Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Beesha Saruur ee Habargidir ayaa maanta Muqdisho diyaarado uga qaaday ciidan xoog leh oo Al-Shabaab ka xoreynaya degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Xildhibaan Xuseen Axmed Culusow oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ka mid ah masuuliyiinta hoggaamineysa ciidanka maanta laga dejiyey Gaalkacyo, kuwaas oo doonaya inay kooxda ka xoreynayaan degmada Xarardheere. Wasiir Xuseen Axmed ayaa idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho u sheegay in ciidamo hor leh ay maalmaha soo socda Muqdisho ka soo daabuli doonaan, isla markaana ay ka go’antahay in Al-Shabaab ay ka xoreystaan degmadooda Xarardheere. “Sida qabaa’illada kale waxaa naga go’an in dhulkoona aan ka xoreysano cadowga, wax hormar iyo nolol ah dhulkeena kama jiraan, Al-Shabaab ayaa indhaha ka riday dadkeenna,’ ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Axmed Culusow. Wuxuu sheegay in wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska ciidanka xoogga dalka ay ka heystaan balanqaad iyo garab istaag, isla markaana howlgalka Xarardheere lagu xoreynayo ay dowladdu hoggaami doonto. “Dhamaan waan ku mideysanahay qorshahaan, waxaan nahay dadka ugu baahida badan dib u xoreyntaan, dhulkeenna oo Xarardheere ugu horeeyo nolol kama jirto haba yaraatee, marka waxaa naga go’an intaan kadib in gumeysi aanaa ku sii jirin,” ayuu yiri. Diyaarado sida ciidankaan iyo gaadiid dagaal ayaa maanta ka soo baxay Muqdisho, waxaana ciidankaas laga soo dejiyey Gaalkacyo, iyadoo lagu wado in maalmaha soo socda ay duulaan ku qaadaan degmada Xarardheere oo mudo dheer ay heysato kooxda Al-Shabaab. Hoos ka daawo The post Daawo: Beesha Saruur oo ciidan xoog leh ka dejisay Gaalkacyo iyo qorshaha socda appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Al Shabaab laga xoreeyay deegaanadda kala ah, Guulane, Daaru-salaam, Xarga-dheerre iyo Mabaax oo ka kala tirsan goboladda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe. Ciidanka xooga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa Al-Shabaab kala wareegay deegaanadaasi, waxayna kaabiga kusii hayaan degmada Aadan Yabaal, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Gen. Cabdullaahi Cali Caanood oo shir jaraa’id qabtay. Degmada Aadan Yabaal ayaa ah saldhiga ugu weyn ee kooxda Al-Shabaab ay ku leedahay gobolka Shabeellaha Dhexe. “Ciidanka xooga dalka iyo xoogaga hubeysan ee kacdoonka shacabka Soomaaliyeed waxay si degan uga saarayeen argagixisada beeraha iyo dhulka keymaha ah, waxaa lagama maarman noqotay in si saf ballaaran ah oo degan looga socda. Waxaa illaa hadda la jaray 85KM oo ah 100KM ee u dhaxeeyay Aadan Yabaal iyo Masaajid Cali Gaduud,” ayuu yiri Afhayeenka. Sidoo kale waxa uu sheegay in Daaru-salaam iyo Xarga-dheere ay ciidamada cadowga uga dileen Lix xubnood inta la arkay, halka ay dhaawacmeen 2 Askari oo kamid ah ciidamada xooga dalka. “Mabaax waa tuulo muhiim u ah cadowga, markii halkaas loogu galay waxaa naloo soo xaqiijiyay in 10 cadow ah ay dhimatay, inaga (ciidamada) uu khasaare soo gaaray 3 dhaawac ah, laba ay yihiin dhaawac culus.” Waxa uu sheegay in dhawaan ay bulshada maqli doonaan war wanaagsan ayna soo afjari doonaan dhamaan xoreynta dowlad-goboleedka HirShabelle, si loogu gudbo dowlad-goboleedyada kale ee deegaamada qaarkood ay weli ku jiraan gacanta cadowga. Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka dhulka ee xooga dalka Soomaaliyeed, Jeneral Maxamed Tahliil Biixi oo hogaaminaya ciidamada ku wajahan degmada Aadan Yabaal oo la hadlay VOA ayaa sheegay inay qorsheynayaan in degmadaas ay kaga duuli doonaan saddex jiho. Jeneraal Biixi ayaa sheegay inay ka warqabaan in Shabaabkii ku sugna Aadan Yabaal ay bilaabeen inay dhanka sare uga baxaan degmada iyaga iyo xaasaskooda. “Waxaa ka warqabna in iyaga (Shabaab) iyo xaasaskoodii kor ayey uga baxeen degmada, shacabkiina wey diideen inay raacaan oo markii dad qasab lagu haystay ayey ahaayeen, intii ay haysteen Diin iyo dowlad uma keenin, waxay ahaayeen dad dhibaateysan oo la caburiyay,” ayuu yiri. Wararka ayaa intaas kusii daraya in la jaray gebi ahaanba isgaadhsiintii Aadan Yabaal, islamarkaana dadkii deganaa degmadaas ay bilaabeen inay isaga barakacaan. Hoos ka daawo afhayeenka The post Daawo: Ciidamada DF oo qarka u saaran Aadan Yabaal, qabsaday degaano dhowr ah appeared first on Caasimada Online.
  3. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee dadka qaba baahiyaha gaarka ah ayaa sheegay in dowladda ay kordhinayso miisaaniyadda Hay’adda Naafada Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ay dareen gaar ah siineyso sidii wax loogu qaban lahaa dadka qaba baahiyaha gaarka ah, loona ilaalin lahaa xaquuqda asaasiga ah ee dhinacyada shaqo siinta iyo kor u qaadidda xirfadahooda. “Dalkeenna waxa uu kaga duwan yahay dalalka kale ee caalamka tirada dadka ku naafooba qaraxyada iyo weerarrada arxan darrada ah ee Khawaarijta, taas oo aad u kordhisay tirada dadka Soomaaliyeed ee naafada ah, sidaas awgeed waa in ay isbarbar socdaan halganka dalka lagaga xoreynayo cadowgaas iyo wax u qabashada dadkeenna ay naafeeyeen.” Dowladda Soomaaliya ayaa ka mid ah dowladaha saxiixday Axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda dadka Naafada ah, taasoo muujinaysa mudnaanta sare ee la siinayo, si loo ilaaliyo xaqa ay ku leeyihiin dadka iyo dalka, Soomaaliya ayaa waxaa ku nool dad badan oo Naafo ah kuwaas oo aan helin daryeel dowladnimo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. (SLT-Garoowe)-Madaxweynaha maamul-gobolleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa isku diyaarinaya in uu dhaqan-gashado muddo korodhsi uu kusii fadhiyayo xilka u sareeya maamulkaasi dhammaadka bisha June ee sannadka 2023-ka. Xog ay heshay warbaahintu ayaa waxa ay sheegaysa in madaxweyne Deni ugu dambeyntii uu go’aansaday hirgelinta muddo korodhsi laba sanno ah marka la gaadho horaanta sannadka cusub. Qorshaha muddo korodhsiga ayaa la sheegaya in loo qoondeeyay dhaqaale xoogan, waxaana la rabaa in cod aqlabiyad ah ku ansixiyaan Baarlamanaaka Puntland. 15-ka bisha June ee sannadka cusub ayuu sida caadiga ah furmi doona Kal-fadhiga 52-aad ee Baarlamanka maamulkaasi. Qorshahaan ayaa waxaa hore si adag uga digay qaar kamid ah Musharaxiinta xilka madaxweynaha Puntland u tartamay doorashadii 2019 Musharaxiintaaan ayaa sidoo kale xilligaas sheegay in ayna marnaba aqbaleyn muddo korodhsi sharci darro ah, kaasi oo Puntland u horseedaya dagaal gudaheeda ah, sida ay sheegeen. Waxkasta oo ka dhasha damaca Deni ayey sheegeen mucaaridka in uu qaadan doono masuuliyadeeda koowaad. Arrintaan ayaa sidoo kale kusoo beegmaysa xilli uu weli taagan yahay dagaalka siyaasadeed ee ka dhex qarxay madaxweyne Saciid Deni iyo kooxdiisa soo dhistay ee Aaran-Jaan. Source
  5. Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa waali ku tilmaamay talaabada ay xukuumadu ku doonayso in lagu galo doorashada ururada. Faysal ayaa sheegay in talaabadani ayna khatar ku ahayn xisbiyada mucaaradka ah, lakiin ay khatar ku tahay jiritaanka Somaliland, isagoo madaxweynaha ku eedeeyay in uu Somaliland burburinayo. “Aragtida waalida ah ee ah in si toos ah loo soo doorto ururo siyaasadeed oo aan hore loo arag, maaha mid khatar ku ah xisbiyada qaranka ee mucaaridka ah balse waxay khatar ku tahay jiritaanka Somaliland, Muuse wuxuu ku socdaa wadadii burburka Somaliland” ayuu yidhi Guddoomiye Waraabe. Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa aad uga soo horjeeda in lasoo hormariyo doorashada ururada siyaasada, taasi oo sababtay in xisbiyadu ay kalsoonida kala noqdaan xukuumada Somaliland. Dhinaca kale, xukuumada ayaa ku adkaysanaysa in doorashada ururadu ay soo horayso, isla markaana doorashadii madaxtooyada ayaa dib loo dhigay. Source
  6. Warbaahinta Turkiga ayaa soo werineysa in dalka Sweden uu u soo gacan galiyey Turkiga nin ka soo jeeda turkiyiinta Kurdishka ah oo lagu helay in uu xubin ka yahay ururka PKK ee mamnuuca ka ah dalkaas. Mahmut Tat ayaa lagu warramay in uu ku jiray liiska dadka ay dowladda Turkigu dooneysay in loo soo gacan galiyo, marka la eego codsi Sweden ee xubinimada NATO. Turkiga ayaa dib u dhigeysay in ay ansixiyaan in Sweden iyo Finland ku soo biiraan NATO. Kulan ay NATO laheyd oo toddobaadkan dhacay ayaa wasiirka arrimaha dibedda ee Turkiga waxaa uu ka sheegay in Ankara ay weli sugeyso in ay aragto Sweden oo qaadday tallaabooyin la taaban karo oo ay Turkiga kula shaqeyneyso marka la eego dagaal ay kula jirto argagixisada oo ay ku jirto in ay soo gudbiso turkiyiinta loo arko in ay dambileyaal yihiin. Mahmut Tat ayaa magangalyo weydiistay dalka Sweden sannadkii 2015kii laakaiin waa loo diiday Source
  7. Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-shabaab ay isaga baxeen maanta degmada Aadan Yabaal oo ay maamulayeen dhowr iyo toban sano, kadib markii ciidanka dowladda oo taageero ka helaya kuwa deegaanka ay kaabiga ku hayaan degmadaas iyaga oo ka weeraray dhowr jiho. Mid kamid ah saraakiisha ciidanka ciidanka dowladda oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in sheegay in ciidanku ay ku dhowyihiin in ay gudaha u galaan degmada, isaga oo hadalkiisa raaciyay in dagaalamayaasha Al-shabaab ee ku sugnaa ay isaga baxeen halkaas, waxaana uu carabka ku dhuftay in aysan jirin awood hor taagan. Degmada Aadan Yabaal ayaa ah fariisintii ugu weyneed oo Al-shabaab ay ku lahaayeen gobolka, waxaana horay looga saaray deegaanka Masaajidka Cali Gaduud iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka, waxaana xusid mudan in guddoomiyeyaasha ka kala arrimiya Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ay ku kulmeen xadka labada gobol. Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa Al-shabaab ka saaray degmooyin iyo deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha dhxe, waxaana xusid mudan in maalin ka hor dagaal xooggan oo khasaare dhaliyay uu ku dhexe maray deegaanka hoos taga Aadan Yabaal oo lagu magacaabo Nuur dugle oo ay kuwada dagaalameen. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2022/12/317833069_108781341989752_8009843693178571501_n.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa isku diyaarinaya in uu dhaqan-gashado muddo kororsi uu kusii xilka u sareeya maamulkaasi dhamaadka bisha June ee sanadka 2023-ka. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa waxay sheegaysa in madaxweyne Deni ugu dambeyntii uu go’aansaday hirgelinta muddo kororsi laba sano ah marka la gaaro horaanta sanadka cusub. Qorshaha muddo kororsiga ayaa la sheegaya in loo qoondeeyay dhaqaale xoogan, waxaana la rabaa in cod aqlabiyad ah ku ansixiyaan Baarlamanaaka Puntland. 15-ka bisha June ee sanadka cusub ayuu sida caadiga ah furmi doona Kal-fadhiga 52-aad ee Baarlamanka maamulkaasi. Qorshahaan ayaa waxaa hore si adag uga digay qaar kamid ah Musharaxiinta xilka madaxweynaha Puntland u tartamay doorashadii 2019. Musharaxiintaaan ayaa sidoo kale xiligaas sheegay inaysan marnaba aqbaleyn muddo kororsi sharci daro ah, kaasi oo Puntland u horseedaya dagaal gudaheeda ah, sida ay sheegeen. Waxkasta oo ka dhasha damaca Deni ayey sheegeen mucaaridka in uu qaadan doono masuuliyadeeda koowaad. Arrintaan ayaa sidoo kale kusoo aadeysa xili uu weli taagan yahay dagaalka siyaasadeed ee ka dhex qarxay madaxweyne Saciid Deni iyo kooxdiisa soo dhistay ee Aaran-Jaan. The post Xog: Madaxweyne DENI oo go’aan ka gaaray inuu muddo kororsi sameeyo iyo in kale appeared first on Caasimada Online.
  9. Mogadishu (HOL) - The Somali government was accused of ordering security guards at the parliament building to frisk the lawmakers entering the parliament house after al-Shabab militants attacked a hotel near the residence of the President in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa markii u horeysay ka falceliyay go’aan uu Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte si adag uga horyimid in isbaarooyin la dhigto gobolkaasi. Guddoomiye Jeyte ayaa wacad ku maray inuu tallaabo uu ka qaadi doono qof kasta oo isbaaro dhigto ama waddada u galo dadka shacabka ah ee safraya, xili qaylo dhaan iyo walaac xoogan laga muujinayey isbaarooyin horleh oo lasoo dhigtay deegaanada maamulka HirShabelle Cali Cosoble ayaa sheegay in guddoomiyaha naftiisa uu yahay isbaariiste ayna u yaalaan isbaarooyin dhowr ah, ayada oo midkoodna ay sabab u aheyd dagaalkii ka dhex-maray Jeyte iyo Al-Shabaab, sida uu sheegay. “Dagaalkii dhex-maray Gudoomiye Cali Jeyte iyo Shabab ee markii dambe gacantiisa ka baxay isuna beddelay Kacdoonka Reer Hiiraan wuxuu asal ahaan ka bilowday Shabaab oo isbaaradii u taalay Kala-beyrka dul dhigay isbaaro kale,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cosoble oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook. Sidoo kale waxa uu ku yiri qoraalkiisa “Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte kama kaftamo isbaarada oo waa khabiir fahamsan isbaaro wexey tahay iyo waxey gasho. Ogow haddaad isbaaro dhigato Cali Jeyte ayaa isbaarada ku cariirisay, waxaad ka heshaana leedahay.” Hadalkan ayaa baraha bulshada ka abuuray falc-elin aad u badan, ayada oo dadka qaarkood ay ku dhaliileen Madaxweynihii hore ee HirShabelle inuu dacaayad ku furayo kacdoonka uu hormuudka u yahay guddoomiye Cali Jeyte. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa magac weyn ka sameeyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu ka bilaabay gobolka Hiiraan, kaasi oo sababay in kooxda laga saaro qeybo badan oo kamid gobolkaasi. The post COSOBLE oo sheegay arrin yaab leh oo Cali Jeyte ku qasabtay dagaalka Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  11. Djibouti’s location on the Horn of Africa’s Bab-el-Mandeb Strait, that controls access to the Red Sea and the Suez Canal, has made it a major destination for Chinese capital. Diplomacy Djibouti suspends China and other loan repayments, banks on forgiveness Strategically important Horn of Africa nation is struggling under mounting financing pressures The decision affects two of its bilateral creditors, with China holding vast majority of Djibouti’s debt Djibouti – the tiny nation at the intersection of the Red Sea and the Gulf of Aden where China has vast commercial and military interests – has suspended debt repayments to two of its main bilateral creditors as it struggles under mounting financing pressures. In its latest report on Djibouti, the World Bank said the country’s external debt servicing costs tripled in 2022 – from US$54 million last year to US$184 million – and predicted a further increase to US$266 million next year. Behind the rise is the expiration of the G20’s Debt Service Suspension Initiative (DSSI) at the end of 2021, and the start of principal loan repayments for Djibouti’s water pipeline to Ethiopia. As a consequence of the DSSI, Djibouti’s external arrears increased by 26.4 per cent year on year to US$101 million in June 2022, corresponding to 3 per cent of its GDP. REDD Intelligence senior credit research analyst Mark Bohlund said the two creditors referred to in the World Bank report were likely to be China and Kuwait, “although it doesn’t matter which the other creditor is, as Chinese debt widely surpasses that owed to other creditors”. Bohlund said Djibouti’s action was unsurprising, given the sharp projected increase in its external debt servicing. “The International Monetary Fund declared Djibouti’s debt as being unsustainable in late 2021,” he said. Djibouti owed a total of US$2.68 billion to external creditors as of the end of 2020, according to the World Bank. SCMP Global Impact By submitting, you consent to receiving marketing emails from SCMP. If you don’t want these, tick here Its strategic position – on the Horn of Africa’s Bab-el-Mandeb Strait that controls access to the Red Sea and the Suez Canal – has made Djibouti a major destination for Chinese capital, especially in the maritime and free-trade zones. As a crossroads between Africa, the Middle East and Europe, Djibouti has been a crucial hub for China’s Belt and Road Initiative, the multitrillion-dollar infrastructure plan behind numerous mega-projects across the continent. Data from Boston University’s Global Development Policy Centre shows Djibouti took US$1.5 billion from Chinese lenders between 2000 and 2020. Much of the money was advanced in 2013 – US$492 million to finance construction of its portion of the Addis Ababa-Djibouti railway, and US$322 million for the 101km (63 miles) water pipeline from the Ethiopian town of Hadagalla to the Djiboutian interior. How tiny Djibouti became the linchpin in China’s belt and road plan 28 Apr 2019 Djibouti borrowed a further US$344 million in 2016 for construction of the multipurpose Doraleh port. All three of these loans were extended by the Export-Import Bank of China. In 2017, another US$150 million was provided by China Merchants Port Holdings Company Ltd, to build the Djibouti free-trade zone. Other Chinese companies have also invested in the country’s maritime industry and free-trade zones. China Merchants Group has pumped money into turning the Port of Djibouti into an international business district. It has also funded the port’s mega extension – the US$590 million Doraleh multipurpose port – just west of the capital. China’s first overseas military base opened in 2017 next to the Chinese-operated port of Doraleh. The country also hosts US, French and Japanese bases, and it is the presence of so many facilities that may be behind its debt servicing decision. Do China’s Africa ambitions include a second military base? 31 May 2022 Bohlund said the Djibouti government was likely to reason that its hosting of a “multitude” of military bases would keep it safe from any repercussions, as “Beijing prioritises its military presence on a key trade route over any pecuniary losses on its Djibouti claims”. “While this is likely to be true, Beijing is likely to be concerned that other Belt and Road Initiative creditors will also suspend payments,” he said. Alex Vines, head of the Africa programme at London-based think tank Chatham House, said Djibouti continued to be disproportionately affected by the steep rise in global food prices and the war in Ukraine, including disruptions to food supply chains. Djibouti is a net importer of food and fuel, covering up to 90 per cent of its food needs through imports. “The spillover effects of conflict in Ethiopia have also led to periodic shortages of produce imports and a depressed Ethiopian market, on which Djibouti is highly reliant,” Vines said. “Soaring global oil and food prices have pushed up inflation – the year-on-year rate at the end of June 2022 was 11 per cent.” On top of these shocks, along with the DSSI’s expiration, “it is unsurprising that Djibouti is having repayment troubles”, Vines said. “China is likely to renegotiate its debt bilaterally with Djibouti – given the slowness of the follow-on Common Framework initiative following the DSSI – this is likely to be the preferred option,” he said. “China’s lending to Djibouti has also been due to its geostrategic location and so Beijing will wish to continue to build its influence.” Tim Jones, head of policy at British-based charity Debt Justice, said Djibouti’s debts were always going to be difficult to pay, “but have become unpayable because of the impacts of the Covid-19 pandemic and other economic shocks on the economy of Djibouti”. “The suspension of debt payments to bilateral creditors, including China, in 2020 and 2021 helped, but did not deal with the fundamental need for some of the debt to be cancelled,” Jones said. Djibouti’s decision to suspend its bilateral debt payments adds to concerns about the growing number of countries in Africa facing repayment troubles. In 2020, Zambia became the first African country to default on some of its debts. Kenya and Ethiopia are also feeling the squeeze. Jones said that while China was a significant lender in other countries, so were others, including Western private lenders and multilateral institutions. “Djibouti is unusual in that China is by far the largest creditor – 65 per cent of Djibouti’s external debt payments in coming years are to China.” Loading video Tim Zajontz, a research fellow at the Centre for International and Comparative Politics at South Africa’s Stellenbosch University, said the sustainability of Djibouti’s debts was questionable long before the pandemic further curbed its debt-servicing capacities. “Skyrocketing global inflation, an economic downturn in neighbouring Ethiopia, and the severe drought in the region have in recent months further depressed Djibouti’s economic situation,” Zajontz said. “It is likely that Djibouti will not be the last African country not able to service its loans. The acute social and economic repercussions of multiple global crises demand multilateral debt relief from Africa’s main creditors, including China.” Continuity and caution key to China-Africa ties in Xi’s third term 24 Oct 2022 Zajontz said Djibouti was of “immense geopolitical and geoeconomic importance to China, as it hosts a Chinese naval base and is the most important logistical entrepot for China in the Horn of Africa”. “To maintain sound relations, it is possible that Beijing will accommodate the Djiboutian government with a debt restructuring plan, as they previously did in the case of neighbouring Ethiopia,” he said. In 2019, when Djibouti faced similar debt challenges, it reached a deal with China’s Exim Bank to restructure the railway loan, according to the IMF. In the same year, Kuwait also announced an agreement had been reached to reschedule some of the loans made to Djibouti by the Kuwait Fund for Arab Economic Development. Scmp Sign up Qaran News
  12. Ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka oo isku dhinac ah ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay si isku xigxiga ula wareegay deegaanno badan oo dhac gobollada shabeellaha dhexe iyo hiiraan. Deegaannada la qabsaday oo ah kuwo intii muddo aheydba gacanta ugu jiray al-shabaab waxay soo mareen marxalado adag oo xagga nolosha iyo maamulkaba ah, hayeeshee waxaa hadda jira fursado muhim ah oo dib usoo kabsasho weyn loogu horseedi karo. Deegaannada gacanta dowladda soo galay qaarkood waxay leeyihiin ahmiyad weyn oo xagga istaraatiijiyadda dagaalka ah, isu socodka bulshooyinka iyo xiriirka ganacsi ee gobolada dhexe iyo magaalada caasimadda ah. Masaajidka cali gaduud oo ka mid ah deegaannadii ugu horreeyay ee la qabtay oo ka tirsan gobolka shabeellaha dhexe waa iridda deegaanka intiisa kale, waa bar isku xireysa tuulooyinka iyo magaalooyinka kale ee la doonayo in alshabaab lagala wareego ama maamul ahaan dib u habeyn lagu sameeyo. Waa magaalo bar istaraatiiji ah u noqotay howlgallada hadda ka socda gobollada shabeellaha dhexe iyo hiiraan, waana tan sahashay in maalmo isku dhow gudahood ay ciidamadu deegaanno badan la wareegaan. Deegaannada nuur-dugle iyo ceel baraf waa bar waddo muhim ah isku xireysa magaalada muqdisho iyo gobolka shabeelaha dhexe intiisa badan. Sidoo kale deegaanka ceel baraf wuxuu isku xire muhim ah u yahay labada gobo lee hirshebelle sababtoo ah waxaa hadda isku furan ceel baraf oo shabeellaha dhexe ah iyo tardo oo gobolka hiiraan ah, intaas oo idil waxay gacanta u galeen ciidamada dowladda ee hawlgalka wada iyo dadka deegaanka. Gobolka hiiraan marka la joogo, ciidamadu waxay gacanta ku dhigeen magaalooyinka maxaas, moqokori, dhul ballaaran oo jalalaqsi iyo buula burde ah iyo deegaanno kale, taas waxay muhim u tahay howlgallada milatery ee socda oo bilowgii hore ay adkeyd saanadda milatery iyo gurmadka ciidamada, deegaannada qaarkood oo aad isugu dhow waxaa lagu qasbanaa in dhanka hawada la isticmaalo marka loo kala safrayo ciidan iyo rayid labadaba, xagga bulshada intii muddo aheydba magaalooyinka gobolka hiiraan waxay ku jireen wax u eg go’doon dhaqaale iyo ganacsi. Waxaa aad u adkaa in badeecada ka timaadda dekedda muqdisho ay gaarto suuqyada gobolka hiiraan, taas beddelkeed ganacsatada qaarkood waxay isticmaali jireen dekedaha puntland ku yaalla oo masaafo ahaan aad uga fog Xagga adeegyada caafimaadka ayaa sidoo kale ahaa arrimaha aadka u murugsan ee go’doonka magaalooyinku ku jireen ay wax badan dib u dhigayeen ay aad usii murjinayeen. Hadda dowladdu magaalooyin uun ayay gacanta ku dhigtay laakiin waxaa horyaalla baahiyo badan oo ka jira deegaannada la qabtay oo ay tahay in dowladdu ay u dejiso qorshooyin wax-ku-ool ah oo ku saabsan in loo sameeyo dib-uhabeyn maamul, hirgelin adeegyo bulsho, xafiisyo dowladeed iyo qorshaha ugu muhiimsan oo ah habka sugidda amniga iyo ilaalina nabadgelyada deegaanka iyo kunoolihiisba. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta ku guuleystay inay gudbiyaan Mooshin deg deg ah ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan amniga guud ee waddanka oo haatan maraya meeshii ugu xumeyd. Illaa 22 Xildhibaan ayaa saxiixay Mooshinkan, kuwaas oo ku dooday inay muhiim tahay in laga hadlo amniga dalka, maadaama xaaladda waddanka ay mareyso meel halis ah. Ajendaha kulanka aya markii hore ahaa Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Korontada, kaas oo ay Xildhibaanadu dalbadeen in dib loo dhigo, si looga hadlo amniga guud. Ugu horreyn Xildhibaanada ayaa cod gacan taag ku ogolaaday in ajendaha kulanka lagu soo daro ka doodista Mooshinkan oo ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah xubnaha Golaha. Illaa 44 xildhibaan ayaa ogolaatay Mooshinka, kuwaas oo u codeeyey in laga doodo, waxaana diiday 1 mudane, mana jiro wax ka aamusay, sida uu ku dhawaaqay guddoonka. “Annaga meeshaan inaan Koronto ka hadalno uma imaan amnigeena ayaanan meel ku ogeyn wax badanbaa naga qaldan” ayuu yiri mid kamid ah xubnaha gudbiyey Mooshinka. Qaar ka mid ah xildhibaanada oo ka hadlay kulanka ayaa cabasho ka muujiyey hab dhaqanka ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya. “Waa dambi la in baaro gaadiidka Xildhibaanada” ayuu ka dhex yiri kulanka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow. “Askarta waxa ay ku leeyihiin aniga oo Xildhibaan ah xiriir sameey, yaa xiriir la sameynaa?” ayuu isna yiri Xildhibaan Murjaan oo ka tirsan Golaha Shacabka. Mooshinka Xildhibaanada ayaa imanaya xili maalmihii u dambeeyey ay magaalada Muqdisho ka dhacayeen weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan. The post Guddoonka BF oo mooshin deg deg ah loo gudbiyey appeared first on Caasimada Online.
  14. Beledweyne (HOL) - Hiiraan regional Governor, Ali Jeyte Osman, issued a stern warning against illegal checkpoints in the region following reports of increased checkpoints on roads connecting the region's main towns. Source: Hiiraan Online
  15. Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa gudbiyay mooshin ku saabsan ka doodista amniga dalka iyo xasaanadda xildhibaanada. 145 xildhibaan ayaa maanta soo xaadiray fadhiga Golaha Shacabka, waxaana ogolaaday ka doodista amniga dalka 144 xildhibaan, halka 1 xildhibaan ka aamusay, sida uu ku dhawaaqay guddoomiye Aadan Madoobe. Kulanka maanta ayaa markii hore ajendihiisu ahaa qeybinta akhrinta 1aad ee hindisa sharciyeedka korantada iyo warbixinta xildhibaanada, balse waxaa la horkeenay mooshinkan oo ay saxiixeen 22 xildhibaan, kaas oo ah in laga hadlo arrimaha amniga, lana hakiyo ajendayaasha kale. Dhanka kale waxaa fadhiga maanta ee baarlmaanka ka maqnayd guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, xilli maalmihii la soo dhaafay la hadal hayay mooshin ka dhan ah. PUNTLANTD POST The post Muxuu yahay mooshinka loo gudbiyay guddoonka Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.
  16. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulliyadda tababarada Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee General Calinuur Garoowe tababar uga furay cutubyo katirsan Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland. Furitaanka tababarka waxaa ka qaybgalay xubno katirsan golayaasha dowladda, Taliska Ciidanka Asluubta, guddiga dibu-habaynta Ciidamada, saraakiisha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland iyo marti sharaf kale. Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland Sarreeye Guuto Saxardiid Maxamed Axmed (Colow), ayaa madaxweynaha Dowladda Puntland uga mahadceliyey sida uu ugu heelan yahay tayeynta Ciidamada, wuxuuna sheegay in Ciidanka Asluubta oo ku soo shaqeeyey duruufo adag ay marwalba diyaar u yihiin gudashada waajibaadkooda shaqo ayna jiraan dufcado kale oo marka kuwaani dhammaystaan la soo xerayn doono. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhankiisa Taliska, saraakiisha iyo Ciidanka Asluubta ku ammaanay shaqada adag ee ay hayaan, wuxuuna ciidanka tababarku u furmay ku booriyey inay ka faa’iidaystaan casharada ay siin doonaan macalimiintu, wuxuuna balan qaaday in xukuumaddu xil iska saari doonto inay helaan xuquuqdooda. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo tababar u furay Cutubyo kamid ah Ciidanka Asluubta appeared first on Puntland Post.
  17. Caabudwaaq (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa war kasoo saartay shaqaale uu kamid ahaa Agaasimaha wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug oo shalay lagu afduubtay magaalada Caabudwaaq. Shaqaalaha la afduubtay oo dhamaantood ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Galmudug ayaa waxaa afduubtay ciidamo beeleed ka carooday habka loo qeybsaday golaha deegaanka Caabudwaaq. “Dowlada Galmudug waxay cambaaraynaysaa dhacdadii Af-duubka ahayd ee aaga Degmada Caabud-Waaq loogu gaystay shaqaale ka tirsan wasaarada arrimaha Gudaha Galmudug Dec. 2, 2022. Falalka af-duubku waa fal dambiyeed kasoo horjeeda dhamaan sharciga iyo nidaamka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka. Sidoo kale waxa qoraalka kasoo baxay maamulka lagu sheegay in markii dambe lasii daayay shaqaalaha uu kamid ahaa Agaasimaha wasaaradda arrimaha gudaha, kadib markii uu waan-waan arrintaasi ka galeen Odayaasha dhaqanka. “Dowlada waxay u mahad-celinaysa Suldan Axmed Garbacune iyo Odayashii uu hogaaminayay ee ku guulaystay in ay soo dayaan Shaqaalihii shalay la afduubay. Galmudug waxay muhiimada koowaad siinaysa dhismaha dowladaha hoose, iyadoo sanadkaan anu ku jirno ay dhismeen illaa iyo shan degmo.” Ugu dambeyntiina waxa la faray hay’addaha Amniga ee maamulkaasi in amniga degmada Caabudwaaq gacan buuxda lagu qabto. The post Maamulka GALMUDUG oo war kasoo saaray agaasime laga afduubtay shalay appeared first on Caasimada Online.
  18. Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabiley wefti uu hoggaaminayo Maareeye-ku-xigeenka ahna Agaasimaha Maamulka iyo Madaxa Fulinta Bariga Dhexe iyo Afrika ee Shirkada DP World Mr. Suhail Al Banna. Kulankaa waxa lagaga wada hadlay qodobbo dhawra oo la xidhiidha mashaariicda ay DP World ka wado Somaliland, gaar ahaan magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera, iyadoo diirada lagu saaray dhamaystirka dhismaha qaybta koowaad ee Aaga Cashuuraha ka caagan (Free Zone) oo lagu wado in bishan December aakhirkeeda la dhammaystiro, iyadoo uu ku xigi doono hawsha fulinta wejiga labaad. Sidoo kale waxa xusid mudan in ay jiraan Shirkado badan (Companies) kala duwan oo isugu jira Ajaanib iyo kuwo ay dad-muwaadiniin ahi leeyihiin oo isu-diiwaangeliyey sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen una soo degi lahaayeen Aaga Cashuuraha ka Caagan, si ay qayb uga noqdaan horumarka kobaca dhaqaalaha Somaliland. Maamulka, Bariga Dhexe iyo Afrikana waxa uu madaxweynaha warbixin guud ka siiyey hawlaha ka socda Dekeda Berbera oo uu xusay inay Dekedu noqon doonto xudun dhaqaale oo u adeegta wadamada geeska iyo Bariga Afrika. Wuxuu Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ee Somaliland uga mahadnaqay shirkada DP World dedaalka ay muujiyeen intii ay gacanta ku haysay mashaariicda kala duwan ee lagu horumarinayo Dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golah Shacabka ee kasoo jeeda gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka falceliyay magacabistii Yuusuf Sheekh Ciise Kabakutukade oo ay markale kooxda Al-Shabaab usoo magacowday gobolkaasi. Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Farey) oo ka mid ah xubnaha ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa sheegay in Kabakutukade uu tikid usoo goostay Filim dhammaaday. Yaasiin Farey ayaa sidoo kale xusay in uu eedsan doono wixii dhibaata ah ee uu horey u geystay, maadaama uu sii dhammaanayo waqtigii Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. “Ninka layiraahdo Kabakutukade Filim dhammaaday ayuu tikid u goostay ayaan leeyahay, waxaan leeyahay maalmaha soo socdo ilaahey idamkiis dhibkii meeshaas ka dhacay iyo hadalka kasoo baxay waad eedi doontaa” ayuu yiri Xildhibaan Yaasiin Maxamuud Farey. Dhankiisa Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo isna ku sugan deegaanka Nuuq Dugle ayaa ugu baaqay shacabka inay hubka qaataan iskana dhiciyaan Kabakutukade iyo Al-Shabaab. “Dadka diriska la ah Nuurdugle waxaan leeyahay qoryihiina qaata ee iska dhicaya Shabaab, Kabautukade waa nin meesha uu socod iyo meel kale aan aqoon oo diin wax ku saleysan aan ku socon,” ayuu isna yiri Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo haatan ku sugan jiidda hore. Kabakutukade oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa markale Al-Shabaab gobolkan usoo magacowday, wuxuuna beddalay nin ka soo jeeday Bay & Bakool. Dadka siyaasadda u dhuunduleela ayaa aaminsan in magacaabista Kabakutukade ay tahay siyaasad cusub oo ay Al-Shabaab ku doonayaan inay ugaga hortagaan kacdoonka shacabka ee haatan ka socdo gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle. The post Xildhibaano ka tirsan BF oo ka falceliyay magacaabista Yuusuf Kabakutukade appeared first on Caasimada Online.
  20. Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta oo Sabti ah xarunta Madaxtooyada ku qaabiley wefdi uu hoggaaminayo Maareeye-ku-xigeenka ahna Agaasimaha Maamulka iyo Madaxa Fulinta Bariga Dhexe iyo Afrika ee Shirkada DP World Mr. Suhail Al Banna. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Kulankaas lagaga wada hadlay qodobbo dhawra oo ku saabsan mashaariicda ay DP World ka wado Somaliland, gaar ahaan magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera, islamarkaana diiradda lagu saaray dhamaystirka dhismaha qaybta koowaad ee Aaga Cashuuraha ka caagan (Free Zone) oo lagu wado in bishan December dhammaadkeeda la dhammaystiro. Maareeye-ku-xigeenka ahna Agaasimaha Maamulka iyo Madaxa Fulinta Bariga Dhexe iyo Afrika ee Shirkada DP World Mr. Suhail Al Banna ayaa madaxweynaha Somaliland warbixin guud ka siiyey hawlaha ka socda Dekeda Berbera oo uu xusay inay dekedu noqon doonto xudun dhaqaale oo u adeegta wadamada geeska iyo Bariga Afrika sida lagu sheegay Warka ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland. ” Maamulka, Bariga Dhexe iyo Afrikana waxa uu madaxweynaha warbixin guud ka siiyey hawlaha ka socda Dekeda Berbera oo uu xusay inay Dekedu noqon doonto xudun dhaqaale oo u adeegta wadamada geeska iyo Bariga Afrika” ayaa lagu yiri Qoraalka ay Kulankaas ka soo saartay Somaliland. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay Maareeye-ku-xigeenka Shirkadda DP World appeared first on Puntland Post.
  21. A joint committee of the Ethiopian government and Tigray forces convened inside the Tigray region to outline disarmament plans as part of a peace deal signed last month in the two-year conflict, Ethiopia's government said Thursday (Dec. 1). Source: Hiiraan Online