-
Content Count
211,291 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
New Orleans (Caasimada Online) – Ugu yaraan 10 qof ayaa dhintay, 30 kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii baabuur la jiirsiiyey dad ku sugnaa goob caan ah oo dadka dalxiisayaasha ah ay ku badan yihiin, taas oo ku taalla magaalada New Orleans, gobolka Louisiana ee dalka Maraykanka, sida uu sheegay maamulka magaalada. Barnaamijka U-diyaar-garowga Xaaladaha Degdegga ah ayaa sheegay in maamulka degmada 8-aad uu ka shaqeynayo caawinta dad badan oo dhaawacmay ka dib markii baabuur la jiirsiiyey dad badan oo ku sugnaa inta u dhaxaysa labada waddo ee Canal iyo Bourbon. Toban qof ayaa dhintay 30 kalena way dhaawacmeen, ayaa lagu yiri warbixinta maamulka. Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaanan sheegin waqtiga uu shilku dhacay, hase yeeshee, goobta ayaa waxaa ka buuxay dad meel kale ka yimid oo u dabbaal degayey sanadka cusub. Qeybtan magaalada ayaa loo yaqaanaa xaafadda Faransiiska. Warbaahintga CBS ee Maraykanka ayaa soo xigatay qof goobjoog ahaa oo sheegay in baabuur truck ah oo xawaare sare ku socday uu dadka jiiray, ka dibna darawiilkii inta uu baabuurkii ka soo booday uu dadkii xabbad ku furay. Qofkii goobjoogga ahaa ayaa intaas ku daray in booliiskuna uu rasaas ugu jawaabay. Qofka lagu tuhunsan yahay inuu fuliyey falkan ayaa geeriyooday kadib markii ay rasaas is-weydaarsadeen booliska, sida ay sheegeen saraakiisha sharci-fulinta. Hay’adda FBI-da ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay weerarka u baareyso “ficil argagixisanimo, ayada oo kaashaneysa hay’adaha kale.” Alethea Duncan oo ah kaaliyaha wakiilka FBI-da ee xafiiska New Orleans ayaa sheegtay inay sidoo kale baarayaan ugu yaraan hal aalad oo la tuhunsan yahay inay tahay walxaha qarxa oo goobta laga helay. Isha: VOA
-
Qaar kamida odeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xarunta Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ku baaqay in si degdeg ah oo shuruud la’aan loo joojiyo colaadaha ka socda goobo kala duwan oo dalka kamid ah. Odayaashan ayaa sheegay inay aad ugu xunyihiin colaadaha ka socda meelo kamid ah dalka , waxayna u tacsiyeeynayaan intii ku dhimatay, ayagoo Alle uga baryay inuu u naxariisto, intii ku dhaawacantayna u booga dhayo. “Odaayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, waxay u arkaan xasaradaha in ay caqabad ku yihiin Nabadda, Xasilloonida, Horumarka dalka iyo guud ahaan qorsheyaasha Qaranka” ayaa lagu yiri nuqul kamid ah war saxaafadeed ay odayaashu soo saareen. Ugu dambeyn hoggaan dhaqameedyadan ayaa ku baaqay in la fidiyo gogol nabadeed oo lagu xallinayo colaadaha hadda socda, wuxuuna warkoodu ku soo beegmayaa xilli todobaadyadii la soo dhaafay ay dad badani ku dhinteen dagaal beeleedyo gobollada dalka qaarkood ka dhacay. Source: goobjoog.com
-
Abdifatah Dahir: “To be frank, Somaliland declared secession long ago and is not a part of the Federal Government. Puntland has lost confidence in the government. Two major clans, Darod and Isaq, are disaffected with the state of governance.” Mogadishu (PP News Desk) — Abdifatah Dahir, a former MP of the Somali bicameral legislature, has proposed a confederal system as the only way for the “Somaliland administration to renounce secession and embrace the Union”. Dahir contends that the political deadlock in Somalia implies the failure of federal governance. “The amendments to the Provisional Constitution were expedited illegally,” said Dahir. In response to a question posed by Somali Cable TV about whether the MPs and Senators “voted on the amendments since they were elected by their constituencies”, Dahir replied: “If we don’t engage in fruitless debate, we can say they were not elected. The test of amendments to the constitution is if MPs and Senators can sell the amended constitution to their constituencies. To give you an example, our MPs and Senators from Somaliland cannot go to territories controlled by the Somaliland Administration and convince people to accept the amended constitution.” Dahir added that the purpose of MPs and Senators is to maintain political unity until a comprehensive political settlement is reached. “As such, they cannot endorse constitutional amendments,” he concluded. Dahir, who was selected as an MP representing Somaliland before the 2022 presidential election in Mogadishu, raised alarms about the viability of the Somali political system. “To be frank, Somaliland declared secession long ago and is not a part of the Federal Government. Puntland has lost confidence in the government. Two major clans, Darod and Isaq, are disaffected with the state of governance. Rahanweyn of the Southwest may follow suit,” said Dahir, who views a confederal system as the only means to bring Somaliland back into the Union fold. © Puntland Post, 2024 The post Former Federal MP Proposes a Confederal System for Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta isku shaandheyn lagu sameeyay agaasinka Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia, iyadoo xilalka loo kala beddelay qaar kamid ah agaasimayaasha madaxtooyada. Sidoo kale waxaa wareegtooyinkan oo kasoo baxay Villa Somalia lagu magacaabay agaasamiyaal cusub, halka kuwii hore lagu sameeyay qaarkood isku beddel. Agaasimahan warfaafinta iyo xiriirka warbaahinta ayaa loo magacaabay Maxamed Aadan Maxamed (Dugoow), oo isagu horay u ahaa agaasimaha arrimaha bulshada ee Madaxtooyada. Halka agaasimaha arrimaha bulshada loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Xasan Xudeyfi oo horay u ahaa afhayeenka iyo ku-simaha agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada. Hoos ka aqriso liiska oo dhameystiran; 1. Maxamed Aadan Maxamed (Dugoow), agaasimahan warfaafinta iyo xiriirka warbaahinta. 2. Cabdiraxmaan Maxamed Xasan Xudeyfi, agaasimaha arrimaha bulshada ee Madaxtooyada. 3. Cabdiraxmaan Aadan Cali (Xadaana), afhayeenka Madaxtooyada. 4. Samatar Shariif Axmed, agaasimaha waaxda Iibka. 5. Xuseen Yuusuf Cali (Ladane), agaasimaha cusub ee waaxda adeegga guud. 6. Ladan Cabdikhayr Cilmi, gaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda 7. Mowliid Ibraahin Xasan, agaasimaha waaxda la socodka iyo qiimeynta (M&E). 8. Mohamed Salad Ahmed (Barre), madaxa xafiiska agaasimaha guud ee Madaxtooyada.
-
Deputy Minister of Foreign Affairs Wu Chih-Chung (吳志中) lauded Taiwan’s efforts to boost trade and investment in African countries at a celebration marking 18 years of the Taiwan-Africa Business Association (TABA). Wu encouraged TABA to continue supporting Taiwanese businesses seeking opportunities in African markets, per the Ministry of Foreign Affairs. The foreign ministry is a steadfast partner in advancing Taiwan-Africa relations, he added. Despite Taiwan’s international challenges, it offers valuable experiences to share with African nations, Wu said. He highlighted the establishment of representative offices in Somaliland and the Ivory Coast as recent accomplishments. TABA Chair Lin Yuan (林原) said the association has steadily grown, with over 120 Taiwanese member companies. He emphasized Africa’s potential as the fastest-growing market globally over the next decade and said the association would continue assisting Taiwanese entrepreneurs in expanding their presence in Africa. TABA was founded in 1997 and aims to foster trade between Taiwan and Africa by establishing business networks, facilitating information exchange, and protecting Taiwanese business interests. MOFA pledged to collaborate closely with TABA and other Africa-focused trade organizations to help Taiwanese companies find opportunities in the continent. Taiwan News Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa kula yeeshay haweenka ololaha hooyo u hiilli qaranka. Kulankan ayaa waxaa looga hadlay kaalinta ay haweenka ku leeyihiin dib-u-heshiisiinta iyo wacyi-gelinta bulshada ee hirgelinta doorasho qof iyo cod oo laga bilaabi doono gobolka Banaadir. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey haweenka Soomaaliyeed doorka muuqda ee ay ka qaateen difaaca dalka, sugidda amniga, garab istaagga ciidamadda qalabka sida, xallinta khilaafaadka, horumarka dalka iyo dowlad dhiska Soomaaliya. “Haweenka Soomaaliyeed waxaan uga mahad-celinayaa doorka ay ka qaateen dagaalka Khawaarijta dalka looga sifeynayo,” ayuu yiri ra’iisul wasaare oo hadal u jeediyey haweenkii uu la kulmay Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan u qiraya (haweenka Soomaaliyeed) kaalinta ay ku leeyihiin dhiirri-gelinta ciidamada ku sugan furimaha dagaalka, taas oo ah mid muuqata oo muhiim u ah dib-u xoreynta dalkeenna.” Mudane Xamza ayaa xusay in haweenka Soomaaliyeed laga doonayo waqtigan in si wadajir ah loo hirgeliyo hiigsiga qarankeenna, si aynu uga *****no Soomaaliya nabad ah, xasilloon, oo horumar waara gaarta.
-
A new Africa Union (AU) mission took the helm in Somalia on New Year’s Day despite uncertainty over the final list of countries contributing troops. Source: Hiiraan Online
-
Time for Action: Recognizing Somaliland as an integral ally in countering China’s growing influence in East_Africa In this op-ed, Adam Daud Ahmed, a political and security analyst in the Horn of Africa, argues that the strategic recognition of Somaliland is vital to countering China’s growing influence in East Africa. Ahmed emphasizes that Somaliland, despite lacking formal international recognition, has demonstrated stability and democratic governance since declaring independence in 1991. He contends that recognizing Somaliland is not a symbolic issue but one with significant geopolitical implications for the Horn of Africa and the #Red_Sea corridor. Ahmed asserts that Somaliland’s strategic location on the Gulf of Aden makes it a critical partner in securing sea routes, combating piracy, and improving trade facilitation. He argues that formal recognition would provide opportunities to counterbalance China’s expanding influence, particularly its Belt and Road Initiative investments and military outposts in the region. Moreover, Ahmed highlights the potential for Somaliland to offer alternative trade routes for Ethiopia and strengthen economic partnerships with nations like the UAE, which has substantial investments in the Berbera Port. The op-ed warns that inaction risks ceding ground to rising powers like China while missing a crucial opportunity to support democracy and stability in the region. Ahmed concludes by calling on countries like the United States, the #UAE, and #Ethiopia to recognize Somaliland’s strategic importance and formalize its status. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah gudaha Soomaaliya uga bilowday howlgalka cusub ee Ururka Midowga Afrika ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano AUSSOM, sida uu shaaciyay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya. Qoraal uu soo saaray Mohamed El-Amine Souef ayaa waxa uu ku caddeeyay in howlgalkii cusbaa ee AUSSOM uu ka bilowday Soomaliya, laga bilaabo maanta kowda Janaayo 2025. Sidoo kale wuxuu qoraalka ku sheegay in sida ku cad Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay 2767 (2024) ay AUSSOM sii wadi doonto guulaha laga gaaray howlgalkii dhammaadya ee ATMIS si loo hubiyo in Soomaaliya ay xaqiiqsato nabad iyo amni waara. Howlgalkan cusub ayaa waxaa qayb ka ah Masar, halka laga reebay Itoobiya oo qayb ka ahayd howlgalkii soo dhammaaday ee ATMIS, sababo la xiriira xiisadda ka dhalatay badda. Masar ayaa haatan qorsheyneyso in ciidamadeeda ay kusoo daabusho gudaha Soomaaliya, iyada oo ku keeneyo dhanka cirka iyo badda, si ay qayb uga noqdaan howlgalka Soomaaliya ka bilaabanaya sanadkan cusub. Falanqeeyayaasha ayaa sheegay inay joogitaanka militaryi ay Masar ku dooneyso inay ku ballaariso saameynteeda gobolka istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika. Si kastaba, Howlgalka cusub ee Midowga Afrika ayaa waxaa Jimcihii isku raacay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay qaraar ay soo saareen 14 ka mid ah 15-ka waddan ee xubnaha ka ah, kalia Mareykanka ayaa ka aamusay sababo la xiriira walaac uu ka qabo maalgelinta howlkan.
-
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday in muddo saddex bilood ah, oo ka bilaabanaysa 1-da Janaayo ilaa 31-ka Maarso 2025, si ku-meel-gaar ah loo hakiyay adeegyada wax-ka-beddelka iyo burinta xogta baasaboorka. Go’aankan ayaa yimid si loo xaqiijiyo dib-u-habeyn iyo tayaynta farsamada la xiriirta baasaboorka Soomaaliya. Ujeeddada ugu weyn ee tallaabadan ayaa lagu sheegay in lagu horumarinayo sumcadda baasaboorka Soomaaliya ee heer caalami ah iyo hagaajinta nidaamka farsamo ee adeegyada socdaalka. Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa ku boorrisay muwaadiniinta Soomaaliyeed inay dulqaad muujiyaan inta dib-u-eegista iyo tayaynta farsamo socoto, iyadoo la xaqiijinayo in tallaabadan aysan saameyn ku yeelan doonin adeegyada kale ee ay bixiso hay’addu. Agaasimaha Guud ee Hay’adda, Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa sheegay in hay’addu ay ka go’an tahay horumarinta adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda si ay ula jaanqaadaan heerarka caalamiga ah. Source: goobjoog.com
-
FBI-da Mareykanka ayaa sheegtay inay heshay in ka badan 150 bam kadib howlgal lagu qaaday beero ku yaalla gobolka Virginia – taasoo la aaminsan yahay inay tahay kaydkii ugu weyn ee bambooyinka ee lagu qabtay howlgal ay hay’addu sameysay taariikhda inta la ogyahay. Brad Spafford ayaa lagu xiray degmada Isle 17-kii Diseembar, taasoo 290 kiiloo mitir koonfur ka xigta Washington DC, ka dib markii la helay xog sheegaysay in hub iyo rasaas lagu sameeyay guriga ay halkaa ku kaydsantahay, isagoo la wadaagay xaaskiisa iyo laba carruur ah oo yaryar. Baarayaasha ayaa sheegay in qaar ka mid ah aaladaha laga helay qol jiif ah ayna ku jireen boorso aan si wanaagsan loo xirin ” – taasoo loo arkay in ay tahay tixraaca dhaqdhaqaaqa arrintaan. Qareenka Mr. Spafford ayaa beeniyay in uu khatar ku yahay ninkaan bulshada waxaana uu xoogga saarayaa hadda in laga sii daayo xabsi ay dowladdu ku hayso. Ninkaan ayaa la tuhunsan yahay ilaa hadda waxaa lagu soo eedeeyay kaliya lahaanshaha qori aan diiwaan gashaneyn, in kastoo baarayaashu ay sheegeen in eedeymo kale ay suurtogal yihiin. Baarayaasha ayaa sheegay Talaadadii in bambooyinka la qabtay “si kooban loogu qiimeeyay inay yihiin kaydkii ugu weynaa ee hubka qarxa oo dhammaystiran ayna taariikhda qabato FBI-du. Mr. Spafford ayaa la sheegay inuu isticmaalay sawirrada madaxweynaha Mareykanka Joe Biden si uu ugu tababarto, isagoo muujiya rajadiisa ah in madaxweyne ku-xigeenka Kamala Harris la dilo. Wuxuu dhawaan raadsaday aqoon isweydaarsi ku saabsan toogashada qoryaha sharpshooter-ka ee goob tababar oo maxalli ah, sida ku xusan dukumentiyada maxkamadda. Warqadda eedeynta ayaa sheegaysa in qof deris la ahaa oo aan magaciisa la shaacin uu soo sheegay in Mr. Spafford uu sii waday how bamamka xitaa ka dib markii uu ku waayay saddex farood oo gacantiisa midig ah 2021-kii “markaaa oo uu ka shaqeynayay sameynta waxyaabaha qarxa. Qof deriska ah, oo horey uga shaqeyn jiray ilaalinta sharciga, ayaa xirnaa qalab duubaya mar uu booqday beerta Mr. Spafford ee 20 hektarka ah sanadkii 2024-ta, sida ay baarayaasha sheegayaan. Caddeynta uu ururiyay qofka deriska ah ayaa keentay in saraakiisha FBI-da ay baaraan arrintaan, iyagoo halkaas ka helay qaraxyo ku daadsan guriga, sida ku xusan dukumentiga eedeynta. Qiimeyn horudhac ah oo ay sameysay FBI-du waxay ku sheegtay in aaladahaasi ay yihiin “bambooyin guri lagu sameyay”. Inta badan waxay ku jireen meelo goonni goonni ah, waxaana loo kala soocay midab ahaan. Qaar ka mid ah ayaa lagu calaamadeeyay “xaqiijinta dhimasho.” Walxahaan qarxa oo badan ayaa laga helay iyagoo ku jira suunka la xirto, sida lagu sheegay dukumentiyada maxkamadda. Bambooyin kale “ayaa la helay iyagoo ku jira boorso” gudaha guri uu deganaa ninkaan. Dusha boorsada waxaa lagu calaamadeeyay “#nolivesmatter”, sida ku cad dukumentiyada maxkamadda. Nolivesmatter waa dhaqdhaqaaq ku baaqa fikradaha xag-jirnimada, weerarada bartilmaameedka ah, dilalka safmarka ah, iyo falalka dambiyada, isla markaana ku dhiirrigeliya xubnaha inay ku lug yeeshaan dhibaato iyo xadgudubyo, sida laga soo xigtay Xafiiska Ammaanka iyo Diyaargarowga ee New Jersey. Intaa waxaa dheer bamamka tuubooyinka, baarayaashu waxay sheegeen inay heleen shay ay ku jiraan qaraxyo aad u xasaasi ah oo loo yaqaan HMTD, kaas oo FBI-du ay tilmaamayso inuu yahay mid aan fadhin, isla markaana si fudud u qarxi kara haddii heerkulku uu isbeddelo, oo aan u baahnayn wax qarxiyaha ah. Shayga HMTD waxaa lagu calaamadeeyay “Khatar” iyo “Ha Taabanin”, waxaana lagu kaydiyay qaboojiye, iyadoo la ak dhigay cunto ay isticmaalaan carruurta yaryar, sida ay muujinayaan dukumentiyada maxkamadda. Qof deriska ah sidoo kale wuxuu sheegay in Mr. Spafford uu ka hadlay sidii uu gurigiisa ugu xoojin lahaa qalab adag oo loo yaqaanno turret (qalab difaac ) oo loogu tala galay gaashaan ahaan. Mr. Spafford, oo ka shaqeyn jiray goob mashiinnada, ayaa sidoo kale sheegay in carruur la waysanyahay oo warbaahinta laga sheegay ay qaaday dowladda federaalka si loogu tababaro sidii iskuullada. Qareenka Mr. Spafford ayaa sheegay Talaadadii in sheegashada dowladda ee ah in ninkaa uu khatar ku yahay bulshada ay tahay “arrin aan sax ahayn iyo cabsi gelin”, sababtoo ah tuhunka looma hayo wax caddeyn dambiyadeed ah,” ayuu yiri. “Ma jirto wax caddeyn ah oo muujinaya in Mr. Spafford uu marnaba khatar ku yahay qof kale, waxaani waa sheegasho ah in qof khatar ugu jiro aragtiyadiisa siyaasadeed iyo faallooyinkiisa aan macno lahayn,” ayuu qareenku baahiyay. Garsoore federaali ah oo kormeer ku sameyay kiiska ayaa amray in Mr. Spafford la sii daayo iyadoo la eegayo doodaha iyo waxyaabaha la soo bandhigay. Si kastaba ha ahaatee, go’aankaas ayaa la hakiyay iyadoo dowladdu ay dooneyso inay ku sii hayso xabsiga ninkaan. Bbcsomali Qaran News
-
DF oo shaacisay sabab yaab leh oo ay u muqan tahay PUNTLAND
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Cali Yuusuf Xoosh oo ka hadlayay xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa soo hadal qaaday khilaafka culus ee haatan dowladda federaalka kala dhexeeyo maamulka Puntland. Cali Xoosh ayaa tilmaamay in sababta illaa iyo hadda ay saaxadda uga maqan tahay Puntland ay tahay hoggaamiyaheeda oo ka carooday kursi uu waayay, iyada oo ay horay u jirtay inuu rabay in la siiyo xilka ra’iisul wasaaraha kadib dib u doorashadii Xasan Sheekh, balse madaxweynuhu door biday Xamza Cabdi Bare oo deegaan ahaan kasoo jeedo Jubbaland. Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa dhanka kale rajo ka muujiyay in mar uun miiska wada-hadalka ay kusoo laaban doonto Puntland, xalka la gaari doono. Waxaa kale oo uu intaas kusii daray in ka go’antahay in dalka meelaha nabadda ah ee la gaari karo laga qabto doorashooyinka qof iyo cod ah, kahorna la xallinayo tabashooyinka. “Puntland way imaanaysaa, talo ayayna ku imaanaysaa. Soomaaliya ayayna qeyb ka tahay, kamana maqnaan karto, qof gooni ahna damiciisa kulama maqnaan karo. Puntland dadkeedu marna kuma jirto inay Soomaaliya ka go’aan ama ka maqnaadaan. Hoggaamiye carooday oo kursi maalin u carooday hadduu weli ku maqan yahay, isaguna wuu imaanayaa,” ayuu yiri Cali Xoosh. Ninkan oo deegaan ahaa kasoo jeedo Puntland ayaa mar kale ku celinayay in aan marnaba dib ugu laaban doonin doorashooyinkii dadbanaa ee lasoo maray, awoodana loo celinayo shacabka, si ay usoo doortaan hoggaankooda Jubbaland iyo Puntland ayaa hadda maqan, waxaana si weyn ay uga soo horjeesteen qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorashooyin qof iyo cod ah. -
Howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM oo laga bilaabayo Soomaaliya 1-da Jannaayo 2025, ayaa noqday mid ay ku tartamayaan dalal kala duwan oo gobolka ah. Masar ayaa qorsheynaysa inay ciidamo u soo dirto Soomaaliya si ay uga qeyb noqoto howlgalka, una xoojiso joogitaankeeda badda Cas iyo saameynteeda gobolka. Ciidanka Masar ayaa la filayaa inay ilaaliyaan madaxda sare ee dowladda Soomaaliya iyo xarumaha muhiimka ah, iyadoo sidoo kale la-taliyayaal militari usoo direysa si ay tababar U siiyaan ciidanka Soomaaliya. Saraakiil Sar sare ka tirsan Milatariga Masar ayaa xaqiijiyay in labada Todobaad ee socda ay dalka kusoo wajahan yihiin Ciidanka Masar. Ciidankan ayaa la filaya Sidoo kale lagu soo daro kuwa ka baxsan howlgalka kuwaasoo dowladda Soomaaliya ka taageeri doono dhinacyo kala duwan. Dhanka kale, Itoobiya oo hore ugu tiirsaneyd howlgalka Midowga Afrika ayaa ka walaacsan joogitaanka Masar ee Soomaaliya, taas oo sare u qaaday xiisadda taariikhiga ah ee labada dal. Soomaaliya ayaa wajahaysa cadaadis xooggan oo dhinacyo badan ah, maadaama aysan jirin xal fudud oo lagu dheelitiri karo xiriirka labada dhinac. Source: goobjoog.com
-
Dhusamareb (HOL) — Somali army chief General Odawa Yusuf Rage visited Somali National Army (SNA) forces stationed in El-Dher district, Galgadud region, on Tuesday, just days after troops in the area protested the killing of six SNA soldiers in the El-Baraf district of the Middle Shabelle region. Source: Hiiraan Online
-
Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa haatan qorsheyneyso in ciidamadeeda ay kusoo daabusho gudaha Soomaaliya, iyada oo ku keeneyo dhanka cirka iyo badda, si ay qayb uga noqdaan howlgalka Soomaaliya ka bilaabanaya sanadkan cusub. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa ku warramay in Qaahira ay toos ugada geleyso qorshaheeda, isla markaana ay xoojineyso joogitaankeeda Soomaaliya oo ay kula loolameyso Itoobiya. Falanqeeyayaasha ayaa sheegay inay joogitaanka militaryi ay Masar ku dooneyso inay ku ballaariso saameynteeda gobolka istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika. Ciidanka Masar ayaa beddali doono kuwa Itoobiya oo laga reebay howlgalka AUSSOM, sababo la xiriira isku dhicii Addis Ababa iyo Muqdisho ee ka dhashay heshiiskii badda, Howlgalka cusub ee Midowga Afrika ayaa waxaa Jimcihii isku raacay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay qaraar ay soo saareen 14 ka mid ah 15-ka waddan ee xubnaha ka ah, kalia Mareykanka ayaa ka aamusay sababo la xiriira walaac uu ka qabo maalgelinta howlkan. Dhinaca kale, Madaxweynaha Masar Cabdifataax El-Sisi oo ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka, gaar ahaan wadahadalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sheegay in uu si dhow ula socdo heshiiskii Ankara ay ku gaareen Itoobiya iyo Soomaaliya. Sida laga soo xigtay madaxtooyadda Masar, Sisi ayaa Sabtidii wada hadal dhanka taleefoonka ah la yeeshay dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron, isagoo u sheegay inuu rajeynayo in heshiiska dhawaan la gaaray uu gacan ka gaysan doono sidii loo heli lahaa amni iyo xasillooni waarta oo ka dhalata gobolka Geeska Afrika. “Xasilloonida Geeska Afrika iyo danaha qaranka Masar waa kuwo isku xidhan,” ayuu yiri madaxweyne Cabdifataax El-Sisi. Waxaa kale oo uu rajo ka muujiyay in heshiiska Ankara uu noqdo mid la jaan qaadi kara mabaadi’da sharciga caalamiga ah, isaga oo tilmaamay in Masar ay ka shaqeyneyso sidii Soomaaliya ay u heli lahayd amni iyo xasillooni, haddii ay ahaan lahayd iskaashi laba geesood ah ama ka qeyb qaadashada howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.
-
Ciidamada Amniga Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku dhawaaqay digniin amni oo ku saabsan argagixiso abaabulan oo doonayay in ay gudaha u galaan dhulka DDS. Digniin amni oo ka soo baxday Xafiiska Nabadgalyada DDS ayaa dadweynaha Degaanka Soomaalida lagu wargeliyay in aysan ku dagmin kooxo ay ku tilmaameen argagixiso abaabulan oo doonaya in ay magac qabiil ku soo galaan dhulka Dowlad degaanka. “Sida la wada ogyahay waxa jirtay damac uu leeyahay ururka argaxisada ah ee shabaab oo ah in ay soo galaan dalka, haddaba markii uu u suuro gali waayay in iyaga oo hubaysan kuna suntan calaamadda shabaab ay ka dhaxdhaqdhaqaaqan dalka.” “Waxa ay baddaleen qorshihii waxa, ayna qaateen, in ay soogalaan deegaanka iyaga oo huwan shaati qabiil, kuna abaabulaan dhallinyarta magac qabiil, gaar ahaan gobolada dhaca xuduudaha” ayaa lagu yiri digniinta ka soo baxday Xafiiska Nabadgalyada DDS. Ciidamada Dowlad degaanka ayaa sidoo kale sheegay in ba billaabayaan hawlgalka fashilinta damaca argaxisada waxaana ay mar labaad shacabka uga digeen in aysan ku kadsoomin abaabulka kooxaha argagixisada ah ka wadaan gudaha degaanka. “Haddaba waxaa bulshada deegaanka, ee sharafta leh, qaybaheeda kala duwan gaar ahaan dhallinta, waxgaradka, aqoon yahanka, culimada iyo dumarkaba looga digayaa inaysan ku dagmin abaabulada ay xubanaha argagixsada shabaab wadaan iyaga oo ku gabanaya magaca qabiilka” ayay sii raacisay digniinta. PUNTLAND POST The post Dowlad degaanka Soomaalida DDS oo ku dhawaaqday digniin amni oo ku saabsan falal argagixiso appeared first on Puntland Post.
-
Eight militants died following an attack by Islamic fighters on security forces in the Puntland region of Somalia on Dec. 31, 2024. Authorities in the Somali autonomous region of Puntland said eight foreign militants were killed following an attack by Islamic fighters on security forces early Tuesday. Residents said the attack started with a suicide bombing that targeted an area in Dharjale village in the far eastern highlands of Puntland, where security forces and officials were camped. In an audio statement posted on the Telegram channel of the region’s security forces, spokesperson for Puntland security operations Brigadier General Mohamud Mohamed Ahmed confirmed the attack. “Puntland anti-terrorism forces in the Dharjale, Bari region were attacked by the bloodsucking Daesh terrorist group,” he said. “The security forces have been following their movements, and they were ready. The bodies of eight foreigners and their weapons have been displayed.” Ahmed said Puntland security forces sustained “limited casualties.” Residents reported additional casualties among civilians in the village from the shrapnel of the explosion. Photos purported to be of dead militants show severed heads, and burned and mutilated flesh, indicating the use of a massive explosive device. Puntland this month announced that preparations for an offensive against extremist groups in the region have been completed. The region’s leader, Said Abdullahi Deni, urged the public to support the operation, without disclosing when it may start. Witnesses and residents said that Puntland forces moved to the east of Puntland after the preparations concluded. Al-Shabab and Islamic State, or IS, have been operating in Puntland. The operation appears to be focusing on IS. Deni offered amnesty to militants who renounce violence and their membership in the terror groups. U.S. military officials and Somali security experts reported that IS in Somalia increased its membership numbers this year. IS numbers previously were reported to be between 100 and 400 fighters, but Somali security and intelligence experts estimate their current numbers to be 500 to 600 militants, a figure yet to be confirmed by local authorities. A majority of the newcomers are said to be from the Middle East and eastern and northern Africa. IS in Somalia was formed in October 2015 by a group of former al-Shabab fighters led by the cleric Sheikh Abdulkadir Mumin, who reportedly pledged allegiance to the late IS leader Abu Bakr al-Baghdadi. Mumin appears to have survived a U.S. airstrike on May 31. Source: VOA The post Somali security forces fend off Islamic State attack in Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Masar ayaa Soomaaliya usoo diraysa ciidanka cirka iyo badda oo la sheegay in ay qeyb ka noqonayaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo ay Masar noqonayso dalkii u horreeyay ee ka tirsan Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta oo Soomaaliya usoo diraya ciidanka cirka iyo badda. Ciidamada Masar ayaa sidoo kale joogitaan ku yeelanayso dhulka , waxayna ciidanka Masaarida ilaalin doonaan madaxda sare ee dawladda iyo xarumaha muhiimka ah ee hay’adaha dawladda, taasi oo ay u dheertahay in ay usoo diri doonaan Soomaaliya la-taliyayaal sare oo militari, sida ay ku warrantay shabakadda The National ee fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka Carabta. Howlgalka AUSSOM, wuxuu isku rogay howlgal loolan siyaasadeed oo kulul; Howlgalka ay tahay in uu bilowdo wixii ka dambeeya maanta (1 Jannaayo,2025) ee AUSSOM, ayaa si dhaqso ah u muujinaya sida ay maalmaha u yihiin kuwa xasaasi ah, sabab la xiriirta loolanka siyaasadeed ee dalalka oo howlgalkan uu dhexda u galay . Mid ka mid ah marxaladda ugu adag ee ku dhex jira howlgalkan waa Masar iyo Itoobiya , oo mid kasta uu doonayo in kan kale laga tago , waxayna uga baahantahay Soomaaliya in ay xal u hesho cadaawada taariikhiga ah ee dhaxeysa labadan dal in ay saameyn ku yeelato gudaha dal iyo howlgalka xasillinta Midowga Afrika. Is afgaradka Ankara ayaa sidoo kale sare u qaadaya loolanka aamusan ee gobolka oo u dhaxeeya Masar iyo Turkiga. Tan oo la arkay markii ay Masar si deg deg ah uga dalbatay Soomaaliya inay faahfaahin ka helaan is afgaradka ay la gaareen Itoobiya goob kale oo Masaarida iyo Turkida uu loolankooda ka jiro waa Suudaan, kaddib markii Turkiga uu soo bandhigay inuu doonayo joojinta dagaalka Suudaan oo loo marayo wada-hadallo. Sidoo kale waxaa Hawlgalkani laga saaray Ciidamada Burundi, kaddib markii aan waxba laga qaban cabashada ay ka muujiyeen in hoos loo dhigay doorkoodii howlgallada Midowga Afrika oo ay ku jireen dalalkii lagu billaabay howlgalladan muddo hadda laga joogo 15 sanno , haddase saameynta Masar iyo Itoobiya waxay hoos u dhigtay Burundi oo ka bixitaankeeda howlgalka Midowga Afrika uu khasbayo in la helo ciddii buuxin lahayd goobaha ay ka baxayaan. PUNTLAND POST The post Dowladda Masar oo ciidamo Cirka iyo Badda ah u soo diraysa Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar oo la hadlay warbaahinta ayaa qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda dagaal ee ka taagan deegaanada u dhow xadka ay la leeyihiin maamulka Somaliland. Mustafe Cagjar ayaa beeniyay eedeymaha loo jeedinayo ciidamada Liyuu Boolis ee ku aadan inay xasuus ka gaysteen aagga deegaanka Dacawaley oo ay dhowaan kula dagaalameen maleeshiyaad dadka deegaanka ah. Madaxweynaha ayaa ku dooday in ciidamadiisu ay la dagaalameen dad kusoo duulay nabadda deegaanka, balse aanu jirin qof shacab ah oo ay si bareer ah u dileen. “Waxaan ku kalsoonahay hal qof oo maati ah oo hubeysane aan ciidanka la dagaalameyn aan ahayn halkaa inay ka dhicin waan ognaay, waana la soconaaa” ayuu yiri Cagjar. Sidoo kale wuxuu raaciyay “Colaadda laftigeedaaaba dhibaato ah hooyada ka barakacday meel xittaa dib u baxda waa dhibaato, xukuumadane tallaabo ayay qaaday shacabkana waa shacabkeenii”. Horay Somaliland ayaa ciidanka dowlad deegaanka ugu eedeysay inay shacab badan ay ku laayeen deegaanka Dacawaley, iyada oo qaar kamid ah dadka dhaawacyada la geeyay Hargeysa. Si kastaba, arrintan ayaa muunineyso inay waji cusub yeelaneyso xiisadda ka taagan xadka Somaliland iyo dowlad deegaanka, maadaama colaaddu saameyn ku yeelatay labada maamul ee dariska ah, iyada oo dagaalkii dhacay kadib dhaawacyo badan la kala gaarsiiyay magaalooyinka Hargeysa iyo Jigjiga.
-
President Recep Tayyip Erdogan of Turkey announced on 12 December that Ankara had successfully brokered talks between Somalia and Ethiopia to resolve growing tensions between the two countries on the back of the latter’s deal with the separatist Somaliland. Relations between the two Horn of Africa nations have soured over the past year following a January memorandum of understanding between Ethiopia and Somaliland. The agreement granted Addis Ababa 19 kilometres of Somaliland’s coastline along the Gulf of Aden for access to the Red Sea in exchange for recognising Somaliland’s independence. Mogadishu perceived this deal as a direct challenge to its territorial integrity and sovereignty. In the aftermath of the deal, Somalia recalled its ambassador to Ethiopia in protest and began leaning more towards Egypt, which has been strategically strengthening alliances with Somalia and Eritrea, two of Ethiopia’s key neighbours, in a bid to expand its influence in the Horn of Africa and to pressure Addis Ababa over the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) Analysis Analysis How Turkish diplomacy in the Horn of Africa challenges Egypt’s ambitions Analysis 6 min read Mostafa Nasr 31 December, 2024 Analysis: The recent Ethiopia-Somalia agreement brokered by Turkey reflects Ankara’s rising influence in the Horn of Africa, at Egypt’s expense. President Recep Tayyip Erdogan of Turkey announced on 12 December that Ankara had successfully brokered talks between Somalia and Ethiopia to resolve growing tensions between the two countries on the back of the latter’s deal with the separatist Somaliland. Relations between the two Horn of Africa nations have soured over the past year following a January memorandum of understanding between Ethiopia and Somaliland. The agreement granted Addis Ababa 19 kilometres of Somaliland’s coastline along the Gulf of Aden for access to the Red Sea in exchange for recognising Somaliland’s independence. Mogadishu perceived this deal as a direct challenge to its territorial integrity and sovereignty. In the aftermath of the deal, Somalia recalled its ambassador to Ethiopia in protest and began leaning more towards Egypt, which has been strategically strengthening alliances with Somalia and Eritrea, two of Ethiopia’s key neighbours, in a bid to expand its influence in the Horn of Africa and to pressure Addis Ababa over the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD). Related Will Somalia become a proxy battleground for Egypt and Ethiopia? Analysis Abdolgader Mohamed Ali Egypt has deepened its engagement in the Horn of Africa through a series of strategic investments, including a landmark defence pact with Somalia in August to enhance security cooperation. Under the agreement, Egypt supplied the Somali National Army with military aid, beginning with a shipment on 27 August, followed by additional deliveries in late September and November. Cairo’s involvement extended beyond arms transfers, as it positioned itself as a potential peacekeeping force in Somalia. This proposal gained momentum during an October summit in Asmara, where the leaders of Egypt, Somalia, and Eritrea pledged to strengthen regional security ties. Turkey’s mediation, however, could potentially throw a wrench in these carefully calculated efforts. Turkey’s moves According to a statement by Turkish authorities, Ankara’s efforts to mediate between Ethiopia and Somalia, which began in August with a preliminary agreement, will be negotiated further in February 2024, and if needed, Turkey will continue to act as a mediator. Both parties agreed to set aside disputed issues, explore bilateral agreements, and allow Ethiopia secure access to the Red Sea under Somali sovereignty and oversight. Addis Ababa has also committed to respecting Somalia’s sovereignty, unity, territorial integrity, and independence. “Ethiopia retreated from recognising Somaliland as an independent entity,” Amani El-Tawil, Director of the African Program at Al-Ahram Centre for Political and Strategic Studies, told The New Arab. She attributes this to two factors. “First, practical difficulties in implementing the agreement, as most tribes in Somaliland’s Awdal region, where the proposed port and military base are located, opposed the deal and threatened to block it by force.” The second reason was the inauguration of Somaliland’s new president Abdirahman Irro, who “appears to be less enthusiastic about the memorandum signed by his predecessor, Musa Bihi Abdi”. Egypt has been strategically strengthening alliances with Somalia and Eritrea in a bid to expand its influence in the Horn of Africa and to pressure Addis Ababa over the Grand Ethiopian Renaissance Dam. [Getty] The Egyptian-Eritrean-Somali alliance had “posed a military threat to Ethiopia,” and Egypt informed Washington of its openness to “all options in the coming phase if Egypt’s concerns regarding GERD during drought periods are not addressed,” El-Tawil noted. “On the global level, former US President Donald Trump’s return to the political scene has also pressured Ethiopia,” she added. “During his previous term, Trump maintained a negative stance towards Ethiopia’s regional policies.” Domestically, Ethiopia faces mounting challenges, according to El-Tawil. These include the escalating internal conflict in the Amhara region in addition to Ethiopia’s disputes with Eritrea and Sudan as well as Djibouti’s growing sense of alienation from Addis Ababa, all of which “further weaken” Ethiopia’s position. “Turkey demonstrated diplomatic agility,” she said, adding that “Ethiopia had to make several concessions, which will be further explored in February”. Will the peace last? Egyptian diplomat Mona Omar, a former Assistant Foreign Minister for African Affairs, voiced scepticism about the durability of the Ankara agreement, pointing to Ethiopia’s history of reneging on its commitments. “Ethiopia signed an understanding with Eritrea in Algiers in 2000, only for relations to deteriorate as a result of Ethiopia’s unilateral actions,” she said. She added that Egypt supports any initiative that fosters “regional stability while safeguarding its national security and sovereignty”. However, Omar noted that “Egypt’s objection to Ethiopia stemmed from Addis Ababa’s unilateral dealings with Somaliland, which undermined Somalia’s sovereignty”. Ethiopian political scientist Abdushakur Hassan, on the other hand, remains optimistic about the agreement. “The agreement has a significant chance of success because all factors point in its favour,” he told The New Arab. “The shared history between Ethiopia and Somalia could pave the way for closer ties in the long term.” Hassan described Ethiopia’s role in Somalia as “essential” for maintaining “state stability and restoring security,” adding that the newly-inked agreement could serve as a foundation for strategic relations and dispel “mutual fears and mistrust,” which he attributed to both internal and external actors. Omar, on the other hand, ruled out the possibility of the Ankara agreement affecting Egypt’s military and diplomatic ties with Somalia. “Egypt and Somalia have a joint defence agreement, whereas the Ankara agreement is a peace accord. The two serve entirely different purposes,” she explained. “Cairo’s agreement with Somalia obliges intervention only in cases of threats to Somalia’s sovereignty or security.” Somalia’s choice Iman Abdel Azim, a political science professor at Cairo University, agreed, stating that given the current context of Egyptian-Somali relations, “Somalia will not jeopardise its ties with Cairo”. She warned, however, that Somalia should not be forced to choose between Egypt and Turkey. According to Abdel Azim, historically, “Somalia has been under Turkish patronage,” and nothing significant happens there without Turkish involvement. “If weighed against each other, Turkey’s influence would likely outweigh Egypt’s,” she said. She also criticised Turkey’s interventions, adding that “Turkish moves” consistently “undermine Arab and Egyptian influence wherever they occur”. Yet, Omar disagrees with the notion that Egypt was caught off guard. “This Turkish mediation has been in the works for some time, and we were informed by the Turks. It did not catch us by surprise,” she revealed. Meanwhile, Hassan does not view Egypt’s recent moves in the Horn of Africa as part of a strategic vision but rather as “a reaction to a series of Ethiopian actions” in the region. “It is not in Egypt’s interest to conflict with any country in the region, especially one as significant as Ethiopia, given its capabilities and strategic location,” he said, highlighting what he sees as a missed opportunity. “We had hoped Egypt would take Ethiopia’s place in fostering dialogue, promoting reconciliation, and considering strategic relations across the region as a whole, but that did not happen,” he added. Asked whether Egypt and Ethiopia could replicate the Ankara model, Omar was sceptical. “There is already a dam built. What we want is joint management to protect Egypt’s water security during crises like droughts,” she said. “Ethiopia needs political change. One that recognises the rights of its neighbours and avoids antagonistic Source New Arab Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdooyin is xig-xiga oo kala saameyn badan ayaa sanadka 2024 ka dhacay dunida, waxa ay galeen diiwaanka iyada oo mid weliba qaanad uu ka galay dhinaca saameynta haddii ay ahaan lahayd mid taban iyo mid togan. Waxaa halkaan idin kugu soo gudbineynaa tobankii dhacdo ugu saameynta badnaa ee 2024, waxaa jiray dhacdooyin kale oo kuwaan ka badan balse waxa aan kasoo xulnay tobankaan maadaama ay ka saameyn badnaayeen kuwa kale. 2dii April 2024, Bassirou Diomaye Faye waxa uu noqday Madaxweynihii ugu da’da yaraa Dalka Senegal, waxa uu bannaan joog ahaa wax ka yar labo todobaad maadaama xabsigii uu ku xirnaa laga sii daayay 14kii Maarso. 23kii May 2024 waxa ay Dalka Iiraan u ahayd maalin murugadeeda wadata kaddib markii Madaxweynihii Dalkaas Ibraahim Ra’iisi uu ku dhintay shil diyaaradeed oo ilaa haatan aan si rasmi ah loo faah-faahin waxa rasmiga ah ee sababay, waxaa la dhintay Wasiirkiisii Arrimaha Dibadda. June 2024, Soomaaliya ayaa ku guuleysatay mid kamid ah 10ka kursi ee Golaha Ammaanka ee doorashada ku yimaada, Guushaan waxa ay Soomaaliya kaga dhigan tahay in ay Afrika ku metasho 2025 fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Horraantii July 2024, Dibadbaxyo waa weyn oo salkoodu ahaa canshuur kordhinta ay sameysay Dowladda Kenya ayaa gilgilay Magaalada Nairobi, waxaa dibadbaxyadaas xilkooda ku waayay Wasiirro katirsanaa Xukuumadda Ruto iyo Mas’uuliyiin kale. 31kii July 2024, Magaalada Tehran waxaa lagu dilay Madaxii ugu sarreeyay ee Dhaqdhaqaaqa Xamaas Ismaaciil Haniyah oo xiligaas ka qaybgalay aaska Madaxweynihii Iiraan ee shilka Diyaarad ku geeriyooday. 5 August 2024, Haweeneyda Ra’iisul Wasaaraha ka ahayd Dalka Bangladesh Sheikh Hasina Wazed ayaa ku dhawaaqday in ay iska casishay Xilkaas kaddib markii ay xooggeysteen dibadbaxyada ka dhanka ah Nidaamka Shaqaaleysiinta Dalkaas. 27kii September 2024, weerarkii ugu cuslaa ayay Israa’iil ku qaadday goob ay joogeen madaxdii ugu sarreysay ee Ururka Xisbullaah, waxaa halkaas ku dhintay Xogyahe Xasan Nasrullaah iyo mas’uuliyiin kale, waxaa uu weerarkaas sababay dagaal toos ah oo labada dhinac dhexmaray. 16kii October 2024, weerar lama filaan ku ahaa Israa’iil ayay ku beegsatay goob uu joogay Ninkii lagu baddelay Hoggaamiyihii Xamaas ee loosoo gaabiyo YS ama loo garan ogyahay Abuu Ibraahim, waxa uu qorshahaas kordhiyay xiisadda bariga dhexe. 5tii Nofeembar 2024, Dalka Maraykanka waxaa ka dhacday Doorasho uu ku guuleystay Donald Trump, waxa uu ka adkaaday Kamala Harris maadaama si kedis ah ugu soo baxday loolan kaddib markii Joe Biden uu isaga haray u tartamidda Doorashadaas. 8dii December 2024, waxaa kacdoon muddo kooban ah lagu jebiyay gidaarkii adkaa ee Bashaar Al-Asad, Mucaaradka ayaa qabsaday guud ahaan Dalkaas, waxaana lasoo afjaray kontankii sano ee Maamulka Xaafid Asad iyo wiilkiisa Bashaar. Kuwaan waxa ay ahaayeen tobanka dhacdo ee ugu saameyn badan ee dhacay 2024, waxaa jira dhacdooyin kale balse tobankaan ayaa kasoo dhex xulnay. Isha: Mustaqbal
-
Xarardheere (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa xalay ku hoyday degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka. Odowaa ayaa laba qorshe oo xasaasi ah u tegay degmada Xarardheere, kuwaas oo la xiriira xaaladaha haatan soo kordhay, sida ay ogaatay Caasimada Online. Arrinta koowaad ayaa ah in taliyuhu dardar-gelinayo howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollada dhexe, si loo xoreeyo deegaanada ka maqan dowladda. Taliyaha ayaa sidoo kale saraakiisha ku amray in aysan ka maqnaan hal habeen talisyada ay xukumaan, iyadoo taliyihii jebiya amarkaas loogu goodiyey in xilka laga qaadi doono, lana reystey doono. Sidoo kale arrinta labaad ayaa ah in Jeneraal Odowaa uu la kulmi doono ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo dhawaan gadood ka sameeyay aagga Xarardheere, iyaga oo aad uga xumaaday dhacdadii askartii lagu laayay ee dhowaan ka dhacday gobolka Shabeelaha Dhexe. Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa la filayaa inuu qanciyo ciidamadaasi oo kasoo jeedo Hiiraan, si aysan uga soo bixin furimaha hore ee dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Taliyaha xoogga ayaa hadda safar ku maraya furimaha dagaalka ee gobollada dhexe ee dalka, labadii habeen ee lasoo dhaafay wuxuu ku hoyday degmada Ceeldheer, weligeedna ma dhicin in taliyaha ugu sareeya militeriga Soomaaliya uu furinta joogo waqti intaas la eg, hadda ka hor. Taliye Odowaa ayaa intii uu joogay Ceeldheer wuxuu kormeer uu ugu kuurgelayo xaaladooda ugu tagay Ciidamada Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha xaq u dirirka ah ee dadka degaanka ee ka howlgala Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.