-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha isgaarsiinta dowlad goboleedyada ayaa ka heshiiyay khilaaf dhowaan soo kala dhex galay. Khilaafkaas ayaa keenay in wasaaradaha isgaarsiinta dowlad goboleedyada ay xiriirka u jaraan wasaaradda isgaarsiinta heer federal. Shir ay Muqdisho ku yeesheen labada dhinac ayaa lagu heshiiyay in wasaaradda isgaarsiinta heer Federaal aysan isku kooban mashaariicda isgaarsiinta dalka. Sidoo kale waxay isku raaceen in sharciyada iyo siyaasadaha ay wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyada heer Federaal laga tala-galay dowlad goboleedyada dalka. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka oo heshiis ka gaaray arrimaha isgaarsiinta appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (PSC) ayaa Khamiistii November 24, 2022, ka codsaday Soomaaliya in dib loo dhigo ilaa June 2023 bixitaanka laba kun askari oo ka tirsan hawlgalka ATMIS. Inta aysan Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) soo bandhigin mawqifkeeda, ayay warbaahinta xaqiiqdii rogtay. Nasiibwanaag, dib u dhigista ma beddeli doonto gabi ahaanba taariikhda ay dalka ka baxayaan (December 31, 2024), balse waxay qasbaysaa in jadwalka hawlgallada marxaladda kalaguurka ATMIS dib u eegis lagu sameeyo. Arrinku wax kale ma ahee waa bakaylihii Soomaalidu tiri: “intuu bur ku jiruu bur kale daydaydaa.” Dowladda Soomaaliya ayaa dagaal ballaarn oo aan kasoo noqosho lahayn kula jirta argaggixisada. Waxaa dhiirrigeliyay dagaalka dadweynaha gobollada dhexe ee dalka oo uu hormuud u yahay shacbiga Hiiraan oo muujiyay in laga guulaysan karo Khawarijta. Hase yeeshee, afar bilood kaddib markii dagaalka masiiriga ah soo bidhaamiyay guul, ayaa Guddiga Nabadda iyo Amniga iclaamiyay inuu uga baahan yahay Midowga Afrika (MA) oo kaashanaysa Qaramada Midoobay, Dowladda Soomaaliya iyo inta wehlisa warbixin wadajir ah bartamaha Febrayo 2023. Guddiga wuxuu kaloo weydiisanayaa in warbixinta ay xambaarsanaato qiimayn farsamadeed ee horumarka ATMIS ka samaysay bartilmaamayadii lagu heshiiyay. Wuxuuu misna hoosta ka xarriiqay inay warbixintu soo jeediso talooyin la xiriira dib u eegista wejiyada fikradda saldhigga u ah jadwalka hawlgallada (CONPS, concept of operations). Soomaaliya waxaa ku sugan 20 kun oo u bandan askar kana kala socda dalalka Buruundi, Itoobbiya, Jabuuti, Kenya, iyo Uganda. Deeq-bixiyeyaasha Midowga Yurub ayaa ATMIS ku xiray shuruudo ay ka mid yihiin in ilaa 4000 laga dhimo askarta iyo shaqaalaha rayidka ahba inta ka horeeysa December 31, 2022, taasoo Midowga Afrika ka cagajiidayo. Hawlgalka oo billowday January 2007-kii, ayaa ah mashruuc aan xiiso loo qabin. Golaha Amniga iyo Ururuka Midowga Yurub oo tunka saartay 90% culayska gunnooyinka askarta iyo kharashyada kaleba ayay u badan tahay inay ka baaraandegi doonaan saamaynta ka dhalan karta beddelka jadwalka bixitaanka (December 31, 2022) wajiga koowaad. Waxaa cad in Midowga Yurub iyo dalka Biritin (Britain) ay kasoo soo horjeedaan inay Soomaaliya yeelato ciidan qaran oo damaanad qaadi kara tiro iyo tayaba ammaanka dalka iyo soohdimihiisaba. Taas waxaa u daliil ah hantida lagu bixiyo amniga loo gacangeliyay ciidamo fadhiid ah iyo shisheeyaba. Malaha waxa oo idil waa wax laysla og yahay haddii kale Guddiga Nabadda iyo Ammniga Afrika kuma dheceen inuu sidaas u hadlo iyadoo Midowga Yurub uu kharash – mushaar iyo qalabba leh ku bixiyo ciidan adduunka oo idil u jeedo inay u joogaan mushaar uun. Maba la rabo malaha inay Soomaaliya iska xurayso afduubka ay ugu jirto argaggixisada. Waa maragmaddoonto in ciidamada Kenya oo si sharcidarro ah kusoo galay dalka abaalmarin looga dhigay in lacag adag ku qaataan dalka ay qabsadeen. Dadweynaha Soomaaliyeed badidsiisa, ayaa aaminsan in ATMIS u joogin amniga Dalka, balse qayb ka tahay mashruuca afduubka. Midowga Afrika oo ciriiri kala kulmay maaliyaddii lagu masruufi lahaa AMISOM kuna hungoobay dhaqaalihii uu ka raadsaday Shiinaha, Ruushka, iyo Khaliijka Carbeed, ayaa AMISOM magac ahaan ugu rogay ATMIS Abril 1, 2022 oo aan wax badan ka duwaneen. Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in lagu dhaqmo qorshaheeda kala guurka oo qeexaya yoolal tififtiran oo mas’uuliyadda amniga dalka tillaabo tillaabo loogu wareejinayo ciidanka qaranka inta ka horeeysa December 31, 2024. Shakiga laga qabo baahida loo qabo hawlgalka aan horumar micna leh ka sameyn shan iyo toban sano xakamaynta argaggixisada ayaa sii kordhaysa. Sidoo kale, waxgaradka dalka ayaa rumaysan in maaliyadda mugta leh ee ku baxda hawlgalka qiimaha beelay uu ku habboonaan lahaa in lagu bixiyo ciidamada dalka. Si kasta ha ahaate, Dowldda Xasan Sheekh Maxamuud sidii tii ka horraysay oo kale ma garawsana in dadweynaha uu xaq u leeyahay inuu ogaado halka dalka lagu wado. Warbaahinta waxay weli ku wareersan tahay safaraddii iyo heshiisyadii uu madaxweynaha la galay dalalka uu tagay ee aan la soo bandhigin. The post Go’aankii Golaha PSC oo muujiyey sida aan loo rabin in Soomaaliya ay dhaqaaqdo appeared first on Caasimada Online.
-
Dimashaq (Caasimada Online) – Hoggaamiyihii ururka Daacish Abu al-Hassan al-Hashimi al-Qurayshi ayaa ku dhintay dagaal dhowaan dhacay, sida uu xaqiijiyey afhayeenka kooxdaas oo warbaahinta la wadaagay fariin cod ah oo la baahiyey Arbacadii, oo aan bixin faahfaahin intaas ka badan. Al-Qurayshi ayaa noqonaya hoggaamiyihii labaad ee kooxda Daacish ee la dilo sannadkan gudihiisa, xilli ay kooxdani isku dayayso inay dib u soo celiso awoodeedii, iyada oo unugyo khaas ah oo ka tirsan kooxdani ay weeraro dhimasho badan dhaliya ka geysanayaan dalalka Ciraaq iyo Syria. Sidoo kale garabka kooxda Daacish ee ka dagaalama dalka Afghanistan ayaa iyaguna bilahan u dambeeyey waxay sheegteen inay geysteen weeraro badan oo ay ku laayeen tobanaan qof. Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in al-Qurayshi la dilay bartamihii bishii October, iyada oo lagu dilay hawlgal ay qaadeen ciidamada mucaaradka Syria ee ku sugan gobolka Koonfureed ee Daraa. Hase ahaatee illaa haatan lama garanayo sababta keentay inay bil iyo bar qaadato in la shaaciyo geerida hoggaamiyaha Daacish. Afhayeen u hadlay ciidamada milateriga ee Maraykanka ayaa sheegay in aanay jirin ciidamo Maraykan ah oo ku lug yeeshay hawlgalkan. Codka ay baahiyey ururka Daacish oo lagu baahiyey barta Telegram ayaan xog badan lagaga bixinin hoggaamiyaha cusub ee kooxda, hase ahaatee afhayeenka kooxdaas ayaa codka uu soo duubay ugu baaqay xubnaha ururku inay bayco la galaan hoggaamiyaha cusub. “ISIS waxay weli tahay khatar weyn oo ka jirta gobolka,” sidaas waxaa sheegay taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka, iyaga oo intaas ku sii daray “Taliska dhexe iyo xulafadayadaba waxaa naga go’an in laga gulayso ISIS”. Kooxda Xuquuqda aadahana ee dusha kala socota qulqulatooyinka Syria ee fadhigeedu yahay dalka Britain ayaa bishii hore ee October waxay sheegeen in xoogaga mucaaradka Syria ee ku sugan gobolka Daraa inay dileen xubno ka tirsan ururka Daacish, iyaga oo sheegay in dadka la laayey ay ku jireen hoggaamiye u dhashay dalka Ciraaq. Hoggaamiyihii Daacish al-Qurayshi ayaa ahaa shaqasi aan wax badan laga aqoonin, wuxuuna hoggaanka kooxda Daacish la wareegay bishii February ee sannadkan, ka dib markii ay Maraykanku dileen hoggaamiyihii hore ee Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi. Waxaa la rumaysan yahay in magacyada ay qaateen labadan hoggaamiye inaanay ahayn kuwooda rasmiga ah. AP, Reuters The post Amiirkii kooxda Daacish oo lagu dilay dagaal ka dhacay… appeared first on Caasimada Online.
-
Boqor Cismaan Awmaxamed Buurmadow, Ugaaska Guud ee beelaha Gadabuursi Ugaas Abdirashiid Ugaas Rooble iyo Siyaasiyiin uu ka Midyahay Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa kulamo ku yeeshay Caasimadda Dalka Ethiopia ee Asia Ababa. Kulamaddan ayaa Sida ay ilo xogogaal ahi tilmaamayaan lagaga wada hadlay sidii somaliland looga samata bixin lahaan Khilaafka siyaasadeed ee ay dalka galisay Xukuumadda wakhtigeedi dhamaaday ee uu hogaamiyo Muuse Biixi. Qaran News
-
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Mudane Abdirahman Abdishakur Warsame, ayaa magaalada Geneve ee waddanka Switzerland kula kulmay wafdiga Maraykanka ee ka qaybgalay furritaanka kalfadhiga 113-aad ee golaha IOM. Waftiga waxaa hor kacayay ku xigeenka Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha dibedda Maraykanka ee arrimaha bani’aadannimada, Ms Elizabeth H. Campbell, iyo Amy E Pope oo ah ku xigeenka IOM, haatanna u sharraxan xilka Agaasimaha Guud ee IOM. Ergeyga ayaa dawladda Maraykanka uga mahad celiyey kaalinta laxaadka leh ee ay ka qaateen gurmadka abaaraha, isagoo dhanka kale ka codsaday in dawladda Soomaaliya lagala shaqeeyo ka hortaga soo noqnoqashada abaaraha, taasoo ku imaan karta in la maalgeliyo mashaariic wax tar leh dadka oo abaaraha looga hortago sida; tayeynta wax soo saarka beeraha, xoolaha iyo daaqa iyo sidoo kale in la hirgeliyo istiraatiijiyadda biyaha ee dawladda Soomaaliya, lana maalgeliyo kallumaysiga, dhaqashada xoolaha iyo dhiraynta degaanka. Dawladda Maraykanka ayaa dhinacooda ballanqaaday in Soomaaliya kala shaqaynayaan sidii ay mashaariicdaasi ku hirgelin lahayd. Ergayga waxaa ku wehliyey kulanka saraakiil ka socota xafiiska ergeyga iyo diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Switzerland. The post Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Geneve kula kulmay wafdi Maraykan ah appeared first on Puntland Post.
-
By: Harun Maruf Despite relentless al-Shabab attacks, Somali defense officials say the country is making progress in building a viable security force capable of not only protecting state institutions but also expanding governmental authority. In central Somalia, federal troops supported by local fighters have been slowly seizing territories from al-Shabab since August. The current military offensive is entirely planned and executed by Somali commanders and local forces, a significant and confidence-boosting achievement. “We inflicted heavy defeat on terrorists, and we have dislodged them from large territory in the regions, Hiran in particular, which has been the focal point for the operation,” Army Chief Brigadier Gen. Odawa Yusuf Rage told VOA Somali. “The ultimate goal is to remove these terrorists from Somalia and eliminate them.” Gen. Rage and Defense Minister Abdulkadir Mohamed Nur were in Jubbaland this week to oversee regional forces that are planning to join the operations. The strategy is intended to open a new front against al-Shabab in the south. Troops trained by Turkey and the United States are the core of Somali forces undertaking these operations. On September 30, 2017, Turkey established the largest overseas military training facility in Somalia. Turkey has so far trained 5,000 commandos known as Gorgor (the eagle). To strength the command and leadership, Turkey also trained 316 officers and 392 non-commissioned officers. The training courses are continuing, and army recruitment centers in Mogadishu are attracting young university graduates. Gen. Rage, who himself was trained in Turkey, praised Ankara’s role. “It’s contributing significantly to the training and building of the Somali national army,” he said. Rage said troops trained by Turkey have made a “significant difference” in the fight against al-Shabab. The Turkish Defense Ministry said its engagement with Somali forces is to contribute to peace and stability in Somalia. It said the aim is to improve the organization, training, military infrastructure and logistics systems of the Somali National Army. “The battalions trained and equipped by Turkey have been successful in recapturing large numbers of al-Shabaab-controlled settlements, defending their bases and neutralizing terrorists,” said a Turkish statement sent to VOA. “These battalions will form the backbone of the Somali National Army in the future. We believe that the personnel trained by the Turkish Armed Forces will serve not only the security of Somalia, but also the security of Africa and beyond.” The elite Somali forces known as Danab (lightning) are trained by the U.S., and they are the other major forces involved in ongoing operations. Danab force strength is inching closer to 2,000 including a new batch of 350 troops that started training just few weeks ago at an airfield west of Mogadishu. Somali defense officials said current operations will be boosted upon the return of 5,000 more soldiers trained in Eritrea, although no date has yet been set. The government said it also is pursuing other initiatives to train more forces abroad. Turkey drones Somali security officials have acknowledged that Turkish drones are participating in the operations against al-Shabab, by conducting bombings and monitoring the militants. Two security officials who requested not to be identified because of the sensitivity of the project told VOA Somali that Turkish drones were involved in airstrikes in Lower and Middle Shabelle regions in recent weeks. The presence of Turkish drones was confirmed in September by the Minister of Interior, Federal and Reconciliation, Ahmed Moallim Fiqi, who was speaking to a local television station. But Somalia’s defense officials avoid confirming or denying it. “We don’t discuss specific operations by any particular country,” Defense Minister Abdulkadir Mohamed Nur told VOA Somali. General Rage was equally dismissive in discussing Turkish drone operations. “That is not an issue I want to talk to about,” he said. “Whether it exists or doesn’t exist, I will answer another time, but at this time I have no information about it.” Unlike the U.S. military, which has been publicly reporting airstrikes against al-Shabab for many years, including some that took place during recent operations, Turkey has not commented on its clandestine drone operations. On the multilateral level, Turkey supports all efforts to increase the capacity of the Somali National Army, read a statement by the Turkey Defense Ministry. That statement did not mention the word “drone” once, although VOA inquiry mainly focused on the drone issue. But Somali officials said Turkish drones were effective in bombing al-Shabab when troops met stiff resistance from the militants. Former Mogadishu intelligence chief Major Ibrahim Moallim Abdullahi, who has been following the operations of Turkish drones, said recent progress by the troops would not have been possible without the drones. “Turkish drones are playing a significant role in the ongoing operations,” he said. Abdullahi said Turkish drones arrived in the country last year, but their activities were limited to surveillance until this year when operations started. What is the strategy? Despite the success on the front lines, some security experts are questioning if the government has a “clear strategy” to defeat al-Shabab. Al-Shabab fighters this week penetrated a popular hotel next to the Presidential Palace, killing nine people. In October, the group detonated two large bombs at a busy junction killing 121 people and injuring more than 330 others. Critics argue the government only joined up for the fight after local mobilizations developed in the Hiran region against al-Shabab. In addition, in the town of Wabho in Galmudug State, troops vacated after briefly capturing it. “If you are starting a war, it needs a clear strategy, which has a starting point and an end point,” Abdullahi said. “What you need in liberated areas is to have the police, intelligence, and service providers ready in place.” Defense Minister Nur rejects the idea the government approached this without a plan. “It is a government plan that started it off, and there is no fighting that the government has not planned or led,” he said. “There is nothing spontaneous about it.” Source: VOA The post Somalia military rebuilding shows signs of improvement appeared first on Caasimada Online.
-
Despite relentless al-Shabab attacks, Somali defense officials say the country is making progress in building a viable security force capable of not only protecting state institutions but also expanding governmental authority. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta ka hadlay weerarkii ay Al-Shabaab ka geysteen hotelka Villa Rays oo ku yaalla gudaha xeen-daabka madaxtooyada Soomaaliya. Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud iyo xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in wixii ka dhacay Hotelkaas aysan ka aamusi doonin ka baarlamaan ahaan. Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud ayaa hey’adaha amniga ugu goodiyey in sidaan aan looga aamusi doonin wixii dhacay, isla markaana ay imaa doonto in maalmaha soo socda hoggaanka hey’adaha amniga looga yeero kulamada baarlamaanka. “Waan ku dhaliileynaa hey’adaha amniga wixii dhacay maalin dhoweed, waana imaaneysaa in kulanka baarlamaanka looga yeero hey’adaha amiga, si wax looga weydiiyo sababta ay waxaasi u dhaceen, tan baarlamaanku kama aamusnaa doono insha allah,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisamad Macalin. Sidoo kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in wixii ka dhacay banaanka madaxtooyada aysan ahayn wax loo dul-qaada karo, wuxuu dalbaday in sharciga la hor geeyo dadkii masuulka ka ahaa amniga aaggaas. Xildhibaan Jeesow wuxuu intaas ku sii daray in guddiga amniga ee baarlamaanka uu kulan deg deg ah ka yeelanayo arrintaas, si loola xisaabtamo hey’adaha ammaanka. “Anigoo ku hadlaya afka guddiga amniga ee baarlamaanka suurtagal maaha in la galo meel intaas madaxtooyada u jirta, waa wax laga xumaado, hey’adaha amniga waxaan ka rabnaa in arrintaan aysan ka soo qaadin wax dhici jiray ee sharciga la hor geeyo raggii masuulka ka ahaan amniga goobtaas,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow. Xog ay Caasimada Online ka heshay dabagalka qaraxii iyo weerarkii Hotel Villa Rays waxay sheegeysaa in madaxweyne Xasan Sheekh uu isugu yeeray hoggaanka hey’adaha ammaanka, isla markaana uu ka dalbaday warbixin dhameystiran iyo tallaabooyin deg deg ah oo looga jawaabayo wixii dhacay, sida xil ka qaadis, sidoo kale waxaa cabsiga la dhigay askar iyo saraakiil ku qornaa baraha control ee loo maleynayo inay ka soo gudbeen ragii weerarka fuliyey. The post Baarlamaanka oo soo farogeliyey baaritaanka kiiska weerarkii Hotel Villa Rays appeared first on Caasimada Online.
-
Ceelasha Biyaha (Caasimada Online) – Shacabka degaanka Ceelasha Biyaha duleedka magaalada Muqdisho ayaa galabta ku banana-baxay kolonyo gaadiid ah oo ciidanka ATMIS ay wateen, kuwaas oo dilay laba wiil oo dhalinyaro ah. Baraha bulshada ayaa aad loogu faafiyey muuqaal muujinaya dad shacabka ooh or istaagay ciidanka ATMIS, isla markaana tuuryeynaya, kadib markii ay ciidanka ATMIS gaadiidkooda jiirsiiyeen laba wiil oo dhalinyaro ah. Labada wiil ee gaadiidka AMISOM ay dileen ayaa deegaanaa Ceelasha Biyaha, waxaana dhaawac u dhintay mid gooabah caafimaadka loola cararay, halka wiilkii kale uu goobta ku geeriyooday. Cabdiraxmaan Faarax Fiidow oo ahaa wiil ganacsade ah ayaa magaciisa laga xusay dhalinyaradaas labada ah ee galabta ay dileen ciidanka ATMIS, wuxuuna Cabdiraxmaan goob ganacsi ku lahaa deegaanka. Ciidanka oo goobta ka baxsa raba ayaa waxaa hor-istaagay dadka shacabka ah, iyagoo ku banana-baxay, dhagaxna la dhacay gaadiidka ciidanka wiilasha jiiray ee ATMIS, waxaana la sheegay in goor dambe ay ku soo baxeen ciidamo boolis ah. Wiilashaan ayaa gaadiidka la jiirsiiyey xilli ay dhinaca kale u goynayeen laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye ee dhex-mara degaanka Ceelasha Biyaha. Hoos ka daawo warbixin The post Daawo: Ciidanka ATMIS oo dhalinyaro dilay iyo kacdoon shacab oo ka dhashay appeared first on Caasimada Online.
-
“Somalis have to thank Elon Musk for showing us the futility of our smug, entrepreneurial self-perception.” Mogadishu (PP Editorial) — The decision of Elon Musk, the new owner of Twitter Inc, to charge users with a large number of followers for the blue badge used to verify Twitter handles has had a different impact on different people. In Somalia where many people have twitter accounts, many people have not been able to pay for their existing verifications issued before the new policy. You should have a Mastercard or Visa to be able to pay for the verification. Elon Musk took a risk to introduce the new policy that the previous owner was reluctant to adopt for fear of alienating users of the microblogging site. The richest man in the world can afford to put up with temporary backlash resulting from his monetisation scheme. Somalia has powerful financial institutions in the form of money transfer companies that double as local quasi-banks. Only the Premier Bank reportedly issues Mastercard debit cards but its reach is limited domestically thanks in part to regulatory hurdles imposed by the mobile money systems that control more than 80% of daily transactions in Somalia. Mobile money operators have provided the unbanked with an opportunity to benefit from the services of mobile wallets but the money transfer companies are too staid to introduce debit cards. Only Premier Bank issues a limited number of Mastercard debit cards in Somalia. Owning a debit card will enable a customer to buy courses or products online. Many customers have worries that their money (mainly in US dollars) kept in local digital banks could disappear if hackers attack the company servers. They do not have guarantees — how much of their savings are protected by a banking law if the financial institutions go bankrupt. The entrepreneurial zeal of Somalis is becoming a self-congratulatory epithet that puts consumer rights at risk. Mobile money operators in Somalia are the unofficial central bank of Somalia. They control the economy and retain crucial economic data on which they make decisions to deepen their monopolies to quash potential competitors. Although it takes less than two minutes to send money to Somalia, the mobile money wallet operators’ mindset has not evolved from the late 1990s and early noughties practice of wiring money from a foreign country in the morning and phoning the potential recipient the next morning. We have to thank Elon Musk for showing us the futility of our smug, entrepreneurial self-perception. © Puntland Post, 2022 The post Twitter Exposes Entrepreneurial Fiasco of Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Tardo (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo hoggaaminaya ciidan xoog leh ayaa safar dhulka ah uga baxay magaalada Muqdisho, isagoo maanta gaaray degaanka Tardo ee gobolka Hiiraan. Xildhibaan Jacfar ayaa dib u soo abaabulay howlgalkii dhawaan fashilmay ee xoreynta deegaanada beeshiisa oo Wabxo iyo Ceelbuur ay ugu horeeyaan. Kolonyada uu hoggaaminayo Xildhibaan Jacfar waxaa maanta gobolka Sh/Dhexe ka sii raacay guddoomiyaha gobolkaas Axmed Faal, waxayna degaanka Tardo ee gobolka Hiiraan ugu tageen oo ku soo dhaweeyey guddoomiye Cali Jeyte. Kulanka maanta Tardo ka dhacay oo muhiim u ahaa howlgalka ciribtirka Al-Shabaab ee ka socda HirShabeelle, waxaana diiradda lagu saaray sidii maamullada labada gobol ay adeegyada bulshada u gaarsii lahaayeen deegaanada laga xoreeyey kooxda, isla markaana inta dhiman loo xoreyn lahaa. Safarkaan dhulka ah ayaa suurta galay kadib markii Al-Shabaab laga xoreeyey inta badan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee HirShabeelle. Haatan Xildhibaan Jacfar ayaa doonaya in koonfurta ilaa bariga gobolka Galgaduud uu ka xoreeyo kooxda, halkaas oo beeshiisu ay degto, wuxuuna hoggaaminayaa ciidan xoog leh, masuuliyiin iyo saraakiil ciidan oo duulaanka qeyb ka ah. “Waxaan maalmaha soo socda wax ka xorey doonaa degmada Aadan-yabaal, kadibna waan ka sii gudbeynaa,” ayuu yiri Xildhibaan Jacfar oo dadka deegaanka ugu baaqay inay kacaan oo fursadaan ay ka faa’iideystaan. Hoos ka daawo The post Daawo: Jacfar oo dib u soo abaabulay duulaan culus safar dhulka ahna Hiiraan ku tegay appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyeyaasha gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa xadka laba gobola ay wadaagaan kulan kula qaatay Xilidhibaan Maxamed AbuukaKulan, kuwaas oo ku gaaray safar dhinaca dhulka ah kusoo gaaray isaga iyo ciidan uu wato, ayaa ka wada hadlay sidii ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka Al-shabaab. Labada Guddoomiye ee gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe Cali Jeyte Cismaan Axmed Meyre oo uu wehliyo Xildhibaan Jacfar oo ku kulmay deegaanka Tardo oo dhawaan laga Xoreeyay Alshabaab ayaa iska xog wareystay Xaalada deegaanada laga xorreeyay iyo sidii hore loogu sii socon lahaa howlgallada ay wadaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka. Wafdiga xildhibaanka oo ka ambabaxay Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa gobalka shabeellaha dhexe ka sii raacay guddoomiyaha Gobolkaas Mudane Axmed Meyre Makaraan, waxayna noqonayaan mas’uuliyiintii ugu horreysay oo safar dhulka ah ku mara deegaano dhowr ah oo xiriiriya Gobolada Banaadir, Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan. Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo wata ciidamo badan ayaa waxaa uu kusii jeedaa degmada Maxaas ee gobolka oo ay ku sugan yihiin ciidankii dhowaan isaga soo baxay deegaanka Wabxo oo hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, waxaana ciidanku hadda ay wadaan gulufkii ugu dambeeyay ee lagu qabsanayo degmooyinka hoostaga Ceelbuur. Ciidanka dowladda oo taageero ka helaya ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanno dhowr ah oo ka kala tirsan gobollada Shabeellaha dhexe Hiiraan iyo Galgaduud ee Hrshabeelle iyo Galmudug, madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhowaan ku tagay safarro kala duwan maamullaadaan, waxaana uu ugu baaqay dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nin Soomaali Ah Oo Lagu Helay Inuu Xaaskiisa Ku Dilay Magaalada Cleveland Heights Ee Gobolka California Ayaa Lagu Xukumay 26 Sano Oo Xabsi Ah. Maxamed Abidaaziz Keerow Oo 48 Jir Ah Ayay Xeer Beegtida San Diego Ku Xukuntay Horaantii Sannadkan Dil Darajada 1-Aad Ah, Isagoo Loo Haystay Geeridii Muna Salaad Kuru Oo 36 Jir Ahayd. Dilkeeda Oo Dhacay Sannadkii 2019, Ayaa Walaasheed Aamina Salaad Kuru Waxay Markii Meydka Walaasheed La Helay Ku Eedeysay In Uu Ka Dambeeyay Ninkii Qabay Muna. Maalmo Ka Dib Dhimashadeeda, Waaxda Bilayska San Diego Ayaa Kerow U Aqoonsaday Inuu Yahay Tuhmanaha Dilka Xaaskiisa, Waxaana Warsaxaafadeed Boolisku Uu Soo Saaray Ku Sheegay Inuu Baxsaday Lana Raadinayo Dilkeeda. Kerow Ayaa Laba Toddobaad Ka Dib Lagu Xidhay Dalka Panama, Halkaas Oo Uu Baxsad Ku Tagay. Muna Salaad Kuru Waxay Ahayd Ganacsato Lahayd Xarun Maalintii Lagu Haayo Carruurta Oo Ku Taalla Magaalladda San Diego Ee Dalka Maraykanka. Source
-
Nairobi (Caasimada Online) – Axmed Rashiid oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee Kenya ayaa maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ka codsaday in kiiskiisa dib u eegis lagu sameeyo, isagoo ku dooday in dacwadda ka dhanka ah ay ku hoos duugan yihiin dano gaar ah. Hay’adda dusha kala socota booliska Kenya (IPOA) iyo xafiiska dacwadda oogaha guud ayaa todobaadkii hore dalbaday in Axmed Rashiid uu hortago maxkamadda 8-da December, si uu uga jawaabo dacwadda loo haysto oo ah in March 2017 uu suuqa Islii ku toogtay labo wiil oo dhalinyaro ah. Askariga ayaa ku doodaya in wiilasha oo lagu kala magacaabi jiray Maxamed Khadar iyo Jamal Maxamed ay kamid ahaayeen koox dhac ka geysan jirtay xaafadda Islii, isla maalintaasna ay dhacayeen dukaamo ku yaalla dabaqa Amal Plaza ee Islii. “Burcadda oo tiro ahaan gaaraysay toddobo ayaa rasaas ku furay ciidanka amniga iyo dadkii meesha ku sugnaa. Mid kamid ah burcaddaas ayaa watay qori la farsameeyay, waxaana lagu dilay is rasaaseyn dhexmartay isaga iyo booliska,” ayaa lagu sheegay codsiga uu Axmed Rashiid u gudbiyay maxkamadda. Muuqaal la sheegay in laga duubay dhacdadaas ayaa u muuqda Axmed oo si bareer ah u tooganaya labada wiil ee Maxamed iyo Jamaal. Barnaamij ay BBC qeybteeda Africa Eye ka diyaarisay Axmed Rashiid oo la baahiyay September 2018, ayaa waxa uu ku sheegay in kooxdiisa oo loo yaqaano “Pangani 6” ay baacsadaan burcadda isla markaana ay “ku dedaalaan inay gacanta ku dhigaan noolal iyo geeri ba”. Mar wax laga waydiiyay labada wiil ee loo haysto dilkooda ayuu sheegay inay ka tirsanaayeen koox burcad ah oo Islii looga yaqaan “Super Power”, isla markaana uu Maxamed Khadar isku soo sawiray jaakad uu lahaa askari ay saaxiibo ahaayeen Axmed Rashiid oo la tuhunsan yahay inay dileen kooxdaas burcadda ah. Amniga Islii Qeyb kamid ah shacabka ku nool xaafadda Islii ayaa ku ammaanay Axmed Rashiid inuu si wanaagsan wax uga qabtay amni darrada jirtay, gaar ahaan xilliyada habeenka. Waxa ay ku doodeen in baacsiga kooxda Super Power uu horseeday inay yaraadaan weerarrada ay fulin jireen dhallinyaradaas u badan Soomaalida ee adeegsada toorida iyo hubka kale. Hase yeeshee dad uu kamid yahay ninka dhalay Maxamed Khadar ayaa aaminsan in halkii laga toogan lahaa la tuhunsanayaasha, ay wanaagsan tahay in la mariyo hannaanka sharciga waddanka oo la horgeeyo maxkamadaha dalka. Hay’adaha xuquuqda aadanaha, gaar ahaan Amnesty International ayaa warbixinno hore oo ay qoreen ku sheegay in Kenya ay ku badan yihiin dilalka sharciga ka baxsan ee ay geystaan laamaha amniga. Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Ruto ayaa wacad ku martay inay wax ka qaban doonto arrinkaas, waxaana bishii October ay dowladda kala dirtay unug loo yaqaanay Special Services Unit oo lagu eedeeyay inay dileen dad shacab ah oo ay kamid yihiin laba muwaadin oo u dhashay Hindiya. Isha: BBC The post Kiiska Axmed Rashiid oo yeeshay weji cusub appeared first on Caasimada Online.
-
Hogaamiyihii hore ee Shiinaha Jiang Zemin ayaa geeriyooday isaga oo 96 jir ah. Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay inuu dhintay wax yar ka dib duhurnimadii Arbacada ee xilliga dalkaas. Jiang waxa uu xukunka la wareegay ka dib markii 1989-kii uu dhiig badani daatay oo lagu qabqabtay dad mudaharaadayay fagaaraha Tiananmen ee magaalada Beijing iyo hareeraheeda, taasoo keentay in Shiinaha laga takooro caalamka. Dhacdadani waxa ay dhalisay loolan adag oo xagga awoodda ah oo ka dhacay Shiinaha oo horseeday dib-u-habayn in lagu sameeyo xisbiyada dalka ka jira. Source
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi ayaa maanta guddoomiyey shir looga hadlayay xasillinta deegaannada laga xoreeyey Al-shabaab ee soo galay gacanta dowladda iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada dowladda ee muhiimka u ah bullshada ku nool deegaannadaas. Wasaaradaha kulanka ka qeyb galay ayaa soo bandhigay qorshooda ku aaddan adeegyada ay u baahan yihiin bulshada deegaannada la xoreeyey, sida caafimaadka, waxbarashada, garsoorka, sugidda amniga iyo dib-u-heshiisiinta, maadaama ay argagixisadu muddo badan cunaqabateyn ku heysay, kana hortaagnayd adeegyadii dowladda. Ra’iisul Wasaare Xamse oo tilmaamay ahmiyadda ay xukuumaddiisu siineyso gaarsiinta adeeggii dowladda goobaha la xoreeyey, ayaa faray wasaaradaha ku shaqada leh in si deg-deg ah dhulka la xoreeyey looga hirgeliyo adeegyada asaasiga ah, sida waxbarashada caafimaadka iyo hirgelinta goobo waxbarasho. Xamse Cabdi Barre ayaa xusay markale in dowladdu ay sii wadi doonto dagaalka socda ilaa inta dalka oo dhan laga laga saaro Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay, waxaana kulankaan uu kusoo aadayaa iyadoo Muqdisho uu ka furmay shirka wadatashiga ee Istaraatiijiyadda deegaannada dowladdu la wareegtay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beijing (Caasimada Online) – Ciidamada cirka Ruushka iyo Shiinaha ayaa si wadajir ah u sameeyey dhoolatus militari oo ka dhacay gobolka Asia-Pacific, waxaa sidaas maanta sheegtay wasaaradda difaaca Ruushka. “Ciidamada Cirka Ruushka iyo Ciidamada Cirka ee Ciidamada Xoreynta Shacabka Shiinaha ayaa si wadajir ah roondo hawada ah uga sameeyeen gobolka Asia-Pacific,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaradda Diyaaradaha Ruushka ee gantaallada xambaara ee TU-95 iyo kuwa Shiinaha ee Xian H-6 ayaa dul maray Badda Japan iyo Badda Bariga Shiinaha muddo sideed saac ah, sida lagu sheegay bayaanka. Kadib markii laga go’doomiyey Reer Galbeed tan iyo duulaankii Ukraine, Putin ayaa raadiyey inuu xoojiyo xiriirka Asia, gaar ahaan Shiinaha. “Markii ugu horreysay taariikhda roondada hawada, diyaaradaha Ruushka waxay soo cago dhigteen Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, halka diyaaradaha Shiinaha ay cago dhigteen dhulka Federaalka Ruushka,” ayey tiri wasaaradda. Dhoolatusyada ayaa la fuliyay “iyado si adag loo raacayo sharciga caalamiga ah” kumana “wajahneyn dalal saddexaad,” ayaa lagu yiri bayaanka. Moscow ayaa rajaynaysa inay hesho wax ay isla wadaagaan Beijing maadaama labadooduba ay leeyihiin hammi ah inay ka gudbaan kala dambeynta caalamka ee Mareykanka uu hoggaamiyo. Shiinaha ma cambaareyn howlgalka miltari ee Ruushka uu ka wado Ukraine, balse inkasta oo uu kala dhaxeeyo “xiriir aan xadidneyd,” haddana Beijing waa ay diiday in hub siiso Moscow. Gobolka Asia-Pacific waa mid istaraatiiji u ah Mareykanka, Shiinaha iyo Ruushka. AFP, VOA The post Ruushka iyo Shiinaha oo qaaday tallaabo farriin culus u dirtay REER GALBEEDKA appeared first on Caasimada Online.
-
The DP world is set to launch the Berbera Economic Zone in Somaliland to create an integrated maritime, logistics, and industrial platform to serve the Horn of Africa and Ethiopian markets. This follows its huge investment of over $442 million in expanding the Port of Berbera. The Port of Berbera is the most modern container terminal in the horn of Africa with extensive bulk and breakbulk handling facilities as well as liquid cargo handling capability. On the other hand, the Berbera Economic Zone, modelled on our flagship Jebel Ali Free Zone in Dubai, aims to offer a similar business environment that our Jafza customers have become accustomed to, whether it is in terms of the regulatory framework, range of facilities, incentives and the one-stop-shop services. Suhail Albanna, DP World’s CEO & MD of the Middle East & Africa said: ”With both the port and the economic zone being operated by DP World, it will be like home away from home for our Jafza customers”. A new special economic zone law and a new special economic zone companies’ law have been passed by the Somaliland Parliament with a view to offer companies operating in the zone a secure and stable business environment. The facilities which are available for annual lease, long-term lease of 25 years or sale include offices, prebuilt Light Industrial Units (LIUs) as well as serviced land plots. DP World says it can also offer built to suit as well as project management services for companies looking to outsource the construction of their facilities. “Moreover, DP World will provide logistics services including clearing, storage and delivery of goods to companies operating in the zone,” the maritime company said in a statement It added: “The incentives offered to companies include a wide range of fiscal and non-fiscal incentives, including exemption from corporate tax, duty-free storage of goods, exemption from import or export permits, 100% foreign-owned companies and the ability to employ foreign labour.” DP World has set up and will operate the one-stop shop where services include company formation, licensing, issue of building and Health, Safety & Environment (HSE) permits, as well as facilitating other services such as visa and work permits. Applications for registration and licensing can be made through the Berbera Economic Zone portal or submitted and attested through the Jafza one-stop shop. The DP World said: “This integrated maritime, logistics and industrial platform, the customer centric ecosystem as well as the competitive and conducive business environment, constitute the key attributes in positioning Berbera as an emerging gateway for the horn of Africa and Ethiopian markets.” Business week Qaran News
-
Nairobi (HOL) - Controversial Eastleigh police officer Ahmed Rashid filed a case at the Milimani courthouse on Wednesday alleging that Kenya's Independent Policing Oversight Authority (IPOA) double homicide charges against him was a "well-choreographed plan to fix him without any lawful basis." Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey shir looga hadlayay xasillinta deegaannada laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada dowladda ee muhiimka ah. Shirkaan oo qeyb ka ahaayeen wasaaradaha kala duwan ee xukuumadda ayaa waxay soo bandhigeen qorshooda ku aaddan adeegyada ay u baahan yihiin bulshada deegaannada la xoreeyey, sida caafimaadka, waxbarashada, garsoorka, sugidda amniga iyo dib-u-heshiisiinta. Deegaanada laga xoreeyay cadowga ayaa argagixisadu muddo badan waxay ku haysay cunaqabateyn, islamarkaana ay ka hortaagnayd adeegyadii dowladda. Ra’iisul Wasaare Xamza oo tilmaamay ahmiyadda ay xukuumaddiisu siineyso gaarsiinta adeeggii dowladda goobaha la xoreeyey, ayaa faray wasaaradaha ku shaqada leh in si deg-deg ah dhulka la xoreeyey looga hirgeliyo adeegyada asaasiga ah. Ugu dambeyntiina waxa uu ka dhawaajiyay in dowladdu ay sii wadi doonto dagaalka socda ilaa inta dalka oo dhan laga ciribtirayo kooxaha xagjirka ah ee baneystay nafta iyo maalka dadka Soomaaliyeed. Tan iyo markii uu billowday kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka kala wareegeen kooxda deegaano badan oo sanado dhowr ah gacantooda ku jiray. The post Sawirro: R/Wasaare Xamza oo gudoomiyay shir muhiim u ah degaanadii la xoreeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Somaliland: Wasaarada Isgaadhsinta iyo Tiknoolajiyada oo aan Weli ku guulaysan Bogeedii Facebuug iyo bogga Wasaarada Shaqo gelinta oo la jabsaday dhawaan inay ka soo celiyaan Budhcada jabsatay ayaa maanta magaalada Hargeysa Tababar ku saabsan sida looga hortago Budhcada Internet-ka uga furtay waaxyaha ICT-ga ee xukuumada Somaliland. Wasaarada Isgaadhsinta ayaa hore Loo sheegay in dad dibada jooga Lacagyow badan ku siiso sidii calaamada buluuga Ah loo saari lahaa bogga Facebuug ee xukuumada. Wasaarada isgaadhsinta ayuu Wasiir ka yahay oo Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi oo Shahadada sare ee Doctorate ka Sita Cilmiga ICT-ga Waxa xusid mudan in Maamulka Puntland ee Soomaliya uu maalmo kooban ku soo celiyay bogga Madaxweyne ku-xigeenka maamulkas oo budhcad jabsatay halka Somaliland wasaarada u Xil saarnayd toknoolajiyadu muddo bilo Ah awoodi wayday inay soo ceshato boggeedii wakhti la jabsaday bogii labaad ee dawladu leedahay oo Ah ka wasaarada shaqo gelinta Somaliland. Qaran News
