-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mogadishu (HOL) — Puntland security forces, backed by airstrikes from the United Arab Emirates (UAE), have killed at least 44 ISIS militants in a large-scale counterterrorism operation targeting insurgent hideouts in the Al-Miskaad Mountains, Puntland authorities confirmed Thursday. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa mushaarkii ka jartay kooxda Dayax Band. Fananniinta kooxdan ayaa qaaday heestii ay Soomaalida sida weyn u dhibsadeen ee “Ma lihin cadow Xamar ka daran”. Abwaan Daaha Gaas oo kooxdan maamula ayaa shaaciyay in mushaarkii laga jartay. Tallaabadan ayaa lala xiriirinaya in Fanaanniintan ay si dhow ula shaqeynayeen madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi, oo kalkiisi Madaxtooyadda Somaliland looga luuqeeyay heesta lagu weeraray reer Muqdisho. Daaha Gaas oo soo saaray qoraal uga hadlayo arrintaan ayaa sheegay in uusan ku waayi karin xuquuqdiisa muwaadinimo inuu kasoo horjeeday xisbiga Waddani oo haatan tallada Somaliland haya, “In maanta fanaanniinta la kala reebo oo wasaarada war faafinta la yidhaahdo Dayax Band lama siinayo waa aargoosi iyo cadaawad fogaatay.” Waxa uu intaas kusii daray “Ma baryootamayo tolaayeeyna odhan maayo. Madaxwayne qarankii aad lahayd waan u simanahay oo waa lay dhaariyay cadaaladii ma hayo anigu. Isku qoomamayn maayo inaan Muuse Biixi la socday, waan ku faraxsanahay. Ilaahay cidaan ahayna nin barya ma ahi, taasna meel ku qorta. Colaadina iguma jirin iyo cid nacayb, Cirro-na madaxweynahaygii buu noqday una malayn maayo ka ila dagaalamaya isaga inuu yahay laakiin way soo bixi.” Go’aaankan looga jaray mushaarkii Fanaanniintan ayaa siyaabo kala duwan looga fal-celiyay, iyadoo dadka qaar ay ku tilmaameen mid loo baahna, halka kuwa kalena u arkaan taas bedelkeed. Sidoo kalena waxa uu go’aankan kusoo aadaya, xilli ay maanta xukuumadda Somaliland ay gebi ahaanba magaalada Hargeysa ka joojisay bandhigyada iyo caweyska habeenkii.
-
The African Union (AU) has consistently stood for self-determination, decolonization, and the inviolability of colonial borders. Yet it is inconsistent in extending these principles to Somaliland. Although the dispute regarding Western Sahara rages on unchecked, Somaliland’s more valid legal and historic claim to be recognized is unjustifiably neglected. The time has come now for the AU to move in accordance with legal integrity and moral clarity and grant Somaliland recognition as an independent African state. The Contrast: Western Sahara and Somaliland The contrasting example of Western Sahara and Somaliland demonstrates the contradictions of the AU’s recognition policy. Western Sahara was a Spanish colony from 1884 to 1975 and never experienced sovereign statehood prior to colonial occupation. In 1975, the International Court of Justice (ICJ) acknowledged the right to self-determination of the Sahrawi people, but there was no statehood prior to Spanish colonization. In spite of this, the Sahrawi Arab Democratic Republic (SADR) joined the Organization of African Unity (OAU), now the AU, in 1984, without gaining full independence or a record of acknowledged statehood. Somaliland, on the other hand, gained full independence from Britain on 26 June, 1960, and was recognized by 35 states, including the United Kingdom and Egypt. It was only days later that Somaliland voluntarily merged with Somalia on 01 July, 1960, through the Act of Union—a legal process never concluded under international law. Following the collapse of the Somali state in 1991, Somaliland revoked the union, reverting to its prior sovereignty. This was not secession, it is worth mentioning, but the legal dissolution of a merger of two formerly independent states. The coming together of Somaliland and Somalia in 1960 was a political marriage between two sovereign states: the State of Somaliland, which had just become independent from Britain, and the State of Somalia, which had earlier been an Italian colony. The Act of Union, which was signed on 1 July 1960, gave birth to the Republic of Somalia but was never ratified, and a legal lacuna resulted. When the Somali state collapsed in 1991 and Somaliland unilaterally declared independence, the union de facto dissolved. The 2012 Federal Republic of Somalia is a new political entity different from the 1960 Republic of Somalia. Therefore, in international law, Somalia does not have any legal claim over Somaliland since the original union does not exist. Somaliland’s situation is that of restoration of its sovereignty prior to the union, not a secessionist entity. Somaliland’s Claim for Recognition: A Legal Precedent Somaliland’s claim for recognition is firmly rooted in international law and precedent. As a previously sovereign state, Somaliland’s move to end an unratified union is within the letter of the provisions of Article 4(b) of the AU Charter, which assures the inviolability of colonial boundaries. Somaliland does not seek to secede but to be returned to its former sovereignty, and thus its claim is legally distinct from all other separatist movements on the continent. The AU’s acceptance of Western Sahara, never a sovereign state, plainly sets a precedent. If a non-sovereign territory can be a member, then Somaliland—a formerly recognized state—has an even stronger claim to membership. In addition, the Federal Government of Somalia is not the 1960 Republic of Somalia’s legal successor but a new federal state formed in 2012. According to the 1960 Act of Union’s terms, there is no legal ground for Somalia to claim Somaliland’s territory since the union was on the basis of two equal states and not between a parent state and a province. Apart from the legal case, Somaliland also has a strong strategic and geopolitical case for recognition. Somaliland has been a shining example of political stability, democratic governance, and independence relative to most other areas. Its stability in an unstable region has rendered it a fountain of peace and security in the Horn of Africa. Whereas most African nations are still grappling with political instability and conflicts, Somaliland is unique in its pursuit of democratic principles through internationally acclaimed free and fair elections. Not only is its stability not conjectural but is founded on its real institutions of government, such as a sound rule of law, good institutions, and a vibrant, active civil society. Somaliland also has a strategic geopolitical location that adds to its value in the Horn of Africa and beyond. Somaliland controls its whole territory, all of the key Red Sea and Gulf of Aden ports, and thus it is a regional trade, maritime security, and global shipping actor. Its closeness to the Bab el-Mandeb Strait, which is among the world’s most busy maritime chokepoints, only serves to emphasize its significance to world trade and security. It has become a viable ally in the fight against terror and regional security, and thus its recognition is all the more necessary to Africa, not to mention the world community at large. Somaliland’s ongoing exclusion from its due position in the world has widespread implications for regional stability and African diplomacy. In non-recognition, an opportunity for peacebuilding and development in the Horn of Africa is forfeited. Disregarding Somaliland prolongs tensions with Somalia, frustrating attempts at regional peace. Moreover, the AU misses out on a strategic partner with access to important maritime routes and a firm commitment to democracy, peace, and security. Somaliland’s stability and collaborative stance on counterterrorism efforts render it a worthy partner for African and international security initiatives. AU’s Inconsistency: A Double Standard The AU’s double standard in recognizing Western Sahara and ignoring Somaliland’s more valid legal claim undermines its credibility. This inconsistency damages the African Union’s moral authority and weakens its ability to mediate conflicts across the continent. The African Union must correct this decades-long injustice and act within the ideals of its founding. It has to acknowledge that Somaliland’s case is one of reconstituting statehood, not secession. It has to hold Somaliland to the same standard of recognition that it held Western Sahara to, consistent with its adherence to self-determination. The AU should also bring Somaliland and Somalia to the negotiating table, recognizing their distinct historical and legal identities and encouraging the peaceful two-state solution. Lastly, accepting Somaliland as a member state would bring enhanced regional stability and act as a model of successful post-colonial state-building and democracy. The African Union has a test of its moral and legal principles. Admission of Somaliland would not just be an affirmation of the principles of decolonization and self-determination but also a reversal of a historical injustice. Somaliland’s argument for statehood is legally stronger than that of Western Sahara since it was an independent sovereign state prior to its voluntary union with Somalia. The African Union must discard double standards and welcome Somaliland as a full member state. By doing this, the AU would be reaffirming its belief in justice, consistency, and peace in the African continent. AS Adam Daud Ahmed is a political security Analyst in the Horn of Africa. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Iyada oo weli dood xooggan ay ka taagan yahay sida loo wajahayo doorashooyinka dalka ayaa haddane markii saddexaad waxaa xilka madaxweynaha u tartamayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo rabo inuu doorasho ku galo hanaankan ay ka taagan tahay doodda xooggan. Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), kana mid xisbiga madaxweynaha ee UPD oo ka qayb-galay kulan ka dhacay degmada Wadajir, kaas oo looga hadlaayay doorashada dadweyne ayaa sheegay in madaxweyne Xasan uu mar kale tartamayo, uuna diyaar u yahay inuu sii hoggaamiyo dalka. Yabooh ayaa sidoo kale xusay in madaxweynaha ay u qorsheysan tahay inuu banneeyo xilka, waa haddii looga guuleysto tartanka soo socda ee doorashada uu galayo 2026. “Madaxweynaha hadda jooga meel cad ayaa lagu doortay, xilligiisa marka uu dhamaado waxa uu diyaar u yahay in uu mar kale tartamo, haddii uu soo bixi waayo xilka banneeyo,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka. Sidoo kale, Yabooh ayaa farriin u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo uu ugu baaqay inay u diyaar garoobaan doorashada, si ay ugu ciil baxaan codkooda, una soo doortaan hoggaamiyaha ay rabaan. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli dood xooggan ay ka taagan tahay hanaanka doorashooyinka oo ay isku hayaan madaxweyne Xasan iyo xubnaha mucaaradka oo diiday qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah. Hanaankan doorasho ayay siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxdii hore ee dalka u arkaan mid looga dan leeyahay qorshe xukun-dheereysi, iyagoo ka digay qabashada doorasho aan loo dhammayn, taasoo dalka u horseedi karta xaalad halis ah, sida ay sheegeen.
-
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Dhiggiisa dalka Turkiga mudane Yaşar Güler ayaa xarunta Wasaaradda Difaaca dalkaasi ku yeeshay wada hadalo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta tababarada Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed. Kulanka oo diiradda lagu saaray wada shaqeyn qoto dheer iyo iskaashi adag oo gacan ka geysta nabadda iyo xasilloonida mustaqbalka fog ayaa wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga mudane Cabdulqaadir Mamaxed Nuur, waxa uu kaga mahadceliyay Jamhuuriyadda aan Walaalaha nahay ee Turkiga taageerada joogtada ah ee ay ku bixiyaan dagaalka aan kula jirno argagixisada, kaasoo muhiim u ah xaqiijinta xasilloonida iyo ammaanka Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐃𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐝𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐬𝐤𝐮 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲𝐬𝐚 𝐁𝐨𝐨𝐫𝐚𝐦𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐁𝐚𝐤𝐢, 𝐬𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚𝐧𝐚 𝐬𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐞𝐲𝐧 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 Boorama 20.02.2025( ) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo hoggaaminaya wefti ballaadhan oo safar shaqo ku jooga gobolka Awdal, ayaa maanta dhagax-dhigay waddada weyn ee isku xidhaysa Boorama iyo Baki, taas oo kamid ahayd ballanqaadyadii madaxweynaha ee xilligii ololaha doorashada madaxtooyada. Madaxweynaha iyo weftigiisa oo hiirtii hore ee saaka safar shaqo kaga kallahay caasimadda Hargeysa, ayaa ka qaybgalay munaasibad lagu dhagax-dhigayo bilowga waddada isku xidhaysa Boorama iyo Baki, taas oo xukuumadda WADA-JIR iyo WAXQABAD kaga *****nayso ballanqaadyadii xilligii ololaha ee xisbul-xaakimka WADDANI. Munaasibadda dhagax-dhigga oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen guddoomiyaha xisbiga WADDANI, guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee golaha wakiillada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda hay’adda horumarinta waddooyinka, badhasabaabka gobolka Awdal, maayarka degmada Boorama, madax-dhaqameedka kala duwan ee gobolka Awdal iyo marti-sharaf kale duwan, waxana halkaas lagu muujiyey muhiimadda ay waddadani u leedahay guud ahaan gobolka Awdal, waxana si weyn loo soo dhaweeyey dedaalka uu madaxweynuhu ugu jiro sidii raad muuqda oo dhinaca waxqabadka kaabayaasha dhaqaalaha ah uga fulin lahaa guud ahaan Awdal. Ugu horrayn, badhasaabka gobolka Awdal, Mudane Muxumed Xasan Jaamac (Xodey) iyo maayarka degmada Boorama, Mudane Mustafe Faarax Qabille oo munaasibadda ka hadlay, ayaa madaxweynaha ugaga mahadnaqay sida lexejeclada leh ee uu ugu dhiirraday dhagax-dhigga waddadan muhiimka ah si uu u fuliyo ballanqaadkiisii. Qaar kamid ah madaxda dhaqanka ee ugu magaca weyn gobolka Awdal oo halkaas ka hadlay, ayaa si qalbi furan usoo dhaweeyey tallaabada horumarka leh ee uu ku dhagax-dhigay waddada isku xidhaysa magaalooyinka Boorama iyo Baki, waxana ay si cad u sheegeen inay tallaabadani tahay mid taariikhi oo uu madaxweynaha qaranku ku horumarinayo gobolka Awdal. Guddoomiyaha hay’adda horumarinta waddooyinka, Mudane Maxamed Faarax oo halkaas ka hadlay, ayaa ka xogwarramay waddadan iyo muhiimadda ay leedahay, waxana uu xusay inay madaxweynaha ka go’an tahay dhammaystirka waddadaasi. Wasiirrada wasaaradaha gaadiidka iyo Jidadka, Mudane Cismaan Ibraahim Afgaab, Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdalle Maxamed Carab iyo Wasiirka warfaafinta, Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa madaxweynaha ku bogaadiyey go’aanka uu kaga *****nayo ballanqaadyadiisii xilliga ololaha, waxana ay hoosta ka xarriiqeen in waddada maanta la dhagax-dhigayaa wax badan kusoo kordhin doonto dhaqaalaha iyo horumarka gobolka Awdal. Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo halkaa ka hadlay, ayaa guul ku tilmaamay in xukuumadda WADA-JIR iyo WAXQABAD mid mid u fulinayso dhammaanba ballamihii ay bulshadii codka siisay u qaadday, waxana uu bulshada ugu baaqay inay horumarka kala shaqayso xukuumadda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo munaasibadda dhagax-dhigga ah soo afmeeray, ayaa xusay inay ka madaxweyne ahaan ka go’an tahay fulinta wax kasta oo uu shacabka ugu ballanqaaday, waxana uu tilmaamay inay waddadani fure u noqon doonto horumar oo dhinaca kaabayaasha oo xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay ka fulin doonto gobolka Awdal, waxana uu yidhi, “Waddadaasi waxa ay kordhin doontaa wax soo saarka gobolka haddii ay beero tahay iyo haddii ay macdan tahayba.” Madaxweynuhu waxa uu sheegay in mashruuca ugu weyn ee xukuumaddiisu muddo-xileedkeeda fulin doontaa ka qorshaysan yahay gobolka Awdal, maaddaama oo ay ballamihiisa kamid ahaayeen, “mashruuca ugu balladhan mudo-xileedka xukumadda wadajir iyo waxqabad wuxuu noqon donaa mashruuc uu gobolka Awdal leeyahay oo noqon doona Boorama Fardaha ilaa iyo Lawyacaddo,” ayuu yidhi madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro. Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo weftiga uu hoggaaminayaa muddadii ay ku gudo jireen safarkooda shaqo waxa weyn loogu soo dhaweeyey gudaha magaalooyinka Boorama, Dila iyo duleedka Kaantaroolka Caabdud la’, halkaas oo shacab ku lebbisan astaanta calanka Jamhuuriyadda Somaliland ku qaabileen. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
-
Ciidamada difaaca dowladda Puntland oo maanta hawlgal ka sameeyay buuraha Calmiskaad ayaa gebi ahaanba Argagixisada ISIS ka saaray degaannada Qurac iyo Damdamle oo dhaca togga Jeceel. Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska Ciidamada difaaca Puntland ayuu ku xaqiijiyay in Ciidamadu gacanta ku dhigeen degaannada Qurac iyo Damdamle kaddib markii ay jebiyeen dagaallamayaasha Argagixisada Daacish oo halkaasi ku lahaa saldhigyo ciidan. Taliska Ciidamada Puntland gaar ahaanna Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada oo ka warbixiyay hawlgalkaasi ayaa sidoo kale soo bandhigay meydadka ajaanib ka tirsan dagaallamayaasha ISIS oo lagu dilay hawlgalkii maanta ka dhacay degaannada Qurac iyo Damdamle. Ilo wareedyo amni ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada difaaca Puntland kaabiga ku hayaan godadkii u danbeeyay ee Argagixisada Daacish kaga go’doonsan yihiin degaannada dhaca togga Jeceel halkaasi oo ay awoodooda isugu geeyeen. PUNTLAND POST The post Ciidamada difaaca Puntland oo maanta kooxda Daacish ka saaray degaannada Qurac iyo Damdamle appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa si kulul u weeraray madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, isaga oo ku tilmaamay “kaligii taliye bilaa doorasho ah,” kaddib markii Zelenskyy uu ku eedeeyay Trump inuu ku nool yahay “goob marin-habaabineed” oo uu Ruushku saameeyay. Trump ayaa toddobaadkii hore si lama filaan ah u shaaciyay in uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, tallaabadaas oo loo arko bilowga dadaal uu wado maamulka cusub ee madaxweyne Trump si loo soo afjaro dagaalka Ukraine. Hase yeeshee, tallaabadaasi ayaa u muuqata in aysan ku qancin madaxweyne Volodymyr Zelenskyy, kaas oo muujiyay cabsi ah in madaxweynaha Mareykanka uu isku dayayo in uu dagaalka ku soo afjaro shuruudo aad ugu wanaagsan Moscow marka loo eego Kyiv. Qoraallo isdaba joog ah oo uu Trump soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social, ayuu ku eedeeyay Zelenskyy in uu diiddan yahay in uu doorasho ka qabto Ukraine. Bishii Abriil ee sannadkii 2024 ayaa loo qorsheeyay in ay dhacdo doorashada Ukraine, hase yeeshee waxaa dib u dhigay duullaankii uu Ruushka ku qaaday bishii Febraayo ee sannadkii 2022. Trump ayaa ku sifeeyay Zelenskyy in uu yahay “majaajiliiste ilaa xad guuleystay.” Wuxuu kaloo sheegay in uu Mareykanka kala hadlay qarashgareynta $350 bilyan oo dollar si uu u galo dagaal uusan ku guuleysan karin, isla markaana ay mudneyd in uusanba billaaban dagaalkaasi. Hadalladan ay is weydaarsadeen Trump iyo Zelenskyy ayaa imanaya maalin kaddib markii ay wasiirrada arrimaha dibadda ee Mareykanka iyo Ruushka ku kulmeen magaalada Riyadh, halkaas oo ay uga dhawaaqeen guddiyo heer sare ah oo soo diyaarin doona hannaanka loo soo afjari karo dagaalka Ruushka iyo Ukraine.
-
Wa imisa tirada rasmiga ah ee aad isu garan karto inaad “gaboowday”? dadku siyaabo kala duwan ayay arrintan u arkaan balse baaritaanno la sameeyay ayaa muujinaya inay tahay bartamaha da’da 30-meeyada. Hadaba maxay tahay da’da uu qofku leeyahay fursado badan oo uu wax ku qabsan karo? dadka qaar waxay rumeysanyihiin inay tahay da’da dhalinyarnimada, qaarkood waxay qabaan inay tahay sanadaha uu qofka ku jiro waxbarasho ilaa heer jaamacadeed. Balse marka aad gaarto da’da 35 sano jir, ayaa ah xiliga ay isbedello ku imanayaan noloshaada, marka la eego dhanka shaqsiyadeed iyo xirfadeed. Sida laga soo xigtay jaamacad la yiraahdo Krent oo ku taala Britain, da’da 35 sano ma aha keliya da’da loo tix geliyo inuusan qofka “yareyn”, balse sidoo kale, waa da’da ay ragga dareemaan “kelinimo xad dhaaf ah” halka dumarkana dareemaan “caajis badan”. Sidoo kale, da’adan 35-ka ayaa la sheegay inay tahay da’ada aynu nacno amaba dhibsanno shaqooyinkeenna, sida lagu ogaaday daraasad lagu sameeyay in ka badan 2,000 oo hawen oo shaqaalaha UK ka tirsan, gaar ahaanna luwa ka hawl gala shirkadda Robert Half ee dalkaas. Baaritaanada qaar ayaa muujinaya inay kordhaan cadaadiska qoysaska iyo dhaqaalaha xiliga da’da 30-meeyada, taas oo dhibaatooyin badan u hor seeda howlaha shaqada iyo guriguba. Cadaadiska oo kordha Sida laga soo xigtay jaamacad la yiraahdo Krent oo ku taala Britain, da’da 35 sano ma aha keliya da’da loo tix geliyo inuusan qofka “yareyn”, balse sidoo kale, waa da’da ay ragga dareemaan “kelinimo xad dhaaf ah” halka dumarkana dareemaan “caajis badan”. Sidoo kale, da’adan 35-ka ayaa la sheegay inay tahay da’ada aynu nacno amaba dhibsanno shaqooyinkeenna, sida lagu ogaaday daraasad lagu sameeyay in ka badan 2,000 oo hawen oo shaqaalaha UK ka tirsan, gaar ahaanna luwa ka hawl gala shirkadda Robert Half ee dalkaas. Baaritaanada qaar ayaa muujinaya inay kordhaan cadaadiska qoysaska iyo dhaqaalaha xiliga da’da 30-meeyada, taas oo dhibaatooyin badan u hor seeda howlaha shaqada iyo guriguba. Bartamaha da’da 30-meeyada, fikradda in shaqadaada xasiloon aadan lumineyn ayaa noqoneysa arrin si deg deg ah ugu baahan in wax looga qabto. Marka loo eego xogta uu soo ururiyay Xafiiska Tirakoobka Qaranka ee UK kadib sahan la sameeyay horaantii sanadkii 2017-kii, shaqaalaha da’doodu u dhaxayso 35 ilaa 49 ayaa laba jibaar ka badan tahay in shaqada laga diro marka loo eego shaqaalaha da’doodu u dhaxayso 25 ilaa 34 sano jir. Intaa waxaa dheer, in shaqaalaha ay da’adoodu u dhaxeyso (35 ilaa 49) aysan ku qanacsanayn shaqadooda marka loo eego shaqaalaha kale ee ka da’da yar, sida lagu sheegay sahanka la sameeyay. Sahanku waxa kale oo uu tilmaamay, in mid ka mid ah lixdii shaqaale ee British ah ee da’doodu ka weyn tahay 35 sano jir aanay ku faraxsanayn shaqadooda ay qabtaan, taas oo ah laba jibaar boqolkiiba shaqaalaha ka yar 35 sano jir. Shaqaalaha da’da yar ayaa inta badan ka faa’iideysta rajooyinka hoose ee maamulayaashooda, halka shaqaalaha da’da 30-meeyada ay halgan ugu jiraan inay ka jawaabaan su’aasha ah: Miyaan guulo ka gaaray halkii aan hiigsanayay? ayuu yiri Ashley Webbman, agaasimaha xarunta Robert Hal UK. “Waa wax iska caadi ah in la yiraahdo in farqiqa qaar ee u dhaxeeya da’ada ka horeysa 35 sano iyo ka dib ay tahay ay tahay mid anaga aan go’aankeeda leenahay waxa ay tahay inaan sameyno “ayay tiri Julia Clarke, oo u shaqeysa shirkadda cilmi-baarista ee Ipsos. Clark waxa uu intaa ku daray in ay wax caadi ah tahay in shirkadaha cilmi-baarista ay adeegsadaan 10 sano ama ka badan u dhexeeya, sidaas darteed kooxahan da’da ah waxaa laga yaabaa inaanay isku mid ahayn. Clark waxaa uu intaa ku daray in dadka la shaqaaleysiinayo ay tahay inay u dhaxeeyaan da’ada 18,24 ilaa 34 iyo waxa ka weyn. Haweenka da’adoodu kor u dhaaftay 35 sano jir, iyagana waxay ka walwalaan inay carruur dhali doonaan iyo in kale, inkastoo daraasad dhawaan la sameeyay ay Meesha ka saartay in haweenka aysan ilma ku heli Karin da’adaas. Mareykanka oo akle, haweenka ayaa iska ilaaliya inay uur ku qaadaan da’ada 30-meeyada, si ay wax barashadooda u sii wataan oo ay shaqo u helaan. Sahanka ugu dambeeyay ee ay sameysay xarunta xakameynta dawooyinka oo qeyb ka ah waaxda caafimaadka Mareykanka, ayaa muujinaysa in haweenka ku jira da’da hore ee 30 meeyada ay leeyihiin carruur badan marka loo eego kuwa ku jira da’ada 20 meeyada, markii ugu horeysay ee taariikhda dalka. Bbcsomali Qaran News
-
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya geesiyaasha deegaanka ayaa guul weyn ka gaaray dagaal ay la galeen dagaalyahannada Shabaab, kuwaas oo weerar kusoo qaaday deegaanno muhiim ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda Soomaaliya. Weerarka oo ka dhacay deegaannada Ceel Cali Axmed, Cali Fooldheere, Alkowsar iyo Daarunimca ayaa lagu jebiyey Shabaab, waxaana la dilay in ka badan 130 dagaalyahan. Sidoo kale, ciidamadu waxay gacanta ku dhigeen hub badan oo ay cadowgu kaga tageen goobaha dagaalka, taasoo muujinaysa jab xoogan oo gaaray Shabaab. Hawlgalka dagaalka kadib, Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa bilaabay baacsiga haraadiga Shabaab ee ku baxsaday dhulka howdka ah si looga hortago isku day kasta oo ay dib isugu abaabuli lahaayeen. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, Axmed Ciise Guutaale ayaa qaaday tallaabo uu ku sheegay in looga hortagayo musuq-maasuqa ka dhaca hay’addaha dowladda, xilli dhawaan isaga looga yeeray maxkamadda gobolka Banaadir. Wargelin kasoo baxday xafiiska Hanti-dhowraha Qaranka ayaa waxaa lagu faray hay’addaha dowladda ee qabta dakhliga dowladeed nooc walba uu yahay in aysan lacag ku qaadi karin Akoon dowladeed oo kaliya. “Si dowladdu u joogteyso bixinta adeegyada aas-aasiga u ah dadweynaha, waa in dakhli kasta oo ay dowladdu leedahay, sida; canshuur, ganaax, kiro, lacag adeeg iyo nooc walba oo dakhli ah, lagu qabto Akoon dowladeed si waafaqsan sharciga Maareynta Maaliyadda Guud, si sax ah oo dhammeystiran u gaaro khasnadda dhexe ee dowladda,” ayaa lagu yiri nuxurka wargelinta kasoo baxday Hanti-dhowrka Qaranka. Hanti-dhowrka ayaa sidoo kale waxa uu faray shacabka inay hubiyaan warqadda lacag qabashada ee la siiyo marka adeeg ama dakhli dowladeed bixinayaan, si ay iskaga hubiyaan tirada lacagta laga qabtay inay ku cad tahay. “Haddii aad aragto khalad, wax is-dabamarin, khiyaano ama xeeladeysi ku saabsan nidaamka qabashada dakhliga dowladda, fadlan nala soo wadaag,” ayaa lagu yiri wargelinta kasoo baxday xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka. Tan ayaa imaneysa xilli dhawaan maxkamadda gobolka Banaadir ay Hanti-dhowraha Qaranka ku eedeysay inuu ku kacay fal-dambiyeedyo ay kamid yihiin fulin la’aanta iyo is-hortaagga go’aan maxkamadeed, iyo inuu is-hortaag ku sameeyay bixinta kharashyada socodsiinta howlaha maxkamadaha iyo diiwan-gelinta heshiisyada ay maxkamaduhu galeen. Maxkamadda gobolka ayaa markaasi amartay in 16-kii bishaan uu Hanti-dhowre Guutaale horyimaado maxkamadda, taas oo aan dhicin kadib markii ay madaxda sare soo fara-gelisay khilaafka maxkamadda iyo hanti-dhowrka, oo uu sheegay hanti-dhowrka inuu ka bilowday in guddoomiyaha maxkamadda sare uu is-hortaagay baaris lagu sameeyo, kadib ku takrifal awoodeed, maamul xumo iyo hoggaansanaan la’aanta sharciga, oo hanti-dhowrka ku eedeeyay.
-
Abdirashid Duale, who spoke at the Harvard business conference, said the continent has already set global benchmarks in many sectors. Duale said with a rapidly expanding youthful workforce, Africa has an unparalleled opportunity to lead in technological and financial innovation in the world. He said in sectors like mobile payments, the continent has already set global benchmarks but the challenge now is to sustain and scale this momentum. Dahabshiil CEO Abdirashid Duale Africa’s future lies in entrepreneurship and in harnessing its resources, both material and human, this is according to Abdirashid Duale, the chief executive officer of the African leading money transfer company, Dahabshiil. Speaking during the Africa Business Conference at Harvard, Duale said with a rapidly expanding youthful workforce, Africa has an unparalleled opportunity to lead in technological and financial innovation in the world. The conference dubbed “Beyond Border” brought together leading financial, and business leaders, politicians, diplomats, policymakers and entrepreneurial experts from Africa among them former Central Bank of Kenya governor Patrick Njoroge. He said in sectors like mobile payments, the continent has already set global benchmarks but the challenge now is to sustain and scale this momentum. “It is important that as a continent Africa comes up with strategies that aim not only to improve on what has been achieved but also how to effectively match the rest of the world if not go beyond,” said Duale. The event was aimed to redefine the continent’s economic and investment landscape, with a special focus on building robust pan-African financial systems. Duale, who recently attended the inauguration of America’s 47th president Donald Trump at Capitol Hill in January, was challenged to talk about whether Africa can truly move beyond borders. He said that already several financial service providers like Dahabshiil are at the forefront of technological innovation, navigating complex regulatory landscapes while expanding financial access. “Just as Africa leapfrogged landline telephony to embrace mobile connectivity, the continent’s financial transformation is following a similar path. This is a clear indicator that Africa can indeed move beyond borders,” stated Duale. His insights centred on the pivotal role of financial inclusion, technology, and regulatory compliance in unlocking Africa’s economic potential. With 57% of Africa’s population still unbanked, he said, fintech solutions—particularly mobile money—are bridging the gap. As the leader of Africa’s largest money transfer network, Dahabshiil has spent decades facilitating seamless financial connectivity across borders, ensuring that millions—from entrepreneurs to humanitarian agencies—can move funds efficiently. Duale emphasized how financial service providers like Dahabshiil are at the forefront of technological innovation, navigating complex regulatory landscapes while expanding financial access. Dahabshiil’s platforms have played a critical role in providing lifeline remittances and investment capital to communities in some of the world’s most challenging environments. However, Dahabshiil’s impact extends beyond financial transactions. Through its MicroDahab initiative, the company is delivering microfinance solutions that empower small businesses and entrepreneurs, particularly in underserved regions. By fostering local economic opportunities, these initiatives help reduce migration pressures and drive sustainable community development. The 2025 Africa Business Conference left attendees optimistic about the continent’s future. The presence of high-profile private sector leaders underscored the immense potential of Africa’s business and financial ecosystems to drive its development If the discussions at Harvard are any indication, Africa’s next chapter will not be limited by its borders—but defined by its ability to transcend them. Star Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa goordhoweyd fasaxday bandhig-faneedkii Fanaannada Haboon Nuura, kadib markii guddoomiyaha gobolka Maroodijeex uu soo saaray amar uu ku mamnuucayo bandhig-faneedyada iyo caweyska habeenkii ee magaalada Hargeysa. Go’aankan oo markii hore ka dhalatay fal-celin xooggan ayaa waxaa la sheegay inuu ku dhacay si ku tala-gal aheyn, sidaas darteedna si gaar ah bandhig-faneedka Haboon Nuura loogu fasaxay inay ku qabsato magaalada Hargeysa. “Haboon Nuura Showgeedii waa u fasax oo wuu dhacaya, laakiin yaanu ka dambeyn 12-ka habeennio,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Maroodijeex oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa. Guddoomiyaha ayaa go’aankiisi hore ku saleeyay in bandhig faneedyada iyo cawayska heesaha ay lidd ku yihiin diinteenna islaamka iyo dhaqanka suuban, sidaas awgeedna ay go’aansadeen in gebi ahaan la joojiyo, maadaama la galayo bisha barakeysan ee Ramadaan. Taliyeyaasha qaybaha iyo maamullada goobaha lagu caweeyo oo ay ku jiraan hoteellada ayaa sidoo kale la faray inay u hoggaansamaan amarkan cusub, marka laga reebo bandhiga Haboon Nuura, oo fanaannada si gaar ah loogu fasaxay. Fanaanaddan ayaa dhowaan laga joojiyay bandhig ay ku qabsan lahayd magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kadib markii uu hareeyay muran xoogan oo ka dhashay hees ay horay wax uga qaaday oo ka dhan ahayd reer Muqdisho. Erayada heesta muranka dhalisay waxaa ka mid ahaa: “Malihin cadow Xamar ka daran,” iyagoo qeyb kamid ah heestaas ku amaanay Itoobiya oo xiligaas dooneysay inay xoog ku qaadato badda Soomaaliya.
-
Israa’iil ayaa la wareegtay meydadka afar qof oo kamid ahaa dadkii ay Xamaas ku soo qafaalatay howgalkii 7-da Oktoobar, islamarkaana laga hayay marinka Qasa. Xamaas ayaa sheegtay in meydadkani ay yihiin hooyo iyo laba caruur oo ay dhashay iyo oday 80 jir ah, kuwaas oo dhammaantood lagu diley duqeymihii ay Israa’iil ka geysatay marinka Qasa. Israa’iil ayaa sheegtay inay xaqiijin doonto aqoonsiyada meydadkan oo baaritaanno lagu samayn doono, ayadoo dhimashada afartan qof ku tilmaamay fal waxshinimo ah. Source: goobjoog.com
-
President Hassan Sheikh Mohamud invoked a key aspect of Somalia’s foreign policy in defence of its territorial integrity and political unity. Mogadishu ( PP Commentary) — Somali secessionists wonder why Ethiopia does not promote secession in Somalia. Two years ago, the former foreign minister of the Somaliland administration, Essa Keyd, claimed that his administration acts as a buffer zone for Ethiopia against Al-Shabaab. The idea of buffer zones in Somalia originated in an essay co-written in 2018 by Seyoum Mesfin, the former foreign minister of Ethiopia. The TPLF saw the disintegration of Somalia as an opportunity to co-opt rival Somali groups into its sphere of influence on the one hand and to prolong its reign in Ethiopia on the other. The essay argued that Kenya and Ethiopia could establish buffer zones in Somalia because the Federal Government of Somalia lacked the institutional capacity to prevent its territories from becoming a terrorist haven. TPLF rule was imposed on Ethiopia after the end of the Cold War. Its one-time Marxist leaders were shrewd for a period of time before they forgot that, in Ethiopia, the preoccupation of any regime is to maintain ethnic supremacy over other Ethiopian ethnicities. That is the rationale of the ethnocratic state in Ethiopia. In 1991, the Oromo Liberation Front had to be disarmed to give the TPLF the opportunity to shape post-Mengistu Ethiopia. During the TPLF’s reign in Ethiopia (1991-2018) under the EPRDF, many graduate students wrote dissertations on the Somalia-Ethiopia rivalry. Emperor Haile Selassie understood that fomenting dissent or secession in Somalia could raise the political consciousness of non-Amhara ethnicities in Ethiopia, particularly the majority Cushitic ethnicity. Ethiopia’s dislike for secession in Somalia has historic roots. According to Ethiopian leaders, the primary cause of territorial disputes between Somalia and Ethiopia was the foreign policy of Somalia, expressed by the Somali hero Abdullahi Issa Mohamud at the 1959 Greater Somalia Conference in Mogadishu and formalised in 1960 when the Republic of Somalia came into existence. The “missing territories” argument was partly based on the territories Ethiopia annexed in 1954 after Britain violated the Protectorate Agreement with Somali “tribes” whose elders did not read the fine print in the agreements. The Protectorate Agreements denied Somalis the ability to seek recourse to common law should Britain violate the agreements. The position of Somalia from 1960 until now has not changed. Last year, President Hassan Sheikh Mohamud invoked that policy when he said, “Somalia has given up territories annexed illegally by Ethiopia and cannot accept Ethiopia violating the territorial integrity of Somalia.” No Somali secessionist rejects the fundamental principle that Ethiopia annexed Somali-inhabited territories with the help of the British Empire. Ethiopia understands that Hargeisa is the bastion of Greater Somalia ideology. The young generation of Somali secessionists cannot comprehend the deep suspicion Ethiopia has about secession. Ethiopia feels it is a victim of secession, which made it a landlocked country in the Horn of Africa. © Puntland Post, 2025 The post Why Ethiopia Opposes Secession in Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hadashay weerar culus oo qaraxyo ku bilowday oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Ceel Cali Axmed oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, iyada oo shaacisay arrin yaableh oo ay sameeyeen Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, kadib markii lagu jabiyay dagaalka. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah maleeshiyada kooxda waxa ay ula beegsadeen deegaankan oo laga ilaaliyo degmada Aadan Yabaal, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Macawiisleyda ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Dowladda Soomaaliya ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ka hortageen weerarka, ayna jabiyeen xubnihii soo qaaday. “Ciidamada Xoogga Dalka iyo geesiyaasha xaq u dirirka ah ee dadka deegaanka ayaa saakay cadowga Khawaarijta ah ku jebiyey dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Deegaanada Ceel Cali Axmed iyo Cali Fooldheere, ayuu ka dhacay howlgalka ugu culus, halkaas oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyey Khawaarijta,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya. Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday ay sameeyeen arrin yaableh oo ah inay meesha uga carareen maydadka xubnaha laga dilay oo isugu jiro horjoogayaal iyo iyo maleeshiyaad badan. “Maydadka Khawaarijta ayaa daadsa deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan looga laayey,” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka dowladda. Al-Shabaab ayaa mararka qaar weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda. Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli ay ciidamadu wadaan howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda oo ka socda qaybo badan oo kamid ah gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
-
Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalka ciidanka xoogga dalka iyo kuwo deegaanka oo is garabsanaya iyo Alshabaab ku dhex maray deegaanno ka tirsan gobolka shabeellada dhexe. Dagaalkan oo ka dhacay deegaanada Ceel Cali Axmed iyo Cali Fooldheere, ayay saraakiisha ciidanku sheegeen inay khasaare lixaad leh ku gaarsiiyeen dagaalameyaasha kooxda Al-Shabaab. Saraakiisha ayaa intaas ku daray inay hayaan meydadka xubno ka tirsan Alshabaab, islamarkaana goor dhow ay Warbaahinta la wadaagi doonaan xogta dagaalkaas oo faahfaahin. Gobolka shabeellada dhexe ayaa kamid ah kamid ah meelaha ay ka socdaan howlgallada militari ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay wadaan ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanku. Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa maata go’aan culus oo lama filaan ah kasoo saartay bandhig faneedyada lagu qabto magaalada Hargeysa, xilli uu bandhig uu dhagsanaa fanaanada caanka ah Haboon Nuur, kaas oo la qorsheynayay inuu dhowaan dhaco. Warqad kasoo baxsaday xafiiska guddoomiyaha gobolka Maroodi-Jeex Axmed Maxamed Cadaad ayaa gebi ahaa joojiyey bandhig-faneedyada iyo cawayska heesaha habeenkii ee caasimadda Hargeysa iyo guud ahaan degmooyinka hoos yimaada gobolka Maroodi-Jeex, taas oo ka dhigan in la baajiyay bandhigii la qaban qaabinayay ee Haboon Nuura. Guddoomiyaha ayaa sababta ku sheegay in bandhig faneedyada iyo cawayska heesaha ay lidd ku yihiin diinteenna islaamka iyo dhaqanka suuban, sidaas awgeedna ay go’aansadeen in gebi ahaan la joojiyo, maadaama la galayo bisha barakeysan ee Ramadaan. Taliyeyaasha qaybaha iyo maamullada goobaha lagu caweeyo oo ay ku jiraan hoteellada ayaa la faray inay u hoggaansamaan amarkan cusub ee maanta soo baxay. “Waxaa la farayaa labada taliye qaybeed iyo dhammaan hoteellada magaalada Hargeysa in laga bilaabo maanta oo bishu tahay 19/02/2025 in la joojiyay bandhig faneedyada, cawayska heesaha ee habeenkii, maadaama ay liddi ku tahay diinteenna islaamka iyo dhaqanka suuban, diinteenuna ina fartay anshax wanaag iyo dhowrsoonaan” ayaa lagu yiri go’aanka kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha maamulka gobolka Maroodi-Jeex. Fanaanadda caanka ah ee Haboon Nuura ayaa dhowaan sidaan oo kale looga joojiyay bandhig ay ku qabsan lahayd magaalada Muqdisho, kadib markii uu hareeyay muran xoogan oo ka dhashay hees ay horay wax uga qaaday oo ka dhan ahayd reer Muqdisho. Erayada heesta muranka dhalisay waxaa ka mid ahaa: “Malihin cadow Xamar ka daran,” iyagoo qeyb kamid ah heestaas ku amaanay Itoobiya oo xiligaas dooneysay inay xoog ku qaadato badda Soomaaliya. Si kastaba, Haboon ayaa maalmo kooban kadib dib isaga laabatay Hargeysa oo si weyn loogu soo dhaweeyay, waxaana kadib loo qaban qaabiyay bandhig faneed, kaas oo ugu dambeyn maanta la baajiyay kadib amarka cusub ee haatan kasoo baxay Somaliland.
