-
Content Count
211,291 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in la xaliyey khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo ka hadlayey guusha Soomaaliya ee kursiga golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. Wasiir Fiqi ayaa sheegay in xalinta khilaafkaas uu ku soo aadey xilli munaasab ah oo Soomaaliya ay xubin ka noqotay golaha guud ee lagu gaaro go’aanada caalamiga ah. “Khilaafkaas waa la xaliyey, waxaana lagu xaliyey dulqaadka Soomaaliya, lama xanaaqsanaa karo abid, bud la iskama qada karo, diblomaasiyadana inyow kuma jirto, hadii Itoobiya aanaan la fariisa laheyn guushaan Soomaaliya uma soo hoyateen,” ayuu yiri Wasiir Fiqi. Hadalka Wasiirka ayaa waxweyn ka bedelaya aragtidii dadka Soomaaliyeed ay ka heysteen Itoobiya oo muddooyinkaan aheyd cadowga koowaad ee umadda Soomaaliyeed, waxaana muuqata in wixii ka dambeeyey wadahadaladii Ankara ay is fahmeen labada dal. Waaiiru dowlaha arrimaha dibadda Cali Balcad ayaa isna sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay dib u eegto go’aankii ay ciidamada loo ogolaaday howlgalka cuaub ay uga reebtay ciidamada Itoobiya, maadaama wixii ka dambeeyey kulamadii Ankara ay heshiiyeen labada dal. Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay guusha Soomaaliya ee kursiga Qaramada Midoobey ayaa soo bandhigay balan-qaadyada shaqada ay adduunka ka qaban doonto Soomaaliya, inta ay heysato muddo xileedka kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. “Codka Soomaaliya wuxuu noqon doonaa mid u taagan nabadda, horumarka iyo soo dhicinta xaqa kuwa adduunka lagu dulmiyey, ra’yiga saxda ah lama gamba doono, qadiyadaha caalamiga ah ayaan ra’yi cad ka qaadan doonaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Hoos ka daawo Fiqi
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka Soomaaliyeed u jeediyey farriin hambalyo ah oo ku aaddan ka mid noqoshada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo ay dalkeena ugu dambeysay 54 sano ka hor. Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay dadaalka loo soo maray xaqiijinta guushan taariikhiga ah, isagoo sheegay in Soomaaliya ay ka horeyso wadamo badan oo dhibaatada na gaartay aan weligood arkin. Madaxweynaha ayaa soo bandhigay balan-qaadyada shaqada ay adduunka ka qaban doonto Soomaaliya, inta ay heysato muddo xileedka kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. “Codka Soomaaliya wuxuu noqon doonaa mid u taagan nabadda, horumarka iyo soo dhicinta xaqa kuwa adduunka lagu dulmiyey, ra’yiga saxda ah lama gamba doono, qadiyadaha caalamiga ah ayaan ra’yi cad ka qaadan doonaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay qaaday masuuliyad weyn oo caalami ah, isagoo balan qaaday in si sharfi ku jirto ay u gudan doonto, iyadoo aan marnaba taageeri doonin wax dulmi ah. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa shaaciyey in Dowladda Soomaaliya ay bixisay wixii qaaraan ahaa ee ku uruuray Soomaaliya ee Qaramada Midoobey looga lahaa. “Dadka Soomaaliyeed oo isku tashtay ayaa bixiyey dhaqaalahaas, suurtagal waa noqon weysay in kulamada golaha Ammaanka aan soo fariisano, iyadoo qaaraan nagula leeyahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Hoos ka daawo
-
WAR-SAXAAFADEED. Fadhigii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Arrimihii lagaga Wadda Hadlay Galabta. Hargeysa-02-01-2025-(Qaran news)-Fadhigii 004aad ee shirka golaha wasiirrada ee xukuumadda wada-jir iyo wax-qabad ee uu gadh-wadeenka ka yahay madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo wehelinaayo madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa lagaga hadley arrimo mihiim u ah danaha Qaranka Somaliland. Madaxweynuhu waxuu golaha wasiirrada ka dhegaystay war bixino kala duwan oo mihiim u ah danaha Qaranka Somaliland, kuwaas oo lahaa xag amni, xag dhaqaale, xag arrimo bulsho iyo dhoofka xoolaha nool oo ah laf dhabarta dhaqaalaheena. Ugu horeyn Wasiirka amniga gudaha ayaa golaha war bixin ka siiyey xaalada guud ee dalka waxaana uu sheegay in amniga dalku sugan yahay. Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha ayaa isaguna golaha uga xog waramay xaalada guud ee dhaqaalaha dalka iyo sidii loo dardar-galin lahaa cashuuraha iyo dhakhli ururinta. Wasiirku sheegay inay xukuumad ahaan loo baahan yahay inay isku tashano, guntigana giijino. Dhanka kale wasiirka Maaliyaddu wuxuu sheegay in la samaynaayo guddi isku dhaf ah oo ka kooban wasaaradiisa iyo baanka Jamhuuriyadda Somaliland, si ay uga soo talo bixiyaan xaalad guud ee dhaqaalaha dalku halka uu maraayo iyo sidii loo xakameyn lahaa sicir-bararka iyo sarif bararka. Geestiisa isaguna waxaa golaha war-bixin siiyey wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reermiiga , waxaana uu ka xog waramay dhaq-dhaqaaqyada dhoofka xoolaha iyo caqabadaha hor taagan ee u baahan in wax laga qabto, isaga oo hoosta ka xariiqay in xooluhu yihiin laf dhabarta dhaqaalaha dalka. Wasiirku wuxuu sidoo kale golaha la wadaagay in sanadkii ina dhaafay tirada xoolaha dalka ka dhoofay ay yihiin 3,718,966 neef oo isku jira Adhi, Lo iyo Geel. Wasiirka Caafimaadka ayaa dhinaciisa golaha war-bixin ka siiyey xaalada guud ee caafimaadka dalka, waxaana uu sheegay inay wasaaradiisu iyada oo ka duuleysa wajibaadkeeda Qaran ay ku hawlan tahay bixinta adeegyada caafimaadka iyo ka jawaabista xaaladaha deg-deg ah, haddii ay noqoto xag daawo, xag gaadiid iyo xag shaqaale-ba. Waxaa isaguna golaha war-bixin kooban golaha siiyey Wasiirka wasaarada Madaxtooyada oo golaha uga xog waramay qorshaha 100 maalmood ee xukuumada Wada-jir iyo wax-qabad u qorshaysan, iyada oo la iswaafajinaayo qorshaha horumarinta iyo lixda tiir ee Barnaamij siyaasadeedka xisbiga, waxaana uu sheegay in xukuumadda ay bulshadu uga fadhido wax qabad muuqda oo sameyn ku leh nolosha bulshadeena. Ugu danbeyntii madaxweynaha Qaranka Somaliland ayaa golaha wasiirrada faray si la isku waafajiyo balanqaadyadii xukuumada iyo barnaamij siyaasadeedka xisbiga in wasiir kastaana muddo 15 cisho ah ku soo diyaariyo war-bixin guud oo la xidhiidha wasaaradiisa wixii mashaariic socda, u qorshaysan, cida maalgalisa iyo faa’iidada mashaariicdaasi u leeyihiin baahiyaha bulshadeena. ALLAA MAHA DLEH Xuseen Aadan Cige (Deyr) Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/01/AQOMPpmvQKC0yp66QRdXX1U1kiKpR7m6o-dd8xsfG9ARG_ckqXkOrdPspw7VICnAJIGujXEc9DF2pPRC9kOMnAAw.mp4 Qaran News
-
New Orleans (Caasimada Online) – Laanta Danbi-baarista Mareykanka ee loo soo gaabiyo FBI ayaa Arbacadi sheegtay, in weerarki habeenki sannadka cusub uu muwaadin Mareykan ah ku dilay ilaa 15 qof uu yahay weerar argagixiso. Nin hubeesnaa ayaa baabuur laba shirreey ah jiir siiyay dad u dabaal-dagayay curashada sannadka cusub ee 2025-ka, saacadihi danbe ee Arbacadi shalay. Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in ilaa 35 qof oo kale lagu dhaawacay weerarka. Ninka oo ay toogasho ku dileen ciidamada ammaaka ayay FBI-du ku sheegtay in uu ahaa, Shamsud-Din Jabbar oo ahaa 42 jir kasoo jeeday gobolka Texas. FBI-da waxay sheegtay in ay rumeysan yihiin in ninkani uusan galigiis falka geysan, kaddib marki baabuurka uu dadka ku laayay laga helay calanka kooxda Daacish. Ninka falka looga shakisan yahay ayaa horay uga soo mid noqday millatariga Mareykanka, balse marki danbe ka baxay sida ay saraakiishu sheegeen. Booliska magaalada New Orleans ayaa sheegay, in marki uu weerarka dhacayay ay amniga goobta sugayeen in ka badan 300 oo ka mid ah ciidamada booliska magaalada. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay, in dhacdadaasi uu ka warqabo, isla markaana uu tacsi u diray qoysaska dhibbanayaasha.
-
Riyad (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in dil toogasho ah lagu fuliyay lix qof oo Iiraaniyiin ah oo lagu eedeeyay ka ganacsiga maandooriyaha, kadib sanad ay boqortooyada fulisay tiradii ugu badneyd ee dilal ah, sida ay muujineyso xog ururinta wakaaladda wararka AFP. Bayaan ay baahisay Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee rasmiga ah ayey wasaaradda ku sheegtay in lixda qof lagu toogtay magaalada Damaam ee Xeebta Gacanka, iyadoo lagu eedeeyay “in ay si qarsoodi ah u soo galiyeen xashiish” boqortooyada, balse lama cayimin goorta. Wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa sheegtay in ay u yeertay safiirka Sacuudiga si loogu gudbiyo “cabasho xooggan oo ka dhan ah ku xadgudubka aan la aqbali karin ee sharciyada iyo xeerarka caalamiga ah.” Tirakoobka AFP ayaa muujiyay in Sacuudi Carabiya ay fulisay ugu yaraan 338 dil 2024-kii, taasi oo aad uga badan 170-kii dil ee la diiwaan galiyay 2023, waana tiradii ugu badnayd muddo tobanaan sano ah. Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International, oo diiwaan-gelinaysay xukunnada dilka ah ee ka dhacay boqortooyada tan iyo sagaashamaadkii, ayaa sheegtay in heerarkii hore ee ugu sarreeyay ay ahaayeen 196 dil 2022, iyo 192 dil 1995-kii. Dadka daroogada ka ganacsada ee la xukumay ayaa ah ugu yaraan 117 ka mid ah kuwa la toogtay sanadkii hore. Waxaa jiray mowjado dil ah oo lagu fuliyay dad daroogada ka ganacsanayay tan iyo markii boqortooyadu soo afjartay hakinta isticmaalka ciqaabta dilka ah ee dambiyada daroogada laba sano ka hor. Mas’uuliyiinta ayaa 2023 billaabay olole si heer sare ah loo xayeysiiyey oo ah la-dagaalanka maandooriyaha kaas oo ay ku jireen dadka oo guryaha loogu galo iyo xarigyo joogto ah. Sacuudi Carabiya ayaa suuq weyn u noqotay nooc daroogo oo aad loo qabatimo oo lagu sameynayey gudaha Suuriya intii uu socday dagaalka sokeeye ee ugu dambeyn ee xukunka looga tuuray madaxweyne Bashar al-Assad bishii hore. Bishii Sebtembar, in ka badan 30 ururada xuquuqda aadanaha ee Carabta iyo kuwa caalamiga ah ayaa dhalleeceeyay “kor u kaca” dilalka dadka lagu xukumo eedeymaha daroogada. Ajaanibta ayaa ka kooban 129 ka mid ah 338 qof ee lagu fuliyay dilka 2024, waana rikoor cusub. Waxay isugu jireen 25 Yemeniyiin ah, 24 Pakistaniyiin ah, 17 Masaari ah, 16 Suuriyaan ah, 14 Nigeria u dhashay, 13 Urdun ah iyo 7 Itoobiyaan ah. VOA
-
Press Release The outlook of Islamic Finance in 2025 Appears Promising Islamic Finance Market Expected to Reach $5 Trillion in 2025: Muhammad Zubair (1st January, 2024 Dubai – UAE): AlHuda Centre of Islamic Banking and Economics (CIBE) has projected a promising outlook for the Islamic finance industry in 2025, with assets anticipated to surpass the $5 trillion milestone. This forecast underscores the resilience and growing significance of the Islamic finance ecosystem amidst evolving global financial landscapes. Despite a period of slower progress in Islamic microfinance over the last two to three years, 2025 is expected to mark a turning point. Market factors such as rising demand for financial inclusion, sustainable financing, and innovation in Islamic financial products have created a favorable environment for accelerated growth in this segment. The Islamic finance industry, today valued around $4 trillion, across over 80 countries, with a significant portion concentrated in a handful of markets. Analysis of various sources reveals that nearly 95% of the world’s Shariah-compliant assets are held by just 10 countries. Leading the market are Saudi Arabia and Iran, each commanding a 25% to 30% share, followed by Malaysia (12%), the UAE (10%), Kuwait and Qatar (5.5%), ‘Türkiye and Bahrain (3.5%), and Indonesia and Pakistan (2%). Islamic banking assets stand at $2.37 trillion, representing 70.21% of the overall Islamic financial services industry, with the GCC region leading the way. From 2018 to 2023, the sector recorded a Compound Annual Growth Rate (CAGR) of 10.72%, driven by financing and deposits. Beyond banking, the global Takaful market is also thriving, with expectations of growth from $33.14 billion in 2024 to $51.75 billion by 2028, reflecting a CAGR of 12.2%. Similarly, the Sukuk market has gained remarkable momentum, with global issuance projected to reach $170 billion in 2024 and total outstanding Sukuk surpassing $875 billion. ESG Sukuk, in particular, continues to attract significant interest, aligning with the growing demand for sustainable financial instruments. A major driver of growth in 2025 is the rapid advancement of Islamic FinTech. Market size is projected to grow from $138 billion in 2022/23 to $306 billion by 2027, at an impressive CAGR of 17.3%. The emergence of Islamic environment FinTech, which aligns digital innovation with sustainability and Shariah principles, is expected to play a transformative role, further broadening the reach and impact of Islamic finance. Muhammad Zubair, CEO of AlHuda CIBE, emphasized the bright future of the industry, stating, “Islamic finance has entered a transformative phase, driven by innovation, inclusivity, and sustainability. The $5 trillion milestone in 2025 reflects the sector’s critical role in fostering global economic resilience and financial inclusion. Key contributors include the strong growth of Islamic banking in the GCC, the expansion of the Sukuk market, and the rise of Islamic FinTech, which is shaping the digital and ethical future of finance. At AlHuda CIBE, we are committed to advancing the industry through research, product development, trainings, and partnerships, ensuring that Islamic finance continues to support equitable and sustainable development worldwide.” AlHuda CIBE has been a leader in promoting Islamic finance globally, providing consultancy, Shariah advisory, and capacity-building services in over the globe. Through its initiatives, the organization has empowered financial institutions to adopt Shariah-compliant frameworks, development innovation and expanding access to ethical financial services. Over the past two decades, the organization has played a pivotal role in promoting Islamic banking, Takaful, Sukuk, and FinTech across emerging and developed markets. By organizing global forums, providing training programs, and offering strategic insights, AlHuda CIBE continues to drive innovation and excellence in the Islamic finance industry As the Islamic finance industry looks to 2025, AlHuda CIBE reaffirms its commitment to addressing emerging challenges and harnessing opportunities to achieve sustainable growth, particularly in Islamic microfinance and FinTech, which are poised for remarkable progress in the coming years. About Alhuda CIBE: AlHuda Center of Islamic Banking and Economics (CIBE) is a well-recognized name in Islamic banking and finance industry for research and provides state-of-the-art Advisory Consultancy and Education through various well-recognized modes viz. Islamic Financial Product Development, Shariah Advisory, Training Workshops, and Islamic Microfinance and Takaful Consultancies etc. side by side through our distinguished, generally acceptable and known Publications in Islamic Banking and Finance. We are dedicated to serving the community as a unique institution, advisory and capacity building for the last twelve years. The prime goal has always been to remain stick to the commitments providing Services not only in UAE/Pakistan but all over the world. We have so far served in more than 35 Countries for the development of Islamic Banking and Finance industry. For further Details about AlHuda CIBE, please visit: www.alhudacibe.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa guddoomiyay kulan loogu hadlaayay dar-dargelinta howlaha shaqo ee ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray sidii ay ciidamada ilaalinta deegaanka ay ugu qeyb qaadan lahaayeen qorshaha bilicda magaalada Muqdisho, oo ah qorshe muhiim u ah caasimadda. Taliyaha ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar Jeneraal Maxamed Carabow Cali ayaa ka warbixiyay shaqooyinka ciidanka Ilaalinta deegaanka, isbadalka dhinaca tayada ee lagu sameeyay iyo caqabadaha jira. Sidoo kale wuxuu taliyuhu xusay xusay in ay diyaar u yihiin gudashada waajibaadka loo igmaday. Guddoomiye Amiir ayaa intii uu socday kulanka xaqiijiyay ka go’naashiyahiisa ku aadan tayeynta iyo dhismaha ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar. Waxa uuna faray saraakiisha ciidanka in ay dardargaliyaan ilaalinta nadaafada iyo bilicda caasimadda, kor u qaadista dakhliga iyo in loo turo oo si dabacsan loola dhaqmo bulshada gobolka Banaadir. Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir oo dhawaan la wareegay xilka ayaa dardar-gelinaya howlaha shaqo ee loo igmaday, xilli dadka reer Muqdisho ay muujinayaan inay weli maqan tahay kaalintii gobolka.
-
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dawlada Taiwan u joogga Jamhuuriyadda Somaliland, kulanka ayaa ahaa mid is barasho iyo sidii loo sii joogtayn lahaa xidhiidhka labada wadan iyo sidii loo sii horumarin lahaa mashaariicda horumarineed ee dawladda Taiwan ay ka wado Somaliland. Kulanka waxa wasiirka ku weheliyey, Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland ujoogga wadanka Taiwan, Ambassador Maxamed Xaaji iyo diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Taiwan ay ku leedahay Somaliland. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyey magacaabista guddoomiyaha hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed, kaas noqon doona Axmed Xuseen Cilmi. Magacaabista guddoomiyaha hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha ayaa ku timid soo jeedinta wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, taas oo ugu dambeyn lagu meel-mariyay kulankii maanta ee golaha wasiirada Soomaaliya. Sidoo kale, golaha wasiirrada ayaa ansixiyay soo jeedinta wasaaradda maaliyadda ee ah in Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim ay xubin ka noqoto Guddiga Sare ee Bangiga dhexe ee Soomaaliya. Shirka golaha oo uu guddoominayey ra’iisul wasaaraha dalka Xamza Cabdi Barre ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo kamid yihiin; 1. Qiimeynta wax-qabadka wasaaradaha dowladda. 2. Sharciga nidaamka xukuumadda. 3. Abaabulka iyo wacyigelinta bulshada ee ku aaddan doorashooyinka qof iyo codka ah ee la doonayo in dalkeenna laga hirgaliyo. Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysa hirgelinta nidaamka doorasho qof iyo cod, taas oo si weyn ugu dhagan yahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Nidaamkan doorasho ayaa wajahaya mucaaradad xooggan, waxaana ka horyimid madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo iyagu u arka qorshe muddo kororsi oo xukunka ku dheereysanayo madaxweynaha.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa jawaab culus oo deg-deg ah ka bixiyay weerar maalin kahor kooxda Daacish kusoo qaaday, kaas oo ka dhacay deegaanka Dharjaale oo uu ka socdo abaabulKA howlgal ka dhan ah argagixisada. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maanta ciidamada Puntland ay duqeeyeen goobo ay ku dhuumaaleysanayeen xubnaha Daacish oo ku yaalla Togga Gaalakeen iyo deegaanka Hoobato ee buuraleeyda gobolka Bari. Saraakiil ka tirsan ciidanka difaaca Puntland ayaa sheegay in duqaynta lagu dilay malayshiyaadkii ku dhuumaalaysanayey goobahaasi, ayna sii wadi doonaan howgalladaan inta kooxahaan laga sifayn doono buuraleeyda Cal-madaw iyo Cal-miskaad. Duqeyntan ayaa jawaab u ahayd, weerarkii ay soo qaaday Daacish oo lagu dilay askar ka tirsanaa ciidanka Puntland, kadib dagaal toos ah iyo qaraxyo la beegsatay xeradooda. Kooxda oo bayaan soo saartay ayaa ku sheegtay in weerarka ay fuliyeen illaa 12 nin oo hubeysan iyo labo baabuur oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay, iyagoo intaa ku dartay inay dileen ku dhawaad 22 askari oo ka tirsan ciidamada Puntland, tiro kalena ay ku dhaawaceen. Xaaladda gobolka Bari ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana dhulka buuraleyda ah laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo. Puntland ayaa dooneyso inay dhulkaasi ka sifeyso kooxda, waxayna ku dhowaaqday howlgal xoreyn ah oo ay ugu magac dartay ‘Hilaac’ kaas oo ay lagu doonayo inay ciidamada buuraha uga saareen maleeshiyaadka kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.
-
Colonel Hassan Mohamed: “I urge the people of Puntland to be very vigilant, especially in public places such as hotels and business areas, which could be potential targets for terrorists.” Garowe (PP News Desk) — The Puntland Force today issued a statement on security measures and urged the public to be extra vigilant against potential terrorist attacks in major cities. Colonel Hassan Abdullahi Mohamed, spokesperson for the Puntland Police Force, conveyed the enhanced security measures to the media. He stressed that, in addition to security forces, private security firms and businesses such as hotels and shopping centres “are required to increase vigilance”. Security forces will focus on monitoring vehicle movements in districts and major cities. “I also urge the people of Puntland to be very vigilant, especially in public places such as hotels and business areas, which could be potential targets for terrorists,” he added. Puntland State Defence Forces have launched a counterterrorism operation targeting ISIS hideouts in the Bari region. © Puntland Post, 2024 The post Puntland Police Call for Increased Security Measures at Public Venues appeared first on Puntland Post.
-
VID-20250102-WA0006(1) Qaran News
-
Mogadishu (HOL) — As violence and displacement surge in Erigavo, the East Sanaag Clan clan gathered in El Buh to issue a rallying call for unity and self-defense. Under the leadership of Sultan Said Sultan Abdulsalan, clan leaders resolved to safeguard their people and lands, marking a decisive response to the region's deepening crisis. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray wafdi culus oo ay soo dirtay dowladda Itoobiya, kuwaas oo wada-hadallo xasaasi ah la yeelan doono madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya. Wafdiga ka socda Itoobiya oo lagu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa hoggaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Mesganu Arga iyo Wasiirka Gaashaandhigga Aisha Mohammed Musse, kuwaas oo wada-hadal ka bilaabaya Muqdisho. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Itoobiya ay dowladda federaalka kala hadleyso arrimo ku aadan joogitaanka ciidamada Itoobiya ee kamid noqonaya howlgalka cusub ee AUSSOM iyo dhammeystirka heshiiska ay dhowaan labada dal ku gaareen magaalada Ankara. Itoobiya ayaa raadinayso marin badeed ay si sharci ah ku hesho, waxayna haatan kala macaamileysa dowladda Soomaaliya oo horey u diiday heshiiskii ay la gashay Somaliland. Horay dowladda Soomaaliya ayaa u sheegtay in ciidanka Itoobiya ay ka baxayaan dalka waxaana loo qabtay 31-kii bishii dhammaatay, balse weli ma bixin, waxaana qorshaha Itoobiya uu yahay inay sii joogto, qaybka kasii ahaato howlgalka ka socda dalka. Dowladda Itoobiya ayaa isku dayeysa inay ku qanciso madaxda Soomaaliyeed inay ciidankeeda kasii mid ahaadaan howlgalka Midowga Afrika, waxaana horay labada dal ay heshiis uga gaareen murankii ka dhashay badda, kadib wada-hadallo ka dhacay gudaha magaalada Anakara. Waxaa kale oo jirta in Masar ay qayb ka tahay howlgalka cusub, iyada oo maalmaha soo socdo soo diri doonto ciidamadeeda, waana dal ay is hayaan Itoobiya. Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan Soomaaliya ay wafdi culus u dirtay Addis Ababa, kaas oo wada-hadallo la yeeshay madaxda sare ee dalkaasi.
-
Dowladda Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqday in ay ku jirto dagaal heer Caalami ah, oo ay hoggaaminayaan Argagixisada dunida ugu halista badan ee Daacish. Qoraal ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirada Puntland ayaa lagu sheegay in dowladdu ay ku jirto dagaal ay ku ciribtirayso argagixiso heer Caalami ah oo isaga yimid dunida daafaheeda, islamarkaana ay hoggaaminayaan ajaaniib halis ah. “Dowladda Puntland waxay kujirtaa dagaal ay ku ciribtirayso argagixiso heer Caalami ah, waad ogtihiin in xalay , Maraykanka sida laamahooda Amnigu sheegeen, in nin ka tirsan ISIS/Daacish weerar gaari ku dilay 15qof, sidaasi darteed waa dhacdo la mid ah hawlgalka dharjaale oo aynu argagixisada ISIS/Daacish ku jebinnay,” ayaa lagu yiri qoraalka. Dowladda Puntland ayaa sidoo kale ku bogaadisay Ciidamada difaaca ee ku sugan Gobolka Bari siday ugu jebiyeen argagixisadii ISIS/Daacish degaanka dharjaalle, iyadoo uusan Argagixisada qofna ka laaban oo la laayey, dhammaantoodna ay Ajaanib ahaayeen. “Golaha Wasiirrada ayaa ku boggaadiyey Ciidanka Difaaca Puntland siday ugu jebiyeen argagixisadii ISIS/Daacish deegaanka dharjaalle, iyadoo uusan Argagixisada qofna ka laaban oo la laayey, dhammaantoodna ay Ajaanib ahaayeen” ayuu sii raaciyay qoraalka. Xukuumaddu waxay ku baaqday in la iska kaashado oo loo midoobo ciribtirka kooxaha Argagixisada Caalamiga ah ee ku soo duulay dhulka Puntland, oo ay hoggaaminayaan danbiilayaal caalami ah oo dunidu raadinayso, kuwaasi oo dhammaantood ajaaniib ah. PUNTLAND POST The post Puntland oo ku dhawaaqday in ay ku jirto dagaal ka dhan ah Argagixiso heer Caalami ah appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) — The future of U.S. military operations in Somalia hangs in the balance as the Trump administration reconsiders its strategic footprint in the country. With insurgent violence persisting and Somalia's stability at stake, this decision could reverberate across Africa and beyond. Source: Hiiraan Online
-
Somalia reclaims seat on UN Security Council after 54 years
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) — Somalia has officially reclaimed its seat on the United Nations Security Council, marking the first time in over half a century that the East African nation will serve as a non-permanent member. The two-year term, which began on January 1, 2025, is a historic milestone in Somalia's ongoing efforts to reestablish itself as a significant player on the global stage. Source: Hiiraan Online -
Dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta hadda ayuu bilowday,” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, wareysi uu siiyay telefishin gudaha ah. Haddaba, hadallada Netanyahu miyay ka dhigan yihiin in cutub cusub oo dagaalka labada dhinac ah uu furmayo? Sida ay ku warrameen warbaahinta Israel, Israel waxay qorsheynaysaa inay qaaddo weerar “ka sii daran” kuweedii hore oo ay ballaadhiso laguna beegsanayo “bartilmaameedyo.” Xuutiyiinta ah. Todobaadyadii la soo dhaafay, Xuutiyiintu waxay ku tuurayeen gantaalada riddada dheer habeenno badan, taas oo malaayiin Israa’iiliyiin ah ku qasabtay inay galaan gabaadyo gaar ah. Falanqeeye siyaasadeed oo Yamani ah, Cabdul Kariim al-Cansi, ayaa sheegay in wargeysyada Israa’iiliyiinta iyo kuwa caalamkuba ay Xuutiyiinta ku tilmaameen “dad cagacad oo soo helay teknoolojiyad casri ah iyo hubab kala duwan.” Isagoo la hadlayay BBC-da, Al-Cansi wuxuu sheegay in qaab-dhismeedka militariga iyo amniga ee Xuutiyiinta uu noqday mid aad u nidaamsan, oo ay Xuutiyiintu horumariyeen nidaamyada gantaalaha si ay uga hortagaan hub casri ah sida nidaamka gantaalaha THAAD iyo kuwa kale. Al-Cansi wuxuu intaas ku daray in “sirdoonka Yaman uu gaadhay guulo iyo horumar dhaafsiisan kan sirdoonka Israel,” isagoo xusay in Israel ay bartilmaameedsato meelaha aan muhiimka ahayn, taasoo keentay “jeesjees iyo majaajilo ka timaadda shacabka Yaman,” sida uu sheegay. Falanqeeye siyaasadeed oo Israa’iili ah, Eli Nissan, ayaa u sheegay BBC-da in inkasta oo dhawaan la sheegay in Xuutiyiintu ay noqdeen kuwo iskood u horumariya hubkooda, taageeradooda ugu weyn ay weli ku tasshadaan waa Iran. Sidaas darteed, Nissan wuxuu tilmaamayaa doodda ka jirta gudaha Israel ee ah in si toos ah loo weeraro Xuutiyiinta ama la beegsado Iran oo uu ku tilmaamay, “madaxii bahal lugu badane oo kale ah.” Nissan wuxuu intaas ku daray in waxa maanta hadhay ay tahay “kaliya furinta Yaman,” taas oo salka ku haysa in Israel, iyadoo ay ka go’an tahay dhammaan awoodaha siyaasadeed iyo millatari, ay ku mashquuli doonto wax ka qabashada Xuutiyiinta inta lagu jiro xilliyadan, sida uu sheegay Nissan. Dhawaanahan, waxaan aragnay hawlgallo millatari oo lala beegsaday hogaamiyeyaal muhiim ah oo ka tirsan Lubnaan iyo Suuriya, iyo sidoo kale dilalka hoggaamiyaasha Xamaas ee Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed. Israel ayaa qiratay qaar ka mid ah hawlgalladan, halka ay ka aamustay ama beenisay kuwa kale. ‘Dad cagacad oo hub casri ah sita’ Falanqeeye Eli Nissan ayaa sheegay in Israel ay haysato xog iyo awood milatari oo ku filan si ay ula tacaasho hoggaamiyeyaasha Xuutiyiinta, isagoo xusay in “xisaab cusub ay ka dhaxeyso Israel iyo hoggaamiyeyaasha Xuutiyiinta.” Nissan wuxuu tilmaamay in Xuutiyiintu ay aaminsan yihiin in masaafada 2,000-km ee u dhaxeysa Israel iyo Sanca ay tahay caqabad dheeri ah marka loo eego xog-uruurinta iyo ogaanshaha hoggaamiyeyaashooda. Si kastaba ha ahaatee, Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, iyo Wasiirkiisa Difaaca, Israel Katz, ayaa hanjabaad u jeediyay hoggaamiyeyaasha Xuutiyiinta, iyagoo sheegay in Israel aysan kaliya diyaarado u diri doonin si ay u bartilmaameedsato xarumaha madaniga ah iyo kuwa amniga ee Xuutiyiinta, balse ay sidoo kale raadin doonto xogta meelaha ay ku sugan yihiin hoggaamiyeyaashooda si loogu bartilmaameedsado si toos ah. Falanqeeye siyaasadeed Cabdul Kariim Al-Cansi ayaa ka soo horjeeda aragtidan, waxa uuna aaminsan yahay in qalabyada Netanyahu u adeegsaday Lubnaan ama Dimishiq, sida “basaasnimo,” aysan ku habboonayn Xuutiyiinta, iyadoo la tixgelinayo qaab-dhismeedkooda aadka u adag ee dhanka amniga, millatariga, qabiilka, iyo ururka. Intaas waxaa dheer, Al-Cansi wuxuu tilmaamayaa in dhinaca juqraafiyeed uu door muhiim ah ka ciyaarayo khilaafka Israel, wuxuuna wariye Wahib Al-Nasari ku raacsan yahay, isaga oo sheegay in xaaladda Yemen ay gebi ahaanba ka duwan tahay tan Lubnaan, sababtoo ah Hezbollah-da Lubnaan waxay ku sugan yihiin aagagga xuduudaha la leh Israel. Falanqeeye siyaasadeed Amer Al-Sabaila ayaa sidoo kale tilmaamay in “macluumaadka xog la’aaneed” oo uu la xidhiidhiyey bartilmaameyda muhiimka u ah israel aan weli la arkin wax hawlgallo ah oo saamayn leh oo dhaca, kuwaas oo bartilmaameedsada Xuutiyiinta.” Tani waa waxa Al-Nasari ku tilmaamay, iyadoo inta badan weerarrada ay Israel fulisay aysan lahayn saameyn milatari, balse ay bartilmaameedsadaan xarumo muhiim ah sida dekadda Hodeidah, oo mas’uul ka ah maraakiibta raashinka ee u gudbaya shacabka Yemen, gaar ahaan aagagga ay Xuutiyiintu haystaan. Bbcsomali Qaran News
-
Bayaan ka soo baxay Shirkii dhawaanahan degaanka Ceelbuh uga socday Beesha East Sanaag Clan ayaa lagu shaaciyay in uu buray heshiis beeleedkii lagu wada degganaa magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag. Bayaanka Shirka East Sanaag Clan oo ka kooban 7 qodob ayaa lagu caddeeyay in uu gebi ahaanba buray heshiis beeleedkii(Afarta qabiil) ee lagu wada degganaa magaalada Ceerigaabo, kaddib markii ay burisay Beesha Isaaq, sida bayaanka ku xusan. Beesha East Sanaag Clan ayaa sidoo kale go’aamisay in su buuxda loo difaaco degmada Ceerigaabo, oo ay Somaliland xoog ku qabsatay, islamarkaana ay ka bara-kicisay dhammaan dadkii ku abtirsanayay beelaha Harti sidoo kalena la wareegtay dhulkoodii iyo hantidoodii. Beeshu waxay caddaysay in dhammaan waxyeellooyinka naf iyo maalba leh ee ka dhacay magaalada Ceerigaabo ay mas’uuliyadeeda qaadayaan Somaliland iyo Beesha Isaaq ee Maamulkaasi leh, maadaama ay duullaan beelaysan ku soo qaadeen magaalada. Shirka waxaa sidoo kale lagu magacaabay guddi qaabilsan difaaca iyo dagaalka oo ka kooban 35 xubnood, waxaana lagu ballamay in Shir weyne kale oo aaya-ka-tashi ah la isugu yimaado 15 bisha Feb 2025. Halkan ka akhriso bayaanka Beesha East Sanaag Clan PUNTLAND POST The post Beesha East Sanaag Clan oo ku dhawaaqday in Somaliland burisay Heshiiskii Nabadda Ceerigaabo appeared first on Puntland Post.