Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,816
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud xaqiijiyey in xubno ku dhow madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay doonayaan in la aqoonsado Somaliland, balse aysan walaac badan ka qabin. Wareysi uu siiyay The Washington Post, ayuu Xasan Sheekh wuxuu rajo ka muujiyay sii xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka xilligan xukuumadda Trump, inkasta oo uu jiro walaaca ah in xubno ka tirsan maamulka cusub ay taageerayaan aqoonsiga Somaliland. “Waxaan had iyo jeer xiriir adag la lahayn Mareykanka,” ayuu yiri Xasan Sheekh. “Inkasta oo aanan hubin sida ay xukuumadda cusub uga falcelin doonto arrimaha gobolka, ma filayno wax isbedel taban ah.” Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay in shakhsiyaad ka tirsan xukuumadda Trump ay kor u qaadeen suurta-galnimada aqoonsiga Somaliland, arrintaas oo uu si cad uga soo horjeedo. Xasan Sheekh wuxuu dib u xusay midnimada taariikhiga ah ee Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay saldhigga sharci iyo siyaasadeed ee ay ku dhisan tahay qarannimada dalka. “Soomaaliya waa qaran mid ah. Waxay xorriyad ka qaadatay gumeystayaashii 1960, markaas oo Somaliland—oo ahayd xukun hoos tagi jiray Ingiriiska—iyo koonfurta Soomaaliya—oo ahayd mustacmarad Talyaani—ay midoobeen si ay u sameeyaan Jamhuuriyadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri. Wuxuu qiray in dagaalkii sokeeye ee 1991 uu horseeday in Somaliland isku daydo inay gooni uga go’do Soomaaliya, balse dowladdiisu aysan aqoonsan doonin kala go’aasi. Isagoo ka hadlayay saameynta ballaaran ee aqoonsiga Somaliland, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ka digay in wax-ka-beddelka xuduudaha Afrika uu horseedi karo xasillooni-darro baahsan. “Haddii xuduudaha Afrika la beddelo, waxay abuuri doontaa khatar weyn iyo dhibaatooyin aan xad lahayn oo ka dhaca qaaradda,” ayuu xusay. Inkasta oo Somaliland ay qabatay doorashooyin, wuxuu meesha ka saaray fikradda ah in doorasho kaliya ay ku filan tahay gooni-isu-taag. “Doorasho maaha, sida aan u arko, shardi lagu go’aamin karo madax-bannaanida qaran,” ayuu adkeeyay. Hadalka Xasan Sheekh ayaa wuxuu xoojinayaa sida ay dowladdiisu uga go’an tahay ilaalinta midnimada qaranka iyo wadajirka dhuleed, xilli ay sii socdaan isbeddellada juqraafiyeed ee caalamka. Iyada oo xukuumadda Trump ay la wareegeyso talada, hoggaanka Soomaaliya wuxuu rajeynayaa in Mareykanku sii wado taageerada midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.
  2. Mogadishu (HOL) — The Sool clan and East Sanaag Clan clans have declared a joint campaign to take control of Erigavo town from Somaliland, marking a significant escalation in the ongoing territorial dispute in northern Somalia. Source: Hiiraan Online
  3. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland , Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur ayaa magaalada Berbera ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Cuntada iyo Beeraha (FAO) ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Atienne Peterschmitt, kaasoo booqasho ku imi dalka. Waxa uu Wasiirku booqasho ku geegay Wakiilka Dekedda Berbera si uu usoo indho-indheeyo hawlaha ganacsi ee Dekedda waxaana Wasiirku uga war-bixiyay qaabka ay u hawluhu u socdaan iyo qaabka xoolaha iyo wax-soo-saarka Dalka loo dhoofiyo. Intaa kadib, labada masuul oo kulan yeeshay ayaa lagaga wada hadlay waxyaabaha ay iska kaashankaraan, waxaana kulankaa kasoo baxay in la iska kaashado arrimahan soo socda: 1. Horumarinta Siyaasadaha iyo Xeerarka la xidhiidha Ganacsiga Yaryar, kuwa Dhexe iyo Iskaashatooyinka, gaar ahaan Siyaasadda iyo Xeerka Iskaashiga Dawladda iyo Dadka (PPP policy and law) iyo Sidii looga caawinlahaa Ganacsiyada la xidhiidha wax-soo-saarka khayraadka dabiiciga gaar ahaan kalluunka, xoolaha nool iyo dalagga beeraha inay suuq u helaan wax soo saarkooda (access to markets). 2. Sidii kor loogu qaadi lahaa Tabobarrada la xidhiidha Awoodda Ganacsatada iyo Shaqaalaha Wasaaradda iyadoo lagu tabobarayo fahanka Suuqyada heer gobol iyo heer caalami. Ugu dambayntii waxa kulanka lagusoo gunaanaday in wada shaqay dhaw la yeesho lana dardargaliyo kulanno dheeraad ah oo lagu xoojinayo wada shaqaynta. Qaran News
  4. Beledweyne (HOL) — Heavy fighting broke out Friday between Somali National Army (SNA) forces, backed by local Ma'awisley militia, and Al-Shabaab militants in Cadow Gureey, a strategic village in Bula Burte district in the Hiiraan region. Source: Hiiraan Online
  5. Buuloburde (Caasimada Online) – Ciidanka Jabuuti ee qaybta ka ah howl-galka cusub ee AUSSOM ayaa maanta ku biiray howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan. Howl-galladan ay ciidankan ku biireen ayaa waxay si gaar ah uga socdaan haatan deegaannada hoostaga magaalada Buulo-burte ee dowlad-goboleedka Hir-Shabelle. Gaadiidka dagaalka, hubka culus ee PM-ka ee duqeymaha iyo askarta lugta ee Jabuuti ayaa si toos ugu biiray howl-galkan, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka Jabuuti. “Kadib markii aan kulamo wada-jir ah qaadanay saraakiisha ciidanka federaalka iyo kuwa AUSSOM waxaa isla dejinay qorshaha dagaalka si la isugu furo waddooyinka muhiimka ah,” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha Jabuuti ee ciidankan horkaceysa. Ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ayaa howl-galka kaalin weyn ku leh, iyaga oo deegaannada qaar sii gaaray kaddib markii la sheegay in ay isaga baxeen kooxda Al-Shabaab, maadaama duqeynta qoryaha culus halkaas lagu beegsaday. Dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan ayaa socda in ka badan 24 saac oo xiriir ah, sida uu sheegay sarkaal katirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana laga gaaray natiijo wax ku ool ah.
  6. Buuloburde (Caasimada Online) – Ciidanka Jabuuti ee qaybta ka ah howl-galka cusub ee AUSSOM ayaa maanta ku biiray howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan. Howl-galladan ay ciidankan ku biireen ayaa waxay si gaar ah uga socdaan haatan deegaannada hoostaga magaalada Buulo-burte ee dowlad-goboleedka Hir-Shabelle. Gaadiidka dagaalka, hubka culus ee PM-ka ee duqeymaha iyo askarta lugta ee Jabuuti ayaa si toos ugu biiray howl-galkan, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka Jabuuti. “Kadib markii aan kulamo wada-jir ah qaadanay saraakiisha ciidanka federaalka iyo kuwa AUSSOM waxaa isla dejinay qorshaha dagaalka si la isugu furo waddooyinka muhiimka ah,” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha Jabuuti ee ciidankan horkaceysa. Ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ayaa howl-galka kaalin weyn ku leh, iyaga oo deegaannada qaar sii gaaray kaddib markii la sheegay in ay isaga baxeen kooxda Al-Shabaab, maadaama duqeynta qoryaha culus halkaas lagu beegsaday. Dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan ayaa socda in ka badan 24 saac oo xiriir ah, sida uu sheegay sarkaal katirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana laga gaaray natiijo wax ku ool ah.
  7. Istanbul (Caasimada Online) – Duqa mucaaradka ka tirsan ee magaalada Istanbul, Ekrem Imamoglu, ayaa Jimcaha maanta ah si adag u cambaareeyay waxa uu ugu yeeray “cadaadis dhanka garsoorka ah” oo lagu hayo, iyadoo kumanaan taageerayaashiisa ah ay caddaalad ka dalbanayeen maxkamadda horteeda. Imamoglu, oo ah ninka ugu weyn ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan kaga soo horjeeda dhinaca siyaasadda, ayaa hadalkan jeediyay kaddib markii uu warbixin siiyay xeer ilaalinta, taasoo la xiriirtay laba baaritaan oo lagu furay horraantii bishan. Waxa uu sidoo kale wajahayaa dhowr dacwadood oo kale oo sharci ah. “Waxaan la kulmeynaa cadaadiskii garsoor ee ugu darnaa ee ka jira Istanbul,” ayuu u sheegay taageerayaashiisii isku soo baxay, isagoo dul taagan saqafka sare ee bas, kaddib markii uu ka soo baxay maxkamadda Caglayan ee Istanbul. Imamoglu, oo ka tirsan xisbiga ugu weyn mucaaradka ee CHP, isla markaana dib loogu doortay duqa magaalada sannadkii hore, ayaa ballan qaaday inuusan marnaba is dhiibi doonin. “Waan sii wadi doonnaa la dagaallanka dulmiga iyo caddaalad-darrada,” ayuu yiri. Bayaankiisa Jimcihii wuxuu daba socday laba baaritaan oo lagu hayo hadallo uu ka sheegay xeer ilaaliyaha guud ee Istanbul iyo markhaati khabiir ah oo ay maxkamaddu magacawday, kaasoo qayb ka ahaa dacwado ka dhan ah golayaasha deegaanka ee CHP ay maamusho. Waxaa loo haystaa inuu geystay hanjabaad, aflagaado, iyo bartilmaameedsi sarkaal, iyo waliba isku day ah inuu saameyn ku yeesho maxkamadeyn caddaalad ah. Qoraal uu u gudbiyay xeer ilaaliyaha, oo nuqul ka mid ah ay aragtay wakaaladda wararka ee AFP, ayuu Imamoglu ku beeniyay dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay, isagoo xusay inuu si xor ah u adeegsanayay xorriyatul qawlka. “Ma jirin wax hanjabaad ah ama bartilmaameedsi ah oo ku jiray hadalladeyda. Waxa aan sheegay uun waxay ahaayeen fikirkeyga xorta ah,” ayuu yiri. “Xorriyatul qawlku waa xuquuq dastuuri ah, taasoo ay ka mid tahay in xaq loo yeesho dhaleeceynta hay’adaha garsoorka iyo hab-shaqeedkooda,” ayuu hadalkiisa raaciyay. ‘Shirqool’ Isagoo la hadlayay taageerayaashiisii aadka u tirada badnaa, Imamoglu wuxuu shaaca ka qaaday in “shirqool” la maleegay. Dhanka kale, Duqa mucaaradka ee Ankara, Mansur Yavas, oo isna goobta joogay si uu u taageero, ayaa ku eedeeyay dowladda Turkiga inay dalka u beddeshay “xabsi weyn oo furan.” Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa si joogta ah u beegsada suxufiyiinta, qareennada iyo wakiillada siyaasadeed ee la soo doorto, gaar ahaan tan iyo afgambigii dhicisoobay ee 2016-kii. Tusaale ahaan, Maxkamad ku taalla Istanbul ayaa Khamiistii amartay in la soo xiro wariye ka tirsan telefishin mucaarad ah, kaddib markii uu baahiyay wareysi ay mas’uuliyiintu sheegeen in lala yeeshay qofka wareysiga bixiyay, iyadoo uusan oggolaansho ka haysan – qofkaas oo ahaa isla khabiirkii ay maxkamaddu magacawday ee Imamoglu dhaleeceeyay. Dadkii isugu soo baxay waxaa ka mid ahaa taageerayaal qaar oo xirnaa maaskaro ay ku sawiran tahay wejiga Imamoglu, halka kuwa kalena ay lulayeen boorar. Goobta waxaa ka muuqday ciidan boolis ah oo aad u tiro badan. “Dowladda waxay isku dayaysaa inay ciriiriso fursadaha ay haystaan mucaaradka, oo ay ku jiraan suxufiyiinta, ayna ku cabsi geliso eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn,” ayuu yiri Fethi Kocaer, oo 71 jir ah, kaasoo haystay boor ay ku qoran tahay: “Si wadajir ah ayaan u halgami doonnaa.” “Geesinimada iyo mowqifka adag ee Duqa Imamoglu ayaa naga caawin doona inaan midowno. Ma quusaneyno, balse waxaan sii xoojin doonnaa la dagaallanka dulmiga,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP. Fevziye Yalcin, oo 57 jir ah, ayaa iyaduna sheegtay in dacwadaha ka dhanka ah Imamoglu ay yihiin kuwo aan wax macno ah samaynayn. “Arrintaasi waxay kaliya naga dhigaysaa kuwo kasii xoog badan rabitaankeenna ah inaan la dagaalanno iyaga. Ugu dambayntii, waxaan kula xisaabtami doonnaa dowladda goobaha codbixinta,” ayay si geesinimo leh u tiri. “Imamoglu marnaba keligiis ma noqonayo.”
  8. Istanbul (Caasimada Online) – Duqa mucaaradka ka tirsan ee magaalada Istanbul, Ekrem Imamoglu, ayaa Jimcaha maanta ah si adag u cambaareeyay waxa uu ugu yeeray “cadaadis dhanka garsoorka ah” oo lagu hayo, iyadoo kumanaan taageerayaashiisa ah ay caddaalad ka dalbanayeen maxkamadda horteeda. Imamoglu, oo ah ninka ugu weyn ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan kaga soo horjeeda dhinaca siyaasadda, ayaa hadalkan jeediyay kaddib markii uu warbixin siiyay xeer ilaalinta, taasoo la xiriirtay laba baaritaan oo lagu furay horraantii bishan. Waxa uu sidoo kale wajahayaa dhowr dacwadood oo kale oo sharci ah. “Waxaan la kulmeynaa cadaadiskii garsoor ee ugu darnaa ee ka jira Istanbul,” ayuu u sheegay taageerayaashiisii isku soo baxay, isagoo dul taagan saqafka sare ee bas, kaddib markii uu ka soo baxay maxkamadda Caglayan ee Istanbul. Imamoglu, oo ka tirsan xisbiga ugu weyn mucaaradka ee CHP, isla markaana dib loogu doortay duqa magaalada sannadkii hore, ayaa ballan qaaday inuusan marnaba is dhiibi doonin. “Waan sii wadi doonnaa la dagaallanka dulmiga iyo caddaalad-darrada,” ayuu yiri. Bayaankiisa Jimcihii wuxuu daba socday laba baaritaan oo lagu hayo hadallo uu ka sheegay xeer ilaaliyaha guud ee Istanbul iyo markhaati khabiir ah oo ay maxkamaddu magacawday, kaasoo qayb ka ahaa dacwado ka dhan ah golayaasha deegaanka ee CHP ay maamusho. Waxaa loo haystaa inuu geystay hanjabaad, aflagaado, iyo bartilmaameedsi sarkaal, iyo waliba isku day ah inuu saameyn ku yeesho maxkamadeyn caddaalad ah. Qoraal uu u gudbiyay xeer ilaaliyaha, oo nuqul ka mid ah ay aragtay wakaaladda wararka ee AFP, ayuu Imamoglu ku beeniyay dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay, isagoo xusay inuu si xor ah u adeegsanayay xorriyatul qawlka. “Ma jirin wax hanjabaad ah ama bartilmaameedsi ah oo ku jiray hadalladeyda. Waxa aan sheegay uun waxay ahaayeen fikirkeyga xorta ah,” ayuu yiri. “Xorriyatul qawlku waa xuquuq dastuuri ah, taasoo ay ka mid tahay in xaq loo yeesho dhaleeceynta hay’adaha garsoorka iyo hab-shaqeedkooda,” ayuu hadalkiisa raaciyay. ‘Shirqool’ Isagoo la hadlayay taageerayaashiisii aadka u tirada badnaa, Imamoglu wuxuu shaaca ka qaaday in “shirqool” la maleegay. Dhanka kale, Duqa mucaaradka ee Ankara, Mansur Yavas, oo isna goobta joogay si uu u taageero, ayaa ku eedeeyay dowladda Turkiga inay dalka u beddeshay “xabsi weyn oo furan.” Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa si joogta ah u beegsada suxufiyiinta, qareennada iyo wakiillada siyaasadeed ee la soo doorto, gaar ahaan tan iyo afgambigii dhicisoobay ee 2016-kii. Tusaale ahaan, Maxkamad ku taalla Istanbul ayaa Khamiistii amartay in la soo xiro wariye ka tirsan telefishin mucaarad ah, kaddib markii uu baahiyay wareysi ay mas’uuliyiintu sheegeen in lala yeeshay qofka wareysiga bixiyay, iyadoo uusan oggolaansho ka haysan – qofkaas oo ahaa isla khabiirkii ay maxkamaddu magacawday ee Imamoglu dhaleeceeyay. Dadkii isugu soo baxay waxaa ka mid ahaa taageerayaal qaar oo xirnaa maaskaro ay ku sawiran tahay wejiga Imamoglu, halka kuwa kalena ay lulayeen boorar. Goobta waxaa ka muuqday ciidan boolis ah oo aad u tiro badan. “Dowladda waxay isku dayaysaa inay ciriiriso fursadaha ay haystaan mucaaradka, oo ay ku jiraan suxufiyiinta, ayna ku cabsi geliso eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn,” ayuu yiri Fethi Kocaer, oo 71 jir ah, kaasoo haystay boor ay ku qoran tahay: “Si wadajir ah ayaan u halgami doonnaa.” “Geesinimada iyo mowqifka adag ee Duqa Imamoglu ayaa naga caawin doona inaan midowno. Ma quusaneyno, balse waxaan sii xoojin doonnaa la dagaallanka dulmiga,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP. Fevziye Yalcin, oo 57 jir ah, ayaa iyaduna sheegtay in dacwadaha ka dhanka ah Imamoglu ay yihiin kuwo aan wax macno ah samaynayn. “Arrintaasi waxay kaliya naga dhigaysaa kuwo kasii xoog badan rabitaankeenna ah inaan la dagaalanno iyaga. Ugu dambayntii, waxaan kula xisaabtami doonnaa dowladda goobaha codbixinta,” ayay si geesinimo leh u tiri. “Imamoglu marnaba keligiis ma noqonayo.”
  9. Washington (Caasimada Online) – Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in ay dileen sarkaal sare oo ka tirsan garabka Al-Qaacida ee Suuriya kadib duqayn xagga cirka ah oo Khamiistii ka dhacday waqooyi-galbeed dalka Suuriya. Deegaankaasi ayaa ahaa goob ay si wayn ugu xoogganayd kooxda Hay’at Tahrir al-Sham (HTS) ee uu hoggaamiyo madaxweynaha ku-meel-gaarka ah Axmed al-Sharaa ka hor intii aysan hoggaamin gulufkii fallaagada ee xukunka ka tuuray Bashaar al-Asad bishii Diseembar ee sanadkii tegey. “Ciidamada Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) ayaa fuliyay duqayn cirka ah oo bartilmaameedkeedu ahaa mid qeexan oo ka dhacday waqooyi-galbeed Suuriya, iyagoo beegsaday oo dilay Maxamed Saalax al-Zabir, oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ururka argagixisada ee Xurraas al-Diin, oo xiriir la leh Al-Qaacida,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay CENTCOM. Hay’adda la socodka dagaallada ee fadhigeedu yahay dalka Britain ee loo yaqaan Syrian Observatory for Human Rights ayaa sheegtay in Zabir uu ku geeriyooday markii gaari uu la socday oo marayay wadada isku xirta Sarmada iyo Idlib ay gantaal ku dhufatay diyaarad aan duuliye lahayn (Drone) oo Maraykanku leeyahay. Duqaynta Maraykanka ayaa timid maalmo uun kadib markii Xurraas al-Diin ay shaaciyeen inay is-kala direen, iyagoo fulinaya amarro uga yimid madaxweynaha ku-meel-gaarka ah. Hay’adda Observatory ayaa sheegtay in Xurraas al-Diin “ay ku dhawaaqeen inay is-kala direen si aysan ugu lug yeelan isku dhac hubeysan oo ay la galaan HTS.” Jabhaddii Sharaa ayaa ahayd garabkii Al-Qaacida u qaabilsanaa Suuriya illaa ay xiriirka u jartay shabakadda jihaad-doonka ah sannadkii 2016-kii. Hay’adda SITE Intelligence Group ee fadhigeedu yahay Maraykanka ayaa sheegtay in Xurraas al-Diin la aasaasay bishii Febraayo 2018-kii. Si rasmi ah uma aysan xaqiijin daacadnimadeeda Al-Qaacida illaa ay ku dhawaaqday is-kala diriddeeda Talaadadii lasoo dhaafay. Maraykanka ayaa Xurraas al-Diin u aqoonsaday “urur argagixiso” sannadkii 2019-kii, wuxuuna ballan-qaaday abaalmarinno lacageed oo lagu soo sheego macluumaadka xubno dhowr ah oo ka tirsan. Waxay fulisay duqaymo xagga cirka ah oo is-daba-joog ah oo lagu beegsanayay hoggaanka kooxdaasi ee waqooyi-galbeed Suuriya bishii Agoosto iyo Sebtembar ee sannadkii tegey. Washington ayaa weli liiska madow ku haysa HTS, iyadoo u aqoonsan “koox argagixiso ah”, inkastoo ay qaar ka mid ah cunaqabatayntii ka qaadday kooxda Sharaa tan iyo markii ay xukunka ka tuureen Asad sannadkii hore.
  10. Washington (Caasimada Online) – Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in ay dileen sarkaal sare oo ka tirsan garabka Al-Qaacida ee Suuriya kadib duqayn xagga cirka ah oo Khamiistii ka dhacday waqooyi-galbeed dalka Suuriya. Deegaankaasi ayaa ahaa goob ay si wayn ugu xoogganayd kooxda Hay’at Tahrir al-Sham (HTS) ee uu hoggaamiyo madaxweynaha ku-meel-gaarka ah Axmed al-Sharaa ka hor intii aysan hoggaamin gulufkii fallaagada ee xukunka ka tuuray Bashaar al-Asad bishii Diseembar ee sanadkii tegey. “Ciidamada Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) ayaa fuliyay duqayn cirka ah oo bartilmaameedkeedu ahaa mid qeexan oo ka dhacday waqooyi-galbeed Suuriya, iyagoo beegsaday oo dilay Maxamed Saalax al-Zabir, oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ururka argagixisada ee Xurraas al-Diin, oo xiriir la leh Al-Qaacida,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay CENTCOM. Hay’adda la socodka dagaallada ee fadhigeedu yahay dalka Britain ee loo yaqaan Syrian Observatory for Human Rights ayaa sheegtay in Zabir uu ku geeriyooday markii gaari uu la socday oo marayay wadada isku xirta Sarmada iyo Idlib ay gantaal ku dhufatay diyaarad aan duuliye lahayn (Drone) oo Maraykanku leeyahay. Duqaynta Maraykanka ayaa timid maalmo uun kadib markii Xurraas al-Diin ay shaaciyeen inay is-kala direen, iyagoo fulinaya amarro uga yimid madaxweynaha ku-meel-gaarka ah. Hay’adda Observatory ayaa sheegtay in Xurraas al-Diin “ay ku dhawaaqeen inay is-kala direen si aysan ugu lug yeelan isku dhac hubeysan oo ay la galaan HTS.” Jabhaddii Sharaa ayaa ahayd garabkii Al-Qaacida u qaabilsanaa Suuriya illaa ay xiriirka u jartay shabakadda jihaad-doonka ah sannadkii 2016-kii. Hay’adda SITE Intelligence Group ee fadhigeedu yahay Maraykanka ayaa sheegtay in Xurraas al-Diin la aasaasay bishii Febraayo 2018-kii. Si rasmi ah uma aysan xaqiijin daacadnimadeeda Al-Qaacida illaa ay ku dhawaaqday is-kala diriddeeda Talaadadii lasoo dhaafay. Maraykanka ayaa Xurraas al-Diin u aqoonsaday “urur argagixiso” sannadkii 2019-kii, wuxuuna ballan-qaaday abaalmarinno lacageed oo lagu soo sheego macluumaadka xubno dhowr ah oo ka tirsan. Waxay fulisay duqaymo xagga cirka ah oo is-daba-joog ah oo lagu beegsanayay hoggaanka kooxdaasi ee waqooyi-galbeed Suuriya bishii Agoosto iyo Sebtembar ee sannadkii tegey. Washington ayaa weli liiska madow ku haysa HTS, iyadoo u aqoonsan “koox argagixiso ah”, inkastoo ay qaar ka mid ah cunaqabatayntii ka qaadday kooxda Sharaa tan iyo markii ay xukunka ka tuureen Asad sannadkii hore.
  11. Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay xidhay, oo ruqsadiina kala noqotay Maxjarka lagu hubiyo caafimaadka xoolaha ee ku yaala Magaalada Berbera, kaas oo sida ay sheegtay uu leeyahay ganacsadaha Carbeed ee Xoolaha Dhoofiya oo lagu magacaabo Abu Yaasir, oo ay Somaliland ku eedaysay inuu caqabad ku noqday Dhoofinta Xoolaha. Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland, Cumar Shucayb, oo BBC-da la hadalay ayaa sheegay in ganacsadahan uu ka werwereegay inuu ka noqdo heshiis la sheegay inuu la galay Dawladda Soomaaliya, ka dibna ay xireen Maxjarkii uu Berbera ku lahaa. “Waxaad ogtahay suuqa weyn aanu leenahay waa Sacuudi Carabiya marka waxaa jira saddex Maxjar oo xoolaha la mariyo, mid ka mid ah oo uu maamulo ganacsade Abuu Yaasir ayaanu go’aan ka gaarnay oo aan xirnay”, ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland, Cumar Shucayb. Wasiirka ayaa sababta ku sheegay in ninkan uu farogelin ku sameeyay madaxbaanida Somaliland Ninkan waxa uu carqaladeeyay xoolihii laga dhoofinayay Berbera ka dib markii uu Soomaaliya heshiis ku saabsan xoolaha Berbera laga dhoofiyo la soo galay.” “Markii aanu ogaanay inuu heshiiskaas Soomaaliya la soo galay oo ahayd arrin uu qarinayay ayaan u yeernay isagoo Jabuuti jooga oo aanu niri kaalay, wuu noo yimid, waan soo dhaweynay ka dibna arrimhii baan wax ka weydiinay waxaana u sheegnay in heshiiskaan uu galay ay tahay arrin xaaran ah oo dambi ah, waxaana kula talinay inuu ka laabto laakiin wuu ka warwareegay marka tallaabada aanu qaadnay waxay noqotay inaan xirno Maxjarkiisii oo aan shatigii kala noqono,” ayuu yiri wasiirka. BBC-da si madax bannaan uma xaqiijinkarto in Abuu Yaasir uu heshiiskaas la galay dowladda Soomaaliya. Xiriir aanu la sameynay dowladda Soomaaliya oo arrintan la xiriirana weli wax jawaab ah kama aanan helin. Sidoo kale ninkaan ayaysan noo suuragalin inaan helno. Hase yeeshee mar sii horreysay ayaa dowladda lagu eedeeyay in dhoofka xoolaha Soomaaliyeed ay dowladda Soomaaliya u xirtay ganacsadde Ajanbi ah, arrintaasoo ay qeylo dhaan ka muujiyeen ganacasatada xoolaha iyo xildhibaano ku dhow ilaa 100 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Xildhibaannada oo ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray warqad ku saabsan cambaareeyn ku aadan dowladda Soomaaliya oo ah in qof Ajnabi ah si gaar loogu xiray dhoofinta xoolaha Soomaaliyeed. Xildhibaanada ayaa dhanka kale ka digay in haddii dowladda ka laaban weydo go’aankaas ay qaadi doonaan tallaaboyin kale. Waxay markaasi ku doodeen in go’aankankaasi uu wiiqayo ganacsigii xoolaha gudaha, uuna khatar weyn ku yahay madax-bannaanida dhaqaalaha Soomaaliya. Ilaa 70% xoolaha Soomaalida oo isugu jira geela, lo’da, ariga iyo idaha oo qiimahooda sannadkii lagu qiyaasay $1 Bilyan 2023 ayaa loo dhoofiyaa boqortooyada Sacuudiga. Xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif oo ka tirsan xubnahii markaas soo saaray warqadda dowladda lagu cambaareynayo oo BBCda la hadlay ayaan weeydiinay hadddi ay wax caddeyn ah u haayaan warka sheegay in xoolaha Soomaaliya loo xiray hal shaqsi oo shisheeye ah, waxaana uu kaga jawaabay ” waxa aan caddeyn u haynaa ganacsatadii Soomaaliyeed oo ka cabaneysa meel walba iyo goobihii ay ka dhoofi jireen xooluhu xog naga soo gaaraysa”. Mar la weeydiiyay Xildhibaan Mursal in xogtaasi ay hayaan ay kala hadleen dowladda iyo in kale waxa uu sheegay ” in hadda Baarlamaanku uu fasax ku maqan yahay, marka uu baarlamaanku fasax ku maqan yahayna ay adag tahay in la qaado tallaabooyinkii dastuuriga ahaa oo dowladda lagula xisaabtamayo, sida in loo yeero wasaaradda ay quseyso macquul ma aha” isagoo intaasi ku daray in arrimahaasi awgeed xalku uu yahay in aan warqad digniin ah in aan ka qorno aan is tusnay” ayuu yiri. Dhanka kale Cabdirisaaq Maxamuud Ibraahim oo ka mid ah ganacsatada Xoolaha ee Somaliland, oo cabashada ka muujiyey ninkan Ganacsadaha ah ee la sheegay in Dhoofka Xoolaha loo xiray oo BBCda la hadlay mar sii horreysay ayaa yiri : “iyadoo xoolahu ay yihiin lafdhabarta dhaqaalaha soomaalida in arinkani uu saameyn ku yeeshay iibkii xoolaha”. Isagoo intaasi ku daray in waxa dhabta ah ee ay ka cabanayaan ay tahay in ganacsigii xoolaha dhamaan qof gaar ah gacanta loo geliyo oo la yiraahdo “kaligii ayaa xoolaha dhoofin karo oo maxjarkiisa oo qura ayey ka baxayaan”. Bbcsomali Qaran News
  12. Mogadishu (HOL) – Former Somali President Sharif Sheikh Ahmed met with James Swan, the Acting Special Representative of the United Nations Secretary-General for Somalia, in Mogadishu on Thursday to discuss Somalia’s ongoing political challenges, particularly those linked to the upcoming elections. Source: Hiiraan Online
  13. Washington (Caasimada Online) – Dhammaan Amarada Fulinta ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu saxiixay ee ku saabsan socdaalka, waxaa jira mid ka mid ah oo keenay cabsi jahwareer ba’an – isla markaana si weyn u xaddidi kara awoodda dadka ka soo jeeda dalal badan u galaan Maraykanka, xitaa booqasho kooban. Trump wuxuu amar ku bixiyay Waaxda Amniga Gudaha, Waaxda Arrimaha Dibadda iyo Agaasimaha Sirdoonka Qaranka inay, muddo 60 maalmood ah gudahood, soo gudbiyaan liis ay ku qoran yihiin dhammaan dalalka ay hay’aduhu u arkaan inaysan si habboon u hubin dadka doonaya inay booqdaan, ku noolaadaan ama wax ku bartaan Maraykanka. Amarka fulinta, oo loogu magac daray “Ka Ilaalinta Maraykanka ee Argagixisada Shisheeye iyo Khataraha Kale ee Amniga Qaranka iyo Badqabka Dadweynaha,” ayaa waxaa lala barbar dhigay “mamnuuciddii Muslimiinta” ee Trump uu hirgeliyay muddadii uu xafiiska joogay ee ugu horreysay. Amarkaas wuxuu xannibay dadka u dhashay lix dal oo Muslim ah – oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Iran – iyo Waqooyiga Kuuriya inay galaan Maraykanka. In ka badan 700 oo musaafir ah ayaa la xiray, ilaa 60,000 oo fiiso ayaa “si ku meel gaar ah loo joojiyay.” Hindisahani cusub ayaa la filayaa inuu aad uga sii ballaarto kii hore, oo saameeyo ugu yaraan 20 dal, oo ay ku jiraan Gaza, Soomaaliya, Suuriya iyo dalal kale oo ay Muslimiin badani ku nool yihiin. Amarka fulinta ee Trump waxa kale oo uu farayaa Waaxda Arrimaha Dibadda iyo hay’adaha kale inay baaraan dadka u dhashay dalalkaasi ee u soo haajiray Maraykanka tan iyo 2021, markii uu dhammaaday muddadii ugu dambaysay ee Trump xafiiska joogay. “Maraykanku waa inuu hubiyaa in ajaanibta la oggolaaday iyo ajaanibta kale ee horeyba ugu sugan Maraykanka aysan lahayn dhaqan cadowtinimo ah oo ka dhan ah muwaadiniinteeda, dhaqankeeda, dawladeeda, hay’adaheeda, ama mabaadi’deeda aasaasiga ah…,” ayaa lagu xusay amarka fulinta. Xildhibaan Ilhan Omar, oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, kuna dhalatay Soomaaliya oo ku noolayd xero qaxooti ka hor inta aysan imaan Maraykanka, ayaa tiri, “Mamnuuciddii Muslimiinta ee muddadii ugu horreysay ee Trump waxay kala daadisay qoysaska degmadayda, iyadoo dad badan oo ka mid ah dadka aan matalo ay u diiday inay dib ula midoobaan kuwa ay jecel yihiin.” “Aniga oo ah qof halkan uga yimid qaxooti ahaan mid ka mid ah dalalkii ay maamulka Trump mamnuuceen, waxaan ogahay sida ay u burburisay siyaasaddan nacaybka ah dadka adduunka oo dhan ee raadinaya nolol wanaagsan oo ah Maraykanka,” ayay tiri Omar. “Soomaali Amerikaanka ee degmadayada ku nool, si gaar ah, waxay dareemeen dhibaatada siyaasaddan arxan darada ah, iyadoo waalidiin, xaasas, iyo caruur ay ku xayiran yihiin meel aan la ogaan karin – oo wajahaya kala tag aan xad lahayn kaliya sababtoo ah halka ay ku dhasheen.” Omar waxay sheegtay in xitaa ka dib markii la qaaday xayiraaddii ugu horreeyay, qoysas badan oo qaxooti ah oo ku sugan Minnesota ay weli sugayeen in ay dib ula midoobaan dadkooda. “Amar mustaqbalka soo baxa wuxuu kaliya sii qoto dheereyn doona dhaawacyadan oo xoojin doona nacaybka shisheeye, midab-takoorka iyo Islaam naceybkaa,” ayay tiri Omar.
  14. Washington (Caasimada Online) – Dhammaan Amarada Fulinta ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu saxiixay ee ku saabsan socdaalka, waxaa jira mid ka mid ah oo keenay cabsi jahwareer ba’an – isla markaana si weyn u xaddidi kara awoodda dadka ka soo jeeda dalal badan u galaan Maraykanka, xitaa booqasho kooban. Trump wuxuu amar ku bixiyay Waaxda Amniga Gudaha, Waaxda Arrimaha Dibadda iyo Agaasimaha Sirdoonka Qaranka inay, muddo 60 maalmood ah gudahood, soo gudbiyaan liis ay ku qoran yihiin dhammaan dalalka ay hay’aduhu u arkaan inaysan si habboon u hubin dadka doonaya inay booqdaan, ku noolaadaan ama wax ku bartaan Maraykanka. Amarka fulinta, oo loogu magac daray “Ka Ilaalinta Maraykanka ee Argagixisada Shisheeye iyo Khataraha Kale ee Amniga Qaranka iyo Badqabka Dadweynaha,” ayaa waxaa lala barbar dhigay “mamnuuciddii Muslimiinta” ee Trump uu hirgeliyay muddadii uu xafiiska joogay ee ugu horreysay. Amarkaas wuxuu xannibay dadka u dhashay lix dal oo Muslim ah – oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Iran – iyo Waqooyiga Kuuriya inay galaan Maraykanka. In ka badan 700 oo musaafir ah ayaa la xiray, ilaa 60,000 oo fiiso ayaa “si ku meel gaar ah loo joojiyay.” Hindisahani cusub ayaa la filayaa inuu aad uga sii ballaarto kii hore, oo saameeyo ugu yaraan 20 dal, oo ay ku jiraan Gaza, Soomaaliya, Suuriya iyo dalal kale oo ay Muslimiin badani ku nool yihiin. Amarka fulinta ee Trump waxa kale oo uu farayaa Waaxda Arrimaha Dibadda iyo hay’adaha kale inay baaraan dadka u dhashay dalalkaasi ee u soo haajiray Maraykanka tan iyo 2021, markii uu dhammaaday muddadii ugu dambaysay ee Trump xafiiska joogay. “Maraykanku waa inuu hubiyaa in ajaanibta la oggolaaday iyo ajaanibta kale ee horeyba ugu sugan Maraykanka aysan lahayn dhaqan cadowtinimo ah oo ka dhan ah muwaadiniinteeda, dhaqankeeda, dawladeeda, hay’adaheeda, ama mabaadi’deeda aasaasiga ah…,” ayaa lagu xusay amarka fulinta. Xildhibaan Ilhan Omar, oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, kuna dhalatay Soomaaliya oo ku noolayd xero qaxooti ka hor inta aysan imaan Maraykanka, ayaa tiri, “Mamnuuciddii Muslimiinta ee muddadii ugu horreysay ee Trump waxay kala daadisay qoysaska degmadayda, iyadoo dad badan oo ka mid ah dadka aan matalo ay u diiday inay dib ula midoobaan kuwa ay jecel yihiin.” “Aniga oo ah qof halkan uga yimid qaxooti ahaan mid ka mid ah dalalkii ay maamulka Trump mamnuuceen, waxaan ogahay sida ay u burburisay siyaasaddan nacaybka ah dadka adduunka oo dhan ee raadinaya nolol wanaagsan oo ah Maraykanka,” ayay tiri Omar. “Soomaali Amerikaanka ee degmadayada ku nool, si gaar ah, waxay dareemeen dhibaatada siyaasaddan arxan darada ah, iyadoo waalidiin, xaasas, iyo caruur ay ku xayiran yihiin meel aan la ogaan karin – oo wajahaya kala tag aan xad lahayn kaliya sababtoo ah halka ay ku dhasheen.” Omar waxay sheegtay in xitaa ka dib markii la qaaday xayiraaddii ugu horreeyay, qoysas badan oo qaxooti ah oo ku sugan Minnesota ay weli sugayeen in ay dib ula midoobaan dadkooda. “Amar mustaqbalka soo baxa wuxuu kaliya sii qoto dheereyn doona dhaawacyadan oo xoojin doona nacaybka shisheeye, midab-takoorka iyo Islaam naceybkaa,” ayay tiri Omar.
  15. Rabat (Caasimada Online) – Booliiska Morocco ee u qaabilsan la dagaallanka argagixisada ayaa Khamiistii shaaciyay inay fashiliyeen qorshe “lagu beegsan lahaa goobo ammaan,” ayaga oo xiray afar qof oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish ee ka dagaallanta Sahel. Booliska ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday xog ku saabsan jihaadiyiin badan oo u dhashay Morocco oo u safray Soomaaliya. Habboub Cherkaoui, oo ah madaxa Xafiiska Dhexe ee Baaritaannada Garsoorka, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Sale, ayaa sheegay in hawlgalkani uu ka hortagay “qorshe argagixiso oo khatar ah.” Afarta eedeysane, oo dhammaantood u dhalatay Morocco, saddex ka mid ahna ay walaalo ahaayeen, ayaa Axaddii lagu soo qabtay Had Soualem, oo ku dhow Casablanca, sida lagu xusay war-saxaafadeed ay hore u soo saareen booliisku. Cherkaoui waxa uu intaa ku daray in kooxdu ay horay u duubtay bayaan ay ku sheeganayaan mas’uuliyadda weerarrada la qorsheeyay, iyagoo adeegsanaya walxaha qarxa. Baaritaannada dambe ayaa daaha ka rogay in bartilmaameedyadoodu ahaayeen “goobo muhiim ah oo ammaan ah, suuq weyn, iyo goobo kale oo dadweyne” oo ay si joogta ah u booqdaan dadka reer Morocco iyo ajaaniibta, ayuu yiri. Sida ay sheegayaan baaritaanno hordhac ah, mas’uuliyiinta Morocco waxay aaminsan yihiin in eedeysanayaashu ay xiriir toos ah la lahaayeen hoggaamiye ka tirsan Daacish oo ku sugan Sahel, kaas oo soo askareeyay oo ku indha-sarcaadiyay iyaga oo adeegsanaya baraha isgaarsiinta. Waxa uu intaa ku daray in da’doodu ay u dhaxaysay 26 ilaa 35 sano, isla markaana ay haysteen “shaqooyin dakhligoodu yar yahay.” Cherkaoui waxa uu xusay in kooxaha jihaadiga ah ee ka jira Afrika ay “khatar dhab ah ku yihiin boqortooyada.” Waxa uu tilmaamay in 130 muwaadin oo Moroccan ah ay u safreen goobaha dagaalka jihaadiga ah ee Soomaaliya iyo Sahel tan iyo dabayaaqadii 2022. Hadalkan ayaa imanaya ayada oo dhowaan dagaalkii Daacish iyo ciidamada Puntland ee gobolka Bari lagu dilay dagaal-yahano badan oo ajnabi ah oo ka soo jeeda dalal Carbeed oo kala duwan. “Intooda badan waxa ay doonayeen in ay ballaariyaan hawlgallada kooxahooda gudaha boqortooyada,” ayuu raaciyay Cherkaoui, isaga oo ka hadlayey Moroccan-ka u safray Soomaaliya. In kasta oo dalka Morocco uu inta badan ka fogaaday rabshadaha jihaadiga ah sannadihii ugu dambeeyay, ciidamada amniga ee Morocco ayaa si joogta ah u soo sheega xarigyo iyo fashilinta qorshayaasha weerar.
  16. Rabat (Caasimada Online) – Booliiska Morocco ee u qaabilsan la dagaallanka argagixisada ayaa Khamiistii shaaciyay inay fashiliyeen qorshe “lagu beegsan lahaa goobo ammaan,” ayaga oo xiray afar qof oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish ee ka dagaallanta Sahel. Booliska ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday xog ku saabsan jihaadiyiin badan oo u dhashay Morocco oo u safray Soomaaliya. Habboub Cherkaoui, oo ah madaxa Xafiiska Dhexe ee Baaritaannada Garsoorka, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Sale, ayaa sheegay in hawlgalkani uu ka hortagay “qorshe argagixiso oo khatar ah.” Afarta eedeysane, oo dhammaantood u dhalatay Morocco, saddex ka mid ahna ay walaalo ahaayeen, ayaa Axaddii lagu soo qabtay Had Soualem, oo ku dhow Casablanca, sida lagu xusay war-saxaafadeed ay hore u soo saareen booliisku. Cherkaoui waxa uu intaa ku daray in kooxdu ay horay u duubtay bayaan ay ku sheeganayaan mas’uuliyadda weerarrada la qorsheeyay, iyagoo adeegsanaya walxaha qarxa. Baaritaannada dambe ayaa daaha ka rogay in bartilmaameedyadoodu ahaayeen “goobo muhiim ah oo ammaan ah, suuq weyn, iyo goobo kale oo dadweyne” oo ay si joogta ah u booqdaan dadka reer Morocco iyo ajaaniibta, ayuu yiri. Sida ay sheegayaan baaritaanno hordhac ah, mas’uuliyiinta Morocco waxay aaminsan yihiin in eedeysanayaashu ay xiriir toos ah la lahaayeen hoggaamiye ka tirsan Daacish oo ku sugan Sahel, kaas oo soo askareeyay oo ku indha-sarcaadiyay iyaga oo adeegsanaya baraha isgaarsiinta. Waxa uu intaa ku daray in da’doodu ay u dhaxaysay 26 ilaa 35 sano, isla markaana ay haysteen “shaqooyin dakhligoodu yar yahay.” Cherkaoui waxa uu xusay in kooxaha jihaadiga ah ee ka jira Afrika ay “khatar dhab ah ku yihiin boqortooyada.” Waxa uu tilmaamay in 130 muwaadin oo Moroccan ah ay u safreen goobaha dagaalka jihaadiga ah ee Soomaaliya iyo Sahel tan iyo dabayaaqadii 2022. Hadalkan ayaa imanaya ayada oo dhowaan dagaalkii Daacish iyo ciidamada Puntland ee gobolka Bari lagu dilay dagaal-yahano badan oo ajnabi ah oo ka soo jeeda dalal Carbeed oo kala duwan. “Intooda badan waxa ay doonayeen in ay ballaariyaan hawlgallada kooxahooda gudaha boqortooyada,” ayuu raaciyay Cherkaoui, isaga oo ka hadlayey Moroccan-ka u safray Soomaaliya. In kasta oo dalka Morocco uu inta badan ka fogaaday rabshadaha jihaadiga ah sannadihii ugu dambeeyay, ciidamada amniga ee Morocco ayaa si joogta ah u soo sheega xarigyo iyo fashilinta qorshayaasha weerar.
  17. Mogadishu (HOL) – Somalia’s newly appointed nonresident ambassador to Tajikistan, Fathudin Ali Mohamed, presented his diplomatic credentials to President Emomali Rahmon during a formal ceremony in Dushanbe on Friday to enhance bilateral relations between the two nations. Source: Hiiraan Online
  18. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in laga dhiso xabsi Guantanamo Bay oo uu sheegay in lagu hayn doono dad gaaraya 30,000 oo qof. Waxa uu sheegay in xarunta saldhiga ciidamada badda Maraykanka ee Cuba, oo ka duwanaan doona xabsiga militariga ee ammaankiisa aadka loo ilaaliyo, ay ku xirnaan doonaan “dambiilayaasha sharci darrada ee khatar ku ah dadka Maraykanka”. Guantanamo Bay ayaa muddo dheer loo isticmaali jiray in lagu hayo dadka soogalootiga ah, dhaqankaas oo ay dhaleeceeyeen qaar ka mid ah ururada xuquuqul insaanka. Goor dambe oo Arbacadii ah ayaa Tom Homan wuxuu sheegay in xarunta hadda jirta la ballaarin doono oo ay maamuli doonto Laanta Socdaalka iyo Dhaqangelinta Kastamada (ICE). Waxa uu sheegay in muhaajiriinta si toos ah halkaas loogu qaadi karo kadib markii ay xeebaha ku qabtaan ciidamada ilaalada xeebaha ee Mareykanka. Ma cadda inta ay ku kacayso xarunta iyo goorta la dhamaystiri doono. Dowladda Cuba ayaa markiiba cambaareysay qorshahan, iyadoo ku eedeysay Mareykanka jirdil iyo xarig sharci darro ah oo lagu hayo dhul “ay haystaan”. Ku dhawaaqista Trump ayaa timid markii uu saxiixay sharciga loogu yeero Laken Riley Act, kaas oo dhigaya in dadka soo galootiga ah ee aan haysan sharciyada ee loo xiro dambiyada xatooyada ama rabshadaha in xabsiga lagu hayo inta maxkamad la soo taagayo. Sharciga, oo loogu magacdaray arday dhiganaysay kalkaalasinimada caafimaad oo Georgia uu ku dilay sannadkii hore soo-galooti u dhashay Venezuela, ayaa waxaa ansixiyay Congress-ka todobaadkii hore, taasi oo ahayd guul dhanka sharci-dejin ah oo uu gaaray maamulka Trump. Xaflad lagu saxiixayay oo ka dhacday Aqalka Cad, Trump wuxuu sheegay in amarka cusub ee Guantanamo uu farayo waaxyaha difaaca iyo amniga gudaha inay “bilaabaan diyaarinta” xarun lagu leh 30,000 oo sariirood. “Qaar iyaga ka mid ah waa kuwo aad u xun, xitaa kuma aamini karno dalalka inay hayaan, sababtoo ah ma doonayno inay soo noqdaan muhaajiriintan,” ayuu yiri. “Marka waxaan u diri doonaa Guantanamo. Waa meel ay adag tahay in laga baxo.” Sida laga soo xigtay Trump, xaruntan ayaa laba jibaari doonta awoodda Mareykanka ee ah in la goob lagu hayo muhaajiriinta aan sharciga haysan. Maraykanku waxa uu horeba u isticmaalayey xarun ku taal Guantanamo oo loo yaqaan Guantanamo Migrant Operations Center (GMOC) – muddo tobanaan sano ah iyo iyada oo loo marayo maamuladii kala duwanaa, ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga. Warbixin ay soo saartay 2024, hay’adda caalamiga ah ee kaalmaynta qaxootiga (IRAP) ayaa ku eedaysay dawladda inay si qarsoodi ah halkaas ugu hayso muhaajiriinta taasi oo ah “xaalado ka baxsan bini’aadantinimada” muddo aan la cayimin ka dib markii dadkaasi laga soo qabtay badda. GMOC waxa ay si gaar ah u dejisay muhaajiriin laga soo qaaday badda waxana ay dhawaanahan ahayd mawduuca Xoriyadda Macluumaadka Codsiga Ururka Xoriyadda Madaniga ah ee Maraykanka si loo shaaciyo xogta goobtaasi. Maamulkii Biden ayaa ku jawaabay “maaha meel xabsi ah oo lagu hayo, muhaajiriinta halkaas laguma hayo”. Maamulka Trump, si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in xarunta la balaariyay ee la qorsheeyay ayna tahay meel loogu talagalay in dadka lagu hayo. Waxaa lagu soo waramayaa maamulka Trump ay weydiisan doonaan Congress-ka inuu maalgeliyo balaarinta xabsiga hadda jira taasoo qayb ka ah sharciga kharash gareynta Jamhuuriga. Mar ay saxafiyiin ku waydiiyeen Aqalka Cad, xoghayaha amniga gudaha Kristi Noem waxa uu sheegay oo kaliya in lacagta loo qoondayn doono. Xabsiga ciidamada ee Guantanamo ayaa muddo tobanaan sano ah waxaa lagu hayay maxaabiis lagu xiray xabsiga Mareykanka kadib weeraradii 9/11 ee lagu qaaday Mareykanka sanadkii 2001-dii. Markii ugu sarreysay waxaa ku jiray boqolaal maxaabiis ah, dhowr madaxweyne oo Dimuqraadi ah oo uu ku jiro Barack Obama ayaa wacad ku maray in ay xiri doonaan. Waxaa hadda halkaas ku xiran 15 maxbuus. Warka ku saabsan ballaarinta xaruntan ayaa waxaa cambaareyn degdeg ah kala kulmay dowladda Cuba, oo in muddo ah u aragta in Guantanamo Bay ay tahay goob”la haysto” waxayna cambaareyn jirtay jiritaanka saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee jasiiradda tan iyo markii Fidel Castro uu xukunka qabsaday 1959-kii. Wasiirka arrimaha dibadda ee Cuba, Bruno Rodriguez ayaa sheegay in ku dhawaaqista ay muujinayso “quursiga xaaladda bani’aadamka iyo sharciga caalamiga ah”. Isha: BBC
  19. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in laga dhiso xabsi Guantanamo Bay oo uu sheegay in lagu hayn doono dad gaaraya 30,000 oo qof. Waxa uu sheegay in xarunta saldhiga ciidamada badda Maraykanka ee Cuba, oo ka duwanaan doona xabsiga militariga ee ammaankiisa aadka loo ilaaliyo, ay ku xirnaan doonaan “dambiilayaasha sharci darrada ee khatar ku ah dadka Maraykanka”. Guantanamo Bay ayaa muddo dheer loo isticmaali jiray in lagu hayo dadka soogalootiga ah, dhaqankaas oo ay dhaleeceeyeen qaar ka mid ah ururada xuquuqul insaanka. Goor dambe oo Arbacadii ah ayaa Tom Homan wuxuu sheegay in xarunta hadda jirta la ballaarin doono oo ay maamuli doonto Laanta Socdaalka iyo Dhaqangelinta Kastamada (ICE). Waxa uu sheegay in muhaajiriinta si toos ah halkaas loogu qaadi karo kadib markii ay xeebaha ku qabtaan ciidamada ilaalada xeebaha ee Mareykanka. Ma cadda inta ay ku kacayso xarunta iyo goorta la dhamaystiri doono. Dowladda Cuba ayaa markiiba cambaareysay qorshahan, iyadoo ku eedeysay Mareykanka jirdil iyo xarig sharci darro ah oo lagu hayo dhul “ay haystaan”. Ku dhawaaqista Trump ayaa timid markii uu saxiixay sharciga loogu yeero Laken Riley Act, kaas oo dhigaya in dadka soo galootiga ah ee aan haysan sharciyada ee loo xiro dambiyada xatooyada ama rabshadaha in xabsiga lagu hayo inta maxkamad la soo taagayo. Sharciga, oo loogu magacdaray arday dhiganaysay kalkaalasinimada caafimaad oo Georgia uu ku dilay sannadkii hore soo-galooti u dhashay Venezuela, ayaa waxaa ansixiyay Congress-ka todobaadkii hore, taasi oo ahayd guul dhanka sharci-dejin ah oo uu gaaray maamulka Trump. Xaflad lagu saxiixayay oo ka dhacday Aqalka Cad, Trump wuxuu sheegay in amarka cusub ee Guantanamo uu farayo waaxyaha difaaca iyo amniga gudaha inay “bilaabaan diyaarinta” xarun lagu leh 30,000 oo sariirood. “Qaar iyaga ka mid ah waa kuwo aad u xun, xitaa kuma aamini karno dalalka inay hayaan, sababtoo ah ma doonayno inay soo noqdaan muhaajiriintan,” ayuu yiri. “Marka waxaan u diri doonaa Guantanamo. Waa meel ay adag tahay in laga baxo.” Sida laga soo xigtay Trump, xaruntan ayaa laba jibaari doonta awoodda Mareykanka ee ah in la goob lagu hayo muhaajiriinta aan sharciga haysan. Maraykanku waxa uu horeba u isticmaalayey xarun ku taal Guantanamo oo loo yaqaan Guantanamo Migrant Operations Center (GMOC) – muddo tobanaan sano ah iyo iyada oo loo marayo maamuladii kala duwanaa, ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga. Warbixin ay soo saartay 2024, hay’adda caalamiga ah ee kaalmaynta qaxootiga (IRAP) ayaa ku eedaysay dawladda inay si qarsoodi ah halkaas ugu hayso muhaajiriinta taasi oo ah “xaalado ka baxsan bini’aadantinimada” muddo aan la cayimin ka dib markii dadkaasi laga soo qabtay badda. GMOC waxa ay si gaar ah u dejisay muhaajiriin laga soo qaaday badda waxana ay dhawaanahan ahayd mawduuca Xoriyadda Macluumaadka Codsiga Ururka Xoriyadda Madaniga ah ee Maraykanka si loo shaaciyo xogta goobtaasi. Maamulkii Biden ayaa ku jawaabay “maaha meel xabsi ah oo lagu hayo, muhaajiriinta halkaas laguma hayo”. Maamulka Trump, si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in xarunta la balaariyay ee la qorsheeyay ayna tahay meel loogu talagalay in dadka lagu hayo. Waxaa lagu soo waramayaa maamulka Trump ay weydiisan doonaan Congress-ka inuu maalgeliyo balaarinta xabsiga hadda jira taasoo qayb ka ah sharciga kharash gareynta Jamhuuriga. Mar ay saxafiyiin ku waydiiyeen Aqalka Cad, xoghayaha amniga gudaha Kristi Noem waxa uu sheegay oo kaliya in lacagta loo qoondayn doono. Xabsiga ciidamada ee Guantanamo ayaa muddo tobanaan sano ah waxaa lagu hayay maxaabiis lagu xiray xabsiga Mareykanka kadib weeraradii 9/11 ee lagu qaaday Mareykanka sanadkii 2001-dii. Markii ugu sarreysay waxaa ku jiray boqolaal maxaabiis ah, dhowr madaxweyne oo Dimuqraadi ah oo uu ku jiro Barack Obama ayaa wacad ku maray in ay xiri doonaan. Waxaa hadda halkaas ku xiran 15 maxbuus. Warka ku saabsan ballaarinta xaruntan ayaa waxaa cambaareyn degdeg ah kala kulmay dowladda Cuba, oo in muddo ah u aragta in Guantanamo Bay ay tahay goob”la haysto” waxayna cambaareyn jirtay jiritaanka saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee jasiiradda tan iyo markii Fidel Castro uu xukunka qabsaday 1959-kii. Wasiirka arrimaha dibadda ee Cuba, Bruno Rodriguez ayaa sheegay in ku dhawaaqista ay muujinayso “quursiga xaaladda bani’aadamka iyo sharciga caalamiga ah”. Isha: BBC
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan xasaasi ah la qaatay Wakiilka Gaarka ah ee KMG ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ambassador James Swan. Kulankaan ayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladda dalka, gaar ahaan xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay hanaanka doorashooyinka dalka, oo si adag uga horyimaadeen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Shariif ayaa wuxuu Swan la wadaagay halista ka dhalan karta qorshaha Xasan Sheekh, taas oo uu dhawaan si bareer ah uga horyimid, kadib markii guddiga doorasho ee lagu muransan yahay ay shaaciyeen in diiwaan-gelinta ururrada siyaasadda ay furan tahay. Labada mas’uul waxay carrabka ku adkeeyeen baahida muhiimka ah ee loo qabo in la isku raacsan yahay qaabka doorashada, si loo xaqiijiyo sharci ahaanshihiisa iyo aqbalaadda dadweynaha. Sidoo kale waxay ka wada-hadleen istaraatiijiyado lagu kobcinayo wada-hadal dhexmara dhinacyada siyaasadda, iyadoo la doonayo in loo gogol xaaro doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo ka tarjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. “Waxaan kulan la qaatay James Swan oo ah Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, waxaanu ka wada-hadalnay arrimo badan oo kala duwan, gaar ahaan siyaasadda, qaabka doorashada ee lagu muransan yahay iyo baahida loo qabo in doorasho la isku raacsan yahay, lagu kalsoonaan karo, oo sharci ah inay ka dhacdo Soomaaliya,” ayuu Shariif ku yiri qoraal uu ku baahiyay bartiisa X. Khilaafka doorashooyinka oo inta badan aysan heshiis rasmi ah ka gaarin siyaasiyiinta Soomaalida ayaa waxaa awood socodsiin ku leh beesha caalamka oo ayadu dhaqaale badan uga baxo dowladnimada Soomaaliya, waana midda keenta in la arko madaxda oo u cabasho tagaya Xalane.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan xasaasi ah la qaatay Wakiilka Gaarka ah ee KMG ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ambassador James Swan. Kulankaan ayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladda dalka, gaar ahaan xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay hanaanka doorashooyinka dalka, oo si adag uga horyimaadeen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Shariif ayaa wuxuu Swan la wadaagay halista ka dhalan karta qorshaha Xasan Sheekh, taas oo uu dhawaan si bareer ah uga horyimid, kadib markii guddiga doorasho ee lagu muransan yahay ay shaaciyeen in diiwaan-gelinta ururrada siyaasadda ay furan tahay. Labada mas’uul waxay carrabka ku adkeeyeen baahida muhiimka ah ee loo qabo in la isku raacsan yahay qaabka doorashada, si loo xaqiijiyo sharci ahaanshihiisa iyo aqbalaadda dadweynaha. Sidoo kale waxay ka wada-hadleen istaraatiijiyado lagu kobcinayo wada-hadal dhexmara dhinacyada siyaasadda, iyadoo la doonayo in loo gogol xaaro doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo ka tarjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. “Waxaan kulan la qaatay James Swan oo ah Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, waxaanu ka wada-hadalnay arrimo badan oo kala duwan, gaar ahaan siyaasadda, qaabka doorashada ee lagu muransan yahay iyo baahida loo qabo in doorasho la isku raacsan yahay, lagu kalsoonaan karo, oo sharci ah inay ka dhacdo Soomaaliya,” ayuu Shariif ku yiri qoraal uu ku baahiyay bartiisa X. Khilaafka doorashooyinka oo inta badan aysan heshiis rasmi ah ka gaarin siyaasiyiinta Soomaalida ayaa waxaa awood socodsiin ku leh beesha caalamka oo ayadu dhaqaale badan uga baxo dowladnimada Soomaaliya, waana midda keenta in la arko madaxda oo u cabasho tagaya Xalane.
  22. Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo tababar ka soo baxay ayaa saaka loo daabulay furimaha dagaalka buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaasi oo uu Todobaadkan ka bilaabanayo wejiga labaad ee hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish. Ciidamadan oo ku gaashaaman Hubka culus iyo qalab dagaal oo casri ayaa si toosa qeyb uga noqonaya wejiga labaad ee hawlgalka lagu dabar-goynayo mileeshiyaadka Argagixisad ah ee Daacish oo weli ku go’doonsan godad ku yaalla buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni oo shalay ku dhawaaqay bilowga wejiga labaad ee hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ayaa sheegay in jiho kasta laga go’doomiyay mileeshiyaadka Daacish, islamarkaana ay dowladdu qorshaysay in ay noqdaan wax dhinta iyo wax la qabtay, kaddib markii dagaalku bilowdo. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in wejiga labaad ee hawlgalka dabar-goynta Argagixisada Daacish uu qaadan karo wakhti ka yar mudadii uu socday wejigii kowaad ee dagaalka oo bilowday horraantii bishaan Jannaayo ee sannadkan 2025. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo ciidamo ka soo baxay tababar ku daabushay furimaha dagaalka Calmiskaad ee gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  23. In ka badan 600 oo Qaxooti Itoobiyaan ah ayaa shalay laga raray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, kaddib markii ciidamada Amnigu ka raafeen magaalada, si loogu celiyo dalkoodii. Laamaha Amniga Gobolka Bari oo Todobaadkan Boosaaso ka sameeyay hawlgal xooggan oo lagu raafayo ajaanibta ayaa goobo cayiman ku ururiyay Soogalootiga Itoobiyaanka, halkaasi oo laga soo saaray gaadiid xamuul ah. Gaadiidka xamuulka ah ee siday Qaxootiga la raafay ayaa waxa dowladda Puntland u xilsaartay Ciidamo ilaaliya, kuwaasi oo si nabad ah ku gaarsiiya degaanno ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida ee DDS. Dowladda Puntland ayaa sidoo kale Todobaadkan magaalada Garoowe ka raaftay in ilaa 1,000 qof oo Soogalooti Itoobiyaan ah, kuwaasi oo dib loogu celiyay dalkooda, sababa la xiriira in aysan kooxaha Argagixisada ah ee Daacish u adeegsan ciidan ahaaan. PUNTLAND POST The post In ka badan 600 oo Qaxooti Itoobiyaan ah oo laga raafay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.