-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
London (Caasimada Online) – Dowladda Uk ayaa ku dhawaaqday taageero dhaqaale oo ay siineyso dowladda federaalka, taasoo wax looga qabanayo arrimaha bani’aadanimada. Tageeradaan cusub ayaa waxaa ku dhawaaqay Wasiirka Arrimaha Horumarinta UK, Andrew Mitchell oo maalmo kahor booqasho ku yimid Muqdisho, kadibna la kulmay madaxwenaha. Andrew Mitchell ayaa shaaca ka qaaday in £6.7 milyan oo ah maalgelin gargaar bini’aadantinimo ah ay siineyso UK dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Lacagtaan ayuu sheegay in wax looga qaban doono horumarinta caafimaadka, nafaqeynta, adeegyada biyaha, gargaarka haqab-beelka cuntada iyo taageerada dhibanayaasha xadgudubka ku salaysan jinsiga. Sidoo kale £1.7 milyan oo gargaar ah ayuu sheegay in UK ay ku taageerayo Sanduuqa gargaarka ee Sacuudiga, si loogu caawiyo Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya iyo £3.8 milyan oo qayb ka ah taageerada lagu horumarinayo hab-nololeedka xoola-dhaqatada si ay u helaan adeegyo maaliyadeed iyo caymis ka dhan ah abaaraha. Dhanka kale waxaa jirta saddex milyan oo gini ah, taas oo horey loogaga dhawaaqay golaha loo dhan yahay ee QM, si loogu taageero Sanduuqa Dadweynaha ee UNFPA. UK ayaa ka mid ah dalalka reer Yurub ee taageerada siiya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxayna ka caawisaa dhinacyo kala duwan. Si kastaba, ujeedka taageeradan cusub ayaa ah sidii wax looga qaban lahaa abaaraha, cunto yarida, rabshadaha ku saleysan jinsiga iyo kor u qaadida adkeysiga cimilada, iyada oo la gaarsiin doono in ka badan 480,000 oo kamid ah dadka ugu nugul ee ku sugan dalka. The post Andrew Mitchellb oo ku dhawaaqay £6.7 milyan oo la siinayo Somalia kadib… appeared first on Caasimada Online.
-
ADDIS ABABA, Dec. 3 (Xinhua) -- The humanitarian situation in Ethiopia remains dire due to the failure of the main production season that severely deteriorates household food security, the UN Children's Fund (UNICEF) has warned. Source: Hiiraan Online
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jayre Cismaan ayaa go’aan culus kasoo saaray in isbaarooyin la dhigto gobolkaasi. Cali Jayte ayaa sheegay in bishii lixaad ay ku jiraan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, ayna ku jiraan xaalad adag, sidaas daraadeedna aysan aqbali doonin in la dhibaateeyo shacabka ah. Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa wacad ku maray, inuu tallaabo uu ka qaadi qof kasta oo isbaaro dhigto ama waddada u galo dadka shacabka ah ee safraya. “Islaanimadeyda ayaa gaasir ah oo nin muslim ah ma ihi hadii aan aqbalo in Isbaaro la dhigto” ayuu yiri Cali Jayte oo hadalkan ka jeediyey deegaanka Teedaan. Sidoo kale wuxuu farriin u diray kooxaha dhigta jidgooyooyinka, isaga oo ugu baaqay inay soo galaan ciidamada, kuna biiraan dagaalka ka socda gobolka Hiiraan. “War burcadow, kuwa jidka galayow ilmo adeer yaalow na kala bad-baadiya soo gala ciidamada iyo dagaalka socdo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyey qaylo dhaan iyo walaac laga muujinayey isbaarooyin horleh oo lasoo dhigtay deegaanada maamulka HirShabelle. The post Cali Jayte: Nin Muslim ah ma’ihi haddii aan aqbalo isbaaro + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto, ayaa shaqa joojin ku sameeyay afar kamid ah guddigii doorashada ee dalka Kenya, kuwaas oo ka soo horjeestay natiijadii guusha ee doorashada uu gaaray Ruto. Xubnaha guddigaan ayaa Augusto diiday in ay aqbalaan guusha uu gaaray madaxweynaha Kenya William Ruto, markaas oo ay sheegeen in uu guulaystay Odinga. Ruto ayaa guddi u saaray si ay baaritaan ah u saaray si ay u soo xaqiijiyaan xubnaha afarta ah ee shaqa joojinta uu ku sameeyay haddii xilka looga qaadi karo falkii ay ku kaceen. Raila Odinga ayaa dhankiisa ka soo horjeestay go’aanka uu madaxweynaha shaqada ugu joojiyay xubnaha guddiga doorashada ee Kenya. “xukuumadda Ruto waxay bilaabeen qorshe ay xilka kaga qaadayaan afarta qof ee cadaaladda u taagan,” ayuu yiri Raila Odinga. Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Kenya ayaa sidoo kale sheegay in uu madaxweynaha uu qorsheynayo in uu xilka ka qaado xubnahaan waxa uuna yiri “Waxay doonayaan inay soo magacaabaan xubnaha guddiga si ay u fuliyaan khiyaanadooda 2027,”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa shaqada ka joojiyay afar ka mid ah guddiga doorashada oo diiday in ay taageeraan guushii uu ka gaadhay doorashadii bishii August ka dhacday dalkaasi, sida ay madaxtooyadu sheegtay Jimcihii, wuxuuna sameeyay guddi baadhitaan ku sameeya haddii ay habboon tahay in xilalka laga qaado. Tallaabadan ayaa dagaal cusub oo u billaamay dowladda iyo mucaaradka, waxaana ay timid kadib markii baarlamaanka Kenya uu Ruto ka codsaday inuu sameeyo dacwad ka dhan ah xubnaha guddiga doorashada ee kala ah Juliana Cherera, Justus Nyang’aya, Irene Masit iyo Francis Wanderi. Raila Odinga, hoggaamiyaha mucaaradka ee ruug cadaaga ah ee sida dirqi ah lagaga guuleystey doorashadii Augusto, ayaa ku gacan-seydhay tallaabadii uu Ruto ka qaaday xubnihii diidanaa natiijada doorashadiisa. “Iyagu (xukuumadda Ruto) waxay bilaabeen qorshe ay xilka kaga qaadayaan afarta qof ee cadaaladda u taagan,” ayuu yidhi Odinga Jimcihii, wuxuuna ku eedeeyay Ruto inuu isku dayay inuu la wareego maamulka doorashada soo socota. “Waxay doonayaan inay soo magacaabaan xubnaha guddiga si ay u fuliyaan khiyaamadooda 2027,” ayuu yidhi Odinga oo wacad ku maray in ay qabanayaan isu soo baxyo dadweyne, si ay wadatashi ula sameeyaa Kenyanka tallaabooyinka xiga. Dibadbaxa ugu horeeya ayaa ka dhici doona Nairobi December. 7, halka kan labaadna ay qaban doonaan December. 12-keedaa. Xafiiska Ruto si degdeg ah ugama jawaabin markii wakaaladda wararka ee Reuters ay wax ka weydiisay eedeyntan. Mid ka mid ah guddigan, Justus Nyang’aya, ayaa sheegay inuu is-casilay, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha. Afarta xubnood ayaa qabtay shir jaraa’id oo barbar socday kan guddoomiyaha guddiga doorashada bishii Augusto. 15-keedii, waxayana sheegeen in aaneyn qayb ka noqon karin natiijadii sida toos ah telefiishanka ay kaga dhawaaqeen guddoomiyaha iyo laba xubnood oo kale. Muranka ayaa u gudbay maxkamadda sare, taasoo taageertay doorashadii Ruto, waxayna diiday doodda ay afartan xubnood soo bandhigeen ee ku saabsan habka tirinta codadka. Source
-
Duhurnimadii shalay waxaa dabaq ku yaalla degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir iska soo tuurtay gabadh dhalinyaro ah oo magaceeda lagu soo koobay Fartuun. Gabadhan iska soo tuurtay dabaqa ayaa la sheegay in dhawaan uu kusoo booday xanuun lagu sheegay Jini, hayeeshee baraha bulshada waxaa lagu faafiyay in gabadhani ay dabaqa isaga soo tuurtay Jeceyl dartii. Muqaal si weyn loogu dhex faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaayay gabadha oo kasoo boodeysa dabaqa, islamarkaana kusoo dhul dhaceysa maro ay dhulka la taagnayeen dhalinyaro dhowr ah oo dooneysay iney ku badbaadiyaan, hayeshee waxaa la xaqiijiyay in gabadha ay soo gaadheen dhaawacyo jajab u badan oo dhanka lugaha iyo gacmaha ka gaadhay. Majirto wax war ah oo kasoo baxay qoyska Fartuun oo la xadhiidha sababaha rasmiga ah ee keenay in gabadhooda iska soo tuurto dabaqaan ku yaallo xaafada Israac agagaarka buundada Xamar jajab ee magaalada Muqdisho. Source
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa shaqada ka joojiyay afar ka mid ah guddiga doorashada oo diiday in ay taageeraan guushii uu ka gaaray doorashadii bishii August ka dhacday dalkaasi, sida ay madaxtooyadu sheegtay Jimcihii, wuxuuna sameeyay guddi baaritaan ku sameeya haddii ay habboon tahay in xilalka laga qaado. Tallaabadan ayaa dagaal cusub u furtay dowladda iyo mucaaradka, waxaana ay timid kadib markii baarlamaanka Kenya uu Ruto ka codsaday inuu sameeyo dacwad ka dhan ah xubnaha guddiga doorashada ee kala ah Juliana Cherera, Justus Nyang’aya, Irene Masit iyo Francis Wanderi. Raila Odinga, hoggaamiyaha mucaaradka ee ruug cadaaga ah ee sida dirqi ah loogaga guuleystey doorashadii Agoosto, ayaa ku gacan-seyray tallaabadii uu Ruto ka qaaday xubnihii diidanaa natiijada doorashadiisa. “Iyagu (xukuumadda Ruto) waxay bilaabeen qorshe ay xilka kaga qaadayaan afarta qof ee cadaaladda u taagan,” ayuu yiri Odinga Jimcihii, wuxuuna ku eedeeyay Ruto inuu isku dayay inuu la wareego maamulka doorashada soo socota. “Waxay doonayaan inay soo magacaabaan xubnaha guddiga si ay u fuliyaan khiyaanadooda 2027,” ayuu yiri Odinga oo wacad ku maray in ay qabanayaan isu soo baxyo dadweyne, si ay wadatashi ula sameeyaa Kenyanka tallaabooyinka xiga. Dibadbaxa ugu horeeya ayaa ka dhici doona Nairobi December. 7, halka kan labaadna ay qaban doonaan December. 12-keedaa. Xafiiska Ruto si degdeg ah ugama jawaabin markii wakaaladda wararka ee Reuters ay wax ka weydiisay eedeyntan. Mid ka mid ah guddigan, Justus Nyang’aya, ayaa sheegay inuu is-casilay, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha. Afarta xubnood ayaa qabtay shir jaraa’id oo barbar socday kan guddoomiyaha guddiga doorashada bishii Agoosto. 15-keedii, waxayana sheegeen in aaneyn qayb ka noqon karin natiijadii sida toos ah telefiishanka ay kaga dhawaaqeen guddoomiyaha iyo laba xubnood oo kale. Muranka ayaa u gudbay maxkamadda sare, taasoo taageertay doorashadii Ruto, waxayna diiday doodda ay afartan xubnood soo bandhigeen ee ku saabsan habka tirinta codadka. VOA + Reuters. The post Ruto oo tallaabo culus qaaday iyo Odinga oo ka horyimid appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa shaqa joojin ku sameeyay afar ka mid ah guddiga doorashada dalkaas. Xubnaha shaqa joojinta lagu sameeyay ayaa diiday in ay taageeraan guushii uu William Ruto ka gaaray doorashadii bishii August ka dhacday Kenya, sida laga soo xigtay Madaxtooyada. Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale magacaabay guddi baaritaan ku sameeya xubnahan shaqada laga joojiyay oo kala ah; Juliana Cherera, Justus Nyang’aya, Irene Masit iyo Francis Wanderi. Dhinaca kale, mid kamid ah xubnaha shaqada laga joojiyay oo lagu magacaabo Justus Nyang’aya ayaa laga soo xigtay in uu is-casilay. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Kenya oo shaqa joojin ku sameeyay xubno kamid ah guddiga doorashada dalkaas appeared first on Puntland Post.
-
(ERGO) – Isnino Saleman Dagale, a mother of eight, is happy to have moved in to her own one-room house with a toilet in the Somali city of Galkayo, sharing a solar panel with her two neighbours. Source: Hiiraan Online
-
LUSAIL, Qatar, Dec 2 (Reuters) - Cameroon defeated a second-string Brazil team 1-0 in their final Group G match at the Lusail Stadium on Friday but it was not enough as the African side were knocked out of the competition. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheynayso tallaabada ku habboon ee ay qaadi laheyd, kadib weerarkii dableyda Al-Shabaab ka tirsan ka gaysteen Hotel Villa Rays ee magaalada Muqdisho. Hotelkan oo madaxtooyada qaranka ka xigga dhanka degmada Boondheere ayaa ku yaalla goob amnigeeda si weyn loo ilaaliyo oo ka tirsan xeendaabka xarunta Villa Somalia. Weerarkan ayaa intii uu socday waxa uu saameeyay dhaqdhaqaaqa madaxtooyada qaranka iyo dhismooyinka kale ee hay’adaha dowladda ee halkaasi ku yaalla, iyadoo uu hadalhayn xoog lehna ka dhex dhaliyay qaybaha bulshada. Dadka wax ku qora barraha bulshada ayaa su’aal geliyay sida lix nin oo Shabaabka ka tirsan ugu suurtagashay inay ka gudbaan barraha kontorool ee lagu hubiyo amniga hotelkaasi oo muhim u ah qasriga Madaxtooyada, waana xilli wadooyinka hotelkaasi soo gala ay markii horeba u xirnaayeen amniga madaxtooyada. Weerarka ayaa intii uu socday waxay dableydaasi gantaalaha garbaha laga tuuro ku garaaceen gidaarka madaxtooyada. Wadooyinka iyo isgoysyada kale ee ka baxsan madaxtooyada waxaa yaalla barro kontorool oo amniga gaadiidka iyo dadweynaha lagu hubiyo, iyada oo dadku ku adagtahay in si caadi ah isaga kala gudbaan. Dadka qaarkii ayaa qaba aragtida ah inaanay Shabaabku weerari kari lahayn goob amnigeeda sidaasi loo ilaaliyo, haddii aysan jiri lahayn gacan gudaha ah. Ma cadda nooca ay jawaabcelinta dowladdu noqon doonto, lamana garanayo haddii saraakiil ay xilkooda ku waayi doonaan iyo haddii kalaba. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha ku dhow dhow ayaase dersaya waxa ay noqon kareyso tallaabada xigta ee ay dowladdiisu qaadayso. Horey ayaa Dowladda Federaalka ayaa lagula taliyay in ay wax ka bedesho hannaanka lagu sugo amniga caasimadda Muqdisho, tiiyoo wax ka suurtagalay aanay jirin. Sidaa aan xogta ku helnay Villa Somalia ayaa garowsan in weerarkani uu weji gabax ku yahay dowladnimada dalka, haddii uu cagaha la soo galay aqalkii dalka looga arriminayay. Weerarku waxa uu imaanaya xilli dowladdu ay dhawaan sheegtay in hawlgalada ka socda gobolada dalka qaarkood lagu dilay 600 oo ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab, halka 1200 kalena lagu dhaawacay. The post Xog: Weerarkii lagu qaady Hotel Villa Rays ‘oo jawaab la’aan aan noqon doonin’ appeared first on Caasimada Online.
-
Nuur Dugle (Caasimada Online) – In ka badan 10 qof o shacab ah ayaa ku dhintay, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar ay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen duleedka deegaanka Nuur-Dugle shalay. Dhowr qof oo waayeello ahaa ayaa la sheegey inay ka mid yihiin dadka ay Al-Shabaabku ku dileen deegaankaas, waxaana weerarkan uu dhacay Khamiistii. Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee wax ka hoggaaminaya hawlgalada ka socda Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in Al-Shabaab ay toban qof oo shacab ah ku dishay tuulooyin hoostagga deegaanka Nuur Dugle ee gobolkaasi. Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa sheegay in Al-Shabaab ay weerartay fariisimo xoogaga deegaanka ku leeyihiin tuulooyinkaasi, islamarkaana ay iska caabin xoog leh kala kulmeen Macawiisleyda, sida uu yiri. Xildhibaanka ayaa xusay ujeedada ay Shabaabku rayidka u beegsanayaan inay tahay si ay u cabsi geliyaanuga hortaggaan kacdoonka dadka shacabka ah ee looga soo horjeedo ururkaas. Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya kuwa Macawiisleyda ayaa horaantii bishii hore ee November la wareegay deegaanka Nuur Dugle iyo tuulooyinka hoostagga. Al-Shabaab ayaa horey shacab badan ugu laysay gobolka Hiiraan, ayada oo kadibna qiil ka dhigatay inay ahaayeen dad hubeysan. Beesgiga Al-Shabaab ayaa loo arkaa mid laga leeyahay laba ujeedo, oo tan koowaad ay tahay ka aargudasho shacabka hubka u qaataan inay iska xorreeyaan, halkan tan labaadna ay tahay in lagu cabsi geliyo inay kuwa hor leh hubka qaataan. The post Al-Shabaab oo Sh/Dhexe ku dishay 10 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan waayeelo appeared first on Caasimada Online.
-
Alberta (Caasimada Online) – Dhowaan ayay Jaamacad Canada ku taalla soo saartay natiijada baaritaan ay ku sameeysay dhagax qaali ah oo laga helay Soomaaliya. Haddaba halkee ayuu markii hore ka yimid dhagaxa ay ku jirto macdanta? Professor Cabdulqaadir Abiikar Xuseen oo arrimaha dhagaxaanta qiimaha leh wax ka qora, baaritaankii ugu horreeyayna ka sameeyay ayaa sharraxay. “Dhagaxaan horta dhagax dhuleed ma aha iyo mid ka yimid adduunyadan aan ku nool nahay, waa dhagax ka yimid hawada sare, gaar ahaan meel dayaxa ka sarreysa sida meerayaasha Maaris iyo Jubitar. Sidaas darteed, mararka qaar dhulka ayaa soo jiita oo dhulka ayay ku dhacaan dhagxaantan qaasatan kuwa Nikel-ka ka sameysan, halka qaar kalana ay hawada ku dhammaadaan,” ayuu yiri Professor Cabdulqaadir Abiikar Xuseen oo arrimaha dhagaxaan wax ka qoray. “Dhagaxan hadda waxa uu ka mid yahay kuwa dhulka soo gaaray ee aadka u adag markii Muqdisho la keenayna waxaan ahaa ninkii ku sameeyay baaritaankii ugu horreeyay kaas oo aan ku ogaaday inuu yahay metorite. Waxaan baaray balliciisa, jooggiisa, cufnaantiisa iyo miisaankiisa oo kun kiilo ahaa,” ayuu yiri. Professor Cabdulqaadir ayaa markaasi ka dib sheegay in qeybo ka mid ah dhagaxa ay u direen Jaamacadaha California iyo Alberto si ay baaritaan ugu sameeyaan. Ka dib Jaamacadda Alberto ayaa baaritaan dheeraad ah sameysay waxayna ogaatay in dhagaxa uu laba macdan ka kooban yahay. Natiijadii ka soo baxday baaritaanka Jaamacadda Alberta ee Canada. Cilmi-baarayaasha Jaamacadda ayaa waxay sheegeen in dhagaxaan ay horey u yaqaanneen isla markaana horey looga sameeyay gabayo, heeso iyo sugaan kale iydaoo qiyaastii laga joogo waqtigaas muddo shan qarni ah . Sidoo kale dhagaxaan ayaa loo adeegsadaa sooofeynta/afeeynta mindiyaha. Magacyada rasmiga ah ee macdanta cusub waa elaliite iyo elkinstantonite. Waxaa aqoonsaday saynisyahanno ka tirsan jaamacadda Alberta oo eegay jajab 70 garaam ah oo ka yimid 15-tan ee meteorite-ka, kaas oo lagu sheegay inuu yahay kii sagaalaad ee ugu weyn ee gaadha meereheenna, qiyaastii 90% birta. Magaca “eliite” wuxuu bixinayaa xaqiiqda ah in ay dhab tahay in macdantan laga soo saaray deegaanka Cel-Cali oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya, “elkinstantonite” waxaa loogu magac daray khabiirka Nasa Lindy Elkins-Tanton. “Lindy waxay qabatay shaqo badan oo ku saabsan sida xuddunta meerayaasha u sameeyaan, sida kuwan nikkel-ka birta ah u sameeyaan, iyo analoogga ugu dhow ee aan hayno waa meteorites birta. Markaa waxay macno u leedahay in magaceeda loo bixiyo macdan iyada oo la aqoonsanayo waxtarkeeda sayniska.” “ayuu yiri Prof Chris Herd oo qiimeeya ururinta saadaasha ee Jaamacadda Alberta. Isha: BBC The post Maxaad ka ogtahay dhagaxa qaaliga ah ee dhowaan laga helay gudaha Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
-
Siyaasiga Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, xoghayaha Dhallinyarada Ciyaaraha Mudane Yuusuf Nuux Yuusuf iyo saraakiil kale oo Xisbiga ka mid ah ayaa galabta kaga qayb galay ciyaar xiiso badan oo u dhexeysay Degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31-ka May oo ka dhacday garoonka Hargeysa Istaadyoom. Masuuliyiinta ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka islamarkaana si fiican u qaabileen taageerayaasha labada kooxood ee ciyaarta daawanayay. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, oo in ka yar shan bilood haya hoggaanka xukuumadda Soomaaliya, ayaa billaabay inuu mashaariicda dowladda u xiro qaar ka mid ah saaxibadiisa gaarka ah, sida ah ogaatay Caasimada Online. Xamza ayaa ugu horreyn hoggaanka xafiiskiisa u dhiibay xubno ay isku beel yihiin, ayada oo xoghayaha joogtada ah ee sida dadban u maamula xafiiska uu yahay Axmednuur Ulaax, oo ahaa xoghayihii joogtada ee ra’iisul wasaare Kheyre, inkasta oo xilkaas uu hadda ku magacaaban yahay Maxamed Zubeyr. Axmadnur oo la-taliye ahaan u jooga xafiiska, ayaa haddana haysta awoodda ugu ballaaran, isaga oo ceyrin karo ama shaqaalayn karo ciddii uu doono, halka Maxamed Zubeyr uusan haysan awood dhaafsiisan inuu xilka ku magacaaban yahay. Waxaa sidoo kale xafiiska ra’iisul wasaaraha awood ballaaran ku leh laba xildhibaan oo kala ah Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Firimbi) iyo Xildhibaan Maxamed Jamaac Mursal (Geelle) oo labaduba ka soo jeeda beesha ra’iisul wasaaraha. Labada xildhibaan ayaa saameyn weyn ku leh go’aanada uu Ra’iisal Wasaare Xamza qaato, waxaana ay yihiin la-taliyalaal uu ku kalsoon yahay oo uu talooyinka ka qaato, ayaga oo xafiiska ka qaata dhaqaale lagu sheegay “taabagalinta go’aanada Ra’iisal Wasaaraha.” Sida Caasimada Online ay u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay, saddex asbuuc kahor, waxa uu Ra’iisal Wasaare Xamsa xafiiskiisa isugu keenay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, iyo Geele iyo Xasan Firinbi, ayada oo kulankaas lagu go’aamiyay in labada xildhibaan lagu wareejiyo qanadaraaska maamulka iyo uruurinta dhaqaalaha kasoo xarooda bixinta ruqsadaha wadidda gawaarida iyo canshuur qaadka mootooyinka Bajaajta ee ka shaqeeya magaalada Muqdisho. Mashruucan ayaa waxaa hadda kadib maamuli doono shirkad ay labada xildhibaan gadaal ka joogaan, waxaana la rumeysan yahay inay lacago badan kasoo gali doonto labada xildhibaan. Guddoomiye Yuusuf Xuseen ayaa sidoo kale waxaa lagu amray in mashaariic kale dib loo furo sida kuwa qashin qaadka iyo kan shidaalka, kuwaasi oo ay qayb weyn ku yeelan doonaan labada xildhibaan oo wakiil ka ah Ra’iisal Wasaare Xamza. Qaar ka mid ah agaasimaye waxeedyada gobolka Banaadir ee dhawaan uu magacaabay Gudoomiye Yuusuf Madaale ayaa sidoo lagu amray inay si toos ah ula shaqeeyaan labada xildhibaan. Waxaa muuqata in Ra’iisal Wasaare Xamza uu doonayo in saaxiibadiisa gaarka ah ay dhaqaale ka sameeyaan mashaariicda gobolka Banaadir, qayb ka mid ah dhqaaalahaas ayaa isaga si toos ah ugu dhaceysa koontooyinkiisa iyada oo la soo marsiinayo ilo kala duwan oo qarsoodi ah. Sida la ogyahya, Ra’iisal Wasaare Xamza ayaa kaalin weyn ku lahaa magacaabista Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen, waxaana hadda muuqata in Madaale uu abaalgudayo. The post R/W Xamza oo mashaariic dowladeed u muhiim ah u xiray xildhibaano ku dhow appeared first on Caasimada Online.
