-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ururada siyaasadda Puntland ayaa war-murtiyeed ka soo saaray shir wadatashi ah oo saddexdii berri ee la soo dhaafay ugu socday magaalada Garoowe. Ururada siyaasadda Mideeye, Mustaqbal, Horseed, Runcad, Sincad, Ifiye iyo Dhalinyarada ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qaybgalka doorashada goleyaasha deegaanka ee la filayo in ay dhacdo horraanta sanadka soo socda ee 2023, balse waxay soo jeediyeen in diiwaan-gelinta iyo doorashada ka hor la fuliyo qodobada hoos ku xusan. 1. In la dhamaystiro xubnaha ka dhiman Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland. 2. In la baddelo nidaamka liistada xiran ee doorashooyinka golaha deegaanka, lagana dhigo liistada furan. 3. In la dhimo tirada xildhibaanada golaha deegaanka ee degmooyinka. 4. In ururada siyaasadda fursad loo siiyo diiwaan-gelinta codbixiyaasha. 5. In diiwaan-gelinta iyo doorashadu si siman hal mar uga wada dhacdo dhamaan deegaanada Puntland. 6. In deegaanada doorashadu aysan ka dhici karin heshiis siyaasadeed laga gaaro ka hor inta aysan diiwaan-gelintu bilaaban. 7. In xuduudaha degmooyinka la waafajiyo dastuurka iyo xeerka gobolada iyo degmooyinka qodobkiisa 21-aad, farqadiisa labaad. 8. In nidaamka ku xadidaya saddex xisbi in dalku yeesho muddo 10 sano ah meesha laga saaro oo la beddelo. 9. In ururkasta oo hela aqlabiyada xildhibaanada golaha deegaan degmo doorasho ama isbahaysi ururo dhexmara ay ku helaan aqlabiyadda ay soo dhisaan maamulka degmada faragelin la’aan. 10. In xubinkasta oo ku soo baxda magac urur siyaasadeed ee baal-marta xeerka ururkaas u degsan ay dhuminayso xasaanadda xildhibaanimo, ururkuna soo beddalaayo booskiisa. 11. In shaqaalaha loo qaadanaayo doorashada loo maro nidaam daah-furan, ururada siyaasadduna la socdaan. 12. In ururada siyaasadda qayb ka helaan dakhliga dowladda iyo taageerada deeq-bixiyaasha. 13. In la diyaariyo guddi madax-banaan oo ka hortaga musuqa doorashada. Shirka waxaa ka qaybgelin oo ka maqnaa ururada siyaasadda ee Kaah iyo Shaqaalaha. PUNTLAND POST The post Maxaa ka soo baxay shirkii ururada siyaasadda Puntland? appeared first on Puntland Post.
-
Fishermen on Somali coast More than 300 fishermen in Gumbah, in Somalia’s north eastern Bari region, have been put out of work by the theft and damage of their fishing equipment and threats by foreign trawlers. Hassan Abdirahman Omar, who has been making a living at sea for 15 years, has quit after losing all his nets and boats. “The foreigners pose a great challenge. They have taken all our equipment and there is nothing we can use now. People are just sitting idle, there are no boats, no nets, or anchors,” he said. Hassan has been supporting his family of 10 since his father died. He has turned to construction to make ends meet and gets called up once or twice a week for a job site earning $7-8. It is barely enough for his family. He used to earn about $20 a week selling fish he caught in his village. Sometimes if he caught a shark or other unusual fish he would go to Bosaso market to sell them for extra money. According to Hassan, most people in Gumbah village have small plots of land that they farm and have no funds to buy new fishing equipment. Mohamed Awil Mohamud, another local, had nets and other tools worth $2,000 impounded by a foreign trawler. “You can imagine your equipment just taken by another vessel and it was costing you money – first you sit and just count your losses. That is what prompted me to stop fishing,” he said. His family of seven children depended on handouts from their relatives and credit from local stores. He had no savings because his income used to be small. Mohamed used to be a pastoralist keeping 300 goats, although four consecutive rainy seasons took a toll on his livestock and he has only 30 thin and feeble goats left. The representative of Puntland’s Ministry of Fishing and Marine Resources in Gumbah, Mohamud Said Mohamed, said the fishermen are facing a very difficult situation with their livelihoods in jeopardy. Even fishermen who managed to hang on to their boats and equipment are too fearful to go back out to fish. He noted that they cannot identify the origin of these foreign trawlers, although the Puntland administration has given out licenses to various countries to fish in their territorial waters. “These families are mostly from poor backgrounds, some of them have lost all their equipment, and they aren’t able to get it back which forces to stay out of work,” he said. He added that there have been incidents of foreign trawlers shooting at the local fishermen to force them out of the ocean. The administration is unable to bring them to hold them accountable. Gumbah village is located 63 kilometres from Baargal district and is known for fishing, although in the last three years there has been a decline in the fishing market with this year being the worst. Source: Radio Ergo The post Puntland fishermen forced out of the sea by foreign trawler attacks appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Abwaan Geesi oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo hal-abuure ahaa. Geerida Abwaan Geesi ayaa aad u taabatay dhammaan Soomaalida, maadaama uu ahaa nin caan ah oo jila sheekooyinka qosolka iyo xigmada le. Sidoo kale Abwaan Geesi wuxuu aad u isticmaali jira baraha bulshada. Marxuumka ayaa mudooyinkaan ku xanuunsanaa magaalada Nairobi, wuxuuna xanuunka hayey ka soo bilowday dhanka Kaliyaha, sida uu sheegay weriye Cabdullahi Axmed Cali oo saaxiibo dhow ay ahaayeen Abwaanka. Weriye Cabdullahi Axmed Cali oo laga wareysanayey TV-ga uu ka shaqeeyo ee Somali Cable ayaa xaqiijiyey in Abwaan Geesi uu gabi ahaantiis bararay, kadib markii uu ku siyaaday xanuunkii ka soo bilowday kaliyaha, kaas oo ugu dambeyn uu caawa u geeriyooday. Hoos ka dhageyso wareysiga The post Dhageyso: Weriye xog cusub ka bixiyey xanuunka uu u geeriyooday Abwaan Geesi appeared first on Caasimada Online.
-
Mohamud Ahmed Aynab: “Puntland Fisheries Ministry officials lack the competence to prevent illegal fishing practices that deplete the sea”. Garowe (PP News Desk) — The former Governor of Gardafuu Mohamud Ahmed Aynab today criticised Puntland State Ministry of Fisheries for dereliction of duty to curb illegal fishing practices. “The Fisheries Ministry has failed in its mandatory duties to protect our marine resources against overfishing. In the past people complained of fishing trawlers coming within 20 km distance of the beach but nowadays fishing boats from Yemen use illegal fishing practices such as the use of outlawed plastic nets and nocturnal floodlights that blind the fish. It is deplorable that the Ministry officials lack the competence to prevent illegal fishing practices that deplete the sea” Aynab told Daljir Radio. Puntland Post covered the landmark parliamentary exposé on granting illegal fishing licences in the name of Puntland State. The former Governor of Gardafuu drew the Fisheries Ministry’s attention to a trend that resulted from overfishing “because black fish rather than the white fish is what foreign fishermen catch in our seas”. Earlier this year Puntland State Parliamentarians exposed longstanding violation of Puntland Fisheries Regulations to issue illegal fishing licenses. Proceeds from fishing licenses issued in the name of Puntland State remain pocketed by undisclosed individuals. © Puntland Post, 2022 The post Former Gardafuu Governor Urges Puntland to Rein in Illegal Fishing Practices appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Safiirka Midowga Europe ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann ayaa maanta si wadajir ah u daah-furay Wejiga Afraad ee Mashruuca Horumarinta iyo kor u qaadista tayada Waxbarashada Puntland ee “Waxbarashadu waa Iftiin” oo ah mid kor loogu qaadayo tayada Macalimiinta, Ardeyda iyo heerka Waxbarashada Puntland. Mashruucan Waxbarashadu waa Iftiin oo uu maalgeliyay Midowga Yurub, islamarkaana kor loogu qaadayo tayada Macalimiinta, Ardeyda iyo heerka Waxbarashada Puntland, waxaa si wadajir ah u fulinaya Hay’adaha Hay’adaha CARE iyo Save the Children. Mashruuca oo socon doona mudda saddex sano waxaa ku baxaysa Lacag dhan 7.3 Million oo Euro, waxaa qeyb ka ah Dhismaha 12 Iskuul, dayactirka 7 Iskuul , 570 Ardey oo Waxbarasho Lacag la’aan ah , mushaharaadka 203 Macalim, hirgelinta 4 Iskuul oo cusub oo farsamada gacanta ah iyo hannaanka tayeynta Heerka Waxbarashada Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa muujiyay muhiimada uu mashruuca Waxbarashadu Waa Iftiin u leeyahay Bulshada Puntland, wuxuu boggaadiyay shaqada Midowga Europe iyo Hay’adaha kala shaqeynaya Dowladda Mashruucan fulintiisa. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale goobjoog ka noqday saxiixa heshiis ay gaareen Wasaaradaha ku shaqo leh ee dowladda iyo Hay’adahahan oo Iska kaashanaya fulinta mashruucan. Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Ku-xigeenka Madaxa Hay’adda Care International ee Soomaaliya Ummykaltun Abdimajid, Saraakiil ka tirsan Hay’adda Save The Children, Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradaha kale ee kala shaqeynaya Mashruuca iyo marti sharaf kala duwan. Halkaan ka eeg Sawirada PUNTLAND POST The post Wejiga Afraad ee Mashruuca Waxbarashadu waa Iftiin oo laga daah-furay Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garowe ayaa ka hadlay qaraxii iyo weerarkii dhawaan ka dhacay Hotelka Villa Rays ee magaalada Muqdisho. Saciid Deni ayaa ugu horeyn tacsi u diray dadkii dhintay weerarkaas, isagoo sheegay in gumaadka ay Al-Shabaab ku hayaan dadkeenna aysan niyad jebin reer Muqdisho iyo guud ahaan Soomaalida. “Soomaaliya 30 sano ayey dhibaatooyin kala duwan ku soo jirtay, waxaa ilaahey mahadiis ah dadka Soomalaiyeed kama niyad jebin hormarkooda iyo howlahooda,” ayuu yiri Deni. Sidoo kale madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sheegay in adkeysiga Soomaalida uu suurta geliyey in lasoo yagleelo dowladda federaalka, si dalka xaaladaan uu uga baxo. “Waxaan rajeynayaa in xaalad kasta oo jirta aan wadajir uga baxno, anagoo adkeysi muujineyna,” ayuu Saciid Deni hadalkiisa sii raaciyey xilli maanta uu dib ugu soo laabtay Garoowe. Madaxweynaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay safar ku maray dalal badan oo Afrika ka tirsan, qaraxa uu ka hadlay Saciid Deni ayaa ka dhacay gudaha xeen-daabka laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya. Ugu yaraan lix nin oo Shabaab ah ayaa la xaqiijiyey inay fuliyeen weerarkaas, kuwaas oo dilay ku dhawaad 10 qof, halka 60 kalena laga badbaadiyey. Hoos ka daawo Deni The post Daawo: Deni oo sheegay arrin uu rajeynayo kadib weerarkii Hotel Villa Rays appeared first on Caasimada Online.
-
Hogaanka sare ee xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa galabta Magaalada Hargaysa, kulan kula qaatay Safiirka Denmark ee Somalia Steen Sonne Anderson oo ay weheliyaan Ku xigeenkiisa Gertrud Norbjerg Birk iyo Madaxa Xafiiska Hargaysa, Mathias Daniel Hassing Kjaer. Kulankan ayaa lagaga wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee Somaliland, gaar ahaan khilaafka ka taagan Arrimaha Doorashooyinka. Masuuliyiinta Mucaaradka ayaa u cadeeyay saraakiishii ka socday Safaaradda Denmarka, mawqifkooda ku aaddan Doorashooyinka, waxaanay u sheegeen in ay kalsoonidii kala noqdeen xukuumaddan talada haysa, maadaama muddo xileedkeedii sharciga ahaa dhamaaday, isla markaana kororsatay muddo labo sanno ah oon loo marin dariiq sharci ah. Waxaanay masuuliyiintu Mucaaradku intaas ku dareen, in ay ayyidsan-yihiin go’aankii Komishanka ee ahaa in ay muddo 9-bilood ah ku qabtaan Doorashada Madaxtooyada. Qaran News
-
Balcad (Caasimada Online) – Ciidanka ammaanka ee ka howlgala degmada Balcad ayaa maanta gacanta ku soo dhigay askari si bareer ah u toogtay darawal gaari, sida uu sheegay guddoomiyaha degmadaas. Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur ayaa la hadlay idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in lasoo qabtay Askarigii darawalka dilay. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in kiiskaan deg deg loogu gudbiyey maxkamadda ciidamada, si cadaaladda loo hor-geeyo eedeysanaha, waxaana askarigii dilka geystay lagu soo xiray xarunta dembi baarista booliska ee CID-da. Darawalka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Seylax Cabdulle, xilliga la dilay wuxuu waday gaari Hoomey ah, isagoo ka baxay magaalada Muqdisho, kuna wajahnaa degaanka Caadley ee Gobolka Shabeellada Dhexe. Ninkaan ayaa isku deyey inuu baxsado markii uu toogtay darawalka, waxaana lagu soo qabtay howlgal ay fuliyeen ciidamada ammaanka, isagoo katiinadeysan ayaa aad loogu baahiyey baraha bulshada, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda lasoo taago maxkamadda ciidamada. Askarigaan ayaa darawalka u dilay lacag yar uu shilin Soomaali ah, gaari Homey ah oo ka baxay magaalada Muqdisho ayuu waday, wuxuuna ku sii jeeday degaanka Caadley, balse askarigaan oo isbaaro u taalay ayaa toogtay, kadib markii ay ku murmeen lacagtii uu weydiistay ee isbaarada. Hoos ka dhageyso wareysiga The post Dhageyso: Askarigii darawal-ka ku toogtay Balcad oo lasoo qabtay iyo halka lageeyey appeared first on Caasimada Online.
-
Hoggaanka sare ee xisbiyada Mucaaradka Somaliland WADDANI iyo UCID ayaa galabta Magaalada Hargaysa, kulan wadajira kula qaatay Safiirka Denmark ee Somalia iyo Somaliland Steen Sonne Anderson oo ay weheliyaan Ku xigeenkiisa Gertrud Norbjerg Birk iyo Madaxa Xafiiska Hargaysa, Mathias Daniel Hassing Kjaer. Kulankan ayaa lagaga wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee Somaliland, gaar ahaan khilaafka ka taagan Arrimaha Doorashooyinka. Masuuliyiinta Mucaaradka ayaa u caddeeyay saraakiishii ka socday Safaaradda Denmarka, mawqifkooda ku aaddan Doorashooyinka, waxaanay u sheegeen in ay kalsoonidii kala noqdeen xukuumadda, maaddaama muddo xileedkeedii sharciga ahaa dhammaaday, sidoo kalena aan dariiq sharci loo marin muddo kordhinta, Waxaanay masuuliyiintu Mucaaradku intaas ku dareen, in ay ayyidsan-yihiin go’aankii Komishanka doorashooyinka ee ahaa in ay muddo 9-bilood ah ku qabtaan Doorashada Madaxtooyada. Source
-
Taliban Oo Ku Dhawaaqay Weeraro Ka Dhan Xukuumadda Pakistan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Taliban, Garabka hubaysan ee ka dhisan dalka Pakistan ee loo yaqaano Tehrik-e-Taliban Pakistan (TTP), ayaa ku dhawaaqay inay ku amreen dagaalyahanadooda inay qaadaan weeraro argagixiso oo ka dhan ah dawladda Pakistan. Arrintaas ayaa soo afjaraysa xabbad-joojintii halka dhinac ahayd ee kala dhexeysay xukuukadda dalkaas. Ururka Talibanta Pakistan ayaa sheegay in go’aankoodan inay ku saleeyeen iyaga oo kaga falcelinaya hawlgallada milateri ee ay dawladda Pakistan ku beegsanayso dagaalyahannadeeda ku sugan magaalooyin kala duwan ee ku yaalla dhinaca woqooyi galbeed ee dalkaas. Kooxdan ayaa ku jirta liiska argagixisada ee Qaramada Midoobay iyo tan Maraykanaba, waxayna gacansaar dhow la leeyihiin kooxda Taliban ee ka talisa dalka Afghanistan. TTP ayaa sheegatay mas’uuliyadda boqolaal qaraxyo ismiidaamin ah iyo weeraro kale tan iyo markii ay ka soo shaac baxeen Pakistan 2007, waxaana weeraradaas ku dhintay tobanaan kun oo isugu jira rayid iyo ciidamada ammaanka ee Pakistan. Source -
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Dalka Denmark Ambassador, Mr. Steen Sonne Andersen. Madaxweynuhu waxa uu safiirka ku wargeliyay in uuheegan u yahay hirgeinta hannaanka Dimuquraaddiyadda ku salaysan ee arrimaha doorashooyinka oo ah waxa ay Somaliland dheertahay dalalka Afrika iyo caalamka intiisa kale meelo ka mida, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska madaxtooyadda. Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Dr Ciise Keyd Maxamuud. Dhinaca weftigana waxa safiirka wehelinayaan ku xigeenkiisa Ambassador, Ms. Gertrud Birk iyo Wakiilka dalka Denmark u fadhiya Somaliland. Source
-
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa goordhow waxaa uu furay kulan wadatashi ah oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta, kaas oo looga hadalayo dib u eegista istaraatiijiyadda qaran ee xasillinta guud ee dalka. Madashan, waxaa wasaaradda arrimaha gudaha kala qeyb galaya wasiiradda Cadaaladda, Gaashaandhiga, Warfaafinta , Korontada iyo biyaha, Caafimaadka ,Diinta iyo awqaafta, Hay’adda maareynta masiibooyinka, Maamulka gobolka Banaadir iyo xubno ka socda hey’addo kala duwan ee dowladda iyo bulshada rayidka. “Ujeeddada ugu weyn ee siyaasaddani waa in ay hagto dadaallada xasilinta iyo soo-kabashada gaar ahaan deegaannada ay dowladdu xoraynayso iyo kuwa nugul ee aan wali si fiican u soo kaban. Iyadoo xoogga la saarayo in si habsami leh la isugu duwo hawlaha xasilinta si fiicanna loo qorsheeyo, si ay u noqdaan kuwo miro dhal ah oo saameyn muuqata ku yeesha deegaannadaas” ayuu yiri wasiirka xilli uu ka hadlaayay u jeedka shirkaan. Wasiirka oo hadalkiisa sii wato ayaa waxaa uu ka hadalay waxyabaha xoogga lagu saaro Istaraatiijiyadda xasilinta goobaha ay dowladdu kala wareegto Al-shabaab iyo deegaannada kale ay ka jiraan amni darrida sida uu hadalka u dhigay, isaga oo yiri”Istiraatiijiyaddu waxa ay xooga saaraysaa afar arrimood oo is kaabaya isla markaasna isku xiran oo dhamaan wasaaradaha halkaan jooga laga rabo in ay si isku mid ah uga wada shaqeeyaan. Arrimahaas oo kala ah: 1. Soo kabashada Bulshada 2. Dib-u-heshisiiin Bulsho 3. Dhisidda Maamullada Dowladaha Hoose. 4. Baahinta adeegyada cadaaladda iyo Adkeynta Sarraynta Sharciga, amniga iyo kala dambeynta” Shirkaan ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha gudaha federalka iyo dib u heshiisiinta ayaa waxaa ka qeyb galay dhowr wasaaradood, sida wasiiradda Cadaaladda, Gaashaandhiga, Warfaafinta , Korontada iyo biyaha, Caafimaadka ,Diinta iyo awqaafta, Hay’adda maareynta masiibooyinka, Maamulka gobolka Banaadir iyo xubno ka socda hey’addo kala duwan kuwaas oo ay quseyso hannaanka xasilinta deegaannada lala wareegay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Bangiga Adduunka oo shaaciyay kororka dhaqaalaha Soomaaliya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka sanadlaha ee uu soo qaban-qaabiyo Bangiga Adduunka ayaa maanta lagu soo bandhigay warbxinta dhaqaalaha Soomaaliya, kaasi oo uu ka qeyb-galay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay warbixinta Bangiga Adduunka uu diyaariyay, taasi oo sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya uu kordhay boqolkiiba 2.9 sanadkii 2021 marka loo eego sanadkii ka horreyay ee 2020. Wasiirka ayaa sheegay in ay dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka si loo gaaro horumar la taaban karo. “Waxa aan maanta shir Guddoomiyay kulan uu soo qaban-qaabiyay Bangiga Adduunka oo lagu soo Bandhigay Warbxinta Dhaqaalaha Soomaaliya (Economic Outlook). Dhaqaalaha Soomaaliya waxa uu sameeyay horumar, waana soo hagaagayaa inkasta oo ay jiraan caqabado gudaha ah iyo kuwo caalami ah,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya. Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waxaa naga go’an (ka xukuumad ahaan) inaan xoojino barnaamijkeena dib-u-habaynta hannaanka.” Warbxinta Sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka ee la socodka dhaqaalaha Soomaaliya ayaa lagu xusay in dhaqaalaha Soomaaliya uu horumar iyo korar uu sameeyay sanadkii hore, iyada oo ay jiraan caqabado dhowr ah. Sidoo kale waxaa warbixintaan lagu xusay in abaaraha ba’an ee qeybo badan oo dalka ka jira ay dhaqaalaha samayn xoogan ku yeesheen. “Dowladda federaalka Soomaaliya waxay horumar ka sameysay dhanka dakhliga gudaha iyo isbeddelka dib-u-habaynta nidaamka maaliyadeed ee dalka,” ayey tiri Kristina Svensson oo ah Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya oo ugu dambeyntiina hadal ka jeedisay shirkaan. The post Bangiga Adduunka oo shaaciyay kororka dhaqaalaha Soomaaliya appeared first on Caasimada Online. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka federaalka Soomaaliya ayaa su’aalo ka keenay waxqabadka ay toddobaadyadii dhowaa sheeganeysay hay’adda NISA kadib markii Al-Shabaab ay weerartay hotel dhowr tallaabo u jira madaxtooyada qaranka. Weerarkii lagu qaaday Hotel Villa Rays ayaa muujiyey gaabis amni oo xooggan oo jira, wuxuuna dhaliyey su’aal ku saabsan sida hay’adaha amniga uga warheli waayeen in Al-Shabaab ay soo galaan aag si weyn amnigiisa loo sugo. Wuxuu yimid xilli warbaahinta gudaha toddobaadyadii dhowaa loo qeybinayey war-saxaafadeedyo kasoo baxay dowladda oo lagu sheegayey in NISA ay fulisay howgallo lagu dilay xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab, howlgalladaas oo badankood ka dhacay meelo ka baxsan caasimadda. Hase yeeshee xildhibaanada federaalka qaarkood ayaa hadda is-weydiinaya sax ahaanshaha sheegashooyinkaas iyo sida hay’adda ay xog uga heshay Al-Shabaab dhexdooda, haddiiba ay ogaan weysay Shabaab ka howlgalaya meelo u dhow madaxtooyada. Xildhibaanadaas waxaa ka mid ah Dayax Axmed Cumar oo qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Isha sirdoonka ee Ceeldheere, Buraale iyo melaha kale xogta ka keena ee madaxtoyada aan ka warqabin ayaan la yaabay, ii dheh waaye cajiib ah.” “Mahad Salaadka NISA hadda ma waxow na dhihi donaa xayaysiis ayaan amniga ku sugayaa iyo Al-Shabaab diyaarad ku dil, cajiib,” ayuu xildhibaanka ku yiri qoraal kaas kasii horreeyey. Su’aalaha xildhibaanka ayaa imanaya ayada oo hore NISA loogu eedeeyey inay lacag ku siineyso warbaahinta qaar in loo sameeyo xayeysiin, halkii waqti iyo dadaal ay ku bixin laheyd inay hesho xog amni oo dalka badbaadin karta. Waxaa dadka eedeyntaas soo jeediyey ka mid ah guddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga gobolka Banaadir Cali Yare Cali. “Safarada shaqo ee Sirdoonka qaranka saxaafadda lagama xayeeysiiyo waana farqiga udhexeeya Hey’ad Sirdoon iyo Shirkad ganacsi oo xayeeysiis loo sameeynayo si ay macaamiisheeda ugu sheegto adeeg dheeri ah oo ay dalka keentay,” ayuu yiri Cali Yare oo tixraacayey safar uu agaasimaha NISA Mahad Salaad ku tegay Masar, dabayaaqadii October. The post Sheegashooyinka NISA oo su’aallo xooggan la geliyey kadib weerarkii Villa Rays appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Dalka Denmark u qaabilsan Somalia Ambassador, Mr. Steen Sonne Andersen. Madaxweynaha Somaliland ayaa safiirka warbixin guud ka siiyey xaaladda Somaliland iyo horumarka ay ku tallaabsatay sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland. Madaxweyne Muuse Biixi waxa kulanka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland, Dr Ciise Keyd Maxamuud. Sidoo kale safiirka Denmark waxaa wehelinayayay ku xigeenkiisa Ambassador, Ms. Gertrud Birk iyo Wakiilka dalka Denmark u fadhiya Somaliland. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay safiirka Denmark u qaabilsan Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Warsheekh (Caasimada Online) – Maamulka degmada Warsheekh ayaa si kulul uga hadlay weerar lagu laayey dad isku qoys ahaa, kaasi oo maleeshiyaad hubeysan ka geysteen duleedka degmada Warsheekh oo dhacda dhanka xeebta ee gobolkaasi. Gudoomiyaha Golaha Deegaanka degmada Warsheekh, Xasan Xaaji Darafeey ayaa ugu horeyntii sheegay in ka maamul ahaan ay aad uga xun yihiin falkaas, wuxuuna sheegay inay wadaan baaritaan la xiriira dadka ka dambeeyay dilkaas. “Dadka la dilay waa dad Shacab ah oo degan deegaanka Xaluule, waqtiga ay wax dhacayeen waxay aheyd abaaro sagaalkii habeenimo. Dadyowga waxaas geystay waa lasoo wadaagi doona marka ay soo dhamaadan baaritaanada.” Sidoo kale waxa uu carabaabay in dil wadareedkan loo geystay dad isku qoys ah ay salka ku hayso aanooyin qabiil, islamarkaana ay cadaaladda marsiin doonaan dadkii ka dambeeyay. Waxa uu sheegay in maamul ahaan ay go’aan ka gaari doonaan falalka la xiriira aanooyinka qabiil oo muddooyinkii dambe kusoo noq-noqday Warsheekh iyo deegaamada hoos yimaada, sida uu sheegay guddoomiyaha golaha deegaanka degmada Warsheekh. “Deegaanka wey ragaadiyeen aanooyinka qabiil oo inbadan soo laab-laabteen, waxay u baahan tahay in gundhig laga sameeyo oo sharciyo adag laga soo saaro. Marka gacanta ku soo dhigno dadka gacan ku dhiiglayaasha waxaa lagu fulin doona Shareecada Islaamka.” Dadka la laayey ayaa ku sugnaa hal goob, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay Safiya Sheekh Abuukarow, Abuukar Iidow, Sheekh Muxumed Sheekh Cabdi Celi iyo Sangaabo Maxamuud Xuseen. Maleeshiyaadka dil wadareedkan fuliyey ayaa lagu soo warramayaa inay goobta isaga baxsadeen, kadib dhacdadaasi aragagaxa leh ee ay ka geysteen nawaaxiga Warsheekh. Dhacdadaan ayaa kusoo aadaysa, ayada oo dhowaan heshiis rasmi ah laga gaaray colaad beeleed maalmihii ugu dambeeyey ka taagneyd gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan duleedka degmada Cadale, taasi oo uu dhameystirkeeda goobjoog ka ahaa madaxweyne Xasan Sheekh, iyada oo lagu ballamay in qofkii dil geysta sharciga la geeyo. The post Maamulka Warsheekh oo shaaciyey tallaabo ay qaadi doonaan kadib dhacdadii xalay appeared first on Caasimada Online.
-
Safiirro ka socda Dalalka Beesha caalamka ee Somaliland ka taageera Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyadda, ayaa soo gaadhay Magaalada Hargeysa, kuwaas oo la filayo in ay saacadaha soo socda kulamo la yeeshaan dhinacyada isku haya siyaasadda Somaliland. Weftigan Safiirrada ah, ayaa ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidha sidii ay isugu soo dhawayn lahaayeen Mucaaradka iyo Xukuumadda Somaliland oo isku maandhaafsan Arrimaha doorashooyinka Somaliland ee Madaxtooyada iyo Ururrada. Qaran News
-
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta ka qeybgalay shirka sanadlaha ah ee uu soo qabanqaabiyay Bangiga Adduunka kaas oo lagu soo Bandhigay Warbxinta Dhaqaalaha Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi ayaa soo dhaweeyay warbixinta Bangiga Adduunka uu diiyaariyay taasi oo sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya uu kordhay boqolkiiba 2.9 sanadkii 2021 marka loo eego sanadkii ka horreyay ee 2020. Wasiirka ayaa sheegay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka si loo gaaro horumar la taaban karo. “Waxa aan maanta shir Guddoomiyay kulan uu soo qabanqaabiyay Bangiga Adduunka oo lagu soo Bandhigay Warbxinta Dhaqaalaha Soomaaliya (Economic Outlook). Dhaqaalaha Soomaaliya waxa uu sameeyay horumar, waana soo hagaagayaa inkastoo ay jiraan caqabado gudaha ah iyo kuwo caalami ah. Waxaa naga go’an inaan xoojino barnaamijkeena dib-u-habaynta hannaanka” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya. Warbxinta Sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka ee la socodka dhaqaalaha Soomaaliya ayaa lagu xusay in dhaqaalaha Soomaaliya uu horumar iyo korar uu sameeyay sanadkii hore iyadoo ay jiraan caqabado waa wayn. Warbxinta ayaa sidoo kale lagu xusay in abaaraha ba’an ee qeybo badan oo Dalka ka jira ay dhaqaalaha samayn xooggan ku yeesheen. Wakiilla Bangiga ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa sidoo kale hadal ka jeedisay shirkaan iyadoo sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay horumar ka samasay dhanka dakhliga gudaha iyo isbeddelka dib-u-habaynta nidaamka Maaliyadeed ee dalka. PUNTLAND POST The post Bankiga Adduunka oo sheegay in dhaqaalaha Soonaaliya kordhay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax jugtiisa inta badan laga maqlay xaafadaha degmada Kaxda ayaa maanta lala eegtay Xoghayaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, Ibraahim Muxyadiin Macow. Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxa Xoghayaha lala eegtay xilli uu marayay agagaarka Isbitaalka Mercy, waxaana lasoo sheegaya in uu ka badbaaday masuulka isku-deygaas dil. Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaraxa lala eegtay Xoghayaha degmada Kaxda uusan ka dhalan wax khasaaro nafeed ah, marka laga reebo burbur yar oo gaaray gaariga xoghayaha. Qaraxa lala eegtay Xoghayaha ayaa waxaa durtaba sheegtay masuuliyadiisa kooxda Al-Shabaab, oo ayadu dhowr jeer masuuliyiin ka tirsan maamulka degmadaas qaraxyo miino ku dishay. Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhisay weerarada iyo qaraxyada ay fulineyso, xili gobolada dalka qaarkood ay kaga socdaan dagaalo culus oo kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan. Kacdoonka dagaal ee ka dhan ah Al-Shabaab oo si wada-jir ah iskaga kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa waxaa lagula wareegay deegaano badan oo sanado dhowr ah gacantooda ku jiray. The post Masuul ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ‘oo ka badbaaday isku-day dil’ appeared first on Caasimada Online.
