at a hotel in Sector 45 on Wednesday night. After midnight, all of them went to one of the suspects’ house in Mayfair Garden in Sector 50 Source: Hiiraan Online
  16. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa sida la xaqiijiyay hoggaanka Ahlusunna oo ku sugan degaanka Bohol wuxu ka dalbaday in ay sida ugu dhakhsaha badan hubka u soo wareejiyaan. Madaxweyne Qoor Qoor oo kulamo ka wada magaalada Guriceel ayaa la sheegay in uu Odayaasha dhaqanka farriin ugu dhiibay hoggaanka Ahlusunna si ay isu soo dhiibaan. Axmed Qoor Qoor ayaa Odayaasha farriinta uu Odayaasha u faray Ahlusunna wuxu kaga dalbaday in ay hubka ku wareejiyaan ciidamada dowladda Federaalka iyo Galmudug islamarkaana isa soo dhiibaan. Wararku waxay sheegayaan in hoggaanka Ahlusunna ka dhega-adaygay dalabka Qoor Qoor ee ku saabsan in ay hubka dowladda ku wareejiyaan si looga baaqsado dagaal kale. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Qoor Qoor oo Ahlusunna ka dalbaday in ay hubka soo wareejiyaan appeared first on Puntland Post.
  17. Fashion designers Mohamed Malim, 25, and Mohamed Hersi, 30, share similar backgrounds as former refugees. It’s an experience they are embracing and elevating as they launch a new fashion collaboration aimed at countering backlash against refugees and highlighting the power and beauty the arts can have in bringing communities together. Source: Hiiraan Online
  18. Nairobi (HOL)- A prominent Muslim human rights advocate was allegedly abducted on Friday by suspected officers drawn from the Anti-Terrorism Police Unit (ATPU) in his home along Ngong road. Source: Hiiraan Online
  19. Bohol (Caasimada Online) – Tan iyo markii Xoogaga Ahlu Sunna ay Arbacadii isaga baxeen Magaalada Guriceel ayaa waxaa la soo sheegaya in ay isku uruursanayaan deegaanka Bohol, oo dhinaca waqooyi kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb. Saraakiisha Ahlu Sunna ayaa sheegaya in haatan uu bartilmaameedkooda koobaad yahay maleeshiyda Al-Shabaab, si ay kaga saaraan deegaanada ay kaga sugan yihiin Galmudug. Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, Cabdisalaan Aadan Xuseen ayaa Jimcihii sheegay inaysan duulaan ku ahayn Maamulka Galmudug, balse ay doonayaan in ay Shabaabka ka saaraan gobolka intiisa kale. “Ahlu Sunna Waljameeca taladeedu waxa ay tahay in qaabkii ay u shaqeynayeen, oo ahayd inay cadowga ka dulqaadaan ummadda Soomaaliyeed, dadkooda iyo shacabkoodana ay u hiiliyaan mar kasta, oo ay uga baahdaan,” ayuu yiri Cabdisalaan Aadan Xuseen. Waxaa uu ku celiyay inaanu qorshahoodu qayb ka ahayn dagaal ay la galaan Galmudug, taasi bedelkeedana ay Galmudug ugu baaqayaan nabad. “Ahlu Sunna Waljameeca mar kasta waxay ku baaqeysay nabadda, haddana nabadda ayay ku baaqeysaa,” ayuu yiri Cabdisalaan Aadan. Waxa uu intaa ku daray “Anaga dagaalkayaga hal qolo ayuu ku wajahan yahay, dagaalkayagu wuxuu ku wajahan yahay Shabaab, waxaa qorshahayagu yahay inta kale oo dadka Soomaaliyeed ah ma u khalmaan inay dhintaan, inay na dilaan uma khalmaan, inaan dilnana uma khalmaan.” Cabdisalaan Aadan ayaa Dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug ku eedeeyay in aanay dhab ka ahayn la dagaalanka Ururka Al-Shabaab, halka Ahlu Sunna ay ka go’an tahay inay wiiqdo maleeshiyada Al-Shabaab, sida uu yiri. “Hadafka Ahlu Sunna Waljameeca ay mar kasta u taagan tahay waa hadaf cad, oo ah in lagala dagaalamo cadowga ummadda Soomaaliyeed dhiigga ka jaqaya,” ayuu yiri Cabdisalaan Aadan. Taliye Kuxigeenkii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdisalaan Yuusuf Guuleed ayaa mar sii horeysay sheegay in soo rogaal celinta Xoogaga Ahlu Sunna ay ka dambeysay, ka dib markii ay dagaalada beelaha ku soo bateen Gobolada Dhexe iyo Shabaabka oo caqabad ku noqday Galmudug. “Ahlu Sunna waxay aragtay fursad ay dareensan tahay inay ku soo rogaal celin karto. Waxayna fursadaasi ka dhalatay dagaalada qabaa’ilada ee deegaanka ku soo batay iyo Shabaabka oo caqabad ku noqday gobolka, waxaana fursadaasi abuuray Maamulka Galmudug. Waxay rabaan siyaasad ahaan in dib u qabsadaan mamaulkii horey looga saaray, oo ay buuxiyaan meelaha ay dabacsanaanta ka jirto,” ayuu yiri Cabdisalaan Yuusuf Guuleed. Sideed iyo toban bilood oo Ahlu Sunna ka maqneed Gobolada Dhexe ayaa la fahamsan yahay in ay Shabaabku culeys soo saareen Galmudug, iyagoona maamulka kala wareegay deegaano dhowra. The post Ahlu-Sunna oo isku tegay meel u dhow Dhuusomareeb, sheegay bartilmaameedkooda appeared first on Caasimada Online.
  20. Olole lagu beegsanayo Soomaalida ku nool Turki oo ka istaadhmay Ankara+Sababta Dhawrkii sano ee lasoo dhaafay, fagaaraha Kizilay ee ku yaalla bartamaha magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa camiray ganacsiyada ay ka sameynayaan dadka Soomaalida ah ee sida xad dhaafka ah u tegaya dalka Turkiga, iyagoo kala kulmay soo dhaweyn iyo qadarin heerkeedu sareeyo. Bulshada Soomaaliyeed ee kusii badanaysa caasimadda Turkiga ayaa halkaas ka hir gelisay maqaayado, goobo lagu shaaho, bakhaarro dharka lagu iibiyo iyo ganacsiyo la-talin ah oo ay ku ganacsadaan labada dhinac, iyagoo si tartiib tartiib ah goobta uga dhigay xaafad firfircoon oo leh ganacsi xoog leh. Si kastaba ha ahaatee, Xaafadaas oo ay si weyn u camireen dadka Soomaaliyeed ayaa hadda waxay noqotay meel ay Turkidu ku dhibaateyaan Soomaalida, waxaana halkaas kusoo badanaya naceybka loo qabo soo galootiga. Wargeyska Maalinlaha ah ee Sozcu oo ah wargeys si weyn uga hadla arrimaha soogalootiga ayaa warbixin uu daabacay Bishii Aprill wuxuu cinwaan uga dhigay “Xarunta Ankara waxay noqotay Soomaaliya.” Wargeyska ayaa warbixintiisa ku sheegay in ganacsatada magangeliyo-doonka ah ee ka timid Soomaaliya ay gabi ahaanba u beddeleen laba waddo oo ku yaalla Kizilay “in ay waddankooda ka dhigaan.” Wixii warbixintaas ka dambeeyey, booliska Turkiga qeybtiisa dhar-cadda ayaa billaabay inay si joogto ah u booqdaan goobaha ganacsi oo ay Soomaalidu ku leedahay halkaas, iyagoo sameynaya baaritaano teel-teel ah oo ay ku dhibaateynayaan macaamiisha, sida ay dadka deegaanka u sheegeen Middle East Eye. Bishii Sebtembar, dhacdo ka yaabisay Soomaalida Kizilay ayaa ka dhacday Ankara, kadib markii ay Booliska xireen ganacsato Soomaaliyeed oo halkaas ku lahaa xarumo waaweyn, iyadoo ugu dambeyntiina lagu amray inay isaga baxaan dalka Turkiga, taas oo ku khasabtay garansatada inay iibiyaan xarumahooda ganacsiga oo gebi ahaanba ay iska xiraan. ‘Ololaha dhibaataynta’ Dalka Turkiga oo marti geliyey ku dhawaad Shan Milyan oo qaxooti ah oo badi ka yimid Suuriya ayaa waxay xaqootiga kula dhaqmaan hab aan wanaagsaneyn. Bilihii la soo dhaafay, mucaaradka Turkiga ayaa bilaabay inay sii huriyaan olole ka dhan ah dowladda oo ku guul dareysatay inay soo saarto xeelado lagu maareeyo qaxootiga oo aan aheyn “siyaasadda xuduudaha furan.” Farqiga ugu weyn ee u dhaxeeya bulshada Soomaaliyeed iyo qaar badan oo ka mid ah dadka soo galootiga ah ee ku nool dalka Turkiga ayaa ah in Soomaalida ay u badan yihiin dad aqoon sare leh oo si sharci ah ku yimid wadanka Turkiga. Inta badan dadka Soomaalida ah ee ku nool Turkiga ayaa heysta sharciyo degenaansho ah, waxayna lacag ku maalgeliyaan guryaha iyo ganacsiga dalka. Dhibaatada lagu hayo qaxootiga ayaa waxaa kusoo biiray Soomaalida dalkaas ku nool, kadib markii bishii August ay rabshado ka dhaceen qayb kale oo ka mid ah magaalada Ankara, halkaas oo muwaadiniinta Turkida ah ay waxyeello u geysteen goobo ganacsi iyo guryo ay la haayeen qaxooti Suuriyaan ah, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in qof qoxooti ah uu wiil dhallinyaro ah ku dilay beer lagu nasto. Wixii intaas ka dambeeyay waxaa caadi ka noqday goobaha ganacsiga oo ay Soomaalidu leedahay in lagu arko ciidamo boolis ah oo ku labisan dareeska ciidamada, inkastoo ay si sharci ah u dhisteen goobo ganacsi oo ay ka howlgalaan. “Marka hore, 15 askari oo boolis ah ayaa soo xaadiray, waxayna bilaabeen inay meel walba ka raadiyaan dadka wixii ka dambeeyey 8-dii Sebtembar,” Maxamed Ciise Cabdullaahi, oo ah milkiilaha kafateeriyada Soomaalida ayaa sidaas u sheegay MEE. “Kadib shan maalmood boolis dhar cad ah ayaa mar kale nagu soo booqday, qaar naga mid ah ayaa la geeyey saldhigga booliska ee noo dhow. Waxay nooga digeen inaan shaqaaleysiino shaqaale aan fasax lahayn.” Ayuu sii raaciyey hadalkiisa. Cabdullaahi waxa uu rumeysan yahay in booqashooyinka booliska ay qayb ka yihiin olole dhibaatayn ah oo ay wadaan maamulka deegaanka, wuxuuna sheegay in shaqaaleysiinta shaqalaha aan la fasixin ay kaliya keeni karto ganaax lacageed, balse aysan keeni karin in ganacsiyada la xiro, sida haddaba dhacday. “Ugu horeyn arrimahaan waa wax khuseeya degmada, shaqana kuma lahan booliska,” ayuu yiri Onur Boran Duman, oo ah qareen ku takhasusay khilaafaadka shaqada. Milkiilayaasha dukaamada ganacsi ee dalka Turkiga ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin joogitaanka Soomaalida, maadaama ay xaafadda u keeni jireen lacago iyo shaqooyin badan. Qaran News