-
Content Count
211,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
MOGADISHU, Somalia (AP) — Idil Abdullahi Goley’s journey seeking a better life in Europe started in Somalia with a $6,500 payment to local smugglers. It ended a month later with fellow migrants around her dying at sea, one of them screaming and reciting the Muslim profession of faith. Source: Hiiraan Online
-
Gaza (Caasimada Online) – Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay, in ugu yaraan 10 qof lagu dilay duqeymo ay ciidamada Isra’il aroornimadi hore ee Khamiista maanta ah ku garaaveen Gaza. Shan ka mid ah dadka ayaa lagu dilay madfac lagu dhuftay guri ku yaalla xaafadda Zeytuun ee magaalada Gaza, sidaasi waxaa xaqiijiyay ilo-wareedyada caafimaadka. Waxaa laga cabsi qabaa in dhimashada ay intaasi ka badato. Weerar kale ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay shan saxafi kaddib marki madfac lagu bartilmaameedsaday baabuur ay saarreeyeen oo ku sugnaa xarunta Isbitaalka Al Cawda ee xerada qaxootiga Nuseyraat ee bartamaha Gaza. Wariyaasha ayaa u shaqeynayay telafishanka Al Qudus Al Yowm. Warbaahinta Falastiiniyiinta iyo wariyaasha maxalliga ah ayaa sheegay, in baabuurka saxafiyiinta lagu dilay uu watay calaamadda lagu garto warbaahinta iyo wariyaasha. Wariyaasha la dilay ayaa warar kasoo tabinayay xaaladda isbitaalka iyo xerada Nuseyrat, Ma jirto war war ah oo arrintaasi ku saabsan oo kasoo baxay ciidamada Isra’il. Arbacadii shalayna, Xamaas iyo Isra’il ayaa midbo midka kale ku eedeeyay dib u dhac kale oo ku yimid heshiiska laga rajo qabay in labada dhinac ay ku gaaraan xabad-joojin ka dhaqan gasha Gaza iyo in lasii daayo la heystayaasha ku afduuban Gaza.
-
Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay, in ugu yaraan 10 qof lagu dilay duqeymo ay ciidamada Isra’iil ka geysteen Gaza. Shan ka mid ah dadka ayaa lagu dilay madfac lagu dhuftay guri ku yaalla xaafadda Zeytuun ee magaalada Gaza, sidaasi waxaa xaqiijiyay ilo-wareedyada caafimaadka. Waxaa laga cabsi qabaa in dhimashada ay intaasi ka badato. Weerar kale ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay shan saxafi kaddib marki madfac lagu bartilmaameedsaday baabuur ay saarnaayeen oo ku sugnaa xarunta Isbitaalka Al Cawda ee xerada qaxootiga Nuseyraat ee bartamaha Gaza. Wariyaasha ayaa u shaqeynayay telafishanka Al Qudus Al Yowm. Warbaahinta Falastiiniyiinta iyo wariyaasha maxalliga ah ayaa sheegay, in baabuurka saxafiyiinta lagu dilay uu watay calaamadda lagu garto warbaahinta iyo wariyaasha. Wariyaasha la dilay ayaa warar kasoo tabinayay xaaladda isbitaalka iyo xerada Nuseyrat. Source: goobjoog.com
-
Ciidamada Israa’iil ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan Gaza, iyagoo shan weriye ku dilay weerar lagu qaaday baabuur ay wateen oo marayay bartamaha xerada qaxootiga ee Nuseirat. Sidoo kale Israa’iil ayaa duqeymo ku dilay shan rayid ah oo ku sugnaa dhismo ay deggan yihiin oo ku yiillay waqooyiga magaalada Gaza,waxaana weerarkaasi dambe lagu la’yahay ugu yaraan 30 qof. Dhakhaatiirta Gaza ayaa sheegaya in saddex carruur ah oo joogay xero lagu soo barakacay oo ku taal koonfurta Gaza ay u dhinteen qabowga daran ,kadib kolkii Israel ay hor-istaageen cuntada, biyaha iyo sahayda jiilaalka ee ay u baahan yihiin dadka reer Falastiin. Milatariga Israa’iil ayaa xoojiyay duullaanka ay ku hayaan xerada qaxootiga Tulkarem ee Daanta Galbeed maalin kadib markii ay halkaas ku dileen siddeed qof. Kooxda Xamaas ayaa Israa’iil ku eedeysay in ay keeneen shuruudo cusub oo la xiriira wada-hadallada xabbad-joojinta ee socda,halka xafiiska ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu isna ku eedeeyay kooxda Falastiiniyiinta in ay abuureen caqabado cusub. Dagaalka Israa’iil ee Gaza waxaa lagu dilay ugu yaraan 45,361 falastiiniyiin ah, waxaana ku dhaawacmay 107,803 tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkii 2023. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo weriyaal iyo dad rayid ah ku laysay appeared first on Puntland Post.
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Waxaa Talaadadii magaalada Addis Ababa ka dhacay wadahadalkii ugu horeeyay ee heerkiisu sarreeyo oo dhexmara Soomaaliya iyo Itoobiya tan iyo markii ay kala saxiixdeen heshiiskii Ankara. Wafdi wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu hoggaaminayo ayaa dhiggooda Itoobiya kala hadlay sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii Ankara iyo xoojinta xiriirka labada dal. Labada dhinacba waxay ku heshiiyeen arrimo ay diiradda ku saarayaan sidii loo cusboonaysiin lahaa xiriirkooda ka dib “heshiiska taariikhiga ahaa” ee Ankara. Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya Mesganu Arga ayaa sheegay in Itoobiya ay si buuxda ugu diyaar garoobayso fulinta heshiiskii Ankara. “Waxaan ka wada hadalnay sidii aan u dhaqan gelin lahayn heshiiskii Ankara. Waxaan u sheegnay inay Itoobiya diyaar u tahay inay si buuxda u dhaqangeliso heshiiska iyo wadahadallada xiga,” ayuu yiri Mesgaanu. “Wadahadalkeena waxaan u qaadnay is walaaltinimo ah,” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya oo sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay caan ku yihiin xiriir walaalnimo oo soo jireen ah. Mustaqbalka labada dal waa in uu ahaado mid isku tiirsan oo midba midka kale uu taageero, ayuu yiri raaciyay Waxay isla garteen in si wadajir ah looga wada shaqeeyo danta guud iyo maslaxadda guud. “Labada waddan waxa ay haystaan fursado badan oo isku xiran oo aan la kala saari karin. Looma isticmaali karo si gaar ah. Nabadgelyada Soomaaliya waa amniga Itoobiya.” “Marka ay Soomaaliya xasilloonaato, Itoobiya way xasiloon tahay. Xasiloonida Itoobiya ayaa muhiim u ah gobolka,” ayuu yiri danjire Mesganu. “Sidaas darteed, dooddan waxay tilmaantay sidii aan isaga kaashan lahayn si looga faa’ideysto fursadan isku-tiirsanaanta ah, loona xoojin lahaa barwaaqada iyo isku xirnaanta guud ee gobolkan. Wada-hadalladan ayaa kaalin weyn ka gaysanaya arrintan.” Waxa uu sheegay in wadahadalada noocaan ah ay sii wadi doonaan hagaajinta xiriirka labada dal. Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa isna ugu horreyn uga mahad celiyay Itoobiya soo dhaweynta loo sameeyay. Mas’uulkan ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in aysan ahayn wax la kala dooran karo balse ay waajib tahay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay xoojiyaan xiriirkooda. Waxa uu sheegay in ay sameynayaan wax walba oo ay uga bixi karaan dhibaatada ka dhex taagan labada dal. “Suurtagal maaha in la kala garto qofka Itoobiyaanka ah ama kan Soomaaliga ah ee ka mid ah kuwa i hor fadhiya. Waa inta aan isku xirnahay,” ayuu yiri Cali Balcad. Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa sheegay in aysan jirin sabab ay Itoobiya iyo Soomaaliya dhibaato uga dhex taagnaato. “11-kii bilood ee la soo dhaafay waxay noo ahayd waqti adag. Waxaan ku qaadanay waqti badan wax aan macno lahayn. Waxa kale oo aanu ku qasbanaan doonaa in aanu la tacaalno dhibaatooyinkii ina soo maray 11-kii bilood ee ina dhaafay. Waxaan u baahanahay inaan si adag arrintan uga shaqayno,” ayuu yiri. Cali Balcad ayaa sheegay in laga wada hadlay sidii loo hagaajin lahaa xiriirka xumaaday ee labada dal. “Waxaan wada hadal miro dhal ah la galnay walaalkay Mesganu. Waxaan sii wadi doonaa inaan ka wada hadalno mustaqbalka. Waxaan rajeynayaa inay dhawaan imaan doonaan Soomaaliya, waana sii wadi doonnaa wadahadalladayada,” ayuu raaciyay hadalkiisa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay heystaan fursado badan oo ay isaga kaashan karaan xoojinta xiriirkooda. “Dhinacayaga, waxaanu ku lug leenahay xiriirka ganacsi ee Bariga Afrika. Itoobiya iyo Soomaaliya waxaa soo maray dhacdooyin naxdin leh oo taariikhda galay. Hadda waa waqtigii caqabadahaas laga gudbi lahaa oo hore loo socon lahaa.” Isagoo tixraacaya dekeddaha hodanka ah ee Soomaaliya iyo fursadaha ganacsi ee baaxadda leh ee Itoobiya ka jira, ayaa Cali Balcad wuxuu yiri, “Soomaaliya waxay aad u daneyneysaa inay noqoto goob ganacsi.” “Si kastaba ha ahaatee, waxaa wax badan lagu fahmi doonaa inta lagu jiro wadahadallada farsamada ee horey loogu soconayo. Imika waxaanu diyaarinay sidii aanu u wada shaqayn lahayn iyada oo aan cid saddexaadi na soo dhex galin,” ayuu yiri. Heshiiskii Ankara ayaa dhigaya in Itoobiya iyo Soomaaliya ay xoojiyaan xiriirkooda, kana shaqeeyaan isdhexgalka gobolka. Itoobiya ayaa muddo bilooyin ah ku jirtay dhibaato ka dib markii ay heshiis la gashay Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Soomaaliya oo ku eedaysay Itoobiya inay ku xad-gudubtay madax-banaanideeda Soomaaliya, iyadoo beesha caalamka ku cadaadisay in la baabi’iyo heshiiskaas. Itoobiya waxa ay sheegtay in aanay doonayn in ay dhibaato u geysato dal, balse ay doonayso in abuurto fursado horumarineed. Xiisadda u dhaxeysay bilihii lasoo dhaafay labada dal ayaa waxaa lagu xaliyay todobaadyo ka hor isku dayo isdaba joog ahaa oo uu sameeyay Turkigu. Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa heshiiska Ankara kala saxiixday, iyadoo Madaxweynaha Turkiga uu arrintaa ka shaqeeyay. Soomaaliya ayaa wafdigii ugu horeeyay u dirtay Itoobiya tan iyo heshiiskaas. Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay ciidamada Itoobiya inay weerar ku qaadeen ciidamadooda ku sugan degmada Doolow Axaddii la soo dhaafay. “Waxaan si adag u cambaaraynaynaa weerarka naxdinta leh ee ay geysteen ciidamada Itoobiya,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ku sheegtay warsaxaafadeed ay soo saartay fiidnimadii Axadda. Warsaxaafadeedka ayaa soo baxay saacado kadib markii la sheegay in wasiiro dowlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya uu u socdaalay magaalada Adis Ababa si horey loogu sii wado u heshiiskii Ankara. Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay galabnimadii Talaadada ku sheegtay in ay aad uga naxday qoraalkii ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya December 23/2024 ee lagu eedeeyay Itoobiya in ciidamadeedu ay weerareen kuwa Soomaali ah.
-
Doolow (Caasimada Online) – Saleebaan Aadan Shiiqaalow waa Taliyaha Nabad Sugidda Soomaaliya ee NISA ugu magacaaban degmada Doolow ee gobolka Gedo, waa sarkaalkii maalmo ka hor hoggaaminayey dagaalkii ka dhacay degmadaas ee u dhaceeyey ciidamada qaranka oo dhinac ah iyo ciidamada Jubaland oo garabsanaya kuwa Itoobiya. Xogta ninkaan ayaa isisoo tareysa, Shiiqaalow ayaa la xaqiijiyey in weli uu ku sugan yahay degmada Doolow, isaga iyo ciidamo tiro yar oo uu hoggaaminayo ayaa weli ku sugan ciidamada qaranka ee degmada Doolow, inkastoo lagu go’doomiyey halkaas. Ciidamada Itoobiya iyo maamulka Jubbaland ayaa la sheegay in muddo dheer ay gorgorinayeen sarkaalkaan, waxaana loo soo bandhigay lacag badan inuu qaato, kuna dhawaaqo in dowladda federaalka ay ku soo duushay Jubbaland, isla markaana u soo wareego dhanka Jubbaland. Shiiqaalow ayaa diiday dalabkaas uga yimid Jubbaland iyo Itoobiya, mar kale ayaa loogu hanjabay dil iyo weerar, iyadoo laga dalbaday in Doolow uu isaga tago, balse wuxuu u cadeeyey inuu iska difaaci doono oo degmada ay geysay dowladda Soomaaliya uusan ka carari doonin. Mar kale ayaa la sheegay in loo soo diray odayaasha dhaqanka degmada Doolow oo ka codsaday Taliye Shiiqaalow iyo askartiisa inay isaga tagaan magaalada, maadaama hadii dagaal dhaco laga awood badan yahay oo naftooda ay khatar ku jirto, balse sarkaalkaan qaran iyo ciidankiisa waxay ku adkeysteen in shaqada ay u dirtay dowladda Soomaaliya iyo difaaca degmada Doolow aysan meel cidlo ah uga tegi doonin. Intaas kadib, labo maalmood ka hor waxay Itoobiyaanka iyo Jubbaland oo is garabsanaya weerareen seddax saldhig oo Doolow ay ku leeyihiin ciidamada Dowladda Soomaaliya oo isugu jira Militeri, Boolis iyo Nabad Sugid, waxayna halkaas kala kulmeen wax aysan ka maleysaneen ciidanka Qaranka, maadaama ay tiro ka yar 50 askari ku joogeen Doolow. Ugu yaraan 10 askari oo Itoobiyaan ah iyo qaar kamid ah ciidamo tiro yar oo Jubbaland ka joogay Doolow ayaa lagu dilay dagaalkaas, halka dowladda Soomaaliya laga dilay 3 askari oo kala ahaa labo NISA ah iyo hal Boolis ah. Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jubbaland ayaa ku jabay dagaalkaas, ciidamada qaranka Soomaaliya oo lagu qaaday weerar gardarro ah ayaa weli ku sugan saldhigyadooda Doolow, sidoo kale 7 askari oo laga dhaawacay ciidamada qaranka ayaa shalay galab diyaarad Militeri looga soo qaaday degmada Beledxaawo. Ciidamada Itoobiya ayaa isku hareereeyey saldhigyada ay joogaan ciidamada Soomaaliya ee Doolow, waxayna ku go’doomiyeen halkaas, iyagoo ka dalbanaya inay is dhiibaan, balse ciidamada qaranka ee Taliye Shiiqaalow uu hoggaaminayo ayaa ku adkeystay in aysan is dhiibi doonin oo jihaad xaq ah ay ku jiraan. Dowladda Soomaaliya ayaa weysay fursad ay ugu gurmato ciidankaas, balse waxaa laga war sugayaa wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya uga socda Addis Ababa oo loo diray wafdi uu hoggaaminayo wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad. Dowladda Soomaaliya oo ciidankeedii lagu go’doomiyey Doolow ayaa ka fekereysa inay u bareerto dagaal toos ah oo ciidamada Itoobiya ay ku qaado, hadii xal looga waayo wadahallada Addis Ababa ka socda, si loo badbaadiyo ciidanka qaranka ee ku go’doonsan degmadaas, loona difaaco dalka.
-
How President Abdirahman addresses the conflict in Sool, Togdheer and Sanaag without resorting to secessionist rhetoric will determine the trajectory of his new administration. Hargeisa (PP News Desk) — The President of Somaliland Administration, Abdirahman Mohamed Abdullahi, inherited the unresolved conflict in three regions: Sool, Togdheer and Sanaag. Unlike his predecessor, Muse Bihi Abdi, President Abdirahman feels constrained partly by Finnish laws due to his Finnish citizenship. The Somaliland Administration waged the 2023 Laascaanood conflict on the claim that it is a sovereign state that seceded from Somalia in 1991 and that Sool, Sanaag, Cayn and the Khatumo interim administration “is a terrorist organisation affiliated with Al-Shabaab.” Somaliland had to shift its sovereignty claim in mid-2023, proposing a two-state solution as a precondition for a ceasefire in Laascaanood. Last week, a spokesperson for President Abdirahman’s new administration stated: “The Somaliland administration calls for unconditional talks with all factions involved in [sic] the Eastern Somaliland conflict.” “While this statement is commendable, it will not translate into a tangible peace agreement as long as President Abdirahman adheres to the spurious claims of “Somaliland as a republic” said Ali Hassan, a peace researcher in Garowe. Article 10 § (13.5.2011 / 511) of the Finnish Penal Code on hate speech stipulates: “Anyone who publicly make available or otherwise public spreads or publicly provide information, opinions or other messages which a group is threatened, defamed or insulted because of race, color, descent, national or ethnic origin, religion or belief, sexual orientation or disability or on grounds which are comparable to those basics, be for ethnic agitation to a fine or imprisonment not exceeding two years.” Article 10 a § (13.5.2011 / 511) on Rough Hate Speech outlaws: “…crimes against humanity, serious crimes against humanity, war crimes, serious war crime, murder or manslaughter committed with terrorist intent…” Finland donates to Somaliland’s administration and its institutions. Additionally, the International Solidarity Foundation (Solidaarisuus), a Finnish civil society organisation, has been operating in Somaliland since 2000. Existing Finnish laws governing citizens’ behaviour and Finland’s position on the sovereignty of the Federal Republic of Somalia constitute major legal obstacles for the Finnish-Somali President of Somaliland Administration. How he addresses the conflict in Sool, Togdheer and Sanaag without resorting to secessionist rhetoric will determine the trajectory of his new administration. © Puntland Post, 2024 The post Finnish Citizenship Complicates Somaliland President’s Approach to Conflict appeared first on Puntland Post.
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa doortay inuu sannadkan Ciidda Masiixiga kula dabaaldego ciidanka Faransiiska ee ku sugan Jabuuti, “si loo muujiyo abaalka qaranka” ee ciidamadiisa ku sugan dibadda. Intii uu ku guda jiray booqashadiisa, Macron wuxuu la kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxayna ka wada hadleen xaaladda Badda Cas iyo Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya. Labada madaxweyne ayaa sidoo kale dib u eegay heshiiska iskaashiga difaaca ee la cusbooneysiiyay bishii Luulyo ee sannadkan. Saldhigga milateriga Faransiiska ee Jabuuti, oo ay ku sugan yihiin 1,500 oo askari, waa kan ugu weyn ee Faransiiska ku leeyahay dibadda, wuxuuna ka badbaaday go’aankii Paris ee sanadihii ugu dambeeyay ee lagu dhimayay joogitaanka ciidanka Faransiiska ee Afrika, kaddib markii laga saaray waddamada Saaxil. Xaaladdan darteed, Faransiiska ayaa doonaya inuu xoojiyo saameyntiisa Geeska Afrika, gaar ahaan agagaarka Badda Cas, si uu u ilaaliyo danaha reer Galbeedka, iyada oo ay jiraan isbeddelo badan oo ka dhacay gobolka. Kadib booqashadiisa Jabuuti, Macron ayaa u safray Addis Ababa, wuxuuna la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Kulanka ayaa la qorsheeyay inuu ku soo beegay furitaanka “Qasriga Qaranka,” oo ah dhisme taariikhi ah oo ugu dambayn hoy u ahaa Boqor Haile Selassie, ka hor inta aan xilka laga tuurin 1974. Hay’adda Horumarinta Faransiiska ayaa ku tabarucday €25 milyan, si dib loogu dayactiro dhismahan oo loo beddelo matxaf. Marka laga soo tago xiriirka laba geesoodka ah, Macron iyo Abiy waxay ka wada hadleen xasillooni-darrada gobolka iyo xaaladda gudaha Itoobiya, laba sano kaddib heshiiskii lagu soo afjaray dagaalkii sokeeye ee gobolka Tigray, kaas oo la sheegay inuu sababay boqollaal kun oo dhimasho ah. Intaa waxaa dheer, Macron wuxuu sidoo kale la wadaagay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya arrimaha ku saabsan Suudaan. Warbixino ayaa soo jeedinaya in Paris iyo Addis Ababa ay si toos ah ula shaqeynayaan ciidanka fallaagada Suudaan ee uu hoggaamiyo Maxamed Xamdaan Daqlo (Hemedti). Faransiiska ayaa lagu eedeeyay inuu hub siiyay Ciidanka Taageerada Degdegga ah (RSF) iyo inuu taageero ka siiyo isbahaysiga siyaasadeed ee “Isku-xirka Taqaddum,” kaas oo ay qaar u arkaan inuu yahay garabka siyaasadeed ee RSF. Faransiiska, oo iskaashi la leh Imaaraadka Carabta, ayaa la sheegay inuu siiyay RSF tignoolajiyad casri ah oo loo adeegsaday gaadiidka gaashaaman ee Imaaraadka, sida ay shaacisay Amnesty International toddobaadyo ka hor, Paris waxay martigelisay Cabdullaahi Xamduuk, madaxa “Isku-xirka Taqaddum,” oo ah wakiilka Suudaan munaasabad rasmi ah dhowr jeer, taas oo si dadban u muujinaysa taageerada Faransiiska ee kooxahan. Faransiiska wuxuu ku tiirsan yahay isbahaysiyo istiraatiijiyadeed oo uu la yeesho ciyaartooy waaweyn oo gobolkan ku sugan, sida Imaaraadka. Waxa kale oo uu qorsheynayaa inuu xoojiyo joogitaanka ciidankiisa ee Badda Cas isagoo tababaraya ciidanka badda Itoobiya iyo isagoo ciidan ka hawlgeliya meelaha istiraatiijiga ah sida Jabuuti iyo Jasiiradda Suqadara. Tallaabooyinkan ayaa muujinaya hammiga Faransiiska ee ku aaddan sidii uu u heli lahaa meel joogto ah oo uu kaga jiro Badda Cas iyo sidii uu u xoojin lahaa danihiisa dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee gobolka. Dhanka kale, Turkiga ayaa sidoo kale ku dadaalaya inuu ku yeesho saameyn Suudaan, isagoo taageeraya ciidanka dowladda ee dagaalka kula jira kooxaha fallaagada ah. Warbixino warbaahineed ayaa tilmaamaya in Ankara ay ugu dambeyntii rabto inay ku hesho marin Badda Cas iyada oo loo sii marayo Suudaan. Tallaabo kale oo la xiriirta, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ku dhawaaqay hindise uu ku dhexdhexaadinayo ciidanka Suudaan ee uu hoggaamiyo Cabdulfataax al-Burhan iyo Imaaraadka Carabta oo ay dowladda Suudaan si toos ah ugu eedeysay taageerada fallaagada. Dadaallada dhexdhexaadinta ee Turkiga iyo faragelinta ciidan ee Faransiiska labaduba waxay leeyihiin ujeeddo isku mid ah: kordhinta saameynta Badda Cas iyo Geeska Afrika. Inkastoo himilooyinka gumeysi ee dalalkan kala duwan ay mararka qaarkood is waafaqaan, haddana su’aashu waxay tahay ma iska kaashan doonaan Faransiiska iyo Turkigu sidii ay u hirgelin lahaayeen qorshayaal gaar ah oo ay ka leeyihiin Suudaan iyo guud ahaan gobolka?
-
Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in Itoobiya ay u oggolaatay marin biyood badda cas ah, kaas oo warbaahintu ay saacaddii hadal-haysay. Wasiirka arrimaha dibedda xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo qoraal kooban oo afka Ingiriiska ku qoran soo dhigay bartiisa X ayaa sheegay inaan waxba ka jirin wararka tibaaxaya in Itoobiya loo oggolaaday marin biyood badda cas dhaca. “Waxaan si cad u beeninayaa sheegashada ah in Itoobiya loo ogolaaday inay gasho badda cas, waa sheegashooyinkan aan sal iyo raadka lahayn oo ka maran wax aasaas ah, Soomaaliyana waxaa ka go’an ilaalinta madax-banaanideeda iyo xaqiijinta hufnaanta arrimaha qaranka” ayuu yiri wasiirka Fiqi. Wararka ku saabsan in dowladda Soomaaliya ay Itoobiya u oggolaatay marin biyood deked ganacsi oo badda cas dhaca ayaa saacadihii la soo dhaafay qabsaday warbaahinta Soomaalida, taas oo dhalisay falcelin baaxad leh. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa war cusub ka soo saaray damaca Itoobiya ay dooneyso inay ku gaarto Badda Cas. Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay go’aanka dowladda Soomaaliya uga yaalla damaca Itoobiya, wuxuuna cadeeyey in Itoobiya aan loo ogolaan marin ay ku gaareyso biyaha Soomaaliya. “Waxaan si cad u beeninayaa sheegashada ah in Itoobiya loo ogolaaday inay gasho badda cas, Sheegashooyinkan aan sal iyo raadka lahayn ayaa ka maqan wax aasaas ah,” ayuu yiri Fiqi. Qoraalka Wasiir Fiqi ayaa intaas ku sii daray, “Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta madax-banaanideeda iyo xaqiijinta hufnaanta arrimaha qaranka.” Qoraalkaan Wasiir Fiqi uu ku baahiyey bartiisa Twitterka ayaa ku soo aadaya iyadoo maanta Madaxweyne Xasan Sheekh uu u safray Asmara Eritrea, kadib markii uu soo yeeray war sheegaya in Eritrea ay ka carootay heshiiskii Ankara ku dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya. Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale shalay tegay Qaahira Masar, isagoo isla heshiiskaas kala hadlay dowladda Masar, dowladda Soomaaliya ayaa Masar iyo Eritrea ku qancineysa heshiiskii Ankara.
-
In Mogadishu, a pioneering business is transforming the laundry industry by introducing professionalism and modernity to this essential service. With an estimated population of 3 million in 2024, the vibrant capital of Somalia is well-positioned for innovation. Likenew Smart Laundry, which launched on June 2, 2023, is leading the way in setting new standards for quality and convenience. The brainchild of local Somali entrepreneurs, Likenew Smart Laundry , was created to address the increasing demand for high-quality laundry services. As per the information from the company, Likenew understood the market demand and responded accordingly with its unique concept of using technology and modern merchandising to attract customers, differentiating itself from existing businesses and positioning itself as an innovator. “The Likenew business concept came due to the growing need for professional services and the limited local options to meet this demand,” shared Mahad Mohamed Issack, CEO & Co-founder. “Urban areas with higher population densities require more laundry services, and we aim to disrupt the market with innovative concepts while expanding nationwide.” Although the business was conceptualized in 2021, its launch was delayed due to the COVID-19 pandemic. Celebration for the Grand Opening of Likenew Smart Laundry – June 2, 2023 Likenew Smart Laundry stands out in the market by combining cutting-edge technology with exceptional customer service, providing an unmatched laundry experience. From advanced eco-friendly equipment to a sleek, inviting interior, the establishment ensures a premium experience for every customer. Its tagline, “Your clothes deserve the best,” perfectly encapsulates its mission and unique selling points. Although information about the scale of the laundry market in Mogadishu is relatively limited, the number of laundry services opening has been increasing since 2012, when the late Mohamed Mahamoud Sheik opened Somali Premium Laundry, the country’s first laundry service since the civil war more than 30 years ago. Customer Abdiwali Omar shared his experience: “Every person’s clothes are washed separately and within minutes. I’ve been a customer of Likenew for the past one year. My family and I have enjoyed their fast, clean, and best service. Just as their name says, you come and take your clothes as they are new.” Over the past two years, the company has attracted many clients, including businesses and individuals, demonstrating its growing popularity and trust. With services like express cleaning, online booking, and reliable pick-up and delivery, Likenew caters to Mogadishu’s busy and tech-savvy residents. Likenew Laundry store interior with washing machines. Photo: Likenew.so Companies like Likenew rely heavily on imported supplies, highlighting the need for local production of sustainable materials. Challenges remain, from energy and logistics to supply chain management: Businesses face complicated operating procedures. This reliance presents a golden opportunity for Somali companies to develop eco-friendly and locally sourced products, benefitting industries like hospitality, healthcare, fitness, and beyond. According to the Somali National Bureau of Statistics (NBS), imports accounted for 76.69% of Somalia’s GDP in 2023. Despite these hurdles, Likenew continues to innovate and position itself as a market leader, paving the way for a more self-sufficient and sustainable business ecosystem in the country. Sustainability is not just a buzzword at Likenew, it’s a cornerstone of our operations. The company reduces its environmental footprint by using water-efficient machines and biodegradable detergents, setting an example for others to follow and appealing to environmentally conscious customers and investors. Likenew Smart Laundry Store – Hodan District, Mogadishu, Somalia In response to increasing customer demand, Likenew Smart Laundry is not resting on its laurels. The company plans to open a second store in Mogadishu in 2025 and is developing a mobile application that will allow customers to seamlessly order pick-up and delivery services. This mobile app will complement its current automated order status update system, which is sent directly to customers’ WhatsApp numbers. Likenew also aims to adopt new and innovative technologies to disrupt the market further, enhance operational efficiency, and deliver an unparalleled customer experience. Likenew also aims to adopt new and innovative technologies to disrupt the market further, enhance operational efficiency, and deliver an unparalleled customer experience. “Our goal is to bring innovative laundry services to more neighborhoods and inspire broader transformation in Somalia’s private sector,” said Ahmed Bashir, Chairman & Co-founder. The company’s expansion aligns with its mission to elevate customer expectations and redefine regional service standards. Transforming Mogadishu’s Narrative Local brands like Likenew Smart Laundry are not just changing the narrative of Somalia’s private sector, they’re rewriting it. They’re showcasing the city’s potential for innovation and growth, and as they thrive, they’re exemplifying Mogadishu’s resilience and adaptability. Their success is not just inspiring, it’s a source of pride for the city’s residents, and it’s setting a new standard for others to follow. For Mogadishu residents, Likenew Smart Laundry is more than just a service; it represents a brighter, more sustainable future for the city and its people. With its commitment to excellence and expansion, the company is setting the stage for continued success and industry transformation.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa ku dhowaaqay qorshaha isla-xisaabtanka ee maamulka gobolka. Guddoomiye Amiir ayaa maanta shir gudoomiyay kulan gaar ah oo la xariira horumarinta dib-u-dhiska caasimadda iyo kaabayaasha dhaqaalaha, kaasi oo uga dhawaaqay inuu jiri doono isla-xisaabtan iyo dabagal la xariira howlaha socda. Gudoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Xasan Maxamed Jimcaale ayaa goob joog ka ahaa kulankan, waxaana inta uu socday diirada lagu saaray dardar-galinta mashaariic lagu horumarinayo magaalada. Shirka ayaa intii uu socday lagu soo bandhigay dhiismaha waddooyinka, xal u helida maareynta biyaha roobka iyo dib u dhiska xarumaha danta guud. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa kula dardaarmay madaxda iyo howl-wadeenada waaxda howlaha guud in si daacadnimo iyo Alla ka cabsi kujirta ay uga u gutaan waajibaadkii loo igmaday islamarkaana uu bilaabanayo isla-xisaabtan iyo dabagal la xariira howlaha socda. Haddii uu qorshahan isla xisaabtan iyo daba-gal uu si rasmi ah uga bilowdo maamulka gobolka Banaadir ayaa waxay dad badan aaminsan yihiin in wax ka tari doonto in sida ugu habboon wax looga qabto baahiyaha ka jira caasimadda. Maamulka gobolka ayaa inta badan lagu eedeeya musuq-maasuq iyo is-dabamarin, taas oo wax ka qabashadeeda ay ku guul-dareysteen guddoomiyeyaashi kala dambeeyay ee gobolka, waxaana laga dhursagayaa in hadalka Amiir uu lamid noqdo kuwii hore iyo inuu noqdo mid ficil la socdo.
-
At least five killed in inter-clan conflict in Mudug region
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Galkacyo (HOL) – At least five people were killed and several others wounded in an inter-clan conflict in Jiicbor, a rural area in the western Mudug region, local sources reported on Tuesday. Source: Hiiraan Online -
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u cambaareysay weerarkii lagu qaaday shacabka Dacawalay, kaas oo ay ku tilmaamtay xasuuq ay geysteen ciidanka Liyuu Booliska. Sidoo kale waxay xukuumadda gef iyo xad-gudub cad ku tilmaamtay afduubka ay ciidamada Liyuu Booliska u gaysteen odayaal dhaqameed kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo deegaankaas u tegay ka shaqaynta nabadda iyo daminta colaadda halkaas ka dhacday maalmihii u danbeeyey. Somaliland ayaa dhacdadan u gudbisay dowladda federaalka Itoobiya, iyadoo ku dacweysay ciidamada Liyuu Booliska ee deegaanka maamulka Soomalida Itoobiya, oo ay sheegtay inay qaadi doonaan masuuliyadda ka dhalata. Hoos ka aqriso bayaanka kasoo baxay Somaliland; Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha JSL Mudane Cabdalle Maxamed Carab oo ka masuul ah amniga Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, kuna hadlaya afka Xukuumadda waxaa uu cambaaraynayaa Xasuuqa ay degaanka Dacawaley ee maamulka Soomalida Itoobiya ay ka geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, kuwaas oo xasuuq u geystey dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah, arrintaasi oo ka soo horjeedda xaquuqda aadamaha iyo hanaanka Dawladnimo. Dhinaca kale Ciidamada Liyuu Booliska ayaa Degaanka Dacawalay ka afduubay Madax-dhaqameed ka soo jeedda Somaliland, kuwaasoo halkaa u tegey ka shaqaynta Nabadda iyo daminta Colaadda halkaa ka dhacday maalmihii u danbeeyey, taasoo ah gef iyo xadgudub cad. Wasiirka Amniga Gudaha JSL waxaa uu si xoog leh u cambaaraynayaa falalka foosha xun ee ay Degaanka Dacawalay ka geysteen Ciidmada Liyuu Booliska ee Degaanka Maamulka Soomalida Itoobiya, kuwaasoo geystey Xasuuq baahsan, masuuliyadda ka dhalatana ay qaadi doonaan. Madaxweynaha Maamuul Soomaalidda Itoobiya, ayaa Xukuumadda Jamhuuriyadda u caddeeyey sida uu uga xun yahay falalka foosha xun ee ka dhacay Degaanka Dacawalay. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay la xidhiidhay Dawladda Federaalka Itoobiya oo xidhiidh Nabadgelyo iyo mid siyaasadeedba ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland, waxayna Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku wargelisay arrinta ka dhacday Degaanka Dacawalay iyo dhibaatada ay geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, iyadoo Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya maalinta beri ah wada hadal ku dhex mari doono Xadka labada Dawladood.
-
Boorama-25-12-2024-(Qaran news)-Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo Wafti balaadhan oo u hoggaaminayo ayaa magaalada Borama kaga qaybgalay aas qaran oo loo sameeyey Alle hawnaxariistee Marxuum Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo ka mid ahaa madax-dhaqameedka ugu wakhtiga dheer Dalka oo maalintii shalay ku geeriyooday Magaalada Borama. Madaxweyne Kuxigeenka Qaranka JSL ayaa Marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed door laxaadleh ka soo qaatay dib u dhiskii dalka Somaliland iyo nabadayntii beelaha Somaliland kuwada dhaqan, kuna xusnaa nabad-doonimo iyo waayo aragnimo dheeraada oo uu u lahaa xalinta khilaafaadka bulshada dhexdeeda. Madaxweyne Ku-xigeenku waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Madaxda dhaqanka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wajaheysa culaysyo gudaha iyo daruufo adag oo siyaasadeed, milateri, diblomaasiyad, iyo isbahaysi. Tan ayaa muujineysa itaal yarada hoggaamin ee madaxweynaha, iyadoo daqarro laxaadka leh iyo dhaawcayo culus gaarsiiyeen qaranka iyo dowladnimada, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Warsame oo sidoo kale kamid ah siyaasiyiinta waayahan dambe aan la dhacsaneyn siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in madaxweynaha u furan tahay labo waddo, taas oo midkood ay dhaymo u noqon karto xaaladda taagan. Hoos ka aqriso qoraalka CC Shakuur; Culaysyada gudaha iyo cadaadiska dibadda, xaaladaha qalafsan iyo duruufaha adag ee siyaasadeed, milateri, diblomaasiyad, iyo isbahaysi ee haysta maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh ma aysan qaawin oo keli ah itaal yaradiisa hoggaamin ee waxay daqarro laxaadka leh iyo dhaawcayo culus gaarsiiyeen qaranka iyo dowladnimada. Waxay kaloo burriyeen labo go’aan oo uu Madaxweyne Xasan xafiiska kula soo laabtay dadkana si kalsooni leh ugu sheegayey ; 1- In uu doonayo in uu markaan isagu is eedo, cid uu talo kaga baahan yahayna jirin, maadaama uu aqoon PhD ka gaaray, da’na 70 jiro, laba jeerna la doortay, taasoo laga rabay in ay tawaaduc u kurdhiso, balse ismahdin iyo islaweyni uu ku qaaday. 2- Wuxuu kaloo la yimid in dadku waxba is dhaamin oo ay isku wada mid yihiin, qof mid kale ka karti (aqoon, waaya aragnimo iyo xirfad) badan jirin, keliya ay muhiim tahay daacadnimo, dhega fudayd iyo culays yari ka dhigan in qofka xilka loo dhiibayo uusan u doodin degaan iyo dad la metalayo, ama is bidin aqoon iyo waaya-aragnimo dood iyo muran keenaysa, ama sheegan xiriir dadweyne ama mid dibadeed. Mar uu sifaynayey qof uu xil wayn u dhiibay, dadkuna la ahayd in uusan qaadi karin ayuu Madaxweynuhu ku tilmaamay; “in uu yahay qof dhega fudud, culays degaan iyo dadna ku wareerin, fixer ah oo wax furdaamiya. Xukun wanaagsan waxaa aasaas u ah xeerinta danta qaranka iyo badbaadinta dowladda oo ku dhisan aragti la hiigsanayo, istaraatiijiyad iyo qorshe la raacayo, talo la rogrogay oo la isku miisaamay, xog, xisaabtan iyo suurgalnimo ku dhisan, si taasi u hirgashana waxay ka fursan karin kaadir aqoon, waaya-aragno iyo xirfad leh, iyo hoggaan dulqaad, dabeecad tanaasul, tawaaduc iyo ogaal tabar guuris leh. Labo mid ayaa u furan Madaxweyanaha; 1- In uu cashar ku filan ku qaato, garawsadana in guuldarrada siyaasadeed, dhaawacyada soo gaaray qaranka, iyo daqarrada ku dhacaya dowladnimada ay sabab u tahay taladiisii ahayd aan is eedo iyo dadku waxba isma dhaamo oo uu tawaaduco, qaladkiisa garto, ogaadana in uusan talo ka dhammayn, lana yimaado tanaasul uu dadka iskugu baadigoobo, taladana dhexda dhigo. 2- In uu waddada qarda jeexa iyo hubanti la’aanta ah ku sii socdo, subaxba kastana xaaladdii soo wajahda iyo sideey u qabataba kula tacaalo, eeddana dadka kale iyo duul shisheeye dusha kaga tuuro. Tan hore in uu Alle waafajiyo ayaan ugu ducaynaynaa, laakiin haddii uu tan danbe doorto, Madaxweynuhu markaa waa nin garnayl gaanjadiisu furan tahay dadka la dhex ordaya ama gaari xawaare dheereeya ku socda oo aan fariin lahayn shacabka ku dhex wada ee waa in aan isagana naftiisa ka badbaadinno, innagana iska badbaadinno.
-
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Jamhuuriyadda. Qaran News
-
Boorama (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil ayaa maanta waxaa aas qaran loogu sameeyay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi iyo wafdi balaaran oo u hoggaaminayo ayaa magaalada Boorama kaga qayb-galay aaska marxuum Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo kamid ahaa madax-dhaqameedka ugu wakhtiga dheer oo maalintii shalay ku geeriyooday magaalada Boorama. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed door laxaadleh ka soo qaatay dib u dhiskii Somaliland iyo nabadayntii beelaha Somaliland ku wada dhaqan, kuna xusnaa nabad-doonimo iyo waayo aragnimo dheeraada oo uu u lahaa xalinta khilaafaadka bulshada dhexdeeda. Sidoo kale wuxuu marxuumka Alle uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo, madaxda dhaqanka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Suldaan Saleebaan ayaa ahaa oday dhaqan oo wehel u ahaa nabada, isagoo door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Somaliland. Sidoo kale wuxuu kamid ahaa salaadiinta ugu facaweyn salaadiinta Somaliland ama guud ahaan umadda Soomaaliyeed, ayadoo geeridiisana ay si weyn uga tacsiyadeeyeen madaxda Soomaalida.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa haatan qorsheyneyso in gole deegaan loo dhiso gobolka Banaadir, si loo guda galo howlaha doorashooyinka iyo arrimaha hortabinta u leh, maadaama la aadayo qof iyo cod. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin Axmed Xasan oo ka hadlay qorshahooda ku aadan hannaanka doorashooyinka ayaa sheegay in sanadka ina soo aadan ee 2025-ka la dooran doono Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, kadibna ay dooran doonaan guddoonkooda. Cabdikariin Axmed ayaa shaaca ka qaaday in qorshaha ugu wayn uu yahay in laga gudbo Maayar lasoo magacaabo, si loo helo hoggaan ay soo doortaan reer Muqdisho. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in arrintan ay qayb ka tahay hoos u daadejinta maamulka iyada oo saddex heer ay noqon doonto doorashada dalka sida Golaha Deegaanka, Dowlad-Goboleedyada iyo tan Dowladda Dhexe ee Federaalka. “Doorashadeennu waa saddex heer, waxa aan kasoo billaabeynaa Golaha Deegaanka, Marka xigta waa Dowlad-Goboleedyada halka tan saddexaad tahay Doorashada Federaalka, waxa aan wadnaa shaqadeenna oo ah 100% hirgelinta Doorashada, 2025 waxa aan wadnaa in aanay mar dambe digreeto lagu soo magacaabin Maayar dambe oo la doorto Golaha Deegaanka” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Cabdikariin Axmed. Qorshaha lagu doonayo in gobolka Banaadir uu ku yeesho gole deegaan waxaa horay uga dhawaajiyay guddoomiyaha cusub ee lasoo magacaabay Maxamed Axmed Amiir oo sheegay inuu rajeynayo inuu noqdo guddoomiyihii ugu dambeeyay ee lasoo magacaabo, isaga oo ballan qaaday inay ka shaqeyn doono sidii ay doorasho uga dhici lahayd gobolka. Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa haatan ku howlan diyaarinta doorashooyin qof iyo cod ah, balse waxaa diidan maamullada Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka.
-
The newly constructed Siaya County Stadium will host two heads of state; William Ruto and Uganda’s Yoweri Museveni during its official opening on January 2, 2025, Siaya Governor James Orengo has announced Source: Hiiraan Online
-
NAIROBI — Kenya’s security report this year has been dominated by the violence and killings of women and girls, with more than 7,100 cases of gender-based violence since September 2023. Included in that number are 100 documented cases of murder against women since August 2024. Source: Hiiraan Online
-
The Swedish Ambassador to Somalia, Joachim Waern: “Now I think it is time to talk about some kind of peace conference. The EU is working on a reconciliation process [in Somalia].” Mogadishu (PP News Desk) — The European Union is planning a political reconciliation conference in Somalia following the conflict in Raaskaambooni. The Swedish Ambassador to Somalia, Joachim Waern, told a Somali news website: “Now I think it is time to talk about some kind of peace conference. The EU is working on a reconciliation process [in Somalia],” said the ambassador. There is a growing consensus that Somalia’s federal system faces critical challenges, which predispose the incumbent federal government to overreach and undermine Federal Member States that oppose it on controversial constitutional amendments and the impractical initiative of one-person, one-vote elections in 2026. These challenges exist within an atmosphere of pervasive political mistrust across the political spectrum. “We have to constantly discuss with Jubaland, for example, and the Federal Government of Somalia, on how we can bring them together to some kind of reconciliation conference. I think the only way to solve these issues is to sit at the table and resolve them peacefully,” said the Swedish Ambassador to Somalia. © Puntland Post, 2024 The post EU to Organise Reconciliation Conference for Somali Political Stakeholders appeared first on Puntland Post.