-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo 17 qof oo aqoonyahano Soomaaliyeed ah ayaa maanta la guddoonsiiyey shahaadada sare ee PhD, iyadoo xafladda qalin-jebinta lagu qabtay Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho. 18-kaan qof ee Xasan Sheekh uu ku jiro ayaa shahaadadaan ka qaatay Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay, maamulka Jaamacadaas ayaa xafladii galabta ka sheegay in Xasan Sheekh loogu magac-darayo xarunta ay ku leeyihiin Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sanadkaan shahaadada sare ka qaatay cilmiga nabadda, maamul wanaagga iyo horumarinta, wuxuuna hadal mahad-celin u badan ka jeediyey xafladii galabta ee qalin-jebintooda. Madaxweynaha ayaa aqoonyahanada Soomaaliyeed ee maanta kala qalin-jabiyey heerarka kala duwan ee culuumta ay bixiso Jaamacadda Qaramada Midoobey, wuxuu kula dardaarmay inay doorka muhiim ah ka qaataan halganka ciribtirka jahliga iyo dib u dhaca ay wajaheen dadka Soomaaliyeed. Sidoo kale xafladaan waxaa ku qalin-jebiyey 144 qof oo kale oo shahaadada heerka labaad ee Masterka ka qaatay Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in qalin-jebinta tiro intaan la eg oo aqoonyahano Soomaaliyeed ay dhiiri-gelinayso mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Ugu Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa munaasabadaas ka balan qaaday in 100 ka mid ah Aqoonyahannada Soomaaliyeed uu jaamacadaan ka siinayo deeq waxbarasho PhD ah, iyadoo dawladiisu ay arrinkaas la kaashaneyso Jaamacadda Nabadda iyo saaxiibbada kale ee taageera waxbarashada Soomaaliya. The post Xarunta Jaamacadda QM ee Soomaaliya oo loogu magac-daray madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in loo diiday inuu tago magaalada Baydhaba, wuxuuna hadalkaan ka sheegay kulan ay maanta isugu yimaadeen siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada K/Galbeed. Shariif Xasan ayaa sheegay in maamulka madaxweyne Laftagareen uusan u ogoleyn inuu Baydhaba ku tago diyaarad, halka dhulka ay joogaan Al-Shabaab oo aan lagu safri karin. Sidoo kale madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed wuxuu sheegay in dadka lagu caburiyo deegaanada maamulkaas oo xoriyad uusan heleyn qofkii aan taageersaneyn maamulka uu hoggaamiyo Laftagareen. Shariif Xasan ayaa carabka ku adkeeyey inay doonayaan in doorashada Madaxweynaha K/Galbeed waqtigeeda lagu qabto, isagoo rajo ka muujiyey in mar un uu tegi doono Baydhaba oo qorshaha mudo kororsiga ah ee Laftagareen uusan soca doonin. Dhinaca kale Madaxweyne Shariif Xasan ayaa ka hadlay dagaalkii ka dhacay deegaanada Daynuunaay iyo Goofgaduud-buurey oo hoos taga magaalada Baydhaba, halkaas oo Al-shabaab ay ku laayeen ciidan badan. Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed wuxuu ka tacsiyeeyey khasaarihii ciidanka loogu geystay weerarkaas oo sababay inay kooxdu la wareegto labadaas deegaan, ciidan badana ay ku layso, isagoo sheegay waxaas aan loo dul-qaada doonin. Ugu dambeyntii Shariif Xasan ayaa dowladda dhexe ku amaanay sida ay uga go’antahay in laga adkaado oo lasoo afjaro kooxda Al-shabaab oo dhibaato badan ku heysa umadda Soomaaliyeed, dadka reer Koonfur Galbeed ayuu ugu baaqay inay kacdoon sameeyaan oo dhulkooda ay ka xoreystaan Al-shabaab. Hoos ka daawo The post Daawo: Shariif Xasan oo shaaciyey caqabad ka heysata inuu tago Baydhaba appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda UK ayaa sheegtay in ay bixineyso deeq cusub si wax looga qabto xaaladda macluusha ah ee ka jirta Soomaaliya. Wasiirka horumarinta UK oo Soomaaliya ku sugan ayaa sheegay in loo baahan yahay in si degdeg ah wax looga qabto baahida ka jirta Soomaaliya. Taageerada Ingiriiska ayaa la gaarsiinaya dhinacyada Caafimaadka, Carruurta, Haweenka, Isbaddelka Cimilada iyo dadka ay saameysay abaarta ka jirta Soomaaliya. Dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ka jira Soomaaliya ayaa weli sii xumaanaya, iyadoo 300,000 qof la saadaaliyay inay macluul ku jiraan, halkan 1.8 milyan oo carruur ah ay halis ugu jira nafaqo-xumo. Wasiirka horumarinta, Rt Hon Andrew Mitchell MP ayaa yiri” Soomaaliya ayaa wajaheysa mid ka mid ah dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ugu xun adduunka, iyadoo malaayiin qof ay si aad ah ugu baahan yihiin gargaar, oo ay ku jiraan in ka badan nus milyan carruur ah oo da’doodu ka yar tahay 5 sano jir oo halis ugu jira dhimasho” “Waxaan booqday Soomaaliya sanadkii 2011-kii oo ay ka jirtay macluul aad u daran, waxaana aad uga naxay dadkii ku dhintay” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiirka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qeyb galay Munaasabadda Qalin-jabinta Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee sanadka ka baxay Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay ayaa Maamulka Jaamacaddu waxay go’aamiyeen in ay Madaxweynaha ugu magac-daraan Xarunta ay ku leeyihiin Soomaaliya. Madaxweynaha oo Jaamacaddan ka qaatay sanadkaan, shahaadada sare ee cilmiga nabadda, maamul wanaagga iyo horumarinta ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee maanta kala qalin-jabiyey heerarka kala duwan ee culuumta ay bixiso Jaamacadda Qaramada Midoobey, waxa uuna tilmaamay doorka laga filanayo in ay ka qaataan halganka ciribtirka jahliga iyo dib u dhaca dalka. “Soomaaliya waxa ay u baahan tahay dhisidda tiirarka tacliinta sare oo ku saleysan hal-abuur iyo xirfad, horseedaysana nabad iyo dib u heshiisiin waarta. Maanta waxaan u fadhinnaa qalin jabinta 18 Aqoonyahan Soomaaliyeed oo qaatay PhD iyo 144 kale oo heerka Labaad ee Masterka ah, taas oo dhiirri gelinaysa mustaqbalka dalkeenna,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in boqol ardey la siinayo deeq waxbarasho PhD ah oo ay Jaamacadda UPEACE fulin doonto saddexda sano ee soo socota, taas oo kor loogu qaadayo heerka tacliinta sare ee Soomaaliya, iyadoo dawladdu ay arrinkaas la kaashaneyso Jaamacadda Nabadda iyo saaxiibbada kale ee taageera Waxbarashada dalkeenna. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh ayaa uga u mahad-celiyay dhammaan macalimiintii qaybta ka ahaa waxbarashadiisa, gaar ahaan maamulka iyo ardeyda Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay oo uu ka qaatay takhasuska cilmiga Nabadda, Maamul wanaagga iyo Horumarinta. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo 100 aqoonyahan ka bixinaya kharashka waxbarashada ee PhD appeared first on Caasimada Online.
-
Shaqaalaha kala duwan ee dowladda Puntland ayaa ka cabanaya in aysan wax mushahar ah qaadan saddexdii bilood ee la soo dhaafay. Qaar kamid ah Shaqaalaha dowladda oo aan rabin in magacyadooda la xigto ayaa Puntland Post u sheegay in aysan wax mushahar qaadan saddexda bilood ee September, October iyo November 2022. Shaqaalaha dowladda Puntland ayaa mushaharkii ugu dambeeyay qaatay bishii August, taas oo la siiyay 31 October 2022. Shaqaalaha Puntland waxay qaataan mushahar aad u yar, taas oo markii loo eego wacyiga lagu jiro baahidooda dabooli karin. Dhanka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo aan la xiriirnay si aan wax uga weydiino arrintaas weli kama jawaabin cabashada mushahar la’aanta shaqaalaha. Xukuumadda Madaxweyne Siciid Deni ayaa sannadihii hore lagu amaanay in aysan ku baaqan wax mushahar iyo xuquuq shaqaale ah inkastoo muddooyinkii dambe cabashadaas jirtay. PUNTLAND POST The post Shaqaalaha Puntland oo ka cabanaya mushahar la’aan appeared first on Puntland Post.
-
PRESS RELEASE How Young People are Creating Businesses Selling Coffee As part of Nestlé Needs YOUth Initiative, MYOWBU is benefitting over 5, 000 young people and seeks to double its youth outreach with entrepreneurship to 10, 000 by 2025 Access Multimedia Content ACCRA, Ghana, December 1, 2022/ — In the world of entrepreneurship, some dream and hope their ideas become reality whilst others seize any available opportunity to make their dreams come true. In the end, what these people want is to have something they can proudly call “MyOwnBusiness”. Laurent Georges is one such example. While in his final year of secondary school in Cameroon, Laurent faced serious financial challenges. Exploring ways to find solution, his sister told him about a youth entrepreneurship program she had heard of in Cameroon. Seeing himself as a future entrepreneur, Laurent without a doubt took his sister’s advice and joined Nestlé’s My Own Business (MYOWBU) program. “From a pushcart operator to owning my own operator site, the MYOWBU program has considerably changed and blessed my life. From 2015, I have been able to completely pay all my school fees till now where I’m in research cycle in university. I have become a real support to my family!”, Laurent said. Laurent’s business now employs 32 people. Through self-employment, Laurent has now become financially independent. Like Laurent, Ahou a young mother in Côte d’Ivoire earns a living through this program selling around 200 cups of coffee a day. As a street vendor, “This is how I earn money which allows me to be independent and take care of my child”. From Ghana, Edward Yaw Kumah started as a Salesperson in 2007. Today, he owns an operating site, providing job opportunities for youth in his business. Edward sees a bright future with this business and hopes to expand across the country and provide more job opportunities for others. MYOWBU presents an opportunity for young adults such as Laurent, Ahou, and Edward to venture into entrepreneurship to become financially independent. It is also a call for businesses to engage youth and help build their entrepreneurial skills. Rabie Issa, Business Executive Officer, Nestlé Professional and Nestlé Waters strongly believes that “The growth of Africa’s economy can be accelerated if we integrate youth development as a core aspect in business operations. Nestlé will continue to find the right partnerships to create enabling entrepreneurial environment and help young people thrive in Central and West Africa”. As part of Nestlé Needs YOUth Initiative, MYOWBU is benefitting over 5, 000 young people and seeks to double its youth outreach with entrepreneurship to 10, 000 by 2025. Currently operational in Cameroon, Côte d’Ivoire, Nigeria, Ghana, Senegal among others, the program provides commercial equipment including pushcarts and shoulder kits as enablers for interested youth with the dream of starting and owing their own businesses. Nestlé’s MYOWBU contributes to United Nations Sustainable Development Goal 8 – Decent Work and Economic Growth. Distributed by APO Group on behalf of Nestlé. Qaran News
-
Xukuumadda Puntland ayaa dowladda Imaaraatiga Carbeed ugu hambalyeeysay wax ay ku tilmaantay midowgii barakaysnaa ee dalkaas sameeyay sannadkii 1971. Madaxweyha Puntland Siciid Deni ayaa sheegay in tallaabadaas ahayd mid xikmadaysan oo looga daydo dhismaha bulshooyinka iyo midayntooda. ” Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan shacabka Puntland, waxaan hambalyo kal iyo laab ah u diraya madaxweynaha Imaaraatiga mudane, Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan_Alle ha xifdiyee iyo shacabka UAE, waxaana Ilaahay uga rajayn in ay ku waraan amni iyo xasilooni” ayuu yiri madaxweyne Deni. ” Waxaan sidoo kale uga mahadcelinaynaa dowladda Imaaraadka Carabta kaalinteeda horseednimo ee taageerada ay siiso Puntland dhinacyada horumarinta iyo amniga” ayuu sii raaciyay madaxweynaha Puntland oo u hambalyeeyay UAE. PUNTLAND POST The post Puntland oo u hambalyeysay dowladda Imaaraatiga Carbeed appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta kulan la qaadatay qaar ka mid culima’udiinka Soomaaliyeed xilli ay sheegtay in nolosheeda ay halis ku jirto. Sacdiya ayaa culimada kala hadashay arrimo ku saabsan hadalladii ay ka jeedisay shir ka dhacay magaalada Muqdisho ee ay culimada ku weerartay, kuwaas oo salka ku hayey doodda ku saabsan sharciga jinsiga. Guddoomiye Sacdiya Yaasiin ayaa culimadda uga mahadcelisay sida ay u soo ajiibeen kulankeedi, waxayna bulshada iyo culimadda Soomaaliyeed uga jawaabtay khudabadii ay ka jeedisay daah-furka ololihii 16-ka maalmood ee tacadiyadda ka dhanka ah ee haweenka iyo carruurta. Sacdiya ayaa culimada u sheegtay in hadalladii baraha bulshada la wareejinaayay iyo mowduuca ay ka hadleysay aanay ahayn kuwa hal meel u wada socda. Sacdiya Yaasiin ayaa bulshada Soomaaliyeed u sheegtay inay wada ilaaliyaan shuruucda dalka iyo in meel loogu soo wada jeesto tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta, ayada oo mar kale adkeysay in laga wada shaqeeyo midnimada iyo ilaalinta diinteena Islaamka. Siyaasiyiin, xildhibanano iyo culimo badan ayaa si weyn u dhaliilay xildhibaan Sacdiya, waxaana socda qorshe bilow ah oo la doonayo in mooshin xil ka qaadis ah looga keeno. Xildhibaan Sacdiya ayaa shalay sheegtay inay soo gaareen farriimo hanjabaadyo ah islamarkaana nolosheeda ay halis ku jirto. Marwo Sacdiyo Yaasiin waxay intaasi ku dartay in hadalkeeda lasoo jarjaray, islamarkaana si khaldan loo dhigay, kadibna lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka. Sidoo kale waxa ay hoosta ka xariiqday in ayadu aysan qayb ka aheyn dadka u doodaya meel-marinta xeerka Jinsiga ee ay haatan dooda adag ka taagan tahay, ayna ka mid aheyd xildhibaanadii horey u diiday meel marimnta sharcigan, sida ay haatan ku dooday. Waxa kale ay sheegtay in kaliya ay ololeyneyso kaliya wax ay ugu yeertay ‘Sharaf Dhowr’ si ay xuquudooda gaar ahaaneed u helaan dumarka, gaar ahaan kuwa loo geysto tacadiyada. Arrintaan oo ay ka dhalatay xasaasiyad xoogan ayaa waxaa soo farageliyey guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed (Aadan Madoobe), kaas oo ballan qaaday in Baarlamaanka Soomaaliyeed aan la horkeeni doonin wax ka hor imaanaya Diinta Islaamka. The post Sawirro: Xildhibaan Sacdiya oo la kulantay culimada xilli nolosheeda ‘ay halis ku jirto’ appeared first on Caasimada Online.
-
Baidoa (HOL) - Al Shabab militants reportedly recaptured Deynunay village in the Bay region on Thursday following an ambush attack and heavy fighting between the militants and government forces. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonyahay, In ka badan 100 Xildhibaan ayaa saxiixay Mooshin ay ku dalbanayaan in la kordhiyo Mushaaraadka Xildhibaanada. Mooshinka Xildhibaanada ayaa imanaya xili ay Wasaaradda Maaliyadda hoos u dhigtay gunnooyinkii Xildhibaanada, islamarkaana ay hakisay lacag dhan 1,100 dollar oo markii hore loogu tala-galay Ilaalada iyo darawalada Xildhibaanka. Wasaaradda Maaliyadda ayaa go’aamisay in Akoonka Xildhibaanka lagu shubo 3,000 oo dollar oo keliya, oo ah mushaarkiisa. Halka markii hore gunnada dheeriga ah iyo mushaarka loogu shubi jiray akoonka. Wasaaradda ayaa qabta dooda dhigeysa “in lacagtaas sida dadban loo bixinayo (gunnooyinka Xildhibaanada) ay qatar wayn ku tahay nidaamka isla-xisaabtanka iyo hufnaanta Maaliyadda.” Sababta markii hore Xildhibaanada loo siin jiray gunnooyin badan oo dheeri ah ayaa aheyd in ay ku dabaraan ilaalada iyo darawalo ka caawiya amaankooda iyo howlahooda shaqo, hase yeeshe waxa taasi ka hortimid wasaaradda Maaliyada oo sheegtay inay iyadu bixiso lacagtaasi. “Ilaalada iyo darawalada Xildhibaanada waxaa si toos ah mushaaraadkooda u bixisa wasaaradda Maaliyadda, loomana raacin karo gunadda Xidlhibaanka.” Carrada ka dhalatay gunnada laga jaray Ilaalada iyo darawalada Xildhibaanada ayaa u muuqata inay ka dhalan doonaan mooshino hor leh oo midkaan ay saxiixeen Xildhibaanada uu ibo-fur u yahay. The post XOG: In ka badan 100 Xildhibaan oo saxiixay MOOSHIN appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin sheegaysa in 11 gobol oo ka tirsan dalka ay wajahi karaan khatar kaga imaan karta halista daadadka roobka (flash floods). Qoraal kasoo baxay hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ayaa waxaa lagu sheegay in goboladaas oo kala ah Galgaduud, Sh/dhexe, Sh/Hoose, Bakool, Banaadir, Gedo, Jubbada-dhexe, J/Hoose, qeybo kamid ah gobolada Baay, Bari iyo Hiiraan ay saadaashu sheegayso inay asbuucan heli doonan roobab inta u dhaxeysa 10 – 100 (mm). “Haddii roobabkaasi ay goboladaas uga da’aan sida ay saadaashu sheegayso waxay degmooyin gobolladaasi kamid ah wajihi karaan khatar kaga imaan karta halista daadadka ay roobabkaasi sababi karaan,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxay hay’addu sheegtay in gobolada kale ee dalka ay asbuucaan heli doonaan roob xadigiisu u dhaxeeyo 01 – 10 (mm), kaasi oo dadku ay ku diirsadaan, oo aan saamayn badan lahayn. Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ayaa toddobaadyadii u dambeeyay soo saareysay “Saadaasha Roobka todobada casho ee soo socota”, taasi oo ay uga digeyso haddii ay jirto halis ka dhalan karta roobabkaasi. The post DF oo soo saartay DIGNIIN ku wajahan 11 gobol appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in ay Soomaaliya ku taageereyso €1.5 milyan si wax looga qabto xaaladda abaarta ka jirta Soomaaliya. Lacagtaan ayay Jarmalku soo marsiinayaan hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan caafimaadka adduunka ee WHO. Jarmalka ayaa sheegay in uu doonayo in lacagtaan la gaarsiiyo haweenka, carruurta iyo dadka baahiyaha qaba ee ku sugan gudaha Soomaaliya. “Maalgelintan waxaa loo isticmaali doonaa in lagu bixiyo daryeelka caafimaadka carruurta iyo haweenka ku nool meelah ay adagtahay in la gaaro kuwaas oo ay saameeyeen abaartu,” ayaa lagu yiri wax ka soo baxay Jarmalka. Si kastaba ha ahaatee, waxaa ka faa’iidaysan doona kaalmadaan dadweynaha ballaaran . Jarmalka ayaa sheegay in abaarta ka jirta Soomaaliya ay tahay mid aad u daran una baahan in si degdeg ah wax looga qabto. “Tani waa sababta aan Soomaaliya ugu taageereyno €1.5million oo dheeri ah oo aan u sii marineyno WHO taas oo u dhiganta 10 milyan oo Yuuro,” ayuu yiri safiirka Jarmalka Sebastian Groth. ” Jarmalku waxa u taagan yahay Soomaaliya sidii ay uga caawin lahayd baahiyaheeda degdegga ah iyo sidoo kale horumarinta guud ee mustaqbalka fog ee caaafimaadka.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa isu diyaarinaya in uu mudda kororsi ku dhawaaqo dhammaadka bisha June ee sannadka 2023. Xogo hoose oo laga soo dusiyay Madaxtooyada Puntland ayaa muujinaya in Madaxweyne Siciid Deni uu go’aansaday hirgelinta mudda kororsi laba sano ah. Qorshaha mudda kororsiga oo loo qoondeeyay dhaqaale xooggan ayaa la rabaa in laga ansixiyo Baarlamanka. Kal-fadhiga 52-aad ee Baarlamanka Puntland ayaa sida caadiga ah furmi doona 15 bisha June ee sanndka 2023. PUNTLAND POST The post Xog: Madaxweynaha Puntland oo isu diyaarinaya mudda kororsi laba sano ah appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaarayo deegaan hoostaga gobalka Baay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay isaga baxeen deegaanka Goofgaduud Buureeey. Goofgaduud Buureey ee Gobolka Baay, ayaa lagu soo waramaya in ciidamada oo muddooyinkii la soo dhaafay ay ku sugnaayen balse maanta oo Jimca ah ay isaga baxeen. Illaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa ka bixitaanka deegaanka ay ciidamada ka baxeen. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in gacan ku haynta deegaanka Goofgaduud Buureey ay hadda la wareegeen xubna ka tirsan ururka Al-shabaab. Maamulkan Koonfur-galbeed iyo kan gobalka Baay weli kama hadlin ciidamada isaga baxay deegaanka Goofgaduud Buureey oo 30km u jira magaalada Baydhabo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa badashay nidaamkii ay hore ugu canshuuri jirtay Qaadka kasoo dega magaalada Muqdisho, taasi oo ay ka biyo diideen ganacsatada qaadka. Qaadka ka iman jiray Ethiopia iyo Kenya ayaa shalay ku xayirmay gudaha garoonka Muqdisho, kadib markii ay ganacsatada diiday inay bixiyaan lacagta canshuurta, waxaana la arkayay jawaanada ay ku jiraan qaadka oo tuban barxada garoonka. “Dowladdu waxay kusoo rogtay Canshuur xad dhaaf ah, waxaana naloo sheegay in la miisaamayo oo culeyska lacagta uu kusii badanayo,” ayuu yiri mid kamid ah Ganacsatada ka biyo diidan qaabka cusub ee dowladdu u canshuureyso qaadka. Wasaaradda Maaliyadda ayaa dhankeeda soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegayso in nasiib darro ay tahay in ganacsatada qaadka ay diideen in ay dowladda kala shaqeeyaan sidii ay u bixin lahaayeen canshuurtii sharciga ahayd. “Tani waa wax aan la aqabli karin lagana filayn ganacsatada iyo muwaadinka Soomaaliyeed. Wasaaradda Maaliyadda waxaa ka go’an in ay si cadaalad ah, oo daah-furan u canshuurto dhamaan agabka la soo dejiyo si aan kor ugu qaadno dakhliga dhaqaalaha, kaasi oo gacan wayn ka gaysan kara dib-u-dhiska dalkeen.” Nidaamka cusub ee Kiiloogaraamka ah ayaa waxay wasaaraddu ku sheegtay in uu yahay halbeega ugu haboon ee lagu cabiri karo canshuurta qaadka, kaasi oo aan waxba ka bedelneyn qiimaha cashuurtii la qaadi jiray, sida ay sheegtay “Habkaan cusub ayaa ah mid daah-furan oo la jaan qaadaya dunida, islamarkaana si wax ku ool ah loogu hagaajin karo nidaamka canshuurta, iyadoo dowladdu horay ugu wargelisay ganacsatada qaadka.” Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri “Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an inay si dhaw oo qadarin iyo waxtar leh ula shaqeyso ganacsatada oo dhan oo ah laf-dhabarka dalka Soomaaliyeed.” The post Maxay tahay xiisadda cusub ee ka taagan qaadka kasoo dega Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa soo xiray Faarax Kuulow oo ahaa guddoomiyaha deegaanka Ceel-macaan. Faarax Kuulow ayaa sidoo kale ah xubin ka tirsan Golaha degaanka ee degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Wararka aan ka helayno xariga Faarax ayaa sheegaya in loo haysto inuu leeyahay hubkii lagu dilay labo Haween ah iyo wiil saqiir ah, dil wadareedkaas oo dhawaan ka dhacay Warsheekh. Wararka ayaa intaas kusii daraya in guddoomiyaha la xiray wiilkiisa curadka ah iyo mid kale oo uu adeer u yahay oo haystay hubka guddoomiyaha ay fuliyeen dilkaas. Faarax Kuulow ayaa sidoo kale waxaa lagu soo waramaya in uu ku guul-dareystay in mudadii ay siisay NISA uu ku keeno wiilashiisa oo ku eedeysan dil wadareedkaas oo aad uga naxeen bulshada Soomaaliyeed. Dhacdadaan ayaa kusoo aadaysa, ayada oo dhawaan heshiis rasmi ah laga gaaray colaad beeleed maalmihii ugu dambeeyey ka taagneyd gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan duleedka degmada Cadale, taasi oo uu dhameystirkeeda goobjoog ka ahaa madaxweyne Xasan Sheekh, iyada oo lagu ballamay in qofkii dil geysta sharciga la geeyo. The post Ciidamada NISA oo xabsiga dhigay guddoomiye deegaan + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay Nin hubeysan oo ay sheegeen inay gacanta kusoo dhigeen xili uu dil u geysan rabay Askari ka tirsan ciidanka dowladda. Afhayeenka Ciidanka Booliska, Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in degmada Wadajir ay laamaha amniga kasoo qabteen ninkaan hubeysan oo watay bastoolad. “Ninkaan ayaa markii la qabanayay wuxuu doonayay inuu degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku dilo Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada deegaanka Xamar,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe. Ninka hubeysan ee ciidanka ay soo qabteen ayaa magaciisa lagu sheegay Muxsin Cali Mustaf Ciidanka Booliska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan sidan oo kale gacanta ugu soo dhigay rag hubeysan oo weerar ka fulin rabay gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Si kastaba, arrimahaan ayaa kusoo aadaya xili ay muddooyinkii dambe kordheen falalka liddiga ku ah amniga, sida weerarada, qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaalada Muqdisho. The post BOOLISKA oo soo bandhigay nin hubeysan, shaaciyayna qorshe uu damacsana appeared first on Caasimada Online.
