Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,796
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. U.S. recognition of Somaliland could reshape the Horn of Africa’s geopolitics, intensify U.S.-China rivalry, and validate Somaliland’s democratic aspirations. “I would hate to see the Red Sea bottled up on both ends by people who might not necessarily be or remain our friends.” These prophetic words, by President Dwight Eisenhower in 1959, echoed the strategic calculus of a Cold War world. Three years later, Ethiopia’s Emperor Haile Selassie dissolved Eritrea’s federal status and annexed the region with little international pushback. In many ways, Eisenhower’s endorsement of Ethiopia’s move was less about Ethiopia itself and more about containing Soviet influence in a region of critical global importance. Fast-forward to today, the parallels to Somaliland’s bid for recognition are striking. Should President Trump have moved to recognize Somaliland during his second term, his rationale would likely echo Eisenhower’s: securing strategic asset in the volatile but geopolitically critical Gulf of Aden/Horn of Africa region. The Port of Berbera, one of Africa’s most significant natural harbors, offers immense military and economic potential. Trump, however, was not alone in exploring Somaliland’s recognition. U.S. Congressman Scott Perry recently introduced a bill for formal U.S. recognition, signaling an interest in the issue in the legislative branch. If the United States leads the charge, other nations may follow, altering the balance of power in the Horn of Africa. A Fragile Balance in the Horn of Africa The Horn of Africa has always been a geopolitical chessboard, its stakes magnified by the rivalry between the United States and China. Beijing already operates a military base in Djibouti, a stone’s throw from Somaliland. U.S. recognition of Somaliland would almost certainly intensify this competition, potentially prompting China to establish a counterweight elsewhere in the region—perhaps in Eritrea, where relations with Beijing are already warm. Such moves could harken back to the Cold War when Eritrea hosted U.S. defense installations before falling under Ethiopian control. Somaliland’s quest for recognition is rooted in its history. The Somali Republic, formed in 1960 from the merger of British Somaliland and Italian Somaliland, collapsed in 1991 amid civil war. Somaliland declared independence, building a functioning democracy and maintaining relative stability while Somalia descended into chaos. Despite its accomplishments, Somaliland has spent over three decades as an unrecognized state, its aspirations stymied by international reluctance to redraw colonial-era boundaries. States crave recognition as humans crave oxygen. Yet Somaliland’s resilience without it is a marvel of international relations. Unlike its neighbors—Somalia, Djibouti, and Ethiopia—Somaliland scores higher on democracy indices, according to Freedom House. Its peaceful elections and functioning institutions make it an outlier in a region marked by authoritarianism and conflict. What Recognition Could Mean for the Region Ethiopia would be among the first to benefit if the U.S. recognizes Somaliland. Landlocked since Eritrea’s independence, Ethiopia has long sought access to the sea. The Port of Berbera could serve as a lifeline, provided Ethiopia overcomes opposition from Somalia and the African Union. A memorandum of understanding between Somaliland and Ethiopia hints at this possibility despite Ethiopia’s diplomatic tightrope with China, Turkey, and Somalia. China’s calculus would also shift. Somaliland’s existing ties with Taiwan—already a thorn in Beijing’s side—could deepen with U.S. recognition, complicating China’s diplomacy in the Horn of Africa. A formal Somaliland-Taiwan alliance could embolden other states to challenge China’s One-China policy, further entangling the region in great power competition. The United Arab Emirates, a long-time supporter of Somaliland’s independence, would likely emerge as another winner, bolstering its strategic influence in the Red Sea. Meanwhile, Turkey and Egypt could face diplomatic fallout. Turkey’s attempts to mediate between Somalia and Somaliland might falter, and Egypt’s broader strategy to undermine Ethiopia—particularly over the Grand Ethiopian Renaissance Dam—would require recalibration. The Global Stakes Somaliland is at the intersection of history and strategy. Its proximity to major shipping routes and oil reserves makes it a prize in any geopolitical contest. The United States’ recognition would not only validate Somaliland’s democratic experiment but also reshape the Horn of Africa’s alliances and rivalries. For Washington, recognizing Somaliland would signal a renewed commitment to countering Chinese influence in Africa. It would open a Pandora’s box of opportunities and challenges for the region, forcing states to reassess their alliances and priorities. And for Somaliland itself, recognition would mean achieving a dream deferred for over three decades: the right to exist as a sovereign state in the eyes of the world. As Eisenhower’s words remind us, the stakes in the Red Sea are never just local. Should Somaliland gain recognition, its story will become part of a broader narrative about the evolving balance of power in one of the world’s most contested regions Seifudein Adem Seifudein Adem teaches Global Studies at Doshisha University, Kyoto, Japan. He is also a Research Associate at Ali Mazrui Center for Higher Education Studies, University of Johannesburg, Johannesburg, South Africa. Qaran News
  2. Mogadishu (HOL) — Tensions surrounding the Gaza ceasefire intensified on Sunday as Israeli forces reportedly shot and killed a Palestinian attempting to return home in the northern Gaza Strip. Hamas accused Israel of delaying the truce’s implementation, citing restrictions on displaced residents. Source: Hiiraan Online
  3. Jigjiga (HOL) – A Somali government delegation, including Deputy Minister of Information, Culture and Tourism Abdirahman Yusuf Al-Adala and Deputy Minister of Minerals Abdiwahab Omar Ananug, participated a cultural event on Saturday in Dire Dawa, Ethiopia's Somali Regional State, to celebrate the recognition of Xeer Ciise by UNESCO as part of the Intangible Cultural Heritage of Humanity. Source: Hiiraan Online
  4. Minneapolis (Caasimada Online) – Mukhtaar Maxamed Shariif, oo udub-dhexaad u ahaa qorshihii dhaca hantida dadweynaha ee ugu baaxadda weynaa taariikhda Mareykanka ee la xiriira COVID-19, ayaa Jimcihii lagu xukumay 17 sano iyo bar oo xabsi ah, xukunkaas oo ah mid ka mid ah kuwa ugu culus ee kiiskan ilaa iyo hadda. Shirqoolka dhaca hantida dadweynaha ee barnaamijka “Feeding Our Future” oo lagu qiyaasay $250 milyan, ayaa lacagihii loogu talagalay in lagu quudiyo carruurta baahan u weeciyay dhanka iibsiga gawaarida raaxada, hantida ma-guurtada ah, iyo maalgashiyo dibadeed. Toddoba toddobaad oo maxkamadeyn ah oo ka dhacday Maxkamadda Federaalka ee Degmada Minneapolis bishii Juun 2024, taas oo ay guddoominaysay Garsoore Nancy E. Brasel, ayaa Mukhtaar Shariif lagu helay dambiyada afar eedeymood oo kala ah: shirqoolista fal-dambiyeed xagga isgaarsiinta ah, fal-dambiyeed xagga isgaarsiinta ah, shirqoolista been xalaaleyn lacag, iyo fal-dambiyeed been xalaaleyn lacag. “Inaan ogaado in ficilladaydu ay wax u dhimi karaan sumcadda bulshadaas, ayna xitaa kicin karaan aragtiyo taban oo ku saabsan isla bulshadaas, waa culeys weyn oo aan xambaarsanahay,” ayuu yiri Mukhtaar isagoo ilmaynaya. Si kastaba ha ahaatee, raalligelintiisa shucuurta leh wax badan kama beddelin mowqifka Garsooraha Federaalka ee Nancy Brasel. “Markii dunidu ay ku jirtay xaaladdii ugu nugleyd, ma aadan ahayn gargaare; waxaad ahayd tuug,” ayay tiri Garsoore Brasel, iyadoo carrabka ku adkeysay “ixtiraam-darrada baaxadda leh ee uu Mukhtaar u hayo sharciga.” Garsooraha ayaa ku dhawaaqday xukunka 210-ka bilood ah, oo ay ku jiraan saddex sano oo sii-deyn kormeer leh iyo waajib ah inuu bixiyo magdhow dhan $48 milyan oo dollar. Taageerayaasha Mukhtaar, oo in ka badan 100 ka mid ah ay buux-dhaafiyeen qolka maxkamadda iyo goobaha ku teedsan, ayaa si shucuur leh uga falceliyay xukunka 210-ka bilood ah. Qaarkood waa ay ooyeen, halka kuwa kalena ay muujiyeen caro. Nin ayaa ku dhawaaqay, “Caddaalad ma jirto,” taasoo ku kalliftay garsooraha inay dalbato nidaam iyo kala dambeyn. Xeer-ilaaliyeyaashu waxay sidoo kale ku eedeeyeen inuu carqaladeeyay caddaaladda, isagoo tirtiray barnaamijka Signal-ka oo duubay marag-furka goob-joogayaasha intii ay socotay maxkamadeyntiisa. Garsoore Brasel ayaa ficilladiisa, oo ay ku jirto inuu wax ka ogaa faragelinta xeer-beegtida, ku tilmaantay “ixtiraam-darro aan hore loo arag oo loo hayo sharciga.” Barnaamijka “Feeding Our Future” oo ay maamusho Waaxda Beeraha ee Mareykanka ayna fuliso Waaxda Waxbarashada ee Minnesota, ayaa lacagaha ku celin jiray ururada kafaala qaada, iyadoo lagu saleynayo tirada cuntada la bixiyay. “Feeding Our Future”, oo ah urur aan faa’iido doon ahayn oo kafaala qaaday goobo ay ka mid yihiin kuwa Mukhtaar, ayaa door weyn ka ciyaaray fududeynta sheegashooyinka been abuurka ah iyagoo ku beddelanayay lacago laaluush ah. Xeer-ilaaliyeyaashu waxay sheegeen in Mukhtaar iyo saaxiibbadiisii dhagar-qabayaasha ahaa ay been-abuureen tirada cuntada, qaansheegyada, iyo diiwaannada imaanshaha si ay u sheegtaan malaayiin dollar oo lacag celin ah oo loogu talagalay cuntooyin aan weligood la bixin. Kaaliyaha Xeer-ilaaliyaha Guud ee Mareykanka, Lisa Kirkpatrick, ayaa qorshahan ku tilmaamtay “xatooyo bareer ah” oo lagu sameeyay lacagaha canshuur-bixiyeyaasha ee loogu talagalay in lagu quudiyo carruurta. Mukhtaar, oo 34 jir ah, ayaa soo noqday Maamulaha Guud ee Shirkadda Afrique Hospitality Group, shirkaddan uu u adeegsaday inuu ku leexiyo lacagihii laga soo xaday Barnaamijka Nafaqada Carruurta ee Federaalka. Xeer-ilaaliyeyaashu waxay sheegeen in Mukhtaar uu jeebkiisa ku shubtay in ka badan $1.3 milyan oo dollar, isagoo soo gudbiyay sheegashooyin been abuur ah oo ku saabsan inuu quudinayo ilaa 3,500 oo carruur ah maalin kasta goobo aan jirin, isla markaana uu sameystay shirkado been abuur ah si uu been xalaaleeya lacagaha. Kaaliyaha Xeer-ilaaliyaha Guud ee Mareykanka, Joe Thompson, ayaa qorshahan ku tilmaamay mid “xatooyo bareer ah,” isagoo yiri, “Qorshahoodu wuxuu ku lug lahaa cuntooyin been abuur ah, carruur been abuur ah, qaansheegyo been abuur ah – balse lacag dhab ah ayaa ku lug lahayd.” Thompson ayaa sidoo kale diiday doodaha difaaca ee ah in Mukhtaar uu ahaa ka-qaybgale yar oo ku lug lahaa dhaca. “Uma dhaqmaynin sidii hoggaamiye bulsho – wuxuu buuxsanayay jeebkiisa,” ayuu yiri Thompson, isagoo dalbaday xukunka ugu badan ee 22-sano ah ee hoos yimaada tilmaamaha federaalka. Fadeexaddan, oo ay ku lug leeyihiin 70 eedaysane, ayaa gilgishay gobolka Minnesota. Dhaca ayaa wiiqay kalsoonida dadweynaha, wuxuuna dhaawac weyn u geystay sumcadda bulshada Soomaali-Mareykanka. Hoggaamiyeyaasha bulshada ayaa walaac ka muujiyay sida kiiskani u sii xumeyn karo aragtiyaha taban ee bulshada Soomaalida laga haysto.
  5. Ciidamada difaaca difaaca Puntland oo qoraal kooban soo saaray ayaa shaaciyay in ay Argagixisada Daacish ka qabsadeen Saldhigii Warisoor oo u dhaw degaanka Turmasaale. Qoraal kooban oo ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Argagixisada ah ee Puntland ayaa lagu xaqiijiyay in mileeshiyaadka Daacish laga saaray Saldhigii Warisoor ee nawaaxiga Turmasaale oo ka tirsan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. “Ciidanku waxay la wareegeen Taliskii Argagixisada Daacish ku laheyd deegaanka Warisoor, aaga Turmasaale ee Calmiskaad” ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee dowladda Puntland. Ciidamada difaaca Puntland ayaa sidoo kale maalin ka hor Argagixisada Daacish ka qabsaday Taliskii weynaa ee degaanka Turmasaale kaasi oo la rumaysan yahay in uu sannadihii danbe xarun u ahaa hoggaamiyaha kooxdaasi Cabdiqaadir Muumin. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo shaaciyay in ay Argagixisada Daacish ka saareen Saldhigii Warisoor ee buuraha Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
  6. Mogadishu (HOL) — The cost of performing Hajj for residents of Ethiopia’s Somali Regional State has skyrocketed this year, nearly doubling compared to 2024, as the Ethiopian birr suffers its worst depreciation in history. Source: Hiiraan Online
  7. Liverpool secured a comfortable 4-1 victory over relegation-threatened Ipswich Town at home, maintaining their six-point lead over Arsenal at the top of the Premier League. Source: Hiiraan Online
  8. Prime Minister of Somalia, Hamza Abdi Barre, inaugurated the emergency centre, which was constructed and equipped by Qatar Charity (QC), at De Martino Hospital in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  9. Miguel Díaz Canel said in a recent post on his Twitter account that he has been in communication with the governments of Kenya and Somalia to find out about the Cuban doctors kidnapped since April by terrorist groups in that country. Source: Hiiraan Online
  10. Mogadishu (HOL) — Ali Jeyte Osman, Somalia’s Special Envoy for Community Defense Forces under President Hassan Sheikh Mohamud’s office, has called on government troops and local militias to unite for a major offensive against Al-Shabaab militants in Hiiraan. Source: Hiiraan Online
  11. Mogadishu (HOL) — Somali National Army (SNA) troops and local militia forces successfully repelled an early morning attack by Al-Shabaab militants on the town of Masagawaa in the Galgaduud region, the Federal Ministry of Defense confirmed Saturday. Source: Hiiraan Online
  12. Mekelle (Caasimada Online) – In ka badan labo sano kaddib markii heshiis nabadeed uu soo afjaray dagaalkii ba’anaa ee ka socday gobolka Tigray ee Itoobiya, ayaa loolan awoodeed oo ka dhex aloosan xisbigii hore u awoodda badnaa ee TPLF waxa uu dhaliyay eedeymo “khiyaamo qaran” ah iyo inqilaab militari. Suurtagal ma tahay in xiisadahan soo kordhay ay horseedaan rabshado cusub xilli goor dhow uun laga soo kabtay mid ka mid ah colaadihii ugu dhimashada badnaa qarnigan, kuwaas oo ay ku naf waayeen dad lagu qiyaasay 600,000 oo ruux? – Waa maxay TPLF? – Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa maamulaysay guud ahaan Itoobiya ku dhawaad soddon sano, illaa uu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, oo aan ahayn Tigray, xukunka la wareegay 2018-kii. La wareegiddii xukunka ee Abiy ayaa dhalisay bilooyin ay xiisad ka dhex taagnayd isaga iyo hoggaanka TPLF, taas oo ugu dambayn ku kalliftay Abiy inuu ciidamo u diro Tigray bishii November 2020, isagoo ku eedeeyay ciidamadooda inay weerareen xeryo ay lahaayeen ciidamada federaalka. Tani waxay hurisay dagaal labo sano socday oo u dhexeeyay fallaagada Tigrayga iyo ciidamada dowladda oo ay taageerayeen maleeshiyaad iyo ciidamada Eritrea, kaas oo ugu dambayntii lagu soo afjaray heshiis nabadeed bishii November 2022, oo loo yaqaan Heshiiskii Pretoria. Maamul ku-meel-gaar ah oo cusub ayaa laga unkay Tigray, waxaana hoggaamiye looga dhigay ruug-caddaa TPLF ka tirsan, Getachew Reda, iyadoo ay kormeeraysay dowladda federaalka. Hase ahaatee, bilooyinkii u dambeeyay waxaa soo ifbaxay khilaaf u dhexeeya Getachew iyo hoggaamiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael. – Maxay isku hayaan? – Getachew ayaa wajahaya dhaleecayn la xiriirta dib-u-dhac ku yimid dhaqan-gelinta heshiiskii nabadda — gaar ahaan ka saarista ciidamada Eritrea ee dhulka Tigrayga iyo dib-u-celinta hal milyan oo qof oo dagaalka ku barakacay. Ciidanka Difaaca Tigray (TDF) ayaa markii hore dhexdhexaad ka ahaa is-qabqabsiga u dhexeeya Getachew iyo Debretsion. Balse warqad la shaaciyay Talaadadii, ayaa “hoggaanka sare ee ciidamada hubaysan ee Tigray” waxa ay ku eedeeyeen maamulka ku-meel-gaarka ah “in uu meel iska dhigay danta qaran ee shacabka Tigrayga, isla markaana uu ku kacay falal khiyaamo qaran ah”. Khabiir ajnabi ah, oo diiday in magaciisa la xuso, ayaa ku qiyaasay in ku dhawaad 200 oo taliye ay taageersan yihiin warqadda. Warqadda, waxay ku taageereen go’aan ay soo saartay TPLF sannadkii hore, kaas oo loogu baaqayay in Getachew laga xayuubiyo xilka hoggaamiyaha gobolka — mooshin ay xannibtay dowladda federaalka ee Abiy. Getachew ayaa sheegay in warqadda cusub loogu talagalay “in si cad loogu dhawaaqo afgambi, isla markaana lagu wiiqo Heshiiskii Pretoria”. Kjetil Tronvoll, oo ah cilmi-baare khilaafaadka ka faallooda, kana tirsan Kulliyadda Jaamacadda Bjorknes ee Norway, ayaa sheegay in “khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira TPLF” iyo “wax-qabad la’aanta dowladda federaalka ee ku aaddan fulinta Heshiiskii Pretoria” ay sii xoojinayaan xiisadaha. Waxa uu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in saddexda arrimood ee ugu waaweyn ay yihiin “laba-wajiilenimo awoodeed, kala aragti duwanaansho dhanka mabda’a ah, iyo gacan ku haynta kheyraadka,” gaar ahaan dahabka. – Xaaladdu intee bay ka sii dari kartaa? – Ilo-wareed dhanka ammaanka ah, oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa u sheegay AFP in “kooxda taageersan Debretsion ay dhaqdhaqaaqyo samaynayso, balse khatarta amni ay xaddidan tahay — ma filayo in rabshado baahsan ay qarxaan, dadku aad bay uga daaleen dagaal.” Tronvoll ayaase rajo xumo ka muujiyay, isagoo ka digay in khilaafku uu “isu rogi karo rabshado”. “TDF ayaa horay u kala qabatay labada dhinac, waxa ayna uga digtay inay sii hurinayaan colaadda, balse hadda waxa ay u muuqataa in khilaafkii siyaasadeed uu dhex galay TDF,” ayuu yiri. Khabiirkii ajnabiga ahaa ee aan la magacaabin ayaa sheegay in xaaladdu ay tahay “mid aad looga naxo”. “Dhinaca Getachew waxa uu u arkaa mowqifka militariga mid ah iclaamin dagaal — dadkuna waxay bilaabeen inay lacag kala baxaan bankiyada, ayna kaydsadaan raashin,” ayay tiri, iyadoo intaa ku dartay in mowqifka Ra’iisul Wasaare Abiy uu u badan yahay inuu noqon doono mid go’aan qaadasho leh. Jonah Wedekind, oo ah cilmi-baare ka tirsan machadka Arnold Bergstraesser ee Jarmalka, ayaa sheegay in xaaladdu ay labada dhinacba ka dhigi karto kuwo tabar-daran. “Ma cadda in TPLF ay weli awood ku leedahay inta badan shacabka, iyo in maamulka ku meel gaarka ah loo arko mid si sharci ah u matala dadka Tigray marka la eego dowladda federaalka,” ayuu yiri. “Muuqaalka siyaasadeed ee Tigray hadda waxa uu u muuqdaa mid kala daadsan si aan horay loo arag.”
  13. Photo by: Timon Schneider / Alamy The newly installed director of the State Department’s Office of Foreign Assistance sent a global cable Friday that orders an immediate pause on new foreign aid spending, as well as a stop-work order for existing grants and contracts. United States aid officials and experts who reviewed the document told Devex that the new guidance intensifies U.S. President Donald Trump’s recent executive order, which placed a 90-day pause on aid spending and could sow “chaos” throughout U.S. aid programs. “Effective immediately, Assistant Secretaries and Senior Bureau Officials shall ensure that, to the maximum extent permitted by law, no new obligations shall be made for foreign assistance until such time as the Secretary shall determine, following a review,” reads the memo, which was sent by recent Trump appointee Peter Marocco and seen by Devex. “For existing foreign assistance awards, contracting officers and grant officers shall immediately issue stop-work orders, consistent with the terms of the relevant award, until such time as the Secretary shall determine, following a review. Decisions whether to continue, modify, or terminate programs will be made following this review.” The memo, sent to all diplomatic and consular posts — and known as an ALDAC — adds that no new requests for proposal, requests for application, notices of funding opportunities, or “any other kind of solicitation or request for foreign assistance funding” should be published by the State Department or USAID “until each has been reviewed and approved by F as consistent with the President’s policy.” “No new funds shall be obligated for new awards or extensions of existing awards until each proposed new award or extension has been reviewed and approved by F as consistent with the President Trump’s agenda,” the memo reads. F refers to the Office of Foreign Assistance, which coordinates U.S. foreign aid and provides strategic direction of USAID from the State Department. The U.S. aid community has been waiting anxiously for additional guidance about Trump’s executive order on “Reevaluating and Realigning United States Foreign Aid,” which was issued Monday, the first day of his second term as president. The guidance issued on Friday struck some experts as a more disruptive and extreme version of what was expected. “It causes chaos in the system. Globally,” a former senior USAID official told Devex. “It effectively halts almost all foreign assistance. And sends USAID into a tailspin along with its partners,” they added. A current senior USAID official told Devex that the guidance clearly puts the secretary of state “in the driver’s seat” in carrying out the review. The memo — which was approved by Secretary of State Marco Rubio — directs that within 30 days the director of the policy planning staff at the State Department shall “develop appropriate review standards” to “ensure that all foreign assistance is aligned with President Trump’s foreign policy agenda and that data regarding all foreign assistance spending in the future is aggregated and inputted into a comprehensive internal Department repository.” “Across the United States government, it is currently impossible to access sufficient information in one place to determine whether the foreign assistance policies and interests supported by appropriations are not duplicated, are effective, and are consistent with President Trump’s foreign policy,” it states. Within 85 days of Friday’s memo, “the government-wide comprehensive review of all foreign assistance shall be completed, and a report shall be produced to the Secretary of State for his consideration and recommendation to the President,” it reads. Friday’s memo notes that the secretary of state has approved several waivers to the foreign aid pause. These relate to “foreign military financing for Israel and Egypt and administrative expenses, including salaries, necessary to administer foreign military financing;” “emergency food assistance and administrative expenses, including salaries, necessary to administer such assistance;” “on a temporary basis, salaries and related administrative expenses, including travel, for U.S. direct hire employees, personal services contractors, and locally employed staff;” “legitimate expenses incurred prior to the date of this ALDAC under existing awards or legitimate expenses associated with stop-work orders;” and “exceptions to the pause approved by the Director of Foreign Assistance.” Notably absent from the waivers approved so far are critical global health programs such as PEPFAR, the U.S. flagship global HIV program. “This is a halt to work that is saving lives around the world,” said Asia Russell, executive director of Health GAP, an advocacy group that works to ensure HIV patients have access to medicines. “It’s cruel, it’s anti-science, it’s anti-human rights, and it’s completely unnecessary,” she said. Not everyone was surprised by the stop-work order. “They’ve been communicating this for quite a while,” said Olga Wall, a government procurement expert and CEO of Avallon Consulting. “I’m surprised that people are surprised.” Wall said the impetus now is on global development organizations to help USAID defend their programs by tying them to President Trump’s foreign policy objectives — particularly since USAID is short-staffed. “You have to be able to pull together as a community. We are not strangers to responding to emergencies. … Treat that as any other emergency and pull together all of your resources and your brain trusts to defend the programs that you believe in,” she said. Source: Devex The post Trump administration orders USAID to stop all work appeared first on Puntland Post.
  14. Saacadihii la soo dhaafay waxaa warbaahinta dunida qabsaday war uu soo saaray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaas oo ahaa inuu ka shaqaynayo in dadka marinka Qasa ku nool dalal kale loo raro. Trump ayaa sheegay inuu boqorka Urdun kala hadlay qorshe uu ku doonayo in lagu dhiso guryo la dejiyo in in ka badan 1 milyan oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo laga rarayo marinka Qasa, lana geynayo dalal kale, taasoo ah soo jeedin la yaab leh oo kamida qorshaha Madaxweynaha Maraykanka ee ku aaddan Qasa. Sidoo kale mar wax laga waydiiyay faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan wada-hadalkii dhex maray asaga iyo boqorka Cabdallaha Urdun, Trump wuxuu sheegay in uu boqorka ka codsaday in uu Falastiiniyiin dheeraad ah geeyo dalkiisa. “Waxaan ku iri waxaan jeclaan lahaa inaad wax badan qaadato, sababtoo ah waxaan hadda eegayaa marinka Qasa oo dhan, waana jahwareer, waa qas dhab ah,” ayuu warfiyeenka u sheegay madaxweyne Donald Trump. Dalalka Masar iyo Jordan ayaa horay u diiday qorshe uu waday maamulkii madaxweyne Biden, kaas oo lagu doonayay in dadka ku nool marinka Qasa loo raro dhulkooda iyo meelo kale oo gobolka kamid ah. Source: goobjoog.com
  15. Gaza (Caasimada Online) – Toddobaad gudihiis, markii labaad ayay Xamaas u adeegsatay munaasabadda wareejinta la haystayaasha Israel ee ay ku wareejinaysay Hay’adda Laanqayrta Cas (Red Cross) si ay u muujiso in ay weli tahay xoog weyn oo ka arrimiya Marinka Gaza, inkastoo 15 bilood oo dagaal ah uu khasaare naf iyo maalba ah gaarsiiyay kumanaan ka mid ah dagaalyahanadeeda iyo dad rayid ah, magaalooyinkana uu burburiyay. Wareejintii afar la hayste oo dhacday Sabtidii ayaa ka sii bandhig badnayd tii Axaddii hore, markaas oo la sii daayay saddex haween ah oo la hayste ahaa. Sabtidii, Xamaas ayaa masrax ka taagtay Fagaaraha Falastiin ee badhtamaha Magaalada Gaza – oo ah deegaan ay aafeeyeen duqeyntii cirka iyo duullaankii dhulka ee Israa’iil. Masraxa ayaa waxaa ku dhegganaa boor ay ku qoran tahay farriin luuqadda Hibrew-ga ah oo u qornayd: “Sahyuuniyaddu ma guulaysan doonto”. Boqolaal dagaalyahanno huwan maaskaro, xiran tuute, iyo dad rayid ah ayaa isugu soo baxay goobta agagaarkeeda. Masraxa dushiisa, Xamaas ayaa ku qabatay munaasabad saxiix ah oo u dhaxaysay mid ka mid ah xubnaheeda iyo wakiil ka socday Hay’adda Laanqayrta Cas, oo markii dambe la wareegtay afartii la hayste. La haystayaasha, oo dhammaantood ahaa askar ka tirsan ciidanka ilaalada xuduudaha, kana howlgeli jiray saldhig ku yaalla xadka Gaza, laguna afduubtay saldhiggaas 7-dii Oktoobar 2023, xilligii weerarkii ay Xamaas horkacaysay ee lagu qaaday Israa’iil, ayaa fagaaraha yimid iyagoo la socda kolonyo ka kooban gawaari SUV ah oo kuwa dhexdhexaadka ah. Waxaa lagu soo kaxeeyay masraxa, iyagoo xiran dareys ciidan, taasoo u muuqatay in loogu talo-galay in lagu muujiyo in la haystayaashani yihiin askar, ee aysan ahayn rayid. Dagaal-yahanno sita kaamarado qaali ah ayaa daba socday la haystayaasha, iyadoo laga yaabo in ay duubayaan muuqaal lagu baahin doono baraha bulshada. Masraxa dushiisa, la haystayaasha ayaa dhoollacaddeeyay oo u gacan haatiyay dadweynihii farxadda la qaylinayay ee u sacbinayay, halka dagaal-yahanada Xamaas ee hubaysan ay garab taagnaayeen. Hay’adda Laanqayrta Cas ayaa sheegtay inaysan wax faallo ah ka bixinayn hawlgallada socda. Admiral Daniel Hagari, afhayeenka ciidamada Israa’iil, ayaa sheegay in Xamaas ay caddaysay “arxan-darradeeda” intii lagu jiray wareejintii Sabtidii, taas oo uu ku tilmaamay “munaasabad ujeeddooyin siyaasadeed leh.” Saraakiisha Israa’iil ayaa sheegay in Xamaas ay ku qasabtay la haystayaasha inay dhoolla-caddeeyaan oo ay gacan haatiyaan, taasoo qayb ka ah ol’ole borobogaando ah oo loogu talo-galay in lagu gudbiyo farriin ah in kooxdu ay si wanaagsan ula dhaqmayso maxaabiisteeda. Wareysi dhawaan ay siisay telefishin Israa’iili ah, Chen Goldstein-Almog, oo ahayd la hayste Israa’iili ah oo la sii daayay November 2023, ayaa sheegtay in markii iyada iyo gabadheeda, Agam, la sii daayay, lagu wareejiyay gaari ay lahayd Hay’adda Laanqayrta Cas oo ay ku hareeraysnaayeen dad badan. “Waxaan xasuustaa in Agam ay igu tiri: ‘Hooyo, maanta ayaynu dhimaneynaa’,” ayay tiri, iyadoo dib u xasuusanaysa dhacdadaas. “Waxay ahayd arrin cabsi badan ilaa daqiiqaddii ugu dambeysay.” Wareysi uu bixiyay kadib sii-dayntii la haystayaasha ee Axaddii hore, Yves Daccord, oo ah agaasimihii hore ee guud ee Hay’adda Laanqayrta Cas, ayaa sheegay in wareejinta la haystayaasha ay tahay inay ka dhacdo meel deggan, oo ka fog dadweynaha. “Guud ahaan, sida ugu habboon waa in aysan jirin dad badan,” ayuu yiri Mr. Daccord. Sii daynta la haystayaasha goob fagaare ah oo ay dad badan isugu soo baxeen, ayuu raaciyay, waxaa ku lamaanan khataro iyo xaalado lama filaan ah. Dhakhaatiirta reer Israa’iil ee u dooda la haystayaasha Gaza ayaa ka digay in hab-maamuuska wareejinta oo fawdo ah ay kicin karto xusuus xanuun badan oo ku saabsan waayihii ugu horreeyay ee la haystayaasha ay ku qaateen Gaza, markaasoo dagaal-yahanada qaar ka mid ah ku soo dhex mariyeen dad qeylinaya. “Sii dayntu waxay dib u soo noolaynaysaa, ilaa xad, xanuunkii afduubka,” ayuu yiri Dr. Hagai Levine, oo ah madaxa kooxda caafimaadka ee Madasha Qoysaska La Haystayaasha iyo Dadka La La’yahay, oo ah urur Israa’iili ah. Tan iyo markii heshiiskii xabad-joojinta ee u dhexeeyay Xamaas iyo Israa’iil uu dhaqan galay Axaddii hore, Xamaas ayaa si weyn u dadaalaysay sidii ay u muujin lahayd in ay weli tahay xoogga ugu weyn ee Falastiiniyiinta ee ka jira Gaza, iyadoo dagaal-yahanada ay dhoolla-tus ku marayeen badhtamaha magaalooyinka, saraakiisha booliiskuna ay joogaan isgoysyada. Ma cadda tirada dagaalyahannada, saraakiisha booliiska, xafiisyada dawladda, iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee ka badbaaday dagaalka, laakiin iyadoo munaasabadda wareejinta si fagaare ah loo muujiyey, Xamaas ayaa si cad u sheegtay inay weli ka taliso qaybo ka mid ah Gaza oo ay ka dhaceen qaar ka mid ah duqeymihii ugu khasaaraha badnaa ee dagaalka.
  16. OSLO, Norway (HOL) —Two Somali-born sisters have been sentenced to prison in Norway for their involvement with the Islamic State (ISIS) nearly a decade after secretly fleeing the country as teenagers to join the extremist group in Syria. Source: Hiiraan Online
  17. MINNEAPOLIS, Minnesota (HOL) — A Savage, Minnesota woman pleaded guilty on Friday to her role in defrauding a federally funded child nutrition program during the COVID-19 pandemic. The scheme is part of the nation's largest pandemic-related fraud case, which misappropriated $250 million intended to feed underserved children. Source: Hiiraan Online
  18. Fardowsa Abdi Aden spent most of her life in an Ethiopian refugee camp until arriving in Minnesota last Friday to reunite with her sister and mother. Source: Hiiraan Online
  19. Mogadishu (AFP) – A strange sight appears on the streets of Mogadishu: a figure dressed all in black, including a cowboy hat, riding a horse through the beeping traffic of tuk-tuks and motorbikes. Source: Hiiraan Online
  20. Madaxweyne Cirro, jihadii siyaasadeed wuu beddelay Marka la joogo dibloomaasiyadda… “Maqaalkan waxa aan ku milicsanayaa safarka Madaxweyne Cirro ee Imaaraadka. Dib aan kugu celiyo safaradii madaxweynayaashii ka horreeyeey Madaxweyne Cirro xagay(dalalkii) ku tageen: 1. Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin, safarkiisi ugu horreeyeey, oo ahaa sannadkii 2002-dii, waxa uu ku tegay Dalka Jabuuti; waqtigaas Madaxweyne Cigaal(Ahun), waxa uu xidhay xadka uu dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti. Wakhtigaas waxa loo diiday wefti ka socday Dalka Jabuuti, oo doonayeey in ay ka qaybgalaan aaskii Madaxweyne Cigaal. Balse, markii Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin xilka qabtay, xadka dib ayuu uu furay; safarkiisi kowaadna waxa uu ku bilaabay Dalka Jabuuti; isagoo dhinaca kale iska taagay siyaasaddii uu Madaxweyne Cigaal kula dhaqmay Dalka Jabuuti. 2. Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo(ahun), safarkiisi ugu horreeyeey, oo ku taariikhaysna sannadkii 2010-kii waxa uu ku tegay Dalka Jabuuti, isagoo uu arkayey in Jabuuti tahay albaab uu ka geli karo Afrika. 3. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, safarkiisi ugu horreeyeey waxa uu ahaa sannadkii 2017-kii, oo uu ku tegay Dalka Jabuuti; oo uu uga mahadnaqayeey in ay dhiseen tartankii doorashada. Bulshada Somaliland, waxa ay isha ku haysay, oo is weydiinaysay dalka uu Madaxweyne Cirro ku tegayo safarkiisa ugu horreeyaa. Waxa loo sadaalinayeey inuu Jabuuti ama Itoobiya midkood ku tegayo safarkiisa ugu horreeya. Labadaas dal baa labadoodubu isku dayayeey inuu ku horreeyo. Madaxweyne Cirro, jihadii siyaasadeed wuu beddelay, oo waxa uu doortay Dalka Imaaraadka. Marka la joogo dibloomaasiyadda, waxa uu abaaray halkii ugu habboonayd, ee ugu wanagsanayd laba sababood dartood: 1. Imaaraadka waxa lagu karkariya siyaasadda Bariga Dhexe iyo midda Geeska Afrika. 2. Imaaraadku waxa uu Somaliland la leeyahay xidhiidh ballaadhan. Safarkan waxa aynu ka akhrin karna in Madaxweyne Cirro uu rabo in Imaaraadka, Jabuuti iyo Ethiopia, uu saddexdoodaba gacan dibloomaasiyadeed ku hayo. Haddaba safarkan Madaxweynaha, waa safar waxbadan laga rejaynayoo; doorashada uu doortay Madaxweyne Cirro, waa talaabadii ugu habboonayd ee loo qaaday dhinaca siyaasadda arrimaha dibadda. Madaxweyn Cirro, waxa aan ku hambalyeynaya safarkaas uu ku ibo-furay Dalka Imaaraadka. Waxa aan kusoo gebogebaynayaa ballaysinkii Jabuuti, ee saddexda Madaxweyne ee ka horreeyeey, oo laga jooggo muddoo saddex iyo labatan sanno ah lagama helin wixii aynu uu baahnayn.” WQ- Xoghayaha Guud ee Gollaha Wakiillada: Garyaaqaan Cabdirisaaq Siciid Ayaanle Qaran News
  21. Mesegawaa (Caasimada Online) –Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyey dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Mesegawaa ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in Al-Shabaab jab culus lagu gaarsiiyey maanta. Afhayeenka oo shir jaraa’id ku qabtay meel duur ah ayaa sheegay in weerarkii Al-Shabaab ay fashiliyeen dadka deegaanka oo xogtooda u soo gudbiyey ciidanka. Sidoo kale, Afhayeenka Gaashaandhigga Soomaaliya wuxuu xaqiijiyey in dadka deegaanka ay ka qeyb qaateen dagaalka, taasi oo fududeysay in Shabaab ay dagaalka ku jabaan. Kooxda Al-Shabaab ayaa weerarkaas qaaday waaberigii hore ee saakay, balse waxaa la sheegay inay ku soo dhaceen fariisimihii ay ku ogaayeen ciidanka oo loo baneeyey. Al-Shabaab waxaa u qorsheysneed inay dagaalka bilaabaan inta aan la gaarin salaadii subax ee saakay, balse ciidanka oo ka aag bedeshay goobihii ay horay u deganaayeen ayaa jebiyey kooxda. Dagaalka ayaa u bilowday markii ay qoraxdu soo baxday sidii ay u qorsheeyeen ciidamada xoogga dalka oo garab militeri iyo mid xooraan ka helaya dadka deegaanka, waxaana u suurtagashay in kooxda ay jebiyaan. Khasaaraha ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ka soo gaaray ayaa ahaa mid aad u kooban, sida ay saraakiishu noo xaqiijiyeen, halka Al-Shabaab ay ku baaba’een dagaalkii maanta, maadaama uu fashilmay qorshihii ay dejiyeen. Sidoo kale, Ciidamada Xoogga waxaa saaciday diyaaradaha dagaalka oo kor ka tooganayey firxadka Shabaab-kii weerarka soo qaaday. Maanta oo dhan waxaa aagga deegaanka Mesegawaa ee gobolka Galgaduud ka socday baacsiga firxadka Al-Shabaab, waxaana dhulka howdka ah daadsan meydadka maleeshiyaadkii kooxda oo jab culus kala kulmay dagaalka. Hoos ka daawo
  22. Xukuumadda Puntland ayaa soo saartay go’aanno ku saabaan Xakamaynta ajaanibta sharci la’aanta ah ee ku sugan degaannada Puntland, si looga hortago in kooxaha Argagixisadu u adeegsadaan falal amni-darro. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu mamnuucay in Laga bilaabo maanta oo taariikdu tahay 25 Janaayo 2025 aysan degaanna Puntland joogin karin ajaanib sharci la’aan ah, islamarkaana aan guri laga kirayn karin wax shaqo ahna la siin karin. “Laga bilaabo maanta oo taariikdu tahay 25 Janaayo 2025, qof aan si sharci ah ku joogin Puntland, guri lagama kirayn karo, Lambar looma furi karo, lamana shaqaalaysiin karo. Cidkasta oo hawlahaas fududaysana waxaa loo aqoonsanayaa inay faldambiyeed gacanta kula jirto” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka. Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa sidoo kale mamnuucday dhammaan tuugsiga waraaqaha lambaradu ku qoranyihiin in lala istaago goobaha dadweynaha sida masaajidada, waddooyinka iyo goobaha ganacsiga hortooda, sida ku cad Warsaxaafadeedka. Dowladda Puntland ayaa sidoo kale mamnuucday in shirkadaha isgaarsiinta ay Telefoono u furaan ajaaniibta aan haysan aqoonsi rasmi ah iyo damiin la yaqaan, waxaana ay fartay dhammaan shirkadaha isgaarsiinta in ay si deg deg ah u xiraan akoonada iyo Lambarada lagu tuugsado hadda shaqeeya. “Waxaa la mamnuucay in shirkadaha isgaarsiinta ay Telefoono u furaan ajaaniibta aan haysan aqoonsi rasmi ah iyo damiin la yaqaan. Waxaa la farayaa shirkadaha isgaarsiinta in ay si deg deg ah u xiraan akoonada iyo Lambarada lagu tuugsado hadda shaqeeya” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland. Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Xukuumadda Puntland oo go’aanno adag ka soo saartay ajaanibta sharci la’aanta ku jooga degaannada Puntland appeared first on Puntland Post.
  23. Dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegtay in ayadoo xeerinaysa duruufaha amni ee ka jira deegaanadeeda ay mamnuucday soo galootida sharci-darrada ah iyo dadka tuugsanaya ee wada warqadaha numberadu ku qoranyihiin. War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu yiri: “Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland iyada oo xeerinaysa nabaddgelyada iyo badqabka dadka iyo hantidooda waxay soo saartay qodobada hoos ku xusan:- 1. Iyada oo laga duulayo khataraha amni ee jira waxaa reeban inay ajaaniibtu Puntland ku soo gasho sifo aan sharci ahayn. 2. waxaa la mamnuucay dhammaan tuugsiga waraaqaha lambaradu ku qoranyihiin in lala istaago goobaha dadweynaha sida masaajidada, waddooyinka iyo goobaha ganacsiga hortooda. 3. waxaa la mamnuucay in shirkadaha isgaarsiinta ay Telefoono u furaan ajaaniibta aan haysan aqoonsi rasmi ah iyo damiin la yaqaan. Waxaa la farayaa shirkadaha isgaarsiinta in ay si deg deg ah u xiraan akoonada iyo Lambarada lagu tuugsado hadda shaqeeya. 4. Laga bilaabo maanta oo taariikdu tahay 25 Janaayo 2025, qof aan si sharci ah ku joogin Puntland, guri lagama kirayn karo, Lambar looma furi karo, lamana shaqaalaysiin karo. Cidkasta oo hawlahaas fududaysana waxaa loo aqoonsanayaa inay faldambiyeed gacanta kula jirto. 5. Waxaa la mamnuucay ganacsiyada yar yar ee aan sharciyeysnayn ee suuqa lala wareego”. Source: goobjoog.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa ka hor yimid in ciidamada macawiisleyda beesha Xawaadle loo diro galbeedka gobolka Hiiraan, halkaas oo la qorsheynayo in maalmaha soo socda laga xoreeyo kooxaha Khawaarijta ah. Taliyaha NISA, Hoggaamiyaha Ciidamada Macawiisley Cali Jeyte, Taliye ku xigeenka ciidanka Dhulka Jeneraal Khaalid iyo masuuliyiin kale ayaa ku sugan aagga degmada Buuloburde, halkaas oo maanta looga dhawaaqay dagaal ka dhan ah argagixisada. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa ka horyimid qorshaha socda, wuxuuna sheegay in macawiisleyda beesha Xawaadle ay khatar ku yimiin beeshiisa Gaaljecel. Wuxuu sheegay in dad iyo deegaan toona aysan dhaafi doonin ciidamada beesha Xawaadle, hadii wabiga ay uga talaabaan dhinaca galbeed. Jeesow ayaa ku dooday in Hooyadii iyo walaalihii ay degan yihiin deegaanada ay joogaan Al-Shabaab, isla markaana ciidamada beesha Xawaadle aysan cafi doonin, isagoo ka niyad jabsan in shacabka iyo Shabaab isku si loo dilo. Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa u jawaabay hoggaamiye Cali Jeyte oo maanta ku baaqay in Shabaab la iska soo afjaro, isagoo toos ugu hanjabay dadka ku dhex nool kooxda Al-Shabaab. “Al-Shabaab Hooyadey iyo Aabaheey ayaa la joogo, kamana tirsana, hadalka Cali Jeyte waa kicin, Macawiisleeydii isbaaradu u tiilay deegaanada bari ee gobolka Hiiraan, in hadana la dhaho Galbeed ayaa loo soo rarayaa oo isbaarooyin kale ay dhiganayaan fikir saliim ah ma ahan” ayuu yiri Jeesow. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo wareysigaan siiyey TV-ga Shabeelle ayaa tusaale u soo qaatay labo wiil oo ka soo jeeday beesha Gaaljecel, kuwaas oo macawiisleyda beesha Xawaadle ay xaniyaha ka jareen, iyagoo ku eedeynaya Al-Shabaab. Sidoo kale, arrinta isbaarada oo macawiisleyda aad loogu eedeeyo ayuu walwal ka muujiyey Xildhibaan Jeesow, “Dhib ka dulqaad oo dhib kale urar ayaa heysata dadkeyga,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo digreeto soo saaray ayaa maanta xil sare u magacaabay Marwo Aamina Axmed Samatar (Keyf), taas oo noqotay Isu-duwaha Arrimaha Haweenka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XJFS (Gender Coordinator OPM). Aamina oo ah gabar dhalinyaro ah oo firfircoon ayaa horay uga shaqeysay hay’ado kala duwan oo dowladda ah, waxaana hadda loo xushay arrimaha haweenka. “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay marwo Aamina Axmed Samatar Isu-duwaha Arrimaha Haweenka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XJFS (Gender Coordinator OPM)” ayaa lagu yiri wareegtada. Dhinaca kale waxaa magacaabistaan ka dhalatay hadal-heyn xooggan, waxaana ka fal-celiyay qaar kamid ah dadweynaha isticmaala baraha bulshada. Seerjito Looyaan ” Maxaa qasab ka dhigaya Geneder maxaa loo isticmaali waayey *WOMEN* Ra’iisul wasaaraha dhiiqadan yaa gelinooyo?”. Axmed Cabdi “Haweenka xafiiska jooga oo la isku duwaa mindhaa tiro badanaa” Xaakim Cadnaan “Masha allah hambalyo agaasime Aamin Keyf Axmed waad u qalantaa booskaan qof kaaga habboona ma lahan guuleyso habo”. Kamaal Xuseen “Dadka mushaarka toos usiiya maxa noo bareesiin”. Raage Aadan Cali “Oo odaygu ma xafiis haweenka loogu soo aruuriyo buu leeyahay”.