Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. AQPcmmbP9Zr1Wk4Ty3JTQr-mXtxW-DZNx6uepQl9y4BpOZSGDwbg1lQyi96XfWyVaDNro5RWuKUInG4G0pGF2tun Qaran News
  2. Xarardheere (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa gaaray go’aan cusub oo saraakiisha hoggaamisa qeybaha ciidanka iyo guutooyinka u uku cadaadinayo, si ay u gutaan waajibaadka qaran ee loo xil-saaray. Taliyaha ayaa saraakiisha ku amray in aysan ka maqnaan hal habeen talisyada ay xukumaan, iyadoo taliyihii jebiya amarkaas loogu goodiyey in xilka laga qaadi doono, lana reystey doono. Saraakiisha hoggaamisa ciidamada intooda badan ayaa iska joogi jiray magaalooyinka, sida Muqdisho, iyagoo ciidamada ay hoggaamiyaan uga soo tegi jiray deegaano fog iyo furimo dagaal oo lagu weerari jiray. Ciidamo badan ayaa la weeraray sanadihii lasoo dhaafay oo lasoo afjaray, iyagoo aan u diyaarsaneyn inay iska difaacaan cadowga, maadaama taliyahoodii uga tegay meel cidlo ah. Taliyaha xoogga ayaa hadda safar ku maraya furimaha dagaalka ee gobollada dhexe ee dalka, labadii habeen ee lasoo dhaafay wuxuu ku hoyday degmada Ceeldheer, weligeedna ma dhicin in taliyaha ugu sareeya militeriga Soomaaliya uu furinta joogo waqti intaas la eg, hadda ka hor. Taliye Odowaa ayaa intii uu joogay Ceeldheer wuxuu kormeer uu ugu kuurgelayo xaaladooda ugu tagay Ciidamada Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha xaq u dirirka ah ee dadka degaanka ee ka howlgala Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud. Taliyaha ayaa Ciidamada ku bogaadiyay intii uu joogay Ceeldheer in dadkooda iyo dalkooda ay Khawaarijta ka difaacaan, kana xoreeyaan deegaanada ay weli ku harsan yihiin. Taliyaha Xoogga Jeneraal Odowaa ayaa maanta u sii gudbay degmooyin kale oo Xarardheere ay ugu horeyso, halkaas oo ay sugan yihiin ciidamada qaranka iyo deegaanka ee dagaalka kula jira Khawaarijta, Xarardheere ay saldhig weyn u tahay ciidamo badan oo ka howlgala koonfurta gobolka Mudug oo ah dhul baaxad leh Shabaab-kuna ku xoogan yihiin. Hadda kadib, waxaa dhamaatay qiyaanadii saraakiisha ugu sareysa ciidanka oo iska jooji jiray Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka, taasi oo hor seedi jirtay in ciidanka la geeyo oo difaac laga geliyo goob furin ah, kadibna laga tago, taasi oo mararka qaar Al-Shabaab u suutageli jirtay in ciidanka si fudud ay u laayaan. Jeneraal Odowaa oo mar kale dhowaan loo soo magacaabay xilkaan, waayo aragnimo horana heystay, maadaama uu ahaa burburkii kadib taliyihii xoogga ee ugu waqtiga dheeraa intii uu xilkaas hayey ayaa hadda dib u abaabulaya dagaalkii Khawaarijta looga sifeynayey dalka, isagoo ku dhinac wada dib u habeynta ciidanka iyo cadaadinta saraakiisha hoggaamisa oo lagu dhaliilo inay is dhigteen.
  3. Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa mar kale magaalada Hargeysa lagu xiray Naciima Abwaan Axmed Qorane, taas oo Ciidanka Sirdoonka Somaliland ay maanta ka qabteen garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa. Naciimo Qorane oo la shaqey jirtay kooxdii Nabad iyo Nolo lee Madaxweyne Farmaajo, isla markaana Aabaheed Abwaan Axmed Qorane uu yahay Senator ka tirsan Aqalka Sare ayaa galabta gelinkii dambe ka degtay Hargeysa, waxaana loo xiray si degdeg ah. Ma jiro war ka soo baxay Ciidamada Ammaanka Somaliland oo ku saabsan xarigga Naciima Qorane, balse ilo wareedyo kala duwan ayaa xarigga gabadhaan u xaqiijiyey Caasimada Online. Markii ay garoonka ka qabteen Ciidanka Sirdoonka Somaliland waxaa la sheegay in Hooyadeed ay la socotay, kadib markii ay kasoo celisay isbitaal dalka dibeddiisa ay ugu qaaday. Sidoo kale, Xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro ayaan weli ka hadlin xarigga Naciima Abwaan Qorane oo kamid ah dhalinyarada hal abuurka leh ee taageera wadajirka Soomaaliya. Markii laga soo tago in Naciima ka mid ahayd taageerayaasha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxay sidoo kale baraha bulshada uga ololeysaa inay midoobaan Soomaaliya iyo Somaliland, waxayna si cad u diidaa gooni isku taagga Somaliland. Sanadkii 2018-kii ayaa sidaan oo kale loogu xiray magaalada Hargeysa, iyadoo Maxkamadda Somaliland ay ku xukuntay saddex sano oo xarig ah, balse markii dambe Madaxweynihii hore ee Somaliland ayaa cafis ku sii daayey. Markii uu talada Somaliland ku guuleystay Cabdiraxmaan Cirro, waxaa lagu rajo weynaa in meesha ay ka bixi doonto caburintii bulshada ee Somaliland ka jirtay, balse xarigga Naciima Qorane wuxuu muujinayaa in weli ay socoto oo Cirro uusan waxa ka bedelin nidaamkii hore.
  4. Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo maanta ka hadlay doorashooyinka dalka ayaa hoosta ka xariiqay in doorasho qof iyo cod ah ay Soomaaliya ka bilaaba doonto bilo kadib. Qoor Qoor ayaa toos ugu jawaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo munaasabad Book Feer ah oo Dhuusamareeb lagu qabtay ka sheegay in doorasho qof iyo cod ah aan loo socon ee muddo kororsi ay ka dhex raadinayaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda dowlad goboleedyada. “Cabdiraxmaan waxaan leeyahay jawaabtaadu waa fududahay, doorasho ma dhaceyso ayaa tiri, ana waxaan ku leeyahay doorasho waa dhaceysaa, waxaana ka mid tahay dadka bulshada la hadla, waxaa kuu fiican doorashada dadweynaya ee kuuma fiicna ‘mida suuqa madow ah’ ee aad jeceshahay in lagu laabto, marka soo diyaar garow,” ayuu yiri Qoor Qoor oo u jawaabay CC Shakuur. Qoor Qoor ayaa ku faanay in markii uu ka baxo Dhuusamareeb uu safro in ka badan 700 KM oo safar dhulka ah, intaas oo amni iyo kala dambeyn ay ka jirto, isla markaana ay dadkiisu u diyaarsan yihiin inay galaan doorasho qof iyo cod ah. Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa cod dheer ku sheegay in doorashooyinkii lasoo maray ay ahaayeen kuwo halis iyo dib u dhac badan oo dib aan loogu noqo karin. Sidoo kale Qoor Qoor wuxuu soo hadal qaaday dagaal beeleedyada, isagoo sheegay in kooxaha argagixisada ah ay hurinayaan dagaaladaas, isla markaana ay yihiin wax aad looga xumaado. Abaaraha dalka ka jira ayuu sidoo kale ka hadlay Qoor Qoor, wuxuuna codsaday in reer Galmudug ay iska caawiyaan sidii abaartaan looga samata bixin lahaa bulshada ay saameysay. Hoos ka daawo
  5. Nugaal Football Team members hold the trophy. Garowe (PP News Desk) — Nugaal team secured a 4-2 victory to win the Puntland regional football championship. Six other regional teams contested this year’s trophy. The final match took place at Mire Aware Stadium in Garowe today. In the first half, Nugaal scored two goals. In the second half, Nugaal team scored two more goals. Undeterred by Nugaal’s momentum, Bari responded with two goals before the end of the match. Nugaal Football Team supporters celebrating the win in Garowe earlier today. Nugaal supporters celebrated the victory in the streets of Garowe. The Puntland State Football Federation organised the tournament, which showcases the football talent in Puntland State, Somalia. A retired football coach in Garowe remarked that the level of sportsmanship shown by the players reflected the rigorous training they underwent before and during the tournament. “Puntland can now establish district football teams to contest for an annual cup, similar to the pre-1991 General Da’ud Premiership in Mogadishu,” said the retired coach. © Puntland Post, 2024 The post Nugaal Team Wins Puntland Regional Football Championship appeared first on Puntland Post.
  6. AQNB4-TVmFtPmbWazJPu1uwIacLGMp_2URO4LWzncIFRtnb-VzW3hNHgi3_M1dUoDaFumtdIH2QjxdVP6-wyyR3t Qaran News
  7. Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaanka sare ee Puntland, gaar ahaan madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo xubnaha mucaaradka maamulkaasi ayaa maanta muujiyay midnimo, kadib dagaalkii ay ciidamadooda la galeen kooxda argagixisada ah ee Daacish. Madaxtooyada Puntland iyo xubnaha mucaaradka ayaa si buuxda u garab istaagay ciidanka difaaca ee ka hortegay weerar saaka soo qaadeen xubnaha Daacish ee ku sugan Bari. Saciid Deni oo maanta isbitaalka Boosaaso ku booqday qaar kamid ah askartii kusoo dhaawacantay dagaalkii saaka dhacay ayaa taageero buuxda u muujiyay ciidanka. “Madaxweynaha ayaa garab istaag u muujiyey ciidanka isagoo faray Guddiga taakuleynta iyo daryeelka in ay si dhow ula socdaan xaaladooda, wuxuu Madaxweynuhu boggaadiyey sida geesinimada leh ee Ciidanka Dowladda Puntland ay u guteen waajibkooda” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Sidoo kale waxaa soo hadlay wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland, haddana kamid ah xubnaha mucaaradka Xasan Shire Abgaal oo boggaadiyay guusha ay ciidamada ka gaareen dagaalka ay maanta la galeen Daacish, isaga oo fariin u diray shacabka Puntland. “Waxaan halkan uga diraynaa taageero buuxda iyo garab istaag ciidamada geesiyaasha ah ee kala duwan difaaca Dowladda Puntland, kuwaas oo maanta nafta u huray dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah ee ISIS iyo Alshabaab ee ku dhuumaaleysanaya buuraha gobolka Bari” ayuu yiri wasiirkii hore ee maamul goboleedka Puntland. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Dadka Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay garab istaagaan ciidamadan naftooda huray, iyagoo ku taageeraya duco, midnimo, iyo dhiirrigelin joogto ah si cadawga loo wiiqo, loona adkeeyo nabadda dalkeena”. Dhankiisa guddoomiyihii hore ee guddiga doorashada Puntland Guuleed Saalax oo isna qoraal soo saatay ayaa ku baaqay loo midoobo dagaal ay Puntland la galeyso argagixisada. “Waxaan ammaan iyo bogaadin u dirayaa ciidamada difaaca Puntland oo si geesinnimo leh ugu taagan soo afjarista kooxaha argagixisad. Waa waqtigii aan midnimo iyo isku-duubni ugu midoobi lahayn soo afjarista kooxahan argagixisada ah, kuwaas oo dhibaatooyin badan ku haya bulshada, ganacsatada iyo guud ahaan deegaanka” ayuu Guuleed Saalax. Dagaalkii maanta oo ay soo qaaday kooxda Daacish ayaa ka dhacay saldhigga ugu wayn ee haatan laga abaabulayo ciidamada ay Puntland u diyaarisay duulaanka, waxaana labada dhinac soo gaaray khasaarooyin xooggan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba.
  8. Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta gaaray wafdi odayaal ah oo uu hoggaaminayo Imaamka Mudulood Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar, waxaana garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif kusoo dhaweeyay odayaasha dhaqanka ee beesha Xawaadle. Wafdigan odayaasha ah oo ka baxay Muqdisho ayaa u tegay Beledweyne xallinta xiisaddii ka dhalatay askartii dhowaan lagu laayay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Imaam Daahir oo warbaahinta kula hadlay Beledweyne ayaa ka wabixiyay ujeedka safarkooda, wuxuuna sheegay in ay u socdaan xalka dhibkii gaaray beesha Xawaadle. “Waxaan usoo gole fadhiisanay inaan xal ka keenno dhacdadii Ceel-baraf oo ahayd mid aanan raalli ka ahayn” ayuu yiri Imaamka Mudulood. Dhankiisa waxaa hadalka ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo duubabka dhaqanka kusoo dhaweeyay Beledweyne, wuxuuna u ballan qaaday inay diyaar u yihiin sidii xal loogu lahaaa xiisadda ka dhalatay askartii lagu laayay deegaanka Ceel Baraf. “Imaam sood hawoow, dadkaaga ayaa u imaatay, arrinta aad u timidna waa xalismee, culeys badan ma jiri doono, xalka aad waddaan waan idin kusoo dhaweyneynaa” ayuu yiri. Askarta la dilay waxay gaareysaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa ciidankaas ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe. Dad ku sugan Ceelbaraf ayaa Caasimada Online u sheegay in meeshiyaadka qabtay askarta ay in dhaha ka xireen oo muuqaal ka duubeen, kadibna dileen, askarta ayaa taliskii ay ka tirsanaayeen looga soo reebay qoryahoodii, maadaama ay fasax qaateen oo reerahoodii ay u socdeen.
  9. AQPejR81_Noir18rF2OVcRbBkgQBKEbveP0oGI-mWVU4u3M0FOdXBBFV5_QEy6QxXttS_sslHP3HcNI3am1LHhUE Qaran News
  10. AQPejR81_Noir18rF2OVcRbBkgQBKEbveP0oGI-mWVU4u3M0FOdXBBFV5_QEy6QxXttS_sslHP3HcNI3am1LHhUE Qaran News
  11. Mogadishu (HOL) – The Governor of Banadir Region and Mayor of Mogadishu, Mohamed Ahmed Amir, met with Sudan's Ambassador to Somalia, Ammar Ahmed Babiker, on Tuesday to discuss strengthening collaboration between the two nations. Source: Hiiraan Online
  12. Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo haatan ku sugan magaalada Boosaaso ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah oo la xiriirta dagaalkii ay maanta ciidamada maamulkaas la galeen kooxda Daacish. Ugu horreyn Saciid Deni ayaa isbitaalkaBoosaaso ku booqday qaar kamid ah askartii kusoo dhaawacantay dagaalkii maanta oo yimid, kadib markii xubno ka tirsan kooxda Daacish ay saaka weerar kusoo qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen ciidanka Puntland. Dagaalka ayaa dhaliyay khasaare soo kala gaaray labada dhinac, waxaana Puntland ay sheegtay inay dishay xubnobadna oo ay ku jiraan ajaaniib ka tirsanaa Daacish. Dhinaca kale madaxweyne Saciid Deni oo wareegto soo saarya ayaa magacaabay guddiga taakulaynta iyo daryeelka dhaawacyada ee hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland, kaas oo ka kooban illaa 7 xubnood. Guddigan ayaa ka shaqeyn doono garab istaaga askarta ay waxyeelo soo gaarto, si looga war qabo iyaga iyo qoysaskooda. Hoos ka akhirso:- Boosaaso : 31 December 2024, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay Guddiga Taakulaynta iyo Daryeelka Dhaawacyada ee hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland. Ku: Wasaaradda Amnniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Ku: Wasaaradda Arrimaha Guddaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Ku: Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Ku: Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Og: Guddoomiyeyaasha Goboladda Puntland. Ujeeddo: Magacaabid Guddi Waxaa xubanaha Wasiiradda ah iyo Guddomiyayaasha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin loo magacaabay Guddiga Taakulaynta iyo Daryeelka Dhaawacyada ee hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland. Xubnaha Guddiga ayaa kala ah: – Wasiir Siciid Jaamac Cali (Qoorsheel) Wasiir Cabdullaahi Bille Nuur Wasiir Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle Wasiir Yuusuf Maxamed Wacays(Dheddo) La-taliye Axmed Cabdi Hurre Guddoomiyaha Gobolka Bari, Cabdirisaaq Cali Siciid. Guddomiyaha degmada Boosaaso, Cabdifaataax Xaaji Shanle. Guddigaan waxay ka shaqaydoonaan Taakulaynta iyo Daryeelka Dhaawacyada Howlgalka Buuraha Golis. Haddaba, waxaa la farayaa xafiisyadda ay warqadani ku socoto in ay guddigaan ku gacansiiyaan wixii fududayn ah ee gudashada waajibaadka loo igmaday. Fulin wacan, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. -DHAMMAAD-
  13. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan bakaal, ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Xafiiska Boqortooyadda Ingiriisku ay ku leedahay Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Ilyas Malek, kulankaas oo daarranaa isbarasho iyo sii xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee labada wadan. Kulankaas waxa Wasiirka ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Qaran News
  14. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan bakaal, ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Xafiiska Boqortooyadda Ingiriisku ay ku leedahay Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Ilyas Malek, kulankaas oo daarranaa isbarasho iyo sii xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee labada wadan. Kulankaas waxa Wasiirka ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Qaran News
  15. Security forces in Somalia repulsed an attack by Islamic State suicide bombers on a military base in the northeastern region of Puntland on Tuesday, the local state broadcaster and a military official said. Source: Hiiraan Online
  16. Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Safarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka ka dhashay dilkii todoba askari oo ka tirsan ciidanka dowladda ee ka dhacay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dilkaas ayaa sababay khasaare nafeed waxaana dowladda Soomaaliya ay bilowday baaritaanno ku saabsan dhacdadan. Waxaa lagu waddaa in uu kulamo kala duwan la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada. Sidoo kale Wafdi ka socda Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku sugan deegaanka Ceelbaraf. Source: goobjoog.com
  17. Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Safarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka ka dhashay dilkii todoba askari oo ka tirsan ciidanka dowladda ee ka dhacay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dilkaas ayaa sababay khasaare nafeed waxaana dowladda Soomaaliya ay bilowday baaritaanno ku saabsan dhacdadan. Waxaa lagu waddaa in uu kulamo kala duwan la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada. Sidoo kale Wafdi ka socda Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku sugan deegaanka Ceelbaraf. Source: goobjoog.com
  18. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta, “Xuseen Axmed Caydiid” ayaa kullan balaadhan maanta Xarunta Wasaaradda kula qaatey Shaqaale-weynaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta. Kullanka ayaa iskugu jirey is-barasho shaqaalaha Wasaaradda ah iyo sidoo kale dar-dargalinta shaqadda, iyada oo Wasiirku ku booriyey Shaqaalaha iney dhawraan wakhtiga shaqadda, iyadoo la fulinayo digreetadii Madaxweynaha Jamuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). Kullanka ayaa waxa Wasiirka ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta, Maxamuud Suldaan Aaddan Yuusuf. #Dhamaad Qaran News
  19. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta, “Xuseen Axmed Caydiid” ayaa kullan balaadhan maanta Xarunta Wasaaradda kula qaatey Shaqaale-weynaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta. Kullanka ayaa iskugu jirey is-barasho shaqaalaha Wasaaradda ah iyo sidoo kale dar-dargalinta shaqadda, iyada oo Wasiirku ku booriyey Shaqaalaha iney dhawraan wakhtiga shaqadda, iyadoo la fulinayo digreetadii Madaxweynaha Jamuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). Kullanka ayaa waxa Wasiirka ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta, Maxamuud Suldaan Aaddan Yuusuf. #Dhamaad Qaran News
  20. Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka dhex-qarxay ciidamada ammaanka Puntland iyo dagaalyahannada kooxda Daacish, kaas oo maanta ka dhacay gobolka Bari. Dagaalka ayaa yimid kadib markii Kooxda Daacish ay weerar culus saakay ku eekeysay deegaanka Dharjaale ee gobolka Bari, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo loo diyaariyay inay Daacish ka saaraan dhulkaasi. Weerarka kooxda oo ku bilowday ismiidaamin ayaa waxaa xigay dagaal toos ah, oo dhex-maray dagaalyahaanadii weerarka soo qaaday iyo ciidamada maamulka Puntland. Labada dhinac ayaa waxaa soo kala gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawacleh, iyada oo Puntland ay dhankeeda ka dhinteen illaa 12 askari, halka ay ka dhaawacmeen tiro kale. Sidoo kale waxaa Daacish dhankeeda laga dilay illaa 8 xubnood oo ay ku jiraan Ajaaaniib, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee Puntland. Ciidamada Puntland ayaa lagu soo waramaya inay ugu dambeyntii ku guuleysteen soo afjarista dagaalyahannadii weerarka soo qaaday, inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha dhimasho iyo dhaawac leh ee soo gaaray dhinaca ciidamada. Weerarka saaka ayaa ku soo aaday xilli maamulka Puntland uu qorsheynayo howlgal ka dhan ah kooxda Daacish ee ku dhuumaleysanaya buuraha gobolka Bari ee maamulkaasi.
  21. Under President Hassan Sheikh, the Federal Government of Somalia lacks a coherent approach to formulating a foreign policy. Mogadishu (PP Editorial) — Today is the last day of 2024, a year marked by inter-clan and intra-clan conflicts in Somalia. The Federal Government of Somalia has faced a significant loss of confidence due to several contentious policies: attempts to amend the draft constitution without achieving consensus; efforts to overthrow a Federal Member State, and: alleged support for clan militias attacking Ceelbaraf with government-supplied weapons. These actions highlight the shortcomings of the federal system, two decades after its adoption in Kenya. The Federal Government has also been criticised for misusing Somalia’s sovereignty by signing multiple defence pacts with various countries. This was ostensibly to counter Ethiopia’s illegal maritime Memorandum of Understanding with the Somaliland Administration, a secessionist entity in northern Somalia. In foreign policy, the Federal Government of Somalia lacks a coherent approach. According to Ibrahim Farah, the author of Somali Foreign Policy 1960-1990: An Analysis of Thirty Years of Diplomatic History, “Somalia does not have a foreign policy. Only the group occupying Villa Somalia formulates foreign [policy] without consultations.” Divergent views on key articles of the Ankara Agreement between Somalia and Ethiopia further corroborate this assessment. For instance, National Security Adviser Hussein Mo’allim tweeted that no decision has been made regarding Ethiopian troops in the 2025 AU peacekeeping mission in Somalia, while Somalia’s UN Mission last week stated that Ethiopian troops “will not be participating in the AU peacekeeping missions.” As a country dependent on peacekeeping forces due to institutional inability to tackle transnational terrorism, Somalia should not have been permitted to sign oil agreements withTürkiye . Türkiye is exploiting Somalia’s weak institutional capacities. The benefits Somalia might reap from debt relief are negated by the risks of incurring new loans or entering into resource agreements with foreign countries and companies. These policies represent a repudiation of the state-building initiatives spearheaded by Britain in Somalia since 2012, when the transitional period ended after agreements by Somali stakeholders. Britain, as the penholder for Somalia at the United Nations, has neglected Somalia’s interests. As the drafter of resolutions on Somalia, Britain should have avoided creating the impression among Somalis and academics that its emphasis is on saddling Somalia with feeble federal institutions that Somalis cannot hold accountable. It can be argued that Somalis’ interests were more safely protected during the trusteeship years (1950-1960) than in 2024, when Somalia claims to be a sovereign country. Like the flawed 4.5 power-sharing system, the federal system has enhanced the political privileges of powerful clans at the expense of those unfairly labelled as minorities, who are not numerically minorities. © Puntland Post, 2024 The post The 2024 Political Landscape in Somalia: A Year of Turmoil and Constitutional Woes appeared first on Puntland Post.
  22. Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta magacaabay guddi qaabilsan Taakulaynta iyo Daryeelka dhaawacyada ee hawlgalka ciribtirka argagixisada. Dikreeto ka soo baxday Madaxweyne Siciid Deni oo uu ku socod-siiyay dhammaan wasaaradaha ay khusayso ayuu ku magacaabay guddiga Taakulaynta iyo daryeelka dhaawacyada ee hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland. Guddigan oo ka kooban 7 xubnood ayaa ka shaqayn doona Taakulaynta iyo Daryeelka Dhaawacyada Howlgalka Buuraha Calmiskaad, waxaana ay kala yihiin xubnaha guddigani: 1. Wasiir Siciid Jaamac Cali (Qoorsheel) 2. Wasiir Cabdullaahi Bille Nuur 3. Wasiir Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle 4. Wasiir Yuusuf Maxamed Wacays(Dheddo) 5. La-taliye Axmed Cabdi Hurre 6. Guddomiye Cabdirisaaq Cali Siciid 7. Guddomiye Cabdifaataax Xaaji Shanle Madaxweyne Deni ayaa faray dhammaan Xafiisyada ay khusayso Hawshani in ay guddigaan ku gacansiiyaan wixii fududayn ah ee gudashada waajibaadka loo igmaday. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Siciid Deni oo magacaabay guddi qaabilsan Taakulaynta hawlgalka ciribtirka Argagixisada appeared first on Puntland Post.