-
Content Count
212,806 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Daarusalaam (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyey Shirweynaha Tamarta Afrika ayaa soo bandhigay qorshaha dowladda Soomaaliya ee kordhinta tayada iyo awoodda Tamarta, taas oo aasaas u ah horumarka iyo isbeddelka Soomaaliya casri ah. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay khayraad badan oo la xiriira cusboonaysiinta Tamarta, sida Qorraxda iyo Dabaylaha. Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in fursadaha Soomaaliya ee Qoraxda iyo Dabaylaha ay mustaqbalka noqon karaan ilo muhiim ah oo laga dhaliyo Tamar saaxiib la ah deegaanka. “Horumarka Soomaaliya ay hiigsanayso waxa uu u baahan yahay tamar jaban oo la heli karo. Maanta dadkayagu kala bar (50%) ma haystaan Koronto ku filan, sidaas awgeed waxaan qorshaynaynaa in aan xoojinno maalgashiga Tamarta, si aan awood ugu yeellano hirgelinta warshadaha, casriyeynta kaabeyaasha nolasha iyo xoojinta adeegyada bulshada” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweyne Xasan Sheekh oo shirkan ay ku wehelinayaan Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Cabdillahi Bidhaan Warsame iyo Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige ayaa u soo bandhigay Daneeyeyaasha caalamiga ah in ay ka qayb qaataan maalgashiga Mashaariicda Tamarta Soomaaliya oo ah suuq weyn oo dihan. Sidoo kale, Shir madaxeedka Tamarta Afrika oo ay ka qeyb galeen madaxda Qaaradda Afrika ayaa maanta laga soo saaray (Bayaanka Daaru-Salaam). Bayaankaas ayaa ah ballanqaad lagu xaqiijinayo in 300 oo Milyan oo Afrikaan ah ay helaan Koronto ku filan, marka la gaaro sanadka 2030-ka oo ku beegan 5 sano ooh adda kadib ah.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyey Shirweynaha Tamarta Afrika ayaa soo bandhigay qorshaha dowladda Soomaaliya ee kordhinta tayada iyo awoodda Tamarta, taas oo aas aas u ah horumarka iyo isbeddelka Soomaaliya casri ah. Madaxweynaha ayaa tilmaanay in Soomaaliya ay leedahay khayraad badan oo la xiriira cusboonaysiinta Tamarta, sida Qorraxda iyo Dabaylaha, kuwaasi oo Mustaqbalka noqon kara ilo muhiim ah oo laga dhaliyo Tamar saaxiib la ah deegaanka. “Horumarka Soomaaliya ay hiigsanayso waxa uu u baahan yahay tamar jaban oo la heli karo. Maanta dadkayagu kala bar “50%”ma haystaan Koronto ku filan, sidaas awgeed waxaan qorshaynaynaa in aan xoojinno maalgashiga Tamarta, si aan awood ugu yeellano hirgelinta warshadaha, casriyeynta kaabeyaasha nolasha iyo xoojinta adeegyada bulshada”. Madaxweyne Xasan Sheekh oo shirkan ay ku wehelinayaan Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Mudane Cabdillahi Bidhaan Warsame iyo Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa u soo bandhigay Daneeyeyaasha caalamiga ah in ay ka qayb qaataan maalgashiga Mashaariicda Tamarta Soomaaliya oo ah suuq weyn oo dihan. Sidoo kale, Shir madaxeedka Tamarta Afrika oo ay ka qeyb galeen madaxda Qaaradda Afrika ayaa maanta laga soo saaray “Bayaanka Daaru-Salaam”, kaas oo ah ballanqaad lagu xaqiijinayo in 300 oo Milyan oo Afrikaan ah ay helaan Koronto ku filan marka la gaaro sanadka 2030. Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Al-Shabaab oo dooneyso inay iska yareyso cadaadiska uga imaanaya shacabka Hiiraan ayaa haatan bilaabay xeelad cusub oo ay ku wajahayaan dagaalka adag ee uga furan gobolkaasi oo hadda dib boorka looga jafay. Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa bilaabay gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxayna maanta isku fidiyeen deegaanno u dhow degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan. Maleeshiyada Al-Shabaab oo durbo dareemay culeyska xooggan ayaa hadda la yimid qorshe yaableh, iyaga oo isku soo ekeysiiyay ciidamada Macawiisleyda ee ka howlgala gobolkaasi. Mid kamid ah saraakiisha hoggaamineysa howlgallada ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay soo xirteen Macawiiseyo, si ay isugu ekeysiiyaan ciidamada deegaanka oo haatan door lixaad leh ka qaadanayaa howlgallada xoreynta ee ka socda gudaha dalka. Sidoo kale wuxuu sarkaalkan tilmaamay in jab culus ay Argagixisada ku gaarsiiyeen howlgalladii ugu dambeeyay oo ka dhacay aagga deegaanka Beerayabaal ee gobolkaasi. Ugu yaraan illaa 15 xubnood ayaa laga dilay maleeshiyada kooxda, waxaana sidoo kale laga soo furtay hub iyo saanad, sida uu sheegay sarkaalka bixiyay xogtaan muhiimka ah. “Khawarijta Shabaab cashar aysan ilabi doonin ayaan ugu dhignay Beera yabaal iyo tuuloyin kale oo badan halkaas oo aan si awood ah uga saarnay, Khawarijta waxay danta ku qasabtay iney isku soo keen akeysiiyaan oo Macwiisyo ay soo xirtaan ayna dhahaan waxanu nahay Macawiisley, meydadkooda waa daadsan yahay 15 ka badan waan arkay hub badana waan ka furanay” ayuu yiri sarkaal sare oo lagu magacaabo Axmed Cali. Xaaladda ayaa weli kacsan, iyada oo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo deegaano badan oo dhaca gobolka Hiiraan ee bartahama Soomaaliya. Gulufka dib uga bilowday gobolka waxaa hoggaaminayo Cali Jayte oo dhowaan ku goodiyay inay xittaa duqeynayaan shacabka ku sugan deegaanada ku sugan dhulka Al-Shabaab.
-
Qandala (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeyn culus oo xalay ka dhacday qaybo kamid ah gobolka Bari, taas oo uu khasaare kasoo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa aagga degmada Qandala ee gobolkaasi. Duqa degmada Qandala Axmed Khuurshe oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in duqeynta oo ka dhacday duleedka degmada ay haleeshay dad shacab ah, isla markaana ay ku dhinteen illaa 4 qof, ayna ku dhaawacmeen 6 kale oo ku sugnaa goobta la duqeeyay. Axmed Khuurshe ayaa sidoo kale tilmaamay in 4 qof ee ku geeriyootay duqeyntan ay ahaayeen dad isku qoys ah, ayna aad uga xun yihiin dhibaatada soo gaartay. Sidoo kale wuxuu dadka reer-guuraaga ee deggan aaggaasi ugu baaqay in ay ka fogaadaan deegaannada ay ku dirirayaan ciidanka difaaca Puntland iyo maleeshiyada kooxda Daacish. Duqa degmada Qandala ma bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan cidda fulisay duqeynta, hase yeeshee dagaalka Ciidanka Difaaca Puntland iyo kooxda kooxdaee ka socda buuraleyda Bari ee Calmiskaad ayaa waxa qayb ka ah duqeymo diyaaradeed oo ay fuliyaan dalalka Soomaaliya ka taageera la-dagaallanka kooxaha loogu yeero argagixisada. Puntland ayaa haatan wadda guluf culus oo ka dhan ah maleeshiyada kooxda Daacish waxayna ciidamada kusii siqayaan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari. Si kastaba, Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in maanta ciidamadu ay isku fidiyeen aaga Tog Jaceel, Waddooyinka Togga soo gala iyo deegaannada u dhow Turmasaale.
-
Sawirro Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Ayaa maanta Gaadiid nooca gurmadka degdega kala wareegay hay,adda WHO. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. DR. Xuseen Bashiir Xirsi ayaa maanta afar gaadiid ah oo nooca gurmadka degdega ah kala wareegay, hay,adda WHO. Munaasibad balaadhan oo lagula kala wareegayay agabkan oo maanta ka qabsoontay xarunta guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, ayaa waxaa goobjoog ahaa, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, qaar ka mid ah Agaasime waaxeedyadda kala duwan ee Wasaaradda, masuuliyiinta sarsare ee hay,adda WHO. Mudan iyo marti kale. Ugu horayn Wasiirka iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa kulan balaadhan la qaatay Masuuliyiinta hay,adda WHO, kana dhagaystay warbixino kala duwan oo ku aadan Arrimaha Caafimaadka ee ay ka wada shaqeeyaan Wasaaradda Iyo hay,adda WHO. Intaa kadib Wasiirka iyo Agaasimaha guud ayaa si rasmi ah ugala wareegay masuuliyiinta sarsare ee hay,adda WHO afar gaadhi oo nooca gurmadka degdega ah oo loogu talo galay inay qayb ka noqdaan Horumarinta adeegyadda Caafimaadka ee ay Wado Wasaaraddu. Qaran News
-
Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa Isniintii ku dhawaaqday in, laga billaabo hadda, dadka ajaaniibta ah loo oggol yahay inay maalgashadaan shirkadaha Sacuudiga ee ku qoran suuqa saamiyada, kuwaasoo hanti ma-guurto ah ku leh magaalooyinka barakaysan ee Makka iyo Madiina, oo ah labada magaalo ee ugu barakaysan Islaamka. Go’aankan ayaa “ujeedkiisu yahay in lagu dhiirrigeliyo maalgashiga, korna loogu qaado soo jiidashada iyo hufnaanta suuqa saamiyada, isla markaana lagu xoojiyo tartankiisa gobolka iyo kan caalamigaba, iyadoo la taageerayo dhaqaalaha gudaha,” sidaa waxaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay Hay’adda Suuqa Maaliyadda ee Boqortooyada. Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in maalgashiga shisheeye “ee shirkadaha hantida ma-guurtada ah ku leh gudaha xuduudaha Makka iyo Madiina uu ku koobnaan doono saamiyada shirkadahaas Sacuudiga ah ee ku qoran suuqa saamiyada Sacuudiga, qalabka deynta la beddeli karo, ama labadaba isku mar.” Si kastaba ha ahaatee, lahaanshaha dadka aan Sacuudiga ahayn kama badan karto 49 boqolkiiba, ayay hay’addu tiri. Sacuudi Carabiya ayaa ah dalka ugu dhaqaalaha badan Bariga Dhexe, waana dalka ugu badan dunida ee dhoofiya saliidda ceyriin. Waxay muddo sannado ah ku howlaneyd qorshe ballaaran oo dib-u-habayn ah, kaasoo ujeedkiisu yahay in lagu kala duwo dhaqaalaha, iyadoo xoogga la saarayo dalxiiska iyo maalgashiga. Magaalada Makka ayaa sanad walba soo dhaweysa malaayiin Muslimiin xujey ah, hase ahaatee, waxaa hadda ka socda mashruuc horumarineed oo ballaaran, kaasoo lagu doonayo in lagu soo jiito 30 milyan oo qof oo cibaadaystayaal ah marka la gaaro sannadka 2030. Mashruuc loogu magac daray Masar, oo ay maalgelinayso Sanduuqa Maalgashiga Dadweynaha ee Boqortooyada (PIF), ayaa saadaalinaya in 40,000 oo qolal hoteel oo cusub laga hirgeliyo gudaha Makka. Xajka sanadlaha ah iyo cimrada ayaa la qiyaasayaa inay soo xareeyeen dakhli gaaraya $12 bilyan sannadkii 2019-kii. Dadka aan Muslimka ahayn looma ogola inay galaan magaalooyinka barakaysan.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay tallaabo uu xalay qaaday Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe), kadib markii uu xil u magacaabay wadaadka caanka ah Sheekh Cali Wajiis. Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa waxaa Sheekha loogu magacaabay inuu noqdo La-taliyaha sare ee arrimaha dalalka Carabta iyo Islaamka. “Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa u magacaabay Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Wajiis) Lataliyaha Sare Ee Arrimaha Dalalka Carabta iyo Islaamka” ayaa lagu yiri digreetada kasoo baxay xafiiska Guudlaawe. Dhinaca kale, fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay magacaabistan, iyada oo baraha bulshada si weyn loogu faaqiday xilka cusub ee loo magacaabay Sheekh Cali Wajiis. Ifraax Cabdulle “Qofkii la rabo in lacag la siiyo magac xileed lasoo hindhisaa bal Suit shabelle iyo Carab maxaa iska galay?”. Xuseen Kulmiye “Garoonka diyaradaha Jowhar ha naloo qurxiyo waxii hadda ka dambeeya reer Jowhar iyo Carab waa is dhex galeen mar haddii uu Shiikh Cali la hadlo Carabta horumar wacan Hirshabelle”. Cabdulqaadir Maxamuud Daada “Maamul isku sheegan wax naga qabsado ma la waayay xil nuucii la rabo leyska hindisaayo maxaa waayay?”. Axmed Cilmi “Maxaa ka galay Hirshabelle arrimaha Carabta iyo Islaamka, Hirshabelle waa local, dowladda federaalka ayaa mas’uul ka ah arrimaha Carabta iyo Islaamka”. Maxamed Deeq Cumar ” Qosol iguma harin kkkkkkk Soomaaliyeey saan miyaaa noo dambeysay Carabta waa maxaay?”.
-
Afhayeenka Xukuumada Somaliland, Xuseen Aadan Cige Dayr, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo ku sugan dalka Imaaraatka Carabta, uu ku dadaalayo horumarinta xidhiidhka Somaliland iyo dunida. Afhayeenku waxa uu sheegay in Madaxweyne Cirro, uu doonayo in Somaliland ay xidhiidh fiican la yeelato caalamka oo dhan “Madaxweynaha Somaliland waxa uu xaqiijinaya himiladiisa hagarla’aanta ah ee uu ku doonayo in uu kor ugu qaado meeqaamka ay Somaliland ku leedahay caalamka” ayuu yidhi Dayr. Dhinaca kale, Lataliyaha Arrimaha Dibadda ee Madaxweyne Cirro, Danjire Maxamed Haggi, oo ka mid ah xubnaha waftiga madaxweynaha, ayaa sheegay in madaxweynuhu uu la kulmay saraakiil sare oo ka tirsan dowlada Imaaraatka Carabta. “Kulamada socdaalkan ku dhexmaraya dowladaha Somaliland iyo Imaaraatka Carabta, waxa la rajaynayaa inay noqdaan kuwii ugu wax-ku-oolsanaa uguna guulaha badnaa iswaydaarsiga diblumaasiyadda labada dhinac,” ayuu yidhi Danjire Haggi. Waxa uu sheegay in maxsuulka ka soo baxa wadahadaladani uu horseedi doono iskaashi iyo isbahaysi istiraatejiyadeed, taasi oo wadada u xaadhaysa horumar iyo barwaaqo la wada gaadho. Hadalka Danjire Haggi ayaa ah warkii ugu horreeyay ee waftiga madaxweynaha laga helo tan iyo markii uu Axadii ka dhoofay magaalada Hargaysa, iyada oo madaxtooyadu aanay bulshada wax wargalin ah siinin kadib markii uu dhoofay waftigu. Qaran News
-
Two summits in Djibouti, but no talk of Djibouti’s own struggles By Faustine Ngila – The Horn of Africa is facing an unprecedented confluence of crises, marked by civil wars in Ethiopia and Sudan, escalating tensions between Somalia and Ethiopia, and the persistent threat of al-Shabaab’s insurgency in Somalia. Against this backdrop, two high-profile forums were held recently in Djibouti, aimed at addressing regional stability and security. The Heritage Institute for Policy Studies convened its annual three-day dialogue on regional stability, while the East Africa Security Forum (EASF) brought together diplomats, military leaders, and private-sector stakeholders under the auspices of the Combined Joint Task Force – Horn of Africa (CJTF-HOA). However, conspicuously absent from both forums were discussions about Djibouti’s own internal issues: widespread hunger, endemic insecurity, and a lack of democratic governance. These omissions raise critical questions about the priorities of regional and international stakeholders and the inherent challenges of hosting such discussions in a country with pressing internal issues. The Horn of Africa is a region teetering on the edge of collapse. In Ethiopia and Sudan, civil wars have left thousands dead and millions displaced. Somalia continues to battle the al-Shabaab insurgency, a persistent threat to national and regional stability. Meanwhile, tensions between Somalia and Ethiopia have flared over a contentious port deal Addis Ababa signed with Somaliland, the breakaway region whose sovereignty remains unrecognized internationally. Amid this chaos, Djibouti has positioned itself as a relative island of stability, hosting international military bases and serving as a hub for diplomatic activity. Yet beneath this façade, Djibouti grapples with its own set of crises, including hunger exacerbated by prolonged droughts, economic vulnerabilities, and a political system often criticized for its lack of democratic freedoms. Between April and June 2024, for instance, an estimated 221,000 people or 19 percent of the analysed population (out of 1.18 million people), were facing high levels of acute food insecurity, according to the Integrated Food Security (IPC). In the 2024 Global Hunger Index, Djibouti ranks 92nd out of 127 countries, with a score of 21.2, indicating a serious level of hunger. Djibouti imports 90% of its food, making it vulnerable to international market price fluctuations, according to the European Civil Protection and Humanitarian Aid Operations. The country’s hot, dry climate also limits agricultural production. Djibouti has a poverty rate of 79%, with 42% of the population living in extreme poverty. High levels of unemployment also contribute to humanitarian needs. Djibouti’s geographical location makes it a strategic hub for international military bases, hosting troops from the United States, China, France, Japan, and Italy. Djibouti’s maritime territory is increasingly plagued by illegal fishing activities, primarily conducted by foreign fleets from Yemen and China. These unregulated operations deplete fish stocks, threatening the livelihoods of local fishing communities and disrupting the marine ecosystem. Illegal fishing not only undermines Djibouti’s economic prospects but also poses a security threat. It has been linked to organized criminal networks that use fishing vessels as cover for smuggling goods, weapons, and even people. Additionally, the lack of effective maritime surveillance leaves Djibouti’s waters vulnerable to exploitation, highlighting a significant gap in its security infrastructure. The government’s inability to monitor and regulate its maritime borders exacerbates the issue. While international partnerships, such as those with the European Union’s naval operations and other anti-piracy missions, aim to strengthen maritime security, the focus often remains on piracy rather than illegal fishing. This imbalance leaves the problem of unregulated fishing largely unaddressed. While these bases contribute to regional security, they do not shield Djibouti from internal and neighboring conflicts. The Horn of Africa is one of the most volatile regions globally, with civil wars in Ethiopia and Sudan, al-Shabaab’s insurgency in Somalia, and heightened tensions between neighboring states. These conflicts spill over into Djibouti, straining its limited resources and exposing vulnerabilities in its security apparatus. For instance, tensions between Ethiopia and Somalia over territorial disputes and Somaliland’s independence aspirations often find expression in Djibouti’s border areas, leading to localized instability. The porous borders make it difficult for authorities to control the influx of refugees and militants, further complicating security management. Domestically, Djibouti faces political repression and a lack of democratic governance, which exacerbate insecurity. The government, led by President Ismaïl Omar Guelleh since 1999, has faced allegations of being an Al-Shabaab sympathiser. There are also allegations that Somalia’s Salaam Bank, which has been linked with Al-Shabaab over the years, also has links with Guelleh’s inner political circle. His government continues to face strong criticism for stifling dissent and consolidating power. This political climate fosters discontent among the populace and raises concerns about the state’s ability to manage internal security effectively. Human trafficking is a persistent and growing problem in Djibouti, largely driven by its proximity to conflict zones and its strategic location as a transit point to Yemen and the Arabian Peninsula. The majority of trafficked individuals come from Somalia and Ethiopia, fleeing poverty, conflict, and political instability. These migrants often seek better opportunities in Gulf countries but become victims of exploitation and abuse along the way. Djibouti serves as a key transit route for smugglers and traffickers who promise desperate migrants passage to Yemen, often under dire and dangerous conditions. The journey involves crossing the treacherous Gulf of Aden, frequently in overcrowded and unseaworthy vessels. Many do not survive the crossing, falling victim to drowning, starvation, or abuse at the hands of smugglers. The human trafficking networks operating in Djibouti are highly organized, exploiting the country’s weak border controls and limited law enforcement resources. Despite efforts by international organizations and NGOs to combat trafficking, the scale of the problem remains overwhelming. Trafficked individuals often face inhumane treatment, including forced labor and sexual exploitation, both en route and upon arrival in their destination countries. Despite these glaring issues, the forums held in Djibouti turned their focus outward, concentrating on the region’s broader security dilemmas. The absence of discussions on Djibouti’s internal challenges is reflective of its strategic position and the delicate balancing act required in such high-stakes gatherings. From November 25 to 27, scholars, politicians, and traditional leaders gathered for the Heritage Institute’s annual forum, hosted in Djibouti. The focus was on fostering dialogue among key stakeholders from across the Horn of Africa, with an emphasis on addressing regional instability. Central to the discussions were the civil wars in Ethiopia and Sudan, Somalia’s ongoing political challenges, and the threat posed by al-Shabaab. The forum offered a unique opportunity for regional leaders to confront pressing transnational issues. However, its agenda sidestepped domestic concerns within Djibouti, opting instead to spotlight regional dynamics. The decision to omit discussions about Djibouti’s hunger crisis, insecurity, or democratic deficits can be attributed to several factors, including the forum’s regional scope and the host nation’s influence over the agenda. The East Africa Security Forum (EASF) held from November 21 to 23 at Camp Lemonnier, the East Africa Security Forum took a decidedly security-focused approach. Organized by the U.S.-led Combined Joint Task Force – Horn of Africa, the forum emphasized enhancing collaboration between the U.S. and its regional partners. Discussions revolved around managing inter- and intra-state conflicts, leveraging private-sector investments for stability, and tackling tribal and national affiliations that often fuel regional discord. Once again, Djibouti’s internal issues were notably absent. Instead, the forum concentrated on broader regional and international security priorities, aligning with U.S. strategic interests in the Horn of Africa. As a key U.S. ally and the site of America’s largest military base in Africa, Djibouti enjoys a degree of diplomatic immunity when it comes to scrutiny of its internal affairs. This narrative of stability is carefully cultivated and fiercely protected in Djibouti. Raising issues such as hunger, insecurity, or democratic deficits in high-profile forums held within Djibouti could be seen as diplomatically provocative, potentially jeopardizing relations with the host nation. Consequently, organizers often tread cautiously, prioritizing external challenges over internal critiques. However, this approach is not without consequences. Ignoring Djibouti’s domestic issues risks perpetuating cycles of poverty, eroding governance, and undermining the very stability that makes it a valuable partner in regional security efforts. Djibouti’s hunger crisis, driven by prolonged droughts and economic stagnation, continues to affect a significant portion of its population. Failing to address these issues in forums ostensibly focused on stability undermines efforts to build a resilient and secure region. International actors, including the U.S. and multilateral organizations, have a responsibility to advocate for transparency and reform in Djibouti but they often choose no to. The absence of meaningful U.S. advocacy for transparency and reform enables Djibouti’s entrenched authoritarian practices, stifling democratic progress. President Ismaïl Omar Guelleh has presided over a system marked by political repression, corruption, and limited civic freedoms. Without external pressure for reform, this system remains unchallenged, perpetuating governance practices that prioritize elite interests over public welfare. By avoiding discussions on governance and democracy, forums inadvertently legitimize Djibouti’s authoritarian tendencies. This silence not only perpetuates existing power structures but also undermines broader efforts to promote democratic principles across the region. Djibouti’s lack of transparency hampers economic development by discouraging foreign investment and allowing corruption to flourish. With a centralized economy heavily dependent on port revenues and rents from military bases, unchecked governance risks deepening economic inequality and fostering discontent among marginalized communities. Future forums must adopt a more inclusive and holistic approach to addressing the Horn of Africa’s challenges. This includes incorporating discussions on domestic issues within host nations like Djibouti, even when such topics are diplomatically sensitive. New business Ethiopia Qaran News
-
Bishan Janaayo 2025, askarta Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku sugan furimaha hore ee dagaalka, ayaa bilaabay olole baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, kaasi oo ay ku muujinayaan cabasho ku saabsan mushaar la’aan. Sida caadiga ah, askartu waxay mushaarkooda helaan 25-ka bisha, hase yeeshee, ilaa maanta oo ay tahay 28-ka Janaayo, weli ma aysan helin mushaarkooda, taasoo dhalisay shakiga ah in mushaarka bishan la waayi karo. Ololahaan oo loogu magac daray ‘Waa Lagala Shakiyay’ ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada, iyada oo askartu muuqaallo iyo fariimo ku baahinayaan TikTok, iyaga oo muujinaya dareenkooda ku aaddan dib u dhaca mushaarka iyo saameynta ay ku yeelatay noloshooda iyo waajibaadkooda shaqo. Ilaa hadda, Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya kama aysan hadlin cabashadan ay soo jeediyeen askarta dowladda. Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay Askarta Soomaaliya ayaa si toos ah u heli jiray mushaarkooda 25 bisha. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inay waddo dadaallo lagu xoojinayo dakhliga gudaha si loo hubiyo bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidamada. Bishii Agoosto 2024, Wasaaradda Maaliyadda ayaa ku dhawaaqday hirgelinta canshuurta iibka ee 5% ah oo laga qaadayo badeecadaha iyo adeegyada, taasoo qeyb ka ah qorshaha lagu maalgelinayo adeegyada muhiimka ah ee dowladda, sida bixinta mushaaraadka . Si kastaba ha ahaatee, cabashada askarta ee ku saabsan mushaar la’aanta ayaa muujineysa in weli ay jiraan caqabado ku saabsan bixinta mushaaraadka ciidamada, iyadoo la sugayo in Wasaaradda Maaliyadda ay ka jawaabto cabashadan isla markaana ay caddeyso sababta keentay dib u dhaca mushaarka bishan. Source: goobjoog.com
-
Chinese startup DeepSeek's launch of its latest AI models, which it says are on a par or better than industry-leading models in the United States at a fraction of the cost, is threatening to upset the technology world order. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) – Somali Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Amb. Ahmed Moallim Fiqi confirmed on Monday that Egypt will deploy troops to Somalia under the African Union Support and Stabilisation Mission in Somalia (AUSSOM) and through a bilateral agreement with the Somali government. Source: Hiiraan Online
-
Buuraha Calmiskaad oo kor laga sawiray Guddoomiyaha magaalada Qandala ee gobolka Bari, Axmed Yuusuf Maxamed (Khuurshe) ayaa markii u horraysay maanta ka warbixiyay duqeyn diyaaradeed oo fiidnimadii xalay ka dhacday degaanka Sixna ee degmada Qandala, taasi oo lagu beegsaday qoys dhan oo reer miyi ah. Guddoomiye Axmed Khuurshe oo faahfaahin ka bixiyay dhacdadaasi ayaa sheegay in loo xaqiijiyay dhimashada afar ruux iyo dhaawaca lix kale oo dhammaantood hal qoys ah, kaddib markii fiidnimadii xalay duqeyn lala beegsaday reerkaasi oo degganaa miyiga degaanka Sixna oo ka tirsan degmada Qandala ee gobolka Bari. “Marka kowaad waxaan halkaan uga tacsiyeynaynaa qoyskii dhibaatadu ka soo gaartay duqeyntii xalay oo la sheegay afar dhimasho ah iyo lix dhaawac ah inta aan warbixinta ku hayno, waxaan leenahay wixii dhintay ilaahay ha u naxariisto, wixii dhaawac ahna ilaahay ha u booga dhayo” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Qandala ee gobolka Bari, Axmed Yuusuf Maxamed (Khuurshe). Guddoomiye Khuurshe oo ay weheliyaan cutubyo ka tirsan guutada Gantaal ee ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa sidoo kale baaq u diray shacabka deggan miyiga degaannada ku teedsan buuraha Calmiskaad ee uu ka socdo hawlgalka lagu beegsanayo kooxaha Argagixisada ah ee Daacish. “Waxaan u sheegaynaa mar kastana ku soo celcelinaa dadka reer Qandala ee jooga meelaha dagaalladu ka socdaan ee nimankaasi Xagjirka ah ku dhuumanayaan in ay goobahaasi isaga fogaadaan oo yimaadaan tuulooyinka iyo degaannada dowladdu gacanta ku hayso, wixii maanta inagu dhacay waa nagu dhaceen balse mar danbe si aysan u soo noqon” ayuu sii raaciyay hadalkiisa guddoomiyaha Qandala. Dhinaca kale, kama uu hadal cidda leh diyaaradaha dagaalka ee fuliyay duqeyntii lala beegsaday qoyska reer miyiga ah, balse wuxu tilmaamay in duqeymo ka dhacayaan degaannada lagu tuhmayo kooxaha Argagixisada ah ee Daacish, si loo soo afjaro. PUNTLAND POST The post Puntland oo ka warbixisay qoys dhan oo duqeyn diyaaradeed lala beegsaday appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal culus uu ka dhacay aagga deegaanka Raaskambooni, kaas oo u dhexeeyay Ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo dagaalyahannada Al-Shabaab. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar dhabagal ah ku qaadeen kolonyo ay wateen ciidanka maamulka Jubbaland oo ku socdaalayay duleedka Raaskambooni, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac. Ciidamada la weeraray ayaa kasoo baxay dhinaca xuduud beenaadka Soomaaliya iyo Kenya, waxayna kusii jeedeen isla deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka. Kooxda Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkan ayaa sheegtay in weerarka ay ku dishay ugu yaraan 1 askari, ayna ku dhaawacday 3 kale, sida ay hadalka u dhigtay. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka saraakiisha Jubbaland oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay ee ay guusha ka sheegatay Al-Shabaab. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Jubbada Hoose. Al-Shabaab ayaa weli u xoogan Jubbooyinka, waxaana badanaa ay ka fuliyaan weeraro qaraxyo ah iyo kuwa toos ah oo ay ku qaadaan ciidamada ka howlgala gobolladaasi.
-
Howlgal muhiim ah oo lagu tallaalayo dhammaanba xoolaha Kenya ayaa lagu wadaa inuu toddobaadkan dhexdiisa furmo xilli diidmo xooggan ay ka imaaneyso beeralleyda oo aaminsan khuraafaad marin-habaabin ah oo ku saabsan tallaalka. Waxba uguma kacayso beeralleyda in xoolahooda la tallaalo iyadoo dowladdu ay sheegeyso inay bixineyso kharashaadka ku baxaya. Balse Robert Nkukuu, oo lo’ ku dhaqda deegaanka Mai Mahiu ee magaalada Nakuru – oo qiyaastii 50km (30 meyl) waqooyi-galbeed ka xigta caasimadda, Nairobi, ayaa sharraxay sida arrin sumeysan ay u noqotay tan iyo markii Madaxweyne William Ruto u uku dhawaaqay qorshaha bishii November. “Haddii bulshada halkan ay ogaadaan inaad tallaalka taageersan tahay way ku dhibaateynayaan. Marka jooji ka hadalkeeda, ma dooneyno,” ayuu u sheegay BBC. Ujeeddada dowladda ayaa ah in la tallaalo ugu yaraan 22 milyan oo lo’ ah iyo 50 milyan oo ari iyo ido ah muddo saddex sano gudahood ah. Haatan keliya 10% xoolaha dalka ayaa hela tallaalka ay u baahan yihiin dowladda ayaana sheegeysa inay doonayan inay kordhiyaan oo ka dhigaan ilaa 85% si manaafacaadka xoolaha Kenya looga dhigo kuwo la dhoofin karo. Madaxweynaha, oo qudhiisa beer leh isla markaana xoolo badan leh, ayaa sheegay in tallaalku muhiim u yahay xoolaha iyadoo lagu xakameynayo xanuunka cabeebka ee lo’da ku dhaca iyo kuwa ariga iyo idaha ku dhaca. Balse qaar ka mid ah kuwa kasoo horjeeda barnaamijka ayaa aaminsan in aasaasaha shirkadda Microsoft Bill Gates uu maal-gelinayo, waxaana arrintan dabka usii huriyay dad soo wadaagaya muuqaallada wareysiyo uu kaga hadlayay tallaalka lo’da si loo xakameeyo gaaska methane ee hawada lagu sii daayo. Xigashada Sawirka,AFP Qoraalka sawirka,Kenya waxay ka mid tahay dalalka ugu badan Afrika ee manaafacaadka xoolaha laga soo saaro Gaaska methane ee marka xoolaha la afuufo kasoo baxa iyo dhuusadooda ayaa 15% ka mid ah gaaska hawada lagu sii daayo guud ahaan dunida sanad kasta, sida ay muujineyso qiyaasta QM. Waa kan ugu caansan nooca gaaska aan la cusbooneysiin karin marka laga soo tago carbon dioxide (CO2). Jonathan Mueke, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda beeraha Kenya, ayaa beeniyay in Gates uu ku lug leeyahay barnaamijka tallaalka xoolaha – isagoo intaa ku daray in bilyaneerka Mareykanka iyo cid kale oo shisheeya ahba aysan maalgelin ku sameyn. Balse tan ma aysan joojin fakradaha shirqoolka ee la isla dhex marayo baraha bulshada, oo aalaaba ay soo gudbiyaan dad caan ah. Caleb Karuga, oo ah weriye hore haatanna ah xoolo-dhaqde saameyn leh, ayaa barta X kusoo wadaagay inuu ka hor imaan doono tallaalka, isagoo sheegay in cidna aysan xoolihiisa tallaali doonin “sababtoo ah inuu Bill Gates sidaa yiri.” Ledama Olekina, oo ah sanatarmucaarad ah iyo xoolo-dhaqde caan ah oo qowmiyadda Maasai ka tirsan, ayaa barta X kusoo qoray: “Waxaa [jira] malaayiin lo’ ah oo Yurub iyi Ameerika ku nool midkoodna looma tallaalo neefta kasoo baxda … teyda lama tallaali doono.” Gates ayaa hore u maal-geliyay mashaariic lagu yareynayo gaarka methane ee lo’da kasoo baxa wuxuuna maalgelinayaa shirkad Mareykanka fadhigeedu yahay oo dooneysa soo saaridda tallaalka, si la mid ah maalgashadeyaal kale oo Mareykan ah. Balse Prof Ermias Kebreab oo ka tirsan Jaamacadda California, Davis oo Mareykanka jooga, oo baaritaan ku sameeyay sida loo yareeyo gaaska meshane ee xoolaha kasoo baxa, ayaa BBC u sheegay in haatan uusan jirin tallaal xoolaha ah oo lagu yareynayo gaaska metahne. “Waxaan jeclaan lahaa inaan mid heysanno balse weli horumarin buu ku jiraa – midna weli ma gaarin [marxaladda] in lagu tijaabiyo xoolaha,” ayuu yiri. Si kastaba, xaqiijinta sidan oo kale wax badan kama beddelin faham-darrada laga qabo ujeeddooyinka ka dambeeya ololaha tallaalka. Aaminaad-darrada ayaa waxaa riixaya qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah, kuwaas oo sheegay in tallaalka uu la falgeli doono hiddo-sidayaasha xoolaha, taas oo ay ka dhalan karto in xoolaha dhalanaya ay wax ka khaldamaan. “Ruto ayaa horumarinaya ajande shisheeye oo shaki leh. Qorshahan waa mid halis ah waana in la joojiyaa,” ayuu yiri Kalonzo Musyoka, oo ah hoggaamiye mucaarad ah, muddo aan ka fogeyn marka barnaamijka lagu dhawaaqay. Markii BBC ay Musyoka wax ka weydiisay sheegashooyinka gaarka ah ee tallaalka inay dhib u keeni karaan lo’da, afhayeenkiisa ayaa sheegay in ololaha tallaalka uu “carqalad ku yahay dastuurka”. Wuxuu intaa ku daray inay “ku hareereysan yihiin sir” dowladduna aysan faahfaahin ka bixin maal-gelinta, hirgelinta amaba xogaha teknolojiyadeed ee tallaalka. Soo jeedinta ah in tallaalka xoolaha uu isbeddel hiddo-side ku keeni doono xoolaha ayaa ah mid marin-habaabin ah, sida uu sheegay Prof Ermias. “Waxay aad ugu ektahay dadka qaadanaya tallaalka lagula dagaallamo xanuunnada kala duwan. Ma jiro war sheegaya inuu sababo curyaannimo amaba uu la falgalo DNA,” ayuu aqoon-yahanka u sheegay BBC. Qoraalka sawirka,Xoolo-dhaqde Robert Ngukuu way ka go’an tahay inuusan tallaalin xoolihiisa Madaxweyne Ruto ayaa aragtiyaha kuwa kasoo horjeeda tallaalka ku sheegay “inay keliya yihiin kuwo la marin-habaabiyay oo aan wax sabab ah loo heyn”. “Dhammaaneen kuwa la tallaalay, ma cid bay dhuusada ka joogsatay?” ayuu Ruto yiri isagoo sheegashooyinka methane ku tilmaamay kuwo “aan micno lahayn”. Haddana falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in faafitaanka fakradaha noocan ee shirqoolka lala xiriirinayo xiriir xumo ka timid Ruto qudhiisa iyo sidoo kale aaminaad-darro lagu qabo dowladdiisa kadib dibadbaxyadii canshuuraha looga soo horjeeday sanadkii hore iyo dhowr fadeexado musuqmaasuq ah. Dowladda ayaa wajahday cambaareyn ballaaran oo ku aaddan kordhinta canshuuraha tan iyo markii Ruto uu madaxweyne noqday sanadkii 2022. Bishii June ee lasoo dhaafay waxaa lagu qasbay inay ka laabato sharciga lagu murmay ee dhaqaalaha kaasoo canshuur kordhin badan ay ku jirtay. Qoraalka sawirka,Haatan keliya 10% xoolaha dalka ayaa hela tallaalka ay u baahan yihiin dowladda ayaana sheegeysa inay doonayan inay kordhiyaan oo ka dhigaan ilaa 85% si manaafacaadka xoolaha Kenya looga dhigo kuwo la dhoofin karo Wasiirka Beeraha Mutahi Kagwe ayaa doonaya inuu cid walba uu u xaqiijiyo in howshan ay noqon doonto mid mutadawacnimo ah wuxuuna ka codsaday in dhammaanba loo howlgalo “si loo daweeyo been-abuurka” ku hareereysan arrinta. Dowladda ayaa sidoo kale dadweynaha u xaqiijineysa in tallaalka lagu soo saaray gudaha dalka. Balse beeralleyda qaar ayaa weli wacad ku maraya inay ka hor imaan doonaan damaca tallaalka, iyagoo u aaneynaya suurto-galnimada in farogelin shisheeye ay ku jiraan iyo aaminaad darro dowladda lagu qabo. David Tiriki, oo ah xoolo-dhaqde ku nool deegaanka Kajiado, koofurta Nairobi, ayaa BBC u sheegay inuusan oggolaan doonin in xoolihiisa la tallaalo, isagoo u aaneynaya cabsi dhanka ammaanka aj. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in dhinacyo dhowr ah isku dayeen in Masar laga reebo howl-galka cusub ee AUSSOM. Wasiir Fiqi oo ka hadlayey xaaladdii loo soo maray in ciidamada Masar ay aqbasho dowladda si ay qayb uga noqdaan howl-galka ayaa wuxuu si daahsoon u sheegay in bilihii lasoo dhaafay dhinacyo kala duwan laga soo tuurayay sidii Masar looga hortagi lahaa inay ku biirto howl-galka cusub ee dalka ka bilowday. Inkasta uusan magac xusin cidda ama dhinaca dowladda Soomaaliya ku cadaadiyay sidii Masar looga reebi lahaa howl-galka, ayaa haddana waxaa iska cad in liiska ay safka hore uga jirto Itoobiya, oo ayadu si weyn isku hayaan Masaarida. “Bilihii lasoo dhaafay waxaa jiray cadaadis Masar looga reebi rabay howl-galka Midowga Afrika, dhinacyo kala duwan ayaa laga soo tuuray arrintaas. Jabuuti iyo dalalka kale ee deriska ayaa howl-galkan ku jira balse culeyska waxaa la saaray Masar ku biiristeeda howl-galkan,” ayuu yiri Fiqi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Masaarida ay taageeraan ciidamada ammaanka dowladda, islamarkaana ay gacan ka geystaan tababarkooda iyo qalabeyntooda, sidaas awgeed aysan jirin sabab keeni karta in laga reebo ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika. Itoobiya oo xiisad dhanka biyaha webiga Nile-ka kala dhaxeysa Masaarida ayaa dhowr jeer isku-deyday tallaabooyin ay ku hor istaageyso in Masar ay saami ku yeelato ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM. Si kastaba, Qaahira ayaa dadaalkii ay gelisay ka qeyb noqoshada howl-galka cusub ugu dambeyn ku guuleysatay saddex maalin kahor, iyadoo laga aqbalay xubinnimada howl-galkan dalka bilowday sanadkan cusub.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa si weyn u weeraray Xildhibaan Daahir Jeesoow, isagoo su’aal geliyay inuu leeyahay xasaanaad ka duwan midda xildhibaannada. Cosoble oo daba socday hadal uu dhawaan warbaahinta mariyey xildhibaan Jeesoow, kaasi oo uu kaga soo horjeestay in guluf culus lagu qaado deegaanada galbeedka Hiiraan, oo uu sheegay in Shabaab ku haystaan dadkiisa, uuna rejo niyadjab ka muujiyay in shacabka iyo Shabaab isku si loo dilo karo, taas oo madaxweynihii hore ee HirShabelle wax lala yaabo ku tilmaamay. “Waxaan dhageystay Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesoow oo dhahaya galbeedka Hiiraan waxaa ku nool oo la-heystayaal ku ah adeeradey, abtiyaashey iyo eedooyinkay, haddii Shabaabka jooga galbeedka Hiiraan la weerarana waxaa halkaas ku la’anaa tolkey ee yaan la weerarin,” ayuu yiri Cosoble. Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan ku talinayaa in xildhibaanada Soomaaliya la siiyo xasaanad la mid ah midda uu leeyahay Xil Dahir Amiin Jeesaw ama asaga laga qaado xasaanadda dheeriga ah ee inuu heysto uu warbaahinta ka qirayo.” Hoos ka aqriso qoraalka Cosoble; Waxaan dhageystay Xildhibaan Dahir Amiin Jesaw oo dhahaya galbedka Hiiraan waxaa ku nool oo la heystetayaal ku ah adeeradey, abtiyashey iyo eedooyinkey, hadii Shabaabka jooga galbeedka Hiiraan la weerarana waxaa halkaas ku la’anaa tolkey ee yaan la weerarin. Waxaan u maleynayaa xildhibaan Daahir inuu leeyahay xasaanad ka duwan midda ay leeyihiin xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Waxaan ku talinayaa in xildhibaanada Soomaaliya la siiyo xasaanad la mid ah midda uu leeyahay Xil Dahir Amiin Jeesaw ama asaga laga qaado xasaanadda dheeriga ah ee inuu heysto uu warbaahinta ka qirayo. Kuye yaan loo dhawaanin Shababka jooga galbeedka Hiiraan. Xil Dahirow, seedi ama naga cesho Shabaabkaaga oo yeysan webiga ka soo talaabin ama waa ku qasbannahay inaan ugu tagno galbeedka Hiiraan.
-
Ciidamada difaaca dowladda Puntland oo ku raad-jooga firxadka Argagixisadii kala daatay ee Daacish ayaa saaka hawlgal amni ka sameeyay dhammaam malkooyinka laga galo togga weyn ee Jeceel. Qoraal kooban oo ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidamadu hawlgal amni ka sameeyeen aagagga laga galo togga weyn ee Jeceel oo la rumaysan yahay in ay weli ku dhuumanayaan kooxo firxad ah oo ka tirsan mileeshiyaadka Daacish. Ciidamada difaaca Puntland ayaa sidoo kale hawlgalkaasi ciidan ka sameeyay degaannada ku teedsan Turmasaale oo dhawaan laga saaray kooxaha Argagixisada ah “Ciidanku waxay howlgalo Amni ka sameeyeen aaga Tog Jaceel, Waddooyinka Togga soo gala iyo deegaannada u dhow Turmasaale” ayaa lagu yiri qoraalka. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo saaka jihooyin kala duwan kaga yimid Argagixisada ku jirta togga Jeceel appeared first on Puntland Post.
-
Cheap data, social media and creativity are filling in for an absent state Thirty years ago, making a phone call from Somalia meant crossing the border into better-connected Kenya or Ethiopia. Yet by 2004 the lawless nation had more telephone connections per capita than any other east African country. Today, the Somali state is still fragile: insecurity is rife and government services are poor. But mobile data in Somalia is cheaper than in Britain, Finland or Japan—and the signal is good, too. Jethro Norman, a Mancunian anthropologist who does research in Somalia, says he gets better mobile coverage in some of the remotest parts of the country than he does in Manchester. How has dysfunctional Somalia managed to develop such an outstanding telecoms network? The answer lies in the stateâ€s very weakness. Three decades of chaos and conflict have forced hundreds of thousands of Somalis to flee their country. Those who have stayed depend on them: the diaspora sends home around $2bn a year, roughly double the governmentâ€s budget. An extensive phone network was needed to handle those vast remittance flows. In Somaliaâ€s radical free-market, the invisible hand did the rest. The upside of a lack of government is that there is no need to pay for licences or to bribe corrupt officials to get the job done. If telecoms flourished at first in the absence of the state, cheap internet is now helping to replace it. A recent research paper by Mr Norman shows how clan-based WhatsApp groups are increasingly being used to crowdsource capital from “investors†in the diaspora, and then to co-ordinate the building of schools, hospitals and roads with the money that is raised. Social media is filling in for the failing state in other ways, too. WhatsApp groups serve as virtual courts, for instance, where disputes are resolved without distant judges, resolve health emergencies, where members raise money to pay for life-saving operations, and even as a kind of insurance, for instance, to help with health care if a family member falls ill. The rise of this WhatsAppocracy is not without its flaws. Hate speech that deepens clan conflicts is common, particularly among the diaspora. And WhatsApp groups can also raise money to buy guns as well as schools. Still, for now, governance via WhatsApp seems to beat rule by warlords. Somalis are making do with what they have. Source: The Economist The post Government by social media in Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa waayeysa lacag taageero ah oo dhan 125.5 milyan dollar, kadib markii hay’adda USAID ku dhowaaqday inay si KMG ah u joojinayso dhammaan barnaamijyadeeda taageerada dhaqaale ee caalamiga ah. Tan ayaa imaneysa hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Mareykanka (USAID) ay Soomaaliya u ballan-qaaday malaayiin doollar oo lagu taageerayo dadaallada horumarinta iyo adkeysiga bulshada Soomaaliyeed. Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa bishii October ee sanadkii tegay waxay kala saxiixdeen heshiis $68.5 milyan ah oo loogu talagalay horumarinta dhaqaalaha, dib u habaynta maamulka, caafimaadka, waxbarashada iyo awood-siinta haweenka iyo dhallinyarada. Waxaa kamid ahaa heshiiskan ballan-qaad lagu ballaarinayo barnaamijyada waxbarashada, iyadoo la qorsheynayay in ka badan 150,000 oo carruur Soomaaliyeed ah ay ka faa’iideystaan, laguna dayactiro 200 fasal ka badan. Sidoo kale isla sanadkaas bishii December waxay USAID ku dhowaaqday $29 milyan oo dheeri ah oo loogu tala-galay wax ka qabashada cunto yaraanta iyo nafaqobxumada ka jirta Soomaaliya. Maal-gelintan ayaa xoogga saareysay sugnaanta cuntada iyo xoojinta u adkeysiga bulshooyinka maxalliga ah ee la daala-dhacaya saameynta isbeddelka cimilada. Iyadoo hakinta barnaamijyada USAID ay durba walaac xooggan ka abuurtay Soomaaliya oo xilligaan si weyn ugu tiirsan gargaarka caalamiga ah si loo maareeyo xaaladaha nololeed ee adag. Sidoo kale wuxuu go’aanka Mareykanka saameyn weyn ku yeelan karaa qoysaska nugul ee ka faa’iideysta barnaamijyada taakulo, iyadoo geesta kalena abuureysa hubanti la’aan ku saabsan mustaqbalka taageerada Mareykanka ee Soomaaliya
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shiinaha ayaa dhowaan xayiraad kusoo rogay soo-dejinta xoolaha iyo hilibka xoolaha ee ka imanaya Soomaaliya iyo dalal kale, tallaabadaas oo walaac xooggan ka dhalisay Soomaaliya, halkaasoo dhaqaalaha dalku uu aad ugu tiirsan yahay dhoofinta xoolaha. Xayiraaddan, oo looga gol leeyahay in lagu xakameeyo faafitaanka cudurrada xoolaha, gaar ahaan cudurka qow-qowda, ayaa saamayn ballaaran oo toos ah ku leh ganacsiga Soomaaliya iyo hab-nololeedka bulshada reer guuraaga ah. Xayiraadda, oo ay ku dhawaaqday Wakaaladda Guud ee Kastamka Shiinaha, ayaa si gaar ah u saamaynaysa dalalka waaweyn ee dhoofiya xoolaha, oo ay ku jiraan Soomaaliya, Ghana, Masar, iyo Nigeria. Badeecadaha la warshadeeyay iyo kuwa aan la warshadeyn labadaba, sida idaha, ariga, digaagga, iyo deerada, ayaa dhamaantood qayb ka ah alaabaha ay xayiraaddu khusayso. Go’aankan ayaa daba socda digniino culus oo kasoo baxay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) oo ku saabsan cudurro xoolo oo ka dillaacay gobollo dhowr ah. Dhaqaalaha Soomaaliya, ayaa si weyn ugu tiirsan dhoofka xoolaha, kuwaasoo qiyaastii boqolkiiba toddobaatan (70%) ka ah guud ahaan waxyaabaha dalka laga dhoofiyo. Sanadkii 2023-kii, dalku wuxuu ku dhowaad $1 bilyan oo dollar ka soo saaray dhoofinta geela, lo’da, ariga, iyo idaha, kuwaasoo loo iib geeyey, inta badan, dalka Sucuudi Carabiya. Sidaas darteed, xayiraaddan cusubi waxay saamayn laxaad leh ku yeelan kartaa nolosha dhaqaale ee bulshada reer guuraaga ah iyo guud ahaan dhaqaalaha qaranka. Ilaa iyo hadda, xukuumadda Soomaaliya kama aysan hadlin xayiraaddan, taasoo abuuraysa su’aalo la xiriira sida ay Muqdisho u waajaheyso, ugana falcelineyso xaaladdan cusub. Xayiraadaha Shiinaha ayaa sidoo kale khuseeya dalal ku yaalla qaaradaha Aasiya iyo Yurub, sida Pakistan, Afghanistan, Jarmalka, iyo Bulgaria. Cudurka qow-qowda, oo ah xanuun fayras keeno, si aad ahna u faafa, ayaa ah udub-dhexaadka walaacyadan caalamiga ah. Cudurku wuxuu curyaamiyaa wax soo-saarka, wuxuu khatar ku yahay ganacsiga, sidoo kalena, wuxuu khatar weyn ku yahay nolosha reer guuraaga adduunka oo dhan. Faafitaannadii ugu dambeeyey ee cudurka, oo ka dhacay gobollada sida Caucasus, Ruushka, iyo Bartamaha Aasiya, ayaa sare u sii qaaday wacyiga la xiriira baahida loo qabo tallaabooyin ka-hortag oo degdeg ah. Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa iyadu billowday inay dhakhaatiirta xoolaha iyo xirfadlayaasha kale ee arrimaha xoolaha siiso tababarro dhanka internetka ah, kuwaasoo ku saabsan maaraynta iyo xakamaynta cudurrada xoolaha. Soomaaliya lafteedu waxay horrey ula daalaa dhacday dhibaatooyin la xiriira cudurrada xoolaha. Bishii Agoosto ee sannadkii 2023-kii, waxaa gobollada Mudug iyo Galgaduud laga soo sheegay cudurka loo yaqaanno “Jadeeco Madow,” ama “Ku Habso.” Cudurkaas, oo la rumeysan yahay inuu kasoo billowday dhanka Itoobiya, ayaa sababay calaamado aad u daran, oo ay ka mid yihiin qandho, duuf sanka ka socda, iyo caajis ama itaal-darro. Xoolaha uu ku dhaco cudurka ayaa caadiyan u dhinta muddo toddobaad gudihiis ah. Dr. Suleymaan Maxamed Saalax, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee dowlad-goboleedka Galmudug, ayaa ku tilmaamay faafitaanka cudurkaas mid aad u daran, isagoo hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in si weyn loo xoojiyo tallaabooyinka looga hortagayo cudurrada xoolaha ee Soomaaliya. Waxaa intaa dheer, in ka sokow caqabadaha la xiriira cudurrada, qaybta xanaanada xoolaha ee Soomaaliya waxaa ruxay fadeexad weyn. Warar ayaa sheegaya in xukuumadda Soomaaliya ay dhowaan siisay ganacsade shisheeye ah, xuquuq gaar ah oo la xiriirta dhoofinta xoolaha, arrintaas oo caro xooggan ka dhex dhalisay ganacsatada maxalliga ah iyo ku dhowaad 100 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Xildhibaannada ayaa si kulul u dhaleeceeyey go’aanka xukuumadda, iyagoo ku dooday inuu meesha ka saarayo, isla markaana dhaawac weyn u geysanayo danaha ganacsatada Soomaaliyeed. Waxay sidoo kale sheegeen in hal meel lagu uruurinayo awoodda qayb muhiim ah oo ka mid ah dhaqaalaha dalka. Xildhibaannadu waxay dalbadeen in go’aankaas si degdeg ah dib looga noqdo, iyagoo ku hanjabay inay qaadi doonaan tallaabooyin dheeraad ah haddii walaacyadooda aan wax laga qaban.
-
Kampala (Caasimada Online) – Ciidamada Difaaca Shacabka Uganda (UPDF) ayaa isku diyaarinaya inay ka qaataan dowr nabad ilaalineed oo ballaaran gudaha Soomaaliya, iyagoo hoos tegaya howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM). Howlgalkan, oo hawlgalladiisa bilaabay 1-da Janaayo 2025, wuxuu socon doonaa shanta sano ee soo socota, waxaana Uganda ay la wareegtay maamulka laba qeybood oo dheeraad ah—qeybaha 1 iyo 3—oo ay markii hore maamulayeen ciidammada Burundi. Tallaabadan ayaa rajo wanaagsan laga muujiyay gudaha Uganda, iyadoo saraakiisha ay ammaaneen sida ay UPDF uga go’an tahay xirfaddooda ciidannimo. Brigadier General Felix Kulayigye, afhayeenka UPDF, ayaa muujiyay sida ay ciidamadu ugu faraxsan yihiin kaalintan la ballaariyay, isagoo yiri, “Doorkan dheeraadka ah ee cusub wuxuu ka dhigan yahay inaan qabannay shaqo aad u wanaagsan, waana ku faraxsannahay inaan qaadanno.” Ka qeybgalka UPDF ee Soomaaliya waxa uu socday dhowr sano, ciidamaduna waxa ay la kulmeen caqabado kala duwan oo ka jira gobolkaas xasiloonida ka arradan. Uganda ayaa markii hore gaysay Soomaaliya in ka badan 12,000 oo askari, balse tiradaas ayaa markii dambe hoos loo dhigay ilaa 3,000, kaddib markii howlgallada kale ee nabad ilaalinta ay qaateen mas’uuliyado dheeraad ah. Kulayigye ayaa u xaqiijiyay dadweynaha in ciidanku uu si wanaagsan ugu diyaar garoobay inuu la tacaalo baahiyaha sii kordhaya. “Markii hore waxaan halkaas ku haysannay ciidamo ka badan kuwa maanta jooga. Markii ay daneeyayaasha kale soo biireen, waxaan dib u soo celinnay qaar ka mid ah ciidammada. Hadda, waxaan sugeynaa tilmaamaha, waxaana diyaar u noqon doonnaa inaan dirno ciidamo dheeraad ah si ay u qaataan doorka cusub,” ayuu sharraxay. Iyadoo xamaasadda ciidanku ay muuqato, haddana howlgelinta la ballaariyay ayaa walaac ka dhex dhalisay siyaasiyiinta mucaaradka. Dhaliilayaashu waxa ay ku baaqayaan in baaritaan dheeraad ah iyo isla xisaabtan la sameeyo ka hor inta aan ciidamo dheeraad ah la geynin Soomaaliya. Xildhibaan Francis Mwijukye oo ka tirsan Baarlamaanka Degmada Buhweju ayaa walaaciisa soo bandhigay, isagoo su’aal geliyay maamulka dhaqaalaha loo qoondeeyay howlgalka nabad ilaalinta. “UPDF waa inay Baarlamaanka uga warbixiso dhaqaalaha ay ka helaan saaxiibbada horumarinta si ay ciidamadeenna halkaas ugu sii hayn lahaayeen. Qaar ka mid ah wiilasheenna lama siin mushaar tan iyo Janaayo 2024, haddana saaxiibbada horumarinta sida Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa maalgelinaya hawlgallada ciidan ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan qalabka iyo mushaharka shaqaalaha,” ayuu yiri Mwijukye. Sidoo kale, Derrick Nyeko, wasiirka hooska ee amniga, ayaa ka digay xaaladda nololeed ee ciidamada UPDF ee hadda ku sugan Soomaaliya. “Ma diri karno ciidamo dheeraad ah Soomaaliya haddii xaaladaha nololeed ee ciidamadeenna halkaas ku sugan ay tahay mid laga walaaco. Qaar xitaa ma haystaan qalab la isticmaali karo sida agabka aasaasiga ah,” ayuu xusay. Nyeko ayaa ka digay in ciidamo badan oo loo diro xaaladahan ay horseedi karto arrimo fal-dambiyeedyo ah, taasoo keeni karta cawaaqib xumo sharci iyo mid sumcadeedba ku yeelan karta Uganda. Iyadoo UPDF ay isu diyaarinayso inay bilowdo cutubkan cusub ee Soomaaliya, ayaa dooddu ka socotaa sidii loo dheelli tiri lahaa u diyaar ahaanshaha ciidanka iyo baahida loo qabo daah-furnaan iyo isla xisaabtan. Iyadoo cadaadiska gudaha iyo dibaddaba uu sii kordhayo, tallaabooyinka ciidanku qaadaan bilaha soo socda ayaa u badan inay qaabeyn doonaan mustaqbalka ka qeybgalka Uganda ee dadaallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya.
-
Ciidamada Amniga Gobolka Bari oo weli magaalada Boosaaso ka wada hawlgal lagu xaqiijinayo ayaa xalay baaritaan ka sameeyay xaafadaha kala duwan ee magaalada. Ciidamada Amniga Gobolka Bari ayaa la sheegay in ay hawlgalkaasi ku soo qabteen dad looga shakisan yahay in ay xiriir la lee yihiin kooxaha Argagixisada ah gaar ahaanna mileeshiyaadka Daacish ee Ciidamadu kula dagaallamayaan buuraha Calmiskaad. Saraakiisha Laamaha Amniga Boosaaso ayaa sheegaya in dadka lagu qabtay hawlgalkii xalay ay gacanta ku hayaan laamaha baarista Gobolka Bari si loo hubiyo kiiskooda islamarkaana haddii wax danbi ah ku caddaado loo gudbin doono hay’adaha Garsoorka. PUNTLAND POST The post Ciidamada Amniga Gobolka Bari oo xalay hawlgal baaris ah ka sameeyay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Copenhagen (Caasimada Online) – Denmark ayaa Isniintii shaacisay inay ku bixin doonto 14.6 bilyan oo Krone-ka Danish-ka ah ($2.05 bilyan) si ay u xoojiso joogitaankeeda ciidan ee gobolka Arctic-ga, kaddib markii uu dib u soo cusboonaaday xiisaha madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu u qabo inuu gacanta ku dhigo Greenland, oo ah dhul is-maamul hoosaad leh oo hoos yimaada Denmark. Bishan, Trump ayaa sheegay in Greenland ay muhiimad istaraatiijiyadeed u leedahay amniga Maraykanka, isla markaana ay tahay in Denmark ay ka tanaasusho gacan ku haynta jasiiraddan muhiimka ah ee Arctic-ga. Waxaa jirta hadal-hayn iyo cabsi ku saabsan in Trump uu awood u adeegsan karo inuu qabsado Greenland, taasi oo walaac ka abuurtay caasimadaha Yurub. Kaddib in ka badan toban sano oo ay si aad ah hoos ugu dhigtay kharashaadka dhinaca difaaca, sannadkii hore Denmark waxay u qoondeysay 190 bilyan oo Krone-ka Danish-ka ah ($26 bilyan) ciidammadeeda muddo toban sano ah, qeyb ka mid ahna hadda waxaa loo asteeyay Arctic-ga. Denmark, iyadoo mas’uul ka ah sugidda amniga iyo difaaca Greenland, haddana waxay leedahay awood ciidan oo kooban oo ku sugan jasiiraddan baaxadda weyn, taas oo inta badan loo arko inay tahay meel amni ahaan dalool weyn uu ka jiro. Waqtigan xaadirka ah, awoodaha ciidan ee Denmark waxaa ka mid ah afar markab oo kormeer ah oo duug ah, diyaarad ilaalo ah oo nooceedu yahay Challenger iyo 12 kooxood oo wata eeyaha barafka lagu jiido, kuwaas oo dhamaantood loo xilsaaray inay kormeeraan dhul baaxaddiisu afar jeer ka weyn yahay dalka Faransiiska. Miisaaniyadda cusub waxaa ka mid ah maalgelinta saddex markab oo cusub oo ciidammada badda ah oo loogu talagalay hawl-gallada Arctic-ga, taasoo laba laabaysa tirada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ilaalo foge ah ee markii hore la qorsheeyay, afarna ka dhigaysa, iyo sidoo kale in kormeerka lagu sameeyo dayax-gacmeedyada, sida uu shir jaraa’id ku sheegay Wasiirka Difaaca Denmark, Troels Lund Poulsen. Xisbiyada siyaasadda ayaa isku raacay in miisaaniyad dheeraad ah loo qoondeeyo Arctic-ga, heshiis kaas oo la soo bandhigi doono qeybta hore ee sannadkan. Ciidammada Maraykanka ayaa saldhig rasmi ah ku leh Xarunta Cirka ee Pituffik oo ku taal waqooyi-galbeed Greenland, goobtaas oo ah deegaan istaraatiijiyad u ah nidaamkeeda digniinta hore ee gantaalaha ballistic-ga, maadaama jidka ugu gaaban ee Yurub ka soo gala Waqooyiga Ameerika uu maro jasiiradda.