-
Content Count
211,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Casriyeynta dugsiyada qur’aanka iyo Toosinta hab-dhaqanka ardayda waa inaysan noqon mid laga soo qaato dunida aan muslimka ahayn! Dugsi qur’aanka, waxay ardayda ka baran jireen dhaqan xil-kasnimo oo aysan isha qabaneyn, waxaa ka mid ahaa dhaqankaas ardayda in maalmaha KHamiista ah galabtii la fasixi jiray si ay duurka uga soo guraan ulihii lagu garaaci lahaa iyaga marka ay timaado toosinta iyo in lagu carbiyo dhaqanka wanaagsan iyo barashada qur’aanka, waxaana xusid mudan in ardayda iyagoo sidaas fahamsan oo og in ulaha ay gurayaan iyaga lagu garaacayo; midkooda dugsiga aan imaan ama ka dhuunta, midka casharkiisa baran waaya, midka far baran waaya, midka anqaasta ama qadda soo riiqan waaya, midka ay waalidkiis ka soo dacwoodaan iyo kuwa laga soo eed sheegto…iyo wixii soo raaca, iyagoo sidaas ogsoon, oo garanaya dadka ulahan loo wato inay yihiin ayeey haddana ku tartami jireen siduu mid kasta u noqon lahaa midka ulaha ugu badan soo guray, midka ugu ulo fiican, taasi macnaheedu waxaa weeye in shakhsiyadda ardayga yar ee dugsi qur’aanka dhiganaya uu da’daas (5- 10jir) gaarsiisanaa inuu garanayay muhiimadda dhaqanka dabeecadda u ah dugsi qur’aanka, ujeeddada ulaha laga leeyahay, iyo kaalinta iyo waxa uu ka mudanyahay macallinka qur’aanka baraya. Wuxuu ardayga bartay ama fahmayay in wax kasta ay leeyihiin qaab xisaabtan ah oo ay ka dhalan karto ciqaab iyo abaal marin. DHaqankaas iyo dabeecaddaas edbinta iyo carbinta isugu dhafan, iyo nidaamka barashada qur’aanka waxaa ka sameysmayay ama ka soo baxayay shakhsiyad adag oo aan la barxin oo laf iyo ludba Soomaalinimo u sameysan! Macallinkeen Allow Kaal, Macallinkiis Allow kaal, Waalidkeen Allow Kaal, Waalidkiis Allow Kaal!…oo macnaheedu yahay Kaal oo u kaalmee. Marka aad fiiriso dhinaca ardayda miyiga qur’aanka ku baraneysay iyaga waxaa intaas oo ay la wadaagaan ardayda dugsi qur’aanka magaallada ku dhiganeysay u dheeraa, inay kaalin buuxda ka qaadanayeen hawlaha qoyska ama guriga, siiba kuwooda xoogaa roon-roon ama gaaray da’aadda 15 jir iyo wixii ka weyn oo haddii xoolo la waraabinayo, haddii dhaan la aadayo, haddii reerka la rarayo… waxay kaga jirren kaalin mug leh oo 100% ah, waxaas oo dhan waxaa ka soo bixi jiray shakhsi ka samaysmay dhaqan sal adag oo xoog badan oo guntiisu qoto dheertahay, oo yaqaan waajibaadka ay ku leeyihiin dadka iyo dalka, ka naxay waayeelka, u qadaya una turay inta xoogga yar ee jilicsan, yaqaan ogsoon inuu yahay Soomaali, geesi ah oo aan cabsida aqoon!… Iyadoo uu qur’aanka yahay kitaabkii Alle loo soo dejiyay ku dhaqankiisa bini-aadamka aadna ugu weynyahay guud ahaan dadka muslimiinta ah ee caalamka jooga ayeey haddana Soomaalida waxay ka mid tahay dalal aan badneyn oo muslimiin ah oo la oran karo diinta iyo jinsiyadda waa labo arrin oo isku tolan oo aan la kala saari karin, taasi macnaheeda waxaa weeye mar haddii uu qofku Soomaali yahay waxaa qasab inuu muslim yahay. Barashada qur’aanka ee meelaha miyiga ah ama baadiyaha ayaa waxaa iyadana si aad u weyn looga dheehan karaa in Soomaalidu dhaqankeedu uu yahay diinta ama dhaqan ku qotoma Islaamka, mana jiro dhul Soomaaliyeed ama miyi ha ahaado ama magaalo ha ahaadee aadan ka dheehaneyn dhaqanka muslimka. Waxaana xusid mudan in macallinka dugsiga qur’aanka uu yahay kaalinta ugu muhiimsan ee ilmaha yar uu dhaqankaas barashadiisa ka bilaabo, tusaale ahaan macallimiinta dhammaantood salaadda waa tukadaan, inta la ogyahay ma jiro macallin dugsi quraan dhiga oo aan salaadda tukan, waxayna ardayda caadi ah inay ardayda mar kasta faraan inay salaadda tukadaan iyadoo waliba mar kasta oo ay salaadda soo gasho macaliinka iyo ardayda wada tukadaan, sidaasoo kale waxyaabo kale oo badan oo diinta ah bay dhaqankiisa ka bartaan, sidaas daraadeed dhowritaanka iyo kor u qaadista tayada dugsiyada qur’aanka qof kasta oo muslim ah oo Soomaali ah waajib ku tahay, taaba galka dhaqanka islaamka ee ka hana qaaday dalka waxaa hawl iyo maskaxba geliyay culummada Soomaaliyeed. Dugsiga qur’aanka, wuxuu mideeyay dhaqankii, saykoolojigii, qaab-nololeedkii, iyo korriimmadii ilmaha, waana taas kaalinta muhiimka ah ee dugsiga qur’aanka midnimmada iyo isku duubnida dadka Soomaaliyeed. Wixii ka dambeeyay burburkii dalka, dugsiyada waxaa is bedelay nidaamkii looxa iyo qadda, waxaana loo guuray buug iyo qallin, waxaana dugsiyada qur’aanka lagu kordhiyay duruus gaarsiisan heer dhameys tiran oo maadooyinka kala duwan ee diinta, sida in la baro ardayga casharo kala duwan oo ah kuwo aan waayadii hore lagu baran jirin Dugsi -Qur’aanka; barashada caqiidada, Siirrada Nabeega, Axaadiith-ta, Noloshii Asxaabta… Waxaana soo baxay barayaal dhallin yaro ah oo runtii heerkii wax-barashada Dugsi-Quraanka ka amba qaaday heerkii ay soo gaarsiiyeen macallimiintii iyaga wax soo baray. Arrintan ama tallaabadan is-bedelka iyo horumarka ay keentay ayaa ahayd mid si cad oo muuqato looga arkayo meel kasta oo dugsiyada qur’aanka lagu barto, waxaana marqaati u ah tartannada Qur’aanka heerka ay ka galaan ardayda Soomaaliyeed ee Qur’aanka barta. Waxaa sidaasoo kale jira in qaar ka mid ah dugsiyada qur’aanka ay bilaabeen nidaam heerar kala sareeya ah iyo inay imtixaano ka qaadaan ardayda, heer kasta oo uu ardayga dhammeeyana ay ku siinayaan shahaado cadeeyneysa heerkiisa barashada ee Qur’aanka. Waxaa iyagana ammaan mudan waaliddiinta Soomaaliyeed oo dadaal weyn isla garab taagay dugsiyada qur’aanka, isla markaasna aan ka daalin in kaalintooda ay qaataan, haddii ay tahay dhiiri gelinta ilmaha, ka war qabka baahida dugsiga ka jirta, siiba dugsiyada ku yaala dalalka ka baxsan Soomaaliya oo iyagu ay mar kasta la soo gudboonaadaan xaallado ad-adag oo ka dhasha hab nololeedka dalalkaas. Edbinta, Dhaqanka, iyo Dal jacaylka! Waxaa arrin xanuun badan ah in wixii ka dambeeyay burburkii dalka ku dhacay sanadkii 1991kii illaa iyo maantadan la joogo uusan jirin nidaam wax-barasho oo manhaj ahaan ku salaysan ama leh siyaasad ku jiheysan in ardayga yar ee u baahan barashada qiimaha dadkiisa iyo dalkiisa aysan meelna ka taabo gelin dalka oo dhan!…Waxaa taas ka sii daran inaysan jirin haba yaraatee oo aan lagu darin manaahijta kala duwan ee dalka u yaala dhammaantood barashada juquraafiga iyo taariikhda dadka iyo dalka Soomaaliyeed oo loogu talo galay in ilmaha yar lagu baro inuu Soomaali yahay; qiimaha dalkiisa, dadkiisa, iyadoo ay ilmaha yar-yar ay ku dhex korayaan dhaqan aan fiyoobeyn oo dadkii la kala qaybiyay, cadaawad iyo xumaan la dhex dhigay, oo ay maalin kasta ka baranayaan dhaqan nacayb iyo is colaadin ku dhisan… wuxuuna dhaqan iyo caqli ka qaadanayaa shacab la dumiyay, ee dulman ee la heysto, ee laysku diray ee laysugu dilay inay yihiin BEEL-BEEL! Ilmahaas yar oo aan weligood maqal inay yihiin dad iyo dal ama dowlad Soomaali ah!… Oo aan weligood maqal Dal waxa uu yahay, wixii ay dadkooda soo mareen, gumeystihii dalkooda qaybiyay ee qabsaday ee ay ka xoroobeen, dalalka deriska la ah iyo waxa ay isla soo mareen iyo waxa ka dhexeeya dalkooda iyo dalalkaas, taariikhaha soo dhex maray… Waxaa middaas ka sii xanuun badan.. Aaaah!iimh! Waxaa taas ka daran, in Iskullada iyo jaamacadaha faraha badan ee dalka ka sameysmay, guud ahaan barayaasha wax ka dhiga ama Professor-da ka ah waxa ay ardayda taariikhda dalkooda ahaan u baraan ay tahay taariikho been ah oo dabeecad ahaan ku salaysan dhaqammadii laga dhaxlay burburkii dalka ku dhacay xummaato dhex dhigaya oo kala fogeynaya, taasoo ardayga dhallin-yarada ah loo baray inay tahay taariikhdiisa!… maalin keliya jaamacadahaas ama guud ahaan wax- barashada dalka ka jirta ardayda laguma barin Soomaalinimo iyo lahaanshaha dalkooda!…Waa macalimiin siday u gabeen dadkooda iyo dalkooda aad ka garanayso sida uu dalka u gablamay! Maxay tahay waxa laga filan karo ardayga ka soo dhex baxay aqoon iyo dhaqan noocaas ah marka uu mas’uul noqdo?!…maxay tahay wanaagga ka soo baxaya arday cadowga la baray ay tahay qayb dadkiisa ka mid ah?! Waxaase Alle mahaddii ah inaan leenahay rajo wanaagsan oo ah inaan leennahay dugsi qur’aan, kaasoo ah midka ina baray in haddii aad Muslim tahay aad Soomaali tahay, haddii aad Soomaali tahayna aad Muslim tahay!… Marka haddii iskuulaadkii ay noqdeen kuwo gabay kaalintaas waxaa Culummada Diinta saaran waajibaad ballaaran oo ah ilmaha diinta barashadeeda loogu daro barashada juquraafi iyo taariikheed ee dadkooda iyo dalkooda, in la baro dalalka deriska la ah iyo taariikhaha ay isla soo mareen, in la baro af-Soomaaliga iyo suugaantiisa, gaar ahaan suugaanta la xiriirta halgannadii uu dalka soo maray ee uu isaga xoreeyay guumeystaha. Wax kasta oo dalkeena maanta ka dhacaya, ninkii aan fahamsaneynow hadda faham, midkaan ogeynow hadda ogow waa qorshe la soo xariiqay oo cadowga Soomaaliyeed uu soo diyaariyay, waxayna u dhacayaan si ku talo gal ah oo ula kacah ee ma aha wax iska dhacaya, waxaana fulinaya kuwo innaga mid ah oo khaa’imiin ah oo cadowga innagu dhex sameystay, iyo kuwo aan waxba ogeyn oo ku hana qaaday intii uu dalku dunsanaa oo waxa ay yaqaaniin ay tahay inay Beel yihiin oo aan weligood helin macallin u sheega inay dad iyo dal yihiin!…inay dhaqan iyo dhul leeyihiin!… SOOMAALIYA! Waxaa marar badan la dhaliilaa ama wax laga sheegaa habka edbinta ardayda ee Dugsiyada-Qur’aanka, taas macanaheeda ma aha in dhaliisha edbinta ay dugsiyada qur’aanka keliya ku egtahay, hasa ahaatee waxaa arrin adag ah oo wali aan laga gaarin natiijo taabo gal ah qaabka ay noqoneyso edbinta ardayda heer kastaba wax-barashada ha ka joogaanee, waana arrin maalin kasta wax laga bedelo dunida oo dhan. Waxaa iyadan lagu kala duwanyahay nooca adaabta ardayga laga rabo, sababta oo ah waxaa marka horaba lagu kala duwanyahay dhaqanka iyo dhaqankaas anshaxa u aqoonsanyahay adaabta wanaagsan, waxaa lagu kala duwanyahay heerka Qaan-Gaarnimmada da’da ee ilmaha loogu aqoonsanayo inuu ka baxay da’aaddii caruurnimmada, iyadoo wax kasta ay sal u yihiin bulsho kasta diinta ay aamminsantahay iyo dhaqankeeda, ama waxa ay rumeysantahay. Mar haddii ay sidaas tahay waxaa meeshaas ka baxaya in edbinta ardayda iyo qaabka ay noqoneyso jaan goynteeda dunidu ku mideysnaan karto. Waxaa markaas lagama maarmaan ah in edbinta iyo dhaqanka laga rabo ardayga Soomaaliyeed aan waxbo laga weyddiiyo qof aan dhaqan ahaan iyo diin ahaan aan Soomaali ahayn. Waa hubaal inaan meesha laga saari karin aqoonta Cilmi-Nafsiga ilmaha (Saykolojiga-Ilmaha) hasa ahaatee cilmi-nafsiga qudhiisa ayaan ka maarmeyn aqoonta dhaqanka lagu edbinayo ilmaha sidaa daraadeed ayaan marna loo baahneyn in nidaamka toosinta iyo edbinta ilmaha in laga soo min guuriyo qaaruume kale ama dalal kale, oo arrintu waxay tahay sida iyo nooca shakhsiyadeed ee aan dooneyno inuu beri ilmahaas ku soo baxo waxay ku xirantahay sida ilmaha loo carbiyo iyo cidda carbineysa inay rumeysantahay anshaxa la barayo ilmaha ee uu u sheegayo, sida; waxaas inay ceeb yihiin, waxaas inay khalad yihiin, waxaas inay xunyihiin, waxaas inay fiicanyihiin, inay waalidkood baari u noqdaan, salaadda inay tukadaan, waxaas inay xaaraam yihiin, waxaas inay xalaal yihiin, laaluushka inuu xaaraan yahay, musuqmaasuqa inay ka fogaadaan, …iyo wixii la hal-maala. Marka waan leenahay dad aqoonteeda leh oo inoo dejin kara nidaam ardayda dugsiga qur’aanka dhigata iyo ardayda dhigata iskuullada maaddiga ah qaabka ay noqoneyso edbintooda iyo siyaabaha ilmaha yar-yar iyo kuwa roon-roonba loogu xakameynayo anshaxa wanaagsan, haddii ay yihiin Culumaa’u-Diinka iyo haddii ay yihiin dad dhaqanka iyo cilmi-nafsiga yaqaan oo cilladaha iyo haddii ay jiraan tacaddiyo la xiriira nidaamka edbinta is bedelka loo baahanayahay ku sameyn kara, mana jirto baahi loo qabo in qof shisheeye ah loogu yeero inuu macallimiinta u taba-baro arrimaha la xiriira edbinta ardayda Soomaaliyeed. Aftaxa Juska Qur’aanka Ama marka ardaygu qur’aanka dhameeyo! Waxaa sidoo kale iyagana bogaadin mudan, in macallimiin badan ay dugsiyadooda ku qoreen ama oggolaadeen ilmo agoon ah, ama qoyskooda uusan awood u lahayn inuu ilmaha ka bixiyo lacagaha ardayda laga qaado, arrintan ayaa aad moodaa in ay meelo badan oo ka mid ah dugsiyada dalka iyo dibaddaba ay si fiican uga dhaqan gashay. Arrintan waxay badbaadinaysaa nolosha ilmo badan oo dalka iyo dadka ka dayacmi lahaa, waxayna mustaqbalka ilmahaas daboolayaan kaalin dadka iyo dalka uga baahnaayeen. Waxaa iyadana muuqda ifafaalo wanaagsan oo bilow ah kaasoo ah in ayaantaan dad-weynaha dalka jooga ay ku soo baraarugayaan muhiimmadda ay leedahay in gacan la siiyo dugsiyada qur’aanka laga barto. Waxaa jira ganacsato badan oo ugu deeqa waxyaabaha ay ka midka yihiin kuraasta, miisadaha, buugaagta iyo qalimaanta!..waxaa jira is-xilqaan iyo faham aad u faafaya oo dad-weynuhu garteen in ilmaha ay yihiin ilmihii dalka iyo dadka…Waxaa jira qoysas ilmo agoon ah iyo kuwo aan awoodin ama aan heli karin cid ka bixisa lacagaha bisha, ama lacago dheeri ah bil kasta dugsiyada ku caawiya si ay u bixiyaan ama loo daboolo baahida dugsiga, oo isagu ku tiirsan oo keliya waxa ay bulshada ku caawiso iyo lacagaha bilaha ah ee ardaydu bixiso oo keliya. Meel kasta iyo mar kastaba, macallimiinta dugsiyada qur’aanka oo wajahaya hawlo culus ayey tahay inay helaan taba-baro la xiriira sidii ay u horumarin lahaayeen nidaamka ardayda lagu barayo qur’aanka, marka aan sidaas leenahay ma aha ujeeddada in tababarradaas ay bixinayaan khubaro ka baxsan culummada diinta, waliba kuwooda hawlaha dugsiyada qur’aanka, iyo macallimiinta dugsiyada ku dhex jira. Tababarrada ayaa inta badan waxay abbaartooda ugu muhiimsan noqonaysaa in laga fekero sidii ardayga loo jecleysiin lahaa barashada qur’aanka, taasoo waxa ugu horeeya ay tahay in laga fekero in la helo dariiqad sahllan oo ardayga uu ku baran karo qur’aanka, lana sameeyo tijaabooyin lagu hubinayo sidii loo heli lahaa qaab fudud oo ardayga uu qur’aanka ku baran karo, waliba uu ku xifdin karo, middaas oo u suuro gelin karta in ardaygu xiiseeyo, ku dhiirado oo jeclaado barashada Qur’aanka, waxaana lagama maarmaan ah in mar kasta indhaha lagu hayo oo tix gelinteeda la siiyo kala duwannaanta shakhsiyadda ardayada iyo xaaladaha iyo dabeecadaha sida gaarka ah arday kasta ugu hareereysan ama noloshiisa u saameeya. Waxyaabaha aadka u quruxsan ee taabanaya qalbiga ilmaha yar, isla markaasna dhiiri gelinta u ah inay jeclaadaan qur’aanka waxaa ka mid ah abaal marinta ay marar badan waalidiinta siiyaan ilmahooda marka ay heer ka gaaraan barashada qur’aanka sida arday xifdiyay tiro suurada ah oo uu macallinka u cayimay inuu muddo go’an ku xifdiyo, marka ay sidaas dhacdo, waaliddiinta badankooda waxay ilmaha siiyaan waxyaabo ay markaas ku farxad gelinayaan si uu halkaas horay uga sii socdo, waxayna u sameeyaan ballan qaadyo kale oo la xiriira inay waxyaabaha uu jecelyahay iyo ka badan siin doonaan haddii uu dadaal intaas ka badan sameeyo. DHaqanka noocaas ah wuxuu dhiiri gelin u noqdaa oo ka sheekeysta dhammaan ardayda kale ee wax la barta ardayga la abaal mariyay! Waxaa iyadana dhiiri gelinta ardayda ka mid ah in waalidiinta mar kasta oo uu ardayga dhameeyo hal jus oo ka mid ah quraanka ay ardayda u sameeyaan dabbaal deg kooban iyo in ardayda dugsiga la dhigata lagu marti qaado noocyada cuntooyinka ay caruurtu jecelyihiin, ardayga dhameeyay jus-kana loogu duceeyo maalintaasna ardayda la Aftaxo (la fasaxo)…waxaana badanaa maalinkaas waalidiinta qaarkood ay macallinka siyaan wax un hadiyad ah, inkasta oo aysan taas ahayn mid lagu leeyahay!… waxaa sidaasoo kale dhiiri gelin middaas ka weyn ay dhacdaa mararka uu ardaygu dhameeyo qur’aanka ama uu xifdiyo qur’aanka, markaasoo macallinka dugsiga la siiyo lacag ama xoolo nool haddii ay miyi tahay meesha uu dugsiga ku yaalo ardaydana maalinkaas cunto la siiyo oo la aftaxo… DHaqanka noocaas ah, wuxuu runtii qayb weyn ka ciyaarayay dhowr arrimood oo ay ugu muhiimsanaayeen; abuurintaanka midnimo xooggan oo caruurtu ay dareemayaan inay yihiin dad mid ah oo wax kasta wadaaga, meesha ay cuntada ku wada cunayaan oo dugsigoodii ahna waxay tilmaan u ahayd dhammaan inay gurigoodii wax ku wada cunayaan iyagoo waliba si farxad ku jirta waxyaabo badan u qaybsanaya, macallinkoodana ay hubaal tahay inuu maalintaas madaxa u wada salaaxayo oo isaga oo dhoola cadeynaya oo faraxsan uu dhiiri gelin iyo duco meesha ka aqrinayo…Waxaana xusid mudan in xafladahaas oo kale mar kasta oo ay dhacayaan la arki jiray ardayda roon-roon oo macallinkooda intay u yimaadaan weydiisanaya inuu duco gaar ah iyagana u duceeyo oo Alle uga baryo inuu qur’aanka u fududeeyo… waxaa kaloo maalmahaas ducada uu macallinka dugsiga jeedinayo mar kasta uu ku dari jiray inuu dalka u duceeyo isagoo leh “Cadowga Soomaaliya Alle ha jebiyo” wuxuu kaloo macallinka maalinkaas caado ahaan haddii ay abaaro jiraan ku duceyn jiray in Alle dalka roobeeyo oo abaarta ka saaro…waxyaabahaas oo dhanna waxay keeni jireen dareen Dal-Jaceyl oo ilmaha yar-yar ay ku koraan. Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan The post Dugsiga Qur’aanka waa dhismaha shakhsiyadda ilmaha Soomaaliga! Q-2aad appeared first on Puntland Post.
-
Dr. Ibraahim Xareed Cali, a disaster management expert Puntland, a region frequently exposed to natural disasters such as cyclones, droughts, floods, locust invasions, and epidemics, faces significant challenges in protecting lives, infrastructure, and livelihoods. These disasters, whether sudden or slow-onset, disrupt essential services, threaten economic stability, and exacerbate vulnerabilities in affected communities. In response, Puntland is advancing a transformative approach to disaster preparedness and resilience, combining proactive policies, community empowerment, and technological innovation to mitigate risks and safeguard its future. In 2024, the Puntland Ministry of Humanitarian Affairs and Disaster Management introduced a disaster management policy, developed through consultations with key stakeholders, including government agencies, civil society organizations, and local communities. This policy is a comprehensive framework designed to address the entire spectrum of disaster management, from risk reduction and preparedness to response and recovery. It emphasizes clear regulations, sustained funding, and inclusive participation to create a resilient and secure society where disasters no longer impede progress or sustainability. Director of the Ministry’s Humanitarian Affairs Department According to Ismaaciil Maxamuud Jaamac, Director of the Ministry’s Humanitarian Affairs Department, the policy aims to transform Puntland into a region capable of withstanding and recovering from natural disasters with minimal disruption. Central to this vision is the establishment of district-level disaster management committees in high-risk areas, tasked with raising public awareness, providing training on preparedness, and coordinating community responses. These grassroots initiatives empower local populations to take ownership of disaster management, enhancing their capacity to anticipate and respond to risks effectively. Collaboration among stakeholders is a cornerstone of Puntland’s disaster preparedness strategy. Dr. Ibraahim Xareed Cali, a disaster management expert, underscores the need for cohesive efforts involving governments, NGOs, and local communities. He highlights the importance of leveraging advanced technologies such as early warning systems, hazard mapping, and real-time communication platforms to reduce disaster impacts. These tools not only enhance response capabilities but also support informed decision-making and risk reduction planning. Non-governmental organizations play a pivotal role in Puntland’s disaster management ecosystem, complementing government efforts through technical expertise, resource provision, and capacity-building initiatives. These organizations bridge gaps in emergency response and preparedness, ensuring that plans are aligned with local needs and that vulnerable populations are prioritized. Their involvement strengthens community resilience and promotes sustainable practices that mitigate future risks. Puntland’s approach to disaster preparedness is not limited to crisis management; it encompasses a broader vision of resilience-building. By integrating disaster risk reduction into development planning, fostering environmental stewardship, and prioritizing community empowerment, Puntland is laying the foundation for a future where natural disasters no longer dictate its developmental trajectory. Public education campaigns, tailored training programs, and innovative technologies are equipping individuals and institutions with the tools they need to address challenges proactively. The journey toward resilience requires collective action, shared responsibility, and sustained commitment from all sectors of society. The challenges are significant, but so is the opportunity to transform how disasters are managed. Puntland’s comprehensive approach offers a blueprint for regions facing similar vulnerabilities, demonstrating that through strategic planning, collaboration, and innovation, the impacts of disasters can be minimized, and recovery can lead to growth and progress. Puntland’s vision is clear: a region where disaster preparedness is embedded in its social, economic, and environmental systems, ensuring that no one is left behind in the face of adversity. By turning risks into opportunities for improvement, Puntland is not only protecting its communities today but also building a resilient and prosperous tomorrow. Puntland Post The post Transforming Disaster Preparedness in Puntland: A Roadmap to Resilience appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur uu Muqdisho ku soo dhaweeyay wafdi ka socda Dowladda Itoobiya ay hoggaamineyso Caa’isho Maxamed oo ah Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Itoobiya. “Booqashadan ayaa qayb ka ahayd dadaallo socda oo lagu xoojinayo horumarka laga gaaray baaqii Ankara ee dhacay 11-kii Diseembar 2024,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay wasaaradda. Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadkii hore Addis Ababa u dirtay wafdi uu hoggaaminayo wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, halka Itoobiya ay hadda Soomaaliya u soo dirtay wafdi kaas la mid ah. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay hoosta ka xarriiqaysaa muhiimadda wadahadalladan heer sare ah oo laba geesoodka ah, kuwaas oo matalaya tallaabo weyn oo lagu xoojinayo xasilloonida gobolka, lagu kordhinayo kalsoonida labada dhinac, laguna xaqiijinayo ixtiraamka madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS. Intii ay socdeen wada-hadallada, Wasiirka Gaashaandhigga waxa uu carabka ku adkeeyay dadaallada socda ee lagu doonayo in lagu dhameystiro dhismaha howlgalka AUSSOM iyadoo loo marayo iskaashi laba geesood ah iyo mid dhinacyo badan leh. “Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay in ay ixtiraamto heshiisyadii hore, waxa uuna muujiyay sida ay u doonayaan in ay tixgaliyaan codsiga Itoobiya ee ah in ay ciidamo ku biiriyaan howlgalka AUSSOM,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya. Qoraalka DF Soomaaliya ayaa intaas ku sii daray, “Si waafaqsan go’aankeeda joogtada ah ee ku aaddan mabaadi’da Baaqa Ankara, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay fulinta heshiisyadii la gaaray. Waxay aaminsan tahay in mabaadi’da lagu sheegay bayaanka ay siinayaan aasaas adag oo dib u dhiska kalsoonida iyo kobcinta iskaashiga togan ee u adeega danaha la wadaago.” Dowladda waxay maalmo yar ka hor Golaha Amaanka ka sheegtay in ciidanka Itoobiya uusan kamid noqon doonin AUSSOM oo ah hawl-galka cusub ee sanadkan beddelaya ATMIS.
-
“Let us be clear: granting international recognition to any secessionist movement would open a Pandora’s box.” Throughout history, great nations have often been called upon to make difficult decisions that influence the fate of entire regions. Today, the United States faces such a moment in its policy towards Somalia. In an era of shifting alliances and heightened global competition, America’s interests in the Horn of Africa will be best served by continuing to support Somalia’s territorial integrity. By doing so, the United States reinforces its strategic position and builds on its longstanding record of effective security cooperation with Somalia—a partnership that has advanced counterterrorism efforts and bolstered regional stability. The Horn of Africa, long a crucible of conflict, now hovers at a critical juncture. Clan-based ambitions threaten to fracture Somalia’s national cohesion. Yet all these groups, divided by lineage but sharing a common Somali heritage, need not become separate states. Allowing one region to break away would encourage others to follow suit, leading to a dangerous domino effect of fragmentation. Such fractures risk balkanizing the region, perpetuating instability, and handing extremist groups like Al Shabab fertile ground to regroup. By contrast, supporting Somalia’s unity helps sustain the security environment that has allowed U.S.-Somali collaboration to weaken terrorist networks over the years. Let us be clear: granting international recognition to any secessionist movement would open a Pandora’s box. We need look no further than the aftermath of Sudan’s partition, which did not yield lasting peace but rather entrenched conflict and suffering. We must not risk repeating such a tragedy in Somalia. Instead, the United States must remain committed to Somalia’s sovereignty within its recognized 1960 borders—an enduring policy that has helped stabilize one of the world’s most strategically vital regions. In this environment, global competitors are eager to exploit any vacuum. Competitors to American interests, actively pursuing influence across the region, stand ready to leverage instability to advance their strategic and economic interests at the expense of America’s position. Weak, fragmented entities are more susceptible to under-the-table deals, resource extraction, and outside interference. Maintaining Somalia’s unity helps limit such opportunities, ensuring that U.S. interests are not undercut by a malign competitor taking advantage of turmoil. The security stakes are particularly high. While ISIS has lost ground in other parts of the world, its leadership now eyes Africa as a new frontier. Recent news suggests senior ISIS figures are relocating to regions where governance is weak and unity is fraying. A divided Somalia would distract the central government from counterterrorism operations and disrupt the successes already achieved through close U.S.-Somali security cooperation. By contrast, a unified Somalia can direct its full energy toward combating extremist groups, helping ensure that these dangerous organizations do not find a new foothold to threaten American or regional security. Moral responsibility calls to us as well. The Horn of Africa is no stranger to humanitarian crises—its people face displacement, climate-driven hardships, and economic adversity. Fragmenting Somalia would further entrench these problems, turning clan differences into flashpoints for violence and leaving vulnerable populations even more exposed. By supporting a cohesive Somali state, Washington encourages equitable representation, economic development, and the broader conditions necessary to address root causes of instability. In so doing, the United States stands not only for its own strategic interests but also for a more secure and just future for millions of Somalis. Somalia’s resource potential adds another dimension to the necessity of unity. Its coastal waters hold promise for substantial energy development, which can foster shared prosperity if managed under a stable, centralized authority. Fragmentation would ignite disputes over resources and maritime boundaries, likely leading to renewed conflict and missed opportunities. A unified Somalia, conversely, can foster transparency, attract responsible investment, and ensure its people benefit from these resources—all while reinforcing the stable environment in which U.S. interests can flourish. Some may argue that endorsing secessionist claims offers a swift solution to lingering grievances. However, the United States does not seek shortcuts that undermine long-term stability. America’s strength has always rested on principled support for unity, rule of law, and inclusive governance. By helping Somalia strengthen its institutions, enhance security forces, and foster inclusive political dialogue, the United States ensures that clan affiliations enrich national identity rather than fracture it into competing states. The choice before us is clear. We can endorse divisions that would unravel the progress made in building Somalia’s security capacity, or we can reaffirm our support for the unity of a nation whose stability is essential to the Horn of Africa and to American interests. For decades, the U.S. has recognized Somalia’s sovereignty and benefited from a productive counterterrorism partnership. Now is not the time to abandon this stance. By standing firmly behind a unified Somalia, we choose lasting stability over highly risky short-term fixes. We preserve a security environment that keeps extremist networks off balance, deny opportunities for strategic competitors to undercut U.S. influence, and protect a region whose stability is integral to global commerce and counterterrorism efforts. Through foresight, diplomacy, and principle, we can help Somalia maintain its hard-earned unity while advancing and protecting America’s enduring interests in the Horn of Africa. Dr. Dahir Hassan Abdi is the Ambassador of Somalia to the U.S. Source: realclearworld.com The post Unified Somalia: Cornerstone of Horn of Africa Stability and American Interests appeared first on Puntland Post.
-
Garbahaarey (Caasimada Online) –Dowladda Soomaaliya ayaa gobolka Gedo maanta ka dejisay diyaarado wada gargaar bini’aadanimo si loogu gurmado shacabka deegaanadaas oo la daalaa dhacaya abaar baahsan. Gobolka Gedo oo dowladda Soomaaliya ay ka fara maroojisay maamulka Axmed Madoobe waxaa muddo labo todobaad ka badan ku sugan wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullahi Fartaag. Dowladda ayaa muhiimad gaar ah siineysa Gedo, maadaama maamulkeeda la hoos keenay dowladda federaalka, kadib khilaaf dheer oo dadka gobolkaas kala soo dhaxeeyey maamulka Axmed Madoobe. Dadka reer Gedo ayaa hadda wajahaya abaaro baahsan, waxaana u dheer maamul xumo ka jirta gobolkaas, maadaama dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland ay ku hardanayaan. Ciidamada Itoobiya ayaa saameyn ku lahaa gobolka, waxayna la jireen dhanka Axmed Madoobe, balse hadda waxaa muuqata in dowladda dhexe ay la wareegtay taageeradii Itoobiya, maadaama uu dhacay heshiis lagu xaliyey khilaafkii labada dal. Qodobada ay dowladda Soomaaliya hor dhigtay Itoobiya waxaa la sheegay in qadiyadda Jubbaland ay ku jirtay, Itoobiya ayaa hadda kadib ka shaqeyn doonta maslaxada dowladda federaalka, maadaama la galay heshiis oo ciidamada Itoobiya lagu daray howlgalka cusub ee AUSSOM. Wasiirka Amniga Soomaaliya Mr. Fartaag ayaa 16-kii maalmood ee lasoo dhaafay Gedo ka waday abaabul bulsho oo dowladda Soomaaliya ay dooneyso in dadka gobolkaas looga iibiyo doorashada ay dowladdu gadaal ka riixeyso ee qof iyo codka ah. Jubbaland ayaa si buuxda loogala wareegay gobolka Gedo, degmooyinka Baardheere iyo Doolow ayaa si wadahadal ah looga saaray Jubbaland, kadib markii dowladdu kala furfurtay saaxiibadii Axmed Madoobe kulahaa degmooyinkaas.
-
Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa Muqdisho ku yeeshay waddallado ku saabsan ambaqaadidda heshiiskii Ankara iyo waliba howlgalka cusub ee ciidamada Midowga Africa ee Soomaaliya ee AUSSOM. Wasiirka gaashaandhigga Itoobiya marwo Caaisha Maxamed iyo wefdi ay hoggaaminayso oo Muqdisho tegey ayaa la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo gaarsiisay dhanbaal ay uga siday ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Wasaaradda Arrimaha dibedda Itoobiya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen iskaashiga howlgalka cusub ee AUSSOM. Qoraalkaasi laguma sheegin nooca iskaashiga labada dhinac. Dhinaca kale qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur uu wadahadalladii uu la qaatay dhiggiisa Itoobiya uu u sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay tixgalinta codsiga Itoobiya ay ku doonayso in ciidamadeedu ay ku biiraan howlgalka AUSSOM. Xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa xumaaday bilowgii sannadkii hore markii Itoobiya ay maamulka Somaliland la gashay is-afarad la xiriira galaangal ay Itoobiya u hesho badda Soomaaliya, talaabadaasi oo si weyn ay u diiday dowladda dhexe ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku heshiiyay Qorshaha Hawlgalka cusub ee AUSSOM appeared first on Puntland Post.
-
Seoul (Caasimada Online) – Hay’adda la dagaalanka musuq-maasuqa ee Kuuriyada Koonfureed ayaa aroornimadi hore ee Jimcaha maanta ah ku dhaqaaqday fulinta waaran lagu soo xirayo madaxweynaha xilka laga xayuubiyay ee Yoon Suk Yeol. Durbaba boqolaal taageerayaashiisa ah ay isugu soo baxay bannaanka hore ee gurigiisa oo ku yaala magaalada Seoul. Taageerayaashiisa ayaa isku dayay in ay hor istaagaan ciidamada doonaya in ay xiraan madaxweynihi hore, hase yeeshee saraakiisha ayaa jiiray oo gudaha u galay aqalka madaxweynihi hore. Balse, waxaa ka horyimid ilaalada gaarka ah ee Yoon, kuwaas oo diiday in la xiro. Qareenka Yoon Suk Yeol ayaa bayaan uu saakay soo saaray ku sheegay, in in waaranka lagu soo xirayo uusan sharci aheyn isla markaana ay tallaabo sharci ah qaadi doonaan. Yoon ayaa waxaa ku socda danbi-baaris, kaddib marki uu ku guuldaresytay Amar deg deg ahaa oo geliyay Kuuriyada Koofureed saddexdi bishii December. Xaaladdaasi deg-dega aheyd ayaa ka careysiisay inta badan shacabka Kuuriya iyo baarlamaankooda, kaddibna ugu danbeynti keentay in madaxweynaha xilka laga qaado. Wakaaladda wararka Kuuriyada Koofureed ee Yonhap ayaa ku warrantay in dowladdi diyaarisay ilaa 3,000 oo boolis ah, si loogu diyaar garoobo rabshado ay suuragal tahay in ay dhacaan.
-
New Orleans (Caasimada Online) – Askari ka tirsanaa ciidamada Maraykanka oo dilay 14 qof kadib markii uu baabuur jiirsiiyey dad isugu soo baxay dabaal degga sanadka cusub ee magaalada New Orleans, ayaa baayaco u ballan-qaaday kooxda Daacish, wuxuuna duubay muuqaallo uu ku cambaareynayo musika, daroogada iyo khamriga. Shamsud-Din Jabbar, oo ahaa 42 jir u dhashay gobolka Texas, marna qeyb ka ahaa ciidamada Mareykanka ee Afghanistan la geeyey, ayaa kaligiis ka dambeeyay weerarka, FBI-da ayaa sidaas sheegtay Khamiistii, iyadoo dib uga laabatay qiimeyn hore oo ay ku sheegtay in laga yaabo in ay dad kale kula jireen. Waxa uu ku dhintay is-rasaasayn uu la galay booliska kadib weerarka, kaas oo sidoo kale lagu dhaawacay tobanaan qof, islamarkaana FBI-da ay ku tilmaamtay fal argagixiso. “Waxa uu ahaa fal la sii qorsheeyay oo xun,” ayuu ku xigeenka agaasimaha FBI-da Christopher Raia ku sheegay shir jaraa’id Khamiistii, isagoo dib u xaqiijiyay go’aanka hay’adda ee ah in Jabbar ay dhiirigelisay kooxda Daacish. Raia waxa uu sheegay in baarayaashu ay eegayaan “dariiqa xag-jirnimada” ee Jabbar, ayada oo aan weli la hubin sida uu isaga beddelay ruug-caddaa millatari, wakiil iibiya hantida maguurtada ah iyo shaqaale ka tirsanaa shirkadda weyn ee cashuuraha iyo la-talinta ee Deloitte, una noqday qof “100% ay dhiirigelisay Daacish.” Calanka Daacish ayaa ka babanayay qalab saarnaa dhabarka dambe ee gaarigii uu soo kireystay ee loo adeegsaday weerarka. In kasta oo si weyn loogu wiiqay olole millatari oo joogto ah oo ay wadaan isbahaysiga uu Maraykanku hoggaamiyo, haddana Daacish waxa ay sii wadaan in ay internet-ka ka qortaan dad taageera, sida ay leeyihiin khubarada. Jabbar walaalkiis ayaa isna raadinaya jawaabo, isagoo sheegay in Shamsud-Diin Jabbar uu la tacaalayay sidii uu uga gudbi lahaa furriinka xaaskiisa ee dhowaan balse aysan ka muuqan wax caro ah toddobaadyo ka hor weerarka. “Wuxuu ahaa mid caqli badan, qosol badan, soo jiidasho leh, dadka jecel, naxariis badan, is-hoosaasiiya oo xitaa aan dhibaateyn tixsi,” ayuu Abdur Rahim Jabbar u sheegay Reuters isagoo ku sugan gurigiisa oo ku yaalla Beaumont, Texas. “Taasi waa sababta ay u tahay mid aad u argagax badan, heerkan xaasidnimadu ma ahan isaga oo kale. Waxaan isku dayeynaa inaan fahamno waxa isbeddelay sidoo kale.” Waxa uu sheegay in aabbahood markii uu warkaas maqlay uu qalbi jabay.” (Aabaheen) wuxuu billaabay oohin, wuxuu lahaa ‘maya, maya, ma aha wiilkayga curadka ah,” ayuu yiyi Abdur Jabbar. REUTERS + VOA
-
Waxa aan salaamayaa dhamàan umadda reer Somaliland gudo iyo dibadba salaan ka dib waxa aan qormadani oo joogta noqon doonta aan kaga hadli doonaa xaalada uu maanta dalkeenu galay ee is bedelka ee dhabada lagu saaray sidii umadda loo midayn lahaa isla markaasina si wada jir ah wax loogu wada qabsan lahaa. Waxa aynu ka soo baxnay mugdi inaga oo u soo baxanay iftiin iyo rajo, taasi oonay maanta qaar faro ku tiris ah oo inaga ahi ay rabaan in ay dib inoogu celiyaan maalmihii madoobaa iyaga oo maalmihii u danbeeyay shaqsiyaad gaar ahii ku hamiyaayay in ay dad kala nooc ahnisu keenaan oo ay ku andacoodaan in dalkii meel halis ah uu maraayo oo ay haboontahayn in baaqyo la soo saaro kuwaasi oo lagu sheegaayo in xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro ay wadankii meel xun la marayso, arinkaasi oo xaqiiqda ka fog isla markaasina ay salka uun ku hayso dad meesha ku qabi jiray dano gaar ah oo adkaysan kari waayay labadii bilood ee isbadalku curtay. Dawladda maanta jirtaa ee uu hogaaminaayo Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro waa dawladii mustaqabalka iyo midnimadda Somaliland maantana ma joogto meel laga dayriyo ama walwal laga muujiyo waxa ay Somaliland ku jirtaa gacmo aamin ah oo u baahan in la garab istaago inkasta oo ay xaalado ka taaganyihiin bariga Sool iyo bariga Sanaag kuwaasi oo ay ka midyihiin raadadkii ay xukuumadii hore ka tagtay, hadana tan iyo intii uu madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro uu xilka qabtay waxa uu dhowr jeer uu ku baaqay nabad iyo sidii loo dhamayn lahaa wixii khilaaf ah ee jira, waxana xukuumadda hada ka go’an in wax walba lagu dhameeyo wada hadal iyo nabad taasi oo dadka deegaanadaasi galisay rajo fiican iyaguna ay kaga fal celiyeen in ay nabad rabaan. Dalku waxa uu leeyahay xisbiyo mucaarid oo loo doortay toosinta iyo baraarujinta xukuumadda iyagaana xaq u leh hagida siyaasada ee dhaliisha xukuumadda wixii intaas dhaafsiisana waa sheeko kale oo laga war hayn doono. La so.qormada tan xigta Qaran News
-
Dowladda Itoobiya ayaa waxay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka wadashaqaynayaan howlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee AUSSOM, kadib markii uu shalay magaalada Muqdisho kulan ku dhexmaray wasiirada difaaca ee Soomaaliya iyo Itoobiya, sida uu bartiisa X ku daabacay wasiiru-dowlaha arimaha dibadda ee Itoobiya. “Labada waddan ayaa waxay ku heshiiyeen in ay ka wada shaqeeyaan howlgalka AUSSOM, xoojiyaanna xiriirka laba-geesoodka ah,” ayaa ku yiri qoraalka. Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo isna boggiisa X qoraal ku soo daabacay ayaa waxa uu sheegay, in wafdiga Itoobiya oo ay hugaamineysay dhiggiisa Aisha Mohamed, ay ka wada hadleen sidii labada u hormarin lahaayeen iskaashiga dhanka difaaca ee ka dhaxeeya ee labadal dal. “Iskaashigu waxa uu suuragalin doonaa jawi wax ku ool u noqon kara nabadda iyo barwaaqada gobolka Geeska Afrika,” ayuu yiri wasiir Nuur. Dhanka kale Wakaaladda Wararka ee dowladda Itoobiya, ayaa waxay sheegtay in wafdigii shalay gaaray magaalada Muqdisho, in ay kulan la qaateen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, ayna gaarsiiyeen farriin ay uga sideen ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, sida ay ka soo xigteen Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Itoobiya. Waxay intaas raacisay wakaaladda wararka ee dowladdu in labada dhinac ay isku afgarteen in wadahadaladu ay sii socdaan, iyada oo la filiyo in saraakiil sarsare oo ka socda Soomaaliya ay gaaraan magaalada Addis Ababa xilli aan sidaas u fogeyn. Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay in murankii ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya xal laga gaaray. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa muddo sanad ah u dhaxeeyay khilaaf ka dhashay markii Addis Ababa ay heshiis is afgarad ah la gashay Somaliland. Heshiiskaas ayaa dhigayay in Itoobiya laga kireeyo dhulbadeed gaaray ilaa iyo 20km. “Dulqaadka Soomaaliya ayaa lagu xalliyey ayaan dhihi karnaa arrintii nagala dhaxaysay Itoobiya. Waxaa lagu xalliyey xigmadda Soomaalida, waayo dadka shaatigooda lagu qabsaday oo kallarka lagu dhegey, oo cunaha la qabtay annaga ayaan ahayn. Dadka dhulkoodii lagu qabsaday oo baddoodii lagu qabsaday annaga ayaan ahayn, xigmad baana looga gudbay. Taasi waxay ka markhaati kacaysaa bisaylka” ayuu yiri Axmed Macallin Fiqi. Balse labada dhinacba si cad ugama hadlin waxa lagu dhameeyay heshiiskii is-afgaradka ee uu markii horaba muranku ka dhashay. Kuma aysan soo hadal qaadin wararka ay soo saareen ilaa iyo haatan. BBC du waxay isku dayday in la xiriirto dhanka dowladda Soomaaliya si aan waxa uga waydiino kulamadii ay la qateen wafdiga Itoobiya, balse iskudayo badan nooma suuragalin inaan helno. Kulamadii dhexmaray wafdiga Itoobiya iyo dowladda Soomaaliya ayaa waxay sheegtay warbaahinta Dowladda Itoobiya in ay guul ku soo dhamaadeen. Kowdii bishaan ayuu si rasmi ah u bilowday howlgalka AUSSOM sida uu baahiyay xafiiska Midowga Afrika ee Soomaaliya. Masar ayaa horay u xaqiijisay in ciidamadeedu ay qayb ka yihiin howlgalka cusub, ayna Soomaaliya ka caawindoont sugista ammaanka dhulkeeda iyo badeedaba. Itoobiya oo muddaba xiriir wanaagsan ka dhaxayn Masar oo ka dhaxeeyo muranka wabiga Niil, ayaa horay dareen uga muujisay doonista Masar ee ahin ay ciidamada keeni doonto Soomaaliya. Source bbcsomali Qaran News
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ka dhacay gobolka Bari, kaas oo ka dhan ahaa kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Calmiska ee gobolkaasi. Weerarkan ayaa isugu jiray duqeyn xagga cirka ah iyo mid dhanka dhulka ah, waxaana iska kaashanayay ciidamada maamulka Puntland iyo saaxiibada caalamka. Howl-galkaan oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu qaaday deegaanka Deylaamo iyo toga Ceelka-ileed, iyadoo lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay leeyihiin kooxda Daacish iyo goobo ay u yaalleen saadka. Duqeymaha dhanka cirka ah oo ay barbar socdeen weeraro dhanka dhulka ah oo ay fuliyeen cidanka Puntland ayaa lagu waramay in waxyeello ba’an la gaarsiiyay argagixisada, islamarkaana la burburiyay hub iyo qalab kale oo ah walxaha qarxa. Afhayeenka ciidanka Puntland ayaa sheegay in ay soo bandhigi doonaan khasaaraha dhimashada iyo qalabka kale ee ay ka qabsadeen kooxdaasi, oo muddooyinkii dambe culeys amni ku haysay maamulka. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka in ay gacan ka geystaan soo afjarida kooxda Daacish. Dhowaan ayeey aheyd markii kooxdaasi oo soo weerartay fariisin looga dilay tiro badan oo maleeshiyo ah oo ay ku jireen 8 kamid ah ajnabiga ka tirsan kooxda, sida uu shaaciyay maamulka Puntland.
-
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay wafdi sare oo ay hoggaaminaysay Aisha Maxamed, Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya, intii lagu guda jiray booqashadiisii Muqdisho 2 Janaayo 2025. Wafdiga waxaa qaabilay Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Booqashadan waxay qayb ka tahay dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo guulihii laga gaaray heshiiskii lagu saxiixay Ankara 11 Diseembar 2024. Waxay sidoo kale daba socotaa booqashadii wafdi heer sare ah oo ka socday Soomaaliya, oo uu hoggaaminayay Mudane Cali Cumar, Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, kuwaas oo booqday Addis Ababa. Intii lagu jiray wadahadalka, Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saaray dadaallada socda ee lagu dhameystirayo isku-dhafka howlgalka AUSSOM iyada oo loo marayo wada-hadallo laba-geesood ah. Wuxuu mar kale caddeeyey sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay inay u hogaansanto heshiisyadii hore, isaga oo muujiyay diyaar u ahaanshaha dowladda ee ay uga fiirsanayso codsiga Itoobiya ee ah inay ka qaybqaadato howlgalka AUSSOM. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay hoosta ka xariiqday muhiimadda wadahadaladan heerka sare ah ee laba-geesoodka ah, kuwaas oo astaan u ah tallaabo weyn oo lagu xoojinayo xasilloonida gobolka, kor loogu qaadayo kalsoonida labada dal, iyo xaqiijinta ixtiraamka madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Iyadoo loo marayo dadaalkeeda adag ee ku aaddan hirgelinta mabda’a heshiiskii Ankara, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale caddeyneysay sida ay uga go’an tahay dhaqan-gelinta heshiisyadii la gaaray. Waxay aaminsan tahay in mabda’a ku cad heshiiska uu yahay saldhig adag oo dib loogu dhiso kalsoonida iyo iskaashiga wanaagsan ee danaha wadaagga ah lagu gaari karo. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — The University of Gothenburg in Sweden has emerged as a global leader in preserving and studying the Somali language, combining rigorous academic research with cultural preservation efforts. Swedish instructors, alongside Somali scholars, are decoding the language's rich history and structure, ensuring its legacy endures. Source: Hiiraan Online
-
The diplomatic dispute between Ethiopia and Somalia that had led to tense regional relations has been resolved, Somalia's foreign minister says. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa u dabaal degtay guusha taariikhiga ee shalay la gaaray, kadib markii ay si rasmi ah ugu fariisatay kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Xarunta dhexe ee wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa martigelisay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay fadhiga rasmiga ah ee Soomaaliya ku yeelatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Munaasabaddan ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, Xoghayaha Joogtada ah, Agaasimayaasha Waaxyaha, iyo hawlwadeennada wasaaradda. Guushan ayey wasaaradda ku tilmaamtay mid calaamad u ah bilowga shaqada Soomaaliya ee golahaas, sidoo kalena muujineysa kalsoonida caalamka ee dowladnimadeena. Wasiirka, oo munaasabadda khudbad ka jeediyay ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay ka mid noqoshada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka, dadaalladii xoogga lahaa ee arrintan lagu gaadhay iyo ajendayaasha ay Soomaaliya mudnaanta siin doonto intay golahaasi ku jirto. Wuxuu sidoo kale uga mahad-celiyay madaxda qaranka ee uu ugu horreeyo madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, ergada Soomaaliya ee xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa, ergada Qaramada Midoobay ee New York, iyo dhammaan diblomaasiyiinta iyo hawlwadeennada wasaaradda kaalinta weyn ee ay ku lahaayeen guushan muhiimka ah. Soomaaliya ayaa 54 sano kadib maalintii shalay aheyd si rasmi ah ugu biirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
-
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa bogaadiyay Ciidamada difaaca dowladda Puntland ee dagaalka kula jira Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish. Ra’iisul wasaare hore Cumar Cabdirashiid waxa uu ciidamada Puntland ku ammaanay sida ay uga go’an tahay Ciribtirka Argagixisada Shisheeye ee doonaya in ay saldhigyo ciidan ka samaystaan degaanno ka tirsan gobolka Bari. Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya looga baahan yahay taageero siyaasadeed iyo mid amni oo ku jihaysan dhammaan dowlad goboleedyada dalka, si loo cirib-tiro kooxaha Argagixisada ah ee Shabaab iyo Daacish ka hor inta dhammaadka sannadkan 2025. Halkan hoose ka akhriso qoraalkiisa PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare hore Cumar Cabdirashiid oo ka hadlay dagaalkii Dharjaale appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in dowladda Soomaaliya ay ka wada-shaqaynayaan howl-galka cusub ee AUSSOM, kadib markii uu shalay magaalada Muqdisho kulan ku dhex-maray labada dhinac. Kulankaas oo u dhaxeeyay wasiirada difaaca ee Soomaaliya iyo Itoobiya, ayey labada dhinac heshiis uga gaareen arrintaan, sida uu shaaciyay wasiiru-dowlah arrimaha dibadda ee Itoobiya oo kulankaas uga hadlay bartiisa X (ex-Twitter). “Labada waddan (Soomaaliya iyo Itoobiya) ayaa waxay ku heshiiyeen in ay ka wada shaqeeyaan howlgalka AUSSOM, xoojiyaanna xiriirka laba-geesoodka ah,” ayaa wasiiru-dowlaha ku yiri qoraalka. Wasiirka difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa isna dhankiisa sheegay in wafdiga Itoobiya oo ay hugaamineysay dhiggiisa Aisha Mohamed, ay ka wada-hadleen sidii labada dal u hormarin lahaayeen iskaashiga dhanka difaaca ee ka dhaxeeya ee labadal dal. “Iskaashigu waxa uu suuragalin doonaa jawi wax ku ool u noqon kara nabadda iyo barwaaqada gobolka Geeska Afrika,” ayuu wasiir Jaamac ku yiri qoraal uu daabacay bartiisa X. Dhanka kale, wakaaladda wararka ee dowladda Itoobiya, ayaa waxay sheegtay in wafdigii shalay gaaray magaalada Muqdisho, in ay kulan la qaateen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh, ayna gaarsiiyeen farriin ay uga sideen ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, sida ay ka soo xigteen wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas. Wakaaladda ayaa intaas ku dartay in labada dhinac ay isku afgarteen in wada-hadaladu ay sii socdaan, iyada oo la filayo in dhawaan saraakiil sar-sare oo ka socda Soomaaliya ay gaaraan magaalada Addis Ababa. Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la xaliyey khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya. Wasiir Fiqi ayaa sheegay in xalinta khilaafkaas uu ku soo aadey xilli munaasab ah oo Soomaaliya ay xubin ka noqotay golaha guud ee lagu gaaro go’aanada caalamiga ah. “Khilaafkaas waa la xaliyey, waxaana lagu xaliyey dulqaadka Soomaaliya, lama xanaaqsanaa karo abid, bud la iskama qada karo, diblomaasiyadana inyow kuma jirto, hadii Itoobiya aanaan la fariisa laheyn guushaan Soomaaliya uma soo hoyateen,” ayuu yiri Wasiir Fiqi. Hadalka Wasiirka ayaa wax weyn ka bedelaya aragtidii dadka Soomaaliyeed ay ka heysteen Itoobiya oo muddooyinkaan aheyd cadowga koowaad ee umadda Soomaaliyeed, waxaana muuqata in wixii ka dambeeyey wada-hadaladii Ankara ay is fahmeen labada dal. Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa caddeysay inay diyaar u tahay dib u eegista go’aankii ay ciidamada loo ogolaaday howl-galka cusub ay uga reebtay ciidamada Itoobiya, maadaama wixii ka dambeeyey kulamadii Ankara ay heshiiyeen labada dal.
-
London (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Masar Badar Abdelatty iyo La-taliyaha amniga qaranka UK Jonathan Powell ayaa magaalada Qaahira ku yeeshay wada-hadal ku aadan xaaladaha iyo horumarinta Gaza, Suuriya iyo Suudaan. Kulankii dhinacyadaasi ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Masar iyo Ingiriiska, iyadoo halkaasi la isku weydaarsaday aragtiyo ku aaddan arrimaha gobolka iyo caalamka. Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen Masar iyo Ingiriiska ayaa lagu sheegay in ay lagama maarmaan tahay xal u helidda arrimaha cakiran ee ka jira Gaza, Suuriya iyo Suudaan. Si gaar ah wasiirka arrimaha dibadda Masar Badar Abdelatty oo soo saaray bayaan ayaa sheegay in Masar ay daneyneyso baahida loo qabo xabad-joojin deg-deg ah oo laga sameeyo Gaza iyo in gargaar bini’aadanimo la gaarsiiyo halkaasi. Dhanka arrinta Suuriya, wasiirka ayaa qiray taageerada Masar ay u heyso Suuriya haddeey ahaan laheyd xasiloonida dalka, ilaalinta hay’adaha qaranka iyo ixtiraamka midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalkaasi. Bayaanka ayaa ugu dambeyntii ku baaqay qodobo ay kamid yihiin xabbad-joojin deg-deg ah oo laga sameeyo Suudaan. Sidoo kale waxay xoojiyeen in la dedejiyo gargaarka bani’aadanimo iyo in la taageero hay’adaha dawliga ah ee qaranka.