-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdi Xasan Afweyne oo ahaa ganacsade loo heystay burcadnimo ayaa in ka badan 10 kadib maanta dib ugu soo laabtay dalkiisa hooyo. Ninkaan iyo madaxweynihii hore ee maamulkii Xibin iyo Xeeb ee Cadaado ka dhisnaa waxaa qabatay oo xiratay dowladda Belgium, waxaana loo heystay inay ku lugyeesheen falal burcad-badeednimo. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ganacsade Afhweyne wuxuu ka shaqeynayay howlo kalluumeysi markii la qabtay. Siideyntiisa waxaa gacan ka geystay Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Belgium & Midiwga Yurub, Ambassador Yoonis Yassin Hashi (Ooga-Adde). Danjire Yoonis ayaa dib u furay kiiska, maadaama xukun tobanaan sano ah lagu riday, waxaana sanadihii dambe booqashooyin joogto ah loogu tagi jiray Maxamed Afweyne, goobta uu ku xirnaa in ka badan seddex sannadood. War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ugu dambeyn la xaqiijiyay in Maxamed Afweyne uu yahay qof aan dambi lahayn. 11 sano ayuu ku jiray xabsiga, Afweyne ayaa maalin Sabti ah 2013-kii lagu xiray garoonka diyaaradaha magaalada Brussels ee dalka Belgium. Saraakiil dharcad ah ayaa ka dambeeyay soo qabashadiisa, kadib markii ay ka dhaadhiciyeen in ay ka qeyb qaadanayaan barnaamij weyn laga sameeyey burcadbadeedka Soomaalida. Maxkamad ayaa la hor geeyey dacawad oogayaashii xligaas ayaa sheegay in ay aaminsan yihiiin in uu ka dambeeyay Markab Belguim-ka laga leeyahay oo la qabsaday sanadkii 2009-kii. Xukunkii lagu riday Afweyne ayaa ahaa 30 sano oo xarig ah, kadib markii lagu eedeeyay burcad badeednimo, balse 11 sano kadib waxaa maanta laga soo dejiyey Muqdisho.
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Kalluumeysato Soomaaliyeed oo muddo bil ka badan lagu la’aa xeebaha Somaliland ayaa iyagoo bad-qaba hadda laga helay xeebaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti. Ciidaanka ilaalada xeebaha dalka Djibouti oo ku guda jira howlahooda ilaalinta xeebaha ayaa soo samata-bixiyay saddex kalluumaysato oo bil ka hor ka soo shiraacday magaalada Berbera. Kalluumaysatadaan ayaa sheegay in cilad weyn ay ku timid matoorka Doontii ay wateen, kadibna ay xakamey waayeen Doonta oo hadba dhinac la aadeysay. Markii la wareystay waxay sheegeen in Beterigii uu ka dhacay, sidaasna ay muddo bil ka badan ku dul sabeynayeen badda. Saraakiisha ciidamada ilaalada xeebaha Jabuuti ayaa sheegay in ay hadda ka caawinayaan kalluumaysatadaan in ay ku laabtaan deegaannadii ay markii hore ka yimaadeen ee gudaha Somaliland. Saddexdaan nin ayaa sheegay in xaaladoodu ay fiican tahay, isla markaana ay ciidamadu si wanaagsan u soo dhaweeyeen oo u gacan siiyeen, haddana ay dib ugu laabanayaan halkii ay markii hore ka yimaadeen ee waqooyiga Soomaaliya. Xeebaha Soomaaliya oo inta badan aan ilaalo laheyn ayaa waxaa u kalluumeysi taga dhallinyaro Soomaaliyeed, kuwaas oo la kulma cabado badan oo qaarkood ay ka soo daran yihiin waxa ku dhacay raggaan.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Jubbaland oo maanta ka shiray xaaladda uu maamulkaasi ku jiro ayaa war cusub ka soo saaray duulaanka ay dowladda federaalku ku heyso maamulkaas, iyagoo diiradda saaray afar qodob oo kala arrimaha amniga, gargaarka, mashaariica horumarineed iyo isku socodka dadwaymaha. Hoos ka akhriso qodobada war-xaafadeedka ka soo baxay Jubbaland oo dhameystiran: AMNIGA Amniga degaanada Jubaland waxaa masuul ka ah Hay’ addaha Amniga iyo Ciidamada Jubaland, waxayna masuuliyad ka saarantahay badqabka shacabka iyo difaaca deegaanada Jubaland. Dowladda Jubaland waxay cambaareyneysaa faragelinta ciidan iyo duulaanka qaawan ee lagu soo qaaday Jubaland, gaar ahaan deegaanada nabdoon ee Dowladda Jubaland, sida Raaskaambooni, Kulbiyow iyo Doolow. Dowladda Jubaland waxay cambaareyneysaa ku lug lahaanshaha dhacdooyinkii u danbeeyay Ciidamada Gorgor iyo Haramacad ee ay soo tababartay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Dhismaha Ciidamadaas waxaa Soomaaliya ka saaciday Turkiga, waxaana loo adeegsaday in lagu burburiyo Dowlada Jubaland, isla markaana lagu carqaladeeyo nabadgalyada deegaano xor ahaa in ka badan 13kii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo ay nasiib darro tahay in ilaa hada ay ku howlan yihiin in deegaano hor leh oo Jubaland ah dagaalo ka ridaan. GARGAARKA 1. Golaha Wasiirada Dowladda Jubbaland waxay sidoo kale cambaareynayaan is hortaga iyo siyaasadeynta lagu sameeyey Gargaargkii Bini’aadinimo ee loogu talagalay shacabka reer Jubbaland, iyadoo si ulakac ah loo siyaasadeeyay gargarka iyo tageerada beesha calamka ugu talagashay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana lacagaha gargaarka ee loogu talagalay loo weeciyay in lagu abaabulo dagaalo dhiig badan ku daato oo ka dhaca deegaanada Jubaland. HAY’ADDA DUULISTA HAWADA Golaha Wasiirada Dowladda Jubbaland waxaa u cadaatay Hay’ ada Duulista Hawada ee Soomaaliya in ay siyaasadaysay dhamaan duulimaadyadii garoomada Jubbaland, iyadoo Dowladdu ay joojisay dhammaan duulimaadyadii ra’yidka ahaa ee garoomada Jubaland, kuna cadaadisay shirkadaha diyaaradaha in ayna u safri karin Magaalooyinka Jubaland. Dowladda Federaalka waxaa ay sidoo kale u isticmaashay diyaaradaha shacabka inay ku daabusho hub iyo ciidan, iyagoo geeyay deegaano kala duwan oo Jubaland kamid ah, si loo burburiyo maamulada sharciga ahaa ee deegaanadaas ka jiray. Waxaa nasiib darro ah in boqolaal shacabka reer Jubaland ah la dhibaatoonayaan xanibaada diyaaradaha, iyagoo u safri lahaa dalka gudahiisa iyo dibadaba. MASHAARIICDA HORUMARINEED Dowladda Federaalka ah waxay hakisay qaar kamid ah mashariicda hormarineed ee ka socday deegaanada Jubaland, iyadoo taasi ay wiiqayso adeegyadii bulshada iyo dib usoo kabashada dalka. Dowladda Federaalku waxay u wareejisay meelo kale oo dalka kamid ah Mashariic ay lahayd Dowladda Jubaland, taas oo ay ka leedahay dano siyaasadeed. Waxaa Golaha Wasiirrada ay sidoo kale soo bandhigeen in qaar kamid ah mashaariicda Jubaland loo adeegsaday dano shaqsi ah, isla markaana lacagahii loogu talagalay ay la bexeen shaqsiyaad ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
-
Shir ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiin ka socata dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland oo Gaalkacyo ka furmay 5-tii bishan, islamarkaana looga arrinsanayay sidii xal kama danbays ah looga gaari lahaa colaadda soo noqnoqotey ee u dhaxaysay laba beelood oo galbeed Mudug wada dega ayaa laga soo saaray qodobo heshiis ah. Qodobada heshiiska ah ayaa u dhignaa sidan: 1: Si loo fuliyo go’aamadii lagu gaaray wajigii hore ee gogosha nabadeynta Beelaha Sacad iyo Leelkase, waxaa la go’aamiyey in muddo 7 cisho gudahood ah lagu qabto guddiga garnaqa khilaafka labada beelood. 2: In xal laga gaaro dhacdooyinkii ka danbeeyey heshiiskii wajigii hore ee gogosha nabadeynta beelaha Sacad iyo Leelkase, iyada oo lala kaashanayo guddiga farsamada iyo Odayaasha Labada dhinac. 3: In guddiyada nabadda labada beelood, guddiga farsamada iyo odayaasha labada dhinac kala shaqeeyaan labada maamul xaqiijinta inaan dhib danbe dhicin. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Maxamed Axmed Amiir. Kulankaan oo ahaa midkii ugu horreeyay ee ay yeeshaan labada masuul ayaa isbarasho kadib waxaa looga hadlay maqaamka Muqdisho, si ay dadka caasimadda u helaan metelaad dhab ah. “Guddoomiyaha Golaha Shacabka wuxuu guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ugu hambalyeeyay xilka guddoomiyanimo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska guddoomiye Aadan Madoobe. Sidoo kale waxa uu guddoomiyaha uu kula dardaarmay duqa Muqdiaho inuu xooga saaro sidii shacabka caasimadda ay u heli lahaayeen adeegyada ay xaqa u leeyihiin oo ay dowladda uga baahan yihiin. Maamulka gobolka oo qoraal kasoo saaray kulankan ayaa waxaa lagu yiri “Kulanka ayaa waxaa looga hadlay meel-marinta maqaamka caasimadda iyo sidii bulshada gobolka Banaadir ay u heli lahaayeen matalaad siyaasi ah oo la mid ah dowlad goboleedyada xubnaha ka ah DFS.” Duqa Muqdisho ayaa guddoomiyaha uga warbixiyay qorsheyaasha hortabinta u leh maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar oo ay ugu horeyso qabsoomida doorashooyinka goleaasha deegaanka, isagoona ka codsaday sidii uu baarlamaanka u meel-marin lahaa cutubyada dastuurka ee ku xusan maqaamka caasimadda iyo matalaada siyaasadeed ee gobolka Banaadir. Kulankan oo saacado qaatay ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galay xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri.
-
Shir nabadeed oo maalmahan magaalada Gaalkacyo uga socday mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug ayaa ugu danbayn laga soo saaray go’aanno ku saabsan xallinta colaad beeleedda ka aloosan degaannada galbeedka gobolka Mudug. Warsaxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug ee maalmahan Shirka nabadeed uga socday magaalada Gaalkacyo ayay ku shaaciyeen go’aanno ku saabsan xal u raadinta colaad beeleedda ka aloosan degaannada galbeedka gobolka Mudug. Go’aannada wadajir ah oo ay soo saareen Puntland iyo Galmudug oo ka kooban saddex qodob, ayaa waxa kamid ah; in mudda 7 cisho gudahood ah lagu qabto guddiga garnaqa khilaafka labada beelood, Si loo fuliyo go’aamadii lagu gaaray wajigii hore ee gogosha nabadeynta Beelaha Sacad iyo Leelkase. Labada dhinac ayaa sidoo kale go’aamiyay In xal laga gaaro dhacdooyinkii ka danbeeyey heshiiskii wajigii hore ee gogosha nabadeynta beelaha Sacad iyo Leelkase, iyada oo lala kaashanayo guddiga farsamada iyo Odayaasha Labada dhinac. Go’aannada ku saabsan xal u raadinta colaad beeleedda ka aloosan degaannada galbeedka gobolka Mudug ee la soo saaray waxa sidoo kale ku jirta in guddiyada nabadda labada beelood, guddiga farsamada iyo odayaasha labada dhinac kala shaqeeyaan labada maamul xaqiijinta inaan dhib danbe dhicin. Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka labada dhinac PUNTLAND POST The post Puntland iyo Galmudug oo go’aanno wadajir ah ka soo saaray colaad beeleedda galbeedka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/01/AQOI6XXbuXMvvNLEFEC4bg1Cn6xgcCLp6XtHNGKbisGN1o3a788TVtWhtwB62qvLqDBStlbNUhktnjDb6ODh9wwI.mp4 Qaran News
-
Berbera (Caasimada Online) – Dadka ku nool deegaannada xeebta ah ee magaalada Berbera ee kaga beegan dhinaca Bariga ayaa walaac xooggan ka muujiyay khatar kaga imaaneysa abeesooyin, kuwaas oo kamid ah bahalaha hoose ee xamaaratada ah. Dadka deegaannadaas ku nool oo xoolo dhaqato ah ayaa abeesadani waxay ku haysaa cabsi xooggan, kadib markii qaar kamid ah dadka halkaasi ku nool ay u dhinteen qaniinyada abeesada. Sidoo kale waxaa jira kuwo kale oo u naafoobay dhibaatada kasoo gaartay qaniinyada abeesadan, oo illaa haatan u jiifa. Aadan Ciise oo kamid ah dadka deegaanka Xagal, oo ay toddobaadkan xaaskiisa cuntay abeesadu oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in dhibaatada ay abeesadu ku hayso dadka ku nool deegaannada Biyo-guure, Ceel Garde, Xagal iyo Laasciidle ee bariga gobolka Saaxil ay sii kordheyso. Dhawaan, Aamina Maxamed Axmed AUN oo ahayd hooyo 50 jir ah, oo dhashay toddoba caruur ah ayey abeeso ku cuntay deegaanka Beenyo guulaan oo ka tirsan degmada Xagal ee gobolka Saaxil, deegaankaas oo Berbera dhinaca bari kaga beegan qiyaastii 100 KM. Aadan Ciise oo ay marxuumadu xaaskiisa ahayd ayaa sheegay in habeenkii Jimcihii abbaare 10-kii ay xaaskiisa oo markaas soo jeeda oo hurdo isu diyaarinaysay ay qaniintay abeeso yar, iyada oo habeenkii Sabtidana u geeriyootay suntii ay gaadhsiisay abeesada cuntay. “Xaaska oo guriga jiifta, anigana aan dibedda fadhiyo oo aan iska sheekaysanayno, ayey igu tidhi bahal ayaa igu dhegay, anigu waan booday, oo gurigii ayaan galay, oo dibedda ayaan uga soo saaray. Markaas halkaas kalxanta iyo garabka agtiisa ayey ka qaniintay oo dhiiga ayey ka jaqday,” ayuu yiri Aadan Ciise. Waxa uu intaas ku daray in ay ula soo carareen xaaskiisa deegaankii ugu dhawaa oo ah deegaanka Xagal, oo leh xarun Caafimaad, halkaas muddo 24 sacadood ah xaaladeeda lagula tacaalayey, balse markii dambe ay ku geeriyootay. “Xarun caafimaad oo ku taala Xagal ayaanu geynay, halkaas dawooyin ayaa lagu siiyey xilligii ay qaniintay, wakhtigii kale ayey ku geeriyootay xaruntaas caafimaad, halkaas ayaannu ku aasnay”. Ka sakow in ay dad u dhintaan qaniinyada abeesada, waxa jira dad iyagu u naafoobay sunta waabeeyada ah ee ay kaga tagto qaniinyada ka dib, kuwaas oo qaarkood ay ku keento in laxaadkoodu dhantaalmo.
-
Taliyaha ciidamada Lubnaan Joseph Aoun ayaa loo doortay madaxweynaha cusub ee dalkaasi ka dib doorasho baarlamaani ah oo 128 mudane ay codbixiyaal ka ahaayeen. Doorashadan ayaa jabisay ismari-waagii sababay in dalka uu noqdo madaxweyne la’aan tan iyo bishii Oktoobar 2022, xilligaas oo uu xilka banneeyay Michel Naim Aoun oo ilaa 2016-kii talada hayay. General Joseph Aoun ayaa 99 cod ka helay 128-ka kursi ee baarlamaanka, waxa uuna hoggaamin doonaa dalka uu qalalaase daashaday oo taniyo 70-meeyadii xasrado siyaasadeed oo kala qeybsanaanta diinta saldhig u tahay la daalaacayay. Sidoo kale dalkan ayaa dhowaan dhibane u noqday dagaal lagu hoobtay oo dhex maray ururka Xisbullahi iyo maamulka Israa’iil, kaas oo todobaadyo ka hor xabad joojin laga gaaray. Source: goobjoog.com
-
Kalluumeysato Soomaali ah oo muddo badda lagu la’aa ayaa ugu dambeyn laga helay xeebaha dalalka Singapore, Maldeves iyo Sri Lanka, ka dib markii doomihii ay saarnaayeen cilladi ku timid, baddana maalmo dul sabaynayeen. Raggan oo ka koobnaa ilaa 11 kalluumeysato ah oo muddo ka ban bil lagu la’aa biyaha Badweynta Hindiya ayaa si kala gaar gaar ah todobaadkaan looga helay xeebaha dalalka Singapore, Maldeves iyo Sri Lanka. Kalluumeysatadan ayaa dhammaantood ka baxay xeebaha ku dhow magaalada Muqdisho, qaar kamida ah dadkii ay xirfad wadaagga ahaayeen oo warbaahinta VOA-da la hadlay ayaana tilmaamay in xaaladdooda caafimaad ay hadda wanaagsantahay. Kalluumeysatada ayaa dhibaato kala kulmaya xilliyada ay baddu kacsantahay, ayagoo mararka qaar dalal fog fog ka dhaca siday biyaha u dul sabaynayaan. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabiley oo Shir la qaatay beesha Dishiishe (Axmed Harti) ee Gobolka Bari. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Deni uu maanta qaabiley oo Kulan la qaatay beesha Axmed Harti ee gobolka Bari, balse lama sheegin wixii Shirkaasi labada dhinac lagaga hadlay. “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa maanta qaabilay oo Kulan la qaatay beesha (Axmed Harti) ee Gobolka Bari” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland. Madaxweyne Siciid Deni ayaa sidoo kale shalay Shir la yeeshay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan garaad Maxamuud Calishire, oo ay weheliyaan guddigii difaaca beesha East Sanaag Clan ee lagu dhisay Shirkii Ceelbuh, islamarkaana lama faahfaahin wixii Shirkaasi lagaga hadlay. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo Maanta Shir la yeeshay odayaasha iyo mas’uuliyiinta Beesha Dishiishe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa shaaciyay in todobaad wax ka yar ay ku soo saari doonaan jadwalka doorashooyinka. Guddomiyaha guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu guddigan madax-banaan yahay, ayna shaqadiisa tahay in uu dalkaan doorasho hufan oo qof iyo cod ah ka qabtaan. Cabdikariin ayaa tilmaamay in sannadkii 1969-kii ay dalkaan ugu dambeysay doorasho loo dareero, wuxuuna xaqiijiyay in ujeedka guddigan yahay fududeynta in dadka Soomaaliyeed ay soo doortaan hoggaankooda. Jadwalka uu todobaadka kusoo saarayo guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa wuxuu iskugu jiraa kan doorashada, diiwaan-gelinta ururada iyo tan codbixiyayaasha. “Waxaan idinla wadaagi doonnaa todobaad gudahood jadwalka weyn ee doorashada, marka uu billaabanayo diinwaan-gelinta ururada, codbixiyaasha. Waxaan bilaabi doonaa in aan asteyno goobaha doorashada,” ayuu yiri guddomiye Cabdikariin Axmed Xasan. Guddigan oo muran badan ka taagan yahay ayaa waxaa la dhisay bishii November ee sannadkii tagay, waxaana ujeedkooda yahay inay dalka ku hagaan doorasho ku saleysan axsaab iyo qof iyo cod. Guddigan ayaa horey u shaaciyay in doorashooyinka ugu horreeyay dalka laga qaban doono muddo toddoba bilood gudahood ah, gaar ahaan bisha June ee 2025. Qorshaha jadwalka doorashada ayaa ah in bisha Juun ay doorashada golayaasha deegaanka ka qabtaan dalka oo dhan, halka bisha November ay qaban doonaa tan baarlamaanada maamul goboleedyada iyo madaxdooda, taas oo ku dhaceysa qof iyo cod
-
Dadka ku nool deegaannada xeebta ah ee Magaalada Berbera ee kaga beegan dhinaca Bariga, ayaa waxa ay walaac ka muujinayaan khatar kaga imaanaysa abeesooyin, kuwaas oo ka mid ah bahalaha hoose ee xamaaratada ah. Dadka deegaannada ku nool oo xoolo dhaqato ah ayaa abeesadani waxa ay ku haysaa cabsi, ka dib markii qaar ka mid ah dadka halkaasi ku nool ay u dhinteen qaniinyada Abeesada, halka kuwo kale ay u naafoobeen dhibaatada ka soo gaadhay qaniinyada abeesadan, sida uu BBC-da u sheegay Aadan Ciise oo ah dadka deegaanka Xagal, oo ay toddobaadkan xaaskiisa cuntay abeesadu. Dhibaatada ay Abeesadu ku hayso dadka ku nool deegaannada Biyo guure, Ceel Garde, Xagal iyo Laasciidle ee bariga gobolka Saaxil, ayaa ah mid sii kordhaysa. Sidee ayey xoolo dhaqatada deegaanada bariga ku nool u saamaysay Abeesadu? Alle ha u naxariistee Aamina Maxamed Axmed, oo ahayd hooyo 50 jir ah, oo dhashay toddoba caruur ah ayey abeeso ku cuntay deegaanka Beenyo guulaan oo ka tirsan Degmada Xagal ee Gobolka Saaxil, deegaankaas oo Berbera dhinaca bari kaga beegan qiyaastii 100 KM. Aadan Ciise, oo ay Marxuumadu xaaskiisa ahayd, oo la hadlay BBC-da, waxa uu sheegay in habeenkii Jimcihii, abbaare tobankii ay xaaskiisa oo markaas soo jeeda oo hurdo isu diyaarinaysay ay qaniintay Abeeso yar, iyada oo habeenkii sabtidana u geeriyootay suntii ay gaadhsiisay Abeesada cuntay. “Xaaska oo guriga jiifta, anigana aan dibedda fadhiyo oo aan iska sheekaysanayno, ayey igu tidhi bahal ayaa igu dhegay, anigu waan booday, oo gurigii ayaan galay, oo dibedda ayaan uga soo saaray. Markaas halkaas kalxanta iyo garabka agtiisa ayey ka qaniintay oo dhiiga ayey ka jaqday” ayuu yidhi Aadan Ciise. Waxa uu intaas ku daray in ay ula soo carareen xaaskiisa deegaankii ugu dhawaa oo ah Deegaanka Xagal, oo leh xarun Caafimaad, halkaas muddo 24 sacadood ah xaaladeeda lagula tacaalayey, balse markii dambe ay ku geeriyootay “Xarun caafimaad oo ku taala Xagal ayaanu geynay, halkaas dawooyin ayaa lagu siiyey xilligii ay qaniintay, wakhtigii kale ayey ku geeriyootay xaruntaas Caafimaad, halkaas ayaannu ku aasnay”. Sacad Ciise Cumar, oo isaguna ah dadka deegaankaas oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in qoyskiisa oo keliya ay qaniintay abeesadu ku dhawaad 30 qof oo ay ku jiraan walaalihii, halka adeerkiina uu u dhintay suntii abeesadu kaga tagtay, taasoo fadhiisisay labada Kelyood. “Qoyskayga waxa aan odhan karaa, aniga uun baanay cunin Abeesadu. Walaalahay shan ayey cuntay, xaaska kale ee Aabbo way cuntay, guud ahaan ilaa 30 qof ayaan ku qiyaasayaa qoyskayga inta abeesadu cuntay, qaarna way ku dhinteen, sida Adeerkay, qaar u naafoobay ayaa jira, kuwo kalena way ka kaceen”. Maxay ku reebtaa dadka badbaaday qaniinyada abeesada? Ka sakow in ay dad u dhintaan qaniinyada abeesada, waxa jira dad iyagu u naafoobay sunta waabeeyada ah ee ay kaga tagto qaniinyada ka dib, kuwaas oo qaarkood ay ku keento in laxaadkoodu dhantaalmo, sida ku dhacday Baashe Ibraahim, oo ah 48 jir ku nool Magaalo xeebeeda Lughaya ee Gobolka Awdal, “Anigoo yar ayey i qaniintay abeesadu, waxaanay sunteedii keentay in aan naafoobo, oo jidhkayga qaybo ka mid ahi googo’aan. Iminka naafo ayaan ahay, oo mustaqbalkaygii way saamaysay, laxaadkaygii way dhantaashay bahashaasi, dad badan dhibaato ayey gaadhsiisay” ayuu yidhi Baashe Ibraahim, oo u warramay BBC-da isaga oo ku sugan Lughaya. Axmed Cumar Nuur, oo ka mid ah deegaanka loo yaqaan Beenyo dhaadheer, oo ka tirsan Deegaannada bariga Saaxil, oo isaguna ay hore u qaniintay abeesadu, ayaa sheegay in weli saamayntii ay kaga tagtay qaniinyada abeesadu uu dareemo, iyada oo ku dhawaad soddon sanno ay ka soo wareegtay markii ay cuntay. “Laba jeer ayaan dareemaa saameynta ay igu reebtay qaniinyada abeesadu, wakhti waa marka aan masaafo dheer lugeeyo, madaama aan ahay nin xoolo dhaqato ah oo socod badan, marka aan seexdo waxa aan dareemaa garaac ba’an oo lugaha ah. sidoo kale marka aan gaajoodo wadnaha iyo beerka ayaa i xanuuna” ayuu yiri. Noocyada masaska iyo sida ay u kala khatarsan yihiin Abeesadu waxa ay ka mid tahay xayawaanka xamaaratada ah ee sida masaska oo kale, in badanna dadka ay waxyeelada ay gaadhsiiso ma arkaan, maadaama ay tahay xayawaan ciidda u eg oo ka soo baxa marka ay dadka cunayso godad ku yaala dhulka hoostiisa, ama ay ku dhex nooshahay geedaha gaagaaban. “Abeesadu waa lab iyo dhedig. markaa labkeedu inta badan kama soo baxo godka, laakiin bahasha aadka u soo baxdaa waa abeesada dheddig. Midka lab wuxuu ka khatar badan yahay tan dheddig, oo qofka uu qaniino markiiba wuu dhintaa, oo suntiisaa khatar ah, laakiin tan dheddig lafteedu waa mid halistood badan tahay.” Sidaa waxa yidhi Sacad Ciise Cumar, oo ah nin waayo aragnimo u leh Abeesooyinka, khatartooda dadka ka wacyi geliya. Dr. Mustafe Xuseen Cabdillaahi (Guraaye), oo ka hawl gala Isbitaallada Hargeysa, ayaa BBC-da u sheegay in sunta Abeesadu tahay mid khatar ah, madaama suntaas ay toos u abaarto habka dhiig wareegga dadka, taasina ay keento in suntaas gaadho wadnaha iyo Maskaxda. Qaabkee la iskaga daweeyaa qaniinyada iyo sunta ay dadka kaga tagto Abeesadu Inkasta oo uu jiro tallaal la siiyo dadka ay qaniinaan abeesooyinka iyo Masasku, haddana tallaalkaas ayaan laga helin deegaannada abeesooyinku ku badan yihiin ee Somaliland, sida uu sheegayo Dr. Mustafe Xuseen Cabdillaahi (Guraaye), oo ka mid ah bahda caafimaadka ee Hargeysa, taasna waxa ay keentay in dadka waxyeeladu soo gaadho ay isku daweeyaan qaab dhaqan, si ay uga hortagaan in suntu ku faafto jidhkooda. “Waxa jira tallaal deg deg ah oo sunta xayawaanka Xamaaratadu leeyihiin si qofku uga badbaado in ay halis gasho naftiisa, laakiin taasi kama jiro Somaliland oo laga helo tallaalkaasi. Waxaanay khatar dhimasho ku keentaa suntaa dadka waaweyn ee difaaca jidhkoodu hooseeyo” ayuu yiri dhakhtarku. Sacad Ciise Cumar, waxa uu sharaxayaa qaabka ay iska daweeyaan dadka xoolo dahqatada ah marka ay abeesadu qaniinto “Marka u horreysa ee ay qofka qaniinto laba shay ayaa la siiyaa, waa caano geel iyo neef Ido ah badhidiisa. tusaale ahaan caanaha geelu qofka ay ka matajinayaan, badhiduna sunta ayey la dagaalantaa” ayuu yiri Sacad Ciise. Qaran News
-
Three Somaliland fishermen missing at sea for nearly a month have been rescued off the coast of Djibouti, bringing relief to their families and communities after a harrowing 29-day ordeal. The fishermen, who disappeared on December 6, 2024, departed Berbera aboard a small vessel that soon experienced mechanical failure, leaving them stranded and unable to navigate. “Our engine broke down, and the battery failed,” survivor Khadar Ibrahim Abdillahi told BBC Somali. “For 29 days, we drifted wherever the wind carried us, completely helpless.” Their rescue came when the Djibouti Coast Guard spotted their vessel adrift in open waters. The men were brought ashore, treated for exhaustion and dehydration, and given medical assistance. Rescuers also repaired their damaged boat. “They saved our lives,” Khadar said, expressing gratitude for the Coast Guard’s swift intervention. “We’ve been treated with kindness and have been assured we will return to Somaliland soon.” The fishermen’s disappearance had sparked concern in Somaliland’s coastal communities, where fishing is a cornerstone of the local economy. Authorities in Somaliland and Djibouti are coordinating efforts to ensure the fishermen’s safe return HOL. Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Dagaalka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Puntland ayaa haatan yeeshay waji cusub, iyada oo la’isla aaday dhinaca gargaarka bani’aadanimada, kadib markii la siyaasadeeyay. Dowladda dhexe, gaar ahaan hay’adda SoDMA ayaa shalay shaacisay in shixnad gargaar ah u dirtay deegaanada Puntland, balse waxaa arrintaas ka horyimid maamulka Garoowe. Wasiirka gargaarka Puntland, Marwo Ubax Cabdirashiid Maxamed ayaa sheegtay in aanu jirin wax gargaar ah oo ay kala wareegeen dowladda dhexe, waxayna been abuur ku tilmaamtay sheegashada SoDMA. Ubax ayaa ku eedeysay dowladda inay siyaasadeyneyso arrimaha gargaarka, taasina ka fogtahay cadaaladda iyo bani’aadanimada. “Haddii la siyaasadeeyay arrimaha bani’aadanimada cidda la aaday dhankaas iyada ayay ka haleysan tahay oo uu qorshuhu ka lunsan yahay kolley annaga nimankaas waxba naga soo gaaraan” ayay yiri Wasiir Ubax Cabdirashiid Maxamed. Sidoo kale waxa ay sii raacisay “Maya been abuurka ay qorayaan iyo Puntland waxbaan gaarsiinay waxba ma keenin, mana arkin deeqda ay halkan kusoo qoreen” Waxaa kale oo ay hoosta ka xariiqday in ka maamul ahaan ay doonayaan in saamiooda gooni loo siiyo, isla markaana laga madax baneeyo dowladda federaalka. “Annaga waxaan rabnaa in Puntland waxeeda gaar loo siiyo, maadaama aysan jirin cadaalad iyo siinaan la’aan aan uga jeedno dowladda Soomaaliya” ayay mar kale tiri. Hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu shalay yiri wasiirka beeraha Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo sheegay in Puntland ay gooni u siiyee lacag $16 milyan, iyada ooay dowladdu tixigelineyso daruufaha ka jira maamulkaas oo ay ugu horreyso taageerida dadka beeraleyda ah.
-
Dimishiq (Caasimada Online) – Dagaallada u dhexeeya kooxaha ay Turkey taageerto, oo ay taageerayaan duqaymo xagga cirka ah, iyo xoogagga Kurdiyiinta ayaa 37 qof ku dilay Khamiista maanta ah gobolka Manbij ee waqooyiga Suuriya, sida ay sheegtay koox kormeerta dagaalka. Dagaalladii ugu dambeeyay ee la soo weriyey ayaa imanaya inkasta oo Mareykanka uu Arbacadii sheegay inuu ka shaqeynayo sidii wax looga qaban lahaa walaacyada Turkiga ee Suuriya si xulafada NATO ay uga dhaadhiciyaan in aysan kordhin weerarada ka dhanka ah dagaalyahanada Kurdiyiinta. Kooxda Kormeerayaasha dagaalka Suuriya ee Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegtay in “dagaalo ba’an ay ka dhaceen baadiyaha Manbij … saacadihii la soo dhaafay kuwaas oo u dhexeeya Kurdida ay hogaaminayaan Xoogaga Dimoqraadiga Suuriya (SDF) iyo kooxaha Turkey ay taageerto ee Ciidamada Qaranka … oo dusha sare ay ka taageereyso Turkey.” “Weerarada waxaa lagu dilay 37 qof, sida ku cad khasaaraha horudhaca ah, oo isugu jira dagaal-yahannada Turkey ay taageerto iyo kuwa SDF, iyo shan qof oo rayid ah,” ayey tiri kooxda kormeerka ee fadhiggeedu yahay Britain, taasi oo ilo-wareedyo kala duwan ku leh gudaha Suuriya. Kooxda Kormeerka ayaa sheegtay in ugu yaraan 322 qof lagu dilay dagaalka ka socda baadiyaha Manbij tan iyo bishii hore. Arbacadii, Mazloum Abdi, oo madax u ah kooxaha SDF ee uu Maraykanku taageero, ayaa sheegay in kooxdiisu ay taageereyso “midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Suuriya”. War qoraal ah oo uu u diray wakaaladda wararka ee AFP, ayuu ugu baaqay maamulka cusub ee Suuriya “in ay soo farageliyaan si ay xabbad-joojin uga dhacdo Suuriya oo dhan”. Hadalka Abdi ayaa daba socday waxa uu ugu yeeray shir “wanaagsan” oo dhexmaray hogaamiyayaasha Kurdiyiinta iyo maamulka Dimishiq dabayaaqadii bishii hore. Kooxaha uu Turkiga taageero ee ku sugan waqooyiga Suuriya ayaa dib u bilaabay dagaalka ay kula jiraan SDF, xilli ay kooxaha Islaamiyiinta ah ay bilaabeen 27-kii bishii November weerarkii ay ku afgambiyeen madaxweynihii Suuriya Bashaar Al-Asad, ee qaatay kaliya 11 maalmood. Kooxaha ay taageerto Ankara ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan Manbij iyo Tal Rifaat oo dhacda waqooyiga Xalab, oo ay Kurdiyiintu gacanta ku hayeen, inkasta oo Mareykanku uu waday dadaallo xabbad-joojin looga sameynayo deegaanka Manbij. Dagaalka ayaa sii socday tan iyo markaas, iyadoo uu sii kordhayo khasaaraha. Arbacadii, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Turkigu uu “walaac sharci ah” ka qabo xagjiriinta xisbiga shaqaalaha Kurdistan (PKK) ee ku sugan gudaha Suuriya, wuxuuna ku baaqay in xal laga gaaro dalkaas oo ay ku jiraan ka bixitaanka “dagaalyahannada argagixisada shisheeye”. “Taasi waa geeddi-socod qaadan doona waqti, inta ka horaysa, waxa aan dani ugu jirin wax kasta oo wanaagsan oo aan aragno oo ka dhacaya Suuriya, waxay noqon doontaa dagaal, waxaana aad ugu dadaali doonaa inaan hubinno in taasi aysan dhicin,” Blinken ayaa sidaas u sheegay wariyeyaasha isagoo ku sugan Paris. Turkey ayaa Talaadadii ku hanjabtay hawlgal millatari oo ka dhan ah ciidamada Kurdiyiinta ee Suuriya haddii aanay aqbalin shuruudaha Ankara ee ku aaddan isbeddel “dhiig la’aan” ah ka dib dhicitaankii Assad. Kurdiyiinta Suuriya ayaa gacanta ku haya inta badan gobolka qaniga ku ah saliidda ee waqooyi bari ee dalka, halkaas oo ay ku naaloonayeen is-maamul inta badan intii uu socda dagaalka sokeeye tan iyo 2011-kii. Hase yeeshee Turkey ayaa ku eedaysa qaybta ugu weyn SDF ee YPG in ay xiriir la leeyihiin PKK, oo waday 40 sano kacdoon ka dhan ah qaranka Turkey. PKK waxaa urur argagixiso u aqoonsan Turkey, Maraykanka, Midowga Yurub iyo inta badan xulafada reer galbeedka ee Turkey. Turkey ayaa qaaday hawlgalo badan oo ka dhan ah SDF tan iyo 2016.