-
Content Count
211,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mogadishu (HOL) – Somali Security Minister Abdullahi Sheikh Ismail Fartaag met with traditional elders, youth, and women's organizations in Garbaharey district, Gedo region, on Sunday to rally support for the federal government's plan to implement a one-person, one-vote electoral system. Source: Hiiraan Online
-
A joint team of police from the Special Operations Group, those from the Border Patrol Unit and those from Kotulo were on patrol on the route following reports there were al Shabaab militants operating there. Source: Hiiraan Online
-
Washington (Caasimada Online) – Diyaarad dagaal oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa lagu soo riday badda cas, kadib markii uu si kama ah u toogtay” Markab Mareykanku leeyahay”, sida ay sheegeen militariga Mareykanka. Laba duuliye oo ka tirsan Ciidanka Badda Mareykanka ee F/A-18 Hornet ayaa si nabad ah uga badbaaday, iyadoo mid ka mid ah uu soo gaaray dhaawac fudud, sida uu sheegay Taliska Dhexe. Dhacdadan ayaa timid kadib markii Mareykanka uu qaaday weeraro is xigxigay oo dhanka cirka ah oo lala beegsaday goob lagu keydiyo gantaallada iyo xarumaha laga hago ee caasimada Yemen ee Sanca oo ay maamulaan maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran. Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa intaa ku daray in ay sidoo kale duqeeyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta iyo gantaallada lidka maraakiibta badda cas. War qoraal ah oo ka soo baxay taliska dhexe ee Mareykanka ayaa lagu xaqiijiyay in shilku si kama ah u dhacay oo aanu ku tala gal ahayn. “Markabka laga rido gantaallada la hago ee USS Gettysburg, oo ka tirsan kooxda USS Harry S Truman Carrier Strike Group, ayaa si qalad ah u ridey oo ku dhuftay diyaaradda F/A-18, taasoo duuleysay hawada USS Harry S Truman,” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray taliska dhexe ee Mareykanka. Ma cadda in diyaaradda la soo riday ay ku lug lahayd howlgalka lagu beegsanayay Xuutiyiinta Yemen. Horey ayaa taliska dhexe ee Mareykanku u sheegay in duqaymaha ka dhanka ah bartilmaameedyada Sanca looga dan leeyahay “in lagu carqaladeeyo laguna wiiqo hawlgallada Xuutiyiinta, sida weerarrada ka dhanka ah maraakiibta dagaalka ee ciidamada badda iyo maraakiibta ganacsi ee ku sugan Koonfurta Badda Cas, gaarahaan Bab al-Mandeb, iyo Gacanka Cadmeed”. Milateriga Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in ay duqeeyeen “dhowr meelood oo ay yaalliin aalado is wado oo Xuuthiyiintu leeyihiin , diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo gantaallada lidka maraakiibta. Xuutiyiinta, oo ah jabhad ay Iran taageerto oo maamula waqooyi-galbeed ee dalka Yemen, ayaa billaabay inay weeraraan maraakiibta Israa’iil iyo kuwa caalamiga ah wax yar ka dib markii uu billowday dagaalka Qasa, toddobadii Oktoobar sanadkii 2023-ka, iyagoo sheegay inay ay garab siinayaan Falastiiniyiinta. Tan iyo bishii Nufeembar 2023-ka, weerarrada gantaallada ee Xuutiyiinta ayaa laba markab ku quusiyay badda cas, kuwa kalena waxyeello u geystay. Waxay ku andacoodeen, inta badan inay beegsadaan maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil ee laga leeyahay Mareykanka iyo Uk. Isha: BBC
-
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu isbadel weyn ku samayn doono siyaasadda arrimaha dibedda ee dalkiisa, islamarkaana uu soo afjari doono dagaallada ka socda meelo badan oo caalamka kamid ah. “waxaana joojin doonaa inaan galno dagaalladii shisheeye ee Maraykanku si qosol leh u gali jirey” ayuu yiri Donald Trump oo ka hadlayay qorshihiisa ku aaddan xasillooni darrada ka jirta dunida oo inteeda badan Mareykanka iyo dalalka kale ee waaweyni saameyn ku leeyihiin. Wuxuu intaa ku daray inuu joojin doono qalalaasaha gobolka Bariga Dhexe iyo dagaalka Ukraine, sidoo kalena uu ka hortagi doono inuu dillaaco dagaalkii saddexaad ee Adduunka. Trump oo horraanta sanadka soo socda xilka la wareegaya ayaa la filayaa inuu qaadi doono tillaabooyin degdeg ah oo uu ku wajahayo xiisadaha ka aloosan dunida, arrimaha soo galootida, isbadelka cilimada, iyo heshiisyada caalamiga ah ee dalkiisu dunida kale kula jiro. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — Abdirizak Omar Mohamed, Somalia’s recently dismissed Minister of Petroleum and Minerals, has linked his removal to disagreements with President Hassan Sheikh Mohamud over addressing long-standing grievances from Hiiraan residents toward the Hirshabelle administration. Source: Hiiraan Online
-
Walaweyn (Caasimada Online) –Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa amar ku bixiyey in lasoo xiro saraakiisha hoggaamisa askar shalay ka soo muuqatay baraha bulshada, iyagoo ka cabanaya mushaar la’aan, kuwaas oo ka tirsan daraawiishata maamulkaas. Xubno ka tirsan booliska degmada Walaweyn ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in maanta xabsiga booliska ee degmadaas lagu xiray afar sarkaal oo hoggaamineysay ciidanka cabashadooda soo bandhigay. Amarka lagu xiray saraakiishaan waxaa bixiyey Laftagareen, waxaana saraakiisha la xiray ugu sareeya Taliye ku xigeenka Daraawiishta Koonfur Galbeed, sarkaal magaciisa lagu sheegay Xuseen Maduul iyo saraakiil kale oo hoggaamineysay ciidanka K/Galbeed ee ka howlgala aagga degmada Walaweyn. Caasimada Online ayaa xalay baahisay cabashada askartaas oo sheegay in muddo dheer ay mushaar la’aan ahaayeen, isla markaana ay dhibaateysan yihiin qoysaskoodii oo ku gaajeysan gobollada Bay iyo Bakool. Ciidamadaan ayaa la sheegay in Laftagareen uu ka soo fogeeyey qoysaskoodii oo degan inta badan gobolka Bay, waxayna ka howlgalaan gobolka Sh/Hoose, gaar ahaan aagga degmada Walaweyn oo dagaal ay ku galeen. Laftagareen ayaa ciidankaan horay ugu adeegsaday dagaal uu maamulkiisu la galay beesha Gaaljecel ee degan Yaaqbariweyne iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolkaas Sh/Hoose, waxaana hadda taagan cabasho ka dhalatay mushaar la’aanta uu dhigay Laftagareen. Ciidamada cabashada soo bandhigay waxaa ka careysiiyey xafladii sanad guurada ee habeen hore uu dhigtay Laftagreen, taas oo ka dhacday Baydhaba, 6-sano ayuu u dabaal-degay oo labo kamid ah ay sharci darro tahay. Sidoo kale maamulka Laftagareen wuxuu maanta xabsiga dhigay wiil TikTok-gar ah, oo dhaliilay xafladii uu dhaqaalaha badan ku dhigtay, iyadoo dadka reer Koonfur Galbeed la daalaa dhacayaan sicir barar adag, cunaqabateynta Al-Shabaab iyo maamul-xumo.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo maanta xilkii laga qaaday ayaa faahfaahin ka bixiyey arrimo uu sheegay inay sababeen xil-ka qaadistiisa, kuwaas oo dhamaantood salka ku haya masiirka HirShabeelle iyo qadiyadda Hiiraan. Wasiir hore Cabdirisaaq Cumar ayaa sababta xilka looga qaaday ku soo koobay kala aragti duwanaasho soo kala dhex gashay isaga iyo Xasan Sheekh, taasi oo ku saabsan tabashada reer Hiiraan, gaar ahaan beeshiisa Xawaadle ay ka qabaan awood qeybsiga maamulka HirShabeelle. Cabdirisaaq iyo Xasan Sheekh ayaa muddo dheer soo ahaa saaxiibo siyaasadeed oo aad isugu dhow, sidoo kale waxaa la sheegay in Cabdirisaaq uu Abti dhow u yahay Xasan Sheekh, markii ay maanta dhacday xilka qaadistaan, waxaa soo yeeray war sheegaya inay isku qabteen lacago si hordhac ah looga helay saxiixa heshiisyadii Shidaalka, balse cadeyn raami ah looma hayo. Qoraalka Wasiir Cabdirisaaq oo faahfaahintiisu aysan dhaafsaneyn kala aragti duwanaasho soo kala dhex-gashay isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqda mid lagu jiheynayo aragtida iyo fahanka arrinkaan ee dadweynaha. Hoos ka akhriso qoraalka Wasiirkii la bedelay ee Batroolka Cabdirisaaq Cumar Maxamed: Waxa laga yaabaa in ay dadku iswaydiinayaan sababta xiligan ku soo aadisay xil ka qaadistayda, iyada oo ay dad badan tuhmayeen in uu jiray xiriir qota dheer oo igala dhexeeyay Madaxweynaha. Waa dhab in uu jiro xiriirkaasi, xil ka qaadistayduna waxa ay ku timid kala aragti duwanaansho la xiriirta sida loo wajahayo xalinta tabashooyinka reer Hiiraan ay ka qabaan maamulka Hirshabeele, tabashooyinkaas oo soo jiray ilaa bilawgii dhismahii HirShabeele, muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh, mudadaas oo xalka loo arkay in maamulka hirshabeele caasimad looga dhigo Buloburde, arintaas oo aan hirgelin, laakiin is afgarad lagu gaaray in Jowhar ay noqoto caasimadda maamulka HirShabeele. Tabashooyinkii oo marba marka ka dambeeyo isa soo tarayay ayaa sii xoogaystay waqtigii uu Maxamed Abdullahi Farmaajo uu dalka Madaxweynaha ka ahaa, iyadoo lagu guul daraystay waqtigaa in tabashada ay qabeen reer Hiiraan xal laga gaaro. Mabda’iyan Madaxweynaha, aniga iyo siyaasiyiinta kale waxaan ka midaysnayn in tabashooyinka ay qabaan reer Hiiraan ay yihiin tabashooyin dhab ah una baahan xal ay qayb ka yihiin maamulka HirShabeele iyo dowladda dhexe. Hase ahaatee waxaa jiray kala aragti duwanaasho ah xalka ugu haboon oo loo xallin karo tabashooyinkaas, aniga waxaan qabay in xalka laga bilaabo reconciliation iyo in beelaha labada deegaan ee ku midaysan maamulka HirShabeele ee leh oday dhaqameed, Culumo iyo siyaasiyiin laga qaybgeliyo kana heshiiyaan sida ay noqonayso HirShabeelada cusub, lagana heshiiyo arrimaha gundhigga u ah tabashooyinka oo ay ka mid yihiin Caasimadda iyo Baarlamaanka HirShabeele. Xalka Tabashooyinka oo aan aniga iyo xildhibaanada isku aragti ka ahayn, ayaa waxaa adkaatay inaan isla fahano Madaxda Hirshabele, taliyaha Sirdoonka iyo Nabad sugidda iyo Madaxweyne JFS. Waana ta sababta u ah Xil ka qaadistayda. Ugu dambayn waxaan halkan ku cadaynayaa in aan ka shaqayn doono Dawladnimada, iyo horumarka Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka HirShabeele.
-
Ankara (Caasimada Online) – Afar qof ayaa geeriyootay kadib markii diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ay ku burburtay isbitaal ku yaalla Koonfur-galbeed ee Turkiga maanta, guddoomiyaha gobolka uu shilkaasi ka dhacay ayaa sheegay in shilkaas ay sababtay ceeryaamo aad u badan oo jirtay. “Diyaarad helikobter ah ayaa dhulka ku dhacday ka dib markii ay ku dhufatay dabaqa afraad ee isbitaalka markii ay kacday,” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Mugla Idris Akbiyik. Sidoo kale wuxuu sheegay in shilkaas ay ku dhinteen laba duuliye, dhakhtar iyo shaqaale saarnaa. “Waxaa jirtay ceeryaamo xooggan, taasi oo sababtay in duuliyuhu uu arki waayo dabaqa hortiisa ah, sidaas ayey diyaaraddu ugu dhacday qeybta 4-aad ee dabaqa,” ayuu yiri Akbiyik, isagoo intaas ku daray in masuuliyiinta ay baarayaan sababta shilka. Diyaaradda helicopter-ka ayaa ku soo kacday xaalad aan si wanaagsan loo arki karin, iyadoo ka soo duushay saqafka sare ee isbitaalka Mugla oo ku sii jeeday magaalada Antalya, sida lagu arkay sawirro uu baahiyay TV-ga NTV. Helikobterka ayaa markaas la arkayay iyadoo ceeryaamo ku dhex jirta dhowr daqiiqo kadib markii ay kacday, ka hor inta aysan ku dhicin meel bannaan oo ku dhow cisbitaalka ay ku dhufatay, sida ay ku warrantay warbaahinta Turkiga. Shilkan ayaa yimid wax ka yar labo toddobaad kadib markii lix askari ay dhinteen kadib markii ay isku dhaceen labo diyaaradood oo helicopter ah xili uu tababar ciidan ka socday gobolka Isparta ee koonfur galbeed dalka Turkiga. Waqtigaas wasaaradda gaashaandhigga ma aysan cadeyn waxa sababay shilkaas, sidoo kale kan maanta dhacay weli kama aysan hadlin.
-
Hargeisa, Somaliland – In a significant step towards national reconciliation, Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdillahi (Cirro) convened a consultative meeting with the leadership of Somaliland’s three major political parties—WADDANI, KAAH, and KULMIYE—at the Presidential Palace. The meeting focused on addressing the country’s security challenges, particularly the ongoing conflicts in Ceerigaabo and the eastern Sool region. During the meeting, President Abdillahi emphasized the critical importance of unity, dialogue, and collaboration between the government and political parties to address national issues and emerging challenges. In his opening remarks, the President expressed gratitude to the party leaders for their participation and congratulated them on their vital roles in the recent elections, which reaffirmed their positions as Somaliland’s recognized national political entities. The President then provided a detailed briefing on the current security situation, specifically highlighting the conflicts in Ceerigaabo and the eastern Sool region. While stressing the government’s unwavering commitment to peace, President Abdillahi reiterated that the administration does not view its citizens as adversaries. However, he underscored the constitutional obligation of the government to protect Somaliland’s sovereignty and defend the nation against any external threats. He affirmed that the National Armed Forces are fully authorized to ensure the security of the country and its people. As a gesture of goodwill, President Abdillahi issued an unconditional call for peace, urging all parties involved in the regional conflicts to prioritize dialogue and unity. called for a collective effort to ensure national stability and resolve ongoing tensions through peaceful means. The leaders of the opposition parties, KAAH and KULMIYE, expressed their appreciation for the consultative forum and the opportunity to engage with the government on key national issues. Both opposition parties pledged their full cooperation with the administration on matters of security, economic development, and societal cohesion. They offered constructive recommendations for resolving the current security challenges and emphasized the need for peaceful dialogue to address conflicts in the affected regions. The opposition leaders also expressed their support for government initiatives aimed at raising public awareness, promoting social harmony, and countering divisive rhetoric. They stressed the importance of strengthening Somaliland’s democratic institutions and empowering political parties to foster intellectual growth while combating clan-based divisions. The leadership of the ruling WADDANI party also praised the consultative approach and reiterated their commitment to working together with all political parties to stabilize conflict-affected areas. They emphasized the importance of collective action in addressing national challenges and ensuring the long-term prosperity of Somaliland. The meeting concluded with a closing address from President Abdillahi, who thanked the leaders for their active participation and collaboration. He described the dialogue as a significant milestone in fostering unity and advancing Somaliland’s national interests. The President highlighted the success of the meeting in promoting mutual understanding and collaboration, which he views as essential for achieving lasting peace and progress. This consultative meeting marks a critical step towards resolving Somaliland’s regional conflicts through peaceful dialogue and political cooperation, reinforcing the government’s commitment to inclusive governance and national stability. Horndiplomat Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta abaal-mariyay mid kamid ah saraakiisha ciidanka maamulkaasi oo dhowaan sheegay in uu diiday inuu hoggaamiyo afgembi ay dooneysay in dowladda federaalka kursiga kaga tuurto Axmed Madoobe. Sarkaalkan ayaa horey u sheegay in dowladda Soomaaliya ay lasoo xiriirtay, ayna usoo dirtay lacag gaareysa 90 kun oo dollar ah, si uu afgembiyo madaxweynihiisa balse uu sheegay inuu iska diiday qorshahaasi. Axmed ayaa maanta sarkaalkan oo lagu magacaabo Dhamme Cabdixakiin Xasan Cartan (Jabuuti) oo ah taliyaha aagga waqooyi ee Kismaayo u dalacsiiyay Darajada Gaashaanle, sida lagu sheegay digreeto ay maanta soo saartay madaxtooyada maamulka Jubbaland. Tallaabadan ayaa si weyn looga fal-celiyay, iyadoo dad badan ay su’aal ka keeneen dalacsiinta uu sameeyay Axmed Madoobe iyo inuu awood u leeyahay inuu derajooyin siiyo saraakiil ka tirsan ciidanka booliska. Haddaba, Sidee looga fal-celiyay? Maxamed Muxiyadiin: “Inta hartay yaanan la kala dirin miyuu isleeyahay markaas buu bilaabay in uu darajo been ku sharxo. Xasan Keeyow oo kamid ah dadka ka fal-celiyay ayaa isna waxa uu yiri “Dowladda federaalka buuqeda ha iska wadato oo caadi ahaa?.” “Oday-gii wajiyadda badnaa maanta waji cusub ayuuba lasoo baxay,” ayuu yiri Cabdifataax Axmed Maxamuud. Shariif Axmed Nuur: “Mina-shiibiyo lee waaye waxaas derejo maaha waa wax aan Kismaayo dhaafsaneyn.” “Gaashaanle inaderka ku siyey oo aanad karti iyo waxqabad midna ku mutaysan xaggee wax kaaga goyn aan ka ahayn kii ku siiyey,” ayuu yiri Kaad Xasan Maxamed. Saabir Cali: “Xasan damac kama lahan Jubbaland ee umadda beenta ka daaya xarig aan shaqeynin ayaad bilad uga dhigeysaan miskinkaan.” Cabdishakuur Sheekh Aadan ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Intaas ma ahan in ku filan askarta Soomaaliyeed balse waa dhoolatus iska yar.” “Sharciyan madaxweyne maamul goboleed oo dhacay darajo ciidan ma bixin karaa?,” ayuu yiri Ugaas Saalaxow.
-
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa soo gabagabeeyay booqasho rasmi ah oo hal maalin qaadatay oo uu ku tagay dalka Itoobiya. Markii uu Macron gaaray dalka Itoobiya, waxaa soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed. Waxaa la sheegay in Ra’iisul Wasaare Abiy iyo Madaxweyne Macron ay ka wada hadleen iskaashiga labada dal iyo arrimaha gobolka. Labada hogaamiye ayaa shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Sabtidii shalay ku sheegay in Macron uu taageerayo dadaalka ay Itoobiya ugu jirto sidii ay dalalka dariska la ah uga heli lahayd marin badeed, iyada oo loo marayo wadahadal iyo shuruucda caalamiga ah. Macron ayaa bogaadiyay heshiiskii Ankara ee ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Soomaaliya, kaas oo ay horraantii bishaan kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Abiy, uuna goobjoog ka ahaa Madaxweyne Erdogan. Xiisadda ka dhalatay heshiiskii is afgaradka ahaa ee u dhaxaysay Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa muran ka abuurtay gobolka Geeska Afrika. Erdogan ayaa heshiiska ku tilmaamay mid taariikhi ah, isagoo rajo ka muujiyay inuu noqon doono tallaabadii ugu horreysay ee nabad iyo iskaashi dhexmara labada dal. Booqashadiisa rasmiga ah ee Sabtidii, Macron wuxuu xusay inuu taageersan yahay dadaalka Itoobiya ee ku aaddan helista marin badeed, wuxuuna caddeeyay in dalkiisu uu gacan ka geysan doono. Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay si weyn uga wadahadleen dadaalka ay Itoobiya ugu jirto sidii loo heli lahaa marinka badda si nabad ah. Maxay ka dhigantahay in madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu taageero helitaanka Itoobiya ee marin badeed Dr Cabdiwali Maxamuud Gureey oo ka faalooda siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah ayaan wax ka waydiinay booqashada madaxweynaha faransiiska Macron iyo waxa ay ka dhigantahay. “Waxaa is badalay si guud xiriirka caalamiga ah iyo sida ay dalalku u danayn jireen Afrika, waana wajiga cusub ee Faransiiska uu rabo inuu ula macaamilo,” ayuu yiri Dr Gurey. Dhanka kale waxa uu soo hadal qaaday in Faransiiska iyo Jabuuti ay si gaar ah u wada xiriiraan oo dano badan ay ka midaysanyihiin. Waxa uu soo hadal qaaday bogaadinta madaxweyne Macron ee Itoobiya iyo in uu ku garab istaagayo helista marin badeed. “Faransiiska waxa uu kamid yahay dowladaha Itobiya u soo dhisayay ciidanka badda, taas ayaana keenaysa inay ku taageerto helista marin biyood, waxbadan ayayna wadaagaan labadaas dal,” ayuu yiri Dr Cabdiwali Maxamuud Gureey. Falaqeeyaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday in heshiiskii u danbeeyay ee Itoobiya iyo Soomaaliya ee dhanka muranka badda uu wali sugayo in la horkeeno labada aqal ee baarlamaanka. Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa sheegay inuu aad ugu mahadcelinayo dowladda Faransiiska taageerada ay ka geysaneyso dib u habeynta xarunta qaranka iyo dayactirkeeda. Dhankiisa, Macron waxa uu farriin ku qoran afka Amxaariga ku daabacay boggiisa X waxa uuna sheegay in “Xiriirka labada dal uu yahay mid ku salaysan taariikh iyo mashaariic ay wadaagaan. Macron waxa uu intaa ku daray in dalkiisa, France, ka qayb qaadan doono “si loo taageero casriyaynta dib u habaynta dhaqaalaha Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Pretoria, kaas oo saldhig u ah nabadda iyo xasilloonida Tigrayga. Macron waxa uu sheegay in Faransiiska ay ka go’an tahay taageerada muwaadiniinta ay saameeyeen colaadaha Itoobiya. Dhanka kale waxa uu muujiyay taageerada uu u hayo qaab dhismeedka dib u habaynta dhaqaalaha Itoobiya oo uu tilmaamay in ay dhici karto in deyn lagu dhammeeyo “toddobaadyada soo socda,” sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters. “Toddobaadyada soo socda, waxaan ka shaqeyn doonaa si aan u dhameystirno 3 bilyan oo deynta Euro ah,” ayuu yiri Macron, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Reuters. Qoraalka sawirka,Madaxweynaha Faransiiska ayaa soo gabagabeeyay safarkiisa Itoobiya Abiy iyo Macron waxay booqdeen Qasriga Qaranka ee dhawaan dib u habeyn lagu sameeyay. Qasriga qaranka oo lagu dhisay 25 milyan oo Yuuro oo ay bixisay hay’adda horumarinta ee dawladda Faransiiska, ayaa la filayaa in dhawaan loo furo dadweynaha. Nashqadeeyayaal Faransiis ah iyo xirfadlayaal kale ayaa ka qeyb galay dabaaldega, ayuu yiri Macron. Waa markii labaad ee Emmanuel Macron uu booqdo Itoobiya lixdii sano ee ugu dambeysay. Madaxweynaha Faransiiska oo isku maray dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ayaa soo gabagabeeyay booqashadiisa rasmiga ah, wuxuuna dib ugu laabtay dalkiisa. Bbcsomali Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa goordhoweyd magacaabis iyo isku-shaandhayn ku sameeyay qaar kamid ah golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu Daahir Shire Maxamed loogu magacaabay wasiirka batroolka iyo macdanta xukuumadda federaalka Soomaaliya. Daahir Shire ayaa waxaa lagu beddelay Cabdirisaaq Cumar oo kamid ahaa xubnaha gacanta midig ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ahna ninkii haayay galka shidaal baarista. Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa isku beddalay wasiirradii wasaaradaha, qoyska iyo xuquuqul insaanka iyo deegaanka iyo isbeddelka cimilada. Marwo Khadiijo Al-maqsuumi, ayaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda qoyska iyo xaquuqul insaanka, halka Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) loo magacaabay wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale wuxuu wareegtadiisa ku magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda tamarta iyo biyaha Cismaan Axmed Macoow. Wareegtooyinkan ayaa waxaa si gaar ah hadal-heyn badan dhalisay xil ka qaadista wasiirka batroolka Cabdirisaaq Cumar oo kamid ahaa kaadiriinta xisbiga UPD, sidoo kalena ah madaxweynaha abtigiisa, waxaana durba arrintan loo qaatay in madaxweynuhu uu tartiib tartiib u bixinayo saaxibadiisii dhiigga u shubay.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabis iyo isku-shaandhayn ku sameeyay qaar kamid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa wareegto uu soo saaray waxa Mudane Dahir Shire Maxamed, loogu magacaabay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha, ayaa isku beddalay Wasiirradii Wasaaradaha, Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka iyo Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada. Marwo Khadiijo Al-maqsuumi, ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xaquuqul Insaanka, halka Mudane Bashiir Maxamed Jaamac ( Bashiir Goobbe) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada. Sidoo kale, waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu wareegtadiisa ku magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, Mudane Cismaan Axmed Macoow. Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in colaadda ka taagan gobollada Sool iyo Saang uu ku wajahayo wada-hadal, uuna ku dadaalayo in xasarada lagu dhameeyo wada-hadal. Madaxweyne Cirro oo kulan amniga lagaga hadlayay shalay la yeeshay hoggaanka xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Kulmiye iyo Kaah ayaa sidoo kale wuxuu gogol nabadeed oo bilaa shuruud ah ugu baaqay cid kasta oo ku lug leh colaadaha ka taagan gobollada Sool iyo Sanaag, si loo gaaro xal ku dhisan is afgarad. “Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Xukuumadiisu aanay ahayn mid dadkeeda kula jirta dagaal, balse ay tahay waajib Dastuuriya in dalka laga difaaco cadow kasta oo isu soo bahaysta, ciidamada qarankuna ay amar buuxa ku qabaan in ay difaacaan dalka iyo dadkaba,” ayuu yiri afhayeenka madaxweynaha Somaliland. Xuseen Deyr ayaa intaas kusii daray “Madaxweynuhu wuxuu xisbiyada qaranka u sheegay in ay qayb ka yihiin talada qaranka, wuxuuna u ballan qaaday in uu si toos ah ula socdsiin doono kolba wixii qaranka ku soo kordha.” Dhinaca kale, madaxweyne Cirro ayaa ciidamada millateriga ku amray inay si buuxda u difaacaan Somaliland, iyadoo xisbigiisana uu soo jeediyay in mucaaradka kala shaqeeyaan sidii talo qaran looga yeelan lahaa xasilinta shaqaaqooyinka ka taagan degmada Ceerigaabo iyo bariga Sool. Xisbiyada mucaaradka ayaa dhankooda ballan-qaaday inay barbar istaagayaan xukuumadda cusub, islamarkaana ay kala shaqaynayaan difaaca iyo midnimada shacabka Somaliland. “Labada xisbi mucaarid waxay madaxweynaha u soo jeediyeen talooyin waayeelnimo oo dhaxal-gal ah oo la xidhiidha xaaladaha amni ee dalka iyo sidii loo maarayn lahaa colaadaha haatan taagan,” ayuu yiri afhayeenka madaxweynaha Somaliland Xuseen Deyr. Si kastaba, madaxweynaha cusub ee dhawaan la wareegay tallada Somaliland ayaa marar badan muujiyay inuu doonayo sidii xal nabadeed looga gaari lahaa colaadaha soo noq-noqday ee Sool iyo Sanaag, oo iyagu sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac horleh.
-
President Deni: ”I am hopeful that the new administration will open a new chapter of neighbourly relations with Puntland State of Somalia and the SSCK interim administration.” Hargeisa (PP News Desk) — In a statement read out yesterday to the media, a Somaliland Administration spokesperson said that President Abdirahman Abdullahi (Cirro) had called for unconditional talks with any entity involved “in the eastern Somaliland conflict.” In what is seen as a clear departure from the policy of the Somaliland Administration under former President Muse Bihi — who labelled the interim Sool, Sanaag, Ceyn, and Khatumo administration as “Al-Shabaab terrorists”—President Abdirahman toned down the conflict rhetoric, stating that his “administration is not at war with its people.” President Abdirahman toned down the conflict rhetoric, stating that his “administration is not at war with its people.” The congratulatory message from President Deni to the Somaliland Administration President Abdirahman Cirro. Last month, the President of Puntland State of Somalia Said Abdullahi Deni congratulated President Abdirahman on winning the Somaliland Administration presidential elections and commended Somaliland for conducting peaceful elections. “I am hopeful that the new administration will open a new chapter of neighbourly relations with Puntland State of Somalia and the SSCK interim administration,” wrote President Deni in his congratulatory message. © Puntland Post, 2024 The post Somaliland Administration President Welcomes Puntland Peace Overture appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa maanta abaal-mariyay mid kamid ah saraakiisha ciidanka maamulkaasi oo dhowaan sheegay in dowladda Soomaaliya ay lasoo xiriirtay, ayna usoo dirtay lacag kumaan kun oo dollar ah, si uu afgembiyo madaxweynihiisa balse uu sheegay inuu iska diiday qorshahaasi. Axmed ayaa maanta sarkaalkan oo lagu magacaabo Dhamme Cabdixakiin Xasan Cartan (Jabuuti) oo ah taliyaha aagga waqooyi ee Kismaayo u dalacsiiyay Darajada Gaashaanle, sida lagu sheegay digreeto ay maanta shaacisay madaxtooyada maamulka Jubbaland. “Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Dhame Cabdixakiin Xasan Cartan (Jabuuti) Taliyaha aaga Waqooyi ee Magaalaada Kismaayo ee Ciidanka Booliska Jubaland oo si geesinimo ah u diiday damaca guracan ee Xasan Sheekh Maxamuud uu dhaqaalaha ku Kala furfurayay Ciidamada Dowladda Jubaland u dalacsiiyay darajada gaashaanle” ayaa lau yiri qoraalka. Sidoo kale waxaa lasii raaciyay in Cabdixakiin Jabuuti uu iska diiday lacag tiro badan oo ay usoo dirtay dowladda dhexe, ujeedkana uu ahaa inuu ku afgembiyo Axmed Madoobe. “Gaashaanle Cabdixakiin Xasan Cartan (Jabuuti) ayuu Xasan Sheekh Maxamuud lacag gaaraysa 90,000 kun oo dollar ugu soo diray si uu u hogaamiyo afgambi la doonayay in lagu dumiyo Dowladda Jubaland iyadoo howshaas Xasan Sheekh Maxamuud uu u soo wakiishay Maxamuud Fanax oo ahaa Gudoomiyahii hore ee Degmada Badhaadhe oo hogaaminayay duulaankii lagu soo qaaday Dowladda Jubaland ee sida gardarada ah Ciidamada loogu soo daabulay deegaanka Raaskambooni oo 13sano kahor ka xoroobay Khawaariijta” ayaa mar kale lagu yiri warka qoraalka ah. Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa bogaadiyay sarakiisha iyo shacabka ree Jubaland oo iska diiday damaca guracan ee la doonayay in xasarado lagaga abuuro deegaankooda. Horay telefishinka Jubbaland ayaa u baahiyay codad uu sarkaalka maanta la dalacsiiyay ka duubay guddoomiyihii hore ee degmada Badhaadhe Maxamed Fanax, iyaga oo ka wada-hadlayay arrimo ku aadan xaaladdii ka taagneyd Raaskambooni oo mar dambe lasoo afjaray. Si kastaba, xiisada u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland ayaa weli taagan, waxaana haatan ay u weecatay gobolka Gedo oo ay isku hayaan labada dhinac.
-
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ku sugan degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa kulamo la qaatay odayaasha dhaqanka, dhallinyarada iyo ururrada haweenka waxaana kulamadaas diiradda lagu saaray sidii bulshada rayidka ah ay uga qeyb qaadan lahayd hirgelinta iyo taageeridda doorashada qof iyo codka ah oo dowladda Soomaaliya ay dalka ka qabaneyso. Intii uu kulanku socday, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kale ee bulshada ayaa soo bandhigay talooyin iyo aragtiyo ku saabsan doorkooda ku aadan xaqiijinta doorasho cadaalad ah oo lagu wada qanacsan yahay, bulshada ayaa cadeysay muhiimadda ay leedahay wacyigelinta dadweynaha iyo iskaashiga si loo helo nidaam dimuquraadi ah oo si hufan u shaqeynaya. Wasiir Fartaag oo kulanka ka hadlay ayaa ku dhiirrigeliyay bulshada in ay door firfircoon ka qaataan geedi socodka dimuquraadiyadda, isagoo xusay in doorashada qof iyo codka ah ay tahay dariiq muhiim ah oo lagu gaarayo cadaalad iyo horumar siyaasadeed oo waara. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu ay ku dadaalayso in ay abuurto jawi ku habboon doorashooyinka, si loo xaqiijiyo in codka shacabka uu si buuxda uga dhex muuqdo hoggaanka dalka. Source: goobjoog.com