Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Federalism was introduced as a system of governance in Somalia to accommodate competing interests, manage conflicts and forge unity. However, it continues to suffer setbacks due to a lack of essential ingredients that can allow the system to flourish in a post-conflict environment. According to Nigerian scholar, Adeola Gabriel, the concept of federalism has a rich philosophical background spanning from the 17th century, through the Enlightenment Age, to the 19th century[1]. Source: Hiiraan Online
  2. Kismayo (HOL) – The Jubbaland regional state administration has commended the ongoing military operations against ISIS militants in Puntland's Bari region, hailing it as a significant step in Somalia's fight against terrorism. Source: Hiiraan Online
  3. Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in magaalada Muqdisho aysan ka jirin wax khatar amni ah, kadib markii kooxda Shabaab isku dayeen inay cabsi abuuraan. Kooxahan ayaa miinooyin been abuur ah ku dhajiyay xarun ganacsi oo ku taalla Degmada Daarusalaam. Baaritaan lagu sameeyay miinooyinkaas ayaa lagu ogaaday inay ahaayeen kuwo dheemish ah oo aan wax khatar ah lahayn, iyadoo aysan jirin wax khasaare nafeed ama mid hantiyeed oo ka dhashay dhacdadaas sida lagu sheegay War-Saxaafadeed kasoo baxay taliska Ciidanka Booliska. Ciidamada Boliiska ayaa si degdeg ah uga jawaabay arrinta, kana qaaday tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga iyo kalsoonida shacabka. Taliska Boliiska ayaa shacabka ugu baaqay inay ciidamada amniga kala shaqeeyaan nabadda, ayna iska ilaaliyaan wararka been abuurka ah ee lagu doonayo in lagu qalqal geliyo bulshada Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  4. Xogo kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar qarax loo adeegsaday oo lagu qaaday bar-hubin oo ay ciidamada nabad-gelyadu ku lahaayeen degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir. qaraxa ka dib rasaas xooggan ayaa laga maqlay goobta, kuwaas oo jugta qaraxa xigay, islamarkaana aan la kala xaqiijin inay laba geesood ahaayeen iyo in Ciidamada amnigu ay ridayeen si ay uga hortagaan weerar ay gestaan raggii qaraxa fuliyay. Qaraxan oo laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka ayaa la sheegay inay fuliyeen koox abaabulan oo wadatay gaadiidka loo yaqaanno Moto fekon-ta, balse lama soo warin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay. Laamaha nabad-gelyada ayaa sheegay inay ku daba jiraan qolyihii ka dambeeyay qaraxaas, waxaana war saxaafadeed ay booliska Soomaaliya lagu sheegay in qaraxyada dhacay ay ahaayeen kuwo macmal ah ama dheemish ah oo aan waxyeello geysan karin, balse looga gollahaa in caasimadda lagu qalqal-geliyo. booliska Soomaaliya ayaa intaas ku daray in Ciidamada nabad-gelyadu ay si adag uga hortageen falkii ka dhacay Daarusalaam oo ay ku tilmaameen isku day qalqal-gelin ah oo fashionable. Source: goobjoog.com
  5. Mogadishu (HOL) – Two Somali fishermen, rescued by a Chinese ship after their boat broke down in the middle of the Indian Ocean, have been safely returned to Mogadishu, the Somali government announced. Source: Hiiraan Online
  6. Ankara (Caasimada Online) – Afhayeenka xisbiga talada haya ee Turkiga ayaa Isniintii sheegay in u gogol xaarista in madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu markii afaraad u tartamo xilka madaxweynenimada ay “ku jirto ajandahooda”, isagoo intaa ku daray in arrinta muhiimka ahi ay tahay in shacabku ay doonayaan. Erdogan, oo ah hoggaamiyaha ugu muddada dheer dalka Turkiga casriga ah, ayaa xilka hayay in ka badan labaatan sano, isagoo marka hore ahaa ra’iisul wasaare ka dibna madaxweyne. Sida uu qabo xadka muddo xileedka madaxweynenimada ee Turkiga, wuxuu ku jiraa muddo xileedkiisii ugu dambeeyay haddii aan wax ka bedel lagu sameyn dastuurka ama baarlamaanku ku dhawaaqin doorasho waqigeeda ka soo hormarta. Markii ugu horreysay waxaa madaxweyne loo doortay 2014-kii iyadoo la marayo nidaam baarlamaani ah, waxaana dib loo doortay 2018-kii iyo 2023-kii ka dib markii wax ka bedel dastuuri ah ay sameeyeen xisbigiisa talada haya ee AKP iyo xulafadooda MHP, si dalka looga dhigo mid ku dhaqma nidaam madaxweyne. Marka wax laga weydiiyay hadal dhex maray fanaan iyo Erdogan dhammaadkii toddobaadka kaasoo Erdogan uu kaga jawaabay su’aal ku saabsan inuu u tartamo muddo xileed cusub isagoo leh: “Diyaar ayaan u ahayd haddii aad u tahay”, afhayeenka AKP Omer Celik ayaa sheegay in AKP ay ku faraxsan tahay in arrintaas la soo hadal qaaday. “Annaga oo ah kuwa la safan Madaxweynaha, waa ajandaheena,” ayuu ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Ankara. “Waxaan ka arki doonnaa qaacidada. Siyaasadda, hal sano waa waqti aad u gaaban, hal maalin waa mid aad u dheer. Waxa muhiimka ah waa in shacabkeennu ay doonayaan,” ayuu raaciyay. “Marka aan eegno dhacdooyinka naga xeeran, waxaa muuqata fursad kasta sida ay muhiim u tahay aqoonta iyo rabitaanka siyaasadeed ee madaxweynaheennu uu u leeyahay dalkeenna,” ayuu raaciyay. Bishii November, hoggaamiyaha MHP Devlet Bahceli ayaa soo jeediyay fikradda ah in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka si loogu oggolaado madaxweynaha inuu mar kale u tartamo doorashada la filayo inay dhacdo 2028. Wax ka beddelka dastuurka waxaa loo gudbin karaa afti haddii 360 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka oo ka kooban 600 kursi ay taageeraan. Doorasho waqtigeeda ka soo hormarta waxay sidoo kale u baahan tahay taageerada 360 xildhibaan. AKP iyo xulafadeeda waxay haystaan 321 kursi.
  7. The Ethiopian government has unveiled plans to expand the country's electric vehicle (EV) charging infrastructure, aiming to install charging stations every 50 to 120 km, according to an official from the Petroleum and Energy Authority of Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  8. Tanzanian journalist and human rights activist Maria Sarungi Tsehai (C) speaks during a press conference in Nairobi, Kenya, Jan. 13, 2025. Tsehai said she was certain the Tanzanian government was behind her abduction the day before. Source: Hiiraan Online
  9. MOGADISHU: Somali security forces said they killed several Daesh fighters and seized eight terrorist outposts during ongoing military operations in the semi-autonomous Puntland region. Source: Hiiraan Online
  10. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa si weyn u bogaadiyay hawlgallada ka dhanka ah Argagixisada ee ka socda Puntland, sida ay sheegtay Madaxtooyada Jubaland. Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Axmed Madoobe uu adkeeyay ahmiyada ay leedahay in si mideysan loo wajaho dagaalka Argagixisada si dib u dhiska iyo soo kabashada Soomaaliya ay u noqoto mid miro dhal ah. “Madaxweynaha ayaa adkeeyay ahmiyada ay leedahay in si mideysan loo wajaho dagaalka Argagixisada si dib u dhiska iyo soo kabashada dalkeennu ay u noqoto mid miro dhal ah” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe. “Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada Puntland guulaha ay ka gaareen howlgalka lagu cirib tirayo kooxda Daacish isagoo tilmaamay in howlgalkan uu u leeyahay muhiimad weyn dadka reer Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka. Madaxweynaha Jubaland ayaa sidoo kale ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka in ay ku garab istaagan dowladda Puntland sidii uu u miro dhali lahaa howlgalka Ciribtirka kooxaha Argagixisada ah ee Daacish iyo Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo ku baaqay in dowladda Puntland lagu garab istaago Dagaalka Argagixisada appeared first on Puntland Post.
  11. A Chinese-owned fishing vessel hijacked off the Somali coast in November has been set free with its 18-member crew, the Chinese Embassy in Somalia said Monday. The embassy statement said “the Chinese side maintained close consultation and coordination” with federal authorities in Somalia as well as the regional government of Puntland in efforts to rescue the ship and its crew. The hijacking underscored the persistent challenges of maritime security in Somalia’s waters. Somalia has for years been blighted by piracy, which peaked in 2011, when the United Nations says more than 160 attacks were recorded off the Somali coast. Incidents have declined drastically since then, however, largely due to the presence of American and allied navies in international waters Source The Associate press Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Labo jug oo xoog leh ayaa caawa laga maqlay magaalada Muqdisho, waxaana la helayaa faahfaahin hordhac ah, sida ay wax u dhaceen. Sida ay ilo wareedyo dhanka amniga ah u sheegeen Caasimada Online, jugta la maqlay waa weerar kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday degmada Daarusalaam. Koox ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay weerareen saldhig ciidamada xasilinta caasimadda Muqdisho ee Boolis-Militeri ay ku leeyihiin degmada Daarusalaam. Weerarkaas wuxuu si gaar ah uga dhacay saldhig ku yaalla jidka Jaayga ah ee Daarusalaam ka aada dhanka deegaanka Ceelasha Biyaha, kooxda geysatay waxaa la sheegay inay jidkaas ku yimaadeen. Mootooyin nooca FEKON-ta ah ayaa la sheegay inay wateen xubnaha weerarka geystay, ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaas, mana jirto faahfaahin weli ka soo baxday dowladda. Kooxda weerarka fulisay ayaa naloo sheegay inay ridayeen Sabanno, Bambooyinka gacanta laga tuuro iyo rasaas toos ah. Is-rasaaseyn dhowr daqiiqo socotay ayaa goor dambe joogsatay, waxaana la sheegay in dhica degmada Deyniile ay u baxsadeen raggii weerarkaas geystay oo la aaminsan yahay inay Shabaab yihiin. Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamada la dagaalanka argagixisada ay guulo ka gaareen dagaal maanta ay ku qaadeen kooxda Daacish ee ku sugan gobolka Bari. Dagaalkaas ayaa maanta ka dhacay buuraha Calmis-kaad ee gobolka Bari, sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir. Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay kooxda ka qabsadeen dhowr saldhig oo ay ku lahaayeen buuraha Calmiskaad, kadib dagaal toos ah oo maanta dhexmaray labada dhinac. Wasiir Caydiid waxaa uu sheegay in deegaanka Bali-dhidin ee maanta dagaalku ka dhacay uu ahaa halkii ay ku xoogganaayeen kooxda Daacish ee uu hoggaamiyo Cabdulqaadir Muumin. Puntland ma sheegin khasaaraha inta uu la’eg yahay dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Bali-dhidin ee gobolkaas. Warbaahinta ayaa soo bandhigtay sawirrada meydadka xubno ajaanib ah oo ka tirsanaa Daacish, kuwaas oo ciidamada Puntland ay dagaalka ku dileen. Maamulka Puntland ayaa dhawaan ku dhawaaqay dagaal ay ku qaadeen buuralayda Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay saldhigyo waaweyn ku leeyihiin kooxda Daacish.
  14. Liaoning and its crew before their release was secured. Boosaaso (PP News Desk) — A Chinese fishing vessel, Liaoning, with a crew of 18 which that was hijacked off the coast of Puntland State of Somalia in November last year has finally been released today after hijackers received a payment of ransom. The vessel, owned by Liaoning Daping Fishery Group, had fishing had a fishing licence issued by Puntland State of Somalia. Documents recovered from the trawler indicate that the fishing licence expired in September 2024. Hijackers displayed a photo of the vessel’s insurance policy certificate issued in 2022 and an invalid fishing licence. A 2022 submission to the US Department of Labor by Environmental Justice Foundation corroborates the vessel’s history of fishing in Somali waters. A certificate of insurance policy issued to Liaoning. Unconfirmed reports indicate that the hijackers received 20 percent of the initial ransom demand of 10 million dollars. Puntland Fisheries Ministry has not confirmed the authenticity of the fishing licence issued to Liaoning. An unverified, invalid fishing licence issued to Liaoning. More than 30 fishing vessels with licences issued by Puntland State government are believed to be involved in unregulated fishing practices. Puntland Fisheries Ministry has never published data on the fishing licence fees paid by foreign fishing companies. Both the Federal Government of Somalia and Puntland State government issued fishing licences to Chinese companies without an agreement on catch recording guidelines. © Puntland Post, 2025 The post Hijacked Chinese Fishing Vessel Released After “$2M Ransom Payment” appeared first on Puntland Post.
  15. Dalka Mareykanka, gaar ahaan gobolka California waxaa weli ka holcaya dab xooggan oo dhulka la simay kumanaan guri oo ku yaalla magaalada Los Angeles iyo hareeraheeda, waxaana illaa hadda musiibadan u taag la’ kooxaha gurmadka degdegga ah iyo dab-damiska Mareykanka. Waxyeellada dhimasho ee uu dabkani sababay ayaa hadda maraysa ugu yaraan 24 qof sida uu sheegay guddoomiyaha California Gavin Newsom, kaas oo tilmaamay in dhacdadani ay noqon karto masiibadii dabiiciga ahayd ee ugu xumayd taariikhda Maraykanka. Ilaa 100,000 oo qof ayaa la daadgureeyay aagga uu dalku ka ololayo, dabaylaha loo yaqaanno Santa Ana, ayaana gacan ka geysanaya in dabku uu ku sii fido meelo cusub oo ka tirsan magaalada Los Angeles iyo agagaarkeeda. Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo dejisay labo muwaadin oo Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Ibraahim Maxamud Cali iyo Sharma’arke Nuur Cabdi Aadan, raggaan ayaa laga soo badbaadiyay Badweynta Hindiya. Markab laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa muwaadiniintaan ka soo badbaadiyay badda, kadib markii ay ciladowday Dooni ay ku kalluumeysanayeen, muddo 24 maalmood ah ayey ku jireen badda, iyadoo Doonta ciladeysan ay hadba dhinac la aadeysay. Safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha oo ka war heshay xaaladda labadaas muwaadin ayaa la xiriirtay Kaptanka Markabkii badbaadiyey muwaadiniintaan, waxaana suurtagashay in gurmad loo fidiyo, iyadoo ugu dambeyntii galabta laga soo dejiyey Muqdisho. Ibraahim iyo Sharma’arke oo ka warbixiyey marxaladihii ay soo mareen ayaa sheegay in markii ay Doontu ka ciladowday ay ka kalluumeysanayeen xeebaha magaalada Muqdisho, dabaysha ayaa laashka u qaaday gudaha Badweynta Hindiya, waxayna ku qaadatay 25 cisho oo cunto iyo biyo aysan helin, sida lagu sheegay warbixinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha. Seddax maalmood ka hor 10-kii bishaan Janaayo 2025 ayaa Shiinaha la geeyey Ibraahim iyo Sharma’arke, maanta 13-ka Janaayo laga soo dejiyey Muqdisho, iyadoo garoonka Aadan Cadde ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.
  17. Garowe (HOL) – Puntland security forces intercepted and destroyed nine explosive-laden drones during ongoing anti-ISIS operations in the Al-Miskat mountains on Monday. Source: Hiiraan Online
  18. A former makeshift outpost of ISIS in Calmiskaad, liberated today by the Puntland Defence Forces. Timirshe (PP News Desk) — Puntland Defence Forces have captured more ISIS hideouts in the Calmiskaad mountain range. ISIS terrorists initially attempted to engage Puntland soldiers but were overrun. Mobile phones, explosives, maps, registers and solar panels were found in several makeshift sheds used by ISIS as outposts. The Puntland Defence Forces shared details of the counterterrorism operations on a Telegram channel with 17,191 subscribers. Graphic photos of fallen ISIS terrorists, which cannot be shared on the X (Twitter) platform, can be viewed in the channel. The Telegraph Channel where updates on the Puntland counterterrorism operations against ISIS are posted. Puntland Defence Forces are pursuing ISIS terrorists who fled the hideouts. “The largest number of ISIS terrorists were killed today by the Puntland Defence Forces,” a senior counterterrorism officer told the media. © Puntland Post, 2025 The post Puntland Defence Forces Capture More ISIS hideouts in Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
  19. Galkayo (HOL) — Authorities in Puntland have arrested Ali Ahmed Ali Shirwa, the accountant believed to have managed finances for the group that hijacked the MV Abdullah, a Bangladeshi cargo ship seized in March 2024. The vessel and its 23 crew members were held hostage for over a month in one of the most high-profile piracy cases in recent years. Source: Hiiraan Online
  20. Addis Ababa (Caasimada Online) – Kadib isku soo dhowaanshaha Soomaaliya iyo Itoobiya iyo heshiiskii Addis Ababa ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa sanad kadib waxaa soo laabatay saaxiibtinimadii labada dhinac. Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in xal rasmi ah laga gaaray arrimihii ka taagnaa qunsuliyada Itoobiya ee Hargeysa oo horey dowladda federaalka u amartay in la xiro. Sidoo kale qunsuliyadda Garoowe, oo xilligii ay sida weyn isku hayeen Soomaaliya iyo Itoobiya uu saameeyay khilaafka ayaa iyaduna si toos ah loo hoos geeyay safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya. Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in haatan wixii ka dambeeya ay qunsuliyadahan si toos ah u hoostagi doonaan safaaradda Itoobiya ee Muqdisho, halka horey ugu madax-banaanayeen howlahooda. Wasiiru-dowlaha wasaaradda, Danjire Cali Balcad oo wareysi siiyay VOA ayaa arrintaan xaqiijiyay, isagoo sheegay in labada dal ay sidoo kale isku afgarteen in Itoobiya qunsulo cusub usoo magacowdo Hargeysa iyo Garoowe. Dhawaan ayey aheyd markii maamulka Puntland uu Garoowe ka sagootiyay qunsulkii Itoobiya u fadhiyay magaaladaasi, kadib markii looga yeeray dalkiisa, loona sheegay inuu soo idlaaday waajibkiisi shaqo. Inkasta oo aysan Itoobiya u hoggaamsamin amarkii hore ee dowladda Soomaaliya ku xirtay labada qunsuliyadood, ayaa haatan waxay Addis Ababa muujineysa dabacsanaan, xilli ay dhinacyada isku soo dhawaanayaan kadib sanad uu khilaaf xooggan ka dhex aloosna.
  21. The Preliminary Agreement between our country and Ethiopia led me to remember the agreements of Europe after World War 2 ‘s unprecedented destruction. An Estimated 40 million people died, including 20 million military deaths and 19-25 million civilian deaths. Economic devastation leads to widespread poverty, famine, and economic collapse in many European countries. Source: Hiiraan Online
  22. Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka Tamarta Sacuudiga, Amiir Cabdulcasiis bin Salmaan ayaa sheegay in boqortooyada ay qorsheyneyso in ay lacag ka sameyso dhammaan macdanaha kala duwan oo ay ku jirto iibinta uranium-ka. “Waan bacramin doonnaa, waana iibin doonnaa, waxaana samayn doonnaa ‘doolshada huruudka ah,” ayuu Amiir Cabdulcasiis ka sheegay shir ka dhacay Dhahran, isagoo tixraacaya budada laga sameeyo macdantaas oo loo isticmaalo in lagu diyaariyo shidaalka uranium-ka ee warshadaha Nukliyeerka. Maadadan ayaa u baahan in si taxaddar leh loo maareeyo inkasta oo ay khatar yar oo shucaac ah leedahay. Sacuudi Carabiya waxay leedahay barnaamij Nukliyeer oo soo koraya oo ay doonayso inay ballaariso si ay ugu dambayn ugu darto hodminta uranium-ka, taas oo ah arrin xasaasi ah marka loo eego doorka ay ku leedahay hubka Nukliyeerka. Riyadh ayaa sheegtay inay doonayso inay isticmaasho tamarta Nukliyeerka si ay u kala duwdo tamarta ay isticmaasho. Lama oga halka ay ku dhammaan doonaan himilooyinka Nukliyeerka ee Sacuudiga, maadaama Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed bin Salmaan uu sheegay 2018 in boqortooyadu ay samayn doonto hub Nukliyeer haddii Iran oo ay gobolka ku xafiiltamaan ay sidaas samayso. Imaaraadka Carabta, oo ay ka wada tirsan yihiin Khaliijk,a ayaa ah dalkii ugu horreeyey ee Carab ah ee yeesha warshad tamarta Nukliyeerka ah. Imaaraadku wuxuu ballan-qaaday inuusan bacramin doonin uranium-ka, oo uusan dib u farsamayn doonin shidaalka la isticmaalay. Boqortooyada ayaa sheegtay sannadkii hore inay qorsheyneyso inay meesha ka saarto kormeerka fudud ee ay hay’adda Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay ku hayso xarumaha Nukliyeerka, ayna u wareegto kormeer caadi ah dabayaaqada 2024-ka. Riyadh weli ma shidin warshadeedii ugu horreysay ee Nukliyeerka, taas oo qasbeysa in barnaamijkeeda la kormeero iyadoo la raacayo hab-raaca SQP, oo ah heshiis ay la gashay Wakaaladda Tamarta Atomiga ee Caalamiga ah (IAEA) oo dalalka aan sidaa u horumarsanayn ka reebaya waajibaadyo badan oo warbixin iyo kormeer ah.
  23. Puntland ayaa sheegay in dagaal culus dhexmaray ciidameeda Difaaca maamulkaas iyo ururka Daacish lagu diley in ka badan 20 ruux oo ay ku jiraan ajaaniib caddaan ah, iyo xubno kale oo kooxdaas ka tirsanaa. Dagaalkan oo ahaa mid u culus ayaa ka dhacay togga lagu magacaabo Dhabancad oo qiyaastii 13 km u jira magaalada Balidhidhin ee gobolka Bari. Afhayeenka ciidamada Puntland, Gen.Maxamed Axmed oo la hadlay laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in dagaalka lagu diley labaataneeyo ka tirsan Daacish oo ay ku jiraan ajaaniib, afar kamid ahi ay ahaayeen caddaan, iyo haweeney ku hadleysay afka Amxaarada ee Itoobiya, sida uu hadalka u dhigay. Dagaallada u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Kooxda Daacish ayaa dib u laba kacleeyey laba toddobaad ka hor markii ay Puntland shaacisay guluf ay ku qaadayso buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ah fariisinka ugu weyn ee Daacishta Soomaaliya ku sugan. Source: goobjoog.com
  24. Boosaaso (Caasimada Online) – Dagaal xooggan ayaa maanta markale ka dhacay gudaha maamulka Puntland, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada maamulka iyo ururka Daacish. Maamulka Puntland ayaa sheegay in dagaalkan ay ku dileen in ka badan 20 qof oo ka tirsan maleeshiyadda Daacish. Dagaalkan ayaa ka dhacay togga Dhabancad oo qiyaastii 13 km u jira degmada Balidhidhin ee gobolka Bari, wuxuuna billowday abaare sideedii subaxnimo, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Puntland, Afhayeenka ciidamada Puntland Jeneral Maxamed Maxamuud Axmed. Dagaalkaan ayaa la sheegayaa inuu ku bilowday qarax, hoobiyaal iyo diyaarado Drones ah oo lala beegsaday ciidamadda Puntland. Afhayeenka oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in dadka dagaalka lagu dilay oo kor u dhaafay 20 ay ku jiraan ajaanib, halka afar kamid ah ay ahaayeen caddaan iyo haweeney ku hadleysay afka Amxaarada ee Itoobiya, sida uu hadalka u dhigay. “Dhankayaga waxaa nooga dhintay laba askari, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii gaarigooda qarax lala eegtay,” ayuu yiri afhayeenka oo xaqiijiyay khasaaraha soo gaaray dhankooda. Waxa uu intaas ku daray in Daacish ay adeegsadeen diyaarado yaryar oo drone ah, oo walxo qarxa ay kusoo xireen, kuwaas oo uu sheegay in la soo riday. Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay la wareegeen fadhiisinkii kooxda Daacish. Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaan weli ka hadlin dagaalka. Dagaallada u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Daacish ayaa dib u laba kacleeyey laba toddobaad kahor markii ay Puntland shaacisay in ay weerari doonto kooxaha argigixisada, balse kadib ay Daacish weerar toos ah oo isugu jira qaraxyo iyo dagaal ku soo qaadeen qayb ka mid ah ciidamadii ku sugnaa buuraha degaanka Dharjaale. Kooxda Daacish ee Soomaaliya oo muddo aheyd laan yar oo ka tirsan kooxda caalamiga ah ee Daacish ama isugu yeerta khilaafadda Islaamiga ah ayaa sanadihii ugu dambeeyey yeelatay muhiimad iyo saameyn.
  25. Wareegto Madaxweyne. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 13/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-029 /012025 uu ku magacaabay masuuliyiin cusub. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markii aan arkay: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda; Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ay u leeyihiin u adeegidda dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhismaha Qaranka; Markii aan ku qancay: In ay hanan karaan mas’uuliyadaha ka dhalanaya xilalkan hoos ku xusan; Markii aan sameeyey: La-tashi; Waxa aan go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo mas’uuliyiinta hoos ku xusan: 1.Maxamed Cali Maxamuud Shabeel Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Amniga ee Jamhuuriyadda Somaliland. 2. Cabdisalaan Maxamuud Ducaale Cumar (Ilkacase) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaainta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland. 3. Maxamed Cabdiraxmaan Xasan Rooble Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. 4. Liibaan Maxamuud Diiriye Waaberi gaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland. 5. Aadan Cabdillaahi Cabdalle Nuur Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland. 6. Saleebaan Ibraahin Maxamuud Xasan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland. 7. Cali Cige Maxamuud Dubad Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland. 8. Mukhtaar Cabdi Jaamac Baaxo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani-aadamnimada ee Jamhuuriyadda Somaliland. 9. Eng Maxamuud Xuseen Aadan Jabaake Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland. 10. Maxamed Siciiid Maxamuud Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH _____________________________________________ Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Qaran News