Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) — As violence and displacement surge in Erigavo, the East Sanaag Clan clan gathered in El Buh to issue a rallying call for unity and self-defense. Under the leadership of Sultan Said Sultan Abdulsalan, clan leaders resolved to safeguard their people and lands, marking a decisive response to the region's deepening crisis. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray wafdi culus oo ay soo dirtay dowladda Itoobiya, kuwaas oo wada-hadallo xasaasi ah la yeelan doono madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya. Wafdiga ka socda Itoobiya oo lagu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa hoggaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Mesganu Arga iyo Wasiirka Gaashaandhigga Aisha Mohammed Musse, kuwaas oo wada-hadal ka bilaabaya Muqdisho. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Itoobiya ay dowladda federaalka kala hadleyso arrimo ku aadan joogitaanka ciidamada Itoobiya ee kamid noqonaya howlgalka cusub ee AUSSOM iyo dhammeystirka heshiiska ay dhowaan labada dal ku gaareen magaalada Ankara. Itoobiya ayaa raadinayso marin badeed ay si sharci ah ku hesho, waxayna haatan kala macaamileysa dowladda Soomaaliya oo horey u diiday heshiiskii ay la gashay Somaliland. Horay dowladda Soomaaliya ayaa u sheegtay in ciidanka Itoobiya ay ka baxayaan dalka waxaana loo qabtay 31-kii bishii dhammaatay, balse weli ma bixin, waxaana qorshaha Itoobiya uu yahay inay sii joogto, qaybka kasii ahaato howlgalka ka socda dalka. Dowladda Itoobiya ayaa isku dayeysa inay ku qanciso madaxda Soomaaliyeed inay ciidankeeda kasii mid ahaadaan howlgalka Midowga Afrika, waxaana horay labada dal ay heshiis uga gaareen murankii ka dhashay badda, kadib wada-hadallo ka dhacay gudaha magaalada Anakara. Waxaa kale oo jirta in Masar ay qayb ka tahay howlgalka cusub, iyada oo maalmaha soo socdo soo diri doonto ciidamadeeda, waana dal ay is hayaan Itoobiya. Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan Soomaaliya ay wafdi culus u dirtay Addis Ababa, kaas oo wada-hadallo la yeeshay madaxda sare ee dalkaasi.
  3. Dowladda Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqday in ay ku jirto dagaal heer Caalami ah, oo ay hoggaaminayaan Argagixisada dunida ugu halista badan ee Daacish. Qoraal ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirada Puntland ayaa lagu sheegay in dowladdu ay ku jirto dagaal ay ku ciribtirayso argagixiso heer Caalami ah oo isaga yimid dunida daafaheeda, islamarkaana ay hoggaaminayaan ajaaniib halis ah. “Dowladda Puntland waxay kujirtaa dagaal ay ku ciribtirayso argagixiso heer Caalami ah, waad ogtihiin in xalay , Maraykanka sida laamahooda Amnigu sheegeen, in nin ka tirsan ISIS/Daacish weerar gaari ku dilay 15qof, sidaasi darteed waa dhacdo la mid ah hawlgalka dharjaale oo aynu argagixisada ISIS/Daacish ku jebinnay,” ayaa lagu yiri qoraalka. Dowladda Puntland ayaa sidoo kale ku bogaadisay Ciidamada difaaca ee ku sugan Gobolka Bari siday ugu jebiyeen argagixisadii ISIS/Daacish degaanka dharjaalle, iyadoo uusan Argagixisada qofna ka laaban oo la laayey, dhammaantoodna ay Ajaanib ahaayeen. “Golaha Wasiirrada ayaa ku boggaadiyey Ciidanka Difaaca Puntland siday ugu jebiyeen argagixisadii ISIS/Daacish deegaanka dharjaalle, iyadoo uusan Argagixisada qofna ka laaban oo la laayey, dhammaantoodna ay Ajaanib ahaayeen” ayuu sii raaciyay qoraalka. Xukuumaddu waxay ku baaqday in la iska kaashado oo loo midoobo ciribtirka kooxaha Argagixisada Caalamiga ah ee ku soo duulay dhulka Puntland, oo ay hoggaaminayaan danbiilayaal caalami ah oo dunidu raadinayso, kuwaasi oo dhammaantood ajaaniib ah. PUNTLAND POST The post Puntland oo ku dhawaaqday in ay ku jirto dagaal ka dhan ah Argagixiso heer Caalami ah appeared first on Puntland Post.
  4. Mogadishu (HOL) — The future of U.S. military operations in Somalia hangs in the balance as the Trump administration reconsiders its strategic footprint in the country. With insurgent violence persisting and Somalia's stability at stake, this decision could reverberate across Africa and beyond. Source: Hiiraan Online
  5. Mogadishu (HOL) — Somalia has officially reclaimed its seat on the United Nations Security Council, marking the first time in over half a century that the East African nation will serve as a non-permanent member. The two-year term, which began on January 1, 2025, is a historic milestone in Somalia's ongoing efforts to reestablish itself as a significant player on the global stage. Source: Hiiraan Online
  6. Beledweyne (HOL) – Traditional elders from the Hawadle and Abgal clans reached an agreement on Thursday to bury the six federal government soldiers killed in a clan revenge attack in El-Baraf district, Middle Shabelle region. Source: Hiiraan Online
  7. Dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta hadda ayuu bilowday,” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, wareysi uu siiyay telefishin gudaha ah. Haddaba, hadallada Netanyahu miyay ka dhigan yihiin in cutub cusub oo dagaalka labada dhinac ah uu furmayo? Sida ay ku warrameen warbaahinta Israel, Israel waxay qorsheynaysaa inay qaaddo weerar “ka sii daran” kuweedii hore oo ay ballaadhiso laguna beegsanayo “bartilmaameedyo.” Xuutiyiinta ah. Todobaadyadii la soo dhaafay, Xuutiyiintu waxay ku tuurayeen gantaalada riddada dheer habeenno badan, taas oo malaayiin Israa’iiliyiin ah ku qasabtay inay galaan gabaadyo gaar ah. Falanqeeye siyaasadeed oo Yamani ah, Cabdul Kariim al-Cansi, ayaa sheegay in wargeysyada Israa’iiliyiinta iyo kuwa caalamkuba ay Xuutiyiinta ku tilmaameen “dad cagacad oo soo helay teknoolojiyad casri ah iyo hubab kala duwan.” Isagoo la hadlayay BBC-da, Al-Cansi wuxuu sheegay in qaab-dhismeedka militariga iyo amniga ee Xuutiyiinta uu noqday mid aad u nidaamsan, oo ay Xuutiyiintu horumariyeen nidaamyada gantaalaha si ay uga hortagaan hub casri ah sida nidaamka gantaalaha THAAD iyo kuwa kale. Al-Cansi wuxuu intaas ku daray in “sirdoonka Yaman uu gaadhay guulo iyo horumar dhaafsiisan kan sirdoonka Israel,” isagoo xusay in Israel ay bartilmaameedsato meelaha aan muhiimka ahayn, taasoo keentay “jeesjees iyo majaajilo ka timaadda shacabka Yaman,” sida uu sheegay. Falanqeeye siyaasadeed oo Israa’iili ah, Eli Nissan, ayaa u sheegay BBC-da in inkasta oo dhawaan la sheegay in Xuutiyiintu ay noqdeen kuwo iskood u horumariya hubkooda, taageeradooda ugu weyn ay weli ku tasshadaan waa Iran. Sidaas darteed, Nissan wuxuu tilmaamayaa doodda ka jirta gudaha Israel ee ah in si toos ah loo weeraro Xuutiyiinta ama la beegsado Iran oo uu ku tilmaamay, “madaxii bahal lugu badane oo kale ah.” Nissan wuxuu intaas ku daray in waxa maanta hadhay ay tahay “kaliya furinta Yaman,” taas oo salka ku haysa in Israel, iyadoo ay ka go’an tahay dhammaan awoodaha siyaasadeed iyo millatari, ay ku mashquuli doonto wax ka qabashada Xuutiyiinta inta lagu jiro xilliyadan, sida uu sheegay Nissan. Dhawaanahan, waxaan aragnay hawlgallo millatari oo lala beegsaday hogaamiyeyaal muhiim ah oo ka tirsan Lubnaan iyo Suuriya, iyo sidoo kale dilalka hoggaamiyaasha Xamaas ee Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed. Israel ayaa qiratay qaar ka mid ah hawlgalladan, halka ay ka aamustay ama beenisay kuwa kale. ‘Dad cagacad oo hub casri ah sita’ Falanqeeye Eli Nissan ayaa sheegay in Israel ay haysato xog iyo awood milatari oo ku filan si ay ula tacaasho hoggaamiyeyaasha Xuutiyiinta, isagoo xusay in “xisaab cusub ay ka dhaxeyso Israel iyo hoggaamiyeyaasha Xuutiyiinta.” Nissan wuxuu tilmaamay in Xuutiyiintu ay aaminsan yihiin in masaafada 2,000-km ee u dhaxeysa Israel iyo Sanca ay tahay caqabad dheeri ah marka loo eego xog-uruurinta iyo ogaanshaha hoggaamiyeyaashooda. Si kastaba ha ahaatee, Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, iyo Wasiirkiisa Difaaca, Israel Katz, ayaa hanjabaad u jeediyay hoggaamiyeyaasha Xuutiyiinta, iyagoo sheegay in Israel aysan kaliya diyaarado u diri doonin si ay u bartilmaameedsato xarumaha madaniga ah iyo kuwa amniga ee Xuutiyiinta, balse ay sidoo kale raadin doonto xogta meelaha ay ku sugan yihiin hoggaamiyeyaashooda si loogu bartilmaameedsado si toos ah. Falanqeeye siyaasadeed Cabdul Kariim Al-Cansi ayaa ka soo horjeeda aragtidan, waxa uuna aaminsan yahay in qalabyada Netanyahu u adeegsaday Lubnaan ama Dimishiq, sida “basaasnimo,” aysan ku habboonayn Xuutiyiinta, iyadoo la tixgelinayo qaab-dhismeedkooda aadka u adag ee dhanka amniga, millatariga, qabiilka, iyo ururka. Intaas waxaa dheer, Al-Cansi wuxuu tilmaamayaa in dhinaca juqraafiyeed uu door muhiim ah ka ciyaarayo khilaafka Israel, wuxuuna wariye Wahib Al-Nasari ku raacsan yahay, isaga oo sheegay in xaaladda Yemen ay gebi ahaanba ka duwan tahay tan Lubnaan, sababtoo ah Hezbollah-da Lubnaan waxay ku sugan yihiin aagagga xuduudaha la leh Israel. Falanqeeye siyaasadeed Amer Al-Sabaila ayaa sidoo kale tilmaamay in “macluumaadka xog la’aaneed” oo uu la xidhiidhiyey bartilmaameyda muhiimka u ah israel aan weli la arkin wax hawlgallo ah oo saamayn leh oo dhaca, kuwaas oo bartilmaameedsada Xuutiyiinta.” Tani waa waxa Al-Nasari ku tilmaamay, iyadoo inta badan weerarrada ay Israel fulisay aysan lahayn saameyn milatari, balse ay bartilmaameedsadaan xarumo muhiim ah sida dekadda Hodeidah, oo mas’uul ka ah maraakiibta raashinka ee u gudbaya shacabka Yemen, gaar ahaan aagagga ay Xuutiyiintu haystaan. Bbcsomali Qaran News
  8. Bayaan ka soo baxay Shirkii dhawaanahan degaanka Ceelbuh uga socday Beesha East Sanaag Clan ayaa lagu shaaciyay in uu buray heshiis beeleedkii lagu wada degganaa magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag. Bayaanka Shirka East Sanaag Clan oo ka kooban 7 qodob ayaa lagu caddeeyay in uu gebi ahaanba buray heshiis beeleedkii(Afarta qabiil) ee lagu wada degganaa magaalada Ceerigaabo, kaddib markii ay burisay Beesha Isaaq, sida bayaanka ku xusan. Beesha East Sanaag Clan ayaa sidoo kale go’aamisay in su buuxda loo difaaco degmada Ceerigaabo, oo ay Somaliland xoog ku qabsatay, islamarkaana ay ka bara-kicisay dhammaan dadkii ku abtirsanayay beelaha Harti sidoo kalena la wareegtay dhulkoodii iyo hantidoodii. Beeshu waxay caddaysay in dhammaan waxyeellooyinka naf iyo maalba leh ee ka dhacay magaalada Ceerigaabo ay mas’uuliyadeeda qaadayaan Somaliland iyo Beesha Isaaq ee Maamulkaasi leh, maadaama ay duullaan beelaysan ku soo qaadeen magaalada. Shirka waxaa sidoo kale lagu magacaabay guddi qaabilsan difaaca iyo dagaalka oo ka kooban 35 xubnood, waxaana lagu ballamay in Shir weyne kale oo aaya-ka-tashi ah la isugu yimaado 15 bisha Feb 2025. Halkan ka akhriso bayaanka Beesha East Sanaag Clan PUNTLAND POST The post Beesha East Sanaag Clan oo ku dhawaaqday in Somaliland burisay Heshiiskii Nabadda Ceerigaabo appeared first on Puntland Post.
  9. The establishment of Federal and State Governments, along with a parliamentary system, offered hope for recovery after decades of the civil war. The foundation of the new political system was designed to balance the power among different tribes and foster inclusivity to rebuild the nation's unity. Source: Hiiraan Online
  10. Qaar kamida Abwaanada Soomaaliyeed oo magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaal beeleedyada meelaha dalka kamid ah ka socda, kuwaas oo galaaftay nolosha dad badan. Abwaanada ayaa sheegay inay wax aad looga xumaado tahay in maalin walba tobanaan qof ay si macno darro ah u dhintaan, ayagoo dowladda ugu baaqay inay gacan bir ah ku qabato dhinacyada abaabulaya colaadahan. Dhanka kale waxay bulshada Soomaaliyeed ugu baaqeen bannaanbaxyo towbad keen ah oo Illaahay looga baryayo inuu dadka Soomaaliyeed ka dhex saaro shuushka xasiloonida iyo nabad ku noolaanshaha u diidan. Baaqan ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii la soo dhaafay ay dagaallo ka dhacay meelo dalka kamida ah tobanaan qof ku geeriyoodeen, sidoo kalena dhowaan deegaanka Ceelbaraf lagu laayay askar ka tirsanayd ciidanka xoogga dalka. Source: goobjoog.com
  11. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee ku aaddan magacaabista Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed, kaas noqon doona Mudane Axmed Xuseen Cilmi. Sidoo kale, Golaha Wasiirrada, ayaa ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee ah in Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim, ay xubin ka noqoto Guddiga Sare ee Bangiga dhexe ee Soomaaliya. Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mundane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira, qiimeynta wax-qabadka Wasaaradaha Dowladda— sharciga nidaamka Xukuumadda iyo abaabulka iyo wacyigelinta bulshada ee ku aaddan doorashooyinka qof iyo codka ah ee la doonayo in dalkeenna laga hirgaliyo. Source: goobjoog.com
  12. Washington (Caasimada Online) – Booliiska ayaa baaraya ka dib markii gaari nooca loo yaqaan ‘Tesla Cybertruck’ oo ay ka buuxaan caagado shidaal iyo waxyaabaha qaraxa sameeya ee loo yaqaano rash-ta oo ku qarxay banaanka hotelka Tump ee ku yaalla Las Vegas, Nevada. Darawalkii gaariga waday ayaa ku dhintay, todobo qofna waa ay ku dhaawacmeen, sida ay booliisku sheegeen iyadoo aan la magacaabin cid ka mid ah dadka ku lugta leh falkan. Saraakiisha ayaa sheegay in dhammaan dhaawacyadu ay yihiin kuwa fudud. Gaariga xamuulka ah ayaa laga soo kireeyay Colorado wuxuuna soo gaaray magaalada subaxnimadii Arbacada, wax ka yar laba saacadood ka hor inta uusan qarxin, sida ay booliisku sheegeen. Gaariga oo la soo dhigay afaafka hore ee Hotelka, una dhow albaabka laga galo ayaa bilaabay inuu qiiqo, kadibna uu qarxo. Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in Aqalka Cad uu daba gal ku hayo dhacdadan, laamaha ammaankuna ay baarayaan “haddii uu jiro xiriir ka dhaxeeya weerarkaan iyo kii New Orleans”, kaas oo ay ku dhinteen 15 qof maalintii koowaad ee sanadka cusub. Muuqaal laga soo duubay gaariga qarxay ayaa muujinaya baabuur soo gaaray albaabka hore ee hoteelka, kadibna halkaa yaallay dhowr ilbiriqsi ka hor inta uusan qarxin – waxaana la arkayay iftiin faro badan oo goobta ka baxaya. Muuqaal kale ayaa muujinaya baarayaal adeegsanaya agabka ka hortagga dabka si aanu dabku ugu faafin qaybaha gaariga iyo aagga ku hareeraysan. Haamaha gaaska ayaa lagu arkay agagaarka uu ka dhacay qaraxu. Qaraxaan ayaa dhacay saacado yar ka dib markii nin gaarigiisa laga dhex helay calanka Daacish uu gaari jiirsiiyay dadweyne ku sugnaa magaalada New Orleans, halkaas oo uu ku dilay ugu yaraan 15 qof, waxaana dhaawacmay dad kale oo badan. Isha: BBC
  13. New York (Caasimada Online ) — Soomaaliya ayaa ugu dambeyn si rasmi ah Arbacadii shalay dib ugu biiray xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, 54 sannadood kaddib. Soomaaliya ayaa ka mid noqotay 15-ka xubnood ee uu ka kooban yahay Golaha Ammaanka, gaar ahaan 10-ka xubnood ee aanan joogtada aheyn. Waxay kursigan ku matali doontaa Bariga Africa muddo laba sannadood ah oo ka billaabatay 1-di bishan January ee sannadkana 2025-ka oo shalay ku beegneyd ilaa sannadka 2026-ka. Danjiraha Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) oo ka hadlay guushaan wayn ayaa sheegay in kursigaan muhiimad gaar ah u leeyahay Soomaaliya, isla markaana ay uga shaqeyn doonaan danaha caalamka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay u istaagi doonto ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah, iyada oo la dhowrayo axdiga u yaalla Qaramada Midoobay. “Waxaa naga go’an inaan ilaalino Axdiga Qaramada Midoobay, waxaana u heellannahay ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.” ayuu yiri Danjire Baalle. Dhanka kale, si lamid ah Soomaaliya waxaa sannadkan Golaha Ammaanka shirarkiisa ku biiray dowladaha Denmark, Giriiga, Pakistan iyo Panama. Si kastaba, dowladda federaalka ayaa helitaanka kursigan ku bixisay dadaallo dheeraad ah, iyada oo ugu dambeyn hanatay, waana guul kale oo usoo hoyatay Soomaaliya.
  14. Howlgalka cusub ee taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya, oo loo yaqaan AUSSOM (African Union Support and Stabilization Mission in Somalia), ayaa si rasmi ah u bilaabay shaqadiisa Janaayo 1, 2025. Howlgalkaan cusub ayaa beddelay ATMIS (African Union Transition Mission in Somalia), wuxuuna ujeedkiisu yahay in uu sii xoojiyo dadaalladii nabadgelyo iyo dib u dhiska ee laga hirgeliyay Soomaaliya intii uu socday hawlgalkii ATMIS. Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, Maxamed El-Amine Souef, ayaa sheegay in 2024 ay ahayd sanad muhiim ah oo horumar laga sameeyay dhinacyada nabadda iyo amniga, taasoo ka dhalatay iskaashiga dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika. Souef ayaa xusay in ATMIS ay guulo badan ka gaartay wareejinta saldhigyada ciidan ee muhiimka ah si ay mas’uuliyaddooda ula wareegaan Ciidamada Ammaanka Qaranka Soomaaliya, taasoo muujinaysay in ciidanka Soomaaliya ay diyaar u yihiin in ay si madax-bannaan u maareeyaan amniga dalka. Intii uu socday ATMIS, waxaa sidoo kale la hirgeliyay mashaariic horumarineed oo degdeg ah oo ka mid yihiin qodista ceelal biyood, dhismaha fasallo waxbarasho, xarumo boolis, iyo dayactirka xarumaha caafimaadka. Mashaariicdan ayaa lagu taageerayay dadka ku nool deegaannada laga xoreeyay Al-Shabaab, si loo hagaajiyo noloshooda. AUSSOM ayaa qorsheynaysa in ay sii waddo dadaalladaas iyadoo laga duulayo go’aamada Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika iyo qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Sidoo kale, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u oggolaaday xubnaha Midowga Afrika in ay muddo 12 bilood ah qaadaan tallaabooyin lagu taageerayo dowladda Soomaaliya, si loo wiiqo awoodda Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xiriirka la leh Daacish. Source: goobjoog.com
  15. Mogadishu (HOL) — Somalia has officially ended the deployment of Burundian troops in the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), effective January 1, 2025. Source: Hiiraan Online
  16. Dowladda Puntland ayaa soo saartay digniin amni oo ku saabsan in taxaddar dheeri ah laga muujiyo falalka amni-darro ee kooxaha Argagixisada ah ka samayn karaan magaalooyinka waaweyn. Af-hayeenka Booliska dowladda Puntland G/sare Xasan Cabdullaahi Maxamed oo saaka warbaahinta ka sii daayay digniintani ayaa ku baaqay in laamaha amniga iyo dadweynuhu taxaddar dheeri ah ka muujiyaan dhagarta Argagixisada. “Waxaa la faraya ciidamada magaalooyinka waaweyn iyo kuwa yar yar amnigoda sugaya in ay taxaddar dheeri ah muujiyaan oo ay xil iska saaraan dhaq dhaqaaqa gaadiidka iyo hubinta qof islamarkaana waajibkooda ka gutaan”. “Ciidamadu waa in ay ka feejignaadaan oo indha dheer u yeeshaan dhaq dhaqaaqa argagixisada oo ay la socdaan isu socodka gaadiidka iyo dadka safarrada ah iyo kuwa magaalooyinka jooga oo ay sii laban-laabaaj shaqada sugidda amniga” ayuu yiri Af-hayeenka Booliska G/sare Xasan Cabdullaahi Maxamed. “Dadweynaha Reer Puntland waxaan sidoo kale ugu baaqaya in ay taxaddar aad ah sameeyaan gaar ahaanna goobaha la isugu yimaado sida Hotellada iyo goobaha ganacsiga waa in aad loo feejignaado” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Af-hayeenka Booliska G/sare Xasan Cabdullaahi Maxamed ayaa sidoo kale digniintani u diray ilaalada khaaska ah ee shirkadaha gaarka loo lee yahay gaar ahaanna kuwa hoteellada iyo goobaha ganacsiga oo uu kula taliyay in ay feejignaan aad ah muujiyaan. PUNTLAND POST The post Digniin amni oo laga soo saaray falal argagixisadu ka samayn karaan magaalooyinka Puntland appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa saaka safar dhulka ah ku gaaray magaalada Beledweyne, isaga oo kasoo baxay degmada Maxaaas. Taliyaha ayaa maalmahan gobolka Hiiraan u joogay arrimo ku aadan xal u helista xiisadda ka dhalatay askartii dhowaan lagu laayay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Sanbaloolshe ayaa lagu soo warramayaa in haatan kulan uu la leeyahay Ugaaska Beesha Xawaade Ugaas Yuusf Ugaas Xasan iyo odayaal ka baxay Muqdisho oo uu hoggaaminayo Imaamka Mudulood Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaar Cumar, waxayna ka wada-hadlayaan dhacdadii Ceel Baraf. Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay go’aan ku gaareen in marka hor la aaso maydadka askarta oo weli yaalla, kadibna la guda galo howlaha kale. Sidoo kale wada-hadallada oo sii socda ayaa lasoo warinayaa in lagu ballamay in laga war suga dadaallada ay waddo dowladda dhexe, maadaama askarta la dilay ay ka tirsanaayeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Kiiska askarta la dilay ayaa dhaliyay xasaasiyad wayn, waxaana ka carooday beesha Xawaadle, iyada oo sidoo kale keentay in qaar kamid ah ciidamada dowladda oo gadood sameeyay ay kasoo baxaan furimaha dagaalka, walow mar dambe dib loogu celiyay. Askarta la dilay waxay gaareysaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa ciidankaas ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe.
  18. Ethiopia's expanding economic ambitions have intensified its pursuit of seaport access, transitioning its focus from Eritrean and Djiboutian ports to Somali ones. This shift has heightened Somalia's sovereignty concerns, particularly given Ethiopia’s actions, such as its Memorandum of Agreement (MOA) with Somaliland, and its broader geopolitical aspirations. Source: Hiiraan Online
  19. Mogadishu (HOL) — Kenya has taken delivery of six Turkish-made Bayraktar TB2 unmanned combat aerial vehicles (UCAVs), signalling a major advancement in its counterterrorism strategy. The acquisition is part of Kenya’s broader efforts to modernize its military and address the persistent threat posed by Al-Shabaab militants operating along its borders. Source: Hiiraan Online
  20. CAIRO (Xinhua) -- Egyptian Prime Minister Mostafa Madbouly said Wednesday that the country received a record high of 15.7 million tourists in 2024, according to a statement issued by the Egyptian cabinet. Source: Hiiraan Online
  21. Mogadishu (HOL) — Somali migrants seeking a better life often face harrowing journeys across treacherous waters. For Said Muse Yalahow and his companions, the dream of reaching Spain turned into a nightmare as they drifted at sea for seven days, enduring loss, hunger, and despair. Source: Hiiraan Online
  22. New Orleans (Caasimada Online) – Muwaadin Mareykan ah oo sitay calanka Daacish iyo “ujeeddo xasuuq” ayaa gaari xamuul ah jiirsiiyay dad isugu soo baxay dabaaldegga sanadka cusub ee magaalada New Orleans ee gobolka Louisiana Arbacadii, isagoo dilay ugu yaraan 10 qof, in ka badan 35 kalena dhaawacay, sida ay saraakiishu sheegeen. FBI-da ayaa ninka weerarka gaystay ku sheegtay Shamsu-Din Jabbar, oo 42 jir ah, oo haystay dhalashada Mareykanka, kana soo jeeda gobolka Texas ee dalka Mareykanka. Waxa uu u muuqdaa inuu ahaa nin guryaha iibiya oo ka shaqeeya Houston, isaga horeyna usoo noqday khabiir IT oo la shaqeeya ciidanka. Saraakiishu waxay sheegeen inay baadigoobayeen dad gacan saar la lahaa, balse waxay bixiyeen tafaasiil yar, iyadoo warbaahinta Maraykanku ay sheegtay in baarayaashu ay dib u eegeen muuqaal muujinaya saddex nin iyo qof dumar ah oo aasaya walxaha qarxa ka hor weerarka. Isbatoore boolis, Anne Kirkpatrick ayaa Jabbar ku tilmaantay “argagixiso”, halka FBI-da ay sheegtay in “calanka Daacish laga dhex helay gaariga.” “FBI waxay ka shaqaynaysaa sidii ay u aqoonsan lahayd xiriirka uu eedeysanaha la leeyahay ururada argagixisada,” ayay hay’addu ku tiri bayaan ay soo saartay. Waxaa socda ugaarsi, iyadoo wakiilka FBI-da ee New Orleans Alethea Duncan ay ka digtay in mas’uuliyiintu “aysan rumaysnayn in Jabbar uu isaga kaliya mas’uul ka yahay weerarka.” “Waxaan daba-gal ku haynaa dad aad u xun,” ayuu yiri barasaabka gobolka Louisiana Jeff Landry. Booliiska ayaa sheegay in shilkan uu ka bilowday abaare 3:15 a.m. (0915 GMT) xaafadlla loo yaqaan Qeybta Faransiiska, halkaasi oo ay buux dhaafiyeen dad u dabaal-degayay bilowga sanadka 2025-ka. Tuhmanuhu waxa uu baabuur cad oo Ford F-150 ah u jiiray koox dad ah oo lugaynayay, ka dibna wuu ka soo degay, wuxuuna ku dhintay rasaas ay is-dhaafsadeen booliska, FBI-da ayaa sheegtay in labo bam oo guri lagu sameeyay la helay oo la qabtay. Warbaahinta Mareykanka qaarkeed ayaa sheegaya in dhimashadu ay gaareyso 15 qof, balse saraakiisha ma aysan xaqiijin. “Ninkan waxa uu isku dayay in uu dadka ugu badan ee suurtogalka ah ku dul maro, gaariga” Kirkpatrick ayaa u sheegay suxufiyiinta. Kirkpatrick waxa uu sheegay in uu ku waday “xawaare aad u sareeya” iyo si “aad u ula kac ah”, “ujeedadiisuna aheyd in uu gaysto xasuuqa iyo dhaawac.” Kirkpatrick ayaa sheegay in saraakiisha dhaawaca ah ay xaaladoodu wanaagsan tahay, Kirkpatrick ayaa sheegay in ay soo kaban doonaan. Weerarka New Orleans ayaa yimid 10 maalmood ka dib markii weerar baabuur uu sidoo kale ka dhacay suuqa Christmas-ka ee magaalada Magdeburg ee bariga Jarmalka, halkaasi oo ay ku dhinteen shan qof in ka badan 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen. Boolisku waxay xireen nin Sacuudiyaan ah, waxayna sheegeen inuu u muuqday mid maskaxiyan xanuunsan. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dowladiisa aysan u dulqaadan doonin weerar kasta oo lagu qaado mid ka mid ah bulshooyinka qarankeena. Madaxweynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa isla markiiba weerarkan ku xiriiriyay soo galooti sharci darro ah, isaga oo aan wax caddayn ah soo bandhigin, hadal uu jeediyay ka hor inta aanay masuuliyiintu caddayn in tuhmanuhu yahay muwaadin Maraykan ah.
  23. Bashir Ahmed has just one memory about moving into his family's new Columbus apartment 16 years ago: the sounds of police sirens and gunfire. Source: Hiiraan Online