-
Content Count
211,291 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ugu yaraan sideed qof oo rayid ah ayaa lagu dilay bartamaha dalka Maali, sida ay sheegeen ilo-wareedyo kala duwan, waxaana ciidamada Mali iyo kooxda Wagner ee Ruushka lagu dambeeyay weerarka dadkaasi ay ku dhibteen. Dalka mali ayaa waxaa ragaadiyay qalalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dhaqaale, waxaana tan iyo 2012-kii ka howl-galayay kooxo kala duwan oo xiriir la leh Al-Qaacida iyo kooxda Daacish. Wuxuu sidoo kale dalkan ku yaalla galbeedka Afrika wajahayaa kacdoon gooni u goosad ah oo ka socda saxaraha waqooyiga, waxayna ciidanka dowladda iyo xoogagga Wagner ee Ruushku dagaal kula jiraan kooxo kala duwan oo dalkaas fariisimo ku leh. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday tallaabooyin cusub oo xiriir diblomaasiyadeed ah oo ay la sameyneyso dowladda cusub ee Suuriya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa xaqiijiyay in uu fariin rasmi ah u diray dhiggiisa Suuriya, Asaad Hassan al-Shaibani, isagoo ku caddeeyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay maamulka cusub ee Suuriya. Wasiirka ayaa intaa ku daray in uu qorsheynayo in uu dhawaan la kulmo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya si ay uga wada hadlaan horumarinta xiriirka labada dal. Intii uu ku guda jiray waraysi uu siiyay Al Jazeera, Wasiir Fiqi ayaa dib u xusay in Suuriya ay ahayd dalka kaliya ee Carbeed ee ay furaneyd muwaadiniinta Soomaaliyeed xilligii burburka, isagoo xusay in safaaradda Soomaaliya ee Dimishiq aysan marnaba xirmin, xitaa xilliyadii adkaa. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in uu qorsheynayo booqasho rasmi ah oo uu ku tago Dimishiq si loo adkeeyo xiriirka labada dowladood. Tallaabadan ayaa muujinaysa dadaalka Soomaaliya ee dib-u-dhiska xiriirka diblomaasiyadeed ee gobolka. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — Sweden has announced plans to deport Somali nationals who lack citizenship, targeting those involved in criminal activities or whose asylum claims have been denied. Ambassador Joachim Waern stated that the new measures aim to balance immigration control with public safety, reflecting the government’s broader security priorities. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Ethiopia has launched an ambitious project to irrigate over 112,000 hectares of land in the Somali region, a move hailed by locals as a game-changer for one of the country's most underdeveloped areas. The plan, spearheaded by the Ministry of Irrigation and Lowland Areas, is expected to revitalize barren landscapes and improve livelihoods for tens of thousands. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Puntland is enlisting the support of clans in the Bari region to combat the growing threat of ISIS, which has entrenched itself in parts of the region. The mobilization effort, spearheaded by First Deputy Speaker Mohamed Bari Shire, follows a deadly attack in Dharjaale village that exposed significant security vulnerabilities. Source: Hiiraan Online
-
More than 9 million children are out of school across Ethiopia due to man-made and natural disasters, the United Nations Children's Fund (UNICEF) has disclosed. Source: Hiiraan Online
-
More snow, ice and rain to hit UK, as flood warnings issued
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Warnings for snow, ice and rain are in place across parts of the UK, with areas in southern England being warned of flooding due to rain and melting snow caused by milder temperatures. Source: Hiiraan Online -
Paris (AFP) – His orange henna-dyed beard and striking eyewear would make him easy to pick out in a crowd, but Abdul Qadir Mumin has remained elusive. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Egypt’s Foreign Minister Badr Abdelatty reaffirmed his country’s unwavering support for Somalia’s sovereignty and counter-terrorism efforts during a phone call with Somali Foreign Minister Ahmed Moallim Fiqi on January 5. The discussion followed Fiqi’s December 23 visit to Cairo, where both nations outlined plans to deepen bilateral cooperation. Source: Hiiraan Online
-
Premier League leader Liverpool and Manchester United concluded their much-anticipated duel in a 2-2 draw on Sunday. Source: Hiiraan Online
-
Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Masar, Badar Abdelatty, ayaa xaqiijiyay mowqifka taageero ee Masar ee ku aadan Soomaaliya, mar uu khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi. Baaqan ayaa ku soo beegmaya laba toddobaad uun ka dib booqashadii Fiqi ee Qaahira, halkaas oo Masar iyo Soomaaliya ay ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo Hawlgalka Taageerada Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee billowday 1-dii Janaayo 2025. Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar, Badar Abdelatty iyo Fiqi ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal. Badar Abdelatty waxa uu xaqiijiyey taageerada adag ee Masar, si waafaqsan shuruucda caalamiga ah, ee ku aaddan qarannimada, madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, si loo helo nabad iyo xasillooni. Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in Qaahira ay sii wadi doonto taageerada ay siiso hay’adaha qaranka Soomaaliyeed, iyo bixinta kaalmada farsamo si ay u habeeyaan shaqadooda si loo gaaro himilooyinka shacabka Soomaaliyeed. Masar ayaa haatan qorsheyneyso in ciidamadeeda ay kusoo daabusho gudaha Soomaaliya, iyada oo ku keeneyo dhanka cirka iyo badda, si ay qayb uga noqdaan howlgalka Soomaaliya ka billowda ee AUSSOM. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa ku warramay in Qaahira ay toos ugada geleyso qorshaheeda, isla markaana ay xoojineyso joogitaankeeda Soomaaliya oo ay kula loolameyso Itoobiya. Falanqeeyayaasha ayaa sheegay inay joogitaanka militaryi ay Masar ku dooneyso inay ku ballaariso saameynteeda gobolka istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika. Ciidanka Masar ayaa beddali doono kuwa Itoobiya oo laga reebay howlgalka AUSSOM, sababo la xiriira isku dhicii Addis Ababa iyo Muqdisho ee ka dhashay heshiiskii badda.
-
Paris (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa Isniinta maxkamad la soo taagayaa isaga oo lagu eedeyay in uu lacag dhan 50 milyan oo Euro ka aqbalay hogaamiyihii hore ee Liibiya Mucamar Al-Qadaafi oo uu ololaha doorashada ku galay. Sarkozy, oo horey loogu xukumay labo jeer kiisas kala duwan tan iyo markii uu xafiiska ka tagay, ayaa Isniinta maxkamad lagu soo taagayaa dacwad ah in uu qaatay lacag olole sharci darro ah oo la sheegay in uu heshiis la galay kaligii-taliyihii hore ee Liibiya Mucamar Al-Qadaafi. Sarkozy waxaa hareeyay dhibaatooyin xagga sharciga ah tan iyo markii uu ku guuldarreystay doorashadii madaxtinimada ee 2012-kii. Laakiin waxa uu weli yahay shakhsi saamayn ku leh siyaasada dalkaas. Maxkamadeyntan ugu dambeysa ayaa ah natiijada toban sano oo baaritaanno ah oo lagu eedeynayay in Sarkozy uu aqbalay maalgelinta ololaha sharci darrada ah – oo lagu soo waramayo in 50 milyan oo Yuuro – uu ka helay Qadaafi si uu ugu caawiyo ololihii doorashada ee 2007-dii ee uu ku guuleystay. Taas beddelkeeda, waxaa lagu eedeeyay Sarkozy iyo madax sare ay ballan qaadeen in ay ka caawin doonaan Qadaafi dib u habeynta xiriirkiisa reer galbeedka. Sarkozy ayaa iska fogeeyey eedeymaha loo soo jeediyay oo uu sheegay inay qeyb ka yihiin shirqool ka dhan ah isaga, isagoo ku adkeystay inuusan waligiis wax dhaqaale ah ka helin Qadaafi, isla markaana aysan jirin wax cadeyn ah.
-
Former President of Somalia Mohamed Abdullahi Mohamed: “I call on the Somali people to stand by their soldiers and refrain from feuding. I urge the Federal Government leaders to support the counterterrorism operations launched by Puntland State to eliminate ISIS terrorists who pose a threat to our government institutions and nation.” Mogadishu (PP News Desk) — The Former President of Somalia, Mohamed Abdullahi Mohamed, sent a congratulatory message to Puntland State of Somalia today. “I congratulate the Puntland State government for the unity and cohesion its citizens have shown to the brave soldiers on the frontline, fighting terrorists,” reads a message from the former president. “I call on the Somali people to stand by their soldiers and refrain from feuding. I urge the Federal Government leaders to support the counterterrorism operations launched by Puntland State to eliminate ISIS terrorists who pose a threat to our government institutions and nation,” the former president added. More than 100 ISIS fighters have surrendered to Puntland State defence forces. “Many of the ISIS fighters are seeking an opportunity to defect. They know they are being used for a wrongful cause,” said one of the men who surrendered yesterday. © Puntland Post, 2025 The post Former President of Somalia Congratulates Puntland for Counterterrorism Operations appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada Israel ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan Gaza, iyagoo ugu yaraan todobo falastiiniyiin ah ku dilay Rafah iyo Bureij,kadib markii saacadihii u dambeeyay ay weeraro xagga cirka ah ku qaadeen deegaanadaasi oo dhaca Gaza. Duqeymankaan cusub ayaa daba socday saddex maalmood oo weerarro xooggan ay Israel ku dileen ilaa 200 oo Falastiiniyiin ah oo ku sugnaa marinka Gaza. Weerarada ka imaanaya ciidamada Israel ayaa sii socda,xilli siddeed carruur ah ay u dhinteen qabowga jiilaalka ,iyadoo Israel ay sii waddo xaddidaadda gelitaanka sahayda bani’aadanimo ee hey’adaha samofalka ay ugu talagaleen in la gaarsiiyo dadka ku barakacay dagaalada ka jira Gaza. Dhanka kale,waxaa socda wadahadallo u dhexeeya Xamaas iyo Israel ,inkastoo labada dhinac ay ku muransan yihiin faahfaahinta heshiis xabbad-joojinta iyo sida ay u daneynayaan soo afjaridda dagaalka. Xamaas ayaa dooneysa in si buuxda loo gaaro heshiis xabbad-joojin ah ,isla markaana la is-dhaafsado maxaabiista ,halka Israel ay daneyneyso in la kala waeggsado maxaabiista. Tirada Falastiiniyiinta ee ku dhintay dagaalka Gaza ayaa lagu sheegay ugu yaraan 45,805,halka dhaawacana lagu qiyaasay 109,064. PUNTLAND POST The post Israel oo duqaysay marinka Gaza dhinacna kala xaajoonaysa Xamaas appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay Howlgalka geesinimada leh ee ciidamada difaaca dowladda Puntland ay ku qaadeen argagixisada Daacish. “Dawladda Puntland waxaan ku bogaadinayaa isku duubnida ku aaddan howlgalkan ee ay muujiyeen ciidanka iyo shacabka oo garab taagan, aniga oo guul u rajaynaya geesiyaasha ciidamada ammaanka Puntland ee hoggaaminaya howlgalka, iyaga oo ku sugan furimaha dagaalka ka dhanka argagixisada” ayuu yiri Farmaajo Madaxweyne hore Farmaajo ayaa Hawlgalkaasi ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa halganka guud ee lagaga sifeynayo dalka argagixisada gumaadka ku haya dadka Soomaaliyeed, kana soo horjeeda horumarka dalka “Shacabka Soomaaliyeed oo idil waxaan ku boorrinayaa in ay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada duullaanka ina ku ah, garab istaagaan ciidamada, kana fogaadaan dagaallada sokeeye oo ah qorshaha kaliya ee argagixisadu ay ina ku dhex joogi karto” ayuu sii raaciyay Hadalkiisa. Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sidoo kale madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya waxa uu ugu baaqay in ay garab istaagaan howlgalka ciidamada ammaanka Puntland ay ku sifeynayaan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Daacish oo halis jiritaan Isirka Soomaaliyeed. Halkaan ka akhriso Qoraalka Farmaajo PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay Puntland ku garab istaagto dagaalka Argagixisada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa war ka soo saaray dagaalka Puntland ay ku qaaday Khawaarijta Daacish, isagoo maamulkaas ku bogaadiyey taallabada uu qaaday, farriina u diray dowladda federaalka. Madaxweyne hore Farmaajo ayaa Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay garab istaagaan howlgalka ciidamada ammaanka Puntland ay uga sifeynayaan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Daacish oo halis jiritaan ku ah dowladnimada iyo isirka Soomaaliyeed. Hoos ka akhriso qoraalka Farmaajo: Howlgalka geesinimada leh ee ciidamada ammaanka Puntland ay ku qaadeen argagixisada waa tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa halganka guud ee lagaga sifeynayo dalka argagixisada gumaadka ku haya dadkeenna, kana soo horjeeda horumarka dalkeenna. Shacabka Soomaaliyeed oo idil waxaan ku boorrinayaa in ay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada duullaanka ina ku ah, garab istaagaan ciidamada, kana fogaadaan dagaallada sokeeye oo ah qorshaha kaliya ee argagixisadu ay ina ku dhex joogi karto. Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa in ay garab istaagaan howlgalka ciidamada ammaanka Puntland ay ku sifeynayaan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Daacish oo halis jiritaan ku ah dowladnimada iyo isirka Soomaaliyeed. Dawladda Puntland waxaan ku bogaadinayaa isku duubnida ku aaddan howlgalkan ee ay muujiyeen ciidanka iyo shacabka oo garab taagan, aniga oo guul u rajaynaya geesiyaasha ciidamada ammaanka Puntland ee hoggaaminaya howlgalka, iyaga oo ku sugan furimaha dagaalka ka dhanka argagixisada.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kiis culus ayaa soo galay daladda Gaadiidleyda Gobolka Banaadir, kadib markii lagu eedeeyey inay la shaqeeyaan Al-Shabaab oo weliba la keenay cadeymo muujinaya xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa daladda Gaadiidleyda iyo kooxda Al-Shabaab. Guddi gaadiidley ah ayaa go’aansaday in sirtaan ay banaanka keenaan, kadib markii lagu dhibaateeyey wadooyinka oo xogtooda lala wadaagay Al-Shabaab, guddigaas oo wata cadeymo rasmi ah ayaa hadda doonaya inay la kulmaan oo xogtaan la wadaagaan madaxda qaranka. Gadiidleyda wajahday culeyska Al-Shabaab uga yimid ayaa warbaahinta u sheegtay inay cadeymo u hayaan in boonada ay daladaasi u jarto ay Shabaab u soo diraan, kadibna ka qaataan lacag badan, xili dowladdu ay mamnoocday in Shabaab dhaqaale la siiyo. Marar badan ayaa horay Shabaab inay la shaqeeyaan loogu eedeeyey xubnaha daladaas, halka Al-Shabaab ay gaadiidleyda toos ugu sheegeen in maskax iyo dhaqaale badan uu uga baxay dhismaha daladaas, sidaas darteedna aysan ogoleyn in la kashifo. Gaadiidleyda ayaa loo hanjabay, muddo dheer ayey aamusnaayeen, balse hadda waxay sheegeen inay go’aansadeen in gumeysiga Al-Shabaab iyo daladaas la shaqeysa aysan ku sii hoos jirin. Gaadiidleyda warbaahinta la hadashay waxay sheegeen in dowladda ay u ogolyihiin lacag ka badan canshuurta ay hadda ka qaado, balse waxay codsadeen in la burburiyo dalladaan xogtooda la wadaagta cadowga Al-Shabaab oo dhaqaale xad dhaaf ah ka qaata, hanjabaad joogto ahna ku haya. Sidoo kale gaadiidleyda la hadashay warbaahinta, waxay sheegeen rasaakiisha hey’adaha amniga ay la wadaageen xogtaan, balse ay waxaba ka qaban waayeen, waxayna hadda codsanayaan in madaxda qaranka ay la kulmaan, si cadeymaha kiiskaan ay ula wadaagaan. Daladda laga cabanayo ee gaadiidleyda gobolka Banaadir ayaa la dhisay 2020 xiligaas oo lagu eedeeyey inay Shabaab ku soo dhiseen gobolka Sh/Hoose, xiligaas waxaa Agaasimaha NISA ahaa Fahad Yaasiin, waxaa la xiray xubnihii guddiga, balse is faham dhacay ayaa lagu fasaxay guddigaas oo iska sii wata shaqadiisa. Daladaan laga cabanayo ee Gaadiidleyda Gobolka Banaadir ayaa shati ka heysata maamulka Gobolka Banaadir, waxayna ka shaqeysaa oo waajibaadkeeda kamid ah, Xakameynta jaamka ama saxmadda gaadiidka magaalada Muqdisho, yareynta xamuulka xad-dhaafka ah iyo ka shaqeynta dhismaha wadooyinka muhiimka ah ee caasimada Muqdisho.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgal oo ay wadajir isaga kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Ciidamada Cirka ee Mareykanka oo ka dhacay deegaanka Beerxaani oo qiyaastii 35 KM u jira magaalada Kismaayo, dhanka waqooyi galbeedna ka xiga lagu diley dagaallamayaal badan oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab. Hawlagalkan ayaa lala beegsaday koox ka tirsan Alshabaab oo isoo abaabushay, isla markaana damacsanaa inay weerar qorshaysan qaadaan, kaas oo laga war helay, islamarkaana laga hortagey sida ay sheegtay dowladdu. inta la xaqiijiyay xubnaha lagu dilay hawlgalka ayaa gaaraya ilaa 10 dhimasho ah, mana jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka, sida lagu xusay war saxaafadeed ay dowladdu soo saartay. Source: goobjoog.com
-
Somaliland oo dib u eegis ku sameynaysa heshiiskii Itoobiya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ee uu haatan hoggaamiyo madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa shaacisay inay dib u eegis ku sameynayso heshiiskii is-afgarad ee xukuumaddii hore la gashay dowladda Itoobiya. Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Somaliland ayaa sheegay in is-afgaradkaas ay sii wadi doonaan ka xukuumad ahaan haddii uu isku dheeli-tirayo danaha labada dhinac, haddii kalena ay ka fiirsan doonaan. Wasiir Cabdiraxmaan Daahir oo maanta la kulmay guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa kamid ahaa siyaasiyiintii mucaaradka ee kasoo horjeeday is-afgaradkaasi kahor inta aysan ku guuleysan madaxtinimada Somaliland. “Mou-ga waxaan uga soo horjeeday mad-madow badan ayaa ku jiray, waxaa Itoobiya sheegayso iyo waxa madaxweynuhu sheegayo ayaa kala duwanaaday,” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Daahir Aadan. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa intaas kusii daray “Itoobiya waxay tidhi, marka badda nala siiyo kadib ayaannu ka fikiraynaa ictiraafka, halka madaxweynihii hore uu sheegayay wax ka duwan taas.” Sidoo kale wuxuu sheegay in ka wasaarad ahaan ay ka shaqayn doonaan sidii Somaliland ay dal madax-bannaan u noqon lahayd, xiriiro laga wada faa’iidaystana ay adduunka ula yeelan lahayd. “Haddii uu ina anfacayo oo ictiraafkeenu ku jiro, annaga ayaa ka jecel cid walba in aanu ogolaanno. Waanu eegi doonaa, waanu ka balansannahay. Itoobiyana intaa ayaannu u sheegnay, way inoo fududaanaysa haddii dalalka jaarku ina ictiraafaan,” ayuu yiri. Hadalka wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa imanaya sanad kadib iyadoo is-afgaradka Itoobiya aan loo beddelin heshiis rasmi ah, islamarkaana uu heshiiska Itoobiya iyo Soomaaliya ee Ankara markale sii xumeeyay rejada laga qabo hirgelinta is-afgaradkaasi.