Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. SOMALILAND MUCAARI IYO MUXAAFID NABADBAY KU BAAQAYSAAYE GARAADDOOW NABADDA QAATA. Madaxweynuhu wuxuu ku baaqay gogol nabadeed, cuqaal, salaaddiin iyo aqoonyahan iyo waayeel farabadanina nabad ayay in badan ku baaqayeen waana waajib diiniya iyo mid binuaadmino in nabadda lagu guntadaa. Waxa isasoo taraya ciidammo ka yimid meelkasta oo ay daarood joogaan inaad ku soo ururiseen duleedka qorilugud, shangeed iyo ceerigaabo iyagoo doonaya inay dagaalka ku fidiyaan beelaha reer miyiga ah oo ay halkaas DOOXATO ka dhacdo. GARAADDOOW talo maantay dhawday ee nabadda qaata. Nabadda adigaa ku noole iyadu kuguma noola. MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
  2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan soo dhaweyn ah ugu fidiyey Madaxtooyada Qaranka Hal-abuure Asad Xaajiyow ayaa ku dhiirrigeliyay go’aanka geesinimada leh ee uu ku wajahay dhibaatada ay u geysteen argagixisada. Madaxweynaha ayaa sheegay in Asad Xaajiyow uu tusaale u yahay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee adkaysiga iyo geesinimada kaga gudbay dhibaatada iyo waxyeelladii ay argagixisada u geysteen dadka Soomaaliyeed. “Asad kuma niyad jabin weerarkii naxariis darrada ahaa ee argagixisada ay dhowr iyo toban sano ka hor isku dayeen in ay ku dilaan, kaas oo keenay in uu naafo noqdo. Inkastoo uu la kulmay dhaawac halis ah oo naafo ka dhigay haddana maanta waxa uu dalkiisa kusoo laabtay isagoo xambaarsan himilo iyo hiigsi ku aaddan horumarka dalkiisa iyo dadkiisa”. Munaasabadda kaddib, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Cabdixakiim Maxamed Yuusuf ayaa guddoonsiiyey Asad Xaajiyow Billadda Adkaysiga Soomaaliyeed, taas oo ah abaalmarin la siinayo muwaadiniinta muujiyey geesinimo, dulqaad, iyo adeeg bulsho oo qiimo leh. Source: goobjoog.com
  3. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland ayaa maanta Boosaaso ku qaabiley wefdi ka kooban madaxda hay’addaha Qaramada Midoobey oo uu hogaaminaayey Madaxa Hay’adda UN-OCHA, Crispen Rukasha, ayna ka mid ahaayeen Madaxda Hay’adaha UNICEF, UNHCR, UNFPA, WFP, FAO iyo IOM. Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Puntland ayaa lagu sheegay in mas’uuliyiintu maanta Boosaaso ku qaabiley wefdi ka kooban madaxda hay’addaha Qaramada Midoobey oo uu hogaaminaayey Madaxa Hay’adda UN-OCHA, Crispen Rukasha, ayna ka mid ahaayeen Madaxda Hay’adaha UNICEF, UNHCR, UNFPA, WFP, FAO iyo IOM. “Dowladda Puntland ayaa maanta Boosaaso ku qaabishay wafdi ka kooban madaxda hay’addaha Qaramada Midoobey oo uu hogaaminaayey Madaxa Hay’adda UN-OCHA, Crispen Rukasha, ayna ka mid ahaayeen Madaxda Hay’adaha UNICEF, UNHCR, UNFPA, WFP, FAO iyo IOM.” “Kulanka oo ka dhacay xarunta shirarka ee Gobolka Bari, waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Agaasimaha Madaxtooyada , Maamulka Gobolka Bari iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka Boosaaso iyo Qandala” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay dowladda Puntland. Dowladda Puntland iyo Qaramada Midoobey ayaa ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa in Gargaar bini’aadanimo la gaarsiiyo Degaanada uu ka dhacay Dagaalka Dowladdu kula jirto Argagixisada iyo goobaha dadku u barakaceen, waxaana loo balamay in si degdeg ah loo bilaabo wax-ka-qabashada Arrimaha bini’aadanimo ee ka dhashay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland iyo hay’adaha Qaramada Midoobey oo shir deg deg ah yeeshay appeared first on Puntland Post.
  4. Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Cabdalle Maxamed Carab ayaa qaabilay wafti Sare oo uu Hogaaminayo Kusimaha Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha Somaliland iyo Somalia Mr. James Swan. Waftiga uu hogaaminaayo James Swan ayaa dalka booqasho ku yimid waxana ay xukuumadda oo uu matalaayo wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga Cabdalle Maxamed Carab ay ka wada hadleen sidii loo xoojinlahaa xidhiidhka labada dhan ka dhaxeeya siiba amniga Qaran News
  5. Boosaaso (Caasimada Online) – Horraantii toddobaadkan ayey aheyd markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay inuu bixiyey amarka duqayn ka dhacday buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. Duqeyntan oo lala beegsaday maleeshiyaadka ay ciidanka Puntland kula dagaalamayaan buuraha Bari ayaa waxaa ku dhintay mid kamid ahaa sarkaal sare oo kooxda u qaabilsanaa qorshaynta weerarada, sida ay sheegeen milatariga Maraykanka. Inkasta oo la sheegin magaca sarkaalkaas iyo dagaalamayaashii kale ee ku dhintay duqaynta. Maamulka Puntland ayaa dhankiisa xaqiijiyay in saraakiishaas uu kamid ahaa Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud oo ahaa ku-xigeenka hogaamiyaha Daacish ee Soomaaliya. Maamul ayaa sidoo kale sheegay in illaa 40 dagaalame ay ku dhinteen duqayntaasi, kuwaasi oo u badnaa ajaanib ka tirsan kooxda Daacish. Haddaba, waa kuma Cabdiraxmaan Faahiye? Nin ayaa 2015-kii kasoo wareegay kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta bartamaha Soomaaliya. Faahiye iyo madaxda kooxda Daacish ee uu ka midka yahay Cabdulqaadir Muumin ayaa isku xilli ka soo goostay kooxda. Cabdiraxmaan ayaa waxaa lagu tilmaamay inuu kamid yahay madaxda Daacish-ta Soomaaliya, uuna toos uga amar qaato Cabdulqaadir Muumin oo ah hoggaamiyaha kooxda. Mareykanka ayaa ku eedeeyay inuu yahay ninka maleegay weerarkii ugu horreeyay ee uu ururkaas ka fuliyay Boosaaso bartimihii 2017, kaasi oo ahaa qarax lagu bartilmaameedsaday bar koontarool boolis, ayna ku dhinteen illaa 5 ruux. Ninkan ayuu Mareykanka u haystay inuu diyaariyo weerarada ka dhanka ah ganacsatada diidda lacagaha uu ururkaas ku soo rogo. Cabdiraxmaan ayaa la sheega inuu ku guulaystay in bil qura uu ganacsatada ku qasbo inay bixiyaan lacag dhan 100,000 oo dollar, taasi oo mushaar ahaan loo siiyay dagaal-yahaanada kooxda. Ninkan ayaa kaalin muhiim ah ugu jiray kooxda saldhigatay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, taas oo sanadihii dambe lacagihii ugu badnaa oo baad ah ka aruursatay ganacastada. Maamulka Puntland ayaa haatan dagaal adag kula jira kooxdan, iyadoo bil gudaheed uu howl-galka u gudbay wejigiisi labaad, kaasi oo kooxda looga sifeynayo gebi ahaan deegaanada maamulkaas, gaar ahaan buuraha ay sanadaha gabaadka ka dhigteen.
  6. Mogadishu (HOL) – Jubbaland regional state lawmakers in Doolow, Gedo region, have condemned an alleged attack by Somali federal forces on the local government headquarters in Bardhere district, calling it a provocative move aimed at inciting internal conflict among local communities. Source: Hiiraan Online
  7. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii ku dhowaaqay in Maraykanku la wareegi doono Marinka Gaza, isaga oo soo jeediyey in Falastiiniyiinta halkaas ku nool la dejiyo dalal kale, sida Masar iyo Urdun. Waa tan jawaabta caalamiga ah ee ka dhalatay hadalkan. Mas’uul sare oo ka tirsan Xamaas – Sami Abu Zuhri “Dadkeena ku sugan Marinka Gaza ma ogolaan doonaan qorshahan, waxaana loo baahan yahay in la soo afjaro gumeysiga iyo xadgudubyada Israa’iil ay ku hayso dadkeena, halkii la isku dayi lahaa in la masaafuriyo.” Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudiga “Sacuudi Carabiya waxa ay si buuxda u diiddan tahay isku day kasta oo lagu doonayo in Falastiiniyiinta laga raro dhulkooda. Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, waxa uu si cad u sheegay mowqifka boqortooyada, taasoo aan u baahnayn wax fasiraad ah xaalad kasta oo jirta.” Wasiirka arrimaha dibadda UK – David Lammy “Arrinta Gaza, Donald Trump wuu saxan yahay. Marka la eego sawirrada muujinaya Falastiiniyiinta si xun loo barakiciyay bilihii badan ee dagaalka uu socday, waxay ka marag kacaysaa in Gaza ay burburtay. “Waan caddeynay mar walba in aan aaminsanahay xalka laba dowladood. Waa in Falastiiniyiintu awoodaan inay ku noolaadaan, horumarna ka gaaraan dhulkooda—Gaza iyo Daanta Galbeed.” Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Faransiiska – Christophe Lemoine “Faransiisku wuxuu si adag uga soo horjeedaa barakicinta qasabka ah ee shacabka Falastiiniyiinta ee Gaza, taasoo ah xadgudub culus oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah. Tani waa weerar toos ah oo ka dhan ah xaqii Falastiiniyiinta ee dhulkooda, caqabadna ku ah xalka laba dowladood. Sidoo kale, waxay halis ku tahay xasilloonida Masar, Urdun, iyo guud ahaan gobolka.” Wasiirka arrimaha dibadda Spain – Jose Manuel Albares “Waxaan rabaa inaan si cad u muujiyo: Gaza waa dhul ay leeyihiin shacabka Falastiiniyiinta ee reer Gaza, waana inay halkaas ku sii noolaadaan. Gaza waa qayb ka mid ah dowladda mustaqbalka ee Falastiin, taasoo Spain taageersan tahay. Waa in la helaa xal xaqiijinaya nabadda labada dhinac, iyadoo la ilaalinayo barwaaqada iyo amniga Israa’iil.” Wasiirka arrimaha dibadda ee Ireland – Simon Harris “Jihada arrimuhu u socdaan aad ayay u cadahay—waxaa loo baahan yahay xal laba dowladood ah. Dadka Falastiiniyiinta iyo Israa’iil waxay leeyihiin xaq ay ugu noolaadaan dowladooda, si nabad ahna iskula deris noqdaan. Qorshe kasta oo lagu barakicinayo shacabka Gaza wuxuu si cad uga hor imaanayaa qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.” Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar – Badr Abdelatty Abdelatty wuxuu la hadlay Ra’iisul Wasaaraha Falastiin, Maxamed Mustafa, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in la dardar geliyo dib-u-dhiska Gaza, iyada oo aan Falastiiniyiinta laga saarin dhulkooda. Madaxweynaha Falastiin – Mahmoud Abbas Abbas wuxuu caddeeyay in shacabka Falastiiniyiinta aysan marnaba ka tanaasulayn dhulkooda, xuquuqdooda, iyo goobahooda barakeysan. Waxa uu sidoo kale xusay in Marinka Gaza uu yahay qayb aan la kala goyn karin oo ka mid ah dhulka Dowlad Goboleedka Falastiin, oo ay wehliyaan Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus. Mas’uul sare oo ka tirsan Iiraan “Iiraan ma ogola qorshe kasta oo lagu barakicinayo shacabka Falastiiniyiinta, waxaana mowqifkan lagu caddeeyay iyada oo loo marayo marinno kala duwan.” Afhayeenka Kremlin – Dmitry Peskov “Ruushka wuxuu aaminsan yahay in xalka Bariga Dhexe uu suurtagal noqon karo oo keliya marka la hirgeliyo xalka laba dowladood. Tani waa mabda’a lagu caddeeyay qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana mowqifkan la wadaaga inta badan dalalka caalamka.” Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha “Shiinaha wuxuu rajaynayaa in dhammaan dhinacyada ay ka faa’iidaystaan fursadda xabbad-joojinta iyo dib-u-dhiska kaddib dagaalka, si arrinta Falastiiniyiinta loogu celiyo wadada xalka siyaasadeed ee ku dhisan laba dowladood.” Wasiirka arrimaha dibadda Turkey – Hakan Fidan “Hadalka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee la xiriira qorshaha lagula wareegayo Gaza waa mid aan la aqbali karin. Qorshe kasta oo Falastiiniyiinta laga saarayo xisaabta wuxuu kicindoonaa colaad hor leh.” Xoghayaha guud ee Ururka Xoraynta Falastiin (PLO) – Hussein Al-Sheikh “Hoggaanka Falastiiniyiinta wuxuu mar kale xaqiijinayaa mowqifkiisa cad: xalka laba dowladood, oo waafaqsan sharciga caalamiga ah, waa dammaanadda kaliya ee amniga, xasilloonida, iyo nabadda.” Islamic Jihad “Mowqifyada iyo qorshayaasha Trump waa kor u qaadida xiisadda, waxayna khatar gelinayaan amniga dalalka Carabta iyo gobolka, gaar ahaan Masar iyo Urdun, kuwaasoo Mareykanku doonayo in uu ku khasbo dagaal ka dhan ah shacabka Falastiiniyiinta.” Wasiirka deegaanka ee UK – Steve Reed “Mowqifka dowladda UK waa mid cad… waa in shacabka Falastiiniyiinta loo oggolaadaa inay dib ugu laabtaan guryahooda oo ay dib u dhistaan noloshooda. Dadkaasi waxay la kulmeen dhibaatooyin aad u daran muddo bilo ah, waana muhiim in ay dib ugu laabtaan si ay u bilaabaan nolol cusub.” Ra’iisul Wasaaraha Australia – Anthony Albanese “Mowqifka Australia waa sidii shalay, sidii sanadkii hore. Dowladda Australia waxay si wadajir ah u taageersan tahay xalka laba dowladood.” Rashida Hlaib – Xubin ka tirsan Kongareska Maraykanka “Falastiiniyiintu ma baxayaan. Madaxweynaha wuxuu hadalkan xagjirka ah oo keliya uga dhawaajiyay taageerada labada xisbi ee Kongareeska ay siiyaan xasuuqa iyo nadiifinta qowmiyadeed. Waa waqtigii ay xildhibaannada taageersan xalka laba dowladood ay si cad u hadli lahaayeen.”
  8. Bardhere, Somalia – Heavy fighting erupted early Wednesday in the strategic town of Bardhere in Somalia’s southern Gedo region between forces loyal to the federal government and those of the semi-autonomous Jubaland state. The clashes, reportedly involving heavy weaponry, mark a significant escalation in the long-running dispute over control of the region. The fighting began at dawn in central Bardhere as both sides vied for control. Residents reported hearing intense gunfire and explosions, prompting many to flee. “The sound of gunfire was deafening this morning,” one resident, who asked not to be named, told Caasimada Online. “People are fleeing their homes to escape the violence.” Jubaland’s administration, in a statement released through its official television channel, accused forces loyal to Somali President Hassan Sheikh Mohamud of initiating the attack on the district headquarters. Jubaland claimed its forces remained in the district headquarters and were resisting the attack, portraying the incident as an assault on a public service center. “The headquarters attacked by Hassan Sheikh Mohamud and his group is where the people of Bardhere are served,” the statement read, adding that the President’s group aimed to “destroy the existing government system in the district.” Wednesday afternoon, the Somali federal government had not issued a statement. Gedo: A Region long disputed Baardheere has been at the center of a broader dispute between Somalia’s federal government and Jubbaland over control of key territories in the Gedo region. The conflict escalated after Jubbaland announced on Tuesday that it had taken full control of the district headquarters, a claim swiftly contested by federal forces, leading to Wednesday’s outbreak of violence. Gedo, bordering Kenya and Ethiopia, is strategically important due to its location and resources. Control over the region has been a point of contention for years, further complicated by the broader political dynamics in Somalia. The region has experienced instability since the collapse of the Somali central government in 1991, adding another layer to the challenges facing the Horn of Africa nation, including the fight against the al-Qaeda-linked al-Shabaab insurgency. Jubaland-Federal government tensions The relationship between Jubaland, led by President Ahmed Madobe, and the federal government has been strained for months. Jubaland accuses Mogadishu of attempting to undermine its authority and install a more pliant administration in Gedo. Conversely, the federal government views Jubaland’s actions as challenging its authority and efforts to centralize power. In late 2024, Jubbaland suspended relations with the federal government amid disagreements over local elections and governance, leading to heightened tensions and a series of retaliatory measures by both sides. Ahmed Madobe, a former member of the Islamic Courts Union and the Islamist insurgent group Hizbul Islam, was elected President of Jubaland in 2013. He has been a key player in the fight against al-Shabaab in southern Somalia. However, his administration’s relationship with the federal government has deteriorated, particularly since his disputed re-election in 2019, which Mogadishu contested. Humanitarian concerns The renewed fighting has triggered fresh displacement, adding to Somalia’s already dire humanitarian crisis. According to the United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR), nearly 3 million people are internally displaced across the country due to ongoing conflicts and climate-related disasters. (UNHCR) “The situation is worsening by the hour,” said a local aid worker. “People are abandoning their homes with little more than what they can carry.” The ongoing hostilities between federal and regional forces threaten to undermine Somalia’s broader security efforts, particularly the fight against al-Shabaab, which continues to exploit political divisions to expand its influence. International observers have repeatedly urged Somalia’s central government and regional administrations to resolve their differences through dialogue. However, with reinforcements arriving on both sides, fears of a prolonged conflict in Bardhere are growing.
  9. Ciidamada difaaca Puntland oo maalintii labaad hawlgal lagu burburinayo Argagixisada ka wada togga Jeceel ee buuraha Cal-miskaad ayaa maanta shaaciyay qeybtii labaad ee meydadka mileeshiyaadka Daacish. Warbixin sawirro wadata oo uu soo saaray Taliska Ciidamada difaaca Puntland ayaa lagu shaaciyay in ciidamadu xalay ilaa maanta hawlgalka ku dileen ilaa 57 xubnood oo ka tirsan Daacish, kuwaasi oo u badan ajaanib, waxaana wararku sheegayaan in ajaanibtaasi ka soo jeedaan dalal kala duwan. “Ciidamada Difaaca Puntland oo muddo laba cisho oo xiriir ah ka fulinaaya dagaallo ka dhan ah Argagixisada Daacish deegaannada Dharin iyo Qurac ee togga Jaceel ayaa xalay Illaa maanta markale ka laayey sharwadayaal hor leh, kuwaasi oo tirada guud ka dhigaysa in ka badan 57 qof.” Warbixinta Taliska Ciidamada Puntland oo lagu faafiyay bogga Hawlgalka gaarka ah Ciribtirka Argagixisada ayaa intaasi raacisay in ciidamadu dhammaan cadowga ka saareen degaannadii lagu dagaallamay oo ku teedsan togga Jeceel. PUNTLAND POST The post Puntland oo warbixin ka soo saartay khasaaraha dagaalkii maanta ka dhacay buuraha Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
  10. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga ayaa si adag u dhaleeceeyay qorshaha uu soo jeediyay Madaxweyne Donald Trump ee ah in Mareykanka la wareego Marinka Gaza isla markaana Falastiiniyiinta lagu daabulo dalal kale. “Tani waa arrin aan la aqbali karin,” ayuu yiri Hakan Fidan, mar uu la hadlayay wakaaladda wararka ee Anadolu. Wuxuu intaas ku daray in barakicinta Falastiiniyiinta ee Gaza ay tahay arrin “anaga iyo gobolka toona aan la qaadan karin.” “Xitaa in laga doodo waa khalad,” ayuu raaciyay. Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu ka dhigi doono Gaza “mid aan la rumeysan karin,” isagoo ballan qaaday in uu meesha ka saari doono walxaha qarxa ee aan dillaacin iyo burburka, isla markaana uu dib u dhisi doono dhaqaalaha gobolka. Si kastaba ha ahaatee, Trump ma uusan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan sida uu qorshuhu u saameyn doono in ka badan laba milyan oo Falastiiniyiin ah oo ku nool Gaza. “Mareykanka ayaa la wareegi doona Marinka Gaza, waxaana ka qaban doonaa shaqo weyn,” ayuu Trump ka yiri shir jaraa’id oo ka dhacay Aqalka Cad, isagoo intaa ku daray in arrintaasi ay abuuri doonto “kumannaan shaqo.” “Waxaan arkaa in Mareykanka uu muddo dheer gacanta ku hayn doono Gaza, taasoo xasillooni weyn u keeneysa Bariga Dhexe iyo laga yaabee gobolka oo dhan,” ayuu sii raaciyay. “Tani ma ahan go’aan sahlan, qof walba oo aan la hadlay wuu jecel yahay fikradda ah in Mareykanku lahaado dhulkan.” Dhanka kale, Shiinaha ayaa Arbacadii si cad uga hor yimid “barakicinta qasabka ah” ee Falastiiniyiinta ee Gaza, kaddib hadalkii Madaxweyne Trump. “Shiinaha wuxuu aaminsan yahay in Falastiiniyiintu ay xaq u leeyihiin inay iyagu maamulaan dhulkooda, taasoo ah mabda’a asaasiga ah ee xukunka Gaza xilliga dagaalka kadib. Waxaan si adag uga soo horjeednaa barakicinta qasabka ah ee shacabka Gaza,” ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Shiinaha, Lin Jian, mar la weydiiyay arrinta Trump. Source
  11. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Talaadadii soo jeediyay in Mareykanku “la wareego” marinka Gaza, isla markaana shacabka Gaza dib loo dajiyo meel ka baxsan marinka. Trump ayaa hadalkan jeediyay xilli uu Aqalka Cad ku martigeliyay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, oo noqday hoggaamiyihii ajnabiga ahaa ee ugu horreeyay ee uu Trump ku casuumo Washington tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay xafiiska muddo xileedkiisa labaad. Trump ayaa sidoo kale laba jibaaray baaqiisii ahaa in Falastiiniyiintu ay ka guuraan dhulka uu dagaalku ka socdo, una gudbaan dalalka Bariga Dhexe, sida Masar iyo Urdun, inkastoo Falastiiniyiinta iyo labada waddanba ay si cad u diideen soo jeedintiisa. “Waxay ila tahay inay helaan dhul wanaagsan, cusub oo qurux badan. Waxaan heli doonnaa dad lacago ku bixiya si loo dhiso, loo qurxiyo, loogana dhigo meel la dego oo leh guryo,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha. Mar uu ka hadlayay duminta Gaza, ayuu yiri: “Waqtigaan la joogo, ma haystaan ikhtiyaar kale. Maxay sameyn doonaan? Waxay ku laaban doonaan Gaza, laakiin waa tee Gaza? Ma jiro wax dhisme ah oo halkaa ka taagan,” ayuu yiri. Trump wuxuu sheegay in Mareykanku uu ka takhalusi doono bambooyinka aan weli qarxin, simi doono goobaha burbursan, dhaqaajin doono dhismayaasha dumay, isla markaana abuuri doono horumar dhaqaale oo siin doona shaqooyin iyo guryo aan xadidnayn dadka deegaanka. Trump ayaa arrintan markii ugu horreysay soo jeediyay bishii Janaayo, isaga oo sheegay inuu doonayo in Jordan iyo Masar ay qaataan barakacayaal badan oo Falastiiniyiin ah, taasoo qayb ka ah dadaalka lagu “nadiifinayo” Gaza. Hase yeeshee, Masar, Urdun, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Qatar, Maamulka Falastiin iyo Jaamacadda Carabta ayaa si wadajir ah horraantii bishan u soo saaray bayaan ay ku diidan yihiin qorshe kasta oo Falastiiniyiinta looga raro dhulkooda Gaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto Source
  12. Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Aqalka Kongareeska Mareykanka ayaa qaaday tallaabo ay ku farxeen Soomaalida sharci la’aanta ku ah dalkaasi, kuwaas oo cabsi ka qaba in uu saameeyo go’aanka Trump ee masaafurinta muhaajiriinta. Gabadhan oo asalkeedu yahay Soomaali ayaa kulan gaar ah la yeelatay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sida sharci darrada ah ku galay dalkaasi, waxayna kula talisay in aysan ka cabsan Laanta Socdaalka iyo Canshuuraha, xilli ay haatan hay’adaha dowladda Mareykanka sii wadaan ka hortagga socdaalka sharci darrada ah ee dalkaasi. Sidoo kale, waxay intaasi ku dartay in aysan qasab ahayn in ay ka jawaabaan su’aalaha la weydiinayo, iyadoo usoo jeedisay in ay kaliya sheegaan in qareenkooda uu kula taliyay in aysan wax jawaab ah ka bixin sida ay ku yimaadeen Mareykanka iyo socdaalkooda. “Waxaan kula talinayaa dadka Soomaaliyeed in haddii ICE ay isku daydo inay su’aalo idin weydiiso, waajib kuguma aha inaad ka jawaabto su’aalahooda,” ayay tiri Ilhaan Cumar. Sidoo kale, waxay sii raacisay: “Kaliya sheeg in uu qareen kugula taliyay inaadan ka jawaabin su’aalaha. Shaacinta magacaaga, sharcigaaga socdaalka, iyo qaabka aad ku soo gashay ma ahan mid khasab ah. Barta sharciyada oo isdiyaariya.” Dhinaca kale, duqa Minneapolis Jacob Frey ayaa dhankiisa bogaadiyay arrintan, wuxuuna u ballan qaaday dadka sharci darrada ah ku jooga magaaladiisa inay garab istaagayaan, ayna sameyn doonaan wax kasta oo awooddooda ah si ay u caawiyaan muhaajiriinta. “Xeerka kala-soocidda ayaa si cad u qeexaya in mas’uuliyiinta magaalada, saraakiisha booliiska iyo kuwa kale, aysan ururin karin macluumaadka muujinaya cidda jirta iyo cidda aan la diiwaangelin,” ayuu yiri Duqa magaalada Minneapolis. Waxaa kale oo uu yiri: “Saraakiishayada booliisku lama shaqeyn doonaan sharci-fulinta federaalka ee ku xeeran sharciga socdaalka federaalka. Waxaan ku xoojinaynaa sharciyada gobolka iyo kuwa maxalliga ah halkan Minneapolis, waxaana sameyn doonaa sida ugu wanaagsan ee aan awoodno.” Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay haatan walaac xooggan iyo cabsi soo wajahday Soomaalida Mareykanka, gaar ahaan kuwa sharci darrada ah ku galay dalkaasi, kuwaas oo laga yaabo in uu saameeyo go’aanka uu qaatay Donald Trump ee lagu soo celinayo muhaajiriinta.
  13. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/02/AQOrL1vKQ5snP3lO-CQV9N4cJsr4ZufGIYy6o2UlZoIwrvYyPZZDJf4Nfoe9nQqaQEGiWf-vw35LAzjbobAinmX4.mp4 Qaran News
  14. Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu wehelliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa shir Guddoomiyay kulanka koowaad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad. Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa ka doodista qorshe hawleedka Golaha iyo Guddiyada ee Kalfadhiga lixaad, waxaana Guddoomiyayaasha Guddiyadu ay soo bandhigeen qorshayaashooda shaqo ee hortebinta u leh guddi walba, ka shaqaynta shuruucda la horkeenayo Golaha, metelaadda Shacabka iyo dardar gelinta hannaanka isla xisaabtanka iyo kor-joogtaynta hay’adaha dowladda, iyadoo intaas ka dib dood iyo falanqayn dheer kadib la meel mariyay ajandaha Golaha iyo qorshe hawleedka Guddiyada ee kalfadhiga lixaad. Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha guddiga joogtada Aqalka Sare ku bogaadiyay howsha ay Qaranka u hayaan, isagoo faray in ay dardar geliyaan arrimaha korjoogtaynta iyo islaxisaabtanka hay’adaha dowladda, islamarkaana ay si dhow u wada-shaqeeyaan Guddiyada meelaha qaar shaqo wadaagga ka noqonaya. Source: goobjoog.com
  15. Laamaha ammaanka Puntland ayaa magaalada Boosaaso ku qabtay mid kamid ah xubnaha ajaaniibta ah ee Kooxda ISIS. Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha ammaanka ayaa sheegay in ninkan la qabtay uu bixiyey macluumaad muhiim ah oo la xiriira dagaalka ka socda buuraha Cal Madow iyo qorshayaasha kooxda Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa yiri “Howlgalkan waxa uu qeyb ka yahay dadaallada aan ku ciribtirayno argagixisada. Ninkan la qabtay waxa uu ka mid ahaa ajaaniibta ku sugan Soomaaliya, waxaana laga helay xog muhiim ah oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqa ISIS.” Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inay wadaan baaritaanno dheeraad ah si loo helo xog dheeraad ah oo la xiriirta xubnaha kale ee kooxda iyo qorshayaashooda. Laamaha Ammaanka ayaa ugu baaqay Shacabka in ay la shaqeeyaan Ciidanka. Source: goobjoog.com
  16. Mogadishu (HOL) – The Turkish Parliament has approved a presidential motion to extend the deployment of Turkish naval forces in the Gulf of Aden, waters off Somalia, the Arabian Sea, and adjacent regions for an additional year, effective February 10. Source: Hiiraan Online
  17. Boosaaso (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar dhanka cirka ah oo xalay ka dhacay aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo ay Puntland ku qaaday xubnaha kooxda Daacish, si looga saaro halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in duqeynta oo ahayd bartilmaameed si gaar ah loogu garaacay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen argagixisada ku sugan aagga buuraha Cal-Miskaad. Qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay ugu yaraan illaa 15 xubnood oo ay ku jiraan saraakiil ajnabi ah oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Daacish. “Duqeyn iyo Hawlgal : Cirka iyo dhulka ayeey kaga socota Argagixisada Daacish ee ku dhuumaalaysanaysa Togjaceel. Ku dhowaad 15 Ajaanib ku jirto ayaa lagu dilay duqeynta iyo hawlgalkii caawa” ayaa lagu yiri qoraalka Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland Dhinaca kale waxaa saaka weerar kale oo 4 jirho ah qaaday ciidamada Puntland, kuwaas oo kusii dhowaanaya aagaga ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka kooxda Daacish, iyaga beegsaday dusha sare ee Togga Jacayl, oo ay shalay ka dhaceen dagaallo culus. Puntland ayaa sheegtay in ujeedka uu yahay inay ka hortegto firxadka maleeshiyaada kooxda, si aysan hoos ugu soo dagin booraha hoostooda. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana sii xoogeysanayo dagaalka labada dhinac oo ay barbar socdaan duqeymo ay fulinayaan qaar kamid ah saaxibada caalamiga ah. Shalay ayay ahayd markii uu dagaal qaraar ka dhacay aagga buuraha Calmiskaad, halkaasi oo xubno badan ajaaniib ahaa looga dilay kooxda Daacish, waxaana sidoo kale jira in dhankeeda Puntland tobaneeyo askari looga dilay dagaalka, kuwa kalena laga dhaawacay.
  18. Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa war qoraal ah kasoo saaray dagaal culus oo saaka ka qarxay gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyo ciidamadeeda iyo kuwa dowladda Soomaaliya. Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in weerarka ay soo qaadeen ciidamo ka amar qaata madaxweyne Xasa Sheekh, ayna beegsadeen xarunta maamulka degmada, sida lagu sheegay qoraal uu goordhoweyd baahiyay Telefishinka ku hadla afka maamulka Jubbaland. “Kooxda Xasan Sheekh Maxamuud oo wali wada Hagar-daamada iyo kala qeybinta ay ka dhex wadaan Bulshada reer Jubbaland ayaa saaka waabarigii Dagaal kusoo qaaday Xarunta Degmada Baardheere oo ay ku sugnaayeen Maamulka Degmadda” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale Jubbaland ayaa sheegtay in weli xarunta degmada ay ku sugan yihiin ciidamadeeda, balse weli dagaalka uu socdo, iyada oo ku dooday inay iska caabineyso weerarka lagu soo qaaday, sida ay hadalka u dhigtay. Waxaa kale oo ay intaasi kusii dartay in xarunta la weeraray ay tahay meeshii loogu adeegaya bulshada reer Baardheere, ayna tahay wax laga xumaado. “Xarunta ay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa Dagaalka kusoo qaadeen waa halka loogu adeego Bulshada Baardheere taas ayaa waxa ay Muujineysa sida Xasan Sheekh Maxamuud uusan dan uga laheen Bulshada kaliya ay u cadahay Dano shaqsi oo asaga u gaar ah” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay maamulka Jubbaland. Waxaa kale oo lasii raaciyay “Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa ayaa ayaa go’aan-saday in ay bur-buriyaan Nidaamka Dowliga ah ee ka jira Degmada Madaama fikirkoodii qaldanaa uu ka socon waayay in ay ka hirgaliyaan Degmada Baardheere”. Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda dhexe oo ku aadan dagaalka ka socda Baardheere, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan. Dagaalkan ayaa ka dhashay muran sababay gacan ku haynta degmada oo ay isku hayaan dowladda dhexe iyo Jubbaland oo maamulo iska soo horjeedo u magacaabay Baardheere. Shalay ayay ahayd markii ay Jubbaland sheegtay inay la wareegtay gacan ku heynta xarunta degmada Baardheere, laakiin waxaa saaka dib u qarxay dagaal culus oo dhex-maraya Daraawiishta maamulkaasi iyo ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi.
  19. Ciidamada Difaaca Puntland ayaa saaka dagaal dhowr jiho ah ku qaaday buuraleyda Tog-Jaceel ee Calmiskaad, halkaas oo xalay laga maqlay duqaymo xooggan. Shalay halkaasi waxaa ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray Ciidamada Difaaca Puntland iyo kooxda IS, kaas oo la isku adeegsaday hub culus. Dagaalka saaka billowday ayaa ah mid sii xoojiyay howlgalka ay Puntland ka waddo gobolka Bari. Wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in dagaalku weli socdo, iyadoo la maqlayo jug culus iyo rasaas xooggan. Goobta uu dagaalka ka socdo ayaa lagu sheegay in ay tahay meelaha ugu adag maadaama ay tahay buuro iyo qarar ah. Source: goobjoog.com
  20. Dowladda Kenya ayaa qorshaynaysa in odayaal dhaqan loo diro si ay uga wada xaajoodaan Shabaab sii deynta shan guddoomiye Xaafadeed oo laga afduubtay Isniintii Magaalada Mandera, oo ku dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya. Sida laga soo xigtay sarkaal xog-ogaal u ah howlgalka, mas’uuliyiinta Kenya ayaa go’aansaday inay odayaasha diraan si loo helo nabad ku soo celinta masuuliyiinta la qafaashay. “Illaa iyo inta aan la dilin, taas oo aan dhici doonin, waa in odayaal la diro si ay ula xaajoodaan dhiggooda Shabaab si loo sii daayo maamulka la afduubtay,” ayuu yiri sarkaalkaasi. Mas’uuliyiintu waxay rumeysan yihiin in guddoomiyeyaasha ay afduubteen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo horey uga geystay weerarro iyo afduubyo ka dhacay xadka. Sida ay sheegeen booliska iyo goobjoogayaal, shanta guddoomiye ayaa ku safrayay gaari xilli ay kusii jeedeen magaalada Ceelwaaq, balse waxaa jidka u galay dabley hubeysan oo ku qabsaday inta u dhaxaysa Bamba Owla iyo Ires Suki. Falkaan ayaa dhacay maalmo ka hor inta uusan madaxweynaha Kenya, William Ruto, booqan gobollada Mandera, Garissa, iyo Wajeer si uu diiradda u saaro arrimaha horumarinta gobolka iyo wada-hadallada bulshada. Source: goobjoog.com
  21. Mogadishu (HOL) – The federal government-appointed commissioner of Bardhere district, Mohamed Ilyas Caagane, was killed on Wednesday during heavy fighting between federal government forces and Jubbaland regional forces in Bardhere district, Gedo region. Source: Hiiraan Online
  22. Warar isi soo taraya ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeya Ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland oo ka socda magaalada Baardheere ee gobolka Gedo. Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka oo ku sugan Baardheere ayaa in dagaalkii saaka bilowday ay khasaare ku gaarsiiyeen Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, islamarkaana ay ka qabsadeen xarumaha muhiimka ah ee degmadaas, balse ma jiraan ilo madax-bannaan oo arrintaas xaqiijinaya. Rasaas ayaa weli ka dhacaysa magaalada, wuxuuna dagaalkani ku soo beegmayaa saacado ka dib markii xubno taageersan maamulka Jubbaland ay sheegeen inay si buuxda u wareegeen xarunta degmada. Source: goobjoog.com