-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay munaasabad ku saabsan dib u habeynta Xafiisyada Madaxtooyada ayaa dhagax dhigay dib u dhis casri ah oo lagu sameynayo Madaxtooyada qaranka oo dhismaheedu ahaa mid gaboobay. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qorsheyaasha ugu muhiimsan dowladdiisa ay ugu horreeyaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, dib u habeynta xarummaha iyo hannaanka Hay’adaha dowladda iyo hirgelinta ku dhaqanka shuruucda dalka, taas oo aas-aas u ah dowlad Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey dowladda, shacabka Turkiga iyo shirkada Albayrak sida ay gacanta uga geysanayaan dib u casriyeynta Xafiisyada Madaxtooyada, iyaga oo mar walba garab istaag iyo taageero u muujiya dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa xusay dhabar adaygga iyo kartida dadka Soomaaliyeed iyo sida aysan u niyad jabinayn ficillada gurracan ee ay soo maleegaan argagixisadu, waxa uuna xaqiijiyey in gacan dalka lagaga cirib tiri doono arxan-laaweyaashaas, gacanta kalena lagu horumarinayo dowladnimada. Munaasibadda dhagax-dhigga Madaxtooyada cusub ee dalka waxaa ka qaybgalay Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya iyo Madaxa shirka Albayrak. Twitter: @TheVillaSomalia Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Istanbul (Caasimada Online) – Ciidamada Ammaanka dalka Turkiga ayaa xasbiga dhigay muwaadin Soomaaliyeed oo bartiisa TikTok ku baahiyay muuqaalka isaga oo jeex-jeexaya lacagta waddankaas, taas oo ay dowladda Turkiga aad uga carootay. Muwaadinka Soomaaliyeed oo heysta dhalashada dalka Finland ayaa muuqaalka uu iska soo duubay wuxuu si weyn ugu baahay baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, waxaana tallaabada uu qaado ay baqdin ku abuurtay dadka kale ee Soomaaliyeed oo ka cabsi qaba in uu saameyn ku yeesho noloshooda. Muuqaalka ayaa sidoo kale ka careysiiyey shacabka Turkiga oo falka uu ninkaas sameeyey u arkay xushmad darro lagula kacay dalkood aiyo lacagtooda. Saraakiil ka tirsan laamaha amniga dalka Turkiga ayaa sheegay in ninkaas ay baaritaan ku hayaan maskax ahaan, waxaana macquul ah in dhawaan maxkamad la soo taago, islamarkaana lagu rido xukun xabsi ah. Toddobaadyo ka hor ayay ahayd markii haweeney Soomaali ah oo ku sugan dalka Turkiga ay difaacday haweeney Siiriyaan ah oo loo xiray qaraxii ka dhacay magaalada Istanbul oo ay ku dhinteen lixda qof, taasi oo sidoo kale caro ka dhalisay dalkaas. Warbaahinta adduunka ayaa soo qaadatay muuqal ay haweeneyda ku faafisay baraha bulshada, iyadoo sheegaysa in haweeneyda la xiray aanay iyadu falka ku lug lahayn. Dalka Turkiga, oo ah saaxiibka Soomaaliya, ayaa waxaa ku sugan Soomaali aad u farabadan oo badankood galay sanadihii la soo dhaafay, hayeeshee ficillada qaar ay ku kacayaan Soomaalida ayaa laga cabsi qabaa inay saameyn ku yeelato lagana mamnuuco tegitaanka waddankaas, kuwa joogana laga naco. The post Turkey oo xirtay nin Soomaali ah oo TikTok soo dhigay muuqaal caro ka abuuray dalkaas appeared first on Caasimada Online.
-
Mudisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa war kasoo saaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo dalka. Cabdikariin Guuleed oo qoraal dheer soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in saddex guul laga gaaray howlgallada haatan ka socdo inta badan gobollad dalka. Guusha koowaad ayuu tilmaamay inay tahay in shacabka ay aamineen in lala dagaalamo karo, lagana guuleysan karo kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale guusha labaad ayuu ku tilmaamay inay hadda sii kala fogaanayaan shacabka iyoAl-Shabaab, taas oo uu ku macleeyey “Halgan iyo dagaal Bulsho”. Waxa kale oo uu guusha saddexaad ku sheegay inay tahay in markii ugu horreysay lagu qaaday dagaal xagga dhaqaalaha ah, kaas oo uu sheegay inuu sameeyey kooxda. Halkan hoose ka aqriso:- Ka sokow guulaha xagga dhulka ee baaxadda leh ee ilaa haatan laga soo hooyay halganka la dagaalanka iyo ciribtirka kooxaha argagaxida ah, waxaa kaloo ii muuqda guulo kale ee waaweyn oo laga gaaray ciribtirka kooxahaas, guulahaas oo aan ka tilmaami karo: Guusha koowaad: In Bulshada Soomaaliyeed iyo ciidamadooda qalabka sidaba ay aamineen in kooxaha argagaxisada ah lala dagaalami karo, lagana guuleysan karo. Ayadoo goobo fara badan lagu baacsaday laguna burburiyey. Arinkani oo ah mid aad ahmiyaddiisa u leh marka laga hadlayo dagaal iyo istiraatiijayahiisa. Guusha labaad: In Bulshadii iyo kooxahii Argagaxisada ay sii kala miirmayaan siina kala fogaanayaan, ka dib kolkii dagaalku uu isku badalay “Halgan iyo dagaal Bulsho”. Halkii shalay laga yaabay in loo arki karay dagaal dhex marayey ama u dhaxeeya ” Dowlad iyo koox gaar ah”. Arinkani waxuu horseedi kartaa in aysan kooxahaasi heli doonin waxii hadda ka danbeeyao gabaad iyo cid ay isku qariyaan. Waana qodab kale oo muhiim u ah ka guul gaaridda kooxaha argagaxisada. Guusha sadexaad: In markii ugu horeysay dagaal xagga dhaqaalaha ah oo toos ah lagu qaaday kooxaha argagaxisada ah, lagana xirxiray ku dahwaad ilaa 60 xisaab bank oo ay tiilay lacago malaayiin doolar ah. Arinkaan oo horseeday in ganacsatada iyo bulsho weynta Soomaaliyeed ee ay baadda iyo boobka ku hayeen kooxahaasi ay dhiiradaan, diidanna bixinta xoolahooda lagu gumaadayey shacabkooda. Guulahaas sadexda ah ee aan soo xusay waa arimo istiraatiiji ah, aadna muhiim ugu ah ka guul gaarista dagaalka la gula jiro kooxaha argagaxisada ah. Waxaana soo jeedinayaa hoostana ka xariiqayaa in arimahaas la sii xoojiyo, lana sii adkeeyo. Waxaan kaloo soo jeedin lahaa kuna talin lahaa; in si dagaalka loo xoojiyo loogana miro dhaliyo la qabto SHIRWEYNE QARAN oo deg deg ah oo ay ka soo qeyb galayaan dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada sida: Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Saraakiisha, Culumada, Haweenka, Jaaliyadda dibadda iyo Dhalinyarada. Shirweynahaas oo lagu xoojinayo laguna dhameystirayo qorshaha Qaran ee la dagaalka iyo ciribtirka argagaxisada iyo xagjirnimada intaba. Guul iyo gobanimo The post Cabdikariin GUULEED oo shaaciyey saddex guul oo laga gaaray dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Puntland Post ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in Shirka Golaha Wasiirada Puntland laga mamnuucay Taleefonnada. Madaxweyne Siciid Deni ayaa ku amray Golaha Wasiirada in aysan dib danbe Taleefonno ula geli karin Shirka Golaha Xukuumadda sida ay noo sheegeen dad xog-ogaal ah oo lagu kalsoon yahay warkooda. Xubnaha Golaha Wasiirada si cad looguma sheegin sababta keentay in Shirka laga mamnuuco Taleefonnada waxaana dhaqan-gelinta Go’aanka la bilaabay Maanta oo Khamiis ah. The post Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo maanta si rasmi ah looga mamnuucay Taleefonnada appeared first on Puntland Post.
-
PRESS RELEASE African leaders call for faster industrialization during African Union Summit Bazoum called on African countries to entrench the rule of law to catalyze the emergence of the African private sector Access Multimedia Content NIAMEY, Niger, December 1, 2022/ — African leaders reviewed the continent’s progress in industrialization, economic diversification, and the African Continental Free Trade Area (AfCFTA) in the context of global shocks, debt vulnerabilities, climate change, and security concerns. Twenty heads of state and government as well as their representatives attended the African Union Extraordinary Summit on Industrialization, Economic Diversification, and the AfCFTA in Niamey. “Not so long ago, the juxtaposition of the words industrialization and Africa might have seemed incongruous. Today, the question it raises is mainly one of ways and means,” said Nigerien President Mohamed Bazoum, the summit’s host. “This in itself is proof that we are on the right track. A Nigerien proverb says, ” You cannot stop a river,” he added. Bazoum called on African countries to entrench the rule of law to catalyze the emergence of the African private sector, unleash the energies of African entrepreneurs, and simplify the business environment. “Inclusive, coherent, and sequenced industrialization that we want cannot be imposed and can only be achieved by creating synergies between the private and public sectors to empower small and medium sized enterprises and create quality jobs. .” Bazoum added: “the youthfulness of the population and its growth, which are a challenge, can constitute an asset, provided the demographic transition is well-managed.” His Nigerian counterpart, President Muhammadu Buhari. echoed the sentiment. He said, “The African continent is blessed with a large youth population that can meet our labor shortages. Therefore, we need to tap into this abundant human resource by providing our youth with quality education that is relevant to their goals and meets the requirements of the labor market.” For President Paul Kagame of Rwanda, the way forward on industrialization entails investment in energy and infrastructure. “The pace of industrialization in Africa is still too slow to achieve Africa’s development goals under Agenda 2063,” said Kagame. “We need to invest more of our national budgets in industrial policy, and significantly increase energy and infrastructure capacity.” In a speech read on his behalf, African Development Bank President Akinwumi Adesina noted that free trade areas had brought prosperity worldwide not by trading low-value products, but by industrial production. “It is, therefore, clear that Africa’s prosperity must no longer depend on exports of raw materials but on value-added finished products,” he said. Marie-Laure Akin-Olugbade, African Development Bank acting vice president for Regional Development, Integration and Service Delivery, represented Dr. Adesina and delivered the speech on his behalf. “Across Africa, we need to turn cocoa beans into chocolate, cotton into textiles and garments, coffee beans into brewed coffee,” Adesina said. He said the Bank was investing $25 billion to transform the continent’s agricultural sector and unlock the agribusiness market, which is expected to reach $1 trillion in value by 2030. The Bank chief also detailed efforts to develop spheres that will boost Africa’s industrialization and economic diversification, including the energy, health, natural resources, and pharmaceutical sectors. “Africa has an abundance of natural resources, oil, gas, minerals and metals, as well as a vast blue economy that needs to be rapidly industrialized,” Adesina said. “The future of electric cars in the world depends on Africa, given its vast deposits of rare mineral resources, including lithium-ion, cobalt, nickel and copper. The size of the electric vehicle market has been estimated at $7 trillion by 2030 and $46 trillion by 2050. Building precursor facilities for lithium-ion batteries in Africa will cost three times less than in other parts of the world,” he said. During the summit, the African Development Bank, the African Union, and the United Nations Industrial Development Organization launched (https://bit.ly/3Ul8mBC) the inaugural Africa Industrial Index. The joint report showed that 37 out of 52 African countries have industrialized over the past 11 years. The study provides a country-level assessment of the progress made by the 52 African countries based on 19 key indicators. The 19 indicators in the index cover manufacturing performance, capital, labor, business environment, infrastructure, and macroeconomic stability. The index also ranks the level of industrialization of African countries along various dimensions such as capital, labor endowments, , institutions, infrastructure, and macroeconomic stability, amongst others. South Africa has maintained a very high ranking throughout the 2010-2021 period, followed closely by Morocco, which is in second place in 2022. Egypt, Tunisia, Mauritius and Eswatini complete the top six over the period. The report will help African governments to identify benchmark countries to better assess their own industrial performance and adopt best practices more effectively. During the summit, heads of state also reviewed the pace of operationalization of the African Continental Free Trade Area, which came into force in January 2021 as well as its linkages to industrialization. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgal qosheysan oo ay maanta ciidamada NISA, kuwa Xoogga dalka iyo Saaxibada Caalamiga ah ka fuliyeen gobolka Shabeelaha Dhexe. Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Cali Fooldheere oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolkaasi, sida qoraalka lagu sheegay. Dowladda Soomaaliya ayaa shaaciysay in weerarkan cusub ay ku dishay 40 ka tirsanaa Al-Shabaab, tiro ka badana ay dhaawacday, xilli ay isku uruursanayeen halkaasi. “Illaa 40 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay howlgalka ka dhacay deegaanka Cali Fooldheere,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa u mahadcelisay dadka deegaanka iyo sidoo kale Saaxibada Caalamiga ee hawada ka taageerayey ciidamada sameeyey howlgalkaasi “Dowladda Soomaaliya waxay u mahadcelineysaa shacabka Soomaaliyeed oo qayb ka ah dagaalka Khawaarijta iyo Saaxibada Saalamiga ah ee ku garab taagan dowladda dagaalkan,” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeeda goordhow kasoo baxay dowladda. Ugu dambeyn dowladda Soomaaliya ayaa markale farriin u dirtay dhalinyarada weli ka barbar dagaalameyso Al-Shabaab, iyada oo ugu baaqday inay ka faa’iideysataan cafiska madaxda qaranka waxayna ballan-qaaday in si wanaagsan loola macaamili doono raggaasi. The post 40 xubnood oo Al-Shabaab ah ‘oo hal goob lagu dilay’ appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE Vertiv Introduces Water-Efficient Liquid Cooling Solution for High-Density Data Centres in Europe, the Middle East and Africa (EMEA) Vertiv™ Liebert® XDU enables liquid cooling for high-performance computing applications, while supporting waste heat recovery and the circular economy Access Multimedia Content DUBAI, United Arab Emirates, December 1, 2022/ — Vertiv (NYSE: VRT) (https://bit.ly/3XKTmzN), has introduced the Liebert® XDU (https://bit.ly/3VeQrh7), a new generation of thermal management systems that supports liquid-cooled servers and enables the control of liquid quality, flow and pressure. As high-density computing applications such as data analytics and machine learning increase, rack densities and temperatures are exceeding the cooling capabilities of traditional air-cooled units and require more efficient and sustainable solutions. The Liebert XDU coolant distribution system enables the deployment of liquid cooled server applications into any data centre environment, from core to edge computing sites. The system is now available across Europe, the Middle East and Africa (EMEA). “High-performance computing applications such as artificial intelligence and augmented reality are growing in popularity at the same time that data centres are working to reduce their energy consumption and pushing the industry to find new, more sustainable solutions,” said Roberto Felisi, senior global director and EMEA business leader for thermal management, Vertiv. “Many colocation providers who have traditionally relied on air cooling are now hosting applications with higher power processors that require more efficient heat management solutions like liquid cooling. With the Vertiv Liebert® XDU, our customers can meet the high-density computing demand whilst improving their operational efficiency.” The Liebert XDU is an innovative liquid-to-liquid cooling distribution unit available in two capacities, 450kW and a model capable of up to 1368kW, circulating water through liquid-cooled server racks and rejecting the heat from the returning warm water. The system uses a closed water loop to avoid any waste, and is capable of capturing heat to utilize it to warm nearby offices, homes or farms, supporting the circular economy. The Liebert XDU utilizes integrated state-of-the-art controls to vary pump speed to optimize supply water temperature and to provide intelligent flow monitoring and alarms. The compact solution can be placed in the row near the rack it is cooling, or along the room’s perimeter. Vertiv developed the Liebert XDU in close consultation with data centre operators and server manufacturers, who are deploying ultra-high-density, high-performance computing solutions more frequently across many different types of data centres. The company has defined a strategic roadmap to enhance thermal management technologies that enable liquid cooling adoption as part of its increased investments in research and development. “Liquid cooling is not a new technology but we’re now seeing a real opportunity in the market to drive more innovative thermal management solutions. The Liebert XDU solution offers the possibility for Vertiv’s customers to introduce rack-level liquid cooling and reap the environmental benefits,” said Jon Summers, scientific lead in data centres at RISE – Research Institutes of Sweden. “We look forward to support Vertiv’s R&D roadmap and to combine their engineering excellence with the rigorous analysis and testing capabilities of RISE as part of our ongoing research partnership. This will bring a deeper technical understanding of sustainable and effective approaches for the data centre industry.” SOURCE Vertiv Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Xukuumadda Fedeeraalka Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, waxaana shirka guddoomiyey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Kulankan oo ay inta badan goobjoog ahaayeen xubnaha Golaha Wasiirada ayaa waxaa lagu ansixiyey Siyaasadda Jaangoynta Mushaarka Iyo Darajooyinka Shaqaalaha Dowladda. Xeerkan ayaa waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshadda xukuumadda Soomaaliya, taas oo maanta golaha hor keentay. Sida lagu sheegay qoraal laga soo saaray shirka Golaha Wasiirada wuxuu xeerkan caawinayaa xaqiijinta ujeedooyinka dowladda ee ku saabsan habka mushahar-bixinta iyo sidoo kale astaynta darajooyinka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda federaalka ah. Meel marinta xeerkan ayaa sidoo kale meesha ka saarayo in laga guuro nidaamkii hore ee darajooyinka shaqaalaha ee ku saleysnaa kaliya heerka waxbarasho, loona guuro nidaam cusub oo ku saleysan baahiyada shaqo kasta oo dowladeed kuwaas oo ay ka mid tahay: aqoon, waayo aragnimo, xirfad iyo karti. Siyaasadda maanta la meel mariyay ayaa sidoo kale meesha ka saareysa nidaamka hadda jira ee Darajada Shaqaalaha oo ku saleysan kaliya ‘Heer Waxbarasho’ balse aanan loo eegin heerarka kala duwan ee mas’uuliyadaha shaqooyinka kala duwan ee la qabanayo. Dhinaca kale Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya, Xil. Biixi Iimaan Cige ayaa uga mahad-celiyay golaha wasiirrada ee XFS oo maanta ansixiyay siyaasadda Jaangoynta Mushaarka iyo Daroohooyinka Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda. Biixi ayaa boggaadin u diray dhammaan dhinacyadii ka shaqeeyay diyaarinta iyo ansixinta siyaasadan oo uu tilmaamay muhiimad u leedahay dowladda federaalka Soomaaliya. The post Sawirro: Golaha Wasiirada Somalia oo soo saaray go’aan saameynaya shaqaalaha DF appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo war cusub soo saartay ayaa shaaca ka qaaday inay dareemeyso xaalad halis ah oo soo wajahday kadib hadalkii ay jeedisay. Xildhibaan Sacdiya ayaa sheegtay inay soo gaareen farriimo hanjabaadyo ah oo la xiriira khudbaddii ay maalmo ka hor jeedisay, taas oo dhalisay muran xoogan, ka gadaal markii ay ka hadashay xeerka Jinsiga ee ay horey u diideen Baarlamaankii 10-aad ee dalka. Marwo Sacdiyo Yaasiin waxay intaasi ku dartay in hadalkeeda lasoo jarjaray, islamarkaana si khaldan loo dhigay, kadibna lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka. Sidoo kale waxa ay hoosta ka xariiqday in ayadu aysan qayb ka aheyn dadka u doodaya meel-marinta xeerka Jinsiga ee ay haatan dooda adag ka taagan tahay, ayna ka mid aheyd xildhibaanadii horey u diiday meel marimnta sharcigan, sida ay haatan ku dooday. Waxa kale ay sheegtay in kaliya ay ololeyneyso kaliya wax ay ugu yeertay ‘Sharaf Dhowr’ si ay xuquudooda gaar ahaaneed u helaan dumarka, gaar ahaan kuwa loo geysto tacadiyada. Arrintaan oo ay ka dhalatay xasaasiyad xoogan ayaa waxaa soo farageliyey guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed (Aadan Madoobe), kaas oo ballan qaaday in Baarlamaanka Soomaaliyeed aan la horkeeni doonin wax ka hor imaanaya Diinta Islaamka. Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale tuilmaamay inuu si dhow ula socdo walaaca Culumada Soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan uga hadlay xeerkan oo la sheegay inuu ka hor imaanayo Diinta, isaga oo ku baaqay in la muujiyo daganaan iyo kalsooni aad u weyn. Si kastaba, doodda laga keenay xeerka Jinsiga ayaa todobaadkan cirka isku sii shareertay, kadib hadalkii ay jeedisay Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin, kaas oo ay ka falceliyey Culumada. The post Sacdiya Yaasiin oo shaacisay inay ‘halis ku jirto’ nolosheeda kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
-
Hoggaanka Labada xisbi mucaarad ee Somaliland ayaa Hargeysa shir uga socdaa. Weli may faahfaahin ujeedda shirka balse waxa la filayaa in ay ka sii shirayaan tallaabooyin ay qaadikaraan ee la xidhiidha Arramaha Doorashooyinka. Qaran News
-
Hay’adda HIV/AIDS-ka u qaabilsan Puntland ee PAC ayaa maanta si kooban uga warbixisay xogtii u danbaysay ee xanuunkaas. Agaasimaha hay’adda PAC Cabdulqaadir Maxamed Burburshe ayaa shaaciyay in sannadkan uu koror ku yimid dadka la nool AIDS-ka ee ku sugan Puntland. Agaasimaha ayaa sheegay in dadka booqanaya xarumaha caafimaadka ee qaadanaya dawooyinka AIDS-ka ay sannadkan gaareen 604 qof guud ahaan Puntland. Sannadkii hore ee 2021 ayuu sidoo kale sheegay in dadka ku xirnaa xarumaha caafimaadka ee qaadanayay dawooyinka cudurkaas ay gaarayeen 521 qof. Agaasimaha ayaa sidoo kale xusay in ay jiraan dad la nool xanuunka AIDS-ka oo qarsada sababa la xiriira in aan la faquuqin balse aan tira-koob sugan laga hayn. PUNTLAND POST The post Tirada dadka la nool AIDS-ka ee ku sugan Puntland oo korortay appeared first on Puntland Post.
-
Guryaynta Shaqaalaha Dawladda iyo Ciidamada: Haddii 4% – 5% miisaaniyadda loo qorsheeyo guryaynta ciidanka iyo shaqaalaha dawladda waxa la dhisi karaa 1,000 guri sannad kasta. Lacagtaas waynu haynaa waana la heli karaa, tusaale ahaan: – Kharashka shaqaalaha dawladdu wuxuu kordhay 100% intii u dhaxaysay 2018 – 2022, waa korodh dhan USD 77 Milyan oo aan ahayn mushahar kordhin loo sameeyay shaqaalihii joogay ee ka yimi shaqaale kordhay. 50% lacagtaa ka mid ahi waxay guryo u dhisi kari lahayd 2000 oo shaqaale ama askari. – Mashaariicda aan baahida loo qabin, tusaale ahaan kharashka ku baxay dhismayaasha madaxtooyo iyo madaxafyo waa USD 5 Milyan, waa lacag guryo u dhisi kari lahayd 250 – 300 oo shaqaale ama askar. It always seems impossible, until it is done !! Abdiqani Muse Engsaabir Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ka jira dalka ayaa maanta heshiis rasmi ah ka gaaray khilaafkii muddooyinkii u dambeeyey ka dhexeeyey, gaar ahaan dhanka maamulka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, kaas oo sababay in dowlad goboleedyada ay xiriirka u jaraan wasaaradda heer federal. Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee xukuumadda Soomaaliya iyo wasaaradaha Isgaarsiinta dowlad goboleedyada ayaa soo saaray illaa 9 qodob oo ay ku heshiiyeen, kadib wadahadallo gaar ah oo ay labada dhinac ku yeesheen gudaha magaalada Muqdisho. Dowladda dhexe iyo maamulka goboleedyada dalka ayaa isku raacay in sharciyada la soo saarayo iyo siyaasadaha ay wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WI&T) gacanta ku hayso laga talageliyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka ah ee Soomaaliya Sidoo kale waxay labada dhinac ku heshiiyeen in la qaybsado mashaariicda Isgaarsiinta, si meesha looga saaro in dowladda dhexe kaliya ay isku koobto mashaariicda la helo, ayada oo si gaar ah diiradda loo saaray sidii mashruuca is-dhexgalka Isgaarsiinta casriga ah ee gobolka Geeska Afrika (EA RDIP) looga wada faa’iideysan lahaa waddanka oo dhan. Qododa la’isku raacay sidoo kale waxaa ka mid ah in maamul goboleedyada ay wax ka helaan tababarada shaqaalaha ee lagu qabto gudaha dalka iyo dibaddiisa. Wasaaradaha Isgaarsiinta ee maamul goboleedyada ayaa sidoo kale dowladda dhexe ka dalbaday in wax ka beddalka lagu sameynayo tanashada qodobka 10-aad ee xeerka Isgaarsiinta ee hay’ada Isgaarsiinta Qaranka Somalia wax ka bedalkiisa loo maro sharciga. Ugu dambeyn waxay labada dhinac isku raaceen in la joogteeyo kulamada, islamarkaana la xoojiyo wada shaqeynta heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee hay’adaha Isgaarsiinta. The post DF iyo dowlad goboleedyada oo ka heshiiyey khilaafkii ka dhaxeeyey appeared first on Caasimada Online.
-
Safiirka Itoobiya u fadhiya dalka Kenya, ayaa shaaca ka qaaday in jabhadda (TPLF) ay maalinta sabtida ah ay soo dhiibi doonto hubkeeda culculus, kadib wada hadalo dhex maray madaxda sare ee ciidamada Itoobiya iyo taliska TPLF. Ambassador Bacha Debele, ayaa hadalkan ku sheegay muuqaal lasoo dhigay barta Youtube-ka. “Marka laga hadlayo dhiibista hubka culus, waxay ahayd inay [TPLF] soo dhiibaan 17-kii November, laakiin taasi ma dhaqan gelin, laakiin hadda waxaa la go’aamiyay inay soo dhiibaan 3-da December,” ayuu yidhi. Bacha ayaa sheegay in taliyeyaasha goobuhu ay “kulmaan maalin walba” si ay uga wada hadlaan habka hub ka dhigista, iyo dagaal yahanada kooxda TPLF la isugu keeno goobo cayiman. “Macluumaad aan maanta helay, ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyo ay bilaabeen inay [dagaalyahannada TPLF] ku ururaan goobo cayiman. Waxay fulinayaan [hannaanka hub ka dhigista],” ayuu raaciyay. Safiirka ayaa sidoo kale sheegay inay tahay wax xun oo waji gabax ah in si fagaaro ah loogga hadlo khasaaraha ka dhashay dagaalka. Xukuumada Itoobiya iyo kooxda TPLF, ayaa horaantii bishii hore heshiis nabadeed ku kala saxeexday dalka Koonfur Afrika, si ay si nabad ah ugu soo afjaraan dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay, ee mudada labada sano ah socday. Source
-
Afhayeenka ururka Daacish oo warbaahinta la wadaagay fariin cod ah ayaa sheegay in dagaal dhowaan ka dhacay lagu dilay Hoggaamiyihii ururkaas Abu al-Hassan al-Hashimi al-Qurayshi. Al-Qurayshi ayaa noqonaya hoggaamiyihii labaad ee kooxda Daacish ee la dilo sannadkan gudihiisa, xilli ay kooxdani isku dayayso inay dib u soo celiso awoodeedii, iyada oo unugyo khaas ah oo ka tirsan kooxdani ay weeraro dhimasho badan dhaliya ka geysanayaan dalalka Ciraaq iyo Syria. Sidoo kale garabka kooxda Daacish ee ka dagaalama dalka Afghanistan ayaa iyaguna bilahan u dambeeyey waxay sheegteen inay geysteen weeraro badan oo ay ku laayeen tobanaan qof. Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in al-Qurayshi in la dilay badhtamihii bishii October, iyada oo lagu dilay hawlgal ay qaadeen ciidamada mucaaradka Syria ee ku sugan gobolka Koonfureed ee Daraa. Hase ahaatee illaa haatan lama garanayo sababta keentay inay bil iyo badh qaadato in la shaaciyo geerida hoggaamiyaha Daacish. Codka ay baahiyey ururka Daacish oo lagu baahiyey barta isgaadhsiinta ee Telegram ayaan xog badan lagaga bixinin hoggaamiyaha cusub ee kooxda, hase ahaatee afhayeenka kooxdaas ayaa codka uu soo duubay ugu baaqay xubnaha ururku inay bayco la galaan hoggaamiyaha cusub. Hoggaamiyihii Daacish ee al-Qurayshi ayaa ahaa shakhti aan wax badan laga aqoonin, wuxuuna hoggaanka kooxda Daacish la wareegay bishii February ee sannadkan, ka dib markii ay Maraykanku dileen hoggaamiyihii hore ee Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi. Waxaa la rumaysan yahay in magacyada ay qaateen labadan hoggaamiye inaanay ahayn kuwooda rasmiga ah. Source
-
(SLT-Riyadh)-Sucuudiga ayaa qorshaynaya inuu bisha December 9-keeda marti geliyo shir-madaxeed ay isugu imanayaan Shiinaha iyo dalalka Carabta, kaas oo la filayo inuu ka soo qaybgalo madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyeen illaa saddex diplomaasi oo Carbeed oo ku sugan gobolka oo xog badan ka haya qorshaha shirkan. Madaxweynaha Shiinaha ayaa la filayaa inuu Riyadh soo gaadho bisha December 7-deeda, waxaana safarka madaxweyne Xi Jinping uu ku soo beegmayaa xilli ay xiisadi ka dhex taagan tahay Maraykanka iyo Sucuudiga, taas oo salka ku haysa dhinaca Shidaalka iyo weliba walaaca ku saabsan saamaynta Shiinaha ee bariga dhexe oo sii kordhaysa. Waxaa marti-qaadyo loo diray hoggaamiyayaasha bariga dhexe iyo woqooyiga Afrika, si ay uga qayb galaan shir madaxeedka Shiinaha iyo Carabta, sida ay diblomaasiyiintu u sheegeen Reuters. Xafiiska warfaafinta ee Sucuudiga iyo Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Shiinaha oo loo diray fariimo wax lagaga weydiinayo safarka madaxweynaha Shiinaha iyo shir-madaxeedkan ayaan ka soo jawaabin. Weftiga Shiinaha ayaa la filayaa inay heshiisyo badan la galaan madaxda ka soo qaybgelaysa shirka, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhinaca Tamarta, ammaanka, iyo maalgashiga, sidaas waxaa sheegay qaar ka mida diblomaasiyiinta oo aan faahfaahin intaas ka badan bixinin. “Heerka metelaaddu wuxuu ku xidhnaan doonaa cidda uu dal waliba soo dirsado, iyo tirada hoggaamiyayaasha Carabta ee la filayo inay kulankaas ka soo qaybgalaan, waxaana la filayaa in dalalka qaarkood ay ugu yaraan soo diraan wasiiradooda arrimaha debedda” ayuu yidhi mid ka mida diplomaasiyiinta la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters. Reuters Source
-
Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay yeeshan oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Hamza Abdi Barre waxa ay ku ansixiyeen Siyaasadda Jaangoynta Mushaarka Iyo Darajooyinka Shaqaalaha rayidka ee Dowladda oo ay golaha hor keentay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshadda. Siyaasadda Jaangoynta Mushaarka Iyo Darajooyinka Shaqaalaha rayidka ee Dowladda waxa ay caawinaysaa xaqiijinta ujeedooyinka dawladda ee ku saabsan habka mushahar-bixinta iyo astaynta darajooyinka shaqaalaha rayidka ah. Baahida siyaasaddan hirigelinteeda keentay ayaa ah in laga guuro nidaamkii hore ee darajooyinka shaqaalaha ee ku saleysnaa kaliya heerka waxbarasho, loona guuro nidaam cusub oo ku saleysan baahiyada shaqo kasta oo dowladeed kuwaas oo ay ka mid tahay: aqoon, waayo aragnimo, xirfad iyo karti. Siyaasadda la meel mariyay ayaa meesha ka saareysa nidaamka hadda jira ee Darajada Shaqaalaha oo ku saleysan kaliya ‘Heer Waxbarasho’ balse aanan loo eegin heerarka kala duwan ee mas’uuliyadaha shaqooyinka la qabanayo. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirada DFS oo ansixiyay Siyaasada Jaangoynta Mushahaarka iyo Darajooyinka Shaqaalaha Rayidka ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska guud ee ciidamada howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika ayaa ka hadlay dhacdo Arbacadii shalay ka dhacday deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka, kadib markii ciidamadeeda ay baabuur jiirsiiyeen wiil dhalinyaro ahaa. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Faarax Fiidow ayaa xalay u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray shilkaasi. Qoraal kasoo baxay ATMIS ayaa waxa ay ku xaqiijisay jiritaanka dhacdadan waxayna sheegtay in wiilka dhalinyarada ah ee geeriyooday uu dhex maray labo gaari oo nuuca gaashaaman ah kadibna ay jiireen, xilli ay ku socdeen si xowli ah. ATMIS ayaa intaasi ku dartay in dadka deegaanka ay sameeyeen kacdoon, islamarkaana ay hor istaageen kolonyada, balse ma dambe lagu guuleystay in la qaboojiyo xiisadda, kadib wadahal dhex maray ATMIS iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose. “Qofka rayidka ah ee markii hore shilka ku dhaawacmay ayaa loola cararay isbitaalka, waxaana markii uu geeriyoonayay uu ku jiray daryeel caafimaad oo deg deg ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay taliska ATMIS. Sidoo kale waxa ay ATMIS tacsi u dirtay ehellada marxuumka, iyada oo sheegtay in haatan ay waddo baaritaano dheeraad ah oo ku aadan falkaasi. “Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska marxuumka, waxaana tan iyo xilligaas ay sameeyeen koox baaritaanno horudhac ah oo si dhow ula shaqeeya markhaatiyaasha, dowladda iyo maamullada maxalliga ah si ay u baaraan shilkan sida weyn looga xumaado,” ayaa marlale lagu yiri qoraalka. Inta badan ciidamada ka socdo Ururka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga gudaha dalka Soomaaliya ayaa dhibaatooyin kala duwan u geysta dadka shacabka ah. The post ATMIS oo war ka soo saartay dhacdadii ay ka geysatay Ceelasha Biyaha appeared first on Caasimada Online.
