-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wararka naga soo gaarayo deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in kooxa hubaysan ay habeennimadii xalay ku dileen deegaanka mid kamid ah ganacsatada ugu caansan Ceelasha Biyaha. Ganacsadaha ladilay oo lagu magacaabi jiray Nabaddoon Cabdiraxaam Axmed oo ku magac dheera Sheekeeye ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyay koox ku lebisan dareeska ciidanka oo doonayay in ay xilligaasi dhac u gaystaan, balse muran dhex maray kadib ay rasaas ku fureen marxuumka. Sheekeeye ayaa kamid ahaa dadka sida wayn looga yaqaano deegaanka Ceelasha biyaha, waxaana xilliga la dilayay uu ka soo baxay masjid uu ku soo tukaday salaadda. Kooxda dilka gaysatay ayaa isaga baxsatay goobta dilka kadib, waxaana ciidamada dowladda oo gaaray goobta uu dilka ka dhacay ay sameeyeen baaritaanno, mana jirto cid illa iyo hadda loo soo xiray dhacdadaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka oo shalay gaaray magaalada Galkacyo ayaa lagu soo warmaya in ay magaalada iyo deegaannada hoostaga gobalka Mudug ka bilaabeen hawlgallo ka dhan ah ururka alshabaab. Saraakiisha ciidamada hoggaaminaysay ayaa sheegtay in ay ciidamada ay gobalka Mudug u yimaadeen sidii ay Al-shabaab uga saari lahaayen deegaannada ay kaga sugan yihiin. Ciidamadaan oo ka tirsan kuwa xoogga dalka ayaa waxaa magaalada Galkacyo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka Galmudug. Odayaasha dhaqanka, Waxgaradka iyo bulshada gobalka ayaa dhankooda soo dhaweeyay hawlgallada ka dhanka ah ururka alshabaab ee ciidamada ay ka bilaabeen gobalka Mudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasmada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa waddanka Ingiriiska ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan dhismaha dowladdiisa, gaar ahaan magacaabiistii Wasiir Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur). Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay faahfaahin dheeraad ah ka soo baxiyey sababta uu Roobow ugu soo daray dowladda federaalka, kaas oo hadda ah Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa The Guardian u sheegay inuu aaminsan yahay in Mukhtaar Roobow uu ku qancin saaxibadiisii hore inay kasoo baxaan kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedka ka dambeeya arrintaan uu yahay in Al-Shabaab la tuso in aan la bahdili doonin ama la dhibaateyn doonin, haddii ay kasoo goostaan kooxda. “Waxaan rabnaa inaan tusno hoggaanka Al-Shabaab in haddii ay isa soo dhiibaan aan la bahdilin doonin, aan si xun loola dhaqmin,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in muhiimaddu ay tahay Al-Shabaab lagala dagaalamo xagga fikirka, si loogu dhiirageliyo dhalinyaro dhalinyada ku jirta inay isaga soo baxaaan. Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo horey uga mid ahaan jiray hoggaamiyeyaasha kooxda Al-Shabaab ayaa 2017 isku soo dhiibay dowladda federaalka, wuxuuna kadib isku sharraxay xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana isaga oo musharrax ah laga soo xiray magaalada Baydhabo, kadibna loo soo gudbiyey magaalada Muqdisho oo lagu xiray. Magacaabista Roobow oo ku soo baxay liiska Golaha Wasiirada ee Ra’iisul wasaare Xamza ayaa la yaab ku noqotay dad badan oo Soomaaliyeed, maadaama isaga oo maxbuus ahaa uu mar qura isku beddalay Wasiir ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. The post Madaxweyne Xasan oo shaaciyey sababta uu Roobow ugu soo daray DF appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka naga soo gaayo deegaanka Aadan Yabaal ee gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in uu dagaal xooggan ka socda deegaan hoostaga degmada Aadan Yabaal. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda oo kaa shanaya kuwa dadka deegaanka ay weerar dhulka iyo cirka ah ku qaadeen deegaan lagu mahacaabo Juxay oo hoostaga deegaanka Guulane ee degmada Aadan Yabaal. Deegaanka Juxay ayaa 20km u jira deegaanka Guulane ee degmada Aadan Yabaal, waxaana wararka ay sheegayaan in uu jiro khasaaro kala duwan oo ka dhashay dagaalka. Ururka Al-shabaab ayaa isaga baxay degmada Aadan Yabaal ee gobalka Shabeellaha Dhexe, waxaana kaabiga ku haya degmada ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowladda Maraykanka ayaa liiska argagixisada caalamiga ah ku dartay Qari Amjad oo loo yaqaanno Mufti Muzahim, oo ah ku xigeenka amiirka kooxda Tehreek-e-Taliban Pakistan ee dalka Pakistan iyo saddex hoggaamiye oo kale oo ka tirsan ururka xagjirka ah ee Al-Qaacidda oo iyagana lagu dhawaaqay in liiskan lagu soo daray. War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in afartan qof lagu daray liiskan sababo la xidhiidha dhaq-dhaqaaqyo ay ka wadaan gudaha ururradooda argagixisada ah. Saddexda hoggaamiye ee ka tirsan Al-Qaacidda, ayaa magacayadooda lagu sheegay Osama Maxamed, Atif Yaxya Ghori iyo Muxumed Maruf. War saxaafadeedka ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee arrintan la xidhiidha ayaa waxaa lagu sheegay in Mareykanka uu adeegsan doono dhammaan awoodihiisa la dagaallanka argagixisada si meesha looga saaro dhammaan isku dayga argagixisada ee Afghanistan. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanka aanu marnaba oggolaan doonin in Afgaanistaan mar kale loo adeegsado goob saldhig u ah argagaxiso. Ka dib markii uu go’aankan soo baxay, afhayeenka ururka la mamnuucay ee Tehreek-e-Taliban Pakistan ayaa muujiyay ‘in ay ka xun yihiin’ tallaabadaan waxayna sheegeen in ururkoodu uu si cad ugu sheegay Pakistan iyo Mareykanka iyo xoogagga kale in ay u dagaallamayaan qiyam diimeed iyo mid qaran, kaas oo aan lahayn ajande kale. Source
-
Cilmi-baadhayaal u dhashay dalka Canada (Kanada) kana tirsan jaamacdda “University of Alberta” ee gobolka Calgary ayaa shaaca ka qaaday inay ka heleen laba macdanood oo aan hore dhulka loogu arag muunad (sample) dhagax dhan 70-gram oo laga soo qaaday cirkasoodhac (meteorite) laga helay miyiga Soomaaliya. Dadka dhagaxyada qaaliga ah baadiggooba ayaa Sebtembar 2019 aqoonsaday dhagax cajiibka ah, kaddibna u diray gabal ka mid ah dalka Kenya si loo baadho. Haseyeeshee, sheekada dhagaxa dhifka ah ayaa sii fiday kaddib markii saraakiisha amniga Dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen. Cirkasoodhacyo samada kore maalin kasta ayay meel kaga dhacaan dhulka, inkastoo waxa toboneeya tan ka badan ay dhif yihiin. Badanaaba waa dhagax u eg kuwa dhulka amaseba waa wax ka kooban bir iyo birlab soo jiidata birta (Magnetic). Cirkasoocyada weli lama hayo cid dhaqaale ahaan ka faa’iidday, waxayse leeyihiin ahamiyad cilmiyeed oo wax ka sheegi kara waxa ay merayaasha iyo xiddigayadaba ka samaysan yihiin. Dooxada Ceel Cali oo ka tirsan maamul-goboleedka Hirshabeele ayaa laga helay cirkasoodhaca cajiibka ah. Ceelku waxuu Muqdisho ka xigaa dhanka waqooyi, masaafo dhan 200 kilomitir. Inkastoo dhagaxa uu soo gaadhay cilmi-baadhayaasha laba sanno ka hor (2020), haddana suugaanta deegaanka ayaa muujinaysa inuu ka fac weyn yahay shan jiil. Xoola dhaqatada dooxada Ceel Cali ayaa dhagaxa oo ka sameysan 90% bir iyo birlab (iron and nickel), u isticmaala mindi afeysi. Dhagaxa oo culayskiisa lagu qiyaasay 16.5 tan ayaa ah cirkasoodhicii sagaalaad ee ugu weynaa ee abid la helo. Culamada adduunka ayaa rumaysan in cirkasoodhacyada ay yihiin waxyaabo ka badbaaday dhexmarka jawiga dhulka oo in yarna uun ka soo gaadhaan dhulka. Baadhista ayaa waxaa kaloo lagu helay macdan seddaxaad oo aan la aqoon, balse dib loo eegayo. In la aqoonsado labada macdan ee hore waxaa suurtogeliyay culumo Faransiis ah oo 80yadii farsameeyay maado aan dabiici ahayn balse u dhaw macdanta (mineral) cusub. Mar kasta oo la helo walxo (iskudhis kiimikeed) cusub oo aan hore loo aqoon, cilmi-baadhayaashu waxay danayaan anfacooda bulshada, ayuu warsaxaafadeed ku yidhi Prof. Chris Herd oo ka tirsan “Department of Earth and Atmospheric Sciences” ahna ilaaliyaha kaydka cir ka soo dhacyada jamacadda Alberta. Macdanaha (Minerals)oo loo bixiyay “elaliite and elkinstantonite” ayaa waxaa loogu kala magacdaray goobtii laga helay (El Ali) iyo Prof. Lindy Elkins-Tanton oo ka tirsan Arizona State University’s School of Earth and Space Exploration. Lindy oo khabiirada NASA ka mid ah ayaa shaqo badan ka qabatay sida xudunta meerayaasha u hawlgalaan. Prof. Herd oo la tashigiisii Dr. Andrew Locock oo maamula “electronic microprobe lab”-ka jaamacadda kana mid ahaa khubaro ku lug lahayd sifaynta (descriptions) macdano kale oo aan hore loo aqoon ayaa yidhi, “Haddii la heli lahaa muunado intaa ka badan waxaa laga yaabi lahaa in la helo macdano kale”. Suuraggal maaha in la ogaado qiimaha dhagaxa, balse Prof. Herd oo in ku dhaw toban sannadood la weydiisanayay inuu kala soocdo dhagaxyada cir ka soo dheca ayaa sheegay inay heleen war sheegaya in dalka Shiinaha looga raadinayo iibsadayaal. Dadaalka lagu helay macdanta cusub waxaa ka qaybgalay jaamacadaha Mareykanka ee UCLA – University of California – Los Angeles iyo California Institute of Technology. Cilmi-baadhayaasha ma sheegin cidda la soo xidhiidhay, balse Jaamacdda “University of Alberta” ayaa caan ku ah kala sooca dhagaxyada cir ka soo dhaca. Natiijooyinka cilmi-baadhista ayaa November 21 ilaa 22, 2022 lagu soo bandhigay carwada jawiga ee jaamacada Alberta “university’s Space Exploration Symposium”. Inkastoo, aan la hubin mustaqbalka haddana macdanta cusub waxa ay noqotay wax lala yaabo oo u muuqata in dunida ay aad danaynayso. Source
-
Kenya will allocate land to South Sudan for construction of a dry port in Mombasa, President William Ruto has said. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil ay rag hubeysan deegaanka Ceelasha Biyaha ugu geysteen ganacsade lagau magacaabi jiray Cabdiraxmaan Sheekeeye, kaas oo si weyn looga yaqaanay duleedka Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in ragga dilka geystay ay ahaayeen burcad dooneysay inay taleefoonka ka dhacaan marxuumka, kuwaas oo goobta ka baxsaday. Dad goobjoogayaal ah ayaa innoo sheegay in marxuumka iyo kooxda dishay ay murmeen, kadibna ay ku dhufteen dhowr xabadood, iyaga oo meesha isaga cararay. Ganacsade Cabdiraxmaan Sheekeeye oo ay tacsidiisu si weyn u qabsatay baraha bulshada ayaa xilliga la dilayey kasoo baxay Masaajid ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, kuwaas oo maydka kasoo qaaday goobta, islamarkaana keenay Xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka deegaanka oo ku aadan dhacdadaasi. Dilkan ayaa qayb ka noqonaya falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey ka dhacayey Muqdisho iyo daafaheeda, kuwaas oo ay cabasho ka muujinayaan shacabka The post Ganacsade Cabdiraxmaan Sheekeeye oo lagu dilay duleedka MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Norway Anne Beathe Tvinnereim. Kulanka Ra’iisul Wasaare Xamse iyo wasiir Anne Beathe Tvinnereim ayaa looga hadlay xoojinta xariirka labada dowladood iskaashiga labada waddan, gaar ahaan taageerada Norway ee isku filnaanshaha xagga cunnada, isbedelka cimilada, horumarinta dhaqaalaha iyo xasilinta dalka. Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Norway Anne Beathe Tvinnereim ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celisay qaabilaadda, iyada oo intaa sheegtay in dowladda Norway ay ka go’antahay joogteynta taageerada ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dowladda Norway uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee dhinacyada badan ee ay la garab taaganyihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay Horumarinta Caalamiga ah ee Norway appeared first on Puntland Post.
-
For most of 17-year-old Katra’s* life, school has been a distant dream. Born with a physical disability that impacted her legs, Katra wasn’t allowed to leave her family home in Burao, Somaliland because of the stigma around disability in her community. That meant no trips to the market, no visits with friends – and certainly no chance of attending school. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa maanta oo Axad ku wajahan magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa safar maalmo kooban ah ku tegi doona Muqdisho sida ay wararku xaqiijinayaan. Wararka ayaa sheegaya in Madaxwene Xasan Sheekh uu u yeeray Siciid Deni islamarkaana ay kulan gaar ah ku yeelan doonaan Villa Somalia. Kulanka labada dhinac ayaa sida xogo hoose tilmaamayaan waxaa looga hadli doonaa fulinta ballamo hore oo lala galay Siciid Deni. Madaxweynaha Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay si dadban u hakiyay xiriirka Villa Somalia oo uu ku eedeeyay ballan-ka-bax. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale la sheegay in uu mooshino ka dhex abaabulayay Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo maanta ku wajahan Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
WATCH: Argentina beats Australia, 2-1: World Cup highlights
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
WATCH: Argentina beats Australia, 2-1: World Cup highlights Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa inuu maanta soo gaaro magaalada Muqdisho, sida ay ilo-wareedyo u xaqiijiyeen Caasimada Online. Sida aan xogta ku helnay safarkan, oo uu Deni kaga jawaabayo casuumad uga timid madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayey aheyd inuu shalay ku yimaado Muqdisho, balse wuuu baaqday. Safarka Deni ayaa ka dambeeyey kadib markii madaxweynaha Puntland uu shirkii Khamiista ee golaha wasiirada Puntland aad ugu dhaleeceeyey siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh uu ku wado dalka. Waxa uu sidoo kale weeraray ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Deni ayaa golihiisa wasiirada kula dardaarmey inaysan jiri doonin wax wada shaqeyn ah oo ay la yeelanayaan dowladda federaalka, tan iyo inta uu wax meel la dhigaayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Khilaafkan ayaa salka ku haya magacaabidda saraakiil hoggaamin lahayd amniga ciidamada dowladda federaalka oo ka soo jeeda Puntland, waxaana Deni uu ku doodayaa in la qaato kuwa isagu ku taliyo, intii dowladda federaalka ay Puntland ka xulan laheyd cidda ay doonto. Ma cadda waxa madaxweyne Deni uu ka helaayo taliyeyaal amniga loo magacaabayo oo aan siyaasadda ku jirin. Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowaan ka baaqdey safar uu ku tegi lahaa magaalada Boosaaso, oo laga sameeyey saldhig ciidan oo Imaaraadka Carabta ay hor boodayaan, mana cadda in baaqashadaas ay xiriir la leedahay khilaafka labada dhinac. Saciid Deni ayaa ka caraysnaa madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii uu xilka ra’iisul wasaaraha dhaafsiiyey Puntland, oo uu magacaabay Xamza Cabdi Barre. Si kastaba, khilaafkaas ayaa la sheegay in markii dambe la xaliyey kadib markii wiil uu dhalay Deni xil laga siiyey dowladda federaalka, sidoo kalena xilal kale loogu daray, balse sida muuqata Deni wuxuu doonayaa xilal kale oo dheeri ah. The post Xog: Deni oo maanta kusoo wajahan Muqdisho kadib markii uu weeraray Xasan appeared first on Caasimada Online.
-
Somali forces liberate several village in Hirshabelle state
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) - Somali government forces backed by local clan militia forces recaptured several villages in Hiiraan and Middle Shabelle regions under Hirshabelle regional state on Saturday. Source: Hiiraan Online -
Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ayaa la filayaa inay maanta qabsadaan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay hareereeyeen haddii aanay wax isbeddeli. Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaray degmada ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay ka carareen kadib markii ciidamada dowladda ay aad ugu soo dhowaadeen. Ciidamada dowladda iyo shacabka, oo ka kala ruqaansaday deegaanada Ceelbaraf iyo Masaajid Cali Gaduud, ayaa horey cagta u sii mariyay fariisimihii maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanada Mabaax, Guulane iyo Daarusalaam. Ciidamada ayuu dagaal culus ku qabsaday deegaanka Mabaax, inkastoo ay markii dambe u suurtagashay inay jiiraan kooxihii argagixisada. Korneyl Saney Cabdulle Gaab, Taliyaha Guutada 4-aad ee Qaybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ciidamadu ay hadda kaabiga ku hayaan degmadaasi. Korneyl Saney oo Radio Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in Aadan Yabaal ay saacadaha soo socdo soo geli doonto gacanta qaranka. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Taliska Ciidamada Mareykanka iyo Turkiga ee fadhigoodu yahay caasimadda Muqdisho ay aqbaleen in ay dhanka cirka laga garaaco difaacyada Al-Shabaab, taasi oo Shabaabka ku qasabtay inay baxsadaan Shabaabka ayaa Aadan Yabaal ku lahaa saldhiggooda ugu weyn ee Gobolka Shabellaha Dhexe, waana meesha ugu dambeysa ee ay kaga sugan yihiin gobolka. The post Wararkii ugu dambeeyey ee degmada Aadan Yabaal oo qarka u saaran in la xoreeyo appeared first on Caasimada Online.
-
Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamadda Qalabka sida ayaa maanta xukun dil toogasha ah ku riday askari ka tirsan ciidanka dowladda oo hore u dilay nin Darawal ahaa. Gacan ku dhiiglaha dilka lagu xukumay oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Caddow Ciise Maxamed ayaa loo heystaa dilka Marxuum Saylax Cabdulle Axmed oo todobaadkii hore uu ku dilay isbaaro taalla degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe. Dhageysiga kiiskan ayaa shalay ka bilowday xarunta maxkanadda, iyadoona isla maanta xukunkaasi dilka ah lagu riday, iyadoo maxkamada ay joogeen markhaatiyaal goob joog ka ahaa xiliga falka dilka ah uu dhacayay iyo ehelada labada dhinac. Si kastaba, Ninka xukunka dilka ah lagu riday ayaa dhanka kale maxkamada ka hor sheegay in Balcad ilaa Muqdisho oo ah qiyaastii 40KM ay taalo ilaaa11 Isbaaro sharci darra ah. PUNTLAND POST The post Askari qof rayid ah ku dilay isbaaro oo dil toogasho ah lagu xukumay appeared first on Puntland Post.
-
Cilmi-baarayaal u dhashay dalka Canada (Kanada) kana tirsan jaamacdda “University of Alberta” ee gobolka Calgary ayaa shaaca ka qaaday inay ka heleen laba macdan oo aan hore dhulka loogu arag muunad (sample) dhagax dhan 70-gram oo laga soo qaaday cirkasoodhac (meteorite) laga helay miyiga Soomaaliya. Dadka dhagaxyada qaaliga ah baadiggooba ayaa Sebtembar 2019 aqoonsaday dhagax cajiibka ah, kaddibna u diray gabal ka mid ah dalka Kenya si loo baaro. Haseyeeshee, sheekada dhagaxa dhifka ah ayaa sii fiday kaddib markii saraakiisha amniga Dowladda Federaalka ah (DFS) ay gacanta ku dhigeen. Cirkasoodhacyo samada kore maalin kasta ayay meel kaga dhacaan dhulka, inkastoo waxa toboneeya tan ka badan ay dhif yihiin. Badanaaba waa dhagax u eg kuwa dhulka amaseba waa wax ka kooban bir iyo birlab soo jiidata birta (Magnetic). Cirkasoocyada weli lama hayo cid dhaqaale ahaan ka faa’iidday, waxayse leeyihiin ahamiyad cilmiyeed oo wax ka sheegi kara waxa ay merayaasha iyo xiddigayadaba ka samaysan yihiin. Dooxada Ceel Cali oo ka tirsan maamul-goboleedka Hirshabeele ayaa laga helay cirkasoodhaca cajiibka ah. Ceelku waxuu Muqdisho ka xigaa dhanka waqooyi, masaafo dhan 200 kilomitir. Inkastoo dhagaxa uu soo gaaray cilmi-baarayaasha laba sano ka hor (2020), haddana suugaanta deegaanka ayaa muujinaysa inuu ka fac weyn yahay shan jiil. Xoola dhaqatada dooxada Ceel Cali ayaa dhagaxa oo ka sameysan 90% bir iyo birlab (iron and nickel), u isticmaala mindi afeysi. Dhagaxa oo culayskiisa lagu qiyaasay 16.5 tan ayaa ah cirkasoodhicii sagaalaad ee ugu weynaa ee abid la helo. Culamada adduunka ayaa rumaysan in cirkasoodhacyada ay yihiin waxyaabo ka badbaaday dhexmarka jawiga dhulka oo in yarna uun ka soo gaaraan dhulka. Baarista ayaa waxaa kaloo lagu helay macdan seddaxaad oo aan la aqoon, balse dib loo eegayo. In la aqoonsado labada macdan ee hore waxaa suurtogeliyay culumo Faransiis ah oo 80yadii farsameeyay maado aan dabiici ahayn balse u dhaw macdanta (mineral) cusub. Mar kasta oo la helo walxo (iskudhis kiimikeed) cusub oo aan hore loo aqoon, cilmi-baarayaashu waxay danayaan anfacooda bulshada, ayuu warsaxaafadeed ku yiri Prof. Chris Herd oo ka tirsan “Department of Earth and Atmospheric Sciences” ahna ilaaliyaha kaydka cir ka soo dhacyada jamacadda Alberta. Macdanaha (Minerals)oo loo bixiyay “elaliite and elkinstantonite” ayaa waxaa loogu kala magacdaray goobtii laga helay (El Ali) iyo Prof. Lindy Elkins-Tanton oo ka tirsan Arizona State University’s School of Earth and Space Exploration. Lindy oo khabiirada NASA ka mid ah ayaa shaqo badan ka qabatay sida xudunta meerayaasha u hawlgalaan. Prof. Herd oo la tashigiisii Dr. Andrew Locock oo maamula “electronic microprobe lab”-ka jaamacadda kana mid ahaa khubaro ku lug lahayd sifaynta (descriptions) macdano kale oo aan hore loo aqoon ayaa yiri, “Haddii la heli lahaa muunado intaa ka badan waxaa laga yaabi lahaa in la helo macdano kale”. Suuraggal maaha in la ogaado qiimaha dhagaxa, balse Prof. Herd oo in ku dhaw toban sanadood la weydiisanayay inuu kala soocdo dhagaxyada cir ka soo dheca ayaa sheegay inay heleen war sheegaya in dalka Shiinaha looga raadinayo iibsadayaal. Dadaalka lagu helay macdanta cusub waxaa ka qaybgalay jaamacadaha Mareykanka ee UCLA – University of California – Los Angeles iyo California Institute of Technology. Cilmi-baarayaasha ma sheegin cidda la soo xiriirtay, balse Jaamacdda “University of Alberta” ayaa caan ku ah kala sooca dhagaxyada cir ka soo dhaca. Natiijooyinka cilmi-baarista ayaa November 21 ilaa 22, 2022 lagu soo bandhigay carwada jawiga ee jaamacada Alberta “university’s Space Exploration Symposium”. Inkastoo, aan la hubin mustaqbalka haddana macdanta cusub waxay noqotay wax lala yaabo oo u muuqata in dunida ay aad danaynayso. Isha: Jamhuriyadda The post Soomaaliya oo laga helay macdan aan horey loo arag appeared first on Caasimada Online.
-
The Secret Of Somaliland Governmeny – Part 18 It is an era in which the mujahids wear masks and manipulate both people and politics into their own outlook. The most important element of the mujahids’ political intelligibility is to divide people into foes and friends, while their first manipulative strategy is to attack the public’s emotions and mentality in order to make them understand that a mujahid’s opinion is always the right one and that everybody else has to believe it When peoples’ faith diminishes, they lose trust in their religion, and the evils appear to have the upper hand in certain times. The era in which the mujahids took control of the country was one of the blasted moments in Somaliland history and evils had the upper hand, because the evil and ignorant people in the land were much more than the good and great people. What really evolved from that era in which the evils and ignorants dominated the land was an environment where almost everyone grew to accustom a tradition in which decency and dignity were suspended for a time till most people believed that they would win deceptively what they couldn’t win diligently and thus almost everyone abandoned the habit of examining his or her rmanners of behaving, as if everybody is not seeing clearly, judging candidly and constantly escaping to observe the norms of self-command and control, that vital consideration of ethics, that knowledge of recognizing when or where one is wrong, that principle of right and wrong. The logical result of this historial era was that nothing was done in an orderly manner or even arranged according to the law. Everythin was done with payments of bribes. What didn’t and still doesn’t work for the sociey as a whole was acceptable to most peoole, while what may use to work and would surely work well in the future sounded to them something that was discredited and disdained as out of touch and inapplicable to real life. Of course, as bad behavior has the sense of an irritant being added in to make something bad even worse, the mujahids’ intentionality to disregard political consciousness and conceptual manipulation of un-organized masses had the sense that meant to make Somaliland’s political order system even worse. To better explain, the mujahids’ major agenda in political power was nothing more than an initiative to abuse the political ruling behavior – policies and decisions – that should be made and carried out in a manner that reflects the deep understanding of the historical, cultural, and social contract of Somaliland communities. Hanad, as a reseacher, was already aware of who were in control of the country. He knew that the mujahids could pull the two wires which control the public mind, which literally are tribalism and transfer of small amount of shillings through the ZAAD. Hanad knew also that the mujahids can inflate the public opinion, that they can create conflicts to the keep the masses confused, that they can make cronies and plant them in every sector of all communities, that they can follow up with almost every act of the peoples’ daily lives, whether in the sphere of politics or business, or in their social conduct or in their tribal thinking and even know the owners of this premise and that building, this block and that blot. As they say, wonders interpret life and interpretations energize the wise and exhaust the idiots. Hanad is an interpretor of what life reveals. He himself intimidates the interpretaions of life. He tells truth in where more lies are told, puts pleasure in where is pain, puts prophecy in where are problems and lets light in where is darkness. Which boils down to: He who interprets life – its ins and outs – cannot be intimidated. Hanad didn’t give a fig even if the mujahids could do this and that, or they could locate where everyone is, or have the ability to spy on everybody, or are able to know when everyone sleeps and when they wake up, what they do and what say. He knew how to deal with these ugly and inhuman mechanisms. Intimidation does not inhibit ambition or interpretations of life. Hanad had an ambition and his ambition was to analyse peoples’ inability to express their concerns seriously in a straightforward and non-judgmental. He worried about the way people were leading their lives and their failure to observe the standards of excellence that this age requires; their incapacity to think of what is beyond trobalism and feel gratitude and pride in protecting the common interests, raising families in the best possible way, bringing up decent chilldren, building a prosperous future together, and upholding the principles of purity and imparting that purity. A lack of a shared vision among the citizenry was the first thought-provoking issue that made Hanad annoyed. Absencr of human care from Somaliland’s ruling behavior was the second problem that killed Hanad’s heart of hearts. Seeing people listening to those who lie to them instead of hearing those who tell the truth was the third issue that triggered Hanad’s indignation. The worst cases that Hanad witnessed were people trying to compete each other in getting acquainted with corrupt government officials. The more lies one tells to the people, the more one is honored and Figuring out the remedy for the causes of this sheer irrationality of continuing habits that are doomed to failure was what Hanad took as his own homework; a project of which the objectives to make it happen needed more effort, more time and more practicality and prudence. The hurdles that Hanad would meet and have to overcome were many. There were certain dialogues that Hanad never perceived, certains habits that he and his likes never practised, certain mysteries he never understood, certain deals he never construed, certain connections that were stomach-churning, certain practices he considered as crimes, certain formalities that he never presumed. When Hanad will go through these hurdles thoroughly and understand why people practise them as principles, he would have to think less well of Somaliland society. It is one point to be on the observing side and quite another to be on the experiencing side, that urges Hanad to make a move to have his concern audible in Somaliland community. Connectivity with the common people, Hanad asserted, is where he may find the chains that keep Somaliland population apart and, of course, inattentive to mapping out the roadway in which their future lies. Penetrating the public domain was Hanad’s first vital step to reach the common people, the stronghold of where he could gather a well balanced information, the domain that holds the most audiences who can uncover the whole stories that Hanad was looking for. Hanad reached crowds of the common people, and made his constituency. His constituency was the public, the public who he is committed to have national conversations that needed to be addressed, discussed and debated nationally. Connecting himself beyond government officials, Hanad took his investigating research into the real world, Somaliland civil society. He had the feeling that some people might consider his research as an argument between a critic and cronies who only defend their business. It was not for Hanad to decide on how people should behave and practice the divine rule. Hanad was just an intellectual who wanted, with passion and pride, to enrich his people with the ability to think, learn, and execute with discipline, for intellectual capacity allows people to do more in less time and with less energy. Before going into when Hanad will see the public domain, here are relevant questions that actually make more intriguing in how Hanad’s research will respond to and readers are to remember. What Hanad was hoping to achieve by stating his concerns when he would meet the public? Information or indications of what needed to be done about where Somaliland government system would lead this nation? Was he hoping that the public would learn lessons from him? How realistic his research was? Was Hanad hoping that his connection or meeting with the public would make a difference? Or was he just going to express his concerns because he felt anxious and needed to relieve his anxiety about Somaliland government system? Keeping in his mind a mystery that usually makes emotional content more compelling, Hanad woke up earlier than his usual time to get out of bed in a miry morning that needed not to walk around many places. Hanad didn’t have in his mind a particular person to meet when he reached the city centre. His meeting with the public was not selective. He was sure that he would meet many people from different classes. By the time Hanad arrived at the city centre, he parked his car somewhere along the main road in Hargeisa city and went direct to a restauarant and entered it. There were many people in the restauarant and nearly all seats were occupied. Some people were having their breakfast, some were having teas, some fresh drinks, some were so engaged in Face book, some others were talking and had heated arguments. Hanad stood still for a while, looking for an empty seat, preferring to find it in a place with less customers. He didn’t. He waited for a few minute, having not a kind of a vacant look on his face, but the kind of look that was full of the ability to bring to mind issues and experiences that are not present. In the country of “I have been a mujahid,” one finds vacant gazes in the faces of the mujahids, because they have spent five years gaming. To be continued…. By : Jamafalaag Hargeisa, Somaliland. jamafalaag@gmail.com As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii lasoo dhaafay waxaa aad la isku weydiinayey sababta uu gaabis ugu yimid dagaalka markii hore sida xowliga ah ku bilowday ee dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan deegaanada HirShabeelle. Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo galabta ka jawaabay weydiintaas wuxuu sheegay in dowladdu ay aad uga taxadareyso khasaaraha soo gaari kara ciidanka iyo in kooxdu aysan ku harin deegaano gudaha ah oo ciidanka dhabar-jebin ku noqon karta. ‘Waxaa loo dagaalamayaa qaab jabhadeed oo kooxdu markii ay ku jabot dagaalka waxay isku faafisaa dhulka baadiyaha ah, oo dhulka howdka ah ayey galaan, marka anagoo kaashaneyna shacabka waxaan si degan uga saarnaa halkii ay galaan,” ayuu yiri Jeneraal Caanood. Afhayeenka ayaa intaas ku sii daray in kooxda dhul tobanaan KM ah laga nadiifinayey maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo howlgalku uu ahaa mid saf-balaaran ah, isla markaana uu jiro taxadar badan. “Ilaa 30 KM oo keyn ah oo Aadan-yabaal iyo Masaajid Caligaduud u dhaceysa ayuu ciidanku sifeynayey maalmihii lasoo dhaafay, hadda Aadanyabaal ayuu ciidanku kaabiga ku hayaa, mar dhowna waxaan soo gudbi doonaa war farxad leh oo waxaan soo afjari doonaa Shabaab-ka ka dagaalamaya dhulka HirShabeelle, si gobollada kale looga bilaabo howlgalka,” ayuu yiri Jeneraal Caanood. Afhayeenka ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ay maanta Al-Shabaab kala wareegeen deegaanada kala ah, Guulane, Daaru-salaam, Xarka-dheere iyo Mabaax oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee HirShabeelle. Ciidanka xoogga ayaa galabta iska soo duubay muuqaalo ay ku cadeynayaan in ateenooyinka isgaarsiinta ee degmada Aadan-yabaal ay u muuqdaan, isla markaana ay doonayaan in si taxadar leh ay ula wareegaan gacan ku heynta degmadaan muhiimka ah ee Aadan-yabaal. Kooxda Al-Shabaab hadii laga xoreeyo Aadan-Yabaal, waxaa ku adkaa doonta inay sii joogaan magaalooyin ay ugu horeeyaan Ceelbuur iyo Galhareeri ee gobolka Galgaduud oo ciidanka ka qabsada Aadan-yabaal ay u sii gudbi doonaan. The post DF oo shaacisay sababta maalmihii tegay uu gaabis ugu yimid howlgalka HirShabelle appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo maanta shir-guddoomiyay kulanka Golaha, ayaa si adag uga hadlay amni darro soo wajahday qaar kamid ah Xildhibaanada. Xildhibaannada qaarkood ayaa Golaha ka hor sheegay in amnigooda uu halis ku jiro, iyaga oo sheegay in ay baraha kontorolada kala kulmaan caqabado dhanka amniga ah. Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa amray in guddiyada amniga iyo difaaca ee golaha ay soo diyaariyaan qorshe arrintaan wax looga bedelo oo lagula xisaabtamo saraakiisha ay khuseyso, ayna deg deg ugu soo celiyaan warbixintaas, si loo guda galo. Waxa uu carabka ku adkeeyay in aan wax loo dulqaadan karin ay tahay in lagu xad-gudbo xasaanadda xildhibaannada, ciddii ku xad-gudubtana ay kala xisaabtami doonaan. “Arrintaan mid la dhayalsan karo ma aha. Amniga ayaa la sugaya in la dhaho oo Xildhibaanadii sharaftooda meel looga dhaco wax la ogolaan karo ma aha, dadka amnigooda la ilaalinayo ayey kow ka yihiin ee ay tahay in la sharfo,” ayuu yiri. “Xildhibaannada waa metelayaashii umadda Soomaaliyeed soo dooratay, marka Xasaanadoodii in lagu xad-gudbo arrin la qaadan karo ma aha.” Kulanka maanta ee Baarlamaanka ayaa ajandihiisu ahaa qeybinta aqrinta 1-aad ee Hindisa Sharciyeedka Korantada iyo warbixinta Xildhibaanada, hase yeeshe qaar ka mid Xildhibaanada oo tiradoodu gaareysa 22 mudane ayaa Guddoomiyaha u gudbiyay mooshinka amniga, kaasi oo 144 mudane ay ogal ugu codeyeen halka 1 mudane uu diiday. Mooshinkaan ayaa ku soo aadaya weerarkii 27-kii November 2022 lagu qaaday Hoteel Villa Rays oo ku yaalla aagga Madaxtooyada Soomaaliya, iyada oo uu weerarkaas ku dhaawacmay wasiirka Amniga. The post Aadan Madoobe oo amray in deg deg looga soo tala-bixiyo halis amni oo soo wajahday… appeared first on Caasimada Online.
