-
Content Count
212,816 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul wasaare ku xigeenka koobaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ka qeyb-galay kulan ay warbaahintu su’aala ku weydiinaysay, ayaa sharraxaad ka bixiyay xaaladda dalka iyo waxyaabihii u qabsoomay Xukuumadda hadda jirta. Arrimaha uu ka hadlay Ra’iisul Wasaare ku xigeenku ayaa isugu jiray xaaladda amni ee dalka, koca dhaqaalaha, arrimaha Bini’aadantinimada, waxbarashada, xariirka caalamiga ah, deyn cafintii, iyo shidaalka ay baaristiisu hadda socato. 1) Amniga Ra’iisul wasaare ku xigeenku wuxuu sheegay in markii ay xukuumaddani talada la wareegaysay cabsida qaraxyada iyo canshuuraha ay Al-shabaab bulshada ka qaadaani aad u badnaayeen, balse haatan goob walba oo caasimadda kamid iyo gobollada fog fog ee dalkaba ciidama qaranku ku suganyihiin, taasina ay keentay xasilloonida maanta laga dareemayo inta badan degmooyinka iyo deegaannada dalka. 2) Arrimaha Bini’aadantinimada Mar uu ka hadlayay arrimaha Bini’aadantinimada wuxuu tilmaamay in maalaayiin Soomaali ahi ay xaalad macaluul ah qarka u saarnaayeen markii dowladda hadda jirtaahi ay talada dalka la wareegtay, balse hadda wuxuu sheegay in arrintaas si weyn wax looga qabtay, haddii sanado ka hor maraakiibi ay gargaar keeni jirtayna, haatan ay shidaal qodis awgeed u imaanayaan. 3) Xaaladda Siyaasadda mar wax laga weydiiyay khilaafka doorashada iyo xiisadda u dhexaysa Jubbaland iyo dowladda wuxuu sheegay in saluugga la muujinayo qaabka ay doorasho qof iyo cod ahi u dhici karto, wuxuu sheegay in duruuf walba oo doorashada hor taagan laga gudbi karo, shakiga ay dadka qaar ka qabaan sida wax u socdaanina uu lamid yahay saluugyo iyo dhaliilo weligeedba taagnaa oo taniyo shirkii carta soo jiitamayay. Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladdu ay la socato in madaxweynaha Jubbaland uu ku suganyahay dalka Kenya, arrintaas waddo diblomaasiyadeed lagu wajahay, xukuumadduna ay ka hadli doonto. 5) Deyn cafinta Ra’iisul wasaare ku xigeen Saalax Axmed Jaamac wuxuu sheegay in inkastoo Xukuumadda hadda jirtaahi aysan guushaas gaar u sheegan karin, haddana deyn cafintu ay kamid ahayd waxqabadkii ugu muhiimsanaa ee sanadihii la soo dhaafay la xaqiijiyay. 6) dhulalka dowladda Ra’iisul wasaare ku xigeenku asagoo si kooban uga hadlaya dhulalka dowladda muddooyinkan dambe hadal-hayn xoogani ka taagantahay, ayuu sheegay in dadka deggan dhulka dan-guud ah ee waqtiga dheer ku noolaa ay tahay in loo sharciyeeyo, wixii ay dowladdu si degdeg ah ugu baahantahayna ay ka saarayso qoysaska deggan, si bulshada loogu adeego. Ra’iisul wasaare ku xigeenku sidoo kale wuxuu ka hadlay arrimo kale oo ay kamid yihiin dagaalka ay Puntland kula jirtoo kooxda Daacish oo uu bogaadiyay, iyo arrimaha dublumaasiyadda oo uu sheegay in 3-dii sanoo la soo dhaafay dowladdu ay hormar weyn ka samaysay. Source: goobjoog.com
-
Nin dhawaan qoyskiisa ka soo raray Mareykanka kuna soo celiyay dalka Pakistaan ayaa qirtay inuu dilay gabadhiisa oo aan qaan-gaarin sababtoo ah waxaa uu dhibsaday oo uu ka carooday muuqaallada ay ku baahiso bar ay ku laheed TikTok, sida ay boolisku u sheegeen BBC-da. Anwar ul-Haq ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah kadib markii uu qirtay in uu gabadhiisa Hira ku toogtay magaalada Koonfur-galbeed ee Quetta Talaadadii. Wuxuu markii hore u sheegay baarayaasha in rag aan la aqoonsan ay ka dambeeyeen toogashada. Aabahan, oo haysta dhalashada Mareykanka, ayaa sheegay in uu u arkay in muuqaallada ay gabadhiisa baahin jirtay ay yihiin “kuwo ka soo horjeeda dhaqanka qoyskiisa”. Booliisku waxay sheegeen inay eegayaan dhinac walba, oo ay ku jirto suurtagalnimada ah in loo dilo in qoysku ay dhowrtaan sharftooda, taasoo aan ku cusbayn dalkaas. Boqolaal qof oo u badan haween ayaa u dhinta waxa loogu yeero dilalka lagu difaacayo sharafta qoysaska ee Pakistan sannad kasta, sida ay sheegeen hay’adaha xuquuqda aadanaha. Dilalkan ayaa waxaa inta badan geysta dad qaraabo ah oo sheegay inay ka hortagayaan waxyaabaha dhaawici kara sharafta qoyskooda. Kiiska Hira Anwar, oo da’deeda lagu qiyaasay 13 ilaa 14 sano jir, ayaa afhayeen u hadlay booliska waxaa uu sheegay in qoyskeedu “ay ka soo horjeesteen lebbiskeeda, qaab nololeedkeeda iyo isticmaalkeeda baraha bulshada”. Qoysku waxay ku noolaayeen Maraykanka 25 sano waxayna Hira bilawday inay ku dhejiso waxyaabaha TikTok xitaa ka hor intaan qoyskeedu u guurin Pakistan. Baarayaasha ayaa sheegay inay hayaan taleefankeeda, kaasoo xiran. Aabbahaan nin seedi u ah ayaa sidoo kale loo xiray dilka, sida ay boolisku shaaciyeen. Haddii lagu helo dilkaan looga hortago wax loo yaqaanno difaaca sharafta qoyska nimankaan waxay wajihi doonaan xukun xabsi daa’in ah oo khasab ah, kaas oo ay wax ka bedeshay sharcigiisa dowladda Pakistan sanadkii 2016-ka. Marka hore, waxay ka fogaan karaan in xabsiga lagu xukumo haddii ay cafis u fidiyaan qoyska dhibbanaha. Sanadkii 2023, maxkamad Talyaani ah ayaa ku xukuntay lamaane Pakistani ah xukun xabsi daa’im ah kadib markii ay dileen gabadhooda oo 18 jir ahayd sababtoo ah waxay diiday guur loo soo bandhigay. Sanad ka hor, xidigtii baraha bulshada ee dalka Pakistan Qandeel Baloch walalkeed ayaa la sii daayay kadib markii eedeeyay inuu dilay walaashii, isaga oo racfaan ka qaadatay. Horay ayaa loogu xukumay xabsi daa’in kadib markii uu qirtay dilka 2016-kii, isagoo sheegay in ay sabab u tahay in ay ceeb u soo jiiday qoyska. Dalalka dacweeyay TikTok iyo kuwa laga mamnuucay In ka badan toban gobol oo Mareykanka ah ayaa sanadkii la soo dhaafay ee 2024-ta dacweeyay shirkadda TikTok, iyaga oo ku eedeeyay bartaan inay gacan ka geysatay sare u kaca dhibaatada caafimaadka maskaxda dhalinyarada. Koox qareenno ah oo ka kooban 14, kana kala yimid meelo kala duwan oo Mareykanka ah ayaa ku andacoonayay in shirkadda ay isticmaasho astaamo la qabatimo si ay carruurta uga diiradda u saaraan aaladdaan iyo in si ulakac ah ay shacabka u marin habaabiyaan iyaga oo eegaya isticmaalka muddada dheer. Dhowr jeer ayaa qaar ka mid ah dalalka caalamku waxay mamnuuceen isticmaalka bartaan TikTok, iyagoo u sababaynaya dhibaatooyin laga dhaxlo sida ay sheegeen iyo saameyn uu ku yeeshay dhinacyo badan oo nolosha ah. Dalalkaasi waxaa ka mid ah Australia, Belgium oo mar si ku meel gaar ah u mamnuucay, Canada ayaa iyana ku dhawaaqday in dowladdu aysan isticmaali karin barta TikTok, iyadoo sheegtay in khatar aan la aqbali karin ay ku leedahay amniga. Ururka Taliban ee ka taliya dalka Afghanistan ee deriska la ah Pakistaan ayaa sanadkii 2022 mamnuucay aaladdan TikTok, waxayna sababta ku sheegeen xilligaas in laga hortagayo in la marin habaabiyo dhalinyarada. Qaran News
-
The President of the Republic of Somaliland, H.E. Abdirahman Mohamed Abdilahi Irro, and his delegation safely returned home this afternoon following a successful official visit to the United Arab Emirates. Upon arrival at Egal International Airport, the President and his delegation were warmly welcomed by Vice President H.E. Mohamed Aw-Ali Abdi, senior government officials, and other dignitaries. During the visit, President Irro held high-level discussions focused on strengthening diplomatic and economic ties between Somaliland and the UAE. Addressing the media, Minister of Foreign Affairs Hon. Abdirahman Dahir Adam Bakal and Minister of the Presidency Hon. Khadar Hussein Abdi emphasized the strategic achievements of the trip, underscoring that its positive impact will soon be reflected in the government’s development agenda and international cooperation efforts. The administration remains committed to fostering global partnerships that drive sustainable progress and enhance opportunities for the people of Somaliland. Qaran News
-
Environment Cabinet Secretary Aden Duale has taken issue with Citizen TV for describing Garissa, Wajir, and Mandera counties as the “Somali region” during a news report. Source: Hiiraan Online
-
The President of the Republic of Somaliland, Dr. Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro), has returned to the homeland following three-day working visit to the United Arab Emirates (UAE). The visit, conducted at the invitation of the UAE government, underscored the strengthening diplomatic and economic relations between the two nations. Upon his return, President Irro and his delegation were warmly received in Hargeisa by Vice President Ambassador Mohamed Ali Aw-Abdi, along with senior government officials. The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation emphasized that the visit was instrumental in deepening bilateral cooperation and fostering strategic partnerships across key sectors. During his stay in Abu Dhabi, President Irro engaged in high-level discussions with senior Emirati leaders, focusing on expanding economic collaboration, security cooperation, and social development initiatives. The delegation reached key agreements and protocols of understanding aimed at enhancing investment opportunities in vital sectors such as livestock, agriculture, minerals, energy, and infrastructure. In a statement, the Ministry of Foreign Affairs of Somaliland reaffirmed the UAE’s role as a valued economic and development partner, expressing confidence in the prospects for deeper cooperation. The ministry noted that the discussions are expected to pave the way for increased investment, trade partnerships, and long-term economic growth in Somaliland. “This visit marks a key milestone in the strengthening of Somaliland-UAE relations. The agreements reached will foster mutual prosperity, contributing to regional stability and development,” the ministry stated. The visit also highlighted the commitment of both nations to enhancing diplomatic ties and exploring new avenues for collaboration. The Somaliland government remains dedicated to deepening its regional and international partnerships in pursuit of economic progress and shared interests. With the successful conclusion of this trip, Somaliland continues to solidify its standing as a strategic partner in the region, attracting foreign investment and fostering global alliances for sustainable development. Qaran News
-
Mogadishu (HOL) — The Somali Federal Government has issued a warning to local and international non-governmental organizations (NGOs), ordering them to cease any cooperation, whether direct or indirect, with militant groups Al-Shabaab and Daesh or face immediate suspension and legal consequences. Source: Hiiraan Online
-
Hargeisa (HOL) – Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdillahi Irro returned to Hargeisa on Thursday after concluding a three-day official visit to the United Arab Emirates, where discussions focused on investment in natural resources, agriculture, and job creation for youth. Source: Hiiraan Online
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Muddo dheer, Soomaaliya waxay udub dhexaad u ahayd xasaradaha amni ee qaaradda Afrika. Dagaalka ay kula jirto kooxaha hubeysan, dadaalladeeda ku aaddan xasillinta gobollada ay mudada dheer ragaadiyeen colaaduhu, iyo qorshaheeda isku-filnaanshaha, ayaa ka dhigay qodob si gaar ah ay isha ugu hayaan ciidamada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika (AU). Xilli askarta ku sugan furimaha dagaalka iyo siyaasiyiinta Muqdisho ay u halgamayaan sidii ay xaaladda u rogi lahaayeen, ayaa haddana waxaa jira hal shaqsi oo xarunta dhexe ee Midowga Afrika ee Addis Ababa si hagar la’aan ah uga shaqeynayay sidii loo hubin lahaa in Soomaaliya aysan helin oo keliya taageero militari, balse ay sidoo kale hesho taageero dhaqaale. Shaqsigaas waa Danjire Bankole Adeoye, Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (CPAPS). Tan iyo markii uu xilka qabtay bishii Maarso 2021-kii, Adeoye wuxuu hormuud ka ahaa ololaha ku aaddan in Soomaaliya ay ka mid noqoto mudnaanta koowaad ee ajendaha Midowga Afrika, isagoo xaqiijinaya in Afrika ay door mug leh ka qaadato xallinta dhibaatooyinkeeda amni. Diblomaasiyadda arrimaha masiiriga ah Adeoye kuma cusba arrimaha diblomaasiyadda ee xasaasiga ah. Waa diblomaasi rug-caddaa ah oo u dhashay dalka Nigeria, khibrad ka badan afartan sano leh, wuxuuna hadafkiisa ka dhigtay in Midowga Afrika uusan noqon oo keliya hay’ad siyaasadeed oo bixisa bayaan, balse uu noqdo mid hadalladiisa ficil ku taageera. Intii uu xilka hayey, Sanduuqa Nabadda ee Midowga Afrika – oo muddo dheer loo arkayey mid aan si fiican looga faa’iidaysan – ayaa bilaabay inuu gaarsiiyo taageero dhaqaale oo la taaban karo dadaallada ammaanka ee Soomaaliya. Falanqeeye arrimaha gobolka ka faallooda, oo ka hadlayey shaqada Adeoye, ayaa si kooban u yiri: “Isaga ka hor, Soomaaliya waxaa inta badan loo arkay dhibaato ay maalgeliyaan deeq-bixiyeyaasha. Hadda, Midowga Afrika wuxuu qaaday tallaabo geesinimo leh, wuxuuna miiska soo saaray dhaqaalihiisa.” Sanado badan, hawlgallada nabad-ilaalinta ee Soomaaliya waxay ku tiirsanaayeen, ku dhawaad gebi ahaanba, deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Midowga Yurub (EU), Qaramada Midoobay (UN) iyo Mareykanka (US). Laakiin intii uu xilka hayey Adeoye, Midowga Afrika wuxuu bilaabay inuu isticmaalo dhaqaalihiisa si uu u maalgeliyo hawlgallada ka socda Soomaaliya. Sannadkii 2023-kii, Midowga Afrika wuxuu u qoondeeyay US$3.5 milyan oo laga soo qaatay Sanduuqa Kaydka Xasaradaha (CRF) si loo xoojiyo Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) loona taageero Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD). Sannad ka dib, Midowga Afrika wuxuu qaaday tallaabo taariikhi ah isagoo ballan qaaday in ka badan US$19 milyan oo ka mid ah miisaaniyaddiisa – tallaabadaas oo muujinaysa sida ay Afrika uga go’an tahay inay xalliso arrimaheeda amni. U doodidda Adeoye ee ku aaddan Soomaaliya kuma koobna oo keliya dhanka maalgelinta. Wuxuu door muhiim ah ka qaatay in Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) uu dejiyo istaraatijiyad diblomaasiyadeed iyo mid militari oo adag oo ku wajahan Soomaaliya. Wuxuu aaminsan yahay in ammaanka Soomaaliya aan lagu halleyn karin oo keliya awoodo shisheeye – balse ay tahay in lagu saleeyo xal Afrikaan ah iyo hoggaan Afrikaan ah. Shaqadiisa waxaa si joogto ah u taageeray Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, kaasoo si isdaba joog ah ugu riixay ciidamada ammaanka Soomaaliya inay si weyn ula wareegaan sugidda amniga dalka, iyadoo Midowga Afrika uu bixinayo taageero. Soomaaliya ayaa hadda gashay marxalad muhiim ah oo ku-meel-gaar ah, iyadoo ATMIS si tartiib tartiib ah loogu beddelayo Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Rajada ayaa ah in hawlgalkan cusub, oo ay barbar socoto maalgelinta Midowga Afrika iyo iskaashiga caalamiga ah, uu ka caawin doono Soomaaliya inay ku guuleysato nabadgelyo iyo isku-filnaansho waarta. Khatarta Al-Shabaab iyo caqabadaha horyaalla Si kastaba ha ahaatee, jidka loo marayo nabadayntu ma fududa. Al-Shabaab ayaa weli ah khatar joogto ah, xiisado siyaasadeed ayaa weli taagan, waxaana jira caqabado la xiriira dhanka maalgelinta. Hase yeeshee, markii ugu horreysay waxaa muuqata taageero dhaqaale oo dhab ah oo ka timid Afrika lafteeda, taasoo ay suuraggelisay dadaallada hagar la’aanta ah ee Adeoye. Iyadoo Adeoye uu hormuud ka yahay halgankan, ballanqaadka Midowga Afrika ee ku aaddan Soomaaliya ma aha hadal oo keliya – waa ficil ay barbar socdaan malaayiin doollar, laguna hiigsanayo Soomaaliya oo nabad ah, xasilloon, oo caggeeda isku taagta.
-
Hargeysa -(Qaran news)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro iyo waftigii uu hogaaminaayey ee safarka shaqo ugu maqnaa dalka Imaraadka Carabta ayaa galabta si nabad gelyo leh ugu soo laabtay dalkooda hooyo iyagoo guulo waa weyn ka soo hooyey safarkaasi . Madaarka Cigaal International waxaa madaxweynaha iyo waftigiisa ku soo dhaweeyey madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland iyo xubno door ah oo ka tirsan xukuumada . Nuxurka guulaha ka soo baxay safarka Madaxweynuhu ku tagay dalka Imaaradka Carabta waxaa warbaahinta uga xog waramay wasiirka arimaha dibada Somaliland iyo Wasiirka madaxtooyada , waxaana ay hoosta ka xariiqeen in Guulaha safarkaasi laga soo hooyey ay dhawaan ka muuqaan doonan xukuumada Wadajir iyo Waxqabad . Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka Iyo dib-u-heshisiinta Soomaaliya ayaa digniin culus u dirtay dhamamaan hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ka howl-gala Soomaaliya, si aysan ula shaqeyn Al-Shabaab ama wax macaamil ah ula yeelan. Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in hay’addahan aysan la macaamili karin, ayna dhaqaale u yaboohi karin, islamarkaana aysan u hoggaansamin ammarrada uga yimaada Al-Shabaab, xilli ay soo baxayaan warar hoose oo sheegaya in kooxda ay bilowday qorshe ay baad uga dalbaneyso hay’addaha qaar. “Hay’addii ama shakhsigii ku lug yeesha howlahan waxaa laga qaadayaa tallaabo waafaqsan xeerarka waddanka, sidoo kalena wasaaradda arrimaha gudaha waxay ka qaadeysa tallaabooyin dhowr ah oo kamid tahay in laga laabto shahaadada ruqsadsiinta hay’addii ku lug yeelata dambiyadan,” ayaa lagu yiri nuxurka bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha. Sidoo kale waxay wasaaradda shaacisay in hay’addii ay ku cadaato in ay ku jiraan xubno kamid ah Al-Shabaab iyo Daacish ama wakiil uga noqda hay’adood ay wasaaraddu si toos ugala noqoneyso shahaadadii ruqsadda, iyadoo si toos ah ugu gudbin doonta laamaha amniga iyo garsoorka. “Sidaas darteed hay’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah waxaa lagu adkeynayaa in ay u hoggaansamaan digiintan kor ku xusan,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka dowladda. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey usoo saartay digniino la xiriira la-macaamilka iyo in loo hoggaansamo awaamirta Al-Shabaab, iyada oo horey ugu goodisay in tallaabo adag laga qaadi doono cidii lagu helo arrimahaasi.
-
Ninkii sababta u ahaa inay dhacaan banaanbaxyo rabshado wata ka dib marki uu gubay kitaabka quraanka ayaa toogasho lagu dilay dalak Sweden, sida ay warbaahinta maxalliga sheegtay. Salwan Momika oo 38 jir ah ayaa la sheegay in lagu dilay guri ku yaalla Södertälje, oo ka tirsan magaalada Caasimadda ee Stockholm, fiidnimadii Arbacada. Rabshadaha ayaa dhacay ka dib markii uu Mr Momika dab qabadsiiyey nuqul ka mid ah kitaabka quraanka, meel dibadda ka ah masaajidka bartamaha Stockholm sannadkii 2023. Mr Momika iyo qof ay wada noolaayeen ayaa lagu eedeeyey inay xiriir la leeyihiin gubidda quraanka, laakin xukunkiisa ayaa la filayey in Khamiista lagu dhawaaqo, kaasoo dib loo dhigay ka dib “la xaqiijiyey in mid ka mid ah isdifaacayaasha uu geeriyooday” sida ay shegtay maxkamadda degmada Stockholm. Booliska Stockholm ayaa u sheegay warbaahinta SVT News in nin da’diisa lagu qiyaasay 40meeyo oo la toogtay laga helay guri, kaasoo markii dambe geeriyooday. Waa kuma Salwan Momika Momika ayaa sannadki 2023 dhowr goor ku gubay kitaabka dalka Sweden, waxayna talaabadaas soo jiidatay indhaha caalamka, ayadoo ka caraysiisay dalal muslim ah, dhalisayna deganaansho la’aan iyo rabshado. Wuxuu maxkamad horteeda kaga dodoay in ficilladiisa ay ku wajahan yihiin diinta Islaamka ee aysan ku wajahnayn muslimiinta, uuna doonayo in uu dadka reer Sweden “ka ilaaliyo farriimaha quraanka”. Booliska Sweden ayaa u ogolaaday inuu mudaaharaadkiisa kitab-gubidda sii wato, inkastoo eedeymo lagu soo oogay. Isaga iyo qof ay isku kiis yihiin ayaa lagu eedeeyey maxkamad ku taalla magaalada caasimadda horteeda in ay kiciyeen nacayb jinsiyadeed, sababo la xiriira hadallo ay ka sheegeen quraanka, ayadoo maanta la filayey in xukun laga soo saaro. Momika oo ah Qaxooti Ciraaqi ah ayaa u ololaynaya in dalka Sweden kitaabka laga joojiyo. Waxaana falkiisaas ka cadhooday malaayiin Muslimiin ah oo dareenkooda ku muujiyey baraha bulshada iyo dalka Turkiga, oo falkaas ku tilmaamay waxaan loo dul qaadan Karin. Xigashada Sawirka,EPA Soomaalida Sweden maxay ka aaminsan yihiin Momika Dadka ka falceliyay waxaa ka mid ah Maxamed Maki, oo ah guddoomiyaha mid ka mid ah masaajidda Soomaalida ee Sweden sidoo kalena ka mid ah midawga masaajidda Sweden. Waxa uu BBC u sheegay inay ka xun yihiin shalay oo ciidu Adxaa ahayd oo maalin farxadeed ah uu nin cunsuri uu nuqul ka mid ah kitaabka Qur’aanka ku gubo misaajid hortii. “Waxaa dhacday in cunsiri ah oo asal ahaan Ciraaq ka soo jeeda uu misaajidka Stockholm ku hor gubo kitaabta Qur’aanka ah weliba iyadoo dowladda Sweden ay u fasaxday marka waa ficil aad u fool xun oo aan ka soo horjeedno oo aan cambaareyneyno oo dalkan Sweden iyo magaalada Stockholm dan ugu jirin.” “Muslimiinta reer guud ahaan aad ayay uga xun yihiin falkan waan ka dignay dowladda waan u sheegnay inaan dooneyno in dalka Sweden nabad lagu wada noolaado, diimaha la ixtiraamo, ambiyada Ilaahey la ixtiraamo oo laga fogaado wax kasta oo dhib u keena kara dalkan.” Dhanka kale Maxamed Maki ayaa sheegay in dadka Muslimiinta ah ay u sheegeen inay is dejiyaan oo laga fogaado wax kasta oo ficil ah oo gacan ka hadal ah sababtoo dadka aan Muslimka ahayn maalin walba waxay soo galayaan diinta Muslimka marka waxaan ka hortageynaa haddaanu nahay misaajidadii in dadka Mulimiinta ah ay ficil qaadaan. “Ninkan falkan sameeyay markaan dib u baarnay waa nin diinta Masiixiga haysta oo Ciraaq ka soo jeeda oo cadaawad iyo xiqdi farabadan u qabo dadka Muslimiinta ah laakin kaniisadaha ayaa nala soo xiriiray waxayna noo sheegeen in ficilkan uu ninkan sameeyay ay bari ka yihiin,” ayuu yiri Maxamed Muddo sannad iyo dheeraad laga joogo ayey xukuumadda Sweden sheegtay in guud ahaan Sweden laga musaafurinayo Salwan Momika, waxayna Sweden kala laabatay ruqsaddii deganaanshaha, hase yeeshee wuxuu xilligaas sheegay inuu doonayo inuu racfaan qaato. Ninkaas oo hore u ahaa masiixi ayaa marki dambe doorbiday inuusan wax diin ah qaadan oo uu ahaado mulxid (Diin laawe). Waa kuma Salwan Momika Momika ayaa sannadki 2023 dhowr goor ku gubay kitaabka dalka Sweden, waxayna talaabadaas soo jiidatay indhaha caalamka, ayadoo ka caraysiisay dalal muslim ah, dhalisayna deganaansho la’aan iyo rabshado. Wuxuu maxkamad horteeda kaga dodoay in ficilladiisa ay ku wajahan yihiin diinta Islaamka ee aysan ku wajahnayn muslimiinta, uuna doonayo in uu dadka reer Sweden “ka ilaaliyo farriimaha quraanka”. Booliska Sweden ayaa u ogolaaday inuu mudaaharaadkiisa kitab-gubidda sii wato, inkastoo eedeymo lagu soo oogay. Isaga iyo qof ay isku kiis yihiin ayaa lagu eedeeyey maxkamad ku taalla magaalada caasimadda horteeda in ay kiciyeen nacayb jinsiyadeed, sababo la xiriira hadallo ay ka sheegeen quraanka, ayadoo maanta la filayey in xukun laga soo saaro. Momika oo ah Qaxooti Ciraaqi ah ayaa u ololaynaya in dalka Sweden kitaabka laga joojiyo. Waxaana falkiisaas ka cadhooday malaayiin Muslimiin ah oo dareenkooda ku muujiyey baraha bulshada iyo dalka Turkiga, oo falkaas ku tilmaamay waxaan loo dul qaadan Karin. Xigashada Sawirka,EPA Soomaalida Sweden maxay ka aaminsan yihiin Momika Dadka ka falceliyay waxaa ka mid ah Maxamed Maki, oo ah guddoomiyaha mid ka mid ah masaajidda Soomaalida ee Sweden sidoo kalena ka mid ah midawga masaajidda Sweden. Waxa uu BBC u sheegay inay ka xun yihiin shalay oo ciidu Adxaa ahayd oo maalin farxadeed ah uu nin cunsuri uu nuqul ka mid ah kitaabka Qur’aanka ku gubo misaajid hortii. “Waxaa dhacday in cunsiri ah oo asal ahaan Ciraaq ka soo jeeda uu misaajidka Stockholm ku hor gubo kitaabta Qur’aanka ah weliba iyadoo dowladda Sweden ay u fasaxday marka waa ficil aad u fool xun oo aan ka soo horjeedno oo aan cambaareyneyno oo dalkan Sweden iyo magaalada Stockholm dan ugu jirin.” “Muslimiinta reer guud ahaan aad ayay uga xun yihiin falkan waan ka dignay dowladda waan u sheegnay inaan dooneyno in dalka Sweden nabad lagu wada noolaado, diimaha la ixtiraamo, ambiyada Ilaahey la ixtiraamo oo laga fogaado wax kasta oo dhib u keena kara dalkan.” Dhanka kale Maxamed Maki ayaa sheegay in dadka Muslimiinta ah ay u sheegeen inay is dejiyaan oo laga fogaado wax kasta oo ficil ah oo gacan ka hadal ah sababtoo dadka aan Muslimka ahayn maalin walba waxay soo galayaan diinta Muslimka marka waxaan ka hortageynaa haddaanu nahay misaajidadii in dadka Mulimiinta ah ay ficil qaadaan. “Ninkan falkan sameeyay markaan dib u baarnay waa nin diinta Masiixiga haysta oo Ciraaq ka soo jeeda oo cadaawad iyo xiqdi farabadan u qabo dadka Muslimiinta ah laakin kaniisadaha ayaa nala soo xiriiray waxayna noo sheegeen in ficilkan uu ninkan sameeyay ay bari ka yihiin,” ayuu yiri Maxamed Muddo sannad iyo dheeraad laga joogo ayey xukuumadda Sweden sheegtay in guud ahaan Sweden laga musaafurinayo Salwan Momika, waxayna Sweden kala laabatay ruqsaddii deganaanshaha, hase yeeshee wuxuu xilligaas sheegay inuu doonayo inuu racfaan qaato. Ninkaas oo hore u ahaa masiixi ayaa marki dambe doorbiday inuusan wax diin ah qaadan oo uu ahaado mulxid (Diin laawe). Bbcsomali Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa maanta meel-mariyey qaraarka maareynta isticmaalka khaldan ee baraha bulshada. Shirka oo uu guddoominayey ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ee XFS Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) ayaa waxaa lagu ansixiyey heshiisyo ku saabsan amniga internet-ka. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa lagu meel-mariyay heshiis is-afgarad wada-shaqayn oo u dhaxeeya guddiyada warbaahinta ee hey’addaha isgarsiinta dowladaha Soomaaliya iyo Malaysia. Kulanka golaha ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga iyo howl-galladii ugu dambeeyay ee ciidamada qalabka sida ay ka sameeyeen qeybo kamid ah gobollada dalka. Dhinaca kale, golaha wasiirada ayaa diirada saaray dardar-gelinta dadaallada dowladdu ku gaarsiineyso bulshada adeegyada kala duwan. Waxaa kale oo lagu soo bandhigay warbixinno ku aaddan horumarinta karaanka aadanaha iyo sidii kor loogu qaadi lahaa adeegga bulshada iyadoo wasaaraddaha caafimaadka, waxbarashada iyo dhallinyarada ay warbixino la wadaageen shirka. Tiirka arrimaha bulshada oo ah mid muhiim u ah horumarinta ummadda Soomaaliyeed ayaa waxa uu ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad faray wasaaraddaha ku shaqada leh in la dardar-geliyo arrimaha la xiriirra adeegyadda dowladdu gaarsiinayso shacabkeenna si looga miradhaliyo qorshaha qaranka.
-
Stockholm (Caasimada Online) – Nin u dhashay dalka Ciraaq oo dhowr jeer kitaabka Qur’aanka kariimka ah ku gubay dalka Sweden ayaa geeriyooday, sida uu Khamiistii sheegay garsoore ku sugan magaalada Stockholm. Warbaahinta Sweden ayaa ku warrantay in lagu dilay toogasho ka dhacday magaalo u dhow caasimadda Sweden. Salwan Momika, oo 38 jir ahaa, ayaa sannadkii 2023-kii dalka Sweden ka geystay dhowr fal oo ah gubid iyo xurmo ka qaadis ka dhan ah kitaabka barakaysan ee Islaamka. Muuqaallada gubista Qur’aanka ayaa si weyn loogu faafiyey caalamka, waxaana ay caro iyo dhaleecayn xooggan ay ka dhex abuureen dhowr dal oo Muslimiin ah, taasoo sababtay rabshado iyo qalalaase ka dhacay meelo badan. Maxkamadda Degmada Stockholm ayaa sheegtay in xukun la qorsheeyay Khamiista maanta ah oo ku saabsanaa dacwad uu Momika eedaysane ka ahaa dib loo dhigay, sababtoo ah mid ka mid ah eedaysanayaasha ayaa geeriyooday. Garsoore ka tirsan maxkamadda, Göran Lundahl, ayaa xaqiijiyay in qofka geeriyooday uu yahay Momika. Wuxuu sheegay inuusan haynin wax macluumaad ah oo ku saabsan goorta iyo sida uu Momika u geeriyooday. Booliisku waxay sheegeen in habeenkii Arbacada lagu wargeliyay toogasho ka dhacday dhismo dabaq ah oo ku yaal Sodertalje, oo u dhow Stockholm, ayna heleen nin qaba dhaawacyo rasaas. Ninka ayaa markii dambe geeriyooday, waxaana la furay baaritaan horudhac ah oo ku saabsan dilka. Warbaahinta SVT ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganeysa ilo-wareedyo aan la magacaabin, in qofka geeriyooday uu ahaa Momika. Waxay intaa ku dartay in Momika uu yimid Sweden isagoo ka yimid Ciraaq sannadkii 2018, lana siiyay sharciga deganaanshaha saddexda sano ah sannadkii 2021. Dacwad-oogayaashu waxay sheegeen in shan qof la xiray habeenimadii Arbacada, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sweden ee TT. Ra’iisul Wasaare Ulf Kristersson ayaa sheegay in adeegga ammaanka ee Sweden uu ku lug lahaa baaritaanka arrintan, sababtoo ah “waxaa iska cad inay jirto khatar ah in falkan uu xiriir la leeyahay awood shisheeye,” sida ay sheegtay TT. Momika ayaa ku dooday in dibad-baxyadiisu ay bartilmaameedsanayeen diinta Islaamka, ee aysan ahayn dadka Muslimiinta ah. Wuxuu ku dooday inuu doonayay inuu ka ilaaliyo dadka Sweden farriimaha Qur’aanka. Booliiska Sweden ayaa oggolaaday bannaanbaxyadiisa, iyagoo sabab uga dhigay xorriyadda hadalka, iyadoo isla markaasna dacwado ka dhan ah lagu soo oogay. Bishii Maarso ee la soo dhaafay, ayaa lagu xiray dalka deriska la ah ee Norway, ka dib markii uu sheegay inuu halkaas magangelyo ka doonanayo, waxaana dib loogu celiyay Sweden, sida ay sheegtay TT. Momika iyo eedaysane kale ayaa bishii Agoosto lagu soo oogay dacwad ah hurinta nacaybka, sababo la xiriira hadallo ay jeediyeen oo la xiriiray gubista Qur’aanka. Xukunka ayaa la filayay in la soo saaro subaxnimadii Khamiista.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Deni oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabad ku saabsan bandhiga wejiga labaad ee dagaalka Ciribtirka Argagixisada oo Boosaaso lagu qabtay ayaa ka warbixiyay halka uu marayo dagaalka Ciidamada Puntland kula jiraan mileeshiyaadka Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari. Madaxweyne, Siciid Cabdullaahi Deni oo ka warbixinayay Hawlgalkaasi ayaa sheegay in Ciidamada Puntland si buuxda ugu guulaysteen wejigii kowaad ee Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish ee ka dhacay buuraha Calmiskaad, kaddib markii kooxda laga saaray godadkii iyo difaacyadii ugu adkaa ee buuraha, lana fashiliyay dhammaan isku dayo ay ku raadinayeen in ay ciidamada iska caabiyaan. Madaxweyne Deni, oo ciidamada ku bogaadiyay Hawlgalkaasi ayaa sidoo kale sheegay in uu dhawaan bilaabanayo wejiga labaad ee dhammaystirka dagaalka, oo sida uu tilmaamay qaadan kara wakhti ka yar intii uu qaatay wejigii kowaad ee Hawlgalka Ciribtirka Daacish ee Calmiskaad. “Waxaad ku kalsoonaataan Reer Puntland-now in Ciidamadeennu difaaca dalka iyo dadka ku filan yihiin, waxaa Puntland ka go’an wejiga labaad ee dagaalka in ay berri, bad iyo cirba kala dagaallanto Argagixisada, waxaan caddaynaynaa in dadkaasi noqdaan haddii aysan isa soo dhiibin wax la dilay, iyo wax maxaabiis dagaal noqda, cid danbe oo fursad la siinayo ma jirto” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Sidoo kale, shacabka Puntland ayuu ugu baaqay in ay sii xoojiyaan garab istaagga dowladda, islamarkaana adkeeyeen midnimada iyo wadajirka, waxaana uu Haweenka si gaar ah uga mahadceliyay garab istaaga Ciidamada, isagoo sheegay in ay kaalin weyn kaga jiraan Halganka Ciribtirka Argagixisada Daacish. Halkaan ka daawo Khudbada oo dhan PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo si faahfaahsan uga warbixiyay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish ee buuraha Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah oo la xiriirta sidii loogu hortagi lahaa beegsiga lagu bilaabay ajaaniibta ku sugan deegaanadeeda, kadib markii la dhibaateeyay Itoobiyaan ku sugnaa magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso. Itoobiyaanka ku nool Puntland ayaa sheegay in “falal isugu jira handadaad, xarig sharci-darro ah, jirdil, iyo boob” oo ka dhan ah qaxootiga iyo muhaajiriinta Itoobiyaanka ah ay ka sii dareen magaalooyin dhowr ah, oo ay ka mid yihiin Garoowe oo ah xarunta maamulka, Boosaaso iyo Qardho. Goob-joogayaal ayaa sheegay in rabshaduhu ay bilowdeen 26-kii Janaayo, kaddib markii muwaadin Itoobiyaan ah ay dileen ciidamada ammaanka Puntland. Maalintii xigtay, labo kale oo Itoobiyaan ah ayaa lagu warramay in lagu dilay Boosaaso kaddib markii “dadweyne careysan ay garaaceen.” Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hadashay dhibaatooyinkan, oo ay ka qaarkood ka dambeeyeen dadweyne caraysan oo beegsaday Itoobiyaanka, sida sharci darrada ah ku jooga magaalooyinka maamulkaasi. Wasaaradda ayaa sheegtay in waajib ay tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha ee dadka ajaanibta ah, waxayna tilmaamtay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo ku xad-gudubta. Sidoo kale wasaaradda ayaa shacabka Puntland ugu baaqday inay ka fogaadaan fal kasto oo xad-gudub ah ku ah sharciga, gaar ahaan dhibaatada dadka ajanabiga ah. “Sidaas darteed, wasaaradda ayaa mar kale ugu baaqaysa shacabka in ay ka fogaadaan falalka sharci-darrada ah, isla markaana ay garab istaagaan hay’adaha ku shaqada leh la xisaabtanka cid kasta oo halis ku ah nabadda iyo amniga Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka. Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo Puntland shalay ay bilowday in deegaanadeeda ay ka tarxiisho ajaaniibta sharci darrada ku joogta maamulkaasi, gaar ahaan Itoobiyaanka oo la arkayay, iyaga oo gaadiid xamuul ah laga saaray magaalada Garoowe, sababo la xiriira si looga hortego ajaaniibta tiro badan ee mar kasta ku biirto kooxda argagixisada Daacish.