Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si kulul uga hadlay xiisadda u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland, gaar ahaan xayiraadda duulimaadyada ee la saaray Jubbaland. Qoraalkan oo ay ku saxiixan yihiin illaa 80 xildhibaan ayaa lagu sheegay in go’aanka hay’adda duulista uu yahay mid ka hor imaanayo qodobbada 61-aad, 69-aad iyo 21-aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, kaas oo si cad u damaanad qaadaya xorriyadda isu-socodka muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo waajibaadka hay’adaha dowladda ee ilaalinta xuquuqdaas. Sidoo kale xildhibaannada ayaa si adag u cambaareeyay tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaaday dowladda, laguma wajahay xaaladda Jubbaland. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xayiraadda Jubbaland ay saameysay dad badan oo Soomaaliyeed oo qaarkood wajahayo xaalado caafimaad, kuna xayiran Kismaayo. Waxaa kale oo ay xildhibaannadu u digeen hay’adaha iyo madaxda mas’uulka ka ah falalkan, iyagoo ku boorriyay in ay si degdeg ah dib ugu noqdaan amarro iyo ficillo lagu sheegay inay yihiin kuwa sharci-darro ah. Khilaafka u dhexeeyo dowladda dhexe iyo Jubbaland ayaa gaaray meeshii ugu xumaa, waxaana dowladdu ay hakisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Kismaayo iyo deegaano ka mid ah gobolka, kadib dagaalkii dhex-maray ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland.
  2. Madaxweynaha Somaliland oo magacaabey La-taliyeyaal cusub; 1 Cabdilqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda. 2 Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Horumarinta Dhaqaalaha. 3 Cali Maxamed Yuusuf (Guray) La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada. 4 Baar Siciid Xaaji Faarax La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Horumarinta Haweenka. 5 Xamse Cali Bulbul Ibraahim La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Warbaahinta. Qaran News
  3. Garowe (HOL) – Puntland regional administration has announced plans for a large-scale military operation to eliminate ISIS militants in the Bari region. Source: Hiiraan Online
  4. Mogadishu (HOL) –The Governor of Banadir Region and Mayor of Mogadishu, Mohamed Ahmed Amiir, met with the Independent National Electoral and Boundaries Commission on Thursday to discuss preparations for implementing a one-person, one-vote electoral system in the Banadir region. Source: Hiiraan Online
  5. Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalkaasi Isaias Afwerki oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah. Kulanka oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ayaa waxaa looga hadlay sii xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal, arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Xasan iyo Afwerki ayaa hoosta ka xariiqay in sugidda iyo dammaanad qaadka xasilloonida Soomaaliya uu laf-dhabar u yahay guud ahaan gobolka Geeska Afrika. Labada hogaamiye ayaa sidoo kale waxay si qoto dheer uga wada hadleen ajandayaasha muhiimka ah, sida arrinta badda, gaar ahaan heshiiskii ay Ankara ku gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay haatan walwal ka muujineyso xuukumadda Asmara. Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo madasha ka hadlay ayaa xusay sida ay lagama maarmaanka u tahay in gobolka uu iska saaro faragelinta dibadda, “Haddii ay dhacdo, waxaa muhiim ah in gobolku uu wax ka qabto oo uu xalliyo caqabadaha u gaarka ah,” ayuu yiri Afwerki. Dhanka kale, Isaias Afwerki ayaa ka hadlay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Asmara ku dhex-maray Soomaaliya, Eritrea iyo Masar, isaga oo shaaca ka qaaday in uusan lahayn ujeeddooyin aasaasi ah oo aan ka ahayn xoojinta xiriirka iskaashi ee saddexda dowladood. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo isna hadal siiyay warbaahinta ayaa ka hadlay xiriirka labada dal, gaar ahaan dadaallada socda ee lagu xoojinayo Ciidanka Qaranka Soomaaliya, kuwaasoo muhiim u ah xasilloonida Soomaaliya iyo sidoo kale Geeska Afrika. Ugu dambeyn Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Soomaaliya ay faa’iidooyin wax ku ool ah ka heli karto waaya-aragnimada ballaaran ee Eritrea ee ku aadan iskaashiga cusub.
  6. Tension at Dacawaley (Da’awaley) village in the Somali region of Ethiopia is high following clashes between villagers and the Liyu Police. Hargeisa (PP News Desk) — Tension at Dacawaley (Da’awaley) village in the Somali region of Ethiopia is high following clashes between villagers and the Liyu Police. Accusations and counter-accusations fly in an atmosphere of mistrust. How the clashes began has not been officially disclosed. Similar clashes and “atrocities” occurred in Jaamac Dubbad, Xaaji Diiriye and on the outskirts of Gaashaamo before 2024. The Somali Region of Ethiopia police alleged that Dacawaley villagers received reinforcements from Hargeisa. A long-time resident of Jigjiga, who now trades in Hargeisa, said that “the Liyu Police is directed by the Federal Police of Ethiopia, whose commanders acted on unsubstantiated intelligence from Dacawaley village”. The Liyu Police took into custody traditional leaders sent from Hargeisa to defuse the tension. “That is the mistake and miscalculation of Hargeisa political leaders who deemed the situation as one between two Somali clans. The Somaliland Administration should have directly communicated with the Ethiopian authorities instead of sending elders for mediation,” said a retired journalist in Hargeisa. “In addition to the massacre, the Liyu Police also abducted traditional elders from Somaliland who had travelled to Da’awaley to mediate and resolve peacefully the ongoing conflicts in the area. This abduction is a grave offence and a clear violation of international norms. Minister Abdalle Mohamed Arab denounces the atrocious actions of the Liyu Police, holding them responsible for the widespread violence in Da’awaley. He emphasised that those responsible for these heinous crimes should be held accountable for their actions,” reported the Somaliland Administration News Agency. A meeting between the Somali Region of Ethiopia authorities and Somaliland Administration government ministers is slated to take place at Wajaale, a border town. © Puntland Post, 2024 The post Somaliland Administration Minister Condemns “Liyu Police for Da’awaley Atrocities” appeared first on Puntland Post.
  7. Jigjiga (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa looga hadlay xiisadda ka taagan deegaanka Dacawaley oo ay shalay ku dagaalameen ciidamada Liyuu Boolis iyo dadka deegaanka. Maamulka oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda taagan ayaa sheegay in ciidamadooda ay dagaal la galeen maleeshiyaad ay ku eedeeyeen inay khalkhal-gelinayaan xasilloonida deegaanka. Sidoo kale wuxuu maamulku sheegay in dagaalkii shalay dhacay lagu soo qaaday ciidankooda, isla markaana mas’uuliyadda wixii dhacay aysan shaqo ku lahayn. “Dowladda Deegaanka Soomaalida oo tixgalinaysa codsi kayimid waxgaradka iyo odayaal-dhaqameedka deegaanka ayaa fursad usiisay cuqaashaas in si nabadgalyo ah xadka looga saaro dablaydaas iyo in sharciga dib loogu soo dabaalo deegaamadaas. Nasiib daro, dablay oo ka dhaga adaygay soo jeedinta waxgaradka ayaa saaka weerar kusoo qaaday fadhiisimaha ciidanka Booliska Deegaanku ay ku lahaayeen agagaarka tuulada Dacawalay, waxaana ka hortagay ciidanka amaanka deegaanka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Dhanka kale, dowlad deegaanka Soomaalida ayaa eedeyn culus u jeedisay Somaliland, waxayna sheegtay in ay jabinayaan daris wamaagga labada maamul, ayna buun buuniyeen dagaalka ka dhacay xadkooda. “Waxaa nasiib darro ah in wasaaradda amniga ee Soomaliland ay si guracan oo kabaxsan daris-wanaaga iyo nidaamka dawliga ah uga faalooto arrimaha ka dhacaya gudaha Deegaanka soomaalida” ayaa mar lale lagu yiri qoraalka. Somaliland oo dhankeeda ka hadashay dagaalka ayaa ku eedeysay Liyuu Boolis inay xasuuq ka gaysteen Dacawaley, islamarkaana ay dileen dad xoolo dhaqaqto ah, ayna afduubteen odayaal xal raadin u joogay deegaankaasi. “Xukuumadda waxaa ay cambaaraynaysaa Xasuuqa ay degaanka Dacawaley ee Maamulka Soomalida Itoobiya ay ka geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, kuwaas oo xasuuq u geystey dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah, arrintaasoo ka soo horjeedda xaquuqda aadanaha iyo hanaanka Dawladnimo,” ayaa lagu yiri warka Somaliland ay soo saartay. Si kastaba, arrintan ayaa muunineyso inay waji cusub yeelaneyso xiisadda ka taagan xadka Somaliland iyo dowlad deegaanka, maadaama colaaddu saameyn ku yeelatay labada maamul ee dariska ah, iyada oo dagaalkii shalay kadib dhaawacyo badan la kala gaarsiiyay magaalooyinka Hargeysa iyo Jigjiga.
  8. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddiga Madaxa-Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha. Kulankan ayaa looga hadlayay kaalinta ay Boolisku ku leeyihiin sugidda amniga iyo xaqiijinta habsami u socodka Doorashada Qof iyo Cod ee la filayo inay ka dhacdo dalka. Taliyaha ayaa caddeeyay in Booliska Soomaaliyeed ay si buuxda ugu diyaar garoobeen ka qeyb qaadashada sugidda amniga inta ay doorashadu socoto. Waxa uu sheegay in ciidanka ay awood buuxda u leeyihiin ilaalinta goobaha cod-bixinta, ka hortagga wax kasta oo khalkhal gelin kara hanaanka doorashada, iyo xaqiijinta inay doorashadu ku qabsoonto jawi nabdoon. Waxaa kulankan sidoo kale lagu lafaguray sida Boolisku uga shaqeyn doonaan taageeridda Guddiga Doorashooyinka Qaranka, gaar ahaan dhinacyada farsamada iyo amniga si loo hubiyo in geeddi-socodka doorashada uu noqdo mid daahfuran oo hufan. Source: goobjoog.com
  9. Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay in xaalad halis ah ay ka dhalatay go’aankii u dambeeyay ee dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo ay ku hakisay duulimaadyadii tegi jiray maamulka. Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo Cabdirisaaq Sheekh Aadan ayaa sheegay in xayiraada duulimaadyada ee Kismaayo ay ka dhalatay dhibaatooyin bini’adamnimo. Waxa uu caddeeyay in dad soo rabay inay howlo caafimaad u tegaan Muqdisho ay geeriyoodeen, maadama bukaanada qaar ay u baahnaayeen inay dalka dibadiisa aadaan, maadaama ay adag tahay in diyaarad ka baxda Kismaayo ay tagi karto Nairobi, sidaas darteen ay dadka ku qasban yihiin inay tegaan magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxa uu sheegay in xaaladdan adag ay taagan tahay muddo maalmo ah oo uu hakad ku jiro duulimaadyadii tagi jiray iyo kuwii ka bixi jiray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland. Hay’adda duulista rayidka hawada Soomaaliyeed ayaa dhawaan diyaaradaha ku wargelisay go’aanka in la joojiyay duulimaadyadii tegi jiray deegaanada Jubbaland oo ay ugu horreyso magaalada Kismaayo. Hay’adda ayaa go’aankan qiil uga dhigtay sabab la xiriirta kadib markii in maamulka uu Kismaayo ka afduubtay diyaarad ka degtay oo kadib mas’uuliyiin lagu geeyay Doolow. Maamulka shirkadda Halla Airlines oo war soo saaray ayaa horay dowlad goboleedka Jubbaland ugu eedeeyay in shalay ay afduubteen mid kamid ah diyaaradaha shirkadaas oo si xoog ah ciidan ka tirsan Jubbaland ku geysay degmada Doolow ee gobolka Gedo. Sidoo kale wuxuu maamulka diyaaradda sheegay in maamulka Jubbaland uu ku xad-gudbay nidaamkooda, isla markaana uu xoog ciidankooda ku saaray diyaaradoodii shalay rakaabka geystay Kismaayo, iyadoo si qasab ah looga dejiyey degmada Doolow. Si kastaba, xiisadda u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland oo u weecatay Gedo ayaa kasii dareysa, iyadoo labada dhinac ay ku dagaalameen degmada Doolow.
  10. Mogadishu (HOL) – Somali-owned businesses in Mozambique have been heavily looted amidst ongoing political unrest triggered by disputed election results. Source: Hiiraan Online
  11. Hargeysa (Caasimada Online) – Masuuliyiin ka tirsan Somaliland iyo kuwa Itoobiya, oo ay qeyb ka yihiin kuwa ammaanka ayaa lagu wadaa in maanta uu kulan xasaasi ku dhex-maro xadka labada dhinac. Xukuumadda Somaliland oo shalay bayaan kasoo saartay weerarkii lagu qaaday shacabka Dacawalay, kaas oo ay ku tilmaamtay xasuuq ay geysteen ciidanka Liyuu Booliska, ayaa dowladda federaalka Itoobiya ku dacweysay ciidankan. “Dowladda Somaliland iyo dowladda federaalka Itoobiya waxa uu maalinta beri ah wada-hadal ku dhex mari doono xadka labada dowladood,” ayaa lagu yiri bayaanka Somaliland oo uu soo saaray wasiirka amniga gudaha ee Somaliland. Xukuumadda ayaa sheegtay in masuuliyadda wixii ka dhacay Dacawalay ay qaadi doonaan ciidamadii weeraray dadka shacabka iyo odayaashii nabadeynta u tegay halkaasi, oo badankood ay wateen ciidamada Liyuu Booliska, sida ay sheegtay Somaliland. Kulanka maanta ayaa la filayaa in Somaliland iyo Itoobiya uga wada-hadlaan xaaladda amni darro ee soo korortay iyo wixii ka dhacay Dacawalay, oo si weyn uga xumaadeen bulshada Soomaaliyeed, maadaama halkaasi uu ka dhacay xasuuq ba’an. Madaxweynaha maamuulka Soomaalidda ee Itoobiya ayaa dhankiisa xukuumadda Somaliland u caddeeyey sida uu uga xun yahay falalka foosha xun ee ka dhacay deegaanka Dacawalay. Si kastaba, Xiisaddan ayaa saameyn ku yeelatay deegaannada u dhow xadka Somaliland iyo dowlad deegaanka, waxaana labada dhinac ay horey uga soo saareen baaqyo nabadeed.
  12. 𝗕𝗲𝘆𝗼𝗻𝗱 𝗔𝗽𝗽𝗼𝗶𝗻𝘁𝗺𝗲𝗻𝘁𝘀: 𝗔𝗱𝘃𝗮𝗻𝗰𝗶𝗻𝗴 𝘁𝗵𝗲 𝗩𝗶𝘀𝗶𝗼𝗻 𝗳𝗼𝗿 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 As Somaliland embarks on a new chapter under the leadership of President Dr. Abdirahman Cirro, we extend our heartfelt congratulations to the newly appointed ministers. Your selection is a testament to the trust placed in you to lead the nation toward a brighter and more equitable future. This moment, however, calls for reflection as much as celebration. Many who stood steadfastly alongside the President during his campaign—bringing invaluable expertise and dedication—may not see their names on the list of appointments. I, too, may count myself among those whose aspirations remain unmet. But let us remember: our collective mission has always been about something far greater than personal recognition—it has been about transforming Somaliland into a just and prosperous nation. 𝗧𝗵𝗲 𝗕𝗶𝗴𝗴𝗲𝗿 𝗣𝗶𝗰𝘁𝘂𝗿𝗲 Our struggle has always been aimed at dismantling systemic inequities and constructing a society that is fair, inclusive, and progressive. This mission transcends any single role or appointment. The vision of the Waddani Party, guided by President Cirro’s leadership, continues to be our shared compass. Together, we must remain focused on this vision, ensuring its realization for the benefit of all Somalilanders. To those feeling overlooked, I urge resilience. This is not the time to step back but to stand firm in support of the President as he crafts a government reflective of the people’s aspirations. As Lao Tzu wisely stated, “𝐴 𝑙𝑒𝑎𝑑𝑒𝑟 𝑖𝑠 𝑏𝑒𝑠𝑡 𝑤ℎ𝑒𝑛 𝑝𝑒𝑜𝑝𝑙𝑒 𝑏𝑎𝑟𝑒𝑙𝑦 𝑘𝑛𝑜𝑤 ℎ𝑒 𝑒𝑥𝑖𝑠𝑡𝑠. 𝑊ℎ𝑒𝑛 ℎ𝑖𝑠 𝑤𝑜𝑟𝑘 𝑖𝑠 𝑑𝑜𝑛𝑒, 𝑡ℎ𝑒𝑦 𝑤𝑖𝑙𝑙 𝑠𝑎𝑦: 𝑤𝑒 𝑑𝑖𝑑 𝑖𝑡 𝑜𝑢𝑟𝑠𝑒𝑙𝑣𝑒𝑠.” Let us trust the process and focus on the collective good, knowing that progress often comes through unity and perseverance. 𝗛𝗼𝗻𝗼𝗿𝗶𝗻𝗴 𝘁𝗵𝗲 𝗕𝗮𝗰𝗸𝗯𝗼𝗻𝗲 𝗼𝗳 𝗦𝘂𝗰𝗰𝗲𝘀𝘀 As you lead, Mr. President, we urge you to honor the contributions of those who worked tirelessly for your success. Their sacrifices and unwavering dedication were pivotal in bringing us to this moment. Recognizing their efforts will not only bolster the morale of your supporters but also reinforce the unity and strength of your administration. This recognition is about more than gratitude—it is about maintaining a connection to the grassroots efforts that propelled the Waddani Party to victory. By valuing these contributions, you will ensure that your government remains deeply aligned with the aspirations of the people. 𝗠𝗼𝘃𝗶𝗻𝗴 𝗙𝗼𝗿𝘄𝗮𝗿𝗱 𝗧𝗼𝗴𝗲𝘁𝗵𝗲𝗿 For those who feel left behind, do not lose hope. This is a moment to reaffirm our commitment to the broader mission of building a Somaliland rooted in opportunity, equity, and dignity for all. Under President Cirro’s leadership, the vision of the Waddani Party remains our guiding light. Let us continue working together to make this vision a reality. As Eleanor Roosevelt once said, “𝑇ℎ𝑒 𝑓𝑢𝑡𝑢𝑟𝑒 𝑏𝑒𝑙𝑜𝑛𝑔𝑠 𝑡𝑜 𝑡ℎ𝑜𝑠𝑒 𝑤ℎ𝑜 𝑏𝑒𝑙𝑖𝑒𝑣𝑒 𝑖𝑛 𝑡ℎ𝑒 𝑏𝑒𝑎𝑢𝑡𝑦 𝑜𝑓 𝑡ℎ𝑒𝑖𝑟 𝑑𝑟𝑒𝑎𝑚𝑠.” Let us hold fast to our dreams and our collective determination to create a better Somaliland. To the newly appointed ministers, the nation places its hope and trust in you. To those outside the government, your contributions remain vital to our shared success. Together, we must forge ahead, united in our pursuit of a Somaliland that thrives on equity, progress, and unity. This is just the beginning. Let us stand together, support President Cirro’s leadership, and tirelessly pursue the brighter future we all envision. The best is yet to come. 𝗔𝗯𝗱𝗶 𝗛𝗮𝗹𝗶𝗺 𝗠. 𝗠𝘂𝘀𝗮 E-mail: halimusa4@gmail.com Hargeisa, Rep. of Somaliland 𝟮𝟲 𝗗𝗲𝗰𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟰 Qaran News
  13. “Articles 61 and 69 of the provisional constitution oblige us to act in the national interest and oversee government institutions. These articles empower us to conduct performance reviews if federal institutions fall short of their duties. It has become commonplace for aviation authorities to impose arbitrary travel restrictions on citizens and prevent MPs from travelling.” Mogadishu (PP News Desk) — More than 70 members of Somalia’s bicameral legislature have strongly condemned the travel restrictions imposed by the Federal Government of Somalia on civilian flights to Jubaland State. In a statement signed by 80 members of the Upper House and Lower House, the Federal Government’s Civil Aviation Authority was criticised for restricting passenger flights to Kismaayo. The signatories denounced the executive order, calling it a politically motivated decision that violates the constitutional rights of Somali citizens to travel freely within their homeland. “Articles 61 and 69 of the provisional constitution oblige us to act in the national interest and oversee government institutions. These articles empower us to conduct performance reviews if federal institutions fall short of their duties. It has become commonplace for aviation authorities to impose arbitrary travel restrictions on citizens and prevent MPs from travelling” the statement noted. The 80 MPs and Senators called on the Federal Ministry of Transport and Aviation to refrain from imposing travel restrictions for political purposes, stating: “Travel restrictions of this nature violate the rights of Somali citizens.” © Puntland Post, 2024 The post 80 Somali MPs and Senators Urge End to Politically Motivated Flight Bans appeared first on Puntland Post.
  14. Ayadoo ay rabshado xooggani ka socdaan dalka Mozambique ayaa wararku waxay sheegayaan in Soomaali badan oo ganacsato ah dhac iyo boob loogu geystay dalkaas, islamarkaana xumohoodii qaar cagta la mariyay oo la bililiqaystay. Soddon iyo saddex qof ayaa ku dhintay 15 kalena way ku dhaawacmeen iska horimaadyo dhex maray ciidamada dowladda iyo dibadbaxayaal, iyada oo kumanaan qof ay ka baxdadeen xabsiyada, sida uu shir jaraa’id ku sheegay taliyaha booliiska Bernardino Rafael. Bannaanbaxyada ayaa bilowday ka dib markii maxkamadda ugu sarreysa Mozambique ay xaqiijisay in xisbiga Frelimo ee talada haya tan iyo 1975-tii uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee 9-kii bishii Oktoobar dhacday. Source: goobjoog.com
  15. In ka badan 10 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda cusub ee Suuriya ayaa lagu diley dagaal ay la galeen koox hubaysan oo horay uga tirsanayd xoogaggii maamulkii madaxweyne Bishaar Al-assad. Wasiirka arrimaha gudaha Suuriya ayaa xaqiijiyay in 14 askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka lagu diley,10 kalena lagu dhaawacay ka dib markii ay weerar gaadmo ah ku qaadeen koox uu ku tilmaamay haraadiga taliskii Bashaar Al-assad oo ku sugnaa baadiyaha deeganka Tartuus. Maamulka cusub ee dalka Suuriya ayaa ku howlan dadaallo ay dalkaas ku xasillinayaan ka dib 13 sano oo dagaallo wajiyo badan ah, balse waxay culays kala kulmayaan hubkii uu meel walba ku faafsan iyo haraagii xoogaggii Bashaar Al-assad oo deegaannada qaar ku sugan. Source: goobjoog.com
  16. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dib boorka uga jafaya Ahlu Sunnadii Gobolka Gedo, xilligan oo maamulkiisu ay xiisad kala dhaxeyso Dowladda Federaalka. Madaxweynaha Jubbaland ayaa 17-kii bishan waxa uu Maxamed Xuseen Isaaq (Al-Qaadi) u magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Gedo, isagoo markaasi bedelaya Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir) oo ka horyimid dib u doorashadii Madaxweynaha Jubbaland. Al-Qaadi oo ka tirsanaa Saraakiishii Ahlu Sunna ee gobolkaasi ayaa waxay magacaabiddiisu ahayd mid uu Hoggaamiyaha Jubbaland ku soo nooleynayo doorkii Ahlu Sunna Waljameeca ee gobolka. Xoogaga Ahlu Sunna ayaa la xusuustaa in sanadkii 2011 ay gacan weyn ka gaysteen hawlgaladii ay Ciidamada Dowladda ku xoreeyeen Degmooyinka Luuq, Beled Xaawo iyo Garbahaarey oo Xarunta Gobolka Gedo ah, waxay sidoo kale ka qayb qaataan hawlgalo la isugu furay isu socodka waddooyinka ee degmooyinka gobolkaasi qaarkood. Saamaynta Ahlu Sunnada Gobolka Gedo ayaa yaraatay ka dib markii la dhisay Dowlad Goboleedka Jubbaland sanadkii 2013, waxayna kaalinteedii gobolka ay meesha ka baxday ka dib geerida Hoggaamiyihii Ahlu Sunnada Gobolada Koonfureed, Sheekh Maxamed Maxamuud Yuusuf (Aw Libaax), kaas oo bishii June ee sanadkii 2017 u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhacay Saldhigga Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir. Markii ugu dambeysay ee la arko hawlgal ay ka qayb qaadanayaan Xoogaga Ahlu Sunna wuxuu ahaa hawlgalkii ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee la oran jiray AMISOM ay bishii July ee sanadkii 2015 maleeshiyada Al-Shabaab kaga saareen Degmada Baardheere. Tan iyo xilligaasi xoogagan ayaan lagu arkin furimaha hore ee Gedo, sababtu tahay Jubbaland oo ka shaqeysay in la kala diro, in yar oo ka mid ah mooyee oo ciidamada lagu soo biiriyay. Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Gedo oo Isniintii gaaray Degmada Doolow oo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ku dagaalameen ayaa u gacan haatinaya Xoogagii Ahlu Sunna ee ku midoobay la dagaalanka Al Shabaab. Al-Qaadi iyo Axmed Madoobe waxay labaduba fahamsan yihiin in xerta Ahlu Sunna ay gacan ka gaysan karaan difaaca maamulka, haddii qalabka ay u baahan yihiin la siiyo. Xerta Ahlu Sunna ayaa la filayaa in qaybtoodii ugu horreysa ay saacadaha soo socda ay gaaraan Degmada Doolow, iyagoo isaga kala imanaya deegaanada gobolka. Xertan oo la sheegayo in qaab beeleed loo soo abaabulay ayaa waxay qayb ka noqon doonaan ilaalada Gudoomiye Al-Qaadi iyo Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Al Qaadi uu maalmahaanba la xiriirayay xerta iyo odayaasha beelaha gobolka qaarkood, isagoo u sheegaya in la joogo waqtigii Ahlu Sunnada Gedo ay dib uga soo muuqan lahayd fagaareyaasha Jubbaland. Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa inoo sheegay in Jubbaland ay u muuqato mid ka faa’iideysanaysa wax aysan Dowladda Federaalka ku baraarugsaneyn. Saraakiishan oo codsaday inaanan magacooda Warbaahinta loo adeegsan ayaa ku waramaya in haddii xoogagan ay la soo saftaan Jubbaland ay dhibaato ku noqon karto Dowladda Federaalka, inta ay xiisaddan taagan tahay, maadaama ay dowladdu waddo qorshe ay si ku-meel-gaar ah gobolka uga jareyso Jubbaland. Axmed Madoobe ayaa waxaa la sheegaa in aanu jecleyn Xoogaga Ahlu Sunna, waana sababta uu markii hore u kala diray, balse uu iminka u door bidayo xaaladda haysata, isla-markaana uu mudnaan siinayo dagaalka la sheego in ay ku wanaagsan yihiin. Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayaa bishii October isku khilaafay arrimaha doorashooyinka dalka, waxaana uu khilaafkoodu uu cirka isku shareeray bishii ina dhaaftay November, ka dib markii Jubbaland ay ku adkeysatay inay aadeyso doorasho dadban. Dowladda Federaalka ayaa sharci darro ku tilmaamtay doorashadii 25-kii November ka dhacday Magaalada Kismaayo ee ay Xildhibaanada Baarlamaanka 3aad ee Jubbaland ay markii saddexaad Axmed Madoobe ugu soo doorteen Madaxweynaha Jubbaland. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre waxay si isku mid ah ay u sheegeen in doorashadaasi ay liddi ku tahay qorshihii dalka loogu jiheynayay doorasho qof iyo cod ah. Khilaafka siyaasadeed ee labada dhinac oo gacan ka hadal isku bedelay ayaa si weyn looga dareemay dalka, waana waxa ay dadku ugu hadal haynta badan yihiin.
  17. The international community must recognize Somaliland’s right to self-determination and sovereignty. Denying this right perpetuates the false narrative that Somaliland is part of Somalia, despite decades of separation and its distinct political, cultural, and historical identity. Recognizing Somaliland would not undermine regional stability, but rather strengthen it by acknowledging a functioning state with the potential to contribute positively to global peace and development. This is per a petition to recognize Somaliland submitted to the US congress . Follow the link to read full details and sign the petition titled https://sign.moveon.org/petitions/recognize-somaliland-a-proudly-independent-and-democratic-nation-and-is-not-part-of-somalia Qaran News
  18. In ka badan 80 mudane oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyay xayiraadda dowladda Soomaaliya saartay duullimaadyada Rayidka ah ee qaar kamid ah Gobollada dalka gaar ahaan Jubaland. Bayaan ka soo baxay ilaa 80 xubnood oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul loogu cambaareeyay hay’adda Duulista Rayidka ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo xayiraad saartay duullimaadyadii Rakaabka ee magaalooyinka Jubaland. Xildhibaannada labada Aqal ee BFS ayaa sidoo kale cambaareeyay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ee bixiyay amarka lagu xannibay duullimaadyada taasi oo mudanayaashu ku tilmaameen mid baalmarsan xaqa Dastuuriga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed u lee yihiin in ay dalka gudihiisa si xor ah ugu kala safraan. Xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ugu danbayn uga digay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay siyaadadaynta ka dayso adeegyada dowliga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed uu xaqa u siinayo Dastuurka dalka. Halkaan ka akhriso Bayaanka Xildhibaannada PUNTLAND POST The post In ka badan 80 xildhibaan oo cambaareeyay xayiraadda Villa Somalia saartay duullimaadyada Jubaland appeared first on Puntland Post.
  19. Mogadishu (HOL) – A group of Somali federal lawmakers condemned the government's decision to suspend civil flights to Dolow in the Gedo region on Wednesday, calling the move unconstitutional and violating international conventions. Source: Hiiraan Online
  20. Mogadishu, Somalia – Hinda Aden and her fellow rebel fighters were trekking through the grasslands of Ethiopia’s Ogaden region under the cover of night, to avoid the enemy’s gaze, when they saw headlights approaching in the distance. Source: Hiiraan Online
  21. Mogadishu (HOL) — Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Asmara on Wednesday for bilateral talks with Eritrean President Isaias Afwerki, marking his fourth visit in six months. Source: Hiiraan Online
  22. Residents of Haroresa Village in Tana River County are mourning following the death of four children who drowned while swimming. Source: Hiiraan Online
  23. The World Health Organization (WHO) said that since the beginning of 2024, more than 8.4 million malaria cases have been reported across Ethiopia, the highest-ever number of cases reported in the country within a year. Source: Hiiraan Online
  24. A 32-year-old Kenyan has been arrested in the United States after the remains of a woman were found in his car on Friday night. Source: Hiiraan Online
  25. NAIROBI, Kenya (HOL) — Nairobi-based Nuria Store, spearheaded by former banker Abdullahi Bulle, is redefining self-publishing in Africa by giving more than 1,800 authors across the continent an accessible platform to share their stories and reclaim their narratives. Source: Hiiraan Online