-
Content Count
212,826 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xilli dhowaan warbaahinta caalamka ay si xoog leh u qabsatay arrinta ah in dadka falastiiniyiinta ah loo soo rarayo Soomaaliya, gaar ahaan Puntland iyo Soomaaliland, iyo meelo kale oo dunida kamid ah, ayay dowladda Federaalku weli arrintaas ka aamusantahay, halka Puntland ay sheegtay inay diyaar u tahay soo dhowaynta falastiiniyiinta. Wargeyska Telegraph ee ka soo baxa dalka Ingiriiska oo xiganaya wasiir ku xigeenka Warfaafinta Puntland Yacquub Maxamed Cabdalla ayaa sheegay in dowlad goboleedkaasi uu diyaar u yahay soo dhowaynta dadka falastiiniyiinta ah, haddii ay iskood u imaanayaan, balse aysan jirin baahi keenayso in qasab lagu soo musaafiriyo. Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in Puntland ay soo dhoweynta dadkaas ku helayso maqaam sare, taageero dhaqaale, iyo nabad-gelyo buuxda, sida uu wargeysku daabacay. Dowladaha islaamka, iyo dalalka kale caalamka intooda badan ayaa qorshahan si adag u diiddan, balse dowladda Soomaaliya weli kama hadlin, inkastoo madaxda dalku ay horay u sheegeen inay taageersanyihiin in xalka falastiiniyiintu uu ku jiro helidda dowladda falastiiniyiintu ay leeyihiin oo madax-bannaan. Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa shaaca ka qaaday in markabka sahminta badda ee Oruc Reis uu dhameystiray 50% baaritaannada seismic ee badda Soomaaliya. Markabka Oruc Reis ayaa bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay kusoo xirtay dekedda Muqdisho si uu u bilaabo sahminta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha Soomaaliya. Bayraktar ayaa magaalada Istanbul kula kulmay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, iyo wafdigiisa. Wuxuu sheegay in ay ka wada hadleen geeddi-socodka xiga ee sahminta iyo fursadaha iskaashi ee dhulka. Intaa waxaa dheer, wasiirka Turkiga wuxuu ku dhawaaqay in la bilaabay nidaam cusub oo iskaashi ah oo dhanka macdanta ah oo dhexmara labada dal. “Waxaan sii wadi doonnaa dadaallada aan ku horumarinayno iskaashiga tamarta iyo macdanta, si uu u noqdo mid ku habboon xiriirka dhow iyo kalsoonida dhabta ah ee naga dhaxeysa,” ayuu yiri Bayraktar. Markabka Oruc Reis ayaa samaynaya baaritaanno saddex-geesood ah (3D seismic studies) oo lagu ogaanayo suurtagalnimada shidaalka iyo gaaska, sahmintana waxay qaadan doontaa muddo u dhexeysa lix illaa toddobo bilood. Daraasadaha laga helo xogta la ururiyay ayaa lagu falanqeyn doonaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga, si loo go’aamiyo meelaha ugu habboon ee qodista shidaalka iyo gaaska. Source: goobjoog.com
-
Ganacsatada Suuqyada Gobolka Banaadir ayaa warsaxaafadeed ku shaaciyey in ay si rasmi ah u joojiyeen dhammaan howlaha ganacsi ee Suuqyada Muqdisho. Tallaabadan ayaa ka dhalatay cabashooyin is biirsaday oo ay ka muujiyeen cadaadis iyo dhibaatooyin ay kala kulmeen Wasaaradda Maaliyadda, hay’adaha amniga sida NISA, iyo wasaarado kale oo ay sheegeen in ay si joogto ah ugu kordhinayaan culayska ganacsiyada. Ganacsatada ayaa tilmaamay in canshuuraha lagu soo rogay ay yihiin kuwo xad-dhaaf ah, taasoo aan wax xal ah loo helin inkastoo ay cabashooyin badan ka muujiyeen. Sidoo kale, waxay sheegeen in hay’adaha amniga sida NISA ay faragelin joogto ah ku hayaan ganacsiyada, iyagoo xir xiray xarumo ganacsi oo lagu eedeeyey in aysan bixin canshuuraha. Tani waxay abuurtay niyad jab iyo cabsi weyn oo soo wajahday ganacsatada, maadaama ganacsiyadooda ay si joogto ah ula kulmaan culeysyo aan sharciyeysneyn. Waxaa intaas dheer in ciidanka booliska ay si toos ah ugu eedeeyeen inay dalbanayaan lacago sharci-darro ah oo aan waafaqsaneyn sharciga dalka, taasoo sii adkeysay dhibaatooyinka haysta ganacsatada. Dhanka kale, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa soo rogtay nidaam cusub oo ku khasbaya ganacsatada inay lacago cusub ku bixiyaan shaqaalaha iyo nidaamyada maamulka, taasoo noqotay culays dheeraad ah oo aan loo adkeysan karin. Ganacsatada ayaa sidoo kale tilmaamay in ballanqaadyo badan oo horey loogu sameeyey aysan fulin, taasoo sii kordhisay niyad-jabka iyo kalsooni darrada ay ku qabaan hay’adaha dowladda. Ugu dambeyntii, ganacsatada ayaa ugu baaqay dowladda in ay joojiso faragelinta joogtada ah iyo cadaadiska lagu hayo ganacsiyada si loo badbaadiyo dhaqaale ahaan iyo kalsooni ahaanba. Waxay sidoo kale bulshada ka codsadeen inay dulqaad muujiyaan inta xal waara laga gaarayo xaaladda. Source: goobjoog.com
-
Gaza (Caasimada Online) – Xamaas ayaa Sabtida maanta ah sii deyneysa 3 la heyste oo Israa’iiliyiin ah oo ay ku beddelanayso 183 maxbuus oo Falastiiniyiin u xiran Israa’iil, waana markii shanaad ee is-dhaafsigan tan iyo markii la gaaray xabad joojinta aan cagaha badan ku taagneyn ee Gaza. Isdhaafsigaan ayaa imaanaya xilli uu gobolka ka jiro buuq ka dhashay soo jeedintii ka timid madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ku aadaneyd in Marinka Gaza laga sifeeyo dadka ku nool iyo in Mareykanka uu la wareego dhulka Falastiiniyiinta. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa wakaaladda wararka ee AFP u xaqiijiyey Jimcihii in ay heleen liiska la haystayaasha laga sii deynayo Gaza ka dib markii Xamaas ay daabacday saddex magac oo maxaabiis ah oo la sii daynayo. Saddexda nin ee lagu wado in la sii daayo Sabtida ayaa kala ah Eli Sharabi, Or Levy iyo Ohad Ben Ami, sida ay sheegtay Xamaas. Magacyadooda waxaa xaqiijiyay xafiiska Netanyahu. Sida heshiisyada dhacay ku xusan, marka la sii deynayo Maxbiista waxaa lasii gudbinayaa xogtooda si Xukuumadda Israa’iil ay ugu wargeliso ehelkooda una diyaargaroobaan sidii ay usoo dhaweyn lahaayeen inkasta oo hubin caafimaad waqti badan qaadaneysa ay gelinayaan. Xamaas waxaa weli u xiran Maxaabiis u badan ciidan kuwaas oo 7dii Oktoobar 2023 kasoo qafaalatay deegaanno amni ahaan ay Israa’iil aamsanayd in aanay u gudbi Karin balse weerar qorshe badan la geliyay lagu gudbay.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasiin ayaa Madaxweynaha Kenya William Ruto ku amaanay sida uu ugu hiiliyey Soomaalida Kenya, isagoo ku tilmaamay madaxweynihii ugi fiicnaa dhamaan madaxweynayaashii soo hoggaamiyey dalkaas. Fahad ayaa soo tiriyey fursado badan oo Madaxweyne William Ruto uu siiyey Soomaali Kenyanka, isagoo sheegay in guushooda uu ku faraxsan yahay maadaama uu “muddo dheer ku noolaa magalada Mandheere.” Hoos ka Akhriso qoraalka Fahad Yaasiin: Afartii Madaxweyne ee Kenya soo martay waxay gobolka Soomaalida, dad ahaan iyo deegaan ahaan, isugu dareen dayac, dulmi, iyo in la duudsiiyo xuquuqda ay ku leeyihiin Kenya. William Ruto waa Madaxweynihii ugu horreeyey oo Soomaalida Kenya ula dhaqma si la mid ah muwaadiniinta kale ee dalkiisa. Sidaas uma dhahayo in uu xilal muhiim ah u magacaabay dad Soomaali ah, sababtoo ah waa xilal ay ku kasbadeen mudnaan iyo karti ay u leeyihiin xilalka loo igmaday. Muddo 62 sano ah, waa markii koowaad ee Madxaweyne Kenyan ah uu seexdo gobolka Soomaalida. Wuxuu saxiixay xeer qeexaya in la laalo hannaanka hubinta marka ay dalbanayaan kaarka aqoonsiga iyo baasaboorka. Waxaa la dhisayaa wadada isku xirta Marsabit ilaa Mandera oo dhan 750KM. Intaas waxaa ka muhimsan in la fasaxayo tirakoobka saxda ee Soomaalida. Maadaama aan qayb noloshayda kamid ah la noolaa shacabka Mandera, si dhaw baan u dareemayaa farxadda shacabkaasi walaalaha ah, taas oo ah mid aysan ka helin afartii Madaxweyne ee Kenya soo martay.
-
Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Mudane Gedion Timotheos, ayaa Khamiistii, 06-da Febraayo 2025, waxa uu kulan muhiim ah magaalada Ankara kula yeeshay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Burhanettin Duran. Sida lagu shaaciyay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, kulankan ayaa looga arrinsanayay qorsheynta wadahadallo farsamo oo dhawaan la filayo in ay yeeshaan labada dal, kuwaas oo looga gol leeyahay hirgelinta Baaqa Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Labada dhinac ayaa intii kulanka socday “is weydaarsaday aragtiyo la xiriira dhinacyada farsamo” ee Baaqa Ankara, si gaar ahna waxay falanqeeyeen habka ugu wanaagsan ee loo hirgelin karo qodobada baaqaas ku xusan. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya waxay xaqiijisay in Wasiir Gedion uu “hoosta ka xariiqay sida ay Itoobiya uga go’an tahay hirgelinta dhammaystiran” ee heshiiska, isagoo uga mahadceliyay dowladda Turkiga doorka mugga leh ee ay ka qaadatay fududeynta heshiiska saddex-geesoodka ah ee ay la gashay Soomaaliya. Baaqa Ankara, oo ay magaalada Ankara ku kala saxiixeen Madaxweynaha Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed, iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Mohamud, ayaa waxa uu dib u xoojiyay “ixtiraamka iyo ballanqaadka qotada dheer ee ay u hayaan madax-bannaanida, midnimada, xornimada, iyo wada-jirka dhul ee midba midka kale,” sida lagu caddeeyay war-saxaafadeed wadajir ah oo ka dhashay shirka. Heshiiskan ayaa sidoo kale qiray “fursadaha faa’iidooyin badan oo kala duwan oo suurtagal ah” oo ay Itoobiya ka heli karto “helitaan sugan oo ah marin bad,” iyadoo si xooggan loo adkeeyay ixtiraamka “dhul-wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.” Waxaa sidoo kale lagu caddeeyay in hoggaamiyeyaashu ay ku heshiiyeen “in meel la dhigo lana dhaafo khilaafaadka iyo arrimaha muranka dhalin kara.” Baaqa Ankara ayaa si faahfaahsan u qeexaya qorshayaal ku aaddan wadahadallo farsamo oo laga yeelanayo arrinta helitaanka badda ee Itoobiya, kuwaas oo la qorsheeyay in ay si rasmi ah u billaabmaan bisha Febraayo 2025, isla markaana la soo gabagabeeyo muddo afar bilood gudahood ah. Labada dal ayaa ku heshiiyay “in si dhow ay uga wada shaqeeyaan sidii loo soo afjari lahaa is-afgaradyo ganacsi oo faa’iidada labada dhinac ah ku jirto,” iyadoo si buuxda loo tixgelinayo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya. Baaqa Ankara ayaa ku soo beegmay xilli uu meel xun marayay xiriirka labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya horraantii sannadkii 2024, ka dib markii Itoobiya ay saxiixday heshiis is-afgarad ah (MoU) oo ay la gashay Somaliland. Heshiiskaas is-afgaradka ah ayaa dhigayay qodobo ku saabsan kiraysashada 20 kiiloomitir (12 mayl) oo ka mid ah xeebta Somaliland, iyadoo Itoobiya ay beddelkeeda ku ballanqaaday aqoonsashada madax-bannaanida Somaliland. Tallaabadan ayaa waxaa ka dhashay dhaleeceyn xooggan, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku tilmaantay “ku xadgudub cad oo lagu sameeyay madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.” Si kastaba ha ahaatee, ka dib saxiixii Baaqa Ankara, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar rasmi ah ku tegey Itoobiya 11-kii Janaayo 2025, halkaas oo uu Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed kala heshiishay dib u soo celinta xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa iyo xoojinta iskaashiga dhinaca amniga ee gobolka. Booqashadan ayaa si rasmi ah u soo afjartay xurguf diblomaasiyadeed oo sannad qaadatay, taas oo ka dhex taagnayd labada dal ee dariska ah. War-murtiyeed wadajir ah oo labada dhinac ka soo saareen kulankoodii, ayaa hoggaamiyeyaashu waxay si wadajir ah u ballanqaadeen “in la soo celiyo lana xoojiyo xiriirkooda laba geesoodka ah iyada oo loo marayo diblomaasiyad buuxda oo ay caasimadahooda ku kala yeeshaan.” Waxay sidoo kale farreen ergadooda diblomaasiyadeed ee ku sugan goobaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka “in si dhow ay uga wada shaqeeyaan arrimaha danta labada dal khuseeya.” Waxaa intaa dheer, waxay si adag isugu raaceen baahida loo qabo “iskaashi mug leh” si wax looga qabto xasilloonida gobolka, waxayna isku afgarteen inay si dhow isaga kaashadaan dadaallada lagu xoojinayo horumarka wadajirka ah iyo is-fahamka qotada dheer ee labada dhinac.
-
Osoble’s land ownership documents have been certified by Omar Tugumbe. Mogadishu (PP News Desk) — Ibrahim Mohamed Osoble bought a plot of land in 1987 after Mogadishu Municipality granted planning permission to the owner of the land in what was then Wadajir district (now Dharkeynley). His land has now been occupied by Jazeera Estate, a company financed by IBS Bank, according to a board on the fencing of the plot of land legally owned by Mr Osoble. “This is the proof of my ownership of this plot of land. I looked like this then; now you see how I look like” said Osoble, displaying the property ownership documents and an ID card issued by Mogadishu Municipality before 1991. The logo of Jazeera Estate is on the fence surrounding the land claimed by Osoble. Osoble said that he does not aim to cause trouble or resort to violence. “My ownership documents have been certified by Omar Tugumbe” added Osoble. Omar Tugumbe worked for the land department of Mogadishu Municipality and rescued land registry documents of Mogadishu. For a fee, Omar Tugumbe, who now lives outside Somalia, helps settle property and land disputes in Mogadishu by disclosing data on property ownership, dates of planning permission and details of houses near the land or property in question. Is IBS Bank financing the construction of a house on the plot of land taken from Osoble? Armed militias protect the land claimed by Osoble.” I don’t know who occupied my land, except the information on the board fixed to the fence surrounding my land,” Osoble told Hubaal TV, a news channel. In Mogadishu, banks and conglomerates acquire land or finance the construction of houses. Osoble called on people to be wary of making business deals with Jazeera Estate or IBS Bank “on my plot of land that has been illegally occupied.” © Puntland Post,2025 The post “IBS Bank-Financed” Firm Accused of Land Occupation in Mogadishu appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal culus oo saakay waaberigii hore soo bilowday ayaa maanta ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan oo hoos taga degmada Buuloburde, halkaas oo lagu xubno ka tirsan Al-Shabaab oo maxaabiis dagaal ah. Al-Shabaab ayaa saakay intii aan la gelin salaadii subax weerar ku soo qaaday fariisimihii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugnaa deegaanada Jiinka Wabiga Shabeelle ee maalmihii lasoo dhaafay laga xoreeyey, waxaana dhacay dhacay dagaal aad u culus. Gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay dileen in ka badan 30 Horjooge iyo maleeshiyaad kale, dagaalka ayaa ka dhacay aagga deegaankaa Jiciboow oo dhaca jiinka Wabiga Shabeelle. Guddoomiyaha ayaa sheegay in nolosha ay kusoo qabteen dagaalamayaal kale oo 3 gaaraya, kuwaas oo sawirradooda ay soo bandhigeen, iyagoo indhaha ka duuban. Afhayeenka Wasaaradda Gaashandhiga ee Xukuumadda Soomaaliya Abuukar Macalin oo galavta shir haraa’id qabtay ayaa sheegay in dagaalamayaal badan ay Shabaab ka dileen, sidoo kalana kuwa nolosha lagu soo qabtay dhul weynna looga saaray. Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Korneyl Cabdullaahi Cumar Maxamed oo kamid ah saraakiisha howlgalkaan wax ka hogaaminaysa ayaa sheegay in degaano badan oo dhinaca Jiinka Wabiga ay kaga dhuumaalaynayeen laga saaray halkaasna khasaare dhimasho iyo dhaawacba lagu gaarsiiyay Kooxdii Al shabaab. Dagaalka xooggiisa ayaa saakay waxa uu ka dhacay deegaanno u dhaxeeya Beera-Yabaal iyo Jicibow oo ku yaala jiinka webiga Shabeelle, isla karkaana hoos taga Buuloburde, halkaas oo muddaba ay dhufeysyo uga qodnaayeen kooxda Al-Shabaab.
-
Ra’iisul Wasaaraha maamulka Israa’iil Netanyahu ayaa wareysi uu siiyay Channel 14 ku sheegay in Sacuudigu uu awoodo inuu dhiso dowlad Falastiiniyiintu leeyihiin oo ku taal gudaha Sacuudiga, sababtoo ah waxay leeyihiin dhul ballaaran sida uu hadalka u dhigay. Netanyahu ayaa carrabka ku adkeeyay inaysan jiri doonin dowlad falastiiniyiin ah wixii ka dambeeyay 7-da Oktoobar, maxaa-yeelay buu yiri xilligaas waxaa jirtay dowlad noocaas ah oo ay maamusho Xamaas, natiijadeedu’se waxay ahayd xasuuqii ugu weynaa tan iyo Holocaust, sida uu sheegay. Hadalkan ayuu sheegay xilli uu booqasho ku tagey magaalada Washington ee caasimadda Mareykanka, ayadoo la fahamsanyahay in Trump uu wado qorshe uu ku doonayo in dhulkooda looga musaafiriyo dadka reer Qasa, kaas oo ay diidanyihiin dalalka dunida intooda badani. Source: goobjoog.com
-
Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa Jimcaha maanta shaaciyay in markabka sahminta shidaalka ee “Oruc Reis” uu dhameystiray 50 boqolkiiba baaritaannada shidaal ee badda Soomaaliya, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Anadolu. Markabka “Oruc Reis”, ayaa bishii Oktoobar ee sanadkii hore ku xirtay dekedda Muqdisho si uu u billaabao hawlgal sahmin ah oo lagu baarayo saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha Soomaaliya. Bayraktar ayaa la kulmay Wasiirka cusub ee Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, iyo wafdi uu hoggaaminayay, kulankaas oo ka dhacay magaalada Istanbul, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta X. Labada wasiir ayaa “ka wada hadlay wejiga xiga ee hawlgallada sahminta iyo fursadaha iskaashi ee cusub oo aan ka hirgelin karno dhulka.” Bayraktar waxa uu sidoo kale shaaciyay in Turkiga iyo Soomaaliya ay bilaabeen geeddi-socod cusub oo iskaashi dhanka macdanta ah kaddib kulankaas. “Waxaan sii wadi doonnaa dadaallada aan ugu jirno inaan gaarsiino iskaashigeenna tamarta iyo macdanta heer ka tarjumaya xiriirka dhow ee daacadda ah ee ka dhaxeeya dalalkeenna,” ayuu yiri Bayraktar. Oruc Reis ayaa ka wadda biyaha Soomaaliya daraasado saddex-cabbir (3D) ah oo dhanka ciidda ah, kuwaas oo lagu ururinayo xog muhiim ah oo sahmin ah si loo ogaado meelaha suurtagalka ah ee saliidda iyo gaaska dabiiciga ah muddo lix illaa toddoba bilood ah. Xogtan ayaa lagu falanqeyn doonaa caasimadda Turkiga ee Ankara si loo aqoonsado goobaha ugu habboon ee lagu sameyn karo qodista batroolka iyo gaaska. Markabka Oruc Reis ayaa sahmin ka wada qiyaastii 5,000 km isku wareeg ah, sida ay sheegtay wasaaradda tamarta Turkiga. Oruc Reis ayaa waxaa wehliya laba markab oo kuwa dagaalka ah, oo sugaya amnigiisa. Wasiir Bayraktar waxa uu sheegay in shirkadda Turkish Petroleum ay haysato shatiyada sahmin ee dhul-badeed loo qeybiyey saddex goobood oo ka kooban 15,000 oo km oo isku wareeg ah.
-
BOSASO, Somalia – Security forces in Somalia’s semi-autonomous region of Puntland have seized a large swathe of territory previously controlled by the Islamic State (ISIS) group during recent military operations, officials and Reuters journalists report. Puntland hopes the advancements will lead to increased international support. The gains mark a significant setback for the ISIS affiliate in Somalia, which has grown in prominence in recent years and become the target of US airstrikes. Reuters journalists gained rare access to the village of Balidhidin, in the Golis Mountains of northern Somalia. This central ISIS stronghold had been under the group’s control for a decade. They observed Puntland security forces patrolling the area, with residents moving around the wreckage of armored vehicles destroyed in recent fighting. The area has been the target of previous US airstrikes. Local residents reported that security forces had also captured other nearby areas. Many Balidhidin residents had fled the group’s harsh rule, particularly after the district commissioner was assassinated in 2021. They sought refuge in neighboring villages and the port city of Bossaso. “We faced great fear. We were threatened,” said Saido Abdirahman, who recently returned to Balidhidin. “Even though we were mothers staying at home, there was fear that forced people to flee.” ISIS in Somalia: A growing threat The ISIS branch in Somalia, estimated to have between 700 and 1,500 fighters concentrated in the Puntland mountains, is considerably smaller than the al-Qaeda-linked al-Shabaab, which controls large parts of southern and central Somalia. However, analysts say ISIS has become an important part of the global ISIS network in recent years. Officials and analysts indicate the group is supported by foreign fighters from the Middle East and other African countries and by revenue generated from taxing local businesses. Some media outlets reported last year that the group’s leader, Abdul Qadir Mumin, had become the global leader of ISIS, citing US officials. ISIS has not officially confirmed this. The US military has conducted airstrikes against the group for years and has also helped train Puntland security forces. Puntland’s Information Minister, Mohamed Adan, told Reuters that regional security forces had captured 250 square kilometers of territory, including 50 bases previously controlled by ISIS, since December 31st. This marks the largest offensive against the group in recent years. A Puntland military spokesman told Reuters on Thursday that security forces had killed at least 85 ISIS fighters in clashes over the past two days, while 17 Puntland soldiers also died in the fighting. Minister Adan stated there was no cooperation on the operation with the federal government in Mogadishu, from which Puntland officially withdrew its recognition last year. He appealed to the international community for greater assistance. “This is a global war against terrorists. We are asking the international community to provide us with experts, military equipment, anti-mine equipment, and devices to stop the terrorists’ drones. It’s a difficult fight,” Adan said. Puntland-Federal political tensions The relationship between Puntland and the Federal Government of Somalia (FGS) in Mogadishu has been strained. Puntland withdrew its recognition of the FGS in 2023 due to disagreements over power-sharing and constitutional issues. This lack of coordination complicates the fight against extremist groups like ISIS and al-Shabaab. Matt Bryden, a Somalia analyst at Sahan Research, said certain elements that worked with the former presidential administration in the US, some of whom have been openly critical of the Mogadishu government, are likely to strengthen direct security cooperation with local authorities like Puntland to combat ISIS and al-Shabaab. “There was already recognition that the Somali federal government is not exactly a reliable partner at the moment when it comes to fighting armed extremist groups,” Bryden said. Somalia’s Information Minister, Daud Aweis, said the FGS welcomes the support of international partners and “works continuously with relevant security agencies, including Puntland, to ensure the effectiveness of counter-terrorism operations.” “Strengthening Somali federal institutions and ensuring a unified national strategy are essential for achieving lasting security and stability,” he said. The US State Department did not immediately respond to a request for comment.
-
Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay. Madaxweynaha ayaa la kulmay dhiggiisa madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Intaas kadib, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa galabta u amba-bixi doona magaalada Daarusalaam ee dalka Tansaaniya. Madaxweynaha ayaa Daarusalaam uga qayb-gali doona shir aan caadi ahayn oo looga arrinsanayo colaadda ka aloosan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo. Shirka Daarusalaam ayaa lagu xoojinayaa dadaallada lagu daminayo xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka, iyadoo Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay iskaashi buuxa iyo taageero ku aaddan nabadda iyo horumarka mandiqadda. Safarada madaxweynaha ee dibadda oo tan iyo markii uu la wareegay tallada dalka isdaba joog noqday ayaa dad badan qabaan in laga maarmi karay, maadaama ay ku baxaan kharashaad badan oo meelo kale oo uga mudan looga faa’iideysan lahaa.
-
Stockholm (Caasimada Online) – Dowladda Sweden ayaa Jimcaha maanta ah ku dhawaaqday inay soo saari doonto hindise sharciyeed lagu beddelayo xeerarka hubka, laguna xaddidayo helitaanka hubka daran-dooriga ah kadib dhacdadii toogashada ugu dhimashada badnayd ee dalka ka dhacday toddobaadkan. Tallaabadan ayaa timid kaddib markii nin hubeysan uu Talaadadii dilay 10 qof kadibna is-dilay, isagoo weeraray xarun waxbarasho oo ku taalla magaalada Orebro, galbeedka Stockholm. “Waxaa jira noocyo hub ah oo halis badan, kuwaasoo kaliya loo oggolaan karo isticmaalka rayidka xaalado gaar ah,” ayay dowladda ku sheegtay bayaan ay soo saartay. Xisbiga Sweden Democrats oo taageero siiya dowladda ayaa oggolaaday hindise lagu beddelayo sharciga hubka, iyadoo diiradda la saarayo xaddidaadda helitaanka hubka daran-dooriga ah, sida lagu sheegay bayaanka. “Falkii naxdinta lahaa ee Orebro wuxuu soo saaray su’aalo muhiim ah oo ku saabsan xeerarka hubka,” ayaa lagu yiri bayaanka. Booliiska ayaa sheegay inay goobta ka heleen dhowr hub iyo 10 qasnado hub oo maran oo uu ka tegay eedeysanaha. Inkasta oo booliisku aysan faahfaahin noocyada hubka la helay, haddana waxay xaqiijiyeen in eedeysanuhu uu haystay shati afar hub ah, saddex kamid ahna lagu arkay meel u dhow. Dowladda ayaa sheegtay inay si gaar ah u doonayso in la xaddido helitaanka hubka daran-dooriga ah sida AR-15, iyadoo xustay inuu yahay “tusaale hub awood u leh inuu qaado xabbado badan isla markaana waxyeello culus geysan kara waqti kooban gudaheed.” Waxay intaa ku dartay in Hay’adda Ilaalinta Deegaanka ee Sweden ay oggolaatay isticmaalka hubkan ugaarsiga sannadkii 2023, balse hadda la doonayo in la joojiyo oggolaanshahaas. Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay inay beddeli doonto xeerarka lagu qiimeeyo qofka u qalma inuu hub haysto. Waxay tixraacday baaritaan dhawaan la sameeyay oo lagu ogaaday in “shuruudo dhowr ah oo hadda qayb ka ah qiimeynta ku habboonaanta ruqsadda hub haysashada aysan si cad u qeexneyn.” Baaritaankan oo natiijadiisa la horgeeyay dowladda bishii May, ayaa xusay in “aan la diidi karin” in shakhsiyaad rabshado u janjeera ay heli karaan ruqsad ugaarsasho si ay u helaan qoryo otomaatig ah oo si fudud loogu rakibi karo xabbado waaweyn. Xukuumadda isbahaysiga ayaa sheegtay inay amar siin doonto booliiska iyo adeegyada bulshada si ay kor ugu qaadaan iskaashiga ku saabsan soo sheegista dadka caafimaad ahaan aan u qalmin inay hub haystaan. Booliiska ayaa sheegay inay weli ku hawlan yihiin ogaanshaha sababta ka dambeysay falka toogashada. Anna Bergqvist oo hoggaamineysa baaritaanka, ayaa u sheegtay wakaaladda AFP Khamiistii in dadka la dilay ay ka mid yihiin “dad leh dhalashooyin, jinsi, iyo da’yo kala duwan.” Telefishinka TV4 ayaa baahiyay muuqaal uu duubay arday ku dhuumaaleysanayay musqul, iyadoo laga maqlo dhawaqa rasaas ka dhacaysa dibadda iyo qof qeylinaya: “Waxaad ka tagaysaa Yurub!” Safaaradda Suuriya ayaa sheegtay in ugu yaraan laba kamid ah dadka la dilay ay yihiin Suuriyaan, halka wasaaradda arrimaha dibadda ee Bosnia ay Khamiistii sheegtay in haweeney u dhalatay Bosnia la dilay. Qaar kamid ah dadka la dilay weli lama aqoonsan, balse booliiska ayaa u sheegay AFP inay suuragal tahay in howshaasi la dhameystiro Jimcaha. Warbaahinta Sweden ayaa ku magacowday eedeysanaha Rickard Andersson, oo 35 jir ahaa, balse ma jirto xaqiijin rasmi ah oo arrintaas la xiriirta. Warbixinada warbaahinta Sweden ayaa sawir ka bixiyay eedeysanaha oo ahaa nin deegaanka u dhashay, kuna noolaa si go’doon ah, islamarkaana la sheegay inuu la daalaa dhacayay dhibaatooyin dhanka maskaxda ah.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Kambaala ee caasimadda dalka Ugaandha, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay. Madaxweynaha ayaa la kulmay dhiggiisa Madaxweynaha Dalka Ugaandha Mudane Yoweri Museveni oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Intaas kaddib, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta u amba-bixi doona magaalada Daarusalaam ee dalka Tansaaniya, si uu uga qayb galo shir aan caadi ahayn oo looga arrinsanayo colaadda ka aloosan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo. Shirka Daarusalaam ayaa lagu xoojinayaa dadaallada lagu daminayo xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka, iyadoo Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay iskaashi buuxa iyo taageero ku aaddan nabadda iyo horumarka mandiqadda. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dhigeeda Soomaaliya ayaa maalmahan ku mashquulsanaa calaamadeynta goobaha cusub ee ay ku shaqeyn dooanan ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaasi oo loo yaqaano AUSSOM. Dowladda Soomaaliya ayaa soo jeedisay inay Itoobiya baneyso gobolada Bakool, Bay iyo Gedo. Laakiin Itoobiya ayaa qeyb ahaan taas ka cago jiiday, waxay si weyn iskaga riixeen inay ka baxaan gobolka Gedo, sidoo kale gobolka Bakool ayey ku faro adeygeen, waxaase lasoo wariyay inay aqbaleen inay ka baxaan qeybo kamid ah gobolka Baay oo ay ku jirto magaalada Baydhabo. Caasimada KMG ah ee Koonfur Galbeed ee Baydhabo ayaa hadda si weyn ugu tiirsan kaalmada milateri ee Itoobiya, waxayna ciidankeeda joogaan Madaxtooyada Koonfur Galbeed, garoonka diyaaradaha iyo goobo kale oo muhiim ah. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa damacsan in magaalada Baydhabo la geeyo ciidan ka socda waddanka Uganda, sida ay sheegayaan xubno ka tirsan dowladda federaalka. Isbeddelka ciidan ee magaalada Baydhabo ma noqonayo mid amni oo keliya, ee sidoo kale wuxuu noqonaya mid siyaasadeed. Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo la sheegay inuu helay xogta ah inay Itoobiyaanku ogolaadeen in Baydhabo ka baxaan ayaa la sheegay inuu si gaar ah qodobkan uga hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo dalbanaya in Baydhabo lagu daro goobaha ay sii joogayaan ciidanka Itoobiya. Sida ay illo ka tirsan Villa Somalia inoo xaqiijiyeen, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa jawaab diidmo ah ama ogolaansho ah siinin Lafta-gareen, wuxuu qabsaday in isaga laga warsugo muddo 10 cisho ah. Lafta-gareen markii uu jeedinayay codsigan waxaa wehliyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa go’aan weyn ku yeelan doonta haddii ay Baydhabo geyso ciidan iyada ka amar qaata. Lafta-gareen wixii markaa ka dambeeya wuxuu kala dooran doona inuu ku baxo jidkii Shariif Xasan Sheekh Aadan ama inuu boqolkiiba boqol isku dhiibo taliska Xasan Sheekh oo ay Villa Somalia go’aan ka gaarto mustaqbalkiisa xukunka Koonfur Galbeed. Haddii uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku adkeysto inay ciidanka Itoobiya ka baxaan magaalada Baydhabo, Lafta-gareen wuxuu ku qasbanaan doona inuu qaato go’aan siyaasadeed oo degdeg ah.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa ka hadlay qorshaha Israel iyo Mareykanka ay ku doonayaan in shacabka Gaza loogu soo raro Puntland iyo Somaliland oo ka tirsan Soomaaliya, si ay ula wareegaan Marinka Gaza. Yacquub Maxamed Cabdalla, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta ee Puntland, ayaa u sheegay wargeyska The Telegraph in dawlad-goboleedku ay ku farxi doonto inay martigeliso qaxootiga reer Gaza, haddii ay si ikhtiyaari ah u yimaadaan. “Marka hore, waxaan kuu sheegi karaa in Puntland ay ku taal geeska Afrika, Falastiinna ay ku taal Bariga Dhexe. Ma jirto sabab qof looga soo eryo dalkiisa loona geeyo dal kale iyadoo qofkaasi uusan dooran inuu guuro.” Laakiin wuxuu soo dhoweeyay dhaq-dhaqaaqa xorta ah. “Taasi dhib ma leh,” ayuu yiri. “Waan soo dhoweyneynaa waqtigaas, waana iyadoo la eegayo sharciga caalamiga ah.” Dhinaca kale, qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, Cabdullaahi Maxamed Jaamac oo ahaa afhayeenkii hore ee dawlad-goboleedka Puntland, ayaa sheegay in qaabilaadda Falastiiniyiinta ay faa’iido u yeelan doonto gobolka, ayna ka caawin doonto inuu taageero ka helo beesha caalamka. Dadka reer Gaza waa “dad Islaam ah”, sida reer Puntland oo kale, waxayna wax ku biirin doonaan “casriyeynta iyo horumarinta” dawlad-goboleedka. Qiyaastii 10,000 oo qaxooti ah oo ka soo cararay dagaalka Yemen ayaa keenay “khibrad farsamo” markii ay yimaadeen. Haddii ay qaabisho reer Gaza, heerka Puntland ee adduunka ayaa sare u kici doona, waxayna heli doontaa “ammaan iyo horumar dhaqaale” beddelkeeda, ayuu yiri Cabdullaahi. “Waxaa ugu wanaagsan in laga faa’iideysto fursadaha aan qorsheysnayn ee mararka qaarkood soo baxa,” ayuu raaciyay. Bishii Maarso ee sannadkii hore, Puntland ayaa aqoonsigii kala noqotay dawladda federaalka, kaddib markii uu soo kala dhex-galay khilaaf ku saabsan wax-ka-beddelka dastuurka, gaar ahaan u-gudbidda cod-bixinta tooska ah ee qof-iyo-codka ah, oo ka duwan tii hore ee ku dhisnayd nidaamka qabiilka. Xiriirka Muqdisho ayaa weli kacsan. Will Brown, oo ah khabiir arrimaha Afrika ka faallooda oo ka tirsan Golaha Yurub ee Xiriirka Dibadda, ayaa sheegay in ka hadalka in boqolaal kun oo reer Gaza ah loo diro Soomaaliya ay tahay “wax aan caqligal ahayn”. “Soomaaliya waa dawlad fashilantay oo ay aafeeyeen rabshadaha jihaad-doonka. Fikradda ah in dad aad u dhaawacan lagu daadiyo halkaas waa mid naxdin leh,” ayuu yiri. Iyadoo uu xukunka hayo Joe Biden, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa cambaaraysay hadallada ku saabsan dib-u-dejinta reer Gaza ee dibadda, iyagoo ku tilmaamay “kuwa hurin ah oo aan mas’uuliyad ku jirin,” iyadoo ay soo baxayeen warar sheegaya in dawladdu ay baarayso sidii Falastiiniyiinta loogu rari lahaa Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo. Qaar ka mid ah saraakiisha Israa’iil ayaa aaminsan in Trump taageerada buuxda ee uu siiyay fikradda, iyo awoodda diblomaasiyadeed ee ay keenayso, ay furi karto heshiis. Benjamin Netanyahu, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, ayaa lagu soo warramayaa inuu shir ay lahaayeen xisbigiisa Likud, uu ka sheegay sannadkii hore: “Dhibaatadeennu waa [helidda] dalal diyaar u ah inay qaabilaan reer Gaza, waana ka shaqeyneynaa.” Khamiistii, Mr Katz wuxuu yiri Norway, Spain iyo Ireland “sharci ahaan waxaa ku waajib ah inay ogolaadaan in qof kasta oo degan Gaza uu soo galo dhulkooda” kaddib markii ay aqoonsadeen dawlad Falastiiniyiin ah.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo qaraar oo saaka ka dhacay deegaano hoostaga degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan. Dagaalkan oo dhex-maray kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada dowlada oo kaashanaya kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa yimid kadib markii ciidamada is garabsanaya ay weerar culus ku qadaeen difaacyo adag oo kooxda ka sameysatay deegaano ku yaala jiinka Wabiga Shabeelle, gaar ahaan deegaanka Jiciboow. Dagaalka oo saacado socday ayaa waxaa jab xoogan loogu geystay kooxda Al-Shabaab, waxaana looga dilay horjoogayaal iyo dagaal-yahaano badan, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo warbaahinta kula hadlay furimaha dagaalka. Intii uu socday howl-galka ciidamada isgarabsanaya ayaa waxay nolosha ku qabteen xubno Shabaab, sida uu xaqiijiyay guddoomiye Muuse Salaad. “Argagixisada waxaa ka saarnay deegaano badan, waxaana ka dilnay saddex horjooge iyo maleeshiyaad badan, waxaana nolol ku qabanay xubno kale oo argagixisada kamid ah,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan. Waxa uu inaas kusii daray “Waa jabeen argagixisada, waxaana hadda firxadkooda ka gudbayaan Wabiga Jiciboow ee dhanka Galbeed.” Howl-galka dib uga billowday bariga gobolka Hiiraan ayaa guulo hordhac ah ka soo hoyeen geesiyaasha Macawiisley iyo kuwa xoogga dalka. Si kastaba, dagaalka maanta ka dhacay deegaanada dhaca Jiinka Wabiga Shabeelle ayaa daba socda dagaalo xooggan oo todobaadyadii lasoo dhaafay ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Beera-yabaal iyo Jiciboow oo kooxda si dhuumaaleysi ah iskaga gudbi jirtay.
-
Iyada oo muddooyinkii dambe la baahinayey warbixinta ku saabsan in maamulka Trump ka fekerayo in uu Soomaalilaan u aqoonsado dal madaxbannaan, safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka, Daahir Xasan Cabdi, waxa uu qoray maqaal aragtiyeed uu ku baaqay in Maraykanku taageero midnimada Soomaaliya. Doodda safiirka waxa ku jira khaldaad dhawr ah oo burinaya xujada dooddiisa, sidan hoose ayaanan u faahfaahiyey: 1: [Safiirku waxa uu ku dooday] in Soomaaliya dal ahaan iyo gobol ahaanba nabad tahay, aqoonsiga Soomaalilaanna keeni karo khalkhal nabadgalyo. Runtii, Soomaaliya hadda nabad ma hayso. Weli al-Shabaab ayaa qaybo badan oo dalka ah gacanta ku haysa. Dhinac kale, Soomaalilaan soddonkii sanno ee u dambeeyey qayb kamay ahayn Soomaaliya, Federaalkana waxa caqabad ku ah Puntlaan iyo Jubbalaan. Sidaas darteed, doodda ah nadabgalyada Soomaaliya ayaa ku wiiqmaysa aqoonsiga Soomaalilaan waa dood jaban. 2: Xidhiidhka wadashaqayn ee Soomaaliya iyo Maraykanku waxa uu xoojiyey nabadgalyada gobolka [ayaa uu safiirku ku dooday]. [Sida doodda hore ku cad], marka horeba gobolka nabad la sheegaa kama jirin tobannaankii sanno ee lasoo dhaafay. 3: [Aqoonsiga Somaliland] waxa uu damaca beelaha ku dhalin karaa sii jarjaridda dalka iyo kala tag hor leh. Marka horeba waddaniyad la wada ilaashado iyo mabda’ laga simanyahay ma jiraan. Kol haddii beeluhu seeska jiritaanka Soomaalida yihiin, taladana wax kasta ku leeyihiin, waxa habboon in laga qaybgeliyo talada. Soomaalidu waa in ay dhistaan maamul la daadejiyey oo xisaabta ku darsada beelaha dadku u kala yaallaan. Maraykanka iyo dalalka kale ee taageera Soomaaliya waa inay joojiyaan fikradda ah in dawlad dhexe oo xooggani uun dhaqi karto Soomaalida. 4: Maraykanku waa in uu ixtiraamo madaxbannaanida Soomaaliya iyo xuduuddii 1960-kii, waana siyaasaddii uu hore ugula soo dhaqmayey Soomaaliya oo caawisay deggenaanshaha Soomaaliya oo ah dal istiraatiiji ahaan muhiim ah. Sheegashadani waa mid amakaag ah. Soomaaliya waxa ay tan iyo 1969-kii ahayd dalalka ugu degenaanshaha yar dunida, waxaana ka dhashay qalalaase gobolka oo dhan ku baahay. Sidaas darteed, mala’awaalka sheegaya in Soomaaliya tahay dawlad keli ah oo deggan, waa dood jaban. 5: Kala qaybinta Soomaaliya waxa ay dawladda dhexe ee Soomaaliya ka jeedin kartaa la dagaallanka argagixisada, waxaanu wiiqi karaa guulaha laga gaadhay la dagaallankooda. Xaqiiqada aan la iska indhotiri karin waa in Soomaaliya imikaba qaybsantahay. Isla xilliganna, Muqdisho waxa ay ku hawlantahay siyaasado aan qotodheerayn oo ay kaga jeeddo dagaalka al-Shabaab. Xukuumadda Soomaaliya oo marar badan si fudud uga jeedsatay dagaalka ka dhanka ah argagixisaduna waxa ay Maraykanka u caddaysay in aanay Maraykanka kala shaqayn karin la dagaallanka argagixisada. 6: Soomaaliya oo midaysani waxa ay adkaynaysaa daahfurnaanta, waxay soo jiidan kartaa maalgashiga, waxaanay bulshadeeda uga faa’idayn kartaa khayraadka. Waxa kale oo ay adkayn kartaa danaha Maraykan. Xukuumadda Soomaaliya way guuldarraysatay *****nta yoolalkan wanaagsan ee uu xusay, sababtuna waa kala qaybsanaanta marka horeba ka dhexjirta, [ka hor intaan bedkaba la keenin aqoonsiga Soomaalilaan]. Saadaasha ku dhisan khibraddii horena waxay muujinaysaa in Soomaaliya sidan usii kala qaybsanaan doonto. Xitaa haddii Soomaaliya midawdo, ma cadda sida daahfurnaan lagu gaadhi karo. Waxa intaasba dheer in xukuumadda hadda Muqdisho ka jirtaa aanay wadin dedaallada [intan uu safiirku sheegay]. Markaas ma jirto sabab si fudud loogu aamino in Soomaaliya si mucjiso ah, xitaa haddii ay midawdo, u *****n karto qodobbadan [uu safiirku xusay]. 7: iyada oo Soomaaliya laga taageero adkaynta haayadaheeda, dhisidda awooddeeda ciidan iyo samaynta wadahadallo siyaasadeed, Maraykanku waxa uu ku guulaysan karaa in uu kala qaybsanaanta beelaha u beddelo waddaniyad, halkii ay ka diriri lahaayeen. Dabcan Maraykanku siyaasaddan hore ayaa tobannaan sanno uga soo shaqeeyey, se may guulaysan. Markaas sababma ayaa mar kale isla jidkaas hore loo mari karaa? Maxaa se cusub oo is beddeli kara? Si guud, xujooyinka safiirka iyo siyaasadda Maraykanku Soomaaliya kula dhaqmaa waxay ku qotomaan mala’awaallo dhawra: Kow, in Soomaaliya bulsho ahaan iyo siyaasad ahaanba mid tahay. Laba, in xukuumadda hadda jirtaa qayb ka qaadato deggenaanshaha gobolka. Saddex, in dedaallada Muqdisho yihiin kuwa togan oo Maraykanka dan u ah. Haddaba, Maraykanku ma xaqiijin karo danihiisa iyo ujeeddooyinkiisa uu Geeska Afrika ka leeyahay, haddii aanu marka koowaad qirin waaqica jira, oo aanu qaadan siyaasado waaqica jira ku dhisan. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay war-saxaafadeed kasoo saaray dagaalka ka socda Puntland, kadib muddo uu ka aamusna madaxweynaha dagaalkaasi, oo ciidamada maamulka Puntland ay kula jiraan kooxda Daacish. Madaxweynaha ayaa bogaadiyey guulaha taariikhiga ah ee ay soo hooyeen ciidanka iyo shacabka dowlad-gobolkeed Puntland, wuxuuna faray xukuumadda in ay dardar-geliso hirgelinta go’aanka taageerada geesiyaasha Soomaaliyeed ee u istaagay xoreynta deegaannada ay argagixisada Daacish kaga sugan yihiin buuraleyda gobolka Bari. War-saxaafadeedka madaxweynaha ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin kala duwan, iyadoo dadka qaar ay madaxweynaha ku dhaliileen sababta uu uga aamusna tan iyo markii uu dagaalka bilowday, halka kuwo kalena ay madaxweynaha ku bogaadiyeen inuu kasoo hadlay dagaalka xaqa ah ee ciidamada Puntland ku jiraan haba lasoo daahee. Caasimada Online oo indhaha la raacday faallooyinka laga dhiibtay qoraalka madaxweynaha, ayaa waxaa dowladda Xasan Sheekh loogu baaqay in hadal keliya uusan wax ka tarin dagaalka ka socda buuraha gobolka Bari, balse looga baahan yahay inay gacan ka geystaan. Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan? Axmed Cabdikariin Waayo-arag: “Af keliya lama rabo waa in saanad ciidan iyo garab istaag muuqda loo diraa, ma ahan in halganka Puntland ka socdo indho siyaasad lagu eego. Gobanimada waa geed ku baxa dhiiga geesiga, Allaha guuleeyo geesiyaasha la diriraya cadawga.” “Madaxweynaha haduu hadlo muxuu u hadlay haduu aaamuso muxuu u aamusey Soomaaliyeey xagee niila raacaa bal soo sheega,” ayuu yiri Maxamed Ugaas. Cabdulqaadir Bootaan: “Madaxweynuhu waa mahadsan yahay garab istaag balaaran bay mudan tahay dawlada Puntland ee Soomaaliyeed. Argagixisadaas in laga xoreeyo dhulka Soomaaliyeed waa lama huraan. Guuul Soomaaliya” Maxamuud Xirsi ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Wad laso daahdey Xasan Sheekh Maxamuudow intaas baa isbuucyo dagaalka socday kari weysay. Hadalkana kugu dhegnaa.” Liibaan Cali Cabdi: “Wixii dhexdeena waxa ka weyn cadowga in loo midoobo argagixiso arxan nama dhax yaalo, Allow Soomaali mideey oo cadowga ka baqo.” Cabdinaasir oo kamid ah dadka ka fal-celiyay waxa uu yiri “War qaduhu badanaa!!. Kaarayaasha Xamar ku prakingman iyo diyaaradaha sawir ahaan miyey u yaalaan dalka?. DFS, Sheeko xariiradeeda waan naqaanaa ama gacan haka gaysto ama ha iska aamuseen.” “Qawda maqashiii waxna ha u qaban maah maah Soomaaliyeed bey aheyd, waxaa xaqiiqo ah in dalkeena Soomaaliya uusan laheyn madax u danqata shacbiga Soomaaliyeed, oo damiir masuulnimo leh,” ayuu yiri Bashiir Xasan. Cabdirisaaq Xasan: “Xasanoow waaa in Saadka aad laba dhigtaaaaa oo garoomada Puntland mashquul noqdaan maalmaha soo socda, kolkaaas baanu ku rumaysan.” “Illa culumadii waa weyneed markay ka aamusi waayeen ficiltankaaga dowlanimada ka baxsan, warbaahintii tooshka kugu wada ifisay miyaa caawa is sii adkeyn waysay oo isa soo daad raacisay,” ayuu yiri Maxamed Kismaayo. Bashiir Macalim Cabdi: “Baaq xoog lagaaga keenay waaye ee furimaha Puntland tag si aa u aamino dhab ahaanshiyaha taageeradaada.”
-
Madaxwaynaha Jumhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimada Dalka Uganda. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu kulamo la qaadan doono dhigiisa dalkaas madaxweyne Yoweri Museveni, iyo masuuliyiinta kale dowladda Uganda. Madaxweyneyaasha labada dalka ayaa wada hadli doono sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo la dagaalnaka argagaxisada, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka madaxtooyada JFS Mudane Cabdiraxmaan Aadam Cali (Xadaana). Source: goobjoog.com
-
Qoraal ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta dowladda Puntland ayaa lagu muujiyay wacyi-gelin amni oo ku saabsan ka-feejignaanta dhaq dhaqaaqa kooxaha Argagixisadihi ka samayn karaan degaannada Puntland. Wacyi-gelinta amni ee wasaaradda Warfaafinta oo ku socota dhammaan shacabka Puntland ayaa lagu muujiyay tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah ka hortagga dhaqdhaqaaqa kooxaha Argagixisada ah samayn karaan, kaddib markii kooxahaasi lagu wiiqay dagaalkii tooska ahaa. Talooyinka dowladdu u jeedisay shacabka waxaa kamid ah in si deg deg ah laamaha ammaanka loogu wargeliyo cid kasta oo laga shakiyo, si si loo hubiyo in uusan khatar ku ahayn amniga guud, islamarkaana taxaddar dheeri ah laga muujiyo cid kasta oo guryo laga kiraynayo, si aysan Puntland gabbaad uga helin kooxaha Argagixisada ah. Dhammaan dadweynaha waxa la faray in ay dareenkooda feejignaanta kor u qaadaan, iyagoo hubinaya in ay xogtooda la wadaagaan hay’adaha ammaanka”Dadweynaha waxaa la farayaa inay dareenkooda feejignaanta kor u qaadaan, iyagoo hubinaya in ay xogtooda la wadaagaan hay’adaha ammaanka” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda. Halkaan ka akhriso Wacyi-gelinta amni PUNTLAND POST The post Puntland oo Feejignaan amni oo heerkeedu sarreeyo ka muujisay dhaq dhaqaaqa kooxaha Argagixisada ah appeared first on Puntland Post.
-
Khartoum (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ciidan ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ciidamada Suudaan ay “dhinacyo badan” ka weerareen bartamaha magaalada Khartoum, ayagoo ku dhowaaday Qasriga Madaxtooyada oo ay gacanta ku hayaan ciidamada gurmadka deg degga ah (RSF). Ciidanka xoogga dalka, oo dagaal kula jiray ciidamada RSF ah tan iyo April 2023, ayaa toddobaadyadii u dambeeyay qaaday weerar xooggan oo ay ku doonayaan inay si buuxda ula wareegaan gacan ku haynta caasimadda. “Ciidamadeennu waxay ku dhow yihiin inay gaaraan bartamaha Khartoum, ayna ka saaraan maleeshiyada Dagalo,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka oo la hadlay AFP, isagoo tixraacaya taliyaha RSF, Maxamed Xamdaan Dagalo. “Ciidamadeenna gaashaaman ayaa ka soo socda dhinacyo badan,” ayuu hadalkiisa raaciyay, isagoo codsaday inaan magaciisa la sheegin sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo warbaahinta. Arbacadii, militariga ayaa sheegay inay “ka sifeeyeen” xaafadaha al-Remila iyo Aagga Warshadaha ee bartamaha Khartoum – kuwaasoo saddex kiiloomitir (1.9 mayl) u jira Qasriga Jamhuuriga oo ay haystaan ciidamada RSF. Laakiin, goobjoogayaal ayaa Khamiista maanta ah sheegay in ciidamada xoogga dalka ay ku qasbanaadeen inay dhex maraan dableyda wax toogata ee RSF oo ku sugnaa dhismayaasha dhaadheer ee ahaan jiray degmo ganacsi iyo mid dowladeed oo ku yaalla Khartoum. Ciidamada RSF ayaan ka jawaabin codsi ay AFP u dirtay si ay uga hadlaan arrintan. Dhinaca koonfureed, goobjoogayaal ayaa sheegay in iska horimaadyo u dhexeeyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa RSF ay ka dhaceen agagaarka buundada Soba – oo ah marin muhiim ah oo laga soo galo caasimadda dhinaca koonfur-bari. Toddobaadyadii la soo dhaafay, ciidamada xoogga dalka ayaa ku soo xoogaystay caasimadda, iyagoo jebiyay go’doomin ku dhow labo sano ah oo ay ciidamada RSF ku hayeen xarumahooda, waxaanay ciidamada RSF ku riixeen cirifyada Waqooyiga Khartoum, oo sidoo kale loo yaqaano Bahri. Horumarka ay ciidamada militariga ka sameeyeen caasimadda ayaa ah guushii ugu weynayd muddo sannad gudihiis ah, tan iyo markii ay dib u qabsadeen Omdurman oo ku taalla dhinaca kale ee webiga Nile, taasoo, ay weheliso Waqooyiga Khartoum iyo bartamaha magaalada oo dhammaantood ka mid aagga ballaaran Khartoum-ta weyn. Tan iyo markii uu qarxay, dagaalku wuxuu sababay dhimashada tobanaan kun oo qof, wuxuuna barakiciyay 12 milyan oo qof, isagoo dalka ku riixay qarka macluul.