-
Content Count
212,826 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab wayn oo xalay ka kacay Suuqa Gobonimo, gaar ahaan qaybta xigta deyrka waqooyi ee Idaacada, kaas oo gaystay khasaare hantiyeed oo baaxad leh. Dabka ayaa inta badan baabi’iyay suuqan oo ah kan labaad ee ugu wayn magaalada Hargeysa, wuxuuna ku fiday goobo ganacsi oo ku yaallay gudaha suuqaasi. Ciidamada dab damiska Somaliland oo goobta gaaray ayaa mar dambe ku guuleystay xakamaynta dabka, waxaana hadda socda tirakoobka inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha. Sida uu sheegay taliyaha ciidanka dab damiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili guud ahaan ciidamada dab damiska degmooyinka caasimada ayaa hawlgalkan ka qayb-galay, sidoo kale 26 gaari dab damis ah ayaa iyaguna ka qayb qaatay howlgalka. “Alla Mahadii ciidamada ayaa ku guuleystay in dabkaa hareereeyaan, inta aanu ku fidin suuqa intiisa kale oo ah mid cidhiidhi ah ayna adagtahay in gaadiidka Dabdemisku si fudud u galaan. Dabkan ayaa bilaabmay 11:56 pm” ayuu yiri taliye Axmed Sawaaxili. Sidoo kale wuxuu ka ka hadlay ciriiriga ka jira waddooyinka iyo dadka oo aad u badnaa, isaga oo fariin wacyigelin ah u diray bulshada Somaliland. Ugu dambeyn wuxuu u mahadceliyay Wasaarada Arrimaha Gudaha,Badhasaabka, Maayar xigeenka, Xoghayaha dawlada hoose, xildhibaanada, Dawlada hoose Hargeysa, Ciidamada Booliska, Ciidanka Military ga, Wasaarada Warfaafinta, Booyadaha Shacabka iyo dadweynaha oo iyaguna ka qayb qaatay dadaalka daminta dabkaasi. Horay waxaa sidaan oo kale ugu gubtay suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, kaas oo dhaliyay khasaare lixaadleh iyo burbur wayn oo soo gaaray suuqaasi.
-
London, UK (HOL) — Channel 4's controversial new series Go Back to Where You Came From sends six British citizens on a journey that mirrors the harrowing paths of refugees fleeing conflict. Among the key destinations is Somalia's capital, Mogadishu—a city that, for decades, has been shaped by violence, displacement, and resilience. Source: Hiiraan Online
-
KIKUYU, Kenya — Tucked away in a lush, forested area of central Kenya's Kikuyu town, the National Seed Bank stands as a crucial safeguard for the future of the country's agriculture. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Hundreds of Somali migrants stranded on the French-administered island of Mayotte are grappling with homelessness, food shortages, and deportation threats after being deceived by smugglers who promised them a pathway to Europe. What began as a hopeful journey to a better life has turned into a harsh struggle for survival, marked by homelessness, food shortages, and increasing risks. Source: Hiiraan Online
-
Xusuus:- Dagaalkii dhinaca hawada ee Duuliyayaashii Ethiopia iyo kuwii Somalia sanadkii 1977. Dagaalkan waxaan ka sameyn doonaa hadii ilaahay idmo 4 qaybood oo aan soo koobay:- 1-Nooca dayuuradaha dagaal ee labada dhinac ku dagaalameen. 2-Sidee loo kala adkaaday(Dog fight).yaase guuleystey. 3-Sababta duuliyayaashii Somalida looga adkaaday loona laayey. 4- Imisa duuliye ayaa la kala diley oo dayuuradahoodii la ridey. 5.Magacyada qaar ka mida duuliyayaashii Somalia iyo Ethiopia. ee dagaalka ka qayb qaatay. Nooca Dayuuradaha Dagaalka ee labada dhinac kala wateen. Ethiopia:- F-5E. American made(Jet fighters) F-5A. American made(Jet fighters) Canberas. American made(Bombers) Helicopter gunships. American made. waxaa intaasi weheliya dayuurada xamuulka iyo kuwa tababarada ee ciidanka cirka Ethiopia isku darka dayuuradaha ciidanka cirka ee Ethiopia waxay dhamaayeen ( 127 ) dayuuradood oo kala fadhiyey,Debre Zeit.Dire dawa, iyo Godey.markii dagaalku kululaaday dayuuradii Godey fadhiyey waxaa loo soo wareejey,Debre Zeit base. Somalia:- Mig-21. Russian made( Jet fighter) Mig-17.Russian made(Light Jet fighter) Bombers.Russian made( Nooca loo yaqaan B-28) Waxaa intaasi weheliyey Dayuuradaha Tababarada iyo xamuulka ee ciidankii cirka ee somalia,isku darka Dayuuradaha waxay dhamaayeen( 72 ) dayuuradood oo kala fadhiyey,Berbera,Hargeisa,Balidoogle,iyo Baydhaba, Markii dagaalku xumaaday waxaa dhamaan dayuuradihii dagaalka la isugu keenay,Berbera iy Hargeisa. La soco qaybta 2aad:- Yusuf Abdilahi Janale Oslo Norway. contact.somalilandcitizen@gmal.com Qaran News
-
Hargeisa (HOL) — A massive fire swept through Gobonimo Market on Saturday, reigniting concerns over the vulnerability of the city’s key commercial centers. Source: Hiiraan Online
-
Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab xooggan oo saacado ka hor qabsaday mid kamida suuqyada ugu waaweyn magaalada Hargeysa, waxaana isi soo taraya xogaha ku saabsan waxyeellada ka dhalatay dabkaas. Suuqan oo lagu magacaabo Suuqa Idaacadda ayaa la sheegay in qeybo kamid ahi ay basbeeleen oo xarumihii ganacsi oo ku yaallay ay gubteen, halka qeybo kamid ahna la badbaadiyay sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Soomaaliland. Muuqaallo la soo galiyay baraha bulshada ayaa muujinaya holaca iyo qiiqa dabka oo cirka isku shareeray, lamana oga sababata rasmiga ah ee ka dambaysay in dabkan xooggani uu qabsado Suuqa Idaacadda ee magaalada Hargeysa. Source: goobjoog.com
-
Washington (Caasimada Online) – Tacriif-ta ama cashuuraha ganacsiga ayaa haatan si weyn looga hadal hayaa warbaahinta. Haddaba, waa maxay tacriif, maxaase muhiim ah in aad ka ogaato? Tacriifta waa canshuur la saaro badeecadaha la soo dhoofiyo. Waxaa badanaa lagu xisaabiyaa boqolkiiba qiimaha badeecadda uu iibsaduhu ka bixiyo alaab-qeybiyaha shisheeye. Mareykanka, cashuuraha ganacsiga waxaa ururiya saraakiisha Kastamka iyo Ilaalada Xuduudaha (Customs and Border Protection) oo ka howlgala 328 dekedood iyo bar ganacsi oo dalka ku yaal. Heerarka cashuuraha Mareykanka way kala duwan yihiin: tusaale ahaan, cashuuraha la saaro baabuurta rakaabka waa 2.5%, halka kabaha golf-ka ay yihiin 6%. Cashuurahaasi waxay hoos uga dhici karaan waddamada uu Mareykanka la leeyahay heshiisyada ganacsi. Tusaale ahaan, inta badan badeecadaha ayaa si xor ah ugu kala gudbi kara Mareykanka, Mexico, iyo Canada, sababo la xiriira heshiiskii ganacsi ee Trump uu la saxiixday dalalkaasi ee US-Mexico-Canada Agreement. Dhaqaalaha iyo cashuuraha ganacsiga Khubarada dhaqaalaha ayaa guud ahaan ka shaki qaba waxtarka tacriifta, iyagoo aaminsan inaysan ahayn hab wax ku ool ah oo dawladuhu dhaqaale uga helaan ama koboc dhaqaale u horseedi karaan. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo taageere u ah tacriifta, wuxuu ku adkaystay in dalalka shisheeye ay bixinayaan cashuurahaasi. Laakiin xaqiiqda dhabta ah waa in shirkadaha Mareykanka ah ee soo dhoofiya badeecadaha ay bixinayaan cashuuraha, lacagtana ay ku dhacdo khasnadda dawladda Mareykanka (U.S. Treasury). Shirkadahani, si ay u magdhabaaan khasaaraha, waxay sare u qaadaan qiimaha badeecadahooda, taasoo macnaheedu yahay in macaamiishu bixinayaan qarashka cashuuraha. Sababtaas awgeed, dhaqaaleyahannadu waxay sheegaan in cashuuraha ganacsiga ay ugu dambeyn ku dhacaan shacabka. Hase yeeshee, cashuurahaasi waxay sidoo kale dhibaato ku noqon karaan dalalka shisheeye, maadaama ay sare u qaadaan qiimaha badeecadahooda, taasoo adkeynaysa in la iibiyo. Shirkadaha shisheeye ayaa mararka qaar ku khasbanaada inay hoos u dhigaan qiimaha badeecadahooda, taasoo yareyn karta faa’idadooda si ay uga tartamaan suuqa Mareykanka. Daraasad uu sameeyay dhaqaaleyahan Yang Zhou oo ka tirsan Jaamacadda Fudan ee Shanghai ayaa lagu ogaaday in tacriifta Trump uu saaray badeecadaha Shiinaha ay saddex jeer ka badan waxyeelleeyeen dhaqaalaha Shiinaha marka loo eego saameynta ay ku yeesheen Mareykanka. Trump iyo Tacriif-ta Trump wuxuu ku dooday in tacriifaha ay abuuri doonaan shaqooyin warshadeed, yareyn doonaan deynta dawladda, hoos u dhigi doonaan qiimaha cuntada, islamarkaana u suurtagelin doonaan dawladda inay maalgeliso daryeelka carruurta. “Cashuuraha ganacsigu waa wax la yaab leh oo la ikhtiraacay,” ayuu Trump ka yiri xaflad ka dhacday Flint, Michigan intii lagu jiray ololihiisii doorashada. Muddadii uu xilka hayay, Trump wuxuu cashuuro dul-dhigay badeecadaha laga keeno dibadda, oo ay ka mid yihiin qoraxda laga dhaliyo korontada (solar panels), biraha, iyo dhammaan badeecadaha Shiinaha. Isagoo xoojinaya mowqifkiisa, wuxuu isku magacaabay “Tariff Man” (Ninka Tacriif-ta). Trump ayaa ballan qaaday in haddii dib loo doorto uu kordhin doono cashuuraha ganacsiga ee uu saaro badeecadaha shisheeye, taasi oo uu billaabay in uu ka dhabeeyo. Mareykanka ayaa sannadihii u dambeeyay si tartiib ah uga baxay doorkii uu ka ciyaarayay horumarinta ganacsiga xorta ah ee caalamiga ah tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka. Isbeddelkani wuxuu ka dhashay dareenka ah in shaqooyin badan oo warshadeed ay lumaan, arrintaasoo loo aaneeyo ganacsiga aan xakamaysnayn iyo koboca dhaqaale ee Shiinaha. Ujeeddada Tacriif-ta Tacriif-ta ayaa loogu talogalay in lagu ilaaliyo warshadaha gudaha. Sare u qaadista qiimaha badeecadaha la soo dhoofiyo waxay faa’iido u noqon kartaa shirkadaha gudaha oo si fudud uga tartami kara suuqa. Sidoo kale, cashuurahaasi waxay noqon karaan ciqaab la dul-dhigo waddamada lagu eedeeyo inay sameeyaan xeelado ganacsi oo aan cadaalad ahayn, sida kabidda (subsidizing) badeecadahooda ama iibinta alaabta qiimo aad u jaban (dumping). Ka hor inta aan canshuurta dakhliga federaalka la hirgelin sannadkii 1913, tacriifaha waxay ahaayeen isha ugu weyn ee dakhli ka soo galo dowladda. Sida uu sheegay dhaqaaleyahan Douglas Irwin oo ka tirsan Jaamacadda Dartmouth, inta u dhaxeysay 1790 iyo 1860, cashuuraha ganacsiga waxay ka koobnaayeen 90% dakhliga dawladda. Si kastaba ha ahaatee, cashuurahaasi waxay hoos u dhacaan markii ganacsiga xorta ah uu kobcay ka dib dagaalkii labaad ee adduunka, iyadoo dawladda ay u baahatay ilo dhaqaale oo ballaaran si ay u maareyso miisaaniyaddeeda. Dowladda Mareykanka waxay sannad maaliyadeedkii dhammaaday 30-ka Sebtembar ururisay ku dhowaad $80 bilyan oo doollar oo cashuuraha ganacsiga ah, taasoo aad uga yar marka loo eego $2.5 tirilyan oo doollar oo ka soo xarooday canshuurta dakhliga shakhsiga iyo $1.7 tirilyan oo doollar oo ka yimid canshuurta bulshada (Social Security iyo Medicare). Si kastaba ha ahaatee, Trump wuxuu doonayaa in Mareykanku dib ugu laabto xeerarka miisaaniyadeed ee jiray qarnigii 19-aad, isagoo si xooggan u adeegsanaya cashuuraha ganacsiga. Tacriif-ta iyo cadaadiska Diblomaasiyadeed Tacriif-ta waxaa sidoo kale loo adeegsan karaa cadaadis diblomaasiyadeed, xitaa marka arrimahaasi aysan la xiriirin ganacsiga. Sannadkii 2019, Trump wuxuu isticmaalay hanjabaadda cashuuraha si uu cadaadis ugu saaro Mexico inay xakameyso qulqulka muhaajiriinta ka imaanaya Bartamaha Ameerika ee sii maraya xuduudda Mexico una sii socda Mareykanka. Trump xitaa wuxuu cashuuraha u arkaa hab lagula xallin karo dagaallada. “Hal wicitaan ayaan sameynayaa,” ayuu ka yiri xaflad ka dhacday North Carolina bishii Agoosto. Haddii waddan kale isku dayo inuu dagaal billaabo, wuxuu sheegay inuu ku hanjabi doono: “Waxaan idin dul-dhigi doonnaa cashuur 100% ah.” Dhaqaaleyahannada oo ka digaya Tacriif-ta Dhaqaaleyahannadu waxay rumeysan yihiin in cashuuraha ganacsigu ay sare u qaadaan qiimaha badeecadaha, taasoo saameyn taban ku yeelan karta shirkadaha iyo macaamiisha. Waxaa sidoo kale la filan karaa in dalalka kale ay sameeyaan aargoosi. Tusaale ahaan, Midowga Yurub wuxuu cashuuro dul-dhigay badeecadaha Mareykanka sida bourbon-ka iyo mootooyinka Harley-Davidson si uu uga jawaabo cashuuraha Trump ee birta iyo aluminium-ka. Daraasad ay sameeyeen dhaqaaleyahanno ka kala socda MIT, Jaamacadda Zurich, Harvard, iyo Bankiga Adduunka ayaa lagu ogaaday in cashuuraha Trump aysan wax shaqo ah u soo celin dalka.
-
Brussels (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa Axaddii wacad ku maray inuu si Midowga Yurub ayaa Axaddii ku adkaystay inuu si adag uga jawaabi doono haddii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu tacriif ama cashuuro ku soo rogo, iyadoo Brussels ay cambaaraysay dagaalka ganacsi ee uu billaabay ee ka dhanka ah Canada, Mexico iyo Shiinaha. Brussels ayaa illaa hadda sheegaysay inay rajaynayso in ay ka fogaato khilaaf ganacsi oo kala dhexeeya Trump, iyadoo loo marayo wada hadal. Laakiin Jimcihii, hoggaamiyaha Maraykanka ayaa xaaladda sii adkeeyay isagoo sheegay inuu “gebi ahaanba” qorshaynayo inuu beegsado Midowga Yurub mustaqbalka, kaddib markii uu marka hore cashuuro saaray dalalka deriska la ah ee Waqooyiga Ameerika iyo Shiinaha. “Midowga Yurub wuxuu ka xun yahay go’aanka Maraykanka ee uu cashuuraha ugu soo rogay Canada, Mexico iyo Shiinaha,” ayuu yiri Afhayeen u hadlay Guddiga Yurub. “Cashuuruhu waxay abuuraan khalkhal dhaqaale oo aan loo baahnayn, waxayna sare u qaadaan sicir-bararka. Waxyeello ayay u gaystaan dhammaan dhinacyada.” Afhayeenku wuxuu sheegay “in Midowga Yurub uu si adag uga jawaabi doono waddan kasta oo ay ganacsi wadaagaan, kaasoo si aan caddaalad ahayn ama si aan loo meel dayin cashuuro ugu soo roga badeecadaha Midowga Yurub”. “Waqtigan xaadirka ah, ma ogin wax cashuuro dheeraad ah oo lagu soo rogay badeecadaha Midowga Yurub,” ayuu raaciyay. Wuxuu sheegay in Midowga Yurub oo ka kooban 27-ka dal ay weli ka go’an tahay cashuuro hooseeya si “kor loogu qaado kobaca iyo xasilloonida dhaqaale ee nidaam ganacsi oo xooggan oo ku dhisan sharci”. Wuxuuna ku celiyay sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub xiriirkiisa ganacsi iyo maalgashi ee uu la leeyahay Maraykanka — “ka ugu weyn adduunka”. “Waxaa jira wax badan oo halis ku jira,” ayuu yiri Afhayeenku. “Waa inaan labadeennuba eegnaa sidii loo xoojin lahaa xiriirkan.” Trump ma uusan qarsan cadaawaddiisa ku wajahan Midowga Yurub, isagoo ku eedeeyay inuu Maraykanka “si aad iyo aad u cadaalad-darro ah” ula dhaqmay dhanka ganacsiga. Xiisadaha ayaa sidoo kale sare u kacay ka dib markii uu si joogto ah ugu adkaystay inuu doonayo inuu Greenland ka qaato Denmark, oo xubin ka ah Midowga Yurub. Sannadkii 2018, intii lagu jiray muddo xileedkiisii ugu horreeyay, Trump wuxuu cashuuro saaray dhoofinta birta iyo aluminiumka Yurub — taasoo keentay in Midowga Yurub uu kaga jawaabo cashuuro u gaar ah oo ka sarreeya. Natiijadaas awgeed, Yurub waxay muddo bilo ah dajinaysay qorshayaal kala duwan si loo hubiyo inay diyaar u tahay markan, haddii uu go’aansado inuu bilaabo khilaaf ganacsi oo cusub oo uu la galo ururka. ‘Cidna ma caawin doonto’ – Dibloomaasiyiinta iyo saraakiisha Midowga Yurub ayaa ku adkaysanaya inay midaysan yihiin, ayna haystaan qalab ay kaga jawaabaan tallaabooyinka Trump — laakiin khubarada ayaa sidoo kale tilmaamaya dildillaacyo suurtagal ah haddii uu cadaadiska kordhiyo. Awoodda dhaqaale ee Jarmalka — oo wajahaysa doorasho adag bishan iyo dhaqaale hoos u dhacay — ayaa ka gaabsanaysay arrimaha cashuuraha. Trump waxa kale oo ay u badan tahay inuu isku dayo inuu iska horkeeno danaha dowladaha shakhsi ahaaneed ee Midowga Yurub. Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa horeyba ugu loolamayay inay ku dhowaadaan, iyadoo Giorgia Meloni ee Talyaaniga ay hoggaaminayso. Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga, Antonio Tajani, ayaa Axaddii qoray in “dagaal cashuureed uusan cidna caawinaynin”, isagoo sheegay in Talyaanigu uu hayo fikrado uu ku ilaalinayo shirkadihiisa, isla markaana ay Rome dhex-dhexaadiye ka noqon doonto Washington. Saraakiisha Midowga Yurub ayaa weli rajaynaya inay ka dhaadhicin karaan Trump inuusan sii wadin qorshihiisa cashuuraha. Madaxa Guddiga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa bishii Nofembar soo jeedisay qorshe suurtagal ah oo lagu ilaalinayo taageerada TRUMP: iibsashada gaas dabiici ah (LNG) oo badan oo ka yimaada Maraykanka. Taas ayaa lagu tilmaamay mid labada dhinacba ay ku wada guulaysanayaan, maadaama ay ka caawin doonto ururka inuu iska daayo saadka ka yimaada Ruushka, halka ay sidoo kale qancinayso hoggaamiyaha Maraykanka. Trump laftiisa ayaa dalbaday in Midowga Yurub uu iibsado saliid iyo gaas badan oo Maraykan ah — isagoo sidoo kale ka cabanaya in ururku uusan soo dhoofsan wax ku filan oo ah baabuurta Maraykanka iyo wax-soo-saarka beeraha. Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan khatarta cashuuraha ee soo fool leh, ee ka imaanaysa Ttump, magaalada Brussels maanta oo Isniin ah, shir looga golleeyahay in diiradda lagu saaro arrimaha difaaca. Awoodda militari ee Maraykanka ayaa weli aasaas u ah amniga Yurub iyada oo loo marayo NATO. Xulafada Maraykanka oo si xilkasnimo leh isha ugu haya Ruushka ayaa ka baqaya in ka caraysiinta Trump ay khatar gelin karto kaalinta Washington ee ilaalinta qaaraddooda.
-
Mogadishu, Somalia – A prominent Somali senator has publicly rejected the federal government’s proposal for a one-person-one-vote electoral system, intensifying an already heated debate about the country’s political future and raising concerns about potential instability. Senator Abdi Qaybdiid, a former Somali Police Chief and a key figure from the Galmudug regional state declared his opposition to the proposed electoral model slated for implementation in 2026. “Only a nationally agreed-upon election will take place in Galmudug,” Qaybdiid asserted. “The stakeholders of Galmudug will jointly deliberate on this matter.” Qaybdiid’s statement marks the first open challenge by a sitting senator to the controversial one-person-one-vote system, which has become a central point of contention in Somalia’s complex political landscape. The senator also criticized President Hassan Sheikh Mohamud’s frequent international travels, urging the federal parliament to be vigilant of the “wrong path” Somalia was treading. Federal Government defends plan The Federal Government of Somalia (FGS) maintains that the new system will be implemented in parts of the country, excluding the autonomous Puntland state, which was established in 1998 as the first federal member state in Somalia. The government has framed the transition to a one-person-one-vote system as a crucial step towards democratization and a departure from the current clan-based indirect election model. Deputy Prime Minister Salah Ahmed Jama defended the plan, arguing that aligning the country’s political calendar and holding elections at all levels simultaneously is necessary. “The term extension is an essential step to move away from the indirect election system, which is based on the clan system and which we have been using for the past seven years,” Jama told reporters in Mogadishu. The term extension refers to a recent decision by the National Consultative Council, a body comprising federal and regional leaders, to extend the mandates of regional leaders. The government claims this is necessary to facilitate the transition. One-person, one-vote: A contentious proposal The proposed shift to a one-person-one-vote system, also known as universal suffrage, has long been a goal for Somalia as it seeks to establish a stable democracy after decades of civil war and political turmoil. The current system, known as the “4.5 system,” allocates parliamentary seats based on clan affiliation, a process many see as undemocratic and divisive. However, the ambitious 2026 timeline for implementing the new system has drawn criticism. Critics, including opposition politicians and political analysts, express concerns about the feasibility of such a rapid transition given the ongoing security challenges posed by the al-Shabaab insurgency and unresolved political disputes between the federal government and regional states. Fears of renewed conflict Opponents of the government’s plan have voiced strong concerns about the timeline, arguing that the unresolved political disagreements between the federal government and regional states could lead to further delays or even trigger renewed conflict. They point to the lack of a finalized constitution, ongoing disputes over power-sharing and resource allocation, and the volatile security situation as major obstacles to implementing nationwide direct elections. Puntland’s exclusion from the proposed electoral system adds another layer of complexity to the situation. The region has consistently advocated for a greater degree of autonomy and has had a strained relationship with the central government in Mogadishu. Puntland leaders have previously expressed concerns regarding the one-person-one-vote system, fearing it could marginalize their influence. The success or failure of the proposed electoral reform will have far-reaching implications for Somalia’s political stability and its transition to a fully functioning democracy.
-
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/02/AQO2j2QmXhtlLcQbfrfETR0bIhKypa8bjsBS2uwb320i59miGQhJQ-3jgAfHA9mzXXykE6LLwI_OUqE-e546gaUD.mp4 Qaran News
-
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/02/AQNSuhrSY9cODpHd4k-0EMCTJTXcCzEI-YwN-gELFfDKH-vbwt6HWax21Ll1WzG1JZQDpYgLkH_JioPNcVkUYuF.mp4 Qaran News
-
Senator Qeybdiid: I urge the bicameral legislature to pay attention to the wrong path Somalia has taken. Mogadishu (PP News Desk) — Senator Abdi Qeybdiid has rejected the one-person, one-vote electoral model that the Federal Government of Somalia had proposed to be implemented in Somalia in 2026. “Only consensus-based national elections will take place in Galmudug State. Galmudug State stakeholders will put their heads together” Senator Qeybdiid told a journalist. He criticised President Hassan Sheikh Mohamud’s frequent foreign visits. “Visiting one country after another in such a short span of time is not the right way. I urge the bicameral legislature to pay attention to the wrong path Somalia has taken” he added. Senator Qeybdiid, a former Commander of the Somali Police Force, is the first senator to speak out against the controversial electoral model. The Federal Government of Somalia claims it will implement the model in parts of the country, excluding Puntland State, the largest federal member state and the first autonomous administration founded in Somalia in 1998. © Puntland Post, 2025 The post Senator Qeybdiid: Only Consensus-based National Elections Will Take Place in Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
Doolow (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee Maamulka Jubbaland, Jeneraal Yuusuf Dhuumaal ayaa sheegay in maamulkiisu uu diyaar u yahay in la xaliyo khilaafka kala dhaxeeya dowlada federaalka. Wasiir Dhuumaal oo wareysigaan siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in khilaafkaan uu saameyn weyn ku yeeshay amniga Jubbaland, isla markaana ay lama huraan tahay in la xaliyo. Sidoo kale, Wasiirka ayaa ka hadlay safarkii Axmed Madoobe uu ku tegay Nairobi, isagoo sheegay in halkaas uu kula soo kulmay qaar kamid ah safiirrada caalamka. “Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu lasoo kulmay madaxda dowladda Kenya, maadaama aan wadaagno xuduud dheer, muhiimna ay tahay inaan ka wadashaqeyno amniga, markii barnaamijyadaasi u soo dhamaadeena, wuxuu ku soo noqday Kismaayo,” ayuu yiri Wasiir Dhuumaal. Wasiirka ayaa la weydiiyey waxa ka jira wadahadalo ay yeesheen Jubbaland iyo dowladda federaalka, wuxuuna sheegay in wax wadahadal ah aysan dhicin, “xitaa hadii ay jirto waa wax madaxweynaha gaar u ah,” ayuu yiri. Sidoo kale waxaa la weydiiyey in Axmed Madoobe uu Nairobi u tegay arrimo caafimaad, wuxuuna dafiray hadal-heyntaas, “Qaabilaad iyo shaqo ayuu ku jiray mooyaane, ma jirin arrimo caafimaad oo madaxweynuhu Nairobi u tegay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Sidoo kale wasiirka amniga Jubbaland ayaa codsaday in khilaafkaan laga wadahadlo, “Madaxweynaha sharafta leh Xasan Sheekh waa madaxweynaheena colaad nagama dhaceyso, waxaan ogolnahay wadahadal, hadii aan qaldanahay waa nala qabsan karaa,” ayuu yiri wasiir Dhuumaal. Wasiirka ayaa quus ka muujiyey xaaladda Jubbaland, isagoo tusaale u soo qaatay in isagoo jooga Doolow uusan tegi karin degmada ugu dhow ee Luuq, “Khalaafkaan saaneyn adag ayuu nagu yeeshay ciidamadii waxaa laga soo jeediyey argagixisadii ay dagaalka kula jireen, waxaan joogaa Doolow oo go’doon ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Hoos ka dhageyso wareysiga wasiir Dhuumaal. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2025/02/409213ec-dd52-4772-a869-b429210157aa_16k.mp3
-
Hargeisa (HOL) — Somaliland has firmly rejected a U.S. Africa Command (AFRICOM) report claiming that recent airstrikes against ISIS militants targeted its Golis Mountains. Officials clarified that the strikes were conducted in the Galgala Mountains, an area within the Puntland region of Somalia, and not on Somaliland soil. Source: Hiiraan Online
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa fuliyay weerar ay ka gaysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones-ka) meel ku dhow xadka ay la wadaagaan dalka Itoobiya, halkaas oo ay ku dileen siddeed xubnood oo ka tirsan koox hubeysan iyo tiro aan la cayimin oo dad rayid ah, sida ay mas’uuliyiintu shaaciyeen Axadda maanta ah. “Weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa lala beegsaday koox hubeysan oo ku sugneyd deegaanka Addorta ee dalka Jabuuti, kaas oo qiyaastii lix kiiloomitir (3.7 mayl) u jira xadka Itoobiya,” ayay tiri wasaaradda gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Jabuuti. “Siddeed ka mid ah kooxda hubeysan ayaa lagu dilay weerarkaasi,” ayay wasaaraddu hadalkeeda ku dartay. Waxay kaloo qirtay in “khasaare soo gaaray dad rayid ah oo u dhashay Jabuuti uu jiro, arrintaas oo ah mid aan ka xunahay,” balse ma aysan bixin faahfaahin intaa ka badan. Wasaaradda Gaashaandhigga Jabuuti ayaa shaacisay in baaritaan la furay, iyadoo intaa ku dartay in kooxda hubeysan ee la beegsaday ay wadeen “abaabul colaadeed” oo “khatar ku ahaa saldhigyada ciidamada ee ku yaalla xadka.” La-taliyaha Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo lagu magacaabo Alexis Maxamed, ayaa sheegay mar ay wariyeyaasha AFP wax ka weydiiyeen weerarkan, in kooxda hubeysan ee la beegsaday ay ka tirsanaayeen Jabhadda Hubaysan ee Soo Celinta Midnimada iyo Dimuqraadiyadda (FRUD A), oo Jabuuti u aqoonsan tahay koox argagixiso ah. Jabuuti mise Itoobiya? Wargeyska Addis Standard ee ka soo baxa Itoobiya ayaa sheegay in weerarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn uu ka dhacay gudaha dhulka Itoobiya, balse mas’uuliyiinta Jabuuti ayaa arrinkaas gaashaanka ku dhuftay. Mudane Maxamed ayaa ku celceliyay in weerarku uu ka dhacay gudaha Jamhuuriyadda Jabuuti. Mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin codsiyada ay wariyeyaasha AFP u direen si ay uga hadlaan dhacdadan. Bishii Oktoobar 2022, toddoba askari ayaa la dilay, lix kalena waa la afduubay, ka dib weerar lagu qaaday xerada ciidankooda ee Garabtiisan, oo dhacda waqooyiga Jabuuti. Mas’uuliyiinta Jabuuti ayaa weerarkaas ku eedeeyay jabhadda FRUD. Askartii la afduubay ayaa dib loo sii daayay dhowr toddobaad ka dib. Jabhadda FRUD oo xubnaheeda laga soo uruuriyo qowmiyadda Cafarta ee ku dhaqan waqooyiga Jabuuti, ayaa sannadkii 1991-kii billowday dhaq-dhaqaaq hubeysan oo ka dhan ah dowladda, iyagoo sheeganayay inay difaacayaan danaha qowmiyadda Cafarta oo ay ka ilaalinayaan qowmiyadda Ciisaha, oo ah qowmiyadda kale ee ugu tirada badan dalka. Kooxdan ayaa markii dambe u kala qeybsantay laba garab. Iyadoo garabka FRUD uu hadda qeyb ka yahay isbahaysi ka kooban afar xisbi siyaasadeed oo taageera Madaxweyne Geelle, haddana garabkeeda hubaysan ee FRUD A ayaa sii wada weerarrada hubeysan. Jabuuti oo ku taalla mid ka mid ah marinnada maraakiibta ee ugu mashquulka badan adduunka, halkaasoo ay isaga darsamaan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, ayaa waxaa ku yaalla saldhigyo milatari oo muhiim ah, kuwaas oo ay ku leeyihiin dalalka Mareykanka iyo Faransiiska.
-
The annals of history teach us that no society, regardless of its cultural distinctiveness or historical trajectory, can endure the forces of chaos without institutions. Institutions, after all, are humanity’s response to the universal need for order, direction, and shared purpose. They are the sinews that bind the social contract, channeling individual energy into collective progress. Source: Hiiraan Online
-
Shirweynihii Xisbiga Barwaaqo oo maalmihii u dambeeyey ka socday Addis Ababa, ayaa Guddoomiyaha Xisbigaas loogu doortay Raysal Wasaare Abiy Axmed. Sidoo kale, Guddoomiye Kuxigeennada Xisbiga Barwaaqo ayaa loo doortay Tamesgen Tiruneh iyo Mudane Aadan Faarax. Source
-
Madaxweyne Donald Trump ayaa Sabtidii ku dhawaaqay tacriif ama canshuuro baaxad leh oo lagu soo rogayo Canada, Mexico iyo Shiinaha, isaga oo adeegsanaya awoodaha degdegga ah ee dhaqaalaha, wuxuuna sabab uga dhigay “khatarta weyn” ee ka imanaysa tahriibka sharci-darrada ah iyo daroogooyinka. Badeecadaha laga soo dhoofiyo Canada iyo Mexico ee Mareykanka ayaa la saari doonaa canshuur dhan 25 boqolkiiba, inkasta oo kheyraadka tamarta ee Canada uu yeelan doono canshuur hoose oo ah 10 boqolkiiba, iyada oo laga billaabayo Talaadada. Alaabaha ka imaanaya Shiinaha, oo horey u wajahaya heerar kala duwan oo canshuuro ah, ayaa lagu dari doonaa 10 boqolkiiba oo dheeraad ah, sida uu Trump sheegay. Trump ayaa adeegsanaya Xeerka Awoodaha Dhaqaale ee Xilliga Degdegga ah si uu u meel mariyo canshuurahan, iyada oo Aqalka Cad uu sheegay in “halista daran ee ay keeneen dadka muhaajiriinta ah ee sharci-darrada ah iyo daroogooyinka, oo ay ku jirto fentanyl halis ah, ay xadgudub ku tahay ammaanka qaranka.” Ujeeddada ayaa ah in saddexda waddan lagu cadaadiyo “inay u hoggaansamaan ballamahooda ah inay joojinayaan tahriibka sharci-darrada ah iyo in la xakameeyo fentanyl iyo daroogooyinka kale ee sunta ah,” sida uu Aqalka Cad yiri. Washington ayaa sidoo kale eedeyn culus u jeedisay dowladda Mexico, iyada oo ku tilmaantay inay “xiriir aan la aqbali karin” la leedahay kooxaha ka ganacsada daroogooyinka. Saameynta ganacsiga iyo digniinta khubarada – Go’aankan ayaa halis gelinaya silsiladaha sahayda ganacsiga, laga soo billaabo tamarta illaa baabuurta iyo cuntooyinka. Trump ayaa marar badan muujiyay taageerada uu u hayo canshuuraha ganacsiga, wuxuuna muujiyay in tallaabadan ay tahay bilowga is-mariwaaga ganacsiga ee mustaqbalka. Toddobaadkan, wuxuu ballanqaaday inuu canshuuro saari doono Midowga Yurub mustaqbalka dhow. Wuxuu sidoo kale sheegay inuu canshuur dheeraad ah ku soo rogayo qalabka elektarooniga, biraha sida birta iyo aluminium-ka, iyo sidoo kale saliidda iyo gaaska. “Canshuuraha waa aalad awood leh oo la isku halleyn karo si loo ilaaliyo danaha qaranka,” ayuu Aqalka Cad sheegay. Trump, oo ku sugnaa Florida dhammaadka toddobaadka, ayaa baraha bulshada ku qoray: “Waa waajib i saaran in aan ilaaliyo dadka Mareykanka, waana xilkeyga Madaxweyne ahaan in aan sugo nabadgelyada muwaadiniinta.” – ‘Dagaalka Ganacsiga oo Xoogeysanaya’ – Wendy Cutler, oo ah Madaxweyne ku xigeenka Machadka Siyaasadda ee Asia Society, isla markaana horey uga mid ahayd kooxda gorgortanka ganacsiga ee Mareykanka, ayaa sheegtay in go’aanka la shaaciyay Sabtidii uu si cad u muujinayo in saaxiibada ganacsiga ee Mareykanka, deriskiisa iyo wadamada heshiiska ganacsiga xorriyadda la leh, ay wajahayaan khatar weyn. “Tallaabadan maanta la qaaday waa bilowga dagaal canshuureed oo cusub,” ayay u sheegtay wakaaladda wararka AFP. Waxay intaa ku dartay in Canada iyo Mexico ay wajihi doonaan cadaadis gudaha ah oo ku saabsan in ay ka jawaabaan go’aanka Mareykanka. Iyadoo saddexda dal ay wadaagaan heshiis ganacsi, canshuuraha cusub ayaa “saameyn degdeg ah oo xoog leh” ku leh dhammaan dhinacyada, sida ay sheegtay. Canshuuraha ballaaran ee la saaray saddexda dal ee ugu waaweyn ganacsiga Mareykanka waxay halis ku yihiin Trump, kaas oo ku guuleystay doorashadii bishii November ayada oo ay dad badan ka cawdeen xaaladda dhaqaale. Kharashyada sare ee soo-dhoofinta waxay sababi karaan in macaamiishu yareeyaan wax iibsiga iyo ganacsigu hoos u dhaco, sida uu sheegay Gregory Daco, oo ah khabiirka dhaqaalaha ee shirkadda EY. Wuxuu saadaaliyay in sicir-bararka uu sare u kici doono 0.7 boqolkiiba rubuci koowaad ee sanadkan ka dibna tartiib u yaraan doono. “Shaki badan oo ku saabsan siyaasadda ganacsiga waxay keeni doontaa jahwareer suuqyada maaliyadeed iyo cadaadis la saaro ganacsatada, inkasta oo maamulka uu sheegayo inuu u janjeero dhinaca ganacsiga,” ayuu yidhi. Khubarada dhaqaalaha ayaa sidoo kale filaya in kororka canshuuraha uu dhaawacayo koboca dhaqaalaha. Dhanka kale, taageerayaasha Trump ayaa yareeyay cabsi laga qabo in canshuuraha ay sare u qaadi doonaan sicir-bararka, iyaga oo ku dooday in qorshihiisa dhimis canshuuraha iyo fududeynta xeerarka ganacsiga ay dhiirrigelin doonto kobaca dhaqaalaha. – Jawaabaha Canada iyo Mexico – Ra’iisul Wasaaraha Canada, Justin Trudeau, ayaa Jimcihii sheegay in Ottawa ay diyaar u tahay “jawaab adag oo si gaar ah looga baaraan degay.” Ra’iisul Wasaaraha gobolka Ontario, Doug Ford, oo ah xarunta dhaqaalaha Canada, ayaa ka digay anshuuraha ay sababi karaan shaqo la’aan iyo hoos u dhac ku yimaada dhaqaalaha. “Waxaan u istaagaynaa waxa saxda ah,” ayuu yidhi. Madaxweynaha Mexico, Claudia Sheinbaum, ayaa ka dib shaacinta canshuuraha sheegtay in aysan ka welwelsaneyn arrinta, maadaama ay aaminsan tahay in “dhaqaalaha Mexico uu yahay mid adag.” Wasiirka dhaqaalaha Mexico, Marcelo Ebrard, ayaa Sabtidii sheegay in shirkadaha gaarka ah ee dalkaasi ay mideysan yihiin si ay uga falceliyaan “tallaabooyinka ganacsi ee loo arko kuwo sharci-darro ah.” Hogaamiyaha xisbiga Dimoqraadiga ee Senet-ka Mareykanka, Chuck Schumer, ayaa ka digay in canshuuraha cusub ay “kordhin doonaan qiimaha badeecadaha ay dadka Mareykanka iibsadaan.” Canada iyo Mexico waa sahay-bixiyeyaasha waaweyn ee badeecadaha Mareykanka, gaar ahaan dhanka wax soo saarka beeraha. Sidoo kale, canshuuraha la saaray waxay si weyn u saameyn doonaan warshadaha baabuurta, iyada oo soo saarayaasha baabuurta iyo qeybaha ay ka kooban yihiin ay ku baahsan yihiin saddexda waddan. Khubarada dhaqaalaha ayaa ka digaya in kordhinta cashuuraha dhoofinta saliidda cayriin ee dalal ay ka mid yihiin Canada iyo Mexico ay khatar gelin doonto qiimaha tamarta ee Mareykanka. Warbixin ay soo saartay Congressional Research Service ayaa muujisay in ku dhawaad 60 boqolkiiba saliidda cayriin ee Mareykanka uu soo dhoofiyo ay ka timaado Canada. Source
-
Wasaaradda Gaashaandhiga ee Somaliland ayaa beenisay in uu Maraykanku wax duqaymo ah ka geystay Buuralayda Somaliland. Wasaaradda ayaa sheegtay in duqaynta uu Maraykanku la eegtay kooxaha xagjirka ah ay ka dhacday Buurlayda Galgala ee dhinaca Putland balse aanay ka dhicin Buurlayda Golis ee Somaliland, iyada oo Wasaaraddu intaa sii raacisay in hadalka Xoghayaha Gaashaandhiga ee Maraykanku uu ku koobnaa dhinaca Putland oo keliya. Somaliland aya xustay in ay tahay saaxiib dhow oo beesha Caalamka kala shaqeeya la dagaallanka argagaxisada iyo xagjirnimada isla markaana uu dhulkeedu ka nadiif yahay kooxaha argagaxisada ah. Hadalka Xoghayaha Gaashaandhiga ayaa ah mid muujinayey in ay duqaymo ka geysteen buuraha Golis oo Somaliland qayb ka tahay isaga oo aan si gaara u carrabaabin goobta ay Golis ka tahay taas oo keentay in ay Somaliland dhinaceeda caddayso. Duqaymaha dhacay 24 kii saacaodod ee la soo dhaafay ayaa laga fuliyey buuraha Calmiskeed ee gobolka Bari sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Daraawish Putland Aadan Cabdi Xaashi. Waxana amarka bixiyey madaxweynaha Maraykanka Donald Trump. Source