Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ukraine iyo Ruushka ayaa si rasmi ah isu isweydaarsaday maxaabiis dagaal, iyadoo labada dhinac ay dib isugu celiyeen in ka badan 300 oo maxaabiis hore ah. Ukraine ayaa dalkeeda keentay 189 maxaabis oo hore, sida uu sheegay madaxweyne Volodymyr Zelenskyy, halka wasaaradda Ruushku ay sheegtay in 150 askari oo Ruush ah ay ku laabanayaan dalkooda. Wasaaradda difaca ee Ruushka ayaa sheegtay in maxaabiista lagu sii daayay dalka Belarus, oo ah dalka Moscow saaxiibka dhow yihiin Ruushka tan iyo dagaalkii 34-ka bilood socday ee Ukraine, iyadoo loo gudbin doonaa Ruushka. Zelenskyy waxa uu u mahadceliyey masuuliyiinta Isutagga Imaaraadka Carabta iyo la-hawlgalayaasha kale fududaynta is dhaafsiga maxabiista. Dalka Imaaraadka Carabta ayaa cadeeyay in ay gacan ka geystay qabanqaabada sidhafsiga maxabiista. PUNTLAND POST The post Ruushka iyo Ukraine oo si rasmi ah isu dhaafsaday maxaabiis dagaal appeared first on Puntland Post.
  2. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/12/AQOkOFigdaQNlcKbQg8USg4K0dFuBINTtcG_rxj-B2IgMJbLNNkgnKwk0Z7CDJ0VjOwscAL4QOmhJbZTRc0yrk9g.mp4 Qaran News
  3. Minneapolis (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota ku geeriyootay, fanaanaddii qaranka Soomaaliyeed Luul Jaylaani. Luul Jaylaani waxa ay ka mid ahayd fanaaniinta Soomaaliyeed ee caanka ku ahaa qaadista heesaha banaadiriga, iyo jilliinka riwaayadaha ka tarjuma nolosha iyo dhaqanka bulshada banaadiriga ah. Kadib burburkii dolwaddii dhexe ee Soomaaliya, Luul Jaylaani ayaa ku nooleyd qurbaha, halkaasi oo sidoo kale ay heeso ku qaaday kuna jishay ruwaayado ka tarjumaya xaaladda Soomaalida qurbaha. Bishii April 2021, Luul waxay ka mid noqotay dad badan oo caan ah oo Soomaaliyeed oo dhibane u noqday xanta dil, kadib markii la sheegay in ay geeriyootay. Warkan ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada iyo warbaahinta qaar, iyadoo markii dambe la sheegay inay nooshahay oo ay wanaagsan tahay. Wareysi muuqaal ah oo ay siisay Radio Muqdisho ayay xilligaas ku tiri “Qof kasta waa uu dhimanayaa, geeridana waa xaq, balse Soomaalida dhammaan waxaan u sheegaya inaan noolahay.” Waxa ay sidoo kale sheegtay in warkaasi uu saameyn weyn ku yeeshay dhammaan qoyskeeda iyo saaxiibadeeda adduunka oo dhan. Si kastaba, waqtigeedii xaqa ahaa wuxuu yimid xalay oo Isniin aheyd, oo ay ku geeriyootay magaalada Minneapolis.
  4. “As elders, the government used to hold us accountable for any soldier who deserted but did not return his gun. Now the government is indifferent to the misuse of Somali National Army weapons by militias,” said one of the elders who spoke to the media. Jowhar (PP News Desk) — Traditional leaders of Ceelbaraf in Hirshabelle State have accused the Federal Government of Somalia of authorising Somali National Army contingents to side with militias and attack Ceelbaraf. “We deplore the decision to allow Somali army soldiers to moonlight as militias to attack Ceelbaraf. The burning issue was the soldiers slain at Ceelbaraf. Now the federal government escorted soldiers through Mahadaay and Ceelbaraf with the goal of joining militias to attack Ceelbaraf. As elders, the government used to hold us accountable for any soldier who deserted but did not return his gun. Now the government is indifferent to the misuse of Somali National Army weapons by militias,” said one of the elders who spoke to the media. Last week, militias hauled several soldiers off a bus and killed them. The outrage over the killing raised fears of conflict between neighbouring subclans near the border between Middle Shabelle and Hiiraan. © Puntland Post, 2024 The post Hirshabelle State Elders Accuse Somali Federal Government of “Arming Clan Militias” appeared first on Puntland Post.
  5. Wasiirka Ganacsiga Somaliland oo guďdi baadhitaan u magacawday shan hay’adood oo Dekedda Berbera ka hawl gala. Wasiirku waxa uu talaabaddii u horaysay ee uu qaaday tan iyo intii xilka loo magacaabay ku faragaliyey cabashooyin uu sheegay inay ka taagan yihiin hay’aha kala ah:- 1. Tarafagura 2. Haamaha shiidaalka 3. Shirkadda Bad qabka badecadaha 4. Shirkadda ARDMORE managementa 5.shirkadda Shaybaadhka shiidaalka. Qaran News
  6. Ceeldheer (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa tallaabo adag ka qaaday ciidan gaaraya 30 askari oo ka gadooday saldhigyadoodii degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Ciidankaas oo ka gadooday falkii askarta lagu dilay ee toddobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa lagu qabtay degmada Wisil ee gobolka Mudug. Taliye Odowaa ayaa amar ku bixiyey in ciidankaas aysan dhaafin Wisil oo hub ka dhigis lagu sameeyo, is rasaaseyn kooban oo wax khasaare ah aan geysan ayaa maanta ka dhacday degmada Wisil, waxaana ugu dambeyn is dhiibay ciidamadii gadooday ee ka baxay Xarardheere. Taliyaha Xoogga ayaa amar ku bixiyey in ciidankaas hubka laga dhigo, lagana reebo dariiska ama tuutaha iyo gaadiidka dowladda, kadibna la fasaxo, balse inta badan ciidankaas ayaa ku soo laabtay Xarardheere, maadaama aysan dooneyn in laga saaro ciidanka qaranka, waxayna u hoggaansameen amarka saraakiishooda. Xalay ayaa sidaan oo kale ciidan u gadooday oo ka kala tirsan xoogga dalka iyo NISA waxay tageen degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey, goobtii lagu soo dhaweeyey ciidankaas, waxaa si adag loogu aflagaadeeyey, looguna dhaliilay Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh. Ciidamada gadoodaya waxay ka caroodeen askartii jidka loo galay ee maleeshiyaadku u dileen aanada qabiilka, balse gadoodka ciidan ee socda ayaa la tuhmayaa inuu yahay mid siyaasadeysan oo lagu imtixaanayo dowladda. Dowladda Soomaaliya ayaa si dhab ah uga jawaabtay falkii bahalnimada ahaa ee askarta lagu laayey, balse ciidanka qaranka inay ka amar diidaan dowladda oo baneeyaan furimihii muhiimka ahaa ee cadowga ay ku hortaagnaayeen ayaa noqotay wax lala yaabo oo shaki badan uu hareeyey. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo arrimaha gadoodka dartood uga baxay Muqdisho ayaa habeenkii labaad ku sugan degmada Ceeldheer, halka Taliyaha NISA iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ay ku sugan yihiin gobolka Sh/Dhexe, gaar ahaan aagii uu ka dhacay falkii lagu laayey askarta, waxayna hogaaminayaan howlgalka lagu soo qabanayo dambiilayaasha.
  7. Kismaayo (PP News Desk) — A ceremony to launch the amended Jubaland State Constitution was held in Kismaayo today. “As a member of Jubaland civil society, I am glad to attend this event to launch the constitution, some of whose articles have been amended. People have shown unity of purpose to stand behind our leaders and have been aware of and objected to stratagems to destabilise Jubaland State,” said a female civic activist. “This constitution is between Jubaland and the Federal Government of Somalia. We are a part and parcel of the Federal Republic of Somalia” an elder said at the event in Kismaayo today. Holding the Constitution of Jubaland State aloft, an elder said: “This constitution is between Jubaland and the Federal Government of Somalia. We are a part and parcel of the Federal Republic of Somalia.” The constitutional review process lasted eight months. “Every citizen has a right to have a copy of the Jubaland Constitution to know the rules and laws used by authorities to govern them,” a member of the public said at the event. Last month, the Jubaland State Parliament elected Ahmed Mohamed Islam for a new term. The Federal Government of Somalia rejected the outcome of the election and deployed troops in Raaskaambooni in a failed attempt to overthrow the Jubaland Administration. © Puntland Post, 2024 The post Jubaland Unveils Amended Constitution appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige ayaa maanta shaaciyay in Dowladda Soomaaliya ay noqotay Dowladdii ugu horeeysay caalamka ee iyadoo Deyntii laga cafiyay loo sii ogolaaday deeqda uu bixiyo Bangiga Adduunka. Bangiga Adduunka ayaa dowladaha soo gaara heerka ay gaartay Soomaaliya oo kale wuxuu kaliya u ogolaadaa inay deyn kale qaataan oo ay iska bixiyaan, balse Soomaaliya waxaa loola dhaqmay si taas ka duwan. Hadalka Wasiirka ayaa yimid wadaxaajood dheer kadib markii hey’adda maalgalinta caalamiga ah u qaabilsan Bangiga Adduunka ay ogolaatay in Dowladda Soomaaliya ay siiso lacago deeq ah. Lacagaha deeqaha ah ee loo yaqaano ‘Kabka Miisaaniyadda’ ayaa loo ogolaaday in Soomaaliya ay sii qaadato muddo seddax sano ah, sida uu maanta sheegay wasiir Biixi Iimaan. Sidoo kale Wasiirka ayaa faahfaahin ka bixiyey hanaanka uu maro dal kasta markii deymaha caalamku ku leeyahay oo uu iska bixi waayey laga cafiyo, iyadoo Soomaaliya ay noqotay dalkii 37-aad eel aga cafiyey deyn caalami ah. Wasiir Biixi ayaa sheegay in dadaalka ay Soomaaliya u gashay in lacagaha kabka miisaaniyadda ee caalamku siiyo ay sidooda u sii socdaan ay qaadatay muddo 8 bilood ah. Sidoo kale wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in Soomaaliya loo ogolyahay inay deyn qaadato, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladdu aysan dooneyn inay culeys kale oo caalami ah aysan ku celi doonin dalka. Hoos ka daawo faahfaahinta wasiirka
  9. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa wasiirradiisa faray in ay wax ka qabtaan daldalooladii uu ku dhaliili jiray madaxweynihii ka horreeyay ee Muuse Biixi Cabdi. Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in howsha ugu horreysa in ay noqon doonto wax ka qabashada dhibaatooyinka dhinaca maamulka, maaliyadda iyo adkeynta amniga oo ah meelaha ugu badan ee laga eegayo xukuumaddiisa. Sidoo kale wuxuu rejo ka muujiyay in wasiirradiisa ay si hufan shaqada ula wadaan, islamarkaana kala shaqeeyaan ka gudubka culeyska kahor imaan kara si aanay loo helin fursado lagu dhaliili karo sida uu horay u sameyn jiray oo kale. “Waxaan idinka filayaa in aragtida, fahamka iyo aqoonta aad labadan maalmood isla meel dhigteen ay dhaqso uga muuqan doonaan shaqada aynnu qaranka u haynno,” ayuu yiri madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro. “Waa masuuliyad aad u culus, si aan taas u guto ayaan aniguna idinka idiin soo xushay in aydin noqotaan jaalkii iyo baalashii iga caawin lahaa gudashada waajibkaas culus.” Cirro ayaa tilmaamay in maalintii xilka loo dhaariyay uu naftiisa ka mamnuucay dulmiga, musuq-maasuqa, khiyaamada, eexda iyo ka habrashada xaqa, isagoo faray golihiisa in ay ka dheeraadaan arrimahaas. Bulshada reer Somaliland ayaa indhaha ku haya waxqabadka boqolka maalmood ugu horreeya xukuumadda madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, xilli ay Somaliland wajaheyso xaalado dhowr ah oo isbiirsaday.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhowaaqday in dalka uu galay xaalad adag, kadib markii ay kasii dartay marxalada abaareed ee dalka. Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee hay’adda SODMA ayaa sheegay in loo baahan yahay gurmad iyo dadaal aan kala har lahayn, kadib markii uu baaqday xilli roobaadkii dayrta ee la filayay bilihii September, October iyo November. Sida ay muujinayaan warbixinnadii u danbeeyay in ka badan 5.98 milyan oo qof ayaa hadda u baahan gargaar bani’aadannimo iyo garab istaag deg-deg ah. 3.2 million oo dadkaas nugul ka mid ah ayaa wajahaya xaalad halis ah, ku dhawaad 200,000 oo qof ayaa abaarta awgeed kaga barakacay guryahoodii si ay nolol u raadsadaan, halka 1.4 milyan oo xoolo ah ay abaaruhu galaafteen, sida uu shaaciyay guddoomiyaha SODMA. Hay’adda SODMA oo ka jawaabeysa saameynta abaartaan oo ah mid xaddigeedu weyn yahay ayuu sheegay in saddexdii bilood ee la soo dhaafay gargaar gaarsiisay 2.1 milyan oo qof. Dadkan ayaa weli u baahan ka-war-qab iyo gacan-qabad bani’aadannimo, iyadoo 1.45 bilyan oo dollar loo baahan yahay si wax looga qabto abaarta oo saameysay in ka badan 13 gobol oo ka mid ah 18-ka gobol ee dalka. Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa ugu baaqay hay’adaha dowladda, dadka Soomaaliyeed ee wax heysta iyo deeq-bixiyayaasha in wadajir loogu istaago u qareemidda gargaarka iyo sidii looga hortagi lahaa in abaartu ka gudubto xaddiga ay hadda joogto. Ugu dambeyntiina wuxuu guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka ee SODMA u mahad-celiyay dowladaha iyo deeq-bixiyayaasha taageerada muujiyay.
  11. Suuqa badhtamaha magaaladda Hargeysi waa goobaha ugu nadaafada badan suuqyada magaalooyinka geeska Afrika. Nadaafada magaalada caasimadda ee Hargaysa waxa ka hawl gala shaqaale heegan ugu jira 24ka saacadoodba maalin kasta Qaran News
  12. President Deni: “I am pleased to see that investment in small businesses has now resulted in the confidence to invest in larger businesses that deliver services and boost the economy.” Garowe (PP News Desk) — The President of Puntland State of Somalia, Said Abdullahi Deni, who arrived in Garowe today for a brief visit, laid the foundation stone for Puntland’s largest hospital. President Said Deni praised the initiative to build a hospital “that meets international health care standards.” He described the project as a historic step. “The health care needs of Somali people are significant given the tribulations they have experienced over the last thirty-plus years. Before 1991, regions in Puntland State did not receive a fair share of health care investment by the state. However, that underinvestment was something we shared with other regions. I am pleased to see that investment in small businesses has now resulted in the confidence to invest in larger businesses that deliver services and boost the economy. This progress contributes to peace and development in Puntland State” President Deni said. Dr Darman: “We appreciate the sincerity and support provided by the Puntland State government.” Dr. Darman Aden, MD, FACP, who represents IHS Health LLC—the company funding the construction of the project—said that he was honoured to witness the laying of the foundation stone for a hospital in Garowe that will contribute to meeting the health care needs of people in this region and other parts of Somalia. “We appreciate the sincerity and support provided by the Puntland State government. Equally, we commend the role of the Garowe district commissioner in this initiative,” said Dr. Darman. This is the first health care project of its kind to be funded by a company dedicated to delivering health care services and conducting clinical investigations. © Puntland Post, 2024 The post President Deni Hails New Hospital Project as Boost for Peace and Development appeared first on Puntland Post.
  13. Dowladda Puntland ayaa canshuurta soo galista ka dhaaftay gaadiidka ka imaanaya dowlad deegaanka, si loogu fududeeyo badeecadaha ay ka keenayaan Itoobiya iyo kuwa ay ka qaadayaan dekadaha Bosaso iyo Garacad. Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa go’aamisay in ay Canshuurta soo galista ka dhaaftay gaadiidka ka imaanaya dowlad deegaanka, si loogu fududeeyo badeecadaha ay ka keenayaan Itoobiya iyo kuwa ay ka qaadayaan dekadaha Bosaso iyo Garacad. Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa Baraha Kantaroolada ku war gelisay in laga daayey Cashuurta( Enter)Soogelida Gaadiidka DDS Itoobiya ka imaanaya ee shixnadaha ganacsi ka qaada Dekadaha Puntland ee Bosaso iyo Garacad. “Dhammaan baraha Kantaroollada dowladda Puntland, waxaa la amrayaa in ay u hoggaansamaan in ay gaadiidkaasi u fududeeyaan isu socodks waddooyinka ay ku gaarayaan dekedaha Garacad iyo Boosaaso” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda Maaliyadda Puntland. Halkaan ka akhriso go’aanka Wasaaradda Maaliyadda PUNTLAND POST The post Puntland oo Canshuurta soo gadista ka dhaaftay Shixnadaha Ganacsi ee Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xilka u kala wareejiyay wasiirka cusub ee wasaaradda batroolka iyo macdanta Daahir Shire Maxamed iyo wasiirkii hore Cabdirisaaq Cumar Maxamed. Daahir Shire ayaa sidoo kale wuxuu la wareegay galka shidaal baarista Soomaaliya oo haatan maraya marxalad wanaagsan, xilli qeybo kamid ah dalka si rasmi ah looga bilaabay sahminta, kadib markii ay Soomaaliya u fasaxday shirkadda Turkish Petroleum helista shatiyada saddex goob oo kamid ah baddeeda. Ra’iisul wasaaraha oo hadal ka jeediyay munaasabada xil-wareejinta ayaa sheegay in xukuumadiisa ay ansixisey heshiisyo iyo shuruuc lagu tayeynayo awoodda hey’addaha dowlada, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha dalka. Sidoo kal wuxuu xusay in wasaaradda looga fadhiyo dhammaystirka qorshooyinka xukuumadda DanQaran ee ku aaddan soo saarista shidaalka. “Waxaan rabnaa in wasaaraddani dhabaha u xaarto sidii shacabka Soomaaliyeed loogu sameyn lahaa jiho dhaqaale oo sax ah, la iskuna halayn karo, maadama uu dalkeennu burbursanaa mudo dheer, meeshana ay ka baxeen kaabayaashii muhiimka ahaa ee uu dalku lahaa,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza. Ra’iisul wasaaraha ayaa u mahad-celiyey wasiirkii hore ee wasaaradda sidii masuuliyadda lahayd ee uu ugu adeeggay qaranka muddadii uu xilka hayey, waxa uuna Alle uga baryey wasiirka cusub in uu u fududeeyo shaqada adag ee loo hortaalla. Wasiirkii hore ee batroolka ayaa dhawaan xilkiisa ku waayey kala aragti duwanaan ku saabsan sida loo wajahayo xalinta tabashooyinka reer Hiiraan ka qabaan maamulka Hirshabelle, sida uu sheegay.
  15. WAR-SAXAAFADEED. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan La Qaatay Madaxda Ururrada Bulshada Rayidka ah. Hargeysa-30-12-2024-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo uu weheliyo Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta kulan balaadhan la yeeshay madaxda Ururrada Bulshada Rayodka ah. Madaxweynuhu waxa uu ugu horeyn Madaxda Ururrada Rayidka ah uga mahadnaqay la kulankooda, isaga oo hoosta ka xariiqay doorka shariifka ah ee ay Ururrada Bulshada Rayidka ahi ku leeyihiin horumarka Qaranka, faafinta magaca togan ee Somaliland iyo Raadinta Iictiraafka. Madaxweynuhu waxa uu Madaxda Ururada Bulshada Rayidka ah u cadeeyey in ay xukuumadiisu si dhaw ugala shaqeyn doonto arrimaha muhimadda iyo mudnaanta u leh Qaranka Jamhuuriyada Somaliland. Dhanka kale, Madaxweynuhu waxa uu Ururrada Bulshada Rayidka ah u sheegay in Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ay mar walba ixtiraamayso Xuquuqaha Aas-aasiga ah ee uu Dastuurka Qaranku siiyey Muwaadiniinta Somaliland, ciddii Xukuumadiisa dhaliishaana aanay kala kulmi doonin xadhig, cabudhin iyo cagajugleyn. Madaxweynuhu waxa uu Madaxda Ururrada Bulshada Rayidka ah kula dardaarmay in ay sii laban laabaan doorka ay ku leeyihiin wacyi-gelinta garaadka iyo aragtida bulshada, la dagaallanka Qabyaaladda iyo Takoorka. Dhinacooda Ururrada Bulshada Rayidku waxay si weyn uga mahadnaqeen in Madaxweynuhu muddo kooban kaga ajiibay codsigii ay soo gudbiyeen ee ahaa inay la kulmaaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka. Madaxda Ururrada Bulshada Rayidka ahi waxay Madaxweynaha u sheegeen in ay dhinacooda diyaar u yihiin in ay Xukuumadda cusub kala shaqayn doonaan hawlaha baaxadda leh ee hor yaala Qaranka, haddii ay tahay xag amni, xag dhaqaale iyo xaga wacyigelinta iyo arrimaha bulshada. Sidoo kale, Ururrada Bulshada Rayidka ah waxay Madaxweynaha uga mahadnaqeen matelaada xagga Siyaasadda ee beelaha gabooye, taasoo ay Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ku suntan tahay 34 sano ka bacdi Xukuumaddii ugu horeysay ee Beelaha gabooye siisa Wasiir buuxa oo ah “A”; waxayna soo jeediyeen in la sameeyo isla markaana la dhaqan geliyo Xeerka Xakameynta hayb sooca. Geesta kale, Ururrada Bulshada Rayidka ah waxay Madaxweynaha ku ammaaneen in Madaxweynuhu Haweenka Xukuumadiisa ka siiyey xilal mihiim ah, taasoo ay sheegeen in ay ku timid garashada Madaxweynaha balse aanay ku imanin codsi Haweenka ka yimid wixii kale-na ay uga fadhiyaan. Kulankaasina wuxuu ku soo mid ku soo af-meermay guul iyo is-af-garad. ALLAA MAHAD LEH Xuseen Aadan Cige (Deyr) Af-hayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Qaran News
  16. Dimishiq (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Suuriya ayaa markii u horreysay sheegay in muddo afar sano ah ay qaadan karto xilliga la qaban doono doorasho ka dhacdo Suuriya. Sidoo kale waxa uu intaasi raaciyay in ay qorsheynayaan sidi loo kala diri lahaa kooxdiisa islaamiga ah ee hogaaminaysay kacdoonka dalkaasi ee xakunka looga tuuray dowladdii taliskii Bashar Al Asad ee muddada dheer dalkaasi xakumayay. Ahmad al-Sharaa oo hoggaamiya Jabhadda Xayat Taxrir Al Sham oo ah kooxda majaraha u heysa dhaq dhaqaaqyada hadda la wareegay awoodda Suuriya, ayaa hadalkaasi ka sheegay wareysi uu siiyay telefishanka laga leeyahay Sacuudiga ee Al Carabiya. Hadalkan ayaa imanaya kaddib ku dhawaad muddo bil ah oo ay xakunka hayaan, ka gadaal marki ay sidi biriqdi oo kale gobollada dalka oo dhan uga xureeyeen dhammaan ciidanki dowladdii waqtiga dheereyd ee reer Asad, taas oo Suuriya xakumay muddo ka badan 50 sano. Kacdoonkaasi ayaa soo billowday sannadkii 2011-ki, waxaana ku dhintay tobnaan kun, halka malaayiin kale ay qaxeen ama barakacaeen. Axmed Al Sharca wuxuu sheegay in ay waqti qaadan doonto doorasho xor ah, iyadoo oo loo baahan yahay buu yiri ciidamo kala duwan, wadahadallo siyaasadeed iyo in dib loo qoro dastuurka Suuriya. Wuxuu kaloo sheegay in kaabayaasha dalka ay aad u liitaan loona baahanyahay dib u dhis cusub loo lagu sameeyo Suurya.
  17. Mogadishu (HOL) — Somali Ministry of Information issued a stern warning Monday against individuals using social media to incite clan-based violence, as deadly inter-clan conflicts across several regions in the country. Source: Hiiraan Online
  18. AQPli_BShfAAtR00cc9IV0rnpqW96OwJufFRW086TPxSCoKEbf3uuF-sYvVzQLtKrtvCLq4OY5dqS1GlmNo7rdfB Qaran News
  19. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo safar saacado kooban ah maanta ku yimid magaalada Garoowe ayaa dhagax dhigay Isbitaalka ugu weyn Puntland ee International Healthcare System (IHS). Madaxweyne Siciid Deni ayaa boggaadiyay dhismaha Isbitaalkan casriga ah oo noqonaya kii u horeeyey ee noociisa ah, islamarkaana laga hirgeliyo degaaanada Puntland isaga oo dabooli doona baahiyihii Caafimaad ee loo aadi jiray dalka dibediisa. Madaxweynaha ayaa muujiyey sida ay dowladda Puntland uga go’an tahay garab istaaga, soo dhoweynta iyo dhiirra-gelinta cid walba oo maalgashanaysa dalkooda, isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyey Dr. Darman Aden, MD, FACP oo ka socday Shirkada IHS Health Care System. Munaasabada waxa ka qayb galay Goleyaasha dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, kan Degmada Garoowe, La-taliyeyaal Madaxweyne, wefdi ka socda Shirkada IHS iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Intaasi kaddib, Madaxweyne Deni ayaa sida Madaxtooyadu sheegtay dib ugu laabtay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, oo ay ka socdaan dardargelinta Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland. Halkaan ka Daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Garoowe ka dhagax-dhigay isbitaalka ugu weyn Puntland appeared first on Puntland Post.
  20. AQOBA3QYqKP6RyxHtOQYr-L3a0-ZTruFKC9-HO66QQl_a15cYL13lj5Igx83c17wax6IHP0Ue9wHDclgWTKjyPrM Qaran News
  21. Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ansixisey heshiisyo iyo shuruuc lagu tayeynayo awoodda hey’addaha dowlada, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha dalka. Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay mubaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Wasiirka cusub ee Wasaaradda Bartoolka iyo Macdanta Mudane Daahir Shire Maxamed iyo Wasiirkii hore Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa xusay in Wasaaradda looga fadhiyo dhammaystirka qorshooyinka Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan soo saarista shidaalka. “Waxaan rabnaa in wasaaraddani dhabaha u xaarto sidii shacabka Soomaaliyeed loogu sameyn lahaa jiho dhaqaale oo sax ah, la iskuna lahayn karo, maadama uu dalkeennu burbursanaa mudo dheer, meeshana ay ka baxeen kaabayaashii muhiimka ahaa ee uu dalku lahaa”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa. Mudane Xamsa ayaa u mahad celiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda sidii masuuliyadda lahayd ee uu ugu adeeggay Qaranka muddadii uu xilka hayey, waxa uuna Alle uga baryey Wasiirka cusub in uu u fududeeyo shaqada adag ee loo hortaalla. Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa digniin culus oo u muuqata kama dambeys kasoo saartay dadka baraha bulshada ka hurinaya colaadaha sokeeye ee ka aloosan qeybo kamid ah dalka. Dowladda ayaa caddeysay inay qaadi doonto tallaabooyin ka dhan ah shaqsiyaadka baraha bulshada ku faafinaya muuqaalada, sawirada, codadka, qoraallada naxdinta leh iyo kuwa sii hurinaya colaadaha sokeeye. “Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xun tahay dhibaatooyinka ka dhashay colaadaha sokeeye ee ka aloosan gobolada dalka,” ayaa lagu yiri goordhoweyd bayaan kasoo baxay dowladda. Wasaaradda ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto aaladaha baraha bulshada iyo warbaahinta ee loo adeegsanayo hurinta colaadaha oo ay sida qaldan u isticmaalayaan shaqsiyaadka ka qeyb qaadanaya kicinta dagaalada. “Wasaaradda oo gudanaysa waajibka saaran waxay halkaan digniin ugu jeedinaysaa isticmaalayaasha baraha bulshada ee ka qeyb qaadanaya fitnada iyo hurinta colaadaha, dowladdu waxa ay qaadi doontaa tallaabo sharciga waafaqsan oo lagu xakamaynayo qofkasta iyo aalad kasta oo loo adeegsado hurinta dagaalada sokeeye,” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxa kale oo lagu yiri qoraalka “Muwaadin kasta maanta waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay ka hortagga hurinta colaadaha iyo ka shaqeynta nabadeynta dadkeenna walaalaha ah ee dhiigooda qubaya, shacabka Soomaaliyeed.” Wasaaradda ayaa sidoo kale waxay uga mahad-celisy warbaahinta iyo isticmaalayasha baraha bulshada ee gudbinaya fariimaha wanaagsan ee wacyigalinta ah, kuwaas ayaana ah tusaalaha wanaagsan ee maanta loo baahan yahay. Ugu dambeyntiina, hay’adaha qaranka ee sharci fulinta ah oo ay ugu horeeyaan booliska iyo xeer ilaalinta ayey sheegeen iny heegan ugu jiraan qaadista tallaabooyinka ku haboon xilligan.
  23. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda ay ansixisey heshiisyo iyo shuruuc lagu tayeynayo awoodda hey’addaha dowlada, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha dalka. Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay mubaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Wasiirka cusub ee Wasaaradda Bartoolka iyo Macdanta Mudane Daahir Shire Maxamed iyo Wasiirkii hore Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa xusay in Wasaaradda looga fadhiyo dhammaystirka qorshooyinka Xukuumadda ee ku aaddan soo saarista shidaalka. “Waxaan rabnaa in wasaaraddani dhabaha u xaarto sidii shacabka Soomaaliyeed loogu sameyn lahaa jiho dhaqaale oo sax ah, la iskuna lahayn karo, maadama uu dalkeennu burbursanaa mudo dheer, meeshana ay ka baxeen kaabayaashii muhiimka ahaa ee uu dalku lahaa”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa u mahad celiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda sidii masuuliyadda lahayd ee uu ugu adeeggay Qaranka muddadii uu xilka hayey, waxa uuna Alle uga baryey Wasiirka cusub in uu u fududeeyo shaqada adag ee loo hortaalla. PUNTLAND POST The post Wasiirka cusub ee Wasaaradda Bartoolka iyo Macdanta Soomaaliya oo Xilka la wareegay appeared first on Puntland Post.
  24. Mogadishu (HOL) — Somali Prime Minister Hamse Abdi Barre on Monday pledged swift justice for those responsible for the killing of six Somali National Army (SNA) soldiers in the El-Baraf district of Middle Shabelle region, describing the act as "monstrous" and "unprecedented" in Somali culture. Source: Hiiraan Online
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa markii ugu horreysay maanta ka hadlay askartii dhowaan lagu laayay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, loona dilay aano qabiil darteed. Xamza oo si adag uga hadlay falkaasi ayaa ayaan darro ku tilmaamay, isaga oo xusaynin dadka gaystay ay yihiin dad qalato aan arxan lahayn, sida uu hadalka u dhigay. “Wixii dhacay ee askarta Soomaaliyeed lagu sameeyay dadkii ka dambeeyay dad ma’ahan ee waa dad qalato, waa bahalo” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Waa wax aad u xun qof adiga ku difaacayo oo naftiisa kuu huray oo adiga ku difaacayo inaad qalato”. Ra’iisul wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in arrintan ay tahay mid ka fog dadnimada qofka diinta, wuxuuna ugu baaqay in laamaha amniga ku gacan siiyo soo qabashada raggii ka dambeeyay falkaasi oo dhaliya caro aad u xooggan. Dowladda Dhexe iyo HirShabele oo iskaashanyo ayaa haatan wada dadaallo lagu soo qabanyo dambiilayaasha, iyada oo guddoomiyihii Ceel Baraf iyo odayaal loo soo xiray dhacdadaasi, kuwaas maalin kahor diyaarad lagu keenay magaalada Muqdisho Askarta la dilay waxay gaareysaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa ciidankaas ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe. Dad ku sugan Ceelbaraf ayaa Caasimada Online u sheegay in meeshiyaadka qabtay askarta ay in dhaha ka xireen oo muuqaal ka duubeen, kadibna dileen, askarta ayaa taliskii ay ka tirsanaayeen looga soo reebay qoryahoodii, maadaama ay fasax qaateen oo reerahoodii ay u socdeen.