Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The National Government Constituencies Development Fund (NG-CDF) in Mandera East has launched a Sh50 million bursary fund to support the most needy students in the constituency. Source: Hiiraan Online
  2. Five government officials were kidnapped by gunmen from the Al-Shabaab terror group on Monday morning in Kenya's Mandera County, near the porous border with Somalia, police confirmed. Source: Hiiraan Online
  3. Ceerigaabo (Caasimada Online) – Somaliland ayaa ku dhowaaqday tallaabooyin cusub oo lagu adkaynayo amniga iyo xasilloonida Ceerigaabo iyo guud ahaan gobolka Sanaag, kaddib dagaallo dhawaan dhacay oo barakiciyay ilaa 45,000 oo qof isla markaana sii kordhiyay cabsi laga qabo rabshado hor leh. Wafdi sare oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan goleyaasha sharci-dejinta Somaliland ayaa ku dhawaaqay in ciidamada booliska kaliya loo oggolaan doono inay sugaan amniga magaalada Ceerigaabp, iyagoo amray in dhammaan kooxaha hubaysan ee shacabka ah ay si degdeg ah uga baxaan magaalada. “Laga billaabo maanta, qofna looma oggolaan doono inuu si sharci-darro ah hub ugu dhex wato magaalada. Qof kasta oo jebiya amarkan wuxuu la kulmi doonaa tallaabo sharci ah,” ayuu yiri afhayeenka wafdiga, isaga oo adkeeyay muhiimada fulinta xeerarkan cusub ee amniga la xiriira. Wafdiga ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka barakacay inay dib ugu laabtaan guryahooda, iyagoo ku adkeeyay in xaaladda Ceerigaabo ay deggan tahay. “Magaaladu waa ammaan, wax sabab ah oo barakaca loogu sii jiro ma jiraan,” ayuu yiri afhayeenku. Dagaallada Ceerigaabo ayaa qarxay bartamihii December, waxaana isku dhacay ciidamada Somaliland iyo xoogagga SSC-Khaatumo, taasoo keentay barakac baahsan iyo xiisado sii xoogaystay guud ahaan gobolka Sanaag. Dad badan ayaa u qaxay magaalooyin ay ka mid yihiin Ceel Afweyn iyo Laasqoray, halka qaar kalena ay magan-galeen deegaanno ay ka mid yihiin Boosaaso, Laascaanood, Xudun iyo Burco. Colaaddan oo salka ku haysa muranno dhuleed iyo khilaafaad beeleed ayaa sababay barakaca dad badan iyo waxyeello soo gaartay kaabeyaasha dhaqaalaha. Xiisadda ayaa cirka isku sii shareertay kaddib shir beeleed dhawaan ka dhacay magaalada Badhan, halkaas oo hoggaamiyeyaasha beelaha Sool clan iyo Warsangali ay ku dhawaaqeen qorshe ay ku doonayaan inay kula Ceerigaabo. Hoggaamiye dhaqameedka caanka ah ee Somaliland Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu shirkaas abaabulay si uu qalalaase u kiciyo, isaga oo ku andacoonaya in madaxweynuhu uu adeegsanayo fikradda doorasho qof iyo cod ah si uu farogelin uga sameeyo gobollada Sool iyo Sanaag. Villa Somalia ayaan ka jawaabin eedeynta Buurmadow uu u jeediyey madaxweynaha.
  4. President Trump confirmed a military operation conducted in Somalia targeting ISIS. CBS News' Ellee Watson has more on the strikes. Source: Hiiraan Online
  5. KISMAYO, Somalia – Ahmed Mohamed Islam, commonly known as Ahmed Madobe, the long-standing President of Somalia’s semi-autonomous Jubaland state, has indicated his intention to run for the presidency of Somalia in the 2026 national elections, according to sources familiar with his plans. During a two-week stay in Nairobi, Madobe reportedly confided in select Somali parliamentarians, political figures, and business leaders about his presidential aspirations. These discussions, held behind closed doors, suggest a strategic move by Madobe to transition from regional leadership to the national stage. A decade of regional leadership Ahmed Madobe has led Jubaland since 2013, securing re-election for a third term in November 2024. His tenure has been marked by both development initiatives and ongoing security challenges, particularly in combating the al-Qaeda-linked militant group al-Shabaab. Despite efforts by successive federal administrations to unseat him, Madobe has maintained his position, often clashing with Mogadishu over governance and resource control. Tensions between Jubaland and Somalia’s federal government have escalated in recent months. In November 2024, Jubaland announced the suspension of all relations and cooperation with the federal administration, accusing it of constitutional violations and undermining regional autonomy. This move followed disputes over regional elections and mutual accusations of power usurpation. The strained relationship has led to significant security and economic challenges for Jubaland. Federal-imposed sanctions and military actions have reportedly destabilized the region. Jubaland’s Security Minister, Yusuf Dhuumaal, acknowledged the adverse effects of these measures, expressing a willingness to engage in dialogue with the federal government to restore stability. If Madobe proceeds with his presidential bid, he will follow in the footsteps of other regional leaders who have sought national office. Notably, Said Deni, the President of Puntland, contested the presidency in the most recent election, achieving a commendable performance against the incumbent, Hassan Sheikh Mohamud. Looking ahead to 2026 As Somalia approaches the 2026 elections, Madobe’s potential candidacy adds a significant dimension to the nation’s complex political landscape. His leadership in Jubaland and the ongoing tensions with the federal government will likely influence his campaign and the broader electoral dynamics. Ahmed Madobe emerged as a prominent figure in Somalia’s political scene in the early 2000s. Initially associated with Islamist movements, he later aligned with regional and international efforts to stabilize southern Somalia. As President of Jubaland, he has been a pivotal player in the fight against al-Shabaab. He has navigated the intricate clan-based politics of the region. Jubaland, located in southern Somalia, has a strategic border with Kenya and a coastline along the Indian Ocean. Its capital, Kismayo, is a vital port city that has historically been a commercial hub. The region’s stability is crucial for both Somalia and neighboring countries, particularly in efforts to curb militant activities and enhance economic development.
  6. Bosaso, Somalia – A top commander in the Islamic State group’s Somali affiliate surrendered to authorities on Monday in the semi-autonomous Puntland region, officials said, just days after US airstrikes targeted the organization’s leadership amid an intensified security crackdown. The surrender of Abdulkadir Shirwa Aw-Said, also known as “Lahore,” represents a significant development in the ongoing fight against IS in Somalia. Aw-Said, who headed the group’s assassination unit and oversaw extortion operations targeting local businesses, reportedly turned himself in while hiding in the rugged Cal Miskad mountains of Puntland’s Bari region. “Lahore has surrendered. He was in charge of assassinations and extorting money from businesses,” Bari region police commander Abdulkadir Jama Dirir confirmed to reporters. Puntland intensifies operations Aw-Said’s surrender comes on the heels of a broader offensive launched by Puntland authorities against both IS and the larger, Al-Qaeda-linked Al-Shabaab insurgency. In December, Puntland’s government declared an all-out war against the two groups and has since claimed to have captured several IS strongholds. The recent US airstrikes, confirmed by US Defense Secretary Pete Hegseth on Sunday, resulted in “numerous” IS casualties, according to initial assessments. The strikes highlight the growing concern over IS’s expanding presence in Somalia and the US commitment to supporting counterterrorism efforts in the region. IS’s growing sophistication While initially considered a lesser threat compared to Al-Shabaab, the Islamic State’s Somali branch has steadily expanded its capabilities and influence in recent years. Bolstered by foreign fighters and increased funding from sophisticated extortion schemes, the group has demonstrated a growing capacity to carry out complex attacks. In December, IS claimed responsibility for a brazen assault on a military base using two vehicle-borne improvised explosive devices (VBIEDs), a tactic more commonly associated with Al-Shabaab. Security analysts say this incident demonstrates the group’s adoption of more advanced operational tactics, raising alarm bells about its evolving threat profile. “The use of VBIEDs is a worrying sign that IS is learning from and adapting the tactics of its rivals,” said one regional security analyst, who spoke on condition of anonymity. “This suggests a higher level of operational sophistication than previously observed.” The Islamic State in Somalia The Islamic State’s Somali affiliate, often referred to as “Islamic State in Somalia” (ISS) or locally as “Da’ish,” emerged in 2015 as a splinter group from Al-Shabaab. Led by its long-time leader, Abdul Qadir Mumin, the group established a foothold in the mountainous regions of Puntland, particularly in the Bari region. Unlike Al-Shabaab, which controls large swathes of territory in southern Somalia and seeks to establish a state governed by its interpretation of Islamic law, ISS has primarily operated as a smaller, more regionally focused entity. However, its connections to the global IS network and its increasing reliance on foreign fighters have raised concerns about its potential to destabilize the region further. The Cal Miskad mountain range in Puntland’s Bari region has long served as a haven for militant groups, including both Al-Shabaab and IS. Its remote location, rugged terrain, and proximity to the Gulf of Aden make it ideal for training camps, weapons caches, and hideouts. Puntland, a semi-autonomous region in northeastern Somalia, has historically enjoyed relative stability compared to the south. However, it has faced increasing security challenges from both IS and Al-Shabaab in recent years. The region’s authorities have struggled to contain the spread of militancy, often hampered by limited resources and the challenging terrain.
  7. Kismaayo (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo muddo labo toddobaad ah ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa masuuliyiintii uu halkaas kula kulmay qaarkood wuxuu u sheegay in sanadka soo socda ee 2026 uu u tartami doono xilka Madaxweynaha Soomaaliya. Axmed Madoobe oo maalin ka hor ku soo laabtay Kismaayo ayaa ku sir qarsaday qaar kamid ah xildhibaanadii, siyaasiyiintii iyo ganacsatadii uu kula kulmay Nairobi, kuwaas oo xogtaan siyaabo kala duwan ula wadaagay Caasimada Online. Axmed Madoobe ayaa in ka badan 10 sano heysta Jubbaland, madaxweynayaashii kala dambeeyey ee dowladda federaalka ayaa dhowr mar isku dayey inay Axmed dhaafiyaan maamulkaas, balse kuma guuleysan. Inkastoo Axmed Madoobe yahay dagaal yaqaan, hadana waxaa lagu qiimeyn doonaa waxa uu kasoo qabtay Jubbaland, hadii uu isku soo sharaxo xilka Madaxweynaha Soomaaliya. Axmed Madoobe iyo guud ahaan Jubbaland hadda waxaa saaran cunaqabateyn, waxaana ku socda maamulkiisa kala furfur ay ku wado dowladda federaalka, iyadoo dowladda federaalka ay u suurtagashay inta badan gobolka Gedo inay kala wareegto. Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Dhuumaal oo xalay la hadlay VOA ayaa si cad u sheegay in Jubbaland ay qalqal amni gashay iyo mid dhaqaale oo ka dhashay cunaqabateynta iyo talaabooyinka militeri, isla markaana ay diyaar u tahay inay wadahadal la gasho dowladda federaalka. Axmed Madoobe ayaa horay u sheegay in uu diyaar u yahay in dowladda federaalka uu wadahadal la furo, balse dowladda federaalka ayaan dheg-jalaq u siin, kuna qaaday dagaal toos ah, in kastoo meelihii ugu muhiimsanaa uu Axmed Madoobe ku awood badiyey. Hadii Axmed Madoobe uu u tartamo xilka Madaxweynaha Soomaaliya, ma noqon doono Madaxweynihii maamul goboleed ee ugu horeeyey, waxaana uga horeeyey Saciid Deni oo natiijo fiican ka gaaray tartankii ugu dambeeyey ee Xasan Sheekh uu ku soo baxay.
  8. WAR SAXAAFADEED 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗝𝗦𝗟 𝗼𝗼 𝗫𝗮𝗳𝗶𝗶𝘀𝗸𝗶𝗶𝘀𝗮 𝗸𝘂 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝗘𝗿𝗴𝗮𝘆𝗴𝗮 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗮𝗵 𝗲𝗲 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗙𝗶𝗻𝗹𝗮𝗻𝗱 𝘂𝘂 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝘀𝗮𝗻 𝗡𝗮𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗫𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗵𝗶𝗹𝗮𝗮𝗳𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗚𝗼𝗯𝗼𝗹𝗸𝗮 𝗚𝗲𝗲𝘀𝗸𝗮 𝗔𝗳𝗿𝗶𝗸𝗮 Hargeysa,(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) (oo ay wehelinayaan Wasiirka Arrimaha Dibedda, Wasiirka Madaxtooyada, La-taliyaha Siyaasadda Arrimaha Dibedda, Afhayeenka iyo Xoghayaha Madaxweynaha) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah kula yeeshay Wefti ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Finland. Weftigaasi waxa hoggaaminayay Ergayga gaarka ah ee dalka Finland uu qaabilsan Arrimaha Nabada iyo Xallinta khilaafaadka Gobolka Geeska Afrika (Mudane Suldaan Saciid Axmed). Weftiga waxa kale oo ka mid ahaa Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda dalka Finland u qaabilsan Bariga Afrika iyo dalalka Afrikada Koonfureed (Mr. Jukka Pajerinen). Hadallo soo dhaweyn ah iyo mahad-naq khuseeya kaalmada ay Finland u fidiso Somaliland xagga horumarka ka dib, Madaxweynaha JSL wuxuu Weftiga Finland u sheegay in Somaliland tahay dal khibrad iyo waayo-aragnimo u leh Xallinta khilaafaadka iyo dhismaha Nabadda muddo ka badan 34 sano, haatana ay Somaliland diyaar u tahay in ay cid kasta kala shaqayso Arrimaha Nabada iyo Xasiloonida Gobolka Geeska Afrika guud ahaan, gaar ahaana Degmada Ceerigaabo iyo bariga Gobolka Sool. Madaxweynuhu wuxuu Weftiga u sheegay in maalintii xilka loo dhaariyey (12.12.2024) uu ku baaqay Gogol Nabadeed oo aan Shuruud lahayn, welina ay Xukuumadda Somaliland ka go’an tahay in xal waara iyo is-afgarad lagu soo af-jaro shaqaaqooyinka haatan taagan. Madaxweynuhu wuxuu Weftiga Finland u sheegay in Somaliland tahay dal lagu yaqaano nabad, xasilooni, dimuqraadiyad, sarraynta sharciga iyo dhawrida Xuquuqaha Aadamaha. Sidoo kale, in Xukuumadda Somaliland aanay ahayn mid dadkeeda kula jirta dagaal, balse anaga (Somaliland) lagu soo qaaday duullimaad caadifadaysan taasoo Xukumadiisa yagleelka ah lagu bilaabay dagaal 2 cisho ka dib markii uu xilka la wareegay (14.12.2024 /Ceerigaabo). Madaxweynaha JSL wuxuu Weftiga Finland u sheegay in Somaliland diyaar u tahay in ay Beesha Caalamka kala shaqayso dhinacyo badan, gaar ahaan Iskaashiga iyo ka wada shaqaynta Amniga iyo xasiloonida Gobolka Geeska Afrika. Madaxweynuhu wuxuu Weftiga Finland ka codsadey in Finland ka taageerto Somaliland tayaynta iyo dib-u-habaynta adeegyada lagama maarmaanka u ah baahiyaha bulshada JSL, sida adeega Caafimaadka, Waxbarashada Sare iyo Casryeynta Nidaamka Cashuuraha, maadaama dalka Finland uu yahay dalka ugu horreeya Caalamka adeegyadan. Weftiga uu hoggaaminayay Ergayga Gaarka ah ee dalka Finland uu qaabilsan Arrimaha Nabada iyo Xallinta khilaafaadka Gobolka Geeska Afrika (Mudane Suldaan Saciid Axmed) ayaa iyaguna dhinacooda Jam. Somaliland ku ammaanay doorashooyinkii dayaaqadii 2024-kii ka dhacay Somaliland, dimuqraadiyadda qaan gaadhka ah ee ka hana-qaaday Somaliland iyo sida ilbaxnumada leh ee loola kala wareegay. Ergayga Nabadda ee Finland waxa kale oo uu Madaxweynaha ku bogaadiyey aasaaska Guddida Nabadda oo M/weynuhu dhawaan magacaabay, isagoo sheegay in arrinkaa dalkiisa aad looga soo dhaweeyey, diyaarna ay u yihiin in Guddida Nabadda la gacan qabto. Ergaygu wuxuu sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu Somaliland kala shaqeeyo xagga nabadda iyo dhex-dhexaadinta shaqaaqooyinka ka jira Bariga Gobolka Sool iyo Ceerigaabo. Sidoo kale, Ergayga Nabadda ee Finland wuxuu sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in ay Somaliland kala shaqeeyaan arrimaha xagga horumarka, dawlad wanaaga, tayeynta adeegyada Caafimaadka, Waxbarashada, adeegyada caddaalada iyo xabsiyada, iwm. Ugu dambayntii, Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Madaxtooyada ayaa iyaguna dhinacooda waxay Ergayga gaarka ah ee Nabadda iyo Xallinta khilaafaadka dalka Finland uga mahad naqeen booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, waxayna hoosta ka xarriiqeen in ay Somaliland tahay dal la isku hallayn karo dhan kasta oo la eegaba, isla markaana la gaadhay xilligii bulshada caalamku ku baraarugi lahayd wanaaga iyo horumarka ka hirgalay Somaliland. Wasiirka Madaxtooyadu wuxuu Weftiga Finland ka codsaday in Somaliland laga taageero u-jahaynta da’yarta JSL ee xagga Shaqo abuurka dhallinyarada, gaar ahaan xagga Hal abuurka iyo ciyaaraha oo si gaar ugu wajahan Nabadda, Xasiloonida, Midnimada iyo wax-wada-lahaanshaha ummadda Somaliland. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
  9. WAR SAXAAFADEED 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗝𝗦𝗟 𝗼𝗼 𝗫𝗮𝗳𝗶𝗶𝘀𝗸𝗶𝗶𝘀𝗮 𝗸𝘂 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝗘𝗿𝗴𝗮𝘆𝗴𝗮 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗮𝗵 𝗲𝗲 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗙𝗶𝗻𝗹𝗮𝗻𝗱 𝘂𝘂 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝘀𝗮𝗻 𝗡𝗮𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗫𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗵𝗶𝗹𝗮𝗮𝗳𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗚𝗼𝗯𝗼𝗹𝗸𝗮 𝗚𝗲𝗲𝘀𝗸𝗮 𝗔𝗳𝗿𝗶𝗸𝗮 Hargeysa,(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) (oo ay wehelinayaan Wasiirka Arrimaha Dibedda, Wasiirka Madaxtooyada, La-taliyaha Siyaasadda Arrimaha Dibedda, Afhayeenka iyo Xoghayaha Madaxweynaha) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah kula yeeshay Wefti ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Finland. Weftigaasi waxa hoggaaminayay Ergayga gaarka ah ee dalka Finland uu qaabilsan Arrimaha Nabada iyo Xallinta khilaafaadka Gobolka Geeska Afrika (Mudane Suldaan Saciid Axmed). Weftiga waxa kale oo ka mid ahaa Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda dalka Finland u qaabilsan Bariga Afrika iyo dalalka Afrikada Koonfureed (Mr. Jukka Pajerinen). Hadallo soo dhaweyn ah iyo mahad-naq khuseeya kaalmada ay Finland u fidiso Somaliland xagga horumarka ka dib, Madaxweynaha JSL wuxuu Weftiga Finland u sheegay in Somaliland tahay dal khibrad iyo waayo-aragnimo u leh Xallinta khilaafaadka iyo dhismaha Nabadda muddo ka badan 34 sano, haatana ay Somaliland diyaar u tahay in ay cid kasta kala shaqayso Arrimaha Nabada iyo Xasiloonida Gobolka Geeska Afrika guud ahaan, gaar ahaana Degmada Ceerigaabo iyo bariga Gobolka Sool. Madaxweynuhu wuxuu Weftiga u sheegay in maalintii xilka loo dhaariyey (12.12.2024) uu ku baaqay Gogol Nabadeed oo aan Shuruud lahayn, welina ay Xukuumadda Somaliland ka go’an tahay in xal waara iyo is-afgarad lagu soo af-jaro shaqaaqooyinka haatan taagan. Madaxweynuhu wuxuu Weftiga Finland u sheegay in Somaliland tahay dal lagu yaqaano nabad, xasilooni, dimuqraadiyad, sarraynta sharciga iyo dhawrida Xuquuqaha Aadamaha. Sidoo kale, in Xukuumadda Somaliland aanay ahayn mid dadkeeda kula jirta dagaal, balse anaga (Somaliland) lagu soo qaaday duullimaad caadifadaysan taasoo Xukumadiisa yagleelka ah lagu bilaabay dagaal 2 cisho ka dib markii uu xilka la wareegay (14.12.2024 /Ceerigaabo). Madaxweynaha JSL wuxuu Weftiga Finland u sheegay in Somaliland diyaar u tahay in ay Beesha Caalamka kala shaqayso dhinacyo badan, gaar ahaan Iskaashiga iyo ka wada shaqaynta Amniga iyo xasiloonida Gobolka Geeska Afrika. Madaxweynuhu wuxuu Weftiga Finland ka codsadey in Finland ka taageerto Somaliland tayaynta iyo dib-u-habaynta adeegyada lagama maarmaanka u ah baahiyaha bulshada JSL, sida adeega Caafimaadka, Waxbarashada Sare iyo Casryeynta Nidaamka Cashuuraha, maadaama dalka Finland uu yahay dalka ugu horreeya Caalamka adeegyadan. Weftiga uu hoggaaminayay Ergayga Gaarka ah ee dalka Finland uu qaabilsan Arrimaha Nabada iyo Xallinta khilaafaadka Gobolka Geeska Afrika (Mudane Suldaan Saciid Axmed) ayaa iyaguna dhinacooda Jam. Somaliland ku ammaanay doorashooyinkii dayaaqadii 2024-kii ka dhacay Somaliland, dimuqraadiyadda qaan gaadhka ah ee ka hana-qaaday Somaliland iyo sida ilbaxnumada leh ee loola kala wareegay. Ergayga Nabadda ee Finland waxa kale oo uu Madaxweynaha ku bogaadiyey aasaaska Guddida Nabadda oo M/weynuhu dhawaan magacaabay, isagoo sheegay in arrinkaa dalkiisa aad looga soo dhaweeyey, diyaarna ay u yihiin in Guddida Nabadda la gacan qabto. Ergaygu wuxuu sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu Somaliland kala shaqeeyo xagga nabadda iyo dhex-dhexaadinta shaqaaqooyinka ka jira Bariga Gobolka Sool iyo Ceerigaabo. Sidoo kale, Ergayga Nabadda ee Finland wuxuu sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in ay Somaliland kala shaqeeyaan arrimaha xagga horumarka, dawlad wanaaga, tayeynta adeegyada Caafimaadka, Waxbarashada, adeegyada caddaalada iyo xabsiyada, iwm. Ugu dambayntii, Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Madaxtooyada ayaa iyaguna dhinacooda waxay Ergayga gaarka ah ee Nabadda iyo Xallinta khilaafaadka dalka Finland uga mahad naqeen booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, waxayna hoosta ka xarriiqeen in ay Somaliland tahay dal la isku hallayn karo dhan kasta oo la eegaba, isla markaana la gaadhay xilligii bulshada caalamku ku baraarugi lahayd wanaaga iyo horumarka ka hirgalay Somaliland. Wasiirka Madaxtooyadu wuxuu Weftiga Finland ka codsaday in Somaliland laga taageero u-jahaynta da’yarta JSL ee xagga Shaqo abuurka dhallinyarada, gaar ahaan xagga Hal abuurka iyo ciyaaraha oo si gaar ugu wajahan Nabadda, Xasiloonida, Midnimada iyo wax-wada-lahaanshaha ummadda Somaliland. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
  10. Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee dowladda Puntland oo qoraal kooban soo saaray ayaa shaaciyay in Ciidamada Amniga Gobolka Bari ay baaritaan ku wadaan doon sidday tuute iyo agab ciidan oo gacanta lagu dhigay. War ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland oo lagu faafiyay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in doontaasi iyo raggii watay oo dhammaantood Soomaali ah lagu qabtay xeebta degaanka Qaw oo ka tirsan degmada Boosaaso. “Ciidanku waxay gacanta ku hayaan oo baaritaan kuwadaan, Doon waday Tuute iyo Agabkale oo Ciidan iyo ragii watay, Doonta oo Raga wata ay Soomaali yihiin waxa laga qabtay Biyaha deegaanka Qaw ee Gobolka Bari” ayaa lagu yiri Warka ka soo baxay dowladda Puntland. Tan iyo markii uu bilowday Hawlgalka buuraha Calmiskaad ee ka dhanka ah Argagixisada Daacish Puntland waxay ciidamo geysay dhammaan degaannada xeebaha Gobolka Bari si loo go’doomiyo saadka dhinaca badda uga yimaada IS. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo xeebaha gobolka Bari ku qabtay doon sidday tuute iyo agab ciidan appeared first on Puntland Post.
  11. Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa si kulul u diiday warbixin ka soo baxday Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) oo sheegaysay in duqeymo cirka ah oo dhawaan lala beegsaday maleeshiyada Daacish ay ka dhaceen Buuraha Golis ee ku yaalla Somaliland. Saraakiisha ayaa caddeeyay in weerarradaas laga fuliyay Buuraha Galgala, oo ah deegaan hoos taga maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, balse aanay ka dhicin gudaha dhulka Somaliland. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Isniinta maanta ah, ayaa lagu diiday goobta uu AFRICOM tilmaamay in duqeymuhu ka dhaceen, iyadoo lagu adkeeyay in aanu jirin wax hawlgal ah oo ay ciidammada Maraykanku ka sameeyeen gudaha dhulka Somaliland. “Si ka duwan hadallada loo tiiriyay Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka, Peter Hegseth, duqeymaha cirka ah ee laga hadlayo kama dhicin, mana aanay saamayn Buuraha Golis ee ku yaalla gudaha dhulka Jamhuuriyadda Somaliland,” ayay tiri wasaaraddu. “Balse, hawlgalladan waxaa laga fuliyay Buuraha Galgala, oo ku yaalla gudaha Puntland, oo ah qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya.” Murankan ayaa tusaale u ah xasaasiyadda ka taagan xuduudaha dhuleed ee waqooyiga Soomaaliya. Silsiladda Buuraha Golis, oo dhex marta Somaliland iyo Puntland, ayaa inta badan loo adeegsadaa eraybixin juquraafi ahaan ah oo guud, balse saraakiisha Somaliland ayaa ku adkaysanaya in Buuraha Galgala, oo u dhow magaalada Galgala ee gobolka Bari ee Puntland, ay gebi ahaanba ka baxsan yihiin dhulkooda. Saraakiisha Somaliland ayaa ku doodaya in ilaalinta caddaynta xuduudaheedu ay lama huraan u tahay dhowrista madaxbannaanida dhulkeeda iyo dadaalka ay ugu jirto helidda aqoonsi caalami ah, sida ay hadalka u dhigeen. Somaliland, oo iskeed isugu dhawaaqday dawlad madax-bannaan tan iyo sannadkii 1991-kii, ayaa leh dawlad, ciidan, iyo nidaam maamul oo u gaar ah. In kasta oo aanay haysan aqoonsi caalami ah, haddana waxa ay ka mid tahay gobollada ugu xasilloon Geeska Afrika. War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu muujiyay iskaashiga muddada dheer soo jiray ee Somaliland la leedahay Maraykanka dhinacyada la dagaallanka argagixisada iyo sugidda amniga gobolka. “Waxaan fursaddan uga faa’iidaysanaynaa inaan dib u xaqiijinno sida ay nooga go’an tahay ilaalinta nabadda iyo xasilloonida gobolka,” ayaa lagu yiri warka. “Somaliland waxa ay weli tahay saaxiib la isku hallayn karo oo safka hore kaga jira dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xagjirnimada, waxaanan sii wadaynaa inaan la shaqayno beesha caalamka, oo uu Maraykanku ka mid yahay, si kor loogu qaado xasilloonida Geeska Afrika.”
  12. President Deni: “Ceerigaabo is a district inhabited by people who are politically affiliated with both Somaliland and Puntland.” Garowe (PP Editorial ) — President of Puntland State of Somalia, Said Abdullahi Deni, voiced support for the 1995 Ceerigaabo Agreement as a path to meaningful peace and communal co-existence. “Ceerigaabo is a district inhabited by people who are politically affiliated with both Somaliland and Puntland. They have lived in the city under a historic agreement. It does not reflect well on the new administration of Somaliland that this historic agreement is facing cracks. I urge the Somaliland administration to revisit the agreement for the peaceful co-existence of people in the district,” said President Deni. President Deni not only supports adherence to the agreement but also welcomes the candid support expressed for it by Garaad Abdullahi Garaad Saleebaan. “Even when Somaliland forces were shelling Laascaanood, we never called for conflict in Ceerigaabo,” said Garaad Saleebaan in Laascaanood last year. The President of the Somaliland Administration Abdirahman M. Abdullahi welcomed the policy statement on Ceerigaabo made by the President of Puntland. There were unfortunate incidents caused by militiamen of Burco, who fuelled hostilities in Ceerigaabo. The West Burco Clan traditional leaders and the Mayor of Ceerigaabo condemned the politically motivated displacements caused by those militias. The leader of the SSCK interim administration, Abdulqadir Aw Cali, reportedly aligned with the policy statement of the Puntland State President regarding Ceerigaabo. As the leader of a federal member state that fully controls two Sanaag districts and under whose federal jurisdiction falls the Sool, Sanaag and Cayn interim administration, President Deni has shown remarkable peace-making leadership. It is noteworthy that in October 2023, when King Burhan was visiting Laascaanood, he similarly called for a peaceful resolution of the conflict. “It was an unnecessary conflict. A peaceful solution is the way forward,” said King Burhan. President Deni’s intervention is binding on all Puntland State stakeholders, including SSCK leadership. The leader of the SSCK interim administration, Abdulqadir Aw Cali, reportedly deferred to the policy statement of the Puntland State President on Ceerigaabo. There is no question that Ceerigaabo falls under the jurisdiction of the Somaliland administration. The onus of protecting the property rights of all Somali citizens in Ceerigaabo rests with the Somaliland administration. President Deni welcomed the election of Somaliland President Abdirahman Mohamud Abdullahi. It is time to build on the peace-making initiatives proposed by President Said Abdullahi Deni. © Puntland Post, 2025 The post Puntland President Urges Somaliland to Honour Ceerigaabo Peace Agreement appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay go’aanka Machadka Caafimaadka Qaranka iyo Wasaaradda Caafimaadka XFS ay ku soo rogeen amar lagu qaadanayo talaal seddax nooc ah oo lagu waajibiyey qof kasta oo garoonka Aadan Cadde ka baxaya ama kasoo gelaya. Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka hortimid nidaamka aruurinta khidmadaha la xiriira buugga caafimaadka ee rakaabka ka baxaya iyo kuwa soo galaya Dalka, iyadoo cadeysay in cid wasaaradda Maaliyadda aan aheyn aysan dhaqaale uruuri karin. Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya maalmo ka hor dadwaynaha ku wargelisay dhaqan gelinta go’aan qofka soo gelaya ama ka baxaya dalka uu ku qaadanayo tallaalada kala ah: 1-Tallaalka ka hortagga duumada (Yellow Fever) 2-Tallaalka Dabaysha (Oral Poliomyelitis Vaccine) 3-Iyo Tallaalka Qaaxada Maskaxda (Quadrevalent Neisseria Meningitis Vaccine) 1-dii ilaa 10-ka bishaan Febraayo ayaa la go’aamiyey in qorshaha qaadashada tallaalka uu dhaqan galo, balse wasaaradda maaliyada ayaa culeys saartay wasaaradda Caafimaadka, iyadoo si cad u diiday in cid aan wasaaradda maaliyadda aheyn ay lacag dowladeed qabato. “Waxaan halkaan kugu ogeysiinayaa, mamnuucidda in Dakhli Dawladeed Lagu Shubo ama Lagu Hayo Koonto Bangi ee aan ahayn Khasnadda Mideysan (TSA) ee Golaha Wasiiradu soo saarayn 21 Agoosto 2024, in Wasaaradda Maaliyadda oo kaliya awood loo siiyay dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda oo ay ka mid yihiin khidmadaha la-xiriira buuga caafimaadka ee rakaabka ka-baxaya iyo kuwa soo-galaya Dalka iyo sidoo kale in dhammaan hay’adaha kale ee Dawladda, ha ahaadan rayid ama ciidan, laga mamnuucay dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay wasaaradda maaliyadda. Wasaaradda Maaliyaddu waxay samayn doontaa dib u eegis qotodheer, iyadoo la tashanaysa cidda ay khusayso, waxayna soo saari doontaa khidmadaha daruuriga ah, kuwaas oo si buuxda u waafaqsan Sharciga Maamulka Dakhliga, 2019, sida lagu sheegay qoraalka wasaaradda maaliyadda. Intaas kadib, Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa soo saaray warqad uu ku sheegay inay ka jawaabayso dareenka dadweynuhu ay ka muujiyeen hannaanka shaqo ee xafiiska Caafimaadka dekedaha iyo garoomada ee la xiriira qaadashada Tallaaladii horay loo baahiyey. “Wasiirku uu go’aansadey in la hakiyo waajib ahaanshaha Tallaaladaasi, inta laga dhameystirayo habraaca hirgelinta qaadashada Shahaadada yellow Fever iyo qaadashada Tallaalada lagama maarmaanka u ah Musaafuriinta Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaraddda Caafimaadka. Go’aanka u yaalla dowladda federaalka ayaa dhigaya in hay’ad aan aheyn wasaaradda maaliyadda aysan qaadi karin wax dakhli ah, taasi oo sababtay in wasaaradaha caafimaadka iyo maaliyada ay is qabsadaan, inkastoo hadda ay u muuqato in wasaaradda maaliyadda ay ogaato.
  14. Mogadishu (HOL) — When Ahmed Moalim Hirsi joined the battle against polio in 1998, Somalia was in crisis. The country faced widespread conflict, droughts, and a fractured health system. But for Ahmed, the mission was simple: protect Somali children from a disease that had long paralyzed communities with fear. Source: Hiiraan Online
  15. Qurbo-joogta — oo ah dadkii ka haajiray dalalkooda hooyo—waxay door weyn ka ciyaaraan kobcinta dhaqaalaha ee wadamada ay ka yimaadeen iyo kuwa ay degeen. Inkastoo dad badan oo qurbo-joog ah ay si weyn uga qayb qaataan horumarinta dalkooda hooyo iyaga oo xawilaad lacageed, ganacsi, iyo tabarucaad samaynaya, haddana waxaa sii kordhaya tirada dadka doorbidaya inay maalgashadaan dalalka shisheeye halkii ay dalkooda hooyo ka maalgashan lahaayeen. Isbeddelkan wuxuu leeyahay saameyn weyn oo dhinacyo badan leh, oo ay ka mid yihiin horumarka dhaqaale, barwaaqada bulshada, iyo xoojinta aqoonsiga Qaran. 1. Saamaynta Dhaqaale ee Dalkooda Hooyo Marka qurbo-joogtu ay doortaan inay maalgashadaan dalal kale, taasi waxay dhalinaysaa dhibaatooyin dhaqaale oo badan: • Kobaca Dhaqaale oo Gaabis Ah: Wadamada soo koraya waxay si weyn ugu tiirsan yihiin maalgashiga qurbo-joogta si ay u horumariyaan kaabayaasha dhaqaalaha, u abuuraan shaqooyin, oo ay u xoojiyaan ganacsiyada. Marka lacagahooda loo weeciyo dalal kale, dalkooda hooyo wuxuu waayaa fursado dhaqaale oo muhiim ah. • Fursado Ganacsi Oo Laga Faa’iidaysan Waayo: Dalal badan oo ay qurbo-joogtu kasoo jeedaan waxay leeyihiin suuqyo furan oo ay ka heli karaan faa’iido badan, laakiin maalgashiga oo la waayo waxay sababtaa in ganacsiyo badani aanay kobcin. • Ku Tiirsanaanta Kaalmada Dibadda: Haddii maalgashi toos ah oo badan laga waayo qurbo-joogta, dalalkooda hooyo waxay sii ahaanayaan kuwo u baahan deeqo iyo deymo dibadeed, taasoo mararka qaar la timaada shuruudo adag oo aan waxtar u lahayn horumarka dalkooda. 2. Abuurista Shaqooyin iyo Saamaynta Shaqo La’aanta Maalgashiga qurbo-joogta ee dalkooda hooyo wuxuu abuuri karaa shaqooyin badan, gaar ahaan dhinacyada warshadaha, dhismaha, beeraha, kaluumaysiga, waxbarashada, caafimaadka iyo waxsoosaarka kale. Haddii maalgashigaas la waayo, waxay keentaa: • Kordhinta Shaqo La’aanta: Wadamada ay dhalinyaradu aad u badan yihiin waxay la kulmaan shaqo la’aan ba’an, taasoo sabab u noqota dhaqaalaha oo taagnaada, dembiya oo kordha, iyo xasillooni darro bulsho. • Maskax Bax (Brain Drain): Markii maalgashi la waayo, xirfadlayaal badan ayaa doorbida inay shaqo u raadsadaan dalal kale, taasoo ka dhigan in wadankooda hooyo uu waayo shaqaale karti sare leh. • Kobaca Ganacsiyada Oo Yaraada: Ganacsiyada yar yar iyo kuwa dhexe (SMEs) waa laf-dhabarka dhaqaale ee dalal badan. Haddii qurbo-joogtu aysan bixin maalgashi, ganacsiyadan waxay la kulmaan caqabado dhaqaale oo weyn. 3. Saamaynta Bulsho iyo Dareenka Muwaadinnimada Ka sokow dhaqaalaha, marka qurbo-joogtu doortaan inay maalgashadaan dalal kale, waxay wax u dhimaysaa xidhiidhka dalkooda hooyo: • Xiriir Daciif Ah oo Laga Dhexlayo Dalkooda Hooyo: Markay qurbo-joogtu maal-gashadaan dal kale, waxay si xooggan ula jaanqaadaan dhaqaalaha iyo bulshada dalkaasi, taasoo keeni karta in jiilalka dambe ay lumiyaan xidhiidhka ay la leeyihiin dalkooda hooyo. • Dadkii Gudaha Oo Ka Xanaaqa Qurbo-Joogta: Shacabka ku nool dalkooda hooyo waxay dareemi karaan in qurbo-joogtu ay iska indha tireen, taasoo keenta dareen xumaan iyo caro leh. • Tabarucaadka Bulshada Oo Hoos U Dhaca: Qurbo-joog badan waxay caawiyaan horumarinta dugsiyada, isbitaalada, iyo mashaariicda bulshada. Haddii maalgashiga loo wareejiyo dalal kale, taasi waxay yareynaysaa horumarka dalka hooyo. 4. Faa’iidooyinka Maalgashiga Qurbo-Joogta ee Dalkooda Hooyo Waxaa jirta faa’iido badan oo laga helayo haddii qurbo-joogtu ay doortaan inay maalgashadaan dalkooda hooyo: • Kobac Dhaqaale Oo Waara: Maalgashiga tooska ah wuxuu abuurayaa dhaqaale adag oo aan ku tiirsanayn lacagaha xawilaadda. • Shaqo Abuuris iyo Yaraynta Saboolnimada: Haddii la maalgeliyo ganacsiyada maxalliga ah, shaqooyin badan ayaa abuurmaya, taasoo sare u qaadaysa nolosha dad badan. • Xoojinta Saamaynta Caalamiga Ah: Wadan horumarsan wuxuu helaa kalsooni iyo awood uu kula xaajoodo wadamada kale. • Ilaalinta Dhaqanka iyo Aqoonsiga Qaranka: Haddii qurbo-joogtu maalgashato dhaqanka, dalxiiska, iyo barnaamijyada dhaxal-galka ah, jiilalka mustaqbalku waxay sii wadi doonaan xidhiidhka ay la leeyihiin dalkooda hooyo. Gunaanad Inkastoo qurbo-joogtu ay xor u yihiin in ay maalgashadaan halka ay doonaan, haddana waxaa lama huraan ah in mudnaan gaar ah la siiyo horumarinta dalkooda hooyo. Dowladaha waa inay abuuraan jawi fududeynaya maalgashiga, sida canshuur dhimis, fududeynta shuruudaha ganacsiga, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Haddii isbeddelkan sii socdo oo qurbo-joogtu sii doorbidaan inay maalgashadaan dalal kale, dalalkooda hooyo waxay wajihi doonaan caqabado dhaqaale iyo kuwo bulsho. Laakiin haddii la dhiirrigeliyo maalgashiga dalkooda hooyo, waddanku wuxuu ka faa’iidaysan karaa awoodda iyo xirfadda dadkiisa si loo dhiso mustaqbal ifaya. W/Q: Hussein Yusuf Huhule The post Saamaynta Ay Leedahay Marka Qurbo-Joogtu Maalgashadaan Dalal Kale Halkii Ay Ka Maalgashan Lahaayeen Dalkooda appeared first on Puntland Post.
  16. Mogadishu (HOL) — Somaliland’s government has issued new measures to restore stability and bolster security in Erigavo and the wider Sanaag region. The measures come after recent clashes displaced an estimated 45,000 people and raised fears of renewed violence. Source: Hiiraan Online
  17. Xilli ay Soomaaliya horay u caddaysay mowqidkeeda ku aaddan xalalka Falastiin iyo maamulka Israa’iil, islamarkaana ay sheegtay inay lagama maarmaan tahay in la dhiso dowlad madax-bannaan oo Falastiin yeelato ayaa Danjiraha dalkaas Soomaaliya u fadhiya Dr. Ruwayd Abuu Cumayshah wuxuu magaalada Muqdisho ka wadaa kulamo uu la yeelanayo madaxda dalka. Danjiraha ayaa kulamo la yeeshay mas’uuliyiin uu kamid yihiin Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Masuuliyiintan uu Safiirku la kulmay ayaa u xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u garab taagantahay dhismaha dowladda Falastiin iyo xaqa ay shacabkeedu u leeyihiin inay ku noolaadaan gobonimo iyo xasillooni waarta. Safiirka falastiin ayaa dhankiisa uga mahadceliyay madaxda iyo dadweynaha Soomaaliyeed garab istaagga Falastiiniyiinta, wuxuuna Soomaaliya ugu hambalyeeyay in ay ku guulaysatay ka mid noqoshada xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Amaanka QM. Soomaaliya ayaa weligeed si buuxda u taageersanayd dadka falastiiniyiinta ah, balse haatan dowladda Soomaaliya waxay kamid tahay golaha ammaanka, waxayna leedahay cod iyo soo-jeedin la aqbalayo oo ay cidday rabto ku taageeri karto, taas oo uu danjire Ruwayd Abuu Cumayshah ku tilmaamay mid faa’iido weyn u leh dadka reer Falastiin. Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne ayaa si adag ugu jawaabay Senator Cabdi Qaybdiid oo ka horyimid hannaanka doorashada ee qof iyo cod, kaas oo ay dowladda federaalka Soomaaliya soo jeedisay in laga dhaqan-geliyo Soomaaliya sannadka 2026-ka. Cagaweyne ayaa wax la’la yaabo ku tilmaamay in Qeybdiid oo gacantiisa ku ansixiyay hanaankan uu eedeeyo qof kale, “intaa taqaaney waa dhaaftay dalkana waa ka gudbay xiligii afduubka loo haysan jiray,” ayuu xildhibaanka ku yiri qoraal uu soo saaray, kaas oo ugu jawaabay Qeybdiid. “Waa nasiib darro weyn in Senator-ka maanta dhaho dalka iyo qaranimada ayaan u baqay, iyadoo dalka maanta uu ku talaabsaday wadadii horumarka iyo amniga, una jiheystay taariikh iyo waa cusub, ayna dadka Soomaaliyeed oo mudo 56 sano kadib ay dooranayaan hogaankii xukumi lahaa,” ayuu yiri Cagaweyne. Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran; Waxaa nasiib darro ah in siyaasadii dalka lagu jaangooyay maslaxado gaar ah oo hadii la waayo ay aflagaado ku xigto. Dalka waxaa loo doortay Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud dastuurka dalkana wuxuu awood usiinayaa in qorshayaashii dib u doorashadisa ku balan qaaday uu fuliyo waxaana ugu horeysay in dastuurka dalka la dhameystiro doorasho qof iyo codna dalka kadhacdo labadii qodob oo ugu muhimsanaa maanta waxay marayaan meel gabagaba ah. Dalka wuxuu kujiraa gacan aamin ah waxaa madax ka ah Madaxweyne 40 kii sano laso dhaafay dalka aan meelna ka aadin laba marna soo hogaamiyay dalka mana loo baqaayo maanta maalin uu ka fiicanyahayna masoo marin, dalka wuxuu ka guuray mugdigii mudada dheer uu kujiray wuxuuna u guuray iftiinka caalamka kasocda ee dimuqraadiyada. Senator Abdi Qeybdiid waxaa leeyahay wixii aad adiga gacantada ku ansixisay haku eedeyn qofkale intaa taqaaneyna waa dhaaftay dalkana waa ka gudbay xiligii afduubka loo heesanjiray. Ugu danbeyn Senatorka wuxuu u soo joogey dalkaan oo aan wax nidaam ah ka jirin oo dadku si sharci daro ah loo dhacaayay loona dilaayay xoolahooda iyo xurmadoodana lagu xadgudbayay gaajo iyo macluulna ay kajirtay dalka amni darro xoogana ay hareysay. Waa nasiib darro weyn in Senatorka maanta dhaho dalka iyo qaranimada ayaan u baqay iyadoo dalka maanta uu ku tilaabsaday wadadii horumarka, barwaaqada iyo amniga una jiheestay taariikh iyo waa cusub dastuurkii mudada dheer qabyada ahaa oo la dhameystirayo iyo dadka Soomaaliyeed oo mudo 56 sano kadib ay dooranayaan hogaankii xukumi lahaa!!!
  19. Mogadishu (HOL) — Somalia's Defense Minister, Abdulkadir Mohamed Nur, on Sunday applauded recent U.S. airstrikes in the Al-Miskaad Mountains in the country's northeastern Bari region, saying the strikes successfully killed several high-ranking ISIS operatives. Source: Hiiraan Online
  20. Egyptian Minister of Supply and Internal Trade Sherif Farouk met with Asad Abdirizak, Somali State Minister of Agriculture and Irrigation, on Monday to discuss cooperation between the two countries on food security and trade. Source: Hiiraan Online
  21. MOGADISHU, Feb 3 (Reuters) - A senior commander of Islamic State's Somalia wing was captured on Monday, police and state media said, two days after the IS leadership was targeted with U.S. airstrikes and as security forces continue a weeks-long offensive against them. Source: Hiiraan Online
  22. Koox hubaysan oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa afduubtay masuuliyiin ka kooban shan guddoomiye xaafadeed, kuwaas oo ku socdaalayay inta u dhaxaysa magaalooyinka Ceelwaaq iyo Mandheera, balse waxaa jid u galay dablay afduub u gaysatay sida ay ay xaqiijiyeen laamaha nabad-gelyada dalkaasi. Taliyaha ciidanka booliska degmo dhacda koonfurta Ismaamulka Mandheera, Mudane Julius Njeru, ayaa xaqiijiyay afduubka masuuliyiintan, asagoo sheegay inay ka yimaadeen deegaanka Ceel-Gaduud, kuna sii jeedeen magaalada Ceelwaaqda Kenya. Ciidanka amniga ee Ismaamulka Mandheera ayaa la geliyay heegan sare, iyadoo haatan uu socdo baadi goob ballaaran oo loogu jiro samatabixinta saraakiishan ka tirsan wasaaradda amniga Kenya. Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xeer madaxweyne dib ugu soo celiyay dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee Gaashaanle Sare Ibraahim Macallin Cabdullaahi uu ku lahaa hay’adda sordoonka iyo nabad-sugidda qaranka. Madaxweyne Xasan ayaa ku saleeyey xeerkan madaxweyne si waafaqsan qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee dastuurka KMG ah iyo sharciga dhismaha hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka ee Lr. 003, soona baxay sanadkii 2023-dii. Tallaabadan ayaa ku timid codsi uu soo gudbiyey Gaashaanle Sare Ibraahim Macallin Cabdullaahi iyo muhiimadda ay leedahay in dib loo soo celiyo xuquuqdiisa iyo darajooyinkiisa ciidan si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada dalka. “Gaashaanle Sare Ibraahim, laga bilaabo maanta oo la saxiixay xeerkan madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Villa Somalia. Gaashaanle Sare Ibraahim Macalin Cabdullaahi oo horey usoo noqday Taliyaha nabad-sugida tobolka Banaadir ayaa waxaa dhammaan xuquuqdii iyo darajadii uu lahaa laga xayuubiyay xilligii uu Fahad Yaasiin hayay xilka agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugida qaranka. Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay maanta oo ay taariikhdu ahayd 3-da Febraayo 2025, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo dib u doorashadiisi saraakiil dhowr ah dib ugu soo celiyay darajooyinkii iyo xuquuqdii ee ciidan ee xaqa u lahaayeen, kuwaasi oo badankood laga xayuubiyay kal-xukunkii madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
  24. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/02/AQOpMThFHf2Ni2I9bJ7OuLPylwRVRMKuRm0_WCJbEXprX101ygExWeJOIJSRq_ryzBtA36JpFEvaxTMEn-JxsxM4.mp4 Qaran News
  25. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/02/AQOpMThFHf2Ni2I9bJ7OuLPylwRVRMKuRm0_WCJbEXprX101ygExWeJOIJSRq_ryzBtA36JpFEvaxTMEn-JxsxM4.mp4 Qaran News