-
Content Count
212,826 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha diinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Shiikh Muqtaar Roobow Cali oo qeyb ka ahaa shir jaraa’id oo qaar kamid ah Golaha wasiirradu ay qabtaan, islamarkaana ku saabsanaa la dagaalanka Alshabaab ayay wariyaashu weydiiyeen su’aal ahayd maadaama qudhiisu uu kooxdaas muddo dheer ka tirsanaa sida ka bixitaankiisu sharci u noqday. Wasiirka oo weydiintaas ka jawaabayay ayaa yiri” anigu mar hore ayaan toobad keenay, haddana waan ku celinayaa ee dhagaysta”, wuxuuna intaas ku daray inuu horay ula dagaalamay kooxdaas, ka dib markii uu ka baxay. Muqtaar Roobow ayaa sanado badan kamid ahaa hoggaamiyaasha ugu sarreeya kooxda Al-Shabaab, balse hadda wuxuu kamid yahay Wasiirrada ugu muhiimsan xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, wuxuuna safka hore uga jiraa mas’uuliyiinta la dagaalanka kooxdaas waayo-aragnimada gaarka u leh. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay go’aamo culus oo ku saabsan nabad-gelyada magaala-madaxda dalka ee Muqdisho, waxaana go’aamadaas qeyb ka ah inaan hub lala gali karin xeebta Liido. Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay inaanay jirin hub la gali karta xeebtaas ay kumanaanka qof sida maalinlaha ah u tagaan. Amarkan ayaa saamayn doona dhinacyada hubaysan ee ka baxsan laamaha ammaanka sida ilaalada gaarka ah, waxayna boolisku sheegeen in tillaabadan looga golleeyahay adkaynta nabad-gelyada goobtan mashquulka badan ee aadka loogu dalxiiska tago. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa gebi ahaan xirmay suuqa weyn ee Bakaaraha, sababo la xiriira canshuurta ay soo rogtay dowladda Soomaaliya oo ay weli cabasho ka yiihiin ganacsatada Soomaaliyeed. Qaar kamid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay qaati ka taagan yihiin canshuuraadka lasoo rogay, waxayna tilmaameen inay kasii wadi waayeen ganacsigooda. Sidoo kale wax aay tilmaameen in maalin kasta la handado, isla-markaana loogu tego goobahooda ganacsi, iyaga la waydiinayo inay soo daabacaan akoonadooda. Dhinaca kale dowladda Soomaaliya oo si deg-deg ah usoo farogelisay arrintan ayaa si adag uga hadashay go’aanka ganacsatada ee ku aadan shaqo joojinta ay sameeyeen. Wasiirada amniga, diinta iyo warfaafinta oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa arrintan si faah-faahsan uga hadlay, waxayna ka horyimaadeen go’aanka ganacsatada ee lagu xiray suuqa Bakaaraha. Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in dowladdu ay la scodo ganacsato si dadban ula shaqeeyo Al-Shabaab, isla markaana maalgeliy, isaga oo tilmaamay in laga qaadi doono tallaabo adag. “Dowladda waxa ay heysaa xogta dad si dadban iyo si toos ah u maalmagaliya kooxda Al-Shabaab” ayuu yiri Al-Cadaala. Wasiirka amniga gudaha, Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa isaguna intaasi ku daray in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lacag u gaysa Al-Shabaab. “Cidii lagu qabto iyadoo Bac-Madoow lacag ugu qaadeyso Al-Shabaab Talaabo weyn ayaa laga qaadi doonaa,AS waa dhinteen lacag ha siin” ayuu raaciyay wasiir Fartaag. Dhankiisa wasiir Mukhtaar Roobow oo meesha ka hadlay ayaa yiri “Reer Bakaaro cudur daar uma heli karaan inay dhahaan kooxda Al-Shabaab ayaa xoog lacag nooga qaadayo”.
-
Xamaas ayaa maanta sii deyneysa 3 Maxbuus oo Israa’iiliyiin ah, kuwaas oo ay ku beddelanayso 183 qof oo ku xiran xabsiyada Israa’iil, waana markii shanaad ee ay labada maxaabiis is-dhaafsanayaan tan iyo markii la gaaray xabad joojinta aan cagaha badan ku taagneyn ee Qasa. Arrintan ayaa imaanaya xilli uu gobolka ka jiro buuq ka dhashay soo jeedinta Trump ee ku aaddan in Marinka Gaza laga sifeeyo dadka ku nool, islamarkaana Mareykanka uu la wareego dhulka Falastiiniyiinta. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa wakaaladda wararka ee AFP u xaqiijiyey Jimcihii in ay heleen liiska la haystayaasha la sii daynayo ka dib markii Xamaas ay daabacday saddex magac maxbuus. Saddexda nin ee lagu wado in ay Xamaas sii dayso ayaa kala ah Eli Sharabi, Or Levy iyo Ohad Ben Ami, sida ay sheegtay Xamaas, waxaana magacyada 3-dan qof xaqiijiyay xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu. Source: goobjoog.com
-
Wiil Soomaaliyeed oo 19 jir ah, oo xubintiisa taranka ku waayay caabuq daran oo ka dhashay gudniin lagu sameeyey carruurnimadiisii, ayaa si guul leh loogu sameeyay qalliin dib abqaalid ah ama beerid ah, kaas oo ka dhacay Isbitaalka Medicover ee magaalada Hyderabad ee dalka Hindiya. Qalliinkan oo socday in ka badan 10 saacadood ayaa dib loogu soo celiyey shaqadii kaadida iyo awooddii galmada, taasoo soo afjartay sannado badan oo murugo iyo dhibaato jidheed iyo maskaxeed ah oo uu la noolaa wiilkani, sida ay ku warrameen warbaahinta gudaha ee Hindiya. Qofka bukaanka ah ayaa sannado badan la daalaa dhacayay dhaawacyo culus oo ka dhashay gudniinkiisii carruurnimo, taas oo keentay in uu u raadsado xal caafimaad dalal kala duwan ah oo dibedda ah. Si kastaba ha ahaatee, dadaalkiisii hore ayaan midho dhalin, waxaana markii dambe uu go’aansaday inuu tago dalka Hindiya si loogu helo xal waara. Baaritaanka caafimaad ee la sameeyay ayaa muujiyay in caabuqii ka dhashay gudniinkiisa carruurnimo uu sababay burbur xun oo keenay inuu gebi ahaanba waayo xubintiisa taranka. Waxa kale oo uu lahaa dhibaato dhanka kaadida ah oo ka dhalatay dhagxaan samaysmay, taasoo sii murjisay xaaladdiisa. Koox dhakhaatiir ah oo uu hogaaminayay Dr. A.V. Ravi Kumar, khabiir sare oo dhanka kaadi-mareenka iyo cudurrada ragga ah, iyo Dr. Dasari Madhu Vinay Kumar, dhakhtar ku takhasusay qalliinnada dib-u-dhisidda iyo qurxinta, ayaa si taxaddar leh u diyaariyay qorshaha qalliinka, sida warbaahintu ka soo xigatay cisbitaalka. Tallaabada koowaad ee daaweynta ayaa ahayd in la nadiifiyo marinada kaadida, lagana saaro dhagxaantii xannibay. Taas oo markii ay xaalad caadi gaadhay, ay dhakhaatiirtu guda galeen qalliinka dib-u-dhisidda xubinta taranka. Si loo dhiso xubinta cusub, dhakhaatiirtu waxay adeegsadeen maqaar, xididdada dhiigga, neerfaha iyo unugyada laga jaray cududda bukaanka. Dr. Ravi Kumar ayaa sharxay in cududda ay tahay meesha ugu habboon ee laga qaado unugyada maqaarka maadaama ay u eg tahay maqaarka xubinta taranka, halka lugta—oo ah meel kale oo la isticmaalo—aysan ku habboonayn kiiskan maadaama maqaarkeedu uu ka dhumuc weynaa, taasoo ka dhigi lahayd mid aan si sax ah loo qaabeyn karin. Intii lagu guda jiray qalliinkan lagu magacaabo microvascular-ka oo socday 10 saacadood, dhakhaatiirtu waxay si taxaddar leh ugu isugu rakibeen xididdada dhiigga, neerfaha iyo unugyada si ay u dhisaan xubinta cusub. Waxa kale oo la sameeyay marin cusub oo kaadi-mareen ah, iyada oo laga dhigay xubin caadi ah oo la isticmaali karo, hadday tahay dhanka kaadida iyo awoodaheedii kaleba. Dr. Dasari Madhu Vinay Kumar ayaa xaqiijiyay in qalliinku si guul ah u dhacay, isagoo warbaahinta gudaha u sheegay: “Bukaanku hadda si caadi ah ayuu u kaadin karaa, sidoo kale xubintiisa cusub waa la dhisay, waxaana lagu rakibay qalab ka caawiya inuu galmo sameeyo (penile implant). Waxa uu dib u helay dareenkii, wuxuuna awood u yeelan doonaa nolol caadi ah” ayuu yiri. Bukaanka, oo intii lagu guda jiray sanadkii lasoo dhaafay galay saddex ilaa afar qalliin, ayaa hadda si buuxda u bogsaday, waxaana la filayaa in uu isbitaalka ka baxo maalmaha soo socda. Waxaana warbaahintu ay ka soo xigatay in uu sheegay in uu haatan dareemayo in culays badani ka degay: “Sannado badan, waxaan ahaa qof murugaysan, oo dareemaya inuusan dhammaystirnayn. Maanta, waxaan dib u helay sharaftaydii, kalsoonidaydii, iyo fursad aan nolol caadi ah ku noolaado” ayuu yiri bukaanka oo warbaahinta iyo isbitaalkuba ay ka gaabsadeen inay magaciisa sheegaan. Qalliinkan guuleystay wuxuu calaamad u yahay horumarka caafimaad ee dib-u-dhisidda xubnaha jirka, isagoo rajo cusub u abuuraya dadka la tacaalaya dhibaatooyinka la xiriira dhaawacyada xubnaha taranka. Bbcsomali Qaran News
-
Q3aad:-Magacyada Duuliyeyaashii Somalida ee ku dhintay dagaalkii 1977,iyo sababta. Sababta Duuliyayaashii Ethiopia uga guuleysteen Duuliyeyaashii Somalida dagaalkii dhinaca hawada ee la isku farasaaray ama la isku arkay,waxay ahaayeen 2 laba sababood:- 1-Duuliyeyaasha Somalida ee nooca Mig-21, waxay tababarka duulimaadka soo dhameysteen 1974,1975, waxay joogeen 2 sano iyo 6 lix bilood keliya intaan dagaalku bilaaban halkaa waxaad ka garaneysaa inaanay khibrad fiican u lahayn dayuuradii ay ku dagaalamayeen mid kale loomaba tababarin dagaalka hawada( Dogfight). b- Duuliyayaashii Mig-17,iyagu khibrad fiican ayey lahayeen waxaana la sheegay in si fiican uga dagaalameen duqeynta dhinaca dhulka waayo ilaa 1968,mudo 10 sano oo khibrada ayey la haayeen ogow dayaarada Mig-17, lama dagaalami karto dhinaca hawada dayuurad kale waayo malaha gantaalada hawa-hawada (air-to-air missile)waxay qaadaa oo keliya machinegun iyo bombka dhulka lagu rido. 2- Duuliyayaashii somalida markay goobta dagaalka tagaan waxay waayeen hogaamin fiican dhinaca(Radarka) iyo tawar fiican oo haga. For example,metalan dayuuradaha somalidu waxay hawda soo geliyeen iyagoo duuliyayaasha Ethiopia hawada ku jiraan kuwa Ethiopia way arkaan kuwa somalidu ma arkaan waayo Radarkoodii ayaan u sheegin in hawada ay ku jiraan dayuurado cadow,waana sababaha loo ridayey dayuuradaha somalida. Qaar ka mida duuliyeyaashii ku dhintay dagaalkii 1977:- 1-Gaashaale Duuliye Ahmed Abdilahi Janaale….Mig-21 2- Gaashaanle Duuliye Mohamed Jama…………..Mig-21 3- Xidigle Duuliye Barre Yare…………………………Mig-21 4-Laba xidigle Dhoore………………………………….Mig-17 5-Laba xidigle Abokor sh.Muse……………………..Mig-17 6-Laba xidigle Abokor Xasan Xuseen………………Mig-17 7-laba Xidigle Ahmed Shide…………………………..Mig-17 Intaasi ayaan ka xasuustaa Duuliyeyaashii la ridey Dhaantood Duuliyeyaashii Ethiopia ayaa hawada ay isku arkeen oo ridey(Dogfight). Amagacyada Duuliyayaashii Ethiopia ee xasuuqay duuliyeyashii Somalida:- 1-General Lagesse Teferra…………………F-5E 2.Colonel Afework Kidanu…………………F-5E 3-Colonel Bacha Hunde……………………..F-5E 4-Colonel Bezabih petros…………………..F-5E 5-Ashenafi Gabre Tsadik……………………F-5E xusuus:- Duuliyeyaasha Ethiopia waxay lahaayeen khibrad dhan 12 sano,waxay ka soo qalinjebiyeen jaamacada duulimaadka military ee Gobolka Arizona ee maraykanka. Xusuus:- General Legesse Teferra ciidamada dhulka ee Somalida ayaa ku soo ridey meesha la yiraahdo(Filto) ee Gobolka Baali parachute ayuu ku boodey waxaa qabtay ciidankii somalida wuxuu 11 sano ku xidhnaa jeelka weyn ee (Laanta buur) Afgooye Somalia waana la sii daayey.Markuu Ethiopia ku noqday waxaa laga dhigay Taliyaha Ciidanka Cirka ee Ethiopia. Dhamaad. Yusuf Janale Oslo Norway. contact somalilandcitizen@gmail.com. Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah oo uu uga jawaabay arrin si weyn loogu dhaleeciyay dowladda federaalka, taas oo la xiriirka dagaalka ay Puntland kula jirto Daacish ee ka scoda Bari. Puntland ayaa si cad u beenisay in dowladda Federaalka ay carqalad galisay baasaboorka askarta ku dhaawacmay dagaalka, kadib markii arrintaas si weyn loogu faafiyay baraha bulshada ee Internet-ka. Mid kamid ah xubnaha Guddiga Taakulada Ciidamada Puntland oo lagu magacaabo Axmed Hurre ayaa shaaca ka qaaday in aanay jirin dhibaato ay kala kulmeen dowladda dhexe, taas oo ku saabsan adeegga baasaboorka ee askarta ku dhaawacmay dagaalka Daacish. “Anigoo ku hadlaya afka guddiga taakulada ciidamadeenna, waxaan cadeynayaa in aaney jirin wax caqabad ah oo xagga baasaboorka ah, mana jirto is-hortaag ay samaysay hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha JFS,” ayuu yiri Axmed Hurre ooxubin ka ah guddiga. Sidoo kale wuxuu ku baaqay in aad looga fiirsado wararka noocaan oo kale ah iyo been abuurka lagu faahinayo baraha bulshada, kuwaas oo laga leeyahay dano gaar ah. Dhankeeda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo arrintan ka hadashay ayaa sheegtay in muddo hal maalin ah lagu soo saaro baasaboorka askarta dhaawacyada ah ee u baahan daryeelka caafimaad ee dibadda ah, si looga tacaalo xaaladdooda caafimaad. Arrintan waxay kusoo aadeyso, iyada oo weli halkiisii uu yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo maamulka Puntland oo horay isugu qabtay arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka dalka, wuxuuna gaaray heer ay go’do wada shaqeyntooda.
-
Markab sida daamurka lagu dhammaystirayo wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo ayaa maanta oo Sabti ah soo gaaray dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Qoraal uu soo saaray Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland ayuu ku sheegay in markabkii kowaad oo sida daamurka lagu dhameystirayo Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo uu maanta soo gaaray Boosaaso. Af-hayeenka Madaxtooyada Jaamac Dabaraani ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Imaaraatiga Carbeed ugu deeqday Puntland laba markab oo daamur ah, kuwaasi oo lagu dhammaystirayo jidka laamiga ah ee Ceeldaahir-Ceerigaabo. Af-hayeen Dabaraani oo u mahadceliyay dowladda Imaaraadka Carabta ayaa intaasi raaciyay in labada markab kii kowaad uu maanta yimid dekdda Boosaaso halka uu weli soo socdo markabkii labaad. “Daamurka lagu dhameystirayo Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo, ayaa maanta soo gaaray Boosaaso” ayuu yiri Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani oo qoraalkani soo dhigay bartiisa (X). “Waxaan u mahadcelinaynaa Dowladda Imaaraadka oo Puntland ugu deeqday Labo Markab oo daamur ah oo Dowladdu ugu talagashay dhameystirka Ceeldaahir-Ceergaabo, waxaa yimi markabkii koowaad kan labaadna wuu soo socda” ayuu sii raaciyay qoraalkiisa. Halkaan ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Dowladda Imaaraadka Carabta oo Puntland ugu deeqday laba markab oo daamur ah appeared first on Puntland Post.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sameeyay arrin yaableh oo la xiriirta dagaalka adag ee ay Puntland kula jirto kooxda Daacish, kaas oo haatan ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolkaasi. Shacabka oo ka duulayo ilaalinta nabad-gelyada deegaanka ayaa ku dhaqaaqay arrin aad loo boggaadiyay, kadib markii ay gacanta ku dhigeen nin waxlo ku siday bac madow oo lagu arkay magaaladaasi. Ninka oo ay gacanta ku dhigeen dadka deegaanka ayaa waxaa markii dambe lagu wareejiyay laamaha amniga, si loogu sameeyo baaris waxaana la ogaaday inuu waday qashin. Qoraal kooban oo kasoo baxa Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa looga hadlay dhacdadan, waxaana aad loogu boggaadiyay shacabka Boosaaso, iyada oo looga mahadceliyay sida ay ula shaqeynayaan laamaha ammaanka ee maamulka Puntland. Sidoo kale taliska ayaa shaaca ka qaaday in arrintan ay muujineyso inay soo jeedaan shacabka Puntland, ayna diyaar u yihiin inay ka hortagaan dhagarta kooxaha argagixisada ah. “Shacab ayaa la dagaalay Nin qashin waday, oo ay uga shakiyeen amni daro, Laamaha Amniga oo goobta yimi ayaa hubiyey in qashin bacda ku jiro- kadib ayaa dadkii sii daayeen ninkii. DADKEENU WAA SOO JEEDAA” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland. Dhowaan ayay ahayd markii dadka deegaanka ay soo sheegeen nin ajnabi ahaa oo miino ku aasayay waddo ku taalla Boosaaso, kaas oo ay toogasho ku dileen ciidanka Puntland.
-
Guddiga Taakulada Ciidamada difaaca Puntland ayaa caddeeyay in aysan jirin wax caqabad ah oo ka taagan helidda adeegga Baasaboorka Soomaaliya, kaddib markii la faafiyay warar ku saabsan in askar ku soo dhaawacantay dagaalka Cal-miskaad loo diiday helidda Baasaboorka DFS. Axmed Cabdi Hurre oo ka tirsan guddiga Taakulada Ciidamada difaaca Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka ku saabsan in askarta soo dhaawacantay ee Puntland loo diiday helidda Baasaboorka Soomaaliya, islamarkaana ay caqabad u dhigtay dowladda Federaalka Soomaaliya. “Anigoo ku hadlaya afka guddiga taakulada ciidamadeenna waxan cadaynayaa in aaney jirin wax caqabad ah oo xagga baasaboorka ah mana jirto is-hortaag ay samaysay hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha JFS” ayuu yiri Axmed Cabdi Hurre oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook. Warkiisa ayaa imaanaya xilli dhawaan mas’uuliyiin ka tirsan Puntland laga soo xigtay in dowladda Federaalka Soomaaliya siyaasadaysay helidda adeegga Baasaboorka dalka, oo ay u diiday askarta ciidamada Puntland ee ku soo dhaawacnay dagaalka Calmiskaad ee lagu cirib-tirayo Argagixisada. PUNTLAND POST The post Puntland oo beenisay in Baasaboorka DFS loo diiday askartii ku dhaawacmay dagaalka Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) – Israel is planning to relocate Palestinians from Gaza to Puntland, an autonomous region in Somalia, and Somaliland, the self-declared independent region, following a proposal by U.S. President Donald Trump to resettle Gazans in what he described as “far safer and more beautiful” areas. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Kenya, William Ruto, oo toddobaadkan booqasho ku tagey gobolka Waqooyi Bari ee Soomaalidu degto ayaa ku dhawaaqay in la baabi’inayo habraacii hore ee hubinta dadka Baasaboorka ama kaarka aqoonsiga qaranka qaadanaya. Habraaca adag ee hubinta dadka qaadanaya Baasaboorka iyo kaarka aqoonsiga ayaa Soomaalida si gaar ah loogu takoori jirey, ayadoo si ka duwan muwaadiniinta kale loola dhaqmi jirey, islamarkaana qofka aqoonsiga u baahan damiin iyo dad yaqaanna lagu xiri jirey. Hannaankan faquuqa ah ayaa Soomaalida keliya ku koobnaa, balse sanadkii 2010-kii ayaa dastuurka lagu daray in habraacyadan ay mari doonaan dhammaanka dadka deggan gobollada ku yaalla soohdimuhu. Tallaabadan uu qaaday madaxweyne Ruto ayaa la filayaa inay fududeyso hannaanka codsiga kaararka aqoonsiga qaranka iyo in la xoojiyo sinnaanta muwaadiniinta Kenya, wuxuuna nidaamkan cusub dhaqan-gali doonaa bisha May ee sanadkan 2025-ka. Source: goobjoog.com
-
Forces from Somalia's semi-autonomous Puntland region have captured swathes of territory from Islamic State during a weeks-long offensive they hope will draw increased international support, according to officials and Reuters reporters. Source: Hiiraan Online
-
South Sudan Friday confirmed the first case of mpox in the country after a patient tested positive for the virus. Source: Hiiraan Online
-
US President Donald Trump has said he is revoking Joe Biden's security clearance and access to daily intelligence briefings, after his predecessor did the same to him four years ago. Source: Hiiraan Online
-
Washington (Caasimada Online) – Baadigoobka iyo la dagaallanka kooxda Daacish ee Afrika ayaa noqon karta hawl adag, maadaama ay kooxdu ku dhuumaaleysanayso buuraha waqooyi-bari ee Soomaaliya. Laakiin sida caadada u ah Donald Trump, kadib markii uu toddobaadkii hore amar ku bixiyay in la duqeeyo aaggaas, qoraal ayuu soo dhigay baraha bulshada oo uu ku leeyahay: “WAA KU HELI DOONAA, WAANA KU DILI DOONAA!” Trump ayaa sheegay in duqeynta, oo timid wax ka yar laba toddobaad kadib markii uu xilka hayay, lala beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan ururka Daacish iyo maleeshiyaad kale oo ku sugnaa maamul-goboleedka Puntland, isla markaana ay “burburiyeen godadkii ay ku dhuumaaleysanayeen, ayna dileen argagixiso badan, iyadoo aan sinnaba loo dhibaateyn dadka shacabka ah.” Wuxuu ku faanay in uu ku guuleystay halkii uu ku fashilmay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Joe Biden. “Biden iyo saaxiibadiis tallaabo degdeg ah ma aysan qaadin oo shaqadan ma aysan qabteen,” ayuu yiri Trump. Xaqiiqda ah in Soomaaliya ay noqotay bartilmaameedkii ugu horreeyay ee hawlgallada ay fuliyaan ciidamada maamulka cusub ee Mareykanka ayaa ka yaabisay dad badan oo dalkaas ku nool, kuwaas oo ka cabsi qabay in Mareykanku uusan taageero u muujin doonin Soomaaliya. Markii ugu horreysay ee uu xilka qabtay, Trump wuxuu dalka ka saaray ilaa 700 oo askari oo Mareykan ah, go’aankaas oo dib u beddelay Madaxweynihii hore, Joe Biden. Heshiiskii ahaa $600,000 (£492,000) ee sanadkiiba ah oo dowladda Soomaaliya dhawaan la saxiixatay shirkadda BGR Group ee Washington ayaa muujinaya walaaca dowladda. Xilligii Biden, ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya waxay wadeen hawlgallo gaar ah, iyagoo tababar siinayay ciidamada Soomaaliya, waxayna fuliyeen duqeymo joogto ah. Maalin ka hor inta uusan dhicin weerarka cirka, wargeyska Washington Post wuxuu daabacay wareysi uu la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka codsaday dowladda Mareykanka in “aysan saarin la-taliyeyaasha Mareykanka ee taageera tababarka ciidamada gaarka ah ee dalkiisa.” Qoraal uu xafiiskiisu soo dhigay barta X weerarka kadib ayaa sidoo kale muujiyay codsiga dowladda Soomaaliya, wuxuuna qiray “taageerada joogtada ah ee Mareykanka ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah,” iyadoo xafiisku soo dhoweeyay “waxqabadka joogtada ah ee Donald Trump.” Balse duqeymaha cirka ah ayaa ka duwan hawlgallada ay fuliyaan ciidamada dhulka jooga, madaxweyne Trumpna ma uusan joojin duqeymaha cirka markiisii ugu horreysay ee uu xilka qabtay. “Duqeymahan kama dhigna in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto taageerada milatari ee Soomaaliya,” ayuu yiri Matt Bryden, oo ah la-taliyaha xarunta cilmi-baarista Sahan oo fadhigeedu yahay Nairobi. Hannaanka la dagaallanka kooxaha argagixisada ee Puntland ayaa ka duwan qaabka ay u wajahaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo Puntland xiriirka u jartay bishii Maarso ee sanadkii hore. Iyagu aad ayay isugu kalsoon yihiin, si weynna uguma tiirsana taageerada ciidamada Midowga Afrika, oo ku dhowaad 12,000 oo askari ka tirsan ay joogaan, iyo quwadaha caalamka oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Turkiga. Maxamed Mubaarak, oo ah madaxa xafiiska isku xirka hawlgallada amniga Puntland, ayaa sheegay in ciidanka ka soo jeeda waqooyi-bari ay dagaal kula jiraan kooxda Daacish, iyagoo aan garab iyo mahadcelin toona ka helin cid kale. “Waan la dagaallameynaa Daacish, maadaama ay dhibaato ku tahay caalamka. Taageero badan ma aanan helin marka laga reebo Kenya, Itoobiya, iyo Imaaraadka. Ma ogayn in Mareykanka uu fulin doono wax ka badan hal duqeyn,” ayuu yiri Mubaarak. Puntland waxay sheegtay in ciidamadeedu ay qabsadeen ilaa 48 goobood oo ay Daacish ku dhuumaaleysanayeen, halka ay burburiyeen tobannaan diyaarado aan duuliye lahayn iyo walxaha qarxa tan iyo markii ay dagaalka tooska ah bilaabeen sanadkii hore. Inkastoo Daacish ay Soomaaliya ka hawlgashay muddo toban sano ah, haddana waxay la kulantay khatar ka yar kooxda Al-Shabaab oo gacanta ku haysa qeybo badan oo dalka ka mid ah, waxaana lagu tilmaamaa kooxda ugu guulaha badan ee Al-Qaacida ka tirsan. Ha yeeshee waayadan dambe, Daacish waxay noqotay koox aad muhiim ugu ah gudaha, gobolka, iyo caalamkaba. Maamulka Puntland iyo saraakiil Mareykan ah oo aan la magacaabin ayaa sheegay in hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya, Cabduqaadir Muumin, uu hadda yahay hoggaamiyaha guud ee kooxda. Warbixinno horudhac ah ayaa muujinaya in lagu dilay duqeyn uu Mareykanka fuliyay bishii May ee lasoo dhaafay, balse weli lama xaqiijin. Haddii Muumin uu yahay hoggaamiyaha Daacish, isla markaana uu noolyahay ama dhintay, Daacish-ta Soomaaliya waxay welwel weyn ku abuurtay dalalka shisheeye. Trump ayaa sheegay: “Dilaayaashan, oo la arkay iyagoo godad ku dhuumaaleysanaya, waxay u hanjabeen Mareykanka iyo xulafadiisa.” Daacish waxay sidoo kale fariisimo ku leedahay dalalka Mozambique, Mali, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo, ilaa Nigeria. “Daacish-ta Soomaaliya waxay u taagan tahay inay fududeyso oo gacan ka geysato weerarrada kooxda ee Galbeedka, oo Mareykanku kamid yahay,” ayay tiri Tricia Beton, oo ah maamulaha xarunta la dagaallanka argagixisada ee jaamacadda Mareykanka ee Washington. “Saaxiibada caalamiga ah waa inay taageero dheeraad ah siiyaan dadaalka Puntland ee ka dhanka ah kooxda.” Mr. Bryden waxa uu sheegay in wada shaqeyn lala yeesho fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto ee Badda Cas ee Yemen ay iyaduna tahay arrin jirta. “Sida Al-Shabaab, Daacish-ta Soomaaliya waxay hub iyo tababar ka heshay Xuutiyiinta Yemen, taasoo walaac ku haysa dowladda Mareykanka iyo xulafadeeda,” ayuu yiri. Tirada sii kordheysa ee dagaalyahannada shisheeye ayaa ku biiraya kooxda, taasoo sare u qaadaysa awooddooda tiro ahaan iyo khibraddooduba. Dadka ugu badan ee Daacish-ta ay qortaan ayaa loo maleynayaa inay yihiin tahriibayaal Itoobiyaan ah, kuwaas oo isugu yimaada magaalada Boosaaso ee Puntland si ay nolol cusub ugu raadsadaan. Daacish waxay siisaa mushaar ka badan inta ay ka heli jireen waddamada Khaliijka, waxaana khubaradu sheegeen in qaar ka mid ah madaxda sare ee kooxda ay asal ahaan yihiin Itoobiyaan. “Waxaan Daacish-ta Soomaaliya ku qiyaasaynaa in in ka badan 80% ay yihiin dagaalyahanno shisheeye, isla markaana ay badankood ka yimaadeen dalalka Waqooyiga Afrika, Itoobiya, iyo Bariga Dhexe,” ayuu yiri Mubaarak. Wuxuu sidoo kale sheegay in tiradooda lagu qiyaaso ilaa 1,000, kormeerayaasha Qaramada Midoobayna waxay ku qiyaaseen 600 ilaa 700. Bishii Oktoobar ee sanadkii hore, taliyaha ciidamada Mareykanka u qaabilsan Afrika, Michael Langley, ayaa sheegay inuu u maleynayo in tirada kooxda Daacish ee waqooyiga Soomaaliya ay “laba jibaarantay” sanad gudihiis. Kooxda ayaa bishii Diseembar geysatay mid ka mid ah weeraradooda ugu casrisanaa, iyagoo duqeeyay xero ay leeyihiin ciidamada milatariga oo ku taalla gobolka Bari ee Puntland. Waxay kooxda soo saartay bayaan ay ku sheegtay in hal qof oo Soomaali ah uusan ku lug lahayn weerarkaas. 12-ka qof ee weerarka fuliyay ayaa ka kala yimid dalalka Tanzania, Algeria, Morocco, Libya, Tunisia, Yemen, iyo Itoobiya. Khubarada arrimaha Mareykanka, Qaramada Midoobay, iyo Soomaaliya ayaa sheegay in qayb muhiim ah oo ka mid ah kaabayaasha dhaqaale ee Daacish, xafiiska Al-Karrar, uu ku yaallo Puntland, kaas oo dhaqaale iyo khibradba siiya qaybaha kale ee kooxda ee ku sugan Afrika iyo meelo kale. Xafiiska Xakameynta Hantida Dibedda ee Mareykanka (OFAC) ayaa sheegtay in Daacish-ta Soomaaliya ay uruurisay ku dhawaad $2 milyan horaantii sanadkii 2022, iyagoo canshuuro ka soo uruuriyay ganacsatada gudaha dalka, badeecadaha la soo dhoofiyo, dadka xoolo-dhaqatada ah, iyo beeraleyda. Haddii ciidamada Puntland ay ku guuleystaan inay dalka ka saaraan maleeshiyaadkaasi, taageerada cirka waxay noqonaysaa mid aan waxtar badan lahayn. Wax yar kadib duqeyntii uu Mareykanku fuliyay, booliska Puntland ayaa sheegay inuu isa soo dhiibay hoggaamiyihii kooxda Daacish ee Soomaaliya ee dilalka geysta, Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Saciid. Balse khubaradu waxay sheegayaan in weerarrada cirka loo baahan yahay inay noqdaan kuwo joogto ah si loo ciribtiro kooxda Daacish ee ka jirta Soomaaliya isla markaana looga hortago in kuwo kale la abuuro. Ma cadda in Mareykanka iyo hoggaamiyahooda aan siyaasadiisa la saadaalin karin ay doonayaan inay sii wadaan duqeymaha ay ka fuliyaan buuraha waqooyi-bari ee Soomaaliya.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo diyaaradeed oo mar kale xalay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan oo haatan ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka argagixisada ee Al-Shabaab. Weerarkan dhanka cirka ah oo ay fuliyeen saaxibada caalamiga ah ayaa si gaar ah uga dhacay in u dhexeysa deegaannada Jicibow iyo Beerayabaal, iyada oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in duqeynta ay daba socotay dagaallo qaraar oo shalay ka dhacay gobolka, isla markaana jab culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale saraajiisha ayaa shaaca ka qaaday in duqeynta lagu dilay xubno sar sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta kuwa kale la dhaawacay, balse ma shaacin tiradooda. Xaaladda ayaa weli kacsan, iyada oo haatan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaannada dhaca Jiinka Wabiga Shabelle oo ah halka ay isku hayaan labada dhinac. Dagaalkii shalay ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 30 xubnood, sida uu sheegay gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo la hadlay Warbaahinta Qaranka. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in nolosha ay kusoo qabteen dagaalamayaal kale oo 3 gaaraya, kuwaas oo sawirradooda ay soo bandhigeen, iyagoo indhaha ka duuban. Si kastaba, Hiiraan ayaa waxaa mar kale dib uga curtay kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo uu ujeedkiisu yahay in Al-Shabaab looga saaro gobolkaasi.
-
Maamulka madaxweyne Trump ayaa sheegay inay cuna-qabatayn saarayaan maxkamadda dambiyada Adduunka ee markii mageceeda la soo gaabiyo loo yaqaanno ICC. Cunaqabteyntan ayaa isugu jirta xayiraad dhaqaale iyo fiisooyinka shakhsiyaadka iyo qoysaskooda maxkamadda ka caawiya baaritaannada oo la xannibayo, waxaana tillaabadan loo arkaa mid lagu taageerayo Israa’iil oo madaxdeeda ICC ay dhowr amartay in la soo xirayo, sababa la xariira gumaadkii ay ka geysteen marinka Qasa iyo dalka Lubnaan. Dalal badan oo ay ku jiraan Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka iyo kuwa kale ayaa taageero u muujiyay maxkamadda, ka dib markii uu maamulka Trump ku dhawaaqay cuna-qabatayntan, waxayna sheegeen in ICC ay tiir muhiim ah u tahay caddaaladda caalamka. Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Human rights watch ayaa cuna-qabatayntan ku tilmaamtay hadiyad la siinayo dembiileyaasha dunida, iyo kuwa geysta xadgudubyada baahsan, waxayna dalalka dunida ugu baaqday inay maxkamadda taageero xooggan la garab istaagaan. Trump oo muddo bil ka yar xaafiiska jooga ayaa qaadaya tillaabooyin iyo go’aamo la yaab leh, kuwaas oo dunida lama filaan ku noqday, islamarkaana xittaa xulafa ugu dhow Mareykanku ay ka soo horjeesteen. Source: goobjoog.com
-
Baadigoobka iyo la dagaalanka kooxdan noqotay halka ay ka noolyihiin kooxda Daacish ee Africa, ayaa noqon karta howl adag maadaama ay kooxdu ku dhuumaaleysanayaan buuraha waqooyi-bari ee Soomaaliya. Laakiin sida caadada u ah Donald Trump, kadib markii todobaadkii hore uu amar ku bixiyay in la duqeeyo aaggas, qoraal ayuu soo dhigay baraha bulshada oo leh “WAA KU HELI DOONAA, WAANA KU DILI DOONAA!” Trump ayaa sheegay in duqeynta, oo timid wax ka yar labo toddobaad ee uu xilka hayay, lala beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan ururka Daacish iyo maleeshiyaad kale oo ku sugnaa maamul goboleedka Puntland, isla markaana ay “burburiyeen godadkii ay ku noolaayeen, ayna dileen argagixiso badan, iyadoo aan sinnaba loo dhibaateyn dadka shacabka ah”. Waxa uu ku faanay in uu ku guulaystay halkii buu yiri uu ku fashilmay Madaxweynihii hore ee Maraykanka Joe Biden. Puntland, oo ay nolol cusub u raadsadaan. Daacish ayaa siisa mushaar ka badan inta ay ka heli jireen wadamada Khaliijka, waxayna khubaradu sheegeen in qaar ka mid ah madaxda sare ee kooxda ay asal ahaan yihiin Itoobiyaan. “Waxaan Daacish-ta Soomaaliya ku qiyaaseynaa in in ka badan 80% ay yihiin dagaalyahanno shisheeye, isla markaana ay badankood ka yimaadeen dalalka Waqooyiga Afrika, Itoobiya iyo Bariga Dhexe”, ayuu yiri Mubarak. Waxaa uu sidoo kale sheegay in tiradooda lagu qiyaaso ilaa 1,000, kormeerayaasha qaramada midoobayna, waxay ku qiyaaseen 600 ilaa 700. Bishii Oktoobar ee sanadkii hore, taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Africa, Michael Langley, ayaa sheegay inuu u maleynayo in tirada kooxda Daacish ee waqooyiga Soomaaliya ay “laba jibaarantay” sanad gudihiisa. Kooxda ayaa bishii Diisembar geysatay mid kamid ah weeraradooda ugu casrisanaa, iyagoo duqeeyay xero ay leeyihiin ciidamada milatariga oo ku yaala gobolka Bari ee Puntland. Waxay kooxdu soo saartay bayaan ay ku sheegtay in hal qof oo Soomaali ah uusan ku lug lahayn weerarkaas. 12-ka qof ee weerarka geysatay ayaa ka kala yimid dalalka Tanzania, Algeria, Morocco, Libya, Tunisia, Yemen iyo Itoobiya. Khubarada arrimaha Maraykanka, Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya ayaa sheegay in qayb muhiim ah oo ka mid ah kaabayaasha dhaqaale ee Daacish, xafiiska al-Karrar uu ku yaallo Puntland, kaas oo dhaqaale iyo khibradba siiya qaybaha kale ee kooxda ee ku sugan Afrika iyo meelo kale. Xafiiska Xakameynta Hantida dibedda ee Mareykanka (OFAC) ayaa sheegtay in Daacish-ta Soomaaliya ay uruurisay ku dhawaad $2m horaantii sanadkii 2022-kii, iyagoo canshuuro ka soo uruuriyay ganacsatada gudaha dalka, badeecadaha la soo dhoofiyo, dadka xoola dhaqatada ah iyo beeraleyda Haddii ciidamada Puntland ay ku guulaystaan inay dalka ka saaraan maleeshiyaadkaasi, taageerada cirka waxay noqonaysaa mid aan waxtar badan lahayn. Wax yar ka dib duqeyntii uu fuliyay Mareykanka, booliska Puntland ayaa sheegay inuu isa soo dhiibay, hogaamiyihii kooxda Daacish ee Soomaliya ee dilalka geysan jiray, Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Saciid. Balse khubarada ayaa sheegaya in weerarada dhanka cirka ah loo baahanyahay in ay noqdaan kuwa joogto ah si loo cirib tiro kooxda Daacsih ee ka jirta Soomaaliya isla markaana looga hor tago in kuwo kale la abuuro. Ma cadda in Maraykanka iyo hogaamiyahooda aan siyaasadiisa la saadaalin karin ay doonayaan, inay sii wadaan duqeymaha ay ka fuliyaan buuraha waqooyi-bari ee Soomaaliya. Bbcsomali Qaran News
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Jimcihii sheegay in uusan “wax deg-deg ah” ugu jirin hirgelinta qorshihiisa dib-u-dhiska Marinka Gaza, kaas oo uu doonayo in Maraykanku la wareego dhulka dagaalladu burburiyeen isla markaana dalal kale la dejiyo Falastiiniyiinta halkaas ku nool. Trump ayaa sidoo kale ka laabtay qorshihiisii hore ee ahaa in ciidamo Maraykan ah loo diro si ay u fuliyaan aragtidiisa ku saabsan dib-u-dhiska Gaza – qorshahaas oo ay si weyn uga soo horjeesteen xulafada Washington, dalalka mucaaradka ah, iyo daneeyayaasha gobolka Bariga Dhexe. “Maraykanku wuxuu arrintan u arki doonaa sidii heshiis maalgashi guryo, annagoo noqonayna maalgeliyayaal muhiim u ah gobolkaas,” ayuu Trump ka sheegay Aqalka Cad, isagoo intaa ku daray inaysan jirin “wax deg-deg ah oo aan qabno.” Trump ayaa markii ugu horreysay shaaciyay qorshahan la yaabka leh Talaadadii, intii lagu jiray shir jaraa’id oo uu si wadajir ah ula qabtay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isagoo sheegay in Maraykanku uu “la wareegi doono” Gaza isla markaana dib u dejin doono laba milyan oo Falastiiniyiin ah. Waxaa horey loo soo jeediyey in dadkaas la dejin doono Urdun iyo Masar, kuwaas oo ku gacan sayray. Hase yeeshee warbaahinta Israel qaarkeed ayaa werisay in laga yaabo in Mareykanka uu doonayo in dadka Gaza la geeyo Soomaaliya, gaar ahaan Puntland iyo Somaliland, iyo Morocco. Trump ayaa sheegay in dhulka Falastiiniyiinta laga dhigi karo “Riviera-da Bariga Dhexe,” isagoo intaa ku daray suurta-galnimada in ciidamo Maraykan ah loo diro halkaas si loo fududeeyo hawsha. Xubno ka tirsan maamulka Trump ayaa la sheegay in ay si lama filaan ah uga naxeen hadalladii hore ee madaxweynuhu jeediyay, ayaga oo isku dayey in ay maareeyaan. Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Marco Rubio, oo isku dayayay inuu difaaco isla markaana yareeyo saamaynta hadalka Trump, ayaa Arbacadii yiri: “Tani looma jeedin inay noqoto tallaabo cadaawad leh. Waxaa loogu talagalay, sidaan u maleynayo, inay noqoto dadaal deeqsinimo leh, oo ah dalab dib-u-dhis iyo qaadashada masuuliyadda hogaaminta hawshaas.”