-
Content Count
212,806 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Puntland Enforces Stricter Rules on Undocumented Foreigners
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Nugaal Police checking residence permit of foreigners in Garowe. Garowe (PP News Desk) — The Nugaal Police have today begun checking the residence status of foreigners in Garowe. The Puntland Interior Ministry Abdi Farah Said issued a directive aimed at preventing foreigners from joining ISIS and those acting as sleeper cells for the proscribed group from carrying out terrorist attacks. The directive also outlawed begging by foreigners who carry mobile phones and solicit alms from locals. In Garowe today, the police rounded up foreigners without residence permits and foreign beggars. The Puntland State Government has issued a mandatory policy urging local employers to update the government on the residence status of their foreign employees. Meanwhile, the Puntland Security Ministry, tasked with enforcing the directive from the Interior Ministry, has taken steps to ensure that undocumented foreigners are not allowed to enter or live in Puntland State of Somalia. Employers who have sponsored foreign employees have been instructed to register their employees within 72 hours. © Puntland Post, 2025 The post Puntland Enforces Stricter Rules on Undocumented Foreigners appeared first on Puntland Post. -
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin Johansson, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeelatay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha, Cabdikariim Axmed Xasan. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xaqiijin lahaa doorashooyin hufan, xor ah, oo ay ka qayb qaataan dhammaan qeybaha bulshada. Intii uu kulanku socday, labada mas’uul waxay si qoto dheer uga wada hadleen horumarinta nidaamka doorashooyinka Soomaaliya, iyaga oo isla gartay in la xoojiyo hufnaanta iyo daah-furnaanta hannaanka doorasho. Karin Johansson ayaa sheegtay in Midowga Yurub ay ka go’an tahay taageeridda dadaallada lagu dhisayo nidaam dimuqraadi ah oo la isku halleyn karo, si loo helo doorashooyin xor iyo xalaal ah. Waxay xustay in Midowga Yurub uu si dhow ula shaqeynayo guddiga doorashooyinka si loo hubiyo in doorashooyinka soo socda ay noqdaan kuwo loo dhan yahay, loona maro hab caddaalad ah. Dhankiisa, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca dimuqraadiyadda iyo xoojinta hay’adaha doorashooyinka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in guddigiisu uu dadaal badan gelinayo sidii loo heli lahaa doorashooyin lagu kalsoonaan karo, loona dhisi lahaa hay’ado doorasho oo adkeysi leh. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) – Somali State Minister for Religious Affairs, Abukar Sheikh, on Sunday urged young members fighting alongside Al-Shabaab to take advantage of the amnesty offered by President Hassan Sheikh Mohamud, describing it as a critical opportunity for redemption and reintegration into society. Source: Hiiraan Online
-
Washington (Caasimada Online) – Aqalka Cade ee Mareykanka ayaa goor dhaweyd sheegay in madaxweyne Trump uu ka laabtay canshuur kordhin uu dul saaray Axaddii badeecadaha ay Colombia u soo dhoofiso Mareykanka. Arrintaasi waxay ka dambeysay kaddib marki uu madaxweynaha Colombia Gustavo Pedro diiday, in lava diyaaradood oo millatari oo Mareykanka kasoo qaaday muhaajiriin Colombian ah oo laga soo tarxiilay Mareykanka. Gustavo ayaa u sheegay Mareykanka in uu aqbalayo qaadashada muwaadiniintiisa laga soo tarxiilayo Mareykanka, haddii ay dowladda Mareykanka ku keeneyso diyaarad rayid ah, balse uusan aqbaleyn diyaarado millatari. Tan ayuu sheegay Gustavo inay noqoneyso mid sumcad dil ku ah dadkiisa, sidaas darteedna uusan aqbaleyn in muhaajiriinta lasoo celinayo dalkiisa lagu keeno diyaar ciidan. Aqalka Cad ayaa hadda sheegay in Colombia ay ogolaatay in muwaadiniinteeda laga keenayo Mareykanka lagu geeyo Colombia diyaarado millatari, iyadoo aanan dib loo dhigeyn. Colombiya ayaa iyaduna sheegtay in Dowladda Mareykanka ay aqbashay in muwaadiniinta Colombiya ay ula dhaqanto si sharax leh.
-
Dusha sare ee buuraha Calmiskaad ee Daacish ku jirto Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo hadal ka jeediyay shir ku saabsan Technology-yada oo maanta ka furmay Boosaaso ayaa sheegay in ciidamada Puntland dagaal adag kula jiraan argagixiso Caalami ah oo adeegsanaysa qalab iyo farsamo ku dhisan Tiknooliji. Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in ciidamada difaaca Puntland naftooda u hibeeyeen in ay Gacanka Cadmeed iyo shucuubta ku dhaqan Geeska Afrika ka difaacaan argagixiso Caalami ah oo isaga yimid dunida daafaheeda, islamarkaana adeegsanaya qalab casri ah, oo ay ku jiraan diyaarado qaraxyo xambaarsan iyo ookiyaalaha habeenkii lagu dagaallamo. “Ciidamada difaaca Puntland waxay naftooda u hibeeyeen in ay Gacanka Cadmeed iyo Shucuubta ku dhaqan Geeska Afrika ka difaacaan Argagixiso Caalami ah oo dunida laga soo waariday, oo ay ku jiraan kuwii lagaga soo adkaaday Shaam iyo Waqooyiga Afrika, meelaha ay ugu galeenna xitaa daanyeerku naftiisa kuma aamino; iska daa askari qori sita oo cadow iska ilaalinayee” ayuu yiri wasiir Caydiid Dirir. “Ciidamadeenna waxaa lagu la dagaallamayaa waa High-teck waana diyaarado qaraxyo xambaarsan oo askariga iyo gaadiidka dusha kaga imaanaya iyo farsamooyin casri ah. Dagaalkaasi Puntland iyo Ukraine maahee meel kale adduunka kama socdo, marka dhalinyarada, waxaan ka rabnaa iqtiraacii (hal abuurkii) waxaasi lagaga hortegi lahaa” ayuu sii raaciyay wasiir Dirir. Hadalka wasiirka ayaa imaanaya, iyadoo tan iyo markii dagaalka Calmiskaad bilowday ay Ciidamada Puntland soo rideen in ka badan 80 diyaaradaha yaryar ah oo xambaarsan qaraxyo, kuwaasi oo qaarkood sababeen khasaare dhimasho iyo dhaawac leh kaddib markii ay ku qarxeen goobo ciidamadu hawlgallo ka samaynayeen. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in ay Gacanka Cadmeed iyo shucuubta Geeska Afrika ka difaacayso Argagixiso Caalami ah appeared first on Puntland Post.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka maamul goboleedka Puntland ayaa weli sii wada howlgallada ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaas oo haatan laga dareemayo xaalad kacsanaan. Qoraalka kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa waxaa looga hadlay howlgalladii ugu dambeeyay iyo guulaha ay ka gareen ciidamadu. Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay maanta la wareegtay saldhigyo muhiim ah oo ay kooxda ku laheyd deegaannada Waadi-soor, Ina Ciddoole, Damal Cagagubyo, Diibow, Qaaqsiiye, Daad, Dal lo’aad iyo isha Siido “Ciidanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland waxay la wareegeen goobo talisyo u ahaa Argagixisada Daacish, kuwaasi oo kala ah deegaannada Waadi-soor, Ina Ciddoole, Damal Cagagubyo, Diibow, Qaaqsiiye, Daad, Dal lo’aad iyo isha Siido” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale saraakiisha horkaceysa dagaalka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalladooda, ujeedkana uu yahay in argagixisada lag saaro aaggaasi. Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Daacish oo ku aadan howlgalladaasi ee ay haatan guulaha waa wayn ka sheegatay dowlad goboleedka Puntland. Puntland ayaa haatan sii xoojineyso dagaalka kooxda Daacisha, waxayna ciidamada isku sii fidinayaan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, waxaana ugu dambeysay oo ay dhowaan si buuxda ula wareegay taliskii argagixisada ee Tuulada Tuurmasaale ee gobolkaasi.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u baxaya safar kale oo dibadeed, xilli uu dhowaan cagta soo mariyay dalal dhowr ah oo kala duwan, kuwaas oo ay kamid yihiin Itoobiya, Uganda, Jabuuti, Masar iyo Switzerland. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haatan madaxweynaha uu kusii jeedo safar kale oo uu ku gaarayo dalka Tanzania, halkaas oo ay uga bilaabaneyso booqasho rasmi ah. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Xasan Sheekh uu la kulami doono madaxweynaha dalkaasi Samia Suluhu Hassan oo ay ka wada-hadli doonaan xiriirka labada iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashooda. Sidoo kale madaxweynaha ayaa inta uu joogo magaalada Arusha ee dalka Tanzania bilaabi doono kulamo kale oo la xiriira dadaallada Dalladda Bulshada Bariga Afrika oo ay haatan xubin buuxda ka tahay Soomaaliya, isla markaana ah urur dhaqaale oo muhiim ah. Safarada uu galay madaxweynaha ayaa aad u kordhay maalmahan, waxaana isku maray todobaadyo gudahood waddamo badan, taas oo dhalisay hadal-heyn xooggan Zakariye Cali oo kamid a dhalinyarada isticmaala baraha bulshada ayaa yiri “Canshuurtii shacabka Soomaaliyeed wax loogu qaban lahaa diyaarado iyo hoteelo ayuu ku dhameeyey” Aweys Siraad Cumar “Xasan safraaye waa la dhihi karaa intuu safar yahay iyo inta uu dalka joojo safarka ayaa badan”. Mahad Xasan “Miisaaniyadii qaranka sookan xasan isaga iyo qoyskiisii ay ka dhigteen nool lagu raaco diyaaradaha”. Si kastaba, Madaxweyne Xasan ayaa todobaadkii hore ka qayb-galay shirkii dhaqaalaha adduunka ee lagu qabtay dalka Switzerland iyo waxaana ku xigay oo uu tegay shir-madaxeedka barnaamijka horumarinta beeraha Qaaradda Afrika ee (CAADP) oo iska ka dhacay Kampala ee caasimada dalka Uganda.
-
Project 2025, the alleged blueprint for President Trump, focuses only one African country: Djibouti. Smaller than West Virginia, Djibouti has a population of one million people and few natural resources. Nevertheless, Project 2025’s authors fret about “the U.S.’s deteriorating position in Djibouti.” Likewise, Secretary of State Marco Rubio has stressed the need to work on “countering Chinese influence in Djibouti.” Djibouti is critical because of its location. Situated near the Gulf of Aden, around one third of ship traffic passes by on its way to the Suez Canal. To protect these ships, Djibouti hosts military bases from China, France, Italy, Japan, Saudi Arabia and the United States. Until recently, Djibouti-American relations were good. But when Djibouti refused to let the United States attack the Houthis from their territory, the foreign policy establishment lost its temper and blamed Chinese influence. Djibouti’s refusal is not a pivot to China, but part of its balanced foreign policy: neutrality with states and aggression with non-state actors. By maintaining neutrality, Djibouti can host military bases from multiple countries, some of which are each other’s foes. As long as these bases are used against non-state pariahs like pirates and terrorists like al-Qaida, there is no issue. But any force against states or quasi-state actors like the Houthis is strictly prohibited. Rather than create unnecessary tensions with China, the United States should focus on its shared interest of protecting maritime traffic. Doing so will enhance security and diffuse tensions between these great powers. Why Djibouti matters As the Somali civil war dragged on, chaos reigned and poverty increased. To secure their livelihood, many Somalis resorted to piracy starting in 2000. The capture of American ships and the September 11 attacks led the United States to step up military operations in the Horn of Africa. In 2002 the United States purchased Camp Lemonnier from Djibouti’s former colonizer France, establishing America’s first and only permanent military base in Africa. They were soon joined by others: Germany established a military presence at the French base in 2008, Japan established its only foreign military base in 2009 and Italy opened its first foreign military base in 2013. There were no issues with any of these military bases, until China opened its first foreign military base in 2017. Project 2025, the alleged blueprint for President Trump, focuses only one African country: Djibouti. Smaller than West Virginia, Djibouti has a population of one million people and few natural resources. Nevertheless, Project 2025’s authors fret about “the U.S.’s deteriorating position in Djibouti.” Likewise, Secretary of State Marco Rubio has stressed the need to work on “countering Chinese influence in Djibouti.” Djibouti is critical because of its location. Situated near the Gulf of Aden, around one third of ship traffic passes by on its way to the Suez Canal. To protect these ships, Djibouti hosts military bases from China, France, Italy, Japan, Saudi Arabia and the United States. Until recently, Djibouti-American relations were good. But when Djibouti refused to let the United States attack the Houthis from their territory, the foreign policy establishment lost its temper and blamed Chinese influence. Djibouti’s refusal is not a pivot to China, but part of its balanced foreign policy: neutrality with states and aggression with non-state actors. By maintaining neutrality, Djibouti can host military bases from multiple countries, some of which are each other’s foes. As long as these bases are used against non-state pariahs like pirates and terrorists like al-Qaida, there is no issue. But any force against states or quasi-state actors like the Houthis is strictly prohibited. Rather than create unnecessary tensions with China, the United States should focus on its shared interest of protecting maritime traffic. Doing so will enhance security and diffuse tensions between these great powers. Why Djibouti matters As the Somali civil war dragged on, chaos reigned and poverty increased. To secure their livelihood, many Somalis resorted to piracy starting in 2000. The capture of American ships and the September 11 attacks led the United States to step up military operations in the Horn of Africa. In 2002 the United States purchased Camp Lemonnier from Djibouti’s former colonizer France, establishing America’s first and only permanent military base in Africa. They were soon joined by others: Germany established a military presence at the French base in 2008, Japan established its only foreign military base in 2009 and Italy opened its first foreign military base in 2013. There were no issues with any of these military bases, until China opened its first foreign military base in 2017. Aidan Simardone Aidan Simardone is an immigration lawyer and writer with a master’s degree in global affairs from the University of Toronto. His work has appeared in Jacobin, the Cradle and the New Arab. The views expressed by authors on Responsible Statecraft do not necessarily reflect those of the Quincy Institute or its associates. Qaran News
-
Minneapolis (Caasimada Online) – Haweeney Soomaali ah degan magaalada Savage ee gobolka Minnesota ayaa maalintii Jimcaha qiratay doorka ay ku lahayd fal-dambiyeed musuq-maasuq ah oo lagu fuliyay barnaamij federaal ah oo loogu talagalay nafaqeynta carruurta intii lagu guda jiray xanuunkii safmarka ahaa ee COVID-19. Dhagartan ayaa qeyb ka ah kiiska musuq-maasuq ee ugu ballaarnaa Mareykanka ee la xiriira lacagta COVID-19, kaas oo lagu lunsaday $250 milyan oo dollar oo loogu talagalay in lagu quudiyo carruurta ka soo jeeda qoysaska danyarta ah. Ayaan Faarax Abuukar, oo 43 jir ah, isla markaana ah aasaasaha hay’adda samafalka ee ‘Action for East African People’, ayaa qiratay inay sameysay khiyaano ah sidii ay Barnaamijka Federaalka ee Nafaqeynta Carruurta (Federal Child Nutrition Program) uga dhici lahayd lacag dhan $5.7 milyan oo dollar. Sida lagu xusay dokumentiyada maxkamadda, Ayaan ayaa si been abuur ah u sheegatay inay maalin walba cunto gaarsiiso ilaa 5,000 oo carruur ah oo ku kala nool goobo kala duwan oo ku yaalla gobolka Minnesota intii u dhaxeysay sannadihii 2020 iyo 2022. Waraaqaha dacwadda ee maxkamadda ayaa sidoo kale muujinaya in Ayaan ay siisay lacag laaluush ah oo ka badan $330,000 oo dollar shaqaale ka tirsan hay’adda ‘Feeding Our Future’ si uu ugu fududeeyo fulinta qorshaha musuq-maasuqa. Dhagartan ayaa ka faa’iideysatay shuruucda federaalka oo la dabciyay xilligaas, kuwaas oo ujeedkoodu ahaa in la xaqiijiyo in carruurtu ay helaan cunto inta lagu jiro xirnaanshaha iskuullada. Halkii ay carruurta siin lahayd cuntada loogu talagalay, waraaqaha maxkamadda ayaa daaha ka rogay in Ayaan ay lacagihii loogu talagalay gargaarka u weecisay dano gaar ah, iyadoo ku iibsatay dhul ganacsi oo ballaciisu dhan yahay 37-ekaar oo ku yaalla magaalada Lakeville, Minnesota, iyo diyaarad ay ka iibsatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Kiiska musuq-maasuqa ee hay’adda ‘Feeding Our Future’ ayaa ah kii ugu ballaarnaa noociisa ee la xiriira masiibada COVID-19 ee soo mara taariikhda dalka Mareykanka. Qirashada Ayaan ee dambigan ayaa qeyb ka ah baaritaan ay iska kaashadeen hay’ado badan oo ay ka mid yihiin FBI-da, Waaxda Baarista Dambiyada ee IRS-ta, iyo Adeegga Baaritaanka Boostada ee Mareykanka. Baaritaankan ayaa ilaa hadda keenay in dacwad lagu soo oogo 70 qof oo lala xiriirinayo hay’addan samafalka ee xarunteedu tahay gobolka Minnesota, kuwaas oo lagu eedeeyay inay soo maleegeen musuq-maasuqan baaxadda leh. Mukhtaar Maxamed Shariif, oo 34 jir ah kana soo jeeda magaalada Bloomington, Minnesota, ayaa lagu riday xukunka ugu adag ee ilaa hadda la xukumo eedaysanayaasha kiiskan musuq-maasuqa ee ‘Feeding Our Future’, kaddib markii maalintii Jimcaha lagu xukumay 17 sano iyo bar xabsi ah, ka dib markii lagu helay dambiyada. Xabsiga dheer ka sokow, Shariif waxaa sidoo kale lagu amray inuu bixiyo lacag magdhow ah oo dhan $47.9 milyan oo doollar. Shakhsi kale oo muhiim ah oo lagu magacaabo Maxamed Jaamac Ismaaciil, oo 51 jir ah, ayaa isna bishii October ee sannadkii 2024-kii lagu xukumay 12 sano oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay dambiyo la mid ah kuwa kor ku xusan. Dacwad-oogista sharciga ah ee la xiriirta kiiska ‘Feeding Our Future’ ayaa sidoo kale soo shaac bixisay isku dayo lagu carqaladeynayay habsami u socodka hannaanka caddaaladda. Intii ay socotay mid ka mid ah maxkamadeynta oo dhacday bishii Juun ee 2024-kii, ayaa mid ka mid ah xubnaha guddiga xeerbeegtida waxa ay shaacisay in la siiyay lacag laaluush ah oo dhan $120,000 oo doollar oo ku jirtay boorso hadiyadeed nooca loo yaqaan ‘Hallmark’, iyo ballanqaadyo lacago dheeraad ah oo la siin doono haddii ay u codeyso in eedaysanayaasha dacwaddu ay yihiin dambi-laaweyaal. Xubintan ka tirsan xeerbeegtida ayaa si degdeg ah u wargelisay mas’uuliyiinta, arrintaas oo keentay in laga saaro, isla markaana lagu soo oogo dacwado shan qof, oo ay ku jiraan saddex eedaysane oo ka mid ahaa dacwaddii asalka ahayd. Shakhsiyaadkan ayaa hadda wajahaya eedeymo la xiriira shirqool, laaluush bixin, iyo faragelin lagu sameeyay hawsha xeerbeegtida. Ladan Maxamed Cali, oo deggan magaalada Seattle, ayaa iyana bishii September ee 2024-kii qiratay inay bixisay laaluushka la sheegay. Xukunkeeda weli waa la sugayaa. Maxkamadeynta Aimee Bock, oo ah aasaasaha hay’adda ‘Feeding Our Future’, iyo saddex kale oo la eedaysan, ayaa lagu wadaa inay bilaabato 3-da bisha Febraayo, 2025-ka. Waxaa lagu eedeeyay inay si qaldan u maamuleen lacago federaal ah oo loogu talagalay barnaamijyada nafaqeynta carruurta, taas oo calaamad u ah wejiga xiga ee baaritaankan ballaaran. Ilaa iyo hadda, 24 qof ayaa qirtay dambiyada lagu soo eedeeyay, halka shan kalena lagu helay dambiyadaas kaddib markii maxkamad la soo taagay. Wali lama shaacin taariikhda xukunka lagu ridi doono Ayaan.
-
Helsinki (Caasimada Online) – Wasiiradda Arrimaha Gudaha ee Finland, Meri Rantanen, oo ka tirsan xisbiga mayalka adag, ayaa booqasho ku tagtay Soomaaliya. Ujeedkeedu waxa uu ahaa sidii ay wada-hadallo ula yeelan lahayd mas’uuliyiinta Soomaaliya si loo helo hannaan lagu celin karo magangalyo-doonka Soomaaliyeed ee ku sugan Finland. Arrintan ayaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Finland. Dad badan ayaa aaminsan in tallaabadan ay qayb ka tahay olole siyaasadeed oo lagu beegsanayo Soomaalida aan haysan sharciga degenaanshaha ee ku nool Finland. Bayaanka, Rantanen waxa ay ku caddeysay in Finland ay rabto in ay kobciso iskaashi wax-tar leh oo ay la yeelato Soomaaliya, kaas oo dan u ah labada dal. “Mudnaanta koowaad ee Finland waa in la dejiyo qorsheyaal wax-ku-ool ah oo la xiriira dib-u-celinta iyo horumarinta iskaashiga Soomaaliya ee arrimahaas la xiriira. Tani waxa ay ka dhigan tahay in Xisbiga mayalka adag ee Finland uu helayo hannaan uu dib ugu celin karo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee magangalyo-doonka ah ee ku sugan Finland,” ayaa lagu yiri bayaanka. Intaas beddelkeeda, dawladda Finland waxa ay dib u bilaabi doontaa barnaamijkeeda horumarineed ee labada geesoodka ah ee Soomaaliya, kaas oo hore u joogsaday ka dib go’aankii Wasiirka Ganacsiga Dibadda iyo Horumarinta, Ville Tavio, oo isaguna ka tirsan isla Xisbiga (Finns). Wasiirku waxa uu iftiimiyay in iskaashiga horumarineed uu shardi ku yahay in waddamadu ay oggolaadaan in ay dib u soo celiyaan muwaadiniintooda marka ay Finland codsato. Qoraal kooban oo lagu baahiyey barta Facebook ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mooyee, dawladda Soomaaliya weli ma soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan booqashada Wasiiradda Arrimaha Gudaha Finland iyo in ay jiraan wax wada-hadallo ah oo ku saabsan qorshaha dib-u-celinta muwaadiniinta. Wasiiraddu waxa ay la kulantay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil. Tirada saxda ah ee dadka aan sharciga ku joogin Finland si cad uma cadda, laakiin waxa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 3000-6000 oo qof sida ay sheegtay Hay’adda Qaxootiga ee Finland. Soomaalida aan haysan sharciga degenaanshaha ee ku sugan Finland waxa lagu qiyaasaa 100-200 oo qof. Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa rumaysan in tiradan yari aanay culays ku ahayn nidaamka dawladda iyo bulshada ee Finland. Waxay aaminsan yihiin in ujeeddada hadda loo soo qaaday arrintan Soomaaliya ay tahay oo keliya in lagu xoojiyo ololaha Xisbiga Finns ee doorashooyinka ismaamulada iyo degmooyinka ee soo socda ee dhici doona bisha April 2025. Riikka Purra, Guddoomiyaha Xisbiga mayalka adag ee Finland, ahna Wasiirka Maaliyadda ee dalkaas, ayaa soo dhaweysay hindisaha Rantanen ee ah in la helo hannaan lagu celiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan sharciga haysan ee ku sugan Finland, loona celiyo Soomaaliya. Waxayna qoraal ay soo dhigtay barta X (Twitter-ka) ku tiri: “Wasiiradda Arrimaha Gudaha Rantanen ayaa booqasho ku tagtay Soomaaliya. Horumarinta qorshaha dib-u-celinta awgeed. Iskaashigii horumarineed ee laba-geesoodka ahaa ee Barnaamijka Soomaaliya waa uu hakaday sababtoo ah qorshihii dib-u-celinta oo aan sidii la rabay u shaqeyn.” Sebastian Tynkkynen, oo ah xubin ka tirsan Baarlamaanka Yurub kana mid ah Xisbiga Finns, kaas oo caan ku ah hadalladiisa dhaleeceynta ah ee ka dhanka ah soo-galootiga, gaar ahaan Soomaalida ku nool Finland, ayaa isna ammaanay isku dayga Rantanen ay ku doonayso inay ku hesho hab lagu celiyo magangalyo-doonka ka yimid Soomaaliya ee aan haysan magangalyada ama ogolaanshaha degenaanshaha Finland. Tynkkynen ayaa yiri: “Mari waxay booqatay Soomaaliya si ay u horumariso qorshaha dib-u-celinta Soomaalida ee dalkooda hooyo. Waa haweeney wax qabad dhab ah muujisay.” Falanqeeyayaasha Finland waxay ku tilmaameen booqashada Wasiiradda Rantanen ee Soomaaliya inay tahay farsamo ay ku hormarinayso xisbigeeda doorashooyinka ismaamulada iyo degmooyinka ee soo socda, iyada oo isku dayaysa inay ku kasbato cod-bixiyeyaal dheeraad ah. Xisbiga Finns wuxuu hore uga faa’iidaystay faafinta warar aan sax ahayn oo ku saabsan soo-galootiga ku nool Finland, isaga oo ku tilmaamay kuwa culays ku haya bulshada Finnishka iyo kuwo ku tiirsan canshuur bixiyayaasha. Waxay arrimaha xuquuqda aadanaha iyo arrimaha bani’aadamnimada ka dhigeen kuwo siyaasadeysan.
-
Booliska Caasimadda Garoowe ayaa saaka raafaya dhammaan ajaanibta sharci la’aanta ah ee ku sugan magaalada kaddib go’aannadii ka soo baxay dowladda. Ciidamada Ammaanka ayaa saaka qabanaya qof kasta oo ajnabi ah oo sharci la’aan ku jooga Garoowe, kaddib go’aankii ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ee lagu sheegay in Laga bilaabo 25 Janaayo 2025 aysan degaanna Puntland joogin karin ajaanib sharci la’aan ah, islamarkaana aan guri laga kirayn karin wax shaqo ahna la siin karin. Sidoo kale, wasaaradda Amniga Puntland oo dhaqangelinaysa go’aankii ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa sheegtay in aysan gebi ahaanba xuduudaha Puntland soo geli karin ajaanib sharci la’aan ah, waxaana ay ku amartay cid kasta oo ay u shaqeeyaan ajaanib in ay mudda 72 saac gudahood ah ku soo diiwaan-geliyaan, si loo hubiyo aqoonsigooda. “Waxaa la faraya dhammaan cid kasta oo ajaanib dalka keentay ama soo gelisay sida; shirkadaha Ganacsiga, wershadaha, xarumaha Caafimaadka iyo xarumaha Waxbarashada in ay ku soo diiwaan-geliyaan mudda 72 saac gudahood ah, si loo xaqiijiyo Amnigooda iyo cidda mas’uuliyadooda qaadaysa” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay wasaaradda Amniga Puntland. PUNTLAND POST The post Booliska magaalada Garoowe oo Saaka raaf ku bilaabay dhammaan ajaanibta sharci la’aanta ah appeared first on Puntland Post.
-
Kooxda Xamaas ee Falastiin ayaa todobaadkan siideyn doonto lix kamid ah dadka ay ka soo qafaasheen Israa’iil, iyadoo Israa’iilna ay u ogolaan doonto dadka reer Qasa inay Isniinta maanta ah ku laabtaan guryahooda oo ku yaala waqooyiga Qasa, sida uu sheegay raysal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu. La haystayaasha la siideynayo waxaa kamid ah Arbel Yehud, taas oo udub dhexaad u ahayd khilaafka Xamaas iyo Israa’iil, isla markaana horseeday in Israa’iil ay ka caga jiido in dadka reer Qasa loo ogolaado inay gudaha u galaan waqooyiga Qasa. Xamaas ayaa sabtidi siideysay afar ka tirsan askarta Israa’iil. Israa’iil waxay Xamaas ku eedeysay inay jebisay heshiiskii xabad joojinta. Tani iyo markii uu dhaqan galay heshiiska labada dhinac, waxaa la siidaayay todoba la haystayaal ah oo Xamaas ay siideysay iyo in ka badan 200 oo ay Israa’iil ah. Kumanaan qof oo barakacayaal Falastiiniyiin ah oo isku deyaya inay gaaraan waqooyiga Qasa ayaa isugu yimid kantaroolka ciidamada milatariga, kuwaas oo laba maalmood ka hor taagnaa inay gudbaan. Wareegga saddexdaad, Xamaas waxay Jimcaha siideyn doontaa Yehud iyo laba kale, halka saddexda kalena la siideyn doono Sabtida, sida ay sheegeen dhexdhexaadiyaasha wadahadallada ee Netanyahu iyo Qadar. Xigasho bbcsomali Qaran News
-
Ciidamada difaaca dowladda Puntland oo saaka warbixin kooban soo saaray ayaa shaaciyay in ay Argagixisada Daacish ka qabsadeen in ka badan 8 talis oo ku yaalla buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. Cutubyada sida gaarka ah u carbisan ee PMPF oo warbixin kooban sii daayay ayaa sheegay in kaddib dagaal xooggan oo socday mudda 4 cisho ah mileeshiyaadka Daacish laga nadiifiyay ilaa 8 goobood oo muhiimad sare u lahaa joogitaanka kooxdaasi ee buuraleyda Calmiskaad. “Ciidamada Difaaca Puntland oo muddo afar cisho ah dagaallo xooggan ku qaaday Argagixisada Daacisha ayaa ka saaray Talisyo iyo Saldhigyo muhiimad sare u lahaa. Goobaha ay ciidamaddu kala waregeen Argagixisada Daacish waxaa ka mid ah Waadi-soor, Ina Ciddoole, Damal Cagagubyo, Diibow, Qaaqsiiye, Daad, Dal lo’aad iyo isha Siido” ayaa lagu yiri Warbixinta PMPF. Ciidamada PMPF ayaa sidoo kale soo bandhigay sawirro muujinaya saldhigyada laga saaray kooxaha Argagixisada ah ee Daacish kuwaasi oo hadda ku go’doonsan godad ku yaalla togga Jeceel kaddib markii ciidamadu dhinac kasta kaga yimaadeen. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo saaka shaaciyay in ay ilaa 8 talis ka qabsadeen Kooxda Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Puntland ayaa soo saartay amarro culus oo lagula socanayo dadka ajaanibta ah ee soo galaya deegaanada maamulkaas, si looga hortago falal nabad-gelyada wax u dhimaya. Amarrka ugu horreeya ee ay soo saartay Wasaaraddu ayaa ah inaan deegaanada Puntland cirka, Badda, iyo Berrigaba ka soo geli karin cid aan haysan oggolaanshaha dowlad goboleedkaas. Sidoo kale Shirkadaha iyo xarumaha kala duwan ee ay u shaqeeyaan ajaaniibta ayaa lagu wargeliyay in laga doonayo in ay shaqaalohooda ajaanibta ah ku diwaangeliyaan muddo 72 saacadood gudahood ah. Warka ka soo baxay wasaaradda amniga Puntland ayaa intaas ku daray in Hoteellada iyo meelaha kale ee la seexdo la farayo in ay 24 saac oo kasta hay’adaha nabad-gelyada la soo socod-siiyaan cid kasta oo ku soo biirta goobahooda. Puntland ayaa dagaal adag oo dhan walba leh kula jirta kooxaha Daacish iyo Al-shabaab, ayadoo guluf xooggan ka wadda buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari, sidoo kalena howlgallo joogto ahi ay ka socdaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaas. Source: goobjoog.com
-
Xiisad Dhaqaale oo Ka Dhex Qaraxday Mareykanka iyo Colombia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Axaddii shaaciyey in maamulkiisu uu dul dhigi doono canshuur dhan 25% badeecadaha ay Colombia u dhoofiso Mareykanka. Go’aankan ayaa yimid kadib markii dowladda Colombia ay diidday in labo diyaaradood oo millatariga Mareykanka ah, kuwaas oo sidey muwaadiniin reer Colombia ah oo laga soo tarxiilay Mareykanka, ay hawadeeda soo galaan. Madaxweynaha Colombia, Gustavo Petro, oo si degdeg ah uga jawaabay tallaabadan, ayaa isna ku dhawaaqay in dalkiisu uu sidoo kale dul dhigayo canshuur 25% ah badeecadaha Mareykanka uu u dhoofiyo Colombia. Khilaafkan ayaa dhaliyay cabsi laga qabo inuu saameyn ballaaran ku yeesho ganacsiga labada dal, iyadoo Colombia ay ka mid tahay wadamada la tacaamula Mareykanka dhinaca badeecadaha sida kafeyga, miro kala duwan, iyo dharka. Dhanka kale, Mareykanka wuxuu dhoofiyaa Colombia alaabooyin ay ka mid yihiin baabuurta, qalabka farsamada, iyo daawooyinka. Xeeldheerayaasha arrimaha dhaqaalaha ayaa sheegaya in xiisaddan ay keeni karto xasarad dhaqaale oo dheeraad ah, maadaama labada dal ay yihiin iskaashi ganacsi oo muhiim ah. Waxaa la sugayaa in wadahadallo dheeraad ah lagu xalliyo muranka si looga fogaado saameynta dhaqaale ee suurtagalka ah. Source: goobjoog.com -
This was announced by the Italian Embassy in Mogadishu Source: Hiiraan Online
-
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir Horgeeyay eedeysane lagu magacaabo Mahad Axmed Cumar, kadib markii laga soo qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Adan Cadde, asagoo tahriibinaya laba qof oo kale oo magacyadooda lagu sheegay Caasho Axmed Cali iyo Ayaan Xasan Cali. Dadkan oo adeegsanayay Baasaboor la xaday iyo mid been abuur ah ayaa la sheegay in hay’adda socdaalku ay xogtooda horay u samaysay, islamarkaana sidaas lagu soo qabtay. Eedeysanaha ayaa hadda ku jira xabsi gaar ah oo uu ku sugaya caddaaladda , waxaana ku socda baaritaan sida lagu war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Source: goobjoog.com
-
Cadaado (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada NISA, qaybtooda Galmudug ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud, kaas oo lagu beegsaday gawaari u socday Al-Shabaab. Illaa laba gaari oo shidaal iyo agabyo kale u waday kooxda ayaa lagu qabtay aagga degmada Baxdo, sida ay innoo xaqiijiyeen waredyo xilkas ah Labada gaari iyo raggii waday ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa loo gudbiyay dhinaca taliska Nisa degmada Cadaado ee isla gobolka Galgaduud. Sidoo kale saraakiisha howlgalka horkaceysay ayaa sheegay in haatan baaris ku hayaan gaadiidka la qabtay iyo sidoo kale ragga la socday, si loo ogaado xogtooda. Ciidamada iskaashanaya ayaa weli howlgallo culus ka sii wada aagga degmada Wasil, kuwaas oo lagu beegsanayo xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan halkaasi. Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab, si looga xoreeyo deegaannada ay kaga sugan Galgaduud iyo Mudug. Si kastaba, maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa haatan wajahay culeys ugu xoogganaa oo uga imaanaa xagga dowladda iyo saaxibada caalamiga ah oo kordhigay dagaalka.
-
MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa xalay guddoomiyay shir xasaasi ah oo ka dhacay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kaas oo diiradda lagu saaray amniga caasimada. Shirkan ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Ciidanka illaalinta Deegaanka Xamar, Taliyeyaasha qeybta guud ee Booliska iyo Nabad sugida G/Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Police Military, Guddoomiyaasha Degmooyinka, Taliyeyaasha qeybaha iyo kuwa Saldhigyada. Ugu horreyn duqa Muqdisho ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha hey’addaha amniga oo la wadaagay qorshahooda amniga iyo natiijada laga gaaray howlgalladii u dambeeyay. Dhankiisa guddoomiye Amiir oo madasha ka hadlay ayaa boogaadiyay guulaha laga gaaray amniga ay ku naaloonayaan bulshada Gobolka Banaadir, waxa uuna faray laamaha amniga iyo maamullada degmooyinka in la sii xoojiyo wada-shaqeynta guud si looga hortago wax weliba oo liddi ku ah amniga daasimada. Sidoo kale waxaa shirkaan looga hadlay sare u qaadida nadaafada iyo bilicda caasimada, dar-dargelinta dakhli aruurinta, u diyaar garowga xilli roobaadka, si looga sii gaashaanto. Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa kula dar-daarmay saraakiisha iyo maamullada degmooyinka in ay si hufan oo ay ku jirto daacadnimo iyo Alla ka cabsi ay u gutaan waajibaadka loo igmaday isla markaana la iskula xisaabtami doono mas’uuliyada shacabka. Si kastaba, Xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho ayaa haatan deggan, waxaana alaaba howlgallo joogto ah ka sameeya ciidamada booliska Soomaaliya iyo kuwa xasilinta caasimada ee Boolis Milataari oo fariisimo ka sameystay gudaha iyo daafaha caasimada.