Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka fakaraya inuu ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble u magacaabo safiirka Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta, waxaa sidaas ku warramay Africa Intelligence. Sida lagu sheegay warbixinta Africa Intelligence, Rooble ayaa dhowaanahan muhiim u ahaa xiriirka dowladda Xasan Sheekh iyo Imaaraadka Carabta. Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa soo celiyey xiriirka labada dal intii uu xilka hayey kadib markii uu xumaaday 2018-kii, xilligaas oo dowladda Farmaajo ay garoonka Aadan Cadde ku qabatay lacag dhan $9.6 milyan oo ay laheyd safaaradda Imaaraadka, taasi oo markii dambe uu dib u celiyey Rooble. Waxaa hadda uu Xasan Sheekh ku daray Rooble liiska magacyada shaqsiyaadka ay suurtagalka tahay in loo magacaabo safiirka Abu Dhabi, wuxuu wajahayaa loolan adag. Tan iyo bishii May, Rooble ayaa xiriirkiisa Imaaraadka wuxuu muhiim u ahaa Xasan Sheekh. Waxa uu ahaa shaqsigii u safray Abu Dhabi isaga oo wakiil ka ah madaxweynaha, si uu madaxweyne Mohamed bin Zayed al-Nahyan u gaarsiiyo tacsi kadib dhimashadii madaxweyne Sheikh Khalifa bin Zayed al-Nahyan. Warbixinta ayaa intaas ku dartay in madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, uu sidoo kale isna aad u riixayo in xilka safiirka loo magacaabo qaar ka mid ah shaqsiyaadka aadka ugu dhow. Puntland iyo Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir aad u dhow, ayada oo dekedda Boosaaso ay maamusho shirkadda P&O Ports, oo hoos tagta shirkadda Imaaraadka ee DP World. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka fakaraya inuu Rooble u magacaabo xil muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
  2. MOGADISHU - The World Health Organization (WHO) said Thursday it has in partnership with Somalia managed to keep the HIV/Aids prevalence in the country on a steady decline from above 1 percent in 2013 to 0.10 percent in 2022. Source: Hiiraan Online
  3. The United Nations had appealed for a record $41bln to provide life-saving assistance for 2022 and is due to launch its appeal for 2023 Source: Hiiraan Online
  4. The United Nations (UN) has appealed for record funds for aid next year, as the Ukraine war and other conflicts in Africa, climate emergencies and the still-simmering pandemic push more people into crisis and some towards famine. Source: Hiiraan Online
  5. Germany was knocked out of the 2022 World Cup on Thursday after a quite extraordinary finale to Group E, despite beating Costa Rica. Source: Hiiraan Online
  6. MOGADISHU, SOMALIA — Somali forces killed about 40 al-Shabab fighters in the Middle Shabelle region, the government said Thursday, the latest clashes in a monthslong offensive that aims to weaken the grip of the Islamist militant group. Source: Hiiraan Online
  7. MOGADISHU (Xinhua) -- The Global Fund to Fight AIDS, Tuberculosis and Malaria has committed 1.9 million U.S. dollars to Somalia in emergency funding to support health systems and communities faced with climate change disasters. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo guulo laga gaaray dagaalka furimaha, haddana khubarada dhanka ammaanka qaarkood ayaa is weydiinaya in dowladdu ay leedahay “Istaraatijiyad cad” oo ay kaga adkaaneyso Al-Shabaab. Maleyshiyaadka ka tirsan xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa todobaadkan gudaha u galay Hotel caan ah oo ku dhagan Madaxtooyada, halkaasi oo ay ku dileen 9 ruux. Bishii October, maleyshiyada ayaa laba qarax gaari oo waaweyn ku beegsatay isgoys mashquul badan oo ay ku dhinteen 121 qof in ka badan 330 kalena ay ku dhaawacmeen. Dadka dhaliilsan dowladda ayaa ku doodaya in maamulka Xasan Sheekh uu ku biiray dagaalka ka dib abaabulo dadka degaanka oo laga sameeyay gobolka Hiiraan oo ka dhan ah Al-Shabaab. Sidoo kale, magaalada Wabxo ee maamulka Galmudug, ayaa waxay Ciidamadu baneeyeen, ka dib markii ay muddo kooban qabsadeen. HirShabelle iyo Galmudug waa meelaha si iskood ah kacdoonka uga bilowday. “Haddii aad bilaabayso dagaal, waxay u baahan tahay istiraatijiyad cad, taas oo leh bar bilow iyo dhamaad,” ayuu yiri Ibraahim Macalin Cabdullaahi, taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka gobolka Banaadir. Ibraahim oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu intaas raaciyey: “Waxay u badan tahay in dowladda ku qasbanaatay in ay ku biirto dagaalka kadib abaabulka shacabka. Meelaha la geeyay waa in loo helo boolis iyo sirdoon.” Wasiirka gaashaandhigga Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa diiday fikradda ay dowladdu dagaalka Al-Shabaab ee ka soconaya qaybo kamid ah waddanka ay ku wajahday qorshe la’aan. “Waa qorshe dowladeed oo bilaawday, mana jiro dagaal aysan dowladdu qorsheynin ama aysan hoggaamin,” ayuu u sheegay Laanta Afka Soomaaliya ee VOA-da. “Ma jiraan wax kadis ah oo ku saabsan”. Saraakiisha difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in howlgallada hadda socda ay sare u qaadi doonaan marka ay dalka dib ugu soo laabtaan 5,000 oo askari oo kale oo lagu soo tababaray Eritrea, inkastoo aan weli waqti go’an loo qaban. The post DF oo beenisay aragti laga faafiyey kacdoonka shacabka appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo shalay xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dowladda Norway oo uu hogaaminayay Safiirka Norway ee Soomaaliya Danjire Haakon Svane, ayaa ballan-qaaday Soomaaliya oo laba arrin ka banaan. Waxaa safiirka ku wehlinayay kulankaan Ergeyga gaarka ah dowladda Norway uqaabilsan Arrimaha Soomaliya Heidi Johansen iyo Mr. Ole Lindeman, Safiirkii hore dowladda Norway ee dalka Afghanistan. Kulanka ayaa diirada lagu saaray xoojinta iyo sare uqaadida iskaashiga dowladda Soomaaliya iyo Norway, gaar ahaan dhinacyada la-dagaalanka kooxaha argigixisada ee caadeystay daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed. Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa wafdigaan uga warbixiyay sida ay wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ugu howlan tahay tiir kamid ah tiirarka ugu muhiimsan xukuumadda ee la xiriira dabargoynta kooxaha Khawaarijta. “Wasaaraddan waxay u taagan tahay ilaalinta qiyamka Islaamiga, kaasi oo na-faraya ciribtirka afkaaraha khawaarijtu kaga been sheegaan Diinteena Xaniifka ah, kuna baneeysteen dhiiga shacabka Soomaaliyeed, waxaan rabnaa in aan gaarsiino shacabka Soomaaliyeed, Soomaaliya oo nabad ah, ka maran cagajugleyn iyo cabsigelinta Argigixisada,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu la wadaagay wafdigan uu horkacayo Safiirka Norway qorshaha wasaaradiisa ee la-dagaalanka Al-Shabaab, wuxuuna yiri “Anagoo raaceyna jiheynta Madaxda Qaranka Wasaaraddu waxay dhamaan goboloda dalka ka howl-gelinaysaa Ducaad dadka ubayaanisa Diinteena Xaniifka ah, kuna hagta dhabaha toosan ee ay jidaysay Diinteena Islaamka”. “Hadafkeenu waa in dalkan laga ciribtiro argigixisada feker ahaan iyo ciidan ahaanba, waana sababta ay xukuumaddu uqaaday howl-galo isku-dubaridan oo cadowga dhankasta loogu naafeynayo”. Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Waxaan rabnaa in aan badbaadino dhaliyarada lagu marin habaabiyay afkaaraha qaldan ee ku dhisan dilka, isdilka iyo kaligii muslinimada, kuna hagno Nabada, walaaltinimada iyo is-jeceylka Islaamka, si ay uga soo laabtaan kooxaha Khawaarijta”. Safiirka iyo wafdigiisa ayaa wasiirka uga mahad-celiyey qaabilaadiisa, iyaga oo ku amaanay howlaha uqabsoomay wasaaradda intii uu joogay gaar ahaan qabashada shirweynihii Culimada Soomaaliyeed 24-29 Okotobar ee sanadkan. Waxay sheegeen in dowladda Norway ay garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, ayna dadaal weyna ka geysanayso howlaha hortabinta u leh dowladda Soomaaliya gaar ahaan dadaalada ay wado wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS ee ku aadan ciribtirka fekerka Xagjirka ah. The post Wasiir Roobow oo shacabka u ballan-qaaday Soomaaliya oo laba arrin ka maran appeared first on Caasimada Online.
  10. Tehran (Caasimada Online) – Nin Iranian ah ayaa waxaa toogasho ku dilay ciidamada ammaanka kadib markii uu u dabaaldegay guushii ay xulka Mareykanka ka gaareen dalkiisa, taasi oo ka reebtay Koobka Adduunka, waxaa sidaas Arbacadii sheegay kooxaha xuquuqda aadanaha. Xulka Mareykanka ayaa 1-0 kaga adkaaday xulka Iran habeenkii Talaadada, taasi oo dhalisay falcelino kala duwan oo ka kala yimid taageeraayasha rajiimka iyo kuwa kasoo horjeeda. Qaar badan ayaa diiday inay taageeraan xulka qaranka ayaga oo kaga jawaabaya howlgallada dhiigga uu ku daatay ee dowladda ay waddo kuwaas oo lagu joojinayo dibadbaxyada socda labada bil ee ka dhashay dilkii Mahsa Amini. Mehran Samak, oo ahaa 27 jir, ayaa la toogtay kadib markii uu yeeriyey hoonka baabuurkiisa isagaa dabaaldegaya, magaalada Bandar Anzali oo ku teedsan Badda Caspian, islamarkaana waqooyi galbeed ka xigta Tehran, sida ay sheegeen kooxaha xuquuqda aadanaha. Samak “waxaa si toos ah u beegsaday oo madaxa ka toogtay ciidamada ammaanka… kadib guuldarradii xulka qaranka ay kala kulmeen Mareykanka,” ayey tiri kooxda xuquuqda aadanaha Iran (IHR) ee fadhigeedu yahay Oslo. Sidoo kale Xarunta Xuquuqda Aadanaha Iran ee (CHRI) oo fahdigeedu yahay New York ayaa werisay in Samak ay dileen ciidamada ammaanka isaga oo u dabaaldegaya guusha Mareykanka. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta Iran oo ku aadan dhacdadan. Xiddiga qadka dhexe ee Iran Saeid Ezatolahi, oo cayaaray kulankii Mareykanka, islamarkaana kasoo jeeda magaalada Bandar Anzali, ayaa shaaca ka qaaday inuu garanayey Samak, wuxuuna baraha bulshada soo dhigay sawiro ay ku wada jiraan. “Kadib guuldarradii xanuunka badneyd ee xalay, warka ku saabsan geeridaada ayaa dab ku shiday qalbigeyga,” ayuu Instagram kusoo qoray Ezatolahi. Kama uusan hadlin xaaladda dhimashadiisa, balse wuxuu sheegay “maalin un daboolka wuu qaadmi doonaa, runtana way caddaan doontaa.” Wuxuu intaas ku daray “Tani ma ahan wax ay dhallinyaradeena u qalmaan. Tani ma ahan wax qarankeenu mudan yahay.” AFP The post Maxaa qabsaday ninkii reer IRAN ee u dabaaldegay guushii xulka Mareykanka? appeared first on Caasimada Online.
  11. Xooghaya Golaha Wakiiladda ayaa sheegey in aanu jirin Xeer lagu gali karo doorashadda ururadda. Komishankuna ay doorasho ku qaban karaan iney hayaan xeerkeedda, sidda doorashadda Madaxtoyadda, Baarlamanka iyo Golayaasha Degaanka. Halka xeerka doorashadda Madaxtoyadda oo ah mid dastuuriya oo miisaniyadeeni golaha laga ansixiyey. Komishankuna sheegeen iney ku qaban karaan 9 bilood gudahood. Taaso aaney jirin meel loo dhaafo. Beesha caalamka ay fahmeen xeerarka iyo qawaaninta inoo qoran. Hadaba madaxweynuhu meel uu qarjajac wax ku marin karaa ma jirtee sharciga ha usoo noqdo. Hon-Envoy Abdirizak Diinaari Qaran News
  12. MOGADISHU, Dec 1 (Reuters) – Somali forces killed about 40 al Shabaab fighters in the Middle Shabelle region, the government said on Thursday, the latest clashes in a months-long offensive that aims to weaken the grip of the Islamist militant group. Al Shabaab, an al Qaeda franchise that is seeking impose its interpretation of Islamic law across the country, frequently stages deadly attacks in the capital Mogadishu and elsewhere. On Sunday al Shabaab stormed a heavily guarded hotel near the president’s residence in Mogadishu, killing nine people. The government, supported by clan militias and African Union troops, says it has killed more than 600 members of al Shabaab and recaptured 68 settlements over the last three months, as part of concerted efforts to end the militants’ control over large portions of the Horn of Africa country. Al Shabaab’s restrictions on deliveries of international aid have compounded the impact of the worst drought in four decades, officials say, leaving Somalia on the brink of famine. Different sides often give conflicting accounts of clashes. “The security forces and our international allies killed around 40 al Shabaab fighters and wounded several others,” Somalia’s information ministry said in a statement. The ministry described it as a planned operation in a forest near the village of Ali Foldhere in Middle Shabelle on Wednesday night, but al Shabaab and one clan fighter said the fighting arose from an attack by the militants. Reporting by Abdi Sheikh and Feisal Omar; writing by Hereward Holland; editing by Mark Heinrich The post Somalia says around 40 al Shabaab fighters killed in clashes appeared first on Caasimada Online.
  13. Daynuunaay (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Gobalka Bay ayaa xaqiijinaya in galinkii danbe ee maanta uu dagaal cusub ka dhacay deegaanka Daynuunay oo fariisin ay ku leeyihiin ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Dagaalka wuxuu billowday markii kooxda Al-Shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisimaha ciidanka, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac kasoo gaaray iska hor-imaadka. Ciidanka Dowladda ayaa illaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ka dhaawacmeen saddex askari. Kooxda Al-Shabab ayaa iyana la rumaysan yahay inuu khasaare dhankooda kasoo gaaray dagaalka, inkastoo aan si rasmi ah loo ogayn tirada khasaaraha soo gaaray . Goobjoogayaal madax-banan oo Daynuunay ku sugan ayaa xaqiijinaya in ciidanka Dowladda ay ka baxeen xerada, waxaana gacan ku haynta goobta la wareegtay kooxda Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan ciidanka malatariga qaybta 60-aad, oo aan la xiriirnay, ayaa dansaday taleefoonada sababo aan la ogayn. Dagaalka wuxuu joogsaday markii uu gabalka dhacay inkastoo mararka qaar la maqlayey rasaas goos goos ah. Kooxda Al-Shabaab ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxay isku uruursanayeen duleedka deegaanka Daynuunay, lamana oga inay ka baxayaan xerada Daynuunay iyo inay sii joogayaan. Ciidanka Dowladda ayaa wada dadaallo ay dib ugu laabanayaan fariisinka xerada Daynuunay. The post DAGAAL culus oo galabta ka dhacay xerada Daynuunaay – Yaa la wareegay? appeared first on Caasimada Online.
  14. Somalia’s intelligence chief faces tough questions about his future in the wake of a bloody complex attack on a hotel close to the country’s presidential palace on Sunday, which killed over a dozen people and injured many others. The attack, the third in over two months, was claimed by the al-Shabab militant group, which faces military pressure across the country amid ongoing tribal uprisings that have driven it out of the significant ground in recent months has shocked the Horn of Africa nation which recovering from decades of civil unrest. On early Tuesday, a team of military investigators tasked to investigate the latest attack have questioned Mahad Salad, the Somali intelligence chief who had subsequently pushed back questions over the recent attacks, a rare attempt for an accountability. The probe, ordered by President Hassan Sheikh Mohamud, whose administration fended off criticism over the attacks, including the devastating double bombings in the Somali capital’s Zobe business district in October that killed at least 150 people, is expected to submit a comprehensive report from their findings within a couple of weeks. Publicly, the latest attack has put the spotlight squarely on the Somali spy chief who is responsible for coordinating intelligence gathering between security agencies. Mr. Salad’s often tumultuous tenure as director of national intelligence was marked by frequent clashes with other senior intelligence and security officials that saw several officers arrested while others were dismissed as a result. But speculation was rife that Mr. Salad, a close ally, and long-time political warrior of President Hassan Sheikh Mohamud, could be forced to resign amid growing criticism by officials and politicians over a ‘systematic intelligence failure’ by the National Security and Intelligence Agency (NISA) to prevent the recent attacks that preceded subsequent security threat alerts. The critical and seemingly unlikely location hit by al-Shabab appears to have taken officials by surprise while signaling that the group, despite having lost a significant ground, is gaining attacks coordination strength, morale, and hence expansion of its reach. As security forces battled over 20 hours to end a siege by six militants, questions immediately arose over what measures security forces had taken to prevent another such attack. Reports also emerged that Somali authorities were warned about lax security around the highly fortified presidential palace before the latest attack was carried out. Al-Shabab has long found vital institutions, such as the hilltop state house favorite target, taking advantage of any perceived lax security measures in place in and outside protective barriers across the supposedly secure area dotted with closely-erected checkpoints. The well-coordinated and audacious attacks, which highlighted al-Shabab’s strength, also underscored the weaknesses of the Somali security forces. According to security experts, the terrorist group employs such attacks as a signal of power and demonstrate that the ongoing campaign against them failed to diminish its ability to humiliate the government with brazen retaliatory attacks. It is also seen as an indication that it’s still able to virtually operate unchecked. “They are sending a message to the population that they still retain a strong presence and can strike at will while under attack,” said Ahmed Abdi, a Somali security expert of al-Shabab’s recent attack. “More of a gesture to their supporters that they are a force to reckon with, too.” To the surprise of President Hassan Sheikh Mohamud, the attackers, who were allegedly traveling in a military pickup, drove through five checkpoints unhindered before reaching their target location, raising suspicions of potential involvements by senior officials in the attack coordination, prompting the arrests of soldiers and junior security officers in relation to the attack. The arrests also several affected officials accused of lapses that contributed to the deaths of many people. The assault, closely watched by local and international experts, has rattled some foreign diplomats in the Somali capital who have reportedly begun preparing contingency plans for emergency evacuations in the wake of the latest attack amid safety concerns. The increased pressure on Mogadishu by militants, which has seen a spike in deadly attacks on the government and civilian targets, has further increased pressure on the government amid growing demands for the resignation of the intelligence chief who was criticized for missing or ignoring prior threat alert warnings about the three latest attacks. Since he took office seven months ago, the Somali intelligence chief Mahad Salad, one of the president’s closest and staunch allies, was subsequently blamed for lacking mastery of the security tradecraft and providing inadequate briefings that often turned out to be inaccurate, a scenario that some officials believe prevented security agencies from preventing militants attacks. The post Somalia’s intelligence chief on the spotlight amid escalating terror attacks appeared first on Caasimada Online.
  15. Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa dib ugu magacowday Sheekh Yuusuf Ciise Kaba Kutukade inuu noqdo guddoomiyaha kooxdaas u qaabilsan gobolka Shabeellaha Dhexe, xilli dagaal xooggan uu kaga furan yahay. Yuusuf Kaba Kutukade ayaa lagu magacaabay munaasabd ka dhacday degmada Aadan Yaabaal, oo ah xarunta ugu weyn ee Al-Shabaab ay ku leeyihiin HirShabeelle, sida lagu sheegay qoraal ay baahisay warbaahinta kooxda. Xilkan ayaa waxaa horay u hayay oo laga wareejiyay Sheekh Abuu Cabaas. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid Al-Shabaab ay kaga dan leedahay inay isaga yareyso cadaadiska xooggan ee ay kala kulmeyso beelaha gobolka Shabeellaha Dhexe, maadama Kaba Kutukade uu kasoo jeedo beesha Abgaal. Dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa rumeysan in Al-Shabaab ay rumeysan tahay in haddii gobolka lagu magacaabo qof beel ahaan kasoo jeeda, ay dadka qaar ku qanci karaan inaysan hubka qaadan, balse taasi aanay dhici doonin. Kooxda ayaa bilihii dhowaa laga qabsaday deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, waxaana hadda la qorsheynayaa dagaal xooggan oo looga saaro degmada Aadan Yabaal. Al-Shabaab ayaa laga soo xigtay inuu Sheekh Yuusuf Kaba Kutukade uu isla maanta hoggaaminayey weerarkii ka dhacay degaanka Huurweyne ee duleedka Nuur Dugle. The post Al-Shabaab oo Sheekh Kaba Kutukade u magacowday xil qorshe fog laga leeyahay appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay munaasabad ku saabsan dib u habeynta Xafiisyada Madaxtooyada ayaa dhagax dhigay dib u dhis casri ah oo lagu sameynayo Madaxtooyada. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qorsheyaasha ugu muhiimsan dowladdiisa ay ugu horreeyaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, dib u habeynta xarummaha iyo hannaanka Hay’adaha dowladda iyo hirgelinta ku dhaqanka shuruucda dalka, taas oo aas-aas u ah dowlad Soomaaliyeed oo ay ku kalsoon yihiin shacabkeedu, gudan kartana waajibaadkeeda. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey dowladda, shacabka Turkiga iyo shirkada Albayrak sida ay gacanta uga geysanayaan dib u casriyeynta Xafiisyada Madaxtooyada, iyaga oo mar walba garab istaag iyo taageero u muujiya dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa xusay dhabar adaygga iyo kartida dadka Soomaaliyeed iyo sida aysan u niyad jabinayn ficillada gurracan ee ay soo maleegaan argagixisadu, waxa uuna xaqiijiyey in gacan dalka lagaga cirib tiri doono arxan-laaweyaashaas, gacanta kalena lagu horumarinayo dowladnimada. Munaasibadda dhagax-dhigga Madaxtooyada cusub ee dalka waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya iyo Madaxa shirka Albayrak. The post Sawirro: Madaxtooyada Soomaaliya oo loo dhisayo dhisme cusub oo casri ah appeared first on Caasimada Online.
  17. Mogadishu (HOL) - At least 40 al Shabab militants were killed in a joint operation in the Middle Shabelle region conducted by the Somali government forces and international partners. Source: Hiiraan Online
  18. Mogadishu (HOL) - African Union Transition Mission in Somalia ATMIS killed a civilian at Elasha Biyaha in the Lower Shabelle region after an apparent road accident involving two armoured vehicles. Source: Hiiraan Online
  19. Ciidamada Ammaanka dalka Turkiga ayaa xasbiga dhigay muwaadin Soomaaliyeed oo bartiisa TikTok ku baahiyay muuqaalka isaga oo jeex-jeexaya lacagta waddankaas, taas oo ay dowladda Turkiga aad uga cadhootay. Muwaadinka Soomaaliga ah oo heysta dhalashada dalka Finland ayaa muuqaalka uu iska soo duubay wuxuu si weyn ugu baahay baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, waxaana tallaabada uu qaado ay baqdin ku abuurtay dadka kale ee Soomaalida oo ka cabsi qaba in uu saameyn ku yeesho noloshooda. Muuqaalka ayaa sidoo kale ka cadheysiiyey shacabka Turkiga oo falka uu ninkaas sameeyey u arkay xushmad darro lagula kacay dalkood iyo lacagtooda. Saraakiil ka tirsan laamaha amniga dalka Turkiga ayaa sheegay in ninkaas ay baadhitaan ku hayaan maskax ahaan, waxaana macquul ah in dhawaan maxkamad la soo taago, islamarkaana lagu rido xukun xabsi ah. Toddobaadyo ka hor ayay ahayd markii haweeney Soomaali ah oo ku sugan dalka Turkiga ay difaacday haweeney Suuriyaan ah oo loo xidhay qaraxii ka dhacay magaalada Istanbul oo ay ku dhinteen lixda qof, taasi oo sidoo kale cadho ka dhalisay dalkaas. Warbaahinta adduunka ayaa soo qaadatay muuqal ay haweeneyda ku faafisay baraha bulshada, iyadoo sheegaysa in haweeneyda la xidhay aanay iyadu falka ku lug lahayn. Source
  20. Nin Iranian ah ayaa waxaa toogasho ku dilay ciidamada ammaanka kadib markii uu u dabaaldegay guushii ay xulka Mareykanka ka gaadheen dalkiisa, taasi oo ka reebtay Koobka Adduunka, waxaa sidaas Arbacadii sheegay kooxaha xuquuqda aadanaha. Xulka Mareykanka ayaa 1-0 kaga adkaaday xulka Iran habeenkii salaasad. Mehran Samak, oo ahaa 27 jir, ayaa la toogtay kadib markii uu yeedhiyey hoonka baabuurkiisa isagaa dabaaldegaya, magaalada Bandar Anzali oo ku teedsan Badda Caspian, islamarkaana waqooyi galbeed ka xigta Tehran, sida ay sheegeen kooxaha xuquuqda aadanaha. Samak “waxaa si toos ah u beegsaday oo madaxa ka toogtay ciidamada ammaanka… kadib guuldarradii xulka qaranka ay kala kulmeen Mareykanka,” ayey tidhi kooxda xuquuqda aadanaha Iran (IHR) ee fadhigeedu yahay Oslo. Sidoo kale Xarunta Xuquuqda Aadanaha Iran ee (CHRI) oo fadhdigeedu yahay New York ayaa werisay in Samak ay dileen ciidamada ammaanka isaga oo u dabaaldegaya guusha Mareykanka. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta Iran oo ku saabsan dhacdadan. Xiddiga khadka dhexe ee Iran Saeid Ezatolahi, oo cayaaray kulankii Mareykanka, islamarkaana kasoo jeeda magaalada Bandar Anzali, ayaa shaaca ka qaaday inuu garanayey Samak, wuxuuna baraha bulshada soo dhigay sawiro ay ku wada jiraan. “Kadib guuldarradii xanuunka badneyd ee xalay, warka ku saabsan geeridaada ayaa dab ku shiday qalbigeyga,” ayuu Instagram kusoo qoray Ezatolahi. Kama hadlin xaaladda dhimashadiisa, balse wuxuu sheegay “maalin un daboolka wuu qaadmi doonaa, runtana way caddaan doontaa.” Wuxuu intaas ku daray “Tani ma ahan wax ay dhallinyaradeena u qalmaan. Tani ma ahan wax qarankeenu mudan yahay.” AFP Source