Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Washington (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale war culus kasoo saartay aqoonsiga la sheegay in Mareykanka uu siinayo Somaliland, kaas oo hadal-heyntiisu aad ay usii xoogeysatay maalmihii dambe. Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Mareykanka Daahir Carab ayaa si faah-faahsan uga hadlay arrintan, wuxuuna sheegay in aanay haatan u muuqan qorshe Mareykanka ku aqoonsanayo Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. Daahir Carab ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in haatan ay kireysteen shirkad Mareykan ah oo uu tilmaamay inay ka caawin doonto xoojinta xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya. “Ma aragno qorshe Mareykanka ku aqoonsan karo gobol kamid ah Soomaaliya, sida Somaliland, waxaan shaqeyliisiiney shirkad naga caawisa sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka. Sidoo kale, waxa uu soo hadal qaaday arrimaha ka cusub xiriirka labada dal, gaar ahaan tallaabooyinkii u dambeeyay ee uu qaaday madaxweyne Trump oo ay ka mid tahay arrinta hay’adda USAID oo haatan albaabada la’isugu laabay, taas oo in ka badan 100 dal oo ay Soomaaliya ku jirto howlo gargaar ka fulin jirtay. “Go’aanka ay dowladda Mareykanka gaartay waan ixtiraameynaa, balse waxaan codsaneyna in kaalmada Soomaalia la siinayo in aan la soo marsiin cid kale, balse si toos ah naloo siiyo” ayuu mar kale yiri Danjire Daahir Carab. Gabagabadii wuxuu ka hadlay arrinta xasaasiga ah ee dadka Soomaalida ee sharci darrada ku jooga gudaha dalka Mareykanka, isaga oo tilmaamay in markasta ay ilaalinayaan sharafta shacabka Soomaaliyeed, ayna labada dowladood ka wada shaqeyn doonaan.
  2. Jeneraal Ciise Yulux S/Guuto Ciise Maxamuud Yuusuf (Ciise Yulux) oo kamid ah saraakiisha ciidamada difaaca Puntland ee hoggaaminaya Hawlgalka CALMIS ayaa ballan ku qaaday in ay si buuxda u tirtiri doonaan Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish. Jeneraal Ciise Yulux oo ka dul khudbeeyay meyad ajaanib ah oo ciidamada difaaca Puntland ku dileen hawlgalkii u danbeeyay ee togga Jeceel ayaa sheegay in firxadka harsan ee dagaallamayaasha Daacish ay noqon doonaan wax dhintay iyo wax la qabto oo sharciga la horgeeyo. “Waxaan ballan-qaadaynaa oo u ballan-qaadaynaa dowladdeena Puntland iyo mudane Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo sidoo kale Soomaali iyo Caalamkaba in aan nin danbe oo ajnabi ah ku hari doonin dhulkeenna in aanu ka tirtiro oo ka ciribtirno” ayuu yiri Jeneraal Ciise Yulux. Taliya oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale sheegay in dagaallamayaasha Daacish ee weli ku go’doonsan buuraha Calmiskaad ay noqon doonaan wax dhintay iyo wax la qabto islamarkaana aysan cidna ka baxsan doonin. PUNTLAND POST The post Jeneraal Ciise Yulux: Waxaan ballan-qaadaynaa in aan si buuxda u tirtiro Argagixisada go’doonsan ee Daacish appeared first on Puntland Post.
  3. Gaza (Caasimada Online) – Maamulka madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa lagu warramay inuu ka fakarayo saddex goobood oo suurtagal ah in lagu qaabilo reer Gaza, kaddib markii uu ku dhawaaqay in Mareykanku uu qorsheynayo inuu la wareego Marinka Gaza isla markaana dib u dhiso. Wargeyska Jerusalem Post oo sii xiganaya taleefishinka N12 ayaa goobaha laga fakarayo ku sheegay dalka Morocco iyo gobollada Puntland, iyo Somaliland ee Soomaaliya. Warbixintu waxa ay intaa ku dartay in saddexdan gobol ay wadaagaan baahi weyn oo ay u qabaan taageerada Mareykanka. Somaliland iyo Puntland waxay raadineyaan aqoonsi caalami ah, halka Morocco ay weli ku jirto muran dhuleed la xiriira Saxaraha Galbeed. Warbixintan ayaa timid kaddib markii Trump uu u sheegay wargeyska The Jerusalem Post in uu rumeysan yahay in Masar iyo Urdun aysan ka hor iman doonin qorshihiisa ah in dadka Gaza loo raro dalalkooda, intii lagu guda jiray kulan uu Talaadadii kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, Aqalka Cad. “Ima diidi doonaan,” ayuu yiri Trump. “Waxaan rabaa in la daad-gureeyo dhammaan dadka ku nool Gaza. Waa dhacaysaa.” Trump ayaa hadal hore oo uu jeediyey ku sheegay in xaaladda Gaza aysan weligeed shaqeyn. “Waligeed ma shaqeyn. Anigu si ka duwan dadka kale ayaan uga fekerayaa Gaza. Waxaan aaminsanahay in ay heli karaan dhul wanaagsan, cusub, oo qurux badan, kaddibna dad baa maalgelin doona si loo dhiso, loona dhigo mid la degganaan karo oo raaxo leh,” ayuu yiri. “Mareykanku wuxuu la wareegi doonaa Marinka Gaza, waana wax aan qaban karno. Waxaan noqon doonnaa milkiileyaasha dhulkan,” ayuu Trump ka sheegay shir jaraa’id oo uu si wadajir ah ula qabtay Netanyahu. Trump wuxuu intaa ku daray in Mareykanku ka saari doono bambooyinka aan qarxin, “dhulka simi doono,” dhismeyaasha burbursanna laga saari doono, iyadoo la abuurayo barnaamij horumarineed oo dhiirigeliya koboca dhaqaale, fursado shaqo iyo hoy badan oo ay helaan dadka deegaanka. Shacabka reer Gaza ayaa sidoo kale si weyn u dhaleeceeyay hadallada Trump. “Trump wuxuu u haystaa Gaza inay tahay qashin qub—taasi gabi ahaanba sax ma aha,” ayuu yiri Hatem Azzam, oo 34 jir ah kana soo jeeda magaalada Rafax ee koonfurta Gaza. Sidoo kale, hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa badankood ka hor-yimid qorshaha Trump.
  4. Halgamaa ka tirsan Ciidamada Puntland Ciidamada Puntland oo warbixin ka soo saaray Hawlgalkii tan iyo shalay ka socday degaannada ku teedsan togga Jeceel ee buuraha Cal-miskaad ayaa shaacisay in ay hub iyo dukumentiyo ciidan gacanta kaga dhigeen kooxaha Argagixisada ah ee Daacish. Warbixinta uu soo saaray Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ciidanku ay kooxda Daacish ka dileen in ka badan 57 Argagixiso ah oo Ajaaniib u badan kuwaasi oo Ciidanku soo bandhigeen, sidoo kale la wareegeen dhamnaan degaanadii shalay lagu dagaallamay ee inta u dhexaysa Dharin illaa iyo Qurac ee Toga-jeceel. “Ciidanku waxay kale oo gacanta ku hayaan Dokumentiyo, hub iyo agabkale oo ay lahayd Argagixisada Daacish, Hawlgalku wuu soconaya illaa gebi ahaanba Argagixisada Daacish laga sifeeyo buuralayda Cal- miskaad ee Gobolka Bari” ayaa lagu yiri Warbixinta uu soo saaray Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish ee Puntland. Xafiiska Hawlgalka La-dagaallanka Daacish ee Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale u taciyeeyay dhammaan Ciidamadii ku dhintay Hawlgalka, waxaana uu u mahadceliyay Saaxiibada Caalamiga ah ee dhinaca Cirka ka duqeeyay Argagixisada Daacish. Halkaan hoos ka akhriso Warbixinta PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo warbixin ka soo saaray hub iyo dukumentiyo Ciidan oo ay ka qabteen kooxda Daacish appeared first on Puntland Post.
  5. Hargeisa (HOL) – British MP Sir Gavin Williamson has renewed calls for the United States to recognize Somaliland following his accusations that the Somali government has misused USAID funds to support Al-Shabaab militants. Source: Hiiraan Online
  6. Mogadishu (HOL) – The Somali federal government has blamed Jubbaland President Ahmed Madobe for the heavy fighting that occurred in Bardhere district, Gedo region, on Wednesday, which led to multiple casualties, including the death of the district commissioner Mohamed Ilyas Caagane. Source: Hiiraan Online
  7. Boosaaso (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa 1-dii Febraayo qaaday ugu yaraan lix duqeyn oo ka dhan ah kooxda Daacish ee ka howlgasha buuraleyda Puntland, iyagoo taageeraya dagaalka ay ciidamada maamulkaasi kula jiraan kooxda. Puntland ayaa si degdeg ah u soo saartay bayaan ay ku bogaadinayso duqeymahaas, waxaana ay sidoo kale u mahadcelisay xulafo aan horey loo filayn—Imaaraadka Carabta. Duqeymihii ugu dambeeyay ee Mareykanka ka fuliyay waqooyiga Soomaaliya waxay sii xoojinayaan howlgalladii horey loogu bartay ee ka dhanka ah Daacish. Bishii May 2024, Mareykanku wuxuu duqeyn drone ah ku dilay ugu yaraan saddex dagaalyahan oo ka tirsan Daacish-Soomaaliya gudaha Buuraleyda Cal Miskaat, oo dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Boosaaso. Sidoo kale, bishii Janaayo 2023, Mareykanku wuxuu howlgal gaar ah ku dilay Bilal al-Sudani, oo ahaa hoggaamiye sare oo ka tirsan Daacish-Soomaaliya, howlgalkaas oo laga fuliyay isla buuraleydaas. Guud ahaan, Mareykanka waa dal horey uga fuliyay Soomaaliya duqeymo badan, iyadoo laga diiwaangeliyay ugu yaraan 277 weerar cirka ah tan iyo 2007, sida laga soo xigtay Long War Journal. Si kastaba ha ahaatee, inta badan howlgalladan waxay beegsadeen Al-Shabaab, oo ah garabka Al-Qaacida ee Soomaaliya, halka Daacish ay dhowaan noqotay bartilmaameed cusub. Imaaraadka Carabta iyo duqeymaha Puntland Arrinta sida gaarka ah loola yaabay waxay ahayd xaqiijinta duqeymo ay fuliyeen Imaaraadka Carabta. Inkasta oo Imaaraadku uu si qarsoodi ah u fuliyo howlgalladiisa marka la barbardhigo Mareykanka, haddana waxaa la rumeysan yahay in uu sanadkan gudihiisa fuliyay ugu yaraan laba weerar cirka ah, gudaha Puntland. 2-dii Janaayo, duqeyn cirka ah ayaa lala beegsaday saldhigyo Daacish ku leedahay Buuraleyda Cal Miskaat, xilli Puntland ay bilaabaysay dagaal ka dhan ah kooxda. Inkasta oo warbaahinta badankeed u maleeyeen in Mareykanku ka dambeeyay weerarkaasi, haddana lama xaqiijin, taasoo keentay in la tuhmo in Imaaraadku uu fuliyey. 4-tii Febraayo, duqeymo kale ayaa laga fuliyay Togga Jacayl, oo isla buuraleyda Puntland ka tirsan. Mareykanku weli ma sheegan weerarradan, taasoo sare u qaaday tuhunka ah in Imaaraadku ka dambeeyay. Tani ma ahan markii ugu horreysay ee Imaaraadku duqeymo ka fuliyaan Soomaaliya. Waxaa la aaminsan yahay in Imaaraadku qaaday duqeyntiisii ugu horreysay bishii Juun 2023, markaasoo uu beegsaday xarumo ay Al-Shabaab ku leeyihiin gobolka Galguduud. Sidoo kale, duqeyn kale oo aan la sheegan oo ka dhacday Buuraleyda Cal Miskaat bishii May 2024 ayaa loo maleynayaa inay aheyd mid uu fuliyay Imaaraadka. Xiriirka militari ee Puntland iyo Imaaraadka Imaaraadka Carabta waxa uu muddo dheer xiriir militari la lahaa Puntland, gaar ahaan dhismaha hay’adaha amniga. Sanadkii 2010, Imaaraadku wuxuu gacan ka geystay aasaaska Ciidanka Ilaalada Badda Puntland (PMPF), oo ah hay’ad amni oo muhiim u ah gobolka. Tan iyo markaas, Imaaraadku waxa uu noqday maalgeliyaha ugu weyn ee PMPF, isagoo bixiya tababar, qalab, iyo taageero dhaqaale. Waxaa la rumeysan yahay in ku dhowaad 200 askari oo Imaaraati ah ay ku sugan yihiin saldhig PMPF ku leeyahay Boosaaso. Marka laga soo tago Puntland, Imaaraadku waxa uu si toos ah uga taageeray Soomaaliya dhismaha ciidamo kala duwan, isagoo tababar siiyay cutubyo militari oo ka howlgala Muqdisho. Waxay sidoo kale tababarayaan ciidamada Soomaaliya ee ku sugan Eritrea, Uganda, iyo Itoobiya. Xarun uu Imaaraadku ku leeyahay Muqdisho ayaa sanadkii hore lagu beegsaday weerar uu fuliyay xubin ka tirsan Al-Shabaab, kaasoo la sheegay inuu si dhuumaaleysi ah uga mid noqday barnaamijka tababarka. Waxaa sidoo kale la soo warinayaa in Imaaraadku siiyo taageero militari ciidamada Jubbaland, oo ah maamul goboleed ka tirsan Soomaaliya. Imaaraadka iyo weerarrada cirka ee dibadda Weerarrada Imaaraadka ee Puntland waxay la jaanqaadayaan siyaasadahooda militari ee dibadda. Sanadihii la soo dhaafay, Imaaraadku wuxuu fuliyay duqeymo cirka ah oo ka dhacay: Yemen, halkaas oo ay taageereen howlgalka Sacuudiga ee ka dhanka ah Xuutiyiinta. Liibiya, halkaas oo ay taageereen General Khalifa Haftar, iyo Sudan, halkaas oo ay bixiyeen taageero cirka ah iyo sahay ciidan oo ay siiyeen Rapid Support Forces (RSF). Iyadoo Puntland ay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Daacish, waxaa suurtagal ah in duqeymo hor leh ay dhacaan maalmaha ama toddobaadyada soo socda. Mareykanku wuxuu caan ku yahay in uu si cad uga hadlo howlgalladiisa noocan ah, halka Imaaraadku ay u badan tahay in ay sii wadaan howlahooda si qarsoodi ah.
  8. Kenya on Wednesday said it is working to transition its Haiti security mission into a UN operation following a disruption in US funding, a senior government official told Anadolu. Source: Hiiraan Online
  9. Ethiopia’s National Intelligence and Security Service (NISS) has stated that Kenya’s security operation against the Oromo Liberation Army (OLA) is being carried out in coordination with Ethiopian security forces, targeting “OLA camps” located within their respective borders. Source: Hiiraan Online
  10. President William Ruto has now assured the country that the five abducted Mandera chiefs will be brought back home safely as he vowed to sustain the fight against criminal gangs and terror groups. Source: Hiiraan Online
  11. Ayadoo dhowaan ay soo baxayeen warar sheegaya in Mareykanku uu hoosu dhigayo joojitaankiisa Soomaaliya, islamarkaana maamulka Trump uu xaqiijiyey inuu xirayo hay’adda USAID ayay dowladda Soomaaliya shaacisay inay la wareegayso kaalin walba oo uu Mareykanka banneeyo. Danjiraha Soomaaliya ee dalka Mareykanka Daahir Carab oo warbahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay Mareykanka ka dalbanayso inuu toos ugu wareejiyo kaalmada uu siinayo, balse haddii taageerada Washington iyo howlaha hay’adda USAID ay meesha ka baxaan ay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed isku tashan doonaan. Mar wax laga weydiiyay taageerada Mareykanka ee Ciidanka Danab ayuu sheegay in taakulaynta ay ciidamadaasi helaani ay isugu jirto mid farsamo, iyo mid mushaar, dowladda Soomaaliyana ay baahiyahaas dabooli doonto haddii uu Mareykanku joojiyo dhaqaalaha uu ku taageero xoogaggaas sida gaarka ah u tababaran. Maamulka madaxweyne Trump ayaa wacad ku maray inuu joojin doono dhaqdhaqaaq kasta oo aan Mareykanka dani ugu jirin, waxaana la filayaa in Washington ay hoos u dhigto taageerada iyo joojitaankeeda ciidan ee Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  12. A delegation led by Azerbaijan’s Deputy Foreign Minister Yalchin Rafiyev has visited the Federal Republic of Somalia to explore opportunities for enhancing bilateral cooperation in political, economic, humanitarian, and other areas, as well as strengthening high-level relations within international organizations. Source: Hiiraan Online
  13. WASHINGTON — Nearly 70 people were killed and up to 50 others wounded during 24 hours of fighting between Islamic State fighters and security forces from Somalia’s Puntland region, officials said Wednesday. Source: Hiiraan Online
  14. Waxaa weli laga dareemayaa saamaynta dagaalkii ka dhacay shalay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kaasoo sababay khasaare nafeed, dhaawacyo, iyo burbur hantiyeed. Dad badan ayaa wali ka maqan guryahoodii oo ay ka barakaceen. Dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa dagaalkaan kasoo saaray war-saxaafadeedyo iska soo horjeeda oo ay kala soo saareen Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta ee Jubbaland. Wasaaradda Amniga Gudaha ee XFS ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku ammaantay Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed sida ay uga difaaceen degmada Baardheere kooxihii weerarka soo qaaday. Sidoo kale, waxay sheegtay in weerarkaas uu abaabulay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyadoo xustay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay la dagaallanka kooxaha carqaladeynaya nabadda iyo horumarka dalka. Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jubbaland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku eedeysay Dowladda Federaalka, iyada oo sheegtay in dagaalkii Baardheere uu ahaa mid ay soo abaabuleen Masuuliyiin ka tirsan DowladdaFederaalkaSoomaaliya. Sidoo kale, Jubbaland waxay ka digtay in dagaallo kale laga huriyo degmooyinka Beled-Xaawo iyo Garbahaarey ee gobolka Gedo, iyadoo sheegtay in ay dadaal ugu jirto xasilloonida iyo nabadda gobolka. Xaaladda Baardheere iyo guud ahaan gobolka Gedo ayaa ah mid kacsan, waxaana muuqata in xiisadda u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ay sii xoogeysanayso. Waxaa muuqata in labadeena dhinac ay ka baxsanayaan Masuuliyadda dadkii shalay ku dhintay dagaalka Baardheere. Source: goobjoog.com
  15. Langley (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka Mareykanka (CIA) ayaa Arbacadii sheegtay inay si “deg deg ah” u habeyneyso shaqaalaheeda si ay ula jaan-qaado qorshayaasha amniga qaranka ee maamulka Trump, iyadoo la fahamsan yahay in xubno ka tirsan shaqaalaha hay’adda loo yaboohay lacag si ay shaqada uga tagaan. CIA-du waxay noqotay hey’addii ugu horreysay ee sirdoonka Mareykanka ee ka qayb qaadata barnaamijka “iskaa isku casil” ee uu bilaabay Madaxweyne Donald Trump, kaas oo ballan qaaday inuu si weyn u dhimayo shaqaalaha dowladda, isagoo ku dooday in tallaabadan ay sare u qaadi doonto waxtarka iyo dhimista kharashaadka dawladda. “Agaasime (John) Ratcliffe wuxuu si degdeg ah ugu dhaqaaqayaa si uu u hubiyo in shaqaalaha CIA ay si buuxda ugu hoggaansamaan mudnaanta amniga qaranka ee maamulka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay hay’adda. “Tallaabooyinkan waa qayb ka mid ah istiraatiijiyad ballaaran oo lagu doonayo in hey’addu hesho tamar cusub, fursado loo abuuro hoggaan cusub oo soo baxaya, islamarkaana CIA si wanaagsan loogu diyaariyo fulinta howlaheeda.” Ratcliffe—oo ahaa Agaasimaha Sirdoonka Qaranka intii u dhaxaysay 2020-2021 xilligii uu Trump xukunka hayay—waxaa bishii hore ansixiyay Aqalka Senate-ka ee Mareykanka. Markii uu hortagayey sharci-dejiyeyaasha, wuxuu ballan qaaday in CIA ay hoos timaado hoggaankiisa ay soo saari doonto “falanqeyn sirdoon oo qoto dheer, dhexdhexaad ah, oo dhammaan ilaha xogta la kaashanaya, iyadoo aan marnaba la oggolaan in eexasho siyaasadeed ama mid shakhsi ah ay saameyso go’aamada iyo warbixinnada ay soo saarto.” “Waxaan ururin doonnaa xog sirdoon, gaar ahaan midka bani’aadamka, meel kasta oo dunida ka mid ah, xitaa haddii ay tahay meel mugdi ah ama mid adag,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in CIA ay “fulin doonto howlgalada qarsoon ee uu madaxweynaha amro, iyagoo aadaya meelaha aan cid kale tegi karin, isla markaana qabanaya howlaha aan la qaban karin.” Markii uu la hadlayey saraakiisha CIA, wuxuu yiri: “Haddii dhammaan arrimahan ay yihiin wax aad u soo dhar xiratay inaad u shaqeyso, markaa diyaargarow oo kaalin weyn ka qaado. Haddii aysan sidaa ahayn, waxaa la joogaa waqtigii aad shaqo kale raadsan lahayd.”
  16. Warbaahinta ku hadasha afka Carabiga, gaar ahaan shabakadda Sawt El Ghad ee ka soo baxda magaalada Ramallah ee dhulka Falastiiniyiinta la haysto, ayaa dhawaan baahisay warbixin sheegaysa in madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu qorsheynayo in Falastiiniyiinta laga soo barakicinayo marinka Qasa la dejiyo dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Marooko. Warbixinta cusub ee ku saabsan suurtagalnimada in Falastiiniyiinta la dejiyo Soomaaliya iyo Marooko ayaa dhalisay hadal heyn ballaaran oo ka dhex aloosan baraha bulshada ee Soomaalida. Qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa muujiyay walaac ku saabsan saameynta ay arrintani ku yeelan karto xaaladda amni iyo dhaqaale ee dalka, halka kuwa kale ay su’aalo ka keeneen xaqiiqada iyo suurtagalnimada qorshahan. Si kastaba ha ahaatee, ilaa iyo hadda, ma jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ama ilo kale oo madax bannaan oo xaqiijinaya jiritaanka qorshahan. Qaar ka mid ah Warbaahinta Israa’iil ayaa dhankeeda qortay Warbixinada la xariira qorshahaan Trump iyagoo sheegay in deegaanada Somaliland iyo Puntland Mareykanka uu doorbidaayo. Intii uu xilka hayay, Trump horay wuxuu ku dadaalay inuu xoojiyo xiriirka Israa’iil iyo dalalka Carabta qaarkood. Tusaale ahaan, sanadkii 2020, wuxuu ku dhawaaqay in Suudaan iyo Israa’iil ay dib u soo celiyeen xiriirkoodii diblomaasiyadeed, taasoo qeyb ka ahayd dadaallada Mareykanka ee lagu heshiisiinayo Israa’iil iyo dalalka Carabta. Sidoo kale, waxaa jiray warar sheegaya in Trump uu doonayay in dalalka Masar iyo Urdun ay qaabilaan dadka Falastiiniyiinta ah ee ku nool marinka Qasa, isagoo ku tilmaamay Qasa inay tahay “goob burbur ah”. Source: goobjoog.com
  17. Washington, D.C.- The Trump administration is reportedly evaluating Morocco, Puntland, and Somaliland as potential destinations for relocating residents of the Gaza Strip. This follows President Donald Trump’s recent proposal for the United States to assume control of Gaza and oversee its reconstruction. According to a report by N12, cited by The Jerusalem Post, the administration is exploring these three regions due to their significant need for U.S. support. Somaliland and Puntland, both semi-autonomous regions in Somalia, are seeking international recognition, while Morocco is engaged in a territorial dispute over Western Sahara. Background of the proposal President Trump’s proposal involves relocating Gaza’s approximately two million residents to other countries, followed by U.S.-led redevelopment of the area. He envisions transforming Gaza into the “Riviera of the Middle East,” aiming to create economic opportunities and improve living conditions. In a recent interview with The Jerusalem Post, Trump argued that Gaza has “never worked” as it stands and proposed an alternative solution that includes massive infrastructure projects and foreign investments to transform the coastal enclave. “I think about Gaza differently than others. I believe they can have a new, beautiful land, and investors will come in to rebuild it into something livable and prosperous,” Trump said. In a recent press conference with Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu, Trump stated, “The U.S. will take over the Gaza Strip, and we will do a job with it too. We’ll own it.” He emphasized the need to clear unexploded ordnance and demolish damaged infrastructure to pave the way for new development. International reactions The proposal has elicited strong reactions globally. Palestinian leaders have condemned the plan, asserting that it violates international law and infringes upon their rights. The Palestinian Authority emphasized that Gaza is an integral part of the future Palestinian state. Hatem Azzam, a 34-year-old resident of Rafah in southern Gaza, expressed his outrage, stating, “Trump thinks Gaza is a landfill—this is completely false. This is our home, and we will not be forced out.” Key regional players, including Saudi Arabia, Egypt, and Jordan, have also rejected the idea of relocating Gazans to their territories. The Saudi government issued a statement reaffirming its commitment to the Palestinian cause and a two-state solution, declaring, “We categorically reject any displacement of the Palestinian people from their land.” Jordan’s King Abdullah similarly stated, “Jordan will never accept any forced transfer of Palestinians under any circumstances.” Egypt, which shares a border with Gaza, emphasized that Palestinians “will not leave their homeland” and vowed not to facilitate any mass displacement.
  18. Somaliland has made significant achievement in advancing child rights and legal identity through the Child-Sensitive Social Protection program by offering Birth Registration Training for its health workers. By completing a 3-day Birth Registration Training for health workers and civil registration staff across 14 districts, has taken crucial steps toward ensuring that children have access to legal recognition, which is fundamental for their protection, access to services, and future opportunities. The collaboration with BMZ and KfW highlights the importance of international partnerships in supporting such initiatives. Birth registration is a cornerstone of legal identity, and this effort will undoubtedly contribute to reducing statelessness, improving access to education and healthcare, and safeguarding children’s rights. Qaran News
  19. Riyadh (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku adkaysatay inaysan wax xiriir ah la yeelan doonin Israa’iil ilaa laga hirgeliyo dowlad madax-bannaan oo Falastiiniyiin leeyihiin, arrintaas oo meesha ka saaraysa sheegashadii madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ee ahayd in Riyadh aysan ku xirin aqoonsiga Israa’iil dhul ay Falastiiniyiintu leeyihiin. Trump ayaa horey u sheegay in Maraykanku damacsan yahay inuu la wareego gacan ku haynta Marinka Gaza. Shir jaraa’id oo si lama filaan ah Talaadadii u qabsoomay, ayuu Trump ku shaaciyay in Maraykanku la wareegi doono maamulka Marinka Gaza – oo ay dagaalladu halakeeyeen – kadib marka dadka Falastiiniyiinta ah dib u dajin lagu sameeyo, isla markaana dhaqaale ahaan loo horumarin doono. Wuxuu hadalkan ka jeediyay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, oo booqasho ku joogay Maraykanka. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa Arbacadii qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Sacuudigu gabi ahaanba diidan yahay isku day kasta oo lagu doonayo in Falastiiniyiinta looga barakiciyo dhulkooda, iyadoo carrabka ku adkeysay in mowqifka Sacuudiga ee ku aaddan arrinta Falastiin uusan ahayn mid gorgortan geli kara. Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, ayaa si “cad oo aan mugdi ku jirin” u xoojiyay mowqifka Boqortooyada, kaasoo aan marnaba aqbalayn fasiraad kale, ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda. Qorshe kasta oo lagu barakicinayo Falastiiniyiinta ayaa ah arrin xasaasiyad weyn ku leh Falastiiniyiinta iyo guud ahaan dalalka Carabta. Iyadoo dagaalku uu si xowli ah uga socdo Gaza, ayaa Falastiiniyiintu waxay ka cabsi qabaan inay mar kale la kulmaan “Nakba” – oo ah masiibadii – soo martay, markaasoo boqolaal kun oo qof laga qixiyay guryahoodii, xilligii lagu jiray dagaalkii lagu aas-aasay Israa’iil. Marka laga hadlayo siyaasadda Sacuudiga ee ku aaddan Bariga Dhexe, waxaa jira dano waaweyn oo ku xiran, kuwaasoo saameyn ku leh madaxweynaha Maraykanka, Trump, iyo Israa’iil labadaba. Muddo bilooyin ah, ayuu Maraykanku hormuud ka ahaa dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayay in Sacuudiga – oo ka mid ah dowladaha Carabta ee ugu tunka weyn uguna saamaynta badan – uu xiriirka caadi ka dhigo Israa’iil, isla markaana uu aqoonsado. Hase yeeshee, dagaalkii Gaza, oo qarxay Oktoobar 2023, ayaa ku qasbay Riyadh inay hakiso qorshahaas, sababo la xiriira carada xooggan ee dalalka Carabta kaga timid duullaanka Israa’iil. Trump ayaa doonaya in Sacuudigu uu qaado tallaabo la mid ah middii ay qaadeen dalalka Imaaraadka Carabta – oo ah xudunta ganacsiga Bariga Dhexe – iyo Baxrayn, kuwaasoo 2020-kii la saxiixday Israa’iil heshiiskii loogu magac daray “Abraham Accords”, kana dhigay xiriirkooda mid caadi ah. Tallaabadaas waxay dalalkaas ka dhigtay kuwii ugu horreeyay ee Carab ah, muddo rubuc qarni ah, oo jebiya xayiraad soo jireen ah oo ka taagnayd xiriirka Israa’iil. Haddii Sacuudigu xiriir la yeesho Israa’iil, waxay guul weyn oo taariikhi ah u noqon lahayd Israa’iil, maadaama Boqortooyada Sacuudigu ay saameyn ballaaran ku leedahay Bariga Dhexe, dunida Islaamka guud ahaan, iyo weliba, maadaama ay tahay dalka ugu sarreeya dhinaca dhoofinta shidaalka caalamka.
  20. Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada geesiyaasha ah ee Daraawiishta Puntland ayaa howlgal labo maalmood ka socday buuraha Calmiskaad ee gobolka bari ku dilay ku dhowaad 60 ka tirsan Khawaarijta Daacish oo u badan ajaanib. Sidoo kale ciidamada ayaa dagaalka ku furtay cadowgana ka furtay hub iyo saanad ciidan, iyagoo ka xoreeyey deegaano muhiim ah. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa ka warbixiyey dagaalka, waxayna sheegeen inay ku guuleysteen xoreynta deegaanadii lagu qaaday howlgallada ee saldhigga u ahaa Argagixisada Daacish. Deegaanka Togga-jaceel ee Buuralayda Calmiskaad ayaa kamid ah goobaha dagaalka ugu culus uu ka dhacay shalay iyo maanta, waxaana gacanta ku haya ciidamada Puntland. Dagaalkan ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay in ka badan 15 askari, waxaana ku dhaawacmay tiro ka badan 50 askari oo ciidamada Puntland ah, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo xog-ogaal ah. Afhayeenka Ciidanka Puntland Jeneral Maxamed Maxamuud Axmed, ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka Puntland ay guulo ka gaareen dagaal fool ka fool ah oo 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ay la galeen kooxda Daacish. Wuxuu sheegay in ay ka dileen 57 dagaalyahan, oo ajaanib ku jirto, dhul cusubna ay ka qabsadeen. Afhayeenka ayaa qiray in ciidamadooda khasaare kasoo gaaray dagaalka oo uu ku tilmaamay midkii ugu cuslaa ee dhex mara Puntland iyo Daacish, inkastoo uusan tirakoobka khasaaraha ciidankooda sheegin. Hoos ka daawo saraakiil goobtii dagaalka kula hadlay warbaahinta
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Amniga Gudaha XFS oo war-saxaafadeed kasoo saartay dagaalkii maanta ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa Ciidamada Qaranka ku amaantay sida ay degmadaas uga difaaceen kooxdii soo weerartay saakay. Sidoo kale, Wasaaradda ayaa sheegtay weerarkaas uu soo abaabulay Axmed Madoobe, waxaana qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Amniga Soomaaliya lagu cadeeyey in ay ka go’an tahay la dagaallanka kooxaha qaswadayaasha ah ee carqaladeynaya nabadda iyo horumarka dalka. HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA WASAARADDA AMNIGA: Saakay waaberigii hore, koox qaswadayaal ah oo uu soo abaabulay eedaysane Axmed Madoobe ayaa fal arbushaad ah ka sameeyey degmada Baardheere ee gobolka Gedo, iyaga oo isku dayay in ay xasilooni-darro ka abuuraan deegaanka. Ciidamada Amniga oo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqa kooxdaas ayaa si degdeg ah u qaaday tallaabooyin looga hortagayo ficilladooda. Ciidamadu waxay si hagar la’aan ah ugu guuleysteen in ay soo afjaraan rabshadaha ay kooxdu waday, iyagoo gacanta ku dhigay xubno ka tirsan kooxdii weerarka soo qaadday. Wasaaradda Amniga ayaa si adag u uga digaysa cid kasta oo ku lug yeelata falalka noocaan oo kale ah in ay la kulmi doonto tallaabo Waafaqsan sharciga si loo sugo nabadda iyo xasilloonida dalka. Dhanka kale, eedaysane Axmed Madoobe ayaa weli ku mashquulsan abaabulka ficillo sharci-darro ah iyo dhiig-daadinta muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuwaas oo sii kordhinaya dambiyada uu horey u galay. Wasaaradda Amniga waxay mar kale adkeynaysaa sida ay uga go’an tahay la dagaallanka kooxaha qaswadayaasha ah ee carqaladeynaya nabadda iyo horumarka dalka.
  22. Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, ahna Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda ee dalka Azerbaijan, Mudane Yalchin Rafiyev. Kulanka ayaa laoga hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Azerbaijan, iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga labada dal, si kor loogu qaado danaha wadajirka ah, loona xoojiyo iskaashiga horumarineed ee labada waddan. Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka iyo Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda ee Azerbaijan, ayaa isla qaatay in la xoojiyo wadashaqeynta dhinacyada kala duwan, si loo abuuro iskaashi miro-dhal ah oo wax ku ool u ah labada dal. Source: goobjoog.com
  23. Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda ee Turkiga ayaa si adag u dhaleeceeyay qorshaha uu soo jeediyay madaxweyne Donald Trump ee ah in Mareykanka la wareego Marinka Gaza, islamarkaana Falastiiniyiinta lagu daabulo dalal kale. “Tani waa arrin aan la aqbali karin,” ayuu yiri Hakan Fidan, mar uu la hadlayay wakaaladda wararka ee Anadolu. Wuxuu intaas ku daray in barakicinta Falastiiniyiinta ee Gaza ay tahay arrin “anaga iyo gobolka toona aan la qaadan karin.” “Xitaa in laga doodo waa khalad,” ayuu raaciyay. Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu ka dhigi doono Gaza “mid aan la rumeysan karin,” isagoo ballan qaaday in uu meesha ka saari doono walxaha qarxa ee aan dillaacin iyo burburka, isla markaana uu dib u dhisi doono dhaqaalaha gobolka. Si kastaba ha ahaatee, Trump ma uusan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan sida uu qorshuhu u saameyn doono in ka badan laba milyan oo Falastiiniyiin ah oo ku nool Gaza. “Mareykanka ayaa la wareegi doona Marinka Gaza, waxaana ka qaban doonaa shaqo weyn,” ayuu Trump ka yiri shir jaraa’id oo ka dhacay Aqalka Cad, isagoo intaa ku daray in arrintaasi ay abuuri doonto kumannaan shaqo. “Waxaan arkaa in Mareykanka uu muddo dheer gacanta ku hayn doono Gaza, taasoo xasillooni weyn u keeneysa Bariga Dhexe iyo laga yaabee gobolka oo dhan,” ayuu sii raaciyay. “Tani ma ahan go’aan sahlan, qof walba oo aan la hadlay wuu jecel yahay fikradda ah in Mareykanku lahaado dhulkan.” Dhanka kale, Shiinaha ayaa Arbacadii si cad uga hor yimid “barakicinta qasabka ah” ee Falastiiniyiinta ee Gaza, kaddib hadalkii Madaxweyne Trump. “Shiinaha wuxuu aaminsan yahay in Falastiiniyiintu ay xaq u leeyihiin inay iyagu maamulaan dhulkooda, taasoo ah mabda’a asaasiga ah ee xukunka Gaza xilliga dagaalka kadib. Waxaan si adag uga soo horjeednaa barakicinta qasabka ah ee shacabka Gaza,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda ee Shiinaha, Lin Jian, mar la weydiiyay arrinta Trump.
  24. AQNUBFkDiTuqM_kFRlpAHe4iQ7OC-LFGi569PvdHLwy7IVo1UHIhQZOOdNrV4cyo96VU_DmcmPQcgcZ-1Pq858w3 Qaran News
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan soo dhaweyn ah ugu fidiyey Madaxtooyada Qaranka Hal-abuure Asad Xaajiyow, halkaasi oo lagu guddoonsiiyay Billadda Adkaysiga Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa ku dhiirri-geliyey Asad go’aanka geesinimada leh ee uu ku wajahay dhibaatada ay u geysteen argagixisada, islamarkaana uu dib ugu soo laabtay dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Asad Xaajiyow uu tusaale u yahay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee adkaysiga iyo geesinimada kaga gudbay dhibaatada iyo waxyeellada ay argagixisada u geysteen dadka Soomaaliyeed. “Asad kuma niyad jabin weerarkii naxariis darrada ahaa ee argagixisada Al-Shabaab ay dhowr iyo toban sano ka hor isku dayeen in ay ku dilaan, kaas oo keenay in uu naafo noqdo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Waxa uu intaas kusii daray “Inkastoo uu la kulmay dhaawac halis ah oo naafo ka dhigay haddana maanta waxa uu dalkiisa ku soo laabtay isagoo xambaarsan himilo iyo hiigsi ku aaddan horumarka dalkiisa iyo dadkiisa.” Munaasabadda kaddib agaasimaha guud ee Madaxtooyada Qaranka Cabdixakiim Maxamed Yuusuf ayaa guddoonsiiyey Asad Xaajiyow Billadda Adkaysiga Soomaaliyeed. Billadan ayaa ah abaalmarin la siinayo muwaadiniinta muujiyey geesinimo, dulqaad, iyo adeeg bulsho oo qiimo leh, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.