-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa aas qaran loogu sameeyay laba sargaal oo ku geeriyooday dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraleyda Calmiskaad ee gobolkaas. Guddoomiyaha degmada Bosaaso iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb-galay aaska Allaha u naxariistee Gaashaanle Farxaan Cabdulqaadir Xasan iyo Dable Xasan Maxamuud Nuur oo dhowaan ku geeriyooday dagaalka Calmiskaad. Dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda gobolka bari ayaa laga gaaray guulo wax ku ool ah, ayadoo ciidamada Puntland ay dileen boqolaal dagaalame oo ajaanib u badan, balse dhanka kale askar iyo saraakiil muhiim ah ayaa naftooda ku waayay gulufkan ujeedkiisu yahay in gobolka iyo dalkoo dhan laga saaro Daacish. Source: goobjoog.com
-
Ethiopia was on Wednesday elected to the African Union Peace and Security Council (AUPSC) during the 46th Executive Council meeting in Addis Ababa, securing a three-year term. With 38 votes, Ethiopia won the Eastern African seat, outpacing Rwanda and Somalia, which received one and ten votes, respectively. This victory bolsters Ethiopia’s diplomatic presence on the continent’s most influential security body. As the host nation of the African Union, Ethiopia traditionally faces limited options for what it can contest. Membership in the AUPSC now grants Addis Ababa significant leverage on matters of peace and security, particularly in Somalia and the broader Horn of Africa, a region that has been marked by persistent instability. Ethiopia’s election comes at a time when it seeks to cement its influence on the African Union Transition Mission in Somalia (AUSSOM). Somali officials recently confirmed that obstacles to Ethiopia’s full participation in AUSSOM had been resolved, with the final details on the composition and size of Ethiopian forces expected to be finalised soon. This development follows tense diplomatic exchanges earlier this year when Somalia threatened to expel Ethiopian troops from AUSSOM unless Addis Ababa renounced a controversial memorandum of understanding (MOU) with Somaliland. The MOU, which would grant Ethiopia access to a 20-kilometer stretch of Somaliland’s Gulf of Aden coastline for naval purposes, drew sharp criticism from Mogadishu. Somali officials viewed the agreement as undermining their sovereignty, especially given the potential implications for Somaliland’s push for formal independence. Horn of Africa security matters By securing a seat on the AUPSC, Ethiopia aims to shape discussions and decisions on critical security matters in the Horn of Africa and beyond. This includes influencing conflict management strategies and peacekeeping missions across the continent, at a time when Ethiopia itself is emerging from internal conflict in the Tigray region. The Peace and Security Council, established as the African Union’s standing organ for conflict prevention, management, and resolution, plays a central role in the continent’s security architecture. It was designed as a collective security mechanism with early-warning capabilities, tasked with facilitating timely responses to crises. Its functions range from preventive diplomacy and peace-making to peace support operations and humanitarian action in post-conflict settings. For Ethiopia, this seat is not just a diplomatic win — it’s a strategic tool. Addis Ababa will now have a front-row seat in shaping the continent’s security responses, particularly regarding interventions in fragile states and post-conflict reconstruction efforts. Yet, it also has its own fragilities. Given the growing geopolitical interest in the Horn of Africa, Ethiopia’s membership will allow it to counter external influence while promoting its own regional agenda. Eastleigh voice Qaran News
-
Jamhuuriyadda Azerbaijan, waa dal laba qaaradle ah oo yaalla dhanka galbeedka ee qaaradda Aasiya iyo bariga Yurub, wuxuuna soohdin la leeyahay Armenia, Georgia, Iran, Russia, iyo Turkiga. Dalkani wuxuu dhacaa gobolka Caucasus, caasimadda iyo magaalada ugu weyn Azerbaijan waa baku, halka tirada dadweynaha lagu qayaaso 10,336,577, kuwaas oo ku dhowaad 3 milyan oo kamid ahi ay caasimadda ku noolyihiin. Azerbaijan inkastoo badda Caspian-ku ay marto , haddana waxaa lagu tiriyaa dal aan badda lahayn, maxaa yeelay badda Caspian-ku kuma darsanto ama ku xirna badweyn dunida kale ku xariirisa, sidaas awgeed wax weyn kama duwana harooyinka waaweyn ee caalamka. Jamhuuriyadda Azerbaijan waxaa la aas aasay 28-kii bishii May, sanadkii 1918-dii, ka dib burburkii Boqortooyada Ruushka, balse waxay laba sano ka dib ku biirtay midowgii Sofiyeeti oo ilaa 1991-kii ay ka tirsanayd, madaxweynaha dalkuna waa Ilham Aliyev oo ilaa 2003-dii talada hayay. Luuqadda rasmiga ah ee dalku waa Azerbaijani, waxaana qoymiyadaha ugu weyn ee dalkan ku nool kamid ah Azerbaijani, Lezgins, Kurds, Avars, Molokans, Budukh, and Shahdagh, diinta islaamka ayaana ah midda ugu badan ee dadweynuhu rumeysanyihiin, balse bulshooyinka qaar ayaa haysta caqiidooyinka kirishtaanka iyo yuhuudda. Dalkan dhaqaalihiisu wuxuu boqolkiiba sagaashan ku tiirsanyahay gas-ka iyo saliidda uu dibedda u dhoofiyo, waxaana dakhligiisa loo arkaa mid dhexdhexaad ah, markii la eego heerka nolosha bulshada. Dalkani wuxuu leeyahay cudud militari oo gobolka ka dhex muuqata, wuxuuna ku dhaqmaa siyaasad dhexdhaxaad ah, asagoo xulufo la ah Ruushka iyo Turkiga oo labaduba soohdin la leh. Source: goobjoog.com
-
Washington (Caasimada Online) – Ciidamada Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa laga yaabaa inay sii joogaan Soomaaliya muddo ka dheer intii hore loo qorsheeyay, iyada oo si gaar ah diiradda loo saarayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish-ta Soomaaliya iyo Al-Shabaab, kuwaas oo dhibaato weyn ku haya gobolka Geeska Afrika. Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa si cad u sheegay inay suurtagal tahay in ciidamada Mareykanka ay sii joogaan Afrika, inkasta oo xilligii maamulka koowaad ee Donald Trump la qorsheynayay in la dhimo joogitaanka ciidamada Mareykanka ee caalamka si loo yareeyo qarashaadka. “Afrika waa safka hore ee dagaalka ay wadaad-xagjiriintu wadaan,” ayuu yiri Hegseth. “Ma oggolaanayno inay saldhig ka samaystaan, gaar ahaan si ay u weeraraan Mareykanka.” Hadda, Mareykanka waxaa Soomaaliya ka joogaa ku dhawaad 500 askari, kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaara dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo dhibaato weyn u geysanaya ciidamada ammaanka iyo dad rayid ah oo aan waxba galabsan. “Waxaan rabaa in aan marka hore dhageysto talooyinka taliyeyaasha ku sugan goobaha dagaalka,” ayuu yiri Hegseth, isaga oo intaa ku daray in Mareykanku uu ciidan keeni doono meelaha lagama maarmaanka ah, balse uu doorbidayo in uu “ula dagaallamo argagixisada si wax ku ool ah xilli fog.” Horaantii bishan, duqayn dhanka cirka ah oo Mareykanku fuliyay ayaa lagu beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan Buuraha Golis ee Soomaaliya. Talaadadii, Taliska AFRICOM wuxuu shaaca ka qaaday in sarkaalkaas lagu magacaabi jiray Ahmed Maeleninine, oo la aaminsan yahay inuu mas’uul ka ahaa qorista dagaalyahannada kooxda. Dhammaadkii sannadkii hore, ciidamada Mareykanka waxay sidoo kale fuliyeen tiro duqeymo ah oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, taas oo lagu dilay dagaalyahanno badan. Taliska AFRICOM ayaa sidoo kale bixiya sahanka cirka si uu u taageero ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilliyada dagaalka. Hegseth wuxuu intaa ku daray in hoggaamiyeyaasha caalamka ay khalad samaynayaan haddii ay u fasirtaan in qorshaha madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, uu dib u eegayo istiraatiijiyadda ciidamada caalamiga ah ee Mareykanka, taas oo muujinaysa in Washington ay dib uga gurayso caalamka. “Waxaa khalad noqon doonta in la maleeyo in Mareykanku wax ka tagayo ama ka baxayo,” ayuu yiri Hegseth. “Maya, Mareykanka waa inuu si xeel dheer u fiirsadaa, u qorsheeyaa, mudnaan siiyo, oo uu awoodiisa ka muujiyaa meelaha lagama maarmaanka u ah in laga hortago colaadaha,” ayuu raaciyay.
-
Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka oo laga soo doorto Texas, kaasi oo toddobaadkii hore ku baaqay in la masaafuriyo Ilhaan Cumar, ayaa haatan sii xoojiyay dadaalkiisa, isagoo taageerayaashiisa ku dhiirrigelinaya inay saxiixaan codsi arrintaas la xiriira. Ololaha Brandon Gill ayaa diray fariin dhaqaale ururin ah oo cinwaankeedu yahay “Codsi: Masaafuri Ilhaan Cumar.” Fariintaasi waxay xustay in “waxay aheyd in aan marna ogolaan inay dalkeenna soo gasho,” iyadoo loola jeedo Ilhaan Cumar oo ah Somali-American. “Saxiix codsigeyga, aan dib ugu celinno Soomaaliya, halka ay asal ahaan ka timid,” ayaa lagu yiri qoraalka codsiga, sida ay werisay warbaahinta Axios. Fariinta sidoo kale waxay Cumar ku eedeysay inay “gacan ka geysaneyso duullaan ballaaran oo lagu hayo dalkeenna,” iyadoo lagu doodayo in “bulsho caadi ah arrintaas ugu yeeri lahayd khiyaano qaran.” Gill wuxuu u muuqday inuu ka jawaabayay muuqaal ay Ilhaan kula hadashay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota, iyada oo u sheegtay in aysan “waajib ku ahayn inay ka jawaabaan su’aalaha ay waydiinayaan saraakiisha ciidanka wax masaafuriya ee ICE.” Waxay sidoo kale ugu baaqday inay “bartaan sharciyada oo ay is diyaariyaan.” Ilhaan Cumar waxay si adag uga falcelisay weerarka, iyadoo bayaan ay soo saartay ku tilmaantay “wax laga yaqyaqsoodo in xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ay si cad ugu dhiirradaan inay adeegsadaan hadallo cunsuriyad iyo xagjirnimo leh.” “Isku dayga Rep. Gill ee ah inuu sumcad ku kasbado hanjabaadda masaafurinta muwaadin Mareykan ah oo sharciyeysan, kaliya maxaa yeelay uu khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyo, waa tallaabo toos uga timid buugga aragtida xagjirka ah ee Donald Trump,” ayey tiri Ilhaan. Waxay xustay in iyada oo qaxooti ah ay Mareykanka timid xilligii dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya sanadkii 1995, ayna muwaadin Mareykan ah noqotay shan sano kadib. Xiisadda ayaa billaabatay toddobaadkii hore, kadib markii Gill uu bartiisa X kusoo qoray: “Mareykanka wuxuu noqon lahaa meel sidan ka wanaagsan haddii @IlhanMN dib loogu celiyo Soomaaliya.” Qoraalkaas waxaa la socday muuqaal lagu eedeeyay Ilhaan Cumar inay qaban-qaabinayso aqoon-is-weydaarsi lagu barayo Soomaalida sida ay uga fogaadaan in la masaafuriyo. Elon Musk ayaa isna wadaagay muuqaalkaas, isagoo ku doodaya in Cumar ay “jebisay sharciga,” taasoo keentay in xildhibaanaddu si toos ah uga falceliso. Ilhaan Cumar ayaa arrintaas uga jawaabtay iyadoo ku tilmaantay “wax laga xishoodo sida fudud ee dadkan loo marin-habaabiyo,” waxayna intaas ku dartay in “eeda joogtada ah ee lagu hayo ay fadeexeynayso kuwa weerarka wada.” “Waxaa talo iga ah: baaritaan sameeya oo ha rumaysan wax walba oo nacasnimo cunsuriyadeed ah. Anigu meelna ma aadayo,” ayey ku soo gaba-gabaysay.
-
Mogadishu (HOL) – Somalia and Azerbaijan have signed a landmark defense cooperation agreement, marking a significant step in their bilateral relationship. Source: Hiiraan Online
-
Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Puntland ayaa lagu sheegay in laba duqeymood oo xalay laga fuliyay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari lagu beegsaday dagaallamayaal ka tirsan Argagixisada go’doonsan ee Daacish. Taliska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland oo Warsaxaafadeedkaasi soo saaray ayaa sheegay in duqeynta oo ka dhacday degaanka Sheebaab ee buuraha Calmiskaad lagu beegsaday xubno ka tirsan ISIS islamarkaana lagu burburiyay baabuurkii Saadka u siday kooxdaasi. “Labo duqeyn oo caawa hawlgalku ka fuliyey degaanka Shebaab ee buralayda Calmiskad, waxa lagu dilay in ka badan 30 Argagixiso Daacish ah oo Ajanabi u badan iyadoo lagubay gaarigii Saadka u waday. Hawlgalku waa Cir &Dhul” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Puntland. Ilo wareedyo amni ayaa sidoo kale sheegaya in xalay duqeymo dhawr ah laga maqlay degaannada Sheebaab iyo Gaatir Godan oo la rumaysan yahay in ay xarumo ciidan ku lee yihiin kooxaha Argagixisada ah ee Daacish. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in 30 ka tirsan Argagixisada ISIS lagu dilay duqeymo xalay ka dhacay buuraha Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
-
A section of Garissa MCAs have told off critics opposing the abolishment of the Identity Card vetting process for citizens in the north eastern region arguing that the time has come for all Kenyans to be treated equally regardless of their ethnicity. Source: Hiiraan Online
-
Maxkamadda degmadda waaberi ee gobolka Benaadir ayaa dhowaan u fariisatay mid kamida gal-dacwadeedyadii ugu yaabka badnaa, kaas oo ku saabsan lamaane ku noolaa degmadaas. Lamaanahan oo adeegsiga magacyadooda loo diiday warbaahinta ayaa lagu soo eedeeyay fal anshax-xumo ah, kaas oo bulshada Soomaaliyeed iyo bahda garsoorku noociisoo kale aanay horay u arag inta sida shaacsan loo ogyahay. Lamaanahan ayaa la sheegay in ay in ka badan 120 muuqaal oo anshax-xumo ah iska duubeen ka dibna ay lacago baad ah uga qaadan jireen qoyska gabadha ama xaaska oo dalka dibeddiisa ku nool. Maxkamadda degmada ayaa dhageysiga gar-maqalkooda ka dibna labadan qof ku riday xukun ah laba sano oo xarig ah, balse waxaa dadweynaha layaab ku noqatay sida ay gabar Soomaaliyeed ugu dhiiratay inay qoyskeeda ku handado in haddii waxay doonayso ay u sameyn waayaan ay muuqaalladeeda oo anshax-xumo ah baahinayso si sharaftooda ay u dhaawacdo. Source: goobjoog.com
-
Stockholm (Caasimada Online) – Qamar Hilowle, oo aheyd hooyo Soomaali ah oo saddex carruur ah dhashay iyo 38 jir, ayaa ka mid noqotay tobanka qof ee lagu dilay weerarkii toogasho ee ugu dhimashada badnaa taariikhda Sweden, kaasi oo lagu qaaday iskuul ku yaalla Örebro. Weerarkan, oo ka dhacay Campus Risbergska 4-tii Febraayo, wuxuu argagax ku abuuray guud ahaan dalka, wuxuuna dib u kiciyey doodo xooggan oo la xiriira xagjirnimada iyo xakamaynta hubka. Dowladdu waxay sheegtay in ninka weerarka geystay uu yahay Rickard Andersson, oo 26 jir ah, horeyna looga diiwaangeliyay xiriir uu la lahaa kooxaha xagjirka ah. Waxa uu rasaas furay xilli duhur ah, isagoo si bareer ah u beegsaday arday iyo shaqaale kahor inta aysan booliisku xakameyn. Inta badan dhibbanayaasha, oo ay ku jirtay Qamar, waxay asal ahaan ka soo jeedeen qowmiyado kala duwan, taasoo sare u qaaday shakiga laga qabo in weerarku salka ku hayey naceyb iyo aragtiyo xagjir ah. Qamar waxay Sweden timid 17 sano ka hor, iyadoo ka soo carartay dagaalka sokeeye ee Soomaaliya. Waxay qaadatay dhalashada Sweden, iyada oo dalka u aragtay hoy ammaan ah iyo fursad nololeed. Waxay daryeeshay saddex carruur ah—mid 15 jir ah, mid 11 jir ah, iyo mid 2 jir ah—iyadoo dadaal ugu jirtay inay ka shaqayso caafimaadka. “Waxay mar walba ahayd qof naxariis badan, daryeel leh, waxayna hubin jirtay in dadka kalena wanaagsanaadaan,” ayuu yiri walaalkeed, Cali. Inkasta oo ay ahayd hooyo keli ah, Qamar waxay si joogto ah u garab taagnayd saaxiibadeeda iyo qoyskeeda. Habaryarteed Anisa ayaa xustay in xitaa xilliyada ay dhibaato la kulanto ay hadana dhoolla-caddeyn jirtay. “Waxay ahayd qof farxad badan, mararka qaar xitaa kaftan badan. Xitaa xanuunkii foosha ugu darnaa, waxay la kaftantay dhakhtarka. Qamar waxay ahayd qof naadir ah—hooyada ugu fiican adduunka,” ayay tiri Anisa. Sanadihii u dambeeyay, dad badan oo Soomaali-Swedish ah ayaa dib ugu laabtay dalkoodii hooyo, balse Qamar marnaba ma aysan tegin. Waxay ka baqaysay hubka iyo in ay mar kale la kulanto rabshado. “Waxay aad u jeclaan lahayd inay waalidkeed aragto, laakiin waxay si aad ah uga baqaysay hubka iyo fursadda ah in la toogto,” ayay tiri Anisa. Nasiib-darro, cabsideedii ugu weynayd waxay uga timid meel ay u haysatay hoy nabdoon. Xilli ay ku sii socotay qadadeeda, Qamar waxay la kulantay xabbado, taasoo ka dhigtay mid kamid ah dadkii naftooda ku waayey weerarkii argagaxa lahaa ee dalka gilgilay. “Wali wax walba waxay u egyihiin riyo xun oo aan laga toosi karin,” ayuu yiri walaalkeed, Cali. Weerarkan ayaa sababay in bulshada Sweden ay si weyn u dalbato in la adkeeyo sharciga hubka, waxaana hadda baaritaan lagu hayaa taariikhda Andersson, iyadoo dalka uu wajahayo mid ka mid ah maalmahiisii ugu madoobaa. Dhibbanayaasha Weerarkii: Magacyadooda, dalalka ay ka soo jeedeen iyo da’dooda Salim Iskef, 29 (Suuriya): Shaqaale daryeel caafimaad ah oo wax ka baranayay caafimaadka. Wuxuu qorsheynayay inuu guursado bisha Luulyo. Bassam al Sheleh, 48 (Suuriya): Cunto kariye caan ah, oo lagu xasuusto farxadda uu faafin jiray. Wuxuu ku jiray barashada afka Swedish. Qamar Hilowle, 38 (Soomaaliya): Hooyo saddex carruur leh, wax ka baranaysay afka Swedish iyadoo ku riyoonaysay inay noqoto kalkaaliye caafimaad ama macallin carruurta. Elsa Teklay, 32 (Eritrea): Ardayad caafimaad oo rabtay inay noqoto dhakhtar, kana shaqeynaysay daryeelka dadka waayeelka ah. Ali Mohammed Jafari, 31 (Afghanistan): Shaqaale nadaafadeed, ku noolaa Karlskoga. Wuxuu ka tagay xaas iyo ilmo. Niloofar, 46 (Iiraan): Ardayad kalkaaliye caafimaad ah, waxay ka tagtay saygeeda, Hossein. Aziza, 68 (Ciraaq/Kurdistan): Macallimad xisaabeed muddo dheer ahayd, lehna kanaal YouTube ah oo leh in ka badan 120,000 subcribers. Haweeney aan la magacaabin, 52 (Sweden): Ku noolayd Glanshammar, waxay ka tagtay saygeeda iyo ilmo. Haweeney aan la magacaabin, 54 (Sweden): Ku noolayd Örebro, waxay lahayd carruur qaangaar ah. Haweeney aan la magacaabin, 55 (Sweden): Ku noolayd Örebro, waxay ahayd qof keligeed noolaa.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh oo dhowaan booqashadii ugu horreysa ee Madaxweyne Soomaaliyeed ku tagey dalka Azerbaijan ayaa sheegay in labada dal ay yeelan doonaan iskaashi istiraatiiji ah oo guulo wax ku ool ah horseedi doona. Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in Soomaaliya iyo Azerbaijan ay wadaagaan himilo isku mid ah oo ku aaddan dhinaca hormarka, nabadgelyada, iyo barwaaqada, islamarkaana asaga iyo dhiggiisa dalkaas Ilham Aliyev ay si qoto-dheer uga wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal. Soomaaliya iyo Azerbaijan ayaa kalal saxiixday dhowr heshiis oo isugu jira dhinacyada amniga, waxbarashada, hal-abuurka, Tamarta, iyo warshadaha, wuxuuna safarka Madaxweyne Xasan Shiikh iyo wefdigiisu noqanayaa booqashadii ugu horreysay ee uu madaxweyne Soomaaliyeed ku tago dalkan aan badda rasmiga ah lahayn ee ku yaalla galbeedka qaaradda Aasiya. Source: goobjoog.com
-
Somaliland’s ministry of information has on Wednesday officially withdrewn lisence from Universal TV, a UK based Somali TV in a letter addressed the persecutor, in a move that many say aims to tighten control over narratives that challenge their authority. The authorities accused the London-based broadcaster of undermining its “sovereignty and existence and violated a prior agreement with the Somaliland government, leading to the revocation of its operating license. “As of today, 12 February, 2025, after carefully studying how blatantly Universal TV violated the sovereignty and existence of Somaliland, we have withdrawn their operating license in Somaliland” Somaliland’s information ministry said. The move marks a fresh crackdown on the media in Somaliland, which has long sought international recognition. The ban follows after the television aired a report entitlled “The Somali government has given an unexpected response to the abusive step taken by the United Arab Emirates government” after UAE invited Somaliland president, Abdirahman Mohamed Abdillahi Irro as head of state to the World Government Summit in Dubai from the 11th to the 13th of this month. The summit was attended by leaders from over 30 countries, focusing on global economic development, good governance, and modern technology. Somaliland uses the outdated Somalia’s penal code which criminalizes the media work, thus leading the media and the journalists to face legal harrasment, imprisonment or banning the media only to control the narrative and silence the critics. Source Horn Observer Qaran News
-
Ururka reer Falastiin ee Xamaas ayaa dhammaan dadka muslimiinta ah ee daafaha dunida ku kala nool ugu baaqday inay sameeyaan bannaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo qorshaha Mareykanka iyo Israa’iil ee lagu doonayo in Marinka Qasa dadka deggan looga barakiciyo. War qoraal ah oo ay soo saartay Xamaas ayaa dadweynaha musliimta ah ee daafaha dunida ku nool looga codsaday inay maalmaha sabtida iyo Axadda ah ee soo socda sameeyaan dibed-baxyo waaweyn oo lagu muujinayo diidmada qorshaha Trump ee ku wajahan Qasa. Warkan ayaa ku soo beegmaya xilli madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu dadaal ugu jiro inuu dunida ka dhaadhiciyo damiciisa ah in dadka ku nool marinka Qasa dhulkooda laga saaro, islamarkaana Israa’iil iyo Mareykanka ay gacan ku haynta Qasa si buuxda ula wareegaan. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Maxkamadda Degmada Waaberi ayaa maanta go’aan ka gaartay kiiska dacwad lagu soo oogay nin iyo Xaaskiisa, kuwaas oo lagu eedeeyay inay iska duubeen muuqaallo Anshax Xumo ah. Labada eedeysane ayaa maxkamadda ka hor qirtay in muuqaaladaas oo gaaraya 124 Video ay si ku talagal ah isaga duubeen, iyadoo ujeedku ahaa in laga hanjabeeyo waalidka gabadha, kuwaas oo ku maqan dalka dibadiisa, si lacago ay uga qaataan. Maxkamadda ayaa laga hor cadeeyey in ujeedada laga lahaa muuqaallada ay iska duubeen qoyskaan uu ahaa in lagu qiyaamo waalidkii dhalay gabadha oo la gaarsiiyey videoyada anshax-xumada ah. Xarunta Maxkamada Degmada Waaberi oo kiiskaan maanta lagu qaaday waxaa Goobjoog ahaa ehellada eedeesanayaasha, Qareenadii u doodayey yo xeer ilaaliyaal ku soo oogay dacwadaan. Guddoomiyaha maxkamadda Degmadda Waaberi ayaa sheegay in ficilkan uu ka hor imaanayo qiyamka bulshada, isla markaana tallaabo adag looga qaadi doono ciddii lagu helo inay ku kacdo falalka noocan oo kale ah. Ugu dambeyntii, Maxkamadda ayaa min labo sano oo xabsi ah ku xukuntay ninkaan iyo xaaskiisa, kadib markii lagu helay inay iska duubeen muuqaallo anshax-xumo ah, sida oo ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamada Degmadda Waaberi ee Gobolka Banaadir Abshir Cumar Cabdullaahi. Kiiskaan ayaa noqday mid aad loola yeebay, maadaama gabadha Aabaheed toos loogu diray muuqaalada, si lacago looga qaato, weliba iyadoo raali ka ah. Cadeymaha Maxkamadda la keenay waxaa kamid ahaa in gabadha Aabaheed uu shil galay oo dhaawac halis ah uu soo gaaray, isbitaalna la dhigay, kadib markii uu ka naxay muuqaalada laga soo duubay Gabadhiisa. Hoos ka daawo kiiska
-
Surprises were easier to come by before the internet. In most cases these days, by time I sit down to try a new restaurant, I've already researched its menu, read online reviews, and scoured photos of the food to see what looks good (i.e., photogenic). If there's ever a surprise to be found, it's usually that the place wasn’t worth the effort. Much better are the surprisingly good places that catch me off guard. Source: Hiiraan Online
-
STOCKHOLM, Sweden (HOL) — Qamar Hilowle, a 38-year-old mother of three, was one of ten victims killed in the deadliest school shooting in Sweden’s history. The attack, which took place at Campus Risbergska on February 4, has sent shockwaves across the country and reignited debates about extremism and gun control. Source: Hiiraan Online
-
STOCKHOLM, Sweden (HOL) — Ayaan Hassan, a Somali-born Swedish midwife, has been recognized with the 2025 Medical Mission's Kindness Award for her transformative work in maternal healthcare in Somaliland. Over the past eight years, Hassan has trained midwives and healthcare workers in Gabiley, providing critical medical education and support to improve childbirth outcomes in the region. Source: Hiiraan Online
-
MINNEAPOLIS, Minnesota (HOL) — A Republican congressman from Texas has launched a fundraising campaign centred on a petition calling for the deportation of Rep. Ilhan Omar (D-Minn.), a U.S. citizen and Somali-born lawmaker, igniting a wave of backlash and accusations of racism. Source: Hiiraan Online
