-
Content Count
212,826 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Shantii eedaysane ee loo haystay dilka Salwan Momika, kaasoo sannadkii 2023-kii marar badan gubay nuqullo ka mid ah kitaabka Qur’aanka Kariimka, ayaa dhammaantood la sii daayay, sida uu sheegay xeer-ilaaliye kiiskan gacanta ku hayay. “Shakigii markii hore jiray hadda wuu daciifay, mana jirto sabab aan hadda dadkan ugu sii hayno xabsiga falkii dilka ahaa ee Arbacadii dhacay,” ayuu yiri xeer-ilaaliye Rasmus Oman oo war-saxaafadeed soo saaray, isagoo raaciyay in baadhitaanku uu weli socdo. Momika, oo 38 jir ahaa, ayaa Arbacadii lagu toogtay guri dabaq ah oo ku yaalla magaalada Sodertalje, oo dhinaca koonfureed kaga toosan caasimadda Stockholm, halkaas oo uu deggenaa. Waxaa la xaqiijiyay in uu isbitaalka ku geeriyooday wax yar kaddib markii la toogtay. Shanta qof ee loo xidhay kiiskan ayaa la qabtay habeenimadii Arbacada, saacado kooban uun kaddib markii toogashadu dhacday. Maxkamad ku taalla Stockholm ayaa la filayay inay Khamiistii go’aan ka gaarto in Momika, oo ahaa Kirishtaan asal ahaan ka soo jeeda Ciraaq, uu ku kacay kicinta naceyb qowmiyadeed, laakiin waxay shaacisay inay dib u dhigtay go’aankeeda illaa 3-da Febraayo, sababo la xiriira geeridiisa awgeed. “Si buuxda ayuu ula socday in khatar aad u weyn ay naftiisa ku soo fool lahayd,” ayay qareenkiisa Anna Roth u sheegtay wakaaladda wararka TT ee dalka Sweden. Dowlad shisheeye oo la tuhmayo Ra’iisul Wasaaraha Sweden Ulf Kristersson ayaa sheegay in laga yaabo in dowlad shisheeye ay ku lug lahayd dilka toogashada ah ee ninkii ka soo horjeeday diinta Islaamka. “Waxaan idin xaqiijin karaa in hay’adaha amnigu ay si qoto dheer ugu lug leeyihiin baaritaanka kiiskan, maxaa yeelay waxaa jirta khatar muuqata oo ah in falkan uu xiriir la leeyahay quwad shisheeye,” ayuu yiri. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Ebba Busch, ayaa iyaduna si kulul u cambaaraysay falka dilka ah. “Waa weerar lagu qaaday dimoqraadiyaddeena xorta ah. Waa in lagu wajaho awoodda buuxda ee bulshadeenna,” ayay ku soo qortay barteeda X (oo markii hore loo aqoon jiray Twitter). Sannadkii tegay, hay’addu waxay shaaca ka qaadday in dawladda Iiraan ay adeegsanaysay shabakado dambiilayaal ah oo ka howlgala gudaha Sweden si ay u fuliyaan falal rabshado wata oo ka dhan ah dowlad, kooxo iyo shakhsiyaad gaar ah. Source
-
Dowladaha ugu awoodda badan dalalka Carabta ayaa Sabtidi shalay gaashaanka u daruuray soo jeedinti madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ee aheyd in Falastiiniyiinta Gaza loo raro dalalka Masar iyo Urdun. Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen Masar, Urdun, Sacuud Carabiya, Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta, Maamulka Falastiiniyiinta iyo Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay, in Carabtu diideen qorshe kasta oo Falastiiniyiinta looga rarayo dhulkooda Gaza iyo Daanta Galbeed. Trump ayaa bishi hore sheegay in uu ku boorrinayo hogaamiyaasha Masar iyo Urdun qaadashada shacabka reer Gaza, si buu yiri loo nadiifiyo burburka baaxadda leh ee soo gaaray Gaza. Wuxuu kaloo sheegay in qorshaha raritaanka dadka Gaza uu noqon karo mid ku meel gaar ah ama mid waqti dheer. Hadalka madaxweyne Trump ayaa waafaqaya soo jeedinti hogaamiyaasha Isra’il ee billowga dagaalka Gaza, kuwaas oo ku baaqay in shacabka Gaza loo raro meel kale. Dowladaha Carabta ayaa ku sheegay qorshayaasha nuucaasi oo kale ah in ay khatar gelinayaan xasilloonida mandiqadda, sii hurinta colaadaha iyo wiiqidda nabadda iyo wada noolaasha dadka gobolka. Bayaankan ayaa kasoo baxay shir ay magaalada Qahira ku yeesheen diblamaasiyiin sare oo ka kala socday Sacuudiga, Masar, Imaaraadka Carabta, Urdun, Qatar, Maamulka Falastiiniyiinta iyo guddoomiyaha Jaamacadda Carabya. Source
-
Xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa soo dhoweysay hadalka madaxweynaha dalkaa, Donald Trump, ee ah inuu amray duqeynta cirka ee loo geystay Daacishta Soomaaliya. Qoraal ay xalay soo dhigtay barteeda X ayay ku sheegtay inay rajeyneyso in kooxda laga guuleysto. “Haa, waa sida ay tahay inaan sameyno. Waa rajadeyda daacadda ah in Isis iyo Alshabab laga guuleysan doono dadka Soomaaliyana ay arki doonaan dhammaadka argagixisada.” Ayay ku tiri qoraalkeeda. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu bixiyay amarka cirka looga duqeeyay sarkaal weerarada qorsheeya iyo kuwa kale oo ka tirsan kooxda IS ee Soomaaliya. “Kuwan dadka dila, ee aan ka helnay godad ay isku qarinayeen, waxay khatar ku ahaayeen Mareykanka iyo isbahaysigiisa”, ayuu yiri Madaxweyne Trump oo qoraal soo dhigay baraha bulshada. “Weerarka waxaa lagu burburiyay gododkii ay ku noolaayeen, waxaana la dilay argagixiso badan kuwaas oo aan marna dhibaateyn doonin shacabka.” Source
-
Maamulka Falastiin, ee ay hoggaamiso kooxda Fatax ayaa u sheegay dowladda Mareykanka in ay diyaar u yihiin inay “la-dagaalamaan” Xamaas haddii ay taasi tahay qiimaha looga baahan yahay si ay ula wareegaan gacan ku haynta Marinka Gaza, xilli ay arrintaas u bandhigayeen ergeyga arrimaha Bariga Dhexe ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, sida uu ogaaday wargeyska Middle East Eye (MEE). Qorshahan ayaa salaasadii lasoo dhaafay loo soo bandhigay Steve Witkoff intii lagu guda jiray kulan ka dhacay magaalada Riyadh, waxaana soo bandhigay Xuseen Al-Sheikh, oo ah sarkaal sare oo Falastiini ah, laguna tilmaamo inuu noqon karo beddelka madaxweynaha da’da ah ee Falastiin, Maxamuud Cabbaas, sida uu Middle East Eye u sheegay ilo-wareed lagu kalsoon yahay oo Falastiini ah. Qorshaha Maamulka Falastiin ayaa saadaalinaya in Marinka Gaza ay maamusho guddi ay aqlabiyaddoodu ka baxsan tahay Marinka. Kulanka dhexmaray ergayga xallinta khilaafaadka Bariga Dhexe ee Trump iyo Sheikh ayaa waxaa fududeysay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kaddib codsi uga yimid Maamulka Falastiin, markii uu Witkoff diiday codsiyadoodii ahaa inay ku kulmaan magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed ee la haysto, sida uu sheegay ilo-wareedku. Witkoff ayaa markii dambe u safray Israa’iil si uu ula kulmo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu. Waxaa xusid mudan, inuusan wax walaac ah ka muujinin inuu safar ku tago Gaza, isagoo noqday Arbacadii lasoo dhaafay sarkaalkii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo booqda Gaza muddo 15 sano ah. Sacuudi Carabiya ayaa dhex-dhexaadisay kulanka u dhexeeyay Mareykanka iyo Maamulka Falastiin, laakiin ma aysan dib u eegin qorshaha ka hor inta aysan Maamulka Falastiin u bandhigin Witkoff, ayuu yiri ilo-wareedku. Waa ayo Ziyaad Abu Camar – Ninka maamulka Falastiin u qaabilsan Gaza? Ziyaad Abu Camar, oo ka mid ah la-taliyeyaasha muddo dheer u shaqeynayay Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas, ayaa la filayaa inuu noqdo hoggaamiyaha rasmiga ah ee Marinka Gaza, isagoo hoggaamin doona guddiga. Waxaa loo magacaabi doonaa ku xigeenka Ra’iisul Wasaaraha Falastiin Maxamed Mustafa, iyadoo la siin doono awoodo cusub oo aad u ballaaran. Abu Camar wuxuu ku dhashay Marinka Gaza sannadkii 1950-kii. Waxaa laga yaaba inuu noqdo mid uu aqbali karo maamulka Trump, maadaama uu isaguna yahay muwaadin Mareykan ah. Wuxuu shahaadada PhD ka qaatay Jaamacadda Georgetown, wuxuuna soo noqday Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Falastiin intii u dhexeysay 2013-kii illaa 2024-kii. Abu Camar ayaa si firfircoon uga shaqeynayay sidii loo soo celin lahaa awoodda Maamulka Falastiin ee kooxda Fatah ee Gaza. Wuxuu horey uga soo horjeestay maalgelinta dib-u-dhiska marinka la go’doomiyay kaddib dagaalkii 2014-kii. “Marka ay dadku ka hadlayaan dib-u-dhiska, waxay ka hadlayaan ku soo noqoshada [Maamulka Falastiin] ee Gaza iyo in Gaza ay maamusho dowlad midnimo qaran ah… Uma maleynayo in dib-u-dhisku uu dhici lahaa haddii kale,” ayuu u sheegay wargeyska Wall Street Journal waqtigaas. Mareykanka oo shaki Ka muujiyay awoodda maamulka Falastiin Dhiirrigelintii Maamulka Falastiin ay siiyeen maamulka Trump, ee aheyd in ay diyaar u yihiin inay la dagaallamaan Xamaas, ayaa waxaa meesha ka saaray sarkaal sare oo ka tirsan difaaca Mareykanka, oo u sheegay Middle East Eye in ay u egtahay “riyo maalmeed”, isagoo intaa ku daray in ay u baahan doonaan taageero ciidan iyo laga yaabo in ay u baahdaan ciidamo ka socda dowladaha kale ee Carabta ama qandaraaslayaal gaar ah. Maamulka Falastiin waxaa awood badan ku leh xisbiga cilmaaniga ah ee Falastiin, ee Fatax. Sannadkii 2007, waxaa dagaal dhex maray Fatax iyo Xamaas oo Islaami ah kaddib markii ay Xamaas ku guuleysatay doorashooyinkii baarlamaanka Falastiin ee sannadkii ka horreeyay. Ugu dambeyntii, Xamaas ayaa xoojisay awooddeeda Gaza, halka Fatax ay xoojisay awooddeeda Daanta Galbeed ee la haysto. Dadaalladii lagu heshiisiin lahaa labada dhinac ayaa fashilmay. Xamaas ayaa ceebeysay Israa’iil iyo Maamulka Falastiin iyagoo muujiyay taageeradooda ballaaran ee shacabka Gaza iyo abaabulkooda ciidan intii lagu guda jiray maxaabiis is-weydaarsi heer sare ah oo dhacay toddobaadyadii la soo dhaafay. Cutubyada ciidanka Xamaas ayaa si xor ah uga dhaqaaqay gudaha Gaza, waxayna sugeen is-weydaarsi maxaabiis oo si wanaagsan loo soo agaasimay oo ay goob-joog ka ahaayeen dadweyne Falastiini ah oo aad u faraxsanaa. Israa’iil waxay sheegtay in ujeeddada dagaalkeedu ay tahay in gebi ahaanba la ciribtiro Xamaas. Bandhigyadaas ayaa cadaadis lixaad leh saaray Maamulka Falastiin, oo horayba loogu tixgelin jiray mid musuqmaasuq ah oo la shaqeeya Israa’iil, indhaha inta badan shacabka Falastiin ee ku nool Daanta Galbeed ee la haysto. Hadda, Maamulka Falastiin ayaa si quus ah ugu dagaallamaya in aan gebi ahaanba dhinac loo dhigin tan iyo markii madaxweyne Trump uu ku soo laabtay Aqalka Cad. Tan iyo horraantii bishii December, waxay go’doomin ku hayeen xerada qaxootiga ee Jiniin, iyagoo weerarayay dagaalyahannada iska caabbinta Falastiin. Tahani Mustafa, oo ah falanqeeyaha sare ee arrimaha Falastiin ee Kooxda Xasaradaha Caalamiga ah (International Crisis Group), ayaa weerarka ku tilmaamtay “mid ismiidaamin ah” iyo isku daygii ugu dambeeyay ee lagu muujinayo in Maamulka Falastiin uu weli leeyahay awood ciidan. “Maamulka Falastiin wuxuu ka walaacsan yahay haddii maamul cusub uu ka dhasho Gaza oo aan iyagu ahayn, in dhammaan maalgelintooda loo weecin doono meel kale. Cabsideeda ugu weyn ayaa ah in culeyska siyaasadeed uu ka guuro Daanta Galbeed una guuro Gaza, kana tago iyaga oo gacma maran oo cidlo ah,” ayay Mustafa horey ugu sheegtay Middle East Eye. Hoggaanka da’da ah ee Ramallah ayaa ahaa udub-dhexaadka qorshaha maamulkii Biden ee ku aaddan maamulka Gaza ee dagaalka kaddib, laakiin madaxweyne Trump wax yar ayuu ka soo hadal qaaday Maamulka Falastiin. Xaqiiqdii, wax dan toos ah kama uusan muujin Gaza, oo uu ku tilmaamay “goob haatan uun burbursan.” Wuxuu ugu baaqay Urdun iyo Masar inay aqbalaan Falastiiniyiinta ka imaanaya Gaza, isagoo yiri, “Waxaan u baahannahay inaan goobtaas gebi ahaanba ka sifeyno wixii dhib ku ah.” Maamulka Falastiin oo ku dhax jira Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta Intii lagu guda jiray xilligiisii koowaad ee xafiiska, madaxweyne Trump wuxuu hoos u dhigay xiriirkii diblomaasiyadeed ee Maamulka Falastiin isagoo xiray qunsuliyadda Mareykanka ee Falastiiniyiinta ee Qudus, sidoo kale wuxuu xiray xafiiskii Ururka Xoreynta Falastiin (PLO) ee Washington DC. PLO waa isbahaysi ka kooban kooxaha Falastiiniyiinta oo uu hoggaamiyo Maamulka Falastiin. Wiilka uu soddogga u yahay ahna la-taliyihiisa, Jared Kushner, ayaa aad u necbaa Maamulka Falastiin, wuxuuna isku dayay inuu carqaladeeyo iskaashi kasta oo dhexmara Mareykanka iyo Maamulka. Xiisadahaas ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay markii Trump uu gooyay kaalmadii uu siin jiray Maamulka Falastiin. Kushner wuxuu soo jeediyay bishii Maarso 2024 qorshe ah in Falastiiniyiinta si qasab ah looga barakiciyo Marinka Gaza. Sarkaal sare oo hore oo Mareykan ah ayaa horey ugu sheegay Middle East Eye in Maamulka Falastiin ay u badan tahay in ay wajihi doonaan caqabad adag sidii ay taageero uga heli lahaayeen maamulka Trump. Gaza waxay fursad u siisay dhaliilaha ugu weyn ee Maamulka Falastiin ee Khaliijka Carabta, Imaaraadka Carabta, si ay ugu riixaan isbeddel hoggaamineed oo Falastiini ah. Imaaraadka Carabta waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay ciidamo nabad-ilaalin ah u diraan Gaza haddii Maamulka Falastiin dib-u-habeyn lagu sameeyo iyadoo Cabbaas uusan qeyb ka aheyn. Sarkaal Masri ah ayaa horey ugu sheegay Middle East Eye in Cabbaas uu “aad uga carooday” soo jeedintaas. Waxaa jira khilaaf u dhexeeya Cabbaas, oo Daanta Galbeed xukumayay doorasho la’aan tan iyo 2006-dii, iyo ninkii xoogga badnaa ee Fatax ee Gaza, Maxamed Dahlan, oo ka tirsan culumada cilmaaniga ah ee Falastiin. Dahlan wuxuu degan yahay Imaaraadka Carabta, waxaana ergey u ah qoyska xukuma Imaaraadka Carabta ee Al-Nahyan. Dahlan waa laga saaray Fatax, laakiin wuxuu ku haystay taageero gudaha Gaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto isagoo adeegsanaya Isbaheysiga Fatax-Dimuqraadiyadda Isbeddel-doonka. Sacuudi Carabiya waxay noqon kartaa udub-dhexaadka mustaqbalka Marinka Gaza. Ka sokow haysashada dhaqaale lagu dib-u-dhisayo marinka, waxay u janjeertaa dhexdhexaadnimo dheeraad ah oo ku aaddan la macaamilka kooxaha kala duwan ee Falastiiniyiinta, marka loo eego Imaaraadka Carabta. Inkastoo ay Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, iyo Baxreyn ay u muujiyeen cadaawad Xamaas intii lagu jiray kacdoonkii Carabta, haddana tan iyo markaas waxay noqdeen kuwo aad uga dabacsan Xamaas. Dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya, Maxamed Bin Salmaan, ayaa si cad u sheegay in Israa’iil ay xasuuq ka geysatay Marinka Gaza, halka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta uu si fagaare ah u marti-qaaday dhiggiisa Israa’iil. Ka hor 7-dii Oktoobar 2023, Riyadh waxay marti-gelisay booqasho uu ku yimid hoggaamiyaha Xamaas Ismaaciil Haniyeh, oo ay Israa’iil dishay bishii Luulyo 2024. Source
-
Xamaas ayaa sii deysay saddex nin oo Israa’iiliyiin ah oo ay haysteen, iyadoo taa beddelkeedana Israel ay sii deysay tobanaan maxaabiis Falastiiniyiin ah, taasi oo qeyb ka ah heshiiskii xabbad joojinta ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka 15-ka bilood ah ka socday Gaza. Ofer Kalderon, oo haysta dhalashooyinka Faransiiska iyo Israa’iil, iyo Yarden Bibas ayaa lagu wareejiyay saraakiisha Laanqayrta Cas ee magaalada Khan Yuunis oo ku taalla koonfurta Gaza ka hor inta aan loo sii gudbin Israel. Keith Siegel oo u dhashay Israa’iil iyo Mareykanka ayaa isna lagu sii daayay oo Laanqeyrta Cas lagu wareejiyay dekedda Magaalada Gaza. Saacado ka dib, ayaa 183 maxaabiis Falastiiniyiin ah la sii daayay iyagoo bas lagu geeyay magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed ee dhulka la haysto, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen dadweyne aad u tiro badan oo sugayay soo deyntooda. Marinka dhowaan dib loo furay ee Rafax ee ku yaalla xudduudda koonfureed, bukaannadii ugu horreeyay ee Falastiiniyiin ah ee loo oggolaaday in ay ka baxaan Gaza, oo ay ku jiraan carruur la ildaran kansarka iyo cudurrada wadnaha, ayaa la filayaa in ay Masar ugu gudbaan bas ay keentay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO. Sii deyntan ayaa 18 ka dhigeysa tirada guud ee la haystayaasha ilaa hadda la sii daayay, waxaana ku jira shan qof oo u dhashay Thailand, oo ka mid ahaa dadkii lagu sii daayay si aan horey u sii qorsheysneyn Khamiistii. Ilaa maanta, Israa’iil ayaa dhankeeda sii deysay 583 maxaabiis Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan maleeshiyaad xabsi daa’im ugu xukunnaa weeraro dad lagu dilay iyo sidoo kale qaar lagu xiray dagaalka balse aan dacwad lagu soo oogin. Gudaha Israa’iil, dad badan ayaa isugu soo baxay goob ku taalla magaalada Tel Aviv oo loo yaqaanno Hostage Square si ay sii deynta uga daawadaan shaashadaha, iyadoo farxad iyo sacab ay isla dhex qaadeen markii ay saddexda nin ka soo muuqdeen shaashadda. Iyadoo uu joogsaday dagaalku, waxaa xoogeystay dadaalka diblumaasiyadeed ee lagu doonayo in heshiiska la ballaariyo. Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa in uu Talaadada la kulmo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayna ka hadlaan xabbad joojinta Gaza, iyo suurtagalnimada in la caadiyeeyo xiriirka Sucuudiga iyo Israa’iil oo qayb ka ah heshiis ay u badan tahay in xoogga la saaro dagaal ka dib. Wajiga koowaad ee xabbad joojinta ayaa lagu heshiiyay in la sii daayo 33 carruur ah, haween iyo rag waayeel ah, iyo sidoo kale dadka xanuunsan iyo kuwa dhaawacyada, iyadoo in ka badan 60 nin oo da’da militariga ah loo dhaafay sii deyntooda in looga wada hadlo wajiga labaad. Wada xaajoodyada ayaa lagu wadaa in ay bilowdaan maalinta Talaadada ah, waxayna ku saabsan yihiin heshiisyada lagu sii deynayo la haystayaasha haray iyo ka bixitaanka ciidamada Israa’iil ee Gaza kaasi oo noqonaya wejiga labaad ee heshiiska lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Gaza. Xabbad-joojinta muddada lixda toddobaad ah ee ay garwadeenka ka ahaayeen dhexdhexaadiyayaasha Masar, Qatar iyo Mareykanka ayaa ilaa hadda ku socotta wadadii saxda ahayd inkasta oo ay dhaceen dhawr dhacdo oo sababay in labada dhinac uu midba kan kale ku eedeeyo in uu jabiyey heshiiska. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa difaacday go’aankeeda ku aaddan kordhinta muddo xileedka hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada, iyadoo ku tilmaamtay tallaabo lagama maarmaan u ah horumarinta dib-u-habeynta doorashooyinka iyo u-gudbidda nidaamka “hal qof, hal cod”. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in muddo kordhintan, oo lagu soo afmeeray shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka, ay qeyb ka tahay qorshaha dowladda federaalka ee isku aaddinta jadwalka siyaasadeed ee dalka, si doorashooyinka dhammaan heerarkooda kala duwan hal mar loogu wada qabto. “Muddo kordhintu waa tallaabo lama huraan ah oo looga weecanaayo hannaanka doorasho ee dadban, kaas oo ku saleysan nidaamka beelaha, isla markaana aan ku dhaqmeyney muddo haatan laga joogo toddobo sano,” ayuu Mudane Jaamac hadalkan u sheegay wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho. ‘Qorshaha doorasho toos ah oo socda’ “Waxaa naga go’an in aan muwaadiniinta Soomaaliyeed u suurta galinno in ay si toos ah u soo doortaan hoggaamiyeyaashooda — laga soo bilaabo mas’uuliyiinta heer deegaan, illaa heer gobol, iyo weliba kuwa dowlad-goboleed.” Saalax ayaa sidoo kale sheegay in guddiga doorashooyinka qaranka ee dhawaan la asaasay uu haatanba bilaabay howlaha la xiriira diyaar-garowga coddeynta, iyadoo saraakiil ka tirsan guddigu ay kormeer ku kala bixin doonaan gobollada muhiimka ah ee dhammaan dowlad-goboleedyada dalka. Guddiga ayaa qorsheynaya inuu korjoogteeyo geeddi-socodka xilliga kala-guurka ah, sidoo kalena xaqiijiyo in daneeyeyaasha kala duwan ee heer deegaan ay qeyb ka noqdaan howlaha doorashooyinka. Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay in bisha Juun 2025 ay tahay waqtiga loo qorsheeyay qabashada doorashooyinka golayaasha degaanka, taasoo haddii ay hirgasho astaan weyn u noqon doonta geeddi-socodka dib-u-habeynta hannaanka doorashooyinka. Si kastaba ha ahaatee, qorshahan ayaa dhaleeceyn xooggan kala kulmay qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaasoo ku doodaya in hannaanka lagu fulinaayo aanu lahayn hufnaan ku filan, isla markaana uu sii xoojin karo awoodda maamulka talada haya. Siyaasiyiinta ka soo horjeeda hannaanka dowladda ayaa weliba walaac xooggan ka muujiyay waqtiga loo qabtay, iyagoo ku adkeystay in khilaafaadyada siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada, kuwaas oo aan xal rasmi ah laga gaarin ay sababi karaan dib-u-dhac kale ama xitaa inay hurin karaan colaad hor leh. Caqabadaha doorasho qof iyo cod ah Dhinaca kale, caqabad weyn ayaa weli ka taagan dhanka ammaanka. Iyadoo kooxda Al-Shabaab ay weli ku xooggan tahay deegaannada baadiyaha ah, ayna weerarro joogta ah ka geysato gudaha dalka, hubinta in dhammaan muwaadiniintu ay si nabad ah uga qeyb-qaadan karaan doorashooyinka ayaa weli ah arrin walaac weyn laga qabo. Soomaaliya ayaa tan iyo horraantii qarnigan 21-aad ku tiirsaneyd hannaanka doorasho ee dadban, halkaasoo odayaasha dhaqanka ay soo xulaan xubnaha Baarlamaanka, kuwaasoo markooda doorta Madaxweynaha. Hannaankan, oo saldhig u ah qaab-dhismeedka awood qeybsiga beelaha ee 4.5, ayaa ahaa xal wax-ku-ool ah oo lagu xaqiijinaayay metelaadda siyaasadeed ee waddan kasoo kabanaayay colaad sokeeye, laakiin waxa uu muddooyinkii u dambeeyay dhaleeceyn kala kulmayay inuu kordhiyey musuqmaasuqa, isla markaana xaddiday ka qayb-galka siyaasadeed ee shacabka. Maamulladii hore ee dalka ayaa isku dayay inay hirgeliyaan doorasho qof iyo cod ah, hase yeeshee isku dayadaas ayaa la kulmay caqabado laxaad leh. Tusaale ahaan, sannadkii 2020, dowladdii hore ayaa qorsheysay inay dalka ka hirgeliso nidaamka “hal qof, hal cod”. Hase yeeshee, khilaafaadyadii siyaasadeed ee soo noqnoqday iyo caqabadaha dhanka ammaanka ayaa sababay in dib loo dhigo qorshayaashaas. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay xildhibaannadu ku doorteen doorasho dadban bishii Maajo 2022, muddo xileed afar sano ah, ayaa mudnaanta koowaad siiyey in dalka laga hirgeliyo doorasho toos ah, taasoo uu sheegay inay tahay ujeeddooyinka ugu muhiimsan ee maamulkiisa. Xildhibaannada ayaa tan iyo markaas soo jeediyay in muddo xileedka Madaxweynaha laga dhigo shan sano, inkastoo wax-ka-beddelkaas aan weli la ansixin. Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in qorshaheeda hadda uu abuuri doono nidaam siyaasadeed oo loo dhan yahay, hufan, isla markaana xaqiijinaaya metelaadda shacabka. Saalax Axmed Jaamac ayaa markale ku celiyay in dowladda ay u furan tahay wadahadal lala yeesho kooxaha mucaaradka si wax looga qabto walaacyada ay qabaan, balse waxa uu ka digay in dib-u-dhacyo hor leh ay khatar gelin karaan jadwalka dib-u-habeynta. “Waxaan heynaa qorshe cad oo aan ku dhaqaaqeyno,” ayuu yiri Mudane Jaamac. “Ma awoodno inaan iska lumino fursaddan taariikhiga ah ee dib-u-habeynta siyaasadeed ee dalka.”
-
MOGADISHU, Somalia – Somalia’s federal government has defended its decision to extend the terms of regional leaders, calling it a necessary step towards electoral reforms and a transition to a “one person, one vote” system. The extension, finalized during the latest National Consultative Council meeting, is part of the federal government’s plan to synchronize the country’s political calendar, Deputy Prime Minister Salah Ahmed Jama said. “The term extension is a necessary step to move away from the indirect election system, which is based on a clan system and has been practiced for seven years,” Jama told reporters in Mogadishu. ‘Direct election plan underway’ “We are committed to enabling Somali citizens to elect their leaders directly – from the local to the regional and state levels,” he added. Jama said the recently established National Electoral Commission has already begun preparations for the polls, with officials set to visit key regions in all federal member states. The commission will oversee the transition process and ensure the participation of local stakeholders. The National Electoral Commission announced that local council elections are scheduled for June 2025, marking a significant milestone in the electoral reform process if it goes ahead. However, the plan has drawn criticism from some opposition politicians, who argue that the process lacks transparency and could further consolidate the current administration’s power. Opposition politicians have also expressed concerns about the timeline, arguing that unresolved political disputes between the federal government and regional administrations could cause further delays or ignite new conflicts. Challenges to implementing universal suffrage Security remains a major challenge. With Al-Shabaab militants still controlling parts of the countryside and carrying out frequent attacks, ensuring that all citizens can participate safely in the elections remains a major concern. Somalia has relied on an indirect election system since the early 2000s, where clan elders select members of parliament, who then elect the president. This system, which is the basis of the 4.5 clan power-sharing formula, was initially seen as a pragmatic solution to ensure political representation in a country recovering from civil war. However, it has increasingly been criticized for fostering corruption and limiting political participation. Previous administrations attempted to implement universal suffrage, but these efforts faced significant obstacles. For example, in 2020, the previous government planned to implement a “one person, one vote” system. However, recurring political disputes and security challenges caused these plans to be postponed. President Hassan Sheikh Mohamud, whom lawmakers elected in an indirect election in May 2022 for a four-year term, has prioritized direct elections as a key objective of his administration. Lawmakers have since proposed extending the presidential term to five years, although this amendment has not yet been approved. The federal government maintains that its current plan will create a more inclusive and transparent political system that ensures public representation. Jama reiterated that the government is open to dialogue with opposition groups to address their concerns but warned that further delays could jeopardize the reform schedule. “We have a clear plan that we are moving forward with,” Jama said. “We cannot afford to miss this historic opportunity for political reform in the country.”
-
DJIBOUTI CITY, Djibouti – Djibouti’s military launched a drone strike targeting a rebel group near the Ethiopian border, killing eight militants and an unspecified number of civilians, authorities said Sunday, raising tensions in the volatile Horn of Africa region. The strike, which took place in Addorta, a Djiboutian locality approximately six kilometers (3.7 miles) from the Ethiopian border, targeted members of the Armed Front for the Restoration of Unity and Democracy (FRUD A), according to the Djibouti Defense Ministry. “Eight terrorists were neutralized,” the ministry said in a statement, adding that “collateral damage was unfortunately reported among Djiboutian civilians.” The statement did not specify the number of civilian casualties. Dispute over location of strike While Djibouti maintains the strike occurred within its territory, the Ethiopian daily Addis Standard reported the attack took place in the Siyaru Kebele, Elidar district of Ethiopia’s Afar region, citing local sources. A resident, speaking to Addis Standard on condition of anonymity, claimed the attack happened “multiple times during the night” and resulted in “the deaths of more than eight people,” including a pregnant woman and two brothers. The resident added that at least four others were seriously injured. Alexis Mohamed, an advisor to Djibouti President Ismael Omar Guelleh, confirmed to AFP that the targets were FRUD A members but insisted the strike occurred on Djiboutian territory. Ethiopian authorities have not yet commented on the incident. Djibouti’s Defense Ministry said the targeted rebels had been engaged in “hostile actions” that constituted “a potential threat to our advanced posts.” The government has opened an investigation into the incident. The FRUD A, which Djibouti considers a terrorist organization, has been active in the country’s north since the early 1990s. Recruited primarily from the Afar ethnic group, the group launched a rebellion in 1991, claiming to defend Afar interests against the Issa, the country’s other main ethnic community. FRUD: A history of conflict and division The FRUD, the movement’s political wing, signed a peace accord with the government in 1994, officially ending the civil war. This agreement led to the group’s integration into the ruling coalition. The FRUD currently supports President Guelleh. However, a splinter group, the FRUD A, rejected the peace deal and continued its armed struggle. This faction has been implicated in several attacks in recent years, including a 2022 raid on a military barracks in Garabtisan, northern Djibouti, which resulted in the deaths of seven soldiers. Six kidnapped soldiers were released a few weeks later. Djibouti, a small nation of under one million people, holds strategic importance due to its location on the Bab el-Mandeb Strait, a crucial chokepoint for global shipping connecting the Red Sea to the Gulf of Aden. This strategic location has attracted major world powers. The country hosts a significant US military base, Camp Lemonnier, which serves as a hub for counterterrorism operations in the region. T he former colonial power, France, also maintains a large military presence in Djibouti. China, Japan, and Italy have all recently established military bases there. The drone strike comes amid a period of heightened tension and instability in the Horn of Africa. Ethiopia, Djibouti’s larger neighbor, has been grappling with internal conflicts, including a devastating civil war in the Tigray region that ended in November 2022. It currently faces other internal conflicts, such as in the Amhara region. The region is also affected by the ongoing conflict in Somalia and the recent war in Sudan.
-
Dhammaan xisbiyada siyaasadda Puntland oo warsaxaafadeed wadajir ah soo saaray ayaa mucaarid iyo muxaafidba taageeray dagaalka Argagixisada looga saarayo buuraha Cal-miskaad. Warsaxaafadeedka Xisbiyada siyaasadda Puntland ee kala ah; Mideeye, Sincad, Kaah, Mustaqbal, Horseed, Ifiye, Shaqaalaha iyo Runcad ayaa lagu taageeray hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish (ISIS) ee ku dhuumalaysanaysa buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari. Xisbiyada Siyaasadda ayaa sidoo kale bogaadiyay ciidamada Puntland ee guulaha waaweyn ka gaaray dagaalka Argagixisada, islamarkaana ka saaray saldhiyo badan oo ku yaalla buuraha Cal-miskaad, halkaasi oo weli ciidamadu ku raad-joogaan firxadka mileeshiyaadka Daacish. Xisbiyaddu waxay sidoo kale u mahad celiyeen saaxiibada Caalamiga ah ee Puntland ka caawinaya hawlgalka, gaar ahaan dowladaha Mareykanka iyo Imaaraadka oo ka qeyb qaatay duqeymaha xagga cirka ah ee lagu bartilmaameedsaday Argagixisada Daacish. Waxay sidoo kale ugu baaqeen shacabka Puntland iyo taageerayaashooda in ay garab istaagaan ciidanka iyo dowlada Puntland, si loo dhammaystiro guusha laga gaaray kooxaha Daacish oo weli ku dhuumanaya buuraha, inkastoo laga saaray saldhigyo muhiim ah. Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Xisbiyada Puntland oo si wadajir ah u taageeray Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Cal-miskaad appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si gooni-gooni ah ugu mahad-celiyay Mareykanka, iyaga oo siyaabo kala duwan uga hadlay duqeyntii ay milateriga Mareykanka ka fuliyay gudaha dalka. Labada nin oo midkoodna uusan ka kale soo hadal qaadin ayaa Donald Trump ku amaanay tallaabadan, tan oo muujineysa heerka khilaafka shaqsiga ah ee labada nin gaaray, kaasi oo si weyn u saameeyay dowladnimada Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya ma xusin Puntland, dagaalka ka socdana kama hadal tan iyo intii uu gulufkaas bilowday, waraysigii ugu dambeeyey ee uu siiyey wargayska Washington Post sooma hadal qaadin Daacish iyo duulaanka ay Soomaaliya ku soo qaaday. Si lamid ah, madaxweynaha Puntland isna sooma qaadin Soomaaliya iyo dowlad federaal ah toona, laakiin Trump iyo taliskiisa ciidan ee AFRICOM waxay sheegeen in ay dowladda federaalka ah wargeliyeen, iyadna ku abaal sheegteen, sababtoo ah dunidu dawladda Soomaaliya bay aqoonsan tahay. “Argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish waa natiijo ka dhalatay dowlad la’aanta, haddii si kale loo dhigo waa qandhadii ee ma aha cudurkii. Colaadihii sokeeye waxay dhaawaceen is aaminiddii bulso, iyo kalsoonidii lagu qabay dawladda, waxaa la kala dhowaystay, la iskuna xoojiyaa ajnabiga,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay arrintan. Xildhibaanka ayaa sheegay in argagixisada looga adkaan karo, dadkuna dowladda ku aamini karaan hoggaanka dalka, hay’adaha dawladda iyo habdhaqanka horwaynta siyaasadda oo ka waantooba sababihii keenay burburka dowladda iyo ka aamin baxeeda kuwaasi oo ah; Ku tumashada dastuurka iyo sharciga, ku takrifalka awoodeed iyo ku amar taaglaynta. Sadbursi, qoys iyo qaraabo kiil. Eex, musuq iyo ajnabi u adeeg. “Masuuliyadda looma sinna ee eedda ugu wayn waxaa leh ninkii shafka u gaaracay, Soomaalina u xil saaratay in uu dalka kala qaybsan iyo dadka kala irdhoobay isku keeno,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa si weyn u difaacay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo u jawaabay mucaaradka maalmihii dambe ku dhaganaa ee eedeymaha u jeedinayay madaxweynaha. Cosoble ayaa ugu horreyntii difaacay in dowladda bixiso dhulka danta guud si loogu faa’iideyo shacabka iyo dowladnimada, halka mucaaradka ay sheegeen in dhaqaale yar lagu xaraashayo dhulkiii danta guud oo badankood si xoog ah looga kiciyay shacab deganaa. “Dhulaa la bixiyeeey waa wareeey dhulaa la boobeeey ayey meelaha la taagan yihiin. Waxay ugu sheekeynayaan shacabka inaysan dowladii dhul bixin karin. Dowladaha dhul waa bixiyaan. Dhul waxaa la siiyaa hey’ado dowli ah, safaarado shisheeye, warshado gaar loo leeyahay oo dalka looga baahan yahay, shirkado ama kambaniyo waddani ah ama kuwo ajnabi oo maalgelin sameynaya,” ayuu yiri Cosoble. Waxa uu intaas kusii daray “Dad badan oo Soomaali ah waxay rabaan Xamar iney gudaafad u ekaato oo eysan yeelan muqaal caasimadeed. Kuwo kalana damac ayaa uga jira xukunka dalka, balse waxa keliya ee ay rabaan iney shacabka ku hantaan waa iney baraha bulshada la taagnaadaan dacaayado weliba been abuur ah oo raqiis ah.” Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran; Dhulaa la bixiyeeey waa wareeey dhulaa la boobeeey ayey meelaha la taagan yihiin. Waxay ugu sheekeynayaan shacabka ineysan dowladii dhul bixin karin. Dowladaha dhul waa bixiyaan. Dhul waxaa la siiyaa hey’ado dowli ah, safaarado shisheeye, warshado gaar loo leeyahay oo dalka looga baahan yahay, shirkado ama kambaniyo waddani ah ama kuwo ajnabi oo maalgelin sameynaya. Haddey dalka timaado shirkad caasimadda ka dhiseysa hotel caalami ah oo ay ku baxeyso dhismihiisa 50 malyan oo dollar, muwaadiniin badan ay shaqo ka helayaan, dowladdana ay uga soo xarooneyso sannadkii dhowr malyan oo dollar, cid looga fasax qaadanayo ma jirto ee meesha ugu habboon ayaa laga siinayaa dhulka, taana micnaheeda ma aha dhulka in la boobayo. Dad badan oo Soomaali ah waxay rabaan Xamar iney gudaafad u ekaato oo eysan yeelan muqaal caasimadeed. Kuwo kalana damac ayaa uga jira xukunka dalka, balse waxa keliya ee ay rabaan iney shacabka ku hantaan waa iney baraha bulshada la taagnaadaan dacaayado weliba been abuur ah oo raqiis ah. Ma hayaan barnaamijyo ay dalka ku horumarinayaan iyo qorsheyaal la xiriira sida ay dalka uga sifeynayaan argagixisada, sida ay dhowr malyan oo dhallinyaro ah shaqo ugu abuurayaan, sida ay waxbarashada u gaarsiinayaan dalka oo idil, sida ay sare ugu qaadayaan wax soo saarka beeraha hoosna ugu dhigayaan ku tiirsanaanta mucaawinooyinka raashiinka, sida ay dalka dib ugu soo celinayaan Soomaalida qaxootiga ah, iwm. Qorsheyaashaa ma hayaan ee warkooda oo dhan waa dastuurkii ayaa la beddelay, dhulaa la gatay, see Itoobiya iyo Masaari loo kala ilaalinaa iyo hadallo badan oo qofkii damiir leh uu ku yaq-yaqsoonayo. Kuwa raba in uusan dalka ka bixin tiiha uu ku jiro muddada aadka u dheer waxaan leeyahay umadda yaan la marin habaabin ee Ilahey ka baqa. Kuwa u heysta iney Ilaahey oo laga baqo ku kooban tahay shanta waqti oo la tukado, kadibna laga shaqeyn karo been iyo masabbid iyo wax walboo xun waxaan leeyahay shaydaan baa been idiin sheegay ee isaga fogaada.
-
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Odawa Yusuf Rage, ayaa gaaray xerada Ciidanka Balidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo uu tababar ugu soo xiray dufcaddii 11-aad ee kumaandooska Danab. Dufcadan ayaa tababarkooda ku qaatay Dugsiga Tababarka Gaashaanle Xasan Tuure, waxaana qeyb ka noqanayaan guutooyinka sida gaarka ah u carbisan ee Danab. Taliye Odawaa Intii uu ku sugnaa xerada Balidoogle, waxa uu kormeeray cutubyada ciidamadda, wuxuuna dhiirrigelin u jeediyay ciidamada cusub ee tababarka dhammaystay. Source: goobjoog.com
-
𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞-𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐨𝐨 𝐃𝐚𝐚𝐡-𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐡𝐚𝐰𝐥𝐞𝐞𝐝 𝐥𝐨𝐨 𝐪𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲 𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 Hargeysa-(Qaran news)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta furay kulan-howleed loo qabtey dhamaan Agaasimayaashii guud ee uu dhawaan Magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdirahman Maxamed Cabdilaahi (Cirro). Kulankan, ayey ujeeddadiisu ahayd sidii Agaasimayaasha guud iyo Hay’adda shaqaalaha dowladdu islula falanqayn lahayeen Xeerka shaqaalaha Dowladda, Nidaamka Keyd ee Xogta Shaqaalaha dawladda, Qaab-dhismeedyada iyo Qeexidda shaqaalaha dowladda, nidaamka cashuuraha iyo xisaabaadka ee Dowladda . Ugu horreyn, kulankan waxaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyey Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda mudane Cabdicasiis Xirsi Warsame oo sharraxay muhiimadda kulanka iyo waxyaabaha muhiimka ah ee la doonayo inay kasoo baxaan dhammaadkiisa. Madaxweyne-ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo madasha furitaanka kulan hawleedkan hadallo kooban ka jeediyey, ayaa hoosta ka xarriiqay in Agaasimayaasha guud yihiin halbowlaha shaqada dowladda, islamarkaana ay yihiin tiir-dhexaadka xidhiidhiya Wasiirka, Wasiir-ku-xigeenka, Wasiiru-dowlaha ama Guddoomiyaha Hay’adda iyo dhamaan shaqaalaha ka hooseeya. Madaxweyne-ku-xigeenka ayaa ku dardaaray Agaasimayaasha guud in ay masuuliyadaas u gutaan sida ugu hufan, ugu daah-furan uguna wanaagsan si muwaadiniintu u helaan adeeg hufan, waxana uu ugu duceeyey in Eebbe u fududeeyo hawsha culus ee sugaysa, kuna garab galo. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/02/AQOT56eJw6jVIG_Xxo-WlEw0FTcotBKFTlXIBdNDxgaxsa-niZSwlNRmHaIaH_wvBILtYRndAxVarwtHCkzZDTqQ.mp4 Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta dhagax dhigay mashruuc weyn oo ka kooban Sima 5-Star Hotel oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee dalkeennu yeesho. Mashruucan maanta la dhagax dhigay ayaa qeyb ka ah suuq (Mall) weyn oo ay u dhammeystiran yihiin dhammaan adeegyada suuq casri ah looga baahan yahay. Mashruucan ayaa qayb weyn ka qaadan doonaa horumarka dalka, si gaar ah caasimadda, isagoo abuuri doona fursado shaqo oo tiro badan, sida uu sheegay xafiiska ra’iisul wasaaraha. Soomaaliya ayaa sanadihii dambe laga hirgelinaya mashaariic muhiim ah oo qeyb ka ah dib u dhiska iyo horumarka dalka, taas oo caalamka tusaysa wejiga Soomaaliyada cusub. Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa isla maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee dowladda Falastiin Rowaid Adil Mohamed , oo dhawaan laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo. Kulanka ayaa diirradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Falastiin. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa Safiir Rowaid Adil Mohamed ugu hambalyeeyay xilka cusub, isaga oo caddeeyay in Soomaaliya ay mar walba garab taaggan tahay shacabka Falastiin, gaar ahaan xaqa taariikhiga ah ee ay u leeyihiin Falastiiniyiintu xornimada iyo madax-bannaanidooda wuxuunna cadeeyay in dowladda Soomaaliya aysan raali ka ahayn barakicinta shacabka falastiin. Safiir Rowaid ayaa dhankiisa uga mahad-celiyey dowladda federaalka Soomaaliya taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shacabka Falastiin, isaga oo xustay in dadka reer Falastiin ay si dhow u og yihiin abaalka walaaltinimo ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu sidoo kale ballan-qaaday in uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa labada bulsho.
-
A Tale of Two Futures: How Somaliland built stability while Somalia battles crisis You are currently viewing A Tale of Two Futures: How Somaliland built stability while Somalia battles crisis A Tale of Two Futures: How Somaliland built stability while Somalia battles crisis Post published:February 1, 2025 Post comments:0 Comments Post author:ethioexploreradmin (Photo: Social Media) By Adam Daud Ahmed Addis Abeba – Somaliland and Somalia represent two sharply contrasting approaches to governance in the Horn of Africa. While both have had a common historical foundation, they have taken diametrically opposite routes in terms of stability, governance, and economic autonomy. While Somalia has remained mired in instability and foreign dependence, Somaliland has emerged as a secure and self-sufficient nation. Many have referred to Somalia as a “failed state,” factoring in weak governance, pervasive insecurity, and overwhelming reliance on foreign aid. The absence of centralized authority has given way to fragmented institutions and inefficient coordination at various levels among the federal government and regional administrations. Corruption and mismanagement have further diminished public trust and eroded the functionality of the state. Chronic insecurity, contributed mainly by militant groups like Al-Shabaab, tends to undermine governance, diverts resources that are vitally needed for development, and becomes a deterrent to investment, both domestic and foreign. Insecurity feeds into economic stagnation in this vicious circle, deepening Somalia’s dependence. Another big challenge is the financial fragility of Somalia, whose budget is greatly supported by foreign aid, making the government susceptible to shifting donor priorities. This is further amplified by huge dependence on security infrastructure provided by international forces, such as those from the African Union, while domestic forces are underfunded and poorly trained. This cycle of dependence can only be broken when radical reforms are undertaken to strengthen governance, reduce corruption, and foster self-reliance. Unless these systemic issues are resolved, stability and development in Somalia will not be achieved. On the contrary, Somaliland has built itself into a stable, democratic, and self-sufficient state without gaining an official international legal status. Its political stability is assured through transparent processes of elections and transfer of political power, supplemented by strong institutions at the service of the rule of law. These aspects have engendered confidence within the citizenry and accounted for Somaliland’s persistent stability. Somaliland depends economically on domestic revenue, brought in by taxation, trade, and tariffs levied at the very important Port of Berbera. It is this fiscal independence that allows it to apportion resources well, apportioning for security, infrastructure, and economic development without any overdependence on external aid. Although not officially recognized, Somaliland’s governance gained respect from the international community. Through strategic projects set up, such as the development of the Berbera Port, Somaliland has been integrated into global trade networks, thereby cementing its economy and influence within the region. The future holds many promises for Somaliland in terms of development. Of course, recognition by the international community would open wider opportunities for investment and development. Besides, the stability of Somaliland can place it in a position to lead the peace and economic cooperation process across the Horn of Africa. The divergent trajectories of Somalia and Somaliland underscore the transformative power of effective leadership, strong institutions, and self-determination. Somalia’s persistent challenges highlight the urgent need for comprehensive reforms, while Somaliland stands as a testament to the possibilities of resilience and independence. Somaliland represents the crucial ingredients of governance and self-reliance in pursuing development and stability. It is a beacon of hope, a model to other countries in the region on how good leadership combined with strong institutions can surmount apparently insurmountable challenges. These contrasting stories of the two states remind us of how differently governance and vision can shape national destinies. AS By Adam Daud Ahmed Adam Daud Ahmed is a political and security analyst in the Horn of Africa. Qaran News
-
Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa markii u horraysay soo bandhigtay shax muujinaysa sida gobollada iyo degmooyinka Puntland uga qeyb qaateen Taakuleynta Hawlgalka Calmiskaad. Warqad ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu soo bandhigay shax muujinaysa sida gobollada iyo degmooyinka Puntland uga qeyb qaateen Taakuleynta Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish ee buuraha Cal-miskaad. Shacabka Puntland oo guud ahaan gobol iyo degmo aan kala harin ayaa garab istaag buuxa u muujiyay ciidamada difaaca ee dagaalka kula jiraan kooxaha Argagixisada ah ee Daacish oo hadda inta badan laga saaray buuraleyda Cal-miskaad kaddib markii ciidamada Puntland kaga guulaysteen dagaalka. Warqadda ka soo baxday wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu muujiyay sida wejigii kowaad ee Taakuleynta Hawlgalka Ciidamada difaaca Puntland ay uga qeyb qaateen gobollada iyo degmooyinka kala duwan waxaana Taakulada Kaalinta kowaad kaga jira Gobolka Nugaal. Halkaan ka akhriso shaxda PUNTLAND POST The post Gobolka Nugaal oo kaalinta kowaad ka galay Taakuleynta Ciidamada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
BEELAHA ISKU NOOSHA AH EE DEGA SOOL IYO SANAAG WAA INAY NABADDII MADAXWEYNUHU KU BAAQAY AY QAATAAN. Waxa nasiib darro ah inay dagaallo ay maamulayso dawladda xasan shiikh oo lagaga soo horjeedo jirtaakooda laga dhex huriyo. Waxa nasiib darro ah saldanaddii East Sanaag Clan inay mashruuc kaga soo qaadatay xasan iyo dawlado kale inay dab geliso dadkeeda. Waxa nasiib darro ah inay qaadeen dariiqii burburka ee ay qaateen garaaddada Sool clan waxa habboon aqoonyahankii, cuqaashii, culimadii hartiga s. Land inay nabadda madaxweyne cirro ay qaataan intay taladu dhawday. Waxa is dilayaa waa afar beelood oo walaalo ah dawladduna meel wacan ayay iska taagtay ee dadyoow colaadda joojiya, haddii laydiin kala baxo waad isku dhammaanaysaane nabadda qaata oo heshiiya. MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa shatiigii kala noqotay xarun weyn oo lagu baaro xoolaha nool oo ku taallay magaalada Berbera, kadib markii ay ku eedaysay milkiilaheeda oo Carab ah inuu heshiis aan idmanayn la galay dowladda federaalka Soomaaliya. Tallaabadan ayaa loo arko mid halis ku ah warshadaha dhoofka xoolaha nool ee gobolka oo ah mid muhiimad weyn leh. Xaruntan oo uu maamulayay ganacsade Abu Yaasir, ayaa ka mid ahayd saddex xarumood oo karantiilka xoolaha ku yaalla Somaliland, kuwaas oo baara xoolaha nool kahor inta aan loo dhoofin suuqyada waaweyn, gaar ahaan Sacuudi Carabiya. Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Somaliland, Cumar Shucayb ayaa xaqiijiyay xidhitaanka xarunta, isagoo sheegay in ay lagama maarmaan ahayd si loo ilaaliyo danaha dhaqaale ee gobolka. “Kadib markii aan ogaanay in ganacsaduhu uu ku lug lahaa heshiis uu la galay Soomaaliya, waxaan go’aansannay inaan xidhno xarunta,” ayuu Shucayb u sheegay BBC-da laanteeda afka Soomaaliga. Wuxuu intaa raaciyay in mas’uuliyiinta Somaliland ay horay ugu yeedheen Yaasir magaalada Jabuuti, iyagoo ku boorriyay inuu ka laabto heshiiska. “Inkastoo uu qirtay inuu gef sameeyay, haddana wuu diiday inuu ka noqdo heshiiska, taasoo noo reebtay inaan shatiga kala laabano oo kaliya,” ayuu yidhi Shucayb. Berbera oo ah isha ugu muhiimsan ee dhoofinta xoolaha nool, ayaa door laf-dhabar ah ka ciyaarta dhaqaalaha Somaliland. Malaayiin ido, riyo, geel, iyo lo’ ah ayaa sannad walba laga dhoofiyaa gobolka, iyadoo Sacuudi Carabiya ay tahay dalka ugu badan ee xoolaha ka iibsada. Xarumaha karantiilka ee dekedda ayaa xaqiijiya in xooluhu ay buuxiyaan shuruudaha caafimaad ee caalamiga ah, taasoo muhiimad gaar ah u leh sii jiritaanka ganacsiga Somaliland ee suuqyada faa’iidada badan leh ee Khaliijka. Awoodda gaarka ah ee loo siiyay Abu-Yaasir ayaa dhalisay cambaarayn ballaadhan oo kaga timid ku dhawaad 100 xildhibaan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay khatar gelisay qayb ka mid ah dhaqaalaha oo ay ku tiirsan yihiin 60% dadweynaha, isla markaana sanadkiiba soo xareeya lacag dhan $1.07 bilyan. Xildhibaannadu waxay ka digeen in ganacsatada maxalliga ah laga reebo suuqyada dhoofinta, taasina ay horseedi karto shaqo la’aan, musuq-maasuq, iyo xasillooni-darro dhaqaale oo raagta. Xildhibaannadu waxay ballan-qaadeen inay u yeedhi doonaan mas’uuliyiin sare oo dawladda ah, oo uu ku jiro Wasiirka Xanaanada Xoolaha, si su’aalo loo weydiiyo marka ay dib u furmaan fadhiyada Baarlamaanka. “Waa markii ugu horreysay taariikhda Soomaaliya oo qof keli ah la siiyo awood intaa le’eg oo ku saabsan qayb muhiim u ah dhaqaalaha,” ayuu yidhi Xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif. “Go’aanku wuxuu halis gelinayaa dhaqaalaheenna, wuxuuna kumanaan xoolo-dhaqato ah, dillaaliin, iyo shaqaalaha gaadiidka ah u horseedayaa hubanti la’aan xagga dhaqaalaha ah.” Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa u arkaa go’aanka dowladda federaalka inuu qayb ka yahay qorshe ballaadhan oo lagu wiiqayo ismaamulka gobolka ee ku dhawaaqay gooni isu taagiisa 1991-kii. “Awooddan gaarka ah ee qofka kaliya loo siiyay ma aha oo kaliya inay carqaladaynayso ganacsiga, balse waxay sidoo kale ku xadgudbaysaa xaqa ay Somaliland u leedahay inay maamusho kheyraadkeeda dhaqaale,” ayuu yiri Wasiir Maxamed. Abu-Yaasir oo leh sumcad muran badan dhalisay, ayaa waxaa horey xildhibaannadu ugu eedeeyeen inuu si sharci darro ah uga macaashay ganacsiyada maxalliga ah, isla markaana uu boobay hantida ganacsato Soomaaliyeed. Awoodda gaarka ah ee loo siiyay ayaa sidoo kale horseeday in muddo laba toddobaad ah uu hakad ku yimaado dhoofinta xoolaha ee Berbera, taasoo keentay in xoolo-dhaqatadu aysan awoodin inay iibiyaan xoolihii ay noloshooda ku maareyn lahaayeen. Dawladda federaalka Soomaaliya ayaan weli ka jawaabin eedeymahan loo jeediyay.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Dowladda Falastiin, Rowaid Adil Mohamed oo dhowaan laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo. Kulanka ayaa diirradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaalnimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Falastiin. Ra’iisul Wasaaraha ayaa safiir Rowaid Adil Mohamed ugu hambalyeeyay xilka cusub, isaga oo caddeeyay in Soomaaliya ay mar walba garab taagan tahay shacabka Falastiin gaar ahaan xaqa taariikhiga ah ee ay u leeyihiin Falastiiniyiintu xornimada iyo madax-bannaanidooda wuxuunna cadeeyay in dowladda Soomaaliya aysan raali ka ahayn barakicinta shacabka Falastiin. Dhankiisa, Safiir Rowaid Adil Mohamed , ayaa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shacabka Falastiin, isaga oo xusay in dadka reer Falastiin ay si dhow u og yihiin abaalka walaalnimo ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Hadal-heyn xooggan ayaa ka dhalatay soo laabashada madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) oo shalay dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, kadib safar qaatay labo toddobaad oo uu ugu maqnaa dalka Kenya, isagoo jebiyey xayiraaddii ay dowladda federaalku ka saartay safarada dibadda ah. Axmed Madoobe oo maalmihii lasoo dhaafay kulamo siyaasadeed iyo abaabulka mooshin ka dhan ah Xasan iyo Xamse ka waday Nairobi ayaa haatan dib ugu soo laabtay Kismaayo oo ku jirta xaalad sicir barar ah. Dowladda Soomaaliya ayaa ka carootay safarka uu Axmed Madoobe ku tegay magaalada Nairobi, waxaana Kenya laga dalbaday inay faahfaahin ka bixiso safarkaas, balse ilaa hadda warbaahintu ma arkin jawaab ay ka bixisay Kenya. Haddaba sidee looga fal-celiyay soo laabashada Axmed Madoobe? Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa siywaabo kala duwan uga hadlay arrinta Axmed Madoobe, gaar ahaan jebinta xayiraadda dowladda. Faysal Cumar Kuulow “Maasha Allaah mudane madaxweyne kusoo dhowow Kismaayo welcome back” Axmed Cismaan “Bixitaankiisu iyo imaatinkiisa maxay micno ah oo ay soo kor dhinaysaa? Maxamed Cali “Dalka dibaddiisa kulahaa cirka muu jiray waddan hebel ma la awoodi waayay haddii sidaa lo dhuudhuumanaayo maa edab la yeesho?”. Khadar Maxamed Cumar “Odagii xassan ahaa xaalku waa ku xunyahay” Saalax Salaad Axmed “Adigoon hal safiir la kulmin horta Kismaayo ma ku soo laabatay” Maxamed Axmed Kaafi ayaa isna ku jawaabay “Nairobi, Kenya ayaa lagu xiray aaway?.