Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in horraanta sanadka cusub ee 2025 ay soo bxii doonto natiijada sahminta shidaalka Soomaaliya oo haatan ka socota qeybo kamid ah dalka. Agaasimaha guud ee wasaaradda batroolka xukuumadda federaalka Maxamed Xaashi Carabey ayaa xusay in ay soo dhow dahay natiijada laga sugayo sahmintii shidaalka Soomaaliya lagu sameeyay. Nariijada ayaa la filayaa inay soo baxdo bisha Maarso ee sanadka cusub ee 2025, sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda batroolka iyo macdanta ee xukuumadda Soomaaliya. Agaasime Carabey ayaa tilmaamay in arrintaan ay tahay mid muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, si loo bilaabo soo saarista shidaalka, si looga faa’iideysto. “Waxyar ayaa dhiman xog baarista batroolka, bisha Maarso bilowgeeda waxaa la heli doonnaa natiijada haddii Alle idmo,” ayuu yiri agaasime Carabey. Waxa uu intaas kusii daray “Soomaaliya waxa ay ku gaari doontaa horumar iyo barwaaqo insha Allaah, dhanka macdanta oo iyanna horumar fiican ayaa laga gaaray.” Horraantii sanadkan 2024 ayay aheyd markii Soomaaliya iyo Turkiga gaareen heshiis lagu sahminayo shidaalka iyo macdanta kale ee badda ku jirta, marka la helo natiijo lagu dhaqaaqi karo kadibna lasoo bixin doono, sida uu dhigayo heshiiskaan. Markabka baaritaanka ee Turkiga ee Oruç Reis oo sanadkaan soo gaaray dekedda Muqdisho, ayaa u ruqaansaday goobaha loo arko in ay ku habboon yihiin baaristaas, si loo sumadeeyo meelaha lagu arko qeyraadka la qorsheynayo in lasoo bixiyo
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee batroolka iyo macdanta xukuumadda federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, kan Beledweyne iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhoweeyay wafdiga wasiirka, waxaana kadib loo gudbiyay xarunta madaxtooyada gobolka. Waa safarkii ugu horeeyay uu wasiirka wasaaradda batroolka iyo macdanta xukuumadda federaalka Soomaaliya uu ku tego magaalada Baladweyne tan iyo markii xilkan loo magacaabay. Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa inta uu joogo magaalada Beledweyne wuacay kulamo la qaadan doonaan masuuliyiinta maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan halkaasi. Wasiir Daahir Shire ayaa xilka wasaaradda bartoolka iyo macdanta XFS ayaa maalintii shalay si rasmi ah xilka ugala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradda Cabdirisaaq Cumar Maxamed. Wasiirkii hore ee batroolka ayaa dhawaan xilkiisa ku waayey kala aragti duwanaan ku saabsan sida loo wajahayo xalinta tabashooyinka reer Hiiraan ka qabaan maamulka HirShabelle, sida uu sheegay. “Xalka tabashooyinka oo aan aniga iyo xildhibaanada isku aragti ka ahayn, ayaa waxaa adkaatay inaan isla fahano madaxda HirShabele, taliyaha sirdoonka iyo nabad-sugidda iyo madaxweyne JFS. Waana ta sababta u ah xil ka qaadistayda,” ayuu Cabdirisaaq ku yiri qoraal uu dhawaan soo saaray.
  3. Dowladda Puntland oo bayaan Rasmi ah ka soo saartay weerarkii saaka ee degaanka Dharjaale ayaa shaacisay in aysan cidna dib uga laaban oo dhammaantood ciidanku dilay Argagixisadii weerarka soo qaaday. Bayaan ka soo baxay Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in dhammaan dagaallamayaashii weerarka soo qaaday lagu dilay hawlgalkii saaka oo aysan jirin cid ka baxsatay gacanta ciidamada. “Ciidamada Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee ku sugan deegaanka Dharjaalle ee Gobolka Bari, ayaa saaka fashiliyey isku dayga weerar argagixiso oo ay soo maleegeen Kooxda dhiigmiiratada Daacish, waxaana halkaasi Ciidanku ku dileen oo aysan cidi ka laaban dhammaan kooxdii weerarka soo qaaday oo u badan Ajaanib.” “Geesiyaasha har iyo habeen u taagan Difaaca iyo in ay Argagixisada ka sifeeyan Puntland, ayaa soo bandhigay Ajaanibta weerarka lagu dilay oo ka badan 8xubnood, hubkoodii iyo jabka xooggaanna ee saaka lagaarsiiyey Argagixisada Daacish” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda. Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee Puntland ayaa sidoo kale tilmaamay in Ciidamada difaacu ku ruqaansadeen degaannadii ay weerarka ka soo qaadeen kooxaha Argagixisada ah balse dowladda faahfaahin kama bixin Khasaaraha dhinaceeda gaaray. PUNTLAND POST The post Puntland oo bayaan rasmi ah ka soo saartay weerarkii saaka ka dhacay degaanka Dharjaale ee Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  4. Garoowe (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ayaa weerar culus saakay ku eekeeyay deegaanka Dharjaale ee gobolka Bari, halkaasi oo ku sugan yihiin ciidamo uu horkacyo guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Puntland Maxamed Shire Baari. Weerarka kooxda oo ku bilowday ismiidaamin ayaa waxaa xigay dagaal toos ah, oo dhex-maray dagaalyahaanadii weerarka soo qaaday iyo ciidamada maamulka Puntland. Guddoomiye Maxamed Shire Baari ayaa ka badbaaday weerarka, balse waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo gaaray ciidamadii uu hoggaaminayay, sida ay Caasimada u xaqiijiyeen illo ka agdhow. Wararka ayaa intaas kusii daraya in weerarka sakaay ay qeyb ka ahaayeen dagaalyahanno ajaanib ah, kuwaas oo mid kamid ah uu isqarxiya, halka kuwa kalena ay dagaal fool ka fool ah la galeen ciidamada maamulka. Ciidamada Puntland ayaa lagu soo waramaya inay ugu dambeyntii ku guuleysteen soo afjarista dagaalyahannadii weerarka soo qaaday, inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha dhimasho iyo dhaawac leh ee soo gaaray dhinaca ciidamada. Weerarka saaka ayaa ku soo aaday xilli maamulka Puntland uu qorsheynayo howlgal ka dhan ah kooxda Daacish ee ku dhuumaleysanaya buuraha gobolka Bari ee maamulkaasi. Kooxda Daacish ayaa muddooyinkii u dambeeyay sare u qaaday dhaq-dhaqaaqeeda maamulka, iyadoo lacago baad ah ka aruursata ganacsatada maamulka Puntland, wuxuuna dhawaan maamulka sheegay inay ka go’an tahay cirib-tirka kooxdan.
  5. Mogadishu (HOL) — Luul Jeylaani Ali, one of Somalia’s most celebrated singers and a cherished icon of Somali music, has passed away in Minneapolis, Minnesota. She died on Monday night after battling a long illness, leaving behind a legacy that shaped generations of Somali music and culture. Source: Hiiraan Online
  6. Mogadishu (HOL) — Burundi has accused Somalia of betrayal and ingratitude after being excluded from the list of countries permitted to contribute troops to the new African Union mission for peace restoration in Somalia, known as AUSSOM. The decision comes as the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) concludes its mandate at the end of December. Source: Hiiraan Online
  7. Mogadishu (HOL) — Somali government forces struck multiple Al-Shabaab strongholds in the Lower Shabelle region on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  8. Faahfaahin dheeraad ah, ayaa kasoo baxaysa dagaal deegaanka Dharjaale ee gobolka Bari ku dhex maray ciidanka dowlad goboleedka Puintland iyo dagaalamayaal ka tirsan Kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Calmiskaad. dagaalka ayaa la sheegay inuu ku bilowday weerar qarax ah oo uu fuliyey gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo lagu weeraray fariisin kamid ah kuwa ciidamada Puntland, ka dibna is rasaasayn toos ahi dhex martay labada dhinac. Afhayeen u hadlay ciidanka Puntland ayaa sheegay inay dileen 8 xubnood oo Ajaaniib ah, kuwaas oo kamid ahaa kooxda weearka soo qaaday, asagoo sheegay inay dagaalamayaasha Daacish jab xooggan gaarsiiyeen. Muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshada oo ay duubeen Askar ciidanka Puntland ee isticmaala Aaladaha Internet ka ayaa muujinaya maydadka dad lagu sheegay Anaajiib ah oo ku dhintay dagaalki saaka dhacay. Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay abaabulaysay guluf iyo duullaan aad u ballaaran oo ay sheegtay inay gobolka bari iyo guud ahaan deegaanada maamulka uga saarayso kooxaha Daacish iyo Alshabaab. Source: goobjoog.com
  9. Mogadishu (HOL) — Johann Rupert has emerged as Africa’s wealthiest individual in 2024, overtaking Aliko Dangote. Rupert’s fortune surged to $14.3 billion this year, up $1.9 billion, thanks to his leadership of Richemont, a global luxury goods conglomerate. Conversely, Dangote, valued at $13.4 billion, saw his net worth decrease due to Nigeria’s economic struggles and the depreciation of the naira. Source: Hiiraan Online
  10. Wararka ka imaanaya Qasa ayaa sheegaya in carruurta halkaasi ku nool ay u dhiimanayaan qabow daran oo deegaannadaasi ka dhacaya. Dadka reer Qasa oo u badan dad ka barakacay guryahoodii ama la dumiyay ayaa bannaanada ku wajahaya dhaxan iyo qabow daran taasoo hadda keentay in carruurta yaryar ee qaarkood maalmaha jira ay u geeriyoodaan. Qoysas badan ayaa tobanaan jeer ka barakacay deegaannada qaar waxaana arrintaan ay sii murjinaysaa dhibaatooyinka faraha badan ee Falastiiniyiinta Qasa ay la kulmayaan. Laba carruur ah ayaa la xaqiijiyay in ay qabowga u dhinteen ilaa iyo hadda halka kuwa kalana looga cabsi qabo in qabowgu uu galaafto. Hooyooyinka ayaa iyaguna la ildaran nafaqo darro baahsan oo ka dhalatay xaaladaha xanuunka badan ee isugu jira colaadda, barakaca, cunno yarida iyo hoy la’anata dadkaasi haysata. Bbcsomali Qaran News
  11. Tel Aviv (Caasimada Online) – Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran ayaa sheegay Talaadada maanta ah in ay laba gantaal ku rideen Israa’iil, saacado kaddib markii milatariga Israa’iil ay sheegeen in ay qabteen gantaal laga soo tuuray dalkaas. “Weerarka koowaad waxa lagu beegsaday gegida diyaaradaha ee Ben Gurion” ee ku taal magaalada Tel Aviv, kan labaadna waxa lagu weeraray xarun koronto oo ku taal koonfurta magaalada Qudus, ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay milatariga Xuutiyiinta. Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegay in ay weerareen markab dagaal oo uu leeyahya Mareykanka oo lagu magacaabo USS Harry S. Truman. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay ciidamada Mareykanka. Gelinkii dambe ee Isniintii, milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay soo rideen gantaal laga soo tuuray Yemen ka hor inta uusan u gudbin dhulka Israa’iil. Xuutiyiinta oo maamula inta badan dalka Yemen, ayaa gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku ridayey Israa’iil iyo maraakiibta maraya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, taasi oo ay ku sheegeen in ay ku garab istaagayaan Falastiiniyiinta, inta uu socdo dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee Marinka Gaza. Toddobaadkii hore, diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqaymo aargoosi ah ku dilay afar qof oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Sanca, halkaas oo uu madaxa hay’adda caafimaadka adduunka Tedros Adhanom Ghebreyesus uu ku sugayay duulimaad.
  12. Dimishiq (Caasimada Online) – Koox kormeerta xaaladda Suuriya ayaa sheegtay in tan iyo Axaddii 31 dagaal-yahan lagu dilay dagaal u dhaxeeya kooxaha ay taageerto Turkey iyo xoogagga ay hoggaamiyaan Kurdiyiinta. Qeybo ka mid ah waqooyiga Suuriya ayaa waxaa maamula maamulka Kurdiyiinta ay hogaamiyaan ee ciidankooda loo yaqaan SDF, kuwaas oo hormuud ka ahaa in looga adkaado kooxda Daacish 2019-kii, ayaga oo taageero ka helaya Mareykanka. Turkiga ayaa ku eedaysay qaybta ugu muhiimsan SDF ee YPG, in ay xiriir la leeyihiin xisbiga mintidiinta Kurdish-ka ee PKK, kuwaas Washington iyo Ankara ay labadaba u u arkaan koox argagixiso. Kooxda la socota xuquuqda aadanaha Suuriya ayaa sheegtay in toddoba dagaalyahan oo ka mid ah kuwa Turkey ay taageero lagu dilay iska horimaad Isniinta maanta ah ka dhacay waqooyiga bari ee Manbij ee gobolka Xalab. Dagaalyahannada SDF ayaa gudaha u galay magaalada kadib markii ay dib ula wareegeen kooxaha ay taageerto Ankara horaantii bishan, ayey tiri kooxda. Lix dagaalyahan oo kale oo ka mid ah kuwa Turkey ay taageerto iyo saddex ka tirsan ciidamada SDF ayaa maalin ka hor lagu dilay isla gobolka Xalab, sida ay sheegtay kooxda. SDF ayaa sheegtay Isniinta maanta in weeraro ka fulisay meelo kale oo gobolka ah oo ay ku burburisay “laba raadaar, iyo taankiyada Turkiga” meel u dhow buundada istiraatiijiga ah ee webiga Furaat. Sida laga soo xigtay kooxda la socota xuquuqda aadanaha Suuriya, 13 xubnood oo ka tirsan kooxaha Turkey ay taageerto iyo laba xubnood oo ka tirsan SDF “ayaa lagu dilay dagaal ka socda” agagaarka buundada iyo biyo xireenka Tishreen. Waxay intaas ku dartay in iska horimaadyada aaggan ay socdeen muddo saddex toddobaad ah. Turkiga ayaa hawlgalo kala duwan ka fulinayey aagagga SDF tan iyo 2016, islamarkaana kooxaha ay taageerto Ankara ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay qabsaday magaalooyin badan oo waqooyiga Suuriya ah oo ay Kurdiyiintu gacanta ku hayeen. Dagaalka ayaa sii socday tan iyo markii fallaagada ay hogaamiso kooxda Islaamiga ah ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS) ay xukunka ka tuureen Bashaar Al-Asad, 8-dii December. Hogaamiyaha cusub ee Suuriya Axmed al-Sharaa, oo kooxdiisa HTS ay muddo dheer xiriir la lahayd Turkiga, ayaa u sheegay TV-ga Al-Carabiya Axadii in ciidamada Kurdiyiinta ay hogaaminayaan ay tahay lagu daro ciidamada qaranka. “Hubku waa inuu ku jiraa gacanta dowladda oo kaliya, cid kasta oo hubeysan oo u qalanta inay ka mid noqoto wasaaradda gaashaandhigga, waan soo dhaweyneynaa,” ayuu yiri. “Ayada oo la eegayo shuruudahan iyo xeerarkan, waxaan wada-hadal la furi doonnaa SDF, si loo helo xal ku habboon.”
  13. Ururka Daacish ayaa saaka arooryadii weerar loo adeegsaday gaari Toyota Surf ah oo walxaha qarxa laga soo buuyiyay iyo dagaal toos ah ku qaaday guri ay daganaaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo ay ka mid yihiin guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Puntland, Maxamed Baari Shire iyo taliyaha ciidmada difaaca Puntland Gen. Aadan Cabi Xaashi. Mas’uuliyiinta ayaa ka badbaaday weerarka, basle waxaa ku dhintay ilaa 9 ruux oo labo ka mid ah yihiin shacab, halka ay ku dhaaawacmeen ku dhaawaad 30 qof. Kooxdii argagixisada Daacish ee wararka soo qaaday ayaa 6 ka mid ah la toogtay, halkii intii kalana baxsatay. Sidoo kale waxaa wararka ku gubtay gaadiid ay lahaayeen dad shacab ah, kuwaas oo sahay u waday ciidamada Puntland. Deegaanka Dharjaalle oo ka tirsan ee degmada Iskushuban ee gobolka Bari ayaa dhawaan waxaa saldhig ka sameystay ciidamada Puntland ee isu diyaarinaya gulufka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysanaysa buuraha Calmiskaad. PUNTLAND POST The post Faahfaahin ka soo baxaysa weerar ka dhacay deegaanka Dharjaale ee gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  14. Faahfaahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal ciidamada Soomaaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ku dhex maray deegaanka Shangeed oo ka tirsan dhulka cayn loo yaqaanno ee hoostaga gobolka Togdheer. saraakiisha Ciidanka Maamulka SSC-Khaatumo ayaa militariga Soomaaliland ku eedeeyay inay weerarkan ku soo qaadeen deegaanka oo ay gacanta ku hayeen Ciidamada SSC-Khaatumo ee aaggaasi, balse dhinaca Soomaaliland weli faahfaahin dhammatstiran kama bixin iska hor-imaadkan Si kastaba ha ahaatee lama soo warin waxyeello dhimasho ama dhaawac oo uu sababay dagaalkani, balse iska hor-imaadyada labada dhinac ee aaggaas ayaa dhawr horay u dhacay sida ay sheegeen masuuliyiin ku sugan gobolku. Source: goobjoog.com
  15. Garowe (HOL) — Puntland Deputy Speaker Mohamed Shire Baari narrowly survived an attack by Islamic State militants in the Dharjaale area of Bari region on Tuesday morning. Source: Hiiraan Online
  16. Allaha u naxariistee waxaa saacado ka hor magaalada Minnesota ee dallka Mareykan ku geeriyooday Fannaanaddii weynayd ee Luul Jaeylaani Cali oo sidoo kale kamid ahayd Jillaayaashii riwaayadaha ee loogu jeclaa barisamaadkii. Luul Jaylaani oo loo garan ogaa “maama Luul” ayaa caan ku ahayd fanka Banaadiri, waxayna qaaday heeso badan oo xul ah, sidoo kale waxay ka qeyb-gashay matalaadda maadaysyo ama riwaayado badan oo xilligii kacaanka aad loo xiisayn jirey. Luul waxay kamid ahayd hooballada codka baxsan ee luuqdooda aadka loogu bagi jirey, waxayna dadka sida feecan u yaqaani tilmaameen in markii la eego naaxiyadda codkeeda iyo hibadeeda jilliin ay kamid ahayd fannaantii mar la aragga ahaa ee soo maray fanka Soomaalida, gaar ahaan heesaha banaadiriga. Heesaha ay qaaday Luul Jaylaani waxaa kamid ah, Ebadkaa ogow ishaada meesha u roon, Riixaanta janaad, naftay uroonow nabsi yuu ku raacin, middiyaas meel xun iiga mudee, beerkaad iiga taalla iyo qaar kale. Luul Jaylaani waxay heesaha wada qaadi jireen hooballo badan oo ay kamid ahaayeen Aweys Qamiis, Axmed Naajid Sacad, Axmed Shariif killer, Axmeday Abuukar, Axmed Falaash iyo kuwo kale. Allaha u naxariistee luul Jaylaani oo in ka badan 30 sano ku noolayd magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa 2021-kii mar la soo tabiyay inay geeriyootay, balse warkaasi waa uu beenoobay, waxaa’se dhimashadeeda la xaqiijiyay saacado ka hor. Geerida fannaanadan qaran ayaa waxaa kamid tacsiyeeyay masuuliyiin badan dowladda kamida, xubno ka tirsan haldoorka bulshada, fannaaniin, iyo dadka kaloo Saamayn leh, waxayna Alle uga baryeen inuu naxariistii janno ka waraabiyo. Source: goobjoog.com
  17. Garowe (HOL) — Puntland's regional administration announced on Monday that trucks from Ethiopia's Somali Regional State will temporarily be exempt from import taxes following the recent deadly conflict in a small border village between the Somali region and Somaliland. Source: Hiiraan Online
  18. Baidoa (HOL) — Somali National Army (SNA) forces, in collaboration with the Walawayn District Police Force, carried out a coordinated operation targeting al-Shabab militants in the Lower Shabelle region, officials said on Monday. Source: Hiiraan Online
  19. Howlgalka Atalanta ee Midowga Yurub ayaa si joogto ah u kormeeraya doon kalluumeysi oo Shiinees ah oo lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya. Dhacdadan ayaa loo aqoonsaday burcadbadeednimo Hawlgalkan ayaa bilaabmay ka dib markii ciidanka booliska badda ee Puntland ay soo saareen digniin ku saabsan dhacdada. Atalanta, oo ah hawlgalka ugu muddada dheer ee Midowga Yurub ee ka socda biyaha Soomaaliya tan iyo 2009, ayaa adeegsanaya markabka ESPS Santa Maria oo wata diyaarad aan duuliye lahayn nooca Scan Eagle iyo diyaaradda qumaatiga u kacda ee Augusta-Bell AB-212 si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa doonta. Howlgalka ayaa rajeynaya in ay awood kusoo furtaan doonta. Kooxaha hubeysan ee doonta heysta ayaa ka biyo diiday in ay sii daayaan shaqaallaha iyo doonta haddii aan la siin madax furasho. Hawlgalku wuxuu sidoo kale xiriir joogto ah la leeyahay mas’uuliyiinta Shiinaha, Soomaaliya, iyo wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya. Bishii Nofeembar, Atalanta waxay ku dhawaaqday in heerka khatarta ee maraakiibta ku safreysa Badda Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed uu yahay “halis,” iyadoo digniino loo jeediyay maraakiibta si ay u muujiyaan feejignaan sare maadaama ay suurtagal tahay in weeraro burcad-badeed ah ay dhacaan. Hawlgalka Atalanta wuxuu sii wadi doonaa ilaalinta maraakiibta iyo wada shaqeynta uu la leeyahay hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah si loo xaqiijiyo badbaadada biyaha. Source: goobjoog.com
  20. At least 71 people have died in southern Ethiopia after a lorry plunged into a river, officials say. Source: Hiiraan Online
  21. Pakistan on Monday expressed its support for the Ankara Declaration that would resolve the misunderstandings between Ethiopia and Somalia. Source: Hiiraan Online
  22. Police in Kenya’s capital Nairobi have fired tear gas to disperse protesters demonstrating against what they say is a wave of unexplained abductions of government critics. Source: Hiiraan Online
  23. Chelsea missed the chance to go second in the Premier League after losing 2-0 at relegation-threatened Ipswich Town on Monday night. Source: Hiiraan Online
  24. Kyiv (Caasimada Online) – Ukraine iyo Ruushka ayaa Isniintii isweydaarsaday maxaabiis dagaal, iyadoo labada dhinac ay dib isugu celiyeen in ka badan 300 oo maxaabiis hore ah. Kyiv ayaa dalka keentay 189 maxaabis oo hore, sida uu sheegay madaxweyne Volodymyr Zelenskyy. Halka wasaaradda Ruushka ay sheegtay in 150 askari oo Ruush ah ay ku laabanayaan dalkooda. Wasaaradda difaca ee Ruushka ayaa sheegtay in maxaabiista lagu sii daayay dalka Belarus, oo ah dalka Moscow saaxiibka dhow yihiin Ruushka tan iyo dagaalkii 34-ka bilood socday ee Ukraine, iyadoo loo gudbin doonaa Ruushka. Zelenskyy waxa uu u mahad-celiyey masuuliyiinta Isutagga Imaaraadka Carabta iyo la-hawlgalayaasha kale fududaynta is dhaafsiga maxabiista Dalka Imaaraadka Carabta ayaa dhankiisa cadeeyay in ay gacan ka geystay qabanqaabada sidhafsiga maxabiista.
  25. Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Beledweyne u baxaya wafdi culus oo ka kala socda beesha Abgaal iyo dowladda federaalka, kuwaas oo ka tagaya Muqdisho, si xal loogu helo xiisadda u dhaxeysa beelaha Abgaal iyio Xawaadle. Xiisaddan ayaa ka dhalatay kadib markii 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, ay maleeshiyaad hubeysan jidka u galeen, kuna dileen deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Askarta la dilay ayaa ka soo jeeday beesha Xawaadle, waxaana dilka lagu tuhmayaa maleeshiyo Abgaal ah. Mid ka mid ah wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaya Imaamka Mudulood oo ay wehliyaan dhaqanka beesha Abgaal. Wafdiga labaad ayaa ah xildhibaannada reer Hiiraan. Sida aan xog ku helnay, wafdigan ayaa waxaa diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna la kulmi doonaan dhaqanka Xawaadle iyo Ugaas Yuusuf. Sidoo kale, taliyaha hay’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa u safraya deegaanka Maxaas, waxaana uu la kulmi doonaa dhaqanka beesha Cali Madaxweyne oo ay kasoo jeedaan askartii la dilay. Waxaa socda dadaallo xooggan oo looga hortagayo in dilka askartaas uu isku rogo colaad faraha ka baxda oo ay isku ugaarsadaan labada beel. Dowladda Soomaaliya ayaa Sabtidii xirtay odayaal, guddoomiyihii Ceel Baraf iyo Haweeney kamid ah dadka degaanka. Eedeysanayaasha ayaa iyaga oo gacmaha ka xiran diyaarad laga soo saaray deegaanka Ceel Baraf waxaana laga soo dajiyay garoonka magaalada Muqdisho. Odayaasha lasoo xiray ayaa ah odayaashii metalayay eedeysanayaashii ka dambeeyay falkaas oo goobta ka baxsaday, balse weli la baadi goobayo. Sidoo kale guddoomiyaha oo xilka laga qaaday ayaa loo haystaa tuhun la xiriira dhacdadaasi, waxaana ku socoto baaris, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle oo shaqada ka fariisiyay.