-
Content Count
212,826 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Al-Shabaab oo shan masโuul ka afduubtay Kenya + Magacyada
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mandheera (Caasimada Online) โ Dabley looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa afduubtay shan madax-xaafadeed (chiefs) kuwaas oo ku socdaalayay inta u dhaxaysa Ceelwaaq iyo Mandheera, xilli ay ku guda jireen kormeer howlo ay dowladdu ka fulisay degmooyin ka tirsan Mandheera. Taliyaha ciidanka booliska degmada dhacda koonfurta Ismaamulka Mandheera, Mudane Julius Njeru, ayaa xaqiijiyay afduubkan. Saraakiishan ayaa ka soo ambabaxay deegaanka Ceel-Gaduud, kuna sii jeeday magaalada Ceelwaaq ka hor intii aan afduubka loo geysan, sida uu sheegay Mudane Njeru. Ciidanka amniga ee Ismaamulka Mandheera ayaa la geliyay heegan sare, iyadoo haatan uu socdo baadi goob ballaaran oo loogu jiro samatabixinta saraakiishan ka tirsan wasaaradda amniga Kenya. Kooxda Al-Shabaab ayaa warbaahinteeda ku sheegatay afduubka shan masโuul oo ka tirsan maamulka Mandheera, waxayna ku kala sheegeen, sida ay hadalka u dhigeen. Cadow Cabdulle Maxamed, oo ah gudoomiyihii hore ee magaallada War-gaduude. Maxamed Nuur Xaaji, oo ah Gudoomiyaha deggaanka Jajaboole. Cabdi Xasan Surre, oo ah Gudoomiyaha deegaanka Qurac Madoobe. Maxamed Xasan Kulmiye, oo ah Gudoomiyaha magaallada War-gaduude qeybta Bari. Ibraahiim Gaabow Cabdulle oo ah Gudoomiye-ku-xigeenka qeybta Bari ee magaallada War-gaduude. Dhacdadan afduubka ah ee ka dhacday Ismaamulka Mandheera ayaa ku soo beegmaysa iyadoo la filayo in maalmaha soo socda uu socdaal ku gaari doono halkaas madaxweynaha Kenya, Dr. William Arap Samoei Ruto. Guddoomiyaha Ismaamulka Mandheera, Mudane Maxamed Aadan Khaliif, ayaa si kulul u cambaareeyay falkan, wuxuuna ka codsaday saraakiisha ammaanka inay dadaal dheeri ah muujiyaan, si sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo samata bixiyaan madax-xaafadeedka la afduubtay. -
๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐ฅ๐ ๐ช๐๐๐ญ๐๐ฒ ๐๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ฆ๐๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐, ๐๐๐ซ๐๐๐๐ซ๐๐ง๐จ ๐ฆ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐๐ก๐ง๐ ๐ฌ๐ข๐ข๐ฒ๐๐ฒ
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐ฅ๐ ๐ช๐๐๐ญ๐๐ฒ ๐๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ฆ๐๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐, ๐๐๐ซ๐๐๐๐ซ๐๐ง๐จ ๐ฆ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐๐ก๐ง๐ ๐ฌ๐ข๐ข๐ฒ๐๐ฒ https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/02/AQNzvefxWSnvs4kVpGzjHICWRNX3wbkbv1z1xNFYBbcl8dAF2MAt7gf9q2ZzCAuxnwoZswS7GpVCvBQX_0j4EDuu.mp4 Hargeysa,(Qaran news)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa kulan muhiim ah Qasriga Madaxtooyada kula qaatay Agaasimayaasha Guud ee Hayโadaha Dawladda, kuwaasoo uu Madaxweynuhu dhawaan u magacaabay xilal. Kulankan oo uu Madaxweynuhu la qaatay Agaasimayaasha guud oo ay ka qaybgaleen dhammaanba Agaasimayaasha Guud ee magacaabani, ayey ujeeddadiisu ahayd sidii loo dul istaagi lahaa, hoostana looga xarriiqi lahaa hawlaha mudnaanta u leh Xukuumadda ๐๐๐๐-๐๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐๐๐๐๐, maaddaama oo ay Agaasimayaasha Guud Tiir-dhexaad u yihiin fulinta siyaasadda Xukuumadda ee la xidhiidha in bulshada Somaliland adeeg hufan. Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinayey Wasiirrada Madaxtooyada iyo Diinta iyo Awqaafta. Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo kulankaas ka hadlay ayaa sharraxay masuuliyadda iyo waajibaadka saaran Agaasimayaasha Guud iyo doorka lagama maarmaanka ah ee ay ku leeyihiin fulinta hawlaha mudnaanta u leh harumarinka Qaranka JSL, ayaa waxa uu yidhi: โAgaasimaha guud waxa uu ka masuul yahay fulinta siyaasadaha iyo qorshayaasha Xukuumadda ๐๐๐๐๐๐๐ & ๐๐๐-๐๐๐๐๐. Taasi waxa ay muujinaysaa culayska masโuuliyadda idin saaran, waxa ay fure u tahay guusha ama guuldarrada ay xukuumaddu ka gaadhi karto, fulinta ballanqaadyadeeda iyo gaadhista yoolasha u dejisan.โ Madaxweynuhu waxa uu Agaasimayaasha Guud faraqa u sudhay dardaaran muhiim ah, waxana uu faray inay hubin joogta ah ku sameeyaan shaqada Wasaaradahooda iyo Hayโadahooda ka socotaa inay waafaqsan tahay qorshihii, siyaasaddii iyo ballanqaadyadii ay Xukuumadda haatan talada haysaa ay ku gashay xilligii Ololaha Doorashooyinka, waxana uu yidhi: โ Waa in Agaasimuhu uu si xilkasnimo leh oo buuxda u qaato masโuuliyadda shaqo ee saaran. Xilka la idiin igmaday maaha shaqo maalmeedka wasaaradda oo keliya. Balse waxaa ka mid ah inaad hubisaan in waxqabadka iyo adeegga ay Wasaaraddu bixisaa uu waafaqsan yahay siyaasaddii iyo qorshihi Xukuumadda.โ Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu Agaasimayaasha Guud faray inay la jaanqaadaan isbedbeddelka xawaaraha ku socda ee dunida ka socda fahamkoodana kobciyaan, waxana uu yidhi: โSi ay shaqada u fududaato, waa in aynnu la jaan-qaadno dunidan isbeddelkeedu xawaaraha ku socdo, waa in Agaasimuhu noqdaa shakhsi curin leh oo si joogto ah u sii kobciyaa hannaanka casriga ah ee shaqada.โ Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu xusay inuu si dhaw ula socon doono shaqooyinka ka socda Wasaaraha kala duwan ee ay Agaasimayaashu masuulka ka yihiin, shaqadooduna nodon doonto mid xisaabtan leh, waxana uu yidhi: โAniguna Madaxweyne ahaan waxa aan si dhow ula socon doonnaa horusocodka shaqada wasaarad kasta, taas ayaana la idinkula xisaabtami doonaa.โ Dhinaca kale, kulanka uu Madaxweynuhu la qaatay Agaasimayaasha Guud waxa hadallo nuxur leh ka soo jeediyey Guddoomiyaha Hayโadda Shaqaalaha Dawladda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha oo isagu ah Guddoomiyaha Agaasimayaasha Guud ๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ) ๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ Qaran News -

Boosaaso (Caasimada Online) โ Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo duqeyn culus oo Sabtidii lasoo dhaafay Mareykanka ka fuliyay aagga dhulka buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari oo hoostaga Puntland, taas oo lagu beegsaday kooxda Daacish. Xog cusub oo haatan soo baxday ayaa muujineyso in weerarkan dhanka cirka ah uu Mareykanka la bartilmaameedsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen xubno sar-sare oo ka tirsan kooxda, kuwaas oo ku jiraan shaqsiyaad si weyn looga baadi goobayo caalamka. Wararka ayaa sheegaya in duqeynta si gaar ah loogu garaacay godad waa weyn oo ku yaal dhulka hoostiisa, waxaana la rumeysan yahay in uu ku jiro god weyn oo ay gabaad ka dhiganayeen xubno ay kamid yihiin hoggaamiyaha kooxda Daacish ee Soomaaliya Cabdulqaadir Muumin iyo Cabdiraxmaan Faahiye oo labaduba kasoo jeeda Puntland. Illaa iyo hadda lama shaacin magacyada shaqsiyaadka lagu dilay weerarkan oo ay siyaabo kala duwan uga hadleen Mareykanka, dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland. Waxaa kale oo la xaqiijiyay in duqeynta ay ku nafwaayeen in ka badan illaa 40 xubnood oo ka tirsanaa Daacish, sida uu shaaciyay afhayeen u hadlay ciidamada ammaanka Puntland. Weerarkan oo aad loo soo qorsheeyay ayaa waxaa amray madaxweynaha dib loo doortay ee Mareykanka Donald Trump, wuxuuna ujeedka ku sheegay naafeynta kooxaha argagixisada. Kooxda Daacish ayaa joogitaan kooban ku leh gudaha Soomaaliya marka loo eego kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, laakiin khubarada ayaa ka digay dhaq-dhaqaaqooda oo la sheegay inuu sii kordhayo. Si kastaba, waa wareerkii ugu horreeyey ee Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya tan iyo markii uu madaxweyne Donald Trump xilka dib ula wareegay 20-kii Janaayo, 2025.
-
A heavy fire broke out at Gobonimo Market, which has brought back concerns about the vulnerability of important business centers in the city. In a press release from the Somaliland Police, it was confirmed that they sent officers and firefighters to the scene to control the fire and prevent it from spreading to nearby buildings. โThe Somaliland Police Force responded quickly to the fire that broke out at Gobonimo Market, and are actively working to control it with the help of the Fire Brigade,โ the statement said. The mayor of Hargeisa, Abdikarim Mooge, who was visibly shaken, described the fire as very shocking and suggested the public to take part in preventing further damage. โIโm calling on everyone to do whatever they can to help put out the fire and support those who lost their lives.โ Somalilandโs economy is heavily dependent on informal trade. The cause of the fire is still unknown, although preliminary reports suggest that electrical faults or unsafe storage of flammable materials may have been the cause. Authorities have launched an investigation, with local officials calling for stricter safety laws to prevent future tragedies. This fire is a sign of another damage to the business centers in the city of Hargeisa, which have been damaged by fire in recent years. Two years ago, Waaheen Market, considered the heart of the cityโs economy, was gutted by fire, displacing thousands of traders and causing millions of dollars in damage. In September 2023, the Wajale market worsened the economic instability in the region. Such fires have also destroyed major markets across Somaliland in the past two years, such as the Taiwan Market in Jigjiga and important commercial centers in Mogadishu, Djibouti and Kenya, causing economic disruption. and widespread loss. Horn observer Qaran News

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Maxamed Xasan Maxamed ayaa sheegay in Raโiisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Bare, uu amray in la hakiyo qaadista lacagaha loogu talagalay tallaalka musaafiriinta iyo xujeyda ilaa amar dambe. Lacagahaan ayaa lasoo rogay todobaadkaan. Waxaana la doonayay in dadka dalka baxaya laga qaado lacago xilli badankood ay sheegeen in aysan awoodin. โAnagoo fulinaya amar ka soo baxay Raโiisal Wasaaraha, waxaan farayaa in la hakiyo qaadista lacagaha lagu soo rogay tallaalka musaafiriinta iyo xujeyda ilaa amar dambe. Raโiisal Wasaaraha ayaa amray in arrintan dib u eegis lagu sameeyo, waxaana la goโaamiyay in inta dib u eegistu socoto aan la qaadi karin wax khidmad ah oo la xiriira tallaalladan,โ ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Maxamed Xasan Maxamed. Dhamaan xarumaha bixiya tallaalka ayaa la faray inay u hoggaansamaan amarkan, si loo xaqiijiyo fulinta goโaankan illaa inta laga soo saarayo xeer cusub. Dhinaca kale, shacabka ayaa cabasho ka muujiyay khidmadaha sare ee la saaray tallaalladan, taas oo ay ku tilmaameen inay adagtahay in dadka danyarta ah ay awoodaan inay bixiyaan. Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in dib u eegista la sameynayo si loo hubiyo in nidaamka uu noqdo mid ku habboon dhammaan qeybaha bulshada. Lacago u dhaxeeya Soddan dollar ilaa afartan iyo shan dollar ayaa laga qaadiyay shacabka ka dhoofaya garoonka ee banaanka aadaya. Source: goobjoog.com
-
Odayga bidix xiga waa Laahoor Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Siciid (Laahoor) oo ka tirsanaa kooxda Daacish ayaa maanta isu dhiibay ciidamada Puntland, sida ay shaaciyeen masโuuliyiinta degmada Qandala ee gobolka Bari. Laahoor oo ka soo baxsaday mileeshiyaadka Daacish ayaa isu dhiibay ururka Gantaal ee Ciidamada Daraawiishta Puntland oo ku sugayay degaanka Unuun ee degmada Qandala, waxaana loo sii gudbiyay magaalada Qandala. Cabdiraxmaan Shirwac Laahoor oo loo haysto in uu madax u ahaa shabakad argagixiso oo marar kala duwan magaca Al-shabaab iyo Daacish ku fuliyay dilal madax-jebis ah ayay Puntland dil ku xukuntay isaga oo maqane ah bishii Juun ee sannadkii 2022. Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayaa 21 Juun 2022 dil toogasho ah ku xukuntay Laahoor oo maqane ah kaddib markii sida Maxkamaddu sheegtay lagu helay in uu horjooge u ahaa shabakad argagixiso oo dilal madax-jebis ah fulisay. Balse, Laahoor oo maalin kaddib wareysi bixiyay ayaa dafiray in uu ka tirsan yahay kooxaha Argagixisada ah, islamarkaana uu madax u ahaa shabakad qaabilsanayd dilalka madax-jebiska ah. PUNTLAND POST The post Sarkaal ka tirsanaa Daacish oo isu dhiibay Ciidamada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) โ Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa booqday soona kormeeray khasaaraha ka dhashay dabkii xalay qabsaday suuqa ganacsiga ee gobonnimada, qaybtiisa idaacadda. Madaxweynaha oo ay wehlinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, qaar kamid ah taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, maayar ku-xigeenka caasimadda, badhasaabka gobolka Maroodi-jeex iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan, ayaa indhihiisa ku soo arkay dhibaatada uu dabkaasi gaadhsiyey hantidii goobahaas taallay. Mudane Cirro ayaa waxa uu caddeeyey in xukuumadda uu hoggaamiya ay si buuxda u garab taagan tahay dadkii khasaaruhu soo gaadhay. Madaxweynaha ayaa sidoo kale muujiyey sida uu uga xun yahay khasaaraha ku dhacay dadkii halkaas ku ganacsanayey, isaga oo u duceeyey, Eebbena uga baryey inuu ciwad khayr qaba ka siiyo. โWaxa aan murugada iyo xanuunka la qaybsanayaa ganacsatada suuqa Gobonnimo, khasaaraha iyo dhibta soo gaadhayna qaranku wuu la qaybsanayaa, wuuna ka xun yahay, waxana aan Ilaahay uga. Baryayaa inuu wax khayr qaba ugu. Beddelo,โ ayuu yiri. Waxa uu shacabka ugu baaqay inay gacan siiyaan dadka khasaaruhu gaadhay, kana qayb qaataan qaadhaanka dadkaas loo ururin doono, isaga oo xusay talo qaran laga yeesho sidii looga hortegi lahaa dabka soo noqnoqda ee khasaaraha ku haya bulshada iyo dhaqaalaha Somaliland. Ugu dambayntii, madaxweynuhu waxa uu sheegay in dhibka dhacay loo saaray guddi farsamo, kuwaas oo soo dersi doona talana ka keeni doona sidii looga soo kaban lahaa khasaaraha dhacay. Suuqan ayaa ahaa kan labaad ee ugu weyn caasimada Somaliland ee Hargeysa, waxaana ku shuf beelay ganacsiyo aad u badan, iyada oo ay ku cayroobeen dad shalay hantiilayaal ahaa.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne ku soo celiyey dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee Gaashaanle Sare Ibraahim Macallin Cabdullaahi uu ku lahaa Hayโadda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka, si waafaqsan Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah. Madaxweynaha ayaa ku saleeyey Xeerkan Madaxweyne, sharciga dhismaha Hayโadda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee Lr. 003, soona baxay sanadkii 2023-dii, codsi uu soo gudbiyey Gaashaanle Sare Ibraahim Macallin Cabdullaahi iyo muhiimadda ay leedahay in dib loo soo celiyo xuquuqdiisa iyo darajooyinkiisa ciidan si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada dalka. Gaashaanle Sare Ibraahim, laga bilaabo maanta oo la saxiixay xeerkan Madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baabโinayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey. Source: goobjoog.com
-
๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐๐จ๐จ๐ช๐๐๐ฒ ๐ช๐๐ฒ๐๐จ ๐ค๐ ๐ฆ๐ข๐ ๐๐ก ๐๐ฎ๐ฎ๐ช๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ (๐๐จ๐๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ) ๐จ๐จ ๐ฑ๐๐ฅ๐๐ฒ ๐ ๐ฎ๐๐ญ๐๐ฒ
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Hargeysa,(Qaran news)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa booqday soona kormeeray khasaaraha ka dhashay dabkii xalay qabsaday suuqa ganacsiga ee gobonnimada, qaybtiisa idaacadda. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, qaar kamid ah taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, maayar-ku-xigeenka caasimadda, badhasaabka gobolka Maroodi-jeex iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda karirsan, ayaa indhihiisa kusoo arkay dhibaatada uu dabkaasi gaadhsiyey hantidii goobahaas taallay, waxana uu caddeeyey in xukuumadda uu hoggaamiyaa si buuxda u garab taagan tahay dadkii dhibku gaadhay. Ugu horrayn, madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu muujiyey sida uu uga xun yahay khasaaraha ku dhacay dadkii halkaas ku ganacsanayey, isaga oo u duceeyey, Eebbena uga baryey inuu ciwad khayr qaba ka siiyo, waxana uu yidhi, โWaxa aan murugada iyo xanuunka la qaybsanayaa ganacsatada suuqa Gobonnimo, khasaaraha iyo dhibta soo gaadhayna qaranku wuu la qaybsanayaa, wuuna ka xun yahay, waxana aan Ilaahay uga. Baryayaa inuu wax khayr qaba ugu. Beddelo.โ Madaxweynuhu waxa uu shacabka ugu baaqay inay gacan siiyaan dadka khasaaruhu gaadhay, kana qayb qaataan qaadhaanka dadkaas loo ururin doono, isaga oo xusay talo qaran laga yeesho sidii looga hortegi lahaa dabka soo noqnoqda ee khasaaraha ku haya bulshada iyo dhaqaalaha Somaliland. Ugu dambayntii, madaxweynuhu waxa uu sheegay in dhibka dhacay loo saaray guddi farsamo, kuwaas oo soo dersi doona talana ka keeni doona sidii looga soo kaban lahaa khasaaraha dhacay. Qaran News -
Muqdisho (Caasimada Online) โ Raโiisul wasaaraha xukuumadda Fdeeraalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo digreeto soo saaray ayaa maanta xil sare u magacaabay Mudane Ismaaciil Siciid Aw-muuse oo ah wiil dhalinyaro ah oo firfircoon. Ismaaciil Siciid Aw-muuse ayaa waxaa loo magacaabay inuu noqdo mareeye ku-xigeenka Dekadda Xamar, kadib soo-jeedintii Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda. Sidoo kale, magacaabistan ayaa qayb ka ah qorshaha dardargelinta iyo horumarinta kaabayaasha Dekadaha Dalka, si waafaqsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka, sida lagu sheegay wareegtada kasoo baxday xafiiska raโiisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya. Dhinaca kale waxaa magacaabistaan ka dhalatay hadal-heyn xooggan, waxaana ka fal-celiyay qaar kamid ah dadweynaha isticmaala baraha bulshada. Cabdiraxmaan Ibraahim Gacal โEebow dardargalin ma jirtee biilka xaafadda waa juustoโ. Cabdixakiin Maxamed โNin Puntland ka yimid muxuu dekadda Xamar ka qaban waxba kamaba fahansanee?โ. Rijaal Maxamed Nuur โSoo jeedin gole wasiiro waxba laguma magacaabee naga daaya baahasha. Dhamme Shakuur โIlmaha caanahooda miyaa waxaasi xil ma ahane waxaan?โ. Si kastaba, maalmihii u dambeeyay raโiisul wasaaraha ayaa waday macagaabista xilal cusub, waxaana ugu dambeysay Marwo Aamina Axmed Samatar oo noqotay Isu-duwaha Arrimaha Haweenka ee Xafiiska Raโiisul Wasaaraha XJFS (Gender Coordinator OPM).
-
Kismaayo (Caasimada Online) โ Macluumaad dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ka ah ee maamulka Jubbaland, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Howlgalka oo ay fuliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo carbiyay la dagaallanka kooxaha Argagixisada ayaa waxaa lagu beegsaday guri ku yaalla xaafadda New Kismaayo, kaas oo ay ku jireen saddex xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Ciidamada oo ka war helay raggan oo tiradooda lagu sheegay saddex nin ayaa ugu tegay guriga, waxayna goobta ku dileen laba kamid ah, halka ay soo qabteen mid kale, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Jubbaland. Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka saddexda nin ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheysan, waxaana ka war helay ciidanka oo sidaas ugu daatay guriga ay joogeen. โCiidanka sida gaarka ah u tababaran ee loo carbiyay la dagaalanka kooxaha Argagixisada ayaa goor dhow u daatay guri ku yaala xaafadda New Kismaayo, kaasi oo ay ku jireen sadex kamida Argagixisada gaar ahaan kuwa qaabilsan madax jabiska sida aan xogaha ku helnayโ ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale waxaa lasii raaciyay โCiidamada Jubaland gaar ahaan kuwa gaarka ah ee qaabilsan ladagaalanka Argagixisada oo hayay xogta dhagar qabayaasha, ayaa ku guuleystay in sadexdii dhagar qabe labo kamida ay dilaan, halka kii kalana ay nolosha ku qabteen.โ Waxaa sidoo kale isla xalay howlgal kale oo amni xaqiijin ah ciidamada Booliska Jubbaland ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Kismaayo, kaas oo ay hoggaaminayeen saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska. Kismaayo ayaa waxaa mararka qaar weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan ka fuliya dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli ku xooggan gobollada Jubbooyinka.
-
Ciidanka dabdamiska, Booliska iyo shacabka oo is kaashanaya ayaa ku guulaystay in la xakameeyo dabkii ka kacay suuqa Idaacadda ee magaalada Hargeysa caawa . Waxa weli socda dedaallada lagu daminayo meelaha weli sii hulaaqaya balse dabka xooggiisa waa lagu guullaystay in la xakameeyo. ciidanka nabad gelyada iyo masuuliyiinta dawladda hooseba waxa ay dadka ugu baaqeen in ay banneeyaan baabuurta gurmadka sida Cagafyada, gaadiidka dab damiska iyo Booyadaha Biyaha ee hawshan ka qayb qaadanaya. Dabka oo Suuqa Idaacadda ee magaalada Hargeysa ayaa saacado kaddib lagu guuleystay in la damiyo, hase yeeshee geystay khasaare maaliyadeed oo xoog leh sida ay xaqiijiyeen saraakiisha. Source
-
Ilo wareedyo amni oo hordhac ah ayaa sheegaya in duqeymihii habeen ka hor ka dhacay buuraha Cal-miskaad lagu beegsaday god dhulka hoostiisa ah, oo la rumaysan yahay in ay ku dhuumanayeen hoggaamiyaha Daacish, Cabdiqaadir Muumin iyo saraakiil kale oo ka tirsan kooxdaasi. Duqeymaha oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa sida wararku sheegayaan lagu garaacay godad ku yaalla dhulka hoostiisa, oo uu ku jiro god weyn oo la aaminsan yahay in ay gabbaad ka dhiganayeen Cabdiqaadir Muumin iyo Cabdiraxmaan Faahiye oo labaduba ka soo jeeda degaannada Puntland. Inkastoo dowladda Mareykanka aysan weli shaacin magacyada shakhsiyaadka lagu beegsaday duqeymihii dhacay, islamarkaana aysan warbixin rasmi ah ka soo saarin qiimeynta khasaarihii ka dhashay, haddana ilo wareedyo amni ayaa rumaysan in ugu yaraan Faahiye iyo Muumin midkood ku dhintay duqeymaha. Saraakiil sare oo ka tirsan Puntland oo aan arrintani wax ka weydiinay ayaa sidoo kale ka gaabsaday in ay ka hordhacaan warbixinta rasmiga ah ee ka soo bixi doonta ciddii duqeymaha fulisay oo ah dowladda Mareykanka. PUNTLAND POST The post Xogo ka soo baxaya duqeymihii habeen ka hor ka dhacay buuraha Cal-miskaad ee lagu beegsaday Daacish appeared first on Puntland Post.
-
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayaa lagu sheegay โJamhuuriyadda Somaliland waxa ay doonaysaa in ay ka hadasho oo ay caddayso wararkii u dambeeyay ee la xidhiidha duqaymo dhinaca cirka ah oo uu taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ku qaaday Daacish. Si ka duwan sida uu hadalka u dhigay Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka, Peter Hegseth, duqeymahan cirka ah ee la sheegay in aanay wax saamayn ah ku yeelan Buuraha Golis ee ku yaalla dhulka Jamhuuriyadda Somaliland. Taas bedelkeeda, howlgalladan ayaa laga fuliyay buuraha Galgala, oo ku yaalla Puntland, oo ka tirsan gobollada Soomaaliya. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay mar kale ku celinaysaa maqaamkeeda qaran madaxbannaan oo madaxbannaan, leh dawlad si dimuqraadi ah loo soo doortay, hayโado iyo xuduudo si cad loo qeexay. Maamulka Maraykanku waxa uu si buuxda ula socdaa in Somaliland aanay ka mid ahayn Soomaaliya ama dawlad goboleedyadeeda. Wax kasta oo khaldan oo laga sheego madax-banaanida dhuleed ee Somaliland waa mid aan waafaqsanayn aqoonsiga muddada dheer ee aqoonsigeenna siyaasadeed iyo juquraafi ahaaneed. Waxaan fursadan uga faaโideysaneynaa inaan xaqiijino sida ay nooga goโan tahay nabadda iyo amniga gobolka. Somaliland waxay weli tahay saaxiibka adag ee la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada, waxaanan sii wadeynaa iskaashiga aan la leenahay beesha caalamka oo uu ku jiro Mareykanka, si kor loogu qaado xasiloonida Geeska Afrika. Waxaanu qiimaynaynaa iskaashiga xooggan ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maraykanka, iyo sidoo kale xidhiidhka aanu la leenahay xubnaha kale ee beesha caalamka. Waxaan rajeyneynaa inaan sii xoojino xiriirkan si loo hiigsado hadafyada la wadaago, oo ay ku jiraan ka hortagga argagixisada, horumarinta dhaqaalaha, iyo horumarinta qiyamka dimoqraadiyadda. DHAMAAD Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) โ Senator Cabdi Qaybdiid ayaa diiday hannaanka doorashada ee qof iyo cod, kaas oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya soo jeedisay in laga dhaqangeliyo Soomaaliya sannadka 2026-ka. โDowlad Goboleedka Galmudug waxaa ka dhici doonta oo kaliya doorasho qaran oo lagu heshiiyay. Daneeyeyaasha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa si wadajir ah uga arrinsan doona arrinkaa,โ ayuu yiri Senatar Qaybdiid. Wuxuu dhaliilay socdaallada joogtada ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tago dibadda. โMa habboona in muddo gaaban gudaheed dalba dal loo safro. Waxaan ugu baaqayaa labada gole ee Baarlamaanka Federaalka inay feejignaadaan oo ay u kuurgalaan jidka qaldan ee ay Soomaaliya cagta saartay,โ ayuu hadalkiisa ku sii daray. Senatar Qaybdiid, oo horey u soo noqday Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa ah Senatarkii ugu horreeyay ee si cad uga soo horjeesta hannaanka doorashada ee muranka dhaliyay. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay hannaankan ka dhaqangelin doonto qaybo ka mid ah dalka, iyadoo laga reebay Dowlad Goboleedka Puntland, oo ah maamul-goboleedkii ugu horreeyay ee laga hirgeliyey Soomaaliya sannadkii 1998-kii. Hadalka Qeybdiid ayaa imanaya ayada oo dowladda federaalka ay wax walba u sameyneyso sidii ay doorashadan u dhici laheyd, oo ay ku jirto kordhinta muddo xileedka hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada, taasi oo ay ku tilmaamtay tallaabo lagama maarmaan u ah horumarinta dib-u-habeynta doorashooyinka iyo u-gudbidda nidaamka โhal qof, hal codโ. Raโiisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in muddo kordhintan, oo lagu soo afmeeray shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka, ay qeyb ka tahay qorshaha dowladda federaalka ee isku aaddinta jadwalka siyaasadeed ee dalka, si doorashooyinka dhammaan heerarkooda kala duwan hal mar loogu wada qabto. โMuddo kordhintu waa tallaabo lama huraan ah oo looga weecanaayo hannaanka doorasho ee dadban, kaas oo ku saleysan nidaamka beelaha, isla markaana aan ku dhaqmeyney muddo haatan laga joogo toddobo sano,โ ayuu Mudane Jaamac hadalkan u sheegay wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho. Siyaasiyiinta ka soo horjeeda hannaanka dowladda ayaa weliba walaac xooggan ka muujiyay waqtiga loo qabtay, iyagoo ku adkeystay in khilaafaadyada siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada, kuwaas oo aan xal rasmi ah laga gaarin ay sababi karaan dib-u-dhac kale ama xitaa inay hurin karaan colaad hor leh.
-
Muqdisho (Caasimada Online) โ Dawladda Soomaaliya ayaa tallaal qasab ah ku soo rogtay dhammaan dadka safarka ah ee dalka soo gelaya ama ka baxaya, si loo xakameeyo wax ay ugu yeertay faafitaanka cudurrada faafa, oo ay ka mid yihiin xummadda jaallaha ah (yellow fever), dabaysha (poliomyelitis), iyo qaaxada (meningitis). Amarkan oo ay Axaddii si rasmi ah ugu dhawaaqday Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha, ayaa isla markiiba dhaqan galay, waxaana lagu qasbay shacabka in ay qaataan 1-da illaa 10-ka Febraayo, 2025. Hindisahan ayaa waafaqsan Xeerarka Caafimaadka Caalamiga ah (IHR 2005) ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), kuwaas oo dejinaya halbeegyada caalamiga ah ee ka-hortagga cudurrada iyo xakameynta caafimaadka ee xuduudaha. Masโuuliyiinta ayaa carrabka ku adkeeyay in siyaasaddani ay lama huraan u tahay ka-hortagga dillaaca cudurrada iyo ilaalinta caafimaadka dadweynaha, xilli ay sii kordhayaan khataraha caalamiga ah ee cudurrada saf-marka ah. Sida ku cad siyaasaddan cusub, dhammaan dadka safarka ah, iyadoon loo eegin daโdooda ama dhalashadooda, waxaa waajib ku ah inay soo bandhigaan Shahaadada Tallaalka Xummadda Jaallaha ah oo sax ah marka ay soo gelayaan ama ka baxayaan goobaha laga dhoofo ama lagu soo dego ee dalka. Wasaaraddu waxay hoosta ka xariiqday in dadka safarka ah ay tahay in ay qaataan tallaalka ugu yaraan 10 maalmood ka hor safarka si loo xaqiijiyo difaacooda. Waxaa la asaasay xarumo tallaal oo gaar ah, oo ay ku jiraan goobo ku yaal garoommada diyaaradaha ee caalamiga ah, dekedaha badda, iyo isbitaallada dowladda, si loogu adeego dadka safarka ah. Xarumahan ayaa la rumeysan yahay in ay leeyihiin dad ka tirsan dowladda ama xiriir hoose la leh. Cafis caafimaad ayaa la siin doonaa shakhsiyaadka aan awoodin inay qaataan tallaalka sababo caafimaad oo gaar ah dartood, iyadoo shardi ay tahay inay soo bandhigaan warqad cafis caafimaad oo rasmi ah. Dadka safarka ah ee ku guuldareysta inay buuxiyaan shuruudaha tallaalka waxay wajihi doonaan tallaabooyin caafimaad oo dadweyne, oo ay ku jiraan karantiil ama in laga mamnuuco inay dalka soo galaan. Xummadda jaallaha ah, oo ah caabuq fayras oo ay kaneecadu gudbiso, waxay sababi kartaa xanuun daran iyo dhimasho haddii aan la daaweyn. Sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka, tallaalku waa habka ugu waxtarka badan ee lagula dagaallamo cudurka. Masโuuliyiinta caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegay in siyaasadda tallaalka qasabka ah ay qayb ka tahay dadaallada joogtada ah ee looga hortagayo gudbinta cudurka ee xuduudaha iyo ilaalinta dadweynaha. Shuruudda xummadda jaallaha ah ka sokow, dadka safarka ah waa inay soo bandhigaan caddeynta tallaalka ka hortagga dabaysha ee afka laga qaato (oral poliomyelitis) iyo cudurka qoorgooyaha noociisa afar-geesoodka ah ee loo yaqaanno Neisseria meningitis. Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha ayaa ku boorrisay dadka safarka ah inay u hoggaansamaan amarkan, iyadoo iftiimisay doorkiisa muhiimka ah ee lagu xoojinayo safar caalami ah oo badqab leh. โAnnagoo iskaashaneyna, waxaan ka hortagi karnaa faafitaanka xummadda jaallaha ah iyo cudurrada kale ee faafa,โ ayay Wasaaraddu ku sheegtay bayaan ay soo saartay. Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan soo rogtay tallaalo kala duwan, waxaana loo arkaa hanaan mar kasta lacag looga sameeyo shacabka taagta darran. Tallaalka ayaa qasab laga dhigaa in laga qaato dhowr xarun oo kaliya oo xiriir la leh madaxda dowladda kaliya, kuwaas oo lacagaha laga qabto ay qaataan xubnaha dowladda ee wax ka leh ama ka wakiilka ah.
-
Ciidanka ammaanka dowlad goboleedka Jubbaland, gaar ahaan kuwo la dagaalanka argagixisada ayaa howlgal ay ka fuliyeen magaalada Kismaayo ku diley xubno ka tirsanaa kooxda Al-shabaab, kuwaas oo u qaabilsanaa toogashada ama madax jabiska. Howlgalkan oo ay ciidamadu ka fuliyeen xaafadda New Kismaayo ayaa lagu diley laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab, halka mid kalena gacanta lagu dhigey sida ay sheegtay warbaahinta maamulka Jubbaland. Saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay ayaa laga soo xigtay inay ka war heleen in xubnahani ay qorshaynayeen in ay dilal qorshaysan ka fuliyaan gudaha magaalada Kismaayo, balse laga hortagey , ka dib markii weerar kadis ah lagu qaaday. Source: goobjoog.com