Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dalalka Yurub ayaa si weyn isugu khilaafsan in ciidamo nabad ilaalin ah la geeyo dalka Ukraine oo dagaalka ka socdaahi uu hadda galayo sanadkii afaraad oo xariir ah. Wargayska Financial Times ayaa sheegaya in uu jiro khilaaf u dhaxeeya dalalka Yurub oo ku saabsan in ciidamo loo diro Ukraine, Poland iyo Spain ayaa muujiyay sida ay uga caga jiidayaan in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro Kiev, halka Faransiiska uu soo jeediyay in la sameeyo ciidamadaas. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli magaalada Riyadh ee caasimadda dalka Sucuudiga uu ka socdo shir u dhexeeya Mareykanka iyo Ruushka, kaas oo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine. Source: goobjoog.com
  2. Bishii November ee sanadkii tegay ayay dowladda Puntland si cad u soo bandhigtay cudud ciidan oo loogu talagalay in laga saaro ururka argagixisada ah ee Daacish buuraha Galgala ee gobolka Bari, Puntland. Daacish ayaa sanadkii 2015 Soomaaliya looga dhawaaqay, waxaana hoggaamiye iyo amiir u noqday Cabdulqaadir Muumin, kaas oo isla sanadkaas ka baxay ururka Al-Shabaab. Wuxuu ka soo wareegay gobollada koonfureed ee dalka kadib markii ay hanjabaad uga timid Al-Shabaab, wuxuuna muddo gaaban gudaheed buuraha Galgala ka dhistay xarumo iyo saldhigyo ciidan. Waxa uu halkaas ku soo aruuriay ciidamo iyo xubno sare oo heer caalami ah oo ka tirsan ururka Daacish. Shaki la’aan, xarumaha Daacish ee Galgala waxaa dhisay, maalgeliyay, qalabeeyay hoggaanka argagixisada caalamiga ah ee Daacish. Muddadii 10-ka sano ahayd ee kooxdaasi deganeyd buuraha gobolka Bari, waxay culeys iyo dhibaato joogto ah ku hayeen shacabka deegaanka, xagga nolosha iyo horumarka. Maamulka Puntland oo xog badan ka hayay kooxda iyo nidaamka ay u abaabulan tahay, ayaa ku dadaalayay in waxyeelladoodu yaraato, nolosha shacabka na ay sidii caadiga ahayd ugu socoto. Waxaa jiray dagaallo badan oo lala galay kooxda intii ay halkaas joogtay, iyada oo ay Puntland la tacaaleysay culaysyo kale oo ka imaanayay dagaallada siyaasadeed ee ka dhex jiray maamullada iyo dagaalka Al-Shabaab. Sidaas darteed, Puntland waxay buuraha ka samaysatay saldhigyo difaac oo ka soo horjeeda kuwa Daacish-ISIS, si loo sugo ammaanka deegaannada, isla markaana looga hortago weerarrada ay argagixisadu ku beegsan karaan shacabka. Dagaalka ay hadda qaaday Puntland, waxaa shaki la’aan ah in mar hore loo baahnaa, balse waxaa jiray caqabado badan oo hor taagnaa, qaar ka mid ahna wali way taagan yihiin. Si kastaba ha ahaatee, waxaa soo baxay cabsi weyn oo caddayn u ah in kooxdaasi dhammeystirtay diyaar garow colaadeed, iyagoo qorsheynaya inay waxyeello u geystaan qaybo ka mid ah Puntland, gaar ahaan magaalada Boosaaso oo aan aad uga fogeyn buuraha ay kooxdu saldhigga ka dhigtay. Waxa ay kooxdu si joogto ah dhibaato ugu haysay dadka shacabka ah, gaar ahaan kuwa ku nool buuraha dhexdeeda, waxaana maalin kasta laga soo sheegaa xoolo la dhacay, dad la la’yahay ama la waxyeelleeyay, iyo ganacsato lacag baad ah si xoog ah looga qaado, gaar ahaan kuwa magaalada Boosaaso. Gacanta Sare waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed, geerida teeda foosha xunna waxaa leh shisheeyaha soo duulay iyo kuwa duleysan ee cadowga u soo raacay dadkooda! Waxaa la wada ogyahay in Soomaaliya lagu hayo duullaan dhinacyo badan leh, waxaana shaki la’aan ah in qaybo badan oo duullaankaas ah ay ku jiraan qorshayaal is diidan oo ay diyaariyeen sirdoon dalal shisheeye ah oo siyaasad ahaan iska soo horjeeda. Tan waxaa laga garan karaa dhaqanka madaxda dowladda federaalka, iyo sida dowladaha shisheeye qaarkood aysan dan uga lahayn xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Soomaaliya. Waxaa la arkaa dalal colaad ka dhexeyso oo haddana midna uusan uga xumaan midka kale xiriirka ay dowladda Soomaaliya la leedahay. Taasi waxay muujinaysaa in Soomaaliya gacanta lagu hayo, isla markaana dano shisheeye lagu fushanayo. Su’aalo jawaabtooda cidina kuu sheegi karin waxaa ka mid ah: 11-kii bishaan, duullaan ay soo qaadeen kooxda Daacish, waxay ku yimaadeen mootooyin (motorcycles) oo tiradooda marna lagu sheegay 40, marna 60, kuwaas oo wata qaraxyo. Isla maalinkaas, sida la sheegay, waxaa la dilay 87 ka tirsan argagixisada, kuwaas oo 81 ka mid ah aan Soomaali ahayn! Dagaalkii ugu horreeyay ee lagu dilay 57 dagaalyahan oo Daacish ka tirsan, wararka ayaa sheegaya inay dhammaantood ahaayeen ajaanib. Wararka la helayo waxay tilmaamayaan in dadka ugu badan ee buuraha Galgala dagaalka ka wada ay yihiin shisheeye. Sidee bay ku heleen qalabka iyo hubka ay ku dagaalamayaan, gaadiidka, iyo dhismayaasha ay buuraha ka sameeyeen? Yaa u fududeeyay sahayda ay helayaan? Xaggee bay soo mareen? Waxa kaliya ee la ogyahay ayaa ah in hal nin oo Yemeni ah uu barfuunno wareejin jiray, balse ma cadda sida ay kooxdan ku heleen taageerada ay haystaan. Galmudug oo garab istaagtay Puntland! Waxay ahayd arrin aad muhiim u ah in Galmudug iyo dhammaan cid kasta oo Soomaaliyeed ay dagaalkaas kaalintooda ka qaataan. Shaki la’aan, garab istaaga Galmudug wuxuu xoojinayaa midnimada shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna niyad jab weyn ku ridayaa cadowga raba inay Soomaaliya kala tagto. Dadka Soomaaliyeed waa mideysan yihiin difaaca dalkooda, waxay garanayaan ciddii hiil u fidiya iyo cadowgooda. Sidaas darteed, shacabka Soomaaliyeed waa inay ka gudbaan khilaafaadka iyo tuhunnada la dhex dhigay, ayna fahmaan xaqiiqda ah inay yihiin dad isku mid ah, dagaal kasta oo lagu soo qaadana ay waajib tahay in qof kasta oo Soomaali ah uu ka qayb qaato. Dagaalka ay Puntland gashay waa inuu ku dhammaado: In laga sabro dhalinyarada u dhintay difaaca dadkooda iyo dalkooda. In shisheeyaha xuduudaha ka soo tallaabaya ay quustaan. In cadowgu uusan si fudud ugu soo dhiiran inuu damac galo dhulka Soomaaliyeed. In Soomaaliya aysan ahayn sida ay cadowgu u fahamsiiyeen. In cadow kasta oo dalka kusoo duula lagu aaso, uuna uusan noqon mid libin ku faanaya. Shaki la’aan, dagaalka ay Puntland haatan ku jirto wuxuu farriin cad u yahay dhammaan cadowga gudaha iyo dibadda ka wado falalka argagixisada, isla markaana wuxuu muhiim u yahay sugidda amniga guud ee Soomaaliya. Gacanta Sare waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed, geerida foosha xunna waxaa leh shisheeyaha soo duulay iyo kuwa cadowga u soo raacay dadkooda! Waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah in dadkii xuduudaha kasoo tallaabay, ama dalalka deriska kasoo yimid, dib loogu celiyo waddamadooda, maadaama ay jirto caddeymo muujinaya in qaar badan oo ka mid ah ay ku biireen kooxda argagixisada ah ee Daacish. W/Q: Axmedyaasiin Sooyaan alle_yaqaan99@yahoo.co.uk AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid.
  3. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane ayaa kulan xog-wareysi ah la qaatey maalgashatada Somaliland iyo qaar ka mida Qurba Joogta Dalka. Wasiirka wasaaradda horumarinta Maalgashiga iyo Warshedaha Jamhuuriyadda Somaliland Siciid Maxamed Buraale oo furay madashii Maalgashatada gudaha dalka, maalgashatada dibada iyo sidoo kale qaar ka mida qurba joogta ayaa ka xog waramay in waxyaabaha ugu waawayn ee safarkii madaxwaynuhu ku tagey dalka Imaaraadka la isla meeldhigay ay ahaayeen maalgashiga iyo goobta muhiimka ah ee ay Somaliland ku taallo waxaanu tiilmaamay Kulankaas oo ka qabsoomey Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ugu horeyn ka hadley agaasimaha Waaxda Maalgashiga ee Wasaarada Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland Marwo Hibaaq Cali Cabdoo waxaaney ka warbixisey ujeedada kulankaas uu daaranaa waxaaney xustey in kulnakaas uu ahaa mid isbarsho iyo xog-wareysi oo wad yeesheen Masuuliyiinta Wasaradadas iyo Dadka Maalgashada Somaliland. Iyadoo Marwo Hibaaq sheegtay in kulankaas Masuuliyiinta maalgashatada shisheeye ku ogaanayaan fursadaha maalagshi ee dalka ka jira iyo sidii horumarin ugu sameyn lahaayeen Maalgashada u dhashey Dalka. Dhankiisana, agaasimaha guud ee wasaarada wasarada horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Cabdifataax ismaaciil Ducaale ayaa sheegay in wasaaraddoodu ujeedada ay u aas-aasan tahay Dhiirigalinta Ganacsatada iyo Maalgashatada ee Dalka. Waxaanu agaasimuhu tilmaamey in Masuuliyiinta wasaradadaasi Ganacsatada iyo Maalgashatada u fududeeyaan wixii siyaasado horumarineed ah u bahadaan, isla markaasina, agaasimuhu waxa uu sheegay in Masuuliyiinta Wasaradadaas diyaariyeen Qorshayaasha Siyaasadeed ee la xidhiidha arrimaha horumarinta Maalgashatada iyo Maalgashiga ee wadanka, gaar ahaanna wixii shuruuc ah ee lagu hagaayey Maalgashatada Wadanka. Waxaanu agaasimuhu u balanqaadey in ka caawin doonaan Maalgashatada wadanka wixii shuruuc ah uga baahdaan. Wasirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland Mudane Siciid Maxamed Buraale oo kulankaas si rasmi ah u furey ayaa uga mahadceliyey ka soo qaybgalayaashii kulankaas, waxaanu wasiirku sheegay in mudada uu kulankaas socdo lagaga wado arrinsan doono caqabadaha jira ee xagga maalgashiga Dalka iyo sidii loogu heli lahaa Xal waara. Gaba-gabadiina waxa uu faahfaahin dheer ka bixiyey ahmiyada kulanka noocaas oo kale ahi u yeelan doono Maalgashatada doonaya in Maalgashadaan Wadanka. Waxaanu yidhi.“Waad og tihiin madaxwaynaha safarkiisii labaad ee Imaaraadka qodobadii ugu muhiimsanaa ee la isla soo meel dhigay ama ay Somaliland iibinaysay waxa uu ahaa Maalgashiga, wadankeenu waa wadan barwaaqo ah qiime wayn ayuu Caalamka ku leeyahay marka la eego halka uu kaga yaalo iyo nimcada uu ILLAAHAY ina siiyay ee aynaan garanayn eek u gadaaman. Maanta Madaxwayne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxaa ka go’an in ummadeenu wadanka ay maalgashato, nimacada ILLAAHAY ina siiyay aynu la soo baxno”. Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta hadal ka jeediyey munaasabad lagu furay isbitaal gaar loo leeyahay ayaa ka hadlay dagaalka ay Puntland kula jirto Daacishn iyo kan dowladda federaalka ay kula jirto Al-Shabaab. “In dagaalka Khawaarijta aan guulo ka gaarno waxay noo bilaabatay markii uu shacabku dhiiraday oo dagaalka ku soo biiray, waxaana ka adkaa doonaa Khawaarijta hadda ku soo uruurtay cabsi gelinta oo kaliya,” ayuu yiri. Madaxweynaha ayaa sheegay in guulo waaweyn laga gaaray dagaalka argagixisada oo xiligaan uu sheegay inuu toos uga socdo gobollada Bari, Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, isagoo shacabka ugu baaqay in dowladda ay ku garab siiyaan dhameystirka inta ka hartay ciribtirka Khawaarijta. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dhaliilay siyaasyiinta mucaaradka ah oo uu sheegay in halkii ay dowladda talooyin siin lahaayeen ay ka door bideen ceebeynta dowladda. “Dadkeena siyaasiyiinta ah waxaan leeyahay qof walba haduu hadlayo wax fiican dadka ha u sheego ama ha iska aamuso, darajo ku gaari meysid ceebeynta dalkaaga iyo dowladaada, wax badan oo wanaagsan ayaa jira hadaa dooneyso inaa dad wax u sheegto,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay arrinta canshuuraha, isagoo cadeeyey in qofkii dowladda canshuur kula murma uu isagu qaldan yahay. “Wax kasta waan ka doodi karnaa, laakiin canshuurta inaad bixiso waa waajib qaran oo ku saaran, gorgortana lagaala geli maayee hadii muran ka yimaado adigaa qaldan,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynaha oo ka hadlay arrinta caafimaadka ayaa yiri, “Arrinta caafimaadku aad ah ayeey ii taabaneysaa. Boqol qof ilaa 150 qof oo caafimaad dibadda u aadaaya ayaa maalin walba dalka diyaarad looga qaadaa. Dhallinyarada inta fariistay, qorsheeyay, maalgelinta raadsaday ee mashruucaan fuliyay kaliya adeeg caafimaad ma soo kordhin ee dhaqan cusub ayey bahda caafimaadka ku soo kordhiyeen.” Hoos ka daawo
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaaraan ku gubay Qaad/Jaad la sheegay in si sharci darro ah lagu soo geliyey dalka. Afhayeenka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifitaax Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay Kaaraan ayaa soo bandhigay 40 Jawaan oo Qaad ah oo fagaare lagu gubay. Booliska ayaa sheegay in Jaadkaan dalka lagu soo geliyey Doon ka keentay dalka Kenya, iyadoo u jeedku ahaa in ay ka dhuuntaan canshuurta dowladda. “Hadii qaadka uusan soo marin wasaaradda maaliyadda waa ‘kotorobaan’ waxaana nagu waajib ah in aan qabano oo gubno sida maanta dhacday oo kale,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska. Booliska ayaa shaaciyey in lasoo qabtay seddax nin oo loo heysto inay Jaadkaan soo geliyeen Muqdisho, isla markaana lagu raad-joogo rag kale oo la soo qabanayo. “Seddax eedeysane oo baaritaan uu ku socdo ayaan heynaa, waxaana ka sii dembi weyn kuwii qaadkaan soo iibiyey waana lasoo qaba doonaa, hantidiina ha iska khasaarinina, cid kasta oo waxaan oo kale lagu qabtana waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska. Dowladda Soomaaliya ma diidana in dalka la keeno qaadka ama laga ganacsado, balse waxay cadeysay in la diidan yahay oo lala dagaalamayo ganacsatada ka dhuumaneysa canshuurta. Canshuur badan ayaa saaran Qaadka markii uu ka soo dego garoonka Muqdisho, balse markii dalka lagu soo geliyo doon ama gaadiid waxaa la sheegay inuu ka lacag yaryahay wax badan kan diyaaraduhu keenaan. Hoos ka daawo
  6. Mogadishu (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud on Monday pushed back against opposition leaders, accusing them of spreading unnecessary fear and political instability instead of focusing on the country's progress. Source: Hiiraan Online
  7. Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay kulamo wadatashi ah ka yeesheen furitaanka kalfadhiga 6 ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isla markaana waxay go’aamiyeen in kalfadhiga 6 ee Baarlamanka 1 laad uu rasmi ah furmi doonno maalinta Sabtida ah taariikhduna ku beegan tahay 22 Febraayo 2025. Guddoonka ayaa Xildhibaannada iyo Senatarrada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku wargaliyay inay soo xaroodaan ka hor furitaanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,si loo sii ambaqaado gudashada waajibaadka Dastuuriga ah ee loo hayo dadwaynaha Soomaaliyeed. Furitaanka kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka ayaa si weyn dib ugu dhacay, waxayna arrintaas mucaaradkku ku fasiraan qorshe siyaasadeed oo madaxtooyadu ka dambeyso. Source: goobjoog.com
  8. MOGADISHU, Somalia - Somali President Hassan Sheikh Mohamud has vowed to defeat international terrorist groups in the Horn of Africa country. Source: Hiiraan Online
  9. Mogadishu (HOL) — A Burao Water Agency employee was shot and killed on Monday while conducting household billing assessments, an incident authorities say may have stemmed from a dispute over unpaid water charges. Source: Hiiraan Online
  10. Saraakiil sare oo ka kala socda Ruushka iyo Mareykanka ayaa salaasada ku kulmi doona Sucuudiga si ay uga wadahadlaan hagaajinta xiriirka labada dal, suurtagalnimada xabbad-joojin ka dhacda Ukraine, iyo kulan la filayo in uu dhex maro madaxweynayaasha labada dal Vladimir Putin iyo Donald Trump. Wadahadalladan ayaa imanaya iyadoo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo colaadda Ukraine ay sare u kacayaan. Talaabadan ayaa daba socota markii madaxweynaha Mareykanka uu toddobaadkii hore telefoon kula xiriiray Putin iyo Volodymyr Zelensky, isaga oo labada madaxweyne ku cadaadiyey inay joojiyaan dagaalka. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, iyo lataliye sare oo ka tirsan xafiiska Putin, Yury Ushakov, ayaa lagu wadaa inay Isniinta maanta ah u duulaan Riyadh, sida uu shaaca ka qaaday afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov. “Wadahadallada u dhexeeya Mareykanka iyo Ruushka waxay si gaar ah diiradda u saari doonaan soo celinta xiriirka dhameystiran ee labada dal,” ayuu yiri Peskov. Moscow waxay sidoo kale dooneysaa in lagala hadlo arrimo amni oo ballaaran oo ka baxsan xabbad-joojin suurtagal ah oo laga gaari karo Ukraine. Ruushka ayaa marar badan si adag u cambaareeyay joogitaanka NATO ee bartamaha iyo bariga Yurub, isaga oo dalbaday in ciidamada xulafada Reer Galbeedka laga saaro dhowr dal oo bariga Yurub ah. Dalabkan ayaa la hordhigay kahor inta uusan Ruushku qaadin weerarkiisii ballaarnaa ee Ukraine bishii Febraayo 2022. Kulamada Riyadh ayaa sidoo kale lagu falanqeyn doonaa “wadahadallo suurtagal ah oo ku saabsan xalka Ukraine iyo abaabulidda kulan dhex mara labada madaxweyne,” sida uu Peskov u sheegay warfidiyeenka. Source
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka labada Aqal ee BJFS ayaa maanta kulamo wadatashi ah ka yeeshay furitaanka kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka 11-aad, iyagoo go’aan ka soo saaray goorta uu furmayo. Maalinta Sabtiga ah ee soo socota oo ku beegan 22-ka Febraayo 2025 ayaa la go’aamiyey in la furo kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka, sida lagu shaaciyey warqad kasoo baxday guddoonka. “Xildhibaannada iyo Senatarrada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa lagu wargalinayaa inay soo xaroodaan ka hor furitaanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si loo sii ambaqaado gudashada waajibaadka Dastuuriga ah ee loo hayo dadwaynaha Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddoonka labada aqal. Baarlamaanka 11-aad ayaa ku jira marxaladihii u dambeeyay ee muddo xileedkiisa, maadaama ay sanad u hartay, waxaana lagu dhaliilay in Golaha Shacabka oo ah hey’adda kaliya ee la xisaabtanta Xukuumadda inay ku milantay Golaha Fulinta. Sidoo kale, mucaaradku waxay ku doodayaan in Madaxtooyadu noqotay halka laga hago shaqada ay qabtaan xildhibaanada golaha shacabka. Madaxtooyada oo la rabay in xildhibaanadu ay la xisaabtamaan ayaa soo diyaarisa ajendayaasha ay ku shaqeynayaan, sidoo kale waxay Villa Somalia dejisay qorshe lagu aamusinayo xubnaha ka hor yimaada ajendayaasheeda. Xildhibaanada qaar waxaa laga dhigay wasiirro si loogu aamusiyo oo xukuumadda aysan ula xisaabtamin ama u ridin, waxayna taasi sababtay in isla xisaabtankii uu meesha ka baxo. Furitaanka kalfadhigaan ayaa xambaarsan cabsi badan oo xukuumaddu ay ka qabto in mooshin laga keeno, waxaana jira siyaasiyiin u uku jiro Axmed Madoobe oo mooshinkaas gadaal ka taagan.
  12. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu maanta kulan muhiim ah la qaatay Badhasaabada Gobollada dalka, kulankaasi waxa uu ahaa mid is-xog waraysi ah laguna dar-dar galinaayey nidaamka dawladnimo, xoojinta nabadda , bixinta adeegyada bulshada, iyo sidii wax looga qaban lahaa arrimaha mudnaanta u leh Qaranka oo ay wadajirka iyo walaalaynta bulshadu ay saldhig u tahay. Qoddobada muhiimka ah ee kulanka lagaga wada hadlay waxa ugu mudnaa: ????. Amniga iyo Xasiloonida Gobollada dalka. ????. Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Gobollada. ????. Kobcinta kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Adeegyada Bulshada ee Gobollada, ????. U diyaar-garowga Aafooyinka iyo Gurmadka Abaaraha. ????. Maamul Wanaagga, Daah-furnaanta iyo la shaqaynta qaybaha kala duwan ee Bulshada: Madaxweynuhu waxa uu Guddoomiyayaasha Gobollada u sheegay in wallaalaynta iyo midnimada ummadda reer Somaliland, adkaynta nabadda iyo xasiloonidu ay tahay muhiimadda koowaad ee Xukuumadda WADAJIR iyo WAXQABAD. Madaxweynuhu waxa uu Guddoomiyeyaasha Gobollada u sheegay in xilka iyo mas’uuliyadaha uu u igmadey ay kaga wakil yahiin isaga (Madaxweynaha). Sidaa darteed, Guddoomiyeyaasha looga baahan yahay in bulshada ku nool gobolladooda ay dareensiiyaan in Xukuumadda WADAJIR iyo WAXQABAD ay tahay Xukuumadoodii. Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Guddoomiyayaasha Gobollada dalka kula dardaarmay in waajibaadkooda shaqo ay u gutaan si hufan oo hagar la’aan ah, sida oo kale-na ay u fuliyaan himilooyinka xagga horumarka ah ee ay hiigsanayso Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland. ???????????????????? ???????????????????? ????????????, ???????????????????????? ???????????????????? ???????????????? (????????????????) ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????? Source
  13. Dowladda Sacuudiga ayaa dil toogasho ah ku fulisay muwaadin Soomaali oo lagu helay dambi ah inuu dalka Sacuudiga galiyay daroogo sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaas. Muwaadinka Soomaaliga oo lagu Magacaabo Maxamed Nuur Xuseen Jacal ayaa la xidhay isagoo doonayay inuu xashiish geliyo dalka Sacuudiga. Maxkamad gaar ah ayaa ku heshay danbigaan waxaana ay ku xukuntay dil toogasho ah. Maxkamadda sare ee dalkaas ayaa ogolaatay in la toogto, kaas oo ugu dambayn Axadii lagu fuliyay xukunkiisa magaalada Najran ee koonfurta Sacuudiga. Maxamed Nuur Xuseen ayaa qoorta laga gooyay iyadoo la raacayo hab-dhaqanka dilka ah ee Sacuudi Carabiya. Qoyskiisa, ayaa ku eedeeyay madaxda Sacuudiga inay fuliyeen xukun caddaalad darro ah, iyagoo ku andacoonaya in wiilkooda uusan helin xukun caddaalad ah. Qoyskan ayaa sidoo kale ku andacoonaya in Xuseen loo diiday nidaamka cadaaladda iyo inuu helo qareen u dooda. Sacuudi Carabiya waxay dhaqangelisay mid ka mid ah nidaamyada sharciga ugu adag adduunka, iyadoo ciqaab dil ah lagu fuliyo inta badan dambiyada la xiriira daroogada, dilka, iyo eedeymaha argagixisada. Wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga ayaa sheegtay in xukunnada dilka ah ay xoojinayaan mowqifka dowladda ee mamnuucista ka ganacsiga daroogada iyo dambiyada rabshadaha wata, iyadoo carrabka ku adkeysay in cawaaqib sharci oo adag ay sugayaan dembiilayaasha. Ugu yaraan 50 qof oo Soomaali ah ay hadda sugaya xukun dil ah, kuwaas oo galay badi dambiyo la xiriira daroogada. Qaar badan oo iyaga ka mid ah, ayaa sheegay in lagu qasbay inay tahriibiyaan walxaha sharci darrada ah, si ay helaan shaqo abuur. Dowladda Soomaaliya iyo Ergooyinkeeda Diblomaasiyadeed ayaa ka codsaday Sacuudiga in cafis loo fidiyo maxaabiistan. Qunsuliyadda Soomaaliya ee Jeddah ayaa sheegtay in ay wadahadalo toos ah la gashay mas’uuliyiinta Sucuudiga, iyagoo doonaya in xukunnada dilka ah laga dhigo xabsi dheer. Qoysaska dadka dilka lagu xukumay ayaa sidoo kale ku baaqay in faragelin xooggan ay dowladda ku sameyso xukunkooda si looga hortago in xukunkooda lagu fuliyo. Source
  14. Mareykanka ayaa Axaddii shalay si buuxda u taageeray hadafka dagaalka Israa’iil ee Gaza, kaddib markii uu Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio sheegay in ay tahay in Xamaas la cidhibtiro, isla markaana ayna sii ahaan karin awood millatari iyo mid dowladeed. Rubio ayaa magaalada Qudus shalay kula kulmay ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, kulankaas oo qeyb ka ah booqashadiisii ugu horreysay ee uu Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ku tago Bariga Dhexe tan iyo markii loo magacaabay xilkan bishii hore. Rubio ayaa Netanyahu u sheegay in “ilaa iyo inta Xamaas ay u taagan tahay awood wax maamuli karta ama awood khatar keeni karta iyadoo la adeegsanayo rabshado, aysan macquul noqon karin nabaddu.” Hadalka Rubio ayaa ku soo beegmay xilli dhammaadka xabbad-joojinta Israa’iil iyo Xamaas ay ka hartay wax ka yar laba toddobaad, isla markaana aan weli la billaabin wada-xaajoodka wajiga labaad ee muddo kordhinta xabbad-joojinta. Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Netanyahu, ayaa soo dhaweeyay qorshaha madaxweyne Trump ee uu ku doonayo in Mareykanku uu yeesho milkiyadda Gaza. Wuxuu sheegay in isaga iyo Trump ay mustaqbalka Gaza ka leeyihiin istaraatiijiyad mideysan. Soo jeedinta Trump ee Gaza ayaa waxaa diiday dowladaha Carabta iyo ururka Jaamacadda Carabta, waxaana sidoo kale ka soo horjeestay qaar badan oo ka mid ah dowladaha xulufada dhaw la ah Mareykanka. Source
  15. Ugu yaraan sagaal qof, oo siddeed ka mid ah ku sugnaayeen gobolka Kentucky, ayaa u dhintay qaboowga daran ee xilliga jiilaalka iyo daadad ka dhashay roobab ka da’ay gobollo dhowr ah oo ku yaalla Mareykanka. Guddoomiyaha gobolka Kentucky, Andy Beshear, ayaa Axaddii sheegay in boqollaal qof laga soo badbaadiyay meelaha ay daadadku ku dhufteen. Wuxuu sheegay in dadka dhintay ay ku jireen hooyo iyo ilmo yar oo 7 jir ah oo ay dhashay, kuwaas oo baabuurkii ay la socdeen ay liqeen biyo jooggoodu sareeyay. Beshear wuxuu sheegay in dabeylo xoog leh korontada ka jareen ilaa 39,000 oo guri, isla markaana ka digay in dabeyluhu ay sii socon doonaan meelaha qaar. Meelaha kale ee ay dabeylaha iyo duufaannada jiilaalka saameeyeen waxaa ka mid ah gobollada Tennessee, Georgia, New England, iyo New York. Qabow iyo baraf xoog leh ayaa la saadaalinayaa inay ka dhacaan New England, halka wali uu baraf badani daadsan yahay gobollo ay ka mid yihiin Nebraska, Iowa, Wisconsin, Michigan, iyo kuwo kale. Source
  16. Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland uga qeyb-galay wada-hadallo ku saabsan ku biirista Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO). Wada-hadalladan, oo Soomaaliya muddo sugaysay, ayaa muhiim u ah dadaallada dalka ka socda ee lagu horumarinayo iskaashiga ganacsi iyo kobcinta dhaqaalaha. Ku biirista WTO waxa ay Soomaaliya u sahlaysaa helitaanka suuqyo ganacsi oo caalami ah, xoojinta maalgashiga shisheeye, iyo fududeynta ganacsiga caalamiga ah. Soomaaliya ayaa horey uga mid noqotay ururrada gobolka sida East African Community (EAC) iyo Common Market for Eastern and Southern Africa (COMESA), kuwaas oo muhiim u ah xoojinta iskaashiga dhaqaale ee gobolka. Sidoo kale, sanadkan 2025, Soomaaliya waxay xubin rasmi ah ka noqotay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo muujinaysa kaalinta firfircoon ee dowladda Soomaaliya ay ka ciyaarayso arrimaha caalamiga ah. Source: goobjoog.com
  17. Wasiirka Amniga Qaranka XFS Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa dalka Tuniisiya uga qeyb-galay shirka 42-aad ee Golaha wasiirrada arrimaha Gudaha iyo Amniga ee dalalka Jaamacadda Carabta. Shirkan oo sanadle ah ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la dagaalanka argagixisada, ka hortagga maan-dooriyaha iyo dembiyada abaabulan. Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa intii uu shirka socday kulamo gooni gooni ah la qaatay, wasiirrada arrimaha gudaha ee dalalka Masar, S/Gaas Maxamuud Towfiiq, Ciraaq, S/Guud Cabdull-amir Kaamil Al-shimri, Al-jeeriya, Mudane Ibrahim Muraad, Cummaan, Xamuud Bin Faysal Al-Boo Saciidi, Madaxa interpol S/Gaas Axmed Naasir Al-risi iyo Xoghayaha guud ee golaha wasiirrada arrimaha gudaha Carabta, Dr. Maxamed Bin Cali Koomaan, wuxuuna warbixin ka siiyay xaaladda Amniga Soomaaliya. Wasiir Fartaag ayaa masuuliyiinta uu la kulmay uga warbixiyey dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto argagixisada, isagoo sidoo kale ka codsaday dalalka Carabta in Soomaaliya lugu garab istaago dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada. Wasiirka ayaa waxaa safarkiisa Tuniisiya ku wehliyay Taliye xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo La-taliyaha Arrimaha Carabta ee Wasaaradda Amniga Qaranka Ismaaciil Macalin Cabdulle. Source: goobjoog.com
  18. FARIIN KU SOCOTA BULSHADA GOBOLKA MAROODI-JEEX. Marka hore waxa aan halkan salaan diiran hawada u marinayaa guud ahaan bulshadayda qiimaha badan ee reer Somaliland, gaar ahaana bulshada ku dhaqan Gobolka Maroodi-Jeex. Saaxibayaal, anigoo ah Cabdilaahi Xaaxi Xaaji Cabdilaahi. Sida aad ka warqabtaan, waxa aan dhawaan iclaamiyey in aan u taagnahay Musharaxnimada Wakiilada ee Jamhuuriyada Somaliland, ee doorashada la filaayo in ay dalka ka qabsoonto sanadka 2026ka, Hadii Allaha awooda lihi ogolaado. Haddaba, waxa aan mar labaad halkan ku bayaaminayaa in aan u taagnahay oo aan u sharaxnahay Doorashada soo socota ee Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyada barakaysan ee Somaliland, haddii Alle idmo. Haddaba, waxa aan bulshadayda cod-dheer ugu sheegayaa; in aan ahay nin dhalinyaro ah oo ganacsade ah, isla markaasina aan u socon inuu xilka maal iyo magac midna ka tabcado, balse u socdo sidii uu bulshadiisa wax ugu qaban-lahaa, ee nidaamka Siyaasadeed ee dalkana wax looga bedeli lahaa, isla-markaana bulshada loo tusi lahaa awooda ay leeyihiin dhalinyarada dalka ee ay ku dul maamulayaan odayaal da’ ah iyo kuwo aan aqoon ku filan u lahayn hoggaaminta dalka iyo xilka iyo xasaanada bulshadu u dooratay. Gabagabadii waxa aan Xukuumada cusub iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka usoo jeedinayaa inay si wada-jira uga shaqeeyaan sidii ay doorashooyinka isku lamaan ee Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada, ay sida ugu haboon ugu qaban lahaayeen waqtigii u qoondaysnaa, islamarkaasina inta ka hadhsan waqtiga doorashadana ay uga shaqayn lahaayeen sidii loo dhamaystiri lahaa dhamaan caqabadaha ku dayran qabashada doorashada. Allaa Mahad leh Musharax Cabdilaahi Xaaxi Xaaji Cabdilaahi Hargeysa/Somaliland Qaran News
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland ayaa dowladda Turkiga ka dalbaday inay xiriir toos ah la yeelato Somaliland, si uu u dhexmaro iskaashi adag oo dhinacyo badan leh. Cabdiraxmaan Cirro ayaa dalabkan hordhigay safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktas, iyo wafdi uu hoggaaminayay, kuwaas oo kulan muhiim ah ku yeeshay Qasriga Madaxtooyada Somaliland. Madaxweyne Cirro iyo safiirka ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo muhiim u ah labada dhinac, kuwaas oo la xiriira xoojinta iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Turkiga, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland. Danjiraha Turkiga ayaa madaxweynaha Somaliland ku bogaadiyey guushii uu ka gaaray doorashadii madaxtooyada, isaga oo qiray biseylka hannaanka dimuqraadiyadda ee ka hirgalay Somaliland iyo sida ilbaxnimada leh ee ay reer Somaliland ula kala wareegeen hoggaanka. Arrintaas ayuu danjiruhu ku tilmaamay mid dhif iyo naadir ku ah mandaqadda Geeska Afrika, shacabka reer Somaliland ee adkaysiga badanna ay mudan yihiin in lagu hambalyeeyo guusha ay gaareen. Intii uu socday kulanka, waxa diiradda lagu saaray arrimo badan oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin nabadeynta, iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga. Sidoo kale, waxaa la isla soo qaaday arrimaha waxbarashada, caafimaadka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xirfadaha, iyo ka wada shaqaynta arrimaha bini’aadannimada. Ugu dambayntii, madaxweynaha Somaliland ayaa danjiraha Turkiga ku wargeliyay in Jamhuuriyadda Somaliland ay aad u danaynayso in dawladda Turkigu la yeelato xidhiidh toos ah oo wanaagsan oo dhinacyo badan leh. Lama oga in Turkigu uu aqbali doono dalabka Somaliland, maadaama uu xiriir qoto dheer la leeyahay dowladda federaalka Soomaaliya, una fidiyo taageero ballaaran oo dhinacyo muhiim ah leh.
  20. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/02/AQNJo18FGBneykJ78iXqCsFRASqEWX4xfbFqmQEOV1qil0dSklD-4Pi3RgokQ6TAsbaMoxhuwtSSZN5-MxLlDsIv.mp4 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐬𝐢 𝐥𝐨𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐧𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚, 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu maanta kulan muhiim ah la qaatay Badhasaabada Gobollada dalka, kulankaasi waxa uu ahaa mid is-xog waraysi ah laguna dar-dar galinaayey nidaamka dawladnimo, xoojinta nabadda , bixinta adeegyada bulshada, iyo sidii wax looga qaban lahaa arrimaha mudnaanta u leh Qaranka oo ay wadajirka iyo walaalaynta bulshadu ay saldhig u tahay. Qoddobada muhiimka ah ee kulanka lagaga wada hadlay waxa ugu mudnaa: 𝟏. Amniga iyo Xasiloonida Gobollada dalka. 𝟐. Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Gobollada. 𝟑. Kobcinta kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Adeegyada Bulshada ee Gobollada, 𝟒. U diyaar-garowga Aafooyinka iyo Gurmadka Abaaraha. 𝟓. Maamul Wanaagga, Daah-furnaanta iyo la shaqaynta qaybaha kala duwan ee Bulshada: Madaxweynuhu waxa uu Guddoomiyayaasha Gobollada u sheegay in wallaalaynta iyo midnimada ummadda reer Somaliland, adkaynta nabadda iyo xasiloonidu ay tahay muhiimadda koowaad ee Xukuumadda WADAJIR iyo WAXQABAD. Madaxweynuhu waxa uu Guddoomiyeyaasha Gobollada u sheegay in xilka iyo mas’uuliyadaha uu u igmadey ay kaga wakil yahiin isaga (Madaxweynaha). Sidaa darteed, Guddoomiyeyaasha looga baahan yahay in bulshada ku nool gobolladooda ay dareensiiyaan in Xukuumadda WADAJIR iyo WAXQABAD ay tahay Xukuumadoodii. Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Guddoomiyayaasha Gobollada dalka kula dardaarmay in waajibaadkooda shaqo ay u gutaan si hufan oo hagar la’aan ah, sida oo kale-na ay u fuliyaan himilooyinka xagga horumarka ah ee ay hiigsanayso Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xarigga ka jaray Isbitaal casri ah oo laga hirgeliyey magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay qorshaha saddex geesoodka ee isbaheysiga ganacsatada iyo dowladda, shanta sano ee soo socota. Madaxweyne Xasan ayaa marka hore xusay ahmiyadda ay leedahay maal-gelinta adeegyada caafimaadka oo, baahi weynna ay u qabaan dadka Soomaaliyeed. Xasan ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed iyo dhallinyarada mashruucan hirgeliyey, waxa uuna xusay in dadaallada noocaan ah ay qeyb ka yihiin horumarinta adeegyada caafimaadka iyo yareynta safarrada caafimaad ee dibadda. “Arrinta caafimaadku aad ah ayeey ii taabaneysaa. Boqol qof ilaa 150 qof oo caafimaad dibadda u aadaaya ayaa maalin walba dalka diyaarad looga qaadaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Waxa uu intaas kusii daray “Dhallinyarada inta fariistay, qorsheeyay, maalgelinta raadsaday ee mashruucaan fuliyay kaliya adeeg caafimaad ma soo kordhin ee dhaqan cusub ayey bahda caafimaadka ku soo kordhiyeen.” Sidoo kale, madaxweynaha ayaa soo bandhigay qorshaha saddex geesoodka ee isbaheysiga ganacsatada iyo dowladda, shanta sano ee soo socota, kaas oo ay ka mid yihiin hirgelinta 6 Isbitaal oo laga dhisayo dhammaan Soomaaliya iyo sare u qaadidda tayada caafimaad ee dalka. Isbitaalka Hodan ee madaxweynaha Xasan uu xarigga ka jaray ayaa lagu hirgeliyey maalgelin ka badan $12 milyan oo dollar, iyadoo la qorsheynayo in lagu dabiibo cudurro badan oo dalka dibaddiisa loo aadi jiray, caqabado iyo culaysna ku ahaa dadkeenna Soomaaliyeed.
  22. Qorshaha Ruushka uu saldhig cidian badeed uga dhisanayo Gacanka Cadmeed-Badda Cas (GARS) wuxuu si weyn ugu xidhan yahay in Sudan ay hirgeliso heshiiskii muddo dheer dib u dhacay. Haddii taas la waayo, waxa xiga ee arrintan saameynaya waa go’aanka Maraykanka—sidoo kale in uu saldhiggiisa ka sii haysto Jabuuti ama uu ciidamada uga raro Somaliland haddii uu si rasmi ah u aqoonsado. Geeska Afrika wuxuu si muuqata uga dhex muuqday ajendaha diblomaasiyadeed ee Ruushka toddobaadkii hore, kaddib markii uu yeeshay laba kulan muhiim ah oo kala gaar ah Jabuuti iyo Somaliland Guddoomiyaha Golaha Qaranka ee Jabuuti ayaa booqasho ku tegay Moscow, halka wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Ururka Ganacsiga Ruushka ee Afrika uu kulan la yeeshay Somaliland. Wafdigan ayaa heshiis ka gaaray ballaadhinta iskaashiga dhinacyada beeraha, saadka, iyo warshadaha. Labadan horumarba waxay yeelan karaan saamayn ciidan oo dheeraad ah. Ruushka iyo qorshihiisa saldhig ciidan badeed Ruushku wuxuu muddo dheer doonayey inuu dib u soo celiyo joogitaankiisii badeed ee xilligii Midowgii Soofiyeeti ee gobolka GARS, isagoo markii dambe doortay inuu saldhig ka dhiso Sudan. Balse hirgelinta qorshahan ayaa si isdaba joog ah dib uga dhacay sababo la xiriira dagaalka sokeeye ee dalkaas iyo cadaadiska reer Galbeedka. Sidaas darteed, Ruushku wuxuu u fiirsanayaa fursadaha kale ee Jabuuti ama Somaliland haddii Sudan mar kale ka gaabiso fulinta heshiiskeeda. Xitaa haddii Sudan hirgeliso heshiiska, Ruushku wuxuu weli yeelan karaa xarumo kale oo dheeraad ah si uu u xoojiyo joogitaankiisa. Bishii November 2023, waxaa la falanqeeyay in Ruushku dhexdhexaadin karo heshiisyo u dhexeeya Jabuuti, Itoobiya, iyo Koonfurta Sudan, taasoo u horseedi karta inuu saldhig ciidan ka helo Jabuuti. Beddelkeedana, Ruushka wuxuu heli karaa saami shirkadaha macdanta ee Koonfurta Sudan, dhoofinta badeecooyin beeraley ah oo la dhimo qiimahooda, iyo dhismaha dhuumo shidaal oo gobolka mara. Arrintan ayaa laga yaabaa inay xiiso geliso Jabuuti haddii Donald Trump hirgeliyo qorshaha “Project 2025” (bogga 186), kaasoo soo jeedinaya in Somaliland la aqoonsado si Maraykanku uga helo xal uu kaga baxo xaaladdiisa sii xumaanaysa ee Jabuuti marka loo eego loolanka uu la leeyahay Shiinaha. Maraykanka iyo saldhiggiisa Jabuuti: Saameynta Ruushka Haddii Maraykanku go’aansado inuu ciidamadiisa ka raro Jabuuti una wareejiyo Somaliland, Jabuuti waxay lumin kartaa dakhliga ay ka hesho kiraynta saldhigga Maraykanka. Laakiin waxay sidoo kale heli kartaa beddel dhaqaale oo ka faa’iido badan haddii ay Ruushka la gasho heshiis, taasoo suuragal ka dhigaysa in Ruushku la wareego saldhigga badeed ee Maraykanka ee Jabuuti, sida uu bishii May 2023 ula wareegay saldhigga cirka ee Maraykanka ee Niger. Isbeddel noocan ah wuxuu u noqon lahaa mid dhaqaale ahaan faa’iido u leh Jabuuti, isla markaana gogol xaar u noqon kara heshiisyo kale oo dheeraad ah. Dhinaca kale, haddii Maraykanku go’aansado inuu Jabuuti sii joogo, Ruushku wuxuu diiradda saari karaa Somaliland beddelka Sudan. Inkastoo uu xiriir wanaagsan la leeyahay Soomaaliya, oo Somaliland ay qeyb ka tahay, haddana madaxweynaha Soomaaliya wuxuu laba jeer si adag ugu dhaleeceeyay Ruushka shir caalami ah oo ka dhacay Talyaaniga bishii Janaayo 2024. Dhaleeceyntaas waxay muujin kartaa in Ruushku aanu wax dhib ah ku qabin inuu xoojiyo xiriirkiisa Somaliland, xitaa haddii taasi ka xanaajinayso Muqdisho. Maraykanka iyo saldhiggiisa Jabuuti: Saameynta Ruushka Haddii Maraykanku go’aansado inuu ciidamadiisa ka raro Jabuuti una wareejiyo Somaliland, Jabuuti waxay lumin kartaa dakhliga ay ka hesho kiraynta saldhigga Maraykanka. Laakiin waxay sidoo kale heli kartaa beddel dhaqaale oo ka faa’iido badan haddii ay Ruushka la gasho heshiis, taasoo suuragal ka dhigaysa in Ruushku la wareego saldhigga badeed ee Maraykanka ee Jabuuti, sida uu bishii May 2023 ula wareegay saldhigga cirka ee Maraykanka ee Niger. Isbeddel noocan ah wuxuu u noqon lahaa mid dhaqaale ahaan faa’iido u leh Jabuuti, isla markaana gogol xaar u noqon kara heshiisyo kale oo dheeraad ah. Dhinaca kale, haddii Maraykanku go’aansado inuu Jabuuti sii joogo, Ruushku wuxuu diiradda saari karaa Somaliland beddelka Sudan. Inkastoo uu xiriir wanaagsan la leeyahay Soomaaliya, oo Somaliland ay qeyb ka tahay, haddana madaxweynaha Soomaaliya wuxuu laba jeer si adag ugu dhaleeceeyay Ruushka shir caalami ah oo ka dhacay Talyaaniga bishii Janaayo 2024. Dhaleeceyntaas waxay muujin kartaa in Ruushku aanu wax dhib ah ku qabin inuu xoojiyo xiriirkiisa Somaliland, xitaa haddii taasi ka xanaajinayso Muqdisho. Aqoonsiga Somaliland iyo heshiisyo suurta-gal ah Ruushku waxaa laga yaabaa inuu u gogol xaadhayo heshiis ay Somaliland ku heli karto aqoonsi rasmi ah, iyada oo beddelkeedana la kordhinayo maalgelinta iyo iskaashiga dhaqaale ee ay dhawaan isku afgarteen. Arrintan waxay Ruushka siinaysaa fursad uu uga dhigto Somaliland saldhig ciidan, taasoo qeyb ka noqon karta istiraatiijiyaddiisa badeed ee Gacanka Cadmeed-Badda Cas. Si kastaba ha ahaatee, qorshahan waa mala-awaal xog ogaal ah, maadaama aysan jirin warar la xaqiijiyay oo tilmaamaya in arrimahaasi si rasmi ah looga wada hadlay intii uu wafdigu ku sugnaa Somaliland. Balse lama dhayalsan karo macquulnimada in Ruushku raadinayo xiriir istiraatiijiyadeed oo Somaliland la yeesho, marka la eego duruufaha istiraatiijiyadeed ee ay booqashadu ku dhacday. Qorshaha Ruushka ee saldhig badeed oo ka hirgala Gacanka Cadmeed-Badda Cas wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay sida Sudan u fuliso heshiiskii dib u dhacay. Haddii Sudan ka baaqato, waxa xiga ayaa noqonaya go’aanka Maraykanka ee ah inuu Jabuuti sii joogo ama ciidamadiisa u raro Somaliland. Sida muuqata, Ruushku wuxuu la jaanqaadayaa xaaladaha gobolka halkii uu isku dayi lahaa inuu si toos ah u saameeyo, taasoo u muuqata mid xeel dheer marka la eego xaddidaadda saameynta uu ku leeyahay gobolka. Qaran News
  23. Wasaaradda degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland ayaa sheegtay in ay joojisay ka ganacsiga Xaabada kaddib markii ay qiimaysay xaalufka ba’an ee uu degaanka ku sugan yahay. Go’aan ka soo baxay wasaaradda degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland ayaa lagu joojiyay ka ganacsiga Xaabada ee degaannada Puntland waxaana lagu yiri go’aankaasi “Xaabadu waxay dhibaato weyn u geysatay deegaanka, waxaana baaba’ay dooxooyinkii xooluhu daaqi jireen, taas oo sababtay in daadad fara badan si sahal ah u soo rogmadaan, waxyeelo ballaaranna u geystaan deegaanka.” “Wasaaraddu waxay ogaatay in dhirta qoyan lagu shubo Kiimiko qalajinaysa geedka maalmo kooban, ka dibna loo gurto xaabo ahaan. Xeeladan cusub oo ay adeegsanayaan dad aan deegaanka dan kalahyn. Sida ku cad qodobka 19-aad, farqadiisa 4-aad, ee Xeerka Illaalinta iyo Maareynta Deegaanka waxa uu sheegayaa in qofka u adeegsada walxo ama kiimikooyin keeni kara in dhirtu qallasho si uu uga sameeyo xaabo, alwaax, tiir ama udbo, uu galayo dembi” ayuu sii raaciyay qoraalka wasaaradda. Wasaaradda degaanka ayaa sheegtay in ay aragtay in haddii ay sii socoto gurista xaabadu, Puntland isu bedeli doonto saxare, maadaama dhirtii kasii dhamaanayso deegaanka. Sidaas darteed, Wasaaraddu waxay digniin culus u dirtay cid kasta oo ku hawlan gurista xaabada, meel kasta oo ay kaga sugan yihiin Puntland. Wasaaradda degaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland ayaa sidoo kale ka codsatay dhammaan hay’adaha kor ku xusan in ay si buuxda u fuliyaan xeerka lagu mamnuucay ka ganacsiga xaabada, si looga badbaadiyo degaanka Puntland loona xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo degaanka PUNTLAND POST The post Wasaaradda degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland oo joojisay ka ganacsiga Xaabada appeared first on Puntland Post.
  24. WASHINGTON — U.S. airstrikes killed 16 militants affiliated with the Islamic State terrorist group in northern Somalia, officials there said Monday. A spokesperson for security operations in the Puntland region, Brigadier General Mohamud Mohamed Ahmed, disclosed the death toll in an interview VOA’s Somali Service. “The strike carried out by our international security partners killed at least 16 militants including two senior members identified as the group’s bomb-makers, and a bomb factory was destroyed,” Ahmed said. He said local officials are working to verify the names and nationalities of the bomb-makers. Ahmed said that the United Arab Emirates played a role Sunday’s attack. “The United States government and the United Arab Emirates, both our partners supporting us in the fight against terrorists, were involved [in] the strikes on Sunday night,” he added. Ahmed said the strikes targeted Godka Kunle and Xankookin, two villages in the Cal Miskaad mountain range in Puntland’s Bari region.Ahmed said during the airstrikes, the militants launched drone attacks on the bases of the Puntland security forces in the area. “Trying to hit back the bases of our security forces, the militants used seven drones. Puntland forces shot down five of them and two others, apparently with explosives, went off,” Ahmed claimed. Somali and U.S. authorities have been working to root out Islamic State groups that established hideouts in mountainous parts of Puntland, a semi-autonomous region in northern Somalia. The U.S. Africa Command (AFRICOM) said in a statement Monday that it conducted an airstrike against ISIS-Somalia in the country’s northeast Sunday, killing two terrorists, according to an initial assessment. AFRICOM said no civilians were harmed in the operation and said it would continue to evaluate the results and provide updates as necessary.Speaking in Mogadishu, Somali President Hassan Sheikh Mohamud commended the U.S. airstrikes. “The latest U.S. precision strikes against terrorist elements in Puntland reaffirms the strong partnership between Somalia and the United States in the fight against terrorism,” Mohamud said in a statement posted by the Somali National News Agency (SONNA). Sunday’s airstrike is the second the U.S. military carried out in Somalia this month. A similar operation on Feb. 1, which targeted senior ISIS-Somalia leadership in a network of cave complexes in Puntland’s Golis Mountains, killed approximately 14 ISIS operatives, including Ahmed Maeleninine, who the U.S. identified as a key recruiter and financier responsible for coordinating jihadi movements into the U.S. and Europe. Puntland authorities recently launched a military offensive against extremist groups in the region following months of preparations. Puntland claims to have since killed more than 200 Islamic State fighters, dozens of them foreign fighters, and captured villages and bases in the mountainous area controlled by IS. Source: VOA The post Somali officials: US airstrike against Islamic State kills 16 militants appeared first on Puntland Post.