-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa kulanka ku saabsan sidii loo xoojinlahaa amniga magaalada Gaalkacayo oo maalmahan shaqaaqooyin ay ka dhaceen laqaatay saraakiisha amniga Gobolka Mudug. Kulanka waxaa taliyaha ku weheliyay Taliyaha Qaybta Gobolka Mudug G/sare Maxamuud Cabdi Xakiim Yuusuf,ku xigeenkiisa G/le dhexe Cabdi Saciid Xuseen Jaamac (Koomaad),saraakiisha gobolka iyo Taliyaasha saldhigyada Magaalada Gaalkacayo. Taliyaha Ciidanka booliska Punland ayaa saraakiisha ka dhagaysatay warbixin ku aadan xaalada amni ee gobolka Mudug iyo howlgaladii ugu danbeeyay ee ay sameeyeen ciidanka. Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa saraakiisha gobolka ku amaanay shaqada wanaagsan ay ka hayaan magaalada Gaalkacayo isagoo kula adkeeyay xoojinta amniga magaalada iyo dardar galinteeda si looga hortago cidkasta oo ku howlan waxyaabaha amniga lidiga ku ah. PUNTLAND POST The post Taliyaha Booliiska Puntland oo la kulmay Saraakiisha Booliiska Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Ururada Siyaasadda Dowlad-goboleedka Puntland ayaa shaaciyay shuruudo cusub oo ay rabaan in la fuliyo ka hor doorashooyinka qof iyo cod ah ee maamulkaasi. Ururada oo oo soo gaba-gabeeyay kulamo u socday maalmihii dambe ayaa bayaan ay soo sareen waxay ku sheegay in shuruudahooda ay aas-aas u yihiin doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda deegaanada dowlad-doboleedkaas. Waxay dalbadeen in marka hore la dhameystiro xubnaha ka dhiman Maxkamadda Dastuuriga iyo dhimista tirada Xildhibaannada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka. Sidoo kale waxaa kamid ah shuruudaha ay soo saareen ururada Siyaasadda Puntland in meesha laga saaro oo la bedelo nidaamka ku xadidaya saddex xisbi in maamulka uu yeesho muddo 10 sano ah. Hoos ka aqriso shuruudaha ay soo sareen ururada oo dhameystiran: 1. In la dhammeystiro xubnaha ka dhiman Maxkamadda Dastuuriga ah. 2. In la baddelo nidaamka Liistada xiran ee Doorashooyinka Golaha Deegaanka lagana dhigo mid furan. 3. In la dhimo tirada Xildhibaannada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka. 4. In Ururrada Siyaasadda Fursad loo siiyo in ay u diyaargaroobaan diiwaangelinta codbixiyaasha. 5. In diiwaangelinta si siman halmar uga wada dhacda Deegaannada Puntland. 6. In Deegaannada Doorashada aysan ka dhici Karin heshiis siyaasadeed laga gaaro kahor inta aysan Diiwaangelintu billaaban. 7. In Xuduudaha Degmooyinka ee lasoo bandhigay la waafajiyo Dastuurka & Xeerka Degmooyinka iyo Gobollada qodobkiisa 21aad, faqradiisa 2-aad. 8. In nidaamka ku xadidaya saddex Xisbi Dalku yeesho muddo 10 sano ah meesha laga saaro oo la baddelo. 9. In uu Urur kasta oo hela aqbaliyadda Xildhibaannada Golaha Deegaan-Doorasho ama Isbaheysi Ururro dhexmara ay ku helaan aqlabiyadda ay soo dhisaan maamulka Degmada Faragelin la’aan. 10. In Xubin kasta oo kusoo baxda magaca Urur-siyaasadeed ee baalmarta xeerka Ururkaas u degsan ay dhumineyso xaasanadda Xildhibaannimo, ururkana soo baddelanaya Booskiisa. 11. In Shaqaalaha loo qaadanayo Doorashada loo maro nidaam daah-furan oo ururrada siyaasadda la socdaan. 12. In Ururrada Siyaasadda ay qayb ka helaan dakhliga Dowladda & taageerada Deeq-bixiyaasha maadaama nidaamka dimuqraadiyadu yahay Billaw. 13. In la diyaariyo Guddi madax-bannaan oo kahortaga musuqa Doorashada. Arrintan ayaa imaneysa, ayada oo Guddiga KMG ah ee doorashooyinka uu shaaciyay deegaano cusub oo ay ka dhaceyso doorashada qof iyo cod, ayada oo hore ugu tijaabiyay degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn. The post Ururada siyaasadda Puntland oo soo saaray go’aanno 13 qodob oo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
-
Beijing (Caasimada Online) – Hogaamiyihii hore ee dalka Shiinaha Jiang Zemin, ayaa goordhaw geeriyooday isaga oo 96 sano jir ah kadib xanuun hayay, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda dalkaasj. Jiang oo ahaa madaxweynaha Shiinaha 1993 ilaa 2003, wuxuu shiinaha ka dhigay isbedelo taariikhi ah oo ay ka mid yihiin dib u soo nooleynta iyo dib u habeynta suuqa, ka soo noqoshada Hong Kong ee gumeysigii Ingiriiska 1997 iyo soo galitaanka ururka Ganacsiga Adduunka (WTO) 2001. “Geerida Jiang Zemin waxay khasaare aan la soo koobi karin ku tahay xisbigeena, ciidankeena iyo dadkeena dhamaan qowmiyadaha kala duwan,” ayaa lagu yiri warqadda ka soo baxday xisbiga hoggaamiyaha Shiinaha. Madaxweynahaan ayaa lagu xasuusta in talada la wareegay xilli aad u adag oo ay dalka Shiinaha ka taagneyd banaan-baxyo waawayn iyo xasiloonni darro siyaasadeed. Dhacdadani waxay dhalisay loolan adag oo xagga awoodda ah oo ka dhacay Shiinaha oo horseeday dib-u-habayn in lagu sameeyo xisbiyada dalka ka jira. The post Madaxweynihii hore Shiinaha oo geeriyooday iyo war kasoo baxay xisbiga hogaamiyaha dalkaas appeared first on Caasimada Online.
-
Dawladda Maraykanka ayaa ansixisay in dalka Qatar laga iibiyo hub ku kacaya illaa $1 bilyan oo dollar. Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay saxiixday heshiis hub lagaga iibinayo dalka Qatar, taas oo ay ku jiraan illaa 10 kamida hannaanka difaaca ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo hub kala duwan. Qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in heshiiskan iibka Hubku inuu taageerayo siyaasadda arrimaha debedda iyo amniga qaranka ee Maraykanka. Wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa sheegtay in tallaabadani ay wanaajin doonto awoodda dalka Qatar uu kula tacaali karo khataraha haatan jira iyo kuwa mustaqbalkaba. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo saxiixay heshiis hub lagaga iibinayo Qatar appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shir looga hadlayay xasillinta deegaannada laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada dowladda ee muhiimka ah. Wasaaradaha kulanka ka qeyb galay ayaa soo bandhigay qorshooda ku aaddan adeegyada ay u baahan yihiin bulshada deegaannada la xoreeyey, sida caafimaadka, waxbarashada, garsoorka, sugidda amniga iyo dib-u-heshiisiinta, maadaama ay argagixisadu muddo badan cunaqabateyn ku heysay, kana hortaagnayd adeegyadii dowladda. Ra’iisul Wasaare Xamse oo tilmaamay ahmiyadda ay xukuumaddiisu siineyso gaarsiinta adeeggii dowladda goobaha la xoreeyey, ayaa faray wasaaradaha ku shaqada leh in si deg-deg ah dhulka la xoreeyey looga hirgeliyo adeegyada asaasiga ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dowladdu ay sii wadi doonto dagaalka socda ilaa inta dalka oo dhan laga ciribtirayo kooxaha khawaarijta ah ee baneystay nafta iyo maalka dadka Soomaaliyeed. The post Ra’iisul wasaare Xamse oo shir-gudoomiyay Kulan looga hadlayay xasilinta dhulka laga xoreeyay Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay dooda ka dhalatay xeerka Jinsiga ee uu horey u diideen Baarlamaankii hore. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa jawaab adag ka bixiyey hadal heynta ka dhalatay xeerkan oo maalmihii u dambeeyey qabsatay baraha bulshada ee Internet-ka. Sidoo kale wuxuu sheegay in ay su dhow ula socdaan walaaca Culimada Soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan uga hadlay xeerkan oo la sheegay inuu ka hor imaanayo Diinta. “Qof xaasidnimo ku jirto ama aqoon la’aan ay heyso warkooda aniga oo dhag u dhigeynin, laakiin hadda waxaan aragnay xeer ay ka hadashay Culimadii waxyaalo saas ah,” ayuu yiri. Sidoo kale guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka hor hadlayey kulanka wadajirka ah ee xildhibaanada Gole ayaa soo saaray go’aan ka dhan xeerka Jnisiga, wuxuuna tilmaamay in Baarlamaanka Soomaaliyeed aan la horkeeni doonin wax ka hor imaanaya Diinta Islaamka. “Xildhibaanada sharafta leh maanta labada Aqal waan fadhinaa midbaan idin caddeyneynaa oo idin ballan-qaadeynaaa wax Diinta Islaamka waafaqsaneyn,Dastuurkeena iyo shuruucda dalkana aan waafaqsaneyn inta aan qabano ma idin horkeeneyno” ayuu markale yiri. Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale farriin u diray Shacabka Soomaaliyeed oo uu ugu baaqay inay muujiyaan daganaan, islamarkaana aysan shaki gelin wararka la baahiyey. “Shareecadeena iyo Dastuurkeena waa Diinta Ilaahey marka shacabka Soomaaliyeed yaan shaki la galinin wax aan Diinteena waafaqsaneyn nagama imaan doonaan,” ayuu raaciyey. Dooda la xiriirta xeerka Jinsiga ayaa todobaadkan cirka isku sii shareertay, kadib markii guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiyo Yaasiin ay wacad ku martay in la meel marin doono sharcigan ama ay isaga tegi doonto magaalada Muqdisho. The post Daawo: Guddoomiye Aadan Madoobe oo go’aan culus ka soo saaray xeerka JINSIGA appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - Prime Minister Hamza Abdi Barre closed a two-day international investment conference in Mogadishu on Tuesday afternoon, with Somalia expressing its readiness for global investment. Source: Hiiraan Online
-
Hoggaamiyihii hore ee dalka Shiinaha Jiang Zemin, ayaa la soo wariyay in uu goordhaw geeriyooday isaga oo 96 sano jir ah kadib xanuun hayay. “Geerida Jiang Zemin waxay khasaare aan la soo koobi karin ku tahay Xisbigeena iyo ciidankeena iyo dadkeena dhamaan qowmiyadaha kala duwan,” ayaa lagu yiri warqadda ka soo baxday xisbiga hoggaamiyaha Shiinaha. Jiang, oo ahaa madaxweynaha Shiinaha 1993 ilaa 2003, wuxuu shiinaha ka dhigay isbedelo taariikhi ah oo ay ka mid yihiin dib u soo nooleynta iyo dib u habeynta suuqa, ka soo noqoshada Hong Kong ee gumeysigii Ingiriiska 1997 iyo soo galitaanka Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO) 2001. Madaxweynahaan ayaa talada la wareegay xilli aad u adag oo ay dalka Shiinaha ka taagneyd banaanbaxyo waawayn iyo xasiloonni darro siyaasadeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa waddanka Switzerland kaga qayb-galay furritaanka kalfadhiga 113-aad ee golaha IOM. Kalfadhigaan ayaa inta uu socdo diirrada lagu saari doonaa isbeddelka cimilada, haqab-beelka cuntada iyo barakaca oo saameyn weyn ku leh dadkeenna Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen. Ergeyga gaarka ah oo ka hadlay madasha furritaanka kalfadhiga IOM ayaa ka dalbaday deeq bixiyaasha caalamiga ah in laga taageero Soomaaliya la-qabsiga isbeddelka cimiladda iyo dhicitaankiisa intaba. Sidoo kale waxa uu tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay in adduunku iskaashi ka yeesho wax ka qabashada isbedelka cilimada ee sii xumaanaya. Soomaaliya oo wajaheyso marxalado adag ayaa waxa saameyn ku yeeshay xaaladaha ay sababaan isbedelka cimilada, xili ay muddooyinkii dambe dalka ka jirtay abaar baahsan. The post Soomaaliya oo taageero nooc cusub ah ka dalbatay caalamka appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - The first deputy speaker of the Lower House of the Somali parliament, MP Sadia Yasin Samatar, has distanced herself from pushing the controversial Sexual Intercourse Bill, also known as the Penetration Bill. Source: Hiiraan Online
-
Waxaa shalay la soo gabagabeeyay shirweynaha caalamiga ah ee dhiiragelinta maalgashiga Somalia oo mudo laba maalmood ah ka socday magalaada Muqdisho. Shirweynahaan oo ay soo agaasintay waaxda dhiiragelinta maalgashiga ee wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee dowladda federaalka ee Soomalaiya taabagalintiisana ay iska kaashadeen Shirkadaha Hormuud, Salaam Somali Bank, BECO iyo Buruuj ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweynaha dowlada federalka Somalia Mudane Xasan sheikh maxamuud , Raisuwasaare Xamza Cabdi Barre, wasiiro, hay’adaha ka shaqeeya mashaariicda, ganacsatada, maalgashadayaal caalami ah iyo marti Sharaf kale. Shirkaddaha Hormuud, Salaam Somali Bank, Beco iyo Buruuj ayaa inta uu shirka socday ka qeyb galay doodo ku saabsan maalgashiga iyo fursadaha wadanka ka jira iyaga oo sheegay in 20-kii sano ee la soo dhaafay kaalin weyn ka qaateen dib-u-dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya oo ay ku maalgeliyeen in kadaban $2.5B. Agaasimaha Xiriirka Caalamiga ah ee shirkadda korontada ee Beco oo hadal ka jeediyey madasha ayaa sheegay in horumarinta korontada dalka ku maalgeliyeen $𝟏𝟕𝟎,𝟎𝟎𝟎,𝟎𝟎𝟎. Dhowaanna ay galeen heshiis ku kacaya $𝟐𝟐𝟎,𝟎𝟎𝟎,𝟎𝟎𝟎 oo ay ku maalgalinayaan tamarta cagaaran. Agaasimaha ayaa sheegay in qiimaha korontada oo iminka ah 0.46 per kilowat qorshuhu yahay in sanadka 𝟐𝟎𝟐𝟔 la gaarsiiyo $𝟎.𝟐, isagoo intaasi raaciyey in iminka ay u suura galiyeen wax ka badan nus malyuun guryo iyo ganacsiyo ah iney helaan koronto jaban oo la isku haleyn karo. Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya oo kalmado ka jeediyey shirka ayaa mar uu ka hadlaayey kobaca isgaarsiinta dalka waxa uu yiri “Tiknoolajiyadda Macluumaadka iyo Isgaarsiinta Soomaaliya waxaa laga sameeyay kobac fiican. Sanadkii 2020, Soomaaliya waxay noqotay 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐮𝐠𝐮 raqiisan 𝐢𝐧𝐭𝐞𝐫𝐧𝐞𝐭-ka 𝐜𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐤𝐚. Waxay ku xigsatay India, maamulka Israel, Kyrgyzstan, Italy, Ukraine iyo Kazakhstan. Maanta, celcelis ahaan qiimaha 𝟏𝐆𝐁 waa $𝟎.𝟓𝟎.” 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 Xoor madaxa ICT-ga ee shirkada Hormuud Telecom oo ka qeyb galay dood cilmiyeedyada ku saabsan horumarinta waaxda ICT da, iyo dib-u-habaynta nidaamka maaliyadeed ee wadanka ayaa ka dhawaajiyey in si ay u horumariyaan adeegga internet-ka dalka, dadkuna u helo internet raqiis ah oo xawaare sare leh, in ay magaalada Muqdisho ka hirgeliyeen wajiga koowaad ee adeegga internet-ka moobeelalda ee 5G kaasi oo la filaayo inuu kordhiyo kobaca kaabayaasha dhaqaalaha dalka. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa inta uusan si rasmi ah u soo xirin shirka si weyn u boogaadiyey shirkadaha soomaliyeed ee maalgashtay wadanka una dhabar adeegay inee soomaliya so gaarsiiyaan meel lagu faani karo isagoo dhanka kale tilmaamay in ay Soomaliya iminka diyaar u tahay maal gashi calami ah. Waxa ay ahayd markii ugu horeysay oo shir noocaan uu ka dhaco dalka iyada oo Ujeedadda shirkaani ahayd in lagu dhiiragaliyo dalalka ay safaaradaha ka joogaan dalka in ay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Waxaa xarunta Villa Hargeysa goordhaw ka furmay kal-fadhiga wadajirka ah ee labada gole Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Kulankan oo ajendihiisu uu yahay in akhrinta koowaad la mariyo miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2023-ka, ayaa waxaa ka soo qaybgalaya munayaasha labada gole. Xildhibaannada ayaa lafa-guri doonno miisaaniyadda sanadka 2023-ka oo ay u soo gudbiyeen xukuumadda, taas oo sanadkaan gaareyso $967.7 milyan. Kulankaan ayaa horay loogu ballaansanaa Isniintii aynu soo dhaafnay, isagoo dib loogu dhigay xaalado amni oo ka jiray magaalada Muqdisho. Markale xildhibaannada labada gole ayaa loo diray arrimo ku aaddan in ay soo xaadiraan kulanka goordhaw ka furmay Villa Hargeysa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Baaritaan culus ayaa la billaabay oo ku saabsan weerarkii Hotelka ku dhow Xarunta Madaxtooyada ee Villa Rays, kadib markii uu xaaladda soo farageliyay Mmadaxweyne Xasan Sheekh. Weerarka, oo ahaa mid aan hore loo arag goobta uu ka dhacay iyo qaabka loo fuliyey, ayaa loo arkay halis amni iyo fashil ku yimid Hay’adaha Amniga dowladda Federaalka oo ay ugu horeysay Hay’adda Sirdoonka ee NISA, taasi oo keenay inuu madaxweynaha isugu yeero taliyeyaasha ciidamada, kana dalbado faahfaahin. Arrimaha su’aalaha ka taagan yihiin ayaa ah sida ay ku dhacday in hay’adda sirdoonka ee NISA ay ka warheli weyso kana hortagi weyso weerar ka dhacay meel aan ka fogeyn madaxtooyada qaranka iyo xarunta NISA. Xogta la helay ayaa sheegeysa inuu Madaxweyne Xasan Sheekh amray warbixin ku saabsan sidii ay wax u dhaceen, iyo mas’uuliyadda cidda leh, taasi oo laga sugayo Hay’adda NISA, waxaana kulamada ka qeyb galay taliyeyaasha ciidamada ilaalada Madaxtooyada. Wararka ayaa sheegaya inuu tallaabo laga qaadi dooo saraakiil iyo ciidamo loo heysto qaraxa Hotel Reys, iyadoo ay hadda xiran yihiin ciidamo ka mida kuwii qaabilsanaa baraha kontorool ee laga ilaaliyo Madaxtooyada. Hotel Villa Rays wuxuu ku yaallaa meel aad ugu dhow Villa Somalia, oo amnigeeda aad loo sugo. Wadda walba wxaaa yaalla bar kontorool oo amniga la sugo, wayna adag tahay xitaa inay galaan dadka shacabka ah. Haddaba waxaa la isweydiinaya sidee ayey ku dhacday in Al-Shabaab hubeysan ay dhib la’aan ku gudbaan goobahaas amni? The post Xog: Madaxweyne Xasan oo soo farogeliyey baaritaanka weerarkii Hotel Villa Rays appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada dowlad gobaleedka Koonfur-galbeed ayaa hawlgallo qorshaysan oo saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen deegaanno hoostaga deegaanka Awdiinle ee gobalka Baay, waxa ay ku dileen xubno ka tirsan ururka Al-shabaab. Guddoomiyaha degaanka Awdiinle Ibraahim Maxamed Nuur ( Kalaay) iyo Ibraahim Xaaji Xasan oo kamid ah Xildhibaannada Koonfur Galbeed, waxaana la sheegay in hawlgalka ay ku dileen xubna ka tirsan ururka Al-shabaab. Hawlgalladaan ayaa la sheegay in ay yimaadeen kadib amar ka soo baxay madaxweynaha dowlad gobaleedka koonfur-galbeed. Intii uu socday hawlgalka ayaa la sheegay in lagu dilay laba sarkaal oo ka tirsan ururka Al-shabaab, waxaana ay saraakiisha hoggaaminaysa ay sheegtay in ay sii wadayaan hawlgalladaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (HOL) - Security forces in central Somalia have arrested a Somali soldier for shooting dead a minibus driver during a dispute at an illegal checkpoint near Balcad town on Tuesday. According to locals, the murder happened in the morning as the van travelled from Somalia's capital Mogadishu to Jowhar. The illegal checkpoint was set up by rogue soldiers who reportedly demanded a payment of about 100,000 Somali shillings. The minibus driver told the soldier that he could only pay 90,000 before an argument ensued, and the driver was shot dead. The minibus was ferrying over a half dozen passengers who witnessed the murder. The driver's body was left on the side of the checkpoint for hours before being removed by locals for a proper Islamic burial. The soldier was arrested after civilians, and minibus drivers arrived at the scene of the murder and demanded authorities take action. The CID will take over the investigation, and the soldier will be court-martialed. Tuesday's murder comes days after Somalia's President demanded that illegal checkpoints in Middle Shabelle be removed, warning that the government will prosecute rogue soldiers harshly for extorting civilians. Source: Hiiraan Online
-
(ERGO) – Ahmed Abdullahi Mohamud, a father of four, has been teaching in a private school in the Somali capital, Mogadishu, for seven years and despite the rising living costs his salary has never increased. Source: Hiiraan Online
-
Al-Shabaab Attack to Villa Rose Hotel is Beyond My Thinking
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The area is considered a large greenfield (a bit safer from the other part of the district or in the town), however, potential questions evolving as to how planned, and supported by inner circle elements could have facilitated the attack which is just around 35 meters away from main wall of Villa Somalia, the presidential accommodation, and from the national theatre completely secured by a circle of sand barriers and stones in addition to multilayer of security checkpoints. The attack demonstrates that the security development cannot resource all the necessary security infrastructure both physical and psychological aspects, given the fact how the area have been cordoned off or restricted access from civilians and private vehicles. Source: Hiiraan Online -
Record drought and hunger in Somalia are driving thousands to flee to neighboring Kenya for help. Relief groups say the influx of refugees at Kenya's Dadaab camp is stretching the already overcrowded camp's resources. Juma Majanga reports from the refugee camp in Dadaab, Kenya. Source: Hiiraan Online
-
The Somali National Communications Authority (NCA) issued Hormuud Telecom with the country’s first spectrum licence closing its vetting processing which began earlier this year, a move to promote open markets, competition, and investment in the telecoms sector. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Soomaaliya oo ka qaybgashaya furitaanka kal-fadhiga 113-aad ee golaha IOM, ayaa codsatay in laga taageero la qabsiga isbaddalka cimilada. Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in hadda laga taageero sidii loola qabsan lahaa isbaddalka cimilada iyo cuna yarida ka jirta caalamka. “Kalfadhigaan ayaa inta uu socdo waxaa diirrada lagu saari doonaa isbeddelka cimilada, haqab-beelka cuntada iyo barakaca oo saameyn weyn kuleh dadkeenna Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha. Warsame ayaa sidoo kale deeqbixiyayaasha caalamiga ah ka dalbaday in dowladda Soomaaliya laga taageero isbeddelka cimiladda iyo dhicitaankiisa intaba. “Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay madasha furritaanka kalfadhiga IOM ayaa ka codsaday deeq bixiyaasha caalamiga ah in laga taageero waddankeena la qabsiga isbeddelka cimiladda iyo dhicitaankiisa intaba,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdisalaan Guuleed oo ah khabiir amni oo horey u soo noqday agaasime ku xigeenkii hore ee hay’adda NISA ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay kordheen weerarada au ka fuliso kooxda Al-Shabaab. Cabdisalaan Guuleed oo u warramay Universal TV ayaa sheegay in weerarkii maalin kahor lagu ekeeyey dhismaha hoteelka Villa Rays oo kaabiga ku haya xarunta madaxtooyada ee looga arrimiyo dalka uu muujinayo in amniga guud ee waddanka uu faraha kasii baxayo. Sidoo kale wuxuu soo jeediyey in la beddalo dhammaan saraakiisha lasoo shaqeeyey dowladdii hore, taas oo uu ku eedeeyey in aysan la dagaalamin Al-Shabaab. “Haraadiga dadkii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dowladdiisa la shaqeeyey in la beddalo, sababtoo ah dowladdaas lama dagaashaneen Al-Shabaab,” ayuu yiri Cabdisalaan Guuleed. Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in loo baahanyahay wax laga beddalo shaqada guud ee hay’adaha amniga, sidoo kalena wax laga qabto ciidanka hubka ku dhex wata caasimada. “Qaabka amniga ee caasimada iyo qaabka hay’adaha Nabad Sugidda iyo Booliska u shaqeynayaan in wax laga beddalo. Dhaq dhaqaaqa ciidamada hubeysan ee magaalada dhex socdana waxay u baahan tahay in deg deg wax looga bedalo,” ayuu sii raaciyey. Agaasime ku xigeenkii hore ee NISA oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh inuu qaato go’aan culus, isla-markaana uu fasaxo Baarlamaanka, kadibna dalka uu geliyo xaalad deg-deg ah, si loo wajaho dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab. “Aniga waxaan ku talin lahaa in madaxweyne Xasan Sheekh uu fasaxo Baarlamaanka, waddankana xaalad deg-deg ah la geliyo, si dhaqaalaha loo tashiilo oo waxa socdo loogu wajaho,” ayuu markale ku yiri wareysigan agaasime ku xigeenkii hore ee Nabad Sugidda. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo haatan dalka uu ku jiro marxalad dagaal kadib markii dowladda Soomaaliya Al-Shabaab ku qaaday dagaal saddex jiho ah oo ku aadan xagga ciidamada, dhaqaalaha iyo fikirka, waxaana dagaalkaas qayb ka ah dadka deegaanka. The post Khabiir amni oo soo jeediyey in la fasaxo BF kadibna dalka la geliyo xaalad deg deg ah appeared first on Caasimada Online.
